Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee K/Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii la soo shaafay Al-Shabaab ay afar nin ku toogteen deegaanka Ceel-Cadde ee gobolkaasi. Afarta nin ee la toogtay ayaa waxaa lagu eedeeyey inay ahaayeen basaasiin u shaqeeya dowlada Soomaaliya, Mareykanka iyo Itoobiya. Fagaaraha lagu toogtay sidoo kale waxaa ku sugnaa xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo boqolaal dadweyne ah. Halkan hoose ka aqriso magacyada Ragga la toogtay. 1- Diini C/Qaadir Maaxamed oo ay ku eedeyeen in uu u shaqeynayay sirdoonka Mareykanka 2- Ciise Cismaan Geelle oo si gaar ah ay dagaalamayaasha Al-shabaab ugu eedeyen in ka mid ah sirdoonka Itoobiya . 3- Aadan Xasan Max’med waxaa ay sheegeen in uu ka mid ah sirdoonka dowladda Soomaaliya. 4- Cabdi Casiis Xasan Cabdi oo isna ay sheegeen Shabaab in uu u shaqaynayay dowlada Federaalka Soomaaliya. View the full article
  2. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dab khasaare nafeed iyo mid hantiyeed geystay oo xalay ka kacay deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug. Dabka ayaa ka kacay kaalin shidaal oo ku taalla deegaankaasi, wuxuuna bilowday shalay gelinkii dambe, isagoona soo gaaray illaa xalay, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Inta la xaqiijiyey illaa 15 ruux ayaa ku dhaawacantay dabkaasi, kuwaas oo dhaawacyadooda la geeyey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Sidoo kale dabka ayaa ku sii fiday xarumo kale oo ka agdhowaa kaalinta shidaalka ee uu dabku ka kacay, inkastoo markii dambe lagu guuleystay in la damiyey. View the full article
  3. For their own self-preservation, infectious bacteria often try their best to stay out of the way of the immune system in our bodies – and scientists have found a surreptitious and previously undiscovered way that they do this. What happens is that the bacteria release toxins to disarm the mitochondria in immune cells, those tiny organelles that act as the engine rooms of cells. Once the immune cells sense that their mitochondria are inactive, they trigger apoptosis or programmed cell death. The findings could give us new ways of tackling infectious bacteria, particularly those that have grown resistant to antibiotics – although up to this point, experiments have only been carried out on mice in the laboratory. “Ironically, it is the activation of host cell death factors that deliver the final blow to mitochondria which induces apoptosis, not the bacterial toxins themselves,” says molecular biologist Pankaj Deo from the Monash Biomedicine Discovery Institute (MBDI) in Australia. In other words, the bacteria toxins aren’t directly killing immune cells, but rather setting in motion a chain of events that causes our body’s emergency responders to kill themselves. Our immune cells are using mitochondria as infection sensors. That was the case in tests on mice described in this study: by targeting genetic controls for apoptosis in the rodents, the scientists were able to reduce inflammation in the animals and lower the risk of infection. The bacterial pathogens Neisseria gonorrhoeae, uropathogenic Escherichia coli, and Pseudomonas aeruginosa were the ones tested – all of which are commonly found in hospitals and can develop resistance to drugs – but the team says the findings would also apply to other species of bacteria. “We’ve shown in this paper that we can accelerate the immune response,” says molecular biologist Thomas Naderer from MBDI. “The other side is that if that response persists and we get constant inflammation – which is usually associated with bacterial infection and which causes a lot of tissue damage – we have a new way to shut down that tissue-damaging inflammation.” Previously, attention had been focussed on bacterial toxins that created a different type of automatic cell death, called pyroptosis. Here, the researchers have spotted other mitochondria-targeting toxins wrapped up in structures called outer membrane vesicles. Now that we know more about how the mitochondria are being targeted, scientists might be able to stop it. Further trials will be needed on humans to work out exactly what’s going on at the microorganism level, but it’s possible that existing drugs could be reengineered and new drugs could be developed to fight off infection. With pathogens becoming smarter and smarter when it comes to dodging the drugs we send in to beat them – as well as evading the body’s own defences – any new innovations in treatment could make a significant difference. “There’s been a lot of effort trying to block endotoxins that kill immune cells, but this study really shifts the focus onto different toxins that might be more important,” says Naderer. “It gives us a few good leads that we can look at as a next step.” The research has been published in Nature Microbiology. Qaran News
  4. https://www.youtube.com/watch?v=OsK5crkIK_8&feature=emb_logo Source
  5. Allaha u naxariistee wasiirkii beeraha iyo waraabka HirShabelle, Xildhibaan C/qaadir Abuukar Maxamed (Karaani) oo dhowaan lagu dilay Jowhar ayaa lagu soo warramayaa inuu dilkiisa shaki kala dhex-dhigay saraakiisha laamaha amniga ee maamulkaasi. Wasiir Karaani ayaa la dilay hal todobad, kadib markii loo magacaabay xil-ka wasiirka beeraha iyo waraabka HirShabelle, taas oo keentay shakig jira. Sidoo kale ciidamada amniga ayaa howl-gallo ka sameeyey magaaladaasi, kuwaas oo ku soo qab-qabtay tiro dad ah oo lagu tuhmayo dilkaasi oo ay baxsadeen ragii ka dambeeyey. Wasiirka amniga dowlad goboleedka HirShabelle Maxamed C/raxmaan Khayre oo u warramay Voa ayaa sidoo kale sheegay in dadka la soo xiray ay gaaraan illaa 5 ruux, kuwaas oo uu tilmaamay in haatan ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Ammaanka magaalada Jowhar ayaa muddooyinkii la soo dhaafay faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo u badan dilal qorsheysan. View the full article
  6. (SLT-Riyadh)-Markii la waayay suxufigii caanka ahaa ee u dhashay Sucuudiga oo markii u dambeysay galay gudaha Qunsuliyadda Sacuudigu ku leeyahay Istanbuul 2-dii bishii October ee sanadkii 2018-kii, reer Galbeedku waxay ka laba-labeynayeen in uu rumeysto warkii kasoo baxayay Madaxtooyadda Turkiga ee ahaa, Jamaal Khashoggi in la dilay meydkiisana la cidhib tiray. Laba toddobaad ayaa la dhaafay ka hor inta ayna wakiil wareedka New York Times Carlotta Gall ku eedeysay Madaxtooyadda Turkiga in ay adeegsaneyso akhbaar dusin gaar ah, si ay cadaadis u saarto Dowladda Sacuudiga. Iyadoo shaki ka muujineysa faah-faahinta ah in Khashoggi la dilay, ayey Gall qortay 19-kii October ee sanadkaas “Muxuu Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ka aaminsanyahay khadarta ku dhacday suxufiga?” “Kiiska miyaa ah fursad muddo la sugayay, marka uu warbaahin gaar ah uu siinayo faah-faahinta kiiska, Dowladda Mr, Erdogan qudheeda ayaa markii horeba cadaawad kula jirtay suxufiyiinta madaxa banaan,” ayey qortay. Waxaa beegdsaday Tiger Squad Afar maalmood ka hor inta ayna The New York Times muujin shakigaas, hadda waxaan ognahay in koox ka socotay Maxamed Bin Salman oo la baxday Tiger Squad ay qorsheeyeen dilkii labaad kana degeen magaalada Toronto – dhamaantood waxay ka koobnaayeen 50 qof oo ay ku jireen khubaro ku taqasustay caddeymaha dambiyada ah. Howlgalkoodu Dhaxal-sugaha Sucuudiga Maxamed bin Salmaan wa uu uga khatar badnaa kii Khashoggi. Ninka la beegsanayey ee Saad Al-Jabri waxaa uu ahaa gacanta midig ee Maxamed bin Nayef, ee wasaaradda arrimaha gudaha. Waxaa uu lahaa darajadda wasiir. Waxaa uu ogaa dhammaan siraha wasaaradiisa, oo ay ka mid tahay in Boqor Salmaan iyo wiilkiisu ay si ula kac ah gacmaha ula galeen sanduuqa wasaaradda ee argagixiso la dirirka, oo ay bishii soo geli jirtay tobanaan million ee riyalka Sacuudiga ah. Dabcan taasi, waa qayb yar oo ka mid ah lacagta bishii ku baxda Boqor Salmaan. Jamal Khashoggi ayaa sheegay in Boqorka uu bishii isticmaalo ama miisaaniyaddiisu tahay dhan 3 billion ee riyalka Sucuudiga oo u dhiganta $800 million. Jabri waxaa uu ahaa welina yahay, qof wax badan og. Dad kale oo sir badan haya ayaa gacanta u galay Boqortooyadda. Laakiin Jabri ayaa hadda dacwad la galay Dowladda. CIA ayaa qeyb ka ah ciyaarta Jabri waxaba kama khasaarayaan. Sida uu dacwadiisa ku sheegay, waxay isku dayeen in ay ku khasbaan in uu dalkiisa dib ugu laabto, balse wa uu diiday. Waxay isku dayeen in ay dacwado kusoo oogaan. Waxay basaas u direen in ay soo ogaadaan meesha uu Maraykanka ka joogo. Waxay u direen koox disha, balse waa ay guul dareysteen. Kadibna waxay ku jeesteen qoyskiisa. Waxay carruurtiisa u diideen in ay safraan, kadibna waa ay la wareegeen. Weli isma uu dhiibin. Waxay sheeko ku daabaceen Wall Street Journal, taasi oo sheegeysa in Jabri ay ku maqanyihiin malaayiin dollar oo uu lahaa sanduuqa argagixiso la dirika, waana laga rabaa. Shakigii New York Times ay ka qabtay waxa Turkigu ka sheegayay Kashoggi waxaa uu dhamaaday markii Gina Haspel, agaasimaha CIA-da ay gaartay magaaladda Ankara, si ay usoo dhageysato cod la duubay markii uu dilku ka dhacayay Qunsuliyadda dhex-deeda. Markii CIA-du ay sheegtay in ay aaminsantahay in Maxamed bin Salmaan uu agaasimay dilka, Washington wax talaabo ah ma aysan qaadin. Hadda waxaa soo baxay mid ka mid ah dadkii uu ku tiirsanaa go’aanka CIA-da in uu ahaa Saad Jabri. Laba wajiyeynta Sacuudiga Waxaan ognahay in Maxamed bin Salamaan lagu eedeeyay in uu Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ku dhiiri geliyay in uu faro-geliyo