Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland, ayaa laashay Kaabis iyo wax ka beddel lagu sameeyey Xeerka nidaamka garsoorka dalka, kaasoo ay cabasho ka soo gudbiyeen madaxda Maxkamaddaha Rafcaanku. Sidaasi waxa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Maxkamadda sare ee JSL ,kaasoo u dhignaa sidan:- Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay 27/08/2020 u fadhiisatay go’aan ka gaadhista cabashada Guddoomiyayaasha Maxkamaddaha Rafcaanada dalka JSL, taasi oo ay u soo gudbiyeen Maxkamadda Dastuuriga ah ee JSL taariikhdu markay ahayd 05/08/2020. Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalku markay aragtay cabashada Guddoomiyayaasha Maxkamaddaha Rafcaanada dalka JSL, ee nuxurkeedu yahay “ Cabasho dabaqid la’aan wax ka badalka iyo kaabista xeerka nidaamka Garsoorka xeer Lr.24/2020 ”, waxay si qoto dheer u daristay qodobada uu ka kooban yahay xeerku. Maxkamadda Dastuuriga ahi waxa ay garwaaqsatay gal-daloolada ku jira xeerkan oo ay ka mid tahay in isagoo ah xeer wax ka badal iyo kaabis xeer hore u jiray, haddana la siiyay tilmaan iyo sumad (sannad cusub) lagana dhigay xeer cusub kaasi oo ah xeer lr.24/2020, halkii uu ka ahaa xeer lr. 24/2003, Maxkamadda waxa u soo baxday in xeerkan gabi ahaanba aan la dabaqi karin, qodobada uu ka kooban yahay awgii, kuwaasi oo habsami u socodkii shaqada Garsoorka ku abuuray jaha-wareer. Maxkamadda Dastuuriga ah ee JSL waxa u cadaatay in qodobada ku jira xeerkani ay ka hor imanayaan Dastuurka JSL, sida ku cad qodobka 6aad faqradiisa 1aad oo siinaya awoodii Garsoorka cid kale kana hor imanaysa qodobka 97aad, faqradiisa 1aad ee Dastuurka JSL, waxa kale oo Maxkamadda u cadaatay in xeerkani ka hor imanayo xeerarka dhaqan-galka ah ee JSL sida xeerka madaniga, xeerka habka madaniga, xeerka ciqaabta guud, xeerka habka ciqaabta, xeerka garsooka caruurta iyo xeerka shaqaalaha dawladda, geesta kale waxa Maxkamadda u cadaatay in xeerkani macno tiray habsami u socodkii shaqada Garsoorka, nuxurkii erey-bixinta shuruucda ee Garsoorku ku shaqaynayay, taasi oo ay ka mid tahay “Garsoore tababare ah” oo ku xusan qodobka 67aad iyo in xeerkani gabi ahaanba meesha ka saarayo xeerarkii kale ee dhaqan galka ahaa ee uu Garsoorku ku shaqaynayay, taasi oo ku cad qodobka 96aad. Qodobada dhantaalaya xeerkan waxa ka mid ah qodobka 13aad faqradiisa 3aad oo jidaynaya in xukunka soo saarista lagu saleeyo xukun hore Maxkamad uga soo baxay oo la mid ah, qodobkaasi waxa uu khilaafayaa qodobka 38aad, faqradiisa koobaad oo sheegaya in awooda xeer-dejinta JSL ay gaar u tahay Baarlamaanka oo ka kooban laba gole oo kala ah Wakiilada iyo Guurtida. Maxkamaddu markay aragtay qodobada 97, 98 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, daristayna dhammaan asbaabaha sare ku xusan ee ku saabsan xeer Lr. 24/2020, waxa ay soo saartay qaraarkan soo socda Maxkamadda Dastuuriga ah ee JSL. 1.Waxa ay aqbashay codsiga Guddoomiyayaasha Maxkamaddaha Rafcaanada Dalka JSL ay u soo gudbiyeen Maxkamadda Dastuuriga ah, ee ku taariikhaysan 05/08/2020. 2.Waxa ay laashay gabi ahaanba wax ka badalka iyo kaabista xeerka nidaamka garsoorka xeer Lr.24/2020, maadaama oo uu ka hor yimid Dastuurka JSL iyo xeerarkii kale ee dalka JSL. 3.Waxa dhaqan gal ah xeerkii hore ee nidaamka Garsoorka JSL, ee hore loogu dhaqmi jiray, illaa inta uu badalayo xeer kale oo Dastuurka JSL waafaqsan. 4.Qaraarkani wuxuu soo baxay 27/08/2020. Source
