-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
CAIRO — Saudi Arabia's King Salman sacked two royals and referred them along with four military officers for investigation into corruption at the defence ministry in a royal decree issued early on Tuesday and carried by state media. Source: Hiiraan Online
-
Wargeyska lagu magacaabo The National Interest, oo ka soo baxa Waddanka Maraykanka, ayaa Isniintii Shalay warbixin ka qoray Xiriirka ka dhexeeya Taliyaha hay’adda Nabad Sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin iyo Kooxaha Argagixisada ah. Wargeyska ayaa sheegay, in Taliyaha NISA uu xiriir hoose la leeyahay Kooxda Al-shabaab ee ku xiran ururka Al-Qaacida, kuwaas oo falal argagixiso ka fuliya gudaha Soomaaliya, islamarkaana halis weyn ku ah Amniga Qaranka Maraykanka. The National Interest, wuxuu tilmaamay in Taliyaha NISA Fahad Yaasiin uu si gaar ah u caawiyo maxaabiista laga qabto Al-shabaab iyo kooxaha lamidka ah, kuwaas oo uu qaarkood sii daayo, qaar kalena u fududeeyo in ay Xabsiga dhexdiisa Bulshada uga gudbiyaan fikirka iyo mabaadi’da Argagixisada. Wargeysku wuxu tusaale u soo qaatay Wadaadka Xasan Daahir Aweys, oo u xiran Dowladda Soomaaliya, kaas oo uu sheegay in uu afkaartiisa iyo mabaadi’diisa Xagjirka ah ka dhex gudbiyo Xabsiga, kadib markii loo dhammaystiray Agabka Isgaarsiinta ee kala duwan. Xasan Daahir, waxa helidda Agabkaasi ka caawiyay Fahad Yaasiin, oo ay saaxiibo dhow yihiin, waxaana wadaadku hadda si fudud halkaasi Bulshada uga gudbiya fikirkiisa Xagjirka ah ee ku salaysan dilalka iyo isqarxinta sida wargeysku xusay. Todobaadkii hore, Muuqaal laga soo duubay Xasan Daahir Aweys, wuxuu si adag u cambaareeyay dilka hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-shabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Kumaandoos, oo ku dhintay duqayn Maraykanku ka fuliyay Koonfurta Soomaaliya. Mr. Aways oo u xiran falal argagixisanimo, wuxuu sidoo kale Maraykanka ka dalbaday in uu raalli-gelin iyo magdhow deg deg ah ka bixiyo dilka hoggaamiye Kumaandoos, isagoo ku hanjabay dilkiisa laga bixin doono jawaab qaraar. PUNTLAND POST The post Wargeys ka fashifay xiriirka hoose ee ka dhexeeya Fahad Yaasiin iyo Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Man sentenced to 7 1/2 years for killing sister's boyfriend
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mark Cardilli Jr. was convicted for shooting Isahak Muse in March 2019. The case brought up questions about race and legal limits Source: Hiiraan Online -
Riyadh (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Gedo ee taageersan dowladda Soomaaliya, oo shir ku yeeshay magaalada Beled-Xaawo, ayaa sheegay inaysan hadda kadib ka mid ahayn maamulka Jubaland ee uu hoggaamiye madaxweyne Axmed Madoobe. “Maamulka Gobolka Gado wuxuu isagoo ka turjumaya rabitaanka shacabka ku dhaqan gobolka uu Dawladda federaalka ah iyo beesha caalamka ku wargelinayaa in Gobolka Gedo uusan siyaasad, maamul, amni, iyo arrimo bulsho intaba u hoos tagin maamulka Axmed Madoobe uu sida sharci-darrada ah iskiis ugu yagleeshay Kismaayo, wuxuu maamulka Gedo inta laga helayo maamul ay si xor iyo xalaal ah ay dadka Jubaland kusoo doorteen sii wadi doonaan gudashada howlaha u yaal,” ayaa lagu yirio bayaan kasoo baxay shirka. Maamulka Gedo ayaa sidoo kale sheegay inay ka digayaan qorshe ay sheegeen in kuraasta baarlamanka federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Gedo loogu wareejinayo magaalooyin kale oo uu gacanta ku hayo madaxweyne Axmed Madoobe, sida magaalada Kismaayo. Waxay sheegeen inay soo dhoweynayaan go’aanadi kasoo baxay shirka Dhuusamareeb 3 ee la xiriiray doorashada dalka, ayna diyaar u yihiin inay fududeeyaan sidii gobolka doorasho heer federal loogu qaban lahaa. Qoraalka kasoo baxay shirka ayaa sidoo kale baaq loogu diray isimada iyo waxgaradka Puntland, ayada oo laga dalbaday inay gacan ka gaystaan sidii maamulka Puntland u joojin lahaa wax ay ugu yeereen faro-gelinta qaawan ee uu ku hayo arrimaha jubaland. Hoos ka aqriso bayaanka shirka The post Maamulka gobolka Gedo oo sheegay inay ka go'een maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe first appeared on Caasimada Online.
