-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddiga doorashada oo ay samaysteen Ismaamulka Tigreega Itoobiya ayaa sheegay in saakay oo arbaco ah ay dhacaysa doorashada xilli guud ahaan doorashooyinka Itoobiya dib loo dhigay. Guddigu wuxuu sheegay in la diyaariyay 2,672 (Laba kun lix boqol iyo todobaatan) goobood oo laga codeyn doono, iyada oo ay codka dhiiban doonaan 2.7 malyan oo qof. Doowlada federaalka Itoobiya, ayaa doorashadan ku tilmaamtay sharci darro, waxaana diiday aqalka sare ee baarlamaanka dalkaas ee loo yaqaan house of federation. Doorashada Itoobiya oo lagu waday in ay dhacdo bishii Agoosto, ayaa dib loo dhigay muddo 9 bilood ah sababa la xiriira COVID-19, balse ismaamulka tigreega ayaa diideen arintaasi. PUNTLAND POST The post Ismaamulka Tigreega oo saaka doorasho qabsanaya appeared first on Puntland Post.
-
Yaa u hadhaaya Aduunka?? Dunidan aynu ku nool nahay waa mid jirtay inkabadan Malaayiin Milyan oo sanadood, intay jiridoontana eebaa og, se hubaal aadamaha markuu ka guud madho dhulku wuu sii jiri, Maxaa yeelay Aadamaha hortii marbuu Dhulku ahaa dhagax dhamac ah oo fadhfadh leh karka iyo ololka kabaxaaya aad Is odhanlahayd meeshan weligeed noolo kuma noolaanaayo, balhadana waatii lagu guud noolaaday ee aduunkii dhagaxaanta karaysay ee shiilmaysay isku bedeshay Mar meel biyo qarqiyeen ee dul ceegaageen qarniyo, ee dhul beri ahiba jirin, marbuu Baraf dhulkan dul tuulnaa cidhif ilaa cidhif oo aad qabawga yaabaysay, marbay Dhulkan ay Ku noolaayeen xayawaan aad u laxaad weyn oo weynaan waxay ka qabeen Maroodigu Qudhaanjo waxba ugamuu dhaamin, Malaayiin sanadood ayey Ku noolaadeen se siddaad u rumaysataa adag waayo raad la’aanta ay Dunida kaga tageen awgeed, Marbay dhulkan ku noolaadeen ummad aadame sawaaban ahi oo quruumo kala duwan lahaa , marbay Aduunkan ku guud noolaayeen ummad aad u dhaadheer oo dadka haatan nool ruuxooda ugu dheer iyo ilmo dhashay hada isku noqonayeen, marbay Aduunkan ku cartami jireen qoomiyado wax ismooday oo ay cardaaduqaha iskaga dhigayeen, marbay Aduunyadan rag Ilaahyo sheegteen Sidda raggii fircoon oo Kala ahaa maantana isaga oo raq qombobtay ah ayaa la daawadaa bal cibaarada aduunka!, Marbay Aduunkan Boqortooyooyin awood sheegtay dhul baaxad leh isku fidiyeen maantana aasaar ay Ka tageen mooyee ummad dhaqan oo afkoodii Ku hadlaaya aan Laga hayn aayo la’aanta Aduunyadan, Marbay aduunkan aadame nool lakala iibsan jiray oo Lays adoonsan jiray, marbaa Aduunkan aqoon yaraan awgeed gaban yar oo dhalatay oo abaydin ah aan wax gaysan, ayaa nolol iil lagu xabaali jiray, Aduunkan aynu ku noolnay intuu Aadamuhu joogay maxay Is xasuuqeen oo Is dhaceen oo Is dhalan rogeen oo aduunkii iyo cimiladiina fadareeyeen,wax walba oo fasahaad iyo basar xumo aduunka Aadamuhu Ku samaynaayo wax cusub MAAHA waayo ummadihii inaga horeeyey waxayna samayni may jirin aan aaladaha casriga ah ahayn, Wixii rag iyo haween aduunka magac sheegtay ee waa’yo soomaray mid aduunyo Kala god galayna la aragyoo faraaciintii xabaalaha dahabka iyo duunyada Ku gurtay iyagii oo raq qombobtay ah waa taa dahabkii iyo