Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta kulan la qaatay qaar kamid ah guddiga gaadiidka xamuulka ee Dekadda Muqdisho. Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen sii yahaha wasiirka gaadiidka, taliyaha booliiska iyo taliyaha nabad gelyada wadooyinka, ayaa looga hadlay tayeynta gaadiidka xamuulka ka qaada dekadda. Go’aannada lagu gaaray kulanka waxaa ugu muhiimsan in la sameeyo goobo gaadiidka lagu sii hayo inta ay dekadda ka gelayaan si looga baaqsado cariiriga badan ee ay ku hayaan wadooyinka magaalada Muqdisho. Guddi loo saaray inay ka tala bixiyaan dhameystirka shaqada ayaa la faray inay mudda laba maalin gudahood soo dhammeystiraan hannaanka lagu wajahayo dhaqan gelinta dhamaan qodobadii la iskula gartay kulanka. PUNTLAND POST The post Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo la kulmay Guddiga Gaadiidka Xamuulka ee Dekadda Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  2. Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) waxaa heysto culeysyo siyaasadeed oo ay ugu weyn tahay magacaabida xil-ka Ra’iisul wasaaraha oo haatan ay ku qaadatay muddo 28 maalmood, laga yaabo inay wax ku darsamaan, balse waxaa hubanti ah in saacadaha soo socota uu magacaabi doono marka loo eego waqtiga yar ee uu heysto iyo kala guurka siyaasadeed ee uu dalku galay iyo caqabadaha ku xeeran. Saacadihii u dambeeyay ayuu Madaxweyne Farmaajo ku jiraa inuu ku soo magacaabo Ra’iisul wasaarihii labaad tan iyo markii uu xukunka qabtay, iyadoo magacaabidan ay ku soo aadeyso xilli xasaasi ah oo siyaasadda Soomaaliya ay mareyso xaalad kala guurka ah . Ninka la soo magacaabi doono kuma raaxeysan doono, mana nasan doono, waayo waxaa laga doonayaa inuu maro waddo qarda jeex ah, oo ay daadsan yihiin shabaqyo siyaasadeed, sidaas darteed ninka imaan doono waxay ku xiran tahay inuu la socdo hadba siyaasadda uu la yimaado. Dhankooda xildhibanada Golaha Shacabka ayaa waxa ay sugayaan xilliga Madaxweynaha uu horkeeni doono Raii’sul wasaaraha cusub, si ay codka kalsoonida ugu qaadan Sida uu sharciga qabo Madaxweynaha wuxuu heystaa muddo 30 cesho ah in uu ku soo magacabo, waxaana u harsan oo kaliya wax ka yar labo maalin oo qura . Ninka Xafiiska ka bedeli doono Xasan Cali Khayre shaqo sahlan ma soo doonan, meel Al-Shabaab ayaa ku sugaya, amniga Muqdisho, maamul goboleedyada iyo xisbiyada siyaasadeed ee mucaaradka, waxaana la eegayaa intaas siyaasadda uu ku wajaho. View the full article
  3. Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo dhoweeysay hannaanka doorashada ee ka soo baxay Shirkii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb3, waxaana ay sheegtay madashu inuu shirku u baahan yahay dhammeystir. Halkan Ka Daawo Warka Ka Soo Baxay Madasha Xisbiyada Qaran Sidoo Kale Aqriso Qoraalka Ka Soo Baxay Madasha Xisbiyada Qaran Madasha Xisbiyada oo Soo Dhoweysay Heshiiskii Dhuusamareeb3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Shirkadda leh warbaahinta bulshada ee TikTok ayaa Sabtidii sheegtay in ay maxkamad ka dacweyn doonto maamulka Trump cadaadiska ay ku hayaan app-kan Shiinaha laga leeyahay ee sida weyn loo isticmaalo, kaasi oo Washington ay ku eedeysay in uu khatar ku yahay amniga qaran. Xilli ay xiisadda u dhexeeysa labada dal ee ugu dhaqaalaha badan adduunka sii kordheyso, ayaa madaxweyne Donald Trump waxa uu 6-dii bishan saxiixay amar fulin ah oo lagu siiyay dadka Mareykanka ah 45 maalmood in ay ku joojiyaan in ay ganacsi la yeeshaan shirkadda BayteDance ee Shiinaha taasi oo iska leh app-ka TikTok. “Si loo hubiyo in aan sharciga la baalmarin, iyo in shirkaddeena iyo isticmaaleyaasheennaba loola dhaqmo si caddaalad ah, ma lihin ikhtiyaar aan ka ahayn in aan ka doodno amarka fulinta iyada oo loo marayo nidaamka garsoorka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay TikTok. ByteDance ayaa qoraal ay iyana soo saartay ku sheegtay in dacwadda ay gudbin doonaan maalinta berri ee Isniinta ah. PUNTLAND POST The post TikTok oo dacweyneysa Madaxweyne Trump appeared first on Puntland Post.
