-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The U.S. Africa Command (AFRICOM) has taken out a high-value member of the Al Shabaab terror group in Somalia on Thursday. Source: Hiiraan Online
-
https://youtu.be/5R2FLyQIyusm Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si caro leh uga hadashay tallaabooyinka ka dhanka ah xiriirkooda Taiwan ee wado dowladda federaalka Soomaaliya, oo gacan ka helaysa Shiinaha. Somaliland ayaa weli ku doodeysa inay tahay ‘dal madax-banaan’ oo xiriiro diblumaasiyadeed la sameysan karta dalalka caalamka, midaasi oo ka hor imaneysa qaranimada jamhuuriyada. Wasaarada arrimaha dibedda Somaliland ayaa ‘caqli darro’ ku tilmaamtay tallaabo ay dhawaan sheegtay dowladda federaalku inay ku wajahi doonto xad-gudubka Taiwan ee Soomaaliya. Somaliland ayaa weli ku adkeysanaysa in xiriirka Taiwan uu yahay mid sax ah oo ku saleysan qiyam, isla markaana qeyb ka ah madax-banaanideeda dowladeeda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland. “Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland way aragtaa Fal-celinta Soomaaliya ee Xafiiska Taiwan ka furatay Somaliland mid layaab leh oo marin habaabinaya Ummadaha Adduunka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay Somaliland. Waxa kale oo lagu yiri “Jamhuuriyadda Somaliland waxay hore u lahayd xidhiidho diblumaasiyadeed iyo xidhiidho wax ku ool ah oo ay la lahayd Waddamada Afrika, Yurub iyo Aasiya. Xidhiidhka cusub ee Taiwan wuxuu ka mid yahay Iskaashiga Muddada dheer ay Somaliland la lahayd Beesha Caalamka”. War-saxaaafadeedkaasi ayaa ugu dambeyntiina loogu digay dowladda federaalka inay ka wantoowdo wax loogu yeeray ‘qoraallada aan summadda laheyn iyo marin habaabinta aduunka’. Hadalkan ayaa daba socda mid ay dhawaan dowladda federaalku ay uga biyo diiday dhaq-dhaqaaqa Taiwan ee Somaliland, oo iyadu si rasmi ah xafiis diblumaasiyadeed uga furatay magaalada Hargeysa. “Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay qaadeysaa talaabooyinka lagama maarmaanka ah ee waafaqsan qaanuunka caalamiga ah si loo ilaaliyo Midnimada, Qarannimada, Wadajirka, Sharafta Dhuleed iyo Madax-bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaanka ay ka carootay Somaliland.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wareegii sadexaad ee shirka Dhuusmareeb ee arrimaha Doorashooyinka 2020/21 ayaa lagu gaaray heshiis ku saabsan nooca doorasho ee dalka laga qabanayo, oo ka kooban 17 qodob, kuwaas oo kala ah:- 1. In qaabka doorashada 2020/21 noqoto mid Deegan Doorasho ah (Electoral constituency caucuses). 2. In Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka-GMDQ oo kaashanaya Maamulada Dowlad Goboleedyada fududeeyan dhisida Guddi xulis oo loo dhanyahay oo ka kala imanaya Odayaasha iyo Bulshada Rayidka ah ee ka soo jeeda beesha wadaagta kursiga. 3. In Ergada kursi kasta noqoto 301 oo ka imanaysa beesha kursiga wadaagta. 4. In Dowlad Goboleed kasta laga asteeyo ugu yaraan afar (4) deegaan doorasha oo ay ka dhacdo doorashadu. 5. In codbixiyeyaasha 3dii ilaa 5tii kursi ee hal goob doorasho wada yaala la isku dhafo kadibna si wadajir ah ugu codeeyaan dhamaan musharaxiinta xisbiyada ee ku tartamaya kuraastaas. 6. In doorashadu kawada dhacdo dalka oo dhan hal maalin oo isku mid ah. 7. Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinak Qaranku-GMDQ waxay kuraasta lagu asteeyey deegaan doorashooyin aan amni ahayn u wareejin karaan deegaan doorasho kale oo amni ah. 8. In kuraasta Soomaaliland lagu doorto qaab doorasho dadban. 9. In qorsheynta iyo fulinta doorashada looga danbeeyo Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) iyagoo kaashanaya Maamulka Dowlad Goboleedyada iyo Bulshada rayidka ah. 10. In doorashada lagu galo hannaanka xisbiyada badan. 11. In Baarlamaanka Dowlad Goboleedyadu doortaan Aqalka Sare. 12. In heshiiskan loo gudbiyo Golaha Shacabka si uu sharci u noqdo. 13. Si doorashada wakhtigeeda ugu dhacdo waxaa la go’aamiyey in GMDQ dardargaliso hirgelinta doorashada. 14. Madaxda shirka waxa ka go’an in ay sii wadaan dadaalka xal u helida tabashooyinka ku aadan arrimaha doorashooyinka 2020/21 ee ay qabaan labada Dowlad Goboleed ee shirka ka maqan, waxaana rajeyneynaa in ay nagula soo biiraan wixii hawl ah oo dhiman. 15. In la ilaaliyo 30%-ka saamiga Haweenka. 16. Wuxuu shirku u mahad celin iyo boogaadin u jeedinayaa Madaxweynaha iyo shacabka Galmudug soo dhaweynta iyo martigalinta shirka. 17. Sidoo kale shirku wuxuu u mahad celinayaa Beesha Caalamka oo mar walba dadka Soomaaliyeed lagarab taagan taageero dhan walba ah. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka shirka
-
Cape Cod (Caasimada Online) – Markii u horreysay muddo 300 oo sano ayaa jasiirad ku taalla meel dibedda ka ah xeebta Cape Cod ee gobolka Massachusetts ee dalka Mareykanka waxaa loo furay in ay dadku tagi karaan. Jasiiradda Sipson ayaa si gaar ah loo lahaa tan iyo sanadkii 1711-kii, markii bulshadii Monomoyick ay ka iibiyeen dad caddaan ah oo degay. Hadda Jasiiradda oo caawimaad ka heleysa shirkad maxali ah ayaa rajeyneysa in ay dib usoo celiso noloshii iyo qiyamka dadkii dhaladka ahaa ee Maraykanka si jasiirada loo wada isticmaalo. “Runtii annaga muhiim ayey noo tahay urur ahaan iyo bulsho ahaanba in aan awood u yeelano in aan xiriir la sameyno taariikhda muhiimka ah, aanna qiyamkooda barno dadkii ku noolaa ka hor 1711-kii,” ayuu yiri Madaxweynaha Sipson Island Trust oo lagu magcaabo Tasia Blough. Jasiiradda oo baaxadeedu la egtahay 106.2 km, lana furay Sabtigii ayaa ku taalla xeebta Cape Cod, halkaas oo sidoo kale loo yaqaano Pleasant Bay – waana goob deegaan ahaan muhiim ah. “Markii ay beeca ahayd – waxaa jiray ururo yar oo doonayey in ay lacag ururiyaan si ay u ilaaliyaan, ugana dhigaan meel dadka u furan,” ayuu yiri Madaxweyne Blough. Dhibaatadu waxay ahayd qiimaha, 12 million oo dollar ah, waa qiimo qaali ku ah shirkad aan faa’iido doon ahayn. Ugu dambeyntii, afartii sano ee lasoo dhaafay hey’ado saaxiibo la ah jasiiradda ayaa caawimaad ka geystay aruurinta lacagta iyo in la kordhiyo waqtigii uu beecu ku ekaa, taasi oo suurtagashay. Hadda Jasiiraddu waxay u furantahay dadka oo dhan, dadka booqanaya waxaa lagu dhiiri gelinayaa in ay jasiiradda yimaadaan, kana soo galaan xeebta bari. Si kastaba, doomaha duubaan ee dhererkoodu ka yaryahay 22 fet ayaa kusoo degi kara sababo la xiriira kala duwanaanshaha bii’ada ka jirta biyaha. Qorshaha shanta sano ah, waa in la bur-buriyo seddax ilaa afar dhismo oo hadda jasiiradda ku yaalla, si loo dhiso xarun cilmi baaris iyo waxbarasho. Yoolku waa in la soo celiyo qaab-dhismeedkii dhulka Jasiiradda si loo helo deegaan taageerada barashadda taariikhda iyo cilmi-baarista.
