-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiir hore oo shaaciyey in Musuq-maasuqa hadda ka jira Soomaaliya uu billaabay Farmaajo Wasiirkii hore qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte ayaa aaminsan in Madaxweyne Farmaajo aysan u furneen waddo uu ku diido musuq-maasuqa ka jira Soomaaliya. Caynte wuxuu qabaa in madaxweynaha hadda talada haya uu yahay shaqsi kusoo baxay hanaanka is-dabamarinta iyo laaluush bixinta mar uu ka qeyb galayay kulan ay soo qaban-qaabiyeen hawlwadeenada Machadka Daraasaadka Hiigsi. Wasiirkii hore wuxuu sheegay in Farmaajo uu laaluush ku bixiyay doorashadii lagu doortay horaantii 2017, sidaas darteed aysan muuqan sabab uu kula dagaalamo musuq-maasuqa. Dhawaan ayey aheyd markii xukunno kala duwan lagu riday hawlwadeeno ka tirsanaa wasaaradaha caafimaadka, kalluumeysiga iyo warfaadinta kuwaas oo lagu eedeeyay musuq-maasuq. “Waxaan arkay rag agaasimayaal ah oo loo heysto lacag ay ka dhaceen wasaaradda caafimaadka, ninka hogaamiya wadanka ayaa bilaabay, aniga waxaan rabaa in qofka uu isaga marka hore nadiif yahay, markaas ayuu wax diidi karaa,” ayuu yiri Caynte. Dhanka kale Cabdiraxmaan Caynte wuxuu carabka ku dhuftay in xukuumadda hadda jirta ay ku fashilantay qeybo ka mid ah hirgalinta heshiiskii London, kuwaas oo ay ugu weyn yahiin dastuurka iyo cod bixinta. Qaran News
-
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ah Sii hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Maanta oo Isniin ah kulan la qaatay mas’uuliyiinta Wasaaradda Difaaca iyo Taliska Ciidamada Milateriga Soomaaliya. Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in Sii hayaha Xilka Ra’iisul wasaaraha Dalka uu kulan la qaatay Madaxda Wasaaradda Difaaca iyo Taliska Ciidanka Milateriga. Kulanka waxaa looga hadlay Dardar-gelinta iyo dhammaystirka Dib u-habaynta Ciidamada sida lagu sheegay Qoraalka xafiiska Sii haya Ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed. PUNTLAND POST The post Sii hayaha Xilka Ra’iisul wasaaraha oo Kulan la qaatay mas’uuliyiinta Wasaaradda Difaaca iyo Taliska Ciidamada Milateriga appeared first on Puntland Post.
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo ballaaran oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada Jubbaland ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo ee gobolka J/Hoose. Howl-galladan ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay illaa 20 ruux oo isugu jira dad ka ganacsanayey Maandooriyaha iyo kuwa isticmaalayey. Taliyaha Booliiska Kismaayo Warsame Axmed Rooble oo la hadlay Wariyeyaasha aya sheegay in u jeedka howl-galka uu yahay mid ay kula dagaalamayaan maandooriyaha. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya inay sii wadi doonaan, si loo xaqiijiyo amniga guud ee magaaladaasi. Kismaayo oo xarun KMG u ah Jubbaland ayaa ka mid ah meelaha sida wey loo xoojiyey amnigeeda, waxaana ka howl-gallada ciidamada ammaanka ee maamulkaasi. View the full article
-
