Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore Sirdoonka qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in Al-Shabaab ay odayaashii soo xulay ergadii dooratay xildhibaanada hadda jooga ee baarlamaanka ka daad-gureyneyso magaalada Muqdisho. Sanbaloolshe oo si weyn uga soo horjeeda madaxda talada heysa kana tirsan xisbiga Nabdda iyo Horumarka ayaa ka walaacsan, sida uu hadalka u dhigay, doorka ay kooxaha argagixisada ku yeelan karaan codeynta soo aadan. Sidoo kale wuxuu si weyn uga soo horjeedaa hanaanka deegaan doorasho, wuxuuna aad uga baqayaa in xarakada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ay xubno ku yeeshaan baarlamaanka soo socda. “Sideedaba doorashada waxey ka dhici kartaa meel ay AMISOM joogto marka laga reebo deegaanada Puntland iyo qeybo ka mid ah Galmudug, suuragalna maahan in gobol kasta ay afar meel ka joogaan AMISOM, sidaad la socoto Al-Shabaab ra’yi kama heysan doorashadii 2016, geedi u socodkeeda, sida loo dhisay iyo natiijadii kasoo baxday, hadda wax walba wey fahamsan yahiin, waad la socotaa ergooyinkii 2016 dhamaantood waa loo yeeray, todobaadyadii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho waxaa laga daabulayay odayaal, sidee doorasho aysan sameyn ku laheyn Al-Shabaab loo qaban karaa,” ayuu yiri Sanbaloolshe oo fadhiyay TV-ga Somali Cable. Ugu dambeyntii Sanbaloolshe wuxuu aaminsan yahay hadii doorashada sida hadda loo wado ay u dhacdo aysan dowladda soo socota ka marnaan doonin Al-Shabaab dhan walba, hadey noqoto xagga siyaasadda, ammaanka iyo farsamo ahaan intaba. The post Al-Shabaab oo Muqdisho 'ka daabuleysa' odayaashii soo xulay ergooyinka first appeared on Caasimada Online.
  2. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa si qoto dheer uga hadlay dayaca jidadka Hargeysa iyo adeeg xumada dawladda hoose waxaanu bulshada reer Hargeysa ku boorriyay in ay ka fiirsadaan dadka ay dooranayaan. Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI waxa uu ka digay in hay’addaha dawladdu dano gaar ah u adeegsadaan furfurnaanta ganacsiga ee dalka islamarkaana aan dad gaar ah loogu xidhin kooto adeegyada taas oo curyaaminaysa dhaqaalaha. Waxa uu sheegay in shirkadaha Air Arabia iyo FLY Dubai oo xukumaddu kala noqotay ruqsada ay saamayntoodu taabatay bulshada, islamarkaana dad badan oo tigidho ka haystay ku xaniban yihiin meelo badan oo Dunida ah. “Dad sideed kun (8000) oo qof gaadhaya oo tigidho ka haystay labadaa shirkadood (FLYDUBAI iyo AIR ARABIYA) ayaa meelo kala duwan oo Adduunka ah ku xaniban. Dadkaa waxa ka mid ah dad tag daran oo dhakhtarro tagay sida Hindiya iyo Turkiga oo markii dawladdoodii adeeg caafimaad u fidin wayday oo tahli wayday in xanuunada yar ee fudud dawadoodii iyo dhakhaatiirtii in ay u samayso ay ku kallifnaadeen in ay dalalkaas caafimaad u tagaan, dadkaas oo dalkooda ku soo noqon lahaa waxay u xaniban yihiin wax ay tigidh iskaga bixiyaan bay la yihiin, dawladdu xataa kama fikirayso dadkaa sidee baad dalkooda ugu soo celisaan, malaha madaxweynuhu ma dareemayo in dadka uu masuul ka yahay oo dadkiisii yihiin, waxa dadkaa ka mid ah dad masaariiftii ka go’day oo duruufta ay ku nool yihiin in ay dawarsadaan in yar u jira. Dawladnimadu dadkaa diyaarado gaar ah bay u diri lahayd oo way soo qaadi lahayd,” ayuu yidhi xoghaye Khadar. “Shirkadihii isgaadhsiinta ee Waddankan dhismaha ay ka gaysteen iyo dhaqaalaha ay ku maalgaliyeen iyo inta qof ee ka shaqaysa iyo sida marka ay dhibaato timaaddo ay ugu gurmadaan aynu ognahay waxaynu marayna in wasaaraddu inta warqad u soo dirtay leedahay qalab ma soo iibsan kartaan ilaa amar dambe. Taas macnaheedu waxa weeye haddii maanta qalab ka jabo awood uma laha in ay soo iibsadaan, tusaale ahaan adeegga ZAAD qayb weyn buu ka yahay lacagta wareegaysa iyo dhaqaalaha Waddanka haddii maanta nidaamka uu ku shaqaynaya jabo awood uma leh ay ku soo iibsadaan, adeegga E-Dahab-na waa sida oo kale, taas lagama fikirayo, waana labada meelood ee lacagta Waddanku marto ee dhaqdhaqaaqa ganacsiga ugu badan dadku ka sameeyaan,” Sidaas ayuu yidhi xoghayaha xisbiga WADDANI. Source
  3. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Duhur-3182020.mp3 View the full article
  4. DUBAI, United Arab Emirates (AP) — New labor rules in the energy-rich nation of Qatar “effectively dismantles” the country’s long-criticized “kafala” employment system, a U.N. labor body said Sunday. The International Labor Organization said as of now, migrant workers can change jobs before the end of their contracts without obtaining the permission of their current employers. Qatar also has adopted a minimum monthly wage of 1,000 Qatari riyals ($275) for workers, which will take effect some six months after the law is published in the country’s official gazette, the ILO said. The minimum wage rule requires employers to pay allowances for housing and food as well if they don’t provide those for their workers. Amnesty International praised the move as “an encouraging sign that Qatar may finally be heading in the right direction,” although employers still can file criminal charges against “absconding” employees, meaning those who left their jobs without permission. “We call on Qatar to go further with these reforms, including removing the charge of absconding, to make sure that the rights of all workers are fully protected,” Amnesty official Steve Cockburn said in a statement. Qatar, whose citizens enjoy one of the world’s highest per-capita incomes due to its natural gas reserves, partially ended the “kafala” system in 2018. That system ties workers to their employers, who had say over whether they could leave their jobs or even the country. Qatar is being transformed by a building boom fueled by its vast oil and natural gas wealth. Like other energy-rich Gulf nations with relatively small local populations, Qatar relies on well over a million guest workers, many of them drawn from South Asian nations including India and Nepal. Rights activists long have criticized the “kafala” system as allowing abuses of those foreign workers. This comes as Qatar will host the 2022 FIFA World Cup in the Arabian Peninsula nation. Having the winning bid for the soccer tournament brought renewed attention to laborers’ rights in Qatar. Meanwhile Sunday, the United Arab Emirates announced it now requires private employers to grant new fathers five paid days off after the birth of a child. The post UN labor body: Qatar ‘dismantles’ kafala employment system first appeared on Caasimada Online.
