Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho ( Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo Hotel Elite ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo in weli halkaas ay ka socoto rasaas culus oo ay is dhaafsanayaan Ciidamada Dowladda iyo kooxihii weerarka soo qaaday. Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay toogtaan laba kamid ah kooxihii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday. Wararka ayaa sheegayo in laba kale oo ka tirsan Al-Shabaab ay weli ku jiraan qeybta sare ee Hotel Elite halkaas oo ay kasoo ridayaan rasaas iyo waxyaabaha qarxo. Ciidamada Dowladda ayaa ku howlan sidii ay usoo badbaadin lahaayeen dadka ku jiro gudaha Hotelka oo isugu jiro kuwa Shacab ah iyo Shaqaale ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Dadka dagan agagaarka Xeebta Liido ayaa sheegayo inay maqlayaan rasaas culus oo u muuqato inay tahay mid ay is dhaafsanayaan Ciidamada Dowladda iyo kooxdii hubeysneyd ee weerarka soo qaaday. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarka, waxayna sheegtay inay Hotel ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Dowladda markii uu weerarka bilaabanayey. Inta la xaqiijiyey ku dhawaaad 17 qof ayaa ku geeriyoodeen weerarkaas ay Al-Shabaab sheegatay oo lagu qaaday Hotel Elite. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ku dhowaad 30 ruux, walina waxaa gudaha hoteelka ka socda rasaas ay is dhaafsanayaan kooxihii weerarka soo qaaday iyo ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.
  2. Shirkii Labaad ee Dhuusamareeb waxyar kadib Madaxweyne Farmaajo wuxuu Ku xafgudbay waxyaabihii uu kala heshiiyey Madaxda Maamul Goboleedyada, Sabtidii ayuu Madaxweynuhu wuxuu Khudbad ka jeediyey [...] The post Breaking— Madaxweyne Deni oo kulan uu kala tashanayo Shirka Dhuusamareeb kula jira Karaash iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka appeared first on . Source
  3. Muqdisho (Caasimaddaa Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah Golaha Shacabka isla markaasna ah Milkiilaha Hotel Elite ee Maanta la weeraray ayaa sheegay inuu ka badbaaday weerarkaas. Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay inuu ku sugnaa gudaha Hotelka markii uu weerarka dhacayey isla markaasna uu ka badbaaday. Milkiilaha Hotelka ayaa xaqiijiyey inuu weerarkaas ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac inkastoo uusan sheegin tirada dhimashada iyo dhaawaca. “Dhammaan allah ha un naxariisto inti ku dhimatay weerarki galabta ay argagaxisadu ku soo qaaday shacab soomaaliyeed gaar ahaan Hotel Elite oo aan xilligaas ku sugnaa inta dhaawaca ahna allah bogsiiyo, waana caafimaad dhamaan ehel iyo asaxaaba” ayuu yiri Xildhibaanka. Inta la xaqiijiyey ku dhawaaad 17 qof ayaa ku geeriyoodeen weerarkaas ay Al-Shabaab sheegatay oo lagu qaaday Hotel Elite. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ku dhowaad 30 ruux, walina waxaa gudaha hoteelka ka socda rasaas ay is dhaafsanayaan kooxihii weerarka soo qaaday iyo ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.
  4. Muqdisho (Caasimaddaa Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarkii qaraxa ku bilowday ee lagu qaaday Hotel Elite ee ku yaalo Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay fulisay weerarkaas isla markaasna ay u suurtagashay inay gudaha u galaan Hotel Elite oo ah Hotel si casri ah loo dhisay. ” Al-Shabaaa ayaa camaliyad inqimaasi ah ku qaaday Hoteel uu leeyahay xildhibaan ka tirsan Dowladda oo ku yaal degmada C/Caziiz ee magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab. Al-Shabaab waxay sheegtay in marka ay Hotel weerarayeen ay ku sugnaayeen saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda sida ay kooxda sheegatay. Inta la xaqiijiyey ku dhawaaad 17 qof ayaa ku geeriyoodeen weerarkaas ay Al-Shabaab sheegatay oo lagu qaaday Hotel Elite. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ku dhowaad 30 ruux, walina waxaa gudaha hoteelka ka socda rasaas ay is dhaafsanayaan kooxihii weerarka soo qaaday iyo ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya. Dadka weerarkaan ku dhintay ayaa waxaa kamid ah Agaasimihii Xiriirka Goboladda ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cabdullaahi Cabdi iyo Daahir Cali oo ka tirsanaa howl-wadeennada Wasaaradda Gaashaandhiga XFS Sidoo kale waxaa dadka ku dhaawacmay kamid ah wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug Axmed Washiton, Sawirqaade Maxamad Caraaye Foorno oo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ka tirsan iyo Fanaanad Faiza Beela oo ka tirsan Kooxda Heegan.
