Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Laascaanood (Caasimada Online) – Ciidamada Jabhada uu hogaamiyo Korneyl Faysal Falaalug ee la magac baxday dib u xoreynta (SSC) ayaa weerar culus ku qaaday saldhiga ciidamada Somaliland ay ku leeyihiin gobolka Sool. Ciidamada Falaalug ayaa weerar ku qaaday saldhigaasi oo ku yaala deegaanka Xagarrey oo ka tirsan degmada Tukuraq ee gobolkaasi, kaasi oo ay ku suganaayen ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Somaliland. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Weerarkaasi ayaa waxa iska caabin xoog leh kala hortagay ciidamadii ku sugnaa saldhigaasi, taasi oo keentay in iska hor imaad saacado kooban ah uu dhexmaro ciidamada Somaliland iyo kuwa jabhada Falaalug. Dagaalkaasi ayaa waxa ka dhashay khasaaro labada dhinac ah, sida ay dad deegaanka ah u sheegen Caasimada Online, inkasta oo ilaa hadda si rasmi ah loo ogeyn xadigiisa. Ilaa iyo hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay xukuumada Somaliland iyo laamaha amniga ee gobolka oo ku aadan dagaalkaasi. Mana aha markii u horeysay ee Jabhadda la magac baxday dib u xoraynta SSC ee uu hoggaamiyo Korneyl Faysal Falaalug ay weerar ku qaadan saldhigyo ay leeyihiin ciidamad Somaliland, iyada oo marar hore oo dhowr ah ay sidan oo kale u weerareen. The post Korneyl Falaalug oo weerar ku qaaday saldhig ciidamada Somaliland first appeared on Caasimada Online.
  2. #Ethiopia today has introduced new currency notes, with enhanced security features and other distinctive elements. Most of the print work is currently in country within NBE vault. Distribution mechanisms developed & will go in effect. More: https://t.co/zmioVLT5DA#PMOEthiopia pic.twitter.com/5gvxcyZ4hU — Office of the Prime Minister – Ethiopia (@PMEthiopia) September 14, 2020 Qaran News
  3. Two foreigners have been arrested with dry and fresh khat at the Jomo Kenyatta International Airport. Source: Hiiraan Online
  4. Taliska ciidanka Booliiska magaalada Dhuusamareeb ayaa faah faahin ka bixiyay fal dhaawac oo xalay gudaha magaaladaas loogu geystay nin shacab a,h kana mid ah dadka muruq maalka ah ee ku nool halkaasi Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb Nuur Cilmi Maxamed ayaa sheegay in nin ku hubeysan toorey uu fal dhaawac ah u geystay Maxamed Saciid Xaashi oo muruq maal ah, kadib markii uu soo kala dhex-galay muran la xiriira lacag. Nuur Cilmi ayaa sheegay in markii hore uu baxsaday ninka dhaawaca gaystay, hase’yeeshee ciidanka amniga howlgal ay sameeyeen lagu soo qabtay ninkaas. View the full article
  5. (SLT-Hargeysa)-Iyadoo muddo laba toddoobaad ku siman oo keli ahi ay ka hadhsantahay wakhti loo asteeyey inuu Magaalada Hargeysa ka furmo shir weynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE, ayaa waxa isa soo taraya siyaasiyiinta ka tirsan Xisbigaas ee saluugsan shirkaas, kuwaas oo sheegay in aanay ka qayb-geli doonnin shirkaas. Shir weynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE ee la filayo inuu dhawaan ka qabsoomo Magaalada Hargeya ayaa waxa ka biyo diiday ka qayb-galkiisa Siyaasiyiin xilal kale duwan ka soo qaybtay Xukuumaddii horre ee KULMIYE, isla markaana door weyn kasoo qaatay dhismihii Madaxweyne Biixi, waxaanay shirkaas ku tilmaameen qaarkood inuu yahay mid u afduuban Madaxweyne Biixi iyo koox gaar ah,halka ay qaarkoodna qaadayaan afkiibaa juuqda gabay Haddaba waxa kamid ah xubnaha qaadacay shir weynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE inay ka qayb-galaan ilaa hadda saddex masuul oo xilal wasiirnimo ka soo qabtay xukuumaddii hore ee KULMIYE ,waxaana kamid ah Ex Wasiir Dawle Axmed Cali Baynax iyo Wasiirkii horre Qorshaynta Qaranka Maxamed Ibraahin Qabo iyo