duunyadoodii laga dul gurtay. Nin wakhti waayadii hore aduunka ahaa ninka ugu maalka badnaa ayaa waxa laga hayaa marka aan dhinto ee lay aasaayo kafan hay xidhina ee sanduuq saxaarad ah igu Rida oo marka aad i god dhigaysaan labadayda gacmood dabada usaara oo dacalada saxaarada Ka laalaalida.! SAA lagu yidhi waayo? Suu yidhi waxaan doonayaa in aan dadka tuso wixii aan Aduun, maal, Dahab iyo lacag aan lahaa anigoo Ka faro madhan in aan god laygu xabaalay oo waxba Ka qaadan inay arkaan baan doonayaaye!. Haddal iyo dhamaan aduunka inta aadame Ku noolaan karaa waa mudo kooban iyo ayaamo tirsan, aduunkan Ku noolaanshihiisa aadamaha waa looga horeeyey xabkana in looga danbayn doono se waxa hubaal ah in aan lagu waarahayn wax walba oo camal aduunka guudkiisa lagu sameeyo ama aadame Ku dhaqaaqo waxa markhaati madoonto ah in ummadihii hore ka warkeeneen qaar halaag iyo hoog kala kulma iyo qaar lagu rogayba. Aduunku waa kii oo wax Ku cusubi ma jiro aan jiilasha isbedelaaya ahyn, sooyaalka taariikhda aduunkuna waa mid ciida hoos Taal oo la qodo iyo mid asaartii ummadihii hore Ka tageen laga guud akhriyo. Aduunku waa ciid iyo Caro mudo lagu guud noolaado Cid u hadhaysaa oo aadame ahi aanay jiray imisa aw Hebel taajir ahaa oo gacmaha la hoos haysan jiray ayaa Ka godgalay oo la dhaxlay waa aduunyee, bal Qabuuraha Booqda waxa Hebolo jiifa aad Ku Cimro qaadataane!. Waxaan Ku soo ood rogay aduunku waa maalmo kooban Dadka aduunka isasiiyee ka daba dhacay ee dulmi,khiyaamo, wax isdaba Marin iyo musuqmaasaq Ku ceeshayow adiga oo mudh iyo gacan ah ayaad timid Dunida saa qayd cad lagugu qabtay, adiga oo mudh iyo gacan ah oo qaydkii kafan lagaaga dhigayna waad Ka tagi, siddaa laajigeed aduunkan ruuxna Uma hadhaayo aan ilaahii sameeyey ahayn ee taa hala ogaado oo aakhiro halloo tudho!. Dunidan kuma waarto ciddiye Ceeb la’aan kaga tag Fuad Fartaag fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
-
Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Aarhus Dalka Denmark waxay tacsi tiiraanyo xambaarsan dirayaan Qoyska Reer Gees, Geeridii ku timid Marxuum Nuux Gees oo Dhalay ku geeriyooday [...] The post Tacsi:- Jaaliyada Aarhus Denmark oo ka tacsiyeynaysa Geeridii Marxuum Nuux Gees oo Garowe ku geeriyooday appeared first on . Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Subax-09092020.mp3 View the full article
-
Zahra Abdirisak, 24, qualified as a midwife in 2017 from Mogadishu Midwifery School which receives technical and financial support from UNFPA. She has since been playing her role as a midwife; being the primary caregiver for women and their newborns during pregnancy, labour, childbirth and in the post-delivery period. Source: Hiiraan Online
-