  5. War qoraal ah oo ka soo baxay xisbsiga Xisbiga Horumarka shacabka ayaa looga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin , qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusmareeb-3 xaalada guud ahaan dalka xukumada xil- gaarsiinta iyo arimo kale. Xisbiga Horumarka shacabka ayaa sheegay in nooca Degaan doorasho ay tahay bilow wanaagsan , hase ahaatee loo baahan yahay in taladeeda wax laga siiyo saamileyda siyaasadeed isla markaana ay yihiin kuwo la fulin karo. Qoraalkan oo ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Xisbiga Horumarka shacabka Mudane Cali Maxamuud Ciise- Cali Guray ayaa sidoo kale lagu soo hadal sida ay muhiim u tahay In la isku baadi- goobo dhinacyadii ka maqanaa shirkii Dhuusmareeb-3 sida Puntland iyo Jubbaland. Warsxafadeedka ayaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay in dalka ay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal isla markaana la qabto doorasho ka bedelin tii 2016-kii, kana casrisan lana aqbali doonin dib u dhac waqtiga doorashada. Mar uu Gudoomiyaha Xisbiga Horumarka shacabka Mudane Cali Maxamuud Ciise- Cali Guray ka hadlay Ra’iisulwasaaraha magacaabistiisa laga sugayo Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu yiri. “Madaxweynaha waa in uu soo magacaaba Ra’iisulwasaare dar-dar galiya howsha doorashooyinka ee , lana fariistaa dhinacyada ka maqanaa shirka ee Jubbaland iyo Puntland iyo saamileyda siyaasadeed si loo hal mowqif oo la isku raacsan yahay si dalka uusan u galin marnaan” Xisbiga ayaa sidoo kale sharci daro ku tilmaamay sidoo kale in xukuumada xil garsiin ay magacowdo xil, keliya shaqadeeda ay tahay in xilka ay gaarsiiso Ra’iisulwasaaraha la soo magacaabayo. Daawo Qoraalka Ka Soo Baxay Xisbiga Horomarka Shacabka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo ka hadlayey xaaladaha ammaan ayaa soo hadal qaaday weerarada ay Al-Shabaab ka fuliyaan deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan kuwii ugu dambeeyey. Lafta Gareen ayaa ku amray saraakiisha ammaanka inay baaris deg-deg ah ku sameeyaan waxa soo cel-celiyey weerarada ka dhacay gobollada Sh/Hoose, Baay iyo Baool. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in la xoojiyo howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga saaro deegaanada ay joogaan oo ay weerarada ka soo qaadaan. “Howlgaladii cuslaa ee sugidda amniga ee waayahaan ka socday Daynuunay iyo Goof-Guduud iyo dhibaatada Degenaashiyaha Ciidanka SNA oo arrin culus noqotay mid culus waxaa loo baahan yahya in xal waara laga gaaro, waxaana rabnaa in ay dulqaad badan sameeyaan oo dalkooda iyo dadkoodu xorreeyaan.” ayuu yiri Madaxweyne Lafta Gareen. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo maalmihii u dambeeyey dagaallo u dhexeeyey ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab ay ka dhaceen gobolka Baay ee K/ Soomaaliya View the full article
  7. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/WARKA-DUHUR-2382020-o.mp3 View the full article
  8. Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-Nac) oo kamid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadlay war-murtiyeedkii dhawaan kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb 3. Xildhibaanka ayaa si gaar ah uga hadlay qoddobo kamid ah war-murtiyeedkaasi oo uu sheegay inay khuseeyan Siyaasiyiinta Somaliland ee xilalka u doonta Soomaaliya iyo qaabka loo soo xulanayo ee loo dooranayo. Nac-Nac ayaa ‘gef’ ku tilmaamay qoddobadaasi, maadama ay Somaliland tahay dal madax-banaan oo xor ah, isla markaana aan hoostagin dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waa sida uu hadalka u dhigaye. “Qodob kasta oo Maamulka Muqdisho soo saaro maaha qodob anaga na khuseeya, Doorasho toos ah iyo Doorasho dadban midna awood uma laha inay dalkayaga ka qabtaan, anaga ayaa ah dal wax walba qabsaday” ayuu yiri. Wuxuuna intaas sii raaciyey “Somaliland waa dal iskii u taagan oo madax-bannaan, mana ah dal hoos yimaadda Soomaaliya, waanu u madax-bannaan nahay oo xor ayaanu u nahay, waxayna iska dhaadhiciyeen waxaan u soconayn oo ah ‘inay Somaliland oo ah dal isku tashaday inay maamulaan’. Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya aysan u daba fadhiisan doonin xiriiradeeda diblumaasiyadeed, isagoona ganafka ku dhuftay tallaabo kasta oo arrinkaasi ka dhan ah oo ay isku deydo inay qaado dowladda federaalku. “Waanu u madax-bannaan nahay oo xor ayaanu u nahay in aanu xidhiidh la samayno dawlad kasta iyo dal kasta oo aanu iskaashi yeelanayno, awood ay ku soo cago dhigtaan iyo talaabo ay naga qaadi karaana ma leh” ayuu yiri. The post Somaliland oo 'ka gubatay' QODOB ka mid ahaa war-murtiyeedkii Dhuusamareb first appeared on Caasimada Online.
