-
Content Count
211,114 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidanka difaaca deegaanka ee degmada Al-Kowsar ka fuliyeen deegaanka Nuur Gadow, oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalkaan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab. Sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya, howl-galkaasi waxaa lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab. Sidoo kale, waxaa lagu dilay horjooge sare oo kamid ahaa kooxdaas. Qoraalka dowladda ayaa si gaar ah u xusin magaca horjoogaha la dilay, iyadoo sidoo kale caddeyn xilkii uu ka hayey kooxda. Dowladda ayaa sheegtay in horjoogahani uu door muhiim ah ku lahaa qorsheynta weerarada kooxda ee gobolka. Bayaanka kasoo baxay dowladda ayaa lagu yiri: “Taliskii Khawaarijta ay ku lahaayeen deegaanka Nuur Gadow, Geesiyaasha Difaaca ayaa howl-galka ku dilay in ka badan 20 maleeshiyaad ah iyo horjooge sare oo ka tirsan Khawaarijta.” Howl-galka waxaa lagu tilmaamay mid si gaar ah loo qorsheeyey, iyadoo ciidanku ay heleen xog muhiim ah oo ku saabsan goobta uu ku sugnaa horjoogaha kooxda iyo xubnaha la socday. Tani ayaa horseeday guul deg-deg ah oo ay ciidanku gaareen. Ciidamada difaaca deegaanka ayaa si weyn loogu amaanay dadaalkooda, waxaana dowladda ay sheegtay in ay sii wadi doonaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa laga cirib tiro guud ahaan kooxdaas. Dadka deegaanka ayaa la sheegay inay taageereen ciidamada howlgalka fuliyey. Howl-galkaan wuxuu kusoo beegmayaa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay socdeen dagaalo iyo duqeymo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Deegaano badan oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe ayaa lagu qaaday weeraro qorshaysan. Dowladda federaalka ayaa mar kale ku celisay go’aankeeda ah in aysan joojin doonin dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ilaa laga suuliyo khatarta ay ku hayaan shacabka iyo amniga dalka.
-
Garoowe (Caasimada Online) — Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa warqad rasmi ah u diray dhammaan wasaaradaha dowladda, isagoo ka codsaday in ay soo gudbiyaan xog dhameystiran oo la xiriirta shaqaalaha sare ee wasaaradahooda. Warqaddan ayaa si gaar ah diiradda u saareysa agaasimayaasha guud, agaasimayaasha waaxyaha iyo madaxda qeybaha kala duwan, sida ay aragtay Caasimada Online. Sida lagu sheegay warqadda kasoo baxday xafiiska madaxweynaha, waxaa la doonayaa in la helo liisas dhammeystiran oo ku saabsan shaqsiyaadka haya xilalka sare ee wasaaradaha, si loo darso xogtooda shaqsiyeed iyo midda xirfadeed. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo hufnaanta iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowladda. Intaas waxaa dheer, xafiiska madaxweynaha ayaa sidoo kale codsaday in la soo gudbiyo faah-faahin buuxda oo ku saabsan shaqaalaha guud ee wasaaradaha, si loo helo aragti cad oo ku saabsan hab-dhiska shaqo iyo baahiyaha jira. Ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa sheegay in madaxweynaha uu doonayo inuu dib u eegis ku sameeyo nidaamka shaqaalaha dowladda. Warqadda ayaa sidoo kale tilmaamaysa in wasaarad kastaa laga doonayo inay bixiso warbixin ku saabsan hantida ay hayso. Tani waxay noqon kartaa qalab, gaadiid, dhismooyin ama agab kale oo dowladeed, iyadoo la doonayo in si cad loo ogaado hantida dowladda ee yaalla wasaarad kasta. Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa warqaddiisa ku xusay muhiimadda ay leedahay in la helo warbixin rasmi ah oo ku saabsan mashaariicda kala duwan ee ka socda wasaaradaha. Warbixintaasi waxay ka caawin doontaa xafiiska madaxweynaha inuu qiimeyn ku sameeyo waxqabadka iyo horumarka la gaaray. Ugu dambeyn, waxaa sidoo kale warqadda lagu codsaday in wasaaraduhu ka warbixiyaan wixii caqabado ah ee haysta, si xal loogu helo dhibaatooyinka hortaagan hawlaha dowladda. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid lagu dardar-gelinayo shaqada dowladda isla markaana lagu hagaajinayo hab-maamulkeeda.
