-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa qirtay in khasaare uu kasoo gaaray weerarkii maanta kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday deegaanka Janaa Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose. Chris Karns oo ah afhayeenka AFRICOM ayaa VOA u sheegay in hal askari oo Mareykan ah uu ku dhaawacmay weerarka, wuxuuna intaas ku daray in askarigaas ay iminka xaaladdiisa degan tahay. Waxa uu sidoo kale sheegay in dhaawaca uusan ahayn mid helis gelinaya nolosha askariga. Chris ayaa dhanka kale sheegay inay dileen mid ka mid ah dagaal-yahanada ururka Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday Saldhig ay ku sugan yihiin ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka oo ku yaalla deegaanka Janaa Cabdalle oo ilaa 50 km dhinaca Galbeedka ka xigta magaalada Kismaayo ayaa waxaa maanta qarax ku weeraray Al-Shabaab. Qaraxa ayaa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa. Mas’uul ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada amnigu ay fashiliyeen gaari noociisu yahay Toyota Surf oo ay Al-Shabaab kasoo buuxiyeen waxyaabaha qarxa. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay inay qarax is miidaamin ah la beegsadeen ciidamada dawladda iyo kuwa Maraykanka, islamarkaana ay weerarka ku dileen 4 askari oo Mareykan ah iyo 16 Soomaali ah oo Mareykanka uu tababaray. Ciidamada maamulka Jubaland ayaa toddobaadkan dib u qabsaday degaanka Janaa Cabdalle. The post DEG DEG: Mareykanka oo qirtay inuu khasaare kasoo gaaray weerarkii Janaa Cabdalle first appeared on Caasimada Online.
-
Golaha wasiirada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ee sida KMG-ka xil-ka u sii haya ayaa saacadaha soo socda kulan aan caadi aheyn ku leh magaalada Muqdisho. Kulanka oo mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu war-gliyey dhammaan xubnaha golaha wasiirada, kaddib farriimo kala duwan oo loo diray xalay iyo saaka. Wararka ayaa sheegaya in kulanka oo dhici doono saacadaha soo socda, balse lama oga waxyaabaha looga hadli doono. Ilo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa Shabelle u sheegay inay suura-gal tahay in go’aano adag laga soo saaro shirkaasi, kuwaas oo la xiriira xaalada adag ee dalka. Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka jiray dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo xoogan, kadib markii ay soo gaareen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland. Sidoo kale waxaa la filayaa in madaxda caasimadda joogta inay ku sii biiraan hoggaamiyeyaasha maamullada Koonfur Galbeed, HirShabelle, iyo Galmudug. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan ah mid cakiran, balse waxaa la filayaa in shirka Muqdisho go’aano mideysan looga gaaro arrimaha doorashada ee 20/21. View the full article
-
Mogadishu (PP News Desk) — The Somali Attorney General Suleyman Mohammed Mohamud told the media that money cannot influence judicial decisions. “No one can bribe the judiciary. Anyone found guilty of letting pecuniary considerations override judicial decisions will face the legal consequences” said Mohamud at a training for judges, lawyers and law teachers. Suleyman Mohammed Mohamud: Money cannot influence judicial decisions. The Attorney General deplored the ranking of Somalia in global corruption surveys. “It is understandable that corruption on rife in Somalia due to collapse of institutions we experienced but it is unacceptable to be complacent about corruption. The judiciary must have integrity and fight corruption at all levels” the Attorney General added. The Attorney General made a mention of the recent court rulings against corrupt government employees as evidence that the anti-corruption profile of the Somali judiciary has remarkably improved. “We are now being looked up to as anti-corruption pioneers. We must keep up the good work” said the Somali Attorney General. © Puntland Post, 2020 The post Attorney General: The Somali Judiciary is not for Sale appeared first on Puntland Post.