-
Tahriibayaal Soomaali ku jirto oo dooni ay la socdeen kula gubatay xeebaha Talyaaniga Ugu yaraan afar muhaajiriin ah ayaa dhimatay shan kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii uu dab ka kacay dooni ay la socdeen. Shanta qof ee dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalada kadib markii doon ay saarnaayeen 20 muhaajiriin ah uu dab ku qabsaday meel ku dhow xeebta Calabrian ee dalka Talyaaniga. Mas’uuliyiinta caafimaadka ee ku sugan magaalada dekedaha leh ee Crotone ayaa sheegay in laba muhaajiriin ah ay xaaladdoodu aad u liidato. Wakaaladaha wararka ayaa markii hore weriyey in saddex tahriibayaal ah, laba rag ah iyo qof dumar ah ay dhinteen. Wakaaladda wararka ee AFP, ayaa markii dambe tirada dhimashada ku sheegtay afar qof. Laba sarkaal oo ka tirsan bilayska ayaa dhaawacmay markii ay isku dayeen inay ka xeeyaan doonta gubatay si ay u badbaadaan, taliyaha bilayska Emilio Fiora ayaa laga soo xigtay oo la hadlay wakaaladda wararka ee AdnKronos. Sida laga soo xigtay badbaadayaasha, doonta waxay sidday muhaajiriin ka kala yimid Sri Lanka, Masar, Soomaaliya iyo Pakistan. Toban ka mid ah tahriibayaasha la soo badbaadiyay ayaa da ‘yar, sida uu sheegay xafiiska taliyaha. 12 muhaajiriin ah ayaa la sheegay in loo qaaday xero qaabilaad oo ku taal Crotone. Xog ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee Talyaaniga ayaa muujineysa in 16,914 muhaajiriin ah ay si aan caadi aheyn u yimaadeen Talyaaniga iyaga oo sii maray badda intii u dhaxeysay 1-dii Janaayo ilaa 20-kii Ogosto ee sanadkan. Taasi waa koror afar laab ah marka la barbardhigo isla muddadaas sanadkii la soo dhaafay. Qaran News
-
Meelo badan oo laga cambaareeyay dhacdooyinkii Sweden iyo Norway ee kitaabka qur`aanka lagu wax-yeeleeyay+Haweenaydii Jeex-jeexday oo lala cararay Fanny Bråten oo kitaabka jeexjeexeysa Ururka Iskaashiga Islaamka ee (OIC) ayaa cambaareeyay dhacdooyinkii dalalka Sweden iyo Norway ka dhacay maalin ka hor ee kitaabo qur`aanka ka lagu gubay. lana jeex-jeexay. Muqul ka mid ah kitaabka Qur`aanka ayaa lagu gubay magaalada koofurta dalka Sweden ku taalla ee Malmo, waxaana sidoo kale lagu jeexjeexay kitaab qur`aan caasimadda Oslo ee dalka Norway Warbixin uu soo saaray ururka oo fadhigiisu yahay magaalada Jiddah ayaa lagu sheegay in falka gubitaanka kitaabka uu yahay “fal kicin ah” uuna “ka hor imaanayo dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo cunsurinimada iyo kicinta nacaybka ku saleysan diinta”. Taageerayaasha hoggaamiyaha cunsuriga ah ee Denmark u dhashay Rasmus Paludan ayaa jimcihii Malmo ku gubay nuqul kitaab Qur`aan ah. Sidoo kale maalinimadii Sabtida, dibedbax ka dhacay magaalada Oslo ayaa xubin ka mid ah ururka SIAN ku jeex-jeexday baalal ka mid ah kutubka qur`aanka, ayna candhuuf ku tuftay iyadoona ugu dambeyn ku tuurtay dhanka dibadbaxayaashii kasoo horjeeday. Booliska Norway oo la cararaya haweeneydii kitaabka jeexjeexday. Haweeneydan falkan lagu bahdilay kitaabka sameysay ayaa lagu magacaabaa Fanny Bråten, waxaana mar qudha la cararay booliska kadib markii ay eryadeen dibedbaxayaal cadheysan oo dhaawacyo fudud u geystay. Isu soo bax ay sameeyeen muslimiinta ku nool labadaasi dal ayaa waxaa hareeyay rabshado, lagu dhaawacay dhowr sarkaal oo booliiska ka tirsan, iyadoo tobannaan qof ayaa lagu xidhay isu soo baxyadaas. Booliiska ayaa sidoo kale muddo labo sano ah ka mamnuucay Paludan inuu Sweden soo galo. Ururka OIC ayaa soo dhoweeyay tallaabada uu qaaday booliiska Sweden. Dhanka kale, Pakistan ayaa si xooggan u cambaareysay falkaasi lagu gubay nuqul ka mid ah kitaabka Qur`aanka. Afhayeen u hadlay Pakistan ayaa sheegay in dhacdooyinka ku saleysan nacaybka Islaamka ee meelo badan ka dhacaya ay ka hor imaanayaan shurcuuda diin walba. Fanny Bråten oo kutaabka jeexjeexeysa Qaran News
-
Riyadh (Caasimada Online) – Saraakiil sare oo Sacuudiyaan ah oo ay ku jiraan xubno ka tirsan qoyska boqortooyada ayaa xilalka laga qaaday. Wareegto kasoo baxday boqortooyada ayaa lagu sheegay in boqor Salman uu xilka taliyihii ciidamada isbaheysiga Sacuudiga ee Yemen ka qaaday Amiir Fahad bin Turki. Waxaa sidoo kale xilka laga qaaday wiilkiisa Amiir Abdulaziz bin Fahad, oo ahaa barasaab ku xigeen. Labada amiir iyo afar sarkaal oo kale ayaa wajahaya baaritaan la xiriira “heshiisyo maaliyadeed oo shaki uu ku jiro” aoo ay ka sameeyeen wasaaradda gaashaandhigga, sida lagu sheegay bayaanka. Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed bin Salman (MBS), oo loo arko maamula dadban ee Sacuudiga, ayaa wada wax lagu sheegay dagaal ka dhan ah musuq-maasuqa ka dhex jira dowladda. Hase yeeshee, dadka dhaliila ayaa rumeysan in xarigyada ka dhanka ah amiirada looga gol leeyahay in meesha laga saaro dadka uu arko inay caqabad ku yihiin. Horraantii sanadkan, wargeyska Wall Street Journal ayaa ku warramay in saddex amiir oo sare la xiray, waxaana ku jiray amiir la dhashay boqor Salman oo lagu magacaabo Ahmed bin Abdulaziz, iyo dhaxal-sugihii hore Mohamed Bin Nayef. The post KHILAAFKA boqortooyada Sacuudiga oo ka daray iyo MBS oo tallaabo qaaday first appeared on Caasimada Online.