Suuriya, ka sokoow taageeradda muuqata ee Sucuudigu siiyo falaagadda. Tani waxay sidoo kale sharaxaysaa sababta Dhaxal-sugaha Abu Dhabi Maxamed bin Zayed uu Bishaar Al-Assad ugu dhiiri-geliyay in uu jabiyo xabad-joojintii Idlib, si ay uga sii darto xaaladda Turkida. Dibin-daabyadda ka jirta Siiriya iyo Liibiya waxaa ay ku wajahantahay Turkiga oo ay gobolka isku hayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka. Uma naxayaan Siiriya iyo Liibiya. Isku dhaca awoodeed waxaa uu billowday markii maamulihii Jabri, Mohamed Bin Nayef shaqada laga eryay, isla markaana lagu tilmaamay in uu daroogo qabatimay seddax sano ka hor, weli ma ayna dhamaan. Maxamed bin Salmaan oo la wareegay jagadii bin Nayef weli guul ma uusan gaarin, haddii uu gaarayna uma marin hanaan sharci ah. Taasi waa sababta uu u daneynayo in uu meesha ka saaro qof walba oo u dhowaa bin Nayef, waxaa uu ka bilaabay Khashoggi, hadana waxaa uu ku raad joogaa Jabri. Sida ay dacwaddu sheegeeyso, ka hor intii aanu tallaabo ka qaadin bin Nayef waxaa uu la tashaday la-taliyaha madaxtooyadda Maraykanka Jared Kushner. Jabri ayaa jagadii wasiirnimo laga eryay kadib markii MBS uu talada la wareegay isla markaana uu ogaaday in Jabri uu laba jeer la kulmay agaasimihii hore ee CIA-da isla markaana uu kala hadlay in Bin Salman uu wacay Putin ayna ka sheekeysteen arrimaha Suuriya. Jabri ayaa wadanka ka tagay markii maamulihiisii hore uu Washington ka bilaabay olole, waxaana CIA-du Jabri u sheegtay in uu bartilmaameed yahay. Caymiska nolosha Haspel iyo CIA-da midna kama soo muqan dagaalka u dhexeeya Jabri iyo Dhaxal-sugaha. Jabri ayaa dacwadiisa waxaa uu ku sheegay in isaga iyo CIA-du ay aad isugu dhowyihiin. “Dad yar ayaa Dr Saad Al Jabri uga xiriir dhow sirdoonka Maraykanka iyo hey’adihiisa amniga,” ayaa lagu yidhi Dacwadda. “Inkastoo tobanaan sano wada shaqayn dhow uu la lahaa saraakiil sare ee argagixiso la dirirka, Dr Saad waxaa uu noqday saaxiib la’aanimay kaasi oo akhbaartiisa iyo taladiisa la raadiyo ka hor inta aan la qaadan go’aanadda nolol iyo geeri ee amniga qaranka Maraykanka.” Markasta, Jabri waxaa uu heystaa taageero cad. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa u sheegay Middle East Eye “Saad Al-Jabri waa saaxiib qiimo ugu fadhiya argagixiso la dirirka Maraykanka. Shaqada Saad waxay Maraykanka ka caawisay badbaadinta nolosha dad u dhashay Maraykanka iyo Sacuudiga. Saraakiil badan oo hadda shaqeeya iyo kuwo hore ayaa yaqaana oo xushmeeya.” Dagaal ku tal-gal ah oo isku xigxiga Ugu dambeynta, tan micnaheedu waxaa uu yahay, in waxay ku xiran tahay halka uu ku dambeeyo Trump marka la gaaro doorashada Mareykanka ee November. Rajada keliya ee boqorka mustaqbalka, Maxamed Bin Salman uu musiibo uga fogaan karo waa in uu Trump guuleysto. Haddii Trump looga adkaado doorasho wax walba ee Txrump uga xidhnaa halkaas ayey ku baaba’ayaan. Maxamed bin Salmaan nasiib ayuu leeyahay, haddii uu markaan badbaado, waxaa uu u baahanyahay taageeradda militariga Maraykanka. Tani mahan wax uu uga gudbi karo wax ay habeen kala bedesheen Putin ama taageradda shiinaha. Dagaalkii uu Maxamed bin Salmaan bilaabay markii uu eryay bin Nayef seddax sano ka hor weli ma aanu dhammaan. Muxuu Maxamed Bin Salman sameyn doonaa haddii Jabri lagu casuumo in uu ka marqaati-kaco congress-ka hortiisa, xitaa kulan ay albaadu u xidhanyihiin islamarkaana uu bilaabo in uu shaaca ka qaado dambiyadda Dhaxal-sugaha. Source
  7. Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa War-bixin u jeediyey Golaha amaanka Qaramada Midoobay oo fadhi gaar ah ka yeeshay Arrimaha Soomaaliya. War-bixintan oo ku saabsanayd Xaaladda siyaasadeed ee xilligan ka taagan Soomaaliya iyo khilaafaadka la xidhiidha habka loo qabanayo doorashada soo socota ayaa Ergayga Xoghayaha guud wuxuu ku soo hadal-qaaday Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ee bishii June ee sannadkan ka qabsoomay dalka Jabuuti. James Swan oo hadal dheer oo ku saabsan Xaaladda Soomaaliya ee xilligan u jeediyey Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maray Dalka Jabuuti, waxaase uu soo jeediyey in la sii wado Wada-hadalladii la qorsheeyay ee ka dambeeyay. “Waxaanu soo dhawaynaynaa kulankii hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ee uu marti-galiyay Madaxweynaha Djibouti 14 June, ee ay fududeeyeen Midowga Yurub iyo Maraykanku.” Ayuu yidhi, James Swan waxaanu intaa ku sii daray in la sii wada-hadalladii loo ballamay ee Guddiyada Farsamo “Waxaanu ku boorinaynaa in la sii wado wada-hadalladii daba socday ee guddiyada farsamo iyo guddi hoosaadyada” Geeska Qaran News
  8. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Deni ayaa xarunta madaxtooyada ee Garoowe kulan gaar ah kula qaatay qaar ka mid ah xildhibaanada iyo wasiirada maamulkaasi, kaas oo looga hadlay xaaladda dalka. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah, islamarkaana saacado badan qaatay ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka iyo shirkii lagu soo gaba-gabeeyey Dhuusamareeb. Ugu horreyn Siciid Deni ayaa xildhibaanada Puntland iyo golihiisa wasiirada la wadaagay aragtiisa diidamada ah ee uu ka qabo heshiiskii lagu gaaray shirka Dhuusamareeb 3 iyo tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee ay qaaday dowladda federaalka ah ee Soomalaiya. Madaxweynaha maamulka Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale ka dalbaday inay doorkooda qaataan xaaladda siyaasaadeed ee dalka. Dhinaca kale waxaa kulanka lagu soo qaaday arrimo ku aadan xaaladda Puntland iyo howl-gallada ciidamada maamulkaas ay ka wadaay dhulka buuraleyda ee gobolka Bari. Puntland oo garabsaneysa Jubbaland ayaa si weyn uga hortimid heshiiskii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb, kaas oo lagu cadeeyey nooca doorasho ee 2020/21. The post Siciid Deni oo xildhibaano iyo wasiiro kala hadlay go'aamadii Dhuusamareeb first appeared on Caasimada Online.
  9. (SLT-Baydhaba)-Maxkamad ku taalla Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay ayaa Xukun ku ridday Nin la sheegay in uu kufsi gaystay kaas oo hore maxkamadda loo soo taagay. Maxkamadda ayaa ku heshay danbiga sida la sheegay Ninkaas, waxaana la shegay in uu kufsaday Ceeyni Cabadullahi baadiyoow oo 5 jir ah. Ninkaan kufsiga gaystay ayaa da’diisa lagu sheegay 20 sanno, waxaana Maxkamadda Gobolka Baay ay sheegtay in dhamman caddeumihii loo baahnaa lagu helay Ninkaan, iyadoo 5 sanno oo xadhig ah lagu xukumay. Degaanada maamul Gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa kusoo badanayay dhawanahaan kufsiga, waxaaana xusid mudan in maalmo ka horb xukun dil ah lagu fuliyay rag la sheegay in ay kufsadeen wiilal yar yar ah, waxaana degaanada maamulkas ka dhacay bannaan baxyo lagu taageerayo dilkii lagu fuliyay labadii Laba Nin oo la sheegay in ay Wiilal kufsadeen. Source
  10. (SLT-Koofur Afrika)-Nin u dhashay dalka Koofur Afrika oo loo malaynayo inuu yahay qofkii ugu da’ada weynaa ee caalamka ayaa geeriyooday isagoo 116 jir ah. Fredie Blom ayaa dukumintiga aqoonsigiisa waxaa ku qornaa inuu ku dhashay gobolka Eastern Cape bishii May 1904, inkastoo buugga lagu qoro rikoodhada caalamka Guinness World Records aanu aqoonsanayn. Dhammaan qoyskii Mr Blom ayaa markii uu dhowr iyo toban jir ahaa ayaa waxaa diley cudur dilaacay sanadkii 1918, balse waxaa uu ka soo badbaaday ninkan labadii dagaal ee dunida soo maray iyo weliba midabtakoorkii ka jirey dalkiisa. Mr Blom ayaa u sheegay saxaafada in ayna jirin wax gaar ah oo uu ku helay cimriga dheer sannadkii 2018kii. Ninkan ayaa waxa uu intiisa badan noloshiisa ku dhammaystey shaqaalenimo isagoo ka soo shaqeeyay beer kadibna warshad dhisme waxana uu shaqada ka fariistay markii uu 80 jir ahaa. Qoyska Mr Blom ayaa sheegay in aanu u dhiman cudurka Coronaha balse si caadi ah uu u geeriyooday. Source
  11. Ururka Al-shabaab, ayaa Gelinkii dambe ee Shalay, waxay fagaare ku yaalla Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo ku dileen, afar nin oo ay ku tilmaameen basaasiin. Maxkamadda Al-shabaab u qaabilsan Gobolka Gedo, ayaa sheegtay in Raggaas ay u shaqaynayeen Sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dalal Shisheeye, inkastoo aysan soo bandhigin wax caddayn ah. Aaden Xassan Maxamed iyo Cabdicasiis Xassan Cabdi, ayay Maxkamadda Al-shabaab ku eedaysay in ay u shaqaynayeen Sirdoonka Dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay u gudbin jireen xogaha Al-shabaabka. Sidoo kale, Diini Cabdulqaadir Maxamed ayay ku eedaysay, in uu basaas u ahaa Dowladda Maraykanka, halka Ciise Cismaan Geelle ay ku eedaysay, in uu la shaqaynayay Sirdoonka Itoobiya. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo goob fagaare ah ku toogtay Rag ay ku tilmaameen basaasiin appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Subax-23082020.mp3 View the full article
  13. Saturday, August 22, 2020 (HOL) - A Nugal Regional Court today sentenced a woman to five years in prison and fined her $2,000 for selling alcohol. Source: Hiiraan Online
