Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Habeen-3182020.mp3 View the full article
  2. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ahna Gudoomiyaha Guddiga Maamulka Maaliyadda Dr. Cabdirahman Ducaale Beyle ayaa soo gudbiyay warbixinta afaraad ee Maamulka Maaliyadda. Warbixintu waxay qiimeyneysaa horumarada ay ku talaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xoojinta maamulka maaliyadda intii u dhexeysay Luuliyo 2019 ilaa iyo Juun 2020. Sidoo kale waxay soo bandhigeysaa ahmiyadaha maamulka maaliyadda ee uu Guddiga Maamulka Maaliyadda aaminsan yahay inay u baahan yihiin in wax laga qabto sanadaha soo socda si loo xoojiyo dadaalada dowlad dhisidda iyo si looga faa’iideysto guusha laga gaaray deyn cafinta. Warbxinta Maamulka Maaliyadda ee 2020 waxaa lagu soo kordhiyay cutub si gaar ah diiradda u saaraya mid ka mid ah arrimaha maamulka maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ujeeddada cutubkaan ayaa ah in si qoto dheer looga hadlo mowduuca la soo xulay iyadoo si faahfaahsan loo qeexayo xaaladda haatan jirta iyo in la eego wax ka baxsan waqtiga halka sano ee warbixinta caadiga ah, si looga barto casharo, loona ogaado caqabadaha joogtada ah ee hortaagan horumarka iyo dib-u-habeynta lagama maarmaanka ah. Arrinta ay warbixinta 2020 diiradda saareyso waa iibka guud iyo qandaraasyada oo ah arrin aad muhiimad gaar ugu lah guddiga tan iyo intii aasaasay 2014 ki. Qodobada ugu muhiimsan ee warbixinta 2020 waxaa ka mid ah horumarka laga gaaray soo bandhigidda heshiisyada iyo qandaraasyada guud, ururinta iyo maamulka dakhliga, maareynta maaliyadda iyo kharashaadka guud, iyo abaabulka taageerada Hay’adda Caalamiga ah ee Maaliyadeed. Sido kale warbixnta 2020 waxay soo bandhigeysaa afar arrimood oo oo u baahan mudnaan dheeri ah la siiyo laba iyo tobanka bilood ee soo socda: In la aasaaso, la xoojiyo, lana dhiso awooda hay’adaha kormeerka si ay u qabtaan hawlaha iibka guud iyo qandaraasyada; In la dhiso wacyiga saamileyda ee sharciga iibka guud; In la dhiso khibrad farsamo iyo awooda loogu talagalay hoggaaminta, ama kaqeyb qaadashada hannaanada iibka guud; iyo in la joogteeyo kobcinta xeerarka iibka guud iyo qandaraasyada. Muddo xileedka Guddiga Maamulka Maaliyadda waxaa u ku egyahay Juun 2021. Waqti u kordhinta guddiga waxaa ku xirnaan doontaa heshiis u dhexeeya xukuumadda iyo beesha caalamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Sii hayaha xilka Ra’iisul Wasaarada Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa manta kulan la qaatay madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo hoggaannada ciidamada Qaranka. Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda difaaca Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Ammar-dambe) Sii hayaha Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga mudane Maxamed Cali Xagaa, Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka , Jenaraal; Odowaa Yuusuf Raage iyo qaar ka mid ah saraakiisha hoggaanka qeybaha dalka ayaa waxaa looga hadlay dar-dar gelinta iyo dhammaystirka dib u habaynta ciidamada. Eeeg Sawiradda Kulankii Mahdi Guuleed Iyo Hoogaanka Ciidanka Xoogga Dalka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Hargeisa (PP News Desk) — The Somaliland Minister for Telecommunications and Technology Dr Abdiweli Sheikh Abdullahu today unveiled a state of the art equipment to manage telecommunication signals and control radiation from telecom masts. Attended by cabinet members, business leaders and representatives from telecom companies, the event began with a speech of Minister Abdiweli Sheikh Abdullahi, who said the Ministry had procured the equipment in response to complaints from the public about radiation from telecom masts. Dr Abdiweli: The new equipment is realisation of our dream. “The equipment will also improve the quality of telecommunication services. The process to procure the equipment is a dream that had come true” said Abdiweli. Abdiweli said the equipment “will enable the Ministry to go to any place where people complain of higher radiation levels. We will investigate if a company is accused of increased radiation levels from telecom masts.” Somaliland Minister for Interior Mohamed Kahin commended Telecommunications and Technology Ministry for procuring an equipment that will contribute to the health and safety of the public who raised the alarm about higher radiation levels from telecom masts in Somaliland. © Puntland Post, 2020 The post Telecom Mast Radiation Control Equipment Unveiled in Hargeisa appeared first on Puntland Post.