  9. When the next president of the United States looks for nonmilitary means to achieve objectives abroad and to begin restoring America’s standing in the world, he would do well to read Robert M. Gates’s important new book, “Exercise of Power: American Failures, Successes, and a New Path Forward in the Post-Cold War World.” Few Americans have the depth and breadth of hands-on national security experience that Gates has. Serving under eight presidents of both parties over four decades, he rose quickly to become director of the CIA and secretary of defense under Presidents George W. Bush and Barack Obama. Gates’s chief premise here is that the use of military force should be a last resort — not the first. To make it more explicit, he implores future presidents and commanders, when considering the use of force, to ask these questions: Is the U.S. military the right or optimal solution to a problem? Are there nonmilitary means that can achieve partial success (e.g., the Iran nuclear agreement)? Does the use of the military entail collateral costs, and how well can the inevitable unintended consequences be anticipated? Does the situation justify putting the lives of young Americans at risk? The answers to these questions, Gates writes, “might have led to different decisions in Somalia, Haiti, the Balkans and Libya and in both Iraq and Afghanistan after the initial military objectives had been achieved. Gates rightly focuses on the uses and misuses of American power in the seemingly endless wars in Afghanistan and Iraq, where, he argues, the United States failed to adhere to its originally stated military missions, allowing them to be morphed into nation building, a task for which, he emphasizes, the armed forces are neither trained nor suited. “There was a terrible mismatch between our ambitions to change Afghanistan and our ability to do so,” Gates says, “and in our ambition we lost sight of the very specific and limited reason we went [there] . . . after the attacks of September 11, 2001: to destroy those who attacked us, al-Qaeda, and to oust the Taliban. We assumed — because of our good intentions and our unparalleled power — that our experience in Afghanistan would turn out differently and better than that of all the foreign invaders over the centuries who preceded us.” The story in Iraq, in Gates’s telling, is much the same: Bush chose to build a “better, democratic Iraq” after the initial fighting was over and Saddam Hussein was removed (largely as a cover, Gates concedes, for the failure to discover weapons of mass destruction), but without recognizing the difficulty of the task. The White House relied almost entirely on U.S. military forces to carry it out and then, seeing the mistake, compounded it by “the failure to recognize and then remedy the weaknesses of our nonmilitary instruments of power that were so essential to even attempting such an effort.” It is these nonmilitary powers that constitute the essence of Gates’s work. He gives the reader a brief tutorial on exactly what the term includes: diplomacy, economic leverage, intelligence, alliances, cyber, development assistance, communications, science and technology, culture, ideology, religion, nationalism, the private sector, and “wise and courageous leadership.” It’s a cornucopia of alternative means that Gates successfully avoids calling soft power; he spends the balance of the book unpacking them in specific case studies where they sometimes worked and more frequently weren’t deployed. He argues persuasively that they were our most effective weapons during the Cold War, when military confrontation could have meant nuclear war and when the Soviet Union’s values contrasted sharply with our own, making these tools more effective in a binary contest. Gates laments that the United States has allowed most of them to atrophy in a more complex post-Cold War world, where ironically our chief adversaries — Russia, China, Iran, North Korea — have successfully developed and refined them for use against us. He emphasizes: “Perhaps the most important nonmilitary instrument of power is a long-range strategy for waging this competition. The Chinese have one. The United States does not.” Gates enjoys a reputation for fair-mindedness, which is apparent through most of the book; his treatment of Obama and his team, however, appears to be an exception. He cites Obama, along with President Trump, as “two successive presidents who have signaled an American withdrawal from global leadership.” This linking of Obama, who inherited two miserable wars and who struggled — sometimes, albeit tentatively — to avoid being dragged into others, with Trump, whose erratically impulsive decisions, alienation of allies and inexplicable deference to Vladimir Putin have caused U.S. credibility to evaporate, is just plain wrong. Putting Obama and Trump in the same (foreign policy) boat is gratuitous and unfair. Gates skims over Obama’s success in securing a nuclear-arms deal with Iran, which Gates calls “time-limited [and] flawed.” It nonetheless allowed the world to breathe easier, until Trump tanked it. Ironically, Obama used the precise formula that Gates suggests by resisting those who urged airstrikes on Iran’s nuclear sites and instead employing alternative means — diplomacy, economic leverage, alliances and communications — in a strategic and successful venture. In a serious omission, Gates ignores climate change in any discussion of strategic priorities. It’s worth noting that Obama played an indispensable role in building a global consensus of 195 signatories to the 2016 Paris climate agreement, perhaps the best indicator of worldwide support for addressing the issue that will determine the future of our planet and that belongs high on any list of national security priorities — but, sadly, not here. Nonetheless, Gates’s policy and strategic advice to future decision-makers more than outweighs its blemishes and omissions. He skillfully blends the knowledge and discipline of a scholar with the hard-earned experience of a practitioner to produce a well-organized and superbly written book to lead America forward into a very different and challenging new world, and it is here that Gates’s admonitions are most compelling. He summarizes it this way: “We must protect our interests. We must not be the world’s policeman, and we must be very cautious about deploying our military forces to resolve others’ internal problems. But we must also use every nonmilitary instrument of power we possess to promote freedom and encourage reform, with friends as well as rivals, because these objectives serve our national interest.” Gates reminds us frequently that any viable U.S. foreign policy must win strong support from the American people; this statement — and the book itself — provides an excellent starting point. Gates and I both served in senior positions in the Carter White House, although I don’t recall that we ever met. I wish we had, because I’m sure I would have learned a lot; I certainly did here. Exercise of Power American Failures, Successes, and a New Path Forward in the Post-Cold War World By Robert M. Gates Knopf. 453 pp. $29.95 Richard Moe served as chief of staff to Vice President Walter Mondale and as an assistant to President Jimmy Carter from 1977 to 1981. He is the author, most recently, of “Roosevelt’s Second Act: The Election of 1940 and the Politics of War.” Source: Washington Post The post For presidents considering military force, Robert Gates has some questions appeared first on Puntland Post.
  10. MOGADISHU (HOL) - Jubbaland State Minister of Livestock Mohamed Hassan Mohamed has been suspended over allegations of mismanagement of funds. Source: Hiiraan Online
  11. (SLT-Hargeysa)-Guddida Doorashooyinka Somaliland iyo saddexda xisbi Qaran ayaa maanta isla qaatay in Doorashada isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka lagu qabto 9 bilood gudahood. Guddida Doorashada ayaa si rasmiya u shaacin doona maalinta Doorashada. Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online ) – Waxaa dhammaad ku dhow waqtiga 30-ka maalmood ah ee uu madaxweyne Farmaajo siinayo dastuurka si uu usoo magacaabo ra’iisul wasaaraha dalka, balse illaa hadda ma muuqato in lagu soo magacaabi doono mudaddaas. Madaxweynaha Soomaaliya oo haatan magacaabdida ay ku qaadatay muddo 28 cisho ah ayaa laga yaabaa inuu baarlamanka weydiisto waqti dheer ah, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia u sheegeen Caasimada Online. Sida aan xogta ku helnay, madaxweynaha ayaa qorsheynaya inuu ra’iisul wasaaraha magacaabo marka heshiis buuxa laga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka. Inkasta oo heshiis lagu soo gaaray shirkii Dhuusamareeb 3, haddana waxaa weli heshiiskaas qeyb ka ahayn Puntland iyo Jubaland. Ma cadda sababta uu madaxweynaha magacaabista ra’iisul wasaaraha ula sugayo arrimaha doorashooyinka, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay tahay isku day uu ku xaqiijinayo in ra’iisul wasaaraha cusub aanu wax kaalin ah ku yeelan go’aan ka gaarista arrimaha doorashooyinka. Sababta ayaa lagu sheegay kadib markii ra’iisul wasaare Kheyre si cad uga horyimid madaxweynaha, taasi oo keentay in xilka laga qaado. Ra’iisul wasaaraha cusub oo ka imanaya beesha Mogadishu Clan, ayaan la ogeyn mowqifka uu qaadan doono, taasi oo madaxweynaha ku qasabtay inuu dib u dhigo magacaabista, sida aan xogta ku helnay. Arrintan ayaa waxaa horey walaac uga muujiyey maamullada Puntland iyo Jubaland, oo sababaha ay ku diideen shirka Dhuusamareeb 3, ay mid ka mid ah ahayd inaan weli la magacaabin ra’iisul wasaaraha cusub. Si kastaba, madaxweyne Farmaajo ayaa ah qof aan la saadaalin karin, waxaana suurta-gal ah inuu ra’iisul wasaaraha cusub magacaabo xilli dhow, haddii ay muuqato in xalka muranka doorashooyinka aanu dhoweyn. The post Xog: Halka ay ku dambeysay magacaabista R/Wasaaraha cusub iyo waxa u qorsheysan madaxweynaha first appeared on Caasimada Online.
  13. Hargeysa (Caasimada Online) – Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee lagu balansanaa in dalka Jabuuti ay dib uga furmaan badhtanka bishii hore ayaa ilaa hadda qabsoomin, iyada oo loo aaneynayo dib u dhacaasi labada dhinac. Caasimada Online ayaa hore u baahisay inay aad u hooseyso suurta-galnimada ay wada-hadalladaasi dib ugu furmayaan, iyada oo labada dhinac si dadban uga cago jiidayan in markale ‘madaxa la is-daro’, maadama aan si dhab ah loo abaareyn arrimaha masiiriga ah. Somaliland ayaa ku doodeysa inay tahay dal madax-banaan, halka dowladda federaalku ay taasi badelkeeda ku madax adeygayso, waana sababta u weyn ee la rumeysan yahay inay hor taagan tahay ‘in heshiis wax ku ool ah uu kasoo baxo wada-hadallada labada dhinac’. Wada-hadalladaasi oo muddo badan hakad ku jiray ayaa 14-kii June ee sanadkan dib uga furmay dalka Jabuuti, iyada oo xiligaasi loo balamay kulamo kale oo ilaa xiligan suurta-galin. Waxaana isasoo taraya baaqyo kala duwan oo maalmihii u dambeeyay lagu dalbanayey sii ambo-qaadka wada-hadalladaasi, iyada oo labada dhinac ay guddi farsamo u saaren wada-hadalladaasi. James Swan, Ergeyga xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa kamid ah dhinacyada dalbanaya inay markale sii socdaan wada-hadalladaasi, isagoona hoosta ka xariiqay in xiligan ay muhiimad gaar ah leedahay in la sii wado wada-hadalladii la qorsheeyay ee ka dambeeyay kulamadii madaxda. “Waxaanu ku boorinaynaa in la sii wado wada-hadalladii daba socday ee guddiyada farsamo iyo guddi hoosaadyada” ayuu yiri James oo warbixin ka jeedinayey golaha amaanka Qaramada Midoobay. Wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo badan hakad ku jiray ayaa sanadkan u muuqday kuwo dib u bilaabanaya, inkasta oo xiligan taasi badalkeedu ay muuqato. The post Halkee ayey ku dambeeyen wada-hadalladii dowldda Soomaaliya iyo Somaliland? first appeared on Caasimada Online.
  14. Kulan ay Muqdisho ku yeesheen madaxda ciyaaraha Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyeenta isboortiga degmooyinka Gobolka ayaa laga shaaciyay waqtiga uu qabsoomi doono tartanka sanadalaha ee kubbadda cagta degmioyinka Gobolka Banaadir ee 2020. Tartanka oo ka mid ah kuwa ug xiiso badan uu sanad walbo qabto maamulka isboortiga Gobolka Banaadir waxaa ka soo baxa dhallinyaro badan kuwaas oo kaalin wanaagsan ka qaata horomarka guulaha kooxaha kubbadda cagta iyo Xulka Qaranka Soomaaliya. Sanadkii la soo dhaafay 2019 waxaa tartanka ku guulaystay xidigaha degmada Dharkenlay,iyagoo ku qaaday guul daro la’aan,balse saddexdii sano la soo dhaafay maamulka ciyaaraha Gobolka Banaadir waxaa u suura geliyay in finaalaha tartankan muqdisho lagu ciyaaro xili habeen ah,waxayna taasi keentay in si weyn loo hadlayay horomarka uu soo kordhiyay maamulka isboortiga Gobolka Banaadir. Daawo Warbixin Ku Saabsan Qabsoomida Tartanka Degmooyinka 2020 https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/08/whats.mp4 Sidoo Kale Aqirso Xog Kale Oo Ku Saabsan Tartanka Degmooyinka 2020 Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir Oo Shaaciyay Xiliga La Qabanayo Tartanka Kubbadda Cagta Degmooyinka W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  15. A Ethio Telecom branch in Addis Ababa Ethiopia’s planned opening up of the country’s telecommunications sector had international companies jostling to be among the first to get a slice of a largely untapped industry in Africa’s fastest growing economy. But reports have emerged that the government’s regulators have abruptly decided that it would no longer take competing bids for operating licenses from a dozen foreign mobile network operators. The decision, which was leaked to media via sources close to the negotiations has dimmed corporate enthusiasm for Ethiopia which has been touting its economic reform over the last decade, most recently under the reformist leadership of prime minister Abiy. Now, two years after Ethiopia first teased the world with plans that as much of half of the country’s telecommunications industry was up for grabs, there is still no clear timetable for its implementation. State-run Ethio Telecom remains the sole provider for phone and internet services for a country with a population of 110 million people. The Ethiopian government had long been wary about privatizing the sector until 2018, with a major policy shift under Abiy soon after he took office. The government also said it was pondering the sale of shares in other state assets, including the national carrier, Ethiopian Airlines. But Ethio Telecom’s monopoly on the market will remain unchallenged for the time being, with a rift between management of the sole state run provider Ethio Telecom and the state regulator Ethiopia’s Communications Authority (ECA), reportedly contributing to the suspension of the process. The latter’s courting of foreign entities keen on ownership of the country’s telecommuncations infrastructure reportedly didn’t sit well with Ethio Telecom. Among those whose offers were screened before being ultimately sidelined were sector giants including France’s Orange and Saudi Telecom. They were jostling for two licensing slots that were to be made available by the ECA. At a press conference in Addis Ababa late last month, Ethio Telecom’s chief executive Frehiwot Tamiru announced the company had raked in over $1.3 billion in revenue over the course of the fiscal year, surpassing expectations. Using an array of colorful pie charts as part of a PowerPoint presentation, the CEO added that some 46 million people, just under half the country’s population had now subscribed to Ethio Telecom’s service. But when a journalist inquired about the planned handover of 40% of the sector to foreign companies, there was a cagey response. “The liberalization process is overseen by the Ministry of Finance and the Ethiopian Communications Authority,” Frehiwot Tamiru said. “Your question would be best addressed by someone from one of those institutions.” On the Ethiopian Communications Authority homepage, documents detailing how “interconnectivity” between the market’s stakeholders, including use of each other’s infrastructure would work. There are no updates as to what led to the breakdown in the process or when the initiative would be restarted. Emails to ECA director general Balcha Reba requesting clarification have thus far gone unanswered. Internet penetration in Ethiopia remains low at a paltry 19%, with users of telecommunications services in Ethiopia regularly complaining of slow and unreliable service. The Ethiopian government has often resorted to shutting down the country’s internet service whenever a spate of political instability or violence breaks out also contributes to the unpredictability factor. After the assassination of popular musician Hachalu Hundessa on June 29 and a breakout of violence a day later, internet was shutdown and remained that way for three weeks, reportedly costing the Ethiopian economy $100 million. Source: Quartz Africa The post Ethiopia is quietly walking back plans to open up Africa’s last big telecom sector to foreign players appeared first on Puntland Post.
  16. Jowhar (Caasimada Online ) – Kadib wixii ka dambeeyey toogashadii todobadkii la soo dhaafay lagu dilay wasiirkii beeraha iyo waraabka HirShabelle, Marxuum C/qaadir Abuukar Maxamed (Karaani) ayaa waxaa Jowhar oo lagu dilay ka bilowday baaritaano dheeri ah oo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey falkaasi oo goobta isaga baxsaday dhacdada, kadib. Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku soo dhigay tiro dad ah oo lagu tuhmayo falkaasi, kuwaas oo laga soo qaabtay xaafadda Kulmis oo uu ka dhacay dilka marxuumka. Wasiirka amniga ee HirShabelle, Maxamed Cabdiraxmaan Khayre oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in haatan baaritaanadu ay marayaan meel wanaagsan, wuxuuna tilmaamay in 5 ruux gacanta lagu soo dhigay oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen dilka wasiirka. Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey inay ka maamul ahaan rajo wanaagsan ka qabaan in gacanta lagu soo dhigo kooxihii ka dambeeyey dilkii loo geystay wasiir Karaani oo xil-kaas hayey muddo ka yar hal todobaad, kadib markii uu magacaabay Madaxweyne Waare. “Hay’adaha ammaanka markii dilka uu dhacay waxa ay tageen goobta, iyaga oo gacanta ku dhigay 5-ruux oo la tuhmayo, waxaana ku socota baarista oo heer gaba-gabo ah mareyso, rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa in gacanta lagu soo dhigo dhagar-qabayaashii dilay Wasiir Karaani oo todobaad ka yar magacawnaa” ayuu yiri Wasiirku. Allaha u naxariistee Marxuum Cabduqaadir Abuukar Maxamed (Karaani) ayaa sidoo kale ahaa xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka maamulka HirShabelle, isaga oo ku biiray 2016-kii oo ah markii la aas-aasay maamulkaas oo ka arrimiya gobollada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe. The post Xagee ayuu ku dambeeyey baaritaanka dilka wasiirkii beeraha HirShabelle? first appeared on Caasimada Online.
  17. PRESS RELEASE Coronavirus – Kenya: Total confirmed COVID-19 cases in Kenya is 32,118 NAIROBI, Kenya, August 23, 2020/ — New cases: 355 Confirmed cases: 32,118 New recoveries: 296 Total recoveries: 18,453 New deaths: 10 Total deaths: 542 Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Kenya. Qaran News
  18. (SLT-Hargeysa)-Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa War-bixin u jeediyey Golaha amaanka Qaramada Midoobay oo fadhi gaar ah ka yeeshay Arrimaha Soomaaliya. War-bixintan oo ku saabsanayd Xaaladda siyaasadeed ee xilligan ka taagan Soomaaliya iyo khilaafaadka la xidhiidha habka loo qabanayo doorashada soo socota ayaa Ergayga Xoghayaha guud wuxuu ku soo hadal-qaaday Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ee bishii June ee sannadkan ka qabsoomay dalka Jabuuti. James Swan oo hadal dheer oo ku saabsan Xaaladda Soomaaliya ee xilligan u jeediyey Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maray Dalka Jabuuti, waxaase uu soo jeediyey in la sii wado Wada-hadalladii la qorsheeyay ee ka dambeeyay. “Waxaanu soo dhawaynaynaa kulankii hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ee uu marti-galiyay Madaxweynaha Djibouti 14 June, ee ay fududeeyeen Midowga Yurub iyo Maraykanku.” Ayuu yidhi, James Swan waxaanu intaa ku sii daray in la sii wada-hadalladii loo ballamay ee Guddiyada Farsamo “Waxaanu ku boorinaynaa in la sii wado wada-hadalladii daba socday ee guddiyada farsamo iyo guddi hoosaadyada” Source
  19. Warar rasmi ah oovaan helnay waxay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo uu Raysal Wasaare ku dhawaaqayo Ilaa caawa. Warar intaas dhaafsan lagama hayo Shaqsiga badali doona [...] The post Breaking News— Madaxweyne Farmaajo oo Raysal Wasaare ku dhawaaqaya Caawa appeared first on . Source
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan saddex askari ayaa ku dhintay halka 8 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, kadib iska hor imaad degmada Hodan ee gobolka Banaadir ku dhex-maray ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii uu is-faham waa soo kala dhex-galay ciidamo Milatari ah iyo kuwa Boolis ah oo ku sugnaa agagaarka isbitaalka Digfer ee magaalada Muqdisho. Ciidanka Milatariga ayaa lagu soo warramayaa inay la socdeen gaari nooca dagaalka ah, wuxuuna isku dhaca yimid, ka gadaal markii Boolis ku sugnaa Bar-Control oo ku taalla halkaasi ay isku dayeen inay is hortaagaan ciidamadaas, kadibna uu sidaas ku bilaabatay is-rasaaseynta. Saddexda askari ee iska hor imaadka ku geeriyootay ayaa lagu soo warramayaa ina yihiin labada dhinac ee diriray halka 8 qof ee dhaawacmay ay isugu jiraan askar iyo shacab. Illaa iyo hadda wax faah faahin ah kama soo bixin maamulka degmada Hodan iyo sidoo kale saaraakiisha laamaha amniga, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad degan. Inta badan waxaa xaafadaha Muqdisho ka dhaca iska hor imaadyo dhex-mara ciidamo ka waa tirsan kuwa dowladda, waxaaan khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa rayidka The post Ciidamo ka wada tirsan DF oo ku dagaalamay Xamar iyo khasaare ka dhashay first appeared on Caasimada Online.
  21. A bomb explosion targeting the vehicle of a district commissioner has left at least one dead and three others wounded in the Somali capital, Mogadishu on Sunday morning. An eyewitness said the DC, Muse Gesey has survived from the landmine blast unhurt. He was targeted near a football pitch in the city, which saw an upsurge in attacks this month. Al-Shabaab has been fighting against Somalia and AU troops for a decade in an attempt to take over control of the entire nation. The country is currently at crossroads as the government’s 4-year mandate due to expire by the end of 2020. View the full article
  22. MOGADISHU (HOL) - The Forum for National Parties (FNP) coalition has welcomed the electoral deal reached in Dhusamareb but called for inclusion of all stakeholders. Source: Hiiraan Online
  23. Qormadan waxan kaga hadli donaa qayb ka mid ah hamigii iyo himilooyinkii usuura galay wasiirka diinta iyo awqaafta Jamhuuriyadda somaaliland ,Mudane ,Sh.Khaliil Cabdillaahi Axmed. waxqabadku wuxu ka curtay bilawga magacaabista labadii madaxwayne ee ukala dambeeyay xukunka dalka oo ucugtay wasaaradda diinta iyo awqaafta shakhsi ku sifaysan kuna suntan :dadaal ,dulqaad ,dadnimo iyo daacadnimo ay dayr utahay daboolidda baahiyaha iyo dardar galinta shaqada hoostaal wasaaradda. Mudadii wasiirku joogay wasaaradda wuxu ku talaabsaday waxqabad baaxad leh oo bulshadu majiiratay mahadisayna ,waxa ka mid ah:- wasiirku wuxu galiyay fikir, dadaal iyo juhdi badan siday wasaraddu uheli lahayd dhisme bilicsan oo uqalma wasaaradda, maadaama ay tahay wasaaradii diinta iyo awqaafta jsl allena waa ku guuleeyay. wasiirku wuxu ku talaabsaday qotaminta qaabdhismeeka waaxaha wasaaraddu ka koobantahay iyo kor uqaadida shaqada. wasiirku wuxu kor uqaaday madaarista quraanka iyo macalimiinta ka hawl gala yadoo wasaraddu usamaysay tababarro iyo tayayn kor loogu qaadayo aqoonta macalinka quraanka. wasiirku wuxu wax ka qabtay kuna guulaysatay soo afjaridda khilaafaad salka ku hayay hogaanka guddida wanaag farista iyo xumaan reebista sanadkii 2018. wasiirku wuxu u magacaabay gobolada iyo degmoyinka isku duwayaal firfircoon taas oo ka dhigtay adeega wasaaradda diinta iyo awqaafta mid muuqata. wasiirku wuxu hoos udhigay khilaafaadkii culimada udhexeeyay , islamarkaasna wuxu abuuray jawi Isfahan ku dhisan oo lagaga fogaanayo khilaafaadka baahsan ee ragaadiyay culimada dhexdeeda iyo wada shaqaynta walaalnimo. Wasiirku wuxu manhaj midaysan usameeyay dhammaan madaarista qur’aanka kariimka ah ee dalka oo dhan ,arintaas oo bulshada iyo barayaasha qur’aankuba kala kulmeen qabuul. Wasiirku wuxu kor uqaaday xidhiidhka masaajidada dalka iyo waaxda masaajidada. Qodobadaasi Waxay Ka Midyihiin Waxqabadka Balaadhan Ee Wasaaradda Diinta Iyo Awqaftu kutalaabsatay xiligan uu gadhwadeenka ka yahay sh.khaliil. Ugu dambayn : alle haku garab galo waxqabadka togan tusaalaha muuqda u ah waxqabadka wasiirka diinta iyo awqaafta Jsl. Qalinkii :maxamuud cabdi yuusuf cige (tawakal) Xidhiidh :063-4042101/065-4042101 Email:maarshaal81@gmail.com Date:22/8/2020 Source
  24. Qarax nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu si gaar ah uga dhacay agagaarka garoonka Kubadda Cagta ee Eng. Yariisow, iyadoona la soo wariyey in lala eegtay gaari uu saarnaa guddoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid, Mudane Muuse Geesey Jimcaale. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in guddoomiyaha uu ka bad-baaday qaraxaas, balse uu ku dhintay hal qof oo shacab ah, saddexkalena ay ku dhaawacmeen. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo sameeyey baaritaano kooban. Illaa iyo hadda ma jiro wx faah faahin ah oo saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya ay ka bixiyeen qaraxaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan dari oo isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegteen Al-Shabaab. View the full article
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay degmada Cabdicasiis, gaar ahaan garoonka Kubadda Cagta Eng. Yariisow, Ex Koonis Stadium. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxaas lala eegtay gaari uu la socday guuddoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid , Muuse Geesey Jimcaale oo marayey halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in guddoomiyaha uu ka bad-baaday qaraxa lala bartilmaameedsaday, balse waxaa la soo wariyey inuu ku dhintay hal qof shacab ah, kaas oo ahaa Wade Mooto Bajaajle, iyadoona ay ku dhaawacmen saddex kale. Waxaa sidookale goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Weli ma jiro wax faah faahin ah oo laamaha ammaanka ay ka bixiyeen qaraxaas iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay. Waa markii labaad ee uu qarax ka bad-baadayo guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, isagoona 23-kii bishii July ee sanadkan qarax noocan oo kale lagula eegtay inta u dhexeysa isgoysyada Sanca iyo Fagax ee magaalada Muqdisho. The post Deg Deg: Guddoomiye Degmo oo qarax lagula eegtay magaalada Muqdisho first appeared on Caasimada Online.