-
Mogadishu (HOL) — The Somali government has expelled Anna Saleem Högberg, Sweden's consul and head of development cooperation in Mogadishu, amid growing diplomatic tensions, according to Global Bar Magazine. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa maanta ku dhawaaqday inay mudooyinkii dambe xoogga saartay ka hortagga, la-dagaalanka tahriibka iyo socdaalka sharci-darrada ah, islamarkaana ay xirtay dad badan oo ku lug leh arrimahaas. War-saxaafadeed ay soo saartay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu yiri: “Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu waxay todobaadyadii ugu danbeeyay hakisay tiro socdaal sharci darro ah oo ay ku tahriibayeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo da’dooda u dhaxeyso 18-25 sano, una safrayay wadamada qaaradaha Yurub, Aasiya iyo Afrika.” Bayaanka ayaa sidoo kale lagu yiri: “Sadexdii bilood ee ugu danbeeyey ee sanadka 2025, Hay’addu waxay ka hortagtay 124 qof oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah kuwaas oo qorshaynaayey in ay bilaabaan safaradooda tahriibka ah iyagoo u safraaya qaaradaha Yurub, Aasiya iyo Afrika.” Hay’addu waxay intaa ku dartay: “Dhammaan dhallinyarada lagu helay cadaymo muujinaya in ay tahriibayeen ayaa lagu wareejiyay hay’adaha ku shaqada leh ee JFS.” Qoraalka ayaa sidoo kale ku boorriyay waalidiinta Soomaaliyeed, isagoo yiri: “Hay’adda waxaa waajib ka saaranyahay badbaadinta mustaqbalka dhallinyarada Soomaaliyeed si aanay ugu halaagsamin badaha iyo khataraha kale ee uu leeya- hay tahrribku,, sidaas awgeed hay’addu waxay waalidiinta Soomaaliyeed ku baraarujineysaa ka warqabka dhaq-dhaqaaqa ubadkooda si aan wadajir uga badbaadino khataraha ay la kulmayaan muddada ay safarka tahriibka ku jiraan.” “Hay’adda Socdaalka & Jinsiyaddu waxay kaalin buuxda ka qaadaneysaa hakinta socdaalka sharci darrada ah iyadoo diyaarin doonta barnaamijyo wacyi-gelin ah si dhallinyarada Soomaaliyeed fahan buuxa uga helaan khataraha ay wajihi karaan,” ayey tiri hay’adda. Bayaanka ayaa sidoo kale sheegay: “Maadama hay’adda uu waajib ka saaranyahay badbaadinta dhallinyaradda Soomaaliyeed waxay guud ahaan hakisay socdaalka dadka aan-qaangaarin iyo kuwa lagu qabto cadeymo muujinaya in ay tahriib u socdaan, waxayna hay’addu dabagal iyo baaritaan ku sameyneysaa shaqsiyaadka iyo shirkadaha ka shaqeeya arimaha socdaalka (Travel Agencies) kuwaas oo ku lug leh tahriibinta dhallinyarada Soomaaliyeed.” Ugu dambeyntii, bayaanka wuxuu ku soo gabagaboobay: “Ugu dambeyn Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu waxay dhiirigelinaysaa wadashaqeyn dhex marta waalidiinta Soomaaliyeed, hay’adaha dowladda, iyo ganacsatada Soomaaliyeed si looga miro dhaliyo dadaalada looga hortegayo tahriibka iyo socdaalka sharci darrada ah.”
-
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa talada dalka haya muddo haatan 7 sano ah. Todobadii sano ee la soo dhaafay, waxaa jiray ballamo barwaaqo ama nasiib wanaag ah dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, diblomaasiyadda iyo arrimaha bulshada. Iyadoo ay jiraan dad taageersan maamulkiisa oo sheegaya in isbedel uu yimid, natiijooyin badanna laga gaaray, ayaa haddana waxaa jira dad dhaliilsan maamulkiisa oo sheegay in xaaladdu ay ka sii dartay. Sanad guurada todobaad ayaa waxaa dhacay banaanbaxyo kala duwan oo lagu taageerayay xukuumada Abiy Axmed. Xukunka haddaba Dr Abiy Axmed ee todobada sano iyo sidii loo qeexi lahaa xal u helida dalabaadka ay soo jeediyeen shacabka waa sidee. BBC-da qaybta afka Oromada ayaa ka waraysatay Buzaayyoo Daggafaa oo ka tirsan laanta Xisbiga Barwaaqo ee Oromiya iyo Dr Asebaa Raggaasa oo ah cilmi baadhe iyo barafasoor dhaqaalaha iyo siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Zurich ee Switzerland. Ujeedada isu soo baxan taageerada ah ayaa ah in la xuso maalintii ugu horreysay ee ra’iisul wasaare Abiy Axmed kadib halgan muddo jiitamayey. Midda ah in la garowsado oo la iska kaashado guulaha laga gaaray guushan iyo guulaha uu maamulkan u horseeday caqabado badan iyadoo jireen, ayuu yidhi. Buzaayyoon. Isaga oo aan ku raacsanayn aragtidaan. Aseba waxa uu sheegay in inta badan la qabto isu soo baxyada taageerada haddii ay jiraan mucaarado ka dhan ah dowladda. “Markii ay dowladdu si weyn looga soo horjeedo, waxay tiraahdaa waxaan leenahay taageerayaal badan dadkana way soo bixiyaan iyada oo laga dhigaayo inay taageersan yihiin – dowladda”. “Dawlad nabad ku wada nool oo dadka ku wada nool waa in aanay qaban isu soo baxyo taageero oo sannadle ah,” ayuu yidhi Dr Aseba. Dr. Buzaayyoon ayaa sheegay in ay jiraan sababo wanaagsan oo loo dabaaldego maalintan inkastoo ay jiraan cilladana. Isbadalkan dowladnimo kaliya kuma imaan halgan badan, naf hurid iyo dadaal shacab, balse waxaa jiray natiijooyin badan oo ka dhashay. Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la mideeyo natiijooyinka la gaaray, islamarkaana la is weydiiyo kuwa aan wax laga qaban. “Maamulka Dr. Abiy Axmed ayaa talada dalka la wareegay ka dib halgan rejo badan laga qabay in isbeddel wanaagsani yimaado, kaasoo toddobadii sano ee la soo dhaafay keliya kusoo idlaaday rejo” ayuu sheegay Aseba. “Wax ka yar sanad, qorshahaasi wuu isbeddelay, dadkuna haddeer waxay arkaan xaaladda” ayuu yidhi. Wax ka yar hal sano ka dib, howshaas ayaa is beddeshay, hadda qof walba wuu fahmay xaaladda howsha, ayuu yiri, hadda dadku way arkayaan xaaladda ayuu ku daray. Dhinaca kale natiijadii ka soo baxday maamulka Xisbiga Barwaaqo. Buzaayo ayaa tusaale u soo qaatay biyo xidheenka Wabiga Niil oo sanado badan dib u dhac ku yimid, haatana heer gabo gabo ah maraya. “Tani ma ahan mid ka faa’iideysan doonta oo kaliya dalka oo dhan, laakiin sidoo kale dalal badan oo Afrikaan ah ayey faa’iido u tahay” ayuu yidhi. Dr. Abiy oo ka jawaabayay su’aalo ay weydiiyeen xubnaha golaha shacabka todobaad ka hor ayaa sheegay in biyo xidheenka uu gaaray boqolkiiba 98, islamarkaana lagu soo gabagabeyn doono lix bilood. Guulaha kale ee uu Dr Buzaayo soo qaatay waxaa ka mid ah aasaaskii Xisbiga Barwaaqo. “Berigii hore meelo badan ayaa la dulmay, maanta oo kale, gobollo kooban ayaan u dulmanayn sidii hore”. Xigashada Sawirka,Asebe Maqnaanshaha Nabadda Nabad la’aanta iyo xasillooni darrada oo sii badatay ayaa lagu sheegay in ay sabab u tahay furnaansho la’aanta saaxadda siyaasadeed. Halkii wada hadal la gali lahaa, dadka Itoobiya ku nool waxay doorbideen in awood lagu dagaalamo iyado xukun lagu raadinaayo dagaal, taas ayaana xaaladda lagu qeexay. Dhaqanka ah xukunka lagu raadinaayo wada halka iyo heshiisyo nabadaysan lama baranin, laakiin xaaladda hadda jirta waa billow wanaagsan. Dhaqanka noocaan ah waa in la bartaa, ayay tiri dowladdu. Haddii kooxaha kale ee dowladda ka soo horjeeda rumaystaan, dhaq-dhaqaaqyo lagu doonayo in dowladda lagu afgambiyo iyadoo hub la isticmaalo tani waxay horseedi doontaa dagaal, kaasoo dadka u soo bandhigi doona dhibaato. ‘Nabad dhisidu ma’aha masuuliyadda hal xisbi. Haddii labo dhinac dagaalamayaan, labaduba waa in ay leeyahiin rabitaanka nabadda’ Dhanka kooxaha hubaysan ayaa laga sheegay in maqnaashaha dhaqanka noocan ahi ay keeneen saamayno xun. Dhibaatooyinkii uu dagaalku keenayna waxaa lagu sheegay mid ba’an. Goorma ayay barwaaqadu noqotay mid dhab ah? Xigashada Sawirka,AMN Qoraalka sawirka,Dr. Buzaayyoo Daggafaa Dr Buzaayyoon waxuu yidhi “Barwaaqadu wax ku cusub ma’aha Oromo, laakiin marka aan ka hadalno sida Xisbiga Barwaaqo u keenayo barwaaqo, xitaa wax laga sii fekeri karo ma’aha”. “Waxay ka bilaabataa aragti, waxayna ka timaataa midnimo. Qofkii aan lahayn maanhaga barwaaqana ma barwaaqoobi karo. Dhammaystirka biyo xidheenka Abaaayna waa masuuliyad wadareed. Isbeddelada iyo horumarkuna ka muuqda magaalooyinkana waxuu astaan u yahay barwaaqo” ayuu ku daray. Dr. Asebaan wuu ka soo horjeedaa aragtidaan. Marka la eego xaaladda haddeer lagu jiro wuxuu ku doodayaa in barwaaqo iyo hanti midna ayna ahayn diiradda haddeer. Dadka sida adag u shaqeeyana ay la daaladhacayaan noloshooda in ay u helaan waxyaabaha daruuriga ah. Itoobiya sida lamid ka ah wadamada dhaqaalahoodu korayo waxay ku tiirsan tahay beeraha oo kamid ah meesha ay taalo awoodda adag ee dhaqaalaha nabadina kama jirto meelaha miyiga ah. Sidaas darteed, hadda xaaladu dadku waxay ku sugan yihiin xaalad adag oo ku aadan helidda cunto noloshada ah. “Markaan fiirino wadamo badan, cilmibaadhis ayaa tusinaysa in qiimaha noloshu uu aad u kacay, Tani ma’aha mid maamulka haddeer jira uu keenay” Source bbcsomali Qaran News
-
Waxaa guud ahaan caalamka laga dareemayaa saameynta canshuurihii baaxadda lahaa ee uu soo rogay maamulka madaxwayne Donold Trump. Qaar ka mid ah suuqyada caalamka ayaa hos u dhac ku yimid. Khubarada ayaa dhanka kale ka digaysa in suuqyada Mareykanka ay sidoo kale saameyn wayn ku yeelanayso canshuurtan cusub. Hoos u dhac hor leh ayaa ku yimid saamiyada suuqyada Asia, ka dib ku dhawaaqistii canshuuraha ee Donald Trump. Shirkadaha Nike, Apple, iyo Target ayaa kamidkuwa ay sida ba’an ugu dhufteen canshuurahani iyagoo hoos u dhacay in ka badan 9%. Trump oo ku sugnaa Aqalka Cad, ayaa wariyeyaasha u sheegayn in arrimahan ay si wanaagsan haatan u socdaan isla markaana ay dhaqaalaha Mareykanka “sare u qaadi doonaan” . Madaxweynaha Jamhuuriga ayaa qorsheynaya inuu canshuuro badan ku soo rogo dalal kale oo dhowr ah, oo ay ku jiraan saaxiibada ganacsiga sida Shiinaha iyo Midowga Yurub. Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa: Isbadalkii ganacsi ee ugu waynaa dunida muddo qarni ah ayaan cagta saaranay – Tifafaraha arimaha dhaqaalaha ee BBC Hogaamiyeyaasha dunida oo ku tilmaamay canshuuraha Trump mid ‘khalad ah’ oo aan loo ‘meel dayin’ Shiinaha: ‘nuuc walba oo dagaal Maraykanka ka dhan ah ayaan diyaar u ahay’ Qaran News
