Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garbahaarey (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Gedo ee hoos taga Jubaland ayaa eedeyn culeys u jeediyey madaxtooyada Soomaaliya iyo hay’adda Nabad-Sugidda, xilli madaxweynaha Jubaland uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho, oo uu kula kulmayo madaxweyne Farmaajo. Eedeyntan ayaa lagu jeediyey Bayaan kasoo baxay shir ay yeesheen masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ee maamulka Gobolka Gedo oo uu shir gudoominayey Guddoomiyaha gobolka Gedo ugu magacaaban Jubaland Maxamed Muxumed Maxamed. “Hey’adda Nabad sugidda iyo xafiiska Madaxweynaha, tan iyo dhamaadkii sanadkii tagay iyo waqtigaan waxey Gobolka Gedo kusii aruurinayaan ciidamado Muqdisho laga keenay oo laga leexiyay waajibaadkoodi qaran, islamarkaana loo isticmaalay dano siyaasadeed oo guracan iyo abuuridda jabhad cusub oo dhamaantood hoostago Hey’adda Nabad sugidda iyo xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay shirka. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in xaalada Gobolka Gedo “ay tahay mid faraha ka baxeyso ayna ka faa’iideysteen argagixisad.” Maamulka Gedo ayaa sheegay inay ka digayaan cawaaqibka xun ee ka dhalan karo, sida ay yiraahdeen, sii socoshada danaha guracan iyo ku tumashada sharciga dalka u dagsan ee ay wadaan Hey’aada Nabad sugidda iyo xafiiska Madaxweynaha. “Uga danbeyntii Maamulka heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobolka Gedo ee Dowlad Goboleedka Jubaland waxay ka codsanayaan DFS, FMS iyo Beesha Caalaamka ee Soomaaliya gacan siisa oo uu wakiil ka ka yahay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, in si degdeg ah wax looga qabto xaaladda marugsan ee Bini’aadamnimo iyo ciidamada Soomaaliyeed ee is horfadhiyo inta aysan xaaladda faraha ka bixin,” ayaa lagu yiri qoraalka. The post Jubaland oo eedeyn culus u jeedisay Villa Somalia iyo NISA xilli Axmed Madoobe uu ku sugan yahay Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
  2. Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Qubanah-shabelle-01092020.mp3 View the full article
  3. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay magaaladda Muqdisho. The post Daawo soo dhaweyntii Madaxweyne Deni ee Muqdishu. appeared first on . Source
  4. Saaka waabarigii Waxaa la xiray Wadooyinka Wadahadalka u ah Muqdisho, Sababtoo ah Magaalada kusoo wajahan Madaxweyne Saciid Deni iyo Sayid Axmed Madoobe. Wadooyinka oo Xiraa [...] The post Sawirka Maanta Madaxweyne Deni oo Wadooyinka Muqdisho loo baneeyay appeared first on . Source
  5. Another terror threat against America could be brewing. by Michael Rubin On August 23, 1996, Usama Bin Laden, a then-obscure Saudi jihadist, declared war on the United States. [...] The post Somalia’s Intelligence Chief May Be Green Lighting Terrorism Against Americans appeared first on . Source
  6. Warar hada soo gaaray Puntlandi.com ayaa sheegaya in Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Saciid Deni ay Beesha Caalamka u sheegeen in Wadahadalka lagusoo qayb galiyo [...] The post Breaking News— Puntland iyo Jubbaland oo dalbaday in Shirka ay kasoo qaybgalaan Madaxweynayaasha Maaaamul Goboleedyada oo dhan appeared first on . Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maalmihii damb ku sugnaa magaalada Garowe ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, waxuuna soo bandhigay waxyaabihii uu ku arkay garoonka Aadan Cadde iyo sidii ay wax u socdeen, markii ay soo degeen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe. “Ciidankii NISA, Haramcad iyo koofiya castii midna ma joogin goobta. Waxaa isna garoonka joogay Safiirka Maraykanka oo jebiyey habraacii amni iyo kii COVID-19 ee laga doonayey, buuqa iyo isku dhex yaaca meesha yaalay dartii,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waxa uu sheegay inay ula muuqatay in safiirka Mareykanka uu dammaanad qaade ka ahaa madaxda imaatay Muqdisho, ilaalada iyo amniga garoonkana horay looga gorgortamay. Qoraalkiisa ayaa intaas ku sii daray, “Waxaa markii ugu horreysay muddo sanado ah aan galay VIP-da, waxaan arkay xildhibaanadii iyo wasiirradii Jubbaland iyo Puntland oo uusan midna ka maqneyn, sidoo kale siyaasiyiintii reer Muqdisho. Waxaan markii aan sii baxayey salaan ii saaray ciidankii, waan yaabay, anigoo is leh ciidan salaan kuuma saari jirine waa sidee! ayaan arkay calaamadda u xiran oo tii Jubbaland iyo Puntland ah.” “Aniga ruuxayga ciidan gawaari gaashaaman wata oo gurmad ah ayaa i soo galbiyey, markii aan waydiiyeyna, waxay ii sheegeen masuuliyiintii amniga ii qaabilsanayd in ay shakiyeen. Galabta Garoonka gacan ku hayn dawladeed kama jirin, waxaana masuuliyadeeda leh cidii sababtay in ciidanka dawlada laga aamin baxo,” ayuu yiri. Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sidoo kale sheegay inay u muuqato in saamilay muhiim ah ay miiska go’aanka ka maqan-yihiin, balse uu ku kalsoonyahay in labada madaxweyne ee maanta yimid aysan miiska tegi doonin, iyadoo madaxda kale ee ka maqan aysan imaan. “Qolada u baahan in ay maanta cashar qaadato, waa kuwa siyaasadda muufaysiga iyo maalin jooga ugu jira iyo qolada sida Jinnigii nabi Sulaymaan ku shaqaynayey ee mooday in uu weli noolyahay, laakiin aboor ushii uu cuskanaa cunay, kaddibna uu dhulka ku dhacay, sidaasna ay Jinnigii ku ogaadeen geerida Nabiga,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Hoos ka aqriso qoraalkiisa oo dhameystiran Muqdisho markii aan maanta ku soo noqday, waxaan soo degey iyadoo Madaxweyne Axmad Madoobe soo degey, Madaxweyne Deni uusan weli soo degin. Waxaa markii ugu horreysay muddo sanado ah aan galay VIP-da, waxaan arkay xildhibaannadii iyo wasiirradii Jubbaland iyo Puntland oo uusan midna ka maqneyn, sidoo kale siyaasiyiintii reer Muqdisho. Waxaan markii aan sii baxayey salaan ii saaray ciidankii, waan yaabay, anigoo is leh ciidan salaan kuuma saari jirine waa sidee! ayaan arkay calaamadda u xiran oo tii Jubbaland iyo Puntland ah. Ciidankii NISA, Haramcad iyo koofiya castii midna ma joogin goobta. Waxaa isna garoonka joogay Safiirka Maraykanka oo jebiyey habraacii amni iyo kii COVID-19 ee laga doonayey, buuqa iyo isku dhex yaaca meesha yaalay dartii. Way muuqataa in safiirku uu dammaanad qaade yahay, ilaalada iyo amniga garoonkana horay looga gorgortamay. Aniga ruuxayga ciidan gawaari gaashaaman wata oo gurmad ah ayaa i soo galbiyey, markii aan waydiiyeyna, waxay ii sheegeen masuuliyiintii amniga ii qaabilsanayd in ay shakiyeen. Galabta Garoonka gacan ku hayn dawladeed kama jirin, waxaana masuuliyadeeda leh cidii sababtay in ciidanka dawlada laga aamin baxo. Waxaa kaloo iyana cad in sida ay haatan u muuqato ay saamilay muhiim ah miiska go’aanka ka maqan yihiin, waxaanse ku kalsoonnahay in labada madaxweyne ee maanta yimid aysan miiska tegi doonin iyada oo uu kooramku dhammaystirmin. Qolada u baahan in ay maanta cashar qaadato, waa kuwa siyaasadda muufaysiga iyo maalin jooga ugu jira iyo qolada sida Jinnigii nabi Sulaymaan ku shaqaynayey ee mooday in uu weli noolyahay, laakiin aboor ushii uu cuskanaa cunay, kaddibna uu dhulka ku dhacay, sidaasna ay Jinnigii ku ogaadeen geerida Nabiga. The post CC Shakuur oo shaaciyey 'arrin uu galabta kula kulmay' garoonka Muqdisho - "Garoonka kuma jirin gacanta DF" first appeared on Caasimada Online.