-
Ilhaan Cumar oo ka dalbatay Waaxda Amiga Maraykanka in la baadho fal foolxun oo lagu kacay Dad muslimiin ah Xildhibaanno ay hoggaamineyso Ilhan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, ayaa warqad u qoray Waaxda Amniga Gudaha, iyagoo ka dalbaday in baadhitaan lagu sameeyo dhacdo ku saabsan dad muslimiin ah oo xabsiga dhexdiisa lagu siiyay hilib doofaar. Falkan waxaa ku kacay Ciidamada Ka hortagga Qaxootiga iyo Canshuur ka qaadista badeecooyinka lasoo dhoofiyo (ICE), sida lagu qeexay war-saxaafadeed ay si wadajir ah ugu saxiixnaayeen wakiillada Aqalka Congress-ka ee kala ah Ilhan Omar, Rashida Tlaib iyo Andre Carson. Qoraal ay Ilhaan soo dhigtay boggeeda Facebook-ga ayey ku tidhi: “Wax la aqbali karo ma aha warka soo baxay ee ku saabsan in dad muslimiin ah oo ku jira xabsiyada qaxootiga lagu khasbay inay kala doortaan hilib doofaar ama cunto xalaal ah oo qudhuntay. Arrintani waa khiyaanadii ugu dambeysay ee uu Trump ku sameeyay diinta, waxayna xasuusin u tahay bani’aadanimo xumada ka jirta xabsiyada ciidanka Ka hortagga Qaxootiga iyo Canshuur ka qaadista badeecooyinka lasoo dhoofiyo (ICE). Maanta waxaan horseed ka noqday warqad loo diray Waaxda Amniga Gudaha, si tacaddigaas loo soo afjaro.” Rashida Tlaib iyo Ilhaan Cumar Dad muslimiin ah oo ku jira xabsiga Krome ee magaalada Miami ayaa lagu soo warray in lagu khasbay inay kala doortaan hilib doofaar iyo raashin xalaal ah oo qudhmay, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ay soo saareen Ilhaan iyo xildhibaannada kale ee ay ka wada tirsan yihiin Aqalka Wakiillada. “Dhacdadan waxay ka mid tahay eedeymaha ay wajahayaan ciidanka ka hor tagga soo galootiga, kuwaasoo ay ka mid yihiin in maxaabiis yahuud ah loo diiday cuntooyinka loo yaqaanno Kosher-ka iyo waliba xad-gudubyo lagula kacay dad Hinduu ah iyo kuwo Masiixiyiin ah,” ayaa lagu yidhi bayaanka. “Dalka Mareykanka waxaa lagu dhisay mabaadii dhexdhexaad ka ah diimaha iyo in loo wada siman yahay sharciga,” ayey tidhi Ilhan. “Dhacdadan laga soo tabiyay Miami waa mid kale oo ku biireysa falalka bani’aadannimada ka baxsan eelagu sameynayo qaxootiga dariskeenna ah, waxaana mas’uul ka ah maamulka Trump,” ayey war-saxaafadeedka dhankeeda ku tidhi Rashida Tlaib. Waxaa kale oo ka hadlay Andre Carson, oo isagana yidhi: “Eedeymahan ku saabsan xad-gudubka waa kuwo dhibaato aad u weyn leh, waxayna u baahan yihiin in si deg deg ah loo baadho.” Warqadda lagu dalbaday baadhitaanka ee loo diray Waaxda Amniga Gudaha waxaa kale oo saxiixay wakiillada kala ah: Donald S. Beyer Jr, Judy Chu, Jim Cooper, Madeleine Dean, Ted Deutch, Debbie Dingell, Veronica Escobar, Sylvia R. Garcia, Jahana Hayes, Jared Huffman, Pramila Jayapal, Eddie Bernice Johnson, Marcy Kaptur, Rick Larsen, Barbara Lee, Jerrold Nadler, Eleanor Holmes Norton, Mark Pocan, Ayanna Pressley, Linda T. Sánchez, Jan Schakowsky, Albio Sires, Adam Smith, Juan Vargas, Nydia M. Velázquez, iyo Bonnie Watson Coleman. Qaran News
-
Shirkad lacag lagu siiyo inay burburiso qoysaska Waxaa jirta shirkad gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo “wakaresaseya” si ay xaaskaaga u shukaansadaan kaddibna kuugu caawiyaan inaad iska furtid. Laakiin lacagtu waa imisa?. Sanadkii 2010, Takeshi Kuwabara waxaa xukun maxkamadeed loogu riday inuu dilay gacalisadiisa, Rie Isohata. Arrinta maskaxda caalamka qabsatay ma ahayn musiibada dilka ah, balse waxay ahayd in Kuwabara uu ka tirsanaa koox lagu magacaabo wakaresaseya – wuxuuna lacag uga qaatay Isohata seygeeda si uu xidhiidhkooda guurka usoo afjaro. Ninkan ka tirsanaa kooxda qoysaska burburisa ee wakaresaseya, oo isaga qudhiisa lahaa xaas iyo carruur, wuxuu ka shaqeeyay in uu Isohata kula kulmo meel suuq ah. Wuxuu u sheegay inuu yahay nin aan waligiis guursanin oo ka shaqeeya qalabka tiknoolojiyadda. Qaabka uu markaas u muuqday ayaana u ekeysiinayay waxa uu sheegayay. Halkaas ayey labadooda ka billaabeen xidhiidh jacayl oo markii dambe noqday mid ay isku fahmeen. The wakaresaseya industry in Japan is widely regarded as seedy, with many of those hired working in the shadows without operating licences Dhanka kale, nin ay isla shaqeeyaan Kuwabara ayaa sawirro ka qaaday iyagoo isla jooga hoteel ay jacaylkooda ku jilayeen, wuxuuna u geeyay seygeeda. Sidaas darteed Isohata seygeeda wuxuu sawirradaas caddeyn ahaan ugu adeegsaday kiis maxkamadeed oo uu ku doonayay inuu xaaskiisa isaga furo. Caddeymaha noocaas ah aad bay muhiim uga yihiin dalka Japan, marka ay nin iyo xaaskiis midkood furriin doonayo. Markii ay Isohata arrinta dhacday, way ka cadhootay waxayna go’aan ku gaadhay inay xidhiidhka u jarto gacaliyaheeda cusub, Kuwabara. Laakiin isagu raalli kama uusan ahayn inay ka tagto, wuxuuna ku dilay xadhig uu ku ceejiyay. Muddo hal sano ah kaddib waxaa lagu xukumay 15 sano oo xabsi ah. Dhibaato soo gaadhay shirkadda Wakaresaseya Adeegsiga wakaresaseya waxay caawineysaa qof doonaya inuu xidhiidhkiisa soo afjaro isagoo aan dhibaato la kulomin Hoos u