-
Weerar isqarxina oo lala beegsaday Ciidamada Maraykanka & Kuwa Somalia+20 dhimasho ah & Xoggo kale Qarax baabuur lagu soo xidhay ayaa lala bartilmaameedsaday xero ay deggan yihiin ciidamada Danab ee Soomaaliya ee uu Mareykanku tababaray iyo kuwa Mareykanka oo ku taalla deegaanka Janaay Cabdalle oo magaalada Kismaayo 55km dhanka waqooyi kaga beegan. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen afar askari oo Mareykan ah iyo 16 kale oo kuwa Soomaaliya ah. Dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka weli kama aysan hadlin weerarkaas iyo sheegashada Al-Shabaab ee ah in tiradaas ay ku dhimatay. Weriyaha BBC-da Ibraahim Maxamed Aadan ayaa sheegay in dadka deegaanka laga soo xigtay in weerarkaas kaddib ay arkeen helikobtarro ku degaya xerada. Qaran News
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Duhur-07092020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyihii hore Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa war qoraal ah uu kusoo daabacay bartiisa Facebook kaga hadlay waxa uu ka aaminsan yahay Natiijooyinka Imtixaanka dalka ee ay Wasaaraddu soo bandhigtay shalay. Gudoomiyihii hore wuxuu aaminsan yahay iney jiraan waxyaabo badan oo is diidan iyo humaag ku jira hanaanka loo maray, sidoo kale wuxuu walaac ka muujiyay baahida loo qabo in turxaan bixiyo arintaas. Thaabit wuxuu qoraalkiisa ku sheegay ineysan macquul aheyn in mustaqbalka in ka badan 8 kun oo arday la tuuro, isagoo xusay shaqada adag oo ay wasaaraddu heyso. HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA THAABIT CABDI Natiijadii imtixaanka ee shalay ka soo baxday Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Federaalka ah waxaa ku jiray humaag badan iyo waxyaabo is diidan, waxaana walaaca iyo baahida loo qabo in arrintaas la turxaanbixiyo la qabnaa ardeyda, waalidiinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed ee sida togan uga hadlay arrinkan. Anigoo dareensan culeyska shaqada ay Wasaaraddu heyso, haddana ma sahlana in si fudud oo aan daliil maangal ah la socon lagu tuuro mustaqbalka 8,550 arday, oo xilli adag wax ku soo bartay, xilli adagna sannadkan imtixaan u fariistay. In guud ahaan 25% ardaydu ku guul dareystaan imtixaan qaran ma’ahan mid lagu macneyn karo daddaal-yari arday iyo tayo-darro dugsi, balse waxey burbur iyo guul darro ku tahay nidaamka waxbarasho ee dalka. Dhanka kale, waa arrin ugub ah in 36% ay dhaceen ardeydii Gobalka Benaadir sannadkan u gashay imtixaanka, waxeyna u baahan tahay tafaasiil caqli gal ah sababta keentay hoos u dhaca sidaa u weyn sanad guddahii. Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare, waxaa looga fadhiyaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan bulshada ugu soo bandhigto caddeymo iyo tafaasiil si dhab ah loogu kuur galay (empirical evidence) oo bulshadu lagu qancin karo. Ugu dambeyn, iyadoo la tixgalinayo dareenka ardeyda, waalidka iyo cid walba oo shaki badan ka qaaday natiijadan, waxaan soo jeedineynaa in arrinkan loo saaro guddi baara; sidii imtixaanka loo qaaday, sidii loo saxay, hadii aan goobbaha qaar la sixin iyo ammaanada imtixaanka, taas oo dawo u noqon doonta walaaca taagan, daahana ka rogi doonta cidda laheyd mas’uuliyadda guul daradda nidaamka waxbarasho ee dugsiyada dalka. The post Thaabit Cabdi oo ka hadlay natiijooyinka imtixaanaadka dalka ee shakiga dhaliyey first appeared on Caasimada Online.
