-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Habeen-29082020-Ok.mp3 View the full article
-
Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan ururka 4-aad guutada 16-aad ee kumaandooska Danab ayaa howlgallo ka sameeyay waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar. Howl-galka ayaa ahaa mid ka dhan ah Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka fuliyo waddadaasi. Taliyaha urur 4-aad guutada 16-aad ee Kummaandooska Xoogga Dalka ee Danab ayaa sheegay in intii ay ku guda jireen howl-galka ay waddada ka soo saareen Miinooyin uu sheegay inay Al-Shabaab galiyeen inta udhexeeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
There has been recent news filtering on print and social media asserting that the Somali government under the leadership of Mohamed Abdullahi Farmaajo has issued political and economic prerequisites to Kenya before Khat importation to Somalia can resume again. It would be relevant to contextualise the issue for the Somali government and the wider public. In my view, this is a bold move from our government, a departure from the past where Kenya pull many levers to wash the Somali market with unlimited khat at will without tangible return for our citizen’s interest. Source: Hiiraan Online
-
Dalkaan Mareykanka, waxaa xalay ku geeriyooday Chadwick Boseman, oo ahaa aktarki jilay filimka caanka noqday ee “Black Panther” ka ddib markii uu muddo afar sano ah la halgamayay xanuunka kansarka. Boseman ayaa ahaa 43 jir. Qoraal xalay la soo dhigay barahiisa Facebook iyo Twitter, ayaa lagu sheegay in Boseman oo xirfaddiisa jilliinka filimada ka soo bilaabay musalsallo TV-ga laga daawaday oo ay ka mid ahaayeen “Third Watch,” “Law & Order” iyo “ER,” uu ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalla magaalada Los Angeles iyadoo ay ku hareeraysnaayeen xubnaha qosykiisa. Boseman ayaa filimkiisii ugu horreeyay ee uu atoore ka noqdo waxa uu ahaa filimka The Express ee soo baxay sannadkii 2008-dii, ka dibna wuxuu daba dhigay dhowr kale, laakin wuxuu si aad ah ugu soo caanbaxay filimka Black Panther oo noqday filimkii ugu horreeyay oo si aan caadi aheyn u guuleysta kaasoo ay jilayaashiisu gabi ahaanba ka soo jeedaan bulshada madoow ee Mareykanka. Black Panther oo soo baxay sannadkii 2018-kii ayaa soo xareeyay lacag ka badan 1 bilyan oo dollar. Source
-
Afhayeen u hadalay Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Mogadishu Clan ayaa sheegay in maamulka Somaaliland ka hirjoogsaday in ay u safraan magaalada Hargeisa. Afhayeenka ayaa sheegay in [...] The post Daawo : – Somaliland oo Xaad iyo Odayaasha Dhaqanka Mogadishu Clan u diiday in yimadaan Hargeisa. appeared first on . Source
-
(SLT-Abu Dhabi)-Warbaahinta dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in maanta uu madaxweynaha dalkaas ahna amiirka magaalada Abu Dhabi, Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan uu qaaday xayiraddii dhanka dhaqaalaha ee uu dalkaasi ku hayay Israa’iil. Tallaabadaan ayaa waddada u xaadheysa heshiisyo dhanka ganacsiga ah oo la filayo in ay wada gaadhaan Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta, kaasi oo qeyb ka ah wanaajinta xidhiidh diblamaasiyadeed oo ay dhowaan labada dhinac sheegeen in ay gaadhi doonaan. Israa’iil iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa 13 kii bishaan sheegay in ay yeelan doonaan xidhiidh diblamaasiyadeed, ka dib markii uu labada dhinac dhexdhexaadiyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Go’aanka ka soo baxay Imaaraadka ayaa ku soo beegmay xilli ay diyaarad sidata calanka Israa’iil ee El Al Israel ay isu diyaarineyso duulimaadyo toos ah oo ay isaga kala duuli doonto magaalooyinka Tel Aviv iyo Abu Dhabi. Source
-
