-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaa hakad la giliyay tartankii kubadda cagta ee ka socday Garoonka Laqanyo Stadium kaasi oo aay qabsoomiddiisa iska kaashanayeen Ururka kubadda cagta degmada Beledweyne oo kaashanaya kan gobolka Hiiraan,loona qabtay 8-naadi oo heerka koobaad ah. War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha Ururka kubadda cagta degmada Beledweyne Cabdicasiis Axmed Cadoow (Jaaburi) ayaa lagu war giliyay dhammaan kooxaha tartanka ka qeyb galaya iyo taageerayaasha in maanta wax kulan ah aaysan jirin. Sababka tartanka loo hakiyay ayaa lagu sheegay in aay tahay in is araga kobaad ee heerka group-yada uu soo dhammaaday,isku aadka is araga wareegyada labaad iyo Seddaxaad ayaa goordhaw la meyndoonaa waxaa tartanka dib loo amba qaadi doono berri oo Talaada ah. Sidoo Kale halkan Ka Aqriso Furitaanka Tartanka Kubbadda Cagta Baladweyne Tartan Kubbadda Cagta Ah Oo Loo Furay Kooxaha Magaalada Baladweyne W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxa si adag loogu cambaareeyay weerarkii xooganaa ee shalay ka dhacay xeebta Liido, gaar ahaan hotelka Elite ee magaalada Muqdisho. Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay aad uga xun tahay weerarkaas oo ay ku dhinteen dad badan oo isugu jiray shacab iyo mas’uuliyiin. Sidoo kale QM ayaa Tacsi u dirtay qoysaskii iyo ehelladii ay dadkooda ku geeriyoodeen weerarkaasi. “Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad u adag u cambaaraynaysaa weerarkii lagu qaaday Hotel Elite ee Magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku naf waayeen kuna dhaawacmeen dad aad u badan. Qarmada Midoobay waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoysaskii iyo ehelkii dadka dhibaatadu soo gaartay.” ayaa lagu yiri Qoraalka QM. Dhanka kale Turkiga ayaa si ka hadlay weerarkan, isaga oo si kulul u cambaaraayey,kadib warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi. Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumadda Ankara ay si xooggan u dhaleeceyneyso weerarka lagu qaaday hotelka Elite ee magaalada Muqdisho. Ugu dambeyn dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay tacsi tiiraanyo leh u direyso dowladda Soomaaliya iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, waxana ay naxariista Alle u rajeysay dadkii ku geeriyooday qaraxa, kuwa ku dhaawacmayna inuu siiyo caafimaad deg-deg ah. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Duhur.mp3 View the full article
-
Taiwan ayaa maanta si rasmiya xafiiska Dublumaasiyadeed uga furatay Hargeysa. Munaasabadda waxa goob joog ka wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo marti sharaf kale. Sidoo kale wasiirka arrimaha Dibadda Taiwan ayaa dhinaca Online ka kaga qayb-galay Xaflada Furitaanka Xafiiskaa Cusub. Qaran News
-
Sheekh Shariif oo digniin culus u diray Madaxweyne Farmaajo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, isaga oo eedeyn kulul u jeediyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sheekh Shariif waxaa uu sheegay in madaxda Dowladda qorshaha ugu jirin inay qabtaan doorasho sidoo kalena aysan daacad ka aheyn heshiis laga gaaro xasaradda siyaasadeed ee u dhaxeysa iyaga iyo dowlad goboleedyada. Sheekh Shariif ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin in aayaha dalka u afduubnaado shakhsiyaad rabo inay kursiga kusii fadhiyaan. Ugu dambeyn Sheekh Shariif waxaa uu uga digay Guddoonka Golaha Shacabka inay ka fiirsadaan tallaabooyinka aan dastuuriga aheyn ee ay ku dhaqmayaan, iyadoo ujeedka yahay in xil kordhin ay u xallaaleeyaan Madaxtooyada. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka Sheekh Shariif oo dhameystiran Waxaan aaminsanahay in madaxda dowladdu aysan daacad ka ahayn heshiis laga gaaro xasaradda siyaasadeed ee u dhaxeysa iyaga iyo dowlad goboleedyada, sidoo kalena aysanba qorshaha ugu jirin qabashada doorasho heshiis lagu yahay. Xaqiiqdii dalkaan waxaan ka keennay meel aad u adag, sidaa darteed marna ma oggolaan karno in aayaha iyo masiirka ummaddu u afduubnaado ashkhaas kursiga inay sii joogaan kaliya raba. Waxaan ka digeynaa dhibaato noo muuqata oo madaxda wakhtiga uu kasii dhammaanayo ay ismoodsiinayaan, waxaana caddeyneynaa in aan marnaba laga aqbali doonin in maalin ay kursiga sharci darro kusii joogaan. Sidoo kale waxaan uga digeynaa guddoonka Golaha Shacabka inay ka fiirsadaan tallaabooyinka aan dastuuriga ahayn ee ay ku dhaqmayaan, iyadoo ujeedku yahay in xil-kordhin ay u xalaaleeyaan madaxtooyada. -
