Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,114
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa furimaha dagaalka ku maqan tan iyo maalinkii ay kooxda Al-Shabaab weerarka rogaal celiska ah ku soo qaaday gobolka Shabellaha Dhexe. Shuute oo duruufta furimaha dagaalka ay ka muuqato ayaa gobolka Shabeellaha Dhexe wada abaabul iyo dagaal gelin ciidan, “Maadaama uusan muuqeenu raageyn waxaan rabnaa in magaceenu raago.” “Shabeellaha Dhexe dagaal aad u adag ayaa ka socda, waa lagu soo duulay dadkaan, geesinimo ayaa loo baahan yahay, Khawaarij madaxooda war ma galo ee mudac ayaa gala, dagaalka aan ku jirno waa mid jihaad ah ee qof kasta kaalin haka geysto, dadkiina deegaanka dowalddu waxay u balan qaadeysaa garab istaag ee ha iska difaaceen cadowga,” ayuu yiri Shuute. Guddoomiyaha oo maanta meel duur ah oo baadiyaha degmada Aadan-yabaal ah ugu khudbeynayey ciidamo macawiisley ah oo aad loo diyaariyey ayaa sheegay in labo bilood uusan Muqdisho ku laaban. “Waan idinla joogayaa, dagaalka ayaan wada geleynaa, labo bilood waxaan ku jiray duurkaan, waxaa naga go’an in dalkeena aan Khawaarijta ka difaacano,” ayuu yiri Shuute. Duruuf lamid ah tii lagu arkay Madaxweyne Xasan Sheekh markii uu Galmudug ka hoggaaminaayey dagaalka Al-Shabaab ayaa maanta ka muuqata guddoomiye Shuute oo door cajiib ah ka qaatay in degmada Aadan-yabaal laga difaaco kooxda Al-Shabaab. Deegaano badan oo dhinac kasta ka xiga degmada Aadan-yabaal ayaa gacanta u galay Al-Shabaab, kadib markii ay soo qaadeen weerarro culus oo weli lala tacaalayo sidii loo xakameyn lahaa. “Khawaarijtu waxay khatar ku yihiin, nafteena, maalkeena, sharafkeena iyo wax kasta oo diintu ilaalisay, waxaana loo baahan yahay inaan loo kala harin sidii aan isaga sifeyn lahayn,” ayuu yiri guddoomiye Shuute oo maanta u qudbeynayey ciidamada xaq u dirirka ah ee dadka deegaanka. Agaasimaha Guud ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, Taliyaha Booliska HirShabeelle oo toddobaadyo ka hor ku dhaawacmay dagaalka ka socda Sh/Dhexe iyo Ganacsade Liibaan Shuluq ayaa taagnaa garbaha guddoomiye Shuute oo aad ula dardaarmay ciidamada deegaanka ee Macawiisley. Hoos ka daawo
  2. Masjid Cali Gaduud (Caasimada Online) – Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta kormeeray difaacyada ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada Masjid Cali Gaduud ee Gobalka Shabeellada Dhexe. Kooxda Al-Shabaab ayaa maalmo ka hor la wareegtay gacan ku heynta degmadaas, in kastoo dib looga xoreeyey maalmo kadi boo ciidamadu ay dib ugu laabteen. Dib ugu laabashadii ciidamada ayaa si nabad ah kula wareegay degmadaas, kadib markii ay isaga baxday kooxda Al-Shabaab oo markii hore dagaal ku qabsatay. Saraakiisha ciidamada ayaa maanta wafdiga Cali Guudlaawe uga warbixiyay dagaalka Khawaarijta ee ka socda aagga, wafdiga maanta tegay waa kii ugu horeeyey tan iyo markii dib looga xoreeyey degmadaas kooxdii qabsatay ee Al-Shabaab. Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ciidamada ku dhiirigeliyey inay ka hortagaan khatar kasta oo Khawaarijtu damacsan tahay, maadaama laga soo sheegayo dhulka howdka ah ee degmada Masjid Cali Gaduud. “Halgan naf-hurnimo oo aan ku badbaadineyno dhiigga iyo karamada shacabka Soomaaliyeed ayaan ku jirnaa, waana ka guulleysaneynaa burcad-diimeedka soo xad-gudbay,” ayuu yiri Cali Guudlaawe. Madaxweynaha Maamulka HirShabelle oo ay safarkaan ku wehliyeen wasiirro ka tirsan xukuumadiisa, saraakiil ciidan iyo agaasimihii hore ee canshuuraha berriga ee wasaaradda maaliyadda Muxudiin Saabey ayaa ugu baaqay shacab iyo madax in furimaha dagaalka la yimaado, si wadajir ahna looga adkaado Khawaarijta.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoojisay dadaallada ay ku dooneyso inay ka hortagto in Somaliland hesho aqoonsi caalami ah, gaar ahaan dhinaca Mareykanka. Warbixinno ay baahiyeen warbaahinta caalamiga ah ayaa tilmaamaya in Muqdisho ay la xiriirtay shaqsiyaad iyo ururro saameyn leh, si ay u horjoogsato qorshayaal ay wadaan siyaasiyiin Mareykan ah oo taageersan aqoonsiga Somaliland. Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay adeegsaneyso xeelado kala duwan, oo ay ka mid yihiin la-tashiyo ay la yeelatay shakhsiyaad saameyn ku leh siyaasadda Mareykanka, si ay u xaqiijiso in Washington aysan Somaliland u aqoonsan dal madax-bannaan. Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale isku dayday inay gaarto dad muhiim ah oo saameyn ku leh go’aannada siyaasadeed ee Mareykanka, iyadoo u jeedadeedu tahay in la xoojiyo mowqifka Muqdisho ee ka dhanka ah aqoonsiga Somaliland. Warbixin ay baahisay jariidadda The Africa Report ayaa lagu sheegay in Muqdisho ay xiriir la sameysay maalqabeenka sida weyn ugu dhow madaxweyne Trump, Elon Musk, xilli uu Donald Trump ku foogan yahay dib u eegista siyaasadda Mareykanka ee Geeska Afrika. “Waxay isku dayeysaa inay la xiriirto Trump, kaasi oo aanu xiriir fiican kala dhaxeyn, iyada oo kireysatay kooxo ka caawinaya arrintan, isla markaana la tashanaysa shakhsiyaad ku dhow mashruuca ‘Ka Dhigista Mareykanka Mid Xooggan Mar Kale’ (MAGA),” ayaa lagu yiri warbixinta. Dhawaan, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waraaq uu u diray Donald Trump ugu soo bandhigay la wareegidda maamulka dekedaha iyo madaarrada Berbera iyo Boosaaso, si uu uga hortago in Washington ay Somaliland aqoonsato. Dhanka kale, hoggaanka Somaliland ayaa dadaal xooggan ugu jira sidii ay u heli lahayd aqoonsi caalami ah, waxaana arrintan hormuud ka ah xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka, kuwaas oo u arka Somaliland dal dimuqraadi ah oo xasilloon, isla markaana leh muhiimad istiraatiiji ah. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa maalmo ka hor booqasho ku tagay Mareykanka si uu kor ugu qaado dadaallada lagu raadinayo aqoonsiga rasmiga ah ee Somaliland, iyadoo maamulka Hargeysa uu rajo wanaagsan ka muujiyay aqoonsi uu ka helo Washington. Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in aysan walaac badan ka qabin in Washington aqoonsato Somaliland, oo haatan caalamku ula macaamilo sidii maamul-goboleed ka tirsan Soomaaliya.
  4. Dowladda Soomaaliya ayaa ceyrisay madaxii arrimaha gargaarka Sweden Anna Saleem Högberg, ka dib markii DFS khilaaf soo kala dhex galay, ayna go’aansatay in ay dalka ka saarto Haweenaydaas, sida ay qortay majaladda Global Bar Magazine Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay go’aan ku gaartay in ay dalka ka saarto dublumaasigan arrimaha gargaarka u qaabilsanaa Sweden bishii March, waxaana sababta lagu sheegay khilaaf soo kala dhex galay ayada iyo xaafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, sida laga soo xigtay ilo xog-ogaal ah. Dowladda Soomaaliya war rasmi ah arrintan kama soo saarin, balse wargeyska xogtan qoray wuxuu soo xigtay xubno dowladda ka tirsan oo arrintan u xaqiijiyay. Anna Saleem Högberg oo fadhigeedu ahaa magaalada Nairobi ayaa safaaradda Sweden ee Soomaaliya u ahayd la-taliye iyo Qunsul ku xigeen, ayadoo sidoo kale masuul ka ahaa arrimaha gargaarka bini’aadantinnimada. Source: goobjoog.com
  5. STOCKHOLM, Sweden – The Somali government has reportedly expelled Anna Saleem Högberg, the Swedish counselor heading development cooperation efforts in the country, according to a Global Bar Magazine report citing anonymous Somali officials. The alleged move, which has not been officially confirmed by either government, potentially signals significant friction in the generally positive relationship between the two nations. The Stockholm-based publication stated that the decision to declare Ms. Högberg persona non grata—an unwelcome person—was purportedly made in March. Sources cited by the magazine attributed the expulsion to a “contentious relationship” between Högberg and the office of Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre and included allegations that Högberg had “smeared the Somali government.” As of Thursday afternoon, official channels in Mogadishu and Stockholm remained silent. When Sweden’s TT news agency contacted earlier regarding the initial report, the Swedish Foreign Ministry and the Swedish International Development Cooperation Agency (Sida), for which Högberg manages programs, declined to comment. The reported move comes despite what both countries have recently described as close and historic ties, bolstered by significant Swedish development aid and a large Somali diaspora residing in Sweden. Sweden is one of Somalia’s major international partners, providing substantial support through Sida. In 2024, total Swedish aid disbursement to Somalia amounted to approximately 664 million SEK (around USD 63 million), focusing on peacebuilding, democracy, human rights, health, climate resilience, and strengthening state institutions. High-level meetings as recently as December 2023 reaffirmed mutual commitments to strategic cooperation. Ms. Högberg, listed as Counsellor and Head of Section for Somalia Development Cooperation at Sweden’s embassy (primarily based in Nairobi but covering Somalia), has been overseeing Sida’s extensive portfolio since 2022. She previously held a similar position for Swedish aid in Sudan. Sida’s current strategy for Somalia focuses on long-term development and humanitarian support, working through various partners, including UN agencies, NGOs, and collaborations with Somali authorities. While official silence persists, the expulsion of a senior diplomat, particularly one managing significant aid flows, could strain diplomatic relations and raise questions about the implementation of ongoing development projects. In 2019, the Somali government expelled foreign diplomats, notably a senior UN envoy, over alleged interference in internal affairs.
