-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
MOGADISHU (HOL) - African Union forces have held back an attack by the militant group Al-Shabaab in the outskirts of the Somali capital Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ayaa su’aalo adag ka keenay sida ergada soo dooraneysa xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad ay uga bad-qabi karaan Al-Shabaab. Xildhibaanka oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa qormadiisa ku bilaabay su’aashan, “Suurtogal ma tahay in Alshabaab dowr ku yeeshaan doorashada soo socota 2020 – 2021?” Waxa uu mid mid u dul istaagay caqabadihii ay wajaheen ergadii soo dooratay xildhibaanada haatan shaqeeya ee baarlamaanka 10-aad. “Ergadii 14 kun ahayd ee sanadkii 2016 soo doortay 275 Xildhibaan Golaha Shacabka intooda badan waxay noqdeen kuwa la dilay, kuwa Alshabaab isku dhiibay, kuwa ka cararay dalka iyo kuwa afar sano dhuumaaleysi ku jiray” ayuu yiri. Mahad Salaad ayaa qoraalkan ku soo bandhigay laba su’aalood oo kala ah. Ku dhawaad 83 kun ee hada wax ha doorteen la yiri xagee laga keenayaa, hadiise ay noqoto in la helo maxaa damaanad ah oo ay heystaan in aysan mari doonin wadadii ay mareen kuwii iyaga ka horeeyay? Sidee looga ilaalinayaa odoyaashii iyo ergadii isku dhiibay Alshabaab in ay ka soo mid noqdaan kuwa hada wax dooranaya, si inta u soo xulaan ergo Alshabaab aysan u soo dooran Xildhibaan Alshabaab ah? War-murtiyeedkii shirkii Dhuusamareeb-3 ayaa lagu shaaciyey in xildhibaanada kuwaan bedelaya kiiba ay soo dooraneyso 301 qof oo ergo ah, halka kuwa haatan shaqeeya ay soo doorteen kiiba 50 ergo. The post Mahad Salaad oo laba su'aal oo cabsi leh ka keenay xildhibaanada cusub ee la soo dooranayo 2020/21 first appeared on Caasimada Online.
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Qubanah-Shabelle-22082020.mp3 View the full article
-
Madasha Xisbiyada oo Soo Dhoweysay Heshiiskii Dhuusamareeb3
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo dhoweeysay hannaanka doorashada ee ka soo baxay Shirkii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb3, waxaana ay sheegtay madashu inuu shirku u baahan yahay dhammeystir, Halkaan Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray goordhoweyd wuxuu kaga hadlay shirkii lagu soo gaba-gabeeyey gudaha Dhuusamareeb iyo heshiiskii lagu gaaray, kaasi oo ay ka maqnaayeen maamulada Puntland iyo Jubbaland. Madasha ayaa si aan la fileyn usoo dhaweysay heshiiskaasi lagu gaaray shirka Dhuusamareeb-3, iyadoona sheegtay in hanaanka doorasho ee la isla gaaray uu yahay mid loo qaaday dhanka saxda ah ee qabsoomida doorashada. Madasha waxay lagama maarman ku sheegtay in xiligan la helo heshiis loo dhan yahay, si loo gaaro hanaan doorasho oo wada ogol ku yihiin saamileyda siyaasada dalku, isla markaana u dhan yihiin. “Madashu waxay soo dhaweynaysa hanaanka doorasho ee kasoo baxay shirka Dhuusamareeb-3, waxayna u aragtaa hanaankaasi inuu yahay tallaabo loo waaday dhanka saxda ah” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Madasha. Waxa kale oo lagu yiri “Madashu waxay aaminsan tahay heshiiska Dhuusamareeb-3 in uu weli u baahan yahay dhameystir wada-ogol ah sidii hore”. Madasha ayaa sidoo kale sheegtay in ka maqnaashaha Puntland iyo Jubbaland ee shirkaasi uu wax u dhimayo wada-jirka lama huraanka ah ee hanaanka doorasho iyo weliba sidii lagu heli lahaa go’aan wadar ogol ah. Ugu dambeyntiina Madasha ayaa war-saxaafadeedkaasi ku sheegtay inay dhawaan soo saari doonto faah-faahin ku aadan mowqifkeeda rasmiga ah ee qodobadda heshiiska ah ee kasoo baxay shirka Dhuusamareeb-3. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Madasha oo dhameystiran:
-
Source
-
