Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed , ayaa sida la sheegayo ku wajahan Magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ka furmi doono Shir u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka. Xarunta Madaxtooyada Muqdisho, waxa Maanta kulan gaar ah ku yeelanaya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Puntland&Jubaland, waxaana Kulanka looga hadlaya Xallinta iyo Tuxaan-bixinta Tabashada Labada Maamul ka qabaan Heshiiskii Dhuusamareeb 3 ee Arrimaha Doorashada. Kadib Kulanka gaar u ah Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe, waxaa la filayaa in uu Muqdisho si rasmiya uga furmo Shir u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, kaas oo looga tashanayo Arrimaha Doorashada 2020/2021. Mowduuca Shirka ayaa noqon doona Turxaan-bixinta iyo Xoojinta Heshiiskii Dhuusamareeb 3 oo lagu go’aamiyay Hannaanka Doorashada soo socota. PUNTLAND POST The post Shir u dhexeeya Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka oo Muqdisho ka furmaya appeared first on Puntland Post.
  2. Saacadaha soo socda, waxa Xarunta Madaxtooyada Muqdisho ee Villa Somalia Shir uga furmaya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland. Shirka waxa diiradda lagu saaraya Turxaan-bixinta Heshiiskii Dhuusamareeb 3 ee Arrimaha Doorashada, kaas oo ay ka maqnaayeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, islamarkaana ay sheegeen in aysan qayb ka ahayn. Labada Madaxweyne, ayaa Kulan gaar ah oo ay Shalay la yeesheen Safiirka Maraykanka, waxay ku soo bandhigeen Qodoba kamid ah Heshiiska Dhuusamareeb3, oo ay diiddan yihiin, iyagoo caddeeyay in ay heshiiska qayb ka noqon karaan haddii Qodobadaasi laga saaro. Wararku waxay intaas ku darayaan, in Deni iyo Axmed Madoobe ay Farmaajo ka dalbanayaan in Qodobada ay diidan yihiin laga saaro Heshiiska Dhuusamareeb 3, si Heshiiska loo turxaan-bixiyo. Dalabaadka Puntland iyo Jubaland, waxa kamid ah in Guddiga Xaliimo Yareey meesha laga saaro, islamarkaana la magacaabo guddi la isla ogolyahay oo Doorashada qabta, balse taas waxaa si adag u diiddan Madaxweyne Farmaajo. Dadka Falanqeeya Siyaasadda ayaa u arka in Qodobkaasi noqon karo kan ugu adag ee Shirka u keeni kara ismarin-waa iyo muran xooggan maadaama dhinacyadu ka taagan yihiin meelo aad u kala fog. PUNTLAND POST The post Qodob kamid ah Dalabka Deni iyo Axmed Madoobe oo Farmaajo aad u diidanyahay appeared first on Puntland Post.
  3. Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ee ku sugan Jubbalada hoose iyo Al-shabab ayaa ku dagaalamay duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, sida lagu helayo wararka ka imaanayo. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamadaan oo ka baxay degmada ay wadada u galeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabab, waxaana dhex maray dagaal xoogan, wolow aan si dhab ah loo ogeun kasaaraha dhab ah ee dagaalka. Dadka deegaanka ayaa sheegayo in ciidamada dagaalka qabsaday ay samaynayeen howgallo amniga lagu xaqiijinayo, waxaana dhacday intii howlgalka uu socday ay dagaalamaan iyaga iyo ciidan ka tirsan Al-shabab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaal u dhexeeyey ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab uu ka dhacay degmada Afmadow. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, ka gadaal markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen ciidamo Kenyaan ah oo marayey duleedka degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaal foolka fool ah uu ka dhacay halkaasi, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada huwanta dhaq-dhaqaaqyo cusub ay ka bilaabeen qeybo badan oo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose. View the full article