dhac weyn ayaa ku yimid shirkadda ka shaqeysa burburinta qoysaska ee wakaresaseya, kaddib markii uu dhacay dilkii Isohata. Musiibadaas ayaa horseeddat in wax laga baddalo qaabkii ay u shaqeyneysay shirkaddu. Waxaa ku adkaatay inay dhinaca dowladda ka hesho shati ay howlaheeda ku fuliso. Waxyaabaha kale ee hoos u dhigay waxaa ka mid ahaa in ay qandaraasyada ka diideen shirkadaha ku xayeysiin jiray dhinaca online-ka. Shacabka ayaa dareen cadho leh ka muujiyay howshooda, sidaasna waxaa ugu adkaatay inay sii shaqeeyaan. Haddana sidaasoo ay tahay, toban sano kaddib dilkii Rie Isohata, waxaa hadda dib usoo laabtay xayeysiimihii dhinaca online-ka ee loo sameyn jiray shirkaddan, ganacsigeeduna wuxuu u muuqdaa inuu mar kale sare usoo kacayo. Inkastoo qarashka ay wakaresaseya qaadaneyso si ay qoyskaaga u burburiso uu aad u badan yahay, haddana waa la daneynayaa in la adeegsado. Soo rogaal celinta wakaresaseya Shirkaddan wali suuqeeda waa mid qarsoodi ah. Daraasad dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in qiyaastii 270 qof oo ka shaqeysa wakaresaseya lagu xayeysiinayo dhinaca online-ka. In badan oo ka mid ah waxay la shaqeeyaan hay’adaha sirdoonka ee waddamada, iyagoo ka kaashada sida lagu ogaan karo arrimo badan oo dadka khaas u ah, si ay ugu fududaato inay qofka xidhiidh ula sameeyaan si sahlan. In ay sii socoto shaqada wakaresaseya waxay muujineysaa in lacagta iyo khiyaanada ay kaalin weyn ka ciyaarayaan burburka xidhiidhada qoysaska iyo lamaaneyaasha, waliba si ka badan sida ay dadka dareemayaan. Oggolaanshaha furriinka Qoraa Stephanie Scott, oo fadhigeedu yahay London ayaa sharraxday daraasad ay ku sameysay waxqabadka wakaresaseya “Shirkadda wakaresaseya ay kaa caawineyso in aadan wax buuq ah galin. Xaaskaagu waxay aad ugu badan tahay inay kugu raacdo dalabka furriinka, haddii ay jeceshahay qof kale oo ay dooneyso inay nolol cusub la gasho ruuxaas.” Ayey tidhi Stephanie Scott, oo ah qoraa soo saartay buugaag ka hadlaya jacaylka. Sidaas darteed arrintan waxay wax tar leedahay marka uu qof ka mid ah lamaanaha kasoo horjeedo in la kala tago, sida ay sheegtay qoraaga. “Waayo haddii hal dhinac uu diiddan yahay burburka qoyska, waxaa adkaaneysa dacwadda maxkamadda ee la xidhiidhta xaaladdan,” ayey sii raacisay hadalkeeda. Qaran News
-
Washington (Caasimada Online) – Tiro xildhibaanno oo ay horkaceyso Ilhan Cumar, oo ka tirsan aqalka wakiillada Mareykanka, ayaa dacwo ka gudbisay ciidamada ka horta qaxootiga iyo kuwa canshuur qaadista badeecooyinka lasoo dhoofiyo kadib markii ay dad muslimiin ah oo xabsi ku jira ku qasbay cunto hilib doofaar iyo raisin qurmay. Xildhibaanadaan ay hoggaamineyso Ilhan Omar ayaa qoraal ay u gudbiyeen Waaxda Amniga Gudaha,waxay ku codsadeen in baaritaan lagu sameeyo dhacdadaan foosha xun ee lagula kacay muslimiinta maxaabiista ee xabsiga Miami ku jira. War-saxaafadeed ay si wadajir ah ugu saxiixnaayeen wakiillada Aqalka Congress-ka ee kala ah Ilhan Omar, Rashida Tlaib iyo Andre Carson iyo mudaneyaal kale ayaa lagu sheegay inaysan arrintaani aheyn wax aan la aqbali karin. “Wax la aqbali karo ma aha in dad muslimiin ah oo ku jira xabsiyada qaxootiga lagu khasbay inay kala doortaan hilib doofaar ama cunto xalaal ah oo quruntay. Arrintani waa khiyaanadii ugu dambeysay ee uu Trump ku sameeyay diinta, waxayna xasuusin u tahay bani’aadanimo xumada ka jirta xabsiyada ciidanka Ka hortagga Qaxootiga iyo Canshuur ka qaadista badeecooyinka lasoo dhoofiyo (ICE). Maanta waxaan horseed ka noqday warqad loo diray Waaxda Amniga Gudaha, si tacaddigaas loo soo afjaro.” Dad muslimiin ah oo ku jira xabsiga Krome ee magaalada Miami ayaa lagu khasbay inay kala doortaan hilib doofaar iyo raashin xalaal ah oo qurmay, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ay soo saareen Ilhaan iyo xildhibaannada kale ee ay ka wada tirsan yihiin Aqalka Wakiillada. Xildhibaanadaan qoraalka gudbiyay ayaa si gaar ah ugu eedeeyay maamulka Trump mas’uuliyada in dhacdadan laga soo tabiyay Miami ay ku biireysa falalka bani’aadannimada ka baxsan ee lagu sameynayo qaxootiga The post Ilhaan Cumar oo dacwo ka gudbisay askar fal xun kula kacay dad muslimiin ah first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Africa ayaa xog kasoo saaray duqeymaha ay Soomaaliya ka geysteen sanadkaan 2020, waxeyna xaqiijiyeen iney qaadeen 46 weeraro cirka ah oo ay ku bartilmaameedsadeen kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. Agaasimaha arrimaha bulshada ee taliska militariga Mareykanka ee qaaradda Africa (Kornayl Chris Karns) ayaa shaaca ka qaaday iney wali diyaar u yahiin sii waditaanka tababarada ciidanka Soomaaliya, sidoo kalana ay wadi doonaan taageerada hawlgallada duqeymaha. Chris wuxuu sheegay in kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ay Qatar weyn ku yahiin Soomaaliya, wadamada dariska ah iyo dowladda Mareykanka. Bayaanka kasoo maxay taliska waxaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay geystaan falal amni xumo oo aan kala har laheyn, sidaas darteed ay Qatar ku yahiin qof walba. Taliska waxey dhawaan qirteen iney markii labaad duqeymahooda waxyeelo ku gaarsiiyeen dad shacab ah, bishii labaad ee sanadkaan ayey saddex qof dhaawaceen, qofna dileen. Kooxda Al-Shabaab waxey ku dhawaad 20-sano dagaalo ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxeyna mar walba bartilmaameed ka dhigtaan xarumaha dowladda, ciidamada, goobaha la isugu yimaado iyagoo xitaa u tallaabay wadanka dariska ah ee Kenya. The post Mareykanka oo xaqiijiyay tirada duqeymaha ay ka geyteen Somalia sanadkan first appeared on Caasimada Online.
