-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo haatan ku sugan degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa si adag uga hadlay dagaalkii dhowaan ka dhacay gudaha degmadaasi, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn sheegay in nasiib darro ay tahay in lagu kor dagaalamo dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan ciidamadii ku dagaalamay Beled-Xaawo, islamarkaana ay hadda socdaan baaritaano dheeraad ah. Inta badan ciidamada dowladda dhex-dooda ayaa dagaalama, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa dadka shacabka ee lagu kor dirarayo, taas oo siyaabo kala duwan uga dhacday meelo badan oo ka mid ah dalka, sida magaalada Muqdisho. View the full article
-
Shirka u dhaxeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah uu ka furmo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo dhammaan wufuuddu ay soo wada gaareen. Shirka oo la sheegay inuu dhammeystir u yahay madashii ku soo idlaatay magaalada Dhuusamreeb ee Galmudug ayaa la failayaa in looga hadlo arrimaha doorashada dalka iyo dib loo eego wixii ay looga heshiiyey Dhuusamareeb3. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhowaan madaxda maamul goboleedyada ku casuumay shir kale oo arrimaha doorashada ah la isugu yimaada, kadib markii ay soo baxeen dhaliilo ay tirsadeen madaxda Jubbaland iyo Puntland. Waa shirkii 4-aad oo looga hadlaayo arrimaha doorashada dalka iyadoo ay xusid mudan tahay inaan Villa Somalia aysan weli soo magacaabin xukuumaddii ka shaqeyn la heyd arrimaha doorashada dalka uu aadayo 2020-2021-ka. Inuu shirka maanta furmayo waxaa sheegay mid ka mid ah shaqaalaha Villa Somalia Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar oo soo baxaya ayaa sheegaya in markale uu dib u dhac ku yimid shirka wada-tashiga madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada oo lagu waday in maanta uu ka furmo magaalada Muqdisho. Shirka oo ahaa mid aad loo wada sugayey ayaa waxaa maalin ka hor iclaamiyey Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo). Ilo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa u sheegay Caasimada Online in weli uu jiro is mari-waa u dhexeeyo madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamullada dalka, gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland, waxaana haatan socda kulamo gooni-gooni ah. Sida aan xogta aan ku helnay, Jubaland ayaa dooneysa in la fuliyo qaar ka mid ah qodobadii ay horey u dalbatay ee dowladda ay ballan-qaaday ee la xiriiray gobolka Gedo, waxayna dooneysaa in dowladda ay qaado tallaabooyin muujinaya inay ka go’an tahay fulinta ballan-qaadyadaas.. Wararka ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan arrimo u dhaxeeya maamul goboleedyada oo aan weli la caddeyn waxa ay yihiin, waxaana la rumeysan yahay in maamul goboleedyada ay laba dhinac u kala safan yihiin. Waxaa sidoo kale baaqday kulan casho ah oo ay lahaayeen dhammaan madax goboleedyada iyo kuwa dowladda federaalka, kaas oo Villa Soomaaliya soo agaasintay, lana filayey inuu xalay dhaco. Sida ogaatay Caasimada Online shirka ayaa qorshuhu yahay inuu furmo maalintida Sabtida ah ee soo socota, waxaana inta ka horreysa sii socon doono kulamada gaar gaarka ah. Muqdisho waxaa haatan ku sugan dhammaan shanta Madaxweyne goboleed ee dalka, waxaana la filayaa in shirkan go’aan mideysan looga gaaro doorashooyinka 2020/21. The post Xog: Caqabado iyo mar kale dib u dhigay shirkii Farmaajo iyo madax goboleedyada first appeared on Caasimada Online.
-
Wararka laga helayo xarunta Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in markale uu dib u dhac ku yimid shirka wada-tashiga madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, kaas oo la filayey inuu saaka si rasmi ah uga furmo magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Shabelle u sheegay in dib u dhaca uu sababay khilaafka weli u dhexeeya dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland. Sidoo kale waxaa xalay baaqatay munaasabad casho sharaf aheyd oo ay isku arki lahaayeen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamullada dalka. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa u muuqata mid sii cakirmeysa, marka la’eego is mari-waaga ka taagan sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda ee 2020/21. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Subax-10092020.mp3 View the full article
-