Galka’yo (PP News Desk) — Puntland Minister for Finance Hassan Shire Abgal, who is in Galka’yo, is reportedly facing resistance to the organisational changes Puntland State Government introduced several months to base salaries for soldiers on biometric registration. Puntland Finance Minister Hassan Shire is meeting Galka’yo notables to break the deadlock over security reform initiative in the Puntland-controlled part of the divided city. An attempt to count soldiers based at Aano-ka-dhan barracks West of Galka’yo has hit a snag. Hassan is meeting north Galka’yo notables to persuade solders, and commanders who insist to payment of salaries on the basis of names in the pre-biotmetric payroll. Puntland State has the highest number of phantom soldiers in Somalia. The security reform introduced by the administration of Said Abdullahi Deni began almost two years after a biometric-based security reform eliminated phantom soldiers and saved the Federal Government of Somalia roughly $20 million that went to the pockets of unscrupulous commanders every month. Puntland Finance Minister (second from right) with senior Puntland security forces officers in Galka’yo. Sources close to the Puntland Security Reform Committee told Puntland Post that Puntland Government pledged to recruit more soldiers on par with the pre-biometric payroll levels in Mudug if soldiers sign up to the biometric registration system. “But this a Gentleman’s Agreement that soldiers in favour the old payroll system would like to be changed into a formal agreement” said the source. The biometric payroll system will substantially reduce salaries paid to phantom soldiers without addressing the clan-based recruitment of Puntland security forces. © Puntland Post, 2020 The post Row Over Registration of Galka’yo Security Forces Persists appeared first on Puntland Post.
-
New York (Caasimada Online) – Qaraarka shalay kasoo baxay Golaha Ammaanka QM ee 2540 (2020), kaasi oo sharciyadda loogu kordhiyey xafiiska UNSOM, ayaa sidoo kale taageero loogu muujiyey doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda Soomaaliya. Qaraarka ayaa lagu sheegay in Golaha uu soo dhoweynayo sharciga doorashooyinka Soomaaliya ee la ansixiyey bishii Febraayo, oo ay ku qeexeen tallaabo muhiim ah oo horey loo qaaday. Sharcigaas ayaa qodobada uu xusayo waxaa ka mid ah in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah. Golaha Ammaanka ayaa sheegay inuu taageerayo caawimaad la siiyo guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaran ee Soomaaliya, ee shaqadiisu tahay qabashada doorashada qof iyo cod ah, ayada oo uu la sheqeynayo xafiiska UNSOS, si loo qabto doorasho toos ah oo ay ka qeyb geli karaan muwaadiniinta ugu badan, si waafqsan dastuurka ku-meel gaarka ah ee Soomaaliya. “Golaha waxa uu hoosta ka xariiqayaa muhiimadda hanaan doorasho oo loo dhan yahay oo waqtigeeda ku dhacda ay uleedahay xasiloonida Soomaaliya, wuxuuna ku celinayaa rajada uu ka qabo in doorashooyinka mustaqbalka ee Soomaaliya ay noqdaan kuwa xaqiijiya matalaadda dhammaan shacabka Soomaaliyeed, si waaqfsan ballan-qaadyada muddada fog ee ah qabashada doorasho qof iyo cod ah,” ayaa lagu yiri qaraarka. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay dowlad goboleedyada dalka inay u ogolaadaan guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka inay si xor ah u gaaraan maamul goboleed kasta, illaa heerka ay u baahan yihiin si ay u hirgeliyaan nooco doorasho ee la isku raacay. Inkasta oo Golaha Ammaanka uu muujiyey inuu taageerayo in Soomaaliya laga qabto doorasho qof iyo cod ah, haddana wuxuu dhowr jeer ku celiyey muhiimadda in hanaan kasta oo doorasho uu noqdo mid ay isku wada raacsan yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda dalka. The post Golaha Ammaanka QM oo taageeray mid ka mid ah noocyada doorasho ee Soomaalida ay isku hayaan first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta daahfuray mashruuca biyoole oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Galmudug kaasi oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Galmudug. Shirka oo ay ka soo qeyb galeen Wasaaradaha mashruucani uu quseeyo ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Galmudug mudane Cabdinaasir Geele Cilmi, isagoo sharaxaad ka bixiyey Mashruucaan oo uu xusay in uu socan doono muddo shan sano ah, ayna ka faa’iidaysan doonaan dadka u badan beeralayda iyo xoola dhaqatada. Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug Maxamuud Cabdi Axmed (Kaarshe) ayaa tilmaamay in mashruucani yahay mid tijaabo ah, loona baahanyahay in laga Faa’iidaysto. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo mashruucaan si rasmi ah u daahfuray ayaa sheegay in uu yahay mid aad loogu baahnaa marka loo eego deegaannada Galmudug dhanka Biyaha, waxa uuna u mahadceliyey cid waliba oo kaalin ku leh mashruuca Biyoole. Xoola dhaqatada iyo beeralayda deegaannada Galmudug ayaa ka faa’iidaysanaya mashruucan hadii uu noqdo mid mira dhala, waxaana Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Galmudug oo kaashanayso Wasaarado kale ay ku dadaalaysaa sidii howshaan loo horumarin lahaa. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Golaha xukuumadda Puntland ayaa maanta oo Sabti ah shir ku yeeshay xarunta wasaaradda maaliyadda ee magaalada Garowe. Shirka waxaa guddoomiyey madaxweyne Deni, waxaana lagu ansixiyey xeerka isgaarsiinta Puntland, oo ay soo gudbisay wasaarada warfaafinta, iyadoo la sheegay in xeerkani uu wax ka baddeli doono habka ay u shaqeyso isgaarsiinta Puntland iyo sida ay ula tacaamusho dowladdu. Sidoo kale shirka waxaa looga hadlay amniga guud Puntland, dhisidda goleyaasha degaanka ee degmooyinka Galdogob iyo Bursalaax, xaaladda Ayaxa, midaynta akoonada dowladda, dib u habaynta mushaarka shaqaalaha iyo dhismaha garoomada kubadda cagta Puntland, waxaana shirka warbixino ka jeediyay wasaaraha arrimahaasi quseeyaan. Shirka golaha xukuumadda Puntland oo horey loo qaban jiray Khamiista, ayaa todobaadkii hore u baaqday shirkii Garowe uga socday Puntland iyo Jubbaland. PUNTLAND POST The post Golaha xukuumadda Puntland oo ansixiyey xeer appeared first on Puntland Post.
-
Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweyne ku xigeenka Turkiga Fuat Oktay ayaa cambaareeyey hanjabaad dhawaan ay soo saareen Midowga Yurub oo ah in Ankara cunaqabateyn lagu soo rogi doono, xilli dalkiisu uu isku diyaarinayo in uu dhoolatus militari ka sameeyo xeebta Qubrus, iyadoo ay xiisad ka jirto bariga badda Mediterranean. Hadalka maanta kasoo yeeray Oktay ayaa kusoo aadaya kadib markii Josep Borrell, oo ah madaxa siyaasadda Arimaha Dibadda ee Midowga Yurub, uu sheegay in ururku uu isku diyaarinayo in cunaqabateyn lagu soo rogo Turkiga oo ay qeyb ka tahay in la qaado talaabooyin adag oo dhanka dhaqaalaha ah. Midowga Yurub ayaa sheegay in cunabateyntaas la saari doono Turkiga haddii aan horumar laga gaarin yareynta xiisadda cirka isku sii shareereysa ee kala dhaxeysa Gariiga iyo Qubrus ee bariga Mediterranean taasoo keentay in Turkiga uu hadalkaas ku tilmaamo inuu yahay mid munaafaqnimo ah. “Waa munaafaqnimo in Midowga Yurub ay ku baaqaan wadahadal, haddana dhinaca kale ay sameeyaan qorshayaal kale oo ku saabsan howlaha Turkiga ee ka socda bariga badda Mediterranean,” ayuu Oktay ku yiri Twitter-kiisa. “Waxaan adeegsaneynaa luqadda nabadda iyo diblomaasiyadda, balse kama labalabeyneyno inaan sameyno waxa lagama maarmaanka ah marka loo eego difaacidda xuquuqda iyo danaha Turkiga, taasina waa mid ay ogyihiin France iyo Greece,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Muranka muddada dheer soo jiitamayay ee u dhexeeya Turkiga iyo Giriigga oo labaduba ka tirsan NATO ayaa soo ifbaxay ka dib markii ay labadooduba oggolaadeen heshiisyo iska soo horjeedda oo ku saabsan soohdintooda badda ee Libya iyo Masar, Turkiguna wuxuu u diray markab sahamin ah biyaha lagu muransan yahay bishaan. Tallaabooyinka Midowga Yurub ayaa loogu talagalay in lagu xadido awoodda Turkiga ee baaritaanka gaaska dabiiciga ah ee biyaha lagu muransan yahay, waxaana cunaqabateynta ee ku hajbatay Midowga Yurub ku jiri kara shaqsiyaad, maraakiib ama adeegsiga dekeddaha Yurub sida uu sheegay Borrell. The post Turkey oo munaafaqnimo ku tilmaamtay tallaabo ay Midowga Yurub 'qaadayaan' iyo xiisadda oo kasii dartay first appeared on Caasimada Online.