  5. (SLT-Burco)-Eng. Faarax Yuusuf (Faarax Xadhigle) oo ka mid ah Guddida Horumarinta Gobolka Togdheer ayaa sheegay in la musuqay in ka badan 14-Milyan oo Dollar oo xukuumaddii hore ugu talo-gashay in lagu dhiso Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Burco isaga oo sheegay in gabi ahaanba lacagtaasi la waayay meel ay martay iyo cidda qaadatay toona, waxaanu xusay in Madaarka Burco muddo 10 sano ah Faarax Xadhigle oo ka hadlayay xaflad lagu qabtay Magaalada Burco ayaa sheegay in la musuq maasuqay lacagta xaddigaasi le’eg oo xukuumaddu ugu talo gashay in lagu dhiso Madaarka Magaalada Burco balse gabi ahaanba aan lacagtaasi lahayn , waxaanu baaq u diray dhammaanba Bulshada Gobolka Togdheer oo uu ugu baaqay in ay iyagu isku tashadaan oo aanay xukuumad iyo cod kale toona waxba ka sugin ee ay dhistaan Madaarkooda. Eng. Faarax Yuusuf (Faarax Xadhigle) oo arrimahan ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Garoonkii Diyaaradaha ee Magaalada Burco waad ogtihiin in uu xidhan yahay. 14 Milyan oo Dollar baa la innoo soo daayay. La waaa’. La Waa’. Maanta haddii aynu ragannimo leenahay 14-kaa Milyan ee Dollar innaga Burco ah ayaa bixin karna. Waxaad ogaydeen in Biriijka Burco aynu innagu bixinay. Boqol bay dawladdu innagu darsatay. Jaamacadda Burcona sidaasi si le’eg bay ahayd. Waxba dawladdu nama ay siin ee maskaxdayada iyo Aqoontayada ayaanu ku shaqaynay. 14-kaa Milyan haddii aad ku xisaabtantaan. 500 oo kun oo qof haddii aynu bixinno mid waliba 28 Dollar. Aniga, adiga iyo dhammaanteen haddii aynu bixino waa 24-kii Milyan ee Dollar. Markaasna eeriboodhkii waan dhisannay. Laakiin dawlad aynu wax ka sugno iyo arrimahaasi way soo hadheen. Burco iyagaa waligeedba wax qabsan jirtay ee aynu ku dhaqaaqno”. Ayuu yidhi Eng. Faarax Yuusuf (Faarax Xadhigle) Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa wakhtigeedii waxa lacago badan loo ururiyay Madaarka Magaalada Burco oo ay doonaysay in ay dib u furto balse kuma ay guulaysan xukuumadihii kala dambeeyey ee Madaarkaasi hawl galo waxaana wakhtigan kaliya Somaliland ka shaqeeya Madaarka Hargeysa iyada oo ay dhammaanba madaarrada magaalooyinka kale xidhan yihiin. Waxaanay marar badan shacabka reer Burco dhaliillo ugu soo jeedinayeen xukuumadaha KULMIYE ee kala dambeeyey sida ay ugu fashilantay dib u furista Madaarka Magaalada Burco. Halkan Ka Daawo Hadalka Faarax Xadhigle: Source
  6. Saddex qof ayaa ku geeriyooday dhowr kalena waa ku dhaawacmeen laba qarax oo kale duwan oo maanta ka dhacay magaalooyinka Abu Dhabi iyo Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, sida ay sheegeen booliska iyo warbaahinta gudaha. Xafiiska warbaahinta ee dowladda Abu Dhabi ayaa sheegay in laba qof ay ku dhinteen qaraxa caasimadda, oo wargeyska The National uu sheegay inuu ka dhacay maqaayadaha Hardees iyo KFC ee waddada Rashid bin Saeed. Waddadan ayaa ah