-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan u dhexeeyo Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi ka socda dowladda Mareykanka oo haatan ka socda gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Kulanka oo ah mid uu albaabada u xiran yahay ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehlinayo, la-taliyihiisa arrimaha doorashooyinka iyo amniga. Sidoo kale wafdiga culus ee ka socda Mareykanka ayaa isugu jiro xubno kala tirsan wasaaradda difaaca Mareykanka iyo taliska ciidamada AFRICOM ee Qaaradda Afrika. Wararka ayaa sheegaya in kulankan uu daba socda walaaca safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ka muujisay musu- maasuq la sheegay in lagu sameeyo howlaha la xiriira dib u habeynta amniga, iyadoona arrimahaasi ay si weyn uga digay safaaraddu. Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sidoo kale sheegaya in kulankan diirada lagu saarayo sidii dib u habeyn lagu sameyn lahaa taageerada Soomaaliya ee Mareykanka. Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha caawiyo dowlad federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay fulisaa howl-gallo ka dhan ah dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. The post MW Farmaajo iyo wafdi ka socda Mareykanka oo kulan ku leh Aadan Cadde first appeared on Caasimada Online.
-
AFRICOM ayaa qoraal ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in duqeyn ay fuliyeen 25-kii August ay ku dileen mid ka mid ah hoggaanka Al-shabaab oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Commandos. Duqeynta ayey sheegeen iney aheyd duqeyn diyaarad oo ka dhacday Saakow, laguna dilay Commandos oo xilal badan kasoo qabtay Al-shabaab. Mareykanka oo sida ay sheegeen fuliyey 46 duqeymo ah laga bilaabo Janaayo sanadkan ayaa intaasi ku daray iney dileen saraakiil badan oo Al-shabaab sida Bashir Maxamed Maxamuud (Bashir Qoorgaab) iyo Yusif Jiis. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online ) – Waxaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya waalaca xoogan ee laga muujinaya is-bedalka ballaaran ee lagu hayo hoggaanka ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdushakuur oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay inay isku milmeen taliska ciidamada Xoogga dalka iyo kan Nabad-Sugida Soomaaliya. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in taliyaha ciidanka Xoogga dalka uu si toos ah uga amar qaato taliska NISA, siiba marka ay yimaadaan amarada xil ka qaadista, dalacsiinta, shaqo ka joojint,a iyo beddelaada saraakiisha ciidamada. Sidoo kale wuxuu intaasi ku darayin saraakiisha xirfadda ciidan leh lagu bedalayo kuwo daacad u ah Madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Halkan hoose ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Waxaan walaac xoog leh ka muujineynaa isku milanka Taliska Nabadsugidda (TN), iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka (CXD). Waxaa soo baxaysa in taliyaha CXD uu toos uga amar qaato TN. Amarrada xil ka qaadis, dalacsiin, shaqo ka joojin, iyo beddelaad ee maalmihii la soo dhaafay CXD ka dhex socotay waxay ahaayeen kuwo u adeegaya dano siyaasadeed, eex qabiil iyo ku takrifal awoodeed. Saraakiisha xirfadda ciidan leh ayaa lagu beddelayaa kuwo daacad u ah Madaxweynaha iyo taliskiisa Nabadsugidda. Waxaa la tijaabiyaa daacadnimada saraakiisha sar sare ee ciidanka. Waxaa la soo reebayaa intii heyb qabiil iyo daacadnimo la hubo leh. Sababta ugu wayn ee loo burburinayo xirfadda ciidanka, loona baabi’inayo mirihii dib u habeynta, waa in loo adeegsado sad-bursi siyaasadeed iyo ku takrifal awoodeed. Waxaan ugu baaqeynaa saraakiisha ciidanka, gaar ahaan taliska CXD in ay danta Qaranka ka hormariyaan danaha shakhsiga ah, damiirkoodu hago, ilaashadaan diiwanka xirfaddooda shaqo ee mustaqbalka, daacadna qaranka u ahaadaan, kuna xisaabtamaan in ay tirsanyihiin maalamaha ka harsan muddo xileedka madaxweyne Farmaajo iyo taliskiisa nabadsugidda. The post CC Shakuur: Saraakiisha xirfada leh waxaa lagu bedalayaa kuwo daacad u ah Farmaajo iyo Fahad first appeared on Caasimada Online.
-
Somaliland Oo Maanta Si Rasmi Ah Xafiis Uga Furatay Taiwan.