Dib u dhac kooban ayaa ku yimid Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka, kaas oo loo ballansana in uu Maanta oo Khamiis ah ka furmo Magaalada Muqdisho. Wararku waxay sheegayaan in Arrimaha farsamo dartood uu Shirku dib uga dhacay Maanta, islamarkaana uu si rasmiya u furmi doono Sabtida soo socota, kadib markii la dhammaystiro Arrimaha farsamo oo dhiman. Dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka ayaa haatan ku sugan Magaalada Muqdisho, halkaas oo ay shalay gaareen Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, halka Puntland iyo Jubaland horay u sii joogeen. Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, waxa diiradda lagu saarayaa Turxaan-bixinta Heshiiskii Dhuusamareeb 3 ee Arrimaha Doorashada Soomaaliya, kaas oo ay ka maqnaayeen Puntland iyo Jubaland, si heshiis midaysan looga gaaro Hannaanka Doorashada soo socota. PUNTLAND POST The post Dib u dhac ku yimid Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa si dadban laba wajiilenimo ugu eedeeyey Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, oo uu sheegay in wixii ay ku diideen shirkii Dhuusamareeb 3, ay hadda Muqdisho joogaan ayaga oo aan helin. “Saaxiibadii naga maqnaa shirkii Dhuusamareeb-3, waad ogtihiin inay nooga maqnaayeen iyadoon Ra’iisul Wasaare la magacaabin meelna tagi meyno, laakiin hada Ra’iisul Wasaare lama magacaabin saaxiibadeena waa yimaadeene, ma waxay diidanaayeen Dhuusamareeb? mise waxay qiran la’yihiin inay ilduufeen?,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay inay aaminsanyihiin in dalku xukuumadda ugu baahanyahay “Waliba waxaan leenahay deg deg haloo soo saaro, in la dhiso xukuumad ayaan sugeynaa lagamana maarmo,” ayuu yiri. Qoor Qoor ayaa sidoo kale sheegay in sababta ay hada Muqdisho u yimaadeen ay tahay dhameystirka heshiiskii lagu gaaray shirkii Dhuusamareeb-3, kaas oo uu tilmaamay inay ka soo baxeen go’aamo dhaxalgal ah. “Waxaad ogtihiin in gogoshii Dhuusamareeb-3 ay ku dhamaatay go’aamo dhaxalgal ah, fakar kasta oo la kala qabayna la isu tanaasulay, doorasho xalaal ah oo aan dhinac jirin inay kasoo baxday, waxaan sidoo kale halkaas ku caddeynay in walaalihii ka maqnaa ama walaal kasta oo talo haya inay taladiisu u furan tahay,” ayuu yiri. Madaxweyne Qoor Qoor oo hadalkan jeediyey intii aysan ka soo bixin Baydhaba oo ay shir gaar ah ku yeesheen isaga iyo madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle ayaa sheegay inay u socdaan oo dhageysan doonaan aragtida madaxdii ka maqneyd shirkii Dhuusamareeb. Waxa uu sheegay in mar kasta lagu xanto inay aad ugu dhawyihiin madaxda dowladda federaalka, balse ay ku faanayaan “wax-fiicana ay u arkaan Soomaali is ogol.” “Anaga waxaa nala yiraahdaa dowladda ayey wadashaqeyn dhow la leeyihiin, waan ku faaneynaa in Soomaali wadashaqeyn leedahay, waxaan ku faraxsanahay inaan cid walba u dhownahay isna fahansan nahay,” ayuu yiri Qoor Qoor. Hoos ka Daawo The post Daawo: Qoor Qoor oo 'laba wajiilenimo ku eedeeyey' Axmed Madoobe iyo Deni first appeared on Caasimada Online.
-
Surgeons also recovered coins, 39 nails, clippers and a lighter Source: Hiiraan Online
-
Madaxweyne Ku-Xigenynka Kiinya, Mr. William Ruto ayaa u sheegay beeralayda iyo ganacsatada qaadka Kiinya ‘’Miirowga’’ in ay sugaan waqti dheer ka hor inta aysan dib u furmin suuqyadoodii Somaliya, ilaa doorashada Somalia ka soo idlaanayso 2021-ka. Madaxweyne Ku-Xigeenka, oo la hadlaya TVga Weru ee Kiinya laga leeyahay ayaa sheegay in wadahadaladii kala dhexeeyey dalka Soomaaliya ee ku aaddanaa dib-u-furidda suuqa qaadka miirowga uu dib-u-dhac ku yimi ilaa iminkana ku soo dhamaaday guuldarro iyo Isfaham-waa, waqti ay iminka madaxda Soomaaliya ku mashquulsan yihiin doorashooyin. Wuxuu raaciyey in ay Soomaaliya ay dalkeeda ka mamnuucday qaadka miirowga, si gorgortan looga galo muranka badda, isla markaana ku booriyey beeraleyda qaadka in ay u weeciyaan dadaalkooda beerida dalagyo kale si ay uga gaashaantaan dharbaaxada uga timid suuqa Soomaaliya. Waxaase la yaab lahayd in Madaxweyne Ku-Xigeenku hadalkiisa uu ku soo gabagabeeyo in wada-hadallada ku aadan ganacsiga qaadka ee ay la galayaan Soomaaliya dib u bilaabi doonaan kadib marki ay dhacdo doorashooyinka Soomaaliya 2021ka. Hadalkaas oo lagu fasiray in wada-hadaladaas lala sugayo inta uu Farmaajo kursiga ka baneeynayo waaba haddii ay dhacdo, taas oo ka dhigan in ay Kiinya taageeradeeda isugu gayn doonto musharraxiinta kale ee la tartamaya Farmaajo 2021ka. Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu xirtay shan shuruudood ka hor qaadista xayiraadda saaran soo dejinta qaadka miirowga oo ay ka mid ahaayeen in; Kiinya ay ula dhaqanto Soomaaliya si lamid ah sida Soomaaliya ula dhaqanto Kiinya, isla markaana ka waantowdo faragelinta arrimaha gudaha ee Soomaaliya, raali-gelinna ka bixiso ku xadgudubka hawada Soomaaliya, una oggolaato dalkeeda badeecadaha ka yimaada Soomaaliya oo ay ku jiraan kalluunka, bariiska, sonkorta, malabka, hilibka iyo caanaha. Ugu dambayn, Soomaaliya ayaa ku xirtay Kiinya in ay joojiso leexashada duulimaadyada ka imaanaya Soomaaliya ay ku leexinayso Wajeer si baaris dheeraad ah loo mariyo. Kiinya waxay suuqyada Soomaaliya ee qaadka miirowga ka heshaa adduun ku dhow USD 154 malyan sanadkii. Kiinya horey ayey u sheegeen in ay gacanta ku hayaan 93 xildhibaan oo ka mid ah xildhibaannada Dawladda Federaalka iminka jooga ayna awood u leeyihiin in ay qalqaaliyaan qabashada cod kalsooni kala noqosho ah oo ka dhan ah Madaxenaha qaranka, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo haddii uusan tagin miiska wada-hadallada ee Kiinya. Hadalkaa waxa ay Kiinya u soo marisey Soomaaliya David Matsanga, guddoomiyaha madasha Pan-Africa ee u dhashay dalka Uganda fadhigiisuna yahay Nairobi. David Matsanga waxa uu u ololeeyey in dacwadda badda ee ka dhex alloosan Soomaaliya iyo Kiinya uusan marna goobjoog ka ahaanin guddoomiyaha maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda oo dhalashadiisu tahay Soomaali. Shaki kuma jiro in xildhibaanno iyo siyaasiyiin badan oo Soomaali ah ay gacan-saar la leeyihiin Kiinya si ay u gaaran damacooda gaarka ah oo ay inta badan ka hormariyaan danta qaranka. Waxaa sidoo kale ganacsiyo waawayn ku leh dalka Kiinya Soomaali badan oo saameen ku leh siyaasadda Soomaaliya kuwaas oo aan marnaba doonayn in laga hadlo gardarrada Kiinya ku hayso Soomaaliya iyo dadkeeda. Waxa ay dadaal badan ku bixiyaan sidi waanwaan aan maslaxad u lahayn Soomaaliya looga gali ahaa ummuuraha cakiran oo ay ugu horreeyaan arrinta badda, soohdimaha iyo ganacsiga qaadka. Kiinya waxa ay hore ugu guulaysatay dhawr jeer in ay dib u dhigto dacwada badda, waxaana ballantii ugu danbaysana loo qabtay March 2021-ka oo ku beegan xilliga la filayo in ay soo gebageboobaan doorashooyinka dalka, Kiinya iyo xulafadeeda Soomaaliyeedna ku raja wayn yihiin in uu isbeddel dhici doono Farmaajana xilka bannayn doono. Hadalkii shalay ka soo yeeray Madaxweyne Ku-Xigeenka iyo dib u dhigista joogtada ah ee dacwada badda waxa ay marqaati cad u tahay in Kiinya dhibsatay waxtarka Farmaajo uuna ka hor-taagan yahay damaca gurracan ee ay dawladda Kiinya ka leedahay dalka Soomaaliya. Damaca Kiinya intaa waa uu ka sii fogyahay; oo qoraa Kiinyaati ah ayaa hada ka hor daaha ka qaaday istiraatiijiyadda Geeska Afrika ee sanadka 2036-ka, istiraatiijiyaddaa oo ah mid dhinacyo badan taabanaysa ayaa ku jirta in dhulka Soomaalida lagu kala daro Itoobiya iyo Kiinya si dadkeeda iyo khayraadkeedaba loo qaybsado. Waxaa xusid mudan in Kiinya ay dabada ka riixayso in Alshabab lagu daro liiska argagaxisada adduuka sida ku cad qaraarka lambarkiisu yahay 1267, laakiin Golaha Amaanka ayaa iska diiday codsigaa, kadib markii hay’adaha samafalka ee ka howlgala Soomaaliya ay muujiyeen walaac ku saabsan gaarsiinta gargaarka bini’aadanimo ee Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale u aragtaa tallaabadaa mid cunaqabateyn iyo xayiraad ku kordhinaysa Soomaaliya sidaa darteedna ay ka hor-timid soo jeedintaa fashilantay. Kiinya horey ayay walaac uga muujisay shaqaale badan oo shaqadooda waaway kadib markii ay safaarado badan, hay’adaha UN-ka iyo kuwa kale ee caalamiga ah ay hoos u dhigeen joogitaankooda Nairobi, taa badalkeedana xafiisyo ka furteen Muqdisho. Tallaabadan ayaa saameyn ku yeelatay dhaqaalaha Kenya. Tan iyo intii uu xukunka Soomaaliya qabtay Madaxweyne Farmaajo billowgii 2017-ka, waxaa xaqiiq ah in uu wax wayn ka baddalay siyaasadda dibedda Soomaaliya, haybaddeedii iyo sharaftii Soomaaliyana dib u soo celiyey. Waxaa ugu wayn damaca Farmaajo hor-taagan yahay faragalinta Kiinya ku hayso maamulka Jubaland iyo taageeradooda horjooge Axmed Madoobe oo ah fuliyaha danaha Kiinya ee Soomaaliya. Axmed Madoobe wuxuu markii seddexaad si sharci darro ah isugu doortay Kismaayo Madaxweynaha Jubaland asaga oo dulmi iyo gummaad ku haya shacabka Jubaland gaar ahaan shacabka gobolka Gedo garabna ku siiyay Kiinya in ay gabood fallo ka gaysato gobolkaa. Gebogebadii, waxaan ku boorinayaa in mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya muddo kordhin u sameeyaan Farmaajo inta uu kiiska badda dhinac u dhacayo guulna laga gaarayo Jubaland-na gacanta Soomaaliya dib loogu soo celinayo. Waxaana rajaynayaa in Farmaajo dib u soo laabto muddo xileed kale ama uu yimaado Madaxweyne la feker ah Farmaajo si Soomaaliya ay gaashaanka ugu dhigto damaca shisheeye. Nasrudin Mohamed Ahmed – Waxaad kala xiriiri kartaa Email: ahmedfiqi2018@gmail.com The post Hadalkii William Ruto iyo damaca cusub ee KENYA first appeared on Caasimada Online.