-
WHO Director-General’s opening remarks at the media briefing on COVID-19 – 31 August 2020 31 August 2020 Good morning, good afternoon and good evening. Eight months into the pandemic, we understand that people are tired and yearn to get on with their lives. We understand that countries want to get their societies and economies going again. That’s what WHO wants too. Stay-at-home orders and other restrictions are something that some countries felt they needed to do to take pressure off their health systems. But they have taken a heavy toll on livelihoods, economies and mental health. WHO fully supports efforts to re-open economies and societies. We want to see children returning to school and people returning to the workplace – but we want to see it done safely. At the same time, no country can just pretend the pandemic is over. The reality is that this coronavirus spreads easily, it can be fatal to people of all ages, and most people remain susceptible. If countries are serious about opening up, they must be serious about suppressing transmission and saving lives. This may seem like an impossible balance, but it’s not. It can be done, and it has been done. But it can only be done if countries are in control of transmission. The more control countries have over the virus, the more they can open up. Opening up without having control is a recipe for disaster. It’s not one size fits all, it’s not all or nothing. We believe there are four essential things that all countries, communities and individuals must focus on to take control. First, prevent amplifying events. COVID-19 spreads very efficiently among clusters of people. In many countries, we have seen explosive outbreaks linked to gatherings of people at stadiums, nightclubs, places of worship and in other crowds. Preventing these amplifying events is essential, but there are ways to hold gatherings safely in some places. Decisions about how and when to allow gatherings of people must be taken with a risk-based approach, in the local context. Countries or communities experiencing significant community transmission may need to postpone events for a short time to reduce transmission. On the other hand, countries or communities with sporadic cases or small clusters can find creative ways to hold events while minimizing risk. Second, reduce deaths by protecting vulnerable groups, including older people, those with underlying conditions and essential workers. Countries that do this well may be able to cope with low levels of transmission as they open up. By protecting those who are most at risk, countries can save lives, prevent people becoming severely ill, and take the pressure off their health systems. Third, individuals must play their part by taking the measures we know work to protect themselves and others – stay at least one metre away from others, clean your hands regularly, practise respiratory etiquette, and wear a mask. Avoid the “three Cs”: closed spaces, crowded places and close-contact settings. And fourth, governments must take tailored actions to find, isolate, test and care for cases, and trace and quarantine contacts. Widespread stay-at-home orders can be avoided if countries take temporary and geographically-targeted interventions. To support countries in their efforts to open up, WHO has a range of evidence-based guidance, which can be applied in different transmission scenarios. Recently we have published guidance for hotels and other accommodation, and guidance for cargo ships and fishing vessels. This is all part of our commitment to supporting every sector to reopen as safely as possible. Meanwhile, we are continuing to work with our partners through the ACT Accelerator and the COVAX Facility to ensure that once a vaccine is available, it’s available equitably to all countries. I would like to thank the European Commission for its announcement today that it is joining the COVAX Facility, and for its contribution of 400 million euros. As President Ursula von der Leyen said, global collaboration is the only way to overcome a global pandemic. I fully agree with Her Excellency the President. === Of course, it’s not just schools and businesses that have been affected by COVID-19. In all countries, health systems have been put under extreme pressure, and the true impact of the pandemic