  5. Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda Muqdisho ayaa ka warbixiyay baaris lagu sameeyay kiisas musuqmaasuq ah oo markii hore ka bilowday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada kadibna lugaha la galay Wasaraado iyo hay’ado kale oo Dowladeed, Ganacsato, shirkado si gaar ah loo leeyahay, taaso dhawaan xukuno kala duwan ay ku ridday Maxakmadda Gobalka Banaadir. Xeer-Ilaaliyaha Guud ayaa sheegay in inta baaritaanku socday sheegay in fatashaad lagu sameeyay Xarumo Dowladeed oo kale duwan oo ay ku jiraan Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Maaliyadda , Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Wasaaradda Warfaafinta ,Xafiiska Xisaabiyaha Guud, hay’addo gaar loo leeyahay, shirkaddo dhismo, Xarumo ganacsi sida Huteelo, makhaayado cuno, Supper Marketyo, xarumo daabacaad iyo meelkasta oo laga heli karay xogta uu daba socday Xafiiska Xeer- Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, si looga gun gaaro ujeeddooyinka iyo natiijada barista. Xeer ilaaliyaha Guud ee Qarnaka Dr Salmayn ayaa intaas kadib Dagniin u diray Wasiiradda Dowladda, Agaasimayaasha maamulka & Maamliyadda , Agaasimyaasha guud ee Wasaaraddaha, Bangiyada ganacsiga, Xawaaladaha iyo hay’adaha kale ee maaliyadeed ee ka diiwaan gashan Bangiga Dhaxe ee Soomaaliya, kuwaaso uu sheegay in qaadandaoonan dayacaad kasta oo ku timaada xafiisyada ay masuulka ka yihiin si waafaqsan xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed Iyo Xeerka Maaliyadda Dalka. “‘Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu uga digayaa agaasinka maamulka&maaliyadda iyo xisaabiyayaasha hay’adahaDawladda ku daneesi Xafiis Dowladeed, raadin faa’iidooyin khaldan iyo in lagarab maro xeerarka iyo habraacyada maaliyadeed ee Dawladda Soomaaliya, waa in masuul kasta oo Dawladeed uu ka fogaada in uu saxiixo wax uusan hubin ama uusan ogayn in uu sax yahay, haddii wasiir, W/dawle, W/ku/xigeen iyo agaasime Guud ama qof kale oo ka sareeya uu ku siiyo amar khilaafsan habraacyada maaliyeedwaa in uu ka dalbada masuulkaas qoraal rasmi ah oo uu ku saxiixanyahay, si uu masuuliyadda u qaato masuulkaas, waana in uu ku wargaliyaa Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud si waafaqsan qodobka 18 ee Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed khaladkaas” ayuu yiri Xeer-ilaaliye Sulaymaan Siodoo kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa intaas ku daray “Waa in wasaaradahu ka fogaadaan in ay la tacaamulaan shirkado aan lahayn jiritaan sharci ah oo aan xafiisyo iyo adeegyo muuqda aan bixin,waa in saraakiisha Dawladdu ay ka dheeraadaan in ay samaystaan shirkado gaar ay u leeyihiin ama ay saami ku leeyihiin oo adeeg-siinaya isla xafiiska uu ka shaqeenayo Saraakiishaas si looga fogaado ku danaysi Xafiis Dowladeed. Waxaa la farayaa Bangiyada ganacsiga, Xawaaladaha iyo hay’adaha kale ee maaliyadeed ee ka diiwaan gashan Bangiga Dhaxe ee Soomaaliya in ay u hogaansamaanay ayna raacaan Xeerarka Maaliyada, Habraacyada iyo Haggista joogtada ah ee uu bixinayo Bangiga dhaxe ee Soomaaliya iyo hay’adda FRC iyada oo ganacsatadu maskaxda ku haynayaan in ay hay’adda FRC aysan xaq u lahayn in ay xayiraad kaligeed ku samayso akoono shakhsiyadeed iyo mid ganacsi oo ay leeyihiin mawaadiniin Soomaaliyeed iyada oo aan la soo ogaysiin Xafiiska Xeer ilaaliya Guud lana helin waaran Maxkamadeed oo lagu xayirayo akoonadaas, si waafaqsan Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed” Dhinaca Kale, Dhanka kale Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranku ayaa sheegay in uu gacanta ku hayo baarista kiisas kale oo musuq-maasuqa oo ay ku lug leeyihiin wasaaradoiyo hay’addo kale oo Dowladeed, Safaarado Soomaaliyeed, Shirkaddo ganacsi , Degmooyinka ka mid ah Gobolka Gobolka Banaadir. Xawaalado, hay’addo iyo shirkaddo u shaqaysta hab maaliyadeed oo aan ka diiwaan gashanayn shatina ka haysanin Bangiga dhaxe ee Soomaaliya iyo kuwo kale oo aanan bixin canshuuraha ku waajibay, marka ay baaritaankaas oo dhami soo gabagaboobaan ayuu Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud sheegay wa in uu horkeeni doonaa Maxkamadaha awooda u leh si loo maxkamadeeyo ciqaabaha ay mutaystaana loo marsiiyo Ugu, Danbayntii. Ugu danbayn dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ka mid yihiin shaqaalaha iyo howl-wadeenadda Xafiisyada kala duwan, waxaa la amarayaa in ay soo gaarsiiyaan warbixinadda danbiyada musuqmaasuqa iyo danbiyadda kale qaybaha kala duwan ee Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo baliiska si waafaqsan Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed. Halkaan ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo sheegay in baaritaan ku socdo Wasaarado lagu tuhmayo Musuqmaasuq appeared first on Puntland Post.
