Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU (HOL) - Puntland President Abdullahi Deni and his Jubbaland counterpart Ahmed Madobe have both arrived in Mogadishu ahead of electoral talks with President Mohamed Farmaajo. Source: Hiiraan Online
  2. Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, oo goor dhoweyd gaaray Magaalada Muqdisho, ayaa haatan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kula shirsan Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto. Warar hoose oo ay heshay Puntland Post, waxay xaqiijinayaan Labada Madaxweyne iyo Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya ay ka wada-hadlayan Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaanna Arrimaha Doorashada soo socota. Sidoo kale, Deni iyo Axmed Madoobe, waxay kulamo kale la yeelan doonaan qaar kamid ah Safiirada Dalalka Shisheeye ee ku sugan Magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ku jiraan Safiirada Turkiga iyo Talyaaniga. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, ayaa sidoo kale kulan gaar ah oo ku saabsan Arrimaha Doorashada la qaadan doona Madaxweyne Farmaajo, kaas oo lagu turxaan-bixinayo Heshiiskii Dhuusamareeb3. Puntland iyo Jubaland ayaa midkoodna ka qayb-gelin Shirkii Dhuusamareeb 3, waxaana ay sheegeen in aysan qayb ka hayn Heshiiskii lagu gaaray Shirkaas. PUNTLAND POST The post Deni iyo Axmed Madoobe oo Muqdisho kula shirsan Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  3. Maanta waxaa Muqdisho u xiran tahay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaa la waayay meel lakala maro, soo dhaweyntii Madaxweyne Deni. The post Daawo Deni Oo Muqdisho gilgilay appeared first on . Source
  4. Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho, iyaga oo ka soo kala kicitimay magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe. Guddoomiyaha gobolka Banaadir, wasiiro, xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee bulashada ayaa ku soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Axmed Madoobe iyo Deni ayaa magaalada Muqdisho wada-hadallo kula yeelan doono Madaxweynaha Soomaaliya, iyaga oo ka arrinsa doono doorashooyinka 2020/21. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona inta badan la xiray jidadka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho. View the full article
  5. Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa guddoomiyaha degmada Shibis u magacaabay, Cali Axmed Cabdulle (Cali Soomaali). Wareegto ka soo baxday xafiiska duqa Muqdisho, Cumar Filish ayaa waxaa lagu faray guddoomiyaha cusub inuu si deg-deg ah xil-ka ula wareego. Sidoo kale waxaa laga dalbaday hay’adaha amniga inay si u dhow ula shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee maamulka degmada Shibis ee gobolka Banaadir. Cali Soomaali ayaa ahaa Wariye caan ah, wuxuuna horey uga soo shaqeeyey Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho. View the full article