ex Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, kuwaas oo kamid ah xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, ayaa iyagu si toos ah u qaadacay inay ka qayb-galaan Shir weynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE ,waxaanay siyaabo kale duwan u dhaliileen shirkaas iyo hoggaanka Xisbiga KULMIYE Docda Kalene warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in aanay iyana shirkaas afraad ee Xisbiga KULMIYE aaanay ka qayb-geli doonin xubno uu kamid yahay Cali Mareexaan, Ex Wasiir Xaglatoosiye, ex Wasiir Caddaani iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE ,kuwaas oo iyana ka biyo diidsan shirkaas,waxaana la filayaa in aanay ka soo muuqan doonnin shirkaas ,balse ilaa hadda si dhab ah looma oga sababtay ay uga maagayaan ka qayb-galka shir weynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE Geesta kalane warar hoose oo aannu ka helayno illo wareedyo u dhuun daloola xaaladaha Xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay in Hoggaanka Xisbiga KULMIYE ay qorshaynayaan inay Xisbiga ka caydhiyaan saddex masuul,kuwaas oo kala ah Siyaasi Maxamuud Xaashi, Siyaasi Qabo iyo Siyaasi Axmed Cali Baynax ,balse ma jiro ilaa hadda wax war ah oo amuurtan ku saabsan oo rasmi ah oo ka soo baxay Xisbiga KULMIYE, marka laga yimaado xoggahaasi aanu helayno. Maalmaha soo socday ayaa la kala ogaan doonaa raga saaxadda KULMIYE ka baxa. Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka wada-tashiga madaxda dowladda dhexe, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho ayaa maanta galay maalintii labaad. Madaxda maamul goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa gaaray xarunta madaxtooyada oo ah meesha uu shirku ka dhacayo. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in maanta si rasmi ah loo guda geli doono ajendeyaasha shirka, maadaama kulankii shalay uu ahaa furitaan iyo qado. Inta badan waxaa laga wada doodi doonaan heeshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb, kaas oo aysan qeyb ka aheyn madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland. Sidoo kale Axmed Madoobe iyo Deni ayaa miiska soo saaray qodobada qaar oo ay diidan yihiin, kuwaas oo ay doonayaan in markale dib loogu laabto. Waxaa sidoo kale xalay dhacay kulamo gaar gaar ah oo lagu gorfeeyey sida looga gudbi caqabadaha taagan, si xal mideysan looga gaaro doorashooyinka soo socda. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana isha lagu wada hayaa natiijada ka soo baxda shirka wada-tashiga magaalada Muqdisho ee madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada dalka oo saldhig u noqon doonto doorashada 2020/2021-ka The post Shirka Muqdisho oo galay maalintii labaad & wararkii u dambeeyey first appeared on Caasimada Online.
  7. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Baarlamaanka Soomaaliya Ah Oo Soo Jeedisay In Diinta Islaamka Laga Saaro Dastuurka, Maadaama Oo Ay Jiraan Soomaali Gaalowday! Haweenay lagu magacaanbo Maryan Haaruun oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo jeedisay arin yaableh oo dareenka Bulshada Soomaaliyeed ee Muslimka ah kicisay taasi oo abuurtay hadal hayn badan iyo cadho xoogleh oo keeni karta inay nafteedu khatar gasho. Xildhibaan Maryan Haaruun ayaa dood ka socotay Golaha dhexdiisa ayaa waxa ay soo jeedisay in gabi ahaanba Dastuurka Soomaaliya laga saaro Diinta Islaamka iyadoo hadalka u dhigta inay jiraan Dad Soomaali ah oo aan Diinta Islaamka haysan oo ay sheegtay inay qodobada Shuruuda ka dhigay haysashada Diinta islaamka ay caqabad ku tahay dadkaasi, Waxaanay soo jeedisay in Shuruudaha Soomaalinimada uun lagu daayo balse arinta Diinta Islaamka laga tirtiro Dastuurka arintaasi oo ay codsi kaga dalbatay Gole