-
Talisk Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa shaaciyay tirada rasmi ah ee duqeymaha diyaaradeed ay sanadkaan 2020 ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya. War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in gudaha Soomaaliya 8-dii bilood ee la soo dhaafay ka fuliyeen 46 duqeyn, kuwaasi oo ka dhacay deegaanada Gobolada dalka ay ka sugan yihiin Al-shabaab. Sidoo kale AFRICOM ayaa tilmaamtay in duqeymaha qaarkood lala eegtay fariismo ay ku sugnaayeen Al-shabaab, isla markaana uu ka dhashay Khasaaro kala duwan, balse aysan soo bandhigin dhammaan Khasaaraha ka dhashay duqeymaha. Waxaa kaloo Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika uu sheegay in saddex weerar oo dhinaca Cirka ay Al-shabaab la beegsadeen inta u dhexeeysay bilowga bishaan Agoosto iyo 20-keedii, waa sida hadalka loo dhigay. Ugu dambeyn Taliska AFRICOM Qoraalka ay soo saareen kuwa aysan shaacin Khasaaraha dadka shacabka ah kasoo gaaray duqeymaha ay sanadkaan ka geysteen Soomaaliya, in kastoo ay jiraan Khasaaro dadka shacab ah kasoo gaaray duqeymahaas. Si kastaba Ciidanka dowladda Federaalka iyo diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee duuliye la’aanta ayaa duqeymo kala duwan inta badan ka fuliya deegaanada Gobolada dalka ay kaga sugan yihiin Al-shabaab, kuwaasi oo qaarkood sababa Khasaaro kala duwan. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe ayaa la filayaa in maalinta Axadda ee berri ah ay safar ku yimaadaan magaalada Muqdisho, oo ay kula kulmi doonaan madaxweyne Farmaajo. Labada dhinac ayaa yeelanaya shir la filayo in heshiis looga gaaro doorashada dalka, kadib markii Deni iyo Axmed Madoobe ay diideen qodobadii heshiiska Dhuusamareeb 3, oo dhigayey in dalka laga qabto doorasho dadban oo la mid ah tii 2016 balse la ballaariyey ka qeyb-galayaasha. Wararkii ugu dambeeyey ee nasoo gaaray ayaa sheegaya in wufuud ka kala socota Puntland iyo Jubaland oo hordhac u ah Labada Madaxweyne ay soo gaareen magaalada Muqdisho. Dhinaca kale, xog aan helnay ayaa sheegeysa in labada madaxweyne ay degi doonaan madaxtooyada iyo agagaarkeeda. Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu dego madaxtooyada, halka Deni uu degi doono guri gaar ah oo u dhow madaxtooyada. In madaxweyne Axmed Madoobe dego madaxtooyada ayaa ah arrin weyn, maadaama la ogyahay khilaafkii iyo xiisadda horey u dhex martay isaga iyo madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee arrintan ayaa looga gol leeyahay inay abuurto kalsooni siyaasadeed iyo is aaminaad dhex marta Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Jubbaland iyo Puntland oo horay xiriirkooda xumaa. Dhanka kale Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland uu degi doono guri gaar ah oo u dhow Villa Somalia. Deni ayaa la sheegay inuu diiday inuu dego gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, oo markii hore la hadal hayey. Deni oo ku dhashay degmada Howlwadaag ee Muqdisho, Muqdishana horay u joogi jiray isagoo Wasiir iyo Xildhibaan ah ayaa la sheegay inuu goostay in aanu garoonka diyaaradaha degin oo uu magaalada gudaheeda dego, si aan loogu arkin ajnabi dalka booqanaya oo kale. The post Xilliga A/Madoobe iyo Deni ay imanayaan Muqdisho iyo halka ay degi doonaan first appeared on Caasimada Online.