  6. Stockholm (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dalka eriday Anna Saleem Högberg, oo aheyd qunsul iyo la-taliye sare oo u qaabilsan dowladda Sweden arrimaha iskaashiga horumarineed ee Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska Global Bar Magazine oo soo xiganaya saraakiil Soomaali ah oo aan magacooda la shaacin. Tallaabadan la tuhunsan yahay – oo aan weli aysan si rasmi ah u xaqiijin, dowladda Soomaaliya iyo tan Sweden toona – ayaa loo arkaa inay muujinayso khilaaf soo baxay oo dhaawici kara xiriirka guud ahaan wanaagsan ee labada dal ka dhexeeya. Wargeyska fadhigiisu yahay magaalada Stockholm ayaa sheegay in go’aanka looga dhigay Ms. Högberg persona non grata – taas oo macnaheedu yahay qof aan laga rabin dalka – la gaaray bishii Maarso ee sanadkan. Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay wargeyska ayaa cayrinta ku sababeyey “xiriir aan wanaagsanayn” oo u dhexeeyey Högberg iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre. Warbixinta sidoo kale waxay sheegtay in Högberg lagu eedeeyey “inay sumcad-dil ku samaysay dowladda Soomaaliya.” Weli wax war ah kama soo bixin xafiisyada rasmiga ah ee Muqdisho iyo Stockholm midna. Markii warbaahinta TT ee Sweden la xiriirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden iyo Hay’adda Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah ee “Sida” – oo ay Högberg madax ka tahay barnaamijyo muhiim ah – labaduba way ka gaabsadeen in ay arrintaas faallo ka bixiyaan. Warbixintan la sheegay ayaa imanaysa xilli labada dal ay dhowaan ku tilmaameen xiriirkooda mid taariikhi ah oo dhow, iyadoo uu sii xoojiyey taageero horumarineed oo ballaaran oo Sweden siiso Soomaaliya, iyo jaaliyad Soomaaliyeed oo weyn oo ku nool gudaha Sweden. Sweden waxay ka mid tahay saaxiibada ugu muhiimsan ee caalamiga ah ee Soomaaliya, iyada oo ay deeqaha ay bixiso ay maraan hay’adda Sida. Sanadka 2024, wadarta guud ee deeqda ay Sweden siisay Soomaaliya waxay gaartay ku dhowaad 664 milyan oo koron oo Iswidish ah (qiyaastii $63 milyan oo doolar), iyadoo diiradda la saarayo nabad-dhisid, dimuqraadiyad, xuquuqda aadanaha, caafimaadka, u adkaysiga isbeddelka cimilada, iyo xoojinta hay’adaha dowladda. Kulammo heer sare ah oo dhacay bishii Decembar 2023 ayaa mar kale xaqiijiyey ballanqaadka labada dhinac ee ku aaddan iskaashi istiraatiiji ah. Ms. Högberg, oo ah La-taliye Sare iyo Madaxa Qaybta Iskaashiga Horumarinta Soomaaliya ee safaaradda Sweden – inkasta oo safaaraddu ay ku taallo magaalada Nairobi, haddana ay Soomaaliya ka howl-gasho – ayaa tan iyo 2022 hoggaaminaysay barnaamij ballaaran oo ay Sida ka fuliso gudaha Soomaaliya. Waxay horey u soo qabatay xil la mid ah oo la xiriira deeqaha Sweden ee dalka Suudaan. Istaraatiijiyadda hadda ee Sida ee Soomaaliya waxay diiradda saaraysaa horumar waqti dheer ah iyo taageero bani’aadamnimo, iyadoo loo marayo hay’ado ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay, ururrada samafalka, iyo iskaashi lala leeyahay hay’adaha dowladda Soomaaliya. Iyadoo weli ay jirto aamusnaan rasmi ah, tallaabada lagu masaafuriyey diblumaasi sare – gaar ahaan mid gacanta ku haysa deeqaha horumarineed ee miisaanka leh – ayaa laga yaabaa inay dhibaato ku keento xiriirka diblomaasiyadeed, isla markaana ay abuuro walaac ku saabsan mustaqbalka barnaamijyada horumarineed ee socda. Dowladda Soomaaliya waxay horey u masaafurisay diblumaasiyiin shisheeye, waxaana tusaale u ah ergay sare oo Qaramada Midoobay u joogay Soomaaliya oo la masaafuriyey sanadkii 2019, kadib markii lagu eedeeyey inuu faragelin ku sameeyey arrimo gudaha ah.