-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya Cabid Xasan Maxamed Xijaar ayaa taageero siiyey dhulboob ka socda degmada Dayniile, halkaasi oo dhul laga boobay dad shacab ah la sheegay in laga dhigay garoon diyaaraddeed. Xijaar oo shalay ka hadlay degmada Dayniile, oo ay ku casuumeen maamulka degmada, si uu taagero u siiyo dhulka ay shacabka ka boobeen ee garoonka laga dhigay, ayaa ammaanay tallaabadaas, wuxuuna isku dayey inuu dhiiri-geliyo shacabka si ay u adeegsadaan garoonkaas, maadaama ay cabsi amni ka jirto. Cabsida amni ayaa salka ku haysa dadka laga boobay dhulka oo ku hanjabay inay awood adeegsan doonaan si ay dhulkooda usoo ceshtaan, maadaama ay dowladda wax ka qaban weysay cabashadooda. Warar aan helnay ayaa sheegaya in dadkaas shacabka ah ay hadda ururinayaan ciidan iyo gawaari tikniko ah oo ay ku difaacdaan dhulkooda, waxayna ka digeen inay soo ridi doonaan diyaarad kasta oo garoonka la boobay soo caga dhigata. Taliya Xijaar ayaa qalad weyn ku dhacay markii uu faro-gashtay arrintan, waxaana la rumeysan yahay inay qaldeen maamulka Dayniile, oo taageero kasta oo sharciyad siin ah u raadinaya dhulka ay boobeen, si uu ugu muuqdo mid sharci ah. Qaar ka mid ah dadka dhulka laga boobay oo dhowaan la hadlay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhul ay leeyihiin la burburiyey, kadibna laga dhisay garoonkaasi. Dadweynahan cabashada ah ayaa shaaciyey in dhulkaasi ay dacwaddiisu taallo gobolka Banaadir iyo maxkamadaha dalka, balse aan tabashooda aan weli waxba laga qaban. Dhinaca kale waxay digniin u direen shirkadaha duulimaadyada, kadib markii diyaaraddii ugu horreysay ay Jimcihii ku degtay garoonka degmada Dayniile, iyaga oo tilmaamay in garoonkaasi uusan aheyn dhul ay leedahay dowladda Soomaaliya, balse xoog looga heysto.
-
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalda Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed “Cumar Filish” ayaa xalay kulan is-wareysi ah la qaatay dhallinyarada iyo maamulka magaalada Sama-reeb ee caasimadda Galmudug. Qaar kamid ah dhallinyarada kulanka ka qeyb gashay oo dareenkooda ku muujiyay habab kala duwan oo gabayo ay ku jireen ayaa guddoomiyaha uga mahadceliyay sida uu uga aqbalay kulankooda waxeyna ku boggaadiyeen sii wadida horumarka caasimadda. Guddoomiyaha degmada Sama-reeb mudane C/raxmaan Cali Maxamed ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ku amaanay dadaalka uu u galay in gobolka Banaadir Aqalka sare uu ku yeesho metelaad uu hadda tilmaamay in ay waxyar ka dhimantahay. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed oo ka mahadceliyay kulanka ayaa dhallinyarada iyo maamulka magaalada Sama-reeb ku boggaadiyay sida ay uga shaqeeyeen amniga, wuxuuna ku dhiirrigeliyay in ay sii joogteeyaan amniga oo nolosha u ah udub dhexaad. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib heshiis lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb ee lagu cadeeyey doorashada 2020/2021 ayaa waxaa soo badanaya fal-celinta laga bixinayo heshiiskaas oo ay gaareen Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynayaasha maamullada Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Duqa magaalada Muqdisho. Siyaasiga Cabdikariin Xuseen Guuleed oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka, marna madaxweyne ka soo noqday Galmudug ayaa ka hadlay heshiiskaas, isaga oo marka hore soo dhoweeyay jiheynta loo sameeyey doorashada Soomaaliya ee lagu muransanaa. Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale soo bandhigay saddex qodob oo uu sheegay inay caqab ku noqon karaan heshiiskaasi, waxayna kala yihiin 1-diidamada dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, 2-kaalinta xisbiyada mucaaradka oo meesha ka maqan iyo 3-qodobada ku jira heshiiska oo qaarkood u baahan dib-u-habeyn iyo tafaasiil dheeri ah, sida maamulka doorashooyinka iyo qaab xulista ergooyinka. Sidooo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay midnimo siyaasadeed, si uu u dhaqan-galo heshiisan oo muhiim u ah doorashooyinka soo socda ee 2020/2021-ka. Halkan hoose ka aqriso Qoraalka, Cabdikariin Xuseen Guuleed. Waxaan soo dhoweynaya qodobbada heshiiska Dhuusamareeb 3 oo dalka u jiheynaya doorasho la jaan qaadi karta waqtiga dhiman iyo duruufaha jira. Heshiiska waxaa ka muuqata inuu bilaaw fiican u yahay qabsoomidda doorashada wadar-ogol ah, wuxuuna daboolaya walaacii ummadda Soomaaliyeed ka qabtay hubanti la’aantii xilliga kala guurka ah. Waxaan indhaha laga qabsan karin culeyska ay leedahay maqnaanshaha dowlad gobaleedyada Puntland iyo Jubbaland oo muhiim u ah wadajirka dalka iyo geeddi socodka doorashooyinka. Waxaana ku baaqayaa in la raadiyo oo lagu qanciyo hanaan suuro gelin kara dib eegis lagu sameeyo qodobada heshiiska si uu u noqdo mid loo dhan yahay oo taabo-gal ah. Heshiiskan waxaa ku jira qodobbo badan oo u baahan dib-u-habeyn iyo tafaasiil dheeri ah, sida maamulka doorashooyinka iyo qaab xulista ergooyinka. Waxaa kaloo ka maqan kaalintii Xisbiyada Siyaasadda oo ah iyagu kuwii ku tartami lahaa doorashada loo adeegsanayo heshiiskan. Haddaba maadaama ay muuqato in aan laga maarmi doonin in habraac faahfaahsan loo sameeyo heshiiska oo qodobbada qaar la turxaan bixiyo, waxaan soo jeedineynaa in tallada lagu biiriyo xisbiyada siyaasadda inta aan Baarlamaanka loo gudbin. Waxaan markale xoojinayaa muhiimadda ay leedahay in si dhaqso ah heshiiskan uu helo midnimo siyaasadeed, lana siiyo mudnaan gaar ah dadka aan looga maarmin hirgelinta doorasho la isla ogol yahay loona dhan yahay ,si uusan waqti kale uga khasaarin dalka iyo in laga fogaado in danno kale oo gaar ah loo adeegsado heshiiskan. Gabagabadii waxaan u mahadcelinayaa maamulka iyo shacabka reer Galmudug oo ayagu martigaliyey qeyb weyna ku lahaa qabsoomidda shirarkii Dhuusamareeb ee is xigxigay.
-
Faallo dheer oo uu Khabiirka caanka ah ee Michael Horton oo ka tirsan machadka daraasaadka iyo taxliilinta siyaasadeed ee Jamestown Foundation ka qoray xaaladda amni ee Somaliland iyo sida ay uga guulaysatay kooxaha qaswadayaasha ah ee ka hawl gala Bariga Afrika gaar ahaan Soomaaliya ayuu ku sheegay Arrimaha Somaliland u suurto galiyay in ay ka adkaato kooxaha nabad-galyada halista ku ah ee ay u tag waayeen dalalka waaweyn ee Maraykanka, Turkiga iyo waddamo badani ka mid yihiin balse dhinaca Somaliland qiimo jaban lagaga adkaaday. Warbixintaasi oo lagu baahiyay warbaahinta dunida ayaa u dhignayd sidan: “Goobaha ay Al-Shabaab ka howlgalaan ee Soomaaliya ayaa kordhay, xilli ay weli socdaan weeraradda drone-ka Maraykanka ee Soomaaliya. Inkastoo ay Al-Shabaab ay wiiqeen Maraykanka iyo Midowga Africa, haddana awoodda Al-Shabaab ay u leeyihiin in ay qorsheeyaan islamarkaana ay qaadaan weerarro ka dhan ah dhinacyadda kasoo horjeeda waa khatar weyn oo dhameystiran, Hase yeeshee kooxda Al-Shabaab ayaa ku guul darraystay in ay dhul ka helaan Somaliland. Taas bedelkeeda, Al-Shabaab iyo Daacish waxay si fudud uga howlgalaan Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo deris la ah Somaliland. Miisaniyadda militariga Somaliland waxaa ay u muuqataa xisaab qaldantay markii la bar-bar dhigo waxa ay beesha Caalamku Soomaaliya ku bixiyaan. Somaliland kuma tiirsana ciidan shisheeye Maraykankuna ma ogola in uu weerarro diyaaradeed ka fuliyo jamhuuriyad aan la aqoonsaneyn. Somaliland oo khayraadkeedu xaddidan yahay waxay ku guuleysatay wax ay awoodi waayeen militariga Dowladda federaalka, Mareykanka, Turkiga, Kenya iyo Ethiopia oo ah inay ku guuleystaan Al-Shabaabka Koonfurta Soomaaliya. Somaliland waxay diiday in Al-Shabaab ay soo cago dhigto deeganadeeda. Sidee Somaliland Sidan Ugu Guuleysatay? Ugu horeyn, Somaliland waxay leedahay Dowlad ka jawaabta baahida muwadiniinteeda. Taasi waxay keentay in iyadoo ay jirto kala qaybsanaan siyaasadeed, haddana ay dadka Somaliland taageeraan islamarkaana aaminaan wakiillada