-
Khilaaf ayaa weli ka taagan, Diiwaan-gelinta Ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku sugan, Taliska Caana-ka’dhan ee Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Guddiga Dib u-habaynta Ciidamada Puntland, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal, oo marar kala duwan la kulmay Saraakiisha Taliska Caana-ka’dhan, ayaan weli ku guulaysan in ay Diiwaan-geliyaan Ciidankaaas. Guddiga ayaa sidoo kale la kulmay Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Gaalkayo, kuwaas oo ay kala hadleen sidii loo diiwaan-gelin lahaa Ciidanka ku sugan Xerada Caana-ka’dhan, waxaana socda dadaal lagu xallinayo Muranka taagan. Dhinaca kale, Guddiga Dib u-habaynta Ciidamada Puntland, waxay diiwaan-gelin ku wadaan Talisyada kale ee Ciidamada Gobolka Mudug gaar ahaanna Magaalada Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Khilaaf weli ka taagan Diiwaan-gelinta Ciidamada Puntland ee ku sugan Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Tababar ay soo qabanqaabiyeen Goobjoog Media Group iyo hey’adda qareenada Garmaal ayey maanta markii ugu horeysay waxaa xarigoodii sharci darrada ahaa ka hadlay weriyeyaasha Cabdicaziz Gurbiye iyo Maxamed Abuuja oo 4 bil iyo 5 bil sida ay u kala horeeyaan ugu xirnaa xabsiyo ku yaalla magaalada Muqdisho. Tababarkan oo la xiriiray “Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo nidaamka cadaaladda Soomaaliya” ayaa Xasan Maxamuud oo ah agaasimaha Goobjoog Media Group oo ugu horeyntii waxaa uu ka hadlay ujeedka tababarka isaga oo sheegay in siminaarkan uu imaanayo kadib ansixinta xeerka saxaafadda, loona baahan yahay in weriyaha uu la socday sida u shaqeeyo nidaamka cadaaladda. Agaasime Xasan oo hadlaya waxaa uu yiri “ Waxaan isugu kiin wacnay inaad wax ka ogaataan xilli la isku qabsan doono eray aad dhahay, si aad u fahamtaan, horta maxaa xaq u leedahay, side isku difaacee marka aad garsoore hor tagto, marka xeer ilaalin ku wareysaneyso, side ula macaamilee abuukaartahaaga, maxaa lagu dhihi doonaa, ma lagu handadi doonaa” Isaga oo intaa raaciyey “Weriyeyaal badan ayaa la xiraa, weriyaha waxaa u dhaarsan dadka uu dantooda ka shaqeynayo, waa tii abwaan Gaariye yiri “ Qof aad u hadleysid ayaa hadana Toorey dhabarka kaaga dhufanaya”. Abuukaate Maxamed Genboon oo casharka bixiyey ayaa ku dheeraaday nidaamka cadaaladda, xuquuqda dastuuriga ah ee saxafiga, side loola dhaqmaa booliiska, xeer ilaalinta, maxkamadaha iyo xataa qareennada. Maxamed Genboon waxaa uu sheegay in booliiska ay shaqadoodu tahay fulinta amarka sida xariga, barista ama xayiraadda goob ama qof iyo u gudbinta xafiiska xeer ilaalinta iyo xeer ilaalinta ay korjoogeyneyso hawlaha booliiska iyo in dacwad u gudbiso maxkamadda halka maxkamadda ay soo saarto amarka hirgelinta nidaamka cadaaladda, dhageysiga dacwadda iyo xaqiijinta in dhinacyada u hoggaansameen xeerka. Dhanka kale, Qareen Maxamed Genboon waxaa uu ku taliyey in maslaxadda ku jirto in qareen la qabsado, in aan lagu qasbaneyn haba yaraatee in warqad la saxiixo sida qiraal iyo in booliis ama xeer ilaalin midna aanu shaqeyn danta maxbuuska. Tifaftiraha Hiigsi Radio Maxamed Abuuja oo muddo 5 bil ka badan u xirnaa Al-shabaabnimo ayaa ka sheekeeyey in lagu xiray gudaha madaxtooyada, baaristii kala duwaneyd ee la marsiiyey, sida loo handaday, hadaladiisa waxaa ka mid ahaa “ Waxaa lagu leeyahay waxaa tahay Al-shabaab, ma ahi, xadiis