Somaliland oo war Cusub ka soo saartay heshiiska Imaaraadka & Israel Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cumar Cawil ayaa shaaciyey in Somaliland ay soo dhoweynayso Heshiiska cusub ee dhex-maray UAE & Israel. Baashe ayaa sheegay in Somaliland oo jecel nabadda ay si buuxda u taageereyso heshiiskaa “Annagoo ah dad jecel nabada waxaan taageersanahay heshiiskii taariikhiga ah ee dhexmarey Isutaga Imaaraatka carabta iyo Israa’iil taas oo lagu bedelay qaadashada isukeeninta miiska (la joojiyo codsiyada madaxbanaanida aagagga Daanta Galbeed). Heshiiska ayaa tusaale wanaagsan u ah isbahaysiga ka dhexeeya waddamada gobolka ee daneynaya xasilloonida gobolka iyo iskaashiga.”ayuu yidhi Baashe Cumar Halkan ka Akhri warkaas oo Faahfaahsan:- https://t.co/Rf7hrKiZgU — Bashe Omar (@BasheOmar) August 14, 2020 Qaran News
-
Mas’uuliyiin badan oo heer dowlad goboleed, heer axsaab ama aqoonyahan intaba waa ka falceliyeen khubaddii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ka jeediyey golaha shacabka iyaga oo ka muujiyey niyad jab, waxaa ayna shaki weyn geliyeen natiijada uu Farmaajo kala soo noqon doono Dhuusamareeb 3 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa noqday mas’uulkii ugu dambeeyey ee kahor yimid qaabka uu wax u wado madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isaga oo sheegay inuusan daacad ka aheyn in heshiis lagu gaaro Dhuusamareeb. Qoraal uu soo dhigay bartiisa ayuu Sheekh Shariif ku yiri “ Waxaan aaminsanahay in madaxda dowladdu aysan daacad ka ahayn heshiis laga gaaro xasaradda siyaasadeed ee u dhaxeysa iyaga iyo dowlad goboleedyada, sidoo kalena aysanba qorshaha ugu jirin qabashada doorasho heshiis lagu yahay. Madaxweyne Shariif oo sii hadlaya “Xaqiiqdii dalkaan waxaan ka keennay meel aad u adag, sidaa darteed marna ma oggolaan karno in aayaha iyo masiirka ummaddu u afduubnaado ashkhaas kursiga inay sii joogaan kaliya raba. Isaga ka digay “Waxaan ka digeynaa dhibaato noo muuqata oo madaxda wakhtiga uu kasii dhammaanayo ay ismoodsiinayaan, waxaana caddeyneynaa in aan marnaba laga aqbali doonin in maalin ay kursiga sharci darro kusii joogaan. Sidoo kale waxaan uga digeynaa guddoonka Golaha Shacabka inay ka fiirsadaan tallaabooyinka aan dastuuriga ahayn ee ay ku dhaqmayaan, iyadoo ujeedku yahay in xil-kordhin ay u xalaaleeyaan madaxtooyada. Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo shir jaraa’id qabtay axadii kadib safar uu uga yimid Djibouti ayaa yiri “Khudabadda madaxweynaha uu shalay akhriyey uu ku bayaaniyey hadallo badan iyadana waxaa ay u baahantahay in si taxadar leh loo eego. Dabcan innaga waxaan aaminsaneyn in marxaladihii hey’adaha sharcigu ay gabaabsi yihiin, waddadii saxda aheyd ee sharciga aheydna la gaari waayey qof iyo cod Puntland ma diidana, qof Soomaali ahna ma diidi karo, maxaa yeelay dastuurka ayey ku qorantahay,laakin waxaa qof walba qiraayey muddo xileedka harsan iyo baahida loo qabo in qof iyo cod la gaaro in gaaro, taana waxaa cadeeyey guddoomiyihii doorashada oo si cad u sheegtay in muddada harsan aysan ku qaban karin, haddii wadada sharciga ay xiranto waxaa dabiici ah oo soo jireen ilaa 2000 in xal siyaasadeed la aado”. Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa oo ka hadlay khudabaddii Farmaajo ee golaha shacabka ayaa waxaa uu sheegay in aaney suurogal aheyn inuu ku celiyo wixii Dhuusamareeb lagu heshiiyo waxaa uuna yiri “Madaxweyne Farmajo wuxuu Golaha shacabka ka horsheegay inuu wixii Dhuusamareeb lagu gaaro uu iyaga kusoo celinayo oo ay ereyga ugu dameeya ee doorashada iyagu leeyihiin. Tani marna maaha inay suurtogasho. “Wixii Dhuusamareeb lagu gaaro waa inay ku ekaadaan Dhuusamareeb.” Heshiis siyaasadeed boos ugama bannaana gole shacab oo waqtigoodii dhacay. Doorasho dadban oo heshiis lagu yahay keli ah ayaa maanta suurtogal ah. Golaha shacabku dib ha ugu noqdaan goboladooda oo kalsooni cusub ha weydiistaan”. Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isna khudbadda Farmaajo ka yiri “Farmaajo shirka Dhuusmarreeb inta uusan furmin ayuu irdaha u soo xiray, cid walbana way ogtahay in Golaha Shacabka uusan yeeli doonin waxaan muddo kororsi ahayn. Haddaba sida keli ah ee heshiis looga gaari karo doorasho la isla ogol yahay, xiligeedana ku dhacda, waa in la helo Xukuumad la aamino iyo dammaanad qaad caalami ah oo la isku haleyn karo”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The government, citizens, and the international community should act now to prevent the promise of a new Ethiopia from slipping away. As academics, practitioners, former diplomats, and advocates closely following Ethiopia, we are deeply concerned by growing unrest and instability following the killing of Haacaaluu Hundeessaa, a prominent Oromo musician who was gunned down on June 29 and whose death sparked a week of violence. We are equally concerned by the international community’s relative silence in response to this upheaval. We are alarmed that the Ethiopian government has renewed restrictions on individual rights. The government’s use of repressive tools in its latest crackdown—including arbitrarily arresting citizens and shutting down the internet—echoes tactics employed by previous Ethiopian leaders and directly threatens the progress made over the last two years. Respect for the rule of law is an obligation of the government as well as of citizens and should never be used as a justification to stifle freedom of expression or undermine pluralism. Freedom House: The government, citizens, and the international community should act now to prevent the promise of a new Ethiopia from slipping away. We are also concerned by the polarizing narratives and threats of violence endorsed by some members of the opposition, and even certain parts of the diaspora. While there are many issues that risk undermining Ethiopia’s transition, we are especially troubled by the increasing frequency and intensity of interethnic and religious violence. We urge the Ethiopian government to thoroughly investigate Hundeessaa’s assassination, to release on bail prominent opposition leaders arrested in connection with recent unrest, and to ensure they have fair, speedy, and transparent trials. We urge the Ethiopian federal government, the regional state governments, opposition leaders, and political actors across the country and diaspora to temper their divisive rhetoric and enter into dialogue in order to reach a new national consensus on the country’s reform agenda, including a mutually agreed roadmap for elections, that specifies the conditions and a timeline under which national and state elections can take place. As a key donor and longtime ally, the United States must play a more active and vocal role encouraging an intra-Ethiopian dialogue while also ensuring better coordination and coherence across all US governmental agencies. Similarly, the United States must take a more balanced position and adhere to a “do no harm” principle as negotiations between Ethiopia, Egypt, and Sudan over the filling of the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) continue. It is imperative to try and move all parties toward a mutually acceptable agreement. Any threats to withhold development assistance to Ethiopia are likely to be counterproductive, deepening the view in Ethiopia that the United States is not impartial in the negotiations, harming US-Ethiopia bilateral relations, and threatening to undermine Ethiopia’s already fragile transition. Any durable diplomatic settlement for the GERD requires a renewed international commitment to support economic development throughout northeast Africa. Finally, as US companies deepen their presence in the Ethiopian market and new firms consider entering, we urge the private sector to support Ethiopia’s peaceful democratic transition and individual rights, and to raise concerns about how increasing unrest and instability as well as prolonged blocking of electronic communications and the internet, could impact their investments and the country’s economic growth. Ethiopia’s path to a more stable, free, and democratic future is increasingly at risk. It is incumbent on the country’s government, its citizens, and its friends in the international community to act now to prevent the promise of a new Ethiopia from slipping away. Yoseph Badwaza, Freedom House Mark Bellamy, Center for Strategic and International Studies, former US Ambassador to Kenya Lauren Carruth, American University Desiree Cormier Smith, Open Society-US Judd Devermont, Center for Strategic and International Studies, Ethiopia Working Group Co-Chair Larry Diamond, Stanford University Steve Feldstein, Carnegie Endowment for International Peace John Harbeson, City University of New York Temi Ibirogba, Center for International Policy Payton Knopf, former US diplomat & chair