Beerta Xayawaanka Maraykanka oo ay ku qaadatay 114 sano inay raalli gelin ka bixiso wiilka Afrikaana oo ay xayawaan ula dhaqantay? Ota Benga oo haya daanyeer gudaha Mareykanka Ota Benga ayaa sannadkii 1904 laga afduubtay halka maanta loo yaqaano Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, waxaana la geeyay beer lagu xanaaneeyo xayawaanada oo ku taalla dalka Mareykanka si dadku ay ugu daawasho tegaan, weriye Pamela Newkirk, oo wax ka qortay xaaladda wilkan ayaa ka shekeyneysa tobbonaan sanno kaddib sida ay wax u dhaceen. In ka badan muddo qarni ah kaddib markii warbaahinta caalamka ay siyaabo kala duwan uga hadashay wiil yar oo Afrikaan ah oo la geeyay beer lagu hayo daanyeerka si dadku ay u daawasho tegaan, beerta xayawaanka Bronx Zoo oo ku taalla New York ayaa ugu dambeyntii raalli gelin ka bixisay wiilka lagu hayay halkaas. Raalli gelinta ay bixiyeen ururka ilaalinta duur joogta ayaa imaaneysa xilli dunida ay ka socdeen dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dilka ninkii madowga ahaa ee loogu geystay Mareykanka. Agaasimaha ururka ilaalinta duur joogta (WCS) Cristian Samper, wuxuu sheegay in beertaas oo ay maamulaan ay ka go’antahay in si hufan ay u abaarto dhacdadaas oo si weyn ay u baahiyeen warbaahinta Yurub iyo Mareykanka 9-kii bishii September sanadkii 1906-dii, maalin uun kaddib markii Ota Benga lagu soo bandhigay beerta tan iyo markii lasii daayay 28-dii bishii September sanadkii 1906-dii. ‘Wuxuu ahaa shaqaalaha beerta’ Horraantii sanadkii 1906-dii, warqad kasoo baxday beerta xayawaanka ayaa muujineysa in saraakiisha in Ota Benga uu ahaa shaqaalaha beerta xilli la dhaleecenayay dhacdadaas. Ota Benga (Midig) oo la sawiran saaxibadiis, sanadkii 1904 xilli la geeyay bandhig carweed ka dhacay Mareykanka Waa kuma Ota Benga? Waxaa la qabtay bishii Maarso sanadkii 1904-tii, waxaa Congo ka qabtay ganacsade Mareykanka u dhashay oo la yiraahdo Samuel Verner, Inkasta oo aan xilliggaas la ogeyn da’diisa balse waxaa lagu qiyaasay 12 ama 13 jir. Waxaana lagu qaaday markab, waxaa la geeyay New Orleans, sanad kaddib waxaa lagu soo bandhigay goob ku taalla St Louis isaga iyo 8 wiil oo kale. Wuxuu bandhiggaas socday ilaa xilligga qaboobaha, lamana siin wax dhar ah oo ay dhaxanta isaga celiyaan. Bishii September ee sanadkii 1906-dii, waxaa 20 maalmood lagu hayay beerta xayawaanka ee ku taalla New York ee Bronx Zoo, dad fara badan ayaa usoo daawasho tegay. Waddaado kiristaan ah ayaa ka carooday arrintaas, taas waxay horseeday in laga sii daayo beerta, waxaana la geeyay xarun lagu xanaaneeyo agoonta oo uu maamuli jiray nin la yiraahdo James H Gordon. Bishii Jannaayo sanadkii 1910-kii, wuxuu aaday kuleej ay dhigtaan ardeyda madowga ah oo ku yaallay Virginia. Waxaana markii dambe lagu soo warramay in uu lasoo dersay welwel, bishii Maarso sanadkii 1916-kii waa uu is dilay kaddib uu isku dhuftay qori uu qarsanayay, waxaana loo maleynaya in da’diisu ay aheyd 25. Sawir laga soo qaaday Ota Benga sanadkii 1904 Isha: Buugga la qoray nolosha Ota Benga Wargeyska New York Times wuxuu marar badan wax ka qoray xaaladda Ota Benga, markii ugu horreysay 9-kii bishii September 1906-dii, wuxuu cinwaan boggiisa hore ka dhigay “Ninkii duurgalka ahaa oo beerta Bronx Park kula jira daanyeerka” Agaasimaha ururka maamula xaruntan ayaa sheegay “In si weyn ay uga shaleynayaan in dad iyo jiilal badanba ay waxyeelleysay arrintani ama inay horey ay ugu guuldareysteen in si cad ay u dalleeceeyaan dhacdada” Wuxuu sidoo kale cambaareeyay in dadkii aasaasay beerta oo ay kamid yihiin Madison Grant iyo Henry Fairfield Osbor in kaalin weyn ay ka qaateen in Ota Benga la geeyo beerta xayawaanka si loo daawado. Qaran News
-