  6. Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo xalay Khudbad ka jeediyay Xarunta Cilm-baarista Puntland ee PDRC oo ku taalla Caasimadda Garoowe, ayaa sheegay in Soomaaliya weli aysan ka bixin Marxaladdii Ku meel-gaarnimada. Hoggaamiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur, wuxuu sheegay in Lixdii qodob ee as’aaska u ahaa in Soomaaliya ay ka baxdo Ku meel-gaarnimada, oo ku qornaa Axdigii CARTA aysan midna ka fulin, sidaasi darteedna uu Dalku weli ku jiro Marxalad ku meel-gaar ah. Lixdaas qodob ayuu ku sheegay dhammaystirka Dastuurka, ka gudubka Nidaamka 4.5 ee Qabaliga ah, hirgelinta Doorasho qof iyo cod ah, dhismaha Ciidan Qaran, Xaqiijinta Amniga Dalka oo dhan iyo Bixitaanka AMISOM. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ee haatan jirta ay weli AMISOM ku waardiyayso dhismaha Villa Somalia, islamarkaana aysan go’aannadeeda Siyaasadeed dhaafsiisnayn isku weerka Madaxtooyada Muqdisho. Balse, wuxuu xusay in Madaxweyne Farmaajo isu haysto nin dowlad dhisan hoggaamiya oo Go’aannadiisu ka fuli karaan dhammaan Gobollada Dalka oo dhan. Halkaan ka daawo Muuqaalkiisa PUNTLAND POST The post Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Go’aannada Siyaasadeed ee Farmaajo ma dhaafsiisna dhismaha Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
  7. Guddiga Dib u-habaynta Ciidamada Puntland ,oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Xassan Shire Abgaal, ayaa Maanta ku guulaystay Xallinta muran ka taagnaa Diiwaan-gelinta Ciidamo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Guddiga oo maalmihii u dambeeyay kulamo kala duwan la qaadanayay Saraakiisha Ciidamada iyo Odayaasha Dhaqanka Gaalkacyo, ayaa ugu dambayntii ku guulaystay in la qanciyo Saraakiisha qaar oo diiddanaa Diiwaan-gelinta Ciidamada. Labada dhinac, ayaa isku raacay in dhammaan Ciidamada ku sugan Gobolka Mudug, gaar ahaanna Magaalada Gaalkacyo, ay maraan Hannaanka Diiwaan-gelinta iyo Tirakoobka Ciidamada, waxaana Wasiirka Maaliyaddu ballan-qaaday in ay Mushaharka iyo Xuquuqdooda si joogto ah u heli doonaan. Barnaamijka Diiwaan-gelinta iyo Tirakoobka Casriga ah ee Ciidamada Puntland, oo soo bilowday horraantii sannadkii tegay ee 2019, ayaa la mariyay Ciidamada Puntland ee ku sugan Gobollada kala duwan, waxaana uu haatan ka socdaa Gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Gaalkacyo: Muran ka taagnaa Diiwaan-gelinta Ciidamada Puntland oo la xalliyay appeared first on Puntland Post.
  8. Delhi (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Hindiya, Narendra Modi ayaa dhaleeceyn xoogan kala kulmay hadal gef ku ah Soomaaliya oo uu dhowaan ka jeediyey isu soo bax ka dhacay dalkaasi, kaas oo ku saabsanaa doorashooyinka soo socda ee Hindiya. Modi ayaa is-barbar dhig ku sameeyey gobolka Kerala ee dalkaasi iyo Soomaaliya, xilli uu ka hadlayey fagaare ku yaalla gobolkaasi. Ra’iisul wasaaraha ayaa yiri “Heerka shaqo la`aanta ee Kerala ayaa ugu yaraan seddex jeer ka badan celceliska qaranka. Heerka dhimashada carruurta yar yar ee Kerala ayaa ka liita Soomaaliya.” Kadib waxaa hadalkaasi ka dhashay fa-lcelin iyo dhaleeceyn xoogan oo loo jeedinayo Ra’iisul wasaaraha dalka Hindiya, waxaana madaxa wasiirada Oommen Chandy uu warqad u qoray Ra’iisul wasaaraha, isaga oo u sheegay in hadalladiisa ay ka fog yihiin xaqiiqda. “Waxaad sameysay hadallo aan wax xiriir ah la lahayn xaqiiqda waxaadna la mid dhigtay Kerala Soomaaliya. Tani waa mid aan ku habooneyn ra’iisul wasaare waxayna abuurtay xanuun badan,” ayuu yiri Oommen Chandy.” Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Waxaad ka hadashay wiil reer Kerala ah oo wax ka cunaya qashin qub. Laba baaritaan oo arintaas ku saabsan ayaa la sameeyay runtiina way ka fogtahay waxaad sheegtay,” Dhankiisa wasiirka Hindiya ee ka soo jeeda gobolka Kerala ayaa su’aal ka keenay hadalkaasi xanafta leh, wuxuuna tilmaamay inay ceeb ku yihiin Mr Modi. “Hadda, waxaad isbarbar dhigtay Kerala iyo Soomaaliya. ,iyaanay ceeb ahayn in ra’iisul wasaaruhu ku dhawaaqo in dal sida Soomaaliya oo kale ahi ka jiro dalka.” ayuu yiri. Hindiya kaliya ma’ahin dalalka ku xad-gubay sharafta Soomaaliya, waxaana jira wadamo badan oo tusaale xun u soo qaatay, sida Mareykanka, Ugnada, Algeria iyo kuwa kale. The post Ra'iisul wasaaraha Hindiya oo cambaareyn kulul kala kulmay 'gefkii' Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.