-
A car bomb attack by a militant group in Somalia injured a U.S. service member Monday. U.S. Africa Command (AFRICOM) spokesperson Col. Christopher Karns confirmed the service member’s injuries are not considered life-threatening. Fighters with Al-Shabaab attacked a group that included U.S. and Somali forces in the area of Jana Cabdalle, Somalia. The command said they used “a vehicle employed as an improvised explosive device and mortar fire.” The command said they used “a vehicle employed as an improvised explosive device and mortar fire.” Karns revealed one of the Al-Shabaab attackers was killed. In a statement last month, AFRICOM called the group – which is aligned with al-Qaeda – “a dangerous enemy that presents a threat to Somalia, its neighbors, and the United States.” That statement made just days after an airstrike killed six Al-Shabaab extremists. AFRICOM said it has conducted 46 airstrikes this year against the terrorist group. View the full article
-
Al-Shabaab said it launched a car bomb attack on a key military base manned by Somali and US troops on the outskirts of Kismayo, a port city in southern Somalia on Monday. Heavy gunfight erupted following the explosion, said an army officer, who spoke to Radio Shabelle over the phone. He added that the troops have fought off the attackers attempted to storm the base after blasting their way with the car bomb. In a statement, Al-Shabaab claimed it killed at least 16 soldiers, including 4 US personnel, and wounding 12 others in the attack, which comes amid military pressure on the group. View the full article
-
Booliska Uk oo nin madow ah Tunka u saaray dhacdadii is-tooriyeynta ka dhacday Magaalada Birmingham Booliska magaalada Birmingham ee dalkaasi Ingriiska ayaa soo bandhigay muuqaalka nin madow ah kaas oo ay u baafinayaan dhacdadii habeen hore ka dhacday magaalasaafi ee dadka badan lagu mindiyeeyay. Hal qof ayaa ku dhintay falkaasi, todobo kalena waa ay ku dhaawacmeen, walow labo ka mid ah dhaawacyadaasi ay xaaladdoodu liidato, sida uu xaqiijiyay booliska. Wali ma cadda waxa ninkani ku khasbay in uu dadka mindiyeeyo, waxaana la sheegay in dadka uu dhaawacay uu badankood u tagay mindidana la dhacay isaga oo aan la hadlin. Booliska ayaa iminka baadi-goob baahsan ugu jira gacan-ku-dhiiglaha kaas oo lagu sheegay nin madow ah oo jira da`da u dhaxeysa 20-25 sano jir. Qaran News
-
4ta-Dal ee ku yaal Qaarada Afrika ee Shiinuhu doonayo inuu saldhig milatari ka sameysto? Shiinaha ayaa ka fekeraya in saldhig milatari uu ka sameysto afar dal oo Afrika ku yaalla, sida laga soo xigtay Waaxda Difaaca Mareykanka. Kenya, Seychelles, Tanzania iyo Angola iyo kuwo kale ayaa la sheegay inuu Shiinuhu doonayo inuu xarun milatari ka sameysto. Afartan dal ayaan weli ka hadlin arrintaas. Warbixinta oo ay waaxdu soo saartay toddobaadkii hore ayaa aad la iskula dhex marayay. “Marka laga soo tago saldhigga uu hadda ku leeyahay Jabuuti, Shiinaha wuxuu aad ugu muuqdaa mid ka fekeraya inuu xarumo kale oo milatari sameysto si ay u taageeraan ciidamada cirka, badda iyo dhulka,” ayaa lagu yiri warbixinta. Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in Shiinaha uu ka fekeray inuu saldhigyo milatari ka sameysto dalalka Myanmar, Thailand, Singapore, Indonesia, Pakistan, Sri Lanka, Imaaraatka Carabta, Kenya, Seychelles, Tanzania, Angola, iyo Tajikistan. Qaran News
-