waddada weyn ee tagta garoonka diyaaradaha, halkaasi oo ay yimaadeen saraakiil sare oo Mareykan iyo Yahuud ah, ayada oo ay tagtay diyaaraddii ugu horreysay ee kasoo baxda Israa’iil ee timaada Imaaraadka. Booliiska ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay konteenar uu ku jiray gaaska loo adeegsado guryaha oo si qaldan loo maamulay xilli dib loo buuxinayey. Hase yeeshee xaqiiqda ah in qaraxa uu ka dhacay waddada garoonka, oo la filayey inay soo maraan sarakaiil Mareykan iyo Yahuud ah ayaa shaki badan abuuray, waxaana soo baxay su’aalo la xidhiidha in qarax uu aha amid miino. Illaa iyo hadda ma jiro wax caddeymo ah oo muujinaya in qaraxa uu ahaa mid la xidhiidha safarkaas, hase yeeshee hadal haynta arrintaas ku saabsan ayaa ka taagan baraha bulshada. Imaaraadka Carabta ayaa laba toddobaad ka hor noqday dalkii ugu horreeyey ee ka mid ah kuwa Khaliijka oo xidhiidh la yeesha Israa’iil. Dhinaca kale, magaalada Dubai ayaa la sheegay inuu ka dhacay qarax kale oo ka dhashay Gaas, kaasi oo hal qof u uku dhintay. Source
  7. Muqdisho ( Caasimadda Online) – Xafiiskii VISA-ha Turkey ee Muqdisho (MZ VISA) ayaa gebi ahaanba la xiray maanta sababo la xiriiro khilaaf ka dhashay shaqaale ka yimid magaalada Hargeyso oo halkaas la geeyey. Sida ay ogaatay Caasimada Online, sababta loo xiray xafiiska ayaa ah kadib markii mas’uul ka tirsan safaaradda Turkiga qeybta Hargeysa uu xafiiskaas keensaday shaqaale tiro badan taasina ay keentay inay ka horyimaadaan maamulka shirkadda MZ VISA ee xafiiska Muqdisho. Mas’uulka ka tirsan Safaaradda Turkiga qeybta Hargeysa oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa raba inuu xafiiskan ku wareejiyo shaqsiyaad kale oo ka tirsan Xafiiska MZ VISA ee Hargeysa ee caasimadda Maamulka Somaliland. MZ VISA ayaa ah shirkad si gaar ah loo leeyahay, waxaana iska leh nin u dhashay dalka Turkiga oo qandaraas ka haysta safaaradda Turkiga ee Muqdisho, waxaana tan iyo markii shirkaddaan la sameeyey la joojiyey dadkii sida toos ah u tagi jiray Safaaradda. Xafiiska VISA-ha Turkey ee Muqdisho ayaa ahaa xafiis ay codsiyadooda geystaan dadka doonaya inay helaan fiisooyinka Turkiga qeybihiisa kala duwan, waxaana hadda xayiran shaqadaas kadib qalalaaso iyo fooda ka dhacday habka shaqada ee Xafiiskaas. Xirnaanshaha Xafiiska ayaa saameyn ku yeeshay dad badan oo doonayey inay codsiyo geystaan MZ VISA kuwaas oo ay ku jiraan kuwa xanuunsan oo ku jiro xaalado deg deg ah. Safaaradda Turkiga ee Muqdisho weli kama aysan hadlin isku dhaca ka jira Xafiiska loo soo marin jiray codsiyada Viisooyinka, waxayna xogta aan heleyno sheegeysaa inuu kulan u socdo sii hayaha xilka Ra’isulwasaraha Soomaaliya Mahdi Guuleed oo kasoo jeedo Hargeysa iyo Safiirka Turkiga ee Muqdisho Mehmet Yılmaz. The post Maxay tahay sababta loo xiray xafiiskii VISA-ha Turkey ee Muqdisho (MZ VISA)? first appeared on Caasimada Online.