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somaliland ayaa maanta si rasmiya Xafiis Wakiileed uga furatay Taiwan. Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan iyo Wakiilka Somaliland ee Taiwan Amb Maxamed Xaaji Cumar, ayaa munaasabadda goob joog ahaa oo khudbado ka jeediyay. Sidoo kale madaxweynaha Somaliland oo khadka Internetka kaga qayb-galay munaasabadda ayaa khudbad ka jeediyay. Taiwan ayaa hore xafiis uga furatay Somaliland. Xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland ayaa ka cadhaysiiyay Waddamada Shiinaha iyo Soomaaliya inkasta oo aanay dheg u dhigin labada dhinac ee Heshiisku dhexmaray. Source -
Guddiga doorashada ee gobolka waqooyiga Itoobiya ee Tigrayga ayaa maanta u dhaqaaqaya doorasho deegaanka ka dhacdo. “Codbixinta waxaa ay u dhaceysaa sidii loogu talogalay, mana fileyno in dowladda dhexe ay nooga timaado wax faragelin ah” sidaasi waxaa yiri Muluwork Kidanemariam, oo ah madaxa guddiga doorashada ee gobolka. Gobolka ay doorashada ka dhaceysa, lana filayo iney codeeyaan ilaa 2.7 Milyan codbixiyeyaal ah ayaa la adkeeyey amniga. Waxaa gobolka isku heysta ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo siyaasiyiin ka dambeeya maamulkii hore taasi oo keentay iney iskood doorasho u galaan. Dowladda dhexe ayaa dhowr jeer doorashada dib u dhigtay, kuna sababeysay Covid 19, laakin waxaa muuqata in gobolka Tigrayga ay go’aan gaareen, iskana diideen iney sugaan doorasho iyo waqti kale oo ay soo qabato dowladda Abiy Axmed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shalay ayaa dhegaystay Maxamuud Xaashi muxaadaradii uu jeediyay. Sidoo kale, waxa aan isna dhegaystay Saleebaan Bukhaari, oo sida warkiisa ka muuqatay, Muuse Biixi matalaaya, amaba isu dhigaaya in uu matalo, oo u jawaabaaya ninka hore. In ka badan 30 daqiiqadood oo dood, calaacal, wacdi iyo hanjabaad ah buu M. Xaashi mariyay. Beryahan wakhtigaas oo kale iyo wax u dhow toona ma gelinin siyaasi Soomaaliyeed warkiisa, amaba aan idhaahdo siyaasi is mood, ilayn siyaasaddu sidaas Maxamuud iyo qayrkii u fahmeen ma ahee. Runta hadii aan laga leexleexan, Warka Maxamuud wax lagu qoslo ayuu ahaa, waana ku qoslay. Doodda odayga oo dhami waxa ay ahayd ka cabasho daacad darro, balan-fur iyo sharci ku tumasho. Maxamuud wuu ogyahay in degmada waxa lagu hayaa ba intaas uun yahay, oo weliba uu isagu ka mid yahay inta waxaas ku dhaqantay ee ku maydhatay. Sidaas darted buu warkiisu u ahaa mid lagu qoslo, waana ku qoslay. Muuse ma aanu is aqoonin oo hadda ayaa aan baranayaa yaa ka siisanaaya? Xeerar xisbi iyo mid waddan toona lama xeerinin, dookh nin oo guracan uun baana loo adeegsanayaa awoodihii dawladnimada, sidaasi na waa si xun yaa ka siisanaaya? Hadii loo badheedhay in nidaamka dawliga ah la kufsado, oo nin waliba maalinta uu hayo uu sida uGu xun ee uGu qaawan qalaylka uGu dubto, oo Maxamuud na aan ogahay in uu taas ka dheregsanyahay, oo musharaxnimadii Muuse ba guracaas lagu meel mariyay, oo laftiisu uu ka shaqeeyay, maxaa manta ka calaacaliyay? Igu dheh sidan – waxa ka calaacaliyay ninkii iyo kooxdii ay wax wada qaseen, ee uu sugaayay in ay markiisa u miisaan ayaa albaabada ka xidhay, wixii la isku ogaa na u xeerin waayay. Oo hadii Meesha ba waxa lagu hayay uu ahaa budhcadnimo shaadh dawladeed loo geliyay, wuu ogyahay in aan cabasho waxba u keenayn ee maxaa odayga kelifay? Laakiin hadii uu qiray in ay awooddii dawladnimo ku muquniyeen mucaaridkii xiligii doorashadii 2017, oo suugaan na ku dhaabadeeyay in ay gaf ahayd sidii laga yeelay raggii uu sheegay in tiirka la taagay, saw uGu yaraan run iyo xaq Kuma addimin maxaa loogu qoslayaa? Miyaanu garawshiiyo istaahilin? Ma istaahilo haba yaraatee, sababta oo ah isna tiirkii uun baa la taagay, hadii ay damqayso ninkii uu u godoboobay in uu tiirka taagay na, odayga iska raali ahaw ha lagu yidhaahdo. Source
-