Wasiirad Rasaas ku furay taageerayaasha nin ay iska soo horjeedaan oo maxkamad la soo taagayo Wasiirka Shaqaalaha Uganda, Mwesigwa Rukutana, ayaa la filayaa in maanta maxkamad la soo taago kaddib markii loo xiray inuu rasaas ku furay taageerayaal. Wasiirka ayaa la sheegay inuu rasaas ku furay taageerayaasha nin ay ku tartamayeen xisbiga talada haya ee (NRM). Mid ka mid ah taageerayaasha ayaa waxaa soo gaaray dhaawac halis ah, halka labo kalena ay ku dhaawacmeen dhacdadaas, sida ay baahiyeen warbaahinta Uganda. Mr Rukutana ayaa beeniyay arrintaas. Warbaahinta ayaa goobjoogayaal ka soo xigtay in wasiirku uu qori ka qaatay mid ka mid ah ilaaladiisa kaddibna uu rasaas ku furay taageerayaasa. Wasirika ayaa lala xiray saddex ilaaladiisa ah. Waxaa lagu xukumi doonaa isku day dil, sida uu sheegay ku xigeenka afhayeenka booliiska. Muuqaal laga soo duubay goobta ay toogashada ka dhacday ayaa la soo dhigay baraha bulshada: Halkan ka Daawo:- Former Deputy Attorney General, and current Labour Minister Mwesigwa Rukutana using his gun and guards to threaten agents in yesterday’s primary polls. He lost the election pic.twitter.com/68eiw8Xin6 — Mujuni Raymond (@qataharraymond) September 5, 2020 Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta shir guddoomiyay shirka Guddida fulinta iyo xoghayeyaasha xisbiga oo ka dhacay Xarunta Dhexe ee xisbiga. Shirka oo ay goob joog ahaayeen guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga Mudane Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde, hoggaamiyaha xisbiga Mudane Xirsi Cali X. Xasan, Xoghayaha guud Md Khadar Xuseen Cabdi, Afhayeenka xisbiga Md Barkhad Jaamac Batuun, madaxda garabada Dhallinyarada iyo Haweenka waxa lagu lafo guray sidii loo dardar gelin lahaa doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Degaanka. Sida oo kale madaxda xisbigu waxa ay iska xogwaraysteen xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha siyaasadda iyo sidii xisbigu doorkiisa kor ugu qaadi lahaa. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeya, Cabdirashiid Xidig iyo Daahir Amiin Jeesow ayaa gaaray meeshii ugu sarreysay, kadib markii ay labada xildhibaan hadallo kulul isu mariyeen dhinaca warbaahinta. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo markale u jawaabayey Xidig ayaa sheegay inuu yahay saddex kaare u shaqeeya dalalka Imaaraadka, Kenya iyo Itoobiya. “Xidig waa saddex Kaare shalay Tigree ayuu u shaqeynaayey oo uu Jaajuus u ahaa maanta wuxuu u shaqeynaa Imaaraadka iyo Kenya, hadba ninkii ku shubto ayuu la shaqeynaa waa fadlan ku shubo.” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow. Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Kaluundiga uu Prof Dalxa sheegaayey waaye meel walbo isaga oo Kalundi ah ayuu taagan yahay.” Jeesow oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Xidig uu yahay nin dhaqaale raadis ah, wuxuuna tilmaamay inuu ka hayo cadeyn Vedio ah oo uu sheegay inuu uga dalbaday xilligii uu mucaaradka ahaa inuu la xoojiyo dagaalka siyaasadeed ee Axmed Madoobe. “Waxaan hayaa Vedio uu Xidig iiga codsanaayo oo aan baraha bulshadana soo dhigi doono in aan aniga Axmed la dilo awalba Axmed waan is-heysanaye sidaanu shaqeynaayey ka daran inaan ula dagaalamo.” ayuu ku yiri Jeesow shirkiisa jaraa’id. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Xidig uu si shaqsiyan ah ugu xad-gudbay akhlaaqdiisa iyo diintiisa, islamarkaana uu aad uga xun yahay weerarkaaasi. “Nin walaalkiis Soor ku dilaayey inuu maanta aniga Akhlaaqdeydii, Diinteydii iyo Anshaxeygii wax u dhimo runtii aad baan uga xumahay.” ayuu markale yiri. Hadalkan ayaa daba-scoda jawaab uu Xidig ka bixiyey hadalkii Jeesow ee ahaa in la xiro Axmed Madobe, wuxuuna Xidig sheegay in Ummadda Soomaaliyeed ay meel ka dhac ku tahay in meel Public ah uu ka hadlo Jeesow, isagoo ku eedeeyey inuu taageeray wax aan Diinta Islaamka ku habooneyn oo ah in ay is-guursan karaan dadka isku jinsiga ah. The post Dagaalka C/rashiid Xidig iyo Jeesow oo meel xun gaaray first appeared on Caasimada Online.