-
On to Game 7: Raptors survive Celtics in double-OT thriller
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
LAKE BUENA VISTA, Fla. (AP) — The Toronto Raptors faced a sizable early deficit. They trailed in the fourth quarter. And again in the first overtime. And again in the second overtime. Source: Hiiraan Online -
Al-shabaab ayaa sheegtay in ay dib ula wareegeen Degaanka Jannaa-cabdalle oo qiyaastii 60KM dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Jubaland. Ciidamada Daraawiishta Jubaland oo ay weheliyaan Kumaandooska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmo ka hor Al-shabaab ka saaray Degaanka Jannaa-cabdalle oo ku yaalla goob istiraatiiji ah. Warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegtay in Ciidamada Jubaland iyo Kumaandooska DANAB ay iskood isaga baxeen Degaanka Jannaa-cabdalle islamarkaana Al-shabaab dib ula wareegtay. Dhinaca kale Taliska Ciidamada Jubaland iyo Kumaandooska DANAB ayaan weli ka hadlin sheegashada Al-shabaab ee ku aaddan in ay dib ula wareegeen Jannaa-cabdalle. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegtay in ay dib ula wareegeen Jannaa-cabdalle appeared first on Puntland Post.
-
The UN humanitarian agency said on Wednesday that shortage of funding continues to hamper life-saving response to the ongoing floods in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Mohamed Shukri-Hassan previously worked with TIRRC and Metro Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay magaalada Muqdisho ka furtay shir ku saabsan qorshe cusub oo lagu hir-galinayo istiraatiijiyada qaran ee la dagaalanka musuq-maasuqa iyo sidoo kale dib ugu biirista heshiiska caalamiga ah ee la dagaalanka musuqa. Shirkaasi oo uu daah-furay sii-hayaha wasiirka cadaalada, Xasan Xuseen Xaaji ayaa waxa uu socon doona muddo labo cisho ah, kaasi oo diirada lagu saari doono dagaalka ka dhanka ah musuq-maasuqa. Waxaana ka qeyb-galaya xubno ka socda maamulada dalka, wasaarada maaliyada, xafiiska hanti dhowrka guud ee qaranka, Bankiga dhexe, xafiiska xeer ilaalinta iyo Booliska, kuwaasi oo qeyb ka ah howl-galka la dagalaanka musuqa. Xasan Xuseen Xaaji, sii-hayaha wasiirka cadaaladda dalka oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddu ay xooga saareyso shuruucda lagu maamulayo arrimaha cadaalada iyo la dagaalanka wax isdaba-marinta. Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in wasaaraddu ay dadaal badan gelisay sidii dib loogu soo celin lahaa xiriiradii caalamiga ahaa ee la dagaalanka musuq-maasuqa. Golaha wasiirada ayaa hore u meel-mariyey istaraatiijiyada qaran ee la dagaalanka musuq-maasuqa ee saddexda sanno ee soo socota (2020-2023), iyada oo muddooyinkii u dambeeyay ay sii kordhayeen kiisaska musuqa ee lala xiriiriyey mas’uuliyiinta dowladda. The post Muxuu yahay qorshaha ay DF Soomaaliya Muqdisho ka billowday shalay ee cusub? first appeared on Caasimada Online.