  2. Siihayaha wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiyada sare la shaacin doono asbuuca soo aadan. Wasiirka ayaa xusay in hadda uu soo gabagaboobay sixitaankii lagu waday imtixaanka lana dejinayo maalmahaan natiijada arday ay kala yimaadeen imtixaankii ay galeen, maadaama ardaygu ogaanayo natiijada isaga jooga guriga. ” Waxaan rajaynaynaa sitimaankaan soocda gudihiisa, weliba maalmihiisa hore aan shaacino natiijadii, waxaan rabaa inaan idiin kugu bishaareeyo in marka laga hadlaayo natiijada soo dhajiskeeda in maanta uu soo afjarmay sixitaankii wixii haray in ay tahay natiijadii abaabulkeedii iyo system-ka la geliyo si qof weliba isaga oo gurigiisa jooga uu natiijadiisa u helo intaas waa intaas” ayuu yiri siihayaha wasaradda waxbarashada Goodax Barre,. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. (SLT-Muqdisho)-Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay Odayaal dhaqan u diidday in ay soo galaan Magaalada Hargeysa, waxaana la sheegay in Odayaashu ay doonayen xalinta arrimo la xadhiidha sii daynta dhalinyaro ku xidhan Xabsiyo ku yaalla Hargeysa oo sida la sheegay loo haysto danbiyo ay galeen raggaasi dhalinyarada ah. Odayaal dhaqan oo uu hoggaaminayey Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad ayaa la sheegay in ay Xukuumadda Somaliland ay u diidday inay soo galaan Magaalada Hargeysa kadib markii diyaaraddii Muqdisho ka qaadi laahyd amar lagu siiyay in ayna soo qaadi karin Odayaashaas, waxaana Odayaashu ay sheegeen in Shirkadda iska leh diyaaradda ay raaci lahaayeen lagu cabsi galiyay in ayna Mar danbe ka shaqayn doonin degaanada Somaliland haddii ay soo qaaddo Odayaasha doonayay in ay Hargeysa u soo duulaan. Muxuddiin Xasan Afrax oo ka mid ah Odayaasha loo diiday in Hargeysa u soo amba-baxaan ayaa sheegay in qorashahoodu ahaa sidii ay ula soo xaajoon lahaayeen Odayaasha dhaqanka ee mid ka mid ah beelaha Somaliland, waxaana uu sheegay arrimo la xadhiidha dilal ay gaysteen rag kasoo jeeda Beelaha Soomaaliya ay doonayeen in ay kala soo xaajoodaan dambiyada ay gaysteen, ayna la ballansanaayeen Odayaashaas, balse waxaa uu intas ku daray in ay u muuqato in arrinta ay soo faragalisay xukuumadda Somaliland oo diiddan sida uu sheegay wada hadalka dhex maray labada dhinac ee Odayaal dhaqameedyada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. Dagaal u dhexeeya Al-shabaab iyo Ciidamada Milateriga Kenya ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in uu fiidnimadii Xalay ka dhacay Degaanka Qooqaani ee Gobolka Jubada Hoose. Dagaalka ayaa sida la sheegay bilowday kadib markii malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay madaafiic ku garaaceen Saldhiga Ciidamada Kenya ee Qooqaani kaas oo Ciidamada kenya kaga jawaabeen Hubka culus. Wararku waxay sheegayaan in Dagaalkaas uu wakhti kooban socday inkastoo aan faahfaahin laga helin Khasaaraha kala gaaray dhinacyada dagaallamay. Dagaalka ayaa ku soo beegmay saacado kadib weerarkii Al-shabaab ku qaadday Degaanka Baar-sanguunni ee Gobolka Jubada Hoose halkaas oo Ciidamada Jubaland ay xarumo ku leeyihiin. PUNTLAND POST The post Al-shabaab iyo Ciidamada Kenya oo ku dagaallamay Qooqaani appeared first on Puntland Post.
  5. Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Madaxa Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM Francisco Madera. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen Xiriirka AMISOM iyo Galmudug iyo qodobadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb 3 ee Arrimaha Doorashada Soomaaliya. Sidoo kale Qoraalka waxa lagu sheegay in Mudane Ciid uu mas’uuliyiinta AMISOM kala hadlay sidii loo xoreyn lahaa Dgaanadda Galmudug ee ay haystaan Al-shabaab islamarkaana Galmudug looga gacan-siin lahaa Amniga. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo la kulmay Francisco Madera appeared first on Puntland Post.