ay doorteen iyo madaxtooyadooda. Mar labaad, istiraatiijiyadda aragagixiso la dirika Somaliland waxa ay ku dhisan tahay Sirdoonka Shacabka. Sirdoonka Shacabka oo saxan islamarkaana waqtigiisa kusoo beegma ayaa ogolaanaya in laga jawaabo khataraha kusoo dhowaanaya iyada oo laga faa’iideysanayo xidhiidhka tooska ah iyo midka aan tooska ahayn ee militariga Somaliland iyo sirdoonka kala dhexeeya bulshooyinka u nugul Al-Shabaab. Taageeradda maxaliga ah iyo ka qayb qaatayaaasha dadaaladda argagixiso la dirirka ayaa qayb muhiim ah ka ah dagaalka Somaliland ay kula jirto Al-Shabaab. Taas la’aanteed dagaalamayaasha Al-Shabaab waxay dhex geli lahaayeen magaalooyinka iyo tuulooyinka nugul, waxayna ka sameysan lahaayeen saldhiyo waara balse taasi ma dhicin oo Somaliland waxa ay ilaashatay dhulkeeda magaalo iyo Miyiba. Awooda ay Al-Shabaab u leeyihiin in ay bulshooyinka dhex galaan waxay ku caddahay qaybo ka mid ah Soomaaliya oo ay Puntland ka mid tahay. Ka sokoow xeeladaha halista ah iyo fikradooda ay dadka Soomaaliyeed waayo jooga u yihiin, Al-Shabaab waxay heystaan taageero dhab ah. Al-Shabaab waxay sidoo kale adeegsadaan xidhiidhkooda sirdoonka iyo amniga, ee Amniyaatka loo yaqaano oo dila dadka kasoo horjeeda. Si la mid ah ururada argagixisadda ee guuleystay, Al-Shabaab waxay fahamsanyihiin in xidhiidhka ay la leeyihiin madaxda bulshadda iyo garaadka dadka ay muhiim u yihiin. Kuwa masuulka ka ah militariga iyo sirdoonka Somaliland waxay sidoo kale fahamsanyihiin muhiimadda uu leeyahay Sirdoonka Shacabka. Waa fahamkaas waxa sahlaya inta badan dadaaladooda argagixiso la dirirka islamarkaana militari iyo boolis aan la maal gelin u ogolaaday in ay Al-Shabaab ka guuleystaan. Sirdoonka, militariga iyo boolika Somaliland waxay leeyihiin saraakiil sirdoon oo ahmiyadda koowaad siiya dadaaladda ay bulshadu horseedka ka yihiin si ay ula socdaan una qiimeeyaan khataraha jiri kara ee Al-Shabaab. Waxaanay Somaliland nooqtay goob nabadgalyo oo muhiim ah oo ay dadkeeda iyo dawladeeduba ku naaloonayaan wax wada qabsi iyo nabadgalyo hareeraha laga joogo. Akhbaarta ku saabsan dadka dhowaan soo galay magaalooyinka iyo tuulooyinka iyo dhaqanka aan la aqbali karin waxaa loo gudbiyaa cidda amarka ugu sameysa ee gobolka ama caasimadaha ama ilaa qaranka ee caasimadda Hargeysa. Jawaabta ay booliiska iyo militarigu ka bixiyaan khataraha waa sax waana mid waqtiga loo baahanyahay kusoo beeganta waxaana loogu talo galay goob gaar ah ee khatartaas ka jirto. Jawaabta noocaas waxaa lasoo bandhigay dabayaaqadii sanadkii 2019-kii markii ay Al-Shabaab galeen gobolka Sanaag ee bariga Somaliland. Sanaag waxa uu xuduud la wadaagaa Puntland waxaana mid ka mid ah gobolladda ugu horumarka liita Somaliland, waxaana uu u nugul yahay in ay Al-Shabaab dhex galaan. Gobolku waxaa uu leeyahay dhul ka sameysan dhagaxyo, meelo biyo leh ah, buuraley iyo dhul xeebeed dheer taasi oo soo jiidaneysa Al-Shabaab balse kooxaha Argagixisadu waa ay ku guul darraysteen in ay gobolkaasi degaan waxaana ka digtoon Somaliland. November 2019, Al-Shabaab waxay dagaalamayaal soo geliyeen islamarkaana si degdeg ah u qabsadeen laba magaalo oo ku taala buuraleyda Garof iyagoo kasoo galay dhanka Puntland. Saacado gudahood, saraakiil ka tirsan sirdoonka iyo militariga Somaliland ayaa abaabulay in ay jawaab ka bixiyaan dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab. Ilaa iyo maanta Al-Shabaab kuma aanay soo laaban dhulkaas. Ciidanka militariga Somaliland ma heystaan diyaarado, xitaa gaadiidka xamuulka ah waa uu ku yaryahay. Dowladdu waxay ku halgameeysaa sidii ay ciidanka u geyn lahayd meelaha looga baahanyahay, gaar ahaan meelaha wadooyinkoodu liitaan. Hase yeeshee sirdoon shacab oo heerkiisu sarreeyo iyo xidhiidhka dhow ee u dhaxeeya hogaamiyayaasha bulshada iyo dowladda ayaa kabaya naaquska ka imanaya dhanka ciidamada. Si loo kabo gaabiska haysta ciidanka, dowladda Somaliland waxay isku halleysaa