  9. Wafdi uu hoggaaminayo sii hayaha xilka Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada ee xukumadda federaalka Soomaaliya, Xersi Rooble oo uu ka mid ahaa maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ,Axmed Macallin Xasan ayaa goor dhow gaaray Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Wafdigaan waxaa sidoo kale qeybka ah quburo ajaanib ah oo hay’adda kala shaqeeya arrimaha Garoomada Dalka waxaana lagu wadaa inaay indho-indheyn ku sameeyaan xaalada Gegida Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne. Sidoo kale wafdigaan ayaa dhagax dhigo doono mashruuc laga fulin doono Garoonka iyo sidoo kale shaqaalaha garoonka oo loo furi doono tababar kor loogu qaadayo aqoontooda View the full article
  10. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa beri oo Talaado ah wuxuu ku wajahan yahay Magaalada Muqdisho oo uu ka dhacayo Shir looga arinsanayo Doorashada [...] The post Shirkii Muqdisho oo Arbacada Bilaabanaya appeared first on . Source
  11. Buugaagta khilaafsan diinteena Maalmahan waxaa jirtay hadalhayn iyo cadho ka dhalatay buugaag la sheegay in ay ku qoran yihiin cutubyo (chapter) khilaafsan diinta iyo dhaqanka Islaamiga ah ama faafinaya diimo iyo aragtiyo aan waafaqsanayn diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Marka lagga yimaado wararka baraha bulshada oo aan la sugi karin xaqiiqadooda hadaan ka duulo hadalkii Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee JSL waxaa ku cad in wax ka jiraan oo tusmada buug ay ka muuqato wax aan ku haboonayni, sidoo kale agaasimaha waaxda manaaijtuna waxa uu sheegay in layli ahaan (exercise book) loo isticmaalayay oo wixii anfacaya ardayda looga dhiggo. Hadalada labada masuul waxaa inooga soo baxay: 1- in ay jiraan buugaagtani oo dalka la soo geliyay. 2- in iskuulada gaar ka loo leeyahay qaar ka midi u isticmaalaan wixii ardayda nafci u leh. 3- in ay ku qoran yihiin buugtaas wax ka hor imanaya diinteena 4- in gudi loo saaray lana xisaabtami doonaan ka wasaarad ahaan cidii danbigaa laggu helo. Markaa waxaa muhiima in lays waydiiyo meeyay doorkii wasaaradda awqaafta oo ahayd in ay la socoto buugaagta iyo kutubta dalka soo gelaysa oo ay ahayd in wixii diinta saxa ah khilaafsan ama ka horimanaya ay joojiso. Waxaan soo jeedin lahaa xoogga ha la saaro in lagala shaqeeyo dawladda in la abuuro hay’ad ama gud’di qaabilsan faaf reebka aqoonta iyo buugaagta dalka soo gelaysa iyo kuwa laggu dhigto iskuulada, macaahidda iyo malcaamadahaba. Waxaa iyana u baahan in la shaandheeyo maktabadaha wax akhriska (libraries) oo la hubiyo in buugaagta taalaa aanay ka hor imanayn diinteena iyo dhaqankeena taa la’aanteedu waxay horseedi kartaa burbur iyo dhaawac soo gaadha diinta iyo dhaqanka ardayda, dhalinyarada iyo da’yarta u ooman aqoonta ee ka faaidaysanaysa maktabadahaas iyo goobaha aqoonta laggu kaydiyo. Arinta in la xuso mudan waxaa soo if baxaya in dalka uu ka jirro olole xawli ku socda oo lagu faafinayo diinlaawanimada (Secularism,العلمانيه ) Ayadoo baraha bulshada iyo goobaha waxbarashadaba lagga soo sheegayo dad faafinaya fikirkaas, arintaasi waa arin masuuliyadeedu inna wada saarantahay una baahan in laggu baraarugo lalana dagaalamo oo la suuliyo iyadoo la adeegsanayo wacyigelin iyo sixidba, dawladda iyo hayadaha ay khusaysana looga baahan yahay in ay xil iska saaraan loo dabar tiri lahaa fikirkan, qofkii laggu helana ay tahay in lala tiigsado sharciga oo la mariyo ciqaabta uu mutaystay. Waxaan qormadan ku soo afmeerayaa Soomalidu waxay tidhaahdaa “Ninkii seexdaa sacii dibi dhalay) arintu way ka sinno balaadhan tahay sida dadka qaarkii moodayaan waa duulaan qorshaysan oo ku socda da’yarta soo koraysa lehna ahdaaf iyo awood dabada ka riixaysa oo ay tahay in laga hortago layskana kaashado sidii loo badbaadin lahaa diinta iyo dhaqanka dhalinyarada iyo ubadka soo kacaya. Q: Ahmed Abdulkadir Ahmed(Kayse) Qaran News