Ciidanka Boliiska degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan degmada waxey ku soo qabteen maandooriyaha Khamriga iyo dadkii ka ganacsanayay. Taliyaha Boliiska saldhiga degmada Caabudwaaq G/le Qalbi Axmed Cali oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidanku sidoo kale ay qabteen 7 kamid ah dadka ka ganacsada maandooriyaha Khamriga, lana gubay. Taliyaha ayaa tilmaamay in maandooriyahaan laga soo geliyo dhanka Itoobiya oo gobolku xuduud dhulka ah lawadaago gobolka, wuxuuna bulshada iyo dadka keenaba uga digay isticmaalka iyo ka ganacsigiisa Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ummadda Soomaaliyeed waxaa ka dhexeeya baahi aan dhammaanayn sida diinta, dalka, deegaanka, daaqa, dawladnimada, darisnimada, luqadda, ehelnimada, wada noolaanshaha iyo wax badan oo aan halkan lagu soo koobi karin. Soomaalidu waa badar qabe iyo biyo qabe isu baahan oo aan sinna u kala maarmin. Burburkii loo gaystay qarannimadii Soomaaliyeed kadib, waxaa la isku dayay oo waqti iyo hanti badan ku luntay sidi Soomaali dib isugu soo noqon lahayd oo maalinba meel bay soo joogtay, caqabado badanna way la kulantay isku-daygaa. Dib-u-heshiisiinnadii qaranka Soomaaliyeed dib loogu soo celinayay waxaa gogosheeda dhigi jiray dawlado ajnabi ah sida Djibouti (xilligii Cali Mahdi iyo xilligii Carta), Ethiopia (Addis Ababa iyo Sodere), Shirkii Qaahira ee Masar iyo Kenya (Eldoret iyo Mbagathi). Wada tashiyo kale oo fara badan baa dalka gudihiisa ka qabsoomay taas oo fududeynaysay mar walba in la wada hadlo. Waxaa ka mid ahaa heshiiskii dhex maray Cabdullaahi Yuusuf iyo Maxamed Faarax Caydiid xilligii maamulkii Sal-Ballaarta la baxay iyo wada tashiyadii kale ee ay ku dhismeen maamul goboleedyo iyo maamul ku dhawaaqay gooni isu tag kuwaas oo markaa loo arkayay maslaxad lagu gaaro Dawlad Soomaaliyeed. Dadaalladaa dib-u-heshiineed ee faraha badnaa waxaa ugu dambayn laga dhaxlay in ay dhalato Dawlad ku meel gaar ah sanadkii 2000. Dawladdii ku meel gaarka ahayd waxay horseed u noqotay in la gaaro Dawlad madax bannaan oo caalamku aqoonsan yahay oo ku dhisan nidaamka federaalka. Puntland waxay dawr wayn ku lahayd dib-u-heshiisiinnadaa aan kor ku soo xusnay ilaa ay isku magacawday hooyadii federaalka. Waxay sidoo kale Puntland nasiib u heshay in Soomaali ku wada tashato caasummadeeda Garowe, wada tashiyadaa oo loo garan ogyahay Garowe1 iyo Garowe2 ayaa noqday mid miro dhaliyey oo loogu gogol xaaray in Soomaali ka baxdo kumeel gaarka. Heshiiskaa Garowe1 iyo Garowe2, waxaa ka dambeeyey wada tashiyo badan oo madaxweynayaasha qaran ay mar walba ka soo qayb galayeen, laguna qabanayay Garowe. Soomaalidu maadaama aysan kala maarmin, dano is diidayana ay qayb waliba wadatay oo kala maan ah, ayaa haddana waxay hallkaa ku soo gaareen tanaasul iyo isu dhimrin, oo inta badan ka imaanaysay Soomaalida kale marki laga reebo Puntland. Haddaba, Puntland maxay hormuudnimadii ku badalatay? Sidaannu wada ogsoonnahay, Puntland waxay diidday in ay ka qaybgasho gunaanadkii shirarkii wada tashi ee isdaba joogga ahaa ee Dhuusamareeb ka dhacayay ayada oo ku xirtay ka qaybgalka shirkaa shuruudo aan garawsho lahayn. Dhuusamareeb ka horna, Puntland waxay diidday marti qaadyo Madaxweynaha Dawladda Federaalka u fidiyey. Puntland ma Farmaajay diiddan tahay, mise Soomaali? Puntland iyo siyaasiyiinteeda qaar ma mid ah ayaa marar badan ku tilmaamay Madaxweynaha dalka, Mudane Farmaajo in uu yahay ‘Kaligi-Taliye’ macangag ah, tilmaamtaa oo noqotay mid aan sal iyo raad lahayn ka dib markii uu Farmaajo muujiyey dabacsanaan, tanaasul, u turid ummadda Soomaaliyeed, qaadashada talooyinka dadka ka ra’yiga duwan ay soo jeediyaan tan iyo markii uu xukunka qabsaday, maragna ka noqdeen madaxda dawlad goboleedyada. Haddaba, miyaan la oran karin waxaa kaligi talisnimadaa Farmaajo lagu tilmaamay ku sifoobay hoggaamiyayaasha Puntland iyo Jubaland oo iska dhaga tiray farriimihii ay u soo gudbiyeen gaal iyo muslimba in ay ka qaybgalaan xal-u-raadinta doorashada qaranka Soomaaliyeed taas oo loo arkayay in ay ahayd xalkii ugu dambeeyey ee looga samata bixi lahaa khilaafaadkii iyo dhibaatooyinkii muddada dheer soo jiitamayay ee hor taagnaa masiirka ummada Soomaaliyeed. Waxaa is waydiin mudan humaagga Puntland iyo Jubaland u muuqda oo ay arki waayeen maamul goboleedyada kale ee Soomaaliyeed, Dawladda Federaalka iyo Beesha Caalamka? Puntland waxa ay iska indha tiraysaa duruufaha ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed guud ahaan iyo dadka reer Puntland gaar ahaan ayaga oo diiddan in ay dalka