  14. Waxaa warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan dab xalay ka kacay kaalin Shidaal oo ku taalla deegaanka Bacaad weyne ee gobolka Mudug, waxaana ka dhashay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed. Waxaa inta la xaqiijiyey ku dhaawacmay 9 ruux, kuwaas oo gurmad ugu yimid doonayey in ay demiyaan dabka maadaama uu sii faafayey, waxaana ugu dambeyn lagu guuleystay daminta dabkaas gurmad ka yimid Gaalkacyo . Dabka ayaa waxaa uu ka dhashay haanta lagu keydiyo Shidaalka oo qarax samaysay , waxaana ay sababtay burbur soo gaaray goobta Kaalinta , deegaanka ayaan leyn wax dab damis ah taas ayaa kordhisay khasaaraha dhashay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa kulan kula qaatay xalay magaalada Garowe ee gobolka Nugaal madaxeyne ku-xigeenka maamulkaas, Axmed Cismaan Karaash, guddoonka golaha Wakiillada iyo qaar kamida Xildhibaannada Puntlnd. Kulan ayaa waxaa mas’uuliyiintu isaga xogwareysteen xaalada ka jira gudaha Puntland iiyadoo sidoo kale si weyn loo falanqeeyey doorashada dalka 2020-2021, madaxweyne Deni ayaa mas’uuliyiintii uu la kulmay la wadaagay tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee dowladda federaalka ay qaaday tashi la,aan. Kulankaan wadatashiga ah ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo maamulka Puntland aysan xaadirin madashii Dhuusamareeb3, ee lagu gorfeeyey arrimaha doorashada, halkaas oo lagu gaaray hannaanka doorasho ee dalka uu aadayo sanadka 2020-2021-ka, waxaana la, ogeyn waxa iska bedeli doona Mowqifka Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Goob-joogayaal ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa ku soo warramay in Qarax uu ka dhacay gudaha Degmada Cabdicasiis gaar ahaanna Nawaaxiga Garoonka Kubadda Cagta Studium KOONIS. Qaraxa oo sida la xaqiijiyay Khasaare Nafeed dhaliyay ayaa wararka qaar sheegayaan in lala beegsaday mid kamid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir islamarkaana uu ka badbaaday. Wararka hordhaca ah waxay tilmaamayaan in Qaraxa lala beegsaday Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid balse uusan waxba ku noqon. Laba qof oo Shacab ah ayaa la soo weriyay in ay waxyeello ka soo gaartay Qaraxa inkastoo aan faahfaahin badan laga helin. PUNTLAND POST The post Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  17. NAIROBI - A Panama-flagged ship boarded by Somali police is safe and underway, the EU Naval Force said on Saturday, after conflicting reports two days earlier about whether it had been hijacked by Somali pirates. Source: Hiiraan Online
  18. ANKARA (Reuters) - Turkey expects its energy imports to fall significantly following a major Black Sea natural gas find and more discoveries could be made in another area now being evaluated, Energy Minister Fatih Donmez said on Saturday. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caddeeyey inuu doonayo in guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaran ee maamulaan doorashooyinka dalka ka dhacaya, taasi oo meesha ka saareysa awooddii dowlad goboleedyada. Farmaajo oo ka hadlayey xiritaanka shirkii Dhuusamareeb 3, ayaa sheegay in maadaama doorashadu ay tahay mid heer federal oo aysan ahayn heer gobol ee lagama maarmaan tahay in guddiga doorashooyinka ay maamulaan. “Doorashadu waa heer Qaran ee ma aha heer Gobol, sidaas daraadeed waxaa muhiim ah in Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranku ay hoggaamiyaan doorashada. Si aan uga *****no bisaylka siyaasadeed ee muddo dheer kaddib aynu gaarnay, waxaan xilligan doorashada ku galaynaa nidaamka xisbiyada badan, waxaan ka gudubnay heerkii la isu xulufaysan jiray qabyaaladda oo waxa aynu u gudubnay in lagu tartamo mabaadi iyo axsaab,” ayuu yiri madaxweynaha. Qodobka 9-aad ee heshiiska Dhuusamareeb ayaa u dhigan sidan: In qorsheynta iyo fulinta doorashada looga danbeeyo Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) iyagoo kaashanaya Maamulka Dowlad Goboleedyada iyo Bulshada rayidka ah. Si kastaba, arrintan ayaa la filayaa inay dood weyn ka keenaan maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland, oo heshiiska diiday, balse sida la rumeysan yahay inay qodobkan ka loolami doonaan xitaa haddii ay dhacdo inay heshiiska wada-hadal ka galaan Sidoo kale, sharciyadda guddigan ee doorashooyinka ayaa waxaa ka taagan su’aal weyn, sababtoo ah guddiga waxaa la siiyey sharciyad ay ku maamulaan doorasho qof iyo cod ah, balse ma lahan sharciyad ay ku maamulaan doorasho dadban. Guddigan ayaa ah mid si aad ah ugu xiran madaxweyne Farmaajo. Waa guddi ay horey u dhaliileen ugana soo horjeedeen maamul goboleedyada iyo xisbiyada mucaaradka. In guddigan uu maamulo doorashada waxay ka dhigan tahay in awoodda iyo maamulka doorashada ay gacanta ugu jirto Villa Somalia. The post Madaxweyne Farmaajo oo ku adkeystay cidda maamuleysa doorashada lagu heshiiyey first appeared on Caasimada Online.
  20. In the series of letters from African journalists, Ismail Einashe looks at how some Italians are revaluating their colonial past in Africa. Source: Hiiraan Online
  21. Markii la waayay suxufigii caanka ahaa ee u dhashay Sucuudiga oo markii u dambeysay galay gudaha Qunsuliyadda Sacuudigu ku leeyahay Istanbuul 2-dii bishii October ee sanadkii 2018-kii, reer Galbeedku waxay ka laba-labeynayeen in uu rumeysto warkii kasoo baxayay Madaxtooyadda Turkiga ee ahaa, Jamaal Khashoggi in la dilay meydkiisana la cirib tiray. Labo todobaad ayaa la dhaafay ka hor inta aysan wakiil wareedka New York Times Carlotta Gall ku eedeysay Madaxtooyadda Turkiga in ay adeegsaneyso akhbaar dusin gaar ah, si ay cadaadis u saarto Dowladda Sacuudiga. Iyadoo shaki ka muujineysa faah-faahinta ah in Khashoggi la dilay, ayey Gall qortay 19-kii October ee sanadkaas “Muxuu Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ka aaminsanyahay qadarta ku dhacday suxufiga?” “Kiiska miyaa ah fursad muddo la sugayay, marka uu warbaahin gaar ah uu siinayo faah-faahinta kiiska, Dowladda Mr, Erdogan qudheeda ayaa markii horeba cadaawad kula jirtay suxufiyiinta madaxa banaan,” ayey qortay. Waxaa beegdsaday Tiger Squad Afar maalmood ka hor inta aysan The New York Times muujin shakigaas, hadda waxaan ognahay in koox ka socotay Maxamed Bin Salman oo la baxday Tiger Squad ay qorsheeyeen dilkii labaad kana degeen magaalada Toronto – dhamaantood waxay ka koobnaayeen 50 qof oo ay ku jireen khubaro ku taqasustay caddeymaha dambiyada ah. Howlgalkoodu Dhaxal-sugaha Sucuudiga Maxamed bin Salmaan wa uu uga khatar badnaa kii Khashoggi. Ninka la beegsanayey ee Saad Al-Jabri waxaa uu ahaa gacanta midig ee Maxamed bin Nayef, ee wasaaradda arrimaha gudaha. Waxaa uu lahaa darajadda wasiir. Waxaa uu ogaa dhammaan siraha wasaaradiisa, oo ay ka mid tahay in Boqor Salmaan iyo wiilkiisu ay si ula kac ah gacmaha ula galeen sanduuqa wasaaradda ee argagixiso la dirirka, oo ay bishii soo geli jirtay tobanaan million ee riyalka Sacuudiga ah. Dabcan taasi, waa qayb yar oo ka mid ah lacagta bishii ku baxda Boqor Salmaan. Jamal Khashoggi ayaa sheegay in Boqorka uu bishii isticmaalo ama miisaaniyaddiisu tahay dhan 3 billion ee riyalka Sucuudiga oo u dhiganta $800 million. Jabri waxaa uu ahaa welina yahay, qof wax badan og. Dad kale oo sir badan haya ayaa gacanta u galay Boqortooyadda. Laakiin Jabri ayaa hadda dacwad la galay Dowladda. CIA ayaa qeyb ka ah cayaarta Jabri waxaba kama qasaarayaan. Sida uu dacwadiisa ku sheegay, waxay isku dayeen in ay ku khasbaan in uu dalkiisa dib ugu laabto, balse wa uu diiday. Waxay isku dayeen in ay dacwado kusoo oogaan. Waxay basaas u direen in ay soo ogaadaan meesha uu Maraykanka ka joogo. Waxay u direen koox disha, balse waa ay guul dareysteen. Kadibna waxay ku jeesteen qoyskiisa. Waxay caruurtiisa u diideen in ay safraan, kadibna waa ay la wareegeen. Weli isma uusan dhiibin. Waxay sheeko ku daabaceen Wall Street Journal, taasi oo sheegeysa in Jabri ay ku maqanyihiin malaayiin dollar oo uu lahaa sanduuqa argagixiso la dirika, waana laga rabaa. Shakigii New York Times ay ka qabtay waxa Turkigu ka sheegayay Kashoggi waxaa uu dhamaaday markii Gina Haspel, agaasimaha CIA-da ay gaartay magaaladda Ankara, si ay usoo dhageysato cod la duubay markii uu dilku ka dhacayay Qunsuliyadda dhex-deeda. Markii CIA-du ay sheegtay in ay aaminsantahay in Maxamed bin Salmaan uu agaasimay dilka, Washington wax talaabo ah ma aysan qaadin. Hadda waxaa soo baxay mid ka mid ah dadkii uu ku tiirsanaa go’aanka CIA-da in uu ahaa Saad Jabri. Laba wajiyeynta Sacuudiga Waxaan ognahay in Maxamed bin Salamaan lagu eedeeyay in uu Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ku dhiiri geliyay in uu faro-geliyo Suuriya, ka sokoow taageeradda muuqata ee Sucuudigu siiyo falaagadda. Tani waxay sidoo kale sharaxaysaa sababta Dhaxal-sugaha Abu Dhabi Maxamed bin Zayed uu Bishaar Al-Assad ugu dhiiri-geliyay in uu jabiyo xabad-joojintii Idlib, si ay uga sii darto xaaladda Turkida. Dibin-daabyadda ka jirta Siiriya iyo Liibiya waxaa ay ku wajahantahay Turkiga oo ay gobolka isku hayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka. Uma naxayaan Siiriya iyo Liibiya. Isku dhaca awoodeed waxaa uu billowday markii maamulihii Jabri, Mohamed Bin Nayef shaqada laga eryay, isla markaana lagu tilmaamay in uu daroogo qabatimay seddax sano ka hor, weli ma aysan dhamaan. Maxamed bin Salmaan oo la wareegay jagadii bin Nayef weli guul ma uusan gaarin, haddii uu gaarayna uma marin hanaan sharci ah. Taasi waa sababta uu u daneynayo in uu meesha ka saaro qof walba oo u dhowaa bin Nayef, waxaa uu ka bilaabay Khashoggi, hadana waxaa uu ku raad joogaa Jabri. Sida ay dacwaddu sheegeeyso, ka hor intii uusan tallaabo ka qaadin bin Nayef waxaa uu la tashaday la-taliyaha madaxtooyadda Maraykanka Jared Kushner. Jabri ayaa jagadii wasiirnimo laga eryay kadib markii MBS uu talada la wareegay isla markaana uu ogaaday in Jabri uu laba jeer la kulmay agaasimihii hore ee CIA-da isla markaana uu kala hadlay in Bin Salman uu wacay Putin ayna ka sheekeysteen arrimaha Siiriya. Jabri ayaa wadanka ka tagay markii maamulihiisii hore uu Washington ka bilaabay olole, waxaana CIA-du Jabri u sheegtay in uu bartilmaameed yahay. Caymiska nolosha Haspel iyo CIA-da midna kama soo muqan dagaalka u dhexeeya Jabri iyo Dhaxal-sugaha. Jabri ayaa dacwadiisa waxaa uu ku sheegay in isaga iyo CIA-du ay aad isugu dhowyihiin. “Dad yar ayaa Dr Saad Al Jabri uga xiriir dhow sirdoonka Maraykanka iyo hey’adihiisa amniga,” ayaa lagu yiri Dacwadda. “Inkastoo tobanaan sano wada shaqayn dhow uu la lahaa saraakiil sare ee argagixiso la dirirka, Dr Saad waxaa uu noqday saaxiib la’aanimay kaasi oo akhbaartiisa iyo taladiisa la raadiyo ka hor inta aan la qaadan go’aanadda nolol iyo geeri ee amniga qaranka Maraykanka.” Markasta, Jabri waxaa uu heystaa taageero cad. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa u sheegay Middle East Eye “Saad Al-Jabri waa saaxiib qiimo ugu fadhiya argagixiso la dirirka Maraykanka. Shaqada Saad waxay Maraykanka ka caawisay badbaadinta nolosha dad u dhashay Maraykanka iyo Sacuudiga. Saraakiil badan oo hadda shaqeeya iyo kuwo hore ayaa yaqaana oo xushmeeya.” Dagaal ku tal-gal ah oo isku xigxiga Ugu dambeynta, tan micnaheedu waxaa uu yahay, in waxay ku xiran tahay halka uu ku dambeeyo Trump marka la gaaro doorashada Mareykanka ee November. Rajada keliya ee boqorka mustaqbalka, Maxamed Bin Salman uu musiibo uga fogaan karo waa in uu Trump guuleysto. Haddii Trump looga adkaado doorasho wax walba ee Txrump uga xirnaa halkaas ayey ku baaba’ayaan. Maxamed bin Salmaan nasiib ayuu leeyahay, haddii uu markaan badbaado, waxaa uu u baahanyahay taageeradda militariga Maraykanka. Tani mahan wax uu uga gudbi karo wax ay habeen kala bedesheen Putin ama taageradda shiinaha. Dagaalkii uu Maxamed bin Salmaan bilaabay markii uu eryay bin Nayef sedax sano ka hor weli ma uusan dhammaan. Muxuu Maxamed Bin Salman sameyn doonaa haddii Jabri lagu casuumo in uu ka marqaati-kaco congress-ka hortiisa, xitaa kulan ay albaadu u xiranyihiin islamarkaana uu bilaabo in uu shaaca ka qaado dambiyadda Dhaxal-sugaha. The post Saad al-Jabri: Waa kuma ninkan xukunka ka tuuri kara Maxamed Bin Salmaan? first appeared on Caasimada Online.
  22. Xoghayihii hore ee hay’adda qaramada midoobay Boutros Boutros-Ghali ee xilka -hay’addaas- hayay sannadihii (1992-1996)a wuxuu leeyahay odhaah ay xeel-dheerayaasha siyaasaddu adeegsadaan kolka ay ka hadlayaan muran-biyoodka dhawaanahaan soo if-baxay ee dunida. Boutros-Ghali wuxuu yiri “ dagaalka saddexaad ee dunidu wuxuu noqon doonaa mid salka ku haya biyaha.” Wuxuuna sii raaciyay in uu saadaalinayo in sannaddu markay tahay 2030-ka uu qarxi doono dagaal caalami ah oo salka ku haya biyo (biyaha macaan iyo badaha). Haddaba, marka aan u fiirsano muranka ka dhex-taagan dalka uu Boutros u dhashay ee Masar iyo Itoobiya, laga soo bilaabo sannadku markuu ahaa 2011-kii oo ku beegan xilligii ay Itoobiya bilowday dhismaha biyo-xidheenka weyn, waxaynu oran karnaa waxaa muuqda ififaalo dirir dhinaca biyaha ah! Haddii biyo-xidheenkaasu u fulo, sida ay Itoobiya damacsantahay, 70% shacabka reer Masar waxay noqonayaan sabool gacmo madhan ah. Wabiga Niilkana, hogganka siyaasadeed ee Masar waxay u yaqaannaan ( MAS’ALAD XAYAAT Aw-MOWT) oo micnaheedu yahay in (noloshoodu ku xiran tahay, dhimasho ama nolol).arrin dhimasho ama nololi ku xidhantahay! Wareysi aan dhagastay oo lala yeeshay raysul-wasaarihii hore ee Itoobiya “Hailemariam Desalegn” wuxuu sheegay in 67% shacabka Itoobiya ay ku noolyihiin mugdi koronta la’aan awgeed! halka 98% shacabka reer Masar ay isticmaalaan ilayska korontada laga dhaliyo biyaha ee ka dhaliyaan daamka weyn ee “AL-SAD AL-CAALI” ee la dhisay (muddadii u dhexeysay 1960-1968 – xilligaas oo uu xukunka hayey Jeneraaal Jamaal Cabdi Naasir). Alle haw naxariistee- muddadii xukunkii Jeneraal Jamaal Cabdi Naasir. Labadaa aragti ee kala taagan labada cidhif waa mid keeni karta in uu qarxo dagaal salka ku hayo dano biyo. Dhinaca kale, Jumhuuriyadda Turkiya iyana waxay ku jirtaa hardan dhanka biyaha ah, waxay muran-badeed kula jirtaa Gariigga iyo Masarba. Turkidu waxay dunida ku leeyihiin 7 saldhig oo kan ugu weyni ku yaal dalka Soomaaliya. Imminkana Turkidu waxay badhi-taadhaan dalka Liibiya, waana fursad dahabi ah oo turkida u suuragalisay in ay cagta saaraan -mar kale- Badda-Dhexe ee cad ( AL-BAXAR AL-ABYAD AL-MUTAWASID) oo ay gacan-ku-haynteeda Turkiga ugu dambeysay xilligii uu hoggaanka Khilaafada Cusmaaniyiinta hormuudka u ahaa: Suldaan Sulaymaan Al-Qaanuuni ( 1522-1566). Turkidu iyo Xabashida waxay ka mideysanyihiin aragtida oranaysa: dowladaha ay biyuhu ka soo burqadaan baa xaq u leh go’aan-ka-gaaridda biyaha, oo Turkiya waxaa ka soo burqada laba wabi ee kala ah( Al-Dijla iyo Al-Furaat), Itoobiyana waxaa ka soo burqada Wabiga Niilka ee Buluugga ah (Blue Nile). Halka Masar, ay calanka u siddo aragtida oranaysa biyaha waxaa ka ariminaya dalalka uu ku shubmo; iyagoo dooddooda ku xoojinaya heshiisyo gumeystihii ingiriisku la saxiixday dalalka uu Niilku maro sannadihii ( 1891,1925,1929,1959) oo dhammaantood xaq siinaya dalka Masar oo la siiyay saami dhan:( 55 Milyaar Mittir Mukacab). Dagaalka biyuhu Soomaalida raad ma ku yeelan karaa? Aqoonyahan Kuweetiyaan ah oo la yiraahdo Fahad Al-Shuleymi ayaa sheegay in ciidan Soomali ah oo ay badhi-taarayaan xoogag Turki ah ay qabsan doonaan jasiiradda Suqaddara, ninka hadalkaa ka soo yeeray wuxuu ahaa G/Sare ciidanka dalka Kuwait oo iminka hawl-gab ah, wuxuu madax ka yahay xarun cilmi-badhis oo ka shaqeysa amniga iyo nabadda. Heshiiska dalka Imaaraatku la galay Israa’iil wuxuu salka ku hayaa gacan-ku-heynta badda cas, 1993-kii markii ay Eretareeya ka go’day Itoobiya, Israa’iil way soo dhaweysay; sababtuna waxay ahayd: dalka Eretereya wuxuu noqday dalka kaliya ee aan Carab ahayn ee dhaca badda cas, Istiraatiijiyadda Israa’iil-na waxaa udub-dhexaad u ah biyaha, oo astaanta calankoodu wuxuu ka koobanyahay bisha Daa’uud oo muujinaysa diintooda Yuhuudda iyo sumad kaloo mince ahaan ka dhigan ( MIN Al-Niili ILAA AL-FURAAT) oo ah dhulka ay Israa’iil damacsantahay in ay qabsato oo u dhaxeeya wabiga Niilka Masar ilaa wabiga Furaat ee dalalka Ciraaq iyo Suuriya. Dowlad Astaanteedu biyo tahay waxaanu dareemi karnaa sida ay doonayso ineey qabsato oo ka arrimiso marin-badeedka Badda-Cad-ee-Dhexe iyo Badda Cas. Dhammaadkii bishii July ee sannadka 2020-ka shir ay golaha wasiirada JFS yeesheen waxay ku ansixiyeen heshiis ay wasaaradda arrimaha dibaddu la yeelatay dhiggeeda dalalka carabta ee kulaala badda cas, heshiiskaas – aniga fikirkaygu- waxay ila ahayd in laga fiirsafo; waayo ma habboona in aan noqonno gacan u adeegta dano dad kale oo aynaan aqoon! Somaliland ayaa la saadaalinayaa in ay noqon karto meel ay Israa’iil iyo dadka danaheeda fuliya ay ku adeegtaan, waxaana madaxda Somaliland laga dhaadhiciyay in laga jari karo Soomaaliya inteeda kale! Waana riyo ay ku naawilaan inta gooni-u-goosadka ahi, joornaalka magaciisu yahay: “TheJerusalam Post” ayaa qoray faalo cinwaankeedu ahaa: “Israel and Somaliland long lost Brothers.” Oo macnaheedu noqonayo Israa’iil iyo Somaliland walaalo kala irdhoobay, waxay tusaale u noqon kartaa in Somaliland ay ka damacsantahay Israa’iil in ay noqoto dal kaloo sida Eritrea ugu soo biira badda cas! Dalka aan dariska nahay ee Itoobiya ayaa dhawaanahaanba ku hawlanayd in dhisto ciidan badda ah, waa dal xiran oo aan bad lahayn; misana, dhisanaya cudud ciidan oo badda ah, halka JFS ayan lahayn weli ciidan xooggan oo dhinaca badda ah, arrinkaasu wuxuu u baahanyahay in aynu ka baaraan degno haddaanu Soomaali nahay, una diyaar garowno difaaca biyaha Soomaaliya, iyadoo xilliganba uu taagan-yahay muran badeed nagala dhexeeye dalka Kenya. Talo soo jeedin: Haddaba, si aynu dagaalkaas dhinaca biyaha ah ugu diyaar garowno waxaan talo soo jeedin lahaa talo iyo tusaalayn ku aaddan biyaha Soomaaliya; B. Dowladda Federalka Soomaaliya 1. In la dhiso cudud ciiddan oo ay u dhamaystiranyihiin wuxuu ciidan u baahnaa oo dhan dhinac aqoonayd iyo qalab ciidanba. 2. In la yagleelo xarun qaran ee cilmi-baadhista biyaha ah oo ka shaqeysa talo siinta dowladda dhexe iyo dowladaha xubinta ka ah ( dowlad-goboleedyad). 3. In la diyaariyo xeel-dheerayaal dhinaca badda ah, oo loo raadiyo ardayda ka baxday dugsiyada sare iyo heer waxbarashada sareba iyo heerka labaad iyo saddexaadba ( Masters degree and Ph.D) 4. Dejinta qorshaha dalka oo dhan ee ku aaddan siyaasadda biyaha. T. Jaamacadaha dalka ( Xarumaha Cilmi-baadhista) 1. Nasiib darro ma jirto Soomaliya -ogaalkay- jaamacad leh kulliyadda cilmiga badaha, waxaa loo baahanyahay in jaamacaduhu soo kordhiyaan takhasuskaas. 2. In jaamacaduhu furaan xarumaha daraasaadka biyaha oo ay soo saaraan cilmi-baadhisyo biyaha xiriir la leh; 3. In jaamacadaha dalku xiriir dhow la sameeyaan dhiggooda caalamka oo ay iska kaashadaan daraadka biyaha; tusaale ahaan waxaan Suudaan ku arkay xarun raacsan jaamacadda “Al-Niileyn” oo la yiraahdo ( xarunta cilmi-baadhista ee dowladaha dhaca niilka) waa fikrad fiican oo jaamacadaha dalka ay hogo-tusaalayn ka soo maan-guurin karaan. Gunnaanadkii dhambaalkaygan, waxaa ii muuqata khatar ku soo wajahan biyaha Soomaaliya, oo ilaahay ku galladay bad iyo xeeb baaxad leh, dadkayguna ay yihiin kuwa moogayaal ah, anigoo rajeynaya in dhambaalkaygu noqdo baaq kicinaya dareen maqan iyo damac shisheeyoo miciyo-lisanaya! Rabbow wixii urkayga ku jiray ma sheegay! Dr. Cabdifitaax Nuur Axmed ( Ashkir) – Waa wasiiru Dawlaha Wasaaradda Warfaafinta Puntland, waxaad kala xiriiri kartaa Email: Ashkirnur84@gmail.com. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post DAGAALKA Biyaha: Maxaa la gudboon SOOMAALIYA? first appeared on Caasimada Online.