-
Hal qoys oo ku dhawaad hal qarni heysta Bollywoodka Hindiya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Hal qoys oo ku dhawaad hal qarni heysta Bollywoodka Hindiya Muddo ku dhow hal qarni, magaca abtirka uu galo ee Kapoor waxa uu madadaaliyaa malaayiin qof oo ka mid ah dadka daawada filimada Hindiya ee ay sameyso shirkadda Bollywood-ka. Jilayaal magacaas ku abtirsada oo hal qoys kasoo wada jeeda ayaa sanad walba heerka ugu sarreeya uga jira sameynta filimada. In kastoo xubno badan oo ka mid ah qabiilkan ay noqdeen atooreyaal, atariishooyin, filimhageyaal, filim soo saareyaal iyo xitaa farsamayaqaannada dhinaca stuudiyaha, haddana waxaa jira shakhsiyaad gaar ah oo magacyadooda aysan waligood ka hari doonin taariikhda Bollywood-ka. Prithviraj Kapoor Qoyskan waxay sheekada jilistooda kasoo billaabaneysaa 1928-kii, markaasoo Prithviraj Kapoor uu kasoo muuqday filimkiisii ugu horreeyay. Xilligaas waxaa la sameyn jiray filimada aamusnaanta, laakiin magaciisu ma aamusneyn, si weyn ayuuna ugu soo caan baxay xirfaddiisa. Filimkii ugu horreeyay ee Prithviraj Kapoor laga daawado waxaa lagu magacaabaa Do Dhari Talwar. Kaddib markii uu horumarin ku sameeyay hab jilitaankiisa, wuxuu kasoo muuqday filimkii ugu horreeyay ee Hindiya ee lagu hadlo. Wuxuu ahaa filimkii Alam Ara, oo soo baxay sanadkii 1931-kii. Wuxuu jilay in ka badan 40 filim. Sanadkii 1944-kiina wuxuu aasaasay masraxa Prithvi, oo uu isaga si gaar ah u lahaa. Aabaalmarinnadii uu ku guuleystay waxaa ka mid ah tan lagu magacaabo Dadasaheb Phalke, oo ah billadda ugu sharafta badan dalka Hindiya. Raj Kapoor Raj Kapoor waxaa lagu tilmaamaa inuu ahaa ninka guulaha ugu badan ka gaadhay saddexdii wiil ee uu dhalay Prithviraj, kuwaasoo dhammaantood noqday atooreyaal. Kaddib markii uu guushiisii ugu weyneyd ee dhinaca jilista gaadhay, wuxuu raacay raadkii aabbihiis, wuxuuna aasaasay shirkadda RK Films. Intii u dhaxeysay 1950-meeyadii ilaa 1960-meeyadii ayuu ku raaxeystay xifraddiisa jilitaanka, mar uu atoore ahaa iyo mar uu filim soo saare ahaaba. Filimadiisii ugu caansanaa waxaa ka mid ah: Awaara, Barsaat, Shree 420 iyo Mera Naam Joker. Wuxuu dhashay 14 December 1924, wuxuuna dhintay 2 June 1988, Rishi Kapoor Rishi Kapoor wuxuu ahaa nin xirfaddiisa qoob ka ciyaarka ay sarreyso Rishi, oo ah wiilkii ugu yaraa ee uu dhalay Raj Kapoor, wuxuu isagoo carruur ah kasoo muuqday filim uu jilayay aabbihiis. Laakiin markii uu gaadhay da’da 20 sano ayuu la wareegay jilistii filimada Bollywopodka, wuxuuna ka mid noqday atooreyaashii ugu caansanaa ee abid soo maray Hindiya. Muddo tobannaan sano ah ayuu hormuud u ahaa jilayaasha Hindiya. Markii ay da’da ka daba timid wuxuu u wareegay doorka caawinta atooreyaasha ee jilista. Bishii April ee sanadkii 2019-kii ayuu geeriyooday kaddib markii uu 2 sano la xanuunsanayay cudurka kansarka. Karisma iyo Kareena Kapoor Karisma, oo hoggaamineysay jiilkii afaraad ee reer Kapoor, waxay ahayd haweeneydii ugu horreysay ee xubin ka ah qoyskan ee jilitaan sameysa. Waxay shaleemooyinka qabsatay sannadihii 1990-meeyadii iyo horaantii 2000. Filimkii Raja Hindustani ayuu ahaa kii ay guusha ugu weyn kusoo hoyisay, kuna hanatay abaalmarinta Filmfare-ka ee atariishada ugu fiican. Walaasheed ka yar, Kareena, ayaa 10 sano kaddib billowgii Karisma soo gashay xirfadda jilitaanka, iyadoo kasoo muuqatay filim dagaal ah oo lagu magacaabo Refugee. Gabdhaha uu awowga u ahaa Raj Kapoor wali way ku dhex jiraan jilista filimada, waxayna magacyadooda ka mid yihiin kuwa ugu caansan ee atariishooyinka. Ranbir Kapoor Ranbir, oo ah wiilka uu dhalay Rishi, wuxuu isagoo dhowr iyo 30 jir ah soo caan baxay sanadkii 2009-kii, markaasoo uu jilay saddex filim oo dhammaantood wada guuleystay, iskuna xigay. Tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyay, xiddigan reer Kapoor sare unbuu usii socday. Wuxuu aruursaday amaalmarinno badan oo uu ku muteystay atooraha ugu wanaagsan. Wuxuu kasoo muuqday filimka Sanju, oo ka mid ah filimada lacagta ugu badan kasoo xareeyay taariikhda Bollywood-ka. Hadda waa mid ka mid ah atooreyaasha lacagta ugu badan ku qaata jilitaanka, wuxuuna heystaa adduun lacageed oo gaadhaya US$43.6 million, oo uu ku helay 10 sano kaliya gudahood. Qaran News -
Qarax ismiidaamina oo ruxay Madaxtooyada Somalia+Khsaraaha Dhimasho & Dhaawac Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan Khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay makhaayada Blue Sky oo ku taalla meel ku dhow Kontrol laga ilaaliyo Madaxtooyada Somalia una dhexeysa tiyaatarka iyo xabsiga Godka Jilacow. Nin naftiisa soo biimeeyey oo isku soo xidhay waxyaabaha qarxa ayaa dhex galay ka dibna isku qarxiyey makhaayada oo xiligaas ay fadhiyeen dad shacab u badan oo galabtii halkaas ku shaaha. Meydadka dad shacab ah oo la garan waayey ayaa la sheegay iney yaalaan goobta, iyadoo dad badan oo dhaawac ahna loo qaaday goobaha Caafimaadka sidoo kale burbur badan ayuu geystay qaraxaas. Ugu yaraan saddex qof ayaa illaa hadda la xaqiijiyey iney ku dhinteen qaraxan marka laga reebo qofka isqarxiyey halka 7 kale ay ku dhaawacmeen sida uu sheegay afhayeenka wasaarada warfaafinta xukuumada Farmaajo. Ma jirto illaa hadda cid sheegatay qaraxan, Al-shabaabna weli kamay hadal. Qaran News
-
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta ayaa Arbacadii soo saaray amar loogu sheegay dhammaan hoteellada magaalada Abu Dhabi inay diyaariyaan cunto waafaqsan diinta iyo sharciyada Yahuudda, si ay uga helaan dadka Yahuudda ee usoo dalxiis tagaya magaalada, waxaa sidaas werisay wakaaladda wararka ee Anadolu. “Dhammaan hoteellada waxaa lagu wargelinayaa in ikhtiyaarka cuntada Kosher-ka ay ku daraan cunooyinkooda,” waxaa sidaas lagu yiri warqad hoteellada loo diray. Dhammaan hoteellada Abu Dhabi – oo gaaraya 160 – ayaa waxaa laga doonayaa inay helan shahaadada Kosher, taasi oo caddeyneysa in cuntada lagu diyaariyey si waafaqsan sharciga iyo diinta Yahuudda, kuna dhejiyaan kushiinadooda. Madaxa Golaha Yahuudda ee Imaaraadka Carabta, Ross Krill ayaa soo dhoweeyey go’aanka Abu Dhabi, wuxuuna ku qeexay tallaabo “cajiib ah oo muujineysa soo dhoweyn iyo marti-soor,” sida uu kasoo xigtay wargeyska Times of Israel. 13-kii August madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay heshiis nabadeed oo dhex maray Israel iyo Imaaraadka Carabta, kaasi oo ay fududeysay Washington. Abu Dhabi ayaa sheegtay in heshiiska uu ahaa dadaal lagu joojinayo goosashada Tel Aviv ee qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ee la haysto, hase yeeshe dadka dhaliila heshiiska ayaa rumeysan in xiriir dhex mara labada dhinac laga soo shaqeynayo muddo sanado ah Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa sidoo kale kadib heshiiska sheegay in goosashada Israel ee Daanta Galbeed aysan weli meesha ka bixin balse dib un loo dhigay. The post Imaaraadka Carabta oo soo rogay amar yaab leh oo loogu daneynayo dadka Yahuuda first appeared on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa maalin-nimadii Isniintii daabacay warbixin dheer oo uu ka diyaariyay xiriirka curdinka ah ee Somaliland iyo Taiwan, iyo weliba walaaca xoogan ee uu ka qabo Shiinaha. Wargeyska oo ugu horeyntii ku dheeraaday marxaladaha kala duwan ee xiriirkaasi uu soo maray, ayaa haddana waxa uu toosh ku ifiyey qorshe cusub oo dowladda Shiinuhu ay ugu cago-jugleynayso Somaliland. Wuxuuna sheegay in xukuumadda Beijing ay doonayso inay dhoolatus millateri ka sameeyo xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa waqooyi ee Somaliland, iyada oo soo dhex maraysa dowladda Soomaaliya oo iyaduna ka hortimid xiriirkaasi. “Sida uu sheegay khabiir amni oo ka shaqeeya Geeska Afrika oo aan doonayn in magaciisa la sheeego fal-cellinta cadhada leh ee Shiinaha iyo Sooamaliya aad ayay uga ballaadhan tahay qoraallada cadhada ah ee ay soo saareen. Iyada oo iskaashiga ka dhexeeya Taiwan iyo Somaliland uu kor u socday bilihii u danbeeyey, Shiinuhu wuxuu soo bandhigay inuu Soomaaliya ula sameeyo si wada jir ah ilaalin ciidamada badda ah, sida uu sheegay [khabiirku],” ayaa lagu yiri warbixinta wargeyska. Wargeyska oo soo xiganaya Khabiir aan magaciisa la shaacin, ayaa waxa uu sheegay in howl-galka ilaalinta ee Shiinuhu qeybta ka yahay uu si buuxda uga adeegsan karo daan-daansi nooc cusub ah oo uu ku cadaadinayo Somaliland. “Shiiinuhu inta uu tegay Muqdisho ayuu yiri waa sidee xaalka ilaalinta aad ku samaysaan baddiina dhinaca woqooyi? Aannu idinka caawinno inaad sidaas samaysaan. Waa arrin si buuxda loogu adeegsan karo gor-gortan isla-markaana ah xirfad daan-daansi ah inuu maraakiibtooda ka keenno Jabuuti,” ayuu yiri Khabiirka uu soo xiganayo wargeysku. Khabiirkaasi ayaa sidoo kale sheegay in suurta-gal tahay in daan-daansiga ay maraakiibta Shiinaha ka wadaan xeebaha Somaliland ay sababi karto in maraakiib millateri oo uu Mareykanku leeyahay ay tagaan dekedda Berbera. Mareykanka ayaa hore usoo dhaweeyay xiriirka Somaliland iyo Taiwan, xili ay xiisad kala dhaxeyso Shiinaha, waana sababta u weyn ee xiligan loolan cusub oo dhoolatus ka abuuri karta xeebaha Somaliland. Xiriirka cusub ee Somaliland iyo Taiwan ayaa abuuray xiisad xoogan, iyada oo gaashanka u daruuren labada maamul cadaadisyada uga imaanaya dowladdaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo iyagu isku baaheystay wiiqista heshiiskaasi. The post Khabiir shaaciyey tallaabo ka dhan ah Somaliland oo uu Shiinaha damacsan yahay first appeared on Caasimada Online.
