Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa ka socda qaban-qaabadii ugu dambeysay ee shirka wada-tashiga madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, kaas oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka. Dhammaan shanta Madaxweyne dowlad goboleed ee Jubbaland, Puntland, HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa ku sugan gudaha caasimadda, waxaana haatan socda shirar gaar gaar ah oo ay la leeyiin madaxda dowladda dhexe. Shirka ayaa waxaa la filayey inuu furmo maanta oo ay ku beegan tahay 10-ka September, balse uu dib u dhacay, sababo la xiriira khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamullada dalka, gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland. Sidoo kale waxaa socda dadaallo xoogan oo la’isugu soo dhoweynayo dhinacyadaasi, si xal mideysan looga gaaro arrimaha doorashada ee 2020/21. Wararka qaar ayaa sheegaya in shirka wada-tashiga Muqdisho uu si rasmi ah u furmi doono maalinta Sabtida ah ee soo socota, waxaana diirada lagu saari doonaa marxaladda kala guurka ah ee loogu jiro iyo doorashooyinka soo socda. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeyey, iyadoo inta badan la xiray waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho. Shirweynahan ayaa daba socda shirkii Dhuusamareeb 3, kaas oo lagu go’aamiyey nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa , si looga gaaro go’aan rasmi ah oo loo dhan yahay, maadaama shirkaasi ay maqnaayeen Axmed Madoobe iyo Siciid Deni. View the full article
  2. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/warka-Duhur-10092020-ok.mp3 View the full article
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Waxbarashada dowladda federaalka ee Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa boggiisa barta Facebook soo dhigay fariin uu ku bogaadinayo dhalinyaro soo qaaday hees aad looga hadal hayay baraha bulshada. Wasiirka ayaa sheegay in heestaas ay xikmaddo badan xambaarsan tahay isla markaasna ay dhallinyarada kusoo bandhigeen dareenka maskaxdooda ka guuxayo. “Waxaan dhageystay heestan xikmadda badan xambaarsan oo ay dhallintu hibadooda kusoo bandhigayaan iyo dareenka maskaxdooda ka guuxaya” ayuu wasiir Goodax Barre. Wasiirka ayaa sheegay in dhallinyarada ay laf dhabar u yihiin bulshada isagoo hadalkiisa kusii daray inay qeyb ka yihiin dib-u-dhiska dalka iyo horumarinta adeegyada bulshada “ Dhallinyaradu waa laf-dhabarta bulshada, waxay qeyb ka yihiin dib-u-dhiska dalka iyo horumarinta adeegyada bulshada. Waxaan u baahannahay in aan u jiheysanno dhanka wacyigelinta iyo dhiirragelinta ubadkeena.” Ayuu sii raaciyey. Heesta uu Wasiir Goodax Barre soo dhaweeyey ayaa waxaa miraheeda kamid ah ereyo dhallinyarada loogu baaqayo inay shahaadada iska tuuraan oo ay shaqeytaan. Heesta uu Wasiirka sida weyn usoo dhaweeyey ayaa kusoo aaday xilli ay imtixaanka Dugsiyada sare ee dalka ku dhaceen 8 kun oo Arday oo kamid ahaa 33 kun ee imtixaanka u fadhiistay. Halkaan hoose ka daawo heesta uu kasoo hadlay Wasiir Goodax Barre The post Wasiir Goodax Barre oo soo dhaweeyey heestii Sharma Boy first appeared on Caasimada Online.
  4. Imaaraadka Carabta oo ku soo rogay Hotelada Dalkiisa Amaawiir u daneynaya Dadka yuhuuda oo keliya Mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta ayaa Arbacadii soo saaray amar loogu sheegay dhammaan hoteellada magaalada Abu Dhabi inay diyaariyaan cunto waafaqsan diinta iyo sharciyada Yahuudda, si ay uga helaan dadka Yahuudda ee usoo dalxiis tagaya magaalada, waxaa sidaas werisay wakaaladda wararka ee Anadolu. “Dhammaan hoteellada waxaa lagu wargelinayaa in ikhtiyaarka cuntada Kosher-ka ay ku daraan cunooyinkooda,” waxaa sidaas lagu yiri warqad hoteellada loo diray. Dhammaan hoteellada Abu Dhabi – oo gaaraya 160 – ayaa waxaa laga doonayaa inay helan shahaadada Kosher, taasi oo caddeyneysa in cuntada lagu diyaariyey si waafaqsan sharciga iyo diinta Yahuudda, kuna dhejiyaan kushiinadooda. Madaxa Golaha Yahuudda ee Imaaraadka Carabta, Ross Krill ayaa soo dhoweeyey go’aanka Abu Dhabi, wuxuuna ku qeexay tallaabo “cajiib ah oo muujineysa soo dhoweyn iyo marti-soor,” sida uu kasoo xigtay wargeyska Times of Israel. 13-kii August madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay heshiis nabadeed oo dhex maray Israel iyo Imaaraadka Carabta, kaasi oo ay fududeysay Washington. Abu Dhabi ayaa sheegtay in heshiiska uu ahaa dadaal lagu joojinayo goosashada Tel Aviv ee qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ee la haysto, hase yeeshe dadka dhaliila heshiiska ayaa rumeysan in xiriir dhex mara labada dhinac laga soo shaqeynayo muddo sanado ah Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa sidoo kale kadib heshiiska sheegay in goosashada Israel ee Daanta Galbeed aysan weli meesha ka bixin balse dib un loo dhigay. Qaran News
  5. Turkiga wuxuu halis ku yahay amniga carabta Wasiirka arrimaha dibadda Masar, Saamix Shukri, wuxuu ku eedeeyay Turkiga in uu yahay khatarta ugu weyn ee ku soo fool leh midnimada carabta. Wuxuu sheegay in Turkiga uu wado ficilo iyo daandaasi ka dhan ah dalalka Carabta. Saamix Shukri ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu hadal u jeedinayay guddi wasiiro ah oo ka tirsan Jaamacadda Carabta oo ka doodayay faragelinta Turkiga ee waddamada Carabta, waxaana shirkaas guddoomineysay Wasiirka Masar. Wuxuu ku baaqay “In lagu dhawaaqo qaraar laga mideysan yahay oo looga hortagayo rajiimka Turkiga,” iyadoo iskaashi xooggan laga helayo dalalka Carabta. “Ammaanka dhulka carabta” Amiir Feysal Bin Farxaan, oo ah wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga ayaa shirka wasiirada arrimaha dibadda, ka sheegay in dalalka Carabta ay wajahayaan dhibaato culus oo ah dhanka amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshadaba. Wuxuu ku adkeystay “muhiimadda iyo baahida loo qabo ay tahay in sare loo qaado dadaallada iyo tallaabooyinka dalalka carabta.” Wasiirka arrimaha Dibadda Sucuudiga wuxuu sidoo sheegay in xukuumadda Riyaadh ay ka go’antahay xaqiijinta iyo ka shaqeynta danaha dalalka Carabta isla markaana aysan aqbali doonin tallaabo kasta oo halis ku ah amniga gobolka. Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax iyo madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan Wuxuu ka dhawaajiyay in dalkiisa uu taageerayo wadahadallada siyaasadeed ee lagu xallinayo qalalaasaha ka taagan dalalka Suuriya, Libya iyo Suudaan. “Waa in aan tallaabo adag ka qaadnaa dhammaan faragelinta shisheeye ee ka dhanka ah arrimaha daakhiliga ah ee dalalka Carabta, lagana hor imaado dalalka iyo bulshooyinka danaha gaarka ah wata.” Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al Sisi, ayaa horey u sheegay in ciidamada Masar ay geli doonaan Libya waa haddii xukuumadda Tripoli iyo Turkiga ay weeraro kale ku qaadan xeebta Jufra oo ku taalla magaalada Sirte, halkaas oo laga dhoofiyo shidaalka, waxaana halkaas gacanta ku haya ciidamada daacadda u ah Janaraal Khaliifa Haftar. Dhanka kale, madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan wuxuu dhalleeceeyay kaalinta Masar ee ku aadan xaaladda Libya, wuxuu ku tilmaamay in taageerada Masar ay siineyso Khaliifa Haftar ay tahay ‘tallaabo sharci darro ah”. Erdogan wuxuu horey u sheegay: “Xiriirka aan la leenahay Libya wuxuu soo jiray in ka badan 500 oo sano. Walaalaheen Libya meel cidlo ah ugama tegi doono.” Turkiga wuxuu taageeraa dowladda Libya ee Qaramada Midoobey ictiraafsan tahay, halka Masar iyo dowlado kale ay garab siinayaan Janaraalka loo maara waayay ee Khalifa Xaftar. Qaran News
  6. Maanta oo ay taariikhdu tahay 10-ka Sep 2020-ka, waxaa Shir isugu yimid Guddida wada-hadalka Xisbiyada Qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI oo ay kala hoggaaminayeen Madaxweyne Kuxigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Saylic, Eng Faysal Cali Waraabe, & Mudane Cabdiraxmaan Cirro.  Ujeedada Kulanka Xisbiyada Qaranka JSL waxa ay ahayd sii loo sii ambaqaadi lahaa howlaha dardargelinta ee Doorashada isku sidkan ee Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka ee dhawaan dhici doonta.  Saddexda Xisbi Qaran waxa ay saaka dood ka yeesheen sidii ay Xisbiyadu u soo wada saari lahaayeen Shuruudo isku mid ah (Criteria) oo lagu soo xuli doono Musharrixiinta Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka iyada oo la tixraacayo Xeerarka Doorashooyinka iyo Xeer-hoosaadyada Xisbiyada. ALLAA MAHAD LEH Source
  7. Madaxtooyada Soomaaliya waxaa ka muuqato iskudhexyaac la xiriira muddeynta shirka doorashada, iyada oo markii 2-aad ay beenowday ballanqaadka qabsoomidda shirka doorashada ee dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada. Mid ka mid ah shaqaalaha Villa Somalia ayaa horay labo jeer u daabacay inuu furmaya shir u dhaxeeya Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada tiiyo beenowday. Shirka ayaa lagu sheegay inuu dhacayo 2-badii bishan September iyada oo loo qoray sidan: Markii qoraalkaas hore beenoobey ayey maalmo kadib soo dhigeen waqti kale iyaga oo ku adkeystay inuu furmayo maanta oo khamiis ah, tiiyo mar kale been noqotay. Madaxda ilaa 5 dowlad goboleed ee kala ah Axmed Madoobe(Jubbanad), Cabdicasis Laftagareen(Koonfur Galbeed), Maxamed Waare(Hirshabelle), Axmed Qoorqoor(Galmudug) , Saciid Deni(Puntland) oo lagu daray duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa ku sugan caasimadda Muqdisho si ay uga qeyb galaan shir looga hadlayo sidii dalkan uga dhici laheyd doorasho dadban kadib markii maamulka Farmaajo uu ku guuldareystay doorasho qof iyo cod ah, waxaa kale oo lagu wadaa in Farmaajo laga saxiixo in aanu waqti kordhis sameyn oo sidoo kale lagu heshiiyo waqtiga doorashada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Galka’ayo ( PP news Desk ) — Elders in Xidhdhin in South Sool have denounced a failed security operation conducted by Puntland security forces to arrest a man accused of the killing the former Commander of Puntland Presidency Guards Colonel Osman Omar Mohamed in Galka’yo one month ago. A child suffered minor injuries after Puntland soldiers indiscriminately opened fire at houses in the hamlet. “We demand from Puntland State an apology and compensation for the family affected by the security operation” a spokesman for Xidhxidh elders said. One of Xidhxidh children whom Puntland soldiers wounded during the failed operation Puntland security forces were acting on unverified reports that the suspect had found a haven in Xidhxidh where his maternal relatives live. Other uncorroborated reports indicate the suspect fled into Ethiopia via Galdogob. Xidhxidh is not under the control of Puntland State. © Puntland Post, 2020 The post Puntland State Accused of Authorising Incursion into a Sool Village appeared first on Puntland Post.
  9. “Hannaanka Gurracan ee Loo Qoray Miisaanka Maansada Soomaaliyeed + Habkii Ay Ku Qummanayd In Lagu Bilaabo (Xeerarkii Gaarriye iyo Carraale” Jiiftadii waxa lagu xigsiiyay gabayga oo ah Miisaanka Carraale, tirooyin ayaa la socda keliya, lama caddayn inay yihiin alannada iyo shaqal-dheereyaasha, in labada qaybood yihiin hojis iyo hooris lama kala iftiimin. Keliya waxa la qoray Carraale iyo gabayga 7:5 waa soo sidnaa xeedhyihii saabka loo tolaye 6:2 Iyada oo shan tusaale oo aan hadal la socon laga qoray miisaanka Carraale ee gabayga ayaa loo gudbay soo-koobid ah shan nooc oo jiiftadu u dhisanto ahna aragtida Carraale. Waxa lagu xigsiiyay miisaanka gabayga iyo jiiftada ee Gaarriye, lama wada xusin xeerarkii uu dejiyay. Waxa la yara xusay xidhiidh ka dhexeeya dhawr ka mid ah badaha maansada oo Gaarriye qeexay, waana saddex badood oo qudha: mullaax, jiifto iyo haanta. Shaqal-qaab uu Gaarriye xundhurta u bixiyay ayaa la carrabbaabay oo jiiftada badhtankeeda gala, lama faahfaahin in uu muhiim u yahay dhismaha jiiftada oo aanu halkaas geli karin shaqal-dheere. Mararka qaarkood waxa la is dhex dhigayaa miisaanka Gaarriye ee Jiiftada iyo haanta. Labadan meeris ayaa la isku hoos qoray: Maansadu sad weeyee Haantii qabooy qoor yar Habka uu Gaarriye u miisaamay gabayga ayaad ugu tegaysaa bogagga 20, 21 iyo 26 Maxaa keenay in qoraal isku mid ah la soo celiyo? Halkii ay ahayd in la isku xigsiiyo godadka isku bahda ah sida: Guugguule, Mullaaxda (Dabahuwan), Jiifto, Haanta , Cawska, Gabayga iyo kuwa kale, kolba kii la doono ayaa la soo