-
Xeer-ilaaliyaha Qaranka: Bahda caddaaladda lama iibsan karo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in aysan iib ahayn bahda caddaaladda, islamarkaasna aysan jirin cid cabsi-galin wax uga qaadi-karta. “Ma jiro qof caddaaladda ka shaqeeya oo iibsami kara, xataa haddii malaayiin dollar la siiyo, haddii ay dhacdana qofkaasi wuxuu banaan joog ka noqonayaa xaydaabka bahda caddaaladda”ayuu yiri Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo maanta Muqdisho tobobar uga furayay xeer-ilaaliyaal, garsoorayaal, baarayaal iyo qareeno. Sidoo kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qarnaka ayaa tilmaamay in aysan sax ahayn in Soomaaliya sannad kasta ay kaalinta kowaad ka gasho waddamada ugu musuqa badan adduunka, wuxuu sheegay in sannadkan sameeyeen bahda Caddaaladda la dagaalankii ugu xooganaa ee dhinaca musaqa, sidaas daraadeena ay rajo badan ka qabaan in aysan kaalin kowaad ka soo muuqan. “La yaab ma lahan in wadankeena uu musuq-maasuq ka jiro, sababtoo ah waxaan nahay wadan dumay oo wax kasta ay ka bur-bureen, waxaase la yaab leh in la daawado oo aanan waxba laga qaban. Sax ma ahan maalin kasta in aan liiska hore ku jirno muqus-maasuq darteed, waa inaan hufnaan la nimaanaa cida la rabo inay ka shaqaysana waa bahda Caddaaladda” ayuu yiri Dr. Sulaymaan. Xeer-ilaaliye Sulaymaan ayaa sheegay in xukunaddii dhawaan dhacay ee musuq-maasuqa inay kor u qaadeen sumacada dalka, islamarkan ay maanta siyaasiyiin dowlado kale ay madaxdooda kula talinayaan in cadaalada ka bartaan Soomaaliya. Hadalka ka soo baxay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ku so aaday kadib markiii dhawaan muuqaal shir jaraa’id ah oo laga duubay madixii hore ee laanta qaran ee la dagaallanka tacaddiga daroogada Kenya, John Michael Madaxweynaha dalkiisa Uhuru Kenyatta u soo jeediyay in madaxweynaha Soomaaliya uu weydiisto inuu ka caawiyo la dagaalanka musuqa. PUNTLAND POST The post Xeer-ilaaliyaha Qaranka: Bahda caddaaladda lama iibsan karo appeared first on Puntland Post. -
Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar ku billoway qarax is-miidaamin ah oo dagaalyahanada Xarkada Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Janaay Cabdalle oo qiyaastii 60 KM u jira magaallo xeebeedka Kisaamyo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Qaxara oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamada dowladda, kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa iyo weerarkuba lala bartimaameedsaday saldhiga ay ciidamada huwanta dhowaan ay ka sameysteen deegaankaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas iyo dagaalka xigay intaba. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaa dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo lagu weeraray ciidamada huwanta ee ku sugan deegaanka Janaay Cabdalle oo 60 KM u jira magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday saldhig ciidamada dowladda, kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin deegaankaasi. Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas uu geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur-bur, walow aan is dhab ah aan loo cadey karin inta uu gaarsiisan yahay. Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale sheegay in qaraxa kadib uu xigay weerar toos ah oo lagu qaaday saldhigga ciidamada dowladda iyo kuwa Jabbaland ee Janaay-Cabadalle. Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana ay shaacisay in khasaare ay ku gaarsiisay ciidanka huwanta. Sidoo kale qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in meydadka iyo dhaawacyada diyaarad Helikobtar ah looga soo qaaday halkaasi, sida ay hadalka u dhigtay. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo ku aadan weerarkaasi is-miidaaminta ah. Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa gobollada Jubbooyinka ka jiray dhaq-dhaqaaqyo milatari oo Al-Shabaab looga saarayo gobolladaasi oo ay si weyn ugu xoogan yihiin. The post Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay duleedka Kismaayo iyo wararkii u dambeeyey first appeared on Caasimada Online.