xidhiidhka kala dhaxeeya dadweynaha. Tani waa mid ka mid ah sababaha ay Al-Shabaab uga howlgali la’dahay Somaliland Iyada oo Al-Shabaab ay kordhiyeen weerarada ka dhanka ah Kenya, Ethiopia iyo xitaa saldhigyada Mareykanka ee Soomaaliya iyo Kenya haddana waa ay cago dhigi la’yihin Soomaaliland. Laga yaabo in dhammaan dowladaha kale ee dagaalka kula jira Al-Shabaab ay wax badan ka baran karaan dadaallada argagixiso la dirirka ee Somaliland. Faalladan waxaa qoray Michael Horton oo ka tirsan machadka daraasaadka iyo taxliilinta siyaasadeed ee Jamestown Foundation. Waxaa tarjumay Maxamed Axmed Source
-
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay shalay oo Jimce ahayd in waddankiisu helay sohdii ugu ballaadhnayd taariikhda dalka Turkiga ee uu ka helo badda Madow taasi oo qani ku ah khayraadka dabiiciga ah gaar ahaan gaasta oo uu aad ugu baahnaa dalkani muddo qarniyo ah. Madaxweynaha waddanka Turkigu Rajab Dayib Erdogan Waxa uu ku sheegay hadalkiisii uu ka jeediyey xafladdii ku dhawaaqida daah ka rogida helitaanka Gaaska sidan: “Dhammaan hawlaha baadhitaanada oo dhammi waxay ahaayeen kuwo lagu fuliyey awoodaha wadanka gudihiisa” waxa uu intaa ku daray, “Ma jirto wax yar oo kaalmo dibadda ah oo dhinaca baadhitaanka iyo soosaarkaba ah. Allah ayaa noo furay albaabka khayrka tamarta meel aannaan maskaxdaba ku hayn”. Madaxweynaha waddanka Turkiga Rajab Dayib Erdogan waxa uu caddeeyey xaddiga shidaalka gaaska ah dihin ee ceegaaga dhulka ay baadhitaanka ku wadeen oo kor u dhaafay Balaayiin Litir waxaanu yidhi: “Baadhitaanka Markabka Faatix waxa uu caddeeyey in aanu ka helay 320, 000,000,000 m3 (Saddex boqol iyo labaatan bilyan oo mitir saddex jibaaran) oo ah kayd gaas dabiici ah oo aanu ka helnay ceelka Tuna” ayuu yidhi Rajab Dayib Erdogan isaga oo Madaxweynaha Turkigu sheegay saadaasha hore ee daahfurka sohda ugu wayn ee gaasku ay tilmaamayso suuragalnimada in ay jiri karaan ceelal kale in laga helo isla goobtaa. Madaxweyne Erdogan oo hadalkiisa sii wayaa Waxa uu intaasi raaciyey: “Markabkan Faatix dartii ayaan maanta ugu guurnay dawladaha ugu horreeya ee gaaska” Sidoo kale maraakiibta Yavus iyo Qaanuuni ayaa ku guda jira sidii ay gaas uga soo saari lahaayeen Bariga Badda Cad, taas oo aan uga gol leenahay in aan ugu adeegno ummadeenna gaaskaasi. Nidaamka caalamka ee dadnimolaawaha ahi uma kala qiimo roona dhibicda dhiiga ah iyo ta batroolka ahi. Haddii aanay ka sii daraynba sidaa darteed waxaan go’aansanay in aan isbedel salka ah aan ku samayno arrinta tamarta ee wadankeenna”. Madaxweynaha Turkigu Waxa uu tilmaamay in waddankiisu fuliyey sagaal (9) hawgal oo ay ku qoddeen biyaha gunta dheer ee baddaha Cad iyo Madow iyagoo adeegsanaya labada markab ee Faatix iyo Yavus” isaga oo sheegay in aanay Joojinayn waligood, oo aanay nasan doonin illaa ay ka noqdaan dalalka ugu horreeya dhinaca wax soo saarka Gaaska. Source
-
Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa la sheegay inay soo afmeereen kullamo ay la lahayeen Xisbiyadda Qaranka, kuwaas oo ahaa qaar lagaga tashanayey arrimaha doorashooyinka isku sidkan iyo wakhtiga ay dalka ka qabsoomayaan. Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa kullamo xidhiidha arrinaha doorashiiyinka oo ay la lahayeen xubnaha sida joogta ah ula shaqeeya ee saddexda Xisbi Qarana kale matela waxay la wadaageen jadwalka doorashooyinka isku sidkan ee Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada,waxaanay u soo bandhigeen inay toban bilood gudahood ay doorashooyinkaas ay dalka kaga qaban karaan,balse Xisbiyadda Qaranka ayaa ka biyo diiday waxaanay dalbadeen inay wakhtigaas wakhti ka kooban ay ku qabtaan doorashooyinkaas, Xisbiga KULMIYE ayaa soo jeediyey in lix bilood gudahood lagu qabto doorashadaas,balse Xisbiyadda WADDANI iyo UCID ayaa iyana soo jeediyey in sideed 8 bilood gudahood inay doorashooyinkaas ku qabtaa. Dhanka kale Guddida Doorashooyinka ayaa la sheegay in la filayo inay maalinta isniita ah ee toddobaadkan ay si rasmi ah ah u shaacin doonaan wakhtiga doorashooyinkaas isku sidkan ee Golayaasha Deegaanka iyo Wakiiladu ay dalka ka qamsoomayaan Source