ka dhacdo doorasho toos ah sida ay iyaduba ugu fashilantay in ay Puntland ka dhacdo doorasho toos ah 22 sano kadib. Sida uu ka dhawaajiyey Madaxweyne Farmaajo inkasta oo uusan carabka si toos ah ugu dhufan, Puntland iyo Jubaland waxay doonayeen walina doonayaan in ay ayagu soo magacaabaan mudanayaasha ku meteli doonaa golayaasha Baarlamaanka ee labada aqal ayada oo aan doorasho la galin, sida ay horeyba caadadu ugu ahayd. Haddaba, maxay mudanayaasha cusubi kaga duwanaan karaan mudanayaashii hore oo ay Puntland iska diidi jirtay xeerarka iyo shuruucda ay ansixyaan ayaga oo ku meteleyay Puntland labada aqal? Puntland waxay diidday xeerkii doorashada lagu gali lahaa 20/21, xeerkii batroolka, xeerkii badda, xeerkii hawada, dayn cafintii Soomaaliya iyo qaar kale oo badan. Yay matalaan baarlamaanka labada aqal, haddii aysan matali karin dadkii ayaguba soo doortay? Waxaa xaqiiq ah in Puntland aysan lahayn han siyaasadeed oo ay kaga qayb galaan hogaaminta dalka, waxaadna u malaysaa in ay danaynayaan kaliya in Dawladda Farmaajo meesha ka baxdo cid kasta oo kale ha timaaddee taas oo ah libin xasad oo ay Soomaalidaba u badan tahay ninki wax qaban waayaa uu colaadiyo kan wax qabanaya. Haddaba, Puntland dhagaheedu ma dhuuntay ku yaallaan oo waxay doonaysaa in lagu laaluusho danaha qaranka Soomaaliyeed oo ay iyaguba ka mid yihiin waajib saaranna ku tahay in ay raadiyaan? Nasrudin Mohamed Ahmed – Waxaad kala xiriiri kartaa Email: ahmedfiqi2018@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Maanta dil ku xukuntay Dable, Faarax Cabdirashiid Cilmi oo horay ugu eedaysnaa in uu dilay marxuum, Cabdi Muxumed oo ahaa Qof shacab ah. Maxkamadda ayaa sido kale Saddex Sano oo xabsi ciidan ah ku ridday eedaysane, Maxamed Rashiid oo isna katirsanaa Ciidamada Daraawiishta Jubbaland. Garsooraha Maxkamadda Ciidamada Daraawiishta Jubbaland, Bashiiir Maxamuud Xareed ayaa sheegay in eedeysanayasha ka tirsanaa Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee degaanka Cabdalla Biroole dambiga lagu soo eedeyay ay galeen, islamarkaana Maxkamaddu ay ku xukuntay dil iyo xabsi Ciidan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
War qoraal oo uu soo saaray xeer ilaaliyaha guud ee HirShabelle, Mudane Cabdullahi Maxamud Gacal ayaa wuxuu ku sheegay inuu isaga casilay xil-kaasi. Qoraalkan ayuu sidoo kale xeer ilaaliyuhu ku shaaciyey inuu isku casilay, sababo isaga u gaar ah, islamarkaana uu ku war-geliyey madaxda dowlad goboleedka HirShabelle. Halkan hoose ka akhriso:- View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Haben-22082020.mp3 View the full article
-
Garowe (PP News Desk) — Mideeye, a political association in Puntland, has come out in support of Dhuusamareeb Agreement on the electoral model for 2021 elections in Somalia. “In line with the principles of the organisation based on national unity, popular mandate and creation of consensus-basedcsociety, Mideeye endorses the communique on Dhuusamareeb Agreement. Mideeye calls on leaders at federal and state levels to convene again in order solve differences and arrive at a consensus-based solution” reads the statement. Mideeye Chairman Dahir Haji Khalif Mideeye urged Puntland and Jubaland governments to take an active role in endeavours for searching a better solution to national political problems. Mideeye thanked Galmudug State for hosting Dhuusamareeb Summit. Some observers believe Mideeye ventured into federal politics without having a political mandate. Supporters of Mideeye counter that Puntland has passed the stage of clan-based constituency politics now that Puntland State Government has a political association, Kaah, making political decisions that have national implications. Puntland boycotted Dhuusamareeb III Summit and called for a guarantor role for the International Community in the Summit. Mideeye supporters argue that the political organisation cannot act as a bystander when a Kaah government is taking political decisions that isolate Puntland politically. © Puntland Post, 2020 The post Mideeye Endorses Dhuusamareeb Agreement appeared first on Puntland Post.