qaadanayaa.. Xitaa bareyaasha ayaa ku dawakhaya inay fahmaan xidhiidhka ka dhexeeya godadka maansada. Waxa aad bogga 23aad ugu tegaysaa Miisaanka Batarka, adiga oo 18-19, 20, 21 iyo 22 ku soo dhaafay Jiiftada, maxay kala yihiin? Jiiftadu waxa ay ka soo jeeddaa maansadii lagu dheeli jiray ciyaaraha batarku ka mid yahay, meerisyada batarka iyo jiiftadu waa isku mid. Markaas miyaanay ahayn in isku meel lagu qoro? Ardaydu sidee ayay u fahmayaan miisaanka wax isku mid ah oo laba laamood laga dhigay? Batarku ma god-maanseedbaa mise waa ciyaar-dhaqameed? Meeriskan batarka lagu dheelaa saw jiifto maaha: Batar waa nin bawsaday Nimuu beerka kala jaray Waxa batarka loo dhaafayaa geeraarka oo aragtida Carraale ah, kuna bogga 24aad, haddana isla boggaas ayaad ku arkaysaa miisaankii gabayga e Gaarriye iyo Carraale, saw tii hore loo arkay? Maxaa soo celiyay? Miyaanu ahayn in gabaygu meel ku urursanaado? Illaa 25-26 ayuu gabaygu soconayaa Dhammaadka bogga 26aad ayaad ku arkaysaa miisaanka Heerrimaahee. Sida ay u wadaan miisaanka heerrimaahee, oo tuducyadeedu yihiin: Waxan dusheennu waa roob Waxan hoosteennu waa rays Waxa uu bogga ku xiga ee 27aad ku bilaabmayaa miisaanka heesta kebedda. Ma xidhiidh ayaa dhismahooda ka dhexeeya? Ma laba aan la isku sidki karin ayaa la isku tolayaa? Ma casaan iyo cagaar baa isku midab ah? Marka ay miisaanka saaraan hal sadar oo kebedda ah, waxa lagu laabanayaa geeraarkii lagu soo dhigay bogga 24aad, hadda garo oo imaka 27aad ayaa la marayay. Maxaa dib inoo celiyay? Miyaanay ahayn in geeraarka meel qudha lagu wada sharxo?. Miisaanka maansada waxa lagu soo qaaday 13 bog oo wax la’, kuwaas oo u nidaamsan si isku cayn iyo bayd goan. Halkaas ayaa lagu dhaafayaa, waxa la raacinayaa doorka xaraf-raaca ee dhismaha maansada. Miisaanka maansada ee ku qoran buugga la soo saaray 2020 laguma xusin godadka xidhiidhka leh ee caddaloolka, baarcaddaha/saarka, sabaalada iyo dhaantada/hirwada/balwada/heellada oo ku jiray qoraalkii Gaarriye iyo buugga Carraale labadaba. Keliya jiifto, gabayga, geeraarka, mullaaxda, heerrimaahee iyo kebedda ayaa lagu soo qaadanayaa iyaga oo kii la janto la soo qaadanayo, haddana laga boodayo isaga oo badhtanka lagaga jiro. Lixdaas god ee isku mulaaqan iyo meeris badda haanta ah oo la dhex dhigay jiifto ayaa gebi ahaan lagu soo qaadanayaa miisaanka maansada. Inta laga gudbo ayaa muhiimadda xaraf-raaca lagu dhaafayaa cutubka labaad ee sida qaldan loogu magacaabay miisaanka maansada. Qiimihii iyo fahankii miisaanka maansada ayaa axankooda laga dareeray, waana geeddiga ugu qaabka daran buugga. Ugu yaraan waxa habboonayd in dhigaalka miisaanka Maansada la raaciyo xeerarkii Carraale iyo Gaarriye oo kala ahaa sidan: Miisaanka Gaarriye Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” markii uu dejinayay miisaanka maansada ee uu soo saaray, waxa uu u dhigay shuruudahan: 1.Ereygu waxa uu ka kooban yahay shaqallo iyo shibbaneyaal. Labaduba miisaanka waa ay sameeyaan 2. Shaqalka gaabani waxa uu qaataa (1), shaqalka dheerina waxa uu qaataa (2) Tusaale ahaan: Adiguna Gobaadeey 1 1 1 1 (1) 2 2 (9 shaqal) Qurux baad u tahay gabadh 1 1 2 (1) 1 1 1 1 (9 shaqal) 3.(ay) iyo (aw), labadaasi waxa ay mararka qaarkood u dhigmaan sidii shaqal gaaban, marna waxa ay u dhigmaan sidii shaqal dheer. Sida: Khayr: Kheer Jacayl: Jaceel Masayr: Maseer Towbad: Toobad Hawd: Haad 4. Xarfaha C, K, S, Sh, K, T iyo J, meesha ay galaan waxa ay u dhaqmaan sida xarfaha labanlaabma. Tusaale ahaan: Eeg labadan meeris Hadal looma baahnee Ballankeennu waa xalay Haddii halka uu xarafka (L) ku jiro lagu beddelo xarafka (Sh) waxa aad dareemaysaa in uu laaxin ku yimi meeriskii: Ballankeennu waa bisha Mar kale eeg meeriskan: Inanteennu waa bilan Haddii halka uu xarafka (L) ku jiro lagu beddelo xarafka (S) waxa aad dareemaysaa in uu laaxin ku yimi meeriskii: Inanteennu waa bisad 5.Inta aanad bilaabin miisaanka maansada, waa in aad garanayso godka/badda maansada aad miisaamayso. 6.. Waa in beydka aad miisaamayso aad u qortaa si sax ah. 7. Waa inaad beydka sida loogu dhawaaqo u qortaa. 8. Waa inaad la kaashato cid dhegta ku garanaysa laaxinka ku jira maansada La soco qormadaa 4aad haddii Alle idmo. Siciid Maxamuud Gahayr siciidgahayr@gmail.com Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska caanka ee Africaintelligence.com oo wax ka qora arrimaha sirdoonka ayaa warbixin xasaasi ah ka qoray qorshe ay dowladda Mareykanka ka damacsan tahay Somalia, si ay isugu ballaariso. Warbixinta wargeyska oo ciwaan looga dhigay “Washington waxa ay diyaarinaysaa ciidamo Soomaali ah, oo sanka ka gala Turkiga” ayaa waxaa lagu sheegay in haatan Maraykanka uu diyaarinayo ciidamo Soomaali ah oo hubeysan, kuwaas oo ka mid noqon doono ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale warbixinta ayaa sheegeysa in ujeedada uu Mareykanka arrintan ka leeyahay ay tahay inuu hoos u dhigo saamaynta dowladda Turkiga ee ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaar ah u tabaraban ee loo yaqaano Kumaandooska Danab. Africaintelligence.com ayaa sidoo kale warbixintiisa ku sheegay in xukuumadda Washington ay haatan qorsheyneyso in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ku wareejiso ku dhowaad 100 gaadiidka fud-fudud ah iyo kuwa loo adeegsado dagaalka. Arrintan ayaa waxaa la rumaysan yahay inay dhaqaalo ku bixinayaan wadamo Carbeed oo si weyn uga soo horjeeda saamenta Turkiga iyo Qatar ee Afrika, gaar ahaan Somalia. Mareykanka ayaa dowladda Soomaaliya ka taageero dhinacyada dhaqaalaha iyo dagaalka Al-Shabaab, waxaana ciidamo kooban ay ka joogaan gudaha dalka, halka Turkiga uu yahay saaxibka koowaad ee Soomaaliya, isaga oona saldhig ballaaran oo lagu tababaro ciidamada Xoogga dalka ku leh magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Si kasabta shalay ayey aheyd markii wafdi ka socday dowladda Mareykanka gaar ahaan wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska ciidamada Africom ay soo gaareen Caasimadda, iyagoo kulan gaar ah gudaha garoonka Aadan Cade kula qaatay Madaxweyne Farmaajo. The post Mareykanka oo diyaarinayo ciidamo Soomaali ah oo hubeysan iyo u jeedada first appeared on Caasimada Online.
