-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa axaddii magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare ee maamulkaasi. Wareegto uu soo saaray madaxweynaha ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ka ambaqaadaya Ballanqaadkiisa ahaa dhisidda Hay’ad Garsoor oo Tayo leh, ayaa Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Galmudug oo ah hay’adda ugu sareysa laamaha Garsoorka, waxaana loo magacaabay Cabdullahi Maxamuud Gacal”. Haddaba, Goobjoog News waxaa ay akhristeyaasheeda usoo gudbineysaa taariikh nololeedka guddoomiye Cabdullahi Maxamuud Gacal. Cabdullahi Maxamuud Gacal ayaa waxaa uu ku dhashay Ceerdheer/ Galgaduud isaga oo 1985-tii shahaadada heerka 1aad ka qaatay jaamacadda umadda Soomaaliyeed taqasuska sharciga. Gacal waxaa uu khibrad u leeyahay garsoorka Soomaaliya isaga kasoo shaqeeyey Jubbada hoose, shabeellada dhexe iyo Hirshabelle. Shaqooyinka uu soo qabtay waxaa ka mid ahaa: 2018: Xeer-ilaaliyaha guud ee D.Goboleedka Hirshabeelle. 2016: Xeer-ilaaliyaha gobolka Sh.dhexe 1986: Garsoore maxkamadda gobolka Sh. Dhexe 1979: Kaaliye sare maxkamadda gobolka Shabeelaha dhexe. 1978: Kaaliyaha xafiiska xeer-ilaaliyaha shabeelaha dhexe. 1977: Kaaliye xafiiska xeer-ilaaliyaha gobolka jubbada hoose. 1976: Shaqo qaran wasaaradda Garsoorka iyo arimaha diinta. Guddoomiye Cabdullahi Maxamuud Gacal waxaa uu aqoon buuxda u leeyahay: Maamulka garsoorka, Shuruucda ciqaabta iyo madaniga, – Anshaxa garsoorka, Xeerka nidaamka garsoorka. Xeerka madaniga. -Xeerka habka madaniga, – Mabaadi’da anshaxa garsoorka Bangalore, Maamulidda maxkamadda, Dabaqidda sharciga dalka, Midaynta xaashida eedda iyo Warqada dhaqtarka la xariirta danbiga. Tallaabada uu madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ku magaacabay guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa nooceeda ah, waa mid horay loo qaaday, waana mid wax badan ka badali doonta in Galmudug yeelato garsoor wax badan ka qabta baahiga dadka ku nool dowlad goboleedka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saarayo go’aano adag oo ku socdo dugsiyada Waxbarashada ee ku yaalo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa lagu amray dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Sare ee ku yaalo Muqdisho inay iska diiwaan geliyaan xafiiska agaasinta waxbarashada ee Gobolka Banaadir. Sidoo kale Dugsiyada ayaa lagu amray inay isticmaalaan hab maamulka xogta iyo tirakoobka “EMIS” oo lagu keydiyo Xogta Ardayda, Macalimiinta iyo Shaqaalaha Dugsiyada. Dugsiyada ayaa sidoo kale lagu amray inay si wadajir ah u fuliyaan una isticmaalaan manjadka 1-aad illaa 12-aad ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Soomaaliya iyadoo la fulinayo go’aanada kasoo baxay Wasaaradda. Qodobka 7-aad ee qoraalka kasoo baxay Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in arday kasta oo doonayo inuu dugsi ka badasho ay lagama maarmaan tahay inuu codsi usoo gudbisto xafiiska Agaasinta waxbarashada ee Gobolka Banaadir. Hoos ka akhriso amarka ku socda Dugsiyada Gobolka Banaadir The post Maamulka G/ Banaadir oo soo saaray go'aano culus oo ku socdo dugsiyada waxbarashada first appeared on Caasimada Online.