in terms of increased sickness and death from other diseases remains to be seen. A WHO survey published today from 105 countries shows that 90% of countries have experienced disruption to their health services. Low- and middle-income countries have been the most affected. The survey shows that up to 70% of services have been disrupted for essential services including routine immunization, diagnosis and treatment for non-communicable diseases, family planning and contraception, treatment for mental health disorders and cancer diagnosis and treatment. Many countries have started to implement some of WHO’s recommended strategies to mitigate service disruptions, such as triaging patients to identify priorities, shifting to on-line patient consultations, and changes to prescribing practices. However, only 14% of countries reported removing user fees, which WHO recommends to offset potential financial difficulties for patients. WHO will continue to work with countries to provide tools to maintain essential services. For example, WHO is developing a “Health Services Learning Hub”, a web-based platform that will allow countries to share experiences and learn from each other. === Finally, I would like to mention WHO’s ongoing work responding to another emergency – the aftermath of the Beirut blast. Although Beirut is no longer in the headlines, WHO is continuing to support Lebanon in the wake of the blast four weeks ago, which left more than 6,500 people injured, 300,000 people homeless, and severely damaged critical health infrastructure and medical supplies. WHO and our partners are providing care for the injured, making sure everyone has access to basic and life-saving health services, providing mental health support for health workers and communities, and rebuilding destroyed hospitals. At the same time, we are responding to COVID-19 by expanding testing and treatment, buying urgently needed medicines, and protecting health care workers. To sustain this lifesaving work, WHO has launched an appeal for at least US$76 million. We thank all donors who have already committed funds. To support this appeal, the WHO Foundation, which we have recently established, has today launched a campaign to which any individual or organization can contribute. To give, go to whofoundationproject.org, and click on “Donations”. Your contribution will make a difference to the lives of many who need support. === In closing, I would like to repeat the four critical things that countries, communities and individuals must focus on to control transmission so they can open their societies and economies safely. First, prevent amplifying events. Second, reduce deaths by protecting vulnerable groups. Third, take the individual steps to protect yourself and others. Fourth, find, isolate test and care for cases, and trace and quarantine contacts. And above all, national unity and global solidarity are essential. This virus thrives when we’re divided. When we’re united, we can defeat it. I thank you. Qaran News
-
In badan ayay u Rabbi tuugayeen oo ay naawilayeen bulshada la Hayb sooco ee Gabooyuhu inay helaan Geesiyaal u kaca oo ay bidhaansadaan oo hormuud u noqda ka dhiidhiga iyo ka dagaalanka Dulmiga, Cadaalad darrada iyo gooni u sooca dulmiga ku dhisan ee lagu hayay Bulshadaas sharafta badan ee Gabooye boqolaalkii sanadood ee aynu soo dhaafnay. Wasiir Mahdi Cismaan Buuri, Garyaqaan Barkhad Jaamac iyo Garyaqaan Cumar Goodaad waxay hormuud u yihiin sidii ay Bulshada ay ka soo jeedaan u heli lahayd Xaq iyo Xuquuq la siman ta ay haystaan Muwaadiniinta kale ee Somaliland, Xuquuq Shaqo, Waxbarasho, Caafimaad iyo higsi nololeed oo ka fayow yasid iyo faquuqid. Bulshada Gabooye oo ah bulsho aad u sharaf badan oo isku kalsoon waxay udub dhexaad kaga jiraan horumarinta dhaqaalaha Dalka iyaga oo tusaale u ah isku filaanshaha Qoysnimo iyo Qofnimo ee uu qof wal oo bulshadaas ka mid ahi la soo baxo quruskiisa oo xalaal ah iyaga oo aan cidna sacabada hoos dhigan oo sharfan. Dulmiga ku gedaaman Beeshaas Gabooye maaha mid qoraal keliya lagu soo koobi karo, waxaana tusaale cad aynu usoo qaadan karnaa Dulmiga Golayaasha Deegaan iyo Baarlamaanka oo ay beeshaasi ka arradan tahay. Tusaale ahaan Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa oo ka kooban 25 Xubnood ma jirto xubin keliya oo ay beeshaasi ku leedahay golahaas inaga oo ka war hayna in Caasimada Hargeysa ay tahay deegaanka ugu badan ee ay Beeshaasi degto, sidoo kale ma jirto Xildhibaan keliya oo ay beeshaasi ku leedahay Baarlamaanka Somaliland, xataa ma jiro Wasiir buuxa oo ay Beeshaasi waligeed ku yeelatay Golaha Wasiirrada Somaliland marka laga reebo Wasiir ku Xigeen uu imika xilkiisa Mudane Mahdi Cismaan Buuri, ma jiro Badhasaab ama xataa badhasaab ku xigeen ay Beeshaasi ku leedahay gobolada Dalka. Halganka ay hormuudka ka yihiin saddexdan Geesi ee Mahdi, Barkhad Iyo Cumar maaha mid ka turjumaya aragti Xisbiyaysan oo Wadaniyaysan, Kulmiyaysan