Trafigura Group has delivered a first shipment of low sulfur gasoil to the Port of Berbera, following the signing of a milestone storage agreement earlier this year with the Government of Somaliland’s Ministry of Trade, Industry and Tourism. Advertisement This is the first step in a commitment by Trafigura to invest in the Berbera oil terminal’s facilities to position it as a gateway to serve customers within the country, and integrate oil logistics across the Horn of Africa. Trafigura, with the full support of the Government, intends to upgrade the oil terminal in a phased approach to improve and expand the storage capacity, and eventually facilitate the import of jet fuel and LPG to meet local and regional demand whilst ensuring international health and safety standards. Plans also include increasing the draft to enable larger vessels to be received and allow local traders more economical import of refined products and access to re-export markets. This will help support the Somaliland Government’s ambition to transform Berbera port as a strategic hub in a region where demand is growing year on year. “We’re delighted to be working with a leading independent, international company like Trafigura to improve the quality and reliability of refined petroleum product supply into the country,” said Mohamoud Hassan Saad, Minister of Trade Industry and Tourism, “By working with Trafigura there will be increased transparency, high standards, and increased competitiveness across the supply chain.” “The agreement gives Trafigura access to the existing terminal for storage of refined petroleum products in order to supply the local market in a strategically important region,” said James Josling, Head of Africa Energy Trading for Trafigura. “We are working alongside the Government to reduce sulphur limits in the local fuel specifications, to give the opportunity for Somaliland to align product specifications with regional market standards such as Ethiopia and Djibouti, which will promote cross-border trade while improving air quality in line with Trafigura’s wider ESG agenda and commitment to Africa.” Hydrocarbon Engineering, Qaran News
-
Madaxda 3-da maamul goboleed ee Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur galbeed ayaa maanta lagu wadaa iney ku shiraan Baydhabo, iyaga oo markaa kadib u soo duuli doona Muqdisho. Magaalada caasimadda ah ayaa waxaa maalmihii tagay ku sugnaa madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo Farmaajo ka dalbaday in kulanka ay yimaadan madaxda maamullada ee ka maqan goobta. Kulanka maamul goboleedyada iyo Farmaajo ee khamiista ka furmi-doona caasimadda Muqdisho ayaa lagu wadaa in looga dooda nooca doorasho ee la isku afgartay Dhuusamareeb 3. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Xildhibaan Cabdullahi Goodax Barre oo u warramayey Telefishinka Universal ayaa ka jawaabay hadalkii madaxweynaha Puntland ee ahaa in uusan ka war-qabin natiijada imtixaankii dugsiyada sare oo ay badi ku dhaceen ardayda magaalada Muqdisho. Goodax Barre ayaa qirtay eedaasi, wuxuuna sheegay in isagu aysan aheyn in uu ka war-qabo imtixaanka, balse ay wasaaraddu u xil-saartay macalimiin gaar ah. Illaa 83 Macalin ayuu sheegay in wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya ay uga wakiil ahaayeen imtixaanaadkaasi, kuwaas oo shaqada qabtay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in iyagu doorkoodu ka wasaarad ahaan uu ahaa koontarool iyo inay dusha guud lagala socdaan. Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in madaxweyne Siciid Deni uu iska hadlay, islamarkaana uusan daneynin hadalkiisa, sida uu hadalka u dhigay. “Aniga shaqsiyaadka natiijadooda waxba igama quseeyaan oo macalimiin ayaan u xil saaray, madaxweynaha Puntland waa nin iska hadlaayo oo aniga hadalkiisa maba daneeyo ayuu yiri.” ayuu yiri sii hayaha xilka wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay dood badan ka timid natiijadii ay shaacisay wasaarada waxbarashada, kadib markii imtixaankii sanadkan ay ku dhaceen 8,550 oo arday ah, kuwaas oo badan kood ku sugan magaalada caasimada ah ee Muqdisho. The post Wasiir Goodax Barre oo qirtay in uusan ka war-qabin imtixaankii dugsiyada sare first appeared on Caasimada Online.
-
Taliska Booliska gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntlan d ayaa sheegay in lagu guulaystay in lasoo qabto kooxo degmada Carmo ee gobolka Bari, kadib howlgallo ciidamadu 48-kii ee tagay ay ka wadeen degmada Carmo. Taliyaha ciidanka Booliska qeybta gobolka Bari ee Puntland G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay bagaalada Boosaso ayaa ka warbixiyey howlaghalka ” Demada Carmo meel kamida taliye rugeedkii ciidanka runtaa xukumay allah u naxariistee nin shaqadiisa gudanaayo ayuu ahaa 12:00 ayaa la dilay xili dambe ayey aheyd, ciddii dishayna gacanta ayaa lagu hayaa waana la keenayaa waxaan leenahay dalka ayuu u adeegayey” ayuu yiri. Hadalka taliyaha ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo 48-kii saac ee la soo dhaafay ciidamada ammaanka gobolka Bari ay howlgallo ka wadeen degmada Carmo, taas oo lagu dilay taliyihii booliska xili uu gudanaayey shaqadiisa, waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan, kuwaas oo loo geysto mas,uuliyiin iyo ciidamo ka tirsan Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynayaasha maamullada Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa dhacay, kadib markii ay soo idlaatay munaasabad casho ah oo Baydhabo loogu sameeyay Madaxweynaha Hir-Shabelle Maxamed Cabdi Waare. Intiisa badan waxaa kulankan diirada lagu saaray xiriirka iyo wada shaqeynta labada maamul, gaar ahaan arrimaha ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Ilo ku dhow kulankaasi ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay ku ballameen in dowladda federaalka ay la wadaagaan culeyska ay Al-Shabaab ku hayaal deegaanada Koonfur Galbeed iyo HirShabelle. Baydhabo ayaa waxaa ka furmaya shir wada-tashi ah oo u dhexeeyo madaxda maamullada Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug, kaas oo diirada lagu saaro xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021. View the full article
-
Wargeyska Telegraph ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa shalay baahiyay qormo dheer oo uu ka qoray xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan iyo walaaca dalka Shiinaha. Wargeysku, wuxuu qoray warbixin uu ciwaan uga dhigay “Muxuu China uga werwerayaa iskaashiga cusub ee Somaliland iyo Taiwan,”, waxaanu wargeysku warbixintiisa kaga warramay xidhiidhkan Somaliland iyo Taiwan iyo marxaladihii uu soo maray. Wargeyska ayaa sheegay in China iyo Soomaaliya, inkastoo ay soo saareen war-saxafadeedyo ay cadho ka muuqato haddana in China doonayo inuu isagoo soo dhex maraya dawladda Soomaaliya uu dhoolatus milatari ka sameeyo xeebaha Somaliland. Wargeyska oo arrintan ka hadlaya wuxuu yidhi “Sida uu sheegay khabiir amni oo ka shaqeeya Geeska Afrika oo aan doonayn in magaciisa la sheeego fal-cellinta cadhada leh ee Shiinaha iyo Sooamaliya aad ayay uga ballaadhan tahay qoraallada cadhada ah ee ay soo saareen.” Ayuu yidhi wargeysku, waxaanu intaas raaciyay “Iyada oo iskaashiga ka dhexeeya Taiwan iyo Somaliland uu kor u socday bilihii u danbeeyey, Shiinuhu wuxuu soo bandhigay inuu Soomaaliya ula sameeyo si wada jir ah ilaalin ciidamada badda ah, sida uu sheegay [khabiirku].” Khabiirka wargeyska u warramay wuxuu intaas ku daray,“Shiiinuhu inta uu tegay Muqdisho ayuu yidhi waa sidee xaalka ilaalinta aad ku samaysaan baddiina dhinaca woqooyi? Aannu idinka caawinno inaad sidaas samaysaan. Waa arin si buuxda loogu adeegsan karo gorgortan isla-markaana ah xirfad daan daansi ah inuu maraakiibtooda ka keenno Jabuuti.” Khabiirkan ayaa Wargeyska u sheegay inay suurtogal tahay in maraakiib milatari oo uu Maraykanku leeyahay ay iman doonaan Berbera..“Lama yaabi doono haddaan arko bisha ama labada bilood ee soo socda iyada oo uu Markab Maraykanku leeyahay uu booqday Berbera,” ayuu yidhi khabiirkan Wargeyska u warramay. Wargeysku, wuxuu sheegay inuu la xidhiidhay wasaaradda arrimaha dibadda ee China si uu arrintan wax uga weydiiyo, laakiin aanay ka jawaabin farriimo uu wargeysku u diray. Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ah saxafi iyo falanqeeye siyaasadeed oo uu isna wargeysku waraystay ayaa wargeyskan Ingiriiska ka soo baxa u sheegay inuu isa soo tarayo dareen niyad wanaag ah oo ka jira labada dhinac ee Somaliland iyo Taiwan, “Dadku halkan waxay aaminsan yihiin in dunidu labada dhinacba ee Somaliland iyo Taiwan ay ula dhaqantay si aan caddaalad ahayn, waxaana jirta taageero ballaadhan oo shacab oo loo hayo xidhiidhka labadayada dhinac [Somaliland iyo Taiwan]. Somaliland ayaa leh Xeeb 460 Mayl oo muhiim u ah difaaca Badda cas oo marin u ah Maraakiibta Shidaalka. Wargeysku wuxuu sheegay in xilligii dagaalkii qaboobaa ay Dekedda Berbera Marti-gelisay Maraakiibta dagaalka ee Dawladda Maraykanka. Wargeysku wuxuu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu gaashaanka u daruuray cadaadista Shiinaha ku saaray inuu ka noqdo Xidhiidhka Taiwan, isla-markaana uu dhiirigeliyey xidhiidh adag oo Dawladdiisu la yeelato Tiapea. Inkasta oo Maraykanku soo dhaweeyay Xidhiidhka adag ee Taiwan iyo Somaliland, haddana Khabiir ka mid ah Machadka American Enterprise Institute oo Magaciisu yahay Michael Rubin ayaa sheegay inay suurto-gal tahay inuu Maraykanku waayi karo inuu la shaqeeyo Somaliland, haddii aanu bixin taageero. Source
-
Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubaland, oo ay weheliyaan cutubyo ka tirsan Kumaandooska DANAB ee heer Federaal, ayaa hawlgal qorshaysan ku laayay saraakiil iyo xubno kale oo ka tirsan Al-shabaab. Hawlgalka oo laga fuliyay Degaannada Dhisheeg-waamo, Maroodi-gubow iyo Dhaayunbow ee Gobolka Jubada Hoose, ayaa lagu dilay 14 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil sare. Magacyada laba horjooge oo kamid ahaa dadka ku dhintay Hawlgalka, ayaa lagu sheegay horjooge Cabdi Maxamed Bashiir oo Al-shabaab u qaabilsanaa Gobolka Jubada Hoose iyo sidoo kale horjooge magaciisa lagu soo koobay Xirow. Saraakiisha hoggaaminaysa Hawlagalkas, ayaa laga soo xigtay in sidoo kale la burburiyay dhammaan xarumihii Al-shabaab ku lahaayeen Degaannada laga fuliyay Hawlgalka. PUNTLAND POST The post Daraawiishta Jubaland iyo DANAB oo hawlgal qorshaysan ku laayay saraakiil Al-shabaab ah appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Hanti-dhawrka guud ee qaranka ayaa baadhis ka bilaabay laamana dawladda ee gobolka Togdheer waxanay xabsiga u taxabeen laba qof oo ka mid ah hawl-wadeenada wasaaradda Maaliyada kuwaasi oo ay ku eedeyeen Musuq-maasuq , Guddoomiye ku xigeenka hanti-dhawraha guud ee Qaranka ,Sacad Cabdilaahi Riiraash ayaa telefashanka maxliga ah ee HCTV u xaqiijiyey in ay xidheen laba qof oo ka tirsan shaqaalaha wasaaradda Maaliyada , waxanu yidhi “shalay waxanu laba xubnood ka xidhnay shaqaalaha wasaaradda Maaliyada gaar ahaan qaybta kastamka ,kuwaasi oo aanu soo eedaynay , waxana loo gudbiyey Maxkamada.“ Guddoomiye ku xigeenka hanti-dhawraha guud ee Qaranka ,Sacad Cabdilaahi Riiraash ayaa sheegay in ay weli baadhis ku hayaan wasaaraddaha Maaliyada, Waxbarashada ,Caafimaadka, Dawladda Hoose , Wakaalada biyaha iyo Cisbitaalka guud ee Burco , waxaanu xusay in baadhitaanka ay wadaan aanu weli usoo dhammaan “ Baadhista arrintan weli noomay dhammaan waxaanu rabnaa in aanu gungaadhkii soo samayno “ ayuu yidhi Hanti-dhawrka guud ee Qaranka ayaa baadhis ka wadda laamaha dawladda ee gobollada Dalka . Source
-