Weynaha ay ka tirsan tahay. Xildhibaanaddan ayaa waxa ay tidhi iyadoo arimahan ka hadlaysa “Shuruudaha Magaaabista cidda loo magacaabaayo agaasimaha Guud iyo Ku xigeenadda Hay’adda waa inay buuxiyaan Shuruudaha soo socda, 1 – inuu yahay Soomaali Muslim ah, Waxaan u malaynayaa Soomaali 100% inay Muslim tahay, waan aaminsanahay waanan nahay, Laakiin waxaa la sheegaa qaar aan ahayn inay jiraan, kuwaan maan kala noqonaynaa Soomaalinimada” Waxa kale oo ay tidhi “Waxaan dhihi lahaa meeshaasi Muslimku ku taalo “Illaahay iyagana haka dhigo Muslim Buuxa”, laakiin in laga saaro Muslimka ayaan soo jeedin lahaa, mana diidani haddii lagu darayo, laakiin kuwaan Muslimka ahayn aan u ducayno in Illaahay Muslim ka dhigo laakiin Soomaalinimadooda ay taagnaato, taasbaan soo jeedin lahaa”. Ayay tidhi xildhibaanad Maryan Haaruun Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland ayaa toddobaadkii hore iclaamiyey dagaal siyaasadeed, kaasi oo uu ku sheegay inuu yahay mid uu dib ugu soo celinayo Xisbiga KULMIYE, Arrin uu ugu yeedhay ku soo celinta tubtii toosnayd ee xisbiga KULMIYE. Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa dagaal siyaasaddeedkaas iclaamiyey,kadib markii uu ka biyo diiday qaabka ay u socoto qaban-qaabada shirwanaha Afraad ee Xisbiga KULMIYE, kaasi oo laba toddobaad kadib ka qabsoomaya Magaalada Hargeysa.“Waxaan leeyahay tageerayaashayda ha niyad jabina waxaynu gelaynaa dagaal addag oo aynu dib ugu soo celinayno Xisbigeenii tubtii saxda ahayd.” Ayuu yidhi Xaashi Dhanka kalene Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirkii hore ee wasaaradaha Madaxtooyada iyo Duulista ee xukuumaddii Madaxweyne Axmed Silaanyo oo sheegay in aanu ka qayb-geli doonin shir weynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE ayaa u muuqda mid dagaal siyaasaddeedkiisa ka bilaabaya xayndaabka dambe ee Xisbiga,madaama oo aanu wax xil ah oo buuran ka hayn xisbga,isla markaana uu hadda debad joog ka yahay,marka laga tago xubinimadiisa golaha dhexe ee Xisbiga,taasi oo aan wax awood ah oo miisaan leh oo uu ku dagaal geli karro ahayn xaaladan, balse waxa la filayaa inuu isku dayo wax kasta oo uu ku wiiqi karro awooda Xisbiga KULMIYE, isla markaana uu dagaal jihooyin baddan uu ku soo qaadi doono Xukuumadda uu qaybta ka ahaa dhismaheedii. Geesta kalene Siyaasi Maxamuud Xaashi ayaa la sadaalinayaa inuu dagaal siyaasaddeedkiisa ka dhanka ah hoggaanka KULMIYE inuu noqon doono mid uu gabood iyo dhufays uu kasoo dhigan doono mid kamid ah labada Xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI “Madaxweyne Muuse waxaan leeyahay ismaroorinta iyo is macashiinta kaa muuqata ma noqon doonto mid aad mahadiso mustaqbalka dhaw.” Ayuu yidhi Xaashi. Siddoo kalena Siyaasi Maxamuud Xaashi ayaa waxa laga filan karraa inuu dagaal siyaasaddeedkiisa ka dhanka KULMIYAHA cusub uu noqon doono mid ay soo gallaan madax-dhaqameedka Beeshiisa,kuwaas oo ku gorgortami doonna heshiisyaddii ay la galeen Madaxweyne Biixi iyo beeshiisa ee ahaa wareejinta Guddoomiyenimada Xisbiga KULMIYE,isla markaana waxa la nawilayaa inay jid kasta u mari doona sidii ay Hoggaanka Xisbiga gacanta ugu dhigi lahayeen beeshaasi,haseyeeshee haddii ay taas ku guuldaraystaan waxa la dhawrayaa tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan waxay noqon doonto. Taageerayaal kala duwan oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ku sugan ayaa qaarkood kulamo hoose lahaayeen toddobaadkan iyaga oo ka arrinsanayay xaaladda siyaasadeed ee xisbigooda KULMIYE. Si kastaba ha-ahaatee Siyaasi Maxamuud Xaashi ayaa la sadaalinayaa inuu dagaal siyaasaddeedkiisa uu iclaamiyey ee ka dhanka ah hoggaanka Xisbiga KULMIYE uu noqon doono mid jihooyin baddan leh,isla markaana wejiyo kale gedisan leh, waxaana la filayaa inuu addeegsato xeeladihiisa siyaasaddeed, tu deegaan iyo isbahaysiyo abuurma oo ka dhan ah nidaamka cusub ee KULMIYE, waxaanu dhawrnaaba waa halka uu ku dambeeyo dagaal Siyaasaddeedka Siyaasi Maxamuud Xaashi uu sheegay inuu dib ugu soo celinayo Xisbiga KULMIYE oo uu sheegay inuu ka leexday jidkii toosnaa. Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Mujaahid Cabdiqaadir Cumar Yuusuf ayaa sheegay in aan jidka isku xidha Ceerigaabo iyo Burco aanay weli fari ka qodnayn, isla markaana aanu dhammaanay inta ka hadhay muddo xileedka Madaxweyne Biixi,waxaanu xusay in saddexdii sanno ee uu Madaxweyne Biixi xilka hayey in aan wadadaas wax baddan laga qaban Mujaahid Cabdiqaadir Cumar oo u warramayey Wargeyska Foore ayaa waxa kale oo uu ka hadlay Biyaha Magaalada Ceerigaabo, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyey ay cabashooyin ka muujinayeen shacabka Magaalada Ceerigaabo . Cabdiqaadir Cumar Yusuf ayaa haddalkiisu u dhignaa sidan:- “jidkii isku xidhayey Ceerigaabo iyo Burco weli waa faanoole fari kama qodna, jidkaas waxaan aaminsanay in labada sanno ee uga hadhay muddo xileedka Madaxweye Muuse Biixi in aanay Xukuumaddu ku guulaysanay dhammaystirkiisa,waxa nasiib darro ah in saddexdii sanno ee uu xilka hayey Madaxweyne Muuse aan wax-ba laga qaban macno leh jidkaas,wixii ay qabteena wax tayo leh may ahayn oo daadka ayaa qaaday,sannadkaa hadda sii dhammaanaya wax laga qabtay oo ay Xukuumaddu ka qabatay wadadaas oo la taaban karaa ma jirto ..”Ayuu yidhi Mujaahid Cabdiqaadir oo haddalkiisa siiwata ayaa bulshada reer Sannaag ugu baaqay inay gacmaha isku qabsadaan sidii ay u dhammaystiran lahayeen jidkaasi “Waxaan ugu baaqayaa dadka gobolka sanaag inay tashadaan sidii ay wadadaas u dhammaystiran lahayeen iyagu sidii ay horre ugu tashadeen,maanta waxa looga baahan yahay inay gacmaha isku qabsadaan dhammaystirka dariiqaas.” Ayuu yidhi. Dhanka kalena Mujaahid Cabdiqaadi Cumar ayaa ka hadlay biyaha Magaalada Ceerigaabo, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey ay qaar kamid ah Bulshada ku dhaqan Magaalada Ceerigaabo ay cabasho la xidhiidha arrintaasi muujinayeen “ Ceerigaabo ma jirto biyo la’aan haysataa maanta, lakiin kuwa ku andacoonaya Ceerigaabo waa biyo la’aan been ayey sheegayaan waana shaqsiyaad danno gaar ah leh ,Magaalada Biyuhu wey ku jiraan mana go’aan habeen iyo maalin,xaafadaha aanay ku jirina qasabadaha biyuhu, booyaddo ayey ku cabaan.”Ayuu yidhi Cabdiqaadir Source
  10. (SLT-Rome)-Dowlada Talyaaniga ayaa aqbashay inay magangelyo siiso koox tahriibayaal ah oo uu soo badbaadiyay markab laga leeyahay dalka Denmark oo ku sugnaa badda Mediterranean-ka. Tahriibayaashan ayaa loo ogolaaday inay ku degaan dalka Talyaaniga kadib in ka badan 40 maalmood oo ay badda ku jireen. Markabkii Maersk Etienne ee Dheenishka ahaa ayaa soo qaaday waxyar kadib markii markabkoodii ay tahriibayaashan saarnaayeen uu bilaabay inuu quuso. Laakiin markabkan ayaa loo diiday ogolaansho ah inuu ku xidho waddan kasta muddo bil ka badan. Muhaajiriintan ayaa ugu dambeyntii ka degay Sicily habeenkii Sabtida. kooxdan ayaa jimcihii waxaa loo wareejiyay markab samatabixin ah oo ay maamusho NGO-ga Badbaadinta ee lagu magacaabo Mediterranea Saving Humans. Waxaana la keenay dekedda Pozzallo. “Tani waxay soo afjaraysa istaaagitaankii iyo baajintii ugu dheeraa uguna ceebta badnaa ee soo mara badda Yurub,” ayay Mediterranea ku soo qortay Twitter. Waxay ku soo beegantay arrintani xilli Giriiggu la daalaa dhacayo in ka badan 12,000 oo muhaajiriin ah oo ku sugan Lesbos ka dib markii xerada qaxootiga ee Moria uu burburiyey dab. Warar ay qoreen warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegaya in tahriibayaashan ay ka soo kala jeedaan dalka Sudan, Chad, Eritrea iyo Libya. Illaa 19,400 oo tahriibayaal ah ayaa ka degay xeebaha Talyaaniga ilaa iyo sannadkan, marka la barbardhigo qiyaastii 5,200 isla muddadan oo kale sanadkii la soo dhaafay, sida lagu sheegay xog rasmi ah oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters. Source