-
Islamabad (Caasimadda Online) – Maxkamad ku taalla magaalada Lahore ee dalka Pakistan ayaa waxaa lagu maxkamadeeyay nin kirishtan ah oo lagu eedeeyay inuu u gefay Nabi Muxamed (N.N.K.H). Asif Pervaiz oo ka shaqeynayay warshad dharka lagu sameeyo ayaa dil toogasho lagu xukumay kadib markii uu soo dacweeyay maamulaha shirkadiisa. Asif 37-jir ah waxaa lagu eedeeyay inuu fariin qoraaleed ku aflagaadeeyay Nabi Muxamed (N.N.K.H). Kiiskaan, oo soo billowday 2013 wuxuu soo taxnaa muddo 7-sano ah, qareenkiisa ayaana warbaahinta u sheegay iney racfaan qaadan doonaan, walow aan la ogeyn wakhtiga ay qaadan doonaan. Ninka la xukumay wuxuu ku andacooday in maamulahiisa Muhammad Saeed Khokher uu ku qasbay qaadashada diinta Islaamka, balse qareenka maamulaha wuu iska beeniyay arrintaas. Garsoorayaasha waxey ku xukumeen inuu qaadan doono 3-sano oo xarig ah ka hor inta aan la daldalin, waxaana sidoo kale la duldhigay lacag dhan 300$ (Saddex boqol doolar). Muhammad Saeed Khokher, oo maxkamad ka hor hadlay ayaa beeniyey inuu doonayey inuu Asif ku qasbo qaadashada diinta Islaamka. “Wuxuu isku difaacayaa arrintan kadib markii uu xaqiiqdii waayey difaac kale,” ayuu yiri Muhammad Saeed Khokher. Dalka Pakistan ayaa waxaa xeer adag uga yaalla aflagaadada diinta iyo Nabiga NNKH, waxaana qofkii lagu helaa uu muteystaa dil toogasho. Qiyaastii 80 qof ayaa hadda ku jira xabsiyada Pakistan, kuwaas oo ku eedeysan aflgaadada diinta. The post Nin u gefay Nabiga NNKH oo dil toogasho lagu xukumay first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ayaa si dadban uga jawaabtay qoraal xalay kasoo baxay Mareykanka, kaasi oo ku saabsana dib u habeyn lagu sameeyo waaxda amniga Soomaaliya. Qoraalka kasoo baxay safaaradda Mareykanka ayaa lagu yiri “Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay taageereysaa dib u habeyn lagu sameeyo waaxda amniga taasi oo mustaqbal ifaya u hogaamin doonta Soomaaliya iyo dhammaan Soomaalida. Musuq-maasuqa iyo qaraabo kiilka waxay dib u dhigaan horumarka isbedellada, waxay waxyeeleeyaan amniga shacabka Soomaaliya, waxayna xoojiyaan cadowga Soomaaliya.” La-taliyaha amaanka qaranka Madaxweyne Farmaajo, Cabdi Saciid Cali ayaa sheegay inay muhiim tahay in dib u habeynta waaxda amniga loo daba fadhiisto hay’addaha dowladda, xili ay si weyn u daneynayaan dalal shisheeye oo dowladda gacan ka siiya amniga. Cabdi Saciid ayaa u muuqda mid ka gows adeygaya fara-gelin shisheeye oo gacan weyn ku yeelata dib u habeynta amniga, iyada oo muddooyinkii dambe ay soo baxeysay habacsanaan balaadhan oo dhanka ammaanka ah. La-taliyaha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka waxa uu ku sheegay in saaxiibada beesha caalamku ay qeyb weyn ka qaateen horu u socoshada dalka, balse ay tahay in laga talo-geliyo hay’addaha dowladda, isla markaana ay kaalin mug leh ka qaatan dejinta iyo hirgelinta dib u habeyntaasi. “Waxaan ka mahadcelinayaa taageeradda joogtada ah ee saaxiibadda beesha caalamka, oo aan rumeysanahay inay kaalin ka qaadaynaysa horey u socoshada” ayuu ku yiri qoraalkiisa. Wuxuuna intaas kusii daray: “Hay’adaha Soomaaliya waa in laga talo-geliyaa, si muuqatana ugu lug lahaadaan dejinta iyo hirgelinta dib u habeynta amniga”. Hadalka Cabdi Saciid ayaa kusoo aadaya xili ay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ay sheegtay inay taageereyso dib u habeyn lagu sameeyo waaxda amniga Soomaaliya, taasi oo ay sheegtay inay mustaqbal ifaya u hogaamin doonto Soomaaliya iyo bulshada Soomaalida. Cabdi Saciid marna ma soo hadal qaadin arrinta musuq-maasuqa iyo qaraabo kiilka ee ay ka dhawaajisay safaarada Mareykanka oo ay sheegtay inay dhaawac weyn u geysanayaan horumarka Isbedellada ee Soomaaliya. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in qoraalka Mareykanka uu la xiriiro shaqo ka joojin uu taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneral Odowaa Yuusuf Raage uu ku sameeyey taliyaha ciidamada Danab ee Soomaaliya Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik, taasi oo Mareykanka uu ka xumaaday. Ma cadda sababta shaqada looga joojiyey taliye Ismaaciil, hase yeeshee dhawaanahaanba taliska xoogga dalka ayaa sameeyay is-badallo u muuqda in meesha looga saarayey dhalinyarada joogo hoggaanada Ciidamada xoogga dalka “ee aan la isku hubin”, xilli lagu jiro marxalad kala guur ah. Gaashaanle Ismaaciil ayaa sidoo kale lagu tirinayaa inuu si aad ah ugu dhowaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo ay isku beel yihiin, inkasta oo la sheegay in taliyaha uusan wax qabyaalad iyo xulufeysi shaqo ku lahayn oo uu shaqadiisa un ku eg yahay. Mareykanka ayaa la rumeysan yahay inuu ka xumaaday shaqo joojinta Gaashaanle Ismaaciil, oo dalka Mareykanka wax kusoo bartay, sidoo kalena shaqo wanaagsan ka qabtay hoggaanka ciidamada Danab. Dowladda federaalka ayaa dhowr jeer oo hore si adag uga digtay faro-gelinta dalalka kaalmaha siiya Soomaaliya, oo muddooyinkii dambe rabay inay galaangal xoogan ku yeeshan arrimaha dalka. The post Dowladda Soomaaliya oo jawaab ka bixisay qoraalkii safaaradda Mareykanka first appeared on Caasimada Online.
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Qubnaha-Shabelle-09092020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maaxmed Cabdi Waare ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynayasha Jubbaland iyo Puntland, xilli uu maanta hadal ka jeedinayey magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, insta aysan ka soo bixin. Madaxweyne Waare ayaa sheegay in beelaha Mogadishu Clan ay haatan dowladnimada Soomaaliya ku metelaan isaga iyo madaxweyne Qoor Qoor, balse aan lasiin mansabkii iyo tala soo jeedintii ay la haayeen. Sidoo kale Waare waxa uu sheegay in Saciid Deni iyo Axmed Madoobe intii ay ku sugnaayeen Muqdisho in la weydiiyay su’aalo badan oo aysan waxba ka khuseyn, sida doorashada, ra’iisul wasaaraha, amniga iyo nadaafada Muqdisho, intaas oo sida uu sheegay aysan iyaga waxba ka gelin. “Hal su’aal oo ay wax ka galeen in la weydiiyana ay ku habooneyd lama weydiin nimankaas, hadii ay u warsan lahaayeen hab degaan, hab magaalo ama hab qabiil oo ay dhihi lahaayeen war 13-ka kursi ee aad madaxa uga taagantihiin ka kaca, waxbey ahaan laheyd, laakiin lama weydiin,” ayuu yiri madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare. Madaxweyne Waare ayaa sheegay inay jiraan arrimo badan oo kallifay in shirkii Dhuusamareeb laga tago Madaxweynayaasha Jubbland iyo Puntland, oo xiligaas si weyn uga hor-yimid ka qeyb-galka shirkaasi. Wuxuuna Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ku sifeeyay shaqsiyaad aan rabin in xal rasmi ah laga gaaro muranka baahsan ee arrimaha doorashooyinka, oo muddooyinkii dambe abuuray jahwareer siyaasadeed. Sidoo kale waxa uu ku dhaleeceyay qaabkii ay u qaadaceen go’aamaddii kasoo baxay shirkii ay ka maqnaayeen ee Dhuusamareeb, xili uu sheegay inay ka madax adeygeen isku day kasta oo ay sameeyen xubnihii ku sugnaa shirkaasi. Waxa uu sheegay intii ay ku sugnaayeen Dhuusamareeb inay geed dheer iyo geed gaabanba u fuuleen inay gogoshaas keenaan labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland, balse ay u suurta geli weysay, intaas kadibna ay qaateen go’aankii lagu soo saaray war-murtiyeedka. “Saaxiibadey markii ay yimaadeen, iyagoo intaasi dhacday, nama dhihin dhibkaasaa nagu dhacay iyo waxaasaa naga haleysnaa, laakiin kama aanaa sugeyn awelba meelahey iska taagnaayeen anagaa tii hore geynay, hadana ka maqneyn” ayuu yiri Waare. The post Daawo: Madaxweyne Waare oo weerar culus ku qaaday Axmed Madoobe iyo Deni first appeared on Caasimada Online.