-
Hal-abuurku waa feker ka dhex guuxaya qof kasta oo caafimad qaba, balse hergelinta iyo sida ay cid kasta ugu go’antahay ayaa lagu kala duwanyahay, waxana ka gun gaara oo Guulaysta qofka yoolkiisa u dhabar adeega, una dulqaata caqabadaha kaga iman kara. Muqtaar Maxamed Maxamud, waxa uu Muqdisho kaga baxay Jaamacad isaga oo da’ah waxaana uu bartay Kulliyadda Beeraha, lkn waxa uu aad u jeclaa xanaanaynta digaagga oo hadda ku howlnyahay. In muddo ah ayuu u fekerayay qorshahan oo uu ka leeyahay mustaqbal fog, waxana uu hadda xanaaneeya ku dhowaad 500 digaaga oo yayar iyo waaweyn isugu jira, Shirkado uu heshiis kula jiro ayaa ka iibsada, waxana jira qorshe uu doonayo in uu hadda ku sii ballaariyo halabuurkisa si uu u helo macaamiil badan oo ka sii iibsada. Muqtaar Maxamed oo ah Maamulaha Shirkaddan ayaa sharraxaya ujeedka uu aas-aasay iyo faa’iidada ugu jirta maaddama uu waqti wax dheef labdaba geliyo. Waxaa jira faramoyin dhowr ah oo uu adeegsado kuwaa oo ka saacida in xannaaneyo digaaggan, waxa uu sharraxaya qalabka kala duwan ee xaruta u yaalla iyo sida u kala adeegsado. Goobjoog Ayaa Warbixinta Ka Samaysay Muqtaar Maxamed Maxamuud Goojoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam iyo Wefdi uu hoggaaminayo, ayaa Maanta oo Isniin ah soo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wefdigiisa. Soo dhoweynta waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo Labadiisa Guddoomiye ku-xigeen Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame, Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Saraakiil Ciidan, Haweenka Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Socdaalka Madaxweynaha Jubaland ee Garoowe, ayaa la xiriira Shirka Wada-tashi oo ay Puntland iyo Jubaland ka yeelan doonaan Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaanna Arrimaha Doorashada soo socota. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo Garoowe lagu soo dhoweeyay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo. Soo dhoweynta waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo Labadiisa Guddoomiye ku-xigeen Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Saraakiil Ciidan, Haweenka Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Halkan Ka Eeg Sawiradda Axmed Madoobe Oo Gaaray Garowe Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoovbe & wafdi uu hoggaaminayo. Soo dhoweynta waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, mas’uuliyiin kale iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. U jeedka safarka Axmed Madoobe ayaa la xiriira shir uu halkaasi kula leeyahay dhiggiisa Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo looga hadlay xaaladda dalka. Jubbaland iyo Puntland oo aan ka qeyb-galin wejiga 3aad ee shirka wada-tashida dowladda DHEXE iyo dowlad goboleedyada ayaa meel adag iska taagay heshiiskii Dhuusamareeb. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax nooca miinada dhulka lagu aaso oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Wanla weyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhintay, halka uu ku dhaawacmay qof kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay suuq Qudaarta lagu iibiyo oo ku yaalla gudaha degmadaasi. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howl-gallo kooban ka sameeyey halkaasi. Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, mana jiro welei wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Wanlaweyn iyo kan gobolka Sh/ Hoose oo ku aadan qaraxaasi. View the full article
-
Ciidamada ammaanka maamulka Galmudug ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gallo ballaaran ka bilaabay koonfurta magaalada Gaalacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howl-gallada oo aha kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka wadaan waddooyinka magaaladaasi, iyaga oo baaraya dadka iyo gaadiidkaba. Sidoo kale saraakiisha ciidamada Booliiska ee horkacaya howl-gallad ayaa sheegay in u jeedka uu yahay, sidii loo xaqiijin lahaa lahaa amniga koonfurta Gaalkacyo. Amniga Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid faraha ka sii baxayaye, waxaana ka dhacayey falal liddi ku ah amniga iyo iskahor imaadyo intaba. View the full article
-
Over the course of July, Puntland regions were relatively stable. Puntland government forces conducted security operations in parts of Bari region, including a raid on ISIS fighters in a mountainous area east of the Puntland port of Bossaso. There were also arrests of terrorism suspects in Bossaso. There were reports of clan violence in parts of Sool, Sanaag and Mudug regions, and Buhodle district. Government response was active in many of the unfolding events. Sub-national tensions between Puntland and Somaliland were heightened over the month, as Somaliland army’s top commander conducted a “secret visit” to Somaliland base at Tukaraq, near the frontline with Puntland troops. A Puntland Cabinet minister accused Somaliland of fomenting clan conflict in Buhodle district, indicating the rising tensions between the two sides. In Galkayo, at least 4 persons were killed in clashes after Puntland forces raided a “criminal network”, as part of operations to strengthen local peace. NEA: President Deni is opposed to term extension for the President of the Federal Republic of Somalia. On the political front, the FGS-FMS proposed summit in Mogadishu was suspended in early July. Instead, the FMS leaders opted to organize their own conference in Dhusamareb, the capital of Galmudug. The conference ended successfully with all FMS leaders agreeing to the principle of timely elections, and extended an invitation to FGS leaders to attended Dhusamareb Conference 2, which concluded with a call for national elections on time. It was a small victory for FMS leaders, who had been campaigning for timely elections and exerting pressure on FGS leaders to travel to Dhusamareb for political negotiations. Read the full report here The post NAI Puntland Situation Report for July 2020 appeared first on Puntland Post.