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah xildhibaanada aqalka hoose ee dowladda Federaalka ayaa qoraal uu bartiisa Facebook kusoo qoray bulshada dhex dhigay dhawr su’aalood oo ku saabsan imaatinka labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland isagoo ku dareen kicinaya madaxweynayaasha Hirshabelle, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hogaanka Gobolka Banaadir oo si dadban ugu lammaanan. Wadooyinka magaalada Muqdisho saakay aroortii waa la xiray sabab lagu sheegay imaatinka Axmed Maxamed Islaam (Madaxweynaha Jubbaland) iyo Saciid Cabdullaahi Deni (Madaxweynaha Puntland), wuxuuna xildhibaan Mahad Salaad is weydiiyay haddii madaxda maqan markooda loo sameyn doono maamuus aysan horay u heli jirin. Sidoo kale xildhibaanka wuxuu shaki galiyay in madaxweynayaasha maamul goboleedyada kale loogu yeeri doono shirka si ay wax uga ogaadaan heshiiska la filayo iney gaaraan madaxweyne Farmaajo iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland. Labada Madaxweyne ee shirka gaarka ah la yeelan doona dowladda dhexe waxey si cad uga hor yimaadeen shirka Dhuusamareeb wajigiisa saddexaad, mana aysan kasoo qeybgalin gogoshii la dhigay Galmudug, taas badalkeeda cadaadis dhinacyada uga yimid beesha caalamka waxaa la isla gartay in lagu kulmo Muqdisho. Ugu dambeyntii Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ah kuwooda ugu fir-fircoon ayaa falaar kulul ku tuuray madaxweynayaasha saddexda ah ee maqan, maadaama uu su’aal iska weydiiyay hadii ay talo ku lahaan doonaan heshiiska la filayo iyo hadii ay noqon doonaan uur jiif hooyadiis ku gowracan oo uu ula jeeday inuu wakiil ka noqonaayo Madaxweyne Farmaajo. HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA MAHAD SALAAD: DULMIBA HA IGU AHAATEE HORTA DOOR MA LEEYIHIIN?! Shirka Xamar ay ku leeyihiin Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Puntland iyo Jubaland inta aan la soo gunaanadin ka hor ma loo yeeri doonaa Madaxweynaha saaxiibadiis si heshiiska looga talo geliyo? Hadii la isla ogolaado in loo yeero: Ma imaan doonaan? Jidadka markooda ma loo xiri doonaa? Wixii Farmaajo, Deni iyo Madoobe ku heshiiyeen in aysan marqaati ka noqon ee talo ku yeeshaan ama wax ka badalaan markooda ma loo ogolaan doonaa? Mise imaanshiyahooda iyo maqnaanshahooda waxaba kuma xirna oo arintu waa “uur jiif hooyadiis ku gowracan” Madaxweynaha ayaana wakiil buuxa ka ah saaxiibadiis️ Hon. Mahad Salad The post Muxuu Mahad Salaad ku qeexay doorka siyaasadeed ee Qoor Qoor, Waare, Lafta-gareen iyo Filish? first appeared on Caasimada Online.
  7. Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe. Ciidamadan oo diyaarad qaas ah ay ka soo qaaday magaalada Kismaayo ayaa ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Sidoo kale ciidamadan oo ah kuwo aad u qalabeysan ayaa waxa ay sugi doonaan ammaanka Axmed Madoobe inta uu joojo gudaha Caasimadda. Siciid Deni ayaa dhankiisa iska soo hormariyey ciidamo badan, kuwaas shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana arrintan ay dad badan ka muujiyeen walaac xoogan. Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa wada-hadallo waxa ay la yeelan doono Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo diirada lagu saari doono doorashada 2020/2021. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  8. (SLT-Hargeysa)-Qaar kamid ah xildhibaannada golaha wakiilladda Somaliland ee laga soo doorto gobollada darafyada, ayaa ka dareeray fadhigii maanta ee Golaha kaasi oo lagaga doodaayay xeerka Doorashooyinka. Xildhibaannada ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan wax ka baddal lagu sameeyay xeerka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa shaaca ka qaaday in 2020 uu Soomaaliya ka fuliyay 46 duqaymo cir ah oo lagu bartilmaameedsaday Xoogga Al Shabaab iyo Daacish faraceeda Soomaaliya. Kornayl Chris Karns, Agaasimaha Arimaha Bulshada ee taliska militariga Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in ay sii wadayaan tababarada ciidamada Soomaaliya ayna ku taageerayaan howlgalada duqaymaha ah ee Soomaaliya ka socda. “Al Shabaab waa cadow khatar ah oo ku wajahan Soomaaliya, deriskeeda, iyo Mareykanka” ayaa laga yiri bayaanka Africom oo Al Shabaab ku eedeeyay in ay ku kacaan falal lagu cabsi galinayo Shacabka. “Waxa ay ku kaceen falal isdaba-joog ah oo rabshado wata iyada oo aan loo aabayeelin Shuruucda Colaadda Hubeysan, oo ay ka mid yihiin in rayidka ah waxyeello soo gaarto” Africom ayaa sidaasi tiri. “Al Shabaab waxa ay si joogto ah u weeraraan muwaadiniinta Soomaaliyeed, ciidamada militariga, iyo kuwa la shaqeeya Ciidamada Soomaaliya, Mareykanka, iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah”,ayaa lagu yiri qoraalka Africom. Waxa ay ku eedeysay al Shabaab in ay soo bandhigaan macluumaad been abuur iyaga oo tusaale u soo qaatay sheegashada Al Shabaab ee ku saabsan in ay dileen Ciidamado Ameerikaan ah. Mareykanka ayaa bishii la soo dhaafay sheegay in hal qof oo rayid ah lagu dilay seddex kalena lagu dhaawacay duqeyn cirka ah oo Mareykanku ka fuliyay Soomaaliya bishii Febraayo, waana markii labaad oo uu qirto dilka shacabka tan iyo markii uu billaabatay warbixinno saddex-biloodle ah oo ku saabsan dadka rayidka ah ee wax ku noqday hawlgallada ay ka wadaan Afrika. Qirashadii ugu horreysay ee Africom waxa ay ahayd duqeyn diyaaradeed oo bishii Abriil 2018 ka dhacday degmada Ceel Buur ee gobolka Galguduud bartamaha Soomaaliya taas oo Africom ay ku sheegtay in ay si aan ula kac ah u dileen laba qof oo rayid ah. Warbixinta qiimeynta qasaaraha rayidka ee AFRICOM ee la daabacay bishii Abriil ayaa lagu sheegay in laba qof oo rayid ah lagu dilay saddex kalena lagu dhaawacay duqeyn xagga cirka ah oo ka dhacday Soomaaliya horaantii 2019. Ku dhowaad 15 sano Al Shabaab waxa ay waday olole qaraxyo iyo toogasho ah oo ay la beegsaneysay bartilmaameedyo militari iyo dowladeed oo ay ku jiraan hoteello iyo isgoysyada taraafikada ee Soomaaliya iyo waddamada deriska la ah Soomaaliya sida Kenya. View the full article
  10. Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil muwaadin Soomaaliyeed loogu geystay gudaha wadanka Koonfur Afrika. Marxuumka ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Xamuud Aadan Dhiblaawe, kaas oo lagu dilay goob ganacsi oo uu ku lahaa dalkaasi. Wararka ayaa sheegaya in kooxo burcad Afrikan ah ay weerar ku qaadeen marxuumka oo uu markii hore soo gaaray dhaawac, balse markii dambe u dhintay. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dalka Koonfur Afrika, balse ma jirto wax tallaabo ah oo ay qaadeen dhacdada kadib. Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa sii kordhayey dilalka iyo weerarada ka dhanka ah Soomaalida ee ka dhaca wadanka Koonfur Afrika. View the full article