Jowhar (Caasimada Online) – HirShabelle oo ah maamulkii u dambeeyey ee ka aas-aasmay dalka ayaa ahaatan u diyaar garoobeyso doorashada guud ee maamulkaasi. Xildhibaan Nuur Xaashi oo ka mid ah Mudanayaasha baarlamaanka maamulkaasi oo u warramay Mustaqbal ayaa ka hadlay arrimaha doorashada ee maamulkaasi iyo haddii ay jirto cabsi ay ka qabaan in dowladda federaalka ah ay fara-geliso doorashada HirShabelle. Mr Xaashi ayaa sheegay in aysan cabsi ka qabin fara-gelin toos ah oo uga imaata dowladda dhexe, isaga oo sheegay in kaalinteedu ay tahay kaliya kor joogteynta doorashadaasi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in nidaamka dhismaha uu yahay mid ay ku qanacsan tahay dowladda Soomaaliya, islamarkaana aysan HirShabelle mucaarad aheyn. “Cabsi kama qabno Hir-Shabeelle ahaan in DFS ay farageliso Doorashada, waxa ay kaalin ku leedahay in ay kor joogteyso sida ay wax u socdaan, Nidaamka Dhismaha waa mid ay ku qanacsan tahay Dowladda oo maamulka mucaarad kuma ahan DFS” ayuu yiri Xil. Nuur. Dhinaca kale wuxuu faah faahin ka bixiyey u diyaar garowga doorashada iyo qorshaha uu wada maamulka, isaga oo hoosta ka xariiqay inay si wanaagsan wax u socdaan. “Si wanaagsan ayay wax u socdaan, kaalin dastuuri ah ayay ku leedahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Dhismaha Maamulka, kor joogteyn iyo wax toosin, Hir-Shabeelle Dowladdu uma aragto khatar mucaaradnimo”. ayuu sii raaciyey Xildhibaanka oo ka tirsan Baarlamaanka HirShabelle. Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in laga wada shaqeyo midnimada iyo horumarka maamulkas, si looga gudbo caqabadaha ka jira gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. HirShabelle ayaa dhowaan ku dhaqaaqay guddiga soo xulista baarlamaanka 2-aad ee maamulkaasi, waxaana xigi doono doorashada Madaxweynaha. Isha ayaa si weyn loogu hayaa doorashadaasi, gaar ahaan waxa ay uga duwanaan doonto tii Galmudug oo door muuqda ay ku laheyd dowladda federaalka ah ee Soomaalliya The post HirShabelle cabsi ma ka qabtaa in DF Soomaaliya ay fara-geliso doorashadeeda? first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaaTalaadada berriya oo ku beegan 1-da September 2020 ku wajahan Magaalada Muqdisho, halkaas oo socdaalkii u horreeyay uu ku tegi doono tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Puntland 8-dii January 2019. Madaxweyne Deni iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo isna berri tegi doona Muqdisho, waxay Kulan gaar ah la oo ku saabsan Arrimaha Doorashada Soomaaliya la yeelan doonaan Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto oo dhex-dhexaadinaya iyaga iyo Farmaajo. Deni iyo Axmed Madoobe, waxay sidoo kale Kulan la qaadan doonaan Madaxweyne Farmaajo, waxaana ay ka wada-hadli doonaan Turxaan-bixinta Heshiiskii Dhuusamareeb 3 oo Puntland iyo Jubaland ka maqnaayeen, islamarkaana Qodoba kamid ah ay weli diiddan yihiin. Kulamadaasi kadib, waxa la filayaa in uu Muqdisho ka dhaco Shir ay u dhan yihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, kaas oo looga hadlayo Marxaladda kala guurka ah iyo Hannaanka Doorashada 2020/2021. Sidoo kale, Madaxweyne Deni wuxuu kulamo gaar-gaar ah Muqdisho kula qaadan doonaa qaar kamid ah Safiirada dalalka Shisheeye, oo ay ku jiraan Turkiga iyo Talyaaniga, kuwaas oo uu kala hadlayo Arrimaha Puntland. PUNTLAND POST The post Deni oo Talaadada berriya ku wajahan Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddida doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhammaadka toddobaadkn diwaan-gelin tijaabo ah ka bilaabaya gobollada Hawd iyo Daadmadheedh. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ku bogaadiyey guddida doorashooyinka qaranka Diiwaangelinta casriga ah ee codbiyeyaasha ee tijaabada ah sida uu kusoo qoray barta uu ku leeyahay Facebook “Waxa aan ku bogaadinayaa Komishinka Doorashooyinka Qaranka [KDQ] in ay ka bilaabayaan Arbacada 2da September 2020ka, Gobolka Daadmadheedh Magaala Madaxdiisa Oodweyne iyo Gobolka Hawd Magaala Madaxdiisa Balligubadle Diiwaangelinta casriga ah ee codbiyeyaasha oo tijaabo ah” ayuu yidhi Source