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Inta la xaqiijiyey ku dhawaaad 17 qof ayaa ku geeriyoodeen weerar ku bilowday qarax oo ka dhacay hotelka Elite ee ku yaala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ku dhowaad 30 ruux, walina waxaa gudaha hoteelka ka socda rasaas ay is dhaafsanayaan kooxihii weerarka soo qaaday iyo ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya. Ciidamada Dowladda ayaa wado isku day ku aadan sidii ay u soo badbaadin lahaayeen dadka ku jira gudaha Hotelka. Shaqaaaha caafimaadka ayaa sheegay inay daad gureeyeen ilaa haatan 27 qof oo dhawaaca ah. Dadka weerarkaan ku dhintay ayaa waxaa kamid ah Agaasimihii Xiriirka Goboladda ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cabdullaahi Cabdi iyo Daahir Cali oo ka tirsanaa howl-wadeennada Wasaaradda Gaashaandhiga XFS Sidoo kale waxaa dadka ku dhaawacmay kamid ah wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug Axmed Washiton, Sawirqaade Maxamad Caraaye Foorno oo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ka tirsan iyo Fanaanad Faiza Beela oo ka tirsan Kooxda Heegan. Nawaaxiga xeebta Liido ayaa ah meelaha ay sida badan u aadaan dadka rayidka ah iyo shaqaalaha dawladda.
  6. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Habeen-16082020.mp3 View the full article
  7. Qarax iyo weerar toos ah ayaa lagu qaaday hotelka Dolphin oo ku dhagan Elite Hotel, xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Gaari walxaha qarax laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray hotelka, kadibna rag hubaysan ayaa gudaha u galay. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in weerarkaas uu ka dhashay khasaare farabadan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, war lagu kalsoonaan karo oo heshay Puntland Post ayaa xaqiijiyay in dhimashadu ay ka badan tahay 20 ruux, halka dhaawacuna uu gaarayo 40 qof. Dadka weerarkaas ku dhintay waxaa ka mid ah agaasimihii xiriirka gobollada ee wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdisaaq Cabdi iyo sawir qaade ka tirsan Telefishinka Qaranka Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamad Foorno. Isbitaalada magaalada Muqdisho ayaa loo kala daabulay intoodii badnayd dadkii dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkaas. Hotelka weli waxaa laga maqlayaa rasaas xoogan, waxaana ku go’doonsan mas’uuliyiin iyo dad shacab ah, halka dad badana laga soo badbaadiyay. Ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgal kawada hotelka la weeraray. Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa, halka aysan weli ka hadlin dowladda Soomaaliya. Wixii soò kordha dib kala soco PUNTLAND POST The post Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxa Liido appeared first on Puntland Post.