  8. Taliska ciidamada Booliiska Jowhar ayaa maanta magaaladaasi ku soo bandhigay Aabe habeen hore wiilkiisa ku riday webiga Shabelle, kadibna la soo qabtay. Aabaha oo lagu magacaabo, Muxumed Dhaayow oo ay haatan gacanta ku hayaan ciidanka ammaanka ayaa ka hadlay sababta ku kaliftay inuu wabiga ku tuuro wiilkiisa, wuxuu sheegay in uu bartay waxyaabaha maanka dooriya, sidoo kalana uu naftiisa kala cabsaday. Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in dhowr jeer uu dhibaato u geystay dadka daris ah, islamarkaana uu maare u waayey. Dhacdadan oo ay si weyn uga argagaxeen dadka deegaanka ayaa si aad ah looga hadal hayaa magaalada Jowhar, waxaana weli socda baaritaano ay wadaan laamaha amniga. View the full article
  9. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ahna Gudoomiyaha Guddiga Maamulka Maaliyadda Dr. Cabdirahman Ducaale Beyle ayaa soo gudbiyay warbixinta afaraad ee Maamulka Maaliyadda. Warbixintu waxay qiimeyneysaa horumarada ay ku talaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xoojinta maamulka maaliyadda intii u dhexeysay Luuliyo 2019 ilaa iyo Juun 2020. Sidoo kale waxay soo bandhigeysaa ahmiyadaha maamulka maaliyadda ee uu Guddiga Maamulka Maaliyadda aaminsan yahay inay u baahan yihiin in wax laga qabto sanadaha soo socda si loo xoojiyo dadaalada dowlad dhisidda iyo si looga faa’iideysto guusha laga gaaray deyn cafinta. Warbxinta Maamulka Maaliyadda ee 2020 waxaa lagu soo kordhiyay cutub si gaar ah diiradda u saaraya mid ka mid ah arrimaha maamulka maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ujeeddada cutubkaan ayaa ah in si qoto dheer looga hadlo mowduuca la soo xulay iyadoo si faahfaahsan loo qeexayo xaaladda haatan jirta iyo in la eego wax ka baxsan waqtiga halka sano ee warbixinta caadiga ah, si looga barto casharo, loona ogaado caqabadaha joogtada ah ee hortaagan horumarka iyo dib-u-habeynta lagama maarmaanka ah. Arrinta ay warbixinta 2020 diiradda saareyso waa iibka guud iyo qandaraasyada oo ah arrin aad muhiimad gaar ugu lah guddiga tan iyo intii aasaasay 2014 ki. Qodobada ugu muhiimsan ee warbixinta 2020 waxaa ka mid ah horumarka laga gaaray soo bandhigidda heshiisyada iyo qandaraasyada guud, ururinta iyo maamulka dakhliga, maareynta maaliyadda iyo kharashaadka guud, iyo abaabulka taageerada Hay’adda Caalamiga ah ee Maaliyadeed. Sido kale warbixnta 2020 waxay soo bandhigeysaa afar arrimood oo oo u baahan mudnaan dheeri ah la siiyo laba iyo tobanka bilood ee soo socda: In la aasaaso, la xoojiyo, lana dhiso awooda hay’adaha kormeerka si ay u qabtaan hawlaha iibka guud iyo qandaraasyada; In la dhiso wacyiga saamileyda ee sharciga iibka guud; In la dhiso khibrad farsamo iyo awooda loogu talagalay hoggaaminta, ama kaqeyb qaadashada hannaanada iibka guud; iyo in la joogteeyo kobcinta xeerarka iibka guud iyo qandaraasyada. Muddo xileedka Guddiga Maamulka Maaliyadda waxaa u ku egyahay Juun 2021. Waqti u kordhinta guddiga waxaa ku xirnaan doontaa heshiis u dhexeeya xukuumadda iyo beesha caalamka. View the full article