  5. Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa manta kulan fogaan arag ah la yeeshay Madax ka tirsan Ururka Jaamacadda Carabta ee fadhigoodu yahay Dalka Masar. Kulankaasi waxaa looga wadahadlay sidii qaar ka mid ah Dowladaha Jaamacadda Carabta ay Soomaaliya uga cafin lahaayeen deymaha ay ku leeyihiin Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda XFS Waxa uu u mahadceliyay Xoghayaha guud ee J.Carabta iyo dhamaan ka qeybgalayaashii shirka manta oo u dhacay si heer sare ah. Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay xoojiso is-badalka Maaliyadda iyo horumarka dhaqaalaha dalka. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  6. Munaasabad lagu maamusayay sannad guuradii koowaad ee kasoo wareegatay markii uu xilka la wareegay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, mudane, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa lagu qabtay xarunta dhallinyarada gobolka Banaadir. Munaasabadda ayaa Waxaa kasoo qeyb galay Xildhibaanno, Wasiirro, madaxda degmooyinka gobolka Banaadir, qaar kamid ah madaxda xisbiyada iyo Marti sharaf kale waxaana lagu soo bandhigay heeso kala duwan oo ka turjumayay wax-qabadka guddoomiyaha gobolka Banaadir muddadii uu xilka hayay. Xildhibaan Canab Xasan Cilmi iyo xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa qiray wax-qabadka muuqda ee guddoomiyaha gobolka Banaadir uu sameeyay muddadii halka sanno eheed, iyagoo shacabka ugu baaqay in ay garab istaagaan madaxdooda. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa madaxweynaha Jahmuuriyadda Soomaaliya uga mahad-celiyay garab istaagii uu u muujiyay muddadii sannadka eheed,wuxuuna sidoo kale shacabka caasimadda ku ammaanay sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen,isagoo ka codsaday in ay sii wadaan ka qeyb qaadashada horumarka caasimadda. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  7. Qaramada Midoobay ayaa 75 sanno jirsaneysa sanadkan. Soomaaliya waxay ahayd xubin ku faanta xubinimadeeda oo ka tirsan QM 60 sanno oo ka mid ah sannadahaas. Source: Hiiraan Online
  8. Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in maanta kulan gaar ah ay la qaatan Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo). Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa xiisada u dhexeysa dhinacyadaasi, gaar ahaan tabashada ay qabaan Jubbaland iyo Puntland. Sidoo kale waxaa kulanka diirada lagu saarayaa arrimaha doorashada 2020/2021 iyo qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3. Beesha caalamka ayaa gadaal ka riixeyso dadaalka haatan socda ee lagu doonayo in xal mideysan lagu gaaro magaalada Muqdisho. Xaaladda siyaasadeed ayaa ah mid cakiran, iyadoo haatan lagu jiro marxalad adag oo kala guur ah, islamarkaana la’isku diyaarinayo doorashada 2020/2021. View the full article