-
(SLT-Laascaanood)-Sheekh Maxamed Shekh Cumar Dirir iyo wefti culimo ah oo uu hogaaminayo oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Sida uu ku soo waramayo wariye Liibaan Axmed Ciise (Liibaan Qaran) oo wakaaladda wararka Somaliland ee solna uga soo warama gobolka Sool, weftiga uu Sheekh Maxamed Shekh Cumar Dirir, hogaaminayo oo ka soo kicitimay gobolka Buuhoodle ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey dulaadka magaalada Laascaanood, kaas oo ay si weyn uga dhexmuuqdeen culimada gobolka Sool iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee magaalada Laascaanood, waxaana halkaas ka hadlay xubno ka tirsan culimada gobolka Sool oo sheegay in ay aad ugu farxsan yihiin in ay halkaas ku soo dhaweeyeen weftiga culimad ah ee uu hogaaminayo Sheekh Maxamed Shekh Cumar Dirir, kana mid ahaayeen Sheekh Xasan Sheekh Cali Warsame, Sheekh Axmed Jaamac Ismaaciil Mire iyo Sheekh Mahad iyo culimo kale. Geesta kale, Sheekh Maxamed Shekh Cumar Dirir, oo halkaas ka hadlay ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta ballaadhan ee loo sameeyey weftigooda, isaga oo intaas raaciyey in ay aad ugu faraxsan yihiin tagitaanka gobolka Sool, oo uu tilmaamay in aanu muddo dhawr iyo toban sannadood ah tagin, wuxuuna Sheekhu alle ka baryey inuu dadka iyo dalkaba inoo barakeeyo. Source
-
Ciidamada Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay soo qabteen askari la sheegay inuu ka tirsanaa xoogga dalka oo dil u geystay qof shacab ah mid kalena dhaawacay. Howlgal ka oo dhacay degmada Dhoobley ayaa lagu soo qabtay askariga la xusay inuu falka geystay, waxaana jirtay inta qabashadu socotay uu dagaal uu dhex maray ciidamada iyo askariga la baadi goobayey. Saraakiisha ciidamada Daraawiishta ayaa sheegay in la hor geyn doono sharciga lana waafajinayo cadaaladda, waxaana muddooyinkii danbe jiray askar dil iyo dhaawac u geysanayo dadka shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Lubnaan)-Madaxweynaha Lubnaan, Misheel Cawn, ayaa ku baaqay in dalkiisa uu qaato nidaamka calmaaniyadda, kaasoo uu ku tilmaamay inuu yahay qaabka keliya ee “lagu ilaalin karo wadaniyadda” isla markaana midnimo dhab ah looga hirgelin karo dalkaasi. Mr Cawn ayaa sheegay in awood qeybsiga ku salaysan diimaha ay dalkaasi ku habooneyd 1980-maadkii, xilligaasi oo uu ka soo baxayay dagaal sokeeye, balse hadda ay caqabad ku tahay horumarka iyo la dagaallanka musuq-maasuqa. Waxa uu ka hadlayay sanad guurada 100-aad ee ka soo wareegtay asaaskii Lubnaanta maanta jirta. Xilalka ugu sarreeya dalkaasi ayaa hadda lagu qeybsadaa qaab diini ah. Misheel Cawn oo madaxweynaha ah waxa uu ka soo jeedaa Masiixiyiinta Lubnaan, halka ra’iisal wasaaraha uu yahay nin Muslim Sunni ah, afhayeenka baarlamaankana laga dhigo qof Muslim Shiici ah. Xukuumaddii uu hogaaminayay ra’iisal wasaare Xasan Diyaab ayaa is-casishay 10-kii August kadib markii uu dekadda caasimadda Beyrut ka