-
Tel-Aviv (Caasimadda Online) – Mike Pompeo oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ayay maanta booqasho uga bilaabatay magaalada Tala’biib ee xarunta u ah maamulka Yahuudda wuxuu halkaas kula kulmay Bin Yamiin Netenyahu Ra’isulwasaaraha Yahuudda iyo wasiirkiisa Difaaca. Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ayaa sheegay ka dib kulan uu la yeeshay Netanyahu in Washington ay ka go’an tahay inay ilaaliso awoodda Militari oo ay Israel ku leedahay Bariga Dhexe. Pompeo oo shir jaraa’id ay wada qabteen madaxda Yahuudda ayaa shaaciyey in Mareykanka uu marnaba ogolaan karin in dowladaha Bariga Dhexe ku yaal ay awood ahaan ka sare maraan Israa’iil. “Mowqifka Mareykanka waa mid cad, ma doonayno in Israa’iil dhanka awoodda looga sare maro bariga dhexe” ayuu yiri Mike Pompeo. Hadalka kasoo yeeray Pompeo ayaa la rumeysan yahay inuu jawaab u yahay hadalhaynta ah in Washington ay hub casri ah ka iibin doonto Imaaraatka Carabta. Dhankiisa, Netanyahu ayaa sheegay in aysan wax xiriir ah ka dhaxeeyn dayuuradaha dagaalka ee F-35 ee uu Mareykanka ka iibinayo Imaaraadka Carabta iyo heshiiskii ay Imaaraadka ku ogolaatay inay Israa’iil u aqoonsato wadan. ” Heshiiska aan la galnay UAE kuma jirin ogolaashaha Israel ee heshiis hub, heshiiska noocaan oo kale ah waa mid laga yaabo in la tixgeliyo, Laakiin diidmadeeda ku aadan arrintaan waa mid aan marnaba is badalin” ayuu yiri Netanyahu oo uu muuqday inuu meesha ka saarayo in Mareykanka uu hub casri ah ka iibinayo Imaaraadka Carabta, isagoo sii raaciyey inuusan isaga ka war qabin heshiis noocaas ah oo dhex maray Mareykanka iyo UAE. Pompeo ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanka uu dadaal badan ku bixinayo sidii loo diyaarin lahaa wadamo badan oo Muslimiin ah oo xiriir diblomaasiyadeed la yeesho Israa’iil kadib xiriirkii dhex maray Imaaraadka iyo Israa’iil. Ugu dambeyntii Pompeo ayaa la filayaa inuu safarka Israa’iil kadib uu tago wadamo badan oo Carbeed sida Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Suudaan si uu uga mahad celiyo xiriirka ay la yeesheen Yahuuda, sidoo kalana waxaa la filayaa inuu dowladahaas kala hadlo sidii wadamada kale ee Islaamka ah ay u aqoonsan lahaayeen Israa’iil. Boqorka dowladda Baxrayn iyo dhaxal sugaha wadankaas ayuu kulamo laqaadan doonaa, xukuumadda Suudaan ayaa iyana dhowaan sheegtay in ay cilaaqaad lasamaysan doonto Yahuudda si dhaqaale uga hesho Mareykanka. The post Pompeo iyo Netanyahu oo wax kama jiraan kasoo qaaday rajo ay Imaaraadka ka laheyd Mareykanka first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Duhur-2482020-ok.mp3 View the full article
-
Haweenay Somaliyada oo Xabsi ku muteysatay Dacwo Kufsi loo geystay Hawenay Somaliyada oo ku nool Dalka Jarmalka ayaa Xabsi 6 bilooda lagu xukumay kadib markii ay sheegtay in labo nin ku soo kufsadeen Dalka Somaliya. Wareysi Dacwadeedo laga qaaday ayay ku sheegtay in labo nin ay kufsi ugu geysteen Dalka Somaliya isla markana mid kamid ah toori/mindi si xun ugu dhaawacay. Dowlada Jarmalka gaar ahaan laamaha Amaanka oo Akhristay warbixinta iyo Dacwada ay isku dhiibtay gabadhan ayaa ku eedeeyay in ay dambi ku gashay meel ka baxsan Dalka Jarrmalka dambigaasi oo ah isku day dil Waxana lasoo saaray Maxkamad. Maxkamada qaaday Xukunka Dacwada ayaa soo saartay Xukun 6 bilood oo Xabsi ah lakin ay ku qaadaneyso Banaanka’ Maxkamada ayaa sheegtay in ay gabadhan heysato 6 bilood hadii ay wadanka ku gasho dambi kale waxay xukunkeeda ku qaadan doontaa Xabsiga. Sheekadan ayaa ah dhacdo layaab ah oo aan hore loo aag madama ay jiraan dhacdooyin kale oo dhowr jeer soo laab laabtay Qaran News
-