-
Washington (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa khatar weyn kusii noqonaysa amniga gudaha Soomaaliya, arrintaas oo ay sabab u tahay iskaashi cusub oo ay la yeelatay kooxda Xuutiyiinta Yemen, waxaa sidaas sheegay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), Khamiistii. Ciidanka Maraykanka ayaa kordhiyay hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu xafiiska la wareegay, iyagoo fulinaya olole ballaaran oo lagula dagaallamayo kooxda argagixisada ah ee ka howlgasha gudaha Soomaaliya. Sabtidii lasoo dhaafay, ciidamada Maraykanka ayaa duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, taas oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda ISIS, sida lagu sheegay war kasoo baxay Taliska Ciidamada Afrika ee Maraykanka (AFRICOM). Taliyaha AFRICOM, General Michael Langley, ayaa sheegay in Maraykanku si xooggan u beegsanayo Al-Shabaab. “Madaxweynaha iyo Xoghayaha Gaashaandhigga waxay ii fasaxeen awoodo dheeraad ah,” ayuu Langley ka sheegay fadhigii Guddiga Adeegyada Ciidamada ee Senate-ka (SASC). “Hadda waxaan haystaa awood aan ku qaado weerarro culus,” ayuu hadalkiisa ku daray. Maamulka Trump ayaa awoodda go’aamada weerarrada si toos ah uga wareejiyay Madaxweynaha, una wareejiyay Xoghayaha Gaashaandhigga iyo Taliyaha Hawlgallada, si loo dedejiyo habka go’aan-qaadashada. Tani waxay ka duwan tahay siyaasaddii maamulka Biden, oo ahayd in weerar kasta uu helo oggolaanshaha Aqalka Cad ka hor inta aan la fulin. Agaasimaha Hawlgallada ee Taliska Guud, Lieutenant General Alex Grynkewich, ayaa horey u sheegay in nidaamkan cusub “uu noo suurtagelinayo inaan la jaanqaadno xaaladaha goobta dagaalka, si aan fursadaha uga faa’iidaysano oo cadaadis joogto ah ugu sii hayno kooxda Xuutiyiinta.” Jimcihii, Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiyadda iyo Caalamiga ah (CSIS) ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in Al-Shabaab ay ka faa’iideysaneyso xiriirka sii kobcaya ee ay la leedahay kooxda Ansar Allah ee Yemen, oo ku caan ah magaca Xuutiyiinta. Iskaashigan cusub ayaa u suurtagelin kara al-Shabaab inay weerarto maraakiibta iyadoo adeegsanaysa diyaarado aan duuliye lahayn ama xitaa gantaallo, sida lagu sheegay qiimeyn cusub oo ay sameysay Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiyadda iyo Caalamiga ah (CSIS). Warbixintu waxay soo xigatay la-taliye sare oo ka tirsan Isbahaysiga Difaaca Qaranka ee kasoo horjeeda Xuutiyiinta, kaas oo sheegay in Xuutiyiintu qorsheynayaan inay siiyaan al-Shabaab hub casri ah si ay u weerari karto maraakiibta maraysa Gacanka Cadmeed. “Xuutiyiintu waxay siin karaan, ama durba siiyeen, al-Shabaab faa’iidooyinka dawlad taageerta urur argagixiso,” ayaa lagu yiri warbixinta, iyadoo si gaar ah loo xusay tababarro milatari iyo teknoolojiyadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
-
WASHINGTON, D.C – Somalia’s Al-Shabaab militants pose an escalating threat, potentially amplified by nascent cooperation with Houthi rebels in Yemen, the head of US Africa Command (AFRICOM) warned lawmakers Thursday. AFRICOM Commander General Michael Langley conveyed the heightened concern to the Senate Armed Services Committee (SASC), emphasizing the evolving capabilities and alliances of the Al-Qaeda-affiliated group amid sustained US counter-terrorism efforts in the Horn of Africa. The warning highlights the complex interplay of regional conflicts and the potential for extremist groups to share tactics and technology across borders. General Langley affirmed the US military’s robust posture against Al-Shabaab, confirming he operates with significant authority to target the insurgents who have battled the Somali government for over 15 years. “The President and the Secretary of Defense have granted me additional authorities,” Langley told the committee. “I now have the authority to conduct significant strikes.” This current operational authority enables AFRICOM to respond decisively to threats the group poses. US counter-terrorism activities remain ongoing; notably, an American airstrike in Somalia last Saturday targeted the Islamic State (IS) group, a separate jihadist entity and rival to Al-Shabaab, according to AFRICOM. Houthi link raises maritime alarms