  12. (SLT-Hargeysa)-Somaliland ayaa daahfurtay qalabka maamulka Hirarka isgaadhsiinta oo markii ugu horreysay laga hirgalin doono dalka Somaliland. Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Somaliland ayaa munaasabadda daahfurka ku sugnaa waxaana ay noqon doontaa markii ugu horreysay ee Somaliland laga hirgaliyo qalabka maamulka Hirarka Isgaadhsiinta. Dhammaan bulshada iyo siyaasiyiinta Somaliland ayaa soo dhaweeyay arrintaan, waxaana tallabadani ay noqonaysaa markii ugu horreysay ee degaanada Somaliland laga hirgaliyo qalabka maamulka Hirarka Isgaadhsiinta. “Qalab wax lagu dhageysto oo aanu wax ku dabagalaynaa qalabkani maaha , oo suuqaaba maanu la matneene waanu qarin lahayn , dadka wixii so kordha dhaliila ayaa halkaa ula kici doona , anaguna sharci uma haysano inaan dadka xogtooda dhageysano , ee waa Tiknoolajiyad cusub oo inoo soo korodhaye halasoo dhaweeyo “. Wasiirka Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyada Somaliland Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi ayaa sidaa yidhi Source
  13. (SLT-Laascaanood)-Shil ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa Laascaanood Iyo deegaanka Gambadha ee Bariga Gobolka Sool, waxaana lasoo sheegayaa in uu jiro khasaare ka dhashay shilkaas dhacay. Shilka ayaa yimid kadib markii gaadhi nooca Soomaalidu u taaqanno Booyadda uu jiidhay Geel farabadan waddada soo galay, waxaana dad goob joogayal ah ay sheegeen in Geelu uu fadhiyay waddada kadibna uu gaadhigu ku yimid. Khasaaraha ayaa ah ku dhawaad Labaatameeyo Geel ah oo halkaasi ku baaba’ay, degaanka uu shilku ka dhacay oo ah dhul baaddiye ah ayaan jirin Ciidan ama gurmad kale oo gaadhay sida la sheegayo. Wali maamulka Gobolka Sool iyo mas’uuliyiinta Somaliland kama hadlin arrintaan, waxaan muddooyinkii danbe soo badanayay Shilalka ka dhaca dalka Somliland, inkastoo shilkaani ay ka duwan yahay shilalkii hore uga dhici jiray dalka. Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Guddi hoosaadka Arrimaha gudaha iyo Nabadgalyada ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Shalay Gole-weynaha Wakiillada u gudbiyey isla-markaana soo bandhigay Wax ka beddel ay ku sameeyeen Xeerka doorashooyinka, waxayna soo jeediyeen in qodobbada ay wax ka beddelka ku sameeyeen sidaa lagu ansixiyo. Qoddobada ay wax ka beddelka ku sameeyeen isla-markaana Farqadihiisa qaarkood wixii ay dhigayeen Laaleen waxa ka mid ah Qodobka 76-aad ee Xeerka doorashada, kaasi oo Farqaddiisa 5-aad ka hadlaysay Kuraasta Kootada ah ee Haweenka loo qorshaynayo, laakiin Guddiga Arrimaha gudaha ee Golaha Wakiilladu waxay sheegeen inay laaleen Qodobkaasi, maadaama uu ka hor imanayo Dastuurka oo sheegaya in Muwaadiniinta Somaliland u siman Sharciga hortiisa marka ay tahay doorashada, sidaasi darteedna aanay jirin wax Kooto ah oo Dastuurku sheegay. Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha gudaha ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Cabdillaahi Balaaki oo Gole-weynaha u faahfaahinaya qodobbada ay wax ka beddelka ku sameeyeen iyo kuwa ay laaleen ayaa yidhi “Qodobka 36-aad Farqaddiisa koowaad ‘Xuquuqda Xorriyadda iyo waajibaadka uu Dastuurku uu xaqiijiyey, Haweenku way ula siman yihiin Ragga wixii Shareecada Islaamku midkood u gaar yeeshay mooyaane.” Ayuu yidhi, Xildhibaan Cabdillaahi Ballaaki oo soo xiganaya Dastuurka, waxaanu intaa ku daray oo sheegay inay Laaleen Farqado ka mid ah Qodobka 76-aad ee Xeerka doorashada “Guddiga waxa u caddaatay in qodobka 76-aad Farqaddiisa 5-aad iyo Qodobka 18-aad Farqaddiisa 2-aad iyo 3-aad ay ka soo horjeedaan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ogolayna wax kooto la yidhaahdo, siinayana xuquuq siman Muwaadiniinta Somaliland, sidaasi darteed waxa la laalay Qodobbada 76-aad farqaddiisa 5-aad iyo qodobka 18-aad Farqaddiisa 2-aad iyo 3-aad.” Xildhibaan Cabdillaahi Balaaki waxa kale oo uu ka hadlay Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada “Guddiga Arrimaha guduhu iyagoo ka duulaya War-bixintii ay ka soo diyaariyeen Gobollada iyo degmooyinka dalka, markay arkeen in lagu kala qaybsan yahay, Cabasho badana ka jirto arrimaha Saami-qaybsiga, gaar ahaan Gobollada darafyada Somalilad, inay lagama maarmaan tahay in la helo Hanaan ama Qaab Saami-qaybsi oo ay Raalli ka wada yihiin heshiisna ku yihiin Dadweynaha ku nool gobollada iyo degmooyinka dalka. In