of the UN Panel of Experts on South Sudan Terrence Lyons, George Mason University Sarah Margon, Open Society-US, Ethiopia Working Group Co-Chair David Shinn, former US Ambassador to Ethiopia Lahra Smith, Georgetown University Jon Temin, Freedom House, Ethiopia Working Group Co-Chair Beza Tesfaye Colin Thomas-Jensen, WestExec Advisors * The Ethiopia Working Group is a nonpartisan group of experts, scholars, and practitioners who come together with a focus on US policy toward Ethiopia Source: Freedom House The post Ethiopia Working Group Statement: Ethiopia’s path to a more stable and democratic future is increasingly at risk appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Taiwan ayaa maanta si rasmi ah xafiis cusub oo diblumaasiyadeed uga furatay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland. Hir-gelinta xafiiskan ayaa yimid, kadib markii ay dhowaan heshiis rasmi ah ay kala saxiixdeen labada dhinac oo wakiilo is-dhaafsaday. Sidoo kale munaasabad lagu daah-furayey xafiiska ay Taiwan ka furatay Hargeysa ayaa lagu qabtay magaaladaasi, waxaana ka qeyb-galay wasiiro ka tirsan xukuumadda Biixi. Waxaa sidoo kale qadka Internet-ka uga qeyb-galay xafladdaasi wasiirka arrimaha dibadda Taiwan, wuxuuna sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay furitaanka xafiiskaas. Dhankooda wasiirada Somaliland ee madasha ka hadlay ayaa tilmamay in xafiiskan uu sii xoojin xiriira ka dhexeeya labada dhinac. Arrimaha ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ay si weyn uga soo horjeesteen xiriirka dhex-maray maamulka Somaliland iyo Jasiirada Taiwan.
-
(SLT-Hargeysa)- Xildhibaan Xirsi Ciise, kana mida mudanayaasha golaha guurtidda Somaliland ayaa baaq nabadeed u diray beelo walaalo ah oo diriri ku dhexmartay deegaanka Jidbaale ee gobolka Sool. Xildhibaanku waxaa uu labadaasi beelood kula taliyay in nabadgeliyada lagu caano maalo, islamarkaana ay nabada qaataan oo colaada joojiyaan. Xildhibaan Xirsi Ciise Jaamac isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa u yidhi “Umaddi oo dhammi waa yaabtay argagax ayay qaaday, waxaan idinka baryayaa barta uu maanta marayo in aad ku joojisaan, dad badanina hada waa ay idinku soo baxeen waxaan jecelahay in aad maqashaan ta ALLENA waa meel, hase ahaate dulqaata labadiina qoloba waar labadiina qolo ee maanta halkaasi ku dagaalamay maanan fileyn, shaydaan ayaa idinka xoog weynaaday ee shaydaanka iska naara. Waxaanu ku rajo weynahay intaanan idin soo gaadhin in aad hawshaasi nabadgeliyo ka bixisaan labadiina qoloba, nabadgeliyo ayaana lagu caano maala” Source
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal saaka ka dhacay duleedka degmada Baydhabo,kadib markii ay halkaasi weerar ku bilowday qarax is-miidaamin ah ay ku qaadeen dagaalyahanada Al-Shabaab. Dagaalka oo ka qarxay deegaanka Goofgaduud Buurey ayaa waxaa lagu soo warramayaa in dadka ku dhintay ay ka mid yihiin guddoomiyihii deegaankaas, Isaaq Cali Isaaq, taliyihii Booliska Xasan Baka iyo askar kale. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in mas’uulitiintaasilagu dilay qarax miino, xilli ay ku sii socdeen saldhigga uu dagaalku ka dhacay. ”Weerarka Saldhiga kadib ayay Al-shabaab isticmaaleen Qorshe kale, iyaga oo Meyd ku soo xiray qarax, waxa goobta ku baxay Guddoomiyihii Deegaanka Goof-gaduud iyo Taliyihii Saldhiga Boliiska” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo milatari laga dareemayaa gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
-
Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa qarax ku dilay Guddoomiyihii Degaanka Goof-gaduud Buurey iyo Taliyihii Ciidanka Booliiska Degaanka sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Guddoomiyihii Goof-gaduud Buurey Isaaq Cali Isaaq iyo Taliyihii Booliiska Xassan Bakac ayaa ku geeriyooday qarax lagu xiray qof mayd ah oo saaka ku dhintay Weerar ka dhacay Degaanka Goof-gaduud. Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dagaalka Degaanka Goof-gaduud Buureey ay ku dhinteen askar iyo dad Shacab ah halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen. Al-shabaab ayaa Saaka aroortii hore weeraray Saldhig Ciidamada Dowladdu ku leeyihiin Degaanka Goof-gaduud Buurey waxaana ay mudda kooban gacanta ku dhigeen saldhiga inkastoo markii dambe ay dib uga baxeen. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo qarax ku dilay Guddoomiyihii iyo Taliyihii Booliiska Goof-gaduud Buurey appeared first on Puntland Post.