Sheekooyinka halyeynimada ah ee ka soo baxaya weerrarkii Masaajidka Ninka caddaanka ahaa ee u dhashay dalka Australia oo 51 qof Muslimiin ah ku dilay laba masaajid oo ku yaalla New Zealand ayaa damacsanaa inuu masaajid seddexaadna uu weeraro, maxkamadda ayaana maanta billowday dhageysiga xukunka ninkaasi lagu ridayo oo soconaya afar maalmood oo xiriir ah. Haddaba waxaan dib u milicsaneynaa sheekooyin halyaynimada ah ee ka soo baxayay weerarkii sanadkii hore uu ninkaasi ku qaaday labada masaajid ee ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand, halkaas oo 50 ruux ay ku dhinteen dad kale oo badanna lagu dhaawacay. Qof ka mid ah Muslimiintii cibaadaysanayay ayaa sheegay in uu ninka qoriga watay ku tuuray mashiin yar oo gacanta lagu qaadi karo. Labo askari oo booliis ah oo midkood uu ku hubaysan yahay biskoolad kali ah ayaa eryaday oo xiray Brenton Tarrant oo 28 jir ah. Ninka laga shakisan yahay ayaa waxyaabo qarxa ku watay gaadhigiisa wuxuuna qorshaynayay weerarro dheeri ah sida ay sheegtay Ra’iisulwasaare Jacinda Ardern. Cabdulcasiis oo ah 48 jir reer Afqaanistan u dhashay ayaa sheegay in uu ku jiray gudaha masaajidka Linwood oo ahaa goobtii labaad ee la bartilmaameedsaday, isla markaasna uu maqlay in qof uu rasaas furay. Wuxuu sheegay in markii ay u caddaatay in masaajidka la soo weeraray uu qaatay mashiinka kaararka bangiyada lacagta lagaga jaro ka dibna uu ku orday dhanka ninkii weerarka soo qaaday kuna tuuray. Arrintaas ayuu sameeyay intii ninku uu ku sii socday gaargiisa si uu qorii kale ula soo baxo, balse wuu hakaday markii uu qoriga la soo baxay ee xabbad ku soo riday. Cabdulcasiis oo ay masaajidka kula sugnaayeen afar carruur ah oo uu dhalay ayaa qaatay qori uu ninkii weerarka soo qaaday tuuray ka dibna fargadda ayuu qabtay si uu xabbad uga rido balse rasaas kuma jirin, hase ahaatee sidaas kuma harin ee masaajidka ayuu ka dabo galay ninkii weerarka soo qaaday markale ayuuna qaabilay. “Markuu arkay in aan qori wato, qorigii uu watay ayuu tuuray dhanka gaarigiisii ayuuna u orday. Waana eryaday” ayuu yiri Cabdulcasiis oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters. Cabdulcasiis ayaa sheegay in uu mashiin yar ku tuuray ninkii weerarka soo qaaday Latef Alabi oo ah Imaamka ku meelgaarka ah ee masaajidka Linwood ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in geeridu ay intan aad uga sii badan lahayd haddii Cabdulcasiis oo aan ninka hubaysan ka cabsan uusan is xilqaamin. Labo nin oo booliis ah oo masaajidka ka ag dhawaa ayaa eryaday, gaarigiisii xannibay ka dibna qabtay ninkii weerarka soo qaaday, arrintaas waxaa duubay qof goobjooge ahaa ka dibna wuxuu soo dhigay baraha ay bulshadu ku xiriirto. Askartu waxay wax walba ka hor mariyeen New Zealand,” geesinimadoodana waan aqoonsan doonnaa ayay tiri Ra’iisulwasaare Arder, oo Sabtidii hadashay. Ninka hubaysan ayaa markii hore weeraray masaajidka Al Noor oo qiyaastii 5km u jiray iyadoo ay dadku sugayeen salaadda Jimcaha. Ninkan ayaa isagu isku tilmaamay in uu caddaannimada ku kalax tagay wuxuuna si toos ah u duubay qaabka uu dadka u laynayay isaga oo Facebook adeegsanaya. Muuqaalkaas ayaa laga arkay Naeem Rashid oo asal ahaan ka soo jeeda magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan oo isku dayaya in uu ka hortago ninka weerarka soo qaaday ka dibna la tooganayo, isbitaal ayaa loola cararay balse markii dambe wuu geeriyooday. “Waxaa jira tiro goobjoogeyaal ah oo sheegay in walaalkii uu dad badbaadiyay intii uu isku dayayay in uu ka hor tago ninkii weerarka soo qaaday” sida uu BBC u sheegay walaalkii Khurshid Alam. Talha oo ah wiil uu dhalay Rashid oo 21 jir ah oo la sheegay in uu mar dhaw shaqo helay isla markaasna qorshaynayay in uu guursado ayaa ka mid ahaa dadkii la laayay. Qoyskan ayaa New Zealand ku noolaa tan iyo sannadkii 2010. Ra’iisulwasaaraha Pakistan Imran Khan ayaana sheegay in la maamuusi doono Rashiid. We stand ready to extend all our support to the families of Pakistani victims of the terrorist attack in