arrinta Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiilladu aanay ahayn mid sharci oo keliya, balse ay Tahay Carqalad siyaasadeed iyo degaan, sidaasi darteedna loo baahan yahay in xal waara loo helo. Waxaanu Golaha u soo jeedinaynaa Golaha inuu go’aan ka qaato arrimaha Saami-qaybsiga ee ay Cabashadu ka jirto, in Goluhu uu wax ka beddel ku sameeyo Saami-qaybsiga ku xusan Xeerkan Qodobkiisa 78-aad ee habka qaybinta Kuraasta Golaha Wakiillada.” Ugu dambayn, Xeerka doorashada ee Guddiga arrimaha Guduhu wax ka beddelka iyo kaabista ku soo sameeyeen ayaa loo qaybiyey Mudaneyaasha Golahaasi si ay u soo akhriyaan, si Maalmaha soo socda loo ansixiyo. Source
  15. Waqtiga iyo waayahuba waa casharo aadanahu, dunida ka korarsadaan, khibrad iyo aragtiyo cusub. Xikmad ku odhanayso ayaa jirta “taariikhdu waxay kaaga warantaa wixii dhacay, si ay kuu tusto mustaqbalkaaga” oo uu nuxurkeedu yahay qaladaadkii horay kuugu dhacay in aaney,dib danbe kuugu dhicin. Waxaa xusid mudan in aynu dib u eegno loolanadii siyaasadeed iyo dagaaladii qabaaileed ee aynu soo marnay iyo is maan dhaafkoodii ku saleysnaa damaaci xukun, mid kastana la dayeysanaa, WALAALKAA DIBIBINDAABYEE, taasoo aakhirkii keentay in ay kuligood isku noqdaan cadow, beeshuuna u durbaan tumeneysey, dakano qabiil iyo mid dowladeedba. Ragaas inta uu loolanka uu u dhaxeeyey waa laga waayay, in ay isu tanaasulaan si ay u meel marto dantooda iyo tan umadda ay mas’uulka ka yihiin ha ahaatabe. Haddaba, raggii ku dhaqmi jirey caadooyinka aragtidooduna aynu soo sheegnay oo iyagoo walaalo ah ay colaadda foosha xun dhex mari jirtey, ayaa waxuu xaalkoodu ku danbeeyay in aakhirkii markii ay talo farahooda ka wada baxday oo ay jabeen ay isu soo direen gabayo digasho iyo dardaar werin isugu jiray oo nuxurkoodu uu kusoo ururayay “Ruux haduu kuu darnaan jiray waalagu digtaa”, iyo “maxaad igaga diganeysaa waxaad iga danbeysaaba waa, deyrta maanta ahe!”, iyadoo intii kasoo hadhayna dufaanadii colaadeed ay raaceen ileyn iyagaa isdabar gooyay oo garbahoodii dunshay. Waxaana nasiib daro labaad iyo sadexaadba ah, Qarnigan aynu joogno kuwa raba in shacab iyo dadyow badan aay meel ugu xidhnaadaan, oo jid iyo jahoba u diidaan, walibana magacyo iyo maamuus ku dhex leh dadkii, masuuliyadna kuu xambaarsan yihiin oo waliba codkaaga iyo ficilkaaga kugu dulaystaan, kugu dulmaan, dhiigaagana ku xalaalaystaan , adiguna aad garan ladahay. PROF. MOHAMED AHMED FARAH MATAAN (JAAFAA) KRISTIANSAND, NORWEY jaafaa66@gmail.com . Qaran News
  16. New York (Caasimada Online) – Mareykanka oo ka mid ah dalal taageero Somalia ayaa ka hadlay amniga dalka, gaar ahaan lacagaha uu ku bixiyey 20-kii sano ee la soo dhaafay. Ku simaha safiirka Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay, Cherith Chalet ayaa Golaha Ammaanka ka hor shaacisay in lacag gaareyso $5.3 bilyan ay ku bixiyeen amniga Soomaaliya, islamarkaana aysan ka soo bixin wax natiijo ah, sida ay hadalka u dhigtay. Sidoo kale waxa ay intaasi raacisay in aysan isu dhigmin lacagaha faraha badan ee lagu bixiyey ammaanka Soomaaliya iyo natiijooyinka ka soo baxa. Cherith Chalet ayaa sheegtay in Mareykanku uu muddadaasi adeegsanayey duqeymo ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab, balse tallaabooyinka Milatari kaliya aan xal lagu gaari karin. “Mareykanku wali wuxuu adeegsanayay duqeymo isagoo rajeynayay inuu ku dhufto shakhsiyaadka muhiimka ah ee Shabaab– Hase yeeshee waxaa shaki la’aan ah in tallaabooyinka milatari aanu ahayn xalka kaliya ee looga guulaysan karo argigixisada Al-Shabaab,” ayuu tiri Cherith Chalet. Ugu dambeyn waxay ay walaac ka muujisay lacagaha Canshuuraha ah ee la siiyo dagaalyahanada Al-Shabaab, iyada oo tusaale u soo qaadatay weerarkii Hotel Elite oo ay sheegtay in dhaqaalaha lagu abaabulay laga qaaday xarumaha ganacsiga Soomaaliya. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo todobaadkan Africom shaacisay duqeymaha ay sanadkan 2020 ka fulisay Soomaaliya, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyey Al-Shabaab. The post Immisa lacag ah ayuu Mareykanka ku bixiyey amniga Soomaaliya? first appeared on Caasimada Online.