  10. Mudanaayasha Golaha Shacabka BJFS ayaa Maanta ansixiyey hindise-Sharciyeedka Qareenada Soomaliyeed. Kulanka ay Goluhu yeesheen ayaa waaxaa Shir Guddominaya Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Guddomiye Ku Xigeenka Koowaad, Cabduweli Sheekh Ibraahim Muuddey. Hindise-sharciyeedkan ayaa waxaa oggalaatay 139 Mudane, waxaa diiday 2 xildhibaan, iyadoo cid ka aamustayna aysan jirin. dhanka kale mudanayasha ayaa ka doodaya 1-akhrinta 1aad ee hindise-sharciyeedka hay’adda baaritaanka iyo sharciyadda beeraha soomaliyeed. 2-akhrinta 2-aad ee hindise-sharciyeedka hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha soomaliyeed. 3-qeybinta dib u eegista miisaaniyadda 2020-ka ee golaha shacabku ansixiyey. View the full article
  11. Mogadishu (HOL) - Jubbaland and Puntland leaders are expected to hold electoral talks with President Mohamed Farmaajo tomorrow as the two leaders make way to Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  12. Jowhar (Caasimada Online) – Aabe wiilkiisa ku dilay magaalada Jowhar ayaa sharraxay sababta ku kaliftay inuu geysto falkaan argagaxa leh xilli uu gacanta ugu jiro ciidanka Booliska magaalada Jowhar. Muxumed Dhaayow Aadan oo ay gacanta ku hayaan ciidanka booliska ayaa sharraxay sababta ku kaliftay inuu wabiga ku tuuro wiilkiisa oo lugaha iyo gacmaha ka xiran. Aabaha wuxuu sheegay in wiilkiisa uu bartay waxyaabaha maanka dooriya, sidoo kalana uu naftiisa kala cabsaday. “Waan qabtay waan xir-xiray kadibna wabiga ayaan ku tuuray, waxa igu kalifay inaan dilo waxey tahay wuxuu noqday cabtooy, wuxuu halis galiyay nafteyda iyo maalkeyga, 9 sac oo mid irmaan ah ku jirto ayuu iga qashay, dariska wuu ka dhameeyay xoolahii, wax uu dhaafaayo maba jirin, waan daalay, sidii aan hanti uga gudaayay, markii dambe wuxuu bilaabay af xumo iyo waan ku tumaa, habeen hore ayaan qabtay, waan xir-xiray, wabiga ayaana ku tuuray” ayuu yiri Muxumed Dhaayow. Waa markii labaad oo ay magaalada Jowhar marqaati u noqoto aabe dilay wiilkiisa, dhawaan ayey aheyd markii aabe uu wiilkiisa oo 14-jir ah gowracay. Wiilka wabiga lagu riday waxaa da’diisa lagu sheegay 20-jir. The post Aabehii wiilkiisa wabiga ku tuuray oo sharxay sababta ku kaliftay falkan argagaxa leh first appeared on Caasimada Online.