-
Dhuusamareeb (PP News Desk) — Three Federal Member States, Banadir Region and the Federal Government of Somalia have agreed an electoral model for 2021 elections in Somalia. The National Independent Electoral Commision will colloborate with Federal Member States to form inclusive electoral subcommittees consisting of tradional leaders and members of the civil society of each constituency. Dhuusamareeb Agreement moves Somalia one step closer to conducting one person, one vote elections in 2021. Each Federal Member State will have four polling stations. Two new features in the new electoral model is the participation of political parties in elections, and the mandate of Federal Member States to elect Senators of the Upper House. The agreement comes in the wake of UN Security Council session today in which James Swan, the Special Representative for the Secretary General of the United Nations, described the political deadlock on the electoral model as “a dilemma” for Somali political leaders. President Mohamed Abdullahi Mohamed will brief Members of the Parliament on Dhuusamareeb Agreement to ensure it is aligned with the electoral law passed by the Parliament in December. © Puntland Post, 2020 The post The Somali Federal Government and Federal Member States Agree an Electoral Model appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (PP News Desk) — The former Puntland President Dr Abdiweli Mohamed Ali has faulted Puntland President Said A. Deni for boycotting Dhuusamareeb III Summit. “In my view President Deni should have attended Dhuusamareeb Summit “ Abdiweli told Universal TV News Rewiew Programme. Abdiweli discounted the argument from Puntland State Government that a caretaker government was akin to power vacuum. Dr Abdiweli: President Deni should not have boycotted Dhuusamareeb Summit Puntland State views the dismissal of the former Prime Minister Hassan Ali Kheire has undermined the ability of the Federal Government to be involved in talks about 2021 elections. Puntland State boycotted Dhuusamareeb III Summit and called for the International Community to assume the role of a guarantor for summit to bear fruits. Southwest State, Hirshabeele, Galmudug and Banadir region yesterday agreed a constituency-based electoral model. “We welcome the brothers who did not attend the summit” tweeted President Mohamed Abdullahi Mohamed on the Dhuusomareeb Agreement and the absence of Puntland and Jubaland leaders from the summit. © Puntland Post, 2020 The post Former Puntland President Critisises President Deni for Boycotting Dhuusamareeb Summit appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa guul laga gaaray Shirarkii hore ee Dhuusamareeb 1 iyo Laba, Qorshuna wuxuu ahaa in Dhuusamareeb 3 lagusoo gunaanado Sadexdaa shir guushooda, laakiin waxaa hada [...] The post War Deg Deg ah— Shirkii Dhuusamareeb oo dhicisoobay appeared first on . Source
-
Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada qaar, oo ku shirsan Magaalada Dhuusamareeb, ayaa ku heshiiyay in Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya ay noqoto Doorasho dadban oo degaamaysan. War-murtiyeed ka soo baxay Shirka oo weli socda, ayaa lagu sheegay in Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo kaashanaya Dowlad Goboleedyada, ay fududeeyaan dhismaha guddi xulis ah, oo ka imaanaya Odayaasha Dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ah ee ka soo jeeda Beesha kursiga