  23. Qoromadani waa tii labaad waxayna la socotaa maqaalkii hore ee aan uga hadleynay aragtida sharci ee hindise-sharciyeedka dembiyada galmada la xiriira. Waxaan qoromadaan labaad ku lafa-gureynaa qodobo ka mid ah hindise-sharciyeedka, waxaan si kooban u soo bandhigaynaa mad-madowga iyo khaladaadka ku jiraa qodobadaas. Faallada 1aad: Cinwaanka ama Magaca Hindise-sharciyeedka: Magaca xeerku waxa uu door muhiim ah ka cayaaraa fahamka nuxur iyo murtida xeerka, waana waxa ugu horreeya ee uu aqristuhu arkayo, sidaasi darteed waa in uu noqdo mid qeexan oo la fahmi karo. Waxaa muuqata in magaca ama ciwaanka hindise-sharciyeedka uusan ka turjumayn, si cadna u qeexayn nuxurka guud ee xeerka. Erayga “Galmo” waa fal tilmaamaya isu-tagidda laboodka iyo dheddigoodka. Falkaasi wuxuu noqon karaa mid sharciga waafaqsan ama mid sharciga khilaafsan, wuxuu sidoo noqon karaa mid ay dhinacyadu raali isaga yihiin oo dembi ah, wuxuu noqon karaa kufsi, waxaa samayn karaa dad isku jinsi ah ama kala jinsiya. Marka la eego magaca ama ciwaanka xeerka in uu ka hadlayo dembiyada galmada, hase ahaatee aanu caddeynayn nuuca galmada ee dembiga ah. Ma sinaa, ma gogol-dhaafaa, ma kufsiyaa, ma faraxumeynaa, ma ka ganacsi jireedaa, ma xad-guudbyada kale ee jinsiga la xiriiraa. Magaca ama ciwaanka hindise-sharciyeedku wuxuu ku taagan yahay erayga “Galmo”, halka nuxurka qoraalka xeerku uu ka ballaaran yahay dembiyo galmo. Faallada 2aad: Qodobka 1aad: Magaca Sharciga“Sharcigan waxa lagu magacaabaa sharciga Galmada” Magac bixinta qodobkani waxay ka hor imaanaysaa cinwaanka hindise-sharciyeedka oo noqonayo magaca sharciga, sidaan kor ku soo falanqeynay, waxay beddelaysaa nuxurka qoraalka hindise-sharciyeedka, maadaama laga hadlayo dembi galmo ee aan laga hadlayno sharci la xiriira galmoo dhan. Haddii erayga dembi meesha laga saaro wax nuxur ah ma yeelanayo hindise-sharciyeedku wuxuu noqonayaa arrimo la xiriiro galmada ha noqoto mid sharci ah ama mid sharci darro ah. Faallada 3aad: Qodobka 2aad: Eray Bixin Galmo: “waa fal is gelin xubin taran oo dhexsata labo qofood si khayaari ama Khasab ah oo shareecadu Islaamku banaysay ama xarimtay”. Macnaha iyo tafsiirka laga bixiyay erayga galmo waa kuwa aan sax ahayn, waayoo falka galmo ma tilmaamayo dembi ilaa laga caddeeyo in uu khilaafsan shareecada, sidoo kale la tilmaamo habka ay galmada u dhacday oo ah tan caddeynaysaa sharciyadda falka galmada. Erayga galmo wuxuu leeyahay macno ku qotomo dhaqan iyo anshax kaasoo tilmaamaya isutegidda laboodka iyo dheddigoodka”, balse waxaa dhici karta in uu ku yimaad galmo aan dabiici ahayn, sida lagu caddeeyay xeerka ciqaabta soomaaliyeed. Waxaa intaa dheer in galmada ku timaad xoog ama khasabka ay yeelanaysaa macno kale oo luqadeed kaasoo ah kufsi. Kufsi: “waa fal galmo oo shareecada iyo sharciguba ku banaanayn oo labada qofood midkood kan kale khasabayo”. Marka sifiican loo dhugto erayga kufsi sida xeerku u qeexay waxaa laga fahmayaa in ay samayn araan lab iyo dheddegba, sidoo kale dadka isku jinsiga ama kala jinsiga. Qeexitaankani wuxuu ka hor imaanayaa macnaha iyo nuxurka Qod.398 XC ee ciqaabta falkaan ee xeerkan dhexdiisa loo celinayo. Xeerka Ciqaabta wuxuu kufsiga u qeexayaa sidan: “Qofkasta oo xoog ama tahdiid galmo ula sameeya qof kale oo jinsi ahaan ka duwan.Sidoo kale wuxuu tilmaamayaa in “Ujeedada Xeerka Ciqaabta dhexgalidda xubinta taranka ee labka la geliyo xubinta taranka ee dheddiga ayaa noqonaysa xiriir galmo”. Waxay arrintaasi abuuri kartaa mad-madow ku saabsan ciqaabta la dabakhayo ama la raacayo marka uu dhaco fal dembiyeedkan, maadaama loo raacayo qodobada xeerka ciqaabta sida ku tilmaaman hindis-sharciyeedkan. Xadgudub Galmo: “waa marka xubinta taranka ee qofeed la taabto, qabto si loo kiciyo dareenkiisa ama la dhaawaco himadiisa galmo”: Eray bixinta hindise-sharciyeedka ee xadgudubka galmo ma’ahan mid xeereed, waayoo dhaawicidda himmada galmo ee qof kale waxay yeelanaysaa macnooyin iyo tafsiiro kala duwan, waxaana loo fasiran karaa in kan samaynayo xadgudub uu ku doodo in la kiciyay ama la dhaawacay himmadiisa ama dareenkiisa. Sidoo kale kicinta dareenka qof kale kuma timaad oo keliya taabasho ama qabasho xubin taran ee qof kale oo keliya, waxaa jira siyaabo kale oo ay ku imaan karto, kicina karta dareenka qofka. Kufsi Wadareed:”waa labo qofood iyo ka badan oo ku heshiiyay fulinta fal galmo oo sharciga iyo shareecada ku banaanayn”. Macnaha ama qeexitaanka eraygani waa mid khaldan, waayoo ku heshiin fulin fal galmo iyo gelid fal kufsi aad ayay u kala duwan yihiin macno iyo nuxur ahaanba. Waxaa laga yaabaa in fulinta falka lagu heshiiyo balse aan la gelin falkii kufsiga ahaa, xiitaa in aan isku-day jirin ayaa dhici karta, taana waxaa loo raacayaa xeerka ciqaabta oo aan dembi ka dhigayn arrintaas sida ku cad Qod.16, 17, 18, 19, 20, 235 XC. Erayga kufsi waxaa la adeegsanayaa markuu falka kufsigu dhaco, haddii isku day jirana waxaa la adeegsanayaa isku-day kufsi, sidaasi-darteed qeexitaanka eraygani ma’ahan mid sax ah, mana tilmaamayo fal kufsi-wadareed ah ee wuxuu tilmaamayaa fal ku heshiin gelitaan kufsi oo aan la hubin in uu dhacayo iyo in kale, inkastoo sidiisa uu dembi u noqon karo, balse ma yeelanayo qeexitaanka halkaan lagu sheegay. Xod-Xodasho: “waa galaangal qofeed ee uu ku doonayo fal galmo in uu qof kale la qeybsado”. Erayga xod-xodosho wuxuu leeyahay macno dhaqameed iyo mid luqadeed oo ay dadka soomaaliyeed u yaqaanaan, mana ku tusinayo qal-qaalo galmo, wuxuuna eraygan tilmaamayaa qal-qaalo iyo galaan-gal guur, sidaasi-darteed macnaha xeerku u sameeyay waa mid khaldan oo aan halkaan ku haboonayn. Faallada 4: Qodobada: 3, 4, And 5 Iyo 6aad: Waxay qodobadani si guud uga hadlayaan: macnaha galmo, galmada khayaariga iyo ujeeddada sharci ee xeerka. Faallada Qodobada 3, 4 aad waxaan nuxurkooda ku falanqeynay qodobka eray bixinta, halka qodobka 5aad aan ku falanqeynay qoramadii hore ee aan uga hadalnay khaladaadka guud iyo ujeeddada hindise-sharciyeed.Qodobka 6aad kuma jiraan wax tilmaamaya macno iyo murti ku saabsan mowduuca xeerkan, wuxuuna ka hadlayaa sinnaanta muwaadiniinta oo uu Dastuurku si cad uga hadlaya una qeexay. Faallada 5aad: Qod.7aad: Xadgudub Galmo Macnaha ama qeexitaanka xadgudubka galmo ee lagu sheegay qodobkan aad ayuu uga duwan yahay macnaha lagu sheegay eray bixinta ee qodobka 2aad ee isla xeerkan. Qodobkani wuxuu xadgudub galmo ku fasiray marka si kas ah uu qof qaan-gaar ah uu qof kale uga taabto, qabto ama taabsiiyo xubinta taranka qof kale, halka macnaha hore uusan ku jirin in falka kas loo sameeyo sidoo kale taabsiin kuma jirin. Waxaa kale oo laga fahmayaa in falkaasi dembi noqonayo marka labada qof is-ogol-yihiin sida ku cad faqradda 1aad ee qodobkan: “marka labada qofood oo is ogol ay wadaagayaan falka galmo”. Mar haddii labada qofood is ogol yihiin siduu falku ku noqonayaa xad-gudub; taa caksigeeda waxaa laga fahmayaa in aanu dembi noqonayn haddii aanay is ogolayn.Faqradaha 2aad iyo 3aad ee qodobkani ma tilmaamayaan wax nuxur qaanuuneed ah, lamana haystaan macnaha qodobku tilmaamayo ee lagu sheegay faqradda 1aad. Faallada 6aad: Qod.8aad: isku-day kufsi Qodobku ma sheegayo dembiga isku-dayga kufsi, mana tilmaamayo qodobka xeerka ciqaabta ee dhigaya dembiga isku-day kufsi iyo ciqaabta lagu mutausanayo, sidoo kale sooma bandhgayo qodobada xeereed ee dheegay falka iskuday kufsi. Faallada 7aad: Qod. 9aad: Kufsiga Ciqaabta kufsiga ee qodobkan waxaa loo celinayaa ama loo tixraacayaa Shareecada Islaamka