Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Duhur-892020.mp3 View the full article
  2. Qormada 2aad “Gefaf Qoraal, Xigasho La’aan, Xaraf-raaca Gabayga iyo Gorfaynta Qaabka Miisaanka Maansada Loo Dhigay” Waxa aynu shalay lafa-gurnay lixda bog ee u horreeya fasalka 4aad ee suugaanta dugsiyada sare, waxana ku jiray 105 gef oo higgaadda ah, dhantaal iyo in aan la muujin hojiska iyo hooriska gabay ku jira 6daas bog iyo qalloocyo kale oo badan. Ma arkin hal faallo oo xitaa lagu difaacay, taasi waxa ay muujinaysaa in ummaddu isku raacsan tahay dheelliga muuqda ee loo badheedhay. Naqdigu wuu gaadhi doonaa buugaagta 1aad, 2aad iyo 3aadba. Waxa aynu u sii gudbaynnaa bogga 7aad ee nuqulka soo baxay 2020. Intaas kaddib waxa bogagga 7ad illaa 15aad lagu faallaynayaa taariikhda maansada, bilawga fanka casriga ah, gabayga iyo sababaha gabayga loo tirin jiray. Sababaha loo gabyo waxa lagu soo qaaatay 17 ay 16 ka mid ahi ku qornaayeen buuggii Hilimada Maansadii Hore ee Soomaalida, waxa qoray Marxuun Aw jaamac Cumar Ciise oo aan xus, xigasho iyo xurmo midna loo samaynnin. Ma xabaal ayaa lagu ogaaday? Sidii ayaa astaamaynta iyo higaaddaba loo bahdilayaa, ereyada qoran waxa ka mid ah “carabta, soomaaliyeed, shiinaha, hindi iyo batuuta” magacyada gaarka ahi miyaanay xaraf weyn ku bilaabmin?. Waxa kale oo aad arki “gobanimada; gobannimada, wadaniyada: waddaniyadda, began: beegan, gobolleedkii: goboleedkii, curttay: curtay, dagaalamay: dagaallamay, muusiga leh: muusigga leh, hogaanka: hoggaanka, yaqaana: yaqaanna, yimaada: yimaadda”. Hakadyada hadal ka dambeeya lagu xidhiidhiyay, joogsiga wax lagu daba-qabtay iyo kolmaha xigashada ee aan xaqooda la siinnin ayaa ii muuqda. Haddii aan milicsanno qallooc kale oo ku jira bogga 11aad ee buugga, waxa la doonayay in la sheego waxa uu gabaygu kaga duwan yahay noocyada kale ee maansada, waxaana la yidhi “Tixda gabayga ah meeris kasta waxa ku jira labo erey oo isku xaraf ka bilaabma taas oo ah astaanta gabaygu kaga duwan yahay qaybaha kale ee maansada”. Yaa? Yaa? Yaa? Yaa? Miyaanay dhaantadu laba xaraf lahayn sida Sidii qudunquuto qaaxo yareey (q & q) Markaad qososhaan ku qaayibay (q & q) Miyaanay ruclada ama gabay-gaabku lahayn laba xaraf sida Waxa raanta loo feedhayaa waa rag (r & r) Waxa cadarka la isugu rushaa waa rag (r & r) Miyaanay Haawiyee/aloolku lahayn laba xaraf sida Saarkii duleedow soo degee (d & d) Muxuu doonayeey doonayaa (d & d) Dadab iyo aroos buu doonayaa (d & d) Haddii labada xaraf ee gabaygu wax weyn la yahay, miyaanay ogayn in heesta kebeddu xitaa leedahay saddex xafaf. Sida: Koronkor cuni maynnoo, kariba maynnee, karuur geel ma la hayaa. Haddii qiime lagu yeelanayo xaraf-raaca looga baahan yahay tixda, waxa bilan, boqran oo baarka gelaysa heesta kebedda. Waxa aad loogu durayaa tayada suugaanta iyo maansada maanta la curiyo, waxaana heersare laga dhigayaa kuwii hore. Ma garanayo sababta loo kala faddilay. Waxa cutubka kowaad lagu soo xidhayaa gabayga Xus Abwaan ee Axmed Colaad Digaale (Qorane) oo la quseeyay. Gabaygani wuxuu daabacaadda hore ku qornaa isaga oo dhan ahaana 116 tuduc meeris, imaka waxa la soo qaatay isaga oo 39 bayd ah, weliba 4 sadar ayaa laba jeer la qoray, sidaas awgeed waa 35 sadar. Afarta tuduc ee labada jeer qorani waa Hawd iyo Hargaysiyo Togdheer hilinka Laascaano Hobyo iyo Nugaal hoose iyo Haaman iyo doollo Hoosada Sanaag iyo Berbera hogobka Boosaaso Ka hayaantay maansadu dhulkay hoyga ku lahayde Gabayga waxa loo qaybiyaa hojis iyo hooris.. Sida ka muuqata afarta sadar oo ka wakiil ah 31ka aanan qorin iyo gabaygo badan oo kale; buuggu ma kala astaynayo gebi ahaan. Ma aqoon lagu qeexo ayaan jirin? Miyaa laga wahsaday? Mise xil ayaan la iska saarin? Gabayga iyo guurowgu waxa ay ku kala geddisan yihiin in midkood leeyahay hojis iyo hooris, midna ay meerisyadiisu xidhiidhsan yihiin.. Markaas saw maaha in aan guurow dhigayo, illeen ma arko summaddii gabaygu ku soocnaa’e? Gabaygaas 35ka meeris ah waxa ay ahayd in la is raaciyo 6da ama 7da meeris ee macnaha buuxa samaynaya, isku dulucdana ah, imaka se waa la isku wada daba qabtay. Ma akhriyi kartaa taxane (lines) 35 sadar oo aan lahayn tuducayn (paragraphing)?. Iyada oo gabaygii la saaray 75% ayaa ardayda la weyddiinayaa “xasuuso shan abwaan oo gabaygan ku jira maansadooda, ka dibna soo bandhig”. Sawdiga tuuray magacyada 102dii abwaan ee gabayga ku xusnaa, halkee ardaygu ka keenayaa shanta abwaan iyo maansadooda? Sidaa ad magacyada u laasheen, miyaad