  9. Maamulka Gobolka Gedo ee Jubbaland u magaacaban ayaa eedeen u jeediyey Villa Somaliya iyo Hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Nisa oo ku aadan arrimaha gobolka Gedo, eedeentaan ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa iyadoo madaxweynaha maamulka Jubbaland uu ku sugan yahay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Halkaan ka Akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Subax-02092020.mp3 View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysa kulamadii shalay ay magaalada Muqdisho ku yeesheen madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland iyo qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya. Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa marka hore si kala gooni ah ula kulmay safiirka Mareykanka, kadibna la shiray safiirada iyo wakiilada kale ee beesha caalamka u jooga magaalada Muqdisho. Dhammaan kulamadan ayaa intooda diiradda lagu saaray arrimaha doroashooyinka dalka, heshiiskii Dhuusamareeb 3 iyo arrimo u gaar ah labada maamul goboleed, gaar ahaan maamulka Jubaland. Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, ayaa sida aan xogta ku helnay ka dalbaday safiirka Mareykanka Donald Yamamoto inuu sharxo qoraal intii uu socday shirka Dhuusamareeb 3 lasoo dhigay twitter-ka safaaradda Mareykanka oo loo adeegsaday ereyga “qas-wadayaal”, taasi oo sida la sheegay safiirka uu sheegay inaan cid gaar ah loola jeedin, balse uu ku socday cid kasta oo diiddan in Soomaaliya ay horey u socoto. Axmed Madoobe ayaa si gaar ah safiirka Mareykanka iyo wakiilada kale ee beesha caalamka uga dalbaday inay dowladda federaalka kala hadlaan faro-gelin uu sheegay inay ku hayso gobolka Gedo, halkaasi oo ay ciidamo badan gaysay, sidoo kalena ka dhistay maamul ka madax banaan kan Jubaland. Kulankii wadajirka ahaa ee Axmed Madoobe iyo Deni ay la yeesheen wakiilada beesha caalamka, ayaa dhanka kale si weyn diiradda loogu saaray heshiiskii Dhuusamareeb 3, waxayna soo bandhigeen qodobo ay sheegeen inaan la aqbali karin oo heshiiska ku jira. Qodobadaas ayaa waxaa ka mid ah in doorashooyinka ay maamulaan guddiga madaxa-banaan ee doorashada, oo ay sheegeen inuusan dhex-dhexaad ahayn kuna xiran yahay Villa Somalia. Labada madaxweyne ma dalban in guddiga meesha laga saaro, waxayse codsadeen in maamulka doorashada ay kaalin ku yeeshaan dowlad goboleedyada. Waxay sidoo kale dood ka keeneen qodob dhigaya in dhowr magaalo ay ka dhacdo doorashada, magaaladii amnigeeda uusan wanaagsaneyna laga wareejiyo, taasi oo ay u arkaan isku day doorashada lagu gaynayo magaalooyin ay gacanta ku hayso dowladda federaalka. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya inay dalbadeen in kulanka Muqdisho laga soo qeyb-geliyo madax goboleedyada kale ee ka maqan. Si kastaba, ma cadda waxa beesha caalamka ay ka qaban karto dhammaan dalabyada labada madaxweyne goboleed, waxaana suurta-gal ah in ugu dambeyn ay in badan ka tanaasulaan, si heshiis loo gaaro. The post Xog: Maxay Axmed Madobe iyo Saciid Deni ka dalbadeen xubnaha beesha caalamka? first appeared on Caasimada Online.
  12. Rep. Ilhan Omar (D-Minn.) has accused MSNBC's Joy Reid of "casual Islamophobia" while demanding an apology after Reid compared rhetoric by President Donald Trump to the media describing "how Muslims act" in "radicalizing" Muslim extremists. Source: Hiiraan Online
  13. NAIROBI, Kenya (AP) — The oil industry has asked the United States to pressure Kenya to change its world-leading stance against the plastic waste that litters Africa Source: Hiiraan Online