Langley’s assessment is made more urgent by a recent report by the Center for Strategic and International Studies (CSIS), a Washington-based think tank. Published Friday, the report details Al-Shabaab’s apparent exploitation of growing connections with Yemen’s Ansar Allah movement, widely known as the Houthis. This alleged collaboration, the CSIS analysis suggests, could furnish Al-Shabaab with advanced capabilities, potentially including drones and missiles, enabling attacks against shipping in the vital Gulf of Aden corridor. The CSIS report references claims, attributed to sources opposing the Houthis, that the Yemeni rebels intend to supply Al-Shabaab with sophisticated weaponry designed explicitly for maritime assaults. “The Houthis can provide, or may have already provided, Al-Shabaab with the benefits of state sponsorship,” the CSIS report states, pointing specifically to potential military instruction and drone technology transfers. Nexus of regional instability The prospect of Al-Shabaab leveraging the Houthis’ recent, high-profile experience in attacking maritime targets presents a serious security challenge. Al-Shabaab: Primarily operating in Somalia, this Al-Qaeda affiliate aims to topple the internationally backed federal government. Despite counter-offensives, it retains significant capability for lethal attacks within Somalia and periodically in neighboring states. Houthis (Ansar Allah): Controlling significant territory in Yemen, including the capital, Sanaa, this Iran-aligned group has dramatically disrupted global shipping since late 2023 with drone and missile barrages against vessels in the Red Sea and Gulf of Aden, actions they claim are in solidarity with Palestinians. A convergence of Al-Shabaab’s regional presence near key sea lanes and Houthi technical expertise or supplied equipment could significantly alter the threat landscape in these strategic waters. The Gulf of Aden is a critical chokepoint for international commerce, linking the Indian Ocean with the Mediterranean Sea via the Red Sea and Suez Canal. Enhanced threats in this zone could further strain global supply chains and escalate security measures.
-
Hargeisa (HOL) — Authorities in Somaliland on Thursday arrested prominent Somali humanitarian worker Abdimaalik Muse Coldoon in the coastal city of Berbera, days after he resurfaced from hiding. While no official charges have been announced, the arrest comes on the heels of Coldoon’s criticism of a reported deal to host Palestinian refugees from Gaza. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo ah suxufi iyo samafale caan ku ah ka shaqaynta arrimaha samafalka ee Somaliland ayaa shalay markale lagu xiray Somaliland, gaar ahaan magaalada Berbera. Inkasta oo aan si cad loo shaacin sababta rasmiga ah ee xadhigiisa, haddana warar kala duwan ayaa soo baxaya. Cabdimaalik ayaa 22-kii Maarso ka baxsaday magaalada Burco oo uu deggen yahay, kadib markii uu sheegay inuu helay war sheegaya in la doonayo in la xidho. Wuxuu muddo dhowr maalmood ah ku sugnaa deegaanka Bohol, balse qoyskiisa iyo dad kale ayaa ku qanciyay inuu dib ugu soo laabto Burco. “Cabdimaalik Muuse Coldoon, walaal wax dhiba ma jiraan ee dadkaaga dhinac ka raac markaad wax dhaliilayso, si asluub leh u dhaliil,” ayuu kula taliyay walaalkiis, Cabdiraxmaan Muuse Coldoon. “Xafiiska Cabdiraxmaan Cirro wuu kuu furan yahay. Wixii aad qoonsato waad ula tegi kartaa. Waa nin wanaagsan oo deggan, dadka dhegeysta.” Intaas kadib, Cabdimaalik wuxuu kusoo laabtay magaalada Burco, hase yeeshee shalay ayaa lagu xidhay magaalada Berbera kadib safar uu kaga yimid Burco. Warar soo baxay ayaa sheegay in xadhigiisu la xidhiidho faallo uu ka bixiyay warbixin ay Al Jazeera Carabi baahisay oo ku saabsaneyd qaxootiga reer Gaza. Mowqifka Coldoon iyo jawaabta xukuumadda Cabdimaalik ayaa si adag uga falceliyay warbixintaas, isaga oo yiri: “Waxaan kasoo jeedaa Soomaaliya, wasiirkana nama matalo. Wuxuu matalaa dowlad calooshood u shaqeystayaal ah, reer Falastiin waa walaalaheen, dadka Gaza-na waxay sii ahaan doonaan kuwo sabir iyo adkaysi ku jooga dhulkooda.” Inkastoo aanay laamaha amniga si rasmi ah u caddeyn waxa lagu haysto Coldoon, haddana hadalkiisa ayaa la rumeysan yahay inuu sabab u noqday xadhigiisa. Taageeradii xisbiga Waddani ee Coldoon Xisbiga Waddani ee hadda talada haya ayaa hore marar badan uga hadlay xadhiga Coldoon xilligii xukuumaddii hore ee Biixi, iyagoo xadhigiisa ku tilmaamay sharci darro. Waxa uu markaas xisbigu sheegi jiray in xadhigiisu ka hor imaanayo xorriyadda hadalka ee uu qaanuunku damaanad qaaday. “Cabdimaalik waxa lagu haystaa arragtidiisa iyo xorriyadda