  11. Sii hayaha wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo ay wehliyaan wasiirka waxbarashada Hirshabeelle ayaa dhagax dhigay Dusiga beeraha Balcad kaasi oo loogu talagalay in kor loogu qaado wax soo saarka deegaanka maadaama gobolka shabeellaha dhexe uu ka mid yahay kuwa ugu badan ee lagu beeraha dalagyada kala duwan ee dalkeyna ka baxa waxaana laga hirgeliyay degmada Balcad. Munaasabadaan waxaa goob joog ka ahaa maamulka Gobolka ,kan degmada iyo masuuliyiin ka socotay dowlad goboleedka hirshabeelle. Guddoomiyaha Degmada Balcad Qaasim Cali Nuur iyo guddoomiyaha gobolka shabeellaha dhexe Axmed Mayre Makaraan ayaa sheegay in dusgigaan uu waxbadan kusoo kordhindoono wax soo saarka isla markaana ay uga faa’ideysan doonaan. Wasiirka waxbarashada dowlad goboleedka Hirshabeelle Dr Cabdulaahi Abuukar xuseen ayaa sheegay inay dugsigaan ay ka faa’ideysan doonaan bulshada Soomaaliyeed waxaana uu uga mahadceliyay sida dowladda dhexe ay uga go’antahay kor u qaadista wax soo saarta dalka. Sii hayaha wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalkla Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay iskuulkaan ugu talagalay cilmiga iyo tayada wax soo saarka dalka kor loogu qaado goobtaana ay tahay meel muhiim u ah dadka soomaaliyeed. “Dusigaan beeraha balcad oo aan ugu talagalnay wax soo saarka gobolka looguma yeeri karo magac kale waxaana dowladda Soomaaliyeed ka go’an xoojinta wax soo saarka dalka”ayuu yiri wasiir goodax. Waa dugsigii ugu horeeyay oo nuucaan ah ee laga hirgaliyo degmada Balcad ee gobolka shabeellaha Dhexe waxaana mashruucaan fulinayo dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Midowga Yurub. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  12. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Duhur-01092020-ok.mp3 View the full article
  13. (SLT-Dimishiq)-Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Ciidanka Millateriga Suuriya iyo Jennaraalo ka tirsan kacaanka Iraan ayaa lagu dilay duqeyn ay fuliyeen Diyaaradaha Dagaalka Israa’iil ee F35 ee aanu Raadaarku qaban karin, waxaana lasoo shegayaa in uu jiro khasaare xooggan oo gaadhay Sarakiisha iyo Ciidamada la duqeeyay. Duqeynta ay aka dhacday sida la sheegay Meel u dhaw Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda dalka Suurya ee Dimishiq, halkaasoo ay ku sugnaayeen Mas’uuliyiinta duqeynta lagu dilay. Wararku waxa ay sheegayaan in mas’uuliyiinta la dilay ay ku jireen Madixii Xafiiska Amniga Qaranka Suurya Jeneral Cali Mamluuk iyo Taliyihii Guutadda Quddus ee Ciiddanka Ilaaladda Kacaanka Iiraan Jeneral Ismaaciil Qaani. Source
  14. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Finish), ayaa Maaanta wareegto uu soo saaray is badal ku sameeyay qaar kamid ah Guuddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir. Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Cumar Finish, waxaa Guddoomiyihii hore ee Degmada Xamar Jajab Guhaad Sheekh Xasan, loogu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Dharkaynleey. Xoghayihii hore ee Degmada Dharkaynleey Maxamed Suudi, ayaa isna loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Xamar Jajab. sidoo kale, Guddoomiyaha cusub ee Degmada Shibis, ayaa loo magacaabay Cali Axmed Cabdulle. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa ku amray Guddoomiyaasha la magacaabay in ay sida ugu dhaqsaha ugu kala wareegaan xilalkooda. PUNTLAND POST The post Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo isbedel ku sameeyay qaar kamid ah Maamullada Degmooyinka Banaadir appeared first on Puntland Post.