  8. Jubbaland ayaa hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka (NISA) iyo xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ku eedeesay inay faragin ku burburiyeen maamulka heer degmo iyo heer gobolka ee Gedo. War-saxaafadeedka soo baxay maamulka gobolka Gedo ee Jubbaland ayaa lagu sheegay in NISA iyo xafiiska madaxweyne Farmaajo tan iyo dhammaadkii sanadkii hore gobolkaas ku soo daabulayeen ciidamo loo isticmaalay dano siyaasadeed iyo abuurida jabhad cusub oo sababtay in ay degmada Baladxaawo ka barakacaan dad ka badan 50,000 oo qoys. Maamulka Gedo ee Jubbaland ayaa dowladd federaalka, dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka ugu baaqay inay si deg deg ah wax uga qabtaan xaaladda Gedo. War ka soo baxay maamulka Gedo ayaa ku soo aadaya, iyadoo maanta madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ka degay magaalada Muqdisho, sidoo kale shirkii Dhuusamreeb 2, ay dowladda federaalka iyo Jubbaland ku heshiiyeen in la dhameeyo xiisadda gobolka Gedo. hoos ka akhriso war-saxaafadeedka maamulka Gedo. PUNTLAND POST The post Jubbaland oo eedeyn u jeedisay dowladda federaalka appeared first on Puntland Post.
  9. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya sida Safiirada Mareykanka, UK, Sweden, Midowga Europe iyo Talyaaniga. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka 2020/2021, iyo sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho la isla ogolyahay wakhtigeeda ku dhacda. Sidoo kale labada hoggaamiye ee Jubbaland iyo Puntland ayaa maalmaha soo socda kulan gaar ah la qaadan doono Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  10. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-habeen-01092020.mp3 View the full article
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa kulan degdeg Garoonka Muqidsho kula yeeshay Madaxweynayaasha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, isla markii ay ka degeen Garoonka Muqdisho. Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto oo dadaal ku bixiyey in shirka Muqdisho ee saddex geesoodka ah uu dhaco, kuna qanciyey Madaxweyne Farmaajo inuu la kulmo madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa la sheegay inuu damaanad qaade ka yahay heshiis kasta oo dhex mara labada dhinac ee ku saabsan Doorashada 2020/2021. Maamulka Jubbaland oo war kasoo saaray kulankaan ayaa sheegay in kulankan uu Madaxweyne Axmed Madoobe kula wehlinayey Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumad Maxamuud isla markaasna looga hadlay Arimaha Doorashooyinka 2020/2021 iyadoo la isku raacay in laga wada shaqeeyo sidii Doorasho heshiis lagu yahay ay uga dhici lahayd dalka. Sidoo kale Jubbaland ayaa sheegtay in Donald Yamamoto la wadaagtay Xaaladdaha dowladda dhexe ka abuurtay gobolka Gedo sida ay illo xog ogaal ah u xaqiijiyeen Caasimadda Online. Waxaa lagu wadaa in Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ay safiirka la wadaagaan qoraal ku saabsan qodobadda ay diidan yihiin ee Heshiiskii Doorashada Dhuusmaareeb 3 ay ku saxiixeen Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Galmudug, Hirshabeelle, K/Galbeed oo uu wehliyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kadibna uu shir u furmo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Donald Yamamoto ayaa isla garoonka Muqdisho kulan kula yeeshay madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo K/Galbeed isla markii ay kasoo laabteen shirkii Dhuusmareeb 3, kaasoo ay ka dhalatay in shir kale la qabto si loo dhammeystiro Heshiiska Doorashada Dhuusamareeb 3. Puntland iyo Jubaland ayaa midkoodna ka qayb-gelin Shirkii Dhuusamareeb 3, waxaana ay sheegeen in aysan qayb ka hayn heshiiskii lagu gaaray Shirkaas. Wadooyinka Magaaladda Muqdisho ayaa inta badan la xiray waxaana warar kale duwan ka soo baxayaan sababta loo xiray oo ay ka mid tahay isbadal lagu samaynayo taliska Booliska Soomaaliyeed. The post Maxaa looga hadlay kulankii Axmed Madoobe, Deni iyo Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto? first appeared on Caasimada Online.