  11. LONDON/PARIS/ROME New fatalities and coronavirus cases were reported across major European nations Saturday. UK At least nine new fatalities from the virus were reported, bringing the country’s death toll to 41,623, according to the Health Ministry. Another 3,497 infections were registered in the past 24 hours, bringing that number to 365,174. France At least 17 deaths in hospitals and 10,561 new cases were reported in France, according to a statement by health authorities. The death toll reached 30,910 and the number of cases climbed to 373,911. Italy Italy registered 1,501 new virus cases, bringing its tally to 286,297, said health authorities. The death toll rose to 35,603 as six more people died from the virus. The number of recoveries stands at 213,191. Across the world, COVID-19 has claimed more than 917,100 lives in 188 countries and regions since December. The US, India and Brazil are currently the worst-hit countries. More than 28.5 million cases have been reported worldwide, with recoveries exceeding 19.2 million, according to figures compiled by US-based Johns Hopkins University. aa Qaran News
  12. (SLT-Bahrain)-Midowga Caalamiga ah ee Culimada Muslimiinta ayaa si rasmi u muujiyay dareenkiisa ku aaddan heshiiska Dowladda Baxrayn ay dhawaan la galay Israel, kadib markii heshiis uu shaaciyay Madaxweyaha Mareykanka. Midowga Caalamiga ah ee Culimada ayaa heshiiskaas Baxrayn la gashay Israa’iil waxaa ay ku tilmaameen inuu yahay khiyaamo qaran oo laga gelayo shacabka Falastiin iyo umadda Islaamka ah. Xoghayaha Guud ee Midowga Culimada Islaamka Ali Al-Qardagi ayaa sheegay in kulankii ugu dambeeyey ee midowga uu kasoo baxay bayaan ay kaga hadlayaan heshiiskaas iyo sida ay u arkaan, Sidoo kale Xoghaye Ali Al-Qardagi ayaa tilmaamay in heshiiskaasi uu yahay mid lagu deg-degay, maadaama Israa’iil ay weli ku adkaysanayso inay sii haysato dhulka umadda islaamka ah ee Falastiin. Waa waddankii Afaraad oo Carbeed, isla markaana xidhiidh diblumaasiyadeed oo toos ah la yeesha Israa’iil, waxaa heshiis hore la gaaray Israa’iil wadamada Masar, Urdun, iyo Imaaraadka. Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka qorsheynta Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa baabi’iyey jagada xoghayaha joogtada ee wasaaraddaasi, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa oo ku taariikheysneyd 10-kii September. Wasiir Jamaal oo xil kan u haya si KMG ah ayaa is-bedal ballaaran ku sameeyey waaxaha maamul ee wasaaradda qorsheynta Soomaaliya. Cabdiqaadir Maxamed Aadan oo horey u ahaa xoghayihii joogtada ee wasaaradda ayaa waxaa haatan laga dhigay agaasimaha guud ee wasaaradda qorsheynta, kadib markii uu wasiirku meesha ka saaray jagadii uu hayey ee xoghayaha joogtada. Sidoo kale qeybaha kale ee ay wasaaradda ka kooban tahay ayaa haatan wixii ka dambeeya yeelan dooo agaasime waaxeedyo, sida lagu sheegay warqadda. Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in is-bedalka lagu sameeyey maamulka wasaaradda qorsheynta uu yahay dib u habeyn wax tar u leh howlaha wasaaradda. Is-bedalladan ayaa ku soo aadaya, xilli xukuumadda hadda jirta shaqadeeda ay tahay xil gaarsiin oo kaliya, waxaana tallaabadan ay dad badan ‘u arkaan’ mid sharci darro ah. The post Wasiirka qorsheynta oo baabi'iyey xilka xoghayihii Joogtada ee wasaaradaasi first appeared on Caasimada Online.