  13. A peace agreement between Sudanese leaders and a coalition of rebel groups was formalised at a ceremony in neighbouring South Sudan on Monday. Source: Hiiraan Online
  14. Wafdi uu horkacayay sii ahayaha wasir kuxigenka wasarada gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Xirsi Aadan Rooble oo uu wehliyo mareeyaha guud ee hay’ada dulista rayidka ee Soomaaliya Axmed Macalin Xasan ayaa maanta tagay magaalada Beledweyn. Mas’uuliyiinta ayaa waxaa ay ku warejiyeen maamulka gobolka Hiraan qalabka isgarsinka diyaradaha lagu hago iyo shaqale ay so taba bartay hay’ada duulista rayidka ee Soomaaliya kuwaas oo ka howlgali doona garonka diyaradaha ugaas Khalif ee Beledweyn. Wararka ayaa sheegaya in la dhagaxdhigay garoonka si dib u dhis loogu sameeyo jidka diyaaradaha, kaas oo marar badan dhibaato ka dhalatay. Garoonka diyaaradaha Beledweyne waxaa dhawaan ku burburtay diyaarad shixnad u waday ciidanka AMISOM,waxaana loo aaneeyay cilad dhinaca garoonka ah. Garoonka Beledweyne ayaanan hore u lahaayn shaqaale ku xiran hay’ada duulista Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Qaraxyo dhimasho & Burbur Hantiyeed Koobsaday oo ka dhacay Abu-dubai & Dubai (UAE) xilli ay tageen wefuud Israel & Mareykan isagu jira Saddex qof ayaa ku geeriyooday dhowr kalena waa ku dhaawacmeen laba qarax oo kale duwan oo maanta ka dhacay magaalooyinka Abu Dhabi iyo Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, sida ay sheegeen booliska iyo warbaahinta gudaha. Xafiiska warbaahinta ee dowladda Abu Dhabi ayaa sheegay in laba qof ay ku dhinteen qaraxa caasimadda, oo wargeyska The National uu sheegay inuu ka dhacay maqaayadaha Hardees iyo KFC ee waddada Rashid bin Saeed. Waddadan ayaa ah waddada weyn ee aada garoonka diyaaradaha, halkaasi oo ay yimaadeen saraakiil sare oo Mareykan iyo Yahuud ah, ayada oo ay tagtay diyaaraddii ugu horreysay ee kasoo baxda Israel eetimaada Imaaraadka. Booliiska ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay konteenar uu ku jiray gaaska loo adeegsado guryaha oo si qaldan loo maamulay xilli dib loo buuxinayey. Sase yeeshee xaqiiqda ah in qaraxa uu ka dhacay waddada garoonka, oo la filayey inay soo maraan sarakaiil Mareykan iyo Yahuud ah ayaa shaki badan abuuray, waxaana soo baxay su’aalo la xiriira in qarax uu aha amid miino. Illaa iyo hadda ma jiro wax caddeymo ah oo muujinaya in qaraxa uu ahaa mid la xiriira safarkaas, hase yeeshee hadal haynta arrintaas ku saabsan ayaa ka taagan baraha bulshada. Imaaraadka Carabta ayaa laba toddobaad ka hor noqday dalkii ugu horreeyey ee ka mid ah kuwa Khaliijka oo xiriir la yeesha Israel. Dhinaca kale, magaalada Dubai ayaa la sheegay inuu ka dhacay qarax kale oo ka dhashay Gaas, kaasi oo hal qof u uku dhintay. Qaran News
  16. Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey Golaha Hindishe-Sharciyeedka Qareenada Soomaliyeed. Codbixinta golaha ka dhacdau waxaa ogolaaday 139 Mudane , waxaana diiday 2, wax ka aamusay ma jirin sida la soo werinayo. Dhanka Kale Mudanayasha Ayaa Ka Doodaya: 1-Akhrinta 1aad ee Hindise-sharciyeedka Hay’adda Baaritaanka Iyo Sharciyadda Beeraha Soomaliyeed 2-Akhrinta 2-aad ee Hindise-Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Soomaliyeed 3-Qeybinta Dib U Eegista Miisaaniyadda 2020-ka ee Golaha Shacabku Ansixiyey Kulanka Ayaa Waxaa Shir Guddominaya Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Iyo Guddomiye Ku Xigeenka Koowaad Mudane Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Waxa aan ku bogaadinayaa Komishinka Doorashooyinka Qaranka [KDQ] in ay ka bilaabayaan Arbacada 2da September 2020ka, Gobolka Daadmadheedh Magaala Madaxdiisa Oodweyne iyo Gobolka Hawd Magaala Madaxdiisa Balligubadle Diiwaangelinta casriga ah ee codbiyeyaasha oo tijaabo ah. pic.twitter.com/haKsHCKFmG — Cabdiraxmaan Cirro (@CirroSL) August 30, 2020 Qaran News