  12. Kulankii maanta dhexmaray Beesha Caalamka iyo Madaxweynayaasha Soomaaliyeed ee Puntland iyo Jubbaland ayaa la isku afgartay in Lagawada shaqeeyo in Doorashada Soomaaliya ay wakhtigeeda ku [...] The post Breaking News— Beesha Caalamka oo si buuxda u damaana qaadey hirgalinta Doorashada Soomaaliya appeared first on . Source
  13. The leaders of Jubaland and Puntland, Ahmed Madobe, and Said Deni have arrived in Mogadishu on Tuesday morning under tight security. The arrival comes ahead of electoral talks with President Mohamed Abdullahi Farmaajo, with the attendance of international partners in the capital. Deni’s trip to Mogadishu becomes the first since he was elected president of Puntland in January 2019. The main streets in Mogadishu have been locked down before the arrival of the leaders with additional forces being deployed. View the full article
  14. The United States has carried out a total of 46 air strikes to degrade al Shabaab in Somalia this year, Africa Command has revealed. In a statement attributed to Colonel Chris Karns, Director of Public Affairs, US Africa Command, the US military said it continues to train Somali forces and support operations with precision airstrikes. “Al Shabaab is a dangerous enemy that presents a threat to Somalia, its neighbours, and the United States. This Al Qaeda aligned terrorist organization increasingly employs lies, engages in criminal acts, and blends into communities to create fear and intimidate local populations. They have engaged in a series of violent acts with no regard for the Laws of Armed Conflict, to include previously attacking a hospital and deliberately seeking to place civilians in harm’s way using protected structures, such as mosques, for military and offensive fighting purposes,” Africom said. “Al Shabaab routinely attacks Somali citizens, military forces, and partners. Somali forces, the US, and international partners work toward preserving life while increasing security, stability, and ultimately, the long-term possibility of increased prosperity,” Africom said. It accused al Shabaab of putting out false information to include last week’s erroneous claim about the death of US forces in an attack. The US last month said one civilian was killed and three were injured in a US air strike in Somalia in February, the second such admission since it launched quarterly reports on civilian casualties in its Africa operations. The first admission was an air strike in April 2018 in El Buur in the Galgadud region of central Somalia in which Africom reported it had unintentionally killed two civilians. In a report last month, Africa Command said a verification of the facts and circumstances about a 2 February 2020 air strike triggered by allegations of civilian deaths established one civilian had been killed while three were injured. “Unfortunately, we believe our operations caused the inadvertent death of one person and injury to three others who we did not intend to target,” AFRICOM’s commander, Gen. Stephen Townsend was quoted as saying. “We work hard to prevent civilians from getting hurt or killed during these operations designed to bring increased security and stability to Somalia.” AFRICOM’s civilian casualty assessment reports cover its operations in Somalia, Libya and other African countries. The initial report published in April said two civilians were killed and three injured in an air strike in Somalia in early 2019. The United States has been conducting air strikes in Somalia for years to help defeat al Shabaab. Rights activists have long accused the United States of shrouding its Somalia operations in secrecy, potentially undermining accountability for incidents involving civilian deaths. Al Shabaab seeks to topple Somalia’s Western-backed central government and set up its own rule based on its strict interpretation of Islamic sharia. For nearly two decades al Shabaab has been waging a campaign of bombings and shooting attacks on military and civilian targets including hotels and traffic junctions both in Somalia and neighbouring countries like Kenya. A regional peacekeeping force, AMISOM, mandated by the African Union, also helps defend the Somali government. View the full article
  15. Mogadishu (HOL) - Somalia's Minister of Finance, Abdirahman Duale Bayle, held a press conference in Mogadishu on Tuesday, saying that they have discussed debt relief with Arab countries. Source: Hiiraan Online
  16. ANKARA - The World Health Organization (WHO) has started a vaccination campaign in southeastern Somalia’s Banadir administrative region to vaccinate some 400,000 children against polio and measles. Source: Hiiraan Online