  6. UN World Food Programme (WFP) has been forced to reduce its food and cash assistance for refugees in Eastern Africa by up to 30 per cent, the agency has said, voicing fears that the reductions could worsen in the coming months unless urgent additional funding is received in time. Source: Hiiraan Online
  7. George Floyd’s deadly Memorial Day encounter with the Minneapolis Police began when a rookie officer approached his car. Source: Hiiraan Online
  8. President Miguel Diaz-Canel on Saturday ratified the Cuban Government's efforts to bring the doctors kidnapped in Kenya in April 2019 home. Source: Hiiraan Online
  9. The violent riots in Malmö over night on Friday prompted by videos of far-right protesters burning the Koran divided Muslims in the city, but there are fears the incidents will only deepen tensions, writes Richard Orange. Source: Hiiraan Online
  10. New York (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya QM Abuukar Daahir Cusmaan “Abuukar Baalle” ayaa eedeyn culus u jeediyey islamarkaana ashtako ka muujiyey xafiiska QM ee Soomaaliya UNSOM iyo sida uu dalka uga howlgallo. Abuukar Baalle, oo khudbad ka jeediyey kulankii Golaha Ammaanka QM ee sharciyadda ka howl-galka Soomaaliya loogu kordhiyey UNSOM, ayaa ku eedeeyey xafiiska QM inuu noqday mid ka falceliya oo kaliya xaaladdii markaas un taagan, oo aan lahayn awood uu taageero siyaasadeed iyo mid farsamo ku siiyo ajendooyinka muhiimka u ah dib u dhiska Soomaaliya. “Inkasta oo ay jiraan dhammaan horumarada ay sameysay dowladda federaalka sanadihii dhowaa, xafiiska UNSOM wuxuu u muuqdaa inuu isu beddelayo hab aan la jaanqaadi karin dadaallada iyo guulaha muuqda ee dowladda federaalka Soomaaliya ay sameyneyso. Tani waxay horseeday in waxqabadka howlgalka [UNSOM] uu noqdo mid ka falceliya kaliya dhacdooyinka, oo awood aad u yar u leh inuu taageero siyaasadeed iyo mid farsamo siiyo dadaallada aas-aasiga u ah ajandooyinka dhismaha dowladeed ee Soomaaliya,” ayuu yiri Abuukar Baalle. “Dadaallada dib u dhiska ee aan ka wadno Soomaaliya, waa inay noqdaan kuwa ay Soomaaliya hoggaamiso, oo loo arkaa kuwa ay Soomaaliya hoggaamiso, sidaas darteed, waxaan ku baaqeynaa in la dhowro madax-banaanida Soomaaliya, waxaana ka digeyntaa faro-gelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka.” Abuukar Baalle ayaa sidoo kale sheegay in la gaaray waqtigii dib u eegis lagu sameyn lahaa sharciyadda xafiiska UNSOM uu kaga howlgalo Soomaaliya, ayada oo ujeedku yahay in laga dhigo howlgal ka jawaabi kari isbedellada deg degga ah ee ka dhacaya dalka, islamarkaana la jaanqaadi kara ahmiyadaha Soomaaliya, xilligan muhiimka ah. Waxa uu sidoo kale ku baaqay in warbixinada xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya ee mar lasoo saaro rubac sanadeed kasta ay noqdaan kuwa ay ku jiraan warbixino kooban oo aan lagu faah-faahin dhacdooyin gaara ah, balse ay noqdaan kuwa diiradda saara, oo taxliiliya arrimaha waa weyn, soona jeediya talooyin iyo go’aano. The post DF oo weerar culus ku qaaday xafiiska UNSOM, dalbatayna isbeddel lagu sameeyo first appeared on Caasimada Online.
  11. Doorashooyinkii Somalilaan u qabsoomay 29 -kii Sanadood ee la soo dhaafay waa taariikh xusuusteeda leh oo diiwaanka gashay. 1- Doorashadii shir-beeleedka ee Boorama ka dhacday sanadkii 1993 waxaa is soo sharaxay Mahamed haji ibrahim Cigaal, Abdirahman Aw Ali tuur ( AHN), Omar Carte Qaalib iyo Ahmed Mohamed Halac. Waxaana madaxweyne loo doortay oo ku guuleystay marxuun Mohamed haji Ibrahim Cigaal ” AHN”. Madaxweyne Cigaal wuxuu Somalilaan kala dabaashay waqti aad u adag oo ahaa waqtigii ugu adkaa ee abid Somalilaan soo mara xag colaadeed iyo xag dhaqaale xumo labadaba. 2- Doorashadii shirbeeleedka ee Hargeisa ka dhacday 1997 Waxaa is soo sharaxay; Mohamed Haji Ibrahim cigaal, Mohamed hashi cilmi iyo Saleebaan Mohamoud Adan (salebaan gaal) Waxaana goobtaa madaxweyne loogu doortay Mohamed Haji Ibrahim Cigaal.(AHN) halkaas oo Madaxweyne Cigaal uu tiirarka dawladnimo u taagay dawladnimada Somalilaan oo uu waqtigaa u sameeyey Dastuur, Xeerar iyo xeegaano ku saleysan habka xisbiyada badan ee maanta dalka ka jira. -Taariikhdu marka aheyd 31 May 2001 ayaa aftidii Dastuurka ee gooni isu taaga Somalilaan la qaaday, shacabka reer Somalilaan ayaa 97.1% waxay u codeeyeen in Somalilaan gooni isu taagto oo xornimadeedii kala soo noqoto dawladii Somaliya si ay Somalilaan u noqoto dal ka go’ay Somaaliya oo aan ka tirsaneyn Dawlada Federaalka noqotay ee Somaaliya. 