weyddiintanna meesha uga xaaqdaan? Naqdiga Cutubka 2aad: Miisaanka Maansada Soomaalida Miisaanka Maansada Soomaaliyeed waxa markii kowaad lagu daray buugaagtii fasalka 4aad ee la daabacay 2016kii, illaa haddana laguma qaado imtixaannada qaranka. Waayo? Waxa lagu doodayaa in aan xitaa qaar bareyaasha ka mid ahi fahmin miisaanka maansada iyo waxa looga jeedo. Haddii bareyaashi sidaas yihiin, maxaad ka fili ardaydana? Xitaa kuwa qoray ayaan garaynnin ayaa ay ila tahay. Anigu waxa aan aamminsanahay in hannaanka loo qoray ay sabab u tahay fahan la’aanta. Macallimiintu libaax ayay dhegaha hayaan, ama dhagax ayaa la leeyahay “tuujiya”. Qaabkii 2016ka loo qoray ayaa faahfaahsanaa, sidan sixitaanka loogu sameeyayna waa ay sii hagaasisay, buquujisay ama naafaysay. Waxa ay ila tahay in si hagaagsan loo qoro ama gebi ahaanba laga saaro manhajka. Miisaanka maansadu waa halka u baahan dib-ugu-noqoshada, hubinta iyo kala-qeexitaanka. Halkii ay ahayd in qeexitaankiisa lagu bilaabo, waxa lagu bilaabay gabay uu tiriyay Abwaan Xasan Muxumed Qalinle oo ahaa qoraagii buugga fasalka 4aad ee 2016ka, 2020kana ahaa tifaf-tiraha qudha ee wax-ka-beddelka ku sameeyay buugga. Illaa hadda ma garan karo waxa uu gabaygaasi soo kordhinayo, waxa ka habboonayd in halkiisa loo daayo bad-maanseedyo ku jiray daabacaaddii 2016ka oo gabaygani bara-bixiyay. Waxa ay ahayd in lagu bilaabo shuruudaha iyo xeerarka ay Gaarriye iyo Carraale u dhigeen dejinta miisaanka Maansada, kaddibna loo gudbo godadka kala geddisan ee maansada. Waxa lagu bilaabayaa xeer loo unkay jiiftada oo aan la qeexin cidda dhigtay oo ah in shaqalka dheeri 2 yahay, ka gaabani uu yahay 1. Yaa aragtidaas lahaa?. Dabcan waa tii Gaarriye. Iyada oo aan tusaale la raacin aragtida Gaarriye ee jiiftada, waxa ku xiga, oo miisaanka maansada lagu bilaabayaa tusaaleyaal jiifto ah oo ah aragtida Carraale ah sida: Saadaasha mooyee 5:4 Qalin baa saxeexee 6:3 Saaxiibbo adag iyo 7:2 Ruux sacabku madhan yahay 8:1 Lagu sugayo dhimashada 9:0 Inta aan jiiftada lagu cabbirin, miisaanka Carraale miyaanay ahayn in dadka la baro shuruudihii uu Carraale dejiyay? Dadku maxay ka fahmi 5-4, 6-3, 7-2, 8-1 ama 9:0? La soco qaybta 3aad haddii Alle idmo Siciid Maxamuud Gahayr siciidgahayr@gmail.com Qaran News
  3. Golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ah ayaa isniintii meelmariyey guddiga ladagaalanka musuqmuuqa oo ka kooban ilaa 9 xubin oo ay soo xuleen. Xubnahan ayaa loo qeybiyey beelaha Soomaaliyeed, laguna qeybsaday 4.5 oo ah 5 4 beel oo weyn iyo beelaha laga tirada badan yahay. Haddaba, Goobjoog News ayaa heshay magacayada guddiga iyo beelaha ay ka soo jeedaan. Waxaana loo magacaabay Xubnaha kala ah: – Maxamed Cabdikariim Ibraahim (Reer Aw-xasan) – Avv. Cabdiweli Axmed Cumar (Ogaadeen) – Dr. Xasan Khaliif Xasan (Mareexaan) – Avv. Maxamed Xuseen Xaamud (Gaal-jecel) – Avv. Saciido Maxamed Xaashi (Xawaadle) – Mudane Amiin Axmed Sh. Cabdiraxmaan (Raxanweyn) – Mudane Cabdullaahi Sh. Abuukar (Garre) – Mudane Khadar Axmed Diiriye (Isaaq) – Saamiya Saciid Xuseen (Gudabiirsay) Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. NINKA YIDHI SOMALILAND UMA LAHA GO’ITAAN WAR MOOGEH DHEH-II Wuxu yidhi Maxamed Cabdille Xasan: Xeenoow war baan kuu haa waxad tidhaa weeye! Waanada ustaad kani ku yidhi weedh an rabo weeye. Wadaadkii kitaabo leh in aan wan u qalaa weeye. Ina Walanwalan oo kale in aan weger idha weeye Wax isii hadduu yidhi in aan waran daraa weeye. Duur xul iyo dardaarwerin sheekadu way ka soo gudubtay. Ilduuf iyo hilmaan Iyana hadalkoodba daa. Qormadii hore waxan ku iftiimiyay in ereyga “go’itaan” sidiisaba u yahay qadaf sharciyadeed ka dib markii loo kitaab deyay xaga xeerarka caalamiga ah. Wax GO’ITAAN la yidha ma jiroe’ waa dibula soo-noqosho qarannimo iyo burin MIDOW mala awaal ahaa. Sidaas ayaanay u jirin xadhig la dal isu hayay. Halkay taal sharciyadda Somaliland iyo Somalia ku midoobeen; goormaa la ansixiyay midowga?. Labada dal ee midoobayay ayaa wakiilo uga ahaa midowga la sheego?. Halkan waxan Xuseen Axmed Warsame ugu soo bandhigayaa ja hawereerkii la kowsada maalinta 1st Juulay, 1960 iyo sida wixii la isk dhex booshaaqay uu dhaliwaayay qaran. Waa nasiib darro meesha ka dhacday waxan masuuliyaddeeda iska leh labadan kooxood ee ilaa manta ku hirdamaya hogaanka dal haligmay. Haadda ummaadii Somaliland 1960 meesha tegin, taa manta aynu arkaynu tu ka daran ayaa ka dhici lahayd oo labadan kooxood warmaha ayay isu soofaysanayeen. Waa xaqiiqo