-
Daahir xaaji khaliif, guddoomiyaha Mideeye Urur siyaasadeedka Mideeye ee Puntland ayaa soo dhaweeyay qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3. War-saxaafadeedka ka soo baxay urur siyaasadeedka Mideeye ayaa lagu sheegay in ururku war-murtiyeedkii shirkii Dhuusameeb 3, u arko tallaabo wax ku ool ah oo horey loogu qaaday hirgalinta doorashooyinka Soomaaliya 2021/2021. Ururka Mideeye ayaa soo jeediyay in madax dalka heer federaal iyo heer dowlad goboleed ay sugu soo laabtan madal kale oo lagu dhan yahay, si looga gudbo kala aragti duwanaanshaha weli taagan. Urur siyaasadeedka Mideeye oo ka diiwaan gashan heer dowlad goboleed ayaa Puntland iyo Jubbaland ugu baaqay inay ka qeybqaataan dadaalada xal u raadinta mustaqbalka dalka. Ugu dambeyna Mideeye ayaa u mahadceliyay dowlad goboleedka Galmudug oo marti galiyay shirarkii Dhuusamareeb 1,2,3. PUNTLAND POST The post Mid kamid ah ururada siyaasadda Puntland oo soo dhaweeyay qodobadii Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Geneva (Caasimada Online) – Madaxa hay’adda caafimaadka aduunka ee (WHO) ayaa markii u horeysay shaaciyay waqtiga ay rajeynayaan inuu dunida ka dabar go’o cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19. Tedros Adhanow Ghebreyesus ayaa sheegay in cudurkaasi uu dunida maca-salaameyn doono wax ka yar Labo sanno, xili uu si weyn ugu faafay aduunka oo dhan, isla markaana soo ritay malaayin qof. Tedros ayaa ku doodaya in cudurka Covid-19 uu la xili noqon karo Hargabkii lagu magacaabi jiray ‘Spanish flu’ ee caalamka ka dilaacay 1918-kii, oo qaadatay in la soo afjaro muddo 2-sano ah. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in muddadaasi ay ka koobnaan doonto soo afjaridiisu, maadama xiligan marka la eego horumarka laga gaaray dhanka tiknoolajiyada ay caalamka u suurta-galin karto in feyriska lagaga takhaluso muddo kooban. “Dabcan maadaama caalamku isku xiran yahay, waxa uu feyriska fursad u helayaa in uu sii faafo. Balse sidoo kale, waxaan haysanaa tiknoolajiyad lagu joojin karo iyo aqoon lagu hor istaagi karo” ayuu yiri. Hadalkan ayaa kusoo aadaya xili uu cudurka safmarka ah ee Covid-19 uu si weyn ugu faafay dunida, isagoona dilay ilaa 800-kun oo qof inta la ogyahay, halka uu soo ritay dad ka badan 22-Milyan oo qof.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka cusub ee dawladda Federal-ka Itoobiya dhawaan u soo magacowday Jamhuuriyadda Somaliland, Amb Siciid Maxamed Jibriil. Kulankan Madaxweynuhu ku qaabiley Safiirka, ayaa ujeedkiisu ahaa soo dhawayn, madaama safiirku xafiiska safaaradda ku cusub yahay oo dhawaan dawladda federal-ka Itoobiya u soo magacawday Dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Kulankan, ayaa sidoo kale lagu lafo-guray wada-shaqaynta iyo xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaal-ka Itoobiya ee ku tiirsan iskaashiga horumarka, ganacsiga, isu-socodka iyo arrimaha nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika. Waxaana Kulankaa Madaxweynaha ku wehelinayey Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, dhinaca safiirkana waxa ku wehelinaayey safiir ku xigeenka safaaradda Itoobiya iyo masuuliyiin kale. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
-