  14. TANZANIA, Tanzania - The U.N. Security Council will hold a high-level summit during the annual meeting of world leaders at the General Assembly later this month to discuss security threats in the world after the COVID-19 pandemic ends. Source: Hiiraan Online
  15. Churchill Show comedian Nasra Yusuf popularly known as Nazz, has come out to reveal that her YouTube account, which had amassed 53,000 subscribers, had been hacked. Taking to Instagram, the soft-spoken comedian disclosed that she also lost money she had accumulated on the platform after continuously uploading content to grow her fan base. Source: Hiiraan Online
  16. Hundreds of migrants pitched tents in central Paris on Tuesday to call attention to their plight on the streets, where they scrape by in often dire hygiene conditions. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo shaac baxaya sababo kala duwan oo sababay in genii ahaanba la joojiyo howlihii xafiiska Visa bixinta Turkiga ee magaalada Muqdisho ee “MZ Visa” kadib markii muran uu ka dhashay shaqaale qaab masuq maasuq ah looga keenay xafiiska magaalada Hargeysa laguna badalay kuwii ka howlgalayay xafiiska Muqdisho. Arrintaan ayaa waxaa la ogaaday inay lugaha la gashay xafiiska sii-hayaha ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Guuleed iyo xubno xildhibaano ah oo kasoo jeeda deegaanada Waqooyi Galbeed, kuwaasi faragelin ku sameeyay nidaamka shaqo ee xafiiska MZ Visa. Arrinta ugu weyn ayaa waxay ka timid dhalinyaro adeegsaneysa awoodda xafiiska Mahdi Guuleed, kuwaasi oo kasoo jeeda deegaanada Waqooyi Galbeed ee Somaliland. Baaris ay sameysay Caasimada Online ayaa waxaa lagu ogaaday in sababaha shaqadooda ay ku waayeen shaqaalihii horay ugu howlgelayay xafiiska MZ Visa ay tahay shirqool ay maleegeen shaqaale laga keenay Hargeysa, kuwaasi oo guddoomiye ku-xigeenka xafiiska MZ Visa kusoo eedeeyay masuq maasuq, xili habeen ahna xafiiska u dhacay kadibna ay qaanad tiilay dul dhigeen lacag dhan 900 dollar oo ay ku sheegeen in ay tahay lacag masuq ah. Markii baaris iyo raad raac lagu sameeyay CCTV ayaa waxaa ay caddeysay in mid ka mid ah shaqaalihii laga keenay Hargeysa uu xili 7 fiidnimo uu xafiiska soo galay, kadibna uu isagoo lacagta dhigay meesha, seddax saac kadibna isla xubintii dhigtay iyo madaxii xafiiska MZ-Visa oo Turki ah baaris ay ku sameeyeen xafiiska ka heleen lacagtaasi, balse markii danbe fadeexad dhacday markii la raad raacay CCTV-ga. Markii la ogaaday fadeexada ka dhalatay sida qorshahaasi loo maleegay ayaa mas’uuliyiinta safaaradda Turkiga oo shaki weyn ka qabay waxa ka socda Xafiiska VISA bixinta Turkiga ee Muqdisho la kulmay Ku-simaha Ra’iisal wasaaraha, waxayna kala hadleen go’aankooda ah in la hakiyey bixinta Visa-ha Turkiga in mudo ah. Arrimahaan oo dhan ayaa waxaa u sabab ah xukuumad la’aanta dalka ka jirta iyo xiliga kala guurka ah oo mas’uul walba uu awoodiisa kaga faa’iideysanayo fursadaha dhaqaale abuurka ah ee hay’addaha dowliga iyo kuwaan dowliga aheyn. Xayiraadaaan fiisaha Turkiga ayaa waxay dhabar jab ku tahay ganacsatada, ardayda iyo dadka kale ee arrimaha caafimaadka u doonta dalka Turkiga, iyadoo suuragal tahay in mudo ah inay qaadato xayiraadaan. The post Sidee xafiiska Mahdi Guuleed ugu lug yeeshay in la xiro xafiiska Visa bixinta Turkiga? first appeared on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – 22-Aug-2019 ayaa madaxweyne Farmaajo waxa uu Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) u magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir kadib geeridii ku timid Ahun Eng Cabdiraxmaan Cumar Yariisow oo 1-Agosto-2019 ku yeeriday Isbitaal ku yaal magaalada Doxa ee Waddanka Qadar. Magacaabista Cumar Filish waxa ay dad badan u arkayeen in ay isbeddel wanaagsan ku sameyn karto xaalka murugsan ee Caasimadda Muqdisho oo sida uu daabacay Wargeyska World Population Review ay ku dhaqan yihiin dad kor u dhaafay 2.5 Milyan oo qof, hayeeshee inkasta oo uu guddoomiyuhu sheegay in uu waxqabad wanaagsan la imaanayo haddana sida ay qabaan dadka rogroga habdhaqanka iyo maamulka Gobolka Banaadir ma muuqdo illaa hadda isbeddel ka badan in magacii Yariisow lagu beddelay Filish. Cumar Maxamuud guddoomiyaha gobolka Banaadir waxa uu munaasabad lagu soo dhoweeyey magacaabistiisa oo ka dhacday gobolka Banaadir 30-Agosto-2019 ka sheegay in uu sameynayo isbeddel ballaaran si gaar ahna uga howlgelayo Nabadgelyada iyo furidda Waddooyinka, ballaan-qaadkaas ayaa aad u soo jiitay ka qayb galayaashii munaasabadda, waxa kale oo uu intaas raaciyey in uu muddo 6 bil ah ku qabanayo dhammaan ballanqaadyadaas. Balse hal sano kadib Cumar Filish oo xalay qabsaday Xafladda sanad guuradiisa ayaa sanad kadib ka hadlay waxyaabaha ka fulay ballanqaadyadii uu sameeyay markii Madaxweyne Farmaajo uu u magacaabay xilkaan. Cumar Filish oo ballanqaadkii ugu weynaa ee laga sugayey aheyd qaadista dhagaxaanta waddooyinka lagu xiray jid-caddayaasha iyo isgoysyada caasimadda ayaa si cad u sheegay inuu ku fashilmay arrintaas sababo uu ku sheegay inay tahay duruufo amni oo la rumeysan yahay inay taagneyd waqtigii uu ballanqaadka sameenayey. “Habeenkii aan xilka la wareegayay 29-kii Agoosto 2019, shacabka waxa ay doonayeen qaadista dhagaxaanta, waxyaabihii aan ballanqaaday ayay qayb ka ahayd, balse way noo suurageli waysay caqabadah amni darteed,” ayuu yiri Cumar Filish. “Waan jecel nahay magaalo amni ah oo isu gudubkeeda gees ilaa gees u xor yahay, balse wax waliba duruufaha amni ayaa naga hortaagan, qaadista dhagaxaanta waxa aan ku badalnay howlgalo militariga ay kawadaan labada Shabeelle si xasiloonida loo adkeeyo,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa. Guddoomiyaha ayaa xusay in wax kasta ay rabaan inay qabtaan ay ka sare martay duruufaha amniga oo uu sheegay inay tahay midda u baahan in laga shaqeeyo sidii loo xallin lahaa. “Sidii aan rabnay wax waa noogu suurageli waysay, dadaalkeenu mayaro, waxaase naga sare maray duruufaha Amniga oo ah waxa ugu horeeyo ee u baahan in aan ka shaqeyno, waxaana bilawnay fulinta ballanqaadyada sida ugu fudud ee aan u fulin karno” ayuu yiri. Dadka fallanqeeyo siyaasadda ayaa rumeysan in sababta ugu weyn ee loogu fashilmay qaadista dhagxaanta iyo sugidda Amniga Muqdisho ay tahay in ciidamada sugayo amniga aysan hoos tagin Gobolka Banaadir isla markaasna ay ka amar qaataan taliska Booliska Soomaaliyeed, waxaana Guddoomiye Cumar Filish laga sugayey inuu ka shaqeeyo sidii ciidamada Booliska ee sugayo amniga loo hoos geyn lahaa Maamulka Gobolka Banaadir taasoo fududeyn laheyd in wax laga qabto amni xumada ka jirto Muqdisho. The post Hal sano kadib G/Banaadir kama muuqdo isbeddel ka badan in magacii Yariisow lagu beddelay Filish first appeared on Caasimada Online.