iyo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, hase yeeshee qodobku ma sheegay dalaalil ama naska shareecada iyo qodobka xeerka ciqaabta ee la raacayo ama la dabakhayo marka uu dhaco falka kufsiga ee halkaan ku xusan.Nuxurka iyo macnaha kufsiga uu ka hadlay xeerka ciqaabta waa ka duwan yihiin kan hindise-sharciyeedkan-sidaan kor ku soo sheegnay-, suurtagalna ma’ahan in la dabakho ciqaab ka duwan macnaha iyo murtida falka lagu sheegay halkan iyo kan lagu sheegay qod.398 XC. Waxay arrintani abuuray mad-madow iyo muran ku yimaad xeerka lagu dhaqayo ama lagu ciqaabayo qofka lagu helo dembiga kufsiga, ma shareecada ayaa la raacayaa, ma xeerka ciqaabta, ma labadaba, waa in xeerka lagu caddeeyo ciqaab sugan oo uu yeelanayo ku xadgudubka qodobka. Waxaa intaa dheer in aan qodobka lagu caddeyn qodob tilmaamayaa cuslaynta ama dhimidda dembiga iyo xaaldaha lagu dhaqmayo. Sidoo kale Xeerkani ma tilmaamayo, si cadna uma sheegayo galmada aan dabiiciga ahayn ee ku xusan Qod.400 XC. Faallada 8aad: Qod.10aad: Kufsi Wadareed Qeexitaanka iyo macnaha kufsi wadareed ee qodobkan wuxuu ka duwan yahay kan lagu sheegay qodobka 2aad ee isla xeerkan, labada qodobna waa is-burinayaan. Erayga kufsi wadareed ee ku jira qodobka 2aad ee eray bixinta wuxuu dhigayaa marka ay wax ka badan labo qof ay ku heshiiyaan fulin galmo aan sharciga iyo shareecada ku bannaanayn, halka qodobkani tilmaamayo marka labo iyo ka badan ay si wadajir ah uga qeybgalaan fal kufsi ah. Ciqaabta falkan waxaa loo celinayaa qodobka 9aad ee isla xeerkan oo aan sheegayn ciqaabta kufsiga, sidoo kale xaaladaha kordhinta ciqaabta iyadana laguma sheegin guud ahaan xeerkan. Faallada 9aad: Qod.11aad: Dhiiri Gelin Fal Galmo (Jinsi) Ciwaanka qodobka wuxuu ka hadlayaa dhiiri gelin fal galmo, aan is-weydiinee fal kasta oo galmo ah ma noqonayaa dembi? Ka waran haddii la isku dhiiri-geliyo in galmo badan la sameeyo si caruur badan loo dhalo? Halkeey uga qoran yihiin Shareecada Islaamka iyo Xeerk Ciqaabta dembiga iyo ciqaabta dhiiri-gelinta fal galmo. Qod.407/1aad XC wuxuu ka hadlayaa dhiiri-gelin dhileysi, ciqaabta falkaasna waxaa lagu sheegay Qod.405/1aad ee isla xeerka ciqaabta, sidaas ayuuna qodobku u tilmaamayn wax ciqaab ah. Waxay ahayd uga yaraan in la qaato eray bixinta Qod.407 XC ee xeerka lagu sheegay, inksata oo ay dhici karto in wax ka beddelka lagu sameeyo xeerka ciqaabta qodobaduna is-beddelaan, marka waxaa haboon in la tilmaamo in falkaasi uu ku jiro xeerka ciqaabta halka qodobka meeshaan lagu qori lahaa. Faallada 10aad: Qod.12aad: Ganacsiga Fal Galmo (Jinsi) Wuxuu sheegayaa qodobku in qofka ka ganacsada fal galmo oo aan shareecadu banneyn uu galayo fal-dembiyeedka ka ganacsi “dhilleysiga dhoofin”, erayga dhilleysi ama sharmuutaysi sidiisa ayuuba ka ganacsi jireed u yahay. Aan is-weydiinee ma laga ganacsan karaa fal galmo ah hadduu shareecada waafaqsan yahay, haddii si kale loo dhigo ma laga ganacsan karaa falal galmo ah oo shareecada waafaqsan? Maba ahayn in la soo qaato shareecada Islaamka mar haddii laga hadlayo ka ganacsi galmo ama dhileysi waayoo waa caddahay in ay Shareecada Islaamka iyo Dhaqankaba ka soo horkeeddo. Ma sheegin qodobku addillada shareecada ama qodobka xeerka ciqaabta ee jidaynaya ciqaabta falkaan. Midka la dabakhayo haddii ay iska horyimaadaan, ma shareecada mise xeerka ciqaabt, mise labadaba. Ma cadda waxaa loola jeedo ka ganacsiga fal galmo ma filmada, sawirrada iyo cajaladahaa anshax-xumada galmadaa, mise waa in qofku iska duubo oo uu beec geeyo, dadkana ka iibiyo. Ma cadda qofka dembiilaha ah ma kan jirkiisa ka ganacsadaa? Ma kan qofka u tagaa ama galo falka galmada dhileysiga? Ma kan goobta ganacsiga lahaa? Ma cadda nuuca ganacsiga, nuuca dadka iyo ciqaantaba. Faallada 11aad: Qodobada 13, 14aad: Addoonsi iyo Addoonsi Galmo Falanqeynta labada qodob waan isku xiraynaa maadaama ay xiriiraan nuxurkuna uu ku uruursan yahay Qod.14aad. Ma cadda in addoonsi kasta noqonayo fal galmo iyo in kale, marka waxaa haboonayd in lagu kaaftoomo qodobka dembe ee ka hadlaya addoonsiga galmada, sidoo kale ma cadda halka shareecadu ku sheegtay in la tacsiirayo qofka fal addoonsi ah sameeyo ama xeerka ciqaabtu uga hadlay. Haddii qofka laga duubay film loo ekeysiiyay galmo, ma waxay la mid tahay in loo galmooday? Sidoo kale qofka la qaawiyay ee qoob ka ciyaarkw lagu khasbay isagana ma loo galmooday? Waayoo galmadu waa ficil ama fal la sameeyo oo dabeecad gaar ah leh. Ma sheegayo qodobka ciqaabta falka addoonsiga galmo, halka ay shareecada uga taal, sidoo kale qodobka xeerka ciqaabta ee dhigaya dembiga addoonsiga galmo iyo ciqaabtiisa. Waxaa muuqata in qodobadaan laga soo min-guuriyay xeerar kale, balse halkaan turjumiddoodii lagu soo qoray. Faallada 12aad: Qod. 15aad: xadgudub masuul Hindise-sharciyeedkan waxaa lagu sheegay fal dembiyeedyo kala duwan oo aan isku Xukun iyo xeer ahayn, marka dembiga uu mas’uulku galayo waa kee, ma kufsiyaa, ma salaaxidaa, maka ganacsi jireed, ma addoonsi galmaa? Sidoo kale dadka nugul ma intaanaa? Maxaa loola jeedaa waayeel cadh? Haddii uu yahay waayeel socon karo maxaa laga yeelayaa? Qodobkani ma caddeynayo ciqaabta lagu mutaysanayo falkan iyo halka ay shareecada iyo xeerka ciqaabta ugaga jiraan. Ma cadda falka isku dayga ee halkaan lagu sheegay, ma kufsiyaa, ma galmo sharci darro ahaa? Muxuu yahay? Faallada 13aad: Qod.16aad: Dalxiis Galmo Nuxurka iyo macnaha qodobkani ma cadda, waxaa kale oo aan caddeyn sida qof kasta oo u dalxiis tago dal kale si’ uu sameeyo fal galmo sharci darro ah u noqonayo dembiile, iyada oo ay dhici karto in dalka uu u dalxiis tagayo uusan dembi u aqoon falka galmada ee sharci darrada lagu tilmaamay. Xeerkee la dabakhayaa ma xeerkan mise xeerka dalkaas loo dalxiis tagay? Haddii xeerka waddankaasi dhilaysiga ama ka ganacsiga jirka uu bannaynayo maxaaa laga yeelayaa? Ciqaabta falkaas inteey shareecada uga qoran tahay, yaase fulinaya haddii ay dhacaan xaaladaha aan ku tilmaanay faqradaha hore. Ma cadda meesha ay qodobadaani ama dembiyadaani uga xusan yihiin xeerka ciqaabta soomaaliyeed. Siduu dembiile ku noqon karaa qof kasta oo soo dhaweeyay ama martiqaaday qofka doonaya falka galmada sharci darrada ah, mar hadduusan ka qeybgelin falka dembiga ah? Ama aanu ogolaan ama aanu falku dhicin ama dalka uu ku nool yahay uusan xaaran-tinimaynayn falalka nuucaas oo kale ah. Faallada 14aad:Qod.17aad: Dhoofin Fal Galmo Ciwaanka qodobkan waxaa mad-madoow, mana tilmaamayo wax nuxur ama macno qaanuuneedna , waayoo ma cadda sida ay suurtagal ku noqon karto in la dhoofiyo fal galmo, maadaama galmadu aysan ahayn shey ama walxo la dhoofinayo ee ay tahay fal la samaynayo oo qof samaynayo, dalxiis haku yimaad ama gurigiisa ha joogee. Waxaa kale oo aan caddeyn sida looga qeyb-qaadan karo dhoofin galmo ama loo abaabuli karo, arrimahaas oo dhan suurtagal ma’ahan in la sameeyo, balse waxaa muuqata in ujeedka looga goleeyahay ka ganacsiga jinsiga ama jirka sida dhilleysiga, aha noqdaan kuwa gudaha dalka lagu sameeyo ama dadka samaynayo loo dhoofiyo ama ay ka soo dhoofaan kana yimaadaan dalka dibaddiisa. Waxaa habboon in la is waafajiyo ujeedka xeerka iyo earayada la adeegsanayo si loo helo macno iyo nuxur waafaqaya yoolka ama ujeedka erayga “dhiifin galmo”. Qodobku ma caddeynayo dembiga qofka la dhoofinayo, haddii uu raali ka yahay dhoofinta, ma wuxuu la dembi yahay kan dhoofinaya, mise waa ka dembi yaryahay, sidoo kale qodobku ma sheegayo adillada iyo nusuusta shareecada ee xaaranti-nimaynaysa