Waxaa in mudo ah kolba madaxa derbi ku dhifanaayay Madaxweyne Farmajo, laakiin kama danbeystii tabartiisa siyaasadeed ayaa u run-sheegtay. Madaxweyne Farmajo wuxuu in mudo ah ku dheganaa: 1. Doorashada 2020/2021-ka waxaa lagu xeerinayaa “Sharciga Doorashoyinka Qaranka ee Heer Federal”, ee Labada Gole-ogolaadeen 2/2/2020, isla-markaasna Madaxweyne Farmaja-na saxiixay 20/2/2020 kii. 2. Iyo in doorashadu tahay “Hal-Qof-iyo-Hal-Cod”. Dhanka kale Madaxweyne Farmajo wuxuu diidanaa in aay dalka ka dhacdo “Doorasho la isla ogol-yahay xiligeedana ku dhacda”. Miraha Shirkii Dhusa-Mareeb 3: Sida ku cad “Heshiiska Dhusa-Mareeb 3” Madaxweyne Farmajo waa ka tanaasulay 2-dii qodob ee uu ku dheganaa sida ku cad “Heshiiska Dhusa-Mareeb 3”. Mara-ku dhegii ugu danbeeyay: Hase-yeeshee Madaxweyne Farmajo wuxuu si-indha la’aan ah ugu dhegan-yahay in Gudiga Madaxa-Banaan Ee Doorashoyinka Qaranku in uu hogaamiyo Doorashada 2020/2021-ka (fiiri Qodobka 13-aad). Sidaas oo kale waxaa Madaxweyne Farmajo ku dhegan-yahay in “Heshiiska Dhusa-Mareeb 3” in la geeyo Golaha Shacabka (fiiri Qodobka 12-aad) ee heshiiska. Su’aal (1): Hadiiba la tuuray ama dhinac la iska dhigay “Sharcigii Doorashooyinka Qaran ee Heer Federal” ee Madaxweyne Farmajo saxiixay 20/2/2020-kii, sharcigee ayeey Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashoyinka Qaranku ku maamulayaan Doorashada 2020/2021-ka? Su’aal (2): Ka hor inta aan heshiis-kaani Golaha Shacabka la-weydiin in aay aqbalaan: Horta Madaxweynuhu jawaab ma u-hayaa Golaha Shacabka hadii la weydiiyo: Mudane Madaxweyne aaway Sharcigii Doorashada ee Golaha Shacabku horay u ansaxiyay? Dhab ahaantii Madaxweyne Farmajo jawaab uma haayo 2-daas su’aalood. Sharci ahaanshaha in Gudiga Doorashada ee Madaxa Banaan in uu Doorashada 2020/2021-ka maamulo iyo ka qancinta Golaha Shacabka in Madaxweyne Farmajo joojiyay ku dhaqanka Sharcigii Doorashooyinka Qaranka. Culayska ka dhalan-doona labadaas arimood waxay horseedi-doonaan “Muran-siyaasadeed”, sababta oo ah horay ayuu Madaxweyne Farmajo Golaha Shacabka ugu balan-qaaday in aanu aqbali-doonin in talada lala-garab maro Golaha Shacabka…Sidaas oo kale Maamul-Goboleedyada xooga leh sida Puntland iyo Jubbaland iyo Madasha Xisbiyada Qaran ma aqbali-doonaan in Gudiga Madaxa-Banaan ee Doorashoyinka Qaranku maamulo Doorashooyinka 2020/ 2021-ka sababta oo Gudigu mahaysto sharci uu wax ku maamulo. Gebagebadii, Shirkii Dhusa-Mareeb 3″ wuxuu sababi-doonaa “guul-daro siyaasadeed” oo u soo hoyata Madaxweyne Farmajo iyo “muran-siyaasadeed”, oo saameeysa guud ahaan siyaasada Soomaaliya, gaar ahaan arimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka. XALKA Wadada (ama xalka) kaliya ee Madaxweyne Farmajo u furan waa: 1. In uu si cad oo aan leex-leexad lahayn umadda Soomaaliyeed ugu sheego in uu aqbalay baaqii Maamul Goboleedyada, Madasha Xisbiyada Iyo Aqalka Sare ee ahaa in Dalka laga qabto “doorasho la-isla-ogolyahay isla markaasna ku dhacda waqtigeeda”. 2. In Madaxweynuhu ku dhawaaqo ‘Shirka Dhusa-Mareeb 4″ isla markaasna horay usii sheego in wax lagu duldhisi-doono mirihii “Shirkii Dhusa-Mareeb 2”, isla markaasna meesha laga saaray wixii ka soo baxay “Shirkii Dhusa-Mareeb 3”. Wadadaas Alle haku hanuuniyo Madaxweyne Farmajo, hadiise uu-diido wadada saxda ah ee u furan Golaha Shacabka ee Soomaaliya waa in laga daba-geeyo saaxiibkiis Khayre, si dadka Soomaaliyeed looga badbaadiyo. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
KISMAYO (HOL) - A military court in Kismayo has sentenced to death a soldier who was found guilty of killing a civilian in the southern Somali city. Source: Hiiraan Online
-
Aqoonyahan Xasan Sheekh Cali ayaa sheegay in Farmaajo aanu Dhuusamareeb 3 kala soo noqon wixii uu rabay iyo dooddii uu la tagay. Prof. Xasan oo la hadlayey Goobjoog News ayaa yiri “ In arinta taagan ay aheyd in maadxweyne Farmaajo iyo xulufadiisa ay ku adkeysanayeen in dalka doorasho qof iyo cod ay ka qabanayaan iyaga oo ku doodaya in shirar ka kala dhacay Baydhabo, London iyo meelo kale ay madxda maamul goboleeyadda iyo dowladda dhaxe ay ku hesheiyeen in la qabto doorasho qof iyo cod ah balse ay golaha shacabka ay u shegeen madaxweynaha in ujeedadiisu ay sharci aheyn” Xasan Sheekh Cali waxaa uu qabaa in Farmaajo uu sii wado sharci darro “ islamarkaana wali madaxweynaha uu ku sii socddo ujeedoyinkiisi sharci daradd ahaa isl amarkaana wixii kasoo baxay shirka dhuusamareeb3 ay ka maqanyihiin maamuladda Puntland iyo Jubbaland oo ay tahay sharci darro kale uu sameeyay Farmaajo “. Hadda, qoraalka lagu saxiixay Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa in loo celiyo dowlad goboleedyada ka maqan si ay ugu daraan waxa ka dhiman, kadibna la horgeeyo baarlamaanka fedeaalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The Federal Government of Somalia welcomes the “important consensus” announced by the Government of National Accord of Libya and the House of Representatives on August 20, which aims at an immediate ceasefire, the suspension of all military operations, and the activation of the political process in the country to reach a permanent solution. View the full article
-
Tripoli (Caasimada Online) – Dowladda Libya ee caalamku aqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay caasimada Tripoli ayaa maalin-nimadii Jimcihii ku dhawaaqday xabad joojin ka hirgasha dalka, midaasi oo noqoneysa waji cusub oo xaalada cakiran wax ka badala. Dalkan qaniga ku ah saliida ayaa ku jiray xiisado hor leh oo dagaal tan iyo markii meesha laga saaray xukunkii Gadhafi, iyada oo ay ku loolamayeen wadamo badan oo dano gaar ah ka leh. Xabad joojintaasi ayaa waxa si weyn usoo dhaweeyay Lixda xubnood ee Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) sida ay maanta baahisay wakaalada WAM, oo Imaaraadka Carabta u qaabilsan faafinta wararka. Nayef Falah Mubarak al-Hajraf, Xoghayaha Guud ee GCC ayaa dhamaan dhinacyada isku haya dagaalkaasi usoo jeediyay ‘inay u hoggaansamaan tallaabadan wax ku ool ah’, isla markaana ay si deg deg ah u yeeshaan wada-hadallo siyaasadeed. Al-Hajraf ayaa waxa kale oo uu ku baaqay in lagu shaqeeyo dhex-dhexaadinta Qaramada Midoobay, si xal waara oo dhameystiran looga gaaro soo afjarista dagaalka iyo iska horimaadka ka socda Libya. Sidoo kale waxa dhawaaqa Dowlada Libya ee caalamku aqoonsan yahay soo dhaweeyey hogaamiyaha baarlamaanka bariga ee ay ishayaan dowladdaasi, isagoona codsaday in la joojiyo colaadda dabada dheeratay. Dowladda Libya ee caalamku aqoonsan yahay ayaa iyadu qabta in xiligan magaalada istraatiijiga ah ee Sirte ay noqoto goob ka caaggan militariga, maadama ay tahay Aagga xarumaha waaweyn ee dhoofinta saliidda ee Libya, isla markaana hoos loogu dhigo xiisada dagaal ee dalkaasi. Waxayna arrintaasi noqon kartaa tallaabo wax ku ool ah oo looga baaqsanayo dagaalada ragaadiyay dalkaasi, isla markaana hore loogu qaaday dhanka wada-hadalka iyo daminta xiisadaasi dagaal. Qalaalasaha dagaal ee Libya ayaa soo bilowday 2011-kii, tan iyo markii tallada dalkaasi laga tuuray hogaamiye Gadhafi, taasi oo dhalisay in dalkaasi uu labo dhinac oo hubeysan u kala qeybso, iyago oo taageero ka helaya wadamo shisheeye.
-
Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxa lagu sheegay in dowladda federaalka ay taagereyso heshiiska ay gaareen dhinacyada ku dagaalamaya dalka Liibiya, gaar ahaan mucaaradka iyo dowladda dalkaasi. Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in shacabka Liibiya ay dan ugu jirto midnimada iyo wadajirka, loona baahan yahay in la sii waddo wada-hadallada. “Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn u soo dhoweyneysa “is afgarad muhiim ah” oo ay ku dhawaaqday Dowladda Heshiiskii Qaranka ee Dawladda Liibiya iyo Golaha Wakiillada bishii Agoosto 20″ ayaa lagu yiri Warka dowladda. U jeedada ayaa ah xabbad-joojin deg-deg ah, joojinta dhammaan hawlgallada millatari ee dhammaan dhulalka Liibiya, iyo in la dhaqaajiyo geeddi-socodka siyaasadeed ee waddanka si loo gaaro. Xal waara oo rasmi ah oo lagu soo afjaro dagaalka iyo iskahorimaadka, iyo in la helo nabadgelyo iyo xasillooni loogu sameeyo dadka walaalaha ah ee reer Liibiya. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u aragtaa bayaankan inuu yahay tallaabo sax ah oo wax ku ool ah oo loo qaaday jihada saxda ah, waxayna ugu yeereysaa dhammaan qeybaha kala duwan ee Liibiya inay u hoggaansamaan una fuliyaan dhulka si loo ilaaliyo midnimada iyo dowladnimada loona wada shaqeeyo wadajirka iyo wada noolaanshaha gargaarka Qaramada Midoobay ee ku xiritaanka bogagga muranka iyada oo la oggolaado isafgarad” ayaa mar kale lagu yiri Warka dowladda. View the full article
-
Qoraal ka soo baxay Xisbiga Wadajir ayaa lagu sheegay in uu qabyo heshiiskii doorasho ee ay Dhuusamareeb ku gaareen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxda Maamul Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed,inkastoo shirka ay soo xaadirin madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland. Halkan Ka Eeg Qoraalka Ka Soo Baxay Xisbiga Wadajir Sidoo Kale Halkan Ka Daawo Warka Ka Soo Baxay Xisbiga Wadajir Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Farxad Murugo isu rogtay+Lamaanaha loo haysto Qarax ka dhacay Arooskooda Mirwais iyo Rehana waa ay ka naxeen in lagu eedeyey Qaraxii ka dhacay arooskooda Mirwais iyo Rehana oo arooskooda ka dhacayey caasimadda Afghanistan ee Kabul sanadii lasoo dhaafay ayaa lagu bartilmaameedsaday weerar ismiidaamin ah oo ay soo qaadeen kooxda Daacish kaas oo galaaftay in ka badan 90 qof oo ka mid ahaa martida arooska ka soo qayb gashay. Lamaanaha ayaa weerarka ku waayey qaar ka mid ah ehelkooda iyo asxaabtooda, waxa intaasi sii dheer in weerarka uu sameyn weyn ku heeshay caafimaadkooda dhanka maskaxda ah. Todobaadkan waxay ku beegantahay sanad guurada weerarkaasi. Markii ugu horeysay Rehana, oo 18 jir ah waxay go’aan satay in ay ka hadasho wixii maalinkaas dhacay. “Habeen walba waan ku qarwaa, “waan ooya oo ma seexdo, ” ayay BBC da u sheegtay. Meelaha ay Dadka badan isugu yimaadaan ayaa cabsi galiya Rehana marka ay gaari ku socdaalayso. ” Marwalba oo aan maqlo dhawaqa rasaasta iyo qaraxyada waxaan soo xusuustaa maalinkaasi, waxaana u malaynayaa in mar kale ay wax igu dhici doonaan”,ayay tiri. Ehelada qaar ka mid ah dadkii geeriyooday maalinkaasi ayaa waxaa ay la yimaadeen fikrad ah in dibadbax lagu qabto banaanka dhismahii uu arooska ka dhacayey markii weerarka lala eegantay si ay caddaalad u raadsadaan. Balse Mirwais ma uusan ka qayb galin sida uu sheegay. Gacmihiisa ayaa bilaabay in ay jareeyaan inta uu ka fakarayey weerarka. “Ka hor xaflada arooska waan faraxsaneen, “wax walba deg deg ayay ku dhaceen sida in uu cirkii soo dhacay oo kale. farxadeenii oo dhan ayaan halmar weynay. ” Ayuu yiri Mirwais oo ka ciyaaraya arooskiisa ka hor inta uusan Qaraxa dhicin Arooska lamaanahan ayaa loo beegsaday sabab la xiriirta in ay kasoo