-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maxkamadda gobolka Banaadir, qeybta ciqaabta waaxda tashiga ayaa maanta xukun ka gaartay dacwado ay sheegtay iney la xiriireen xooto dadweyne iyo arrimo kale, 9 qof oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka ayaa qeyb ka ahaa kiiskan, waxay dhageysigu socday 14 fadhi. Cabdullahi Xaashi Cali, agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka, oo ku eedeysnaa 241, 363, 366, 375, 376, xeer ciqaabta, waxaa lagu helay 241 oo ah xatooyo xoolo dadweyne iyo 363 ee xeerka ciqaabta, waxaana lagu xukumay 9 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 59.173.000 SHS ($23660). Maxamuud Buule Maxamuud, agaasimaha maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda caafimaadka, ku eedeysnaa qodobada 241, 363, 366, 375, iyo 376, waxaa lagu helay 241 xatooto xoolo dadweyne iyo 363, 366, 375 waxaa ayna ku xukuntay 18 sano oo xarig ah iyo ganaax lagaceed oo dhan 59.173.000 SH($2366). Mahdi Abshir Maxamed, madaxa xisaabaadka ee mashruuca wacyigelinta caafimaadka ee wasaaradda, oo lagu eedeeyey 241, 363, 366, 375 iyo 376 waxaa lagu helay 241 xatooyo xoolo dadweyne iyo 363 iyo 375, waxaa ayna ku xukuntay 12 sano oo xarig ah iyo ganaax lagaceed oo dhan 59.173.000 SHS.($2366). Bashiir Cabdi Nuur, xisaabiyaha mashruuca Mariyada iyo HIV-AIDS oo ku eedeysnaa 241, 363, 366, 375, iyo 376, waxaa lagu helay 241 oo ah xatooyo xoolo dadweyne iyada waxaana lagu xukumay 3 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 29.575.000 SHS($1183), Naciima Cabdiqaadir Maxamed, maamulaha mashruuca taran iyo hooyada ee wasaaradda oo ku eedeysan 241, 363, 366, 375 iyo 376, waa lagu waayey qodobada lagu soo eedeyey waxaa loo celiyey xuriyadeeda. Axmed Aden Maxamed, agaasimaha waaxda caafimaadka guud ee wasaaradda, kuna eedeysnaa 241, 363, 366, 375 iyo 376, waxaa lagu waayey qodobada lagu soo eedeeyey, waxaana la siiyey xuriyadiisa Cabdiqaadir Weheliye Afrax, agaasimaha saadka iyo adeegga caafimaadka ee wasaaradda oo ku eedeysnaa 241, 363, 366, 375 iyo 376 waxaa u cadaatay waaxda daaweynta, waxaa lagu waayey qodobada, xuriyadiisana waa la siiyey. Faarax Yuusuf Maxamed, maamulaha mashruuca wacyigelinta ee wasaaradda oo ku eedeysnaa 241, 363, 366, 375 iyo 376, waxaa cadaatay inuu yahay madaxa qeybta wacyigelinta talaalka wasaaradda, waxaa lagu waayey qodobada lagu eedeyey, xuriyadiisana waa la siiyey. Sumaya Axmed Cusmaan, xisaabiyaha mashruuca TB, oo ku eedeysnaa 241, 363, 366, 375 iyo 376, waxaa lagu waayey qodobada lagu soo eedeyey, waxaana la siiyey xuriyadda. Ugu dambeyntii, waxaa la sheegay in maxkamadda ay kala noqotay damaanadda ay dibadda ku joogeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shirkii Dhuusamareeb wuxuu ahaa mid aad loogu hanweynaa loona rajaynay inuu guulaysan doono sidii Shirarkii caanbaxay ee Garowe 1 iyo Garowe 2, Shirkii Dhuusamareeb Ma [...] The post Aamusnaanta Beesha Caalamka waxay god ku riday Heshiiskii Madaxweyne Farmaajo ee Dhuusamareeb appeared first on . Source
-
Maxakamadda gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqaday xukunno adag oo ay ku ridday mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda caafimaadka oo loo heystay musuq-maasuq. War qoraal ah oo ka soo baxay maxkamadda ayaa waxaa lagu sheegay in mas’uuliyiintaasi oo gaaraya illaa 9 xubnood lagu helay xatooyo xoolo dadweyne. Halkan hoose ka akhriso:- Maxkamadda gobolka Benaadir, qeybta ciqaabta (Waaxda tashiga) Maanta oo ay tahay Taariikhdu 24/08/2020 waxay Maxkamadda ku dhawaaqaysaa Xukunka Kiis Dacwadeedka ciqaabta ah ee Numberkiisa yahay MGB/DDL/148/2020 oo eedaysanayaal ka yihiin 9 qof ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka JFS, kuwaasi oo dacwadooda lasoo dhagaysanaysay 14 fadhi-dacwadeed, XUKUNKA MAXKAMADDA 1. EEDAYSANAHA 1AAD: C/llaahi Xaashi Cali Ina Khadiijo Xaaji Maxamed Xersi 61 jir ah Ku Dhashay Hiiraan Dagan Degmada Xamar-Weyne, ahna Agaasimaha Guud Wasaaradda Caafimaadka DFS Kuna Eeedaysan QODOBADA 241, 363, 366, 375, 376-/71 XCS, MAXKAMADDU waxa ay ku heshay Qodobada 241(XATOOYO XOOLO DADWEYNE) iyo 363 XCS, waxa ayna Ku xukuntay 9 sano oo xadhig ah Iyo Ganaax Lacageed oo ah, SH.SO 59,173,000 (KONTON iyo SAGAAL MALYAN, BOQOL TODDOBAATAN IYO SADDEX KUN, shilin Som) Una dhiganta $2,366 dollar. Xukunka waxaa wehelinaya Ka reebista Xafiis Dadweyne sida ku xusan Qodobada.101/102 XCS. 2. EEDAYSANAHA 2AAD: Maxamuud Buule Maxamuud Ina Binti Shiikh Nuur Maxamed 52 jir ah ku dhashay Xamar, Degan wadajir ahna Agaaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda caafimaadka DFS Kuna Eeedaysan QODOBADA 241, 363 366, 375, 376-/71 XCS, MAXKAMADDU waxa ay ku heshay, Qodobada 241(XATOOYO XOOLO DADWEYNE) iyo Qodobada 363,366, 375, waxayna ku xukuntay 18 sano oo xadhig ah iyo Ganaax Lacageed oo ah 59,173, 000 SH.SO (KONTON IYO SAGAAL MALYAN, BOQOL TODDOBAATAN IYO SADDEX KUN, shilin Som) Una dhiganta $2,366 dollar. Xukunka waxaa wehelinaya Ka reebista Xafiis Dadweyne sida ku xusan Qodobada101/102 XCS. 3. EEDAYSANAHA 3AAD: Mahdi Abshir Maxamed Ina Xaawo Maxamed Nuur 30 jir ah ku dhashay Xamar Degan Waaberi ahna Madaxa xisaabaadka ee Mashruuca Wacyigalinta Caafimaadka (Health Promotion C4D) ee Wasaaradda aafimaadka DFS, Kuna Eeedaysan QODOBADA 241, 363, 366, 375, 376-/71 XCS, MAXKAMADDU waxa ay ku heshay Qodobada 241(XATOOYO XOOLO DADWEYNE), iyo QODOBADA 363, 375 waxayna ku xukuntay 12 sano oo xadhig ah iyo Ganaax Lacageed oo ah 59,173, 000 SH.SO (KONTON IYO SAGAAL MALYAN, BOQOL TODDOBAATAN IYO SADDEX KUN, shilin Som) Una dhiganta $2,366 dollar. Xukunka waxaa wehelinaya Ka reebista Xafiis Dadweyne sida ku xusan Qodobada 101/102 XCS. 4. EEDAYSANAHA 4AAD: Bashiir Cabdi Nuur Ina Xaliimo Qaasim Cabdi 34 jir ah ku dhashay Xamar, Degan Hodan ahna Xisaabiyaha Mashruuca Malaria and HIV/AIDS ee Wasaaradda Caafimaadka DFS Kuna Eeedaysan QODOBADA 241, 363, 366, 375, 376-/71 XCS, MAXKMADDU waxa ay ku heshay Qodobka 241(XATOOYO XOOLO DADWEYNE), waxayna ku xukuntay 3 sano oo Xadhig ah iyo Ganaax lacageed oo ah 29,575.000 (LAABATAN IYO SAGAAL MALYAN, SHAN BOQOL TODDOBAATAN IYO SHAN KUN Shil.Som) Una dhiganta $1,183 Dollar. Xukunka waxaa wehelinaya Ka reebista Xafiis Dadweyne Muddo 5 sano ah sida ku xusan Qodobka102-Faq 1aad XCS. 5. EEDAYSANAHA 5AAD: Naciima C.qaadir Maxamed Ina Xaliimo Cabdi Shiikh 34 jir ah ku dhalatay, Degan Xamar ahna Maamulaha Mashruuca Taranka iyo Hooyada (reproductive Health) ee Wasaaradda Caafimaadka DFS Kuna Eeedaysan QODOBADA 241, 363, 366, 375, 376-/71 XCS, MAXKAMADDU waxa ay ku weyday dhammaan Qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna dib ugu celisay Xorriyadeeda, 6. EEDAYSANAHA 6AAD: Axmed Aaadan Maxamed Ina Faadumo Maxamed 34 jir ah ku dhashay Gedo Degan Hodan ahna Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Guud (Public Health Department) ee Wasaaradda aafimaadka DFS Kuna Eeedaysan QODOBADA 241, 363, 366, 375, 376-/71 XCS, MAXKAMADDU waxa ay ku weyday dhammaan Qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna dib ugu celisay Xorriyadeeda, 7. EEDEYSANAHA 7 AAD: C/qaadir Weheliye Afrax Ina Jimco Gaafow Kulmiye ahna Agaasimaah Waaxda Saadka iyo Adeega Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka DFS, Kuna Eeedaysan QODOBADA 241, 363, 366, 375, 376-/71 XCS, MAXKAMADDA waxaa u caddaatay in uu yahay agaasimaha waxaada daawaynta, qalabka iyo xarumaha caafimaadka ee wasaaradda Caafimaadka, waxayna ku weyday dhammaan Qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna dib ugu celisay Xorriyadiisa. 8. EEDEYSANAHA 8AAD : Faarax Yuusuf Maxamed Ina Luul Geele Maxamuud 34 jir ah ku dhashay Baladweyne Degan Xamar ahna Maamula Mashruuca wacyi galinta caafimaadka (Health Promation C4D) ee Wasaaradda aafimaadka DFS Kuna Eeedaysan QODOBADA 241, 363, 366, 375, 376-/71 XCS, MAXKAMADDA waxa u caddaatay in uu yahay madaxa Qaybta wacyigelinta Talaalka wasaaradda Caafimaadka DFS, waxayna ku weyday dhammaan Qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna dib ugu celisay Xorriyadiisa. 9. EEDEYSANAHA 9AAD: Sumaya Axmed Cismaan Ina Duniyo Cabdulle Cali 27 jir ah ku dhalatay Xamar Degan H/wadaag ahna Xisaabiyaha Mashruuca TBda ee Wasaaradda Caafimaadka DFS, DFS Kuna Eeedaysan QODOBADA 241, 363, 366, 375, 376-/71 XCS, MAXKAMADDU waxa ay ku weyday dhammaan Qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna dib ugu celisay Xorriyadeeda. FG: MAXKMADDU WAXAY KALA NOQOTAY XUKUN SANAYAASHA DAMAANADII AY KU JOOGEEN. DHAMMAAAN DHINACYADA WAXAA U FURAN RACFAAN SU SIMAN MUDDO 30 MAALMOOD AH: MAXKMADDU WAY INOO XIDHANTAHAY View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhowaaqday xukunka kiiska dacwadda sagaal qof oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo loo haystay musuq-maasuq. Haddaba hoos ka aqriso warqadda xukumadda ee maxkamadda. Maxkamadda gobolka Benaadir, qeybta ciqaabta (Waaxda tashiga) Maanta oo ay tahay Taariikhdu 24/08/2020 waxay Maxkamadda ku dhawaaqaysaa Xukunka Kiis Dacwadeedka ciqaabta ah ee Numberkiisa yahay MGB/DDL/148/2020 oo eedaysanayaal ka yihiin 9 qof ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka JFS, kuwaasi oo dacwadooda lasoo dhagaysanaysay 14 fadhi-dacwadeed, XUKUNKA MAXKAMADDA 1. EEDAYSANAHA 1AAD: C/llaahi Xaashi Cali Ina Khadiijo Xaaji Maxamed Xersi 61 jir ah Ku Dhashay Hiiraan Dagan Degmada Xamar-Weyne, ahna Agaasimaha Guud Wasaaradda Caafimaadka DFS Kuna Eeedaysan QODOBADA 241, 363, 366, 375, 376-/71 XCS, MAXKAMADDU waxa ay ku heshay Qodobada 241(XATOOYO XOOLO DADWEYNE) iyo 363 XCS, waxa ayna Ku xukuntay 9 sano oo xadhig ah Iyo Ganaax Lacageed oo ah, SH.SO 59,173,000 (KONTON iyo SAGAAL MALYAN, BOQOL TODDOBAATAN IYO SADDEX KUN, shilin Som) Una dhiganta $2,366 dollar. Xukunka waxaa wehelinaya Ka reebista Xafiis Dadweyne sida ku xusan Qodobada.101/102 XCS. 2. EEDAYSANAHA 2AAD: Maxamuud Buule Maxamuud Ina Binti Shiikh Nuur Maxamed 52 jir ah ku dhashay Xamar, Degan wadajir ahna Agaaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda caafimaadka DFS Kuna Eeedaysan QODOBADA 241, 363 366, 375, 376-/71 XCS, MAXKAMADDU waxa ay ku heshay, Qodobada 241(XATOOYO XOOLO DADWEYNE) iyo Qodobada 363,366, 375, waxayna ku xukuntay 18 sano oo xadhig ah iyo Ganaax Lacageed oo ah 59,173, 000 SH.SO (KONTON IYO SAGAAL MALYAN, BOQOL TODDOBAATAN IYO SADDEX KUN, shilin Som) Una dhiganta $2,366 dollar. Xukunka waxaa wehelinaya Ka reebista Xafiis Dadweyne sida ku xusan Qodobada101/102 XCS. 3. EEDAYSANAHA 3AAD: Mahdi Abshir Maxamed Ina Xaawo Maxamed Nuur 30 jir ah ku dhashay Xamar Degan Waaberi ahna Madaxa xisaabaadka ee Mashruuca Wacyigalinta Caafimaadka (Health Promotion C4D) ee Wasaaradda aafimaadka DFS, Kuna Eeedaysan QODOBADA 241, 363, 366, 375, 376-/71 XCS, MAXKAMADDU waxa ay ku heshay Qodobada 241(XATOOYO XOOLO DADWEYNE), iyo QODOBADA 363, 375 waxayna ku xukuntay 12 sano oo xadhig ah iyo Ganaax Lacageed oo ah 59,173, 000 SH.SO (KONTON IYO SAGAAL MALYAN, BOQOL TODDOBAATAN IYO SADDEX KUN, shilin Som) Una dhiganta $2,366 dollar. Xukunka waxaa wehelinaya Ka reebista Xafiis Dadweyne sida ku xusan Qodobada 101/102 XCS. 4. EEDAYSANAHA 4AAD: Bashiir Cabdi Nuur Ina Xaliimo Qaasim Cabdi 34 jir ah ku dhashay Xamar, Degan Hodan ahna Xisaabiyaha Mashruuca Malaria and HIV/AIDS ee Wasaaradda Caafimaadka DFS Kuna Eeedaysan QODOBADA 241, 363, 366, 375, 376-/71 XCS, MAXKMADDU waxa ay ku heshay Qodobka 241(XATOOYO XOOLO DADWEYNE), waxayna ku xukuntay 3 sano oo Xadhig ah iyo Ganaax lacageed oo ah 29,575.000 (LAABATAN IYO SAGAAL MALYAN, SHAN BOQOL TODDOBAATAN IYO SHAN KUN Shil.Som) Una dhiganta $1,183 Dollar. Xukunka waxaa wehelinaya Ka reebista Xafiis Dadweyne Muddo 5 sano ah sida ku xusan Qodobka102-Faq 1aad XCS. 5. EEDAYSANAHA 5AAD: Naciima C.qaadir Maxamed Ina Xaliimo Cabdi Shiikh 34 jir ah ku dhalatay, Degan Xamar ahna Maamulaha Mashruuca Taranka iyo Hooyada (reproductive Health) ee Wasaaradda Caafimaadka DFS Kuna Eeedaysan QODOBADA 241, 363, 366, 375, 376-/71 XCS, MAXKAMADDU waxa ay ku weyday dhammaan Qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna dib ugu celisay Xorriyadeeda, 6. EEDAYSANAHA 6AAD: Axmed Aaadan Maxamed Ina Faadumo Maxamed 34 jir ah ku dhashay Gedo Degan Hodan ahna Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Guud (Public Health Department) ee Wasaaradda aafimaadka DFS Kuna Eeedaysan QODOBADA 241, 363, 366, 375, 376-/71 XCS, MAXKAMADDU waxa ay ku weyday dhammaan Qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna dib ugu celisay Xorriyadeeda, 7. EEDEYSANAHA 7 AAD: C/qaadir Weheliye Afrax Ina Jimco Gaafow Kulmiye ahna Agaasimaah Waaxda Saadka iyo Adeega Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka DFS, Kuna Eeedaysan QODOBADA 241, 363, 366, 375, 376-/71 XCS, MAXKAMADDA waxaa u caddaatay in uu yahay agaasimaha waxaada daawaynta, qalabka iyo xarumaha caafimaadka ee wasaaradda Caafimaadka, waxayna ku weyday dhammaan Qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna dib ugu celisay Xorriyadiisa. 8. EEDEYSANAHA 8AAD : Faarax Yuusuf Maxamed Ina Luul Geele Maxamuud 34 jir ah ku dhashay Baladweyne Degan Xamar ahna Maamula Mashruuca wacyi galinta caafimaadka (Health Promation C4D) ee Wasaaradda aafimaadka DFS Kuna Eeedaysan QODOBADA 241, 363, 366, 375, 376-/71 XCS, MAXKAMADDA waxa u caddaatay in uu yahay madaxa Qaybta wacyigelinta Talaalka wasaaradda Caafimaadka DFS, waxayna ku weyday dhammaan Qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna dib ugu celisay Xorriyadiisa. 