hadalka ee uu cabiray, taasoo uu xaq u leeyahay muwaadinku. Dastuurkuna wuxuu xaq u siinayaa in uu wax dhaliilo ama taageero. Xadhigiisu waa sharci darro, waxaanu ugu baaqaynaa cidda qafaalatay in ay siidayso,” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda, Yoonis Axmed Yoonis, oo markaas ahaa Xoghayaha Cadaaladda ee Xisbiga Waddani, laba sano kahor markii la xidhay Coldoon. Taariikhda xadhigyada Coldoon Cabdimaalik Muuse Coldoon waxa hore loogu xidhay eedo la xidhiidha magac-dil iyo faafin been abuur ah oo la sheegay inuu u geystay Iskuulka Abaarso iyo Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa. Eedahaas oo marna lagu xukumay, marna lagu waayay. Colaadda u dhaxaysa Coldoon iyo xukuumadda Somaliland ayaa bilaabantay sannadkii 2017, xilligaa oo uu taageero u muujiyay madaxweynihii Soomaaliya ee la doortay, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, isagoo markaa ahaa saxafi. Taageeradaas kadib, waxa uu bartilmaameed u noqday xukuumadda Somaliland, taasoo keentay in marar kala duwan la xiro. Dhinaca kale, taageerayaashiisa iyo ururrada u dooda xorriyadda hadalka ayaa mar kasta ku doodaya in xadhigiisu yahay mid siyaasadaysan, loona adeegsaday cadaadis lagu cabburinayo saxaafadda iyo aragtida madaxa bannaan. Waxaa la filayaa in arrintan ay sii xoojiso dooda ku saabsan xornimada saxaafadda iyo xaddidaadda xorriyadda hadalka ee Somaliland.
-
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa shaacisay in ay xoojisay dadaallada ka dhanka ah tahriibka, si loo badbaadiyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee halis ugu jira safarro sharci-darro ah oo ay ku wajahaan Yurub, Aasiya, iyo Afrika. Sida ay hay’addu sheegtay, “Toddobaadyadii la soo dhaafay, waxaa la hakiyay tiro dhalinyaro ah oo da’doodu u dhaxeyso 18-25 sano, kuwaas oo lagu qabtay iyagoo u socdaalaya qaaradaha Yurub, Aasiya iyo Afrika si sharci-darro ah.” Sidoo kale, saddexdii bilood ee ugu dambeysay ee sanadkan 2025, hay’addu waxay xustay in ay ka hortagtay tahriibka 124 dhalinyaro Soomaaliyeed ah. “Waxaan diiwaan-gelinay in boqolaal dhalinyaro ah ay damacsanaayeen safarro tahriib ah, balse waaxdayadu ay ku guuleysatay in la joojiyo,” ayay tiri hay’adda. Dhinaca kale, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sheegtay in ay wacyigelin ballaaran ka sameyneyso qatarta tahriibka. “Waxaan diyaar u nahay in aan si buuxda u barnaamijyo wacyigelin ah ugu sameyno dhalinyarada, si ay u fahmaan halista socdaalka sharci-darrada ah,” ayay hay’addu ku dartay. Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay ugu baaqday waalidiinta iyo bulshada in ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha amniga, si looga hortago shabakadaha tahriibka ee dhalinyarada Soomaaliyeed halista gelinaya. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta uu magaalada Muqdisho ka furmo kulan u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada. Kulankan, oo ah mid wadatashi ah, waxaa ka qeyb galaya hoggaamiyeyaasha maamullada Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo Hirshabeelle, halka aysan ka qeyb geli doonin Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo xiisad siyaasadeed xooggan kala dhaxeyso dowladda federaalka. Madaxda maamulladan oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la filayaa inay Madaxweyne Xasan Sheekh talo ka siiyaan gogosha uu ku baaqay, taas oo lagu doonayo in lagu xalliyo xiisadda siyaasadeed ee taagan iyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada. Qabsoomidda kulankan waxaa shaaciyay La-taliyaha Arrimaha Dastuurka ee Madaxweynaha, oo sheegay in saacadihii la soo dhaafay uu Xasan Sheekh waday wada-tashiyo uu la yeelanayo madaxda siyaasadda dalka, kuwa xilalka hore u soo qabtay iyo hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada. “Madaxweynaha wuxuu billaabay wada-tashiyo. Maanta wuxuu la kulmi doonaa madaxda dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, iyo Galmudug, wuxuuna kala hadli doonaa gogosha,” ayuu yiri La-taliye Xuseen Sheekh. Kulankan waxaa la filayaa in ay ka soo baxaan talooyin ku saabsan gogosha uu madaxweynaha ku baaqay. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu fidinayo gogol wadatashi, xilli ay muddooyinkii dambe si weyn isku hayeen siyaasiyiinta mucaaradka oo ka biyo-diiddan hannaanka doorasho ee ay Villa Somalia u mareyso Baarlamaanka Soomaaliya. Madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si niyad-sami leh u soo dhaweeyay gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh. Arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli mucaaradka ay muddooyinkii dambe si adag u dhaliilayeen hoggaaminta Madaxweyne Xasan Sheekh.