-
Jigjiga ( PP Features ) — The city of Jigjiga, the capital of the Somali region of Ethiopia, is a beneficiary of the federal system instituted by the now-defunct EPRDF during the 1990s. Insurgency led by the Ogaden National Liberation Front affected the development of the Kilil (region) back in the 1990s and early noughties. The conflict had negatively affected reconstruction and economic growth in Jigjiga. It was a missed opportunity for the Somali region whose opposition to the federal system had similarities with the Amhara opposition to the EPRDF policy. History might be repeating itself in the Somali region of Ethiopia where the leadership backs anti-federalist and assimilationist policies of Abiy Ahmed, the Ethiopian Prime Minister. Comparing how the Somali region is run under Derg and imperial government of Haile Sallasie with how the region has been reorganised and run after 1991 is a case study about how federalism and developmental state transformed Ethiopia from a polity based on exploitative ruling classes from Gondar to a nation state eager to rectify the past feudal and dictatorial image that made Ethiopia a byword for famine during 1970s and 1980s. Since April 2018 Jigjiga has witnessed a massive transformation politically if not economically. The release of the prisoners and closure of Jail Ogaden are a milestone. The inclusion of the Somali region’s party in the new, but still unpopular Prosperity Party hastily formed by Prime Minister Ahmed, is another symbolic gesture. The Somali region was not represented in the EPRDF coalition. Musta Omer has been accused of condoning Amhara extremists’ supremacist ideology in favour of dismantling the Ethiopian federal system The political headway made in the Somali region pales into insignificance if one looks at how the Somali region’s government is aligning itself with Amhara political extremists and supremacists. Mustafe Omar, the President of Somai region, owes his ascendancy to Amhara politicians in the now defunct Oromara Alliance (Amhara and Oromo alliance against EPRDF). In July his government organised seminars about discouraging hatred against Amhara people although the Somali region is where Amhara people have not faced hostility and where many Amhara were spared death at the hands of angry Ethiopians when the Mengistu regime fell in 1991. It is an open secret that Amhara media spews hatred against Tigrayans, Oromos and other Ethiopian nationalities they view to have been conquered and absorbed into Ethiopia by Menelik II. Influential Jigjiga residents I spoke told me that Mustafa agenda is a revenge against people who were close to Abdi Mohamud Omar, his predecessor. “That is why Mustafe has even made it clear that he views Amharas as allies. Somalis do not share his opportunistic and narrow-minded outlook” says a Jigjiga resident who asked to be quoted anonymously for fear of being tracked by the Liyuu police. Ethiopia is undergoing political changes as forces against the federal system seek to impose a unitary system derided and opposed by Oromos, Tigrayans, Southern Nationalities and Somalis. “Abiy Ahmed wrote a book in which he promotes a system different from the federal system that gave the Oromos the opportunity to pioneer a regime change but he is now trying to base governance on what many non-Amhara Ethiopians view as “Gondar pipedreams”. “Ethiopians are now defending the federalism introduced by TPLF against Amhara supremacists who would like the Ethiopian state to exploit and subjugate Ethiopian nationalities” said Zecharias Eshete, a Tigrayan resident in Addis Ababa. “The policies that the Mustafe-led government is carrying out creates inter-ethnic animosities “says Hiil (not his real name), a teacher in Jigjiga. When an Amhara man tried to destroy the monument of Sayid Mohamed Abdulle Hassan in Jigjiga, the Somali region government employees accused the action of a Tigrayan people person, in an attempt to direct attention from Amhara extremists who regularly provoke Somalis in Jigjiga. “Mustafe is not a politician; he is a propagandist for Ahmaha extremists” said Hiil. “President Mustafe Omar campaigns against the federal system to help Abiy Ahmed deepen an authoritarian system and revive Amhara supremacy is the topic of discussion in Jigjiga” said Ilbirey (not his real name), a USA-based investor in Jigjiga. “A nominal representation in the Prosperity Party is not what the Somali region has been looking forward to. Abiy is rolling back all the political gains attained since 1991.” ONLF, a one-time outlawed party, is now active in Jigjiga. The ONLF is aligned with pro-federal parties whose leaders have been jailed by Abiy Ahmed for fear that federalist alliance can steal a march on Prosperity Party if elections are held. The perception in Jigjiga is that the political change of 2018 has turned into a false dawn. The government of Mustafe Omar is lending credence to this perception. For Abiy Ahmed the Somali region is a smaller fish to fry. He has more challenges to deal with. His paternalistic relations to deal with Somalis in Ethiopia is not serving the Somali region well. Somali members of the new Prosperity Party coalition are expected to rubberstamp decisions by the new Ethiopian regime even if those decisions damage interests of Somalis and their coexistence with other Ethiopian nationalities. Somalis in Jigjiga are hoping that this is not another lost decade similar to 1990s. © Puntland Post, 2020 The post A Letter from Jigjiga appeared first on Puntland Post.