  17. Nairobi — Digital freight forwarder Saloodo!, a subsidiary of Deutsche Post DHL Global Forwarding, an international provider of air, sea and road freight services has launched a new digital road freight platform for shippers and transport providers along the Northern Corridor. Source: Hiiraan Online
  18. Shacabka Muqdisho waxay Saaka hal mar la kowsadeeb Wadooyinkii waaweynaa ee Magaalada oo Xiran gabi ahaan, hadii la isweydiiyey sababta loo xirayna Waxaa loogu jawaabay [...] The post Yaa amray oo ka dambeeyey in la xiro Wadooyinka Magaalada Muqdisho Maanta appeared first on . Source
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho maanta waxaa soo gaaray madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland (Axmed Madoobe iyo Saciid Deni) kadib cadaadis uga yimid beesha caalamka waxey shir la yeelan doonaan dowladda dhexe. Labadaan madaxweyne waxey qaadaceen ka qeybgalka shirkii dhuusamareeb wajigiisa saddexaad, mana aysan ku qancin qodobadii kasoo baxay, sidaas darteed waxaa la leeyahay waxaa jirta saddex qodob oo la fahamsan yahay iney doonayaan in laga badalo heshiiska. Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Garowe, waxeyna xaqiijiyeen kaliya imaatinkooda magaalada Muqdisho. Caasimadda Online waxey heshay in labada madaxweyne ay ku dhawaad 10 qodob diidan yahiin, balse ay saddex ugu muhiimsan tahay, waxeyna doonayaan iney si gaar ah ugala heshiiyaan Farmaajo. Axmed Madoobe iyo Saciid Deni waxey dood ka qabaan qodob taabanaya xildhibaanada, wuxuu ku saabsan yahay kuraasta golaha shacabka oo la sheegay iney dooraneyso 301 ergo, waxaana ku jiri karta kuraasta la isku daraayo iyo kuwa la dhigayo deegaano aan laga taageersaneyn Jubbaland iyo Puntland. Waxa kale oo ay doonayaan labada madaxweyne in madaxweyne Farmaajo uu ogolaado in go’aanka ugu dambeeya heshiiskooda aysan shaqo ku yeelan doonin golaha Shacabka, taas badalkeeda ay doonayaan heshiis walba oo ay la gaaraan Farmaajo ineysan door ku yeelan golaha shacabka maadaama madaxweynaha horay u sheegay in heshiis walba uu ayaga ku celinaayo. Ugu dambeyntii waxaa jira qodob xasaasi ah oo ku saabsan cidda maamuleysa doorashada soo socota, heshiiska Dhuusamareeb wajigiisa saddexaad waxaa ku qoran iney guddiga doorashooyinka qaran maamulayaan. Waxey aaminsan yahiin in guddigaan doorashada ay garab taagan yahiin Villa Soomaaliya, sidaas darteed waa qodob ka mid ah kuwa ugu adag ee la rabo in laga heshiiyo, Deni iyo Axmed waxey doonayaan in qodobaas wax laga badalo. The post Qodobada Deni iyo Axmed Madoobe ay doonayaan in laga badalo heshiiskii Dhuusamareeb 3 first appeared on Caasimada Online.
  20. Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyda Puntland Saciid Deni iyo Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta markii ay Muqdisho yimaadeen waxaa ay kulan gaar ah la qaateen Safiirka Dowlada Maraykanka u fadhiya Soomaaliya danjire Donald Yamamoto. Labada madaxweyne ayaa sidoo kale waxaa ay kulamo la qaateen mas’uuliyiin ka tirsan beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan midowga Yurub iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya. Kulamadan oo ka dhacay gudaha Airportiga Xamar ayaa waxaa diiradda lagu saaray arimaha doorashooyinka 2020/2021 iyadoo la isku raacay in laga wada shaqeeyo sidii Doorasho heshiis lagu yahay ay uga dhici lahayd dalka. In beesha caalamka ay la kulmaan Deni iyo Madoobe kahor is aragooda Farmaajo ayaa keeni kara tuhunno badan iyada oo aan faahfaahin laga heyn in laga aqbalay damaanaddii ay labada nin horay u dalbadeen iyo in kale. Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu wadaa in ay Farmaajo kala hadlaan doorashada 2020/2021 iyo natiijada shirkii Dhuusamareeb 3 taas oo labada nin ka biyo diideen isla markaana ay dalbadeen wax ka badal dhinacyo badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Tentative Insights into the Somali Language Usage from Google Searches Abstract Collapse of the state in 1991 affected the use of the Somali language for print media due to the destruction of the state printing agency in Mogadishu at which newspapers and books were printed. Digital media has filled the vacuum and proved a fertile ground for research into the Somali language usage. Based on Google searches of Somali words, phrases and sentences with an emphasis on Somali spelling rules and commonly confused Somali words and phrases, this paper takes advantage of the unstructured but continually updated corpus of the World Wide Web to make tentative conclusions from examples discussed in it. The paper raises questions for computational linguists about the reliability of Google Somali spelling suggestions particularly when the search engine suggests an incorrect Somali spelling with fewer hits than a correctly spelt word. Click here to read the paper The post Tentative Insights into the Somali Language Usage from Google Searches appeared first on Puntland Post.