  8. Beled-Xaawo (Caasimaddaa Online) – Wararka naga soo gaarayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Sii haya Xilka Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cadbulaahi Goodax Barre uu ka badbaaday qarax lala eegtay. Wasiir Goodax Barre iyo wafdi la socdo ayaa qaraxa oo ahaa nooca dhulka lagu aaso lagula eegtay inta u dhaxeyso Beled-Xaawo iyo Doolow gaar ahaan deegaanka Uunsi ee Gobolka Gedo. Wararka ayaa sheegayo inuu wasiirka ka badbaaday isku daygaas lagu doonayey in lagu dilo, wuxuuna qaraxa haleelay mid kamid ah gawaaridii la socday. Wasiir Goodax Barre ayaa hadda si nad ah ku tagay Degmada Doolow. Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegayo in qaraxaas ay ku dhaawacmeen laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu kala magacaabo Maxamuud Cali magan iyo Cabdicasiis Dhaga-qool. Dhaawacyadaa labadaan Xildhibaan ayaa lagu soo qaaday diyaarad, waxaana la filayaa in saacadaha soo socdo la keeno Magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin weerarkaas lagu qaaday kolonyada uu socday Wasiirka Waxbarashada sidoo kalana ma jirto weli koox sheegatay inkastoo weerarada noocaan oo kale ah looga bartay kooxda Al-Shabaab. Wasiir Goodax Barre iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Gobolka Gedo, wuxuuna ujeekooda yahay inay dhagax dhigaan goobo waxbarasho oo ku yaalo deegaanada Gobolka Gedo oo qeyb-ka ah mashruuca hormarinta dugsiyada waxbarshada dalka.
  9. Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa qarax galinkii dambe ee maanta ka dhacay hotelka Elite ee ku yaalla agaarka xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, waxaana soo baxayo khasaare ka dhashay qaraxa. Kooxo hubeysnaa ayaa hotelka gudaha u galay kadib markii afafaafka hore lagu dhuftay gaari siday walxa qarxa, waxaana xigtay rasaas xoogan oo ay isweysnaa iyo ciidamadii ilaalada ka haayey Elite hotel iyo qolyihii gudaha galay Waxaa warar kale duwan laga helayaa dadkii wax ku noqday qaraxa, waxaana kamid ahaa aagaasime ka tirsanaa wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdirisaaq Cabdullaahi Cabdi sida oo ahaa agaasimihii xiiriirka gobolada sida bartiisa Facebook uu ku xaqiijiyey agaasimaha qorsheynta ee wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Axmed. Sidoo kale dadkii wax ku noqday qaraxa waaa kamida wasiirkii howlaha guud ee maamulka Galmudug Axmed Washiton uu dhaawac culus soo gaaray iyo sawirqaade ka tiranaa Telefeshinka qaranka Maxamad Caraaye Foorno , waxaana sidoo kale jira khasaare soo gaaray dad shacab ah oo weli aan si dhab ah loo ogeyn. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. MOGADISHU (HOL) - At least 28 people have been injured and unconfirmed number killed in a terrorist attack at a hotel in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  11. Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay qarax gaari loo adeegsaday iyo weerar toos ah oo gelinkii dambe ee maanta lagu qaaday afaafka hore ee hotelka Elite ee magaalada Muqdisho, kaas oo ku yaalla Xeebta Liido. Qaraxa ayaa lagu soo waramayaa in uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray dad shacab ah iyo mas’uuliyiin intaba. Dadka dhintay waxaa kamid ah agaasimihii waaxda xiriirka gobollada ee wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ,Marxuum Cabdirisaaq cabdullaahi Cabdi. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka tacsiyadeeyey geerida agaasimihii xiriirka gobolada ee wasaaradda Cabdirisaaq Cabdullaahi Cabdi oo ku dhintay weerarkaasi. Sidoo kale dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug Axmed Washiton, Sawirqaade Maxamad Caraaye Foorno oo kavtirsan Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed iyo Fanaanad Faiza Beela oo ka mid ah Kooxda Heegan. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana goobta ka socda howl-gal lagu soo afjarayo weerarka. View the full article