jeedeen shiicada laga tirada badanyahay ee Afghanistan, oo kooxda isku magacaawday dowladda Islaamiga ay u heystaan in ay lunsanyihiin. Dagaalyahanada IS ayaa weeraro is daba joog ah ku qaadaya dhawaanahan bulshada Shiicada ah. Dhibaatadii maskaxeed ee weerarka kasoo gaartay Rehana iyo Mirwais, waxay ka sii dartay markii qaar ka mid ah ehelada ay ku eedeeyeen in ay masuul ka yihiin waxyeelada soo gaartay. ” Maalin maalmaha ka mid ah aniga oo adeeganaya ayaa waxaan la kulmay haweneey ehelkeeda ku weysay arooskayga, “waxay iigu yeertay dilaa.” Qaar ka mid ah qoysaska dhibanayaasha ku waxyeeloobay qaraxa waxay billaabeen in lamaanaha ay u arkaan cadowgooda. Mirwais ayaa sheegay in ay qasab ku noqotay in ay xiraan mehradooda xadgudubyada ay la kulmayaan awgood. Rehana ayaa sidoo kale la bartimaameedsaday, oo dadka qaar waxaa ay leeyihiin hadii aysan lamaahan is guursan lahayn weerarkaasi ma dhici lahayn. ” qof walbaa aniga ayuu igu eedeynayaa wixii dhacay,” ayay ku tiri cod daciif ah. ” waan iska aamusaa oo waxba kuma jawaabo,” ayay intaa ku dartay. IS oo masuuliyadda weerarka sheegatay ayaan awood sidaas usii buurneen ku leh Afghanistan marka lala bar bardhigo Taliban, balse kooxda ayaa fuliyey tobonaan weeraro ay dad badan ku dhinteen. Bishii May waxaa lagu eedeyey weerar naxdin badnaa oo lagu qaaday qaybta dhalmada ee Kabul, halkaasi oo dagaalyahanada ay ku dhileen 24 haween, caruur iyo uur ku jir. Horaantii bishan Daacish ayaa qabsatay xabsi ku yaalla magaalada bari ee Jalalabad, iyagoo halkaasi ka sii daayey boqolaal maxaabiis ah. Dhibaatooyinka ayaa imaanaya iyadoo kooxda lagala wareegay gacan ku heynta dhun islamarkaana laga xir xiray saraakiil sar sare. Qaraabada oo kusugnaa banaanka hore ee cisbitalka bishii August sanadkii hore Rehana iyo Mirwais, xasilooni la’aanta ayaa ku qasabtay in ay waaya aragnimadooda ku sii noolaadaan. ” Todobaadyo ka dib arooska waxaa uu qarax kale ka dhacay qayb kale ee Magaalada ka mid ah, xaaskayga aad ayay u cabsatay ,” ayuu Mirwais sheegay. Rehana waxaa ay haatan kalmaati kala fog fog ka qaadataa Dhaqtarka maskaxda, Waxay sheegtay in daaweyntan ay ka caawisay in ka yaraadaan jahwareerka iyo xannuunka weerarka iyo in ay iyadu masuul ka ahayd. ” waa ay ii wanaagsaneed in ugu yaraan aan dhibkayga la qaybsado,” ayay sheegtay Dhaqtarkeeda cilmu nafsiga, Lyla Schwartz, ayaa la hadashay BBC da iyadoo la fadhida lamaanaha. Waxana ay tiri, Rehana hanaan taxadar leh. Balse marka uu qarax dhaco hadan dib ayay ugu noqonaysaa marxaladii hore. Hoolka uu arooska ka dhacay Qaraxa ka dib Iyadoo sanad walba kumanaan qof ay dhintaan kuwa kalena dhaawacman dalka Afghanistan, qaar yar ayaa hela la talinta dhanka maskaxda. Waa dal uu liito caafimaadka, muhiim looma arko badqabka maskaxda Rehana iyo Mirwais, oo awoodi waayey in ay tagaan dhaqatiirta nafsiga ee gaarka ah ayaa ka faa’iideeystay midkan lacag la’aanta ah. Wadahadalada nabadeed ee u dhaxeeya dowladda Afghanistan iyo Taliban ayaa la filayaa in ay bilowmaan todobaadka soo aadan, balse dagaalka waa uu sii socdaa. IS qayb kama ahan wada hadalada. Rehana waxaa ay sheegtay in aan badqab lagu dareemi karin gudaha Afghanistan. Ms Schwartz ayaa ku rajo weyn in ay lacago u ururiyaan lamahan si ay waqti ugu soo qaataan dalka dibaddiisa oo xooga ay u moogadaan qaraxyada oo uu ka midyahay kii arooskooda lagu bartilmaameedsaday. Mirwais ayaa sidoo kale helay la talin dhanka maskaxda ah, balse sida Rehana kuma kalsoona aragtida nabadda. ” ka hor arooskayga, waxay dhihi jireen nabad baa iman doonta. Hadda sanad ayaa kasoo wareegtay, aawey nabaddii? ” ayuu yiri ” Waan kuu sheegayaa, xitaa 10 sano kadib ma arkaysid nabad iyo xasilooga ka hirgasha Afghanistan. “ Qaran News