3- 15 kii December 2002 – Waxaa dhacday doorashadii ugu horeysay ee golayaasha degaanka oo ka tartamay 6 urur siyaasadeed, waxaana doorashadaa ku soo baxay sadex Xisbi qaran oo kala ahaa : Udub, Ucid iyo Kulmiye. 4- Doorashadii madaxtooyada ee dhacday sanadkii 2003 taas oo aheyd doorashadii JSL ugu horeysa ee ku dhacda hal qof iyo hal cod. Waxaana isa soo sharaxay Dahir Riyale Kaahin, Faysal Ali Waraabe iyo Ahmed Mohamoud Siilaanyo, Waxaana 80 cod ku helay Daahir Riyale Kaahin. kadib markii ay kala heleen 42.90% Dahir Riyaale , 42 .10 % Ahmed Mohamoud Siilaanyo iyo 15 % Faysal Ali Waraabe helay. Doorashadan waxaa taariikhda loogu duugay in Ahmed Siilaanyo oo ay dabada ka wadaan mucaaridkii abid ugu adkaa Somalilaan in uu Daahir Riyaale u tanaasulo oo yidhaahdo kelmeda dhaxalka u gashay ee uu yidhi ” Kursi Dhiig ku daatay ku fadhiisan maayo “ 5- 29/9/ 20005 : Waxaa dhacday doorashadii Baarlamaanka waxaana u tartamay 246 musharax oo u tartamayey 82 kursi ku waas oo ka kala sharaxnaa 6-da Gobol ee Darajada A ah. Musharaxiintaasi waxay ka kala socdeen 3-da Xisbi qaran waxaana ay kuraasta u kala heleen sidan: Udub = 33 Xildhibaan. Ucid = 21 xildhibaan. Kulmiye = 28 xildhibaan. 6- Doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 2010 oo aheyd doorasho hal cod iyo hal qof ah, Waxaa tartamay Daahir Riyale Kahin, Ahmed Siilaanyo iyo Faysal ali Waraabe; Waxaana boqolkiiba 49.50 % ku guuleystay Ahmed mohamoud Siilaanyo. Dahir Riyaale wuxuu helay 33.23 %. Faysal Ali Waraabe wuxuu helay 17.18 % . 7- 15/11/2012 – Waxaa dhacday Doorashadii 2-aad ee Goleyaasha degaanka ee Somalilaan: Waxaa tartamay 7 urur Siyaasadeed oo kala ahaa Rays, Ummada, Xaqsoor, Dalsan, Wadani, Ucid iyo Kulmiye.Waxaa ka qayb galay 2368 musharax oo u tartamay 379 kursi. waxaana ku soo baxay sadexda xisbi qaran ee Wadani, Ucid iyo Kulmiye. 8- Doorashada madaxtooyada ee dhacaday 13/11/17 waxaa tartamay Faysal Ali Waraabe, Abdirahman Mohamed Ciro iyo Muse Biixi Abdi waxaana ay guushu raacday Muse biixi Abdi oo ku helay cod aqbaliyad ah oo 55.1% ah, Abdirahman Ciro wuxuu helay 40.73%, Faysal Ali Waraabe wuxuu helay sidii caadada u aheyd tirada ugu yar codadka oo ah 4.17% , ka dib markii laga dhawaajiyey in doorashadaas ay ku gedaamnaayeen mugdi iyo mad-madow fara badani, ayaa Abdirahman Ciro laga guntay odhaahda ah ” umaan tanaasulin Muse Biixi Abdi ee dalkeygu damacayga ku burburimaayo dhiigna ugu daadan maayo” 9- Waxaa maanta fadeexad qaawan ku ah Dimuqraadiyadii curdinka aheyd ee Somaalilaan ku taameysay mudada dheer iyada oo sadexdii Gole doorasho uu waqtigoodii iyo maandheytkoodiiba uu dhamaaday oo ay mudo kordhin kuraasta ku fadhiyaan: Golaha Baarlamaanka Somalilaan waxaa la doortay 28/9/2005 si ay 5 sanadood oo keliya kuraasta ugu fadhiyaan waxaana ay mudo dhaafeen 11 sanadood .Golaha Guurtida Soomalilaan waxaa la doortay 1997 si ay kuraasta ugu fadhiyaan 6 sandood oo keliya waxaana ay mudo dhaafeen 23 sanadood oo dhaxaltooyo ayey kuraastoodu iyaga noqotay. Golaha Degaanka Somalilaan waxaa la doortay Nofember 2012 si ay kuraasta ugu fadhiyaan 5 sanadood oo keliya waxaana ay mudo dhaafeen 3 sandood, ku waas oo maanta kuraasta ugu fadhiya sife qayrul sharci ah. Hadaba Su’aasha qarnigu waxay tahay Doorasho ma ku dhacaysaa sanadka soo socday bishiisha May 2021, Boowe Jawaabtu idinka lee waaye !! Dimuqraadiyadu maaha Doorasho kuraasta laysku bedelo markii la doono ee Dimuqraadiyadu waa ka qaybgalka guud, metelaada guud, go’aan qaadasho isku dheeli tiran iyo in danaha guud ee ummadda la wadareeyo oo laga hor mariyo danaha gaarka ah. Xalka Somaalilaan maanta waa in la helaa Nimaad iyo System shaqeeya oo ummadda kala haga. Xukuumadana waxaa looga fadhiyaa in ay iswaafajiso Caqiidadeeda Siyaasadeed iyo dhaqanka Dimuqraadiyada Doorashooyinka Somalilaan, si doorashadu waqtigeeda ugu qabsoonto Waa in xukuumadu xalisaa xurgufta siyaasadeed ee ka taagan Saami qeybsiga kuraasta Golaha Wakiilada iyo Kootooyinka Haweenka iyo beelaha laga tirade badan yahay. Alleh ayaa Mahad Leh, Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs) Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq, Qalinkii :A/rahman fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD BA United Kingdom London Qaran News