Christchurch. Pakistan is proud of Mian Naeem Rashid who was martyred trying to tackle the White Supremacist terrorist & his courage will be recognized with a national award. — Imran Khan (@ImranKhanPTI) March 17, 2019 Dhanka kalana Hosne Ara oo ah haweenay 42 jir ah ayaa la sheegay in ay ku sugnayd qaybta dumarka ee masaajidka Al Nuur marka ay rasaastu billaabatay. Waxaana la dilay iyadoo baadigoobaysa ninkeeda oo kursiga naafada ku yimid masaajidka balse badbaaday. Farid Uddin ayaa sheegay in xaaskii ay badbaadisay oo dhimsaha ka saartay dumar iyo carruur iyadoo weerarku socdo. “Waan ku faraxsannahay waxay samaysay. Wanaag iyadoo samaynaysa ayay dhimatay. Waxay dhimatay iyadoo gacanta ku haysta wixii ay jeclayd een anna jeclaa,” ayuu yiri Farid oo la hadlay BBC. “Xaaskaygii ayaan waayay laakiin ma necbi ninkii dilay. Shaqsiyan waan jeclay. “Waana cafiyay. Waana u ducaynayaa.” ayuu intaas ku sii daray. XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Booliiska ayaa masaajidka tagay 6 daqiiqo ka dib markii weerarka lagu soo wargaliyay waxayna arkeen 41 ruux la dilay, sida uu sheegay Mike Bush oo ah taliyaha booliiska. Wararka ugu waaweyn TOOSMaxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun ku ridday shaqaale ka tirsan wasaaradda caafimaadka Sheekooyinka halyaynimada ah ee ka soo baxay weerrarkii Masaajidda New Zealand 18 Daqiiqadood ka hor Muxuu Madaxweyne Axmed Madoobe u magacaabi la’ yahay golihiisa wasiirrada? 23 Agoosto 2020 Xul Kiisaska Corona virus ee daafaha caalamka 6 Luulyo 2020 Noole ay seynisyahannada reer galbeedku moodayeen in la waayay oo Soomaaliya laga helo 19 Agoosto 2020 Weerarkii xabsiga Dhexe: Sida loo ilaaliyo xabsiyada waaweyn 20 Agoosto 2020 Kim Yo-jong: Waa kuma ninka guursaday gabadha la dhalatay Kim Jong-un? 21 Agoosto 2020 Sababta ay Masar u direyso ciidamo taageera Janaraal Khalifa Xaftay 18 Agoosto 2020 ‘Horay aabbihiis ayey hoggaamiye kooxeedyada u dileen, isagiina waa la dilay’ 19 Agoosto 2020 Muxuu yahay cudurka ‘ay basasha sababtay’ ee ka dillaacay Mareykanka? 12 Agoosto 2020 Trump oo ka cabanaya biyaha yar in aysan timihiisa dhaqi karin 13 Agoosto 2020 “Aabbahey sidii aan uga badbaadi lahaa ayaan mar kasta ka fikiri jiray” 17 Agoosto 2020 Ugu akhris badan 1 “Wuxuu doonayey seddex Masaajid inuu weeraro” 2 La taliyaha sare ee Madaxweyne Trump oo iscasishay 3 Haweeney la dhalatay Trump oo ku tilmaamtay “beenaale aan mabda’ lahayn” 4 Maxaa dagaalyahankan Soomaaliga ah loogu sharfay Talyaaniga? 5 Okiyaale lagu xaraashay 340 kun Qaran News
-
Axmed Madoobe oo ka dagay Garoowe iyo wararkii ugu dambeyey
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa goordhow gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay. Safarka Axmd Madoobe ayaa waxaa ku wehlinaya xubno ka tirsan maamulkiisa, waxaana Garoonka Gen. Maxamed Bashir kusoo dhaweeyay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Mas’uuliyiin kale, iyadoona loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada. U jeedka safarka Axmed Madoobe ayaa la xiriira shir uu halkaasi kula leeyahay dhiggiisa Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni). Wararka ayaa sheegaya in shirkaasi diirada lagu saarayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka soo socda ee 2020/2021-ka. Labadaas maamul ayaa ka qeyb gelin Shirkii dhawaan Madaxweyne Farmaajo, qaar kamid ah Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb, kaasi oo heshiis looga gaaray Doorashada dalka. Jubbaland iyo Puntland ayaa caddeeyay inay ka horjeedan qodobadii kaso baxay Shirkii Madaxda, iyagoona sheegay in Dowladda ay fulin weyday heshiisyadii shirarkii Dhuusamareeb 1 iyo 2, waxaana inta uu ku sugan Madaxweynaha Jubbaland Garoowe uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa waxgaradka iyo siyaasiyiinta. Kulankaan ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah oo uu taagan yahay khilaaf ku saabsan nooca doorasho ee dalka ka dhici doonto iyo qaabka ay noqoneyso, waxaana la rumeysan yahay in Axmed Madoobe iyo Deni ay yihiin laba hoggaamiyo oo aad u mideeyey go’aanadooda halka maamul Goboleedyada kale ay dhawr jeer isbadalo kala duwan ku sameeyeen mowqifkooda doorashada iyo xaaladda kala guurka dalka. Lama oga go’aanka ay isla qaadaan doonaan, labada hoggaamiye ee xulafada ah oo meel adag iska taagay shirkii wada-tashiga ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Sidoo kale waxaa suura-gal ah inay shirka ka furmaya Garoowe ku biiraan qaar ka mid ah hoggaanka xisbiyada mucaaradka dalka oo iyaguna ka soo horjeedo dowladda dhexe. The post Axmed Madoobe oo ka dagay Garoowe iyo wararkii ugu dambeyey first appeared on Caasimada Online. -
Kulan Cayaareed loogu –tala galay is-dhaxgalka Bulshada iyo Nabada ayaa lagu qabtay degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay,kulankan waxa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan Buurhakaba. Halkan Ka Daawo Tarrtanka Lagu Soo Gabagabeeyay Buurhakaba https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/08/wht.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wuxuu doonayey Saddex Masaajid inuu weeraro Ehelada iyo dadki weerarkaasi ka badbaaday oo maxkamadda sii galaya Cunsuriga caddaanka ahaa ee u dhashay dalka Australia oo 51 qof muslimiin ah ku dilay laba masaajid oo ku yaalla New Zealand wuxuu damacsanaa inuu masaajid seddexaadna uu weeraro, maxkamadda ayaana maanta billowday dhageysiga xukunka ninkaasi lagu ridayo oo soconaya afar maalmood oo xiriir ah. Brenton Tarrant wuxuu sida oo kale qorshihiisu ahaa inuu masaajidda kale uu weeraro, “dil intaa ka badanna uu geysto”. Tarrant ayaa lagu soo dacweeyey inuu dilay 51 qof, iskuday dil uu damacsanaa inuu 40 qof oo kale u geysto iyo dacwad fal argagixisanimo. Waa marki ugu horreysay oo qorshaha uu ninkaasi damacsanaa maxkamadda lagu soo bandhigo. Tarrant oo 29 jir ah ayaa wajahi doono xukun xabsi daa’im ah, xukunkaasi oo noqonaya mid aan New Zealand horay uga dhicin. Dhageysiga xukunka maxkamadda ayaa maanta oo Isniin ah ka billaabmay maxkamad ku taallo Christcurch oo ah magaalada uu weerarka ka dhacay March 2019. Xayiraadaha ka dhashay Covid-19 awgii maxkamadda ayaa noqon doonto mid ay dad badan joogin. Seddexda maalmood ee soo socota uu dhageysiga xukunkaasi socon doono waxaa toddoba maxkamadood oo ku yaalla Christchurch ku soo xaadiri doona ehelada dadkooda weerarkaasi looga dilay iyada oo ay maxkamadaha dhageysan doonaan markhaatifurka dadkaasi. Ehelada iyo dadki weerarkaasi waxyeellada ay ka soo gaartay oo soo gaaray maxkamadda dhageysiga xukunka ay ka socoto Garsoore Barnaby Hawes maanta oo Isniin ah wuxuu sheegay Tarrant weerarkaasi sanad ka hor inuu qorsheynayey, wuxuuna intaa ku daray ujeeddadiisu iney ahayd “tirada dad ee ugu badan halkaasi inuu ku dilo”. Wuxuuna in mudda ah uruurinayey xogta masaajidda ku yaalla New Zealand, halka ay ku yaalliin, iyo xogaha masaajidda la xiriira si weerarkiisa uu ula beegsado xilli ay masaajidda mashquul yihiin. Bil ka hor inta uusan ninkaasi weerarka qaadin, wuxuu safar ku tagay Christchurch isaga msaajidka Al Noor oo bartilmaameed u ahaa drone sawirro iyo muuqaallo kaga qaaday. Waxaa sida kale u qorsheysnaa inuu bartilmaameedsado Masaajidka Ashburton si la mi ah masaajidka Al Nuur iyo Machada Islaamiga ee Linwood uu weerarka u geystay. Tarrant wuxuu booliska u sheegay qorshahiisa inuu ahaa masaajidka marka uu weeraro kaddib inuu dab qabadsiiyo oo gabi ahaanba dhulka la simo. Maalinta uu Tarrant uu weerarka geysanayey, wuxuu sida oo kale dilal uu u geystay dadka waddooyinka marayey ee ka soo baxsaday masaajidka Al Nuur. Waxaana dadka uu dibadda masaajidka uu ku