  22. Sida ay qorsheeyeen Howlwadeenada Villa Soomaaliya Waxaa Villa Soomaaliya qado ku lahaa Maanta Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland Laakiin Qadadaas midna ma calfan. [...] The post Casumaad Qado oo Villa Soomaaliya u diyaarin lahayd Deni iyo Axmed Madoobe oo baaqatay Maanta appeared first on . Source
  23. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, oo kulan gaar ah garoonka diyaaradaha Muqdisho kula qaatay safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto, ayaa safiirka u caddeeyay in aysan aqbali dooni heshiiskii Dhuusamareeb 3, haddii aan laga saarin qodoba ay diiddan yihiin. Labada madaxweyne, waxay kulanka ka sheegeen in heshiiskii arrimaha doorashada ee Dhuusamareeb 3, aysan wax talo ah ku lahayn, islamarkaana ay ku jiraan qodoba muujinaya in madaxweyne Farmaajo uusan doonayn in ay qabsoonto doorasho heshiis lagu wada yahay oo wakhtigeeda ku dhacda. Deni iyo Axmed Madoobe, waxay soo bandhigeen saddex qodob oo ku jira heshiiskii Dhuusamareeb 3, kuwaas oo ay ku tilmaameen qodoba Madaxweyne Farmaajo soo qortay, si uu marin-habaabin ugu sameeyo arrimaha doorashada. Saddexda qodob waxay kala yihiin; in doorashada looga dambeeyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Xaliimo Yareey hoggaamiso, in doorashada xisbiyo siyaasadeed lagu galo iyo in maamul kasta saddex magaalo laga qabto doorashada. Labada madaxweyne, ayaa safiirka u xaqiijiyay in heshiiskii Dhuusamareeb 3 ay qayb ka noqon karaan, haddii laga saaro saddexdaasi qodob, balse aysan wax wada-xaajood ah ka geli doonin inta saddexdaasi qodob ku jiraan heshiiska. Safiirka Maraykanka oo gar-wadeen ka ah wada-hadalka Muqdisho, ayaa Deni iyo Axmed Madoobe u ballan-qaaday in uu madaxweyne Farmaajo cadaadis ku saari doono sidii turxaan-bixin loogu samayn lahaa heshiiskii Dhuusamareeb 3. PUNTLAND POST The post Den iyo Axmed Madoobe oo Qodoba adag hor-dhigay Safiirka Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  24. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo Muqdisho gaaray maanta ayaa waxay kulan kula Jordan Xubno ka socda Beesha Caalamka oo uu hogaaminayo Safiirka Maraykanku. Kulanka oo [...] The post Kulankii Beesha Caalamka iyo Madaxweynayasha Deni iyo Axmed Madoobe oo socda, Xili wdooyink Mudisha u xiran yihiin appeared first on . Source
  25. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland (Saciid Deni iyo Axmed Madoobe) iyo wafdi ay hogaaminayaan ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho. Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda dhexe ayaa labada masuul kusoo dhaweeyay garoonka Aden Adde International Airport, waana markii ugu horreysay uu Saciid Deni soo gaaro magaalada Muqdisho tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Puntland. Wararka laga helayo waxey sidoo kale sheegayaan in labada madaxweyne ay shir albaabada loo xiray VIP-da garoonka diyaaradaha kula leeyahiin Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto. Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa horay u dalbaday in beesha caalamka ay ku lug yeelato heshiiska ay la galayaan dowladda dhexe, wuxuuna kulankaan muujinayaa in safiirka uu damaanad qaade ka yahay wadahadallada dhexmaraya labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland oo isku mowqif ah iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kulankaan marka uu dhamaado ayaa la filayaa in Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay kulan gaar ah la qaataan madaxweyne Farmaajo, halkaas oo la filayo iney kasoo baxaan qodobo ku saabsan heshiis loo dhan yahay oo ku saabsan Doorashada. The post Kulan gaar ah oo garoonka Aadan Cadde uga socda Deni, Axmed Madoobe iyo Yamamoto first appeared on Caasimada Online.