  12. Beirut (Caasimadda Online) – Mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan dalka Lubnaan ayaa hadal meel ka dhac ku ah Soomaaliya ka sheegay taleefishin Turkish ah, xilli uu ka hadlayey xaaladda liidata ee dalkiisa uu ku sugan yahay. Marwan Hamadeh, oo dhawr wasaaradood kasoo noqday wasiir, sidoo kalana noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee is-casilay kadib qaraxii lagu hoobtay ee ka dhacay Beirut ayaa sheegay in Lubnaan ay noqon doonto Soomaaliya cusub. Isaga oo wareysi siinayey talafashinka TRT, ayaa Marwan Hamadeh wuxuu sheegay in haddii aan hay’addaha garsoorka la siin fursad ay ku ciribtiraan musuqmaasuqa ay Lubnaan la heer noqon doonto Soomaaliya. Dhawaan Midowga Yurub ayaa hindisay qorshe ay ku faragalinayaan jahawareerka siyaasadeed ee ka jira Lubnaan, waana qorshe uu taageeray Marwan Hamadeh oo 80-jir ah. Marwan wali kuma qanacsana taageerada Midowga Yurub, wuxuuna dareemayaa in la maxkamadeeyo qof walba oo ku eedeysan dhibaatadii dhacday oo ay ku jiraan wasiiro iyo garsooreyaal maxkamadeed. Hay’adda Transparency waxey sanadkii 2019 sheegtay in Soomaaliya ay kaalinta koowaad kaga jirto wadamada ugu musuq-maasuqa badan dunida, inkasta oo su’aalo ay ka taagan yihiin habka loo sameeyo qiimeyntaas. Hogaamiyeyaasha dalal badan oo Carab ah ayaa mar kasta oo ay ka hadlayaan ama ka digayaan in dalkoodu ku dhaco xaalad halis ah waxay tusaale usoo qaataan Soomaaliya. The post Marwan Hamadeh oo meel uga dhacay SOOMAALIYA first appeared on Caasimada Online.
  13. Rabshadaha ayaa ka dhashay nuqul kitaab Qur’aan ah oo lagu gubay xaafada Rosengård, halkaas oo ay ku badan yihiin dad ka soo galootiga ah ee dalkaasi ku aan u dhalan. Jimcihii hore ayay bilaysku ka horjoogsadeen siyaasiga midigta ee Dhaanishka ah ee Rasmus Paludan inuu ka soo qaybgalo bandhig ahaa gubitaanka kitaabka qur’aan ah. Taageerayaashiisa ayaa se hawshoodii hore isaga sii watay. Sida oo kale waxa la soo tebiyey in la arkay saddex nin oo nuqul Qur’aanka ah ku dhex tuuraya meelo fagaare ah. Booliska Sweden ayaa Mr Paludan dib ugu celiyey xadka, iyagoo sheegay inuu jiro ganaax labo sano ah oo uusan soo geli karin dalkan. Madaxa xisbiga midigta-fog ee Stram Kurs (Hard Line) xisbiga ayaa hal bil oo xarig ah loogu xukumay dambiyo badan oo uu ka mid yahay cunsuriyad ka dhacday Denmark horaantii sanadkan. Waxaa lagu xukumay inuu soo dhigo muuqaallo lid Islaamka ku ah barahiisa bulshada. Qaran News
  14. NEW YORK (HOL) - Somalia has called for reform of the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) noting that the UN body was no longer responsive to the changing environment in the country. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa iska ilaalinaya laba arrin oo cawaaqib siyaasadeed aan wanaagsaneyn ku yeelan kara, haddii uu magacaabo ra’iisul wasaaraha cusub ayada oo aan laga gudbin labadaas qodob, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia u sheegeen Caasimada Online. Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa la filayaa in la magacaabo marka laga heshiiyo habka doorashada dalka oo u xayiran madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, oo la filayo inay Muqdisho yimaadaan toddobaadkan. Shirka ay Muqdisho ku yeelanayaan labada madaxweyne goboleed iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa laga filayaa heshiis siyaasadeed oo la xiriira doorashada, waxaana kadib la magacaabi doonaa ra’iisul wasaaraha cusub. Madaxweynaha ayaan dooneyn inuu magacaabo ra’iisul wasaare ka hor heshiiska doorashooyinka dalka laba sabab dartood. 1 – Madaxweynaha wuxuu doonayaa inuusan raiisul wasaaraha cusub wax kaalin ah ku yeelan doodda doorashada, uuna xilka qabto ayada oo taas heshiis laga gaaray oo shaqadiisa ay tahay oo kaliya inuu fuliyo, si uu oga fogaado khilaaf la mid ah kii Xasan Cali Kheyre xilka looga qaaday. Hase yeeshee tani waxay sidoo kale miiska jaanngoynta siyaasadda Soomaaliya ka saareysa beesha Mogadishu Clan oo ra’iisul wasaaraha ay tahay in laga soo magacaabo. 2 – Madaxweynaha wuxuu hadda haystaa xulufo ka kooban, xildhibaano, guddoonka baarlamanka, qabiilo iyo maamul goboleedyo oo dhinac kasta uu isku dayayo inuu kaalin ku yeesho magacaabista ra’iisu wasaaraha. Haddii uu ra’iisul wasaare ku dhowaaqo ayada oo aan doorashada laga heshiin, wuxuu weyn karaa dhinacyo badan oo uu u baahan yahay iminka, sidaas darteedna wuxuu doonayaa inuu magacaabo ra’iisul wasaaraha xilli uusan garabkooda usii baahneyn. Labadan cayaar siyaasadeed ayaa ka socota Villa Somalia, waxayna dhammaan doonaan oo kaliya marka heshiis rasmi ah laga gaaro doorashada dalka. The post Magacaabista ra'iisul wasaaraha cusub: Madaxweyne Farmaajo oo iska ilaalinaya laba arrin first appeared on Caasimada Online.