  14. Shirka Wada Tashiga Maamulada iyo Dowlada Federaalka ee Muqdisho ayaa durba la isku hayaa laba qodob oo aad u muhiim ah, kuwasoo muran xoogan ka [...] The post Breaking News— Shirk WT MD Muqdisho— Gudiga Doorashada Qaran iyo Maaliyada Doorashada oo muran xaagan ka taagan yahay appeared first on . Source
  15. Ethiopia’s Nobel Peace Prize-winning Prime Minister Abiy Ahmed has won plaudits abroad. He’s less popular at home. This week he faces the biggest challenge yet to his authority. The northern Tigray region defied the central government on Wednesday and went ahead with a parliamentary vote that was expressly forbidden. The 44-year-old now has a choice: He could crack down on the Tigrayans and risk a backlash from an ethnic group that used to dominate Ethiopian politics. Or he could sit back and potentially draw similar dissent from a host of other regions that are arguing for more autonomy. The Tigray People’s Liberation Front has opposed Abiy, an ethnic Oromo, since he came to power in 2018 and is still entrenched in security and economic networks across the country. The premier is also faced with insecurity in the Oromia and Amhara regions and been criticized for delaying national elections because of the coronavirus. He now says they will take place within the next year. A street vendor walks in front of an Addis Ababa billboard congratulating Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed on his Nobel Peace Prize. Photographer: EDUARDO SOTERAS/AFP At stake is the success of ambitious economic plans that include the full or partial participation of foreign investors in industries ranging from sugar to telecommunications. An even bigger concern could be keeping the 80-odd ethnic groups that make up Africa’s second-most populous nation under one roof. “If he mishandles it, it’s going to set a very dangerous precedent,” said Edward Hobey-Hamsher, a senior Africa analyst at U.K. risk consultancy Verisk Maplecroft. “There is no middle ground in Ethiopia. There are these entirely polarized views about its future. Could it break up? Absolutely.” — Antony Sguazzin Source: Bloomberg The post Ethiopia’s Tigray Test appeared first on Puntland Post.
  16. Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in labo askari oo ka mid ah ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ay isku toogteen gudaha degmada Luuqa ee gobolka Gedo ee K/Somalia. Labada askari ayaa la sheegay in markii hore uu dhex-maray dagaal gacan ka hadal ah, kadibna ay isku soo qaateen hub, iskuna toogteen. Meydkada labada askari ayaa goor dambe meesha laga qaaday, sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in sababta keentay toogashada ay isu geysteen askartaasi uu sababay muran ka dhashay haweeney saaxiib la aheyd labadaa Askari. Weli ma jiro wax faah faahin ah oo laamaha amniga degmada Luuq iyo saraakiisha AMISOM ay ka bixiyeen dhacdadaasi. Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan howl-galka AMISOM ayaa ku sugan degmooyinka gobolka Gedo oo ay ka wadaan howl-gallo ka dhan ah Shabaab. The post Askar ITOOBIYAAN ah oo sabab la yaab leh isugu toogtay gudaha Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.