9. EEDEYSANAHA 9AAD: Sumaya Axmed Cismaan Ina Duniyo Cabdulle Cali 27 jir ah ku dhalatay Xamar Degan H/wadaag ahna Xisaabiyaha Mashruuca TBda ee Wasaaradda Caafimaadka DFS, DFS Kuna Eeedaysan QODOBADA 241, 363, 366, 375, 376-/71 XCS, MAXKAMADDU waxa ay ku weyday dhammaan Qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna dib ugu celisay Xorriyadeeda. FG: MAXKMADDU WAXAY KALA NOQOTAY XUKUN SANAYAASHA DAMAANADII AY KU JOOGEEN. DHAMMAAAN DHINACYADA WAXAA U FURAN RACFAAN SU SIMAN MUDDO 30 MAALMOOD AH: MAXKMADDU WAY INOO XIDHANTAHAY The post Maxkamadda G/Banaadir oo ku dhowaaqday xukunka kiiskii musuq-maasuqa wasaaradda caafimaadka first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta ku wajahan magaalada Garoowe, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Axmed Madoobe ayaa waxaa lagu soo warramayaa in Garoowe uu kulamo kula yeelan doono Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni, waxaana la sheegay inay ka wada-hadli doonaan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashada 2020 /2021-ka. Sidoo kale waxaa haatan qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta wafdiga Axmed Madoobe laga dareemayaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Madaxweyne Axmed Madoobe oo in dhowaanahan ku maqnaa dalka Kenya ayaa shalay dib ugu laabtay Kismaayo, isaga oo horey uga horyimid heshiiskii Dhuusamareeb. View the full article
-
Sii hayaha xilka Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Inj; Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa sheegay in daraasado ay ka sameeyeen dhibaatada uu cudurka Covid-19 ku yeeshay ganacsiga ay muujineyso inay jirto saameyn baahsan oo uu ku yeeshay ganacsiga Dalka balse dedaallo badan oo si wada-jir ah ay u sameeyeen xukuumadda iyo ganacsataduba ay wakhtigan yaraatay waxyeelladiisa. Wasiirka oo ka hadlayay kulan lagu falan-qeynayay saameynta covid-19 uu ku yeeshay guud ahaan dhaqaalaha wadanka gaar ahaan ganacsiga Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdosho ayaa intaa ku daray in wakhtiyadii uu cudurkani xoogganaa ay Dowladdu canshuur-dhaaf u samaysay ganacsatada wax-u-soo-dhoofisa Dalka si loo yareeyo sicir-bararka ku yimi maciishadda iyo heerkii nololeed ee Bulshada. Inj; Cabdullaahi Cali Xasan,ayaa sheegay in xukuumaddu ay mar walba ku dedaalayso siddii ay u xakameyn lahayd saameynta cudurka,wuxuuna intaa ku daray in la joogo wakhtigii Dowlad iyo shacabba fursado loogu beddeli lahaa saameyntii ka dhalatay Corona Virus loona xoojin lahaa wax-soo-saarka Dalka. Wasiirka ayaa sheegay in ay dedaallo ku bixiyeen horumarinta ganacsiga iyo Warshadaha, wuxuuna ku dheeraaday dedaalladooda ku aaddan dhiiri-gelinta maal-gashiga, isagoo xusay inay sameeyeen shuruuc iyo siyaasado tiro badan oo muhiim u ah ganacsiga Waddanka, taas oo sababtay in ay Soomaaliya Maanta ka mid noqoneyso Ururrada caalamiga ah ee ganacsiyada Adduunka. Halkan hoose ka daawo sawirro:- View the full article
-
Tababaraha kooxda Jeenyo Axmed Tahliil Cali ayaa sheegay in aad ugu faraxsanahay ku soo laabashada horyaalka Somalia Premier League xili ciyaareedka soo aadan 2020-2021,wuxuuna intaa ku daray in uu haysto xidigo da’dayar ah kuwaas oo kaalin ka qaadan kara horomarka kooxda Jeenyo. December 2018 ayay aheyd markii tababare Axmed Tahliil Cali loo magacaabay macallinka kowaad ee naadiga Jeenyo waxaana sheegay in howshan ay kaalin wanaagsan ka qaateen maamulka,macallimiinta,ciyaartooyda iyo taageerayaasha kooxda Jeenyo. “ Waan u mahad celinayaa saaxiibada soo dhaweeyay guushan shaqada iminka ayay kow tahay waxaan rajaynaa in aan bandhig sare samayno fasal ciyaareedka soo aadan,si qaas ayaa u mahad celinayaa taageerayaasha naadiga Jeenyo” ayuu Goobjoog Sports u sheegay macallinka Jeenyo. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
The construction of the disputed wall, separating Kenya and Somalia is on course, according to the former Somali army officer, Colonel Aden Ruffle. He urged local residents in the border areas to prevent Kenya from completing the work of the fence building as it Encroaching into the country’s territory. Speaking to Radio Shabelle, Ruffle added the security barrier consists of a concrete wall ringed with a barbed-wire electric fence and trenches. It will also have observation posts where electronic surveillance cameras will be installed to monitor movements on either side of the border. In 2016, Kenya has confirmed it will begin construction of a 700-kilometer-long security wall along the northeastern border with Somalia as part of a broader national security plan to curb cross-border terror attacks by al-Shabab. Additionally, the wall will have border posts in Mandera, Lamu, and three other border towns, including Beled-Hawo inside Somalia. View the full article