  17. Qatar Airways ayaa saacadihii tagay ku dhawaaqday iney dib u bilaabi doonto duuliimaadyadeeda caasimadda Muqdisho. Sida ay wararku sheegayaan, waxaa lagu wadaa in todobaadkii ay saddex jeer timaamo Muqdisho, waxaa uuna duulimaadka ugu horeeya bilaaban doonaan 06 September 2020. Diyaaradda oo nooceedu yahay Airbus A320 ayaa mar walba iman doonta Soomaaliya, waxaana la sheegay in leeyahay 12 kursi oo Business class ah iyo 120 kursi oo Economy class ah. Diyaraddan oo heshay abaalmarin calami ah ayaa qeyb ka ah duliimaadyada ay ku tageyso meelo badan oo Afrika ah sida Addis Ababa, Dar es Salaam, Djibouti, Kigali, Kilimanjaro, Nairobi, Tunis iyo Zanzibar. Xiriirka Qatar iyo maamulka Farmaajo ayaa aad u wanaagsan, waana dalka keliya ee Khaliijka ah ee diyaaradiisu timaado Soomaaliya, lamana hubo in Qatar ay sii wadi-doonto adeegees Farmaajo kadib iyo in kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Golaha Wakiilada Somaliland Oo Laalay Kootada Haweenka “Guddiga waxa u caddaatay in qodobka 76-aad Farqaddiisa 5-aad iyo Qodobka 18-aad Farqaddiisa 2-aad iyo 3-aad ay ka soo horjeedaan Dastuurka, sidaasi darteed waxa la laalay…” Guddi hoosaadka Arrimaha gudaha iyo Nabadgalyada ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Shalay Gole-weynaha Wakiillada u gudbiyey isla-markaana soo bandhigay Wax ka beddel ay ku sameeyeen Xeerka doorashooyinka, waxayna soo jeediyeen in qodobbada ay wax ka beddelka ku sameeyeen sidaa lagu ansixiyo. Qoddobada ay wax ka beddelka ku sameeyeen isla-markaana Farqadihiisa qaarkood wixii ay dhigayeen Laaleen waxa ka mid ah Qodobka 76-aad ee Xeerka doorashada, kaasi oo Farqaddiisa 5-aad ka hadlaysay Kuraasta Kootada ah ee Haweenka loo qorshaynayo, laakiin Guddiga Arrimaha gudaha ee Golaha Wakiilladu waxay sheegeen inay laaleen Qodobkaasi, maadaama uu ka hor imanayo Dastuurka oo sheegaya in Muwaadiniinta Somaliland u siman Sharciga hortiisa marka ay tahay doorashada, sidaasi darteedna aanay jirin wax Kooto ah oo Dastuurku sheegay. Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha gudaha ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Cabdillaahi Balaaki oo Gole-weynaha u faahfaahinaya qodobbada ay wax ka beddelka ku sameeyeen iyo kuwa ay laaleen ayaa yidhi “Qodobka 36-aad Farqaddiisa koowaad ‘Xuquuqda Xorriyadda iyo waajibaadka uu Dastuurku uu xaqiijiyey, Haweenku way ula siman yihiin Ragga wixii Shareecada Islaamku midkood u gaar yeeshay mooyaane.” Ayuu yidhi, Xildhibaan Cabdillaahi Ballaaki oo soo xiganaya Dastuurka, waxaanu intaa ku daray oo sheegay inay Laaleen Farqado ka mid ah Qodobka 76-aad ee Xeerka doorashada “Guddiga waxa u caddaatay in qodobka 76-aad Farqaddiisa 5-aad iyo Qodobka 18-aad Farqaddiisa 2-aad iyo 3-aad ay ka soo horjeedaan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ogolayna wax kooto la yidhaahdo, siinayana xuquuq siman Muwaadiniinta Somaliland, sidaasi darteed waxa la laalay Qodobbada 76-aad farqaddiisa 5-aad iyo qodobka 18-aad Farqaddiisa 2-aad iyo 3-aad.” Xildhibaan Cabdillaahi Balaaki waxa kale oo uu ka hadlay Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada “Guddiga Arrimaha guduhu iyagoo ka duulaya War-bixintii ay ka soo diyaariyeen Gobollada iyo degmooyinka dalka, markay arkeen in lagu kala qaybsan yahay, Cabasho badana ka jirto arrimaha Saami-qaybsiga, gaar ahaan Gobollada darafyada Somalilad, inay lagama maarmaan tahay in la helo Hanaan ama Qaab Saami-qaybsi oo ay Raalli ka wada yihiin heshiisna ku yihiin Dadweynaha ku nool gobollada iyo degmooyinka dalka. In arrinta Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiilladu aanay ahayn mid sharci oo keliya, balse ay Tahay Carqalad siyaasadeed iyo degaan, sidaasi darteedna loo baahan yahay in xal waara loo helo. Waxaanu Golaha u soo jeedinaynaa Golaha inuu go’aan ka qaato arrimaha Saami-qaybsiga ee ay Cabashadu ka jirto, in Goluhu uu wax ka beddel ku sameeyo Saami-qaybsiga ku xusan Xeerkan Qodobkiisa 78-aad ee habka qaybinta Kuraasta Golaha Wakiillada.” Ugu dambayn, Xeerka doorashada ee Guddiga arrimaha Guduhu wax ka beddelka iyo kaabista ku soo sameeyeen ayaa loo qaybiyey Mudaneyaasha Golahaasi si ay u soo akhriyaan, si Maalmaha soo socda loo ansixiyo. Qaran News
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo ku soo wajahan magaalada Muqdisho ayaa lagu soo warramayaa inay beri oo Talaado ah, kuna beegan 1-da September 2020 ay soo gaari doonaan gudaha caasimada. Wararkii u dambeeyey ayaa sheegaya in qaban-qaabada socdaalka labada Madaxweyne ay uga soo kala kicitimayaan Kismaayo iyo Garoowe laga dareemayo magaalooyinkaasi. Sidoo kale wafdi horudhac u ah iyo ciidamo ilaalo ah ayaa saacadihii la soo dhaafay soo gaaray magaalada Muqdisho, kuwaas oo diyaarad qaas ah lagu keenay. Axmed Madooeb iyo Deni oo la filayey in Axadii ay yimaadaaan Muqdisho ayaa u baaqday arrimo farsamo, balse waxay si rasmi ah beri uga soo dagayaan garoonka Aadan Cadde. Hoggaamiyeyaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo horey diiday shirkii magaalada Dhuusamareeb ayaa wada-hadallo la yeelan doono Madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaana gadaal ka riixaya shirkooda xubnaha beesha caalamka. Dhinaca kale xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in labada Madaxweyne ay degi doonaan madaxtooyada iyo agagaarkeeda, Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu dego madaxtooyada, halka Deni uu degi doono guri gaar ah oo u dhow madaxtooyada. Arrimahaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo xiisada u dhexeysa dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland ay ka dartay, kadib shirkii Dhuusamareeb oo lagu go’aamiyey doorashada 20/21. The post Wararkii ugu dambeeyey safarka Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ee Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