Somali-Italian architect Omar Degan has a dream of restoring the ruined glory of Somalia's capital Mogadishu and returning it to its people through revived public spaces. Nazanine Moshiri reports.Watch Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa qoraal ay xalay soo saartay ku sheegtay inay taageereyso dib u habeyn lagu sameeyo waaxda amniga Soomaaliya, taasi oo ay sheegtay inay mustaqbal ifaya u hogaamin doonto Soomaaliya iyo Soomaalida, balse ay kaga digtay qaraabo-kiilka iyo musuq-maasuqa. “Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay taageereysaa dib u habeyn lagu sameeyo waaxda amniga taasi oo mustaqbal ifaya u hogaamin doonta Soomaaliya iyo dhammaan Soomaalida. Musuq-maasuqa iyo qaraabo kiilka waxay dib u dhigaan horumarka isbedellada, waxay waxyeeleeyaan amniga shacabka Soomaaliya, waxayna xoojiyaan cadowga Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in qoraalka Mareykanka uu la xiriiro shaqo ka joojin uu taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneral Odowaa Yuusuf Raage uu ku sameeyey taliyaha ciidamada Danab ee Soomaaliya Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik, taasi oo Mareykanka uu ka xumaaday. Ma cadda sababta shaqada looga joojiyey taliye Ismaaciil, hase yeeshee dhawaanahaanba taliska xoogga dalka ayaa sameeyay is-badallo u muuqda in meesha looga saarayey dhalinyarada joogo hoggaanada Ciidamada xoogga dalka “ee aan la isku hubin”, xilli lagu jiro marxalad kala guur ah. Gaashaanle Ismaaciil ayaa sidoo kale lagu tirinayaa inuu si aad ah ugu dhowaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo ay isku beel yihiin, inkasta oo la sheegay in taliyaha uusan wax qabyaalad iyo xulufeysi shaqo ku lahayn oo uu shaqadiisa un ku eg yahay. Mareykanka ayaa la rumeysan yahay inuu ka xumaaday shaqo joojinta gaashaan Ismaaciil, oo dalka Mareykanka wax kusoo bartay, sidoo kalena shaqo wanaagsan ka qabtay ciidamada Danab. Dhinaca kale la-taliyaha Amniga Qaranka Cabdisaciid oo qoraal u muuqday mid jawaab ah ku soo qoray bartiisa Twitter-ka ayaa soo dhoweeyey taageerada beesha caalamka, balse dalbaday in Soomaalida lala tashado. “Waxaan ka mahadcelineynaa taageerada joogtada ah ee aan ka helayno Saaxibadda Caalamiga, waxaana aaminsanahay inay door muhiim ka ciyaari karaan horay u socoshada. Hay’adaha Soomaaliyeed waa in lala tashadaa oo ay si firfircoon uga qayb qaataan dejinta, hirgelinta iyo gaarsiinta dhammaan arrimaha muhiimka ah ee amniga la xiriira,” ayuu yiri La Taliyaha Amniga Qaranka. The post Maxaa ka dhaxeeya qoraalka Mareykanka iyo shaqo ka joojintii lagu sameeyey taliyaha ciidamada Danab? first appeared on Caasimada Online.
-
At least 37 million people, and possibly up to 59 million, have been displaced by America's "global war on terror" since it was launched by former President George W. Bush's administration nearly 20 years ago, according to a new report from Brown University's Cost of War project. Source: Hiiraan Online
-
Mareykanka oo Walaac ka muujiyay Eex iyo Qaraabo kiil ka dhax bilowday Milatariga Somalia Dowlada Mareykanka ayaa walaac xoogan ka muujisay Musuq maasuq, qaraabo kiil iyo eex ka dhax bilaabatay ciidanka milatariga Soomaaliya, xili Mareykanka dhaqaalo badan ku bixinayo dib u dhiska ciidanka Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya lana soo dhigay Twitterka ayaa lagu sheegay in ay taageerayaan dib u habeynta waaxda amniga ee Soomaaliya, oo ay xuseen in ay horseedeyso mustaqbal ifaya . Safaarada Mareykanka qoraalka kasoo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay in musuq maasuqa ,eexda iyo qaraabo kiilka ka dhax jira ciidanka in ay saameyn ku yeelaneyso horumarka ayna wiiqeyso amniga dalka ayna xoojineyso kooxaha cadawga ah. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Tigrayga ee dalka Itoobiya ayaa maanta waxaa ka dhacaya doorasho u gaar ah, oo khilaaf uu ka taagan yahay, xili doorashadii Soomaaliya uu iyadana ka taagan yahay muran aan weli heshiis rasmi ah laga gaarin. Khilaafyada noocan ah ayaa falanqeeyayaashu ku macneeyen in uu nidaamka federaalku uu yahay sababta u weyn ee keenta arrimahaasi, ayna tahay saameynta xun ee ka dhalata nidaamkaasi. Soomaaliya oo ka mid ah dalalka hannaanka federaalka qaatay ee Geeska Afrika, ayaa iyadu muddooyinkii dambe wajaheysay khilaafaad la xiriiray arrimaha doorashada, taasi oo u dhaxeysay dowladda dhexe, maamul goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda. Itoobiya ayaa iyaduna la daala dhaceysa dhibaatooyinka la mid mida Soomaaliya, taasi oo udhaxeysa maamulka Tigrayga oo in muddo ku muransanaa arrimaha doorashada oo ay dowladdu dhexe dib u dhigtay taas oo la xiriirtay saameynta cudurka safmarka ah ee Covid-19. Halka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyadana ay isku fahmi laayihiin nooca doorasho ee dalka ka qabsoomeysa, xili ay muddo kooban ka hadhsantahay muddo xileedka xukuumadda. Feysal Rooble, oo ka faallooda arrimaha Geeska Afrika ayaa xaaladda ka taagan dhanka Itoobiya ku tilmaamay mid ah ismari waa sababay in Tigrayga iyo dowladda Dhexe ay isku khilaafaan dib u dhigista doorashada. Wuxuuna hoosta ka xariiqay in nidaamka federaalka ee Soomaaliya iyo Itoobiyaba uu inta badan saldhig u yahay sharciyada u yaalla dowladaha dhexe iyo kuwa maamulada oo qeexaya awoodaha. “Dowladdu Federaalku waxay sheegeysaa in uusan sharciba ahayn in dowlad deegaanka Tigrayga iskood u qabtaan doorasho, kuwa tigraygana waxay ku doodayaan cahdi qarameedka u yaalla in uu fasaxaya,” ayuu yiri. “Federaalka waxaa lagu sheegay in leeyahay sharci qaran oo kala saaran dadka, kan Soomaaliya iyo kan Itoobiya, labaduba waxay xadeynayaan awoodda dowladaha dhexe ay leeyhiin isla markaana awoodo badan ay siinayaan dowlad goboleedyada, marka waxaad mooddaa in labada ay ka taagan yihiin arrimo ay isku afgaran la’yihiin oo ah xadka ay dowladda federaalka leedahay iyo meesha awooddu ka bilaabmato.” Wuxuuna intaas kusii daray “Kan Itoobiya qodobka 52-aad wuxuu sheegayaa in wax alle wixii ka soo hara awoodda dowladda dhexe ay leeyihiin dowlad goboleedyada, kan doorashada waxay dadka qaarkood u micneysaa in ay gacanta ugu jirto dowlad goboleedyada oo aanay dowladdu Federaalku waqtiga la qabanayo iyo sida uu u dhacayo aanay waxbo shuqul ku laheyn”. Khilaafaadka siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo maamulada ayaa salka ku haya jabinta xeerarka iyo sharciyada u dagsan dowladaha federaalka, xili uu dastuurka dalkeenu uu qabyo yahay. The post Itoobiya oo wajeheysa xiisad la mid ah tan Soomaaliya - Maxaa maanta dhacaya? first appeared on Caasimada Online.