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Loollan awoodeed oo salka ku haya qabiil ayaa laga yaabaa inuu kala furo hoggaanka al-Shabaab, sida ay ilo-wareedyo amni oo xog-ogaal ah u sheegeen Caasimada Online. Bartamaha khilaafkaas waxaa sal u ah kala qeybsanaan daran oo u dhaxeysa hogaamiyaasha ka kala tirsan beelaha Dir iyo Mogadishu Clan ee kooxda. In kasta oo kooxda muddo dheer ay si dadban u maamulayeen hogaamiyaal beesha Dir kasoo jeeda, gaar ahaan kuwa ka yimid gobolka Somaliland—kuwaas oo uu ugu caansan yahay hoggaamiyaha hadda talada haya Axmed Diiriye, loona yaqaan Abu Cubeyda, beddelkii hoggaamiyihii hore Axmed Godane “Abu Zubeyr”—wajiga dadweyne ee kooxda waxaa inta badan matalayey shaqsiyaad caan ah oo ka soo jeeda beesha Mogadishu Clan: Cali Dheere, Mahad Karate, iyo Yuusuf Kabakudukade. Hoggaanka al-Shabaab oo dhiirrigelin ka helay soo laabashadii Taliban ee Afghanistan iyo isbeddelkii siyaasadeed ee ururka Hayaat Tahrir al-Shaam ee Suuriya, ayaa bilaabay inuu sahmiyo dariiq u beddelan argagixisanimada oo ku wajahan maamul iyo xukun. Hase yeeshee, halkii ay ka mideyn lahaayeen hadafkooda, kooxda waxa ay dhexda kaga dhacday khilaaf gudaha ah—arrin muujinaysa nooc ka mid ah cawaaqibta fikradaha xagjirka ah ee ay sanado badan ku cabburiyeen shacabka Soomaaliyeed. Hammigooda siyaasadeed wuxuu si cad u muujiyay khilaafaadka hoose ee kooxda ka dhex jiray, isagoo iftiimiyay dillaacyo qoto dheer oo ku lammaan kala duwanaanshahooda ideolojiyadeed iyo qabiileed. Hoostana waxaa laga dareemayaa caqabado istiraatiijiyadeed oo sii kordhaya: haddii wada-hadallo nabadeed oo ay garwadeen ka yihiin dalal ay ka mid yihiin Norway, Qatar, Turkiga iyo Mareykanka ay miro dhal noqdaan, su’aasha ah ciddii mateli lahayd kooxda lama hareeri karo. Garabka Mogadishu Clan oo si weyn bulshada ugu muuqda ayaa u muuqda inuu si habboon ugu qalmo hoggaaminta wadahadalladaas, halka hoggaamiyeyaasha Dir ee ku sugan qaybaha hoose ay halis ugu jiraan in laga weeciyo go’aannada muhiimka ah. Hoggaamiyaha sare ee al-Shabaab wuxuu dareemay in awooddiisa lagu wiiqayo muuqla’aantiisa, wuxuuna bilaabay inuu kor u qaado shaqsiyaad beesha uu kasoo jeedo ka tirsan si ay u noqdaan wejiga cusub ee kooxda. Isbeddelkan ku yimid wajiga dadweyne ee kooxda al-Shabaab waxa uu keensaday tiro shaqsiyaad caan ah oo ka yimid gobollada Somaliland. Waxaa ka mid ah Abwaan Nageeye Cali Khalif, Abdiwahid Gama’did, iyo Sheekh Adan Sune, wadaad xagjir ah. Shaqsiyaadkan ayaa si dhakhso leh uga dhex muuqday qeybta warbaahinta ee kooxda, iyagoo ka soo muuqday muuqaalada fiidiyowga, xeryaha tababarka, iyo khudbadaha—una adeegaya sidii wejiyada cusub ee matalaya hoggaanka kooxda. Cabsi sii xoogeysaneysa ayaa ku qasabtay hogaamiyaasha Mogadishu Clan ee kooxda inay dib u qiimeeyaan xiriirkooda hoggaanka sare iyo awooddooda gudaha. Tusaalooyin hore oo la xiriira sifeyn gudaha ah—sida dilkii Axmed Godane uu 2013 u geystay Ibraahim Afghaani iyo Macallin Burhaan, oo ka mid ahaa aasaasayaashii kooxda, taasoo sidoo kale ku qasabtay wadaadka xagjirka ah Sheekh Xasan Daahir Aweys inuu ka baxsado kooxda kuna wareejiyo naftiisa dowladda—ayaa u ahaa xasuusin suurtagal ah. Soo muuqashada shaqsiyaadka sida Nageeye, Gama’did, iyo Aadan Sune waxay fariin xambaarsaneyd digniin u ahayd Cali Dheere, Mahad Karate, iyo Yuusuf Kabakudukade. Waxay u arkayeen arrintaas xeelad siyaasadeed oo lagu doonayo in si tartiib ah looga saaro awoodda. Si aysan u marin dariiqii ay mareen hoggaamiyaashii hore ee la takooray, waxay hirgeliyeen istiraatiijiyad laba-geesood ah: inay dagaalyahanno ka qortaan beelahooda hoose si ay u xoojiyaan daacadnimada gudaha, iyo inay dib u xaqiijiyaan muhiimadooda gudaha kooxda iyo tan ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka. Habka cusub ee qorista ayaa jabiyay istiraatiijiyaddii hore ee al-Shabaab, taasoo ahayd in laga fogaado qorista dagaalyahanno ka soo jeeda beelaha awoodda leh. Kooxdu waxay caadi ahaan askarteeda kasoo xulan jirtay beelaha tiro ahaan badan balse siyaasiyan laga tirada badan yahay, sida Jareerweyne iyo Raxanweyn, halka hoggaanka sare lagu koobi jiray shaqsiyaad ka soo jeeda beelaha Dir, Mogadishu Clan, iyo Daarood.