-
Ciidamada Booliska Somaliland ee gobolka Sool ayaa habeenimadii xalay magaaladda Laascaanood ka sameeyey hawlgalo kala duwan oo lagu adkaynaayo nabadgelyadda. Hawlgalkan oo uu hogaaminaayey taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Sool Gaashaanle Dhexe Maxamed Saleebaan Gooni ayaa lagu soo qab qabtay mukhaadaraad tiro badan iyo weliba dad si sharci daro ah hub ugu sitay gudaha magaaladda Laascaanood. Taliyaha oo ka hadlay hawlgalkan ay ka sameeyeen gudaha magaaladda Laascaanood ayaa sheegay in ay sii wadayaan hawlgalkan iyo hawlgalo kaleba, isla markaana ay diyaar u yihiin sugida amaanka magaaladda. Waxa uu taliyuhu sheegay in intii ay ku jireen Hawlgalkan ay ururinayeen, isla markaana ilaalinayeen Mukhaadaraadka, hubka sharci darada ah, sida baastooladaha iyo qoryaha iyo baangadaha ay dhalinyaradda kooxa ahi sitaan, waxaanu tilmaamay in ay baadhitaano ka sameeyeen meelihii ay ku tuhunsanaayeen waxyaalahaas amni darada keenaaya oo dhan. Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Sool Gaashaanle Dhexe Maxamed Saleebaan Gooni oo dadweynaha magaaladda Laascaanood ku nool baaq u diray ayaa kula dardaarmay dadka in ay amniga ilaashadaan, isla markaana ay ciidamada gacan weyn ka siiyaan sugida amniga, isaga oo sidoo kalena dadka faraha kula jira waxyaalaha amniga waxyeelaaya usoo jeediyey in ay ka fogaadaan waxyaalaha ay faraha kula jiraan. Source
-
Xafiiska Dawladda Taiwan ka furatay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa si rasmiya u bilaabay shaqadiisa. Xafiiska Taiwan ee Hargeysa ayaa shaqooyinka uu bilaabay waxa ka mid ah inuu Ganacsatada Somaliland u fiiseeyo Baasaaboorka Somaliland, si ay ugu safraan Dalka Taiwan. Wargeyska Geeska Afrika ayaa loo sheegay in Xafiiska Diblumaasiyadeed ee Dawladda Taiwan ka furatay Hargeysa uu si rasmi ah u bilaabay inuu Ganacsatada doonaya inay u safraan Taiwan uu u fiisaynayo Baasaaboorka Somaliland. Tallaabadan oo muhiim u ah Ganacsatada Somaliland ee dalalka dibedda ugu safri jiray Baasaaboorrada dalalka kale, ayaa ku timid heshiis iskaashi oo bishii February ee sannadkan dhex martay Dawladaha Somaliland iyo Taiwan. Heshiiska Somaliland iyo Taiwan ayaa waxa ka mid ah in labada Caasimadood ee Taipea iyo Hargeysa ay ka kala furtaan laba Xafiis Wakiileed, taasi oo Taiwan fulisay Toddobaadkii la soo dhaafay. Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Ganacsatada Kenya oo tan iyo markii la joojiyey Qaadka la keeni jiray Soomaaliya wajahayey culeyso dhaqaale ayaa haatan soo jeediyey qorshe cusub oo ay ku doonayaan inay Jaadka ku soo galayaan gudaha Soomaaliya. Xubnaha urur ay ku mideysan yihiin ganacsatada Qaadka ee wadanka Kenya ayaa ka dalbaday dowladda dalkaasi inay u furto xadka, si Qaadka uga soo gudbiyaan halkaasi, maadaama dowladda federaalka Soomaaliya ay ka diiday dalabkii ay u jeediyeen. Sidoo kale waxa ay tilmaameen si maalinle ah ay u soo gudbin karaan 20 tan oo Qaad ah, haddii loo furo dhanka Sohdinta, kuwaaas oo ay geynayaan deegaanada Jubbaland. Waxa kale oo ganacsatada Qaadka Kenya ugu baaqeen dowladda dalkaasi inay wada-hadal la furto xukuumadda Muqdisho, si loo gaarao xal wanaagsan. Ugu dambeyn gudoomiyaha Nyamita Kimathi Munjuri oo ay ku mideysan yihiin ganacsatada Qaadka Kenya ayaa xusay in haddii loo tixgeliyo go’aankaas ay ka soo kaban lahaayeen dhibaatooyinka dhaqaale ee soo gaaray inta lagu guda jiro Covid-19. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay markale dowladda Soomaaliya ay amar adag dul-dhigtay diyaaradaha Qaadka ka keena dalalka Kenya iyo Itoobiya, waxaana hay’adda duulista rayidka hawada ay wacad ku martay inay tallaabo ka qaadi doonto diyaarad kasto oo ku gudubta hawada Soomaaliya, inta dib looga fasaxaayo Qaadka.