  11. (SLT-Hargeysa)-Kulan garnaqsi siyaasadeed ah oo dabada ku haya xaaladda xisbiga KULMIYE ayaa shalay qasriga Madaxtooyada Somaliland ku dhex Maray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, Wasiirka Wasaaradda Beeraha Axmed Muumin Seed iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) ayaa kusoo dhamaaday natiijo la’aan. Ilo-wareedyo xog-ogaal ah oo kulankaasi u dhuun daloola ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyey in Kulankaasi shalay galinkii hore ka qabsoomay Madaxtooyada iyada oo ay isku wajaheen Wasiirrada Beeraha, Ganacsiga, Madaxweyne ku xigeenka iyo Madaxweynuhu iyada oo laga hadlayay xaaladda xisbiga KULMIYE gaar ahaan garnaqsi la sheegay in Madaxweynuhu ugu yeedhay labada Wasiir iyo Madaxweyne ku xigeenka oo kasoo wada jeeda Deegaanka Gobolka Awdal lagagana hadlay damaca saddexdaasi masuul ka haya mansabka Guddoomiye ku xigeenka Afraad ee Xisbiga KULMIYE. Xogahani waxa ay tibaaxeen in Kulankan masuul kastaa uu watay xidhihiisa oo la sheegay in Madaxweynuhu hore ugu garnaqsaday in xubin kastaa keeno qof uu kalsooni ku qabo oo la ogaada kulankaasi si ay uga wada xaajoodaan arrinka musharaxnimada waxaana ilo-wareedyadani noo xaqiijiyeen in Madaxweyne ku xigeenka uu kulankaasi ku wehelinayay Abubakar Xaamud Jibriil iyo Wasiirka Caafimaadka, halka uu Wasiir Saajin kulanka u soo kaxaystay Prof Saleebaan Axmed Guuleed oo ah guddoomiyaha Jaamacadda Camuud. Wasiir Axmed Muumin Seed ayaa isna kulanka keensaday Professor Aanay noo suurto galin in aanu magaciisa helno oo ka mid ah macallimiinta waaweyn ee Jaamacadda Camuud. Lama oga natiijada kulankaasi waxayse xogahani hoosta ka xariiqeen in uu daarnaa qorshe uu Madaxweyne Muuse Biixi si cad u watay oo ah in uu dhisayo Wasiir Maxamuud Xasan Sacad Saajin taasi oo la sheegay in ay cadho galisay Madaxweyne ku xigeenka oo la filayo sida xogahani sheegeen in uu ka baaqsanayo ka qayb galka Shirweynaha KULMIYE iyada oo xogahani noo xaqiijiyeen in dib loo ballamay Maalinta Sabtida ee soo socota. Ilo-wareedyo madax bannaan oo kulankaasi ka ag dhawaa waxa ay noo xaqiijiyeen in la filayo in Madaxweyne ku xigeenku cadho kaga maqnaado shirweynaha KULMIYE lamana oga in uu dalka kaga bixi doono safar la sheegay in uu Dubai ugu baxo iyo in kale oo uu negaan doono. Iyada oo laga dhur sugi doono kulanka dambe ee loo ballamay maalinta Sabtida inkasta oo kulankii shalay is af garan waa uu ku soo dhammaaday. Saacadaha soo socda ayaa la ogaan doonaa natiijada rasmiga ah ee kulankaasi ka soo baxday iyo waxa uu ku soo dhammaaday iyo halka uu salka dhigo kursiga loollanka ka dhex abuuray siyasiyiinan reer Awdal iyada oo ay layaab noqotay in kulankii shalay Madaxweynuhu ugu yeedho Wasiirkiisa Beeraha oo horeba guddida qabanqaabada shirweynaha xisbiga KULMIYE ugu sheegeen in uu ku hadhay shuruudo ay ku xidheen. Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Abwaan Cismaan Axmed Maxamed (Kujare) oo hore uga mid ahaan jiray Abwaannada ka soo jeeda Beesha Bariga Burco ayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku canaantay is baddalka uu ku sameeyey iyo sida ay xaaladda Xisbiga KULMIYE tahay wakhtigan isaga oo ugu gooddiyay in haddii Madaxweyne Muuse xisbigii KULMIYE qaatay ay Iyana dagaal adag kula gali doonaan sidii ay siyaasadda ugu loollami lahaayeen isaga oo dhinaca kale eedo culus u soo jeediyay Cabdikariin Xinif iyo Xildhibaan Bukhaari. Abwaan Kujare oo Telefishanka SAHAN TV la hadlayay waxa uu yidhi: “Xisbigii KULMIYE waad ogaydeen in uu noqday xisbi kalidii taliye ah oo la mid ah xisbigii Hanti wadaaga kacaanka Soomaaliyeed ee Maxamed Siyaad Barre oo kale oo sidaa indhaha loo marinayo oo ninkii la is yidhaa xiniinyo ayaa ku jira la qaniinayo. Huteellada qaarkood waxa la hor dhigaa nin xoog weyn oo cuntada la siiyo oo albaabka hore la fadhiisiyo kaasi oo ninka sakhraama iyo ka ku dhex dagaalama iyo, ka lacagta bixin waayaba iyo wixii la mid ah buu qadaadka qabtaa oo dibadda u tuuraa. Nin aan arkayay oo ka mid ah kuwa jawaabta loo samaystay oo aad mooddo in loo samaystay siyaasiyiinta ka soo jeeda Bariga Burco oo marka uu mid ka mid ahi hadlo oo uu ka hadlo danta qaranka loo samaystay. Ninkaasi waa is garanayaaye waxaan leeyahay, marka xooggu kaa dhammaado in adna dibadda laguu soo tuurayo. Waa nin muruqyo go’an oo aad u xoog weyn ayaa isagana dibadda loo soo tuuraa. Isaga oo aad mooddo in wajiga makiinad lagaga jeexjeexay ayaa dibadda loo soo tuuraa kadibna waxa uu waayaa meel uu hadhaw tago waa is garanayaa ninkaasi. Maxamuud Xaashi iyo Qabo waxaan leeyahay soo dhawaada. Danta qaranka waxa aynu ka wada maraynaa dhinac. Waxa kale oo aan soo dhawaynaynaa kuwo badan oo kale oo Golaha Dhexe laga tuuri doono”. Abwaan Cismaan Axmed Maxamed Kujare waxa uu eedo culus u soo jeediyay Madaxweyne Muuse Biixi, Siyaasi Xinif iyo Xildhibaan Bukhaari waxaanu yidhi: “Waxaan arkayay nin la yidhaa Xildhibaan Bukhaari oo ah dhagax la soo tuuray. Xiqdi iyo buqdi buu ka sheekeeyey, wax alliyaaliyo wax uu ka sheekeeyey ma jirto. Naxli calooshiisa ka guuxayay buu ka sheekeeyey. Hadalladiisa waxa ka mid ahaa ‘Muusaa tacab lahaa’. Nin weyn oo wajigiisa marka uu hadlayo aad arkayso in sharaf darro ka muuqato. Waynu wada ognahay in 7-dii nin ee xisbiga aasaasay uu ka mid ahaa siyaasi Maxamuud Xaashi ee Siilaanyo warqadda diiwaan galinta la geeyey tan iyo xilligaasina uu xisbiga ku soo jiray. Shaqada uu xisbiga ka qabtayna Bukhaari meel uu ka soo galay garan mayo. Bukhaari jawaab ma mudna. Waxaad mooddaa in uu farriin u diranayay Muuse Biixi. Malaha waxa uu maqlay xildhibaano hore ayaa wasiirro loo qaatay oo laga dhigay. Madaxweyne Muuse waxaan leeyahay Muusoow haddii aad xisbigii la wareegtay Xiniinyihii lamaad wareegin. Kuwii aanu kugu dhisnay way nagu jiraan waanan kugu ridi doonaa Insha Allaahu. Xammil hadalka muusow rag waa kii xisaabtama’e”. Ayuu yidhi Abwaan Kujare. Source
  13. Mid kamid ah carruurta ku waxyeellowday weerarka Odayaasha iyo Waxgaradka Tuulada Xidhxidh, oo ku taalla Koonfurta Gobolka Sool, ayaa si adag u cambaareeyay hawlgal qorshaysan oo ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Puntland ay laba habeen ka hor ka fuliyeen Degaankaas. Hawlgalka waxa la doonayay in lagu qabto nin ku eedaysan dilka Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada Puntland G/sare Cismaan Cumar Maxamed, kaas oo 9-kii Agoosto 2020 lagu dilay gudaha Magaalada Gaalkacyo. Waxaase la xaqiijiyay in Hawlgalkaas ay waxyeello ka soo gaartay carruur yar yar oo gurigooda hurday, balse aan lagu guulaysan in la qabto ninka ku eedaysan dilka oo mar lagu sheegay Degaanka Xidhxidh. Haddaba, Odayaasha iyo waxgaradka Tuulada Xidhxidh ayaa Xukuumadda Puntland ka dalbaday in ay raalli-gelin iyo magdhow deg deg ah ka bixiso waxyeellada loo gaystay Carruurta iyo maatada guryahooda hurday. PUNTLAND POST The post Odayaasha iyo Waxgaradka Tuulada Xidhxidh oo raalli-gelin iyo magdhow ka dalbaday Puntland appeared first on Puntland Post.