aan la dafiri Karin. Soomaali qowmiyad la’aan keli ihi qeyrkeed kama reebin, wax kale ayaa u weheliya. Dhirbaaxo Jinna wuxu Yidhi: Miimka gabay murtida xoogaliyo maayado is jiidha Indhoweydba moorada suna leh moorka ka goyne Mar haddan madaafiic rakibo mur iyo waabay leh Midha yariyo beyd-gaabku waa inay maleegtaane Qormadan oo ah tii labaad oo jawaab u ah hadal uu jeediyey nin la yidhaa Xuseen Axmed Warsame oo sheegay in aanay Somaliland xaq u lahayn go’itaan ilaa ogolaansho laga helo Soomaliyada konfureed. Anna halkan waxaan idiinku caddayn in kan la yidhi xaqaaga marti uga noqo isna in aanu jiritan iyo qarannimo midna xaq u lahayn! Haddaan la is-makeekiyen ama sarajooj-ku-atixiyaadsi sheekadu ahayn, Taariikhdu markay ahayd intii u dhexaysey Bishii April 16dii ilaa isla bisha 20dii, waxa magalaada Muqdisho ku kulmay laba wefti oo ka kala tirsanaa Golayaashii Wakiilada Somaliland iyo Somalia waxana la isla qaatay in labada dal midoobaan 1da Juuly, 1960 oo hal dal oo midaysan oo la magac baxa Jamhuuriyada Soomaaliyeed halkaa lagu yagleelo. Haddaba waxa dhacday in aan qaab laba dal heshiis ku yihiin aanu habaraate jirin. Waxay arrintu guracantay waa habeenkii Ammaanadii Qaramada Midoobay ee Talyaanigu ku-meel gaadhka u maamulayey ee Soomaaliya u xuub-siibanlayd qaran madaxbannaani taam ah. Halkay Soomaaliya sida Somaliland xoriyad u helilahayd, ayaa waxa meesha kasoo baxay Qaran la yidha Jamhuuriyada Soomaaliya. Sidaa ayaanay ammaanadii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya la odhan jirey aanay xoriyad iyo madaxbannani midna u helin. Akhristoow u fiirso heshiisku wuxu ahaa in marka hore HESHIISKA LABADA QARAN KU MIDOOBAYAAN la meel mariyo. Taasina ma dhicin. Arrornimada 1da Juulay, lagu dhawaaqo dhalashada Jamhuuriyad Soomaaliyeed oo wareegto Madaxweyne lagu meel mariyey iyo tu kaloo iyan ka daran oo la yidhaa “Atto di Unione” ama axdigii Midowga labada dal. Dhaqankeenii reer guuraga haddaad u yara fiirsato, marka geedi loo lalabayo ee ratiga la rarayo, ugu horeyn karbaash iyo keed ayaa marka hore la saara, ka dibna qobtol ayaa la xigsiiyaa, dabadeedna cayn iyo bayd ayaa lagu giijaa, ka dibna udbaha ayaa dhinayada lagaga xidhaa, marka xiga waa hararadii iyo wixii maacuun ah oo awrka labada dhinac lagaga tiirsho si miisaaman. Waxan uga socdaa midowgan aan macnihiisaba heshiiska lagu ahayni sow ma aha sida Ratigaa inta wax walba gurada loo saaray oon cankii iyo baydii loo giijin dabdeedna intoo la kiciyey la damacay in uu dhaqaaqo. Kicid daayoo marka uu ruqaansadaba sow wixii korkiisa saarna dhinacyada ka daadan mayaan? Shuruucda iyo distooraduna waa sidoo kale oo waa in sida ugu haboon loo dhammaystiraa si aan gol-daloolooyin hadhow lagu murma meesha uga soo bixin ilayn waxa la yagleelayaa waa Qaran looga golleeyahay in uu waaro oo la intifaacsado, haddii kale waa muran iyo is-maandhaaf sida hadda aynu aragno. Sidaa darteed ayey labadii Qaran ee la damcay in la isugu qobtolo qaab guracan oon qawaaniinta dunida lagaga dhaqmo u sal-dhigi waayeen. Markay ay Soomaali Koonfureed noqotay maraboob Somaliland dacalka ka laalaada si yar oo fudud ayeynu isaga farsamayn. Sideedaba haddii laba Qaran Midoobayaan, kan cusub ee dhaxlaya labada hore waa in laga helaa astaamihii,distooradii, shuruucdii iyo wixii heshiiso caalami mid waliba ula wadaagay dunida inteeda kale waxana si faahfaasan u qeexaya Xeer Qaramada Midoobay yaala oo la yidhaa Xeerka Heshiisayada Laba-Geesoodka ah ( UN Convention on Bilateral Agreements/Treaties.) An mar labaad is dul taago ereyga GO’ITAAN. Ugu horeyn Somaliland dal ay ka go’ayso oo shakhsiyad qaanuuni lihi (Legal Personality) oo Jamhuuriyad Soomaaliyeed la yidhaa oo 1960 la kowsatay oo midnimo ka dhaxaysaa haba yaraatee majirto. Hal dal ayaa madaxbannani dhammeystirin helay 1960- dalkaasina waa Somaliland oo buuxisay gebi ahaanbay xxerarka caalamka lagaga dhaqmo.; ammaanadii Qaramada Midoobay dowladda Talyaanigu u maamulaysay mudada tobanka sannadood ah ee la odhanjiray Somalia may buuxin shuruudihii qarannimada (Sida Montevideo Convention on the Rights and Duties of States, signed December 26, 1933). Ilaa maanta qarannimada ay sheegato magac-u-yaalka ‘Federaalka Soomaaliya’ waa tii Somaliland ee 26 jUUN, 1960. Sheegashaada wakhtigeedii wuu dhammaaday oo mid shariciyad ku salaysan ma ah; daahana weynu ka feydi dabadeedna iskuud ayey isaga huleeli iyaga oo qaawan oo mudh iyo gacan ah. SUMADDA MAANDEEQ WAA FAR IYO LABA SHUME Sida