  8. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/04/VID-20250403-WA0000.mp4 Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta magacaabay Guddiga Qaran ee Taakuleynta Dagaalka lagula jira kooxaha Khawaarijta ah ee Shabaab iyo Daacish. Guddigan ayaa ka kooban 7 xubnood, waxaana hoggaaminaya oo guddoomiye looga dhigay ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee XFS Cabdisalaan Cabdi Cali. Guddigan ayaa loo igmaday inay ka shaqeeyaan taakulada dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish, oo ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Puntland ay kula jiraan dagaal adag. Magacaabista guddigan ayaa timid kadib kulankii toddobaadlaha ee Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo uu maanta shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre. Intii uu socday kulanka, Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha uga warbixiyay booqashadii uu ku tagey furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose maalintii ciidda, halkaasi oo farxadda ciidda kula soo qaatay geesiyaasha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha faray in la joogteeyo taakuleynta iyo garab-istaagga ciidanka qaranka, si looga adkaado cadowga kusoo duulay dalkeenna. Si kastaba, Xukuumadda Soomaaliya ayaa xoojisay muhiimadda in xubnaha golaha ay joogteeyaan booqashada furimaha dagaalka, si loo dhiirageliyo geesiyaasha qaranka u halgamaya.
  10. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa weli sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed xoogan oo Talaadadii dib uga qarxay qaybo kamid ah galbeedka gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda maamullada Galmudug iyo Puntland. Dagaalka oo ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Jiicboor iyo Saax Quran ayaa waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya illaa 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo isugu jiro dhinacyada dagaalamay iyo dad kale oo rayid ah. Dhaawacyada oo qaarkood ay ku jiraan kuwa halis ah ayaa loo kala qaaday Galmudug iyo Puntland, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoonaan karo Sidoo kale, xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa weli kacsan, waxaana isku horfadhiyo maleeshiyaaadka labada beelood oo isku hayo cidda maamuleysa dhul ku yaallla halkaasi. Waxaa sidoo kale soconayo dadaallo nabadeed oo ay wadaan mas’uuliyiinta labada maamul ee dariska ah iyo waxgaradka deegaanka, si loo qaboojiyo xiisaddaasi. Ilaa iyo yadda ma jiro wax war ah oo3 Galmudug iyo Puntland ay kasoo saareen daaalka ka socda galbeedka gobolka Mudug oo ay isku hayaan maleeshiyaad kasoo kala jeeda labada maamul. Xiisadda haatan soo cusboonaatay ayaa kusoo aadeyso, ayada oo maalmihii lasoo dhaafay ay Mudug ka dhacayeen dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh, oo saameyn ku yesehay dadka deegaanka. Dagaal beeleedyada ayaa ku soo laab laabtay gobollada Dhexe gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug, waxaana jira heshiisyo horay loo gaaray oo mar dambe fashilmay. Si kastaba, Dagaalladan ayaa loo arkaa kuwo saameyn kara gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda deegaannada maamul goboleedka Galmudug.