dhacay qarax xooggan oo khasaaro badan dhaliyay. Ugu yaraan 200 oo qof ayaa ku dhintay qaraxaasi ka dhashay 2,700 tan oo ah maadada ammonium nitrate, taasoo si ka fiirsasho la’aan ah loogu keydiyay makhaasiin ku yaal dekadda. Tan iyo waagaasi waxaa jiray dedaallo lagu soo dhisayo xukuumad cusub. Wararka ayaa sheegaya in danjiraha Lubnaan u fadhiya Jarmalka, Mustafa Adiib, ay u badan tahay inuu xilkaasi qabto kadib markii uu taageero ka helay dhinacyada ugu muhiimsan siyaasadda waddankaasi. Lubnaan ayaa waxaa haysta dhaqaalo xumo baahsan, oo waxaa cayrtoobay tobanaan kun oo qof. Arintaasi ayaa dhalisay dibedbaxyo ballaaran oo ka dhan ah dowladda. Haddii aanay waxba isbedelin, waxa ay u badan tahay in danjire Mustafa xilkaasi loo magacaabo Isniinta maanta ah. Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa lagu wadaa in isla maanta uu booqdo caasimadda Beyrut, si uu hogaamiyayaasha Lubnaan ugu cadaadiyo inay keenaan isbedal wax ku ool ah. Source
-
(SLT-Dubai)-Markii ugu horreysay taariikhda, waxa saaka lagu wadaa in duulimaad rakaab ah oo ka soo kicitimay Israa’iil uu soo caga dhigto dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, kadib markii labada dal ay caadi ka dhigeen xidhiidhka u dhexeeya. Diyaaraddaasi waxa raaci doona wefti ka socda Israai’iil iyo saraakiil Maraykan ah kuwaasoo gacan ka geystay gaadhidda heshiiska nabadeed. Heshiiskaasi ayaa ah kii saddexaad ee Israa’iil ay la yeelato dal Carbeed. Kalmadda nabad oo ku qoray luuqadaha Carabiga, Ingiriiska iyo Hebrew-ga ayaa lagu xardhay diyaaradda El Al ee ay leedahay Israa’iil. Waxa sii raaci doona mas’uuliyiin ka tirsan Israa’iil kuwaas oo si rasmi ah u furi doona safaaradda dalkooda uu ku yeelanayo Imaaraadka si ay u sahasho isu socodka iyo ganacsiga u dhexeeya labada waddan. Wararka qaar ayaa sheegaya in lataliyaha Madaxweyne Trump ahna wiilka uu soddoga u yahay, Jared Kushner uu hogaamin doono wefdiga. Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa toddobaadkii hore soo afjaray cunaqabateynta ganacsiga ee uu ku hayay Israa’iil. Source
-
Diyaaraddan oo sidday 207 rakaab ah ayaa ku wajahnayd dhinaca dalka Turkiga waxaana ay la kulantay ciladda dhinaca oxygen-ka ah kaddib markii uu gabaabsi ku noqday xilli ay sii galaysay hawada dhinaca Itoobiya. Sida ay sheegeen maamulka hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ee oo aan la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in diyaaraddu ay si nabad ah ku soo cago dhigatay iyadoo eegayaan injineerada Shirkadda duulimaadka si loo hagaajiyo cilladda. “Diyaaradda ayaa waxa ay saacadu marka ay aheyd 1:15 ka duushay garoonka aadan cade ee magaalada Muqdisho waxaana markii ay ku dhaweyd hawada dalka itoobia ku timid cilad hase ahaatee markii dambe waxa ay si nabad ah dib ugu soo laabatay garoonka Aadan Cade iyadoo nabad qabta mana jirto halis hada. Ugu dambeyn diyaaradda ayaa loo hagaajiyay Xiriirka duulimaadka kaddibna ka duushay Garoonka iyadoo kusii jeeda dalka turkiga oo ay hore ugu socotay. Turkish airline oo bilowday duulimaadyo joogto oo ay ku timaado dalka sanadkii 2012-kii, Turkiga ayaa ah saaxiibka ugu awoodda badan oo isticmaalay 1 bilyan oo doolar sanadkii 2011-kii taasi oo isagu jirta gaargaar iyo soo celinta kaabayaasha dalka ee burburay 30-sano kahor. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- TAGS Diyaarada Turkiga Oo Ku Ciladowday Hawada Soomaaliya Ayaa Si Nabad Uga Soo Dagtay Garoonka Muqdisho View the full article