sooyaalka taariikhdu sugtay bishii May 2-12, 1960 waxa magaalada London ee Midowga Boqotooyada Ingriiska iyo Waqooyiga Ireland ku qabsoomay shirkii Distroorka Somaliland. Waftigii Somalilandl uga qeyb galay wuxu ka koobnaa: AHUN Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal Madaxi weftiga AHUN Xaaji Ibrahim Nuur AHUN Axmed Xaaji Ducaale Cali Garaad Jaama Maxamuud Cabdi Caraale Xog-hayntii weftiga Waxa xigtay Bishii Juune 23dii, 1960 war-murtiyeed ka soo baxay Aqalka Boqotooyada Ingriiska oo nuxurkiisu ahaa laga bilaabo bisha Juun 26dii, 1960 in Maxamiyada Somaliland Protecorate ee noqondoonto qaran madaxbannaan. Bishii Juun 26dii, 1960 sidaas ayey Somaliland ku noqotay dal Soomaaliyeed oo xoriyad buuxda kasbada tii ugu horeysey ka dib markii ay buuxisay dhammaan shuruuxdaha Xuquuqda Qarannimo ee Axadiga Montevideo ee dhaqan galay 26dii, 1933 oo ah sida hoos ku xusan: Lahaansho dhuleed Tiro dad ku nooshahay Leh Soohdimo cayiman (bad, Berri, iyo Cirba) Maamul dhulkiisa ka taliya Heshiisyo cid kale la gelli kara Xoriyadda Somaliland waxa ku lamaanaa dhammaan wixi heshiis caalami aha ee Dowladda Boqortooyada Ingriisku gashay intii ay Somaliland ka talinaysay iyo horteedba laga soo bilaabo Feb 6th, 1827 ilaa June 25th, 1960. Mulkiyadda heshiisayadaa dhamman way ila manta u suganyihiin oo iska leh Jumhuuradda Somaliland ee manta jirta. Ninkay seegtayoow maqal sir la qarinayo ma aha. Xaqa lahaanshaa dowlad la yidhaa Jamhuuriyad Soomaliyeed oo lagu wareejiyay ma jirto, sida aanay u jirin tu la yidhaa Jamhuurada Dimuqraadiga Soomaaliyeed oo kasoo farcantay Jam. Soomaaliyeed ee 1960. Kuwa ay ka mid yihiin “Transitional National Government”, “Transitional Federal Government of Somalia” iyo tan hadda heehaabaysa ee la maac baxday “Federal Government of Somalia” wuxuba waa nirgo ka tafiirmay hal asalkeedu xaaraan ahaa. Sidaa darted la ogyahay in aanay layn Waxa loo yaqaan “Shakhsiyad Qaanuni ah” ama “Legal Personality.” Iyo kuwo la yidha “Succession of States.” Sharci iyo marci kii la doonaba ha loo kitaab furo.” Waa maangade abaar ah iyo nin dirri maax ka deyay! Isla bishii Juun 27dii, 1960 Golihii Wakiilada ee Somaliland wuxu aqlabiyad ku meel mariyey xeerka tirisigiisu yahay Xeer Lambar 1 ee Juun 27dii, 1960 ee la magac baxay Xeerka Midowga Qaranka Somaliland iyo Qaranka Soomaaliya. Haddaba ammanadii Qaramada Midoobay Talyaanigu uga wakiilka aha qaab kan Somaliland ku ka duwan oo khilaafsan shuruudihii dal qarannimo ku hanan lahaa. Ta koowaad Bishii Juun 21, 1960 sagaanshankii (90 xubnood e Glaha Wakiilada Somalia iyo labatan Soomaali ah oo lagu kordhiyey ayaa anxiyay wax lagu magacaabo “Distoorka Jamhuuriyadda Soomaaliya!”The Constitution of the Somali Republic.” Ta labaad Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Dowladda Talyaanigu taajka beenta u xidhay heshiisyada caalamiga ah ee ay ku wareejisay waa inta u dhexaysa 2nd December 1950 ilaa 30th Juun,1960. Waxay ku koobanyihiin tobankii sannadood eek u meel-gaadhka Talyaani u xukumayay. Wixii heshiiso Dowladda Talyaanigu wakiilka uga iyaga qoran oo tiradoodu dhantahay 19 heshiis lab-geesood ayuu Talyaanigu doona in uu ku wareejiyo; hase ahata waxa loogu jawaabay in heshiisyadaa loola dhaqmi doono sida qodobka 67 ee distoorka Jamhuuriyadda Soomaaliya qeexyo. Ta seddexaad dunidu way ka warqabtaa in aanay sugnayn soohdinta Somalia iyo Ethiopa si waafaaqsan xeearka caalamiga ah ee sohdimaha; sidoo kale Iyana soohdinta dhinac badda ee Somalia iyo Kenya iaya ma sugna oo waa taa ilaa manta laga warsugayo Maxkamadda Addunka. Sidaas ayaanay u jirin madaxbannaani ay heshay ammaanadii Talyaanigu heyay mana sheegan karto qarannimo iyo iyo dowladnimo, mar hadday buuxinweyday ugu yaraan qodobada Axdiga Montevideo ee dhaqan galay Bshii December 26th 1933. Ninkii diidayoow maqal kii ay damqaysow adna badda cas biyeheeda dhanaan ka durduuro. Fiiro gaar ah: Heshiiska Midowga Somaliland iyo Somalia ee Golihii wakiilada Somaliland anxiyay Bishii Juun 27th 1960 waxa ku jira qodob sheegaya in lala Midoobayo dal midaysan oo la magic bixidoona “Jamhuuriyadda Soomaaliya. Akhristoow bal iswedii in aynu qeyb ka nahay distoorka la ansixiyay Juun 21st Juun, 1960 iyo kii loo ballansana in Juulay 1st 1960 lagu midoobo; iyama ayaynu ka mid noqonay? Labada midna kamaynaan midnoqon. Ciddii dacwad ka qabtaa dayax guudkiisa gantaalo ha ka soo afuufaan. Dunidu way ka warqabtaa in soohdinta Soomaaliya iyo Ethiopia si xeerarka caalamka waafaqsan u sugna; soohdinta Soomaaliya iyo Kenya iyana si sharci ah uma sugna oo waata laga war sugayo Maxkamada Addunka. La soco kuwa dambe waxaynu ku eegi is dhexyaacii asqadii 30th June, 1960 iyo 1st July, 1960 Axmed Cali Ibrahim Sabeyse asabeyse@hotmail.com Qaran News