-
Sida ay qortay SONNA, ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saddex ka tirsan Al-Shabaab waxay ku dileen tuulada Ceel-geeloow xilli ay Miino ku aasayeen Waddada, ka dib howl-gal ay ka sameeyeen inta u dhexeysa Muqdisho iyo Jowhar. Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/le; Ismaaciil Cabdimaalik ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howl-galka uu ujeedkiisu ahaa ka sifeynta Al-shabaab ee Waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, kuwaas oo dhibaateeya Dadka shacabka ah ee safarka ah iyo Gaadiidka ay la socdaan. G/le; Ismaaciil ayaa sheegay intii ay howl-galka ku jireen in ay kusoo saareen Miinooyin ay Al-shabaab galiyeen inta udhexeeysa Balcad iyo Jowhar, isagoo wacad ku maray in ay cadawga ka sifeyn doonaan halkaasi iyagoo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online ) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta ku wajahan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo laga dareemayo qaban qaabada soo dhoweyntiisa. U jeedka safarka Axmed Madoobe ayaa la xiriira shir uu halkaasi kula leeyahay dhiggiisa Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni). Wararka ayaa sheegaya in shirkaasi diirada lagu saarayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka soo socda ee 2020/2021-ka. Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaa horey u diiday ka qeyb-galka shirka Dhuusamareeb 3 oo lagu go’aamiyey noocada doorasho ee dalka ka dhaceyso, wolow ay iyagu ka horyimaadeen dhammaan qodobadii iyo heshiiskii lagu gaaray caasimada Galmudug. Lama oga go’aanka ay isla qaadaan doonaan, labada hoggaamiye ee xulafada ah oo meel adag iska taagay shirkii wada-tashiga ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Sidoo kale waxaa suura-gal ah inay shirka ka furmaya Garoowe ku biiraan qaar ka mid ah hoggaanka xisbiyada mucaaradka dalka oo iyaguna ka soo horjeedo dowladda dhexe. Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomalaiyeed ee Jubbaland uu dib ugu laabay magaalada Kismaayo, kadib markii uu ka soo laabtay magaalada Niarobi ee caasimadda dalka Kenya oo uu aaday arrimo caafimaad. The post Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo shir xasaasi ah ku yeelanaya Garowe +Ujeedka first appeared on Caasimada Online.
-
Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Booliiska ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gallo ka bilaabay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Howl-gallada ayaa ah kuwa lagu xaqiijinayo amniga, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali. Sidoo kale afhayeenka ayaa u mahadceliyey ciidamada ammaanka oo uu sheegay inay si wanaagsan ay u wadaan howl-gallada lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho. Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyeen ciidamada ammaanka, si looga hortago wax kasto oo halis ku ah nabad-gelyada. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha caasimadda ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, waxaana ugu dmabeeyey weerarkii lagu qaaday Hotel Elite ee M/ Muqdisho. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa weerar xalay lagu qaaday hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay taliyaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad,Farxaan Maxamuud Qaroole kaas oo ku yaal degmada Waabari. Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay fuliyeen ku dhowaad 10 askari oo ka tirsan ciidamada Asluubta, sida ay caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa sheegaya in askartaas oo watay gaari nooca Cabdi Bile au rasaas ku fureen guriga taliyaha, balse ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay. Sidoo kale ma cadda illaa iyo hadda sababta ka dambeysay weerarkaasi iyo u jeedka laga lahaa, laakin waxaa la sheegay ilaalada taliyaha la weeraray ay sameeyeen iska caabin. Sidoo kale wararka ayaa intaasi in lagu xiray xarunta dabi baarista CID-da askartii ka dambeysay falkaas oo haatan su’aallo dheeraad ah lagu weydiinayo halkaasi. Weli wax hadal ah kama soo bixin saraakiisha laamaha amniga ee dowladda Soomaaliyaoo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan Muqdisho waxaa ka dhaca iska hor imaadyo u dhexeeya ciidamada dowladda, balse waxaa dhacdo ugu ah in ciidamo dowladda ka tirsan ay weeraraan ciidamo kale. The post Taliyaha ciidanka Haramcad oo gurigiisa lagu weeraray first appeared on Caasimada Online.