falkaan iyo ciqaabta lagu mutaysanayo, sidoo kale ciqaabta uu yeelanayo mid kasta oo ka mid ah kuwa gala fal dembiyeedkan. Faallada 15aad: Qodobka 18aad Qasbid Guur Nuxurka qodobku ma cadda oo mugdi ayaa ku jira, maadaama guurka qasabka iyo guurka aysan ehalku ogayn ama ogolayn ay kala duwan yihiin, sidoo kale guur kasta oo aanay ahalku ogayn aanu noqonayn dembi ay ciqaabi ka dhalanayso. Mar haddii guurku ansax yahay shareecada ma khilaafayo, hadduu shareecada khilaafsana looguma yeerayo guur ama laguma tilmaami karo guur. Ma cadda ciqaabta ka dhalaysa iyo haddii ay dembi tahay hadduu waalidku qasbo ama ahalku ku khasbo gabadha ama wiilka in uu guursado ama ay guursato. Guurka qasabka ah ma wuxuu ku kooban yahay gabadha oo keliya, mise wiilka ama wiilashuna way soo hoos-galayaan? Kolka la eego macnaha qodobka waxaa cad in qof kasta nuucuu rabo ha noqdee ee qof kale si xoog ah ugu qasbo guurka-wiil ama gabar. Ma tilmaamayo qodobku adillada ama xeerka ciqaabta ee dembiga ka dhigaysa arrintaan, sidoo kale sida ay isku ciqaab ku noqon karaan qofka falka gaystay iyo qof gacanta-siiyay, maadaama ay labo fal kala yihiin. Waxaa kale oo aan caddeynfal dembiyeedka xuquuqda qofka la khasbay ee qodobku sheegayo, meesha uu uga qoran yahay xeerka ciqaabta soomaaliyeed. Faallada 16aad: Qod.19aad: Daandaansi Galmo Erayga daandaansi ma’ahan eray qaanuuneed oo ku haboon halkaan, sida muuqata waxaa laga soo turjumay eray af-ingriiska ee (stalking ama erayga unwanted sexual touching), hase yeeshee ma cadda macnaha iyo nuxurka dhabta ah ee ciwaanka oo ka duwan nuxurka qodobku ka hadlayo. Faqradda 1aad waxay daandaansi ku macneysay damac-gelin dalab shaqo, dallacaad, siin shey qiimo leh, arrimahaas oo idil kuma tusinayaan macnaha luqadeed ee erayga daandaansi. Halka faqradda 2aad sharxayso faqradda hore waxayna taasi ka hor imaanaysaa arrimaha la xiriira qodobaynta ama hab qoraallada xeerka, waana arrin habka xeer-dejinta khilaafsan. Ma sheegayo qodobku ciqaabta ka dhalanaysa falka dembiga lagu sheegay, maadaama dembi ciqaab la’aan ahi aanu jirayn.Ma cadda in falku yahay dembi ama madani, maxkamadda ikhtisaaska u leh, cidda dhaqaajinayso. Faallada 17aad: Qodbka 20aad: Adeegsi Maandooriye Ma qeexna nuxurka iyo macnaha qodobku, sidoo kale ma sheegayo qodobku ciqaabta ka dhalaysa haddii falkaas lagula kaco qof aan ka mid ahayn dadka taagta daran ama nugul. Ma cadda macnaha loola jeedo “maahsanaan”, sidoo kale ma caddaciqaabta ka dhalaysa fal dembiyeedyada qodobku xusay, adillada shareecada ama qodobada xeerka ciqaabta ee dembiga ka dhigaya isla-markaana jidaynaya ciqaabtood. Faallada 18aad: Qodobka 21, 22aad: Afduub iyo Afduub Ganacsi Waxay ahayd in lagu ekaado qodobka 22aad ee ka hadlaya afduubka ganacsi, maadaama hindise-sharciyeedku uu ka hadlayo dembi galmo. Qodobka hore wax nuxur iyo macno qaanuun ah ma samaynayo, kumana haboona halkaan, maadaama dembiyada afduubka iyo mowduuca la xiriira lagu nidaamiyay xeerar kale, waxay ahayd in laga hadlo oo keliya afduubka ujeedkiisu yahay xadguudb jinsi. Sidoo kale ciwaanka qodobka 22aad waa mid aan faham sax ah ka bixinayn afduub ujeeddo galmo ama jinsi ha noqoto mid hadaf ganacsi laga leeyahay ama mid kale.Ma sheegayo qodobku, ciqaabta ka dhalanaysa falka dembiga lagu sheegay. Qodobku ma sheegayo adillada iyo qodobada xeerka ciqaabta ee jidaynaya ciqaabta fal dembiyeedkan. Siiqada iyo luqadda uu ku qoran yahay qodobkani aad ayay u hoosaysaa, waxayna macno tiraysaa ujeedka xeereed ee qodobka. Faallada 19aad: Qod.23aad: Baahin Galmo Qodobku wuxuu ka hadlayaa fal-dembiyeedyo kala nuuc ah oo dabeecad ahaan u kala duwan isla-markaana aan isku dembi iyo ciqaab noqon Karin, sidoo kale ma jidaynayo ciqaabta ka dhalanaysa falalka nuucaan oo kale ah iyo ciqaabta lagu mutaysanay, sidoo kale ma sheegayo adillada shareecada ama qodobada qaanuuneed ee lagu dhaqayo qof gasha fal dembiyeedyadan; Ma sheegayo qodobku qofka isagu iska duubay ama raaliga ka ah in laga duubo ama la baahiyo muuqallada anshaxa ka soo hojeedo iyo ciqaabta uu mutaysanayo. Ma cadda waxa loola jeedo yahay xeerka anshaxa bulshada ee ku soo noqnoqday qoraalka hindise-sharciyeedka. Waxaa mugdi ku jiraa ujeedka “fal dembiyeedka sharaf dil shakhsi”, ma waxaa loola jeedaa dembi ka duwan kan xeerkani tilmaamayaa, mise mid cusub, maxay ku kala duwan yihiin isaga iyo kan xeerku sheegay. Falka baahin galmo ma noqon karaa mid la isku dayo, mar haddii uusan dhicin oo aan la gaarin ujeedkii laga lahaa baahinta galmada, soo sidaas kuma noqonayo fal aan dhicin. Faallada 20aad. Qod. 24aad: Ka Ganacsi Muuqaal Galmo. Qodobku wuxuu nidaaminayaa falal kala duwan oo isugu jira ka ganacsi muqaallo galmo oo anshaxa iyo akhlaaqda ka soo horjeeda, wuxuu dhigayaa qodobku dembinimada qofka gala falkaas, sidoo kale qofka isku-dayo falkaas. Ma sheegayo qodobku ciqaabta fal kasta ee ka mid ah kuwa lagu sheegay qodobka, sidoo kale ma tilmaamayo ciqaabta ku xusan shareecada iyo xeerka ciqaabta. Arrinta la xiriirta baahinta lagu sameeyo qof qiimaha ku leh bulshada in lagu mutaysanayo 80 jaydal waa mid aan qiimo-gal ahayn, maadaama loo siman yahay sharciga hortiisa, kan xushmadda leh iyo kan kale waa isku ciqaab waana xad ay shareecadu goysay, marka in lagu gaaryeelo siyaasiga iyo qofka xushmadda leh waa arrin ka soo horjeeddo mabaadi’da guud ee Shareecada Islaamka iyo Dastuurka Dalka. Waxaa kale oo iska soo horjeeda ciqaabta ku xusan xadka qadafka ee shareecada iyo tan ku xusan xeerka ciqaabta ee qadafka, marka waxaa dhalanaya muran la xiriira kan la dabakhayo maadaama aan halkaan lagu caddeyn. Ma cadda sida loo fulinayo saddexda sharci ee qodobka lagu sheegay, ma isku mar baa la dabakhayaa ama la fulinayaa, kee la raacayaa, ma kan shareecada, ma xeerka ciqaabta ama se xeerka anshaxa bulshada oo aan la ogayn jiritaankiisa. Faallada 21aad: Qod.25aad: Xodxodasho Waxaan qodobkaan nuxurkiisa ku falanqeynay qeybta 1aad ee qodobka 2aad ee eray bixinta, faaladiisa waxaa loogu noqonayaa qodobbkaas. Faallada 22aad: Qod.26aad: Guurka Da’yarta (Caruur) Qodobkaan waxaa ku jira iskhilaaf, waayoo wuxuu tilmaamayaa in shareecadu ogashahay guurka da’yarta haddana wuxuu dhigayaa in galmada la sugayo ilaa uu qofka yari ka yeelanayo awood galmo, sidoo kale ay ka dhalanayso ciqaabta tacsiirka, hase ahaatee qodobku ma sheegayo adillada dhigaysa tacsiirka ee shareecada islaamka, sidoo kale ma sheegayo da’da qaan-gaarka ama awoodda galmada, si ay u caddaato waxa loola jeedo da’yarta ama erayga caruur. Waxaa kale oo kala caddeyn u baahan doonashada da’yarta iyo guurka iyo nikaaxa, mar haddii nikaax dhaco taa macnaheedu waa in qofka la guursanayo ama wax guursanayo uu yahay mid qaan-gaar ah. Faallada 23aad. Qeybta 3aad: Baaritaanka dhibka dadka nugul Qeybtani waxay ka kooban tahay 3 qodob (27, 28, 29) waxayna sharaxaad iyo tilmaamo ka bixinaysaa arrimaha la xiriira dhowridda dadka nugul, u gudbinta ha’adaha dowladda tacaddiyada lagula kaco dadka nugul iyo baaritaannada la xiriira. Waxay inta badan qeybtani ka hadlaysaa habraacyo, sidaasi darteed wax faallo ah kama bixinayno, maadama aysan tilmaamayn dembiyada ka dhalanaya arrimahaas iyo ciqaabaadka lagu mutaysanayo marka laga reebo Qod.29/2aad oo dhigaysa in qofkii ka maaga ama aan ku wargelin hay’adaha amniga markuu ogaado falalka tacaddiyada dadka nugul in uu mutaysanayo ciqaabta ku xusan sharciga ciqaabta Soomaaliyeed ee lagu jideeyay qeybta dambiyada “maagsiga” (omission), balse waxaa is-weydiin mudan ciqaabta