-
(SLT-Washington)-Xilli uu Madaxweynaha Maraykanka galaangal badan ugu jiro Ololihiisa Dib-u-doorashada ayaa waxa uu bilaabay inuu sameeyo Dhacdooyin Mar-la-arag ku ah muddadii uu xilkaasi hayey. Madaxweyne Trump oo malaha Siyaasad ka soo gashay inuu casuumo Saygii hore ee Xildhibaand Ilhaan Cumar ayaa waxa uu kala kulmay Weji-gabax, kadin markii uu Axmed Xersi ka biyo-diiday Qaabilaadaasi. Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ku yidhi: Nin aduunyo joogow maxaa aragti kuu laaban. Madaxweynaha Mareykanka aa casumaad ii soo direy in uu ila kulmo. Rag aan ogahay hadeey fursadaan heli lahaayeen, inteey sawir la soogalaan ey dhihi lahaayeen, waxaan ka wada hadalney arimaha Soomaaliya. Wuu ku mahadsanyahay Madaxweynaha laakiin ma kulmi karno!! Dhinaca kale, Tallaabadda Axmed Xersi ku laalay Casuumaadii Donald Trump ayaa waxa uu War Micno-sameeye ah u noqon karaa Ilhaan Cumar oo iyadu dagaal siyaasadeedkii ugu darnaa kula jirta Madaxweyne Trump oo isaga had iyo jeer Twitter-kiisa soo dhiga Qoraallo uu ku eedaynayo Ilhan Omar oo loo arko inay Trump ku noqotay Laf dhuun gashay oo kale. Source
-
Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku leh xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho. Ajandaha kulanka ayaa ah: 1. Akh 1aad H/Sh adeegyada Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed 2. Akh 2aad ee Sharciga Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada Booliiska Jubbaland ayaa gacanta ku soo dhigay askari shalay gelinkii dambe dil iyo dhaawac ka geystay duleedka degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose. Wararka ayaa sheegaya in askariga oo baxsad ahaa uu la dagaalamay ciidamada ammaanka, balse markii dambe isaga oo dhaawac ah la soo qabtay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in afar qof oo kale ay ku dhaawacmeen is-rasaaseynta dhex-martay labada dhinac. Taliyaha Booliska degmada Dhoobley oo u warramay Shabelle ayaa sheegay in haatan askariga baxsadka la dhigay isbitaalka magaaladaasi, si loogula tacaalo xaaladdiisa. Ammaanka Dhoobley ayaa muddooyinkii la soo dhaafay si aad ah loo xoojiyey, waxaana howl-gallo baaritaano ah ka waday ciidamada Booliiska ee maamulka Jubbaland. View the full article
-
Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah gaaray Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Mas’uulyiintaas waxa hoggaaminaya Wasiir ku xigeenka Duulista Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xirsi Rooble oo ay weheliyaan Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Axmed Macallin Xasan iyo xubno kale. Sidoo kale waxa la socda quburo ajaanib ah oo hay’adda ka la shaqeeya Arrimaha Garoomada Dalka waxaana lagu wadaa in ay indho-indheyn ku sameeyaan xaaladda Garoonka Diyaaradaha Beledweyne ee Ugaas Khaliif. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo gaaray Beledweyne appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Subax-31082020.mp3 View the full article
-
ROME (AP) — Italian officials hastily chartered more ferries Sunday and put other measures into place to fight severe overcrowding at migrant centers on the tiny island of Lampedusa, where the arrival of 450 migrants on a rickety fishing boat triggered protests by islanders. Source: Hiiraan Online
-
600 UPDF personnel receive medals from UN Secretary General
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