-
Minneapolis (HOL) - Six more people have died from COVID-19 in Minnesota, according to local health officials. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Addis Ababa)-Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa sheegtay inay kordhinayso Tirada Dekedaha ay Isticmaasho, maaddaama oo Itoobiya tahay dal dhul ahaan ballaadhan oo aan lahayn Deked. Maareeyaha Dekedaha ee Dawladda Itoobiya Makonan Abarra ayaa sheegay inay Dawlad ahaan heshiis isticmaalka Dekedaha kula jiraan Suudaan, Jabuuti iyo Somaliland, balse ay aanay Dekedahaasi ku filayn, sidaasi darteed ay qorsheeyeen inay isticmaalaan Dekedaha dalalka Kenya iyo Eriteriya, iyadoo laga duulayo sidii loo yarayn lahaa kharashaadka Itoobiya kaga baxa Rarka Alaabooyinka uga soo dega Dekedaha dalalka la deriska ah ee Somaliland ka mid tahay. “Maaddaama oo dalkeenu ballaadhan yahay waxa muhiim ah in la adeegsado Dekedo badan oo wax lagala soo dego, waxaana la daraaseynayaa dhinacyada ugu habboon ee laga hirgelin karo Dekeddahaasi, Tusaale ahaan dhinaca galbeed, Koonfurtana tee ku habboon, sidoo kale badhtamaha Dalka iyo bariga tee ku habboon, markaynu sidaa leeyahay waxa laga duulayaa Mastaafada (Gaadiidka) Koontiinnarada sida, mid kasta goobtee laga soo gelin karaa, markaana waxa la xadidayaa kharashaadkii ku bixi jiray dib u rarka.” Ayuu yidhi, Maareeyaha Dekedaha ee Dawladda Itoobiya Makona Abara, waxaanu intaa ku daray “Illaa hadda Dekedaha aanu heshiiska la saxeexanay waxa ka mid ah ta Dalka Jabuuti, Suudaan iyo Somaliland, Kenya iyo Eriteriyana imika ayaa la qorshaynayaa, waxaanu qorshaynay inaanu ka faa’idaysano Dekedaha dalalka Deriska ah, iyadoo laga duulayo meel kasta goobta ku habboon ee alaabta laga soo gelin karo iyo alaabooyinka dalkeenu dhoofiyo goobta ugu habboon ee laga dhoofin karo..” Maareeyuhu waxa kale oo uu sheegay in Adeegsiga hal Deked uu meesha ka saarayo Tartanka ka faa’idaysiga Dekedaha, hase-ahaatee adeegsiga Dekedaha badani uu abuurayo tartan. Source
-
Deni oo la kulmay ururada bulshada rayidka Puntland+Sawirro
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan la qaatay Ururada Bulshada, Madaxda Ururada Siyaasadda, Aqoonyahanada iyo Waxgaradka Puntland. Siciid Deni ayaa Bulshada uga warbixiyey xaaladda guud ee Puntland, shaqooyinka dowliga ah ee laqabtay sida tayeynta Ciidamada, horumarinta hanaanka maaliyadda iyo hirgelinta Nidaamka Xisbiyada badan oo meel wanaagsan maraya . Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la wadaagay aqoonyahanada, siyaasiyiinta iyo Ururada Bulshada, Shirkii Dowladdu ka qeybgashay ee Dhuusamareeb kaasi oo looga hadlay arrimaha Doorashada Soomaaliya iyo sida Puntland u wajahday. Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale bulshada usoo gudbiyey shaqadii wanaagsaneyd ee laga soo qabtay Gobolka Mudug iyo safarkii uu ku tegay dalka Jabuuti. Madaxweynaha ayaa dhegaystay fekradaha iyo talo soojeedinta xubnaha kulanka ka qeybgalay, dhammaantoodna waxay ka mahadceliyeen kulanka, iyagoo muujiyay sida ay Dowladda ugu garabtaaganyihiin marwalba arrimaha gudaha ee Puntland iyo doorka Puntland ee arrimaha Soomaaliya. Madaxda Ururada Siyaasada Puntland oo kulanka ka hadlay, waxay Madaxweynaha uga mahadceliyeen ka dhabeynta nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland, oo caawa ay afkaartooda iyo talooyinkooda kusoo gudbinayaan iyaga oo metelaya Ururada Siyaasadeed ee Puntland . Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u mahadceliyay dhammaan xubnaha kulanka kasoo qeybgalay, si gaar ah wuxuu Madaxweynuhu bogaadiyey doorka Ururada Bulshada Rayidka ah ku leeyihiin Dowladdnimada, iyo sida ay marwalbo uga qeyb qaataan marxalad kasta oo markaasi la marayo Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article -
Warar ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay dib u billowday dhismaha darbiga ay ka dhiseyso xadka ay gobolkaas kala wadaagto dalka Kenya. Ciidamo dheeraad ah ayaa lagu soo warramayaa in dowladda Kenya ay dhigtay xadka, kuwaas oo la sheegay inay ilaalin doonaan shaqaalaha dhisaya darbigaas. Sidoo kale Korneyl Aadan Rufle oo ka mid ah saraakiishii hore ee ciidamada Xoogga dalka ayaa Shabelle u sheegay inay Kenya soo celisay darbigii ay ka dhiseysay xadka. Korneyl Rufle ayaa ku baaqay in loo baahan yahay in laga hortago gar-darro uu sheegay inay wado dowladda Kenya. Dhismaha darbiga dheer ee ay Kenya ku xireyso xadka oo ay horey dood uga timid yaa waxaa 2018-kii ka wada-hadlay Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhigiisa Kenya, lamana oga waxaa hadda soo celisay darbigaas oo laga dhisayo dhanka degmada Ceelwaaq. View the full article
-