-
Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo saaka hawlgal u baxay ayaa gaaray qeyba kamid ah togga Miraale gaar ahaanna goobihii saaxiibada Caalamiga ah ku duqeeyeen firxadka mileeshiyaadka Daacish. Ciidamo xooggan oo saaka ku ruqaansaday goobihii lagu ogaa firxadka kooxda Daacish ayaa gudaha u galay qeyba kamid ah togga Miraale halkaasi oo ay dhawaanahan ku socotay duqeynta dhinaca cirka ah ee saaxiibada Caalamiga ah islamarkaana waxay halkaasi ugu tegeen meydad ay ka carareen mileeshiyaadka argagixisada ah. Ciidamada dowladda ayaa goobaha ay gaareen ee togga Miraale ku arkay khasaaraha duqeymaha cirka u geysteen firxadka argagixisada oo ay ku jiraan meydad ku hoos jira godadkii duqeyntu haleeshay waxa sidoo kale halkaasi ciidamadu ugu tegeen keyadkii kooxda ee duqeyntu burburisay. Hawlgalka ciidamadu saaka ka wadaan Miraale ayaa weli socda waxaana go’an isgaarsiinta jiidda hore ee Miraale marka laga reebo isgaarsiinta gaarka ah ee ciidamadu ku wada xiriirayaan sidaasi darteed wixii faahfaahin ka soo kordha dib ayaan idin kala socodsiin. PUNTLAND POST The post Ciidamada difaaca Puntland oo saaka gudaha u galay Miraale oo ay ku dhuumanayeen firxadka kooxda Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Be on the lookout for human traffickers, Garissa youth told
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Youth in Garissa have been warned to be on the lookout for individuals engaging in human trafficking and who are luring unsuspecting individuals into their traps. Source: Hiiraan Online -
Washington, DC – Donald Trump has suggested that Iran may agree to direct talks with the United States despite the intensifying tensions and back-and-forth threats between the two countries. Source: Hiiraan Online
-
Waxa soo baxaaya warar sheegaaya in warqadii uu dhawaan Xasan Sheekh u diray dawladda Maraykanka ee fashilantay ay fikardii warqadaasi xanbaarsanay iyo arinkeedaba uu ka danbeeyay madaxweynaha Djibouti si loogu wiiqo dhaq dhaqaaqa aqoonsi ee dawladda Maraykanku ay doonayso in ay ku aqoonsato Somaliland taasi oo bedelkeeda in dawladda Maraykanka loo ogolaado in uu Maraykanku uu Berbera kaga duulo Xuutiyiinta xaga uu diiday in dalka Jabuuti lagaga duulo, arinkaasi oo uu eedaymo badan kala kulmay. Ilaa hada wax war ahi kama soo bixin kulanka Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Cumar Geele hase ahaatee warar ayaa sheegaaya in Ismaciill Cumar Geele uu doonaayo ama uu wado in Somaliland iyo Somaliyaba lagaga duulo Xuutiyiinta oo uu dagaalka uu qayb ka noqdo si loo diciifiuo aqoonsiga Somaliland. Sidii ku qornayd warqadii fashilantay. Hadaba qoraal uu faafiyay Fahad Yaasiin oo ahaa agaasimahii hore ee hore sirdoonka Somalia ayaa kulankaasi Ismaciil Cumar Geelle iyo Xasan Sheekh ka soo saaray qoraal dayro ah waxana uu ka digay in aanu Xasan Shekh yeelin qordhaha Ismaciil Cumar Geelle ee la galinaayo dagaalka. Waxana uu qoraalkiisu u dhignàa sidani Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin, ayaa soo saaray qoraal ku socda kulanka Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Cumar Geelle oo Jabuuti ku kulmay, wuxuuna qoraalkiisa ciwaan uga dhigay “FADLAN EEDDA IGA DULQAAD.” Fahad ayaa qoraalkan ku soo bandhigay shaki uu ka qabo in kulanka labada Madaxweyne looga hadlayo arrin halis ah oo uusan shaacin waxa ay tahay. “Dowladaha xorta ah ee madaxa bannaan, marnaba ma aqbalaan in dalkooda loo adeegsado hardan dagaal oo aysan qayb ka ahayn.” Agaasimihii hore ee NISA ayaa digniin u diray madaxda qaranka, isagoo ka codsaday in Jabuuti aysan ka aqbalin waxa ay waddo. “Madaxda qaranka waxaan uga digaynaa iney ogolaadaan codsiga Dowladda Jabuuti ee ku dhisan culayska iga dulqaad, oo adiga eedda qaado,” ayuu yiri. Qoraalka Fahad ayaa intaas ku sii daray, “Fariintan waxaa fahmaya Madaxda Qaranka, haddiise la fuliyo codsigaas (Alle kama dhigee) ummadda Soomaaliyeed kolkaas bey wada fahmi doonaan waxaan ka hadlayo, mana doonayo inaan kasii hordhaco, anigoo rajo ka qaba inuu caqligu shaqeeyo.” Fahad Yaasiin ma shaacin waxa ay tahay khatarta uu ka muujiyey codsi uu sheegay in Jabuuti ay waddo oo loo soo bandhigayo Xasan Sheekh, madaxweynaha ayaa safar aan horay loo sii shaacin ku tegay Jabuuti, halkaas oo dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle uu kula kulmay. Qaran News