wadaagta, islamarkaan Xildhibaan kasta ay soo doortaan 301 ergay. War-murtiyeedka ,ayaa sidoo kale lagu xusay, in Dowlad Goboleed kasta laga asteeyo ugu yaraan afar Degaan doorasho, iyadoo Cod-bixiyaasha 3-dii ilaa 5-tii kursi oo hal goob doorasho wada yaal, ay si wadajir ah ugu codayn doonaan dhammaan Musharrixiinta Xisbiyada ku tartamaya Kuraastaas. Sida Heshiiska ku cad, Degaannada aan Amniga ahayn waxaa Doorashadooda loo wareejin karaa Degaanno kale oo Amni ah, halka Kuraasta Somaliland lagu dooran doono Hannaankii doorasho dadban. Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka, waxaa isna soo dooran doona Baarlamannada Dowlad Goboleedyada Dalka, waxaana Doorashada lagu geli doonaa Hannaanka Xisbiyada badan. Heshiiska ay wada gaareen Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Dhuusamareeb ku shirsan, waxaa loo gudbin doona Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka, si ay sharci uga dhigaan. Shirka waxaa ka maqan Madaxweynayaasha Dowladda Puntland iyo Jubaland ,waxaase War-murtiyeedka lagu sheegay in Madaxda shirsan ay ka go’antahay Xal u helidda Tabashooyinka Puntland iyo Jubaland, si ay Shirka ugu soo biiraan. Halkaan hoose ka akhriso War-murtiyeedka Shirka PUNTLAND POST The post Nuxurka War-murtiyeedka Shirka Dhuusamareeb 3 appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (PP News Desk) — The US Embassy in Mogadishu has tweeted about the absence of Jubaland and Puntland leaders from Dhuusamareeb III Summit. “@US2SOMALIA has worked for inclusion of all views at the table in #Dhusamareb3, but can’t help those absent. Spoilers withholding participation sacrifice democracy for own ambitions. Parties will need to move forward with timely model agreed” reads the tweet that raises the possibility of travel sanctions against President Said Abdullahi Deni and Ahmed Mohamed Islam of Puntland and Jubaland respectively. @US2SOMALIA has worked for inclusion of all views at the table in #Dhusamareb3, but can’t help those absent. Spoilers withholding participation sacrifice democracy for own ambitions. Parties will need to move forward with timely model agreed. — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) August 20, 2020 Ambassador Donald Yamamoto (left) has chosen to label Puntland President Said A. Deni (middle) and Jubaland President Ahmed M. Islam (right) “spoilers” for boycotting Dhuusamareeb III Summit. On the eve of Dhuusamareeb III Summit Puntland State Government published a position paper in which it had called for the International Community to play the role of guarantor in the Summit. Jubaland issued a vague statement calling for the the International Community to have a role in organising Dhuusamareeb III Summit. At a UN Security Council session today James Swan, the Special Representative for the Secretary General, deplored “the absence of Puntland President Said Deni and Jubaland President Ahmed Islam Madobe from this important meeting [ — Dhuusamareeb III Summit].” The strongly worded tweet from the US Embassy in Mogadishu may weaken the position of the embattled Jubaland President whom the Federal Government of Somalia recognised as a legitimate President with a lesser term time in office than he claims on the back of 2019 parallel controversial Jubaland elections held in the city of Kismayo. © Puntland Post, 2020 The post US Embassy in Mogadishu Labels Puntland and Jubaland Leaders “Spoilers” appeared first on Puntland Post.