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa illaa hadda u muuqda kuwa uu hunguri ka hayo Gudoomiyenimadda Kulmiye Muuse Biixi Dabadii, waxaanu mid waliba dhinaciisa u doonayaa inuu Madaxweyn Muuse ugu wareejiyo Sidii uu isaga ugu wareejiyay Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, oo ahaa mulkiihii ama aasaasihii Xisbigan. Siyaasi Maxamuud Xaashi ayaa mar uu sheecinayey hankiisa Hoggaaminta KULMIYE ayaa sheegay sidan:-“Waxaan maanta aan u arkaa in ay tahay amintii aan hoggaamin lahaa Xisbiga KULMIYE marka Xisbiga KULMIYE shir weynihiisa la qabto,waxaan isu soo taagidoonaa Jagada Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, waxaan doonayaa in aan ku tartamo Guddoomiyaha Xisbiga.” Ayuu yidhi Siyaasi Xaashi Geesta kale Maxamuud Xaashi ayaa mar la weydiiyey haddii uu ku guul daraysto hankiisa hoggaaminta Xisbiga KULMIYE waxa uga meel yaala iyo wuxuu yeeli doono ayaa ku gaabsaday siddan“Waxaan ahay Siyaasi waayo arrag ah oo yaqaana siyaasadu inay leedahay Guul-darro iyo Guul labadaba waan ku talo-gelayaa.”Ayuu yidhi Siyaasi Maxamuud Xaashi Dhinaca kale, Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa maruu Kooxo dhalinyaro oo kasoo jeeda Beeshiisa oo uu kula shiray Huteel Maansoor waxa uu ka codsaday inay damaciisa ku aadan Hogaaminta kulmiye ku taageeraan islamarkaana ay ku garab siiyaan, waxaanu si cad ugu sheegay inuu u taagan yahay islamarkaana ku tartamayo Gudoomiyenimada Kulmiye Madaxweyne Muuse Biixi dabadii. Sikastaba hanoqotee, Madaxweyne Biixi ayaa waxa horyaala hal xidhaale adag iyo sidii uu uga gudbilahaa arimaha horyaala ee ku saabsan inuu u kala xaqsooro labadan siyaasi si uu iskaga ilaaliyo inuu wax khilaaf ahi ka dhex qarxo xisbiga islamarkaana uu saamayn ugu yeesho mustaqbalka jiritinaanka dambe ee Xisbiga Kulmiye. Warar aan la hubin ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi aanu musharax ahayn doorkan islamarkaana uu wareejinayo kursiga Kulmiye marka la gaadho bisha October ee fooda inagu soo haysa markaasi oo la filayo inuu qabsoomo Shirweynaha Xisiga Kulmiye. Wararkan ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi uu damacsan yahay inuu kursiga Kulmiye ku garab siiyo inuu ku fadhiisto Saaxiibkii Maxamed Kaahin Axmed oo ah Wasiirkiisa Arimaha Gudaha taasi oo uu uga gol leeyahay inaanu ka fogaan kursiga Kulmiye oo uu danihiisa gaarka ah ugu sii fushadu maadaama oo ay saaxiib dhaw yihiin Maxamed Kaahin islamarkaana aanu kala fogayn Xisbiga. Marka la gaadho Bisha October oo loo ballansan yahay Shirweynaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, waxa su’aal weyni ka taagan tahay qaabka iyo sida uu ku dambayn doono muuqaalka Xisbiga Kulmiye, waxaana si weyn loo saadaalinayaa saamaynta uu shirkaasi ku yeelan doono Is-bahaysigii siyaasadeed ee u dhexeeyay Beelaha Bariga Burco iyo Galbeedka iyo Woqooyiga Hargeysa, waxa sidoo kale isha lagu hayaa islamarkaana wal wal laga qabaa saamaynta uu yeesho cidda lagu wareejiyo Kursiga Gudoomiyaha Kulmiye oo muddo badan la hadal hayay sida uu Madaxweyne Muuse u wareejin doono iyo in uu isagu ku sii dhegsanaan doono mansabkaasi. Source
-
(SLT-Washington)-Muslimiinta ay gacanta ku hayaan waaxda socdaalka iyo kastamyadda ee dalka Maraykanka, gaar ahaan gobolka Miami ayaa si joogto ah waxaa loo siiyaa hilib-doofaar iyo hilib xalaal ah oo dhacay, sida ay sheegeen ururada u dooda xuquuda aadanaha, kuwaas oo gudbiyay warqad cabasho ah. Ururka u dooda xuquuqda Muslimiinta iyo urur kale oo u dooda cadaaladda socdaalka oo lagu magcaabo LLP ayaa sheegay in tan iyo markii uu billowday Coronavirus xarun ay maamushu waaxda socdaalka iyo kastamyadda oo ku taalla Miami dad muslimiin ah lagu siiyay hilib horay loo sii diyaariyay oo ka koobaan hilibka-doofaarka oo noocyo kala duwan ah. “Sababtoo ah cunada xalaasha ah ee xarunta waa mid dhacday ama halowday, sidaas darteed muslimiinta ku xiran xarunta Krome waa in ay kala doortaan hilib doofaar iyo raashin hallaabay,” ayaa lagu yiri warka ay soo saareen ururadda muslimiinta u dooda. “Ugu yaraan 2-3 jeer ayaa todobaadkii la siiyaa cunno horay loo sii diyaariyay oo uu jiro hilib-doofaar. 2-3 jeer todobaadkii ayaa muslimiinta xiran lagu qasbaa in ay kala doortaan Iimaankooda iyo raashinka,” ayaa warqadda lagu sheegay. “Majirto sabab aysan dadka muslimiinta ah xitaa marka uu safmareenku jiro u heli karin raashin aan dhicin iyo hilib xalaal ah oo aan halaabin.” Sida ay ururadu sheegeen, dadka xiran waa ay ku xanuunsadeen raashinka dhacay, waxayna sheegeen calool-xanuun, matag iyo shuban. Ururradu waxay dalbadeen in waaxda socdaalka iyo kastamyadda iyo wasaaradda amniga gudaha “si deg-deg ah u joojiyaan muslimiinta lagu qasbayo in ay kala doortaan hilib-doofaar iyo hilib xalaal ah oo qurmay.” Dadka xiran ayaa masuulka xabsiga weydiistay in arrinta heysata laga caawiyo, laakiin waxaa uu ugu jawaabay in wax walba ay sidooda ahaanayaan. Waaxda socdaalka iyo kastamyadda Maraykanka kama aysan jawaabin codsi Middle East Eye uu u gudbiyay markii uu maqaalkaan daabacaayay. Dhacdadaan waxay qayb ka tahay eedo nuuceeda ah oo loo jeediyay xabsiyo gobol iyo kuwo ay leedahay Dowladda federalka Maraykanka, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay muslimiin ku quudiyeen hilib-doofaar. Maxkamado federaal ah ayaa ogaaday in maxaabiis la siiyay cunno dhacday, si la mid ah kuwa ku jira qaybta muslimiinta lagu xiro ee xabsiga Krome. Sida ay horay maxkamaduhu u sheegeen, in maxaabiista lasiiyo raashin dhacay waxay xad gudub ku tahay sixitaanka sideedaad ee dastuurka Maraykanka, kaasi oo sheegaya in saraakiisha xabsigu ay maxaabiista siiyaan adeegyadda aasaasiga ah oo uu ka mid tahay raashin la cuni karo. Kiisas ku saabsan xoriyadda diimaha oo tiradoodu gaareeyso 163 ayaa laga diiwaan geliyay Maxkamad Faderal ah intii u dhexeeysay October 2017-kii iyo January 2019-kii, 64-kiis oo ka mid ahna waxay Muslimiintu uga cabanayeen cunooyinka aan diintooda ku habooneyn. Ma cadda tirada muslimiinta ay hadda gacanta ku heysa waaxda socdaalka iyo customyadda, laakiin hadda in ka badan 80,000 oo muslimiin ah ayaa ku xiran xabsiyadda Maraykanka. Source