ama Ucidaysan, balse waa aragti bulsho oo iyo halgan bilaw ah oo ay kaga wakiil yihiin Ummadooda iyo damiirka qof kasta oo raba Wanaaga Ummada Somaliland si loo suuliyo Dulmiga, Takoorka iyo Faquuqa lagu hayo Beelaha Gabooye ee Geesiyaasha ah. Waxaan uga digaynaa cid kasta oo dhib u geysta ama fal-dambiyeed Kula kacda ama ka hortimaada Xaqa iyo Xuquuqda ay Musuuliyiinta ka soo jeeda Beelaha Gabooye u leeyihiin inay ummadooda u hadlaan una doodaan, in Sharciga lala tiigsan doono magacyadoodana aanu u gudbin doono Hay’adaha iyo Dawladaha Caalamka oo si wayn isha ugu haya ilaalinta Xuquuqda aadanaha. Ugu danbayn waxaan usoo jeedinayaa shacbiga reer Somaliland inay is garab taagaan oo ay Hiil iyo Hoo la garab istaagaan sidii Beelaha Gabooye ay u heli lahaayeen Xaq iyo Xuquuq la siman ta ay haystaan Bulashada kale ee reer Somaliland. Taas ayaan ku gaadhi karnaa Somaliland oo Horumarta, Barwaaqaysan oo ay ummadeedu farxad ku naalooto. Amb Kaysar Cabdillaahi Maxamed Bristol. UK kaysar@diplomats.com Qaran News
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Qubanha-shabelle-31082020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta shaaciyey in dhowaan Madaxweyne Farmaajo uu saxiixi doono metelaada Muqdisho. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa Caasimada Online u sheegay in guddoomiye Cumar Filish uu ka dhawaajiyey in madaxweynuhu uu dhawaan saxiixayo 13-ka kursi ee Aqalka Sare loogu darayo gobolka Banaadir. Xildhibaanada golaha shacabka ayaa horay u meel mariyey 13-kan kursi ee golaha Aqalka Sare laga siinayo gobolka Banaadir. Madaxweynaha ayaa horay u dalbaday in Muqdisho metelaad iyo maqaamba ay ka hesho hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda, balse kuraastan ayaa ah metelaad, halka maqaamkiina aan weli meel la saarin. Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa aad u soo dhaweeyey markii uu baarlamaanku meel mariyey kuraastan. The post Madaxweyne Farmaajo 'oo saxiixaya' 13-ka kursi ee gobolka Banaadir first appeared on Caasimada Online.
-
(SLT-Ceerigaabo)-Masuuliyiinta gobolka Sanaag iyo kuwa degmada Ceerigaabo ayaa maanta la wareegay gacan ku dhiigle Xasan Axmed Barre oo horaantii bishan dil ugu geystay buuralayda degmada Maydh marxuum Yuusuf Jaamac Xirsi. Waxaa gacan ku dhiiglaha keentay eheladii gacan uu kasoo jeedo, iyaga oo gacanta u geliyey maamulka gobolka Sanaag iyo ka degmada Ceerigaabo oo ay weheliyaan saraakiisha Ciidamada Booliska ee gobolka Sanaag iyo eheladii uu ka baxay Marxuum Yuusuf Jaamac Xirsi. Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay guddoomiyaha gobolka Sanaag Eng Axmed Cismaan Xasan,Taliyaha Ciidamada Gashaanle dhexe Saleebaan Ducaale Ubaxle , waxaanay sheegeen dhammaantood in sharciga la hor geyn doono gacan ku dhiiglahan, iyaga oo tilmaamay in gacan ku dhiig-lahani yahay kii saddexaad ee loo soo gacan geliyo. Masuuliyiintan ayaa si weyn ugu mahadceliyey cid kasta oo gacan ka geysatay soo qabashada gacan ku dhiiglahan, waxaanay ku booriyeen dadka kale in ay ku daydaan odayaashan soo qabtay gacan ku dhiig lahan, iyaga oo sidoo kalena tilmaamay in sharciga la marin doono cid kasta oo falal noocan oo kale ah ka geysata gobolka.Waxa iyaguna goobta ka hadlay Odayaashii labada dhinac ee uu gacan ku dhiigluhu kasoo jeeday iyo kuwa uu kasoo jeeday Marxuum Yuusuf Jaamac Xirsi oo ah Marxuumkii uu dilay gacan ku dhiiglahan lasoo dhiibay, waxaanay labada dhinacba isaga mahad celiyeen sida ay gacan ku dhiiglahan usoo qabteen iyo sida ay ugu samreen soo qabashadiisa Source
-
Dardaarankaan Waxaa Tirisay Haweenay Soomaaliyeed oo loogu yeero Cabdala Cabdala, waxay la hadlaysaa Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Lix kooxood oo horbooda Umada Soomaaliyeed. Hoos ka [...] The post Dhagayso Datdaaran ku socda 6 kooxood oo Soomaali ah. appeared first on . Source
-
United Nations Secretary-General Antonio Guterres has honored 600 Ugandan troops guarding UN facilities and personnel in volatile Somalia, a Ugandan official said on Monday. Lt. Col. Deo Akiiki, the deputy Ugandan military spokesman, tweeted that the troops, serving under the sixth United Nations Guard Unit in Somalia, received medals from Guterres. “The medals are recognition of the one-year selfless service… in securing the UN facilities and personnel against Al-Shabaab threats,” Akiiki said, referring to the Al-Qaida-linked extremist group. An award ceremony, held in Somalia, was presided over by James Swan, a special representative of the UN secretary-general for Somalia. The troops are deployed in Somalia on a rotational basis. Besides providing protection services to the UN, Uganda provides the bulk of the troops under the African Union Mission in Somalia. Uganda has over 6,000 troops deployed in Somalia. View the full article
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Somalia ayaa maanta agaasime cusub u magacaabay madaxtooyada maamulkaasi. Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa waxaa xil-kaas loogu magacaabay, Cabdullahi Cali Maxamed oo loo yaqaano Watiin. Halkan hoose ka akhriso:- View the full article