  5. Mogadishu (PP News Desk) — Puntland State President Said Abdullahi Deni yesterday spoke to the media about budgetary support funds from the World Bank for Federal Member States “still being held up at the Federal Finance Ministry”. “ The debt relief progress is one milestone attained by the Federal Government of Somalia. It is now getting budgetary support which has yet to be distributed to the Federal Member States. In my view there is no a technical problem preventing transfer of funds to Federal Member States” said President Deni. President Deni requests release of budgetary support funds from the Federal Finance Ministry without common agreement on reporting and auditing procedures in place. Last week President Deni said that the Federal Government had made no security progress in the capital for the last four years. Release of budgetary support funds are subject to federal reporting and auditing procedures that Puntland State has yet to sign up to. Puntland State has not implemented “cash-for-work scheme for vulnerable households” as a part of a World Bank grant. © Puntland Post, 2020 The post Puntland President Requests Release of Budgetary Support Funds appeared first on Puntland Post.
  6. Madaxweyneyaasha Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur galbeed Axmed Kaariye Qoorqoor, Maxamed Waare iyo Cabdicasis Laftagareen ayaa la sheegay in ay isla garteen kulan looga arrinsanayo imaanshiyahooda Muqdisho. Kulankan oo lagu wado inuu ka dhaco Baydhabo ayaa waxaa ay 3-da nin uga tashanayaan sidii laga yeeli lahaa casuumaada loogu fidiyey iney kusoo biiraan shirka Muqdisho ee DF iyo dowlad goboleedyada. Muqdisho waxaa ku sugan, madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe kuwaas oo sugayo raggaas maqan si ay shir doorashada la xiriirta ula galaan Farmaajo. Shirkan ayaa la sheegayaa in isbadal loogu sameyn doono Dhuusamareeb 3. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Keith Hansen oo ah garyaqaan u dhashay dalka Mareykanka ayaa waxaa laga bilaabo 8-da bishan September loo magacaabay inuu noqdo agaasimaha Bangiga Adduunka ee dalalka Kenya, Rwanda, Somalia iyo Uganda. Keith oo ah aqoonyahan leh khibrad 30 sano ayaa bedalaya Carlos Felipe Jaramillo, kaas loo wareejiyey inuu noqdo ku xigeenka Bangiga Adduunka ee Latin America. Qoraal ka soo baxay Bangiga Adduunka ayaa waxaa lagu sheegay in Keith Hansen uu gacan ka geysan doono, sidii loo gaari lahaa koboc dhaqaale iyo yareynta saboolnimada. Magacaabistan ayaa timid xilli wadamada Kenya, Rwanda, Somalia iyo Uganda ay wajahayaan saameyn dhaqaale oo ka dhalatay cudurka faafa ee Coronavirus. Agaasimaha cusub ayaa horey shaqooyin iyo xilal kala duwan uga soo qabtay Bangiga Aadduunka, waxaana hadda la filayaa inuu xoogga saaro ka soo kabashada cudurka safmareenka ee Covid-19. M. Keith Hansen wuxuu saldhiggiisu uu noqon doonaa magaalada Nairobi ee caasimada Kenya. Bangiga Adduunka ayaa si weyn u taageero dowladda federaalka Soomaaliya, isaga oo dhowaan ugu deeqay lacago badan oo wax looga qabanayo arrimaha bani’aadanimada. The post Bangiga Adduunka oo agaasime cusub u soo magacaabay Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.
  8. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaaciyay in Puntland ay weli ka xannibantahay lacagtii loo soo mariyay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Deni, wuxuu sheegay in Lacagta loo yaqaan Budget-support, oo Baniga Adduunku siiyay Soomaaliya, aysan weli waxba ka soo gaarin Dowlad Goboleedyada Dalka, kadib markii ay ka xannibtay Wasaaradda Maaliyadda heer Federaal. Madaxweynuhu, wuxuu sidoo kale codsaday in Lacagtaasi loo fasaxo Dowlad Goboleedyada, maadaama ay tahay lacag loogu tala-galay, in la gaarsiiyo Waddanka oo dhan ,si wax loogu fuliyo Arrimaha u baahan Wax ka qabadka. Madaxweyne Deni, wuxuu sheegay in haddii Lacagtaas si sax ah loo gaarsiin waayo dhammaan Dowlad Goboleedyada, ay taasi dhaawac ku keeni karto Kalsoonida lagu qabo Hanaanka Maaliyadda Dalka, xilli lagu jiro Barnaamijka Deyn-cafinta. Hoos ka daawo halkiisa PUNTLAND POST The post Deni:Weli waa naga xannibantahay Lacagtii na loo soo mariyay Dowladda Federaalka appeared first on Puntland Post.
  9. Wararka ka imaanaya wadanka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay gudaha dalkaasi. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Xasan Jaceelow, kaas oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Koonfur Afrika. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in kooxo burcad ah ay marxuumka ku dhex-dileen goobtiisa ganacsi oo ku taalla magaalada Port-Elizabeth, kadibna ay goobta ka baxsadeen. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayey weerarada ka dhanka ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dalkaasi View the full article
  10. Wararka ka imaanaya degmada Balcad ayaa sheegaya saaka aroortii ay weerar kusoo qaadeen ciidamo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo soo galay gudaha magaalada. Rasaas ayaa waxaa ay dhexmartay dagaalyahannada Al-shabaab iyo ciidamo deegaanka ah, taasi oo keentay khasaare kala duwan. Ilo ka tirsan dowladda federaalka ah ayaa sheegay in Al-shabaab laga dilay 14 iyaguna ay dileen askari iyo 7 qof oo shacab ah. Ma jirto warar madaxbannaan oo ka soo baxay halkaasi, laakin dadka deegaanka ayaa sheegay in xaaladda ay degan tahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay lagu dilay dalka Koonfur Afrika. Marxuumka la dilay waxaa lagu magacaabi jiray, Axmed Xasan Jaceelow, waxaana soo weeraray koox burcad Afrikaan ah, sida ay xaqiijiyeemn qaar ka mid ah Soomaalida. Kooxda burcadda ah ayaa la sheegay inay marxuumka ku dhex-dileen goobtiisa ganacsi oo ku taalla magaalada Port-Elizabeth, kadibna ay goobta isaga baxsadeen. Mid ka mid muwaadiiniinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in meydka ay mar dambe iyagu goobta ka qaadeen, waxaana sidoo kale goobta gaaray ciidan ka tirsan kuwa Booliiska. Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay inay haatan wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi, inkastoo aan gacanta lagu soo dhigin raggii ka dambeeyey. Koonfur Afrika waxaa muddooyinkii u dambeeyey ku soo badanayey weerarada ka dhanka ah Soomaalida oo dil, dhaawac iyo boob kala kulmo koox burcad Afrikaan ah. The post Axmed Jaceelow oo xalay lagu dilay Koonfur Afrika first appeared on Caasimada Online.
  12. MOGADISHU (HOL) - At least fifteen people have been killed and seven others injured after heavily armed al-Shabaab militants stormed a small town in North of Somali capital. Source: Hiiraan Online
  13. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa markii u horraysay ka hadlay cabasho laga muujiyay Xukun ay ridday Maxkamadda Garoowe oo ku saabsan Kiiskii marxuumad Hodon Shanlayste. Madaxweyne Deni, wuxuu Garsoorayaasha Xukunkaas riday ku boorriyay in ay Qoyska Marxuumadda iyo guud ahaan Shacabka Puntland u sharraxaan Qodobada ay u cuskadeen Go’aankooda, si loogu kalsoonaado Hannaanka Cadaaladda. Sidoo kale, Qoyska Marxuumadda ayuu ugu baaqay in ay Rafcaan ka qaataan Xukunka haddii aysan ku qancin maadaama Maxkamadda Xukunka ridday aysan ahayn mid kama dambays ah balse ay jiraan maxkamado ka sarreeya. Mudane Deni, wuxuu sidoo kale ku hanjabay in Xukuumaddu tallaabo adag ka qaadi doonto Garsoorihii lagu ogaado in uusan ridin Xukun Caddaalad ku dhisan. Halkaan ka daawo hadalka Madaxweyne Deni PUNTLAND POST The post Puntland oo ka jawaabtay cabasho ka soo yeertay Qoyska marxuumad Hodon Shanlayste appeared first on Puntland Post.
  14. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa nasiib-darro ku tilmaamay fadeexadda haraysay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ay ku dhaceen ardaydii ugu badnayn, gaar ahaanna Gobolka Banaadir. Madaxweyne Deni, wuxuu sheegay in Puntland markii ay diidaysay Intixaanka heer Federaal, ay filaysay in ceebtaas iyo mid lamid ah ay ka imaan doonto Imtixaanka, maadaama aysan jirin manhaj iyo muqarrar midaysan oo loo diyaarshay Ardayda. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in laga been sheegay Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee heer Federaal, maadaama qaladaad badani ka jiray dhanka Sixitaanka, iyadoo Imtixaanka ay galeen Arday wax ka barta Degaannada Al-shabaab maamusho, oo aysan waxba ka ogaan Karin Dowladdu. Mr Deni, ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay in Dowladdu Imtixaanka ku ridday Arday badan oo waalidkood dhib iyo Rafaad ka soo mareen in ay waxbartaan, halkii la doonayay in la tayeeyo Waxbarashada. Halkaan ka daawo Hadalkiisa PUNTLAND POST The post Deni oo nasiib-darro ku tilmaamay fadeexadda ku dhacday Imtixaankii heer Federaal appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa si adag uga hadlay natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee wasaaradda waxbarashada, kaas oo badan kood ay ku dhaceen ardayda magaalada Muqdisho. Siciid Deni ayaa marka hore shaaciyey in si fudud aan loo aqbali karin natiijadaas oo walaac laga muujiyey, kadib markii ay ku dhawaaqday wasaaradda waxbarashada. Sidoo kale wuxuu eeda ugu weyn ee walaaca ka dhashay natiijada dusha u saaray wasiir Goodax Barre, isaga oo sheegay in uusan ka war-heyn natiijada soo baxday oo uu hoosta ka xariiqay inay tahay mid aan sax aheyn, sida uu hadalka u dhigay. “Waxa aan hubaa in Wasiirka uusan ka warqabin natiijada kasoo baxday Imtixaanka Dowladda, natiijada waxa ay ila tahay in aysan ahayn mid sax ah, waxa ay ahayd in Ardayda loo qiimeeyo si lamid ah Ardayda wadamada Caalamka, iyada oo laga duulayo Covid-19”. ayuu yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Deni. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya aysan u diyaarsaneyn xilligan in dalka oo dhan ay ka qaado imtixaanka, maadaama meelaha qaar ay maamulaan kooxda Al-Shabaab. Deni sidoo kale is-dul istaagay Muqdisho, wuxuuna tilmaamay inay tahay xudunta xagga tacliinta ee guud ahaan dalka. “Dhismaha Dowladda uma diyaarsana in dalka guud ahaan ay ka qaado Imtixaanka, Natiijada Ardayda dhacday waa wax laga naxo, xaqiiqada marka loo gudbo soomaalidu waa ay iska warqabtaa, Muqdisho waa Magaalada Xagga Tacliinta ugu badan, waxaana ka garan kartaa sida ay ugu badan yihiin Tartanka deeqa waxbarashada” ayuu raaciyey. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo si weyn looga falceliyey nitiijadii ay maalin ka hor shaacisay wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka ah Soomaaliya, taas oo shaki weytn laga muujiyey, kadib markii ardayda ugu badan ay ku dhacday imtixaanka ay noqdeen kuwa ku sugan gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho. The post Madaxweyne Deni oo weerar culus ku qaaday wasiir Goodax Barre first appeared on Caasimada Online.
  16. (SLT-Hargeysa)-Guddida qaban qaabada shirweynaha Kulmiye ayaa tartanka ka reebay wasiirka Beeraha Somaliland Axmed Muu’min Seed, oo u tartamayay jagada guddoomiye ku-xigeenka Afraad. Seed, ayaa shubay Lacagta balse waxa uu buuxin waayay shuruudaha gaar ahaana muddada uu xisbiga Ku jiray oo ka yar 5 sannaadood. Source
  17. Madaxweynayaasha maamullada HirShabelle iyo Glamudug ayaa saacadaha soo socda ee maanta ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Wararka ayaa sheegaya in halkaasi ay shir wada-tashi ah ay kula qaadan doonaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen). Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Shabelle u sheegay in shirkaasi lagu gorfeyn doono xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan adkeynta qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3. Sidoo kale ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, iyadoona ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka magaalada Baydhabo ee xarunta KGM ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Socdaalka Waare iyo Qoor-Qoor ayaa ku soo aadaya, xilli haatan Muqdisho ay ku sugan yihiin Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo wada-hadallo la leh dowladda federaalka, si xal mideysan looga gaaro arrimaha doorashooyinka ee 2020/21. View the full article
  18. (SLT-Hargeysa)-Shirkadda Trafigura ee ka ganacsata shidaalka iyo saliidda ayaa sheegtay in ay maalingalin ku samaynayso Haamaha Kaydka shidaalka ee Magaalada Berbera. Warsaxaafadeed ay soo saartay Shirkadda Trafigura ayaa lagu sheegay in shirkaddu damacsan tahay in Berbera noqoto xuddunta Kaydka shidaalka ee Geeska Afrika. Shirkadda ayaa dhawaan heshiis la saxeexatay Xukuumadda Somaliland gaar Ayaan Wasaaradda ganacsiga sida ay ku cadeeyen Warsaxaafadeed ay maanta soo saartay shirkaddaasi. Shirkadda Trafigura oo ka shaqaysa shidaalka iyo saliidda la isaga gudbiyo dunida ayaa Xarunteeda ugu weyni ku taalaa Switzerland. waxaanay Todobaadkan Berbera keentay Markabkii ugu horreeyay ee sida Shidaal shirkaddaasi leedahay. Halkan hoose ka akhriso warkan https://www.trafigura.com/press-releases/trafigura-to-invest-in-improving-berbera-oil-terminal-to-become-a-regional-supply-hub-with-the-support-of-the-government-of-somaliland?fbclid=IwAR0L9h1-5D9pjmZCjijg4MOL17gGwZQxC7wRBKg3geQkwekhI-CLz0jc7r8 Source