ayaa lagu soo qaadanaa, laakin run ma aha, aniga waa fahamsanahay xadiiska iyo aayadaha, oo waxaan ahaa xerta Macalin Nuur, waxa uu idhahay waan ku badbaadineynaa 90%, dambi haddii aad gashay xataa innaga ayaa ku badbaadineyno, aniga ma ii gambanaa nin baare ah?, waxaan ku dhahay badbaado ilaahey ayaan ka rabaa, waxaa uu dhahay wixii aan ku dhaho “Haa dheh” garaado ayuu ku raadinaa” isaga oo ku dheeraaday sheekada xabsiga ilaa laga soo daayey, oo dambi lagu waayey. Dhankiisa, Cabdicaziz Gurbiye oo ah tifaftitaha guud ee Goobjoog ayaa isna saxafiyiinta Soomaaliyeed la wadaagay kiiskii siyaasadeysnaa ee sida gardarada ah loo xiray, sida loogu oogay qodobbo aanu galabsan oo danta laga lahaa ay tahay caburinta saxaafadda, xuriyadda hadalka iyo cabsi gelin isaga oo weriyeyaasha ku dhiirigeliyey in aan marnaba laga gorgortamin shaqada, shacabkana afhayeen loo noqdo, loona dhabar adeygo xagxagashada regime-ka. Mudane Cabdicaziz Gurbiye waxaa hadaladiisa ka mid ahaa “Xuriyadda saxaafadda waxaa kafaalo qaaday dastuurka sida Qodobka 18aad. Xorriyadda Ra’yiga iyo Afkaarta iyo Qodobka 32aad. Xaqa helidda macluumaadka, xeerarka saxaafadda u gaarka ah iyo The Universal Declaration of Human Rights. Laakin cid ka gortameysa haddii aad aragto waa keligiitalis”. Isaga oo u mahadceliyey saxafiyiinta iyo shacabkii regime-ka ku dhegay, kuna cadaadiyey inuu soo daayo, kana haro saxafi codkooda ah. Daawo Warbixin Ku Saabsan Tababarkii Ay Qabatay Warbaahinta Goobjoog Media Group Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ujeedka Guud ee Seminarkan ayaa ahaa sidi Suxufiga ka shaqeya gudaha dalka uga gaashaman laja dembi lagu so oogo, iyo sidi ila tacaamuli ahaa Hey’adaha Garsrooka Dalka oo qaar ka mid ah heerka cadaladdodu ay liidato. Tifitaraha Radio Hiigsi Maxamed Cabdiwahaab Nor Abuuja, iyo Agaasime ku xigeenka Goobjoog Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa Weriyaashii madasha ku sugnaa la wadaagay waaya-aragnimada ay u leeyihiin arrimaha Garsoorka, waxana ugu horreyn ujeedka kulanka faah-faahiyay Agaasimaha Guud ee GMG Xasan Maxamuud Maxamed. Qareen Maxamed Genboon ayaa sharraxad dheerad ah ka bixyay qodobbada iyo xeerarka Suxuiga u ogolaanaya in u dalbado xuquuqda ka maqan marka uu xukun sugaha yahay, waxana uu dhanka kale soo jeediyay Taloyin dhowr ah oo u furan in u isku difaaco qof waliba oo kiis lagu soo oogo. Agaasimaha Goobjoog TV Aweys Xaaji Nor ayaa u mahad celiyay cid kasto oo ka so shaqaysay in kulan uu qabsoomo iyo inta so ajiibtay, isagoo oo dhanka kale soo jeediyay in qof waliba uu dhaqan geliyo waxyaabhii uu maanta kororsaday. Qaar ka mid ah Weriyashi ka faa’iidaystay aqoon kororsigan ayaa ka mahad celiyay qabsoomidda madashan, soona jeediyay in la badiyo kulamadan oo kale. Madaxweynaha Soomaliya aya dhowaan saxiixay Xer cusb oo ay yeelatay Warbaahinta Soomaliya, xeerkaa oo ka kooban 41 qooddob aya Hey’adaha u dooda suquuqda Saxaafadda sheegen in ay ku jiraan qodob ka hor imanaya xorriyatul qowlka, waxana aqoon kororsigan uu ahaa mid feejignaan faraya Weriye kasta oo lagu soo qaado dacwad ka dhan ah xorriyaddiisa. Daawo Warbixin Ku Saabsan Tababarkii Ay Qabatay Warbaahinta Goobjoog Media Group Goobjooog News Source: goobjoog.com
-
Qaran News
-