dilay ka mid ahaa Ansi Alibava oo masaajidka ka soo baxday. Ninka dilka geystay xilli uu ku sii socday machadka islaamiga ee Linwood, wuxuu joojiyey isla-markaana uu toogtay nin madow Afrikaan ah oo ay u suuragelin inuu dilkaasi ka badbaado. Nin reer Caucasian ah ayaa ka soo horbaxay waddada uu ku socday Tarrant, qoriga ayuu kor u qaaday kaddibna hoos ayuu u dhigay. Wuuna salaamay isaga oo gacantiisa midig u taagay una dhoollacaddeeyey kaddibna socodkiisa ayuu iska sii watay”. Tarrant ayaa horay u diiday dacwadda lagu soo oogay xilli bishii June maxkamada la soo taagay, inkasta oo uu marki dambe uu dambigiisa qirtay. Ninkan ayaa muteysan doono ugu yaraan 17 sana oo xarig ah, balse garsoore Cameron Mander oo ah garsooraha maxkamadda sare oo kiiskan gacanta ku haya wuxuu awood u leeyahay inuu ku xukumo xabsi daa’im, xukunkaasi oo noqonaya kii ugu horreeyey oo New Zealand ka dhaca. Dad ka badan 60 qof ayaana dhageysiga xukunka ninkaasi goobjoog u noqonaya iyada oo ay dadka qaar meela fogfog ka yimaaddeen. Halka qaarkoodna ay waddama kale ka yimaaddeen oo ay soo galeen 14 maalmood oo karantiil la xiriira faayrsaka corona. Dr Hammimah Tuyan, waxaa weerarkaasi looga dilay seygeeda Zekeriya Tuyan isaga oo 7 sbuuc kaddub u geeriyooday dhaawac weerarkaasi ka soo gaaray. Weerarkaasi marka uu dhacay kaddib inta ay bilba ka soo wareegin baarlamaanka dalkaasi ayaa 119 iyo 1 cod ugu codeeyey in dib u habeyn lagu sameeyo haysahsada hubka darandoorriga u dhaca ee la midka ah kuwa ay ciidamadu qaataan, isa-markaana hubkaasi la mamnuuco. Dowladdana waxay go’aansatay dadka haysta hubka sharci darrada ah iney gacanta dowladda ku soo celiyaan dowladduna ay magdhow ka siiso hubka ay dowladda ku wareejinayaan. Qaran News
-
Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Awdal iyo xubno kamid ah Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi, ayaa si weyn ugu xafiiltamaya, isla markaana tartan adag oo hoose ugu jira kale riixashada booska Guddoomiye ku-xigeenka afraad ee Xisbiga KULMIYE, kuwaas oo sii kale riixanaya jagadaas ka hor inta aan la gaadhi Shir weynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE oo la filayo inuu dhawaan ka qabsooma Magaalada Hargeysa Kursiga Guddoomiye ku-xigeenka afraad ee Xisbiga KULMIYE ayaa inta badan ah mid u gaar ah beesha Gobolka Awdal, isla markaana aanay jirin cid kale oo beelaha kale ka soo jeedaa oo kula tartantaa marka ay timaado doorashada hoggaanka Xisbiga KULMIYE, kaasi oo uu hadda hayo Madaxweyne ku-xigaanka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, balse hadda isagu u muuqda mid saluugsan oo ka hanqal taagaya jagadaas uu muddada hayey Siyaasiyiinta Xisbiga KULMIYE ka tirsan iyo wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Biixi ee ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa si gaar gaar ah tartan adag ugu jira, isla markaana ku xafiiltamaya jagada Guddoomiye ku-xigeenka afraad ee Xisbiga KULMIYE,iyadoo uu mid waliba dhex-da u xidhay sidii uu u sii banaysan lahaa jagadaas ka hor inta aan la gaadhi shir weynaha afraad Xisbiga ee lagu soo dooran doono hoggaanka shanta sanno ee soo socota majaraha u hayn doona KULMIYE Geesta kalena Xubnaha Golaha Wasiiradda Somaliland ka tirsan ee jagadaas quuldaranaya isla markaan ruclada oradka ugu jira waxa kamid ah Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) Wasiirka Beeraha Axmed Muumin Seed, Guddoomiye ku-xigeenka Saddexaad ee golaha Wakiilada Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle iyo xubno kale oo mihiim ah Madaxweyne ku-xigaan Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo isagu hadda haya xilkaas Guddoomiye ku-xigeenka afraad ee KULMIYE,ayaa la sheegay inuu siyaasiyiinta uu qaar la safan yahay, isla markaana uu u dagaalamayo sidii uu siyaasi ka soo jeeda jufadiisa uu kursigaasi