  18. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Saddex qof ayaa ku geeriyooday dhowr kalena waa ku dhaawacmeen laba qarax oo kale duwan oo maanta ka dhacay magaalooyinka Abu Dhabi iyo Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, sida ay sheegeen booliska iyo warbaahinta gudaha. Xafiiska warbaahinta ee dowladda Abu Dhabi ayaa sheegay in laba qof ay ku dhinteen qaraxa caasimadda, oo wargeyska The National uu sheegay inuu ka dhacay maqaayadaha Hardees iyo KFC ee waddada Rashid bin Saeed. Waddadan ayaa ah waddada weyn ee aada garoonka diyaaradaha, halkaasi oo ay yimaadeen saraakiil sare oo Mareykan iyo Yahuud ah, ayada oo ay tagtay diyaaraddii ugu horreysay ee kasoo baxda Israel eetimaada Imaaraadka. Booliiska ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay konteenar uu ku jiray gaaska loo adeegsado guryaha oo si qaldan loo maamulay xilli dib loo buuxinayey. Sase yeeshee xaqiiqda ah in qaraxa uu ka dhacay waddada garoonka, oo la filayey inay soo maraan sarakaiil Mareykan iyo Yahuud ah ayaa shaki badan abuuray, waxaana soo baxay su’aalo la xiriira in qarax uu aha amid miino. Illaa iyo hadda ma jiro wax caddeymo ah oo muujinaya in qaraxa uu ahaa mid la xiriira safarkaas, hase yeeshee hadal haynta arrintaas ku saabsan ayaa ka taagan baraha bulshada. Imaaraadka Carabta ayaa laba toddobaad ka hor noqday dalkii ugu horreeyey ee ka mid ah kuwa Khaliijka oo xiriir la yeesha Israel. Dhinaca kale, magaalada Dubai ayaa la sheegay inuu ka dhacay qarax kale oo ka dhashay Gaas, kaasi oo hal qof u uku dhintay. The post Qaraxyo IMAARAADKA ka dhacay xilli ay tageen wafdi Yahuudi iyo Mareykan ah first appeared on Caasimada Online.
  19. Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay soo celinta ammaanka Soomaaliya kaligeed ku bixisay $ 5.3 bilyan 20-kii sano ee lasoo dhaafay. Ku simaha safiirka mareykanka ee UN-ka, Cherith Chalet, ayaa hadalkaan ka hor jeedisay golaha amaanka, iyadoo timaamtay in lacagtaan faraha badan iyo natiijooyinka ka soo baxa Soomaaliya aysan haba yaraatee isu dhigmin. “Mareykanku wali wuxuu adeegsanayay duqeymo isagoo rajeynayay inuu ku dhufto shakhsiyaadka muhiimka ah ee Shabaab– Hase yeeshee waxaa shaki la’aan ah in tallaabooyinka milatari aanu ahayn xalka kaliya ee looga guulaysan karo argigixisada Alshabab,” ayuu tiiri Cherith Chalet. Maraykanka waxaa uu walaac xoogan ka muujiyay lacagaha canshuuraha lasiiyo Alshabaab, isagooo tusaale usoo qaatay weerarkii ugu dambeeyay ee Al-shabaab ku qaadeen hotel Elite, sheegayna in dhaqalaha weerarkaas lagu abaabulay uu yahay canshuurka Shabaab ay ka qaadaan xarumaha ganacsiga. Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sii wada tababarada ciidamada Soomaaliya iyo howlgalada duqeymo cirka ah. Sanadkaan 2020, Taliska Mareykanka ee Afrika wuxuu qaadday 46 weerar oo cirka ah si loo yareeyo qatarta Al-Shabaab. Mareykanka, ayaa qorsheynaya inuu xalliyo istiraatiijiyadooda lagu xoojinayo Soomaaliya, isagoo adeegsandoona wadiiqooyin kale. View the full article
  20. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Kolmaan oo 30 KM u jira degmada Diisoor ee gobolka Baay. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada huwanta ay weerar ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada, waxaana xigay iska hor imaad u dhexeeyey labada dhinac. Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalkaasi ay khasaare ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, islamarkaana ay ka dileen illaa 2 xubnood, sidoo kalena ay ka dhaawaceen tiro kale. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhankooda uusan soo gaarin wax khasaare ah, islamarkaana ay sii wadi doonaan howl-gallada ay ka wadaan hakaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa dhaq-dhaqaaqyo milatari ka waday gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