  16. Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa dib ugu soo laabtay maanta Muqdisho kadib safar shaqo oo ay ku tageen magaalada Sama-reeb ee xarunta Galmudug. Guddomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Mowliid Xuseen Guhaad, Senataro, Xog-hayaha Guud ee Aqalla Sare ayaa wafdiga ku soo dhaweeyay Garoonka Adan Cabdule Cusmaan ee magaalada Muqdisho. Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magaalada Samapreeb uga qayb-galay munaasabada furitaanka kal-fadhiga 2-aad Baarlamaanka Galmudug, waxaana goob joog ka ahaa Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) Sanataro, Wasiiro, maamulka caasimada galmudug iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Qubanaha-Shabelle-29082020.mp3 View the full article
  18. Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Mudane Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta guddoomiyey shir loogga doodayey sharciga Laysimada Ganacsiga oo muddooyinkii dambe ay gacanta ku haysay Wasaaraddu sidoo kalena soo maray maraaxil kala duwan oo iskugu jira la-tashiyo laga la soo sameeyey ganacsatada, sharci-yaqaanada iyo hay’adaha dawladda. Shirkan oo ay ka soo qeyb-galeen La-taliyeyaasha iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, ayaa ugu horreyn, waxa aad loogga ga dooday qodobo ka mid ah sharcigaasi oo muhiim ah kuwaas oo ay mas’uuliyiinta Wasaaraddu ka talo-bixiyeeen. Waxa kale oo halkaas la isku raacay in maadaama uu sharcigu dhammeystiran yahay si deg-deg ah loo saxar-tiro loona gudbiyo Golaha Wasiirada XFS si marka dambe na looggu gudbiyo Baarlamaanka Soomaaliya. Sharcigan, ayaa ahmiyad weyn u leh ganacsiga, waxaana uu rasmi ka dhigayaa Ganacsiga iyada oo uu kor-u-qaadayo kalsoonida macaamilka. ilaalinta xuquuqda macaamilka iyo danta ganacsatada iyo macaamilkooda. Sidoo kale, wuxu ka hor-tagayaa in laga ganacsado cunto, alaab, badeeco ama daawo dhacday, halawday ama la dhalan-rogay. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  19. MAXKAMADDA DASTUURIGA AH EE JAMHUURIYADDA SOMALILAND OO LAASHAY WAX KA BADALKA IYO KAABISTA XEERKA NIDAAMKA GARSOORKA XEER LR.24/2020. Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay 27/08/2020 u fadhiisatay go’aan ka gaadhista cabashada Guddoomiyayaasha Maxkamaddaha Rafcaanada dalka JSL, taasi oo ay u soo gudbiyeen Maxkamadda Dastuuriga ah ee JSL taariikhdu markay ahayd 05/08/2020. Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalku markay aragtay cabashada Guddoomiyayaasha Maxkamaddaha Rafcaanada dalka JSL, ee nuxurkeedu yahay “ Cabasho dabaqid la’aan wax ka badalka iyo kaabista xeerka nidaamka Garsoorka xeer Lr.24/2020 ”, waxay si qoto dheer u daristay qodobada uu ka kooban yahay xeerku. Maxkamadda Dastuuriga ahi waxa ay garwaaqsatay gal-daloolada ku jira xeerkan oo ay ka mid tahay in isagoo ah xeer wax ka badal iyo kaabis xeer hore u jiray, haddana la siiyay tilmaan iyo sumad (sannad cusub) lagana dhigay xeer cusub kaasi oo ah xeer lr.24/2020, halkii uu ka ahaa xeer lr. 24/2003, Maxkamadda waxa u soo baxday in xeerkan gabi ahaanba aan la dabaqi karin, qodobada uu ka kooban yahay awgii, kuwaasi oo habsami u socodkii shaqada Garsoorka ku abuuray jaha-wareer. Maxkamadda Dastuuriga ah ee JSL waxa u cadaatay in qodobada ku jira xeerkani ay ka hor imanayaan Dastuurka JSL, sida ku cad qodobka 6aad faqradiisa 1aad oo siinaya awoodii Garsoorka cid kale kana hor imanaysa qodobka 97aad, faqradiisa 1aad ee Dastuurka JSL, waxa kale oo Maxkamadda u cadaatay in xeerkani ka hor imanayo xeerarka dhaqan-galka ah ee JSL sida xeerka madaniga, xeerka habka madaniga, xeerka ciqaabta guud, xeerka habka ciqaabta, xeerka garsooka caruurta iyo xeerka