  19. Faah faahino kala duwan ayaa waxa ay ka soo baxayaan weerar culus oo dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay saaka aroortii hore ku ekeeyeen degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo uu xigay dagaal foolka fool ah. Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac uu dhex-maray iska hor imaad muddo socday, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Sidoo kale ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac, balse aan si dhab ah looma xaqiijin karo, inta uu gaarsiisan yahay. Xarakada Al-Shabaab oo war ka soo saartay dagaalkaasi iyo weerarka horreeyey ayaa sheegatay inay la wareegtay qeybo ka mid ah degmada, sida xarunta maamulka, islamarkaana ay xabsiga ka sii deysay maxaabiis fara badan, sida ay hadalka u dhigtay. Dhinaca kale guddoomiyaha Balcad, Qaasim Cali Nuur oo u warramay Shabelle ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada Al-Shabaab ee ah inay qabsadeen degmadaasi. Qaasim ayaa tilmaamay in ciidamada ammaanka ay ka hortageen weerarkaasi, wuxuuna tilmaamay in dib loo si kiyey Al-Shabaab, islamarkaana dagaalka xoogiisa uu ka dhacay duleedka magaalada. Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana degmada ku sugan ciidamada milatariga Soomaaliya oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi. Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fuliya wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee xarunta HirShabelle. View the full article
  20. (SLT-Riyadh)-Gabadhii u doonannayd Suxufigii la diley ee ahaa mucaaradka Sacuudiga, Jamal Khaashuqji, ayaa ku cambaareysay maamulka Sacuudiga xukunnada kama dambaysta ah ee la xidhiidha dilkii laba sanno ka hor laga geystay magaalada Istanbul. Maxkamaddu waxay amartay inay muddo xabsi ah ay ku beddelayso shan xukun oo dil ah – laakiin midkoodna dambiilayaasha lama magacaabin, haweenayda u doonan Mr Khashoggi, Hatice Cengiz, wax ay iyana arrintaasi ku tilmaantay “caddaaladdii oo lagu jeesjeesayo”. Madaxtooyada Turkiga ayaa sidoo kale dhaleeceysay xukunka, waxayna sheegeen in xukunkani ka hooseeyo rejadii Turkiga iyo Beesha Caalamka. Maxkamad ku taalla Sucuudi Carabiya ayaa xukunka ka khafiifisay shan qof oo loo heystay dilkii weriye Jamaal Khaashuqji sanadkii 2018-kii, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda. Raggan ayaa hore loogu xukumay xukun dil ah. Dacwad oogaha guud ee dalkaas wuxuu sheegay in raggaas lagu riday 20 sano oo xadhig ah maadama qoyska weriyaha ay cafiyeen. Halka maxkamaddu ay ayidday xukun u dhexeeya 7 ilaa 10 sanno oo lagu riday saddex qof ee kale. Kaashuqji oo si weyn u dhaleecen jiray xukuumadda Sucuudiga ayaa lagu dilay gudaha qunsuliyadda boqortooyada ee Istanbul. Dowladda Sucuudiga waxay sheegtay in weriyaha lagu dilay howlgal aan fasax loo heysan, dacwad oogayaasha Sucuudiga waxay dacwad kusoo oogeen 11 qof oo aan magacyadooda la shaacin. Shan qof ayaa lagu riday xukun dil ah kuwaas oo la sheegay in si toos ah ay uga qeyb qaateen dilka halka saddex kalena lagu riday xukun xadhig ah, waxaana lasii daayay saddex qof oo kale oo lagu wax dambi ah lagu waayay. Source
  21. (SLT-Dubai)-Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil ay dhisi doonaan isbaheysi ka dhan ah Iran, si ay u ilaaliyaan Bariga Dhexe iyo dhulka Mareykanka. “Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil labaduba waxay garowsan yihiin in Iran ay tahay halistooda ugu weyn, sidaas darteed waxay iminka heleen hab ay ku aas-aastaan xidhiidh cusub, taasi oo hadda laga abuuri karo isbaheysi ugu dambeyn xaqiijiya in halistan ayna marnaba soo gaadhin xeebaha Mareykanka ama ayna cidna ku dhaawacin Bariga Dhexe,” ayuu Pompeo u sheegay Fox News. Pompeo ayaa ku qeexay dhageysiga wada-hadalladii dhex maray ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, dhaxal-sugaha Imaaraadka Carabta Mohammed Bin Zayed iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump “daqiiqad taariikhi ah”. 13-kii August madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay heshiis nabadeed oo dhex maray Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta, kaasi oo ay fududeysay Washington. Abu Dhabi ayaa sheegtay in heshiiska uu ahaa dadaal lagu joojinayo goosashada Tel Aviv ee qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ee la haysto, hase yeeshe dadka dhaliila heshiiska ayaa rumeysan in xidhiidh dhex mara labada dhinac laga soo shaqeynayo muddo sannado ah Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa sidoo kale kadib heshiiska sheegay in goosashada Israa’iil ee Daanta Galbeed ayna weli meesha ka bixin balse dib un loo dhigay. Source
  22. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Subax-08092020.mp3 View the full article
  23. (SLT-Belarush)-Haweeneyda hoggaamineysa banaanbaxyada ka socda dalka Belarush Maria Kolesnikova ayaa la afduubtay sida ay qoreen qaar kamid ah wakaaladaha wararka ee caalamku, afduubka waxaa geystey dad aan la caddeyn halka ay ka socdaan. Xiliga la afduubanaayey Maria Kolesnikova ayey ku sugneyd badhtamaha magaalada Minsk ee caasimadda dalkaas oo ay ka socdaan mudaaharaadyo lagaga soo horjeedo Lukashenko. Kuwa afduubka geystey ayaa wejiyada soo qarsadey, waxaana ay ku qaateen gaadhi, sida ay warbaahinta u sheegeen dad arkaayey xiliga afduubku dhacaayey. Warka afduubka haweneydan ayaa yimid kadib markii isla shalay Isniintii ay soo baxeen in la xidhay dad gaadhaya 633 qof oo kamid ahaa dadkii ka qayb qaadanaayey mudaaharaadyada. Booliska magaalada Misnk ayaa sheegay in ayna xidhin Maria Kolesnikova sida ay ku warantey wakaaladda Interfax ee dalka Ruushanka, waxaana ay iska fogeeyeen afduubka. Maria Kolesnikova ayaa ah haweeneyda keliya ee mucaaradka ka tirsaneyd ee ku hadhey dalka Belarussia, waxaana ay isku daydey in ay tartanka doorashada la gasho hoggaamiyaha mudada dheer xilka hayey Lukashenko. Tan iyo markii Alexander Lukashenko ku dhawaaqey in uu markii lixaad uu ku guulleystey doorashada codad ka badan 80% waxaa Belarus ka bilaamay mudaaharadyo ooda jabsadey. Belarus waxay ka tirsanaan jirtey Midowgii Sofiyeetiga, Alexander Lukashenko keliya ayaana hoggaamiye ka noqdey tan iyo markii USSR ay burburtey sanadkii 1991. Source