  15. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa is badal ku sameeyay qaar kamid ah degmooyinka Muqdisho. Guddoomiyihii hore ee degmada Xamar Jajab Guhaad Sh. Xasan ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee degmada Dharkeenley. Xoghayihii degmada Dharkeenley Mudane Maxamed Suudi ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Xamar Jajab. View the full article
  16. US secretary of state, Mike Pompeo, has launched a verbal assault on China Communications Construction Company (CCCC) and several of its subsidiaries for their work in creating artificial islands in disputed areas of the South China Sea, as well as their role in the Belt and Road Initiative (BRI). In a press statement released Wednesday, 26 August Pompeo accused CCCC of causing “untold environmental damage” by creating the artificial islands, and said the Chinese government was using CCCC and other state-owned enterprises as “weapons to impose an expansionist agenda” through the BRI. And a senior State Department official commented during a press briefing afterward that the US government aimed to “encourage all sorts of parties and institutions and governments around the world to assess risk and reconsider business deals with the sort of predatory Chinese state-owned enterprises that we’ve identified here, to include CCCC and its subsidiaries that have been so central to the militarisation and coercion in the South China Sea”. The official went on: “CCCC, which led on the dredging, is also one of the leading contractors used by Beijing in its global ‘One Belt One Road’ strategy. The company and its subsidiaries have engaged in corruption, predatory financing, environmental destruction and other abuses in countries all around the world. It is frankly a long and diverse and colourful and very unfortunate record in a long list of countries.” As a result, the Department of State is to impose visa restrictions on individuals responsible for the reclamation work. In addition, the Department of Commerce has added 24 state-owned enterprises to its Entity List, including several subsidiaries of CCCC. This means that they, like tech giant Huawei, will have to obtain a licence to receive US-made products. The statement is the latest development in the US government’s rhetorical attacks against the Belt and Road. In May, a White House policy paper described the initiative as characterised by “poor quality, corruption, environmental degradation, a lack of public oversight or community involvement, opaque loans, and contracts generating or exacerbating governance and fiscal problems in host nations”. The paper expressed the suspicion that Beijing planned to use Belt and Road loans to extract political concessions and obtain military access. CCCC: the BRI’s biggest builder The sanctions are essentially symbolic, because the groups added to the Department of Commerce’s Entities List imported only $5m of US goods over the past five years. Nor is it clear how the US can punish CCCC or impede the progress of the BRI. One issue is the sheer scale of CCCC’s operations. The company has a market capitalisation of $43.5bn, and is the fourth largest contractor in the world by revenue. In 2019, it declared an operating profit of $4.9bn on revenue of $80.1bn, up 13% on the previous year. The company gains more of its revenue from foreign markets than any other Chinese construction group, and it is the largest supplier of transport infrastructure domestically in China. Projects include immense schemes such as the Beijing-Tianjin-Hebei development plan, work on the Yangtze River Economic Belt and the Guangdong-Hong Kong-Macau Greater Bay area. It has 112,000 employees and more than 60 subsidiaries, including major players such as China Harbour Engineering, China Road and Bridge, the CCCC Investment Co and, in Australia, John Holland Group. Thanks to China’s willingness to finance infrastructure abroad, CCCC has chalked up a portfolio of 700 projects in some 100 countries with a total value of more than $100bn, including landmark schemes such as Kenya’s Mombasa-to-Nairobi rail link. Although 63.8% of CCCC’s shares are held by the Assets Supervision and Administration Commission of the State Council, other major shareholders include affiliates of US finance groups such as Merrill Lynch, BlackRock and JPMorgan Chase. Future battlegrounds The US may increase its use of diplomatic pressure to stymie CCCC’s plans to expand. A recent example of this was the