-
(SLT-Kampala)-Kenya, Zimbabwe, Uganda, Soomaaliya iyo Nigeria ayaa lagu tilmaamay inay safka hore kaga jiraan kiisaska musuqmaasuq ee bililiqaysiga lacagaha Covid-19 ee caalamka ugu deeqay. Waxaa laga cabsi qabaa in dalal badan oo kale ay soo ifbaxaan sida ay sheegayan baadhitaanka iyo macluumaad dheeri ah oo soo ifbaxaya. Agaasimaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa la simay musuqmaasuqa qalabka badqebka shaqaalaha caafimaadka inuu lamid yahay dil. “Heer kasta ama nooc kasta oo musuqmaasuq lama aqbali karo. Si kastaba ha noqotee, musuqmaasuqa la xidhiidha qalabka badqebka shaqaalaha caafimaadka aniga ahaan runtii waa dil. Sababtoo ah, haddii shaqaalaha caafimaadku shaqeeyaan bilaa qalab, waxaan khatar galineynaa noloshooda taasna waxay sidoo kale halis gelineysaa nolosha dadka ay u adeegaan. Marka waa dambi waana dil, ”Dr Ghebreyesus ayaa yidhi. Hay’adda caafimaadka adduunka waxay sheegtay kiisaska ilaa iyo hadda la ogaaday xatooyadooda iyo leexsiga lacagta gargaarka ee loogu talagalay dadka nugul ay kor u dhaaftay balaayiin doollar. Source
-
Hoggaamiyeyaasha dhaq-dhaqaaqa Xisbullaah iyo ururka Xamaas ayaa kulmay si ay uga wada xaajoodaan wanaajinta xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee ay lahaayeen Israa’iil iyo qaar ka mid wadammada Carabta. Hoggaamiyaha ugu sarreeya Xamaas Ismail Haniya ayaa si diirran loogu soo dhawqeeyay Ain al-Helweh, oo ah xerada qaxootiga ee ay ku noolyihiin falastiniyiinta ugu badan dalkaasi Lubnaan. Booqashadan Haniya ayaa noqoneysa booqashadii ugu horreeysay ku dhowaad muddo 30 sanno ah, waxaana markii uu imanayay Ain al-Helweh ilaalinayay xubo ka tirsan Xamaas iyo ilaalada Xerada. Markii uu gaaray xerada waxaa ku soo dhaweeyay oo u sacaba tumayay falastiiniyiinta ku nool xerada Ain al-Helweh iyo shacabka kale oo ka yimi xerooyinka kale. Waxa uu ammaan kala dul-dhacay awoodda milatarigiisa isagoona wacad ku maray inuu khal-khal gelin doono xiriirka Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil. Telfishinka Al-Manar ee uu maamulo Xisbullaah ayaa soo weriyay in hogaamiyaha dhaq-dhaqaaqa Xisbullaah ee ay Iran baritaarto Hassan Nasrallah iyo Haniya ay walaac ka muujiyeen xiriirka Israa’iil iyo Carabta. Waxay ka wada xaajoodeen sidii loo hormarin lahaa siyaasadda iyo milatariga Falastiin iyo Lubnaan. Sidoo kale waxay ka wada hadleen sidii looga hortagi lahaa khatarkasta oo Falastiin dhibaateyn karta oo uu ka mid yahay qorshaha dib usoo celinta xiriirka Carabta iyo Israa’iil. Waa sida uu sheegay telefishinka Al-Manar. Kulankan ayaa ku soo beegmaya kaddib markii 13-kii bishii Ogoosto lagu dhawaaqay in Israa’iil iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ay ku heshiiyeen dib usoo celinta xiriirkooda. Heshiisyadan ayaa ah kuwa la xiriira maalgashiga, dalxiiska, duulimaadyo toos ah, ammaanka, isgaarsiinta, tiknoolajiyada, tamarta, caafimaadka, dhaqanka iyo deegaanka. Waxaa sidoo kale heshiiska mid ah in labada dhinac ay is waydaarsadaan safiirro. Wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka, Anwar Gargash, ayaa sheegay aqoonsiga ay Imaaraadka aqonsadeen Israa’iil inay ahayd “tallaabo geesinnimo leh “. Falastiiniyiinta waxay si kulul u cambaareeyeen heshiiska Israa’iil iyo Iisutagga Imaaradka Carabta ay wada galeen Ra’iisal wasaaraha Israa’iil , Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in dalkiisa uu wadahadallo qarsoodi ah kula jiro waddamo kale oo Carab ah. Waxa uu sheegay inuu filayo in dalalkaasi ay mari doonaan dhabaha Imaaraadka oo kale, Falastiiniyiinta ayaa si weyn u dhaliilay go’aanka uu Imaaraadka heshiiskaasi ku qaatay iyada oo aan xal laga gaarin colaadda kala dhexaysa Israa’iil. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa gaadiid fara badan oo nooca dagaalka ah kala wareegtay dowladda Ingiriiska oo ka mid ah dowladaha sida weyn u taageero Soomaaliya. Munaasabadda lagula wareegay baabuurtan oo ka dhacday magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa xubno ka socda Ingiriiska, taliyaha qaybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka iyo saraakiil kale. Gaadiidkan oo ah kuwa casri ah ayaa waxaa loogu talagalay inay isticmaalaan ciidamada Xoogga ee dagaalka kula jiro kooxda Al-Shabaab. Wasiirka gaashaandhigga oo madasha ka hadlay ayaa u mahadceliyey dowladda UK, wuxuuna tilmaamay inay si deg-deg ah uga soo jawaabtay codsigii ay u direen. “Waxaan u mahadcelinayaa dowladda UK oo nagu wareejisay gaadiid nooca dagaalka ah, ayna ka soo jawaabtay codsigeena oo ah in ay nagala qaybqaataan dib u dhiska Ciimadameena Qalabka sida.” ayuu yiri Wasiir Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe). Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe taageero kala duwan ka heleysay saaxobada Soomaaliya, waxaana dhowaan gaadiid gaashaaman oo casri ah ay kala wareegtay dowladda Turkiga oo iyana ka mid ah dalalka sida weyn u taageero Somalia. The post UK oo gaadiid ku wareejisay DF Soomaaliya + Sawirro first appeared on Caasimada Online.