-
Madaxweynaha Kenya ayaa shaaca ka qaaday sida ay dowladdiisu uga go’an tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhaqaale ee ay la leedahay Soomaaliya, taasoo salka ku haysa horumarinta ganacsiga iyo adkaynta amniga gobolka. Warkan ayaa yimid kaddib markii Madaxweynaha Kenya uu wadahadal dhanka taleefanka ah la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo si qoto dheer uga wada hadlay arrimaha muhiimka u ah labada dal. Madaxweyneyaasha ayaa isla qaatay in labada dal ay xoojiyaan dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo argagixisada iyo khataraha kale ee amni ee ka jira gobolka. Waxay carrabka ku adkeeyeen in la dhiso hab lagu wadaago xogta sirdoonka, lana dardar geliyo iskaashiga ciidamada si looga hortago khataraha amni ee saameynaya gobolka iyo caalamkaba. Madaxweynaha Kenya ayaa hoosta ka xariiqay sida ay dowladdiisu uga go’an tahay inay la shaqeyso Soomaaliya si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida, halka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu muujiyay muhiimadda ay leedahay in labada dal ay yeeshaan xiriir dhow oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta ganacsiga iyo fududeynta isu-socodka ganacsatada labada dal. Waxaa la isla qaatay in la abuuro fursado ganacsi oo dheeraad ah, lana fududeeyo caqabadaha ku hor gudban ganacsiga xuduudaha ka dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya. Madaxweynaha Kenya ayaa xusay in iskaashiga ganacsi ee labada dal uu horseedi karo koboc dhaqaale, taasoo dan u ah shacabka Soomaaliyeed iyo Kenyanba. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, ayaa maanta shirkii Khamiis-laha ahaa ee golaha wasiirrada ku soo bandhigtay warbixin ku saabsan halka ay marayaan howlaha shidaal baarista ee socda iyo caqabadaha jira. Wasaaradda ayaa warbixinteeda ku caddeysay in ka hor dhammaadka sanadkan 2025 la soo gabagabeyn doono shaqada baarista ee loo yaqaan (3D Seismic Survey). Sidoo kale, wasaaradda ayaa warbixinteeda ku sheegtay in sanadkaan inta uusan dhamaan la qorsheynayo in la cayimo ‘goobaha shidaalku ceegaago, looguna gudbo heerka xiga ee qodaalka ceelasha shidaalka.’ Maraakiibta Turkiga ayaa weli ku jira badda Soomaaliya, kuwaas oo shidaal ka baaraya goobo ku aadan degmooyinka Hobyo iyo Ceeldheer ee gobollada Mudug iyo Galgaduud ee Galmudug. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Dowladda Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, oo 10-kii bishii hore wareysi siiyey idaacadii la xiray ee VOA ayaa sheegay in 70% la dhameeyay sahminta shidaalka Soomaaliya, taas oo ka dhigan in badankeedu soo idlaatay shaqadii ka socotay badda Soomaaliya dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay. Wasiir Daahir Shire ayaa sheegay in Soomaaliya ay noqon karto mustaqbalka dhow dal helay shidaal aad u badan, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay sahminta socota inay wada guuleysan doonto, isagoo soo xiganaya injineerrada ku jira shaqada. Dowladda Soomaaliya oo heshiis shidaal baaris kula jirta dowladda Turkiga ayaa sidoo kale albaabada u furtay dowlado kale oo Azerbaijan ay ku jirto, sidoo kale waxay xayeysiin u sameysay xirmooyin hor leh oo shidaal baaris ah, kuwaas oo u tartamayaan shirkado waaweyn oo caalami ah. Kadib sahminta shidaalka maxaa xiga? Marka ay soo dhammaato howsha sahminta, waxaa lagu dhaqaaqi doonaa qodista shidaalka, sida ay qorsheyneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya. Badda Soomaaliya waxaa ku yaalla in ka badan 200 xirmo oo la rumeysan yahay inuu shidaal ka buuxo, kuwaas oo aan badankood sahmin lagu sameyn sababo la xiriira walaaca dhanka amniga iyo khilaafaadka ka jira dalka. Horraantii sanadkii tegay ee 2024 ayay ahayd markii Soomaaliya iyo Turkiga gaareen heshiis lagu sahminayo shidaalka iyo macdanta kale ee badda ku jirta. Dabayaaqadii isla sanadkaas, markabka baaritaanka ee Turkiga, Oruç Reis, ayaa soo gaaray dekedda Muqdisho, wuxuuna ruqaansaday goobaha loo arko inay ku habboon yihiin baarista, si loo sumadeeyo meelaha lagu arko kheyraadka la qorsheynayo in la soo saaro. Marka la helo natiijo la isku halleyn karo, kadib ayaa la guda geli doonaa soo saarista shidaalka, sida uu dhigayo heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga.