-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wararka ka imaanaya Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ku warramaya in saaka halkaas uu ka dhacay dagaal culus kadib markii ay weerar ku soo qaadeen malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab. Wararku waxay sheegayaan in dagaal xooggan uu ka dhacay gudaha Magaalada Balcad kaasi oo dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab islamarkaana uu ka dhashay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacleh. Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca Dagaalkaas ayaan weli laga helin xog sugan waxaana ka soo baxaya warar is khilaafsan. Goob-joogayaal ku sugan Balcad ayaa laga soo xigtay in Al-shabaab ay Ciidamada Dowladda ka qabsadeen xaafado ka tirsan Balcad balse markii dambe ay dib ula wareegeen Ciidamada Dowladdu kadib markii Al-shabaab isaga baxeen. PUNTLAND POST The post Dagaal Culus oo saaka ka dhacay Degmada Balcad appeared first on Puntland Post.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabelle Axmed Cabdi Qoor Qoor iyo Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta tegaya magaalada Baydhaba oo ay kulan wada-tashi ah kula yeelan doonaan madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen. Saddexda mas’uul ayaa ka hadli doona waxa ay ka yeeli doonaan casuumad uga timid Muqdisho oo ah inay kusoo biiraan shirka madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland. Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa shuruud ka dhigay in shirka Muqdisho ay kusoo biiraan Qoor Qoor, Lafta-gareen iyo Waare, si heshiis buuxa oo loo dhan yahay looga gaaro arrimaha doorashada, taasi oo madaxtooyada Soomaaliya ay aqbashay. Sidoo kale, beesha caalamka ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii saddexda madaxweyne goboleed ee maqan ay u iman lahaayeen Muqdisho. Qoor Qoor, Waare iyo Lafta-gareen ayaa waxaa haysta laba daran mid dooro, oo kala ah; inay Muqdisho yimaadaan oo ay aqbalaan in heshiiska Dhuusamareeb 3 uusan waxba ka jirin, iyo inay diidaan oo ay noqdaan caqabad cusub oo hortaagan sidii loo soo afjari lahaa khilaafka ka taagan arrimaha doorashada. Saddexdan madaxweyne goboleed ee ku xiran dowladda Soomaaliya, ayaa haddii ay Muqdisho yimaadaan oo aqbalaan shuruudda Dnei iyo Axmed Madoobe u ekaan doona kuwa ay ka saameyn iyo miisan culus yihiin Deni iyo Axmed Madoobe, oo markii horeba galay heshiis ay ogyihiin inuusan melena gaari doonin. Sidoo kale haddii ay diidaan waxay noqon doonaan caqabad cusub, waxaana wajihi doonaan cadaadiska beesha caalamka oo ay ka go’an tahay in heshiiska lagu gaaro Muqdisho. The post Qoor Qoor, Lafta-gareen iyo Waare oo kulmaya xilli ay haysato laba darran mid dooro first appeared on Caasimada Online.
-
Balcad (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka aroortii degmadaasi ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan xarakada Al-Shabaab. Dad ku sugan Balcad ayaa xaqiijiyey in dagaal culus ay Shabaab degmada kusoo qaadeen, islamarkaana saacado kooban ay la wareegeen gacan ku heynta afar Xaafadood oo ka mid ah kuwa degmada. Waxaa jira dad rayid ah oo waxyeelo ay kasoo gaartay dagaalka, waxaana la xaqiijiyey dhaawaca toddoba qof oo shacab ah. Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegatay inay gacanta ku dhigeen xarunta maamulka degmada Balcad, saldhigga Booliska, xabsiga dhexe iyo dhammaan koontaroollada lagasoo galo magaalada, balse si madax banaan looma xaqiijin karo sheegashadaas. Ciidanka dowladda ayaa saaka dib ula wareegay magaalada. Afhayeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar ayaa sheegay in xaaladda Magaalada Balcad ayaa hadda daggan tahay. “Kooxdii soo weerartay waxaa laga dilay 14 maleeshiyo ah, halka ciidamada Dowladda uu ka dhintay hal Askari, iyo dhawaca 7 qof oo shacab ah,” ayuu yiri afhayeenka. Degmada Balcad oo 30 Km dhanka waqooyi ka xigta magaalada caasimadda ah ayaa bilihii tegay bartilmeed u ahayd kooxda Al-Shabaab oo ka fulisay weeraro kala duwan. Maamulka degmada ayaa marar badan dowladda federaalka ka codsaday inay soo dirto ciidamo magaalada iyo gobolkaba ka xoreeya Al-Shabaab, balse cidna ma dhageysan baaqooda. The post Wararkii ugu dambeeyey ee degmada Balcad oo saaka ay weerareen Al-Shabaab first appeared on Caasimada Online.
-
Ankara (Caasimada Online) – Ciidamada Ilaalada Xeebaha wadanka Turkiga ayaa soo qabtay tahriibayaal kusii jeeday Yurub oo gaaraya 165 qofood, waxaana la ogaaday iney ku jiraan tobaneeyo Soomaali ah. Meel ka baxsan xeebta Mediterranean-ka ayey hawlgalkaan ka sameeyeen, wakaaladda wararka Anadolu ayaa sheegtay in dadkaan ay kasoo kala jeedaan wadamada Afgaanistaan iyo Soomaaliya. Tahriibayaashaan waxey damacsanaayeen iney galaan wadanka Giriiga, warbaahnta madaxa banaan waxey qaarkood sheegayaan in dadkaan ay gaarayaan ku dhawaad 200 qofood, waxaana lagu xiray dagmada Kumluca ee gobolka Antalya. Sida diiwaansan ku dhawaad 30 kun oo tahriibayaal ah ayaa isku dayay iney u gudbaan Yurub iyagoo maraya wadanka Turkiga, sanadkaan oo ay xaaladda Coronavirus kala xir-xirtay adduunka ayaa diiwaanka lagu sheegay in ka badan 15 Kun oo qofood. Wadanka Turkiga wuxuu magangalyo siiyay in ka badan 4 Malyan oo Suuriyaan ah, balse wuxuu wacad ku maray inuusan qaxooti kale fursad siin karin, waxeyna ciidamada ilaalada xeebaha dareemayaan xawliga socodka tahriibayaasha. Sanadkii 2016 ayey aheyd markii midowga yurub iyo Turkey ay ku heshiiyeen in la hakiyo xawaaraha tahriibayaasha ku socda Yurub ee soo maraya wadankooda, balse ma noqon heshiis dhaqan gala. The post Ciidamada Turkiga oo qabtay tahriibayaal Soomaali ah first appeared on Caasimada Online.
-
Police reform. Sexual assault. The public health crisis. This summer, Somali debaters confronted these challenging topics on their own terms at the Dhaqan & Debate program. Source: Hiiraan Online
-
Trafigura has delivered a first shipment of low sulphur gasoil to Berbera, in Somaliland. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo weli ku sugan Muqdisho, ayaa lagu wadaa in uu Maanta la kulmo Sii haya Xilka Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar. Kulanka labada mas’uul, waxaa looga hadlayaa xallinta Arrimaha Puntland ka tabanayso Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka, gaar ahaanna Arrimaha Doorashada soo socota. Madaxweyne Deni, ayaa Muqdisho ka wada kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo Mas’uuliyiinta heer Federaal, Hoggaanka Xisbiyada, siyaasiyiinta Mucaaradka ah iyo madax hore xilal uga soo qabtay waddanka. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo Muqdisho gaaray Talaadadii todobaadkii hore, ayaa halkaas u jooga shir la xiriira Turxaan-bixinta Heshiiskii Dhuusamareeb 3, oo ay ka maqnaayeen Puntland iyo Jubaland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Maanta la kulmaya Sii haya Ra’iisul wasaaraha Dalka appeared first on Puntland Post.
-
Miraa farmers and traders may have to wait longer for reopening of the lucrative Somalia market since the electioneering period in the neighbouring country has hampered diplomatic engagements. Source: Hiiraan Online
-
China is considering setting up military bases in four African countries, Kenya included. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hey’adda Nabad sugidda Cabdullahi Sanbaloolshe oo hadal ka jeediyey xaflad qado sharaf ah oo siyaasiyiinta beelaha Mogadishu Clan ay Muqdisho ugu sameeyeen madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa beel weynta Hiraab ka dalbaday inay iska dhaafaan raadinta jagada Ra’iisul wasaaraha, una daayaan beesha Hiiraan. “War ra’iisul wasaarahaan waa caraf-beelay, niman Hiraab la yiraahow, dalkaan calooshiinow ku jiraa, iska dhaafa ra’iisul wasaaraha, doorasho aan ka hadalno iyadaa loo baahanyehee, ra’iisul wasaarahan soo socdana lama rabo inuu talada dalka qeyb ka noqdo, hadhowna mar-marsiiyo kale iyo waqti dheeraad ah isiiya iyo xujow noola imaanayaa ee hadda aan iska dhaafno” ayuu yiri Sanbaloolshe. Waxa uu soo jeediyay in Hiraab iska dhaafo raiisul wasaaraha ee la siiyo reer Hiiraan, isla markaana Hiraabka kale looga baahanyahay inay madaxweyne u tartamaan Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Ra’iisul wasaaraha Hiraabow iska dhaafa reer Hiiraan ayaa la siinaa, adinkoo Hiraabana ku tartama madaxtooyada, waxaana soo jeedinaa si nabad loo helo Jaaljecel hala siiyo ra’iisul wasaaraha, Farmaajo intaas haloo sheego.” Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland kula dardaarmay in markii doorashada laga hadlaayo ay doodooda ka bilaabaan goorma ayaa la qabanayaa doorashada, maadaama uu waqtigu yahay midka u muhiimsan. “Markii laga hadli doono doorashada see loo qabanaa haka bilaabinina ee ka bilaaba goormaa la qabanaa, sababtoo ah waqtiga ayaa ana noo muhiimsan, nooma muhiimsana sida loo qabanaayo, sababtoo ah waqtigaa go’aaminaaya sida loo qabanaayo” ayuu yiri. Halkan ka Daawo The post Daawo: Sanbaloolshe oo shaaciyey beesha uu la rabo ra'iisul wasaaraha cusub first appeared on Caasimada Online.
-
Dawlada Somalia oo Kaalinta Koowaad ka gashay Musuqmaasuqa Kharashkii & Agabkii loogu talo galay la dagaalanka Covid19… Sida ay sheegtay Warbixin ay daabacday heyadda WHO dalalka Kenya, Zimbabwe, Uganda, Soomaaliya iyo Nigeria ayaa safka hore kaga jira kiisaska musuq-maasuq ah ee lagu sameeyey qalabka iyo kharashkii loogu tala galay la dagaalanka cudurka Coronavirus. Sidoo kale waxaa warbixinta lagu cadeeyay inay jiri karaan dalal badan oo kale oo ku kacay musuqmaasuqa lacagtii ay hey’addu ugu tala gashay la dagaalanka cudurka COVID-19. Agaasimaha guud ee ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) Tedros Adhanom ayaa sheegay in musuqmaasuqa qalabka badqabka shaqaalaha caafimaadka uu lamid yahay dil. “Heer kasta ama nooc kasta oo musuq maasuq lama aqbali karo. Si kastaba ha noqotee, musuq maasuqa la xidhiidha qalabka badqabka shaqaalaha caafimaadka aniga ahaan runtii waa dil. Sababtoo ah, haddii shaqaalaha caafimaadku shaqeeyaan bilaa qalab, wuxuu khatar galineynaa noloshooda taasna waxay sidoo kale halis gelineysaa nolosha dadka ay u adeegaan. Marka waa dambi waana dil” ayuu yidhi Dr. Tedros Adhanom. Siyaasiyiin ka tirsan Mucaaradka ayaa horey ugu eedeeyey dowlada Somalia gaar ahaan Wasaarada Caafimaadka iney musuqday qalabkii iyo dhaqaalihii loogu talo galay la dagaalanka cudurka Coronavirus inkastoo dowladu iska fogeysay eedeyntaas. Qaran News
-
Faahfaahin:Ganacsade Soomaaliya oo caawa lagu dilay Magaalada Port Elizabeth ALLAHA u Naxariistee Waxaacaawa lagu dilay Magaalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika Wiil Soomaali ah oo ka mid ahaa Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku Ganacsata magaaladaas Marxuum Axmed Xasan ayaa waxaa toogtay dablay hubaysan oo xabad ku furay, xilli uu ku sugnaa Dukaankiisa oo ku yaalla Tuulada Motherwell. Waxaa goobta gaadhay Ciidamo Boolis ah oo baadhitaano samaynaya, sida uu xaqiijiyey Cali Yare Shiikh oo ka mid ah Soomaali badan oo ku baxay dilka Marxuum Axmed xasan. Port Elizabeth oo ku taalla Gobalka Eastern Cape ayaa waxaa beryihii la soo dhaafay aad ugu soo laba kacleeyey ugaadhsiga Ajaanibta gaar ahaan Soomaalida, waxaana xalay oo ugu dambaysay la weeraray Sedex Dukaan oo Soomaali leedahay, inkastoo mid ka mida la dhacay labada kalena laga difaacay. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo hadal ka jeediyey xaflad qado sharaf ah oo shalay siyaasiyiinta beelaha Mogadishu Clan ay u sameeyeen isaga iyo Saciid Deni ayaa ku taliyey Muqdisho loo raadiyo xal ka duwan kan hadda lagu maamulo. Waxa uu sheegay in Muqdisho ay ku haboontahay in guddoomiyaheeda lasoo doorto, balse aysan sugin shakhsi madaxweynihii yimaadaba uu dikreeto ku soo magacaabo markuu doonana uu iska bedelo. “Muqdisho qof warqad ku yimid uma baahnee, waxay u baahantahay qof loo codeeyay oo sanduuq wax loogu riday oo sharciyad ku yimid,” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe. Waxa uu sheegay in dhawaan ay imaanayaan madaxda maqan ee dowlad goboleedyada, isagoo beesha gogoshan u dhigtay ka dalbaday inay gogol tan la mid ah u dhigaan oo u sheegaan wixii ay iyaga u sheegeen. Mar uu soo hadal qaaday amni xumada Muqdisho ayuu yiri, “Hadii dowladda iyo shacabka ay wada shaqeyaan oo la yiraa gurigaan qof amni darro wadaa ku jira wax weynbaa is-bedelaya, maanta waxaa sharaf ah in aysan jirin xasaasiyad qabiil, wax kastana waxaa asal u ah inaan ilaashano dowladnimada.” Halkan hoose ka Daawo The post Daawo: Axmed Madoobe oo beelaha Mogadishu Clan u jeediyey talo la xiriirta MUQDISHO first appeared on Caasimada Online.
-
Imaaraadka iyo Israel oo dhisaya isbaheysi cusub oo la dagaalami doona Iran Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta iyo Israel ay dhisi doonaan isbaheysi ka dhan ah Iran, si ay u ilaaliyaan Bariga Dhexe iyo dhulka Mareykanka. “Imaaraadka Carabta iyo Israel labaduba waxay garowsan yihiin in Iran ay tahay halistooda ugu weyn, sidaas darteed waxay iminka heleen hab ay ku aas-aastaan xidhiihd cusub, taasi oo hadda laga abuuri karo isbaheysi ugu dambeyn xaqiijiya in halistan aysan marnaba soo gaadhin xeebaha Mareykanka ama aysan cidna ku dhaawacin Bariga Dhexe,” ayuu Pompeo u sheegay Fox News. Pompeo ayaa ku qeexay dhageysiga wada-hadalladii dhex maray ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, dhaxal-sugaha Imaaraadka Carabta Mohammed Bin Zayed iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump “daqiiqad taariikhi ah”. 13-kii August madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay heshiis nabadeed oo dhex maray Israel iyo Imaaraadka Carabta, kaasi oo ay fududeysay Washington. Abu Dhabi ayaa sheegtay in heshiiska uu ahaa dadaal lagu joojinayo goosashada Tel Aviv ee qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ee la haysto, hase yeeshe dadka dhaliila heshiiska ayaa rumeysan in xidhiidh dhex mara labada dhinac laga soo shaqeynayey muddo sanado ah Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa sidoo kale kadib heshiiska sheegay in goosashada Israel ee Daanta Galbeed aysan weli meesha ka bixin balse dib un loo dhigay. Qaran News
-
Dunida waayahan waxaa la yiraahdaa waa qarnigii ay ugu badnaayeen majaajiliistayaasha (comedians) noqda siyaasiyiin Qaran. Waxaana tusaale ah dalal badan oo ay majaajiliistayaashoodu ku guuleysteen doorashooyinka. Tusaale ahaan dalka Guatemala markii uu musuq hareeyay, ayuu majaajiliiste Jimmy Morales ka-guuleystay Otto Perez Molina. Talyaaniga, majaajiliste Beppe Grillo, oo asaasay xisibga MoVimento 5 Stelle (M5S) labo jeer ayay xukuumadda ka qeyb noqdeen. Madaxweynaha Ukraine majaajiliiste Volodymyr Zelensky si la yaab leh ayuu ku guuleystay. Majaajiliiste Marjan Sarec wuxuu ka noqday Ra’iisul Wasaare dalka Slovenia. Majaajiliiste Jon Gnarr dalka Island, wuxuu Gudoomiye Gobol (Governor) ka noqday caasimadda dalkaa. Xattaa dalka Jarmalka oo siyaaddu ka tahay “serious-business” sida Jabaanka, ayaa majaajiliiste Boehmermann isku soo taagay hoggaanka xisbiga SPD. Majaajiliistayaasha-siyaasadeed waxay soo baxaan marka dadku fatiig ku noqdaan xaalad-darran oo dalkoodu galay, markaana loo baahan yahay isbedel degdeg ah. Fursaddaas ayay isku dayaan in xaaladdaas cakkiran ay qosol dadka ku kasbadaan, markaana hadalo-adag oo aan la sheegi karin, u yiraahdaan si qosol leh. Su’aashu waxay tahay majaajilnimadaa-siyaasadeed meel fog ma gaarsiisaa? Khubarada falanqeeya siyaasadda ee London School of Economics and Political Science waxay isbarbardhigeen majaajiliisteyaasha-siyaasadeed kor kuxusan iyo waxa u qabsoomay guusha kadib. Tusaale ahaan xisbiga M5S ee Grillo labo jeer ayuu dowladnimada galay waana ku fashilmeen. Grillo waxaa laga tuuray Janaayo-2018, meesha Di Maio oo ka danbeeyay isagana culeys lagu saaray inuu xisbiga kadego Janaayo-2020, xisbigiina hoos ayuu u dhacay. Jimmy Morales ee Guatemala wuxuu garan waayay meel uu dowladnimada dalka geeyo markii caqabadihii is dul-fuuleen oo mudaaharaadyadiina ku bateen. Petro Poroshenko ayaa ku dhaliila Madaxweynaha Ukraine in uusan garaneyn siduu carqaladaha amni iyo dhaqaale dalkooda uga saari karo, Mr. Putin uusan aheyn majaajiliiste-qosla, balse muufo lagu cunay maraq ka dhigan karo Zelensky Ukraine. Ra’iisul Wasaaraha Marjan Sarec markuu wareeray ayuu isaga baxay xisbiyadii uu dowladda kula jiray, Gnarr dalka Island waa isaga haray siyaasaddii. Haddaba, safarka majaajilnimada-siyaasadeed ma dheeraado, xaaladaha adagna waxba kama bedelaan ee xoogaa ayaa lagu nafisaa. Madaxweyne Trump oo ah ninka uu Sanbalooshe aad u jecel yahay siduu hadda kahor wareysi ku sheegay iyo RW Boris UK laftigoodu qaab majaajilnimo ayay kusoo fuuleen kuraasta, laakin salaaddu waa isku qaban la’ddahay, oo Coronavirus ayaa ka jajabshay majaajilnimadii. Markaan akhriyay taariikhaha majaajilisyaashaas -siyaasadeed, oo haddana, marar hore iyo shalay 7 Sebteember 2020 aan dhageystay shir ka dhacay hotel Dorbin Muqdisho. Goobtaas oo uu ka hadlay Taliyihii Hore Nabadsugidda Sanbalooshe. Halkaana ka jeediyay majaajilo-siyaasadeed oo ka tarjumaya xaaladda dalku marayo hadda iyo majaajilooyin hore sida Saqiir-Siyaasadeed. Waxan isweydiiyay Sanbalooshe ma siyaasi baa mise waa majaajiliiste-siyaasadeed? Sanbalooshe iskuma heli karo inuu Mogadishu Clan kacsho, Soomaalina ka qosliyo, qabaa’ilka kalana kasbado si’ay Hogaamiye ugu doortaan, laakin kuliigood waa u majaajileyn karaa. Marka ama majaajilada ha doorto ama serious-political-business oo ay Soomaali u ooman tahay ha doorto. Reer Mudugu waxay fahansanaayeen majaajilada in lagu ciilbaxo, laakin cawaaqibta danbe aysan guul fiican ka danbeyn markii ay yiraahdeen “Allow hanoo waayin cid na ciiltirta, cadaabtana naga xigsata”. Nin layiraahdo Corbetta oo fashilka xisbiga S5S Talyaaniga ka faaloonayay ayaa hadda kahor yiri “Protests can be of any color – making proposals is hard, it requires you to make people unhappy”. Majaajilada iyo mucaaradnimada aanan tiirar adag ku fadhiyin waa fudud-yihiin, shacabkana waa looga qoslin ama oohin karaa, laakin maaha wax fudud oo dal burbursan lagu dhisi karo. Bal Madaxweyne Farmaajo dib u dhageyso hadaladiisi hore iyo sida uusan gaariga Soomaaliyeed ee uu darawalka kanoqday uga saari kari la’yahay dhiiqada. Waxaase hubaala Majaajilinimadu in ay fiican tahay keliya qofka marka uu dhargo oo nafis ubaahan yahay sida dalalka ladan, ee Soomaalidu ma waxay ka dharagtay siyaasad-xasilan oo haqabtirtay, dalkana baahi tirtay mise quutul-yowmigii ayaanba meel u saarneyn oo isku eryanayaan? Luqmaan-Xakiim Xuseen – Waxaad kala xiriiri kartaa luqmaanxakiimxuseen@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Sanbalooshe: Ma majaajiliste siyaasaded baa mise siyaasi? first appeared on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta iyo Israel ay dhisi doonaan isbaheysi ka dhan ah Iran, si ay u ilaaliyaan Bariga Dhexe iyo dhulka Mareykanka. “Imaaraadka Carabta iyo Israel labaduba waxay garowsan yihiin in Iran ay tahay halistooda ugu weyn, sidaas darteed waxay iminka heleen hab ay ku aas-aastaan xiriir cusub, taasi oo hadda laga abuuri karo isbaheysi ugu dambeyn xaqiijiya in halistan aysan marnaba soo gaarin xeebaha Mareykanka ama aysan cidna ku dhaawacin Bariga Dhexe,” ayuu Pompeo u sheegay Fox News. Pompeo ayaa ku qeexay dhageysiga wada-hadalladii dhex maray ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, dhaxal-sugaha Imaaraadka Carabta Mohammed Bin Zayed iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump “daqiiqad taariikhi ah”. 13-kii August madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay heshiis nabadeed oo dhex maray Israel iyo Imaaraadka Carabta, kaasi oo ay fududeysay Washington. Abu Dhabi ayaa sheegtay in heshiiska uu ahaa dadaal lagu joojinayo goosashada Tel Aviv ee qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ee la haysto, hase yeeshe dadka dhaliila heshiiska ayaa rumeysan in xiriir dhex mara labada dhinac laga soo shaqeynayo muddo sanado ah Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa sidoo kale kadib heshiiska sheegay in goosashada Israel ee Daanta Galbeed aysan weli meesha ka bixin balse dib un loo dhigay. The post Imaaraadka Carabta iyo Israel 'oo dhisaya' isbaheysi ka dhan ah dal Islaami ah first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Dawlada Pubtland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Hadal-jeedintisii bilaha aheyd caawa kula hadlay Shacbiga Puntland ayaa uga waramay xaaladda guud ee Puntland iyo safarka [...] The post Deg deg daawo : – Madaxweyne Deni oo caawa la hadalay Shacbiga Puntland, warbixina ka siiyey hawlaha ay u joogaan Muqdisho appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo maanta hadal ka jeediyey xaflad qado sharaf ah oo siyaasiyiinta beelaha Mogadishu Clan ay u sameeyeen madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah. Ugu horeyn Deni ayaa sheegay in gogoshii shirkii Dhuusamareeb ay iyagu bilaabeen, balse aan la dhihi karin Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ma tegin, isagoo eeda fashilkii ku yimid u tiiriyey madaxda federaalka. Deni ayaa ka mahadcelinta martiqaadkaas kadib waxa uu qiray in reer Muqdisho ay samir badan muujiyeen, isagoo beelaha dega u soo jeediyey talooyin dhowr ah. “Xamar sida ay maanta u egtahay si lagu raali ahaan karo maaha, amaan ma jiro, nadaafad ma jirto, meel kasta waa la dhistay, balse hadda dowladdu intii ay joogtay waa ka muuqdaa deganaashaha iyo samirka aad sheegteen,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland. Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Xamar sida ay u ekaaneyso maanta Farmaajo kaliya laguma eedeyn karo, waxaa la rabaa in Xamar wixii ka qaldan laga saxo, sababtoo ah waa halkii laga bilaabayey dib u dhiska dalka oo dhan, waxna waa sharciga iyo maqaamkeeda, waxna waa muuqaalkeeda, dhamaanteen waan jecelnahay Xamar ee aan hagaajisano.” Sidoo kale waxa uu sheegay in dalku uu hadda marayo xaalad adag, isla markaana loo baahanyahay in awooda la isugu geeyo sidii dalka ay doorasho uga dhici laheyd. “Hadhow yaan la cabaadin dowladda soo socota waxay qaban laheyd waa in hadda la isla garto, oo sanadka ugu dambeeya aan la cabaadin sababtoo ah waqtigu markii uu gaba-gabo noqdo ayaan dhahnaa see-isu dooraneynaa” ayuu yiri. Ugu dambeyntii Saciid Deni ayaa ku baaqay in aad loo badiyo gogosha noocan ah, “Waayahaan dambe Soomaalida waxaa la yiri siyaasadda habeenkii ayey ka shaqeysaa hadda waxaan rabnaa siyaasadda maalinki inaan ka shaqeyno. Sababtoo ah horaa loo yiri xalaal dharaarbaa la qashaa, bahashaan mugdiga ah horta naga dhaafa” ayuu yiri Saciid Cabdullahi Deni. Hoos ka Daawo The post Saciid Deni: Xaaladda Xamar laguma eedeyn karo Farmaajo kaliya first appeared on Caasimada Online.
-
Somali health authorities say the number of maternal checkups and childhood vaccinations have plunged during the pandemic as many people fear catching COVID-19 at clinics and hospitals. Healthcare workers worry the lack of medical care for pregnant women and children could result in a wave of common diseases that take more victims than COVID-19. Mohamed Sheikh Nor reports from Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
The World Bank has appointed Keith Hansen as the new country director for Kenya, Rwanda, Somalia, and Uganda effective September 8. Source: Hiiraan Online
-
(CNN) A US service member was injured in Somalia Monday when Al-Shabaab attacked US and Somali forces, according to the US military. Source: Hiiraan Online
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Qubanaha-Shabelle-07092020.mp3 View the full article