Trudeau government’s rejection of CCCC’s bid to buy Canadian contractor Aecon in 2018. This was reportedly made on the urging of the Trump administration, which may have viewed the sale as a threat to the Nafta trade deal. Future battlegrounds are likely to be more problematic for Washington, namely Southeast Asia, the Middle East and Latin America. Latin America, especially: CCCC’s $1.4bn deal to build the fourth bridge over the Panama Canal in 2017 signalled the beginning of a drive to increase its presence in the Americas, which is particularly sensitive for Washington. In the past, CCCC has been criticised for corrupt practices. The World Bank debarred it from bidding for its projects between 2009 and 2017 following its tender for a Philippines’ road scheme, and it has been associated with mistreatment of railway workers in Kenya, corruption in Bangladesh and environmental damage in Sri Lanka. For its part, CCCC maintains that it has established “an eminent reputation in Asia, Africa, the Middle East and South America”, and says this is based on its advanced technology, which is supported by seven laboratories and two national centres of research and development. Does the US stand alone? The US may have trouble assembling a counter-coalition to oppose CCCC and BRI projects in general. It failed to prevent most of its allies from joining the China-led Asian Infrastructure Investment Bank, including the UK, India, Israel, South Korea and Australia. This shows that even stalwart allies won’t automatically follow the US line if they perceive it to be against their economic interests. Washington’s tone is harsher than that of many Western allies. In the case of the European Union, a recent paper by the US-based think-tank the Peterson Institute of International Economics notes that the EU’s attitude to the Belt and Road has yet to coalesce, but that it has “a profoundly distinct perspective from that of the US”, and that although Chinese investment presents challenges, there are also potential benefits. This could be the case for the developed world as a whole. A 2018 report by the Organisation of Economic Cooperation and Development (OECD) described the initiative as important to Asia’s economic future. It noted that Asia needs $26 trillion in infrastructure investment by 2030 and that China’s infrastructure investments have positive impacts on countries involved. Other Western countries have actively solicited Chinese investment. Most recently, the authorities governing the ports of Trieste and Genoa signed cooperation agreements with CCCC during President Xi Jinping’s visit to Rome in March last year (see further reading). The Carnegie Endowment for International Peace cites a 2017 report by academics at the University of Bologna that argues that Italy’s political class became convinced of the benefits of seeking Chinese investment after seeing the example of the Greek port of Piraeus. After Chinese shipping company Cosco Pacific bought a controlling interest in the port in 2016, it attracted 13% of Chinese trade to Europe, compared with 2% seven years earlier. Other European countries have been cooler. For example, President Macron of France said last year that “for many years we had an uncoordinated approach and China took advantage of our divisions”, adding “the time of European naïveté is ended”. So far, America’s attempts to hinder China’s growing influence and improve its own trade position have had mixed results. Although the campaign against the adoption of Huawei’s 5G technology has been successful in a number of important markets, including the UK, it has, as The Economist commented back in May, also provided a stimulus to China’s domestic technology industry. And the wider campaign against Chinese trade has led to Chinese firms seeking alterative suppliers, helping to increase the US’ deficit with China to just over 2% of GDP, while America’s global trade deficit has expanded by 8%. Nevertheless, both the BRI and the US’ opposition are in their early stages, and it is likely that both will undergo significant developments in the next few years. Source: Gobal Construction Review The post Washington launches stinging attack on CCCC – but how successful will it be? appeared first on Puntland Post.