  12. Agaasimaha warbaahinta ee Villa Somalia Cabdinuur Maxamed ayaa qoraal uu goordhow soo dhigay bartiisa Faceboogga waxaa uu inkiray sharciyadda uu dastuurka KMG ah siinayo golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah, shaqadooda dastuuriga ah iyo dhammaan waxqabadkooda. Cabdinuur oo ka jawaabayey hadalkii guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi ee ahaa in madaxweyne Farmaajo khudbadiisa golaha shacabka dhexdeeda uu si layaab leh ugu xadgudbay dastuurka dalka ayaa isna laalay sharciyadda golaha isaga oo su’aal ka keenay cidda ay matalaan taasi oo ka hor imaaneysa qodobbo dastuurka ku jira. Hadalkan afhayeenka Farmaajo ayaa laalaya Qodobka 61-aad ee tirsigiisa 3-aad iyo 71-aad ee dastuurka KMG ah oo qeexaya in aqalka sare uu matalo danaha dawlad goboleedyada iyo inuu yahay ilaaliyaha nidaamka federaalka ah. Aqalka sare ayaa ninka uu u shaqeeyo Cabdunuur ku eedeeyey in aanu akhrin dastuurka KMG ah, ogeyn in baarlamaanka federaalka ah uu labo aqal yahay, soona doorteen, loona baahan yahay in arrin kasta uu labadooda ula laabto. Aqalka sare oo ka duulaya matalaadda uu sharciyan matalo danaha dowlad goboleedyada, kana eegaya xeer walba dhankaas ayaa waxaa uu ilaa iyo hadda meelmariyey 21 sharci oo ah kuwa kasoo gudbay golaha shacabka. ee baarlamaanka federaalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Weerar ku bilowday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa lagu qaaday Hoteelka Caanka ah ee Elite oo ku yaalla xeebta Liido ee Muqdisho, islamarkaana ka mid ah Hoteellada sida casriga ah loo dhisay. Kooxo hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabab ayaa gudaha u galay Hotel Elite kadib qarax xooggan oo lala eegtay Hotelka. Rasaas culus oo ay is dhaafsanayaan ciidamada Dowladda iyo Kooxihii weerarka soo qaaday ayaa laga dhex maqlayaa Hotelka. Weerarkaas ku bilowday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur Hanti, inkastoo aan weli tiro koob rasmi ah la helin. Dadka weerarkaan ku dhintay ayaa waxaa kamid ah Agaasimihii Xiriirka Goboladda ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cabdullaahi Cabdi sida bartiisa Facebook uu ku xaqiijiyey Agaasimaha qorsheynta ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Axmed. Sidoo kale waxaa dadka ku dhaawacmay kamid ah wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug Axmed Washiton, Sawirqaade Maxamad Caraaye Foorno oo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ka tirsan iyo Fanaanad Faiza Beela oo ka tirsan Kooxda Heegan. Hotel Elite ayaa ah Hotel dhawaan laga furay Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho, waana Hotel ay inta badan ku sugan yihiin xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Weli ma jirto koox sheegatay weerarkaan, sidoo kalana saraakiisha Dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin. Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online
  14. Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ku bilowday qarax gaari laga soo buuxiyey oo galabta ka dhacay afaafka hore ee hotelka Elite oo ku yaalla xeebta Liido, degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in rag hubeysan ay gudaha u galeen hotelka, kuwaas oo la dagaalamaya ciidamada amniga, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in xilliga uu dhacayey qaraxa iyo weerarka tooska ah ay dad badan ku sugnaayeen gudaha hotelka Elite. Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, balse weli ma cadda inta uu gaarsiisan yahay. Xaaladda ayaa hadda aad u cakiran, waxaana goobta isku geedaamay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya. View the full article
  15. Warsaxaafadeedkaan hoose wuxuu kasoo Bazar Aqalka Sare, Waxaana lagu sheegey in Madaxweynuhu uu Jabiyey qodobo Dastuuri ah maalintii sabtida. Laakiin ma aha markii u horaysay [...] The post Akhriso Warsaxaafadeed Aqalka Sare “Madaxweynuhu Dastuurkuu jabiyey” appeared first on . Source
  16. MOGADISHU (HOL) - A vehicle loaded with explosives has rammed into the entrance of Elite Hotel in Mogadishu’s Liddo Beach. Source: Hiiraan Online
  17. Wararka ka imaanaya xeebta Xamar ayaa sheegaya in goordhow uu qarax ka dhacay halkaasi, kadibna laga maqlay rasaas dhinacyo badan ka dhaceysa. Wararka ayaa intaas ku daraya in rasaasta ay ka dhex dhaceyso Elite Hotel oo ah mid cusub oo dhowaan laga furay halaasi. Lama oga khasaaraha dhabta ee ka dhashay, laakin ciidamo ayaa goobta gaaray, waxaana socda dagaal labada dhinac ah. Wixii soo kordha kala soco halkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. A huge car bomb explosion was heard on Sunday afternoon at Elite hotel in Mogadishu, the Somali capital, witnesses and police said. The blast was followed by heavy gunfire from inside with security forces trying to maintain control of the hotel, which is located on the busy Liid beach in the capital. The details of the casualties are yet sketchy. More soon. View the full article