MOGADISHU – The Secretary General of the United Nations has awarded medals to over 600 Ugandan Officers and Militants serving under the sixth United Nations Guard Unit (UNGU VI) in Somalia. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Muqdisho ku dhex maraya madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Jubaland iyo Puntland ayaa la filayaa in heshiis cusub looga gaaro doorashooyinka dalka ka dhacaya kadib markii labada madaxweyne goboleed ay diideen heshiiskii Dhuusamareeb 3. Hase yeeshee waxaa shirka Muqdisho ka maqan saddexda madaxweyne goboleed ee Galmudug Axmed Cabdi Qoor Qoor, HirShabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, oo qeyb ka ahaa heshiiskii Dhuusamareeb 3. Haddaba sidee loo gaari doonaa heshiis ay ka maqan yihiin? Xog aan helnay ayaa sheegeysa in shirka Muqdisho ujeedkiisa uu yahay in lagu xaliyo qodobo dhowr ah oo ku jiray Dhuusamareeb 3, oo ay diidan yihiin Jubaland iyo Puntland, kuwaasi oo ay aad isugu hayaan madaxda dowladda federaalka. Qodobadaas waxaa ka mid ah awoodda guddiga madax-banaan ee doorashooyinka, tirada ergooyinka dooranaya xildhibaanada, magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka iyo arrimo kale. Marka ay heshiis buuxa gaaraan madaxweyne Farmaajo iyo Deni iyo Axmed Madoobe, ayaa la filayaa in loo yeero Qoor Qoor, Waare iyo Lafta-gareen kadibna heshiis kale mar qura la wada saxiixo. Tani waa astaan kale oo muujineysa in loolanka siyaasadda Soomaaliya uu u dhaxeeyo oo kaliya madaxweyne Farmaajo oo dhinac ah iyo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo dhinac kale ah, wixii kasoo harana ay labadaas dhinac kala raacsan yihiin. Maxay tahay kaalinta Qoor Qoor, Lafta-gareen iyo Waare? Saddexda madaxweyne goboleed ee kasoo haray Deni iyo Jubaland waa kuwa aan siyaasad ahaan madax banaaneyn, oo saameyntooda siyaasadda Soomaaliya ay aad u yar tahay haddiiba aysan jirin. Tusaale, Lafta-gareen waa madaxweyne ay Villa Somalia keensatay oo dhiig badan loo daadiyey inuu madaxweyne noqdo, sidaas darteedna wuxuu si buuxda siyaasad ahaan iyo aragti ahaan ugu xiran yahay madaxtooyada. Waare oo horey uga mid ahaa isbaheysiga Jubaland iyo Puntland ayaa ugu dambeyn heshiis la galay Villa Somalia, isaga oo dhaafsaday in kursigiisa loo bad-baadiyo iyo dhaqaale, sidaasna ugu biiray xulufada madaxweynaha. Qoor Qoor, waxa uu kursiga ku yimid hab la mid ah Lafta-gareen oo kale. Hase yeeshee markii la doortay kadib, dhowr toddobaad ayuu isu muujiyey inuu yahay madaxweyne go’aan kaligiis qaadan kara, oo madax-banaan, taasi oo uu ku muteystay inuu madaxda dalka oo dhan marti-geliyo oo la aamino. Hase yeeshee, waxay dhammaatay markii la isugu tegay Dhuusamareeb 3, markaasi oo uu iscaddeeyey inuu ka mid yahay xulufada madaxweyne Farmaajo. The post Sababta rasmiga ah ee Qoor Qoor, Waare iyo Lafta-gareen looga reebay shirka Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
-