Maraykanka ayaa si adag uga digtay, in musuq maasuq lagu sameeyo Hannaanka Dib u-habaynta Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya. Qoraal lagu daabacay Barta Twitter-ka Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Dowladda Maraykanku taageerayso Barnaamijka Dib u-habaynta Ciidamada Soomaaliya, balse Qoraalka ayaa si adag uga digay in musuq maasuq iyo Qaraaba-kiil lagu sameeyo Hannaanka Dib u-habaynta Amniga. “Musuq maasuqa iyo qaraabo-kiilku waxay dhaawacayaan horumarka, waxayna wiiqeysa Amniga dadka Soomaaliyeed, iyadoo xoojineysa Cadawga” ayaa lagu yiri Qoraalka. Farriinta Maraykanka, ayaa ku soo beegmatay, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in musuq maasuq lagu sameeyay Barnaamijka Dib u-habaynta Ciidamada Milateriga Soomaaliya, gaar ahaanna Kumaandooska loo yaqaan DANAB. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo si adag uga digay in la musuq maasuqo dib u habaynta Ciidamada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Muqdisho)-Taliska ciidammada Maraykanka Afrika ee AFRICOM ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxa ay kaga hadleen duqeyn ay ka geysteen dallka Soomaaliya 25-kii bishii August ee sannadkan. Qoraalka ayaa lagu sheegay in duqeyntan oo ka dhacday degmada Saakow lagu diley Cabdqaadir Komaandoos oo Maraykanka uu ku tilmaamay inuu xilal badan ka soo qabtay ururka Alshabaab. “Duqeyntan oo lagu qaaday wadnaha Alshabaab waxa ay tahay mid hoos loogu dhigayo awoodooda iyo sidii aysan dhibaatooyin kale uga geysan lahaayeen dalka Soomaaliya iyo dibadiisaba.”ayaa yidhi taliyaha ciidamada AFRICOM Gen. Stephen Townsend, Generalka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan inay dowlada Soomaaliya kala shaqeeyaan sidii cadaadis lagu saari lahaa argagaxisada. Qoraalka ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu xusay in tan iyo bishii January ee sanadkan illaa 46 jeer duqeyn ay ka geysteen dalka Soomaaliya. Taliska ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ayaa sidoo kale qoraalkan ku sheegayin sannadkan ay duqeymaha ay ka geysteen Soomaaliya lagu diley saraakiil ka tirsan ururka Alshabaab oo ay ka mid yihiin Bashir Mohamed Mahamoud, oo loo yiqiin Bashir Qoorgaab, Yusif Jiis iyo duqeyntii ugu dambeysay ee lagu diley Cabdqaadir Komaandoos. Source
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa xalay magaalada Baydhabo kulan gaar ah ku yeeshay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) iyo madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare oo shalay gaaray magaaladaasi. Kulanka labada hoggaamiye ayaa waxaa looga hadlay arrimo muhiim ah, sida wada-shaqeynta labada maamul, ammaanka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Lafta-Gareen iyo Waare ayaa diirada saaray culeyska ay ku heyso kooxda Al-Shabaab, maadaama ay yihiin soohdin wadaag K/ Galbeed & Hir-Shabelle. Sidoo kale Ilo ku dhow kulankaasi ayaa sheegay in labada madaxweyne ay ku ballameen in dowladda federaalka ay u bandhigaan dhibaatooyinka amni ee ka jira deegaanada maamulkaasi oo ay si weyn ugu xoogan yihiin dagaalyahanada Ururka Al-Shabaab. Fursad gaar ah ayey aheyd is-aragan madaxaweynayaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, kuwaas oo muddooyinkii dambe ku mashquulsanaa shirar waa weyn oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimada doorashooyinka. Dhinaca kale waxaa saacadaha soo socda Baydhabo ku wajahan madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ku biirayo madaxdaas oo shir u gaar ah yeelan doono, kadibna u soo gudbi doono magaalada Muqdisho. Si kastaba ha’ahaatee arrimaha ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan xaalad adag uu ku jiro dalka, balse laga war-sugayo waxa ka soo baxa shirka ay iclaameysa Villa Somalia ee beri oo Khamiis ah ka furmaya gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho The post Maxay ka wada-hadleen Lafta-Gareen iyo Waare? first appeared on Caasimada Online.
-
Tan iyo markii uu aabihii la wareegay boqortooyada, si deg deg ah ayaa loo dalacsiiyay Amiir Maxamed Bin Salmaan, boqortooyada in uu la wareega waxaa hadda ka xigta hal tallaaba oo kali ah. Sannadihii dhawaa waxaa sii kordhayay awoodaha iyo galaangalka amiirkan da’da yar. Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa dhowr arrimood oo aad u baahan tahay in aad ka ogaato Amiir Maxamed Bin Salmaan. Awoodda uu ku dhex leeyahay qoyska boqortooyada ayuu xoojistay Aabihii ayuu aad ugu dhawaa xitaa ka hor inta aanu noqonin boqor. Sannaddii 2009, Amiir Maxamed wuxuu la taliye gaar ah u ahaa aabbihii oo markaa ahaa guddoomiyaha gobolka Riyaadh. Tallaabadii ugu weynayd ee sare u kiciisa siyaasadeed waxay timid bishii April ee sannadii 2015 markaas oo boqor Salmaan uu magacaabay jiil cusub oo dhaxal suagayaal ah. Boqorka walaalkii, Murqin bin Cabdul Casiis ayaa sannadaasi la eryay waxaana lagu badalay oo dhaxal sugaha koowaad noqday Maxamed bin Nayef. Waxaana dhaxal sugaha labaad laga dhigay boqor Salmaan wiilkiisa Amiir Maxamedka oo markii dambena la dallacsiiyay. Wuxuu sidoo kale ahaa ra’iisalwasaare ku xigeen. Tallaabooyinkii dhinaca milatariga Markii uu boqor Salmaan la wareegay boqortooyada 2015, wuxuu wiilkiisa Amiir Maxamed ka dhigay wasiirka difaaca. Waxaa lagu tilmaamay inuu nqoday wasiirkii difaaca ee ugu da’da yaraa dunida markii uu xilkaasi la wareegay isagoo 29 sanno jir ahaa. Laba bilood ka dib markii uu xilkaasi la wareegay, Sacuudiga wuxuu hormuuud u ahaa olole millatari oo lagu qaaday dalka ay deriska yihiin ee Yemen. Isbaheysiga uu Sacuudiga hoggaaminayay ayaase ku guul-darreystay inuu ka caawiyo Madaxweyne Cabdirabbah Mansoor inuu dib ugu laabto caasimadda ay fallaagada gacanta ku haysa ee Sanca. Dhaqaale aan saliid ku tiirsanayn Bishii April ee sanaddii 2016 ayaa amiir Maxamed oo sidoo kale ahaa madaxa Golaha Dhaqaalaha iyo Horumarka ee Sacuudiga waxaa uu daaha ka rogay isbedello waaweyn oo dhinaca dhaqaalaha ah oo ujeedadu ahayd in lagu soo afjaro ku tiirsanaanta boqortooyada ee dakhliga shidaalka. Waxa uu sheegay in qorshaha aragtida fog ee 2030 uu tiigsanayo sidii lagu hubin lahaa in Sacuudiga isagoon ku tiirsanayn dakhliga saliida uu sii jira marka la gaaro 2020. Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa qorshahaasi ku tilmaantay ‘hami u baahan dadaal badan’. Waxayse ka digtay in fulinta mashruucan ay dhibaatooyin la soo gudboonaan karaan. Xidhiidhka Iran isbedel ha filanin Bishii la soo dhaafay, Amiir Maxamed wuxuu meesha ka saaray suurtagalnimada in dalkiisa uu wadahadal la yeesho dalka Iran. Labada dal waxay kala taageerayaan dhinacyada ku dagaalamayo dalalka Yemen iyo Suuriya. Xidhiidhka Riyaadh iyo Tehraan ayaa sii xumaaday ka dib markii mas’uuliyiinta Sacuudigu ay daldaleen wadaad Shiica ah oo caan ahaa , Nimr Al Nimr Dowladda Iiraan ayaa dallacsiinta Amiir Maxamed ku tilmaantay afgembi dabacsan. Waa aabbe dhalay afar carruur ah Maxamed bin Salmaan wuxuu dhashay 31-kii bishii Agoost sanaddii 1985. Waa wiilka ugu weyn xaaska seddxaad ee boqor Salmaan ee Fahdah bint Falah bin Suldhaan. Amiirada kale ee Sacuudiga wuxuu kaga duwan yahay in waxbarashadiisa gebiahanateedba uu ku qaatay gudaha Sacuudi Carabiya. Maadada qeynuunka ayuu ku diyaariyay jaamaccadda King Saud ka hor inta aanu ka shaqeyn dhowr waaxood oo dowladdu leedahay. Hal xaas oo kali ah ayuu qabaa oo u dhashay laba wiil iyo laba gabdhood. Source
-
Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga gobolka Jubbada Hoose waxey ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab. Kumaandooska Danab ayaa Howlgalka ka fuliyay degaanada Dhisheeg-waamo,Maroodi-gubow iyo Dhaay unbow oo qiyaasti 75-km u jirta magaalada Kismaayo. Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle Ismaciil Cabdi Maalik Maalin oo la hadlay Idaacadda Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay in Kumaandooska Soomaliya ay u daateen Saldhigyada Al-shabaab ay ku lahayeen degaanadaasi. Maalin ayaa sheegay in ciidamada Danab ay Howlgalka ku dileen labo sarkaal iyo 11 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
-
Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in duqeyn 25-kii Augusto ka dhacday degmada Saakow lagu dilay C/qaadir Kumaandoos oo ka tirsanaa saraakiisha Al-Shabaab. Qoraalka ka soo baxay Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in Kumaandoos uu xilal kala duwan ka soo qabtay Xarakada Al-Shabaab, islamarkaana uu ahaa taliye sare. Xaqiijinta Mareykanka ee dhimashada sarkaalkaasi ayaa imaaneysa maalin kadib markiii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose. Mareykanka ayaa sanadkan 2020-ka xoojiyey howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
-
(SLT-Washington)-Waxaa la hakiyey tijaabada lagu waday Daawada Talaalka ugu horreeya ee lagula dagaalamayo cudurka Covid 19, kadib markii uu xanuunsaday qof kamid ah kumanaanka qof ee lagu tijaabinayey daawadan. Shirkada AstraZeneca oo daawadan sameysay ayaa bilihii lasoo dhaafay waday diyaarinta talaalka ugu horreeyey ee lagaga hortagayo Coronvirus iyadoo kaashaneysay Jaamacada Oxford, waana talaalka ugu muhiimsan ee isha lagu hayo oo maraya heerkii ugu danbeeyey. Cudurka Covid 19 oo aan illaa iyo hadda loo heyn daawo amma Talaal lagaga hortago ayaa waxaa dadaal weyn loogu jiraa sidii loo heli lahaa Daawada Talaalka oo ay wadaan Jaamacadaha iyo Shirkadaha ugu waaweyn dunnida ee soo saara daawooyinka. Daawadan Talaalka ee AstraZeneca ayaa ah midda loogu rajada weyn yahay, waxayna daawadan soo martay tijaabooyin badan hadana waxay mareysaa tijaabada ugu danbeysay oo lagu tijaabinayey kumanaan qof oo lasoo xulay, hase yeeshee tijaabadan ayaa la hakiyey kadib markii uu xanuunsaday qof kamid ah dadkii lagu tijaabiyey daawadan. Hakinta tijaabada ayaa ah mid kamid ah nidaamka lagu xaqiijinayo in xanuunka qabtay qofkaasi ayna la xadhiidhin daawadan tijaabada ah ama inay arrimo kale la xadhiidho, waxaan faah faahin laga bixin qofka xanuunsaday xanuunka haya iyo heerka uu gaadhsiisan yahay. Shirkada AstraZeneca ayaa kamid ah 9 shirkadood oo daawada soo saara oo hada heerkii ugu danbeeyey maraya tijaabada daawada Talaalka Covid19. Shirkadan ayaa 31kii bishii hore bilowday inay diiwaangeliso dad gaadhaya 30.000 qof oo ku sugan dalka Maraykanka kuwaasi oo diyaar u ah in daawadan lagu tijaabiyo, tijaabadan oo ah tilaabada ugu dambeysa kahor inta daawadaasi isticmaalkeeda si rasmi ah loo fasixin. Source
-
Sii-hayaha wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa ka qayb-galay shir caalami ah oo ku aadan saamaynta dhaqaale ee cudurka Covid-19 uu ku keenay dhaqaalaha caalamka, kaas oo ay qaban qaabisay Qaramada Midoobay, kaas oo aaladda internet-ka ee tooska ah ku qabsoomay. Wasiir Beyle ayaa sheegay in shirka muhiimaddiisa uu ahaa sidii looga soo kabsan lahaa saameynta dhaqaale ee waddamada qaar uu u geystay Cudurka Coronavirus, isla markaana Soomaaliya ay kamid tahay dalalka uu cudurku yareeyey dakhligii dawladda soo galayey iyo koboca dhaqaalaha guud ee dalka. Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay wasiirada maaliyadda 73-wadan iyo hay’adaha caalamiga ah ee dhaqaalaha, waxaana leysku af-gartay in taageero maaliyadeed la siiyo waddamada soo koraya ee Soomaaliya ka mid tahay, kuwaas oo saameynta dhaqaale uu ku yeeshay Covid-19. View the full article