shaqaalaha dawladda, geesta kale waxa Maxkamadda u cadaatay in xeerkani macno tiray habsami u socodkii shaqada Garsoorka, nuxurkii erey-bixinta shuruucda ee Garsoorku ku shaqaynayay, taasi oo ay ka mid tahay “Garsoore tababare ah” oo ku xusan qodobka 67aad iyo in xeerkani gabi ahaanba meesha ka saarayo xeerarkii kale ee dhaqan galka ahaa ee uu Garsoorku ku shaqaynayay, taasi oo ku cad qodobka 96aad. Qodobada dhantaalaya xeerkan waxa ka mid ah qodobka 13aad faqradiisa 3aad oo jidaynaya in xukunka soo saarista lagu saleeyo xukun hore Maxkamad uga soo baxay oo la mid ah, qodobkaasi waxa uu khilaafayaa qodobka 38aad, faqradiisa koobaad oo sheegaya in awooda xeer-dejinta JSL ay gaar u tahay Baarlamaanka oo ka kooban laba gole oo kala ah Wakiilada iyo Guurtida. Maxkamaddu markay aragtay qodobada 97, 98 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, daristayna dhammaan asbaabaha sare ku xusan ee ku saabsan xeer Lr. 24/2020, waxa ay soo saartay qaraarkan soo socda Maxkamadda Dastuuriga ah ee JSL. 1. Waxa ay aqbashay codsiga Guddoomiyayaasha Maxkamaddaha Rafcaanada Dalka JSL ay u soo gudbiyeen Maxkamadda Dastuuriga ah, ee ku taariikhaysan 05/08/2020. 2. Waxa ay laashay gabi ahaanba wax ka badalka iyo kaabista xeerka nidaamka garsoorka xeer Lr.24/2020, maadaama oo uu ka hor yimid Dastuurka JSL iyo xeerarkii kale ee dalka JSL. 3. Waxa dhaqan gal ah xeerkii hore ee nidaamka Garsoorka JSL, ee hore loogu dhaqmi jiray, illaa inta uu badalayo xeer kale oo Dastuurka JSL waafaqsan. 4. Qaraarkani wuxuu soo baxay maanta oo ay taariikhdu tahay 27/08/2020. qoralkan waa nuxurkii asbaabaha ay Maxkamaddu u cuskatay qaraarka laalista xeerka nidaamka Garsoorka isagoo faahfaahsan waxa laga helayaa qaraarka ay Maxkamadda Dastuuriga ahi soo saartay. Qaran News
  20. Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa asnixiyey qorshe lagu hakinayo kaalmada dibadeed ee Mareykanka uu siiyo Ehiopia, sababo la xiriira muranka dalkaas kala dhaxeeya Masar iyo Sudan ee la xiriira biyo-xireenka ay ka sameyneyso webiga Nile, waxaa sidaas weriyey wargeyska Foreign Policy. Ciqaabtan ayaa waxay saameyneysaa qiyaastii 130 milyan oo dollar oo ah kaalmada dibedda ee Mareykanka uu siiyo Ethiopia, waxaa sidaas wargeyska Foreign Policy u sheegay sarkaal Mareykan ah. Sarkaalka ayaa sheegay in tani ay saameyn karto kaalmada amniga, ka hor-tagga argagixisanimada iyo tababarka miltariga iyo mashruucyo kale. Si kastaba, kaalmda la hakiyey kuma jirto midda arrimaha bani’aadanimo ee deg degga ah, kaalmada cuntada iyo barnaamijyada daryeelka caafimaad ee looga gol leeyahay la-tacaalidda cudurka COVID-19 iyo HIV/AIDS. Sida uu qoray wargeyska Foreign Policy, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saaxiib dhow la ah madaxweynaha Masar Abdel-Fattah Al-Sisi, waxaana saraakiisha Ethiopia ay ku eedeeyeen inuu dhinac la saftay. Mid ka mid ah saraakiisha Mareykanka ayaa u sheegay Foreign Policy “Weli waxaa la sameyn karaa horumar, waxaana jirta waddo furan. Doorka Mareykanka waa inaan gacan ka gaysanaa fududeynta heshiis dhex-mara saddexda wadan oo miisaamaya danaha mid kasta.” Foreign Policy waxa uu weriyey in Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ay Khamiisti ku wargelisay Congress-ka Mareykanka go’aanka ka dhanka ah Ethiopia. Masar, Sudan iyo Ethiopia ayaan weli heshiis ka gaarin buuxinta biyo-xireenka ay Addis Ababa dhiseyo, taasi oo labada dal ee Masar iyo Sudan u arkaan halis amni, si gaar ahna Masar oo in ka badan 90% dadkeeda ay ku tiirsan yihiin biyaha webiga Nile. The post MAREYKANKA oo qaaday tallaabo uu ku ciqaabayo Ethiopia sababo la xiriira xiisada kala dhaxeysa Masar first appeared on Caasimada Online.