Duulimaadkii & Rakaabkii ugu horreeyay oo ka soo kicitimay Tel-aviv (Israel) oo Saaka ka degaya UAE+Xoggo kale oo xasaasiya Markii ugu horreysay taariikhda, waxa saaka lagu wadaa in duulimaad rakaab ah oo ka soo kicitimay Israa’iil uu soo caga dhigto dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, kadib markii labada dal ay caadi ka dhigeen xiriirka u dhexeeya. Diyaaraddaasi waxa raaci doona wefdi ka socda Israai’iil iyo saraakiil Maraykan ah kuwaasoo gacan ka geystay gaaridda heshiiska nabadeed. Heshiiskaasi ayaa ah kii saddexaad ee Israa’iil ay la yeelato dal Carbeed. Kalmadda nabad oo ku qoray luuqadaha Carabiga, Ingiriiska iyo Hebrew-ga ayaa lagu xardhay diyaaradda El Al ee ay leedahay Israa’iil. Waxa sii raaci doona mas’uuliyiin ka tirsan Israa’iil kuwaas oo si rasmi ah u furi doona safaaradda dalkooda uu ku yeelanayo Imaaraadka si ay u sahasho isu socodka iyo ganacsiga u dhexeeya labada waddan. Wararka qaar ayaa sheegaya in lataliyaha Madaxweyne Trump ahna wiilka uu soddoga u yahay, Jared Kushner uu hogaamin doono wefdiga. Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa todobaadkii hore soo afjaray cunaqabateynta ganacsiga ee uu ku hayay Israel. Ra’iisal wasaaraha Israa’iil , Benjamin Netanyahu, oo kulan la qaatay lataliyayaal ka tirsan Aqalka Cad oo ka mid ah wefdiga raaci doona diyaaradda, ayaa sheegay in dalkiisa uu wadahadallo qarsoodi ah kula jiro waddamo kale oo Carab ah. Waxa uu sheegay inuu filayo in dalalkaasi ay mari doonaan dhabaha Imaaraadka oo kale, isagoo intaa raaciyay in Falastiiniyiinta aanay hadda kadib lahaan doonin waxa uu ugu yeeray “go’aan qayaxan oo ay ku horjoogsadaan nabadda”. Falastiiniyiinta ayaa si weyn u dhaliilay go’aanka uu Imaaraadka heshiiskaasi ku qaatay iyada oo aan xal laga gaarin colaadda kala dhexaysa Israa’iil Qaran News
-
PORTLAND, Maine — Asha Muse said she likely will feel some comfort knowing that her brother’s killer will soon be sentenced to prison. But it won’t erase the pain her family has endured since her 22-year-old brother Isahak Muse was shot and killed during a fight at his girlfriend’s family home in March 2019. Source: Hiiraan Online
-
Haweeney loo xidhay maxaad isu-qaawisay Haweeney u dhalatay dalka Faransiiska ayaa lagu xiray magaalada Rishikesh ee ku taala waqooyiga dalka hindiya kadib markii ay iska duubtay muuqaal iyadoo qaawan xilli ay ku sugneyd buundada caanka ah ee Lakshman Jhula. Wakaaladda wararka ee AFP ayaa kusoo warrantay in muuqaalka haweeneydan oo qaawan lasoo dhigay baraha bulshada, waxaana haweeneydan lagu eedeeyay inay ku xadgudubtay dhaqanka iyo sharciga dalkaas. Haddii lagu helo dembiga lagu soo eedeeyay waxaa laga yaabaa in lagu xukumo saddex sanoo xarig ah. Buundada oo ku dul taalo wabi ku yaala magaalada Rishikesh ayaa ah goob caan ka ah dalkaas oo ay siyaartaan dadka Hinduuga iyo dalxiisayaasha. Haweeneydan oo lagu soo daayay damiin ayaa booliska u sheegtay in sababta ay isaga duubtay muuqaalka ay tahay sidii ay xayaysiin ugu sameyn lahayd ganacsigeeda dahabka. “Dabcan gudaha dalka Faransiiska, waxa ay sameysay kama ahan wax la dhibsado balse Rishikesh waa goob la siyaarto, gaar ahaan Lakshman Jhula,” sidaas waxaa AFP u sheegay RK Saklani oo ah taliyaha booliska ee saldhigga haweeneydan lagu xiray. Haweeneydan oo ilaa iyo hadda aanan la garaneyni heybteeda ayaa la xiray khamiistii lasoo dhaafay kadib markii booliska lagu wargeliyay muuqaalka. “Markii su’aalaha la weydiinayay waxaa ay qiratay in muuqaalka qaawnida ay iyada duubtay balse waxaa kale oo ay sheegtay in aysan ogeyn in falka ay sameysay uu dembi ka yahay dalka Hindiya, ujeedadeedana waxay ahayd sidii ay sare ugu qaadi laheyd ganacsigeeda,” sidaas waxaa warbaahinta gudaha ee dalkaas u sheegay sarkaal kale oo katirsan booliska. Dhageysiga dacwadda loo heysto haweeneydan Faransiiska ayaa laga yaabaa in ay qaadato muddo bilo ah. Qaran News