  19. The United Nations turns 75 this year. Somalia has been a proud member of the UN for 60 of those years. Source: Hiiraan Online
  20. Afar Ka Mida Madaxda Kulmiye Oo Shubay Lacagta Shuruuda Looga Dhigay Tartanka Hoggaanka Xisbiga Siyaasiyiinta uu damacu ka hayo Hoggaanka Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa la sheegay inay qaarkood Shubeen Lacagihii ay Guddiga qaban-qaabadu Shuruudda kaga dhigeen Ciddii tartanka ka qayb-galaysa. Wargeyska Geeska Afrika ayaa loo sheegay in siyaasiyiinta illaa hadda Lacagtaa shubay isla-markaana u diyaar-garoobay inay ka qayb-galaan Tartanka Hoggaanka Xisbiga KULMIYE ay ka mid yihiin Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo u tartamaya Guddoomiye-nimada Xisbiga KULMIYE oo uu doonayo inuu sii hayo Shanta sanadood ee soo socda. Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo u tartamaya Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad oo isagu hadda hayo. Xuseen Aadan Cadde oo u tartamaya Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga oo uu isagu hadda hayo. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Maxamed Xasan Sacad (Saajin) oo u tartamaya Jagada Guddoomiye ku-xigeen 4-aad. Tartanka saaxadda KULMIYE ku soo biiray ee Wasiir Saajin oo ah Nin ku cusub tartanka Xisbiga KULMIYE ayaa xiiso gaar u yeelaysa Baratanka, waxaana muuqata inuu la tartamayo Madaxweyne ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo hadda ah Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Xisbiga. Ugu dambayn, Qaderka lacageed ee Musharraxiinta laga doonayo ayaa dhan min 10 kun oo dollar oo Musharraxiinta Guddoomiye ku-xigeennada ah iyo min 15 kun dollar oo laga doonayo Musharraxiinta Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE. Qaran News
  21. President Farmajo has been found guilty of violating a constitutional provision In an interview, Zakariye, a member of the Federal Parliament, said that President Farmajo had lied to the Federal Parliament, saying that the ousted Prime Minister was opposed to the election of a person and a vote and that he wanted an election. Two weeks after the election, the people brought us to the polls. Asked if he had not nominated the prime minister for more than 30 days, MP Zakaria said: Zakariye said he did not know the president did not want the prime minister to be in the country. He said the current constitution removes the provision that requires the president to nominate the prime minister within 30 days but the president forgets that the new constitution will make up for what is missing. The Prime Minister will be held accountable for his actions, said MP Zakaria However, President Farmajo may remain in office if the 1960 constitution repeals that he nominates a new prime minister within 30 days. Qaran News
  22. Hoggaamiyaha ruuxiga Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa markii ugu horreysay ka hadlay heshiiska dhexmaray Israel iyo Imaaraadka Hoggaamiyaha ruuxiga dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa markii ugu horreysay ka hadlay heshiiskii dhawaan dhex maray Israel iyo Imaaraadka kaas oo ay dib isugu soo ceshadeen xidhiidhkooda. Khamenei ayaa sheegay in Imaaraadka uu ku khiyaameeyay bulshaweynta muslimiinta iyo dadka reer Falastiin heshiiskii uu la galay Israel, balse waxa uu sheegay in uusan noqon doonin mid guuleysta, dhawaana uu bur-buri doono. ” – Dabcan, heshiiska ay la galeen Israel ma sii jiri doono , laakiin waxaa halkaasi ka raaci doona ceeb iyo cambaar. Waxa ay u ogolaadeen Yuhuudda in ay soo dhex galaan gobolka, waxayna iloobeen Falastiin”, ayuu yidhi Ayatollah Khamenei. Dowladda Iran ayaa islamarkiiba cambaareysay heshiiskan dhex maray Israel iyo Imaaraadka ee uu ka shaqeeyay Mareykanka. Sidoo kale dowlado badan oo muslimiin ah oo uu ka mid yahay Turkiga ayaa iyana cambaareeyay heshiiskan. Adduun weynaha muslimiinta ayaa horay ugu heshiiyay in aysan wax xidhiidh ah la sameyn doonin Israel ka hor inta laga helayo dowlad ay leeyihiin shacabka reer Falastiin. Dhacabka iyo maamullada Falastiin ayaa si xooggan u cambaareeyay heshiiskan dhex maray Israel iyo Imaaraadka Qaran News
  23. Tehran (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha sare ee Iran ayaa ku eedeeyey Imaaraadka Carabta inay khiyaameeyeen dunida muslimka, markii ay go’aansadeen inay xiriir la yeeshaa Israel. Ayatollah Ali Khamenei ayaa khudbad laga sii daayey taleefishinka Talaadaadii waxa uu ku sheegay in Imaaraadka ay dhabarka ka mindiyeeyeen Islaamka, ayna weligood ceeb ku noolaan doonaan. “Dabcan, khiyaanada Imaaradka masii jiri doonto, hase yeeshee ceebta ka raacday weligeed waa la xusuusan doonaa,” ayuu yiri Ayatollah Ali Khamenei. “Waxay maamulka Saxnuuniyadda u ogolaadeen inuu gobolka soo galo, waxayna hilmaameen Falastiiniyiinta. Imaraadka weligood waa ay ceebeysnaan doonaan. Waxaan rajeynaa inay soo baraarugaan oo ay magdhow ka bixiyaan wixii ay gaysteen,” ayuu yiri Mas’uuliyiinta Iran ayaa si xooggan u cambaareeyey heshiiska Mareykanka uu fududeeyey ee Israel iyo Imaaraadka, waxayna ka digeen in xiriirkooda uu dagaal ka hurin karo gobolka. Dhinaca kale, sarkaal u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka Jamal al-Musharakh ayaa ku gacan seeray hadallada Khamenei, wuxuuna sheegay in “waddada nabadda iyo barwaaqada aan lagu gaarin hadallada naceybka iyo hurinta ku dhisan,” “Hadallada noocan ah waxay lid ku yihiin nabadda gobolka,” ayuu yiri Musharakh. The post Ayatollah Ali Khamenei: Imaaraadka waxaa raacday ceeb aan abid ka hari doonin first appeared on Caasimada Online.