Guddoomiye ku-xigaanka afraad ee Xisbiga u hanan lahaa, waxaana la wariyey inuu ka garbinayo siyaasiyiin kale ee beelaha Awdal Clan ka soo jeeda. Si Kastaba ha-ahaataa Siyaasiyiinta Xisbiga KULMIYE ka tirsan ee Beelaha Gobolka Awdal ayaa iyagu dhexdooda si weyn ugu loolamaya,isla markaana xod-xodasho iyo rucla orad ugu jira jagada Guddoomiye ku-xigeenka afraad ee Xisbiga KULMIYE, waxaanu uu mid waliba si hoose u wadaa olole uu ku doonayo in jagadaas loogu doorto marka la gaadho Shirweynaha afraad ee muddaysan ee Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE. Source
-
Ilwaad Elman, Agaasimaha Xarunta Nabadda iyo Xuquuqda Aadamiga ee Elman, ayaa ku guulaysatay Abaalmarinta Pro Dignitate Humana 2020. Waxay abaalmarinta ku mutaysatay shaqada Xaruntu ka qabatay la dagaalanka xagjireynta iyo xagjirnimada diimeed ee ba’an. Wasiirka Arrimmaha Dibedda ee Booland Jacek Krzysztof Czaputowicz oo ugu hambalyeeyay Ilwaad helista abaalmarinta ayaa ku amaanay Xarunta Nabadda iyo Xuquuqda Aadamiga ee Elman barnaamijyada waxbarasho oo ka hortaga in dhallinyaradu u nuglaadaan xagjirnimada. Ilwaad waxay horseedday hindisaha Dhig Qoriga, Qalinka Qaado Ilwaad ayaa sheegtay “in mabaadii’ida diimeed la weeciyo si loo bannaysto gacan-ka-gadal iyo abaabulidda qalalaase.” Ilwaad waxay horseedday hindise la magacbaxay Dhig Qoriga, Qalinka Qaado, oo weli socda waxna lagu baro dhallinyarada si looga hortago xagjireynta. Abaalmarinta Pro Dignitate Humana waxaa la bixinayay tan iyo 2011kii. Waxaa la siiyaa qof loo aqoonsado inuu dadaal u ku difaacayo dadka la dulmiyay ama kuwa halista ugu jira in la dulmiyo. © Puntland Post, 2020 The post Ilwaad Elman oo ku guulaysatay Abaalmarinta Pro Dignitate Humana 2020 appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare geystay uu ka dhacay degmada Wanlaweyn. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay Suuqa degmadaasi, xilli uu mashquul ahaa, islamarkaana ay ka dukaameysanayeen dad badan. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartay ku dhowaad 5 qof oo dhamaan ah dad shacab ah, kuwaas oo ku sugnaa suuqa. Ma cadda bartilmaameedka iyo ujeedka laga lahaa weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday ee uu ka soo khasaaraha ka soo gaaray dadka rayidka ah. Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Wanlaweyn oo ku aadan qaraxaasi. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana goobta goor dambe gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee degmadaasi. Wanlaweyn ayaa waxaa horey uga jiray colaad-beeleedyo saameeyey nolosha magaladaasi iyo deegaanada ku xeeran, inkastoo hadda xal horudhac ah laga gaaray xiisadahaasi. The post Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Suuqa degmada Wanlaweyn iyo khasaare ka dhashay first appeared on Caasimada Online.
-
Bardera ( PP News Desk) — Al-shabaab group yesterday executed four men in El-ade village in Gedo. The group accused the men of spying for the Somali intelligence agency and foreign intelligence agencies. Al-shabaab fighters (A file picture). Aden Hassan Mohamed and Abdiasis Hassan Abdi were accused of working with the Somali intelligence agency “to which they passed intelligence about Al-shabaab”. Dini Abdulakadir Mohamed and Isse Osman Gelle were accused of “spying for the American Government and the Ethiopian intelligence service respectively”. The Al-shabaab prosecutor did not present evidence against the four men nor were the defendants given the right of defence. Al-shabaab has lost territories to the Federal Government of Somalia after intense pressure from the Somali Army and AMISOM. Al-shabaab is known to pressure families to allow their sons to join the proscribed group. © Puntland Post, 2020 The post Al-shabaab executes four men for “espionage” appeared first on Puntland Post.