-
(SLT-Washington)-Dowladda Mareykanka ayaa ku hor ceebowday Golaha Ammaanka QM kadib markii dhammaan xubnaHa golaha, marka laga reebo hal dal, ay diideen isku day ay cunaqabteyn dhaqaale oo cusub ay ku saari lahayd Iran. 13 ka mid ah 15-ka ee Golaha Ammaanka ayaa soo saaray warqado ay uga soo horjeedaan isku day uu maamulka Trump kusii dheereynayo cunaqabetynta dhaqaale ee Iran. Warqadahan ayaa lasoo saaray 24 saac gudahood markii xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo uu yimid New York, isaga oo Iran ku eedeynaya inay ka baxday heshiiska Nukliyeerka ee loo yaqaan JCPOA, sidaas darteedna ay tahay in la dheereeyo cunaqabateynta saaran, oo waqtigeeda uu dhacay. Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ahaa qodob dhigaya in haddii Iran ay ka baxdo heshiiska dib loo saari karo cunaqabteynta muddo 30 maalmood gudahood ah. Hase yeeshee, dhammaan dalalka xubnaha ka ah golaha ayaa ku dooday in Mareykanka uusan lahayn sharicyad uu qodobkaas ku adeegsado maadaama uu heshiiska ka baxay bishii May 2018 Dowladda Mareykanka ayaa ku doodeysay in farsamo ahaan ay weli qeyb ka tahay heshiiska oo la saxiixay 2015. Si kastaba dooddan ayaa waxaa diiday dalalka Faransiiska, UK iyo Germany xitaa kahor inta uusan Pompeo ku dhowaaqin. Guul-darrada Mareykanka iyo qaraarka uu wado ayaa waxaa loo sababeeyey awood sheegadka iyo handadaadda uu la yimid Pompeo, oo dalalka Yurub ku eedeeyey “inay la jirsadeen Ayatollahi-yada.” Source
-
New York (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku hor ceebowday Golaha Ammaanka QM kadib markii dhammaan xubnaha golaha, marka laga reebo hal dal, ay diideen isku day ay cunaqabteyn dhaqaale oo cusub ay ku saari lahayd Iran. 13 ka mid ah 15-ka ee Golaha Ammaanka ayaa soo saaray warqado ay uga soo horjeedaan isku day uu maamulka Trump kusii dheereynayo cunaqabetynta dhaqaale ee Iran. Warqadahan ayaa lasoo saaray 24 saac gudahood markii xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo uu yimid New York, isaga oo Iran ku eedeynaya inay ka baxday heshiiska Nukliyeerka ee loo yaqaan JCPOA, sidaas darteedna ay tahay in la dheereeyo cunaqabateynta saaran, oo waqtigeeda uu dhacay. Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ahaa qodob dhigaya in haddii Iran ay ka baxdo heshiiska dib loo saari karo cunaqabteynta muddo 30 maalmood gudahood ah. Hase yeeshee, dhammaan dalalka xubnaha ka ah golaha ayaa ku dooday in Mareykanka uusan lahayn sharicyad uu qodobkaas ku adeegsado maadaama uu heshiiska ka baxay bishii May 2018. Dowladda Mareykanka ayaa ku doodeysay in farsamo ahaan ay weli qeyb ka tahay heshiiska oo la saxiixay 2015. Si kastaba dooddan ayaa waxaa diiday dalalka Faransiiska, UK iyo Germany xitaa kahor inta uusan Pompeo ku dhowaaqin. Guul-darrada Mareykanka iyo qaraarka uu wado ayaa waxaa loo sababeeyey awood sheegadka iyo handadaadda uu la yimid Pompeo, oo dalalka Yurub ku eedeeyey “inay la jirsadeen Ayatollahi-yada.”
-
Kulankii Shalay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku dhexmaray Safiirka Maraykanka iyo Madaxweyne Farmaajo oo uu weheliyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa si kulul looks hadlay Madaxdaxweyne Farmaajo. [...] The post Beesha Caalamka oo ka hortimid Heshiiskii Dhuusamareeb iyo in Baarlamaanka horgeeyo appeared first on . Source
-
Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, ahaana duqii Muqdisho, Taabid Cabdi Maxamed ayaa soo dhoweeyey qodobadii ka soo baxay shirka ay madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada qaar ku yesheen magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Qoraal uu Taabid soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa waxa ku sheegay inay muhiim tahay in la dhaqan-geliyo heshiiskaasi oo muhiim u ah doorashada 2020/2021. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare inay turxaan-bixiyaan qodobada heshiiskaasi, si loo bilaabo dhaqan-galkiisa. Halkan hoose ka aqriso qoraalka. Qodobbada Shirka Dhuusamareeb3 waxey u muuqdaan iney meesha ka saareen hubanti la’aantii doorashada, wacyiga in wax lagu qaatay iyo ugu dambeyn in tanaasul la muujiyay, waana boogaadineynaa. Sidoo kale, waa tallaabo dhiirigalin mudan in meel dhexe la isugu yimid, shacabka Soomaaliyeedna tiro ka badan kuwii hore fursad u helaan ka qeyb qaadashada doorashada 2020/2021 iyada oo loo marayo nidaamka Xisbiyada badan. Ugu dambeyn, waxaan ku baaqeynaa arrimaha soo socda in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhameystiro si heshiiskan hirgelintiisu u bilowdo. 1. Tirada Aqalka Sare ee 2020/2021 in lagu caddeeyo nuqulka heshiiska inuu noqon doono 67 Senator inta aan la horgeyn Golayaasha, maadama matalaaadda 13 Senator ay Banaadir si sharci ah u yeelatay. 2. In Puntland iyo Jubbaland labadaba fursad loo siiyo wixii talo ah oo ay ku biirin lahaayeen heshiiska doorasho ee Dhuusamareeb3. 3. Maamulka Doorashada 2020/2021 hadii ay maamulayaan GMDQ waa arrin wanaagsan balse u baahan tallo-loo dhanyahay si aan loo siyaasadeyn go’aannada iyo qorshooyinkooda. 4. In heshiiska doorasho ay labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliyeed wadajir u turxaan bixiyaan, gaar ahaan meelaha u baahan kabidda una ansixiyaan. View the full article
-
Sawir hore Ceelsaliini Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in Xalay weerar culus Al-shabaab la beegsatay Xerada Lama-galaay oo saldhig u ah Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya. Goob-joogalayaa ku sugan Beledweyne ayaa laga soo xigtay in ay Xalay Rasaas xooggan oo ka maqleen gudaha Xerada Lama-galaay kadib markii Al-shabaab weerar qorshaysan ku qaadday Ciidamada Dowladda ee ku sugan Xeradaas inkastoo Khasaaraha ka dhashay aan weli la xaqiijin. Sidoo kale Al-shabaab ayaa la sheegay in ay isla xalay weerareen Saldhiga Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan halkaas oo dagaal saacado socda ku dhexmaray labada dhinac. Weerarka Halgan oo madaafiic ku bilowday ayaa Ciidamada Itoobiya kaga jawaabeen Hubka culus inkastoo aan faahfaahin laga gelin Khasaaraha kala gaaray dhinacyada dagaallamay. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo weeraro culus la beegsaday Saldhigyo ku yaalla Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa weli isa soo tararaya khasaaraha ka dhashay dagaallo u dhexeeyey ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland iyo Al-Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Bari, gaar ahaan dhulka buuraleyda ah ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalladaasi oo ka dhacay agagaarka degmooyinka Qandala iyo Caluul jab xoogan lagu gaarsiiyey dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab. Ugu yaraan illaa 10 ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu dilay dagaalladan, iyadoona gacanta lagu dhigay 3 maxbuus, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha ammaanka Puntland. Sidoo kale waxa ay saraakiisha iyo mas’uuliyiinta kla hadlay warbaahinta ay shaaciyeen in dagaalladaasi ay Al-Shabaab uga soo furteen hub fara badan, sida ay hadalka u dhigeen. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana saaka goobihii lagu diriray tegay xubno ka tirsan guddiga amiga Puntland oo booqday ciidamada maamulkaas ee ku sugan furunta dagaalka. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, Taabid Cabdi Maxamed oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay heshiiskii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. Taabid oo haatan ah hoggaamiyaha Xisbiga Awooda Shacabka ayaa sheegay inuu marka hore soo dhoweynayo qodobadii ka soo baxay shirka Dhuusamareeb 3 ee ay yeesheen Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Madaxweynayaasha maamullada Koonfur Galbeed, HirShabelle, Galmudug oo marti loo ahaa iyo duqa magaalada Muqdisho. Sidoo kale wuxuu fariin u diray xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya isaga oo ka dalbaday in heshiiskaas ay si wadajir ah u turxaan bixiyaan. Ugu dambeyn wuxuu soo jeediyey afar qodob oo dhameystir u baahan, si loo dhaqan geliyo heshiiska lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb. Halkan hoose ka aqriso qoraalka Qodobbada Shirka Dhuusamareeb3 waxey u muuqdaan iney meesha ka saareen hubanti la’aantii doorashada, wacyiga in wax lagu qaatay iyo ugu dambeyn in tanaasul la muujiyay, waana boogaadineynaa. Sidoo kale, waa tallaabo dhiirigalin mudan in meel dhexe la isugu yimid, shacabka Soomaaliyeedna tiro ka badan kuwii hore fursad u helaan ka qeyb qaadashada doorashada 2020/2021 iyada oo loo marayo nidaamka Xisbiyada badan. Ugu dambeyn, waxaan ku baaqeynaa arrimaha soo socda in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhameystiro si heshiiskan hirgelintiisu u bilowdo. 1. Tirada Aqalka Sare ee 2020/2021 in lagu caddeeyo nuqulka heshiiska inuu noqon doono 67 Senator inta aan la horgeyn Golayaasha, maadama matalaaadda 13 Senator ay Banaadir si sharci ah u yeelatay. 2. In Puntland iyo Jubbaland labadaba fursad loo siiyo wixii talo ah oo ay ku biirin lahaayeen heshiiska doorasho ee Dhuusamareeb3. 3. Maamulka Doorashada 2020/2021 hadii ay maamulayaan GMDQ waa arrin wanaagsan balse u baahan tallo-loo dhanyahay si aan loo siyaasadeyn go’aannada iyo qorshooyinkooda. 4. In heshiiska doorasho ay labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliyeed wadajir u turxaan bixiyaan, gaar ahaan meelaha u baahan kabidda una ansixiyaan.
-
Madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa si wadajir ah warsaxaafadeed uga soo saaray heshiiskii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Qoraalkan ayey Axme Madoobe iyo Siciid Deni gabi ahaan waxa ay ku qaadaceen qodobadii lagu saxiixay shirka Dhuusamareeb 3 oo labaduba ay ka maqnaayeen. Go’aanka Puntland iyo Jubbaland waxa ay kusoo koobeen 4-qodob oo kala ah: 1-Dowladaha Puntland iyo Jubbaland waxa ay iyaga oo ixtiraamaya aragtida ka qaybgalayaasha, caddeynayaan in qodobada qoraalka kasoo baxay Shirka Dhuusamareeb 19-kii agoosto 2020 ee ku aadanaa soo jeedinta hannaanka doorashada dalka ay tahay aragti ku kooban madaxdii ka qaybgashay shirka oo ahaa Madaxweynaha JFS, Madaxweynaha Galmudug, Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed. 2-Dowladaha Jubbaland iyo Puntland waxa ay caddeynayaan in aysan qayb ka ahayn, laguna matalin shirka ka dhacay Dhuusamareeb. 3-Dowladaha Jubbaland iyo Puntland waxa ay markasta diyaar u yihiin dadaal kasta ee loo dhan yahay oo lagu gaari karo hirgelinta doorashada 2020/21, iyada oo noqota mid waqtigeeda ku dhacda, si isla ogol ahna looga heshiiyo hannaanka loo marayo qabsoomidda farsamo iyo maamul ee doorasho. 4-Dowladaha Jubbaland iyo Puntland waxa ay beesha Caalamka uga mahad celinayaan taageerada ay sida joogtada ah ula garabtaagan yihiin dadaalada geedi socodka iyo dib u dhiska hay’adaha Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah si loo helo xasilooni siyaasadeed, amni, Dowladnimo wanaagsan iyo horumar dhaqaale. Halkan hoose ka akhriso:- View the full article
-
With elections slated for November delayed due to COVID-19, Somalia is at a critical juncture, the top United Nations official in the country told the Security Council on Thursday, pressing federal and state leaders to agree on voting modalities, and bolster the capacity of forces which are meant to assume full control of national security, next year. Source: Hiiraan Online
-
Auction prices for tea have recorded an increase for a straight fourth week, recovering from a 13-year low reported in the period ended June. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Subax-2282020.mp3 View the full article
-
Left-wing groups say the troop presence has made Germany complicit in U.S. drone wars. Source: Hiiraan Online