maaggsiga halka ay uga qoran tahay xeerka ciqaabta. Xiitaa ma cadda in erayga maagsiga laga helayo xeerka ciqaabta iskadaa in uu noqdo fal dembiyeed ciqaab lagu mutaystee. Faalada 24ad: Qeybta 4aad: Xuquuqda Dhinacyada Qeybtani waxay ka kooban tahay 5 qodob (30, 31, 32, 33, and 34) waxayna si guud uga hadlaysaa xuquuqaadka dhinacyada ee la xiriira habraaca Dacwadda iyo xuquuqda madaniga ee la socota tan ciqaabta. Arrimahaan waxaa lagu faahfaahiyay Dastuurka KMG, sidaasi darteed wax macno ah ma samaynayso in xeerkan lagu sheego, maadaama ay yihiin xuquuqaad dastuuriya oo uu leeyahay muwaadin kasta. Faalada 25aad. Qeybta 5aad: Caddeymaha Ciqaabaadka Qeybtani waxay ka kooban tahay saddex qodob (35, 26, 37) waxay sharxaysaa hannanka caddeymaha, aqoonsiga dadka nugul iyo xaaladaha cusleeya dembiga. Qeybtani ma sheegayso wax nuxur qaanuuneed ah, mana tilmaamayso dembiyada marka laga reebo qod.37aad oo sheegaya xaaladaha dembiga cusleeya oo kor lagu soo falanqeeyay isla-markaana aan ku baahnayn in qodob gooni looga hadlo. Sidoo kale xaaladaha lagu sheegay qod.37aad wax nuxur iyo murti xeer ah oo ay tilmaamayaan ma jiraan, waxayna u muuqdaan kuwa la iska tixay oo aan wax macno ah xambaarsanayn, waayoo xaaladaha dembiga cusleeya waxaa lagu sheegay meelo badan oo ka mid ah xeerka. Faalada 26aad. Qeybta 6aad: Qodobo Kala Duwan Waxay qeybtani ka kooban tahay labo qodob(38, 39) aad u kala nuxur kedisan, qodobka 38aad wuxuu ka hadlayaa qorshaha qaran ee ka hortagga kufsiga, mana ahan qodob tilmaamaya dembi ama ciqaab; halka qodobka 39aad uu tilmaamayo dhaqan-galka xeerka. TALO SOO-JEEDIN: Waxay taladeydu ku aruuraysaa arrimaha soo socda: In aan garwaaqsannaano tacaddiyada jinsiga ee ku soo badanaya dalkeenna iyo sida looga hortagi karo, dadkana looga wacyigeli karo iyadoo hormuud laga dhiganayo Culumada, indheer-garad, Macalimiinta iyo Guud ahaan bulshada. In laga foojignaado dhaqanka mashaariicda iska noqday ee lagu wajahayo arrinta tacaddiyada la xiriira kufsiga, maadaama aysan u adeegayn Diinta iyo Dhaqanka Suuban ee Bulshada Soomaaliyeed. In wax allaaliyo wixii la xiriira xuduudda loo daayo sida ay shareecada ugu qoran tahay looguna noqdo Kitaabka iyo Sunnada Nabiga N.N.K, maadaama ay yihiin adillo sugan oo qadci ah. In wax ka beddel(amendment) lagu sameeyo qodobada xeerka ciqaabta ee nidaaminaya arrimaha la xiriira tacaddiyada kufsiga meelna la iska dhigo hindise-sharciyeedkan, maadaama Qodobada 398-410 iyo 425-427 XCS ay ka hadlayaan inta badan dembiyada uu tixay hindise-sharciyeedkan. In wixii ka soo hara arrimaha Xuduudda ee sharciga Islaamku gooyay, loo raaco ijtihaadka ugu habooon ee la tacaali kara, xalna u noqon kara ka hortagga iyo la dagaallanka falalka tacaddiga lidka ku ah Haweenka Soomaaliyeed ee sharafta badan iyo Caruurta yaryarka ah ee aalaa lagula kaco fara-xumaynta. In aan lagu degdegin ciqaabaadka ka dhalanaya falalka la xiriira kufsiga, si quman oo hufanna loo baaro iyadoon la qiimaynayn caadifadda dadka, balse la dhowrayo habraaca caddaaladda ee la xiriira dembiyada iyo baaristooda, sidoo kale in eedeysanuhu helo xaqa dastuuriga ee habraaca Dacwadda iyo xuquuqda eedeysanaha ee sharcigu tilmaamay. In Baarlamaanka Federaalka uu wax ka beddelo habraaca xeer-dejinta, laguna amro hay’adda fulinta in ay mashruuc xeereed soo diyaariso kuna soo lifaaqdo warbixn, daraasad iyo cilmi-baaris ku qotonto waaqica iyo xaaladda bulsho, diin, dhaqan-shaqaale ee dadka soomaaliyeed, sidoo kale la tixgeliyo sooyaalka sharci ee dalka. In hindise-sharciyeedyada lagu diyaariyo afka soomaaliga oo aan loo gacan-gelin diyaarintooda dad aan garanayn luqadda soomaaliga, sidoo kale aan xirfadle-yaal sharci ahayn oo ka soo koobiyaynaya ama ka soo min-guurinaya dalal kale oo aan kala diin iyo dhaqan naahay. In xeer kasta oo la diyaarinayo lala kaashado sidoo kale lagala tashado sharciyaqaannada gaar ahaan qareennada iyo ururrada qareennada iyo hay’adaha cilmi baarista. In aan la qaadan aragti ama rabitaan hay’ado ama dalal kale ee la tixgeliyo rabitaanka iyo doonista dadka xeerka loo dejinayo. In qof kasta oo lagu eedeynayo fal dembiyeedka kufsiga ama tacaddiyada kale uu helaa xaqii isdifaaca, sidoo kale lagu dhagaystaa dacwaddisia Maxkamadda awoodda u leh, loona ogolaadaa racfaan si aan qof dembi la’aan ah loo ciqaabin. In hay’adaha dowladda heer kasta oo ay yihiin ay ilaaliyaan sarreynta sharciga iyo ku dhaqankiisa, sidoo kale la dhowro xuquuqda eedeysanaha ee Dastuuriga ah, sidoo kale aan la ogolaan in si sharciga ka baxsan qof loo ciqaabo ama loogu fuliyo ciqaab. In aan la ciqaabin qof aysan Maxkamadii ku helin dembi, xukun kama dembeys ahna aany ku dhicin, si looga baaqsado in muwaadin barii ah ama aan dembigi gelin la ciqaabo ama lagu fuliyo ciqaab. Qareen Zakariya Ismaaciil Nuur – Waxaad kala xiriiri kartaa Zakariyei@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Faallada qodobada Hindis-sharciyeedka dembiyada Galmada la xiriira (Aqriso) first appeared on Caasimada Online.
  24. The coronavirus pandemic that has swept across the world since the beginning of 2020 has put all states to the test. Some reacted with positive results, limiting deaths and the rate of infections, others less so. Source: Hiiraan Online
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Saleebaan Faarax Ciise oo kamid xildhibaanada dowlad goboleedka Puntland ayaa daboolka ka qaaday qorshe uu sheegay inay si wada-jir ah u diyaariyeen Villa Somalia iyo Baarlamaanku oo la geeyay shirkii Dhuusamareeb-3, ee lagu soo gaba-gabeeyay caasimada Galmudug. Xildhibaan Saleebaan oo ka qeyb galay doodda Jimcaha ee VOA ayaa sheegay in Villa Somalia iyo Baarlamaanku ay isla ogaayeen sidii loo carqaladeyn lahaa hanaanka wada ogolka ah ee shirkaasi, oo xiligan ahaa mid aan loo dhameyn, isla markaana loo hirgelin lahaa muddo kordhin. Waxa uu sheegay in sababta go’aan aan loo dhameyn loo saaray ay ahayd in la ogaa in la diidi doono, kadibna sidaas muddo kororsi lagu xalaaleysto ayada oo la eedeynayo dhinacyada diiday. “Ujeedada rasmiga ah ee laga lahaa waxay aheyd oo baarlamanka iyo madaxtooyada la isla ogaa, ha la-carqaladeeyo hanaanka wada ogolka ah ee heshiiska lagu yahay ee ka socday Dhuusamareeb, waxayna ku heshiiyeen sidii loo xalaaleysan lahaa muddo kororsi,” ayuu yiri. Maamullada Puntland iyo Jubaland ayaa diiday go’aanadii kasoo baxay shirka. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo isna doodad ka qeyb galay ayaa u muuqday mid qiraya hadalka xildhibaan Saleebaan iyo ujeedka uu sheegay in la damacsanaa. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka qayb qaadanayay Doodda Jimcaha ee BBC ayaa iftiimiyay inaanay dalka ka dhici doonin wax doorasho ah, haddii labadaasi maamul carqaladeeyan doorashada. Waxa kaloo uu sheegay inaanan la ogolayn in dalka ka dhacdo dowlad la’aan, illaa iyo inta dowlad cusub laga soo dhisaayana, uu sii shaqayn doono Baarlamaanka haataan jira. “Haddii ay is hortaag ku sameeyan eedooda iyagaa qaadaya, doorasho dhici doontaana malaha. Aniga warka horeyna waan u sheegay, haddii ay doorashada is hortaag ku sameeyan Baarlamaankaanaa sii jooggaa, lama ogolo dowlad la’aan. Dalkeenu waa Baarlamaani ee ma nihin dowlad la soo doorto. Baarlamaankaa joogaayo illaa ay ka ogolaadaan, xaqiiq waaye taas,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow. The post Muxuu yahay 'qorshaha ay isla ogaayeen' xukuumadda iyo BF ee la geeyay shirka Dhuusamareeb 3? first appeared on Caasimada Online.