  24. FBI-da oo ka walaacsan in Gambaleelka Albaabka uu booliska basaaso Gambeellada ayaa ay tabtaan dadka guriga soo gelayaa, sida oo kalena laga arkaa qofka albaabka taagan Dukumiintiyo la si sir ah loo qaatay ayaa muujiyay in laanta dembi baarista ee FBI-da Maraykanka ay ka walaacsan tahay in dadka qaar ay u isticmaalayaan gambaleellada albaabbada in ay kula socdaan booliska. Waraaqaha waxa ay sharraxayaan dhacdo 2017-kii ahay oo qof hab hagid ah uga daawaday muuqaal toos ah booliska oo isku diyaarinayay inay gurigiisa hortiisa kaga shaqeeyaan fasax maxkamadeed oo baadhitaan ah. Macluumaadka waxaa laga helay khadka internet-ka ee waxayna heleen haayadda ‘Intercept’. Markii hore, dadka u dooda arrimaha shakhsiga ah waxay muujiyeen walaac ku saabsan xogta laga helo albaabbada internet-ka ah ee lala wadaago booliska. Waraaqaha la jabsaday, oo si wada jir ah loogu yaqaanay BlueLeaks, waxaa laga helay in ka badan 250 warqadood oo bogagga booliiska ku jiray. Dukumiintiga su’aashu ka taagan tahay ayaa ah warbixin falanqeyn farsamo ah, oo bixinaysa aragti guud oo ku saabsan fursadaha iyo caqabadaha booliis ee ka imanaya nidaamyada amniga guriga iyo gambaleelka albaabada casriga ah. Gambeellada oo badanaa ku hor yaalla xagga hore ee albaabka waxaa tabtaan ama yeeriya dadka guriga soo gelayaa si loo maqlo oo looga furo albaabka, sidoo waxaa la arki karaa, lana maqlayaa codka qofka albaabka taagan, ka hor inta aan laga furin. Dhacdadii 2017-kii waxay sharraxeysaa sida qof baaritaan ku socda uu “si qarsoodi ah ula socday dhaqdhaqaaqa sharci fulinta ee inta ay ku sugan yihiin gudaha dhismaha una digeysto deriskiisa iyo milkiilaha guriga”. Giraanta Amazon waa mid ka mid ah kuwa ugu caansan, laakiin waxaa jira shirkado kala duwan oo iibiya gambaleelka guryaha ee albaabbada lagu xidho. Amazon ayaa lagu dhaleeceeyay sannadkii la soo dhaafay in ay la shaqeysay ugu yaraan 200 hey’adaha sharci fulinta Mareykanka si ay ugu ogolaato la socoshada gambaleelkeeda lagu xidho albaabbada. Wada shaqeynta ka dhexeysa saraakiisha booliiska waxay tahay in ay ka codsan karaan macaamiisha in ay la wadaagaan fiidiyowyada iyo macluumaadka ku saabsan dembiyada ka dhaca aagga ay deggan yihiin. Xilligaas kooxda xuquuqda internet-ka ee Fight the Future waxay sheegeen in arrintaasi ay “wiiqday geedi-socodkeenna dimuqraadiyadda iyo xorriyadda aasaasiga ah ee shacabka”. booliska Wiltshire ee Britain waxay diyaariyeen keyd la gelin karo albaabbada casriga ah ee gaarka loo leeyahay iyo kamaradaha amniga, waxaana dadka deegaanka laga codsanayaa in ay is diwaangeliyaan. Qaran News