  17. Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa Muqdisho kula kulmay, Safirka Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay, sare u qaadida Mashaaricda hormarineed, oo ay hay’addaha UK ka wadan degaannada Dowlad Goboleedka Galmudug . Ambasador Ben Fender, Safiirka UK ee Soomaaliya, ayaa hogaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ku amaanay shaqada ay qabteen muddadii ay xilka hayeen, wuxuuna balan-qaaday in UK ay si dhow ula shaqayn doonto Maamulkaas. Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, oo maalmahan ku sugan magaalada muqdisho, ayaa waxana u kulamo kula leeyahay xubno ka socday beesha Caalamka, kuwaasi oo diirada lagu Sarayay in hay’addaha hormarinta Caalamka in ay xarumo ka sameystaan Galmudug, si ay uga qayb-qaataan hormarada ka socdo degaanka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta ku soo wajahan magaalada Muqdisho ayaa iska soo hormariyey ciidamo ilaalo u ah oo ka tirsan kuwa maamulkaasi. Ciidamadan oo ah kuwo aad u qalabeysan ayaa goor dhow ka soo duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, iyaga oo ku soo jeeda magaalada Muqdisho. U jeedkooda ayaa ah sidii ay u sugi lahaayeen amniga Axmed Madoobe inta uu ku sugan yahay gudaha Caasimadda. Sawirro laga soo qaaday ciidamadan iyaga oo ka soo baxaya Kismaayo ayaa muujinaya inay yihiin kuwo la soo xulay, kuwaas oo diyaarad qaas ah ay soo qaaday. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa horey Muqdisho ugu soo diray diray ciidamo ilaalo u noqon doono inta uu martida ku yahay caasimadda Soomaaliya. Arrintan ayaa dad badan waxa ay ka muujiyeen walaac, iyaga oo sheegay inay sii xoojin karto xiisada haatan u dhexeysa dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland. Axmed Madoobe iyo Deni ayaa Muqdisho u imaanayo wada-hadallo ay la leeyhiin Madaxweynaha Soomaaliya, si xal mideysan looga gaaro doorashooyinka 20/21. The post Sawirro: Axmed Madoobe oo ciidamo badan usoo diray magaalada Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
  19. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Tababar usoo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidamada darawiishta dowlad goboledka Jubbaland kuwaasi oo qeyb ka ah howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab Ciidamadaan oo si gaar ah u tababaran ayaa ka qayb-qaadanaya Howlgalada ka socda gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in la isku furi doono Magaalooyinka laga saaray Al-Shabaab sidoo kalana ay ciidamadan qaadi doonan howlgallo ballaaran. View the full article
  20. Xamdi Axmed Xalane waxay ka mid tahay qurbajoogta ku nool wadanka Canada waxayna halkaas ka aas aastay koox kubbadda cagta oo wiilal ah kuwaas oo ka qeyb galka ciyaaraha laga qabto Canada waxayna sheegtay in ay tahay howl adag,balse muhiim ay u tahay bulshada Soomaaliyeed. “Waxa ay kooxda aas-aasantahay mudo labo sano ah waxaana u samaynay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay u noqoto meel ay isku bartaaaan kuna soo bandhigaan xirfadooda xaga ciyaaraha” ayay Goobjoog Sports u sheegay Xamdi Axmed oo ah guddoomiyaha kooxda kubbadda cagta Halane . Kooxo badan oo Soomaali ah ayaa ka dhisan yurub iyo Maraykanka waxaana badankooda wada dhaqaalaha ku baxa dad saaxiib,iyagoo hadafkooda ah in magaca Soomaaliga uu ka muuqdo Dalalka ay joogaan waxaan sidoo kale kooxahaas ka mid ah dhallinyaro kale oo ka soo jeeda Wadamo kale. “Qurbajoota ku nool Canada kaalin wanaagsan ayay ka qaateen horomarka Halane Sports iyaga ayaan ku gaarnay meesha aan iminka jooga,waan ugu mahad celinayaa doorkooda muhiimka ee dhinaca guulaha ” ayay Xamdi Axmed markale u sheegtay Goobjoog Sports. Afartii sano la soo dhaafay waxaa Soomaaliya ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho u imaanayay dhallinyaro ka kala socotay Wadamada Yurub iyo Maraykanka waxaana badankooda iminka ay qeyb ka yihiin mashruuca horomarinta Xulka Qaranka Dalka. “Hadafkeena fog ee Halane Sports waa in ay ka soo baxaan dhallinyaro badan oo tayo sare kuwaas oo qeyb ka qaata horomarka iyo kobaca guulaha Qarankeena ee mustaqbalka soo socda” ayay tiri Xamdi. Aas aasaha kooxda Halane Sports Xamdi Axmed waxay dhallinyarada iyo bahda isbooortiga ku dhiirigelisay in qof kasta uu ku da’daalo hamigiisa ku aadan ka muuqashada ciyaaraha Caalamka. “Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka hibada sare u leh dhinaca ciyaaraha,waxaana tusaale ahaan lala meel dhigaa Wadanka Brazil,hadii waqti iyo da’daal la geliyo dhallinyaradeena waxaan gaari doonaa guul waaweyn” ayay hadalkeeda ku soo gaba gabaysay Aas aasaha naadiga Halane Sports. Daawo Waraysi Dhinac Skyp-ka ay Goobjoog Sports siisay Xamdi Axmed Xalane W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com