  11. The Leak That Ended a Presidency: How Washington Turned on Hassan Sheikh Mohamud The collapse of U.S. confidence in President Hassan Sheikh Mohamud didn’t come with a press release. It came with a leak—a cold, calculated release of a private letter from the Somali president to the U.S. President Donald J. Trump. The letter itself was unremarkable, but its disclosure was anything but accidental. It was a warning. Widely interpreted as a deliberate act of dissent from within the U.S. Embassy in Mogadishu, the leak signaled the end of Washington’s patience with Mohamud’s leadership—a relationship that had been steadily unraveling for months. The letter—intended to secure U.S. support—backfired. It exposed a weakened president pleading for help while his government lost credibility domestically and internationally. According to multiple sources, the leak originated from embassy officials fed up with President Mohamud’s defiance, paranoia, and inaction. “This was not an accident,” said one senior U.S. official. “It was a deliberate signal that the relationship is over.” That signal marked a decisive rupture between President Hassan Sheikh Mohamud and the American diplomatic establishment. U.S. and regional officials point to his failure to control Somalia’s security landscape and his obstruction of counterterrorism efforts. “The leak was a shot across the bow,” said another senior official. “We’re done covering for him.” The fallout follows months of unfulfilled commitments, strategic defiance, and a pattern of provocation. Tensions peaked when Mohamud’s government publicly dismissed a U.S. Embassy security advisory, calling it baseless—a move seen as both reckless and deliberately antagonistic. The final blow came when he delayed firing his Defense Minister despite repeated U.S. requests. When he finally acted, he blamed U.S. pressure, triggering backlash in Washington. Officials saw this as an attempt to undermine American diplomacy and shift accountability. Inside the White House, the verdict is clear: “He’s out of alignment with every key regional and security interest we have,” said a senior administration official. The Trump administration is now exploring alternative Somali leaders—those who can restore institutional credibility, rebuild trust, and cooperate on counterterrorism. Across the State Department, Pentagon, and National Security Council, officials describe Mohamud as unreliable, politically paralyzed, and self-interested. Within the U.S. Embassy in Mogadishu, the mood is described as one of cold hostility, driven by what many see as a pattern of lies, broken promises, veiled deals with foreign actors, and growing paranoia. “There’s a shared view now,” said one diplomat. “He is dangerous to Somalia, and he can’t be trusted. He says the right things behind closed doors but constantly undermines U.S. efforts on the ground.” With Washington’s patience exhausted, the policy conversation has shifted to contingency planning. Senior officials are engaged in internal discussions over a potential political realignment in Somalia. “The question is no longer if there will be a transition,” said a National Security Council official. “It’s when—and how soon.” No one is calling it regime change, but no one is defending Mohamud either. “His credibility is gone. So is our patience.” More broadly, regional partners have grown alarmed by Mohamud’s inconsistent and transactional diplomacy. Officials in Cairo, Riyadh, Abu Dhabi, Doha, Nairobi, and Addis Ababa, who have long expressed concern over his erratic posture, now view his leadership as a source of regional instability and confusion—not because of one specific alignment, but because of a broader pattern of half-truths, broken promises, contradictory deals, and amateur statecraft. • In Cairo, officials are frustrated by Mohamud’s simultaneous outreach to Ethiopia, a direct competitor, after having publicly committed to Egypt’s position on the Nile dispute—a move viewed as duplicitous and reckless. • In Abu Dhabi, diplomats cite repeated instances where Mohamud has agreed to regional security cooperation, only to later backtrack or sideline Gulf-led initiatives in favor of ad hoc bilateral deals elsewhere. • Even Riyadh and Doha, which had maintained more neutral ties, have begun to step back, describing Somalia’s foreign policy under Mohamud as chaotic, contradictory, and driven by short-term political needs rather than strategic vision. For now, President Hassan Sheikh Mohamud remains in office. But his government is isolated, his allies are vanishing, and his enemies—inside and outside the country—are circling. The letter meant to save his presidency may instead become the document that sealed its unraveling. https://www.reuters.com/world/africa/somalia-offers-us-exclusive-control-air-bases-ports-2025-03-28/ Qaran News
  12. Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo siyaabo kala duwan uga hadlay tallaabadii uu qaaday Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isku khilaafay ka qayb-galka gogosha uu dhigay Xasan Sheekh ee ku aadan ka tashiga xaaadda dalka. Jubbaland ayaa soo dhaweysay go’aanka Madaxweynaha, waxaana Axmed Axmed Madoobe oo salaaddii ciidda kadib hadlay uu sheegay inuu ku farxay baaqa nabadeed ee ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo boggaadiyay gogosha uu dhigay. Axmed Madoobe waxaa kale oo uu xusay in wada-hadalku yahay fursad dahabi ah oo lagu gorfeeyo xallinta caqabadaha hortaagan horumarka dalka, si looga gudbo kala aragti duwanaanta ka dhex jirta ummadda Soomaaliyeed. Dhinaca kale, Puntland ayaa soo saartay war ka duwan midka Jubbaland, waxaana Wasiirka Warfaafinta maamulkaasi uu sheegay in aysan diyaar u ahayn ka qeyb galka gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan, isaga oo ku sababeeyey in ay ku jiraan dagaal. “Xasan waxaa dadka isku keen ku tiri Beesha Caalamka, Deni waqti ma hayo uu Xasan ku hor fariisto, rasaas iyo tuute ayuu qaybinayaa, waa abaanduule dagaalka Daacish hoggaaminaya,” ayuu yir Wasiirka Warfaafinta Puntland. Ma cadda sida ay wax noqon doonaan, waxaana weli Villa Soomaaliya laga sugayaa inay shaaciso goorta uu dhacao shirka, halka uu ka dhacayo iyo cidda ka qaybgaleyso intaba. Arrinta ayaa timid, kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu ciidii jeediyay khudbad uu ku shaaciyey inuu gogol u fidinayo siyaasiyiinta iyo hoggaamiyaasha bulshada, si talooyinkooda ay ugu biiriyaan dagaalka Khawaarijta iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan dimoqraadiyad iyo nidaam federaal ah, kuna shaqeysa dastuurka iyo sharciyada noo degsan. Madaxweynaha ayaa sidoo kale khudbaddiisa ku bogaadiyey garashada wanaagsan ee hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee ku aaddan inaan “Khawaarijta aannan isku heysan, balse aan isku heysanno hanaanka loo dhisi karo dowlad dimoqraadi ah oo dalkeenna ka hirgasha.” Waxa uu sidoo kale yiri, “Waxaan gogol u fidinayaa siyaasiyiinta, si aragtiyahooda ay ugu biiriyaan dagaalka Khawaarijta,” isagoo u mahadceliyey ciidamada qaranka Soomaaliyeed ee ku jira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn ugu mahadceliyey beesha caalamka, isagoo qiray in “muddo dheer oo adag aad Soomaaliya lasoo garab istaagteen. Waxaad baga taageerteen dib-u-dhiska dowlad casri ah oo dimoqraadi ah. Waad ku mahadsan tihiin, waxaa dalkeenna soo gaarsiiseen meel aysan suurtagal ahayn maanta inuu dib ugu noqdo,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya. Soo dhaweynta gogoshan wadatashiga ah ee ka timid siyaasiyiintan caanka ah ayaa ku soo beegantay xilli dalku uu wajahayo caqabado dhanka amniga ah iyo isbeddello siyaasadeed oo xasaasi ah. Waxaa la filayaa in faahfaahinta gogoshan ay soo baxdo maalmaha soo socda.
  13. Dowladaha dunida waxay la tacaalayaan saameynta laga yaabo inay canshuurta uu Trump soo rogay ku yeeshaan ganacsigooda. Suuqyada saamiya magaalada London ee UK ayaa durbaba hoos ugu dhacay tan iyo markii uu Trump ku dhawaaqay canshuuraha cusub. Sidoo kale saamiyada suuqyada waaweyn ee Aasiya ayaa lagu soo warramayaa inay hoos ugu dhaceen. Labada shirkadood ee Nikkei oo laga leeyahay Jarmalka iyo Kopsi oo Kuuriyada Koonfureed laga leeyahay ayaa ku yimid hoos u dhac boqoliiba saddex ah. Magaalooyinka Paris ee Faraansiiska iyo Berlin ayaa sidoo kale saamigoodu hoos ugu dhacay. Raysal wasaaraha Australia, Anthony Albanese, ayaa sheegay in canshuuraha ay yihiin kuwo aan loo heli karin wax qiil ahoo aysan ahayn ficil saaxibtinimo. Shiinaha ayaa ugu digay inuu damacsan yahay inuu qaado tallaabooyin uu ku ilaalinayo xuquuqdiisa iyo danihiisa. Madaxa Baanka Dhexe ee Yurub ayaa sheegay in Donald Trump canshuuraha cusub ee uu ku dhawaaqay ay sababi doonaanburbur adduunka oo dhan. Bbcsomali Qaran News
  14. Garowe (HOL) – Puntland's Minister of Information, Mahmoud Ceydiid Dirir, said on Wednesday that the Puntland administration will not participate in peace talks called by Somali President Hassan Sheikh Mohamud, citing the state's current focus on countering ISIS militants in the region. Source: Hiiraan Online
  15. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay dagaalka lagu ciribtirayo kooxda Shabaab ah ee ka socda qeybo ka mid ah gobollada dalka. Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixin faah-faahsan oo ku aaddan dagaallada socda ee lagu ciribtirayo argagixisada, iyada oo goluhu bogaadiyey geesinimada iyo naf-huridda ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaannada ee dagaalka kula jira Shabaab isla markaana caddeeyey muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo booqashada furimaha dagaalka, si loo dhiirageliyo geesiyaasha Qaranka u halgamaya. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulanka guddoominayey, ayaa golaha warbixin ka siiyey booqashadii uu ku tagey furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose maalintii ciidda, isaga oo golaha faray in la joogteeyo taakuleynta iyo garab-istaagga ciidanka Qaranka. Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, ayaa golaha la wadaagtay halka ay marayaan howlaha shidaal baarista ee socda iyo caqabadaha jira, iyada oo Wasaaraddu caddeysay in ka hor dhammaadka sanadkan la soo gabagabeyn doono shaqada baarista ee loo yaqaan (3D Seismic Survey), si loo cayimo goobaha shidaalku ceegaago, looguna gudbo heerka xiga ee qodaalka ceelasha shidaalka. Shirka Golaha ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Qorshaynta iyo Dhiiragelinta Maalgashiga ee ku aaddan Agaasime ku-xigeenka Hey’adda Istaatistikada Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Daahir oo loo cusbooneysiiyay xilka. Source: goobjoog.com
  16. Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo warqad rasmi ah u qoray wasaaradaha dowladda ayaa ka dalbaday in ay soo gudbiyaan dhammaan liisaska iyo xogta shakhsiga agaasimayaasha guud, agaasimayaasha waaxyaha, madax-qeybeedada. Warqadda ka soo baxday xafiiska madaxweyne Deni oo loo diray guud ahaan wasaaradaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale looga dalbaday dhammaan faahfaahinnada ku saabsan xogta shaqaalaha iyo hantida wasaarad kasta, siday xaqiijinayaan ilo wareedyo hoose. Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale xafiiska madaxweyne Deni uu dalbaday soo gudbinta mashaariicda iyo shaqooyinka ka socda wasaaradaha iyo wixii caqabado ah oo jira, sida laga arkay warqaddan loo diray guud ahaan wasaaradaha dowladda. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo dalbaday liisaska iyo xogta shakhsiga ah ee agaasimayaasha wasaaradaha Puntland appeared first on Puntland Post.
  17. In a November 2024 Pan-African Parliament meeting in Midrand, a guest from the Afro-Caribbean diaspora asked a simple but profound question to the continental MPs: “Why is Pan-Africanism declining?” The question should have elicited vigorous debate but, like so many vital critical issues, it barely got any attention from the delegates. Read more here The post Dearth of a vibrant civic political culture has led to the decline of Pan-Africanism appeared first on Puntland Post.
  18. Wararka ka imaanaya degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in dabley hubaysan maanta xirteen laamiga weyn ee dhexmara magaalada kaasi oo isku xira gobollada dalka. Dabley gadoodsan oo ka cabanaya canshuur lagu kordhiyay gaadiidka ayaa xirtay laamiga Buurtinle kaddib markii ay isbaaro dhigteen bartamaha laamiga taasi oo xannibtay guud ahaan isu socodkii gaadiidka. Gaadiid badan oo ay saamaysay tallaabadani ayaa hadda ku xanniban degmada Buurtinle waxaana istaagay isu socodkii gaadiidka ee laamiga dheer ee Garoowe iyo Gaalkacyo halkaasi oo ay maalin kasta isticmaalaan boqollaal gaadiid ah. Kooxda gadoodsan ee laamiga Buurtinle xirtay ayaa sheegay in ay dalbanayaan in la joojiyo canshuur ay dowladdu ku kordhisay gaadiidka oo ay ku tilmaameen mid saa’id ah oo aysan aqbali karin balse dowladdu weli kama jawaabin cabashadooda. PUNTLAND POST The post Dabley gadoodsan oo xirtay laamiga ka xirtay degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
  19. Mogadishu (HOL) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud on Wednesday appointed Brigadier General Abdiwahab Abdullahi Omar as the new Commander of the Somali Navy, signaling a renewed effort to increase maritime security and reclaim control over the country’s vast coastline. Source: Hiiraan Online
  20. Baku (HOL) – Azerbaijan formally approved a bilateral agreement with Somalia on Wednesday to extend cooperation in the field of education. Source: Hiiraan Online
  21. Djibouti (HOL) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud met with Djibouti’s President Ismail Omar Guelleh in Djibouti on Wednesday, where the two leaders held high-level talks deepening bilateral relations and enhancing strategic cooperation. Source: Hiiraan Online
  22. Diogo Jota scored a 57th-minute goal to see Liverpool win the Merseyside derby 1-0 against Everton and retain a 12-point lead in the Premier League on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  23. President Donald Trump's move to slap a 10% tariff on most goods imported to the United States, as well as much higher levies on dozens of rivals and allies alike, has intensified a global trade war that threatens to stoke inflation and stall growth. Source: Hiiraan Online
  24. President Ruto acknowledged the persistent issues in agriculture, highlighting the damaging effects of cartels on the miraa sector. Source: Hiiraan Online
  25. FC Barcelona won 1-0 away to Atletico Madrid on Wednesday to secure a Copa del Rey final appearance against Real Madrid. Source: Hiiraan Online