Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa ka hadlay arrimo ku aadan kulanