Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. CACTUS — They came by the thousands in search of jobs and a haven, and in the meatpacking plants of the Texas Panhandle, they found both. The work was grueling, but the pay was good, and they felt safe. Source: Hiiraan Online
  2. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa Maanta oo Isniin ah ku soo wajahan Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, oo xaqiijiyay Socdaalka Madaxweynaha Jubaland, ayaa sheegay in uu Garoowe u imaanayo Wada-tashi ay Puntland iyo Jubaland ka yeelan doonaan Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaanna Arrimaha Doorashada soo socota. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, ayaa sida la sheegayo kulan gaar ah ka yeelan doona sida loo wajahayo Xaaladda Siyaasadeed ee taagan Marxaladdan kala guurka ah ee Waddanku marayo. Sidoo kale, Deni iyo Axmed Madoobe ayaa kulamo Wada-tashiya la qaadan doona Siyaasiyiinta kala duwan ee ku sugan Garoowe, oo ay kamid yihiin Madaxweynayaashii hore ee Puntland iyo Senetaro heer Federaal ah. Puntland iyo Jubaland, ayaa ka maqnaa Shirkii u dambeeyay ee Dhuusamareeb-3 waxaana ay soo saareen War-murtiyeed wadajir ah, oo ay ku sheegeen in aysan qayb ka ahayn Heshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo ku wajahan Garoowe appeared first on Puntland Post.
  3. Zurich (HOL) - Abdisalam Ali, a Somali national has won the 5000m in the Men's U-20 Junior Swiss Championship's held in Frauenfeld Switerzland on Sunday. Source: Hiiraan Online
  4. Confirmed daily COVID-19 cases declined during the reporting period. Source: Hiiraan Online
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Xafiiska Taiwan ay dhawaan ka furatay caasimada Somaliland ee Hargeysa, ayaa qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisada ka dhalatay xiriirkaasi cusub ee ay la sameysatay Somaliland, sida ay ogaatay Caasimada Online. Caasimada Online ayaa ka war heshay in xafiiska Taiwan ee Hargeysa uu durbaba bilaabay ‘inuu bulshada reer Somaliland ee u safreysa Taiwan u fiiseeyo Baasaboorka Somaliland’, oo aan weli helin aqoonsi caalami ah. Taiwan ayaa tiro dad ah oo u badan ganacsato u fiiseysay baasaboorka Somaliland, halka markii hore ay ugu safri jireen baasaboorka Soomaaliya oo ah midka keliya ee sida rasmiga ah loogu aqoonsan yahay jamhuuriyada, sida xogta ku helayso Caasimada Online. Tallaabadan uu qaaday xafiiska Taiwan ee Hargeysa ayaa waxay noqoneysa xad-gudub kale oo ka dhan ah qaranimada jamhuuriyada, maadama ay sida dal madax-banaan ula dhaqmeyso Somaliland, oo uu caalamku aaminsan yahay inay tahay maamul ka tirsan dowladda Soomaaliya. Mana cada tallaabada ay dowladda federaalku kaga fal-celin doonto arrintan, maadama ay hore ugu hanjabtay inay qaadi doonto tallaabo ka dhan ah cid kasta oo wiiqeysa jiritaanka midnimada Soomaaliya. Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa hore uga biyo diiday xiriirka iskaashi ee Somaliland iyo Taiwan, kaasi oo horseeday in labada dhinac ay is weydaarsadaan wakiilo, iyagoo xafiisyo diblumaasiyeed ka kala furtay Hargeysa iyo Taipei. The post Taiwan oo qaaday tallaabo kale oo ka carreysiin karta DF first appeared on Caasimada Online.
  6. Niarobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya oo labadii todobaad ee la soo dhaafay ciidamo dheeraad ah dhigtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay billowday dhismaha darbiga dheer ee ay ka dhiseyso xadka labada dal. Ciidamada la dhigay xadka ayaa la sheegay inay waardiye ka noqon doonaan dhismaha darbigaas oo laga dhisayo dhanka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Korneyl Aadan Rufle oo ka mid ah saraakiishii hore ee ciidamada Xoogga dalka, kuna sugan gobolka Gedo ayaa sheegay inay Kenya soo celisay dhismaha darbigaas, isaga oo tilmaamay in loo baahan yahay in laga hortago dhismahaasi oo uu sharci darro ku tilmaamay. ”Waxaan doonayaa inaan shacabka Soomaaliyeed la wadaago Kenya inay soo celisay darbigii, iyadoo ciidan badan geysan xadka labada dal.” ayuu yiri Korneyl Aadan Rufle. Dowladda Soomaaliya ayaa horey uga hortimid dhismaha darbiga ay xadka ka dhiseyso Kenya, waxaana Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Kenya ay arrintaasi ka wada-hadlleen sanadkii 2018-kii, balse lama oga waxa haatan soo celiysa dhisida darbigaas. Kenya ayaa sababta u dhiseyso sidoo kale horey ugu sheegtay sababo la xiriira ammaanka dalkeeda, si ay uga hortago weerarada uga imaanaya dagaalyahanada Al-Shabaab. The post KENYA oo dib u billowday dhismaha darbiga ay xadka Soomaaliya ka sameyneyso first appeared on Caasimada Online.
  7. Some 100 Turks will take part in the third phase of the human trials for a possible COVID-19 vaccine being developed jointly by pharma companies BioNTech and Pfizer. The human trials on 30,000 people across the globe for the BNT162 vaccine were launched in July, and the Turkish leg of the trials will take place in Istanbul to be coordinated by the Istanbul Medical School. Turkish scientist Professor Uğur Şahin, who is the CEO of BioNTech, is leading the vaccine team. “An approval from the ethics committee is expected shortly and a call for volunteers will be made following permissions from Turkey’s Health Ministry,” said Professor Tufan Tükek, the dean of Istanbul Medical School. “The vaccine will be injected to the volunteers and data will be collected. Results will probably come out around November, and after processing the data, a decision on whether the production of the vaccine will go ahead will be taken,” Tükek explained. The Turkish volunteers will be examined regularly, and their antibody level will be checked, he noted. Being part of the study can be regarded as a precondition for the vaccine to be made available in Turkey, Tükek added. He also dismissed concerns that Turkey will have limited access to vaccines when they are successfully developed. “We are partners in vaccine developments. We are part of the working group and Turkey is conducting its own vaccine development,” Tükek said. Daily news Qaran News
  8. Baydhaba (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, uu xubnaha Golaha wasiirada, saraakiisha amaanka iyo maamulada degmooyinka iyo gobalada ku amray in aysan bixin karin warbixin aysan ka war qabin Madaxtooyafa Koonfur Galbeed. Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegeysa in xubnaha baarlamaanka la siiyay amarkaana iyadoo loo marsiiyay xubno ka tirsan guddoonka baarlamaanka. Saddex qof oo kaliya ayaa la sheegay in amarkaan uusan saameyn doonin kuwaas oo kala ah guddoonka baarlamaanka waxaana sababta lagu sheegay in la ilaalo kala hadalka mas’uuliyiinta maadaama lagu jiro xaalad adag. Wasiirada Koonfur Galbeed kuma dhacaan in ay wareysi bixiyaan, waxaana la sheegay in loogu hanjabay in xilka laga qaadi doono qofkii hadla. Amarkaan ayaa soo baxay bilo ka hor markii xilka laga qaaday wasiirkii warfaafinta ee maamulkaas, kaas oo laga duubay cod sir ah kadibna lagu baahiyay baraha bulshada ee Internet-ka. Koonfur Galbeed ayaa wajaheysa xaalad amni darro oo weyn iyo dhibaatooyin bini’aadinimo oo degaanka saameen weyn ku yeeshay. Sidoo kale maamulkaan ayaa la sheegaa in uusan sameynin wax hormar ah tan iyo markii la aas aasay. Dadka Koonfur Galbeed qaar ayaa rumeysan inuu yahay madaxweynaha maamulka uu yahay magac u yaal ah oo kaliya, oo sababta uu u jiro ay tahay fulinta danaha madaxtooyada Soomaaliya. The post Lafta gareen oo amar yaab leh kusoo rogay wasiirada iyo xildhibaanada maamulka first appeared on Caasimada Online.
  9. Hoyga uu Muqdisho ka degan yahay Taliyaha ciidanka Harimacad oo la weeraray Iska horimaad hubeysan ayaa caawa ku dhexmaray Magaalada Muqdisho labo ciidan oo ka wada tirsan kuwa dowlada Somalia, kaasoo wararku sheegayaan inuu khasaare nafeed sababay. Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo kala duwan iska horimaadkan ayaa bilowday markii ciidamo ka tirsan dowlada ay weerareen hoy uu degan yahay taliyaha ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad oo ku yaalla degmada Waaberi. Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidanka weerarka geystay ay ka tirsan yihiin kuwa Asluubta, waxayna iska caabin kala kulmeen ciidan ilaalo u ahaa taliyaha Haramcad. Lama oga illaa hadda sababta ka dambeysa weerarkan, balse warar la helayo ayaa sheegaya in ciidamadii weerarka fuliyey oo lix askari gaadhayey dhamaantood la qabtay, iyadoo midkoodna uu dhaawacan yahay, waxayna haatan ku xidhan yihiin xarunta dembi baadhista Booliska ee CID. Saraakiisha ciidamada amaanka ayaanan weli ka hadlin dhacdadan, mana jiraan faahfaahin intaas ka badan oo laga helay. Qaran News
  10. Haweeney ay Walaalo yihiin M/weyne Trump oo ku tilmaantey walaalkeed inuu yahay Beenaale bilaa Mabda’ Donald iyo walaashii Maryanne Trump Haweeney la dhalatay Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, marna ahayd xaakiim heer federaal ah, ayaa sheegtay in walaalkeed uu yahay beenaale aan “wax mabda’ ah” lahayn, sida lagu ogaaday cod sir ah oo laga duubay. Hadalkaasi adag ee ay sheegtay Maryanne Trump Barry oo da’ ahaan ka weyn Madaxweynaha, ayaa waxaa si qarsoodi ah uga duubtay gabar ay eedo u tahay oo lagu magacaabo Mary Trump, taasoo bishii hore daabacday buug ay si weyn ugu dhaliishay Mr Trump. Mary Trump ayaa sheegtay inay codka u duubtay si ay isaga difaacdo dacwad maxkamadeed oo uga timaado eedadeed. Madaxweyne Trump oo ka jawaabay arintaasi ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay Aqalka Cad waxa uu ku yiri “maalinba wax horleh ayay sheegaan, yaa se u joojinaya.” Codkaasi sirta ah ayaa waxa markii u horreysay ka hadashay jariirada Washington Post, waxaana markii dambe helay wakaaladda wararka ee Associated Press. “Waxaa loo galay imtixaankiisa” Maryanne Trump ayaa ku dhaliishay maamulka Trump siyaasaddiisa ku aaddan soogalootiga, taasoo horseeday in carruur da’ yar lagu xiro goobo dadka lagu hayo oo ku yaal xuduudda Maraykanka iyo Mexico. “Waxa uu doonayo oo keliya ayaa ah inuu raali-geliyo dadka taageersan,” ayay tiri. Mary Trump ayaa buuggeeda “Sida uu qoyskeyga uga dhashay ninka ugu khatarta badan caalamka” ku sheegtay in adeerkeed uu saaxiibkii lacag ku siiyay si uu ugu galo imtixaanka SAT loo yaqaano ee ay qaataan ardayda ku biiraya jaamacadaha Maraykanka. Maryanne ayaa codka laga duubay uga hadashay arinkaasi, waxa ayna tilmaamtay inay xitaa garaneyso magaca saaxiibkaasi u fariistay imtixaanka. “Waxa uu ku helay jaamacadda Pennsylvania kadib markii uu qof kale u qaatay imtixaanka,” ayay tiri haweeneydaasi la dhalatay Trump. Maryanne ayaa taageero u ahayd walaalkeed Donald Trump, waxaana ay horay u sheegtay inay leeyihiin xiriir dhaw. Waxa ay mar ka warrantay sida uu Donald Trump maalin kasta cisbitaalka ugu soo booqan jiray xilli ay qalliin gashay. Waa tuma Mary Trump? Mary Trump, oo hadda 55 jir ah, waa gabadha uu dhalay Fred Trump Jr, oo ah madaxweynaha walaalkiis ka weyn. Fred Trump Jr, wuxuu geeriyooday sanadkii 1981-kii, xilligaas oo ay da’diisa ahayd 42 sano. Inta badan waqtigii noloshiisa wuxuu dhibaato badan kala kulmay isticmaalka maandooriyaha, dhimashadiisa xilliga hore timidna waxaa sababay wadne xanuun lala xiriiriyay maandooriyihii uu isticmaali jiray. Madaxweyne Trump wuxuu geerida walaalkiis u soo qaataa dagaalka ka dhanka ah maandooriyaha lala qabsado. Qaran News
  11. Miami (Caasimada Online) – Muslimiinta ay gacanta ku hayaan waaxda socdaalka iyo kastamyadda ee dalka Maraykanka, gaar ahaan gobolka Miami ayaa si joogto ah waxaa loo siiyaa hilib-doofaar iyo hilib xalaal ah oo dhacay, sida ay sheegeen ururada u dooda xuquuda aadanaha, kuwaas oo gudbiyay warqad cabasho ah. Ururka u dooda xuquuqda Muslimiinta iyo urur kale oo u dooda cadaaladda socdaalka oo lagu magcaabo LLP ayaa sheegay in tan iyo markii uu billowday Coronavirus xarun ay maamushu waaxda socdaalka iyo kastamyadda oo ku taalla Miami dad muslimiin ah lagu siiyay hilib horay loo sii diyaariyay oo ka koobaan hilibka-doofaarka oo noocyo kala duwan ah. “Sababtoo ah cunada xalaasha ah ee xarunta waa mid dhacday ama halowday, sidaas darteed muslimiinta ku xiran xarunta Krome waa in ay kala doortaan hilib doofaar iyo raashin hallaabay,” ayaa lagu yiri warka ay soo saareen ururadda muslimiinta u dooda. “Ugu yaraan 2-3 jeer ayaa todobaadkii la siiyaa cunno horay loo sii diyaariyay oo uu jiro hilib-doofaar. 2-3 jeer todobaadkii ayaa muslimiinta xiran lagu qasbaa in ay kala doortaan Iimaankooda iyo raashinka,” ayaa warqadda lagu sheegay. “Majirto sabab aysan dadka muslimiinta ah xitaa marka uu safmareenku jiro u heli karin raashin aan dhicin iyo hilib xalaal ah oo aan halaabin.” Sida ay ururadu sheegeen, dadka xiran waa ay ku xanuunsadeen raashinka dhacay, waxayna sheegeen calool-xanuun, matag iyo shuban. Ururradu waxay dalbadeen in waaxda socdaalka iyo kastamyadda iyo wasaaradda amniga gudaha “si deg-deg ah u joojiyaan muslimiinta lagu qasbayo in ay kala doortaan hilib-doofaar iyo hilib xalaal ah oo qurmay.” Dadka xiran ayaa masuulka xabsiga weydiistay in arrinta heysata laga caawiyo, laakiin waxaa uu ugu jawaabay in wax walba ay sidooda ahaanayaan. Waaxda socdaalka iyo kastamyadda Maraykanka kama aysan jawaabin codsi Middle East Eye uu u gudbiyay markii uu maqaalkaan daabacaayay. Dhacdadaan waxay qayb ka tahay eedo nuuceeda ah oo loo jeediyay xabsiyo gobol iyo kuwo ay leedahay Dowladda federalka Maraykanka, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay muslimiin ku quudiyeen hilib-doofaar. Maxkamado federaal ah ayaa ogaaday in maxaabiis la siiyay cunno dhacday, si la mid ah kuwa ku jira qaybta muslimiinta lagu xiro ee xabsiga Krome. Sida ay horay maxkamaduhu u sheegeen, in maxaabiista lasiiyo raashin dhacay waxay xad gudub ku tahay sixitaanka sideedaad ee dastuurka Maraykanka, kaasi oo sheegaya in saraakiisha xabsigu ay maxaabiista siiyaan adeegyadda aasaasiga ah oo uu ka mid tahay raashin la cuni karo. Kiisas ku saabsan xoriyadda diimaha oo tiradoodu gaareeyso 163 ayaa laga diiwaan geliyay Maxkamad Faderal ah intii u dhexeeysay October 2017-kii iyo January 2019-kii, 64-kiis oo ka mid ahna waxay Muslimiintu uga cabanayeen cunooyinka aan diintooda ku habooneyn. Ma cadda tirada muslimiinta ay hadda gacanta ku heysa waaxda socdaalka iyo customyadda, laakiin hadda in ka badan 80,000 oo muslimiin ah ayaa ku xiran xabsiyadda Maraykanka. The post Muslimiin ku sugan dalka Mareykanka oo si qasab ah loo siiyey hilib doofaar first appeared on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah macalimiintii ilaalinayay labadii Imtixaan oo kala ahaa Class-ka 8-aad ee dugsiga dhexe iyo Fasalka 12-aad ee dugsiga Sare ayaa ka cabanaya xuquuqdooda oo kaga maqan dowladda Soomaaliya. Macalimiintaan oo tabaneeyo ah ayaa sheegay in ilaa hadda aysan helin xuquuqda ka maqan oo lagula heshiiyay in la siinayo isla maalinta uu Imtixaanka dhamaado sidii hore u dhacday sanadihii 2018 iyo 2019. Xubno muhiim ah oo ka tirsan guddi ay leeyihiin Macalimiintaan ayaa Caasimada Online u sheegay in ay ku guul darreysteen dadaalo ay sameeyeen oo loogu tagay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Lama oga sababta keentay in ilaa hadda aan la bixin lacagta Macalimiibtii ilaaliyay Imtixaanka Qaranka mana jirto wax war ah oo ka soo baxay madaxda wasaaradda waxbarashada. Imtixaankii ugu dambeeyay ee dugsiga sare ayaa soo dhamaaday 30 maalmood ka hor walina ma jirto hal qof oo Macalimiinta kamid ah oo qaatay lacagtii lagula heshiiyay. Arrintaan ayaa dhibaato ku ah waxbarashada Soomaaliya gaar ahaan barayaasha Soomaaliyeed oo ku shaqeeya xaalad aad u adag. Macalimiinta ayaa dalbaday in la siiyo xuquuqda ka maqan. The post Xog: Macalimiintii ilaaliyay imtixaankii qaranka ee DF Somalia oo lagu ballan furay first appeared on Caasimada Online.
  13. Kooxda reer Jarmal ee Bayern Munich ayaa markii lixaad ku guuleysatay koobka kooxaha Yurub ee UEFA Champions Leugue. Bayern ayaa 1-0 ugu awood sheegatay kooxda reer Faransiis ee Paris Saint-Germain kulankii kama dambeysta (final) tartanka Champions Leugue oo caawa ka dhacay magaalada Lisbon ee dalka Portugal. Gool uu daqiiqadii 59-aad madax ku dhaliyay Kingsley Coman ayaa guusha dahabiga ah siiyay Bayern Munich. Bayern ayaa koobka Champions Leugue ku ruxday gegi maran oo aysan joogin wax taageerayaal ah. Bayern ayaa koobka kooxaha Yurub ku guuleysatay lix jeer oo kala ah 1974, 1975, 1976, 2001, 2013 iyo sanadkan 2020. Paris Saint-Germain oo sanadihii ugu dambeeyay aad loo maalgaliyay ayaa nasiib u yeelan wayday inay markii ugu horreysay ku guuleysato koobka kooxaha Yurub ee UEFA Champions Leugue. Tartanka Champions Leugue ayaa sanadkan lahayn xiisihii iyo xamaasadii lagu yaqiinay, maadaama uu saameeyay Coronavirus. PUNTLAND POST The post Bayern oo qaaday horyaalka Yurub appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Diidmada Puntland iyo Jubaland ee heshiiskii shirka Dhuusamareeb 3 ee arrimaha doorashooyinka, waxay ka dhigan tahay inaanu heshiiskaas dhaqangeli doonin illaa mar kale la isku yimaado oo la qabto wada-hadallo ay qeyb ka yihiin. Diidmadaas waxay sidoo kale ka dhigan tahay in muranka la xiriira doorashada uu weli sii socon doono, taasi oo macnaheedu yahay in dhammaadka muddo xileedka dowladda uu soo dhowaanayo, ayna suurta-gal tahay in waqtiga dowladda uu dhamaado ayada oo aanay dowlad cusub iman. Hase yeeshee, haddii Puntland iyo Jubaland ay kasoo horjeedaan muddo kororsi ay xukuumadda iyo baarlamanka ay helaan, ma la dhihi karaa tallaabooyinka ay qaadayaan ayaa taas xaqiijinaya. Waxaa sidaas qaba xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo ka tirsan golaha shacabka. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in haddii labadaasi maamul “ay carqaladeeyaan” doorashada, oo aanay doorasho dhicin ay muddo kordhin heli doonaan baarlamanka iyo xukuumadda hadda jira. Waxa uu sababta ku sheegay inaanan la ogolayn in dalka ka dhacdo dowlad la’aan, illaa iyo inta dowlad cusub laga soo dhisaayana, uu sii shaqayn doono Baarlamaanka haataan jira. “Haddii ay is hortaag ku sameeyan eedooda iyagaa qaadaya, doorasho dhici doontaana malaha. Aniga warka horeyna waan u sheegay, haddii ay doorashada is hortaag ku sameeyan Baarlamaankaanaa sii jooggaa, lama ogolo dowlad la’aan. Dalkeenu waa Baarlamaani ee ma nihin dowlad la soo doorto. Baarlamaankaa joogaayo illaa ay ka ogolaadaan, xaqiiq waaye taasa” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow. Hase yeeshee, Prof. Cabdi Xuseen Gacal oo ku sugan Muqdisho ayaa qaba fikir kaas ka duwan, wuxuuna sheegay in kulamaa waqtiga sii dhowaado ay sii yaraaneyso sharciyadda xukuumadda hadda jirto. “Haddii dowladda ay doorasho qaban weyso waxaa iman doona xilli ay isku mid yihiin ayada iyo mucaaradka marka ay noqoto sharciyadda iyo awoodda, waxaana la gaari doonaa xitaa xilli ay saraakiisha ciidamada waxba ka maqal madaxweynaha,” ayuu yiri. “Waa macquul in baarlamanka iyo xukuumadda dhowr bil sii shaqeeyaan balse xaqiiqda ayaa ah in madaxweynaha uu bixi doono marka waqtiga uu dhammaado, haddii aanba la radin ka hor, waayo haddii xaalku sidan ahaado waxaa sii badan doona qalalaasaha.” Si kastaba beesha caalamka ayaa hadda ka shaqeyneysa inay meel isugu keento dhinacyadii saxiixay iyo kuwii diiday heshiiska Dhuusamareeb 3, si loo gaaro heshiis kama dambeys ah oo hogaamin kara in doorasho la qabto. The post Tallaabada ay qaadeen Puntland iyo Jubaland ma horseedi kartaa in DF ay hesho muddo kordhin? first appeared on Caasimada Online.
  15. Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Qubanah-Shabelle-23082020.mp3 View the full article
  16. Madaxweyne dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare ee maamulkaasi. Wareegto uu soo saaray madaxweynaha ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ka ambaqaadaya Ballanqaadkiisa ahaa dhisidda Hay’ad Garsoor oo Tayo leh, ayaa Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Galmudug oo ah hay’adda ugu sareysa laamaha Garsoorka, waxaana loo magacaabay Cabdullahi Maxamuud Gacal”ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay. Guddoomiyaha Barlamaanka DGM Mudane Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa isla goobta ku dhaariyay Guddoomiyaha Cusub Ee Maxkamadda Sare ee galabta uu magacaabay madaxwetne Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa gelinkii dambe ee maanta magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare ee Galmudug, kadib wareegto uu soo saaray. Qoor-Qoor ayaa xilka guddoomiyaha Maxkamadda sare u magacaabay Cabdullaahi Maxamuud Gacal, kaas oo isla galabta lagau dhaariyey Dhuusamareeb. Gacal ayaa muddo dheer ka soo shaqeynayey maxkamadaha dalka, wuxuuna sidoo kale dhowaan iska casilay xilka xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka HirShabelle. View the full article
  18. Jowhar (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta si lama filaan ah Ciidamo u geysay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka HirShabeelle. Ciidamada ay Dowladda geysay Magaalada Jowhar ayaa safar dhulka ah uga baxay Magaalada Muqdisho, waxayna mareen waddo qardo jeex ah oo aan aheyn wadada laamiga ee isku xirto labada magaalo. Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn ujeedka Ciidamadaan ay Dowladda Soomaaliya u geysay Magaalada Jowhar, haddana waxaa la rumeysan yahay inay sabab u tahay waqtiga doorashada HirShabeelle oo soo dhawaatay, maadaama waqtiga Waare uu gabagabo yahay. Sidoo kale xilliga ay ciidamadaan tageen magaalada Jowhar ayaa kusoo aadaya xilli ay magaalada kawada maqan yihiin saddexda mas’uul ee ugu sareysa sida Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisaba. Waxaa taagan hadal heyn ku aadan inuu khilaaf ka dhaxeeyo madaxda ugu sareeyo maamulka HirShabelle, waxaana sidoo kale socdo olole waqti kordhin loogu sameenayo madaxweyne Waare. Madaxda HirShabelle iyo Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin ciidamada maanta gaaray Magaalada Jowhar. Dowladda Soomaaliya ayaa horey ciidamo u geysay Magaalada Dhuusamareeb ee Maamulka Galmudug, waxaana ugu dambeyn la afgambiyey maamulkii Ahlu Sunna ee gacanta ku hayey Dhuusamareeb iyo Guriceel, waxaana hadda taagan cabsi ku aadan in sidaas oo kale laga sameeyo Jowhar. The post Xog: DF oo si lama filaan ah maanta ciidamo u geysay magaalada Jowhar + Ujeedka first appeared on Caasimada Online.