  20. Warar hoose ayaa ka soo baxaya kulan qarsoodiya, oo sabtidii dhexmaray mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland iyo Saraakiil ciidan oo ka soo jeeda gobolka Sool, kaas oo looga hadlay arrima xasaasiya. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Taliyaha Ciidamada Gen. Nuux Ismaaciil Taani, oo sabtidii kulan qarsoodiya Hargeysa kula yeeshay Saraakiil ciidan oo ka yimid gobolka Sool, ayaa kala hadlay sida ugu fudud ee Somaliland ku qabsan karto degmada Boocame ee gobolka Sool. Wasiirka Kaahin, ayaa u sheegay saraakiisha ka soo jeeda gobolka Sool, in wakhtigan aan loo baahnayn dagaal toos ah oo dhexmara Puntland iyo Somaliland, maadaama sida uu xusay labada dhinac uu ka dhexeeyo heshiis nabad-gelyo, balse loo baahanyahay in la abaabulo ciidamo xooggan oo degaanka ah, kuwaas oo Puntland ka fara-maroojiya degmada Boocame. Gen. Taani, oo isna hadal kooban u jeediyay saraakiisha, ayaa sii xoojiyay hadalka Wasiirka, isagoo ka dalbaday saraakiisha in ay abaabulaan ciidamo degaanka ah, oo ku hawlgala magaca Somaliland, si degmada Boocame u gasho gacanta Somaliland. Labada mas’uul, waxay sidoo kale saraakiisha reer Sool u sheegeen, in abaabulka loo ekaysiiyo mid ka yimid dadka degaanka oo taageersan Somaliland, balse laga ilaaliyo in uu u muuqdo mid Somaliland abaabushay. Ugu dambayntii, saraakiisha reer Sool ayaa ballan-qaaday in ay ku dhaqaaqi doonaan abaabulka iyo diyaarinta hawshaas, waxaase ay dalbadeen kharashkii lagu fulin lahaa qorshaha, kaas oo mas’uuliyiinta Somaliland ballan-qaadeen. Kulanka labada dhinac, ayaa la sheegay in ay abaabuleen mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo ka soo jeeda gobolka Sool, inkastoo aysan ka qayb-gelin, taas oo lagu micneeyay in uu jiray kulan hore u dhexmaray mas’uuliyiinta reer Sool iyo Wasiir Kaahin oo looga hadlay arrimahan. PUNTLAND POST The post Xog: Somaliland oo qorshaynaysa in ay si xeeladaysan ku qabsato Degmada Boocame appeared first on Puntland Post.
  21. Madaxweyne Carbeed oo ku baaqay in dalkiisa qaato Nidaamka Calmaaniyadda !! Madaxweynaha dalka Lubnaan, Misheel Cawn, oo ka hadlay sanad guurada 100-aad ee ka soo wareegtay asaaskii Lubnaan ayaa ku baaqay in dalkiisa qaato nidaamka Calmaaniyada oo wax badan u tareysa sida uu tilmaamay. Waxa uu sheegay Madaxweyne Cawn in nidaamka Calmaaniyada uu yahay midka keliya ee xiligan lagu ilaalin karo isla markaana midnimo dhab ah looga hirgelin karo dalkaasi oo xaalad adag ku jira. Madaxweyne Misheel Cawn, ayaa tilmaamay nidaamka awood qeybsiga diimaha ee dalkaasi looga dhaqmo uusan xiligan ku habooneyn uuna caqabad ku yahay horumarka iyo la dagaalanka musuq-maasuqa. Dalka Lubnaan ayaa waxaa ka jira xiligan nidaam awood qeybsi dhanka diimaha ku saleesan, waxaana Madaxweynaha dalkaasi kasoo jeeda Masiixiyiinta Lubnaan ,halka Ra’isul Wasaarihii is casilay kasoo jeedo Muslimiinta sunniga , Afhayeenka Baarlamaanka ayaa isna kasoo jeeda Shiicada Lubnaan. Madaxweynaha dalka Lubnaan ayaana hada wada olole xoogan uu ku doonayo in meesha laga saaro nidaamkan diimaha wax loogu qeybsado, waxa uuna ku taliyay in dalkaasi qaato nidaamka aan diinta ku saleesneen ee Calmaaniyada . Qaran News
  22. Ra’iisal-wasaaraha Israel oo ka shifay Sir ku saabsan Wadahadalo Hoose oo ay la leeyihiin dalal … Dowlada Mareykanka ayaa bilowday in qaar kamid ah Wadamada Carabta in ay ku cadaadiso in ay la heshiiyaan sidoo kale xiriir la sameestaan maamulka Yahuuda Isra’il oon wax xiriir ah kala dhaxeyn inta badan Wadamada Carabta iyo kuwa Islaamka. Isra’il ayaana dhawana heshiis la gashay dowlada Imaaraadka Carabta waxaa sidoo kale hada wadahadalo qarsoodi ah kula jiraan qaar kamid ah Wadamada Carabta oo la filayo in dhawaan heshiis gaaraan. Ra’iisul Wasaaraha maamulka Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu jiro wadahallo qarsoodi ah oo maamulkiisa la leeyahay dhowr dal oo Carbeed kuwaa uu sheegay in ay cilaaqaad sameysanayaan. “Waxaa jira shirar aan la shaacin oo Israel ay la yeelatay hoggaamiyeyaal Carab iyo Muslimiin ah oo lagu doonayo in lagu caadiyeeyo xiriirka ay la leeyihin Israel” ayuu yiri Benjamin Netanyahu . Dowlada Mareykanka ayaana kaalin weyn ku leh cadaadiska qaar kamid ah Wadamada Carabta lagu saarayo in xiriir la yeeshaan maamulka Isra’il, waxaa sidoo kale socda qorshe lagu soo celinayo duulimaadka Tooska ah ee Isra’il iyo qaar kamid ah wadamada Carabta. Qaran News