Ciidanka Kumaandooska DANAB ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabtiya hawlgal qorshaysan ka fuliyay wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar. Saraakiil ka tirsan Kumaandooska DANAB ayaa laga soo xigtay in Hawlgalka lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab kuwaas oo Amni-darro ka waday jidka u dhexeeya Labadaasi magaalo. Hawlgalka waxa sidoo kale jidka looga saaray miinooyina la sheegay in ay halkaasi ku aaseen Al-shabaab sida ay sheegeen Saraakiisha. PUNTLAND POST The post DANAB oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay jidka u dhexeeya Muqdisho iyo Jowhar appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa maanta ka furmay Magaalada Sama-reeb ee caasimadda Galmudug kalfadhiga 2aad kulankiisii 1aad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug. Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug Dr; Maxamed Nuur Gacal ayaa Shir gudoominayay fadhiga Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Galmudug. Xildhibanada ayaa ka arrinsanaya xaaladda guud ee maamulka iyo sidii loo dardara galin lahaa shaqooyinka baarlamaanka. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Soomaaliya ma lahan ra’isul wasaare muddo 35 maalmood, sidoo kalana ma jirto xukuumad rasmi ah iyadoo wadanka uu ku jiro marxalad kala guur ah. Sida la xasuusto muddo todobaad ah ayuu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku magacaabay ra’isul wasaarahii ugu horreeyay kaas oo dhamaadkii bishii lasoo dhaafay ay kalsoonida kala noqdeen golaha Shacabka, waxaase hadda muuqata in madaxweynaha uu doonayo inuusan magacaabin badalkiisa ilaa xal laga gaarayo doorashada xigta. Caasimada Online waxey ilo xog-ogaal ah ka ogaatay in madaxweyne Farmaajo uu kulan gaar ah la qaatay isbuucii lasoo dhaafa gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal uuna ku qanciyay inuu wakhti dheeraad ah helo si uu ra’isul wasaarahiisa labaad usoo magacaabo. Sida la ogyahay gudoomiyaha golaha shacabka iyo ku xigeenkiisa waxey xulufo siyaasadeed la yahiin madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana la fahamsan yahay iney ka wada shaqeeyeen riditaankii xukuumadii xasan Cali kheyre. Waxaan kala cadeyn in heshiiska labadaan shaqsi dhexmaray la horgeyn doono golaha shacabka iyo inuu yahay mid gaar ah oo ku aadan in madaxweynaha uu muddo kooban ku magacaabi doono ra’isul wasaare si loo helo xukuumad rasmi ah. Madaxweynaha ayaa caadiyan looga baahan yahay inuu ra’iisul wasaaraha kusoo magacaabo 30 maalmood gudahood, hase yeeshee ma jiro qodob dastuuri ah ama xeer taas qasab ka dhigaya. The post Xog: Farmaajo iyo Mursal oo ka heshiiyey daahitaanka magacaabista R/Wasaaraha first appeared on Caasimada Online.
-
Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa maanta weerar ku billowday qarax ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose. Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamada dowladda kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab. Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim oo u warramay Shabelle ayaa sheegay in ciidamadu ay ka hortageen weerarka ay soo qaadeen Al-Shabaab. Sidoo kale afhayeenka ayaa tilmaamay in dagaalkaasi oo ka dhacay duleedka Baarsanguuni lagu dilay in ka badan 10 dagaalyahan, sida uu hadalka u dhigay. Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobihii lagu diriray howl-gallo ka wada ciidamada Bangarafta Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta ee maamulka Jubbaland. View the full article