  19. Sii hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Dalka, mudane, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa Maanta kulan la qaatay qaar kamid ah guddiga gaadiidka xamuulka ee Dekadda Muqdisho. Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen sii hayaha xilka wasiirka Gaadiidka, taliyaha Booliiska iyo taliyaha nabad gelyada waddooyinka, ayaa looga hadlay tayeynta Gaadiidka xamuulka ka qaada Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho. Go’aannada lagu gaaray kulanka waxaa ugu muhiimsan in la sameeyo goobo gaadiidka lagu sii hayo inta ay dekadda ka gelayaan si looga baaqsado cariiriga badan ee ay ku hayaan wadooyinka Magaalada Muqdisho. Guddi loo saaray inay ka tala bixiyaan dhameystirka shaqada ayaa la faray inay mudda laba maalin gudahood soo dhammeystiraan hannaanka lagu wajahayo dhaqan gelinta dhamaan qodobadii la iskula gartay kulanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Saraakiisha AMISOM ee ku sugan Jubbaland ayaa maamulka Dugsiga hoose ee degaanka Hosingow ku wareejiyay Saddex Fasal oo ay dayactir iyo dib u dhis ku sameeyeen Ciidanka Kenya ee qaybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya. Taliyaha qeybta Labaad ee AMISOM, Sarreeye Guuto; Paul Njema ayaa sheegay in go’aankan uu yimid markii ay Dadka degaanka ka codsadeen howlgalka midowga Afrika in laga taageero dhanka waxbarshada xilli ay booqasho ku tageen Hosingow Bishii May ee Sanadkan. Janaraal, Njema ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ay tallaabadan horseedi doonto taageero iyo wada shaqayn dhex marta Bulshada iyo AMISOM, taas oo uu sheegay in ay xoojin doonto nabadda iyo ammaanka degaanka. Guddoomiyaha degaanka Hosingow, Abdulkadir Omar Shire ayaa ugu mahadceliyay AMISOM taageerada waxbarasho ee ay u fidisay Bulshada Hosingow, wuxuuna ka codsaday midowga Afrika in ay ka caawiyaan dhismaha Dugsi sare oo uu degaanku yeesho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-habeen-23082020.mp3 View the full article
  22. Garoowe (Caasimada Online) – Shir aan caadi ahayn oo golaha wasiirada Puntland ay maanta ku yesheen Garoowe ayaa lagu go’aamiyay in Puntland ay ka qaybgasho shir afraad oo lagu wado in lagu qabto magaalada Muqdisho, kaaso ay wadan olalihiisa qayb kamid ah beesha caalamka, gaar ahaan Mareykanka, xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub. Kullan deg deg ah oo golaha wasiirada loogu yeeray inay kasoo qeybgalaan kana dhacay Garowe ayaa saxaafadda loogu sheegay arrimaha lagu gaaray ee looga hadlay wax ka duwan, iyadoo kulanka uu ahaa tashi iyo go’aanka ay ka qaadanayaan shirka Muqdisho la filaayo inuu ka dhaco dhawaan. Golaha wasiirada ayaa isla gartay ka qeybgalka shirkaasi, iyadoo ay isla ogolaadeen in ajandahooda shirkaasi isla meel dhigay. Beesha caallamka ayaa culeys dhinacyo kala duwan ku saareysay Puntland iyo Jubbaland, waxaana sidoo kale la filayaa in Jubbaland ay shirkaasi iyadana ka qeybgeli doonto. Shirkaan ayaa waxaa qaban qaabadiisa ay soo shaacbaxday kadib baaqyadii kala duwanaa ee Beesha caalamka u jeedinayeen madaxda Puntland iyo Jubbaland oo qaadacay go’aanadii shirkii Dhuusamareeb 3. Mareykanka ayaa horey uga digay dhinacyadii diiday shirka Dhuusamareeb 3 ‘inuusan waxba u qabin karin” haddii ay ka haraan miiska lagu go’aaminayo masiirka Soomaaliya. The post DEG DEG: Puntland oo go'aan deg deg ah qaadatay shir la filayo inuu ka dhaco Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
  23. Somaliland elections will take place in 2020 after a consensus has been reached between the three political parties of Kulmiye, Waddani and UCID. The newly created electoral commission is now working on a timetable towards the preparation of the long-awaited city government and parliamentary elections, which has been delayed several times due to technical issues and misunderstandings between the political parties. Challenges: There are growing complaints coming from the western regions of Somaliland, especially the “Gadabursi” clan. They argue that it is unfair to have only 13 representatives in the parliament. Furthermore, the ethnic minority clans and women are seeking approval of the quota to have their representatives in the parliament as well (Yusuf, 2018). Earlier in 2015, the constitutional