-
Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Wafdi uu hogaaminayo oo maalmahaan Garowe ku sugnaa ayaa maanta waxay Madaxtooyada kula kulmeen Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni. [...] The post Wafdigii Xisbiga Wadajir oo la kulmay Madaxweyne Deni appeared first on . Source
-
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay baaris lagu sameeyay kiisas musuq maasuq ah oo markii hore ka bilowday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, kadibna lugaha la galay Wasaraado iyo hay’ado kale oo Dowladeed, Ganacsato, shirkado si gaar ah loo leeyahay, taaso dhawaan xukuno kala duwan ay ku ridday Maxakmadda Gobalka Banaadir. Xeer-Ilaaliyaha Guud ayaa sheegay in inta baaritaanku socday sheegay in fatashaad lagu sameeyay Xarumo Dowladeed oo kala duwan oo ay ku jiraan Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Wasaaradda Warfaafinta, Xafiiska Xisaabiyaha Guud, hay’ado gaar loo leeyahay, shirkaddo dhismo, Xarumo ganacsi sida Hoteelo, makhaayado cuno, Supper Marketyo, xarumo daabacaad iyo meelkasta oo laga heli karay xogta uu daba socday Xafiiska Xeer- Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, si looga gun gaaro ujeeddooyinka iyo natiijada barista. Xeer ilaaliyaha Guud ee Qarnaka Dr Salmayn ayaa intaas kadib Dagniin u diray Wasiirada Dowladda, Agaasimyaasha guud ee Wasaaraddaha, Agaasimayaasha maamulka iyo Maamliyadda, Bangiyada ganacsiga, Xawaaladaha iyo hay’adaha kale ee maaliyadeed ee ka diiwaan gashan Bangiga Dhaxe ee Soomaaliya, kuwaaso uu sheegay in qaadan daoonan dayacaad kasta oo ku timaada xafiisyada ay masuulka ka yihiin si waafaqsan xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed Iyo Xeerka Maaliyadda Dalka. “‘Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu uga digayaa Agaasinka maamulka iyo maaliyadda iyo xisaabiyayaasha hay’adahaDawladda ku daneesi Xafiis Dowladeed, raadin faa’iidooyin khaldan iyo in lagarab maro xeerarka iyo habraacyada maaliyadeed ee Dawladda Soomaaliya, waa in masuul kasta oo Dawladeed uu ka fogaada in uu saxiixo wax uusan hubin ama uusan ogayn in uu sax yahay, haddii Wasiir, Wasiiru dawle, Wasiir ku-xigeen iyo agaasime Guud ama qof kale oo ka sareeya uu ku siiyo amar khilaafsan habraacyada maaliyeed waa in uu ka dalbadaa masuulkaas qoraal rasmi ah oo uu ku saxiixanyahay, si uu masuuliyadda u qaato masuulkaas, waana in uu ku wargaliyaa Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud si waafaqsan qodobka 18 ee Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed khaladkaas” ayuu yiri Xeer-ilaaliye Sulaymaan Siodoo kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa intaas ku daray “Waa in Wasaaradahu ka fogaadaan in ay la tacaamulaan shirkado aan lahayn jiritaan sharci ah oo aan xafiisyo iyo adeegyo muuqda aan bixin, waa in saraakiisha Dawladdu ay ka dheeraadaan in ay samaystaan shirkado gaar ay u leeyihiin ama ay saami ku leeyihiin oo adeeg-siinaya isla xafiiska uu ka shaqeenayo Saraakiishaas si looga fogaado ku danaysi Xafiis Dowladeed. Waxaa la farayaa Bangiyada ganacsiga, Xawaaladaha iyo hay’adaha kale ee Maaliyadeed ee ka diiwaan gashan Bangiga Dhaxe ee Soomaaliya in ay u hogaansamaanay ayna raacaan Xeerarka Maaliyada, Habraacyada iyo Haggista joogtada ah ee uu bixinayo Bangiga dhaxe ee Soomaaliya iyo hay’adda FRC iyada oo ganacsatadu maskaxda ku haynayaan in ay hay’adda FRC aysan xaq u lahayn in ay xayiraad kaligeed ku samayso akoono shakhsiyadeed iyo mid ganacsi oo ay leeyihiin mawaadiniin Soomaaliyeed, iyada oo aan la soo ogaysiin Xafiiska Xeer ilaaliya Guud lana helin waaran Maxkamadeed oo lagu xayirayo akoonadaas, si waafaqsan Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed” Dhinaca Kale, Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranku ayaa sheegay in uu gacanta ku hayo baarista kiisas kale oo musuq-maasuqa oo ay ku lug leeyihiin Wasaarado iyo hay’addo kale oo Dowladeed, Safaarado Soomaaliyeed, Shirkaddo ganacsi, Degmooyinka ka mid ah Gobolka Gobolka Banaadir. Xawaalado, hay’addo iyo shirkaddo u shaqaysta hab maaliyadeed oo aan ka diiwaan gashanayn shatina ka haysanin Bangiga dhaxe ee Soomaaliya iyo kuwo kale oo aanan bixin canshuuraha ku waajibay, marka ay baaritaankaas oo dhami soo gabagaboobaan ayuu Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud sheegay in uu horkeeni doono Maxkamadaha awooda u leh si loo maxkamadeeyo ciqaabaha ay mutaystaana loo marsiiyo. Ugu, Danbayntii dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ka mid yihiin shaqaalaha iyo howl-wadeenada Xafiisyada kala duwan, waxaa la amrayaa in ay soo gaarsiiyaan warbixinada danbiyada musuq maasuqa iyo danbiyada kale qaybaha kala duwan ee Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo booliska si waafaqsan Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed. View the full article