-
(SLT-Qubrus)-Dowladda Qubrus oo muddo dheer lagu dhalleeceynayay inay ka iibiso Baasaboorka loogu yeedho Dahabiga muwaadiniinta ku sugan dalalka ka baxsan EU, kuwaasoo lagu iibiyay illaa 20 Milyan oo Karoon. Qubrus oo ka mid ah dalalka Midowga Yurub ayaa Baasaboorkeeda wuxuu xuquuq siinayaa inay si xor ah ugu safraan wadamada Midowga Yurub oo dhan. Macluumaad cusub ayaa hadda soo baxaya oo ku saabsan cidda dhab ahaantii iibsatay soo gelitaanka Yurub. Ugu yaraan 2,500 baasaaboor dahab ah oo la bixiyay intii u dhaxeysay 2017 iyo 2019, kuwaasoo qaar badan oo ka mid ah ku tagay, waxaa la sheegay inay ku jiri karaan dad halis gelin kara amniga. Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in xubin ka mid ah qoyska Bin Laden oo iibsaday baasaboor. Kumanaan muwaadiniin Ruushka u dhashay ayaa ku jira, kuwaasoo qaarkood xidhiidh adag la leh Aqalka Kremlin, sida laga soo xigtay Telefishinka Al Jazeera. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Cyprus Nicos Nouris ayaa iska difaacay eedeymahan, isagoo sheegay in wax walba lagu qabtay si waafaqsan shuruucda, isla markaana uu dalkiisa haatan adkeeyay iibka baasaboorka. Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Subax-2482020.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xalay kulan la qaatay Ururada Bulshada, Madaxda Ururada Siyaasadda, Aqoonyahanada iyo Waxgaradka Puntland. Madaxweynaha ayaa Bulshada uga warbixiyey xaaladda guud ee Puntland, shaqooyinka dowliga ah ee laqabtay sida tayeynta Ciidamada, horumarinta hanaanka maaliyadda iyo hirgelinta Nidaamka Xisbiyada badan oo meel wanaagsan maraya . Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la wadaagay aqoonyahanada, siyaasiyiinta iyo Ururada Bulshada, Shirkii Dowladdu ka qeybgashay ee Dhuusamareeb kaasi oo looga hadlay arrimaha Doorashada Soomaaliya iyo sida Puntland u wajahday. Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale bulshada usoo gudbiyey shaqadii laga soo qabtay Gobolka Mudug iyo safarkii uu ku tegay dalka Jabuuti. Madaxweynaha ayaa dhegaystay fekradaha iyo talo soojeedinta xubnaha kulanka ka qeybgalay, dhammaantoodna waxay ka mahadceliyeen kulanka, iyagoo muujiyay sida ay Dowladda ugu garabtaaganyihiin marwalba arrimaha gudaha ee Puntland iyo doorka Puntland ee arrimaha Soomaaliya. Madaxda Ururada Siyaasada Puntland oo kulanka ka hadlay, waxay Madaxweynaha uga mahadceliyeen ka dhabeynta nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland, oo xalay afkaartooda iyo talooyinkooda kusoo gudbinayeen iyaga oo metelaya Ururada Siyaasadeed ee Puntland . Madaxweyne Deni, ayaa u mahadceliyay dhammaan xubnaha kulanka kasoo qeybgalay, si gaar ah wuxuu Madaxweynuhu bogaadiyey doorka Ururada Bulshada Rayidka ah ku leeyihiin Dowladdnimada, iyo sida ay marwalbo uga qeyb qaataan marxalad kasta oo markaasi la marayo Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Kulan la qaatay Ururada Siyaasadda iyo Bulshada Rayidka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxwweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo aan ka qeyb-gelin shirkii Dhuusamareeb 3 ayaa haatan bilaabay qorshe cusub iyo la tashiyo ku aadan doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/2021. Siciid Deni ayaa xalay kulan is-xog wareysi ah xalay la qaatay ururada bulshada rayidka, madaxda ururada siyaasadda, aqoonyahanada iyo waxgaradka Puntland. Ugu horreyn m adaxweynaha ayaa la wadaagay dhinacyadaasi shirkii Dhuusamareeb 3, kaasi oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashada Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu dhegaystay fekradaha iyo talo soojeedinta xubnaha kulanka ka qeybgalay oo muujiyay sida ay Puntland ugu garab taaganyihiin marwalba arrimaha gudaha iyo doorka Puntland ee arrimaha Soomaaliya, sida lagu sheegay warka soo baxay madaxtooyada Puntland oo lagu faah-faahiyey kulankaasi oo ahaa mid saacado qaatay. Shalay ayey aheyd markii Madaxweyne kulan kan la mid ah uu qaatay xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowlad goboleedka Puntland oo isna looga hadlay doorashada 2020/21. Puntland ayaa meel adag iska taagtay heshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb, iyada oo garabsanaysa Jubbaland, waxaana qaadaceen natiijadii ka soo baxday shirkaasi. The post Sawiro: Siciid Deni oo qorshe cusub billaabay kaddib heshiiskii Dhuusamareeb first appeared on Caasimada Online.
-
Hanoi (VNA) – Vietnam calls on international partners to assist the Somali Government in easing socio-economic difficulties and coping with humanitarian needs, stated Ambassador Dang Dinh Quy, head of the Vietnamese Permanent Mission to the UN. Source: Hiiraan Online