  14. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa beeniyey in meel ka mid ah dhulka Somaliland lagu dhigo wax ka hor imanaya Diinta Islaamka. Wasiir Khaliil oo daba socday Wararka la xidhiidha in dugsiyada dalka qaarkood Carruurta loogu dhigo duruus la la xidhiidha Diinta Kiriista ayaa sheegay in aanay Wararkaasi waxba ka jirin. Wasiirka oo Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Annagu ma hayno meel Carruurteena Kiristaan loogu dhigo, mana jirto.” Wasiirku wuxuu sheegay inay Maxkamadda la tiigsanyaan Cidda baahisay Wararka lagu sheegay in meelo ka mid ah Dalka lagu dhigo Diinta Kiristaanka “Cidda qortayna Maxkamadaha ayaanu la tiigsanaynaa, Waayo? waxay doonayaan inay Ummaddan yidhaahdaan waa Ummad gaalo ah, wax kale markay inoo waayeen ayaa la leeyahay Kiristaan baa lagu dhigaa, iskuulladoodu waa caynkan, waxa laga dhisaa Kiniisado, waxyaabahaas oo dhami waa waxyaabaha ummadda lagu kala dilayo, innaguna inaynu isku maqallo maaha.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu beeniyey Muuqaal carruur jaas ciyaaraya oo Dadka qaarkood uga shakiyeen inay reer Somaliland yihiin “Qaar Jaas ciyaaraya oo la leeyahay waa Hargeysa, waana Hindiya (Muuqaalka la baahiyey)..” Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdirisaaq Xuseen Aadan (Caato) ayaa markale loo magacaabay xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha, kadib warqad ka soo baxday xafiiska ku simaha Ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar). Sii hayaha Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa sidoo kale xil kii ka qaaday xoghayihii hore Cabdiraxmaan Sheekh Mucaawiye oo xil kaasi hayey muddo 40 cisho ah, kadib markii la eryey Cabdirsaaq Caato oo hadane markii labaad loo soo magacaabay xil kan. Caato oo muddo todobaad ka yar hayey xil kaasi ayaa sababta markii hore looga qaaday waxa ay aheyd xad-gudub lagula kacay Yaxye Cali Hareeri oo ka mid ah raggii sida aadka ah ugu dhawaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee la eryey, Mudane Xasan Cali Kheyre. Tan iyo markaasi waxaa jahwareer xoogan ka taagnaa xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo is-bedal deg-deg ah uu ku yimid markii la riday Khayre, waxaana isla habeenkii ku simaha loo magacaabay Mahdi Guuleed uu xil kii ka qaaday Axmed Nuur Maxamed Cabdi oo ahaa xoghayaha joogtada ah ee xafiiskaasi. Sidoo kale waxaa shaqada ka tegay inta badan raggii aadka ugu dhowaan Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo uu ka mid ahaa Cali Nuur Salaad. Si kastaba ha’ahaatee lama oga sababta rasmiga ah ee hadda keentay in xafiiska Ra’iisul wasaaraha loogu celiyo Cabdirisaaq Caato, balse sida ay horey u baahisay Caasimada Online, Caato wax shaqo kuma laheyn amarka ahaa in baabuurta aan xabadda karin dib loo soo celiyo, islamarkaana uu bixiyey sii-hayaha ra’iisul wasaaraha. The post Cabdirisaaq Caato oo markale loo magacaabay xoghayaha xafiiska Ra'iisul wasaaraha first appeared on Caasimada Online.
  16. (SLT-Hargeysa)-Madax-dhaqameedka Galbeedka Hargaysa iyo Madax-dhaqameedka Bariga Burco, ayaa wakhtigii olollaha doorashadii Madaxtooyada Somaliland Shir ay Magaalada Burco ku wada yeesheen waxay ku heshiiyeen qoddobo dhawr ah, kuwaas oo uu kamid ahaa cidda lagu wareejin doono Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Wefti madax-dhaqameed ka kicitimay Magaalada Hargeysa oo uu hoggaaminayey Suldaanka Guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan ayaa Magaalada Burco shir muddo laba maal-mood ah qaatay kula yeeshay dhigooda East Burco Clan dabayaaqadii sannadkii 2017-kii, waxaanay weftiga Subeer Awal ay ka dalbedeen Beesha East Burco Clan inay la dhisaan Muuse Biixi Cabdi oo xiligaas ahaa musharrax u ordayey jagada uu hadda hayo ee Madaxweynaha Somaliland,”Waxaanu ceelka Burco iyo geedka u soo fadhisanay walaalayaal Beel weynta Habarjeclow in aad nala dhistaan Muuse Biixi nala doorataan codna na sii saasan naluga dagaal tagnaa reeraha deriska garaacdaan .” Ayaa kamid ahaa haddaladiis suldaan Xasan uu ka jeediyey shirkaasi . Dhanka kalene madax-da dhaqan iyo Salaadiinta Habar-jeclo oo uu hoggaaminayey Suldaanka Guud ee beeshaasi Suldaan Cabdilaahi, ayaa iyaguna sheegay inay aqbaleen ergaddaas u timi isla markaana ay la dhiseen Madaxweynaha hadda xilka haya ee Muuse Biixi,balse waxay soo dhigeen saddex qoddob oo uu ugu mihiimsanaa kani “ shalay markii aanu wax doonaynay ballan ayeynu lahayn ballanku waa kii uun ,waxaad maanta haysaan waad soo wareejinaysaan,Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE beelaha Subaar Awal waxay ku wareejin doonnaan marka uu musharrax Madaxweynuhu xilka qabto Beelaha Habar-jeclo.” Ayuu yidhi Suldaan Sheekh Yusuf oo kamid ahaa salaadiinta Bariga Burco Geesta kalene Suldaanka Guud ee salaadiinta Subaar Awal oo guushii Madaxweyne Biixi ka gaadhay doorashadii Madaxtooyadda ee sannadkii 2017kii kadib socdaal ku tagay Magaalada Burco oo war-baahinta kula hadlaya ayaa uga mahadceliyey beelaha Bariga Burco sida ay uga soo baxeen ballankii ahaa inay dhisaan Madaxweynaha hadda,waxaanu xusay inay fulinayaan ballankii ahaa wareejinta Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE,balse taas ayaan suurtagelin Gunaanadkii Madax-dhaqameedka beelaha Bariga Burco ayaa si dhaw ula socda xaalada KULMIYE galay hadda waxaanay ka dhursugayaan halka u ku dambeyn doono heshiiskii ay Burco kula geleen sannadkii 2017kii Madax-dhaqameedka Galbeedka Hargeysa ee uu hoggaaminayey Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan, kaasi oo ahaa in Guddoomiynimada Xisbiga KULMIYE lagu wareejin doonno Beesha Bariga Burco,waxaynu dhawr waa halka uu ku dambeeyo heshiiskii ay madax-dhaqameedka Galbeedka Hargeysa iyo Bariga Burco wada galeen ee wareejinta Guddoomiyenimada Xisbiga KULMIYE halka uu ku dambeeyo iyo Suldaan Xasan iyo kooxdiisii inay ka dhabeeyaan ballankoodii. Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Wakiilkii hore ee Somaliland u joogay waddanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya Ambasaddor Axmed Aadan Dagaal (Safiina) horena uga tirsanaan jiray xukuumaddii Axmed Siilaanyo markii dambena ku biiray xisbiga WADDANI balse wakhtigan ah siyaasi madax bannaan ayaa waxa uu ka warramay dhacdo xiiso leh oo xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE ku dhex martay Magaalada Caynaba wakhtigii ololaha tartanka Doorshada madaxtooyada sannadkii 2017. Qoraal uu Axmed Safiina Arrintaasi kaga hadlayo oo uu ku bahiyay baraha Bulshada ayaa waxa ay u dhignayd sidan: “Meeyay Murashaxii Aad U Olalaynayseen? Wuxuu Seexday Salaadii Cishaha Kadib. Waa ciwaanka qiso nagu dhex martay Aniga iyo Wasiir kamida xukuumaddii Madaxwayne Siilayo wakhtigii ololaha magaalada Caynaba. Maalmihii ololaha doorashada Somaliland annaga oo joogna Burco 2/11/2017 waxa aan hawl ugu baxay magaalada hargaysa 4-tii bisha waxa aanu u lahayn olalaha Gobalka Sool magaalada Caynaba waa dagmo doorasho kamida G/SOOL. Waan kasoo laba noqday Hargaya Goor galabnimo ah ayaan ka soo baxay fiid markii aan soo gaadhay Burco sxb kay Abdulkadir Eidleh ayaa iga oo codsaday inaan soo qaado masuul xisbiga ah oo reer Oog ah iyo sxb kay Cawil Giriig oo aanu habeenkaa is baranay, waftigii iyo madaxdii xisbiga ee aan ka midka ahaa iyagu waxay ku sugnaayihiin magaalada OOG ee Barriga Caynab oo aan ku jihaysanahay. Magaalada Caynaba ayaannu soo gaadhnay Saacaddu markii ay ahayd 1:00am xili saqdii dhexe ah, magaaladu way hurudaa oo waa jaaqla laakiin waxa laamiyada lugaynaya laba wasiir oo kamida xukuumaddii M.Siilaanyo, Hotelka isha Caynaba oo u Booking garaysnaa in xisbigu ku dago casarnimadii waxa awood dawladeed kula wareegay wafdigii Guddoomiye Muuse biixi oo Laasacaanood lagu soo rasaaseeyay subaxii, Waxa aannu ku weecanay Hotelkii waxaaba hor taagan laba wasiir oo midi ahaa Maxamuud xaashi barxadda hotelka ayaanu gaadhiga dhiganay hadana barxadda waxa taagan sadex wasiir oo kale, Cawil Giriig ayaa hotelka gudaha u galay oo wuxuu ku soo arkay Group saxafiyiinka waftiga xisbiga Kulmiye la socday oo aad u shaqaynaya waxa kamid ahaa Alimahdi Jibril Hassan iyo Mohamed Yusuf Bakayle, kolay waxay macaanaynayeen karkarid kuwadeen wixii Kulmiye ka soo qabsaday laasacaanood baro-bugaandho iyo baalayo ayay afuufayeen Lol. Waxa kale oo aan meesha ku arkay Wasiir aanu saaxiibbo ahayn kaftan wadaagna naga dhexeeyay waxa aan si kaftan ah ugu idhi: “waar dhamaan Wasiiradii Jeegaanta ee bahda Barriga waydinka saqda dhexe shaqaynayee maxaad waddaan maalintiinii ololuhu dhammaataye”, wuxuu sicad iigu yidhi ‘waxaanu ka shaqaynaynaa sidii aanay Caynaba ciddi bari idiinku soo bixi lahayn, waxa aan ku idhi bal waynu eegi oo MEEYAY MURASHAXII AAD U OLALAYNAYSEEN? wuxuu igu yidhi isagoo qoslaya, WUXUU SEEXDAY SALAADDII CISHAha KEDDIB. Waannu ka sii dhaqaajinay oo waxaanu gaadhnay Magaalada OOG abaara 2:30 Habeenimo waxa aanu u tagnay guri camiran oo ay isku diyaarsadeen ku dhawaad 100 qof oo sugaya Maxamuud Xaashi oo meesha kula balansan markay maqleen guuxa laydhka gaadhigayga kasoo galay galbeed ayay moodeen inuu maxamuud u yimi keddib banaanka ayay u soo baxeen si ay u soo dhaweeyaan, Annagaaba kaga soo degnay, waxay ahaayeen beesha reer abtiga u ah Maxamuud Xaashi dhawr aanu garanay ayaanu meesha ku aragnay khudbad baanu meeshii ugu qabanay oo kulankii waanu kakala tuurnay ilaa 3:00 ayaanu la joognay, kadibna waxaanu tagnay Hotel kii ay degganaayeen waftiga WADDANI ee Oog, meel ka banaani majirto wuu buuxaa waxaanu iska seexanay barxad banaan oo ardaa ah. Subaxii 7:30am ayaanu caynaba dhanka bari kasoo galnay markaa waxaanu nahay waftigii WADDANI oo dhan waxa na-hoggaaminayay Guddoomiye Cirro iyo Hoggaamiye Xirsi, waqtigaas magaaladiiba may soo kicin oo cidiba dhex mari mayso Hogaamiye Xirsi ayaan ku idhi sxb magaaladu inoo soo bixi mayso oo xalay Wasiiradii oo dhan ayaa dhex meeraysanayay, markaan intaa ku idhi waxa noo yimi Cabdi Salaad iyo laba dhalin yaro ah waxay noo kaxeeyeen xagaa iyo Hotelkii Caynaba. Markii aanu soo galnay waxaanu ku kulannay waftigii Kulmiye oo diyaar u ah safar iyo inay baxaan laakiin waabay nala fadhiisteen waanu iska wada quraacanay, waxayna dhawrayeen waji gabaxa nagala kulmidoona Caynaba, ku dhawaad saacad kadib waxa huteel kii iskuweer ka qabtay kumanaan reer caynaba ah oo uu hor kacayo suldaanka guud ee Beelaha habar-jeclo inankiisa iyo Cabdi Salaad oo wata gawaadhi mikirifoono waaway ku xidhan yihiin oo ku dhawaaqaya Muusaa Yaabay Muusaa Yaabay, madaxdii Kulmiye ayaa qolalka ku yaacay anaguna dadkii baanu u soo baxnay, banaan baxaa wayni ee Reer Caynaba ku taageerayeen wuxuu keenay in Xisbiga Kulmiye sii laban-laabo dadaal kiisa dhanka Caynaba ilaa maalintii codaynta. Al muhiim xisbiga kulmiya waanu ka dad iyo taageero badnayn laakiin waxay nagaga xariif sanaayeen 1- Nuxnuxda hoose, 2- Habeen shaqaynta 3- Isku muquuninta awoodaha dawlada iyo dhaqaala dawlada iyo 4- is xulufaysiga beelaha. Qisadan cidna ku weerari maayo cid kalena ku difaaci maayo oo anigu hada siyaasadda Somaliland kama mid ihi labada xisbi midna xil uma hayo oo waxaan ahay shacab arday ah laakiin waxa aan u qoray in aan ka markhaati furo kalmado ka mid ahaa khudbaddii Siyaasi Maxamuud xaashi ee maanta. Alaa mahad leh”. Qalinka: Axmed Safiina Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay si rasmi ah u furatay Safaaradda ay ku yeelanayso caasimadda TAIPEI ee dalka Taiwan. Xaflada furitaanka xafiiska Somaliland ay ku yeelanayso dalkaas ayaa lagu qabtay dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Taiwan, kaas oo ku yaala goobaha ay dagan yihiin xafiisyada diblamaasiyiinta dalalka safaaradaha ku leh dalkaasi. Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Taiwan Maxamed Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in tan iyo bishii July uu sii xoogeysanayey xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Tawain, kaas oo ku salaeysan qiyam wadaag, xoriyad iyo dimuqraadiyad, Waxa kaloo danjire Maxamed Xaaji uu intaas ku daray in cilaaqaadka saaxiibtinimo ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan aanu cidna dhibaato u laheyn. Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan Mr. Joseph Wu ayaa tilmaamay inuu soo dhaweynayo xafiisyada diblomasaasiyadeed ee labada dal isweydaarsadeen, waxaanu xusay in xafiiska Somaliland ka furatay dalkiisa uu bog cusub u furayo xidhiidhka labada dawladood. “Taiwan waa gurigiinii labaad, inaga iyo kuwa aynu isku fikirka nahay waxaan horumarinaynaa nabadgalyada, barwaaqada iyo anaga oo ilaalinaynaa hab noolaleedkeena dimuqraadiyada,”ayuu yidhi Mr Wu. Wasiirka Khaarajiga Taiwan wuxuu sheegay in Somaliland iyo Taiwan ay iska kaashanayaan mashaariic la xidhiidha Beeraha, Kalluumaysiga iyo Macdanta. Source