  17. Waxaa maalintii 2-aad galaya shirkii ka socday Villa Somalia ee u dhaxeeyey dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada. Shirkan oo ay u dhan yihiin madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Madaxweyneyaasha Puntland Saciid Deni, Galmudug Axmed Qoorqoor, Hirshabelle Maxamed Waare, Koonfur galbeed Cabdicasis Lafta-gareen, Jubbaland Axmed Madoobe iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa lagu waramayaa in lagu gorfeynayo natiijadii Dhuusamareeb 3. Qodobada miiska saaran waxaa ka mid ah: Mustaqbalka guddiga doorashada: Maamul goboleedyada qaar ayaa ku doodanay in maadaama ay doorashadani tahay mid dadban aan loo baahneyn guddiga doorashada qaranka ee Xaliimo Yarey, arrintaas oo Villa Somalia diidan tahay. Tartanka Xisbiyada: Maamul goboleedyada qaar ayaa ku doodaya in doorashadan 2020/2021 aan lagu geli karin qaab xisbiyo ah mar haddii aaney jirin isdiiwaangelin rasmi ah, arrintaas oo sidoo kale Villa Somalia diidan tahay. Goobaha Doorashada: Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku doodeysa in la badiyo goobaha doorashada oo ugu yaraan 4 ahaan maamul goboleed kasta, laakin maamullada qaar ayaa ka digaya amni darro. Kaalinta Dowlad Goboleedyada: Dowlad goboleedyada qaar ayaa arka in Dhuusamareeb 3 la dhimmay awoodda dowlad goboleedyada taasi oo aan sax aheyn sida ay qabaan. Maaliyadda Doorashada: Villa Somalia waxaa ay dooneysaa in maaliyadda doorashada loo dhiibo guddiga doorashada qaran laakin dowlad goboleedyada ayaa qaba in iyagu ogyihiin duruufaha maamulkooda ee amni iyo dadba, isla markaana ay tahay iney iyagu maamulaan qoondadooda. Arrimahan iyo qaar kale ayaa miiska saaran, lamana oga cidda ay tahay iney tanaasusho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegayaa in howlgal ay ka fuliyeen gobolka Bay ay ku dileen labo ka tirsan Al-shabaab. Howlgalka oo ka dhacay meel 45 KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo ayaa lagu dilay Ibraahim Macalin Cabdi(Ibraahim Geney). Ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay 2 qori nuuca AK47 ah iyo Baaskoolada leh 8 qasnadood,sida uu ku soo waramay wakiilka warbaahinta Qaranka ee gobolka Bay. Dhanka kale howlgal qorshaysnaa oo ay ciidanka kumaandooska Danab ay ka sameeyeen degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose ayaa sidoo kale lagu dilay mid kale oo lagu sheegay Aadan Yuusuf Sheekh Maxamuud halka 4 lasoo qabtay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen gobolka Baay waxaa ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab, kaasi oo u qaabilsanaa magaalooyinka Baydhabo iyo Bardaale ee gobolkaasi. Howlgalka oo ka dhacay meel qiyaas ahaantii 45 KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo ayaa lagu dilay Ibraahim Macalin Cabdi, kaasi oo magaciisa is afgarashada lagu sheegay(Ibraahim Geney). Sidoo kale ciidamada ayaa gacanta ku dhigay 2 qori nuuca AK47 ah iyo Baaskoolado leh 8 qasnadood, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda. Dhanka kale howlgal qorshaysnaa oo ay ciidanka kumaandooska Danab ay ka sameeyeen gudaha degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose ayaa sidoo kale waxa ay ku khaarijiyeen sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsanaa diyaarinta qaraxyada iyo afar dagaalame kuwaasi oo ku sugnaa guri ku yaalo degmada Jamaame, sida ay sheegtay DF Soomaaliya. Saraakiisha ciidanka Xoogga dalka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in sarkaalkani oo lagu magacaabo Aadan Yuusuf Sheekh Maxamuud (Abuu Salmaan) uu ka howl-geli jiray gobolada Jubooyinka, balse ciidanka kumaandooska ay toogasho ku dileen. Maalmihii u dambeeyey ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab ayaa sare u qaaday howl-gallada ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  20. It might seem strange to be making predictions about 2021, when it’s far from certain how the remainder of 2020 is going to play out. No-one foresaw the world-changing events of this year, but one thing is clear: tech has been affected just as much as every other part of our lives. Source: Hiiraan Online