-
Shirka Dhuusamareeb oo wajigiisii Sadexaad gali lahaa ayaa waxaa ku yimid hakad kadib markii ay Dowlada Puntland ay banaanka soo dhigeen Ajandaha Qaraoon ee Madaxweyne [...] The post Madaxweyne Farmaajo wuxuu qorsheeyey inuu isagu qaato shaqadii Raysal wasaaraha ee Shirka dhuusamareeb appeared first on . Source
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya khasaaraha ka dhashay dagaal ku bilowday qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay qeybi ka mid ah gobolka Baay. Qaraxa oo ahaa mid culus, islamarkaana uu xigay dagaal toos ah ayaa ka dhacay deegaanka Goofgaduud Buurey ee gobolka Baay. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi dadka ku dhintay ay ka mid yihiin guddoomiyihii deegaanka Goofgaduud-Buurey, Marxuum Isaaq Cali Isaaq, taliyihii Booliska deegaankaasi marxuum Xasan Baka iyo askar ka tirsan ciidamada ammaanka. Wararka ayaa sheegaya in mas’uuliyiintaasi lagu dilay qarax miino oo la sheegay in meyd lagu soo xiray, xilli ay ku sii jeedeen saldhigga uu ka dhacay dalka. ”Weerarka Saldhiga kadib ayay Al-shabaab isticmaaleen Qorshe kale, iyaga oo Meyd ku soo xiray qarax, waxa goobta ku baxay Guddoomiyihii Deegaanka Goof-gaduud iyo Taliyihii Saldhiga Boliiska” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay ciidamada Xoogga dalka. Xaaladda ayaa hadda kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa qeybo badan oo ka mid ah gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya
-
Turkey’s Foreign Ministry strongly condemned a “heinous” terrorist attack by al-Shabaab militants in Somalia’s capital Sunday that left at least 16 people dead and more than 18 others wounded. “We received the news with deep sorrow that today (16 August) many people lost their lives and many others were injured as a result of a suicide attack with a bomb-laden vehicle following a shootout to a hotel in Mogadishu, Somalia’s capital,” the ministry said in a statement in English. The dead included government officials and civilians. “We extend our condolences to the brotherly people and Government of Somalia, wish Allah’s mercy upon those who lost their lives and a speedy recovery to the injured,” it added. A Somali government spokesman, Ismail Mukhtar, said all of the militants who stormed the Elite Hotel in Mogadishu after a car bomb blast at its gate had been killed. He said a security official was killed during four hours of fierce fighting between security forces and militants in the hotel. “Security forces managed to rescue at least 205 people, including cabinet ministers, lawmakers and civilians during the operation,” Guled Salad, a police official, said by phone. “My heart goes out to the families of the victims of #LiidoAttack. Truly unfortunate to learn of the attack against valuable citizens and innocent souls. Let’s remain inspired by our strength in resilience and recovery and not be dispirited by distraught thoughts. Peace shall win,” Presidential Communications Director Abdinour Mohamed Ahmed said on Twitter. Al-Shabaab claimed responsibility for the attack. Ismail Mukhtar Oronjo, a government spokesman, told Anadolu Agency earlier that Abdirizaq Abdi Abdullahi, a top official at the Information Ministry, was among those killed. “More than 18, including Gulmudug State Public Works Minister Ahmed Dhiblawe Asir, were wounded in the attack,” said Oronjo. Ilyas Ali Hassan, a Somali senator, said several senior officials were evacuated. “Those rescued included the owner [of the hotel], who is a former state minister of finance and current MP,” Hassan said. Ambulances transported the injured from the explosion, Abdulkadir Adan, who heads the ambulance service, said on Twitter. The incident marks the second deadly attack in two weeks in Mogadishu. At least 19 people were killed and several others wounded last Tuesday when al-Shabaab militants attacked a central prison in the capital. View the full article