  21. Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa asnixiyey qorshe lagu hakinayo kaalmada dibadeed ee Mareykanka uu siiyo Ehiopia, sababo la xiriira muranka dalkaas kala dhaxeeya Masar iyo Sudan ee la xiriira biyo-xireenka ay ka sameyneyso webiga Nile, waxaa sidaas weriyey wargeyska Foreign Policy. Ciqaabtan ayaa waxay saameyneysaa qiyaastii 130 milyan oo dollar oo ah kaalmada dibedda ee Mareykanka uu siiyo Ethiopia, waxaa sidaas wargeyska Foreign Policy u sheegay sarkaal Mareykan ah. Sarkaalka ayaa sheegay in tani ay saameyn karto kaalmada amniga, ka hor-tagga argagixisanimada iyo tababarka miltariga iyo mashruucyo kale. Si kastaba, kaalmda la hakiyey kuma jirto midda arrimaha bani’aadanimo ee deg degga ah, kaalmada cuntada iyo barnaamijyada daryeelka caafimaad ee looga gol leeyahay la-tacaalidda cudurka COVID-19 iyo HIV/AIDS. Sida uu qoray wargeyska Foreign Policy, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saaxiib dhow la ah madaxweynaha Masar Abdel-Fattah Al-Sisi, waxaana saraakiisha Ethiopia ay ku eedeeyeen inuu dhinac la saftay. Mid ka mid ah saraakiisha Mareykanka ayaa u sheegay Foreign Policy “Weli waxaa la sameyn karaa horumar, waxaana jirta waddo furan. Doorka Mareykanka waa inaan gacan ka gaysanaa fududeynta heshiis dhex-mara saddexda wadan oo miisaamaya danaha mid kasta.” Foreign Policy waxa uu weriyey in Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ay Khamiisti ku wargelisay Congress-ka Mareykanka go’aanka ka dhanka ah Ethiopia. Masar, Sudan iyo Ethiopia ayaan weli heshiis ka gaarin buuxinta biyo-xireenka ay Addis Ababa dhiseyo, taasi oo labada dal ee Masar iyo Sudan u arkaan halis amni, si gaar ahna Masar oo in ka badan 90% dadkeeda ay ku tiirsan yihiin biyaha webiga Nile. The post MAREYKANKA oo qaaday tallaabo uu ku ciqaabayo Ethiopia sababo la xiriira xiisada kala dhaxeysa Masar first appeared on Caasimada Online.
  22. Kulanka Golaha Wasiirada Puntland oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Dani ayna soo xaadireen Dhammaan Wasaaradda kala duwan ee Puntland iyo hay’adaha dowliga ah ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah. Qodobada ugu muhiimsan ee shirka asbuuclaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland looga hadlay waxaa ka mid ah xaaladaha Amni ee Puntland, hanaanka Dimuqraadiyada ee asxaabta badan, Dhamaystirka Golayalaasha deegaanka qaybo ka mid ah degmooyinka Puntland iyo xal u helida xaaladda Ayaxa ee ku habsaday inta badan dhul daaqsimeedkii deegaannada Puntland. Golaha Wasiirada Puntland ayaa waxay ansixiyeen Xeerarka isgaarsiinta Puntland oo ay muddo ka soo shaqaynaysay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta Hidaha iyo Dhaqanka Puntland sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani. Wasaaradda Maaliyada Puntland ayaa Golaha Wasiirada horgeysay qorshe la doonayo in hay’adaha dowladda loogu sameeyo koonto Guud oo ka wada dhaxaysa, qaybna ka noqonaysa hannaanka la dagaallanka Musuq Maasuqa iyo wax is daba marinta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. STOCKHOLM (Reuters) - A riot broke out on Friday in the southern Swedish town of Malmo, where at least 300 people had gathered to protest against anti-Islam activities, police said. Source: Hiiraan Online
  24. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga daah-furay mashruuca “Biyoole” oo ah mashruuc ka shaqayn doona horumarinta dhinacyada: Biyaha, Beeraha,Deegaanka iyo Daaqa, waxaana mashruucaan Galmudug ka caawinaya Banka adduunka. Mashruucan waxaa si wadajir ah u fullin doonaana wasaaradaha kala ah; Wasaaradda Qorsheynta oo mashruuca hoggaan ka ah, wasaaradda Biyaha, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Wasaaradda Beeraha iyo Wasaarada Deegaanka. Mashruuca Biyoole qeybtiisa Galmudug waa 5 Malyan oo doollar waxaana ka faa,iideysan doona 25 kun oo ka faa,iideyste, oo 14 kun oo ka mid ah ay haween yihiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal dhaqan oo ka oscday beelaha Mogadishu Clan, isla markaana uu hoggaaminayey Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa loo diiday maanta inay gaaraan deegaanada Somaliland, ayada oo lagu celiyey garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho. Odayaashan ayaa ku wajahnaa magaalada Hargeysa, balse diyaaradii ay ka raaci la haayeen Muqdisho ayaa ku war gelisay in Somaliland ay uga digtay inay soo qaado, sidaas darteedna aysan qaadi karin. Mid ka mid ah odayaashaas, Muxiyaddiin Xasan Afrax oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay Hargeysa u aadayeen xalinta dhib ay geysteen dhilinyaro kasoo jeeda Mogadishu Clan oo ku xiran Hargeysa. Muxiyaddiin Xasan Afrax waxa uu sidoo kale sheegay in dadka uga xiran Hargeysa qaarkood ay xabsiyadii lagu xukumay dhameysteen. “Anaga seddax nin oo meesha ku xiran ayaan xalkooda u soconay oo mid kamid ah isagoo xabsi ka baxsana askari dilay, waxaana dooneynay arintaas inaan kala xaajoono reerka askarigii dhintay,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay inay safarkooda Hargeysa ku wargeliyeen odayaasha dhaqanka iyo duubabka reer Somaliland ee arrintaasi ay khuseyso. Hoos ka Daawo The post Odayaal ka socday beesha Mogadishu Clan oo maanta loo diiday inay u safraan Hargeysa iyo sababta first appeared on Caasimada Online.