  19. MOGADISHU (Halbeeg News) - NUSOJ hails appointment of Special Prosecutor, says a step to end impunity against journos Source: Hiiraan Online
  20. MOGADISHU (HOL) - NUSOJ hails appointment of Special Prosecutor, says a step to end impunity against journos Source: Hiiraan Online
  21. (SLT-Abu Dhabi)-Mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta ayaa Arbacadii soo saaray amar loogu sheegay dhammaan hoteellada magaalada Abu Dhabi inay diyaariyaan cunto waafaqsan diinta iyo sharciyada Yahuudda, si ay uga helaan dadka Yahuudda ee usoo dalxiis tagaya magaalada, waxaa sidaas werisay wakaaladda wararka ee Anadolu. “Dhammaan hoteellada waxaa lagu wargelinayaa in ikhtiyaarka cuntada Kosher-ka ay ku daraan cunooyinkooda,” waxaa sidaas lagu yidhi warqad hoteellada loo diray. Dhammaan hoteellada Abu Dhabi oo gaadhaya 160 – ayaa waxaa laga doonayaa inay helan shahaadada Kosher, taasi oo caddeyneysa in cuntada lagu diyaariyey si waafaqsan sharciga iyo diinta Yahuudda, kuna dhejiyaan kushiinadooda. Madaxa Golaha Yahuudda ee Imaaraadka Carabta, Ross Krill ayaa soo dhoweeyey go’aanka Abu Dhabi, wuxuuna ku qeexay tallaabo “cajiib ah oo muujineysa soo dhoweyn iyo marti-soor,” sida uu kasoo xigtay wargeyska Times of Israa’iil. 13-kii August madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay heshiis nabadeed oo dhex maray Israel iyo Imaaraadka Carabta, kaasi oo ay fududeysay Washington. Abu Dhabi ayaa sheegtay in heshiiska uu ahaa dadaal lagu joojinayo goosashada Tel Aviv ee qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ee la haysto, hase yeeshe dadka dhaliila heshiiska ayaa rumeysan in xiriir dhex mara labada dhinac laga soo shaqeynayo muddo sanado ah Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa sidoo kale kadib heshiiska sheegay in goosashada Israel ee Daanta Galbeed aysan weli meesha ka bixin balse dib un loo dhigay. Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Maxkamad ku taalla magaalada Lahore ee dalka Pakistan ayaa waxaa lagu maxkamadeeyay nin kirishtan ah oo lagu eedeeyay inuu u gefay Nabi Muxamed (N.N.K.H). Asif Pervaiz oo ka shaqeynayay warshad dharka lagu sameeyo ayaa dil toogasho lagu xukumay kadib markii uu soo dacweeyay maamulaha shirkadiisa. Asif 37-jir ah waxaa lagu eedeeyay inuu fariin qoraaleed ku aflagaadeeyay Nabi Muxamed (N.N.K.H). Kiiskaan, oo soo billowday 2013 wuxuu soo taxnaa muddo 7-sano ah, qareenkiisa ayaana warbaahinta u sheegay iney racfaan qaadan doonaan, walow aan la ogeyn wakhtiga ay qaadan doonaan. Ninka la xukumay wuxuu ku andacooday in maamulahiisa Muhammad Saeed Khokher uu ku qasbay qaadashada diinta Islaamka, balse qareenka maamulaha wuu beeniyay arrintaas. Garsoorayaasha waxey ku xukumeen inuu qaadan doono 3-sano oo xadhig ah ka hor inta aan la daldalin, waxaana sidoo kale la duldhigay lacag dhan 300$ (Saddex boqol doollar). Muhammad Saeed Khokher, oo maxkamad ka hor hadlay ayaa beeniyey inuu doonayey inuu Asif ku qasbo qaadashada diinta Islaamka. “Wuxuu isku difaacayaa arrintan kadib markii uu xaqiiqdii waayey difaac kale,” ayuu yidhi Muhammad Saeed Khokher. Dalka Pakistan ayaa waxaa xeer adag uga yaalla aflagaadada diinta iyo Nabiga NNKH, waxaana qofkii lagu helaa uu muteystaa dil toogasho. Qiyaastii 80 qof ayaa hadda ku jira xabsiyada Pakistan, kuwaas oo ku eedeysan aflgaadada diinta. Source
  23. Waxaa deegaanada Puntland ku sii kordhaya kiisaska cudurka safmareenka ah ee Coronavirus, kaas oo noqday mashaqo caalami ah oo saameysay caalamka. Wasiirka caafimadka Puntland Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in deegaanada maamulkaasi uu haatan ku soo laba kacleeyey xanuunka Covid-19. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in todobaadkan ay baaris ku sameeyeen illaa 377qof kuwaas looga shakiyay inay qaban cudurka, balse waxaa laga helay 31 ka mid ah dadkaasi. Soomaaliya ayaa ka mid noqotay wadamada uu sameeyey cudurka Coronavirus, inkastoo haatan uu xanuunka u muuqda mid ka sii dabar go’aya dalka, gaar ahaan Muqdisho. View the full article
  24. Poliovirus has been eradicated in Africa following a successful immunisation campaign in Nigeria © Pius Utomi Ekpei/AFP/Getty The pandemic has ended. For Africa at least. Sort of. The pandemic in question is not coronavirus, but poliovirus, which causes crippling paralysis in a minority of children. On August 25, the World Health Organization announced that wild poliovirus had been eradicated in Africa following its disappearance in Nigeria. Distracted by Covid-19, few people noticed. That’s a pity. It brings tantalisingly close the goal of eradicating polio from earth in what would be only the second elimination of a virus that affects humans in history. The other was smallpox, declared eradicated in 1980. Wild polio now exists only in Afghanistan and Pakistan. A generation ago, it was paralysing 75,000 children a year in Africa alone. The treadmill struggle against polio holds multiple lessons for a world newly sensitised to the threat of microbes. Among them, the contradictions of development, the key role of public health, the politics of vaccines and the stubbornness of pathogens. Polio is an ancient disease. Egyptian stele from the 15th century BC depict pharaohs with withered legs. More recent epidemics occurred in Norway in the 1860s. By the 1940s, there were regular outbreaks all over Europe. In 1952 alone, some 21,000 American children were paralysed. Paradoxically, the virus spread because of better hygiene. As sanitation improved, fewer children were exposed to poliovirus, which is mainly transmitted through the so-called faecal-oral route, usually in water. That left them vulnerable. Swimming pools became places of danger. Development often has side effects. It brings humans into closer contact with animals and with each other. Progress allows pathogens to hitch rides aboard aeroplanes. Polio was all but eradicated in rich countries thanks to vaccines. The first, developed in 1953 by Jonas Salk, was a so-called “killed vaccine” administered through injection. By the late 1950s, some 450m doses had been given. In the US, the incidence of paralytic polio fell from 18 per 100,000 to two. The last domestic case was 1979. In the late 1950s, Albert Sabin came up with a so-called live attenuated vaccine. Given orally, the Sabin vaccine is cheap and easy to administer but, in roughly three cases per million, it can itself cause paralysis. This occurs after it enters the water system where it can mutate and infect children in under-immunised communities. Three cases per million is tiny compared to the 5,000 cases per million that can result from wild polio infections. From a public health perspective, it is a no-brainer. The drama of polio eradication has played out in Nigeria, which in 2012 accounted for more than half of worldwide cases. Most were in the north of the country where insecurity made it hard to get to children and where conspiracy theories persuaded some that the vaccine was a western plot. In 2003, an outbreak in Nigeria’s north quickly spread to 20 countries, a warning for the coronavirus generation. Nigeria again seemed on the verge of elimination in 2016 when four cases suddenly appeared in the north-eastern state of Borno. The WHO appointed Musa Audu, who had been successfully snuffing out polio elsewhere in Nigeria, to deliver the final blow. When he arrived in Borno, it was in the grip of a Boko Haram fundamentalist insurgency. Swaths of the state were under rebel control and there were daily roadside bombs. Many areas were accessible only by helicopter. Some were not accessible at all. Nigeria’s president Muhammadu Buhari has not always been the most dynamic leader. But on polio, he swung into action. Not only did he instruct the military to co-operate with health workers, sometimes administering polio vaccine themselves. He also made a show of giving the vaccine to his own grandchild, a display of leadership that encouraged millions of parents to let their children be immunised too. The last case of wild polio virus in Nigeria was four years ago, but there were 320 cases of “vaccine-derived” polio across Africa last year. These affect under-immunised communities, so further mass campaigns are needed. Public health is expensive and frustrating. Despite its name, it can be hard to explain to the public. Yet the legacy of such campaigns is lasting. Not only have some 1.8m children in Africa been saved from paralysis in the past 25 years. The labs, surveillance and track-and-trace systems that were built for polio — and Ebola and HIV — have stood the continent in decent stead to tackle coronavirus. Africa is putting up a strong fight against Covid-19. That is in large part thanks to its public health battles of old. Source: Financial Times The post What the campaign to eradicate polio tells us about Covid-19 appeared first on Puntland Post.
  25. Waxaa illaa saaka isa soo taraya khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee shalay galinkii dambe ka dhacay afaafka Hore ee maqaayadda Blue Sky oo ku dhow Taalada Xaawo-Taaako ee magalada caasimadda ah ee Muqdisho. Qaraxa ayaaa yimid, kadib markii nin naftii hure ah uu isku qarxiyey maqaayaddaasi, waxaana halkaas ay waxyeelo ka oo gaartay dad shacab ah iyo askar. Ugu yaraan illaa shan qof ayaa ku dhintay, iyadoona ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 10 kale, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Soomaaliya. Dhinaca kale sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa war ka soo saaray qaraxaasi, isaga oo tacsi u diray ehellada dadka ay waxyeelada soo gaartay. Halkan hoose ka aqriso:- Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa caddeeyay in hagardaamada aragagixisadu aysan hakin doonin dadaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu jiraan nabad ku soo dabaalidda dalka. “Allaha u naxariisto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayay qaraxii argagixisadu galabta ka geysteen Muqdisho.Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadka geeriyooday. Waxaan caafimaad deg deg ah Alle uga baryayaa dadka dhaawacmay”, ayuu yiri mudane Mahdi Maxamed Guuleed. Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa raaciyay, “Xagjirku waxay beegsanayaan rayidka si ay u dilaan tirada ugu badan ee shacab ah. Ujeedkooda ugu weyn waa inay muujiyaan inay dad dili karaan, balse ma lahan hadaf iyo ujeeddo ay u dagaallamayaan, mana matalaan Islaamka iyo dhaqankeenna suubban oo reebaya in la laayo dad aan waxba galabsan”. “Allaha u naxariisto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayay qaraxii argagixisadu galabta ka geysteen Muqdisho.Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadka geeriyooday. Waxaan caafimaad deg deg ah Alle uga baryayaa dadka dhaawacmay”, ayuu yiri mudane Mahdi Maxamed Guuleed. Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa raaciyay, “Xagjirku waxay beegsanayaan rayidka si ay u dilaan tirada ugu badan ee shacab ah. Ujeedkooda ugu weyn waa inay muujiyaan inay dad dili karaan, balse ma lahan hadaf iyo ujeeddo ay u dagaallamayaan, mana matalaan Islaamka iyo dhaqankeenna suubban oo reebaya in la laayo dad aan waxba galabsan”. Sii Hayaha xilka reysulwazaaraha xukumada somaliya ayaaa kamida dadka Ka hadlay qaraaxaasj isagoona sheegay in dowladu ay oga xuntahay falkaasi islamarkaana ay cambaareyneyso Sido kale waxaaa ka hadlay gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magalada muqdisho cumar finish isagona shegay in qaraxasi uu ahaaa mid aad ay oga xunyihiin dowlada dhexe eee somaliya waxa uuna caafimad eebe ugu rajeeyey inta ku dhawacantay qaraxasi iyadona sido kale inta dhimatay uu eheladoodi oga rajeeyay in samir iyo iiman eebe uu ka siiyo Waxa oo kale duqa gobolka Banaadir uu shegay in shacabka aysan ka niyad jabi doonin dowladnimada isagona sido kale shacabka ugula dar,daarmay in ay ladagalaman alshabaab si markaasi ayna garab usiiyan cidamada dowlada somaliya Shalay ayey aheyd markii ruux sitay gaari islamarkana ay ku xiranyihin waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay maqaaxi ay fadhiyeen dad shacab ahaaa eee udhow agagaarka maqaaxida Blue sky View the full article