-
Muqdisho(Caasimada Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxa si adag loogu cambaareeyay weerarkii xooganaa ee shalay ka dhacay xeebta Liido, gaar ahaan hotelka Elite ee magaalada Muqdisho. Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay aad uga xun tahay weerarkaas oo ay ku dhinteen dad badan oo isugu jiray shacab iyo mas’uuliyiin. Sidoo kale QM ayaa Tacsi u dirtay qoysaskii iyo ehelladii ay dadkooda ku geeriyoodeen weerarkaasi. “Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad u adag u cambaaraynaysaa weerarkii lagu qaaday Hotel Elite ee Magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku naf waayeen kuna dhaawacmeen dad aad u badan. Qarmada Midoobay waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoysaskii iyo ehelkii dadka dhibaatadu soo gaartay.” ayaa lagu yiri Qoraalka QM. Dhanka kale Turkiga ayaa si ka hadlay weerarkan, isaga oo si kulul u cambaaraayey,kadib warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi. Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumadda Ankara ay si xooggan u dhaleeceyneyso weerarka lagu qaaday hotelka Elite ee magaalada Muqdisho. Ugu dambeyn dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay tacsi tiiraanyo leh u direyso dowladda Soomaaliya iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, waxana ay naxariista Alle u rajeysay dadkii ku geeriyooday qaraxa, kuwa ku dhaawacmayna inuu siiyo caafimaad deg-deg ah.
-
Maamul goboleedka Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka fashilinta natiijooyinkii ka soo baxay shirarkii Dhuusamareeb 1 iyo 2, waxaana ay ugu baaqday Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo inuu soo magacaabo ra’iisal wasaare qeyb ka noqda fulinta heshiisyada laga gaaro qabsoomidda doorashada dalka ee 2020/2021. Madaxweyne Farmaajo, madaxda saddex maamul goboleed iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa hadda ku sugan magaalada Dhuusamareeb si ay uga qeybgalaan shirka 3-aad ee looga arinsanayo doorashada soo socota. “Madaxweynuhu waxa uu si farsamo ah u daahiyay magacaabista ra’iisal wasaaraha cusub si uusan u hirgelin is-afgaradkii Dhuusamareeb 2 iyo qabsoomidda Dhuusamareeb 3,” ayaa lagu sheegay war saxaafadeed xalay ay soo saartay madaxtooyada Garowe. Puntland ayaa soo jeedisay in ka hor qabsoomidda shirka Dhuusamareeb 3 heshiis siyaasadeed la gaaro, kadibna ay shirkaasi ka qeybagalaan dhammaan madaxda federaalka, maamul goboleedyada iyo diblomaasiyiinta shisheeye ee daneeya arimaha Soomaaliya “si ay u damaanad qaadaan hirgelinta natiijada shirka”. Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa ka maqan madasha Dhuusamareeb. Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni ayaa shalay ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa dalka Jabuuti, halka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu ku sugan yahay Nairobi oo sida dad ku dhaw ay BBC-da u sheegeen uu ku galay qalliin fudud View the full article
-
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii qaraxa ku bilowday ee gelinkii dambe shalay Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka Elite ee xeebta Liido, degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir. Qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen dad aad u badan oo ay ku jireen mas’uuliyiin, halka dad kalena ay ku dhaawacmeen Sidoo kale QM ayaa tacis tiiraanyo leh u dirtay qoysaskii iyo ehelkii dadka ku geeriyooday weerarka lagu qaaday Hotelka Elite, halka dadkii halkaas ku dhaawacmay ay u rajeysay caafimaad Deg-deg ah. “Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad u adag u cambaaraynaysaa weerarkii lagu qaaday Hotel Elite ee Magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku naf waayeen kuna dhaawacmeen dad aad u badan. Qarmada Midoobay waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoysaskii iyo ehelkii dadka dhibaatadu soo gaartay.” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay QM. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugida Soomaaliya, General Cabdiraxmaan Tuuryare oo u warramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa ka hadlay xaaladaha ammaan ee dalka, gaar ahaan weerarada ay geysato kooxda Al-Shabaab. Tuuryare ayaa marka hore sharraxaad dheeri ah ka bixiyey waxyaabaha muddooyinkii dambe soo kordhiyey weerarada kooxda Al-Shabaab ka fuliso Muqdisho iyo guud ahaan dalka,wuxuuna hoosta ka xariiqay in markasta oo la gaaro dhamaadka muddo xileedka dowladda ay xoojiso weeraradeeda, si ay uga faa’iideysato marxaladda kala guurka ah. Sidoo kale wuxuu sabab uga dhigay inay sii laba jibaarmaan weerarada Al-Shabaab gaabis ka jira xagga dowladda, isaga oo sheegay in howl-gallada ciidamada ay ku egyihiin Muqdisho, wuxuuna shaaciyey inay muhiim tahay in la gaaro goobaha laga soo abaabulo weerarada., si looga hortago, loona wiiqo awooda Al-Shabaab oo muddo fog dagaal wada. “Dowladdu ma aysan qaadin duulaan weyn, marka laga reebo weeraro yar oo ah ku dhufo oo ka dhaqaaq, taasi meesha kama saareyso abaabulka Al-Shabaab, balse waxaa habboon si looga hortago qorshahooda in loogu tago meelaha ay ku jiraan” ayuu yiri taliye Tuuryare. Dhinaca kale wuxuu soo jeediyey talooyin uu ku soo koobay illaa afar qodob, kuwaas oo uu tilmaamay in looga adkaan karo dagaalyahanada Al-Shabaab ee Soomaaliya. “Qodobadaan haddii la raaco waxa ay ila tahay in lagu guuleysan karo sugidda amniga, waana 1-In Ciidamada ka madax bannaan yihiin siyaasadda, loona madax bannaaneeyo howlahooda, 2- in saraakiisha wax maamuleyso la wacyi geliyo, 3-waxaa aad u muhiim ah in gacan lagu abaabulo doorasho, gacanta kalena lagu qabto sugidda amniga iyo qodoboka ugu dambeeyo oo ah 4-in lasoo celiyo kalsoonida shacabka iyo ciidanka oo la isku xiro si meesha looga saaro cabsida shacabka” ayuu markale yiri taliyihii hore ee Nabad-Sugida. Hadalkan ayaa ku soo aadaya,iyadaoo weerarkii ugu dambeeyey oo saacado badan qaatay ay Al-Shabaab shalay galab ka fuliyeen magaalada Muqdisho, kaas oo ay la beegsadeen hotelka Elite oo ku yaalla xeebta Liido, degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.
-
Hargeysa (Caasimada Online) -Wakiilka Somaliland u fadhiya magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya Baashe Cumar Cawil ayaa shaaciyey in Somaliland ay soo dhoweyneyso xiriirka cusub ee dhex-maraya dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta iyo Israel. Baashe ayaa sheegay in Somaliland oo jecel nabadda ay si buuxdo u taageereyso heshiiskaas oo lagu tilmaamay inuu yahay mid Taariikhi ah. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in heshiiskani uu tusaale wanaagsan u yahay iskaashiga ka dhexeeya waddamada gobolka ee daneynaya xasilloonida, sida uu hadalka u dhigay. “Annagoo ah dad jecel nabada waxaan taageersanahay heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhex dhexaadka ahaa ee dhexmarey Isutaga Imaaraatka carabta iyo Israa’iil taas oo lagu bedelay qaadashada isukeeninta miiska (la joojiyo codsiyada madaxbanaanida aagagga Daanta Galbeed). Heshiiska ayaa tusaale wanaagsan u ah isbahaysiga ka dhexeeya waddamada gobolka ee daneynaya xasilloonida gobolka iyo iskaashiga.”ayuu yiri Baashe Cumar oo sidoo kale horay Somaliland ugu soo matalay dalka Imaaraadka Carabta. Taageerada Somaliland ay u muujisay xiriirka Imaaraadka iyo Israel ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay horey u taageereen Jarmalka, Masar, Baxrayn, Cumaan, Boqortooyada Ingiriiska, Faransiiska iyo Qaramada Midoobay. Si kastaba ha’ahaatee dad badan oo Soomaaliyeed ayuu la yaab ku noqday warka ka soo yeeray Somaliland oo tan iyo 1991-kii raadineyso madax banaani, si ay uga go’do Somalia.