  25. Xildhibaan madow ah oo sawirkeeda loo adeegsaday Qof la adoonsaday Danièle Obono waxaa xildhibaannimada loo doortay 2017-kii. Wargeyska midigta fog ee ka soo baxa dalka Faransiiska ayaa guud ahaan laga dhalleeceeyay masraxa siyaasadeed ka dib markii haweeney xildhibaan madow ah uu ku tilmaamay qof la addoonsaday. Warbixintan oo lagu qoray wargeyska Valeurs actuelles, wuxuu ku eedeeyay in dadka Afrikaanka ah ay ku lug leeyihiin addoonsiga, waxayna soo qaaten sawirka Ms Daniele Obono oo qoorta bir ugu jirto. Ra`iisal Wasaare Faransiiska Jean Castex ayaa sheegay in warbxinta la daabacay ay tahay mid karaahiyo ah. Wargeyska ayaa raaligeliyay Ms Obono laakiin waxay beeniyeen in maqaalkooda uu yahay mid cunsuri ah. Ms Obono waxay ku dhalatay dalka Gabon, waana guddoomiye ku xigeenka xisbiga garabka bidix ee barlamaanka Faransiiska, waxayna matashaa deegaan baarlamaaneed ku yaalla magaalada Paris. Waxayna boggeeda Twitter-ka soo dhigtay sawirka oo ay ku qortay in ereyada “kooxaha midigta fog ay yihiin kuwa xun, oo doqonnimo ah iyo naxariis darro”. “Sawirkani wuxuu bahdilaad iyo aflagado ku yahay awoowayaashay, qoyskeyga iyo dhaqdhaqaaqeyga siyaasadeed,” ayay tiri, waxayna intaasi ku dartay in ay diyaar u tahay in ay la dagaallanto cunsurinimada si ka duwan sidii hore, si loo helo xorriyadd iyo sinnaan. Xafiiska Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa sheegay in Madaxweynaha uu khadka talefoonka kula hadlay Ms obono uuna “si cad u cambaareeyay nooc walbo oo cunsuriyad ah”. Wallerand De Saint-Just, oo ah sarkal sare oo ka tirsan ololaha midigta fog ayaa cambaareeyay wargeyska wuxuuna sheegay inay Ms obono xaqireen. Faransiiska waxaa ka dhacay bannaanbaxyo waawayn bilihii June iyo July oo lagu cambaareynayay addoonsigii xilligii gumaysiga iyo cunsuriyadda ee Faransiiska ka jirta hadda, arrintaas oo ay dhiirrigelisay dhaqdhaqaaqa loogu magac daray Nolosha Madowga waa Muhiim, ka dib cadhadii ka dhalatay dilkii booliska Mareykanka ay u geysteen George Floyd. Madaxweyne Emmanuel Macron wuxuu wacad ku maray inuu la dagaallamayo cunsuriyadda laakiin wuxuu sheegay in Faransiiska uusan meesha ka saari doonin taallooyinka muranka badan dhaliyay ee shaqsiyaadkii xilligii gumeysiga ay geysteen. Waxaa jiray ololeyaal ka dhan ah taallooyinka noocan oo kale ah oo ka dhacay Britain iyo Mareykanka. “Qoraalkeennu ma aha mid cunsuriyad laga dheehan karo,” waxaa sidaas lagu qoray wargeyska. “Waa wax iska caadi ah in kuwa naga soo horjeeda ay eedeymo noo soo jediyaan.” Qaran News