  21. Sii-hayaha wasiir ku xigeenka wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada ee xukumadda federaalka Soomaaliya Xirsi Aadan Rooble iyo maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa sa wadijir u dhagax dhigay dhismaha cusub ee qeybta baarista garoonka ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne. Munaasabadda oo ka dhacday gudaha garoonka waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socday wasiiradda dowlad goboleedka Hirshabeelle Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo masuuliiyin kale oo kala matalayay heer gobol,Degmo iyo qeybaha bulshada. Dhismaha qeytaan maanta la dhagax dhigay ayaa ka mid ah baahiyaha garoonka maadaama uusan laheyn dhisme lagu baaro dadka sido kale waxaa lagu soo bandhigay shaqaalle loo tababar maamulka garoonka . Arrintaa ayaa ka dambeysay kaddib markii 14 julay ee sanadkaan 2020 ay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne ku gubatay Diyaarad laga lahaa dalka Kenya kana soo duushay dalka Jabuuti taasi oo raashin u siday ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howl-galka midowga Africa ee Amisom. Wafdigaan ee uu hogaaminayay sii hayaha wasiir ku xigeenka wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya xirsi aadan rooble ee saakay gaaray Baladweyne ayaa waxaa ku wehlinayay maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan sidoo kale waxaa qeyb-ka ahaa quburo ajaanib ah uu hay’adda kala shaqeeyaan arrimaha hormarinta garoonmada dalka. View the full article
  22. Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta gabi ahaan Al-Shabaab ay isaga baxeen degmada Ceel-Buur oo ka tirsan gobolkaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay faarujiyeen dhammaan fariisimihii ay ku lahaayeen magaaladaasi. Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib dhaq-dhaqaaqyo culus oo ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay ka sameeyeen deegaano badan oo ka tirsan gobolka Galgaduud. Ceel-Buur ayaa waxaa muddo ka talinayey Al-Shabaab, waana magaallo istaraatiiji ah oo ku taalla bartamaha Soomaaliya. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo halkaasi. View the full article
  23. Tan iyo markii hogaaminta uu ka tagay guddoomiyihii kooxda Elman Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje) horaantii sanadkan 2020 waxaa warar kala duwan oo soo baxaya ay sheegayaan in mudane Garooje oo ka mid noqondoono musharaxiinta u tartamaysa hoggaaminta Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ee 20202,waxaana talabadaas soo dhaweeyay saaxiibada iyo dadka ku dhaw isaga. “Waa ku kalsoonahay qibrada iyo aqoonta dhinaca ciyaaraha ee Mr.Garooje,wuu ka soo bixi karaa maamulista xafiisyada kala duwan ee Xiriirka Kubbadda cagta dalka,tan waa talaabo uu horay u qaadan isaga iyo saaxiibada la shaqeeya,balse waxaan ka sugaynaa in uu hergeliyo hadafkiisa soo aadan” waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Ibraahim Cabdimajiid Axmed oo ka mid ah saaxiibada aad ugu dhaw guddoomiyihii kooxda kubbadda cagta Elman Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooj(e. Daawo Ibraahim Cabdimajiid Ayaa Dhiiri-geliyay Go’aanka Guddoomiye Garooje https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/08/whats-3.mp4 Sidoo Kale Aqriso Xog Ku Saabsan Waxqabadkii Guddoomiye Garooje Muxuu Guddoomiyihii Hore Kooxda Elman Isku casilay W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com