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Qubanaha-20082020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa diginin u dirtay dhinacyada ka maqan shirka Dhuusmareeb 3, oo ka socda xarunta maamulka Galmudug, kaasi oo la doonayo in heshiis looga gaaro doorashooyinka Soomaaliya. Safaaradda Mareykanka ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ku sheegtay inaysan waxba u qaban karin kuwa ka maqan wada-hadalka, oo macnaheedu yahay inay lumiyeen awooddii ay uga qeyb qaadan lahaayeen go’aanada lagu gaarayo Dhuusmareeb. Safaaradda ayaa sidoo kale ereyga qas-wadayaal u adeegsatay dhinacyada ka maqan shirka. “Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay ka shaqeysay in dhammaan aragtiyada lasoo saaro miiska shirka Dhuusarameeb 3, balse waxba uma qaban karto kuwa maqan. Qas-wadayaasha diidan ka qeyb-galka waxay damacyadooda shaqsiyadeed ka hormarinayaan dimqoraadiyadda,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Dhinacyada waxay u baahan yihiin inay ku dhaqaaqaan inay isku raacaan hab [doorasho] oo waqtigeeda ku dhacda.” @US2SOMALIA has worked for inclusion of all views at the table in #Dhusamareb3, but can’t help those absent. Spoilers withholding participation sacrifice democracy for own ambitions. Parties will need to move forward with timely model agreed. — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) August 20, 2020 Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa ku gacan seeray ka-qeyb galka shirkaas, waxaana lagu guul-darreystay dadaallo ay wadday beesha caalamka oo loogu qancinayey inay tagaan miiska wada-hadalka, sida uu sheegay ergeyga QM ee Soomaaliya James Swan. Swan oo maanta warbixin siiyey golaha ammaanka ayaa yiri “Waxaan ka xunnahay inay shirka muhiimka ah ee Dhuusamareeb ka maqan yihiin madaxweynayaasha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Islam Madoobe. Waa ahayd niyadjab inay diideen ka qeyb galka shirka, inkastoo codsiyo badan ay u direen hoggaamiyeyaasha Soomaalida iyo Beesha Caalamka.” Ma cadda waxa dhici doona haddii Dhuusamareeb laga soo saaro go’aan doorasho oo aysan qeyb ka ahayn Puntland iyo Jubaland, hase yeeshee sida ka muuqata digniinta Mareykanka, waxaa suurta-gal ah in lagu dhaqaaqo dhaqan-gelintiisa, oo beesha caalamkana ay taageerto.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku eedeysay madaxweynaha iyo guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya inay kasii dareen xisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya. Sii-hayaha safiirka Mareykanka ee QM Cherith Norman Chalet ayaa nasiib-darro ku tilmaamtay xil ka qaadista ay madaxweynaha iyo guddoomiyaha golaha shacabka ay ku sameeyeen ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. “Caqabadaha ay wajaheyso Soomaaliya waxay u baahan yihiin dadaallo mideysan oo xooggan oo ay sameeyaan hoggaamiyayaasheeda. Nasiib-darro kalsooni kala noqoshada ay madaxweynaha iyo guddoomiyaha golaha shacabka ay ku sameeyeen ra’iisul wasaare Kheyre iyo xukuumaddiisa bishii July ayaa kasii daray xiisaddii siyaasadeed,” ayey tiri Cherith Norman Chalet. “Waxaan ka walaacsannahay in ficilladan oo kale ay waxyeeleeyeen wada-hadalladii u dhaxeeyey dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo saamileyda kale ee muhiimka ah.” Sii-hayaha safiirka Mareykanka ayaa ugu baaqday dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada inay helaan hab horey loogu socdo oo lagu gaari karo doorashooyinka. “Doorashooyinka Soomaaliya waxay u baahan yihiin inay noqdaan kuwa la isku haleyn karo, waqtigooda ku dhaca, nabdoon, la fulin karo, kuna dhisan hanaan heshiis lagu wada yahay.” Danjire Cherith Norman Chalet ayaa ugu dambeyn sheegtay inay soo dhoweeneyso wada-hadallada Dhuusamareeb, waxayna ku baaqday in dhinacyada ay ku gaaraan hanaan doorasho oo la fulin karo ugu dambeyn horraanta 2021.
-
Xukuumadda Puntland, ayaa markii u horraysay war rasmiya ka soo saartay, Markab ku sugan mersada Degmada Bareida oo ku taalla Raasiga Gacanka Guardafui ee Puntland. Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland, Eng Maxamuud Xaaji Saalax, oo wareysi gaar ah siiyay Puntland Post, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in Burcad-badeed ay af-duubteen Markabkaasi. Wasiirka ayaa sheegay, in Markabka Xamuulka ah oo ka yimid Waddanka Imaaraadka Carabta uu shidaal u siday Magaalada Muqdisho, islamarkaana laga leeyahay Dalka Panama, uuna siday 20 shaqaale ah. Eng Maxamuud Xaaji Saalax, ayaa xusay in Markabka oo mudda ku wareegayay Xeebta laga shakiyay sidaasna Ciidan loogu diray, balse markii dambe la xaqiiqsaday in uu yahay Markab ganacsi cilladoobay. Hoos ka daawo wareysiga oo dhan PUNTLAND POST The post Puntland oo war rasmiya ka soo saartay Markab ku sugan xeebta Guardafui ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
New York (Caasimada Online) – Wakiilkada xogahayha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in madaxda Puntland iyo Jubaland ay diideen inay tagaan shirka Dhuusamareeb 3, kadib isku dayo la sameeyey. Warar saaka soo baxay ayaa sheegayey in Saciid Deni yo Axmed Madoobe lagu qanciyey inay tagaan shirka, hase yeeshee ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia ayaa Caasimada Online inay mowqifkooda mar kale bedeleen maanta. “Waxaan fahamsanahay inay jiraan aragtiyo kala duwan oo ka dhex jira hogaamiyaasha siyaasadeed. Si kastaba ha noqotee, xilliyadaan oo kale waa waqti aad loogu baahan yahay hoggaamiyeyaasha qaranku in ay wada hadlaan oo ay soo bandhigaan fikradooda ugu wanaagsan si ay u helaan xalka danaha dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri James Swan. “Waxaan ka xunnahay inay shirka muhiimka ah ee Dhuusamareeb ka maqan yihiin madaxweynayaasha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Islam Madoobe. Waa ahayd niyadjab inay diideen ka qeyb galka shirka, inkastoo codsiyo badan ay u direen hoggaamiyeyaasha Soomaalida iyo Beesha Caalamka.” James Swan ayaa sheegaya in xalka Soomaaliya uu yahay kaliya heshiis siyaasadeed oo sal ballaaran leh, maadaama aysan jirin maxkamad Dastuuri ah iyo hay’ad garsoor oo la isku halleyn karo oo xallisa jahwareerka dastuuriga ah. Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo ka cabanaya ballamadii ay horey uga baxday dowladda federaalka ayaa dalbanaya in beesha caalamka ay goobjoog ka noqoto wada-hadallada, hase yeeshee ma muuqato in Villa Somalia ay aqbali doonto dalabkaas.
-
Ku-simaha Duqa Muqdisho ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Axmed Xasan Iimaan, ayaa ugu horeyn ku amaanay Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir dadaalka ay muujiyeen muddadii yareed tan iyo markii Gobolka Banaadir uu Wasaaradda Waxbarashada kala wareegay Maamulidda Waxbarashada Gobolka Banaadir. Imtixaanka Shahaadiga fasalka 8-aad ee sanadkaan ayaa waxaa u fariistay Arday gaareysa 25,426, iyadoo lagu qabtay 73 xarumood oo hoos yimaada Gobolka Banaadir. Guddoomiye Axmed ayaa sidoo kale Hambalyo iyo Boogaadin u diray Ardeydii ka qey-gashay Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 8-aad, Waalidiinta, Macalimiinta iyo Dhamaan Bahda Waxbarashada, dadaalka iyo Juhdiga ay ku bixiyaan Waxbarashada. Ku-simaha Duqa Muqdisho, ayaa balan qaaday in 10-ka Arday ee ugu sareysa ay heli doonaan Waxbarasho lacag la’aan ah Afarta sano ee Dugsiga Sare, taasi oo ay ku muteysteen buu yiri dadaalka iyo juhdiga ay ku bixiyeen Waxbarashada, Asigoo dhinaca kale xusay in lasii laba jibaari doono tayeynta Waxbarashada Gobolka Banaadir. Ugu dambayntii waa markii ugu horeysay muddo 30-sano ah kadib uu Maamulka Gobolka Banaadir qaado Imtixaanka fasalka 8-aad ee Dugsiyada Waxbarashada Gobolka Banaadir ee Caasimada dalka Soomaaliya. View the full article
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cadaadis lagu saaray inuu soo magacaabo Raysal wasaare,Vadaadiskaas oo ka timid Beesha Caalamka. Warar Dublamaasiyadeef oo aan helnay ayaa [...] The post Breaking News— Madaxweyne Farmaajo oo lagu amray inuu Raysal Wasaare soo magacaabo appeared first on . Source
-
James Swan, Ergayga Gaalka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo Warbixin ka hor alhriyay Golaha Amaanka ayaa ka hadlay Xaalada Soomaaliya. Swan wuxuu [...] The post Xighaya QM oo hadlay iyo James Swan oo Golaha Amaanka ka akhriyay Warbixintii Soomaaliya, Muxaa ka hadlay appeared first on . Source
-
Somali pirates have hijacked a Panama-flagged ship, a regional official says, the first successful hijack since 2017. The ship was travelling from the United Arab Emirates to Mogadishu port when it appeared to develop mechanical problems, said Musse Salah, the governor of Gardafu region in the semi-autonomous northern region of Puntland. It was attacked by six pirates on Wednesday night, he said. The number and nationality of the crew was unclear but discussions were under way to free them, he said. At the height of their power in 2011, Somali pirates launched 237 attacks off the coast of Somalia, the International Maritime Bureau says, and held hundreds of hostages. Attacks later sharply subsided, mainly because shipping firms implemented better security protocols including posting look-outs, sailing further away from Somalia and hiring private security. International warships operating as part of a coalition also helped to drive down the number of attacks. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wasiirka Amniga gudaha Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi sidoo kalana ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu dadaal xooggan ugu jiro sidii Shirka Dhuusamareeb 3 u noqon lahaa mid ay kasoo qeyb galaan dhammaan maamul Goboleedyada dalka. Fiqi oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in shirka Dhuusamareeb uu kusoo aaday waqti xasaasi ah isla markaasna ay jirto kalsooni xumo badan loona baahan yahay in lala yimaado isu tanaasul iyo wadatashi.. Fiqi ayaa carabka ku dhuftay in Maamulka Galmudug uu dhex dhexaad u yahay dhinacyada uu ka dhaxeeyo shirka Dhuusamareeb 3 balse ay Galmudug kaliya u madax banaan tahay mowqifkeeda gaarka ah. Mowqifka ka Galmudug ayaa la sheegay inuu yahay inay la safatay madaxweynaha. Inkasta oo Fiqi uu maamulkiisa si shaacsan difaacay, haddana xog aan helnay ayaa sheegeysa inuu ka xumaaday habka Qoor Qoor u wajahay shirka, kuna aqbalay dalabaadka madaxweynaha. Si kastaba, Fiqi iyo xubnaha kale ee Galmudug ay isku dayayaan in khilaafka maamulka aan dibedda loo soo saarin. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Fiqi soo dhigay Facebook oo dhameytiran Madaxda Galmudug waxay dadaal xooggan iyo xiriiro joogto ah ku bixinayaan sidii Shirka lagu gorfaynayo arrimaha siyaasadda dalka looga soo wada qeybgali lahaa. Galmudug gogosha taalla waa mid Soomaaliyeed, kuna soo aaday waqti xasaasi ah oo kalsooni xumo badani ay jirto, balse marxalada dalku marayo iyo waqtiga la joogaba waxay waajibanayaan In isu tanaasul, wadatashi iyo wada-oggol looga gudbo lana wada yimaado Shirka Dhusamareeb 3. Dawladda Galmudug marka laga reebo mawaaqifteeda ka maamul ahaan oo ay xaq u leedahay, waxay u dhexaysaa madaxda ku ballantay Shirka Dhusamareeb 3 mana jirto dhinac ay u janjeerto iyo dhinac ay ka xaglinayso.