  19. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhoweyd ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho Qaraxa oo ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay afaafka ee hoteelka Elite oo ku yaalla xeebta Liido, degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inuu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay qaraxaasi, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soonaaliya. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana meesha uu qaraxa ka dhacay laga maqlayaa rasaas. Faah faahinta kala soco:- radioshabelle.com. View the full article
  20. Degdeg: Qarax xoog leh oo ka dhacay xeebta Liido ee Muqdisho Qarax xoog leh ayaa goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimaddd Soomaaliya. Qaraxa oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan Muqdisho ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhacay Xeebto Liido ee Magaalada Muqdisho. Qaraxa oo qiiciisa iyo uuradiisa laga arkay meelo ka fogfog Xeebto Liido ayaa kadib waxaa bilaabatay rasaas culus oo aan la ogeyn cidda rideyso. Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in Qaraxa uu ka dhacay Iridda hore ee hoteelka Elite oo ku yaalla xeebta , iyadoo ay suurtagal tahay in kooxo hubeysan ay weerarka qeyb ka yihiin. Qaran News
  21. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa halkaas waxaa si weyn ugu soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug gaar ahaan madaxweyne ku-xigeenka Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug. Duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa magaalada Dhuusamareeb kaga qeyb galaya shirka wadatashiga hannaanka doorashada ee u dhaxeeya DFS iyo maamul Goboleedyada. Magaalada ayaa waxaa ku sugan Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed iyo Madaxweynaha martida loo yahay ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor”, kuwaasoo shalay gelinkii dambe illaa xalay shirar gaar gaar yeelanayay. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Qarax xoog leh ayaa goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimaddd Soomaaliya. Qaraxa oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan Muqdisho ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhacay Xeebto Liido ee Magaalada Muqdisho. Qaraxa oo qiiciisa iyo uuradiisa laga arkay meelo ka fogfog Xeebto Liido ayaa kadib waxaa bilaabatay rasaas culus oo aan la ogeyn cidda rideyso. Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in Qaraxa uu ka dhacay Iridda hore ee hoteelka Elite oo ku yaalla xeebta , iyadoo ay suurtagal tahay in kooxo hubeysan ay weerarka qeyb ka yihiin. Wixii ku soo kordha kala soco Caasimaddd Online
  23. Somali security forces on Saturday evening killed four al-Shabab militants in a fierce fight in Burdhubo town in the southern region of Gedo, an official confirmed on Sunday. Abdul Rahman Abdullahi Ali, deputy governor of Burdhubo town in charge of security, told journalists that al-Shabab fighters attacked a base run by government forces in the town, but the army repulsed and pushed them back. “The militants sneaked through farmlands in the town and ambushed our forces, but we fought them back bravely, killing four of them,” Ali said. He added that the situation returned normal and the forces are continuing with operations to secure the safety of the town. The latest clash came barely three days after Somali National Army killed 16 al-Shabab militants and injured 20 others in a fierce fight in BaadWeyn town in the central region of Mudug. The government forces have recently stepped up operations against al-Shabab extremists in central and southern regions, but the militants are still hiding in the rural areas of those regions conducting ambushes and planting land mines. View the full article
  24. Kenyan Journalist Yassin Juma is due to appear in court on August 18, his first session after he contracted Covid-19 at prison in Ethiopia. Source: Hiiraan Online