court issued the decision to elect the parliament members that of 82 representatives that were based on the 1960s parliamentary elections results of 33 from the six districts multiplied by 2.5. As a result, the President of Dahir Rayale Kahin and late parliamentarians implemented this decision reached by the constitutional court to facilitate the parliamentary election process and held the parliamentary elections in 2015. However, Awdal and Salal elders, elites and intellectuals had discussed with President Silanyo this concern and they clearly stated in 2016 that they would not ever accept any kind of future parliamentary elections that will allocate only 13 parliamentarians for the upcoming elections to Awdal and Salal regions. Still, this issue is going on while the “Gadabursi” clan elders held consecutive meetings and shared their concerns with the public through the local media(ADAL MEDIA, 2020). Besides, Somaliland women and minority clans have shown the same concern of seeking a quota to maintain equality and have their voice in the upcoming parliament. To maintain equality and ensure active participation of Somaliland women in domestic politics, Somaliland need to adhere to the Beijing Platform for Action that recommends eliminating all obstacles hindering women’s economic empowerment to allow them to enjoy their economic rights and achieve fair access and participation in economic structures and policies (Tungaraza, 2007, p. 30). All of these issues are notable challenges that Somaliland will face while the President and his cabinet sent these concerns to the constitutional court to reach a decision again on the issue. The only solution for these complaints is to conduct a country level census and open the constitution that does not mention any quota or clan-based power-sharing system. Therefore, conducting census is not suitable now and any kind of political disagreement between the Somaliland regions, clans and women who are advocating for the quota will delay the planned councils and parliamentary elections. Opportunities: Somaliland political parties and the President should call on national level talks and invite Awdal and Salal regions elders and intellectuals, minority clans and women that have complaints about the current parliamentary election system. Besides, political parties and government should involve civil society organizations, independent politicians, researchers, and institutions for policy analysis to consulting on approaches for addressing and resolving those outstanding concerns and problems. Furthermore, lawyers and the University of Hargeisa Institute for Peace & Conflict Studiesneed to research the root causes, its legality and suggest ways to end this case. The Academy for Peace and Development must also be involved in these conflict resolution efforts to contribute their experience in solving such kind of problems. WayForward: His Excellency President Bihi needs to look at concerns of Somaliland citizens and re-structure his current government to sustain our democracy, stability and prosperity and, therefore, should make necessary reforms to increase the number of government officials from those complaining regions, clans and women. On the other hand, the people of Somaliland who brought these reforms up in our power-sharing structure (government) must ensure that stability, security and national well-being are sustained. Nevertheless, boycotting elections will not bring democracy and solve our domestic problems, but the suggested ideas would offer Somaliland, sustainable solutions and will ensure continued democracy and statehood. References ADAL MEDIA. (2020, August 12). Boorama: Nuxurka Warmurtiyeedkii ka soo baxey Shirkii Beelaha Gadabuursi ee Awood Qaybsiga. Retrieved from https://youtu.be/B3op833dLTU TUNGARAZA, M. B. (2007). WOMEN’S HUMAN RIGHTS IN SOMALILAND. Retrieved from https://www.progressio.org.uk/sites/default/files/Womens-human-rights-in-Somaliland.pdf Yusuf, H. (2018, August). The Saga of the Pursuit of Women’s Quota in Somaliland. Retrieved from https://soradi.org/wp-content/uploads/2018/08/Chapter-7-The-Saga-of-the-Pursuit-of-Womens-Quota-in-Somaliland.pdf Khalid Sahid Dirir – Senior Political Analyst Qaran News