-
Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr; Sulaymaan Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladdu ay Sanadkan xoojisay la dagaallanka musuq-maasuq, taas oo kor u qaadday sumacada Dalka. Xeer ilaaliyaha oo ka hadlayay kulan uu la qaatay bahda caddaaladda ayaa sheegay in hay’addaha caddaaladda iyo garsoorku ay yihiin kuwa la rabo inay ku dedaalaan sinnaanta, si loo dabar gooyo musuq-maasuqa aafeeyay Soomaaliya. Dr. Sulaymaan Maxamed ayaa tilmaamay inaysan sax ahayn in Soomaaliya Sannad kasta ay kaalinta koobaad uga jirto waddamada ugu musuqa badan Adduunka, xeer-ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Sanadkan ay sameeyeen bahda Caddaaladda la dagaalankii ugu xoogga badnaa ee dhinaca Musaqa ah. Dhowaan ayay ahayd markii ay Maxkamadda Gobolka Banaadir xukunno kala duwan ku ridday qaar ka mid ah shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta Wasaaradaha Dowladda, kuwaas oo lagu eedeeyay musuq iyo ku takrifal awoodeed. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kana mid ah wafdiga Axmed Madoobe ayaa si kulul ugu jawaabay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo dhowaan ku baaqay in xabsiga la dhigo Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo haatan ku sugan gudaha magaalada Muqdisho. Xidig oo wareysi siiyey TV-ga Soomaali Cable ayaa sheegay in eedeymaha uu jeediyey Jeesow ay yihiin kuwo laga bad-badiyey, islamarkaana uu ka muuqdo naceyb gooni ah. “Ma dhahayo beelaha tabanaya waxba kama jirto cabashadooda, hadana in qolo gaar ah la yiraahdo uma qalanto in ay meesha joogto waa naceyb gooni ah.” ayuu yiri Xidig. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Ummadda Soomaaliyeed ay meel ka dhac ku tahay in meel Public ah uu ka hadlo Jeesow, isaga oo ku eedeeyey inuu horey u taageeray wax aan Diinta Islaamka ku habooneyn oo ah in dadka isku jinsiga ah ay is-guursan karaan. “Jeesow dariiqyada in ay isaga darsamaan ma ahan. Taariikhda Jeesow waxay ahayd in uu isaga dhuunto saxaafada iyo meelaha bulshada isugu timaado, in uu meel public ah ka hadlo meel ka dhac bey ku tahay Ummadda Soomaaliyeed iyo Islaamka oo dhan; inagoo og in uu shaqsiyan taageeray wax aan Diinta Islaamka ku habooneyn oo ah in dadka isku jinsiga ah ay xitaa is-guursan karaan.” ayuu sii raaciyey C/rashiid Xidig. Hadalka Xildhibaan Xidig oo ka mid ahaa xubnaha mucaaradka ee Jubbaland, balse la heshiiyey Axmed Madoobe ayaa ku soo aadaya, iyada oo uu dhowaan weerarka afka ah Xildhibaan Jeesow uu ku qaaday Madaxweynaha Jubbaland oo hada ku sugan Muqdisho, wuxuuna ka dalbaday Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) inuu xiro. The post Cabdirashiid Xidig oo si kulul ugu jawaabay Xildhibaan Jeesow first appeared on Caasimada Online.