-
Jaaliyada Puntland ee Magaalada London ayaa Xaflad soo dhawayb ah waxay u sameeyeen Xildhibaan Axmed-Daad Jamac Diiriye iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Maaliyada Puntlanf Cumar [...] The post Jaaliyada London oo soo dhaweysay Xildhibaan Iyo Wasiir Xigeen ka socda Puntland (Sawiro) appeared first on . Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ee Somaliland ayaa si rasmi ah xafiis diblumaasiyadeed uga furatay Taiwan, kadib markii ay dhowaan labada dhinac yeesheen xiriir diblumaasiyaadeed oo dhaliyey xiisad hor leh. Xafiiskan oo si rasmi loo daah-furay ayaa waxaa munaasabadda lagu furayey ka qeyb-galay wasiirka arrimaha dibadda Taiwan iyo wakiilka Somaliland ee jasiiradaasi, Maxamed Xaaji Cumar. Sidoo kale waxaa munaasabadda khadka Internet-ka uga qeyb-galay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey madasha, isaga oo Taiwan uga mahad celiyay xiriirka cuusb oo ay wada yeesheen labada dhinac. Horey Taiwan ayaa xafiis diblumaasiyadeed uga furatay magaalada Hargeysa, kadib markii ay wakiilo is-dhaafsadeen labada maamul. Xiriirka u billoway Taiwan iyo Somaliland ayaa waxaa si weyn uga horyimid dowladaha Shiinaha iyo Soomaaliya oo labaduba ka digay xiriirkaasi. The post Sawirro: Somaliland oo xafiis rasmi ah ka furatay Taiwan first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii Isniintii ay ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwo Mareykan ah oo ku yaalla deegaanka Janaa Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose. Qoraal dheer oo ka soo baxay Al-Shabaab, isla markaana lagu baahiyey warbaahinta taageerta ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka weerarkaas looga dilay afar askari. Sidoo kale Al-Shabaab waxay ku sheegeen qoraalkan in weerarkaas ay ciidamada dowladda Soomaaliya uga dileen 16 askari. “Muddo sanado ah, ciidamada Mareykanku waxay wadeen duqaymo ay u adeegsanayaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo ay ku beegsanayeen dadka muslimiinta ah ee ku nool Soomaaliya, gaar ahaan Al-Shabaab. Isku dayga ula kaca ah ee AFRICOM ay ku doonayso inay ku qariso dhimashada askarta Mareykanka ee weerarkii Janaay Cabdalle, waxay cadayn marag-madoonta ah u tahay ololaha marinhabaabinta ah ee Maraykanka,” ayaa lagu yiri qoraalka Al-Shabaab. Qoraalka ayaa intaas ku daray “AFRICOM waxay sidoo kale horay ugu fashilantay inay qirato xaqiiqada dhabta ah ee khasaaraha ciidamadooda kasoo gaaray weeraradii Ballidoogle iyo Manda Bay.” Afhayeenka Taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee AFRICOM, Chris Karns oo galabkii Isniinta weerarkaas kadib la hadlay VOA ayaa sheegay in Janaay-Cabdalle looga dhaawacay hal askari, wax khasaare ah oo kalena aysan soo gaarin ciidamadooda. Chris ayaa dhanka kale sheegay inay dileen mid ka mid ah dagaalamayaashii weerarka ku soo qaaday ee Al-Shabaab. Deegaanka uu weerarku ka dhacay ee Janaay-Cabadalle ayaa 60-KM galbeed uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaana Sabtigii lasoo dhaafay Al-Shabaab kala wareegay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo is kaashanaya. The post Al-Shabaab oo war rasmi ah kasoo saaray weerarkii ay ku qaadeen Mareykanka iyo DF ee Janaa Cabdalle first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweyne u baroortay kalluun bakhtiyey Ardayda qaarkood ayaa rumaysnaa in kaluunkani nasiib wacan u horseedi jiray Madaxweynaha Zambia, Edgar Lungu, ayaa shacabka dalkiisa kala qayb qaatay baroor diiqda kaluun dhintay oo ku jiri jiray haro ay leedahay jaamacadda labaad ee dalkaa ugu weyn. Ardayda Jaamacadda Copperbelt (CBU) ayaa shamacyo ka shiday goonyahay jaamacadda oo ay ku muujinayaan murugada ay ku yeelatay dhimashada kaluunkaa weynaa. Waxa aad ugu faafay bogagga baraha bulshada ee dalkaas hal hayska #Mafishi, kaas oo ah magacii sida kalgacalka leh loogu yeedhi jiray kaluunkaas. Labaatankii sano ee la soo dhaafay ayaa ardayda jaamacadda CBU rumaysnaayeen in kaluunkaasi nasiib wacan ugu horseedi jiray marka imtixaannada la gaadho. Mafishi oo macnaheedu ku yahay “kalluun weyn” afka Bemba, ayaa la rumaysan yahay in uu jiray 22 sanadood oo uu ku jiray harada jaamacaddaas muddo 20 sano ah, sidaana waxa sheegay Lawrence Kasonde oo ah gudoomiyaha ururka ardayda. Waxaanu intaa ku daray in dhimashada kalluunkaa la baadhayo sababteeda, “Weli lama xabaalin, waxaanu doonaynaa in aanu raqdiisa kiimikooyin marino si aanu u qudhmin” ayuu yidhi Kasonde oo BBC-da la hadlay. Weriyaha BBC-da uga soo waramay Zambia, Kennedy Gondwe, ayaa sheegay in ardayda qaarkood ay qurbaan u geyn jireen kaluunkaa intaanay imtixaannadu bilaabin oo waxay rumaysnaayeen in uu nasiib wacan u horseedi karo halka kuwo kalena u arki jireen inuu diiqadda ka biiyo. Edwin Nambo oo ku jira sannadka labaad ee jaamacadda ayaa ku tilmaamay kaluunkaa “calaamad gaara oo jaamacaddu lahayd”. “Daawashadiisa oo kaliya markuu biyaha dhex dabbaalanayo ayaa ardayda niyada u dejin jirtay intaanay imtixaanka gelin iyo sidoo kale mararka duruufaha adagi haystaan” ayuu intaa ku daray. Madaxweyne Lungu, ayaa fariintii baroor diiqda ahayd ee uu diray ku soo hal qabsaday hogaamiyihii xornimo u dirirka India ee Mahatma Gandhi oo wuxu qoraal uu Facebook ku faafiyey ku yidhi “Milgaha qaran iyo koboca akhlaaqda dalkiisa waxa lagu qiyaasaa sida xawayaanka dalkaas loola dhaqmo”. “Waan ku faraxsanahay in si fiican loogu damqaday, waanan tebi doonnaa” ayuu yidhi. Hogaamiyaha mucaaradka, Hakainde Hichilema, ayaa yidhi “Waan la dareemaynaa ardayda jaamacadda CBU kuwii hore iyo kuwa haatan dhigtaba dhimashada kaluunkii caanka haa ee Mafishi”. Qaran News
-
Qarni kastaa wuxuu leeyahay qaab dhaqan dhaqaale iyo siyaasadeed oo ka duwan qaababkii ka horeeyey. Qarnigii 19-aad iyo kuwii ka horeeyey waxa dunida ka jiray guumaysi iyo addoonsi midabyo kala duwan leh, dhaqankaasina qarnigan aan ku jirno ee 21-aad wali raadkiisii wuu jiraa, inkastoo qaabab kala duwan lagu dhaqmo – oo qaar ka mid ahi ay ka cawaaqib xun yihiin qaababkii soo jireenka ahaa. Qarnigii 20-aad kuwii ka horeeyey wuxuu kaga duwanaa iyagoo dalalkii shisheeyuhu guumaysan jiray heeryadii iska rogeen oo xornimadoodii soo ceshadeen; inkasta oo guumaysi cusubina kii hore uu beddelay, saansaantii uu lahaana ay weli sii muuqato. Jamhuuriyadda Somaliland oo ka mid ah dalalkii guumaysiga reer Yurub u talin jiray, sida dalalka Djibouti, Afrika badankeeda iyo qaaradaha kala duwanba ay iska xoreeyeen. Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka mid ahayd dalalka faro-ku-tiriska ah ee markii ay xornimada qaateen is-raaca iyo midnimada dalalka ay dariska la yihiin ka door biday gooni-isku-taaga. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay xilligaa la jaanqaadaysay hawadii midnimo- doonka Afrika, iyadoo ku hamiyeysay midnimada Soomaliwayn ee ay Soomaaliya saqiir ka dhigtay. Jamhuuriyadda Somaliland, waxay maanta xasuusinaysaa Soomaaliya, saaxiibadeeda iyo dalalka aan ogayn amaba ka hela ku raaxaysiga xogaha beenta ah:- · Inay tahay Jamhuuriyad ka xorowday guumaysigii Ingiriiska 1960-kii, ayna ahayd dal Soomaaliyeed oo xorooba tii ugu horeysay. · Inay Jamhuuriyadda Somaliland aanay ahayn dal ka go’ay Soomaaliya, sida ay dawladda Soomaaliya ku riyoonayso; balse ay tahay dal ka baxay is-raacii dalkaa Talyaanigu u talin jiray. · Inay Jamhuuriyadda Somaliland aanay ahayn dal la mid ah NFD (Soomaalida Kenya) iyo DDSI (Degaanka Soomaalida Itoobiya), balse la mid tahay dalka Jabuuti, Kenya, Sudan ama inta kale ee guumaysigii Yurub ka xoroobay. Dalka Jamhuuriyadda Somaliland tan iyo 1991-kii isagoo ka baxday is-raacii ahna dal xor ah waxa uu xeerinayey walaltinimada diineed, dhaqan iyo luqaddeed ee ay Somaliland la leedahay shacbiga Soomaaliya. Waxa se ayaan-darro ah in dhaqanka caalamiga ah ee u dhexeeya laba dal oo is-raacay markay kala baxan inay Soomaaliya xeerkani ay jabisay. Xukuumadihii Muqdisho waxay weli u haystaan oo aanay tixgalinayn in wadahadalka lala lahaa ay u qaateen in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay gobol ka mid ah gobollada ay u taliso. Waxaannu leenahay tan iyo xilligii dagaalkii qaboobaa ee Maraykanka iyo Midowga Soofiyeeti ka dhexeeyey uu dhammaaday, in ahmiyaddii istaraatajiyadeed ee Somaliland iyo marin-badeedkeeda caalamiga ah ee hoos u dhacay inuu maanta mar labaad ahmiyaddiisu soo noqotay. Inkasta oo walaaltinimadii shacbiga Soomaaliya aan la leenahay tahay mid waaraysa, waxay ila tahay in aan la isku mashquulin, wakhtigana la iskaga lumin wadahadal aan midho-dhal ahayn. Maanta Jamhuuriyadda Somaliland waxay dunida ku leedahay saaxiibo iyo taageerayaal badan oo dano badani ka dhexeeyaan, waxaanay sugayeen wada hadallada labda dal ka dhexeeyey oo ay maanta u arkaan in Soomaliya oo ah dal burburay meel loogu soo hagaago aanu lahayn. Waxay ila tahay aqoonsigii Somaliland ee la iska indho tirayey- in kasta oo dad badani u haystaan inuu muddo dheer qaadan doono – waxaan filayaa inuu kaabiga u saaran yahay Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa had iyo jeer loo baahan yahay in haabka lagu hayo in ubaxa udgoon ee labada midab casaanka iyo caddaanka leh ee urta wanaagsani uu leeyahay qodxo u baahan in la iska ilaaliyo. By; Suxufi Xuseen Cali Nuur, Hargeysa, Somaliland. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweynayaasha Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay aqbaleen inay yimaadaan Muqdisho, si loo sii amba qaado wadahadallada arrimaha doorashooyinka dalka. Kulan u dhaxeeya seddaxda madaxweyne goboleed ee Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa lagu wadaa in uu berri ka furmo magaalada Baydhaba ee gobolka Bay. Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdicasiis Xasan Lafta Gareen ayaa hadda ku sugan Baydhaba, iyadoo berri uu magaaladaas ku wajahanyahay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor. Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweynayaashu shirka Baydhaba kadib ay soo gaari doonaan Muqdisho, gelinka dambe ee Arbacada berri ama maalinta xigta ee Khamiista. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa galabta shaacisay in 10-ka bishan oo ku beegan Khamiista soo socota uu Muqdisho ka furmi doono shir u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir. Caasimada Online ayaa ogaatay in sababta ay Villa Somalia u shaacisay xilliga uu furmayo shirkaas ay ka dambeysay aqbalaada casuumada shirka ee madaxda dowlad goboleedyada ee Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug. Kulanka Qoor Qoor, Lafta-gareen iyo Waare ee Baydhaba ayaa xoogiisu yahay waxa ay ka yeeli lahaayeen qodobadii shirka Dhuusamareeb-3, marka ay tagaan Muqdisho iyo sidii mowqifkooda u mideysnaan lahaa. Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa mudo hal todobaad ah ku sugan Muqdisho, iyagoo shir ay la yeeshaan Madaxweyne Farmaajo shuruud uga dhigay inay ka soo qeyb galaan madaxweynayaasha Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, taas oo markii dambe uu aqbalay madaxweyne Farmaajo. The post Xog: Mowqifka, Qoor Qoor, Waare iyo Lafta Gareen ee shirka Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Qubanaha-Shabelle-08092020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay magaca hoggaamiye sare oo Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeyn 25-kii August ka dhacday Koonfurta Soomaaliya. Bayaan kasoo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in Cabdulqaadir Yarow Cusmaan oo loo yaqiin Cabdulqaadir Kumandoos lagu dilay duqeyn ka dhacday magaalada Saakow ee gobolka Jubada Dhexe. Mareykanka waxay sheegeen in Cabdulqaadir Kumandos uu xilal badan ka hayey ururka Al-Shabaab, isaga oo dhowaanahan ahaa taliye sare oo ka tirsan ciidanka Al-Shabaab. “Howl-galladeenna sida duqeyntan oo kale oo laga fuliyey xudunta Al-Shabaab waxay muhiim u yihiin in la wiiqo awoodooda ay ku faafin karaan qaska iyo rabshadaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan,” waxaa sidaas yiri taliyaha ciidamada AFRICOM Stephen Townsend. Cabdulqaadir Kumaandos ayaa taliye ka ahaa ciidamadii Soomaaliya ee xilligii Maxamed Siyaad Barre, halkaasi oo magaca Kumaandos uu ka qaatay. Waxa uu horraantii sanadihii 2000 ku biiray maxkamadihii Islaamka, wuxuuna kadib ka mid noqday aas-aasayaashi ururka Xizbul Islaam. 2011 ayaa Kumaandos iyo Xizbul Islaam waxay la midoobeen Al-Shabaab. Cabdulqaadir Kumaandos ayaa ah sarkaalkii saddexaad oo sare oo Al-Shabaab oo duqeyn looga dilo sanadlan. 22-kii Febraayo Mareykanka waxay dileen Bashiir Qoorgaab oo ah taliye militari. Sidoo kale 2-dii April waxaa la dilay Yuusuf Nuur Sheikh Xasan oo loo yaqaanay Yuusuf Jiis. The post Mareykanka oo shaaciyey magaca hoggaamiye sare oo ay ka dileen Al-Shabaab first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay xiliga uu furmayo shirka dowladda federaalka iyo dowladda goboleedyada ee Muqdisho. Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in 10-ka bishan September uu shir uga furmayo Muqdisho dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Cabdinuur ayaa xusay in shirkaas oo ka dhacaya xarunta madaxtooyada lagu dhameystiri doono hannaanka doorashooyinka dalka, uuna saldhig u noqon doono heshiiskii Dhuusamareeb 3. Qoraalka agaasimaha warfaafinta Villa Somalia Shirka ayaa dhacaya, ayadoo kala aragti duwanaan korortay ay weli u dhaxeyso madaxdii saxiixday heshiiskii Dhuusamareeb 3 iyo Puntland iyo Jubbaland oo dibad joog ka ahaa heshiikaas. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa muddo todobaad ah ku sugnaa Muqdisho, halka madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ay shir wadatashi ah oo ay berri ku yeeshaan Baydhabo, kadib iman doonaan Muqdisho. Shirka Muqdisho ayaa laga sugayaa heshiis lagu mideysan yahay oo laga gaaro hannaanka doorashada dalka ee 2020/2021. PUNTLAND POST The post Goormuu furmayaa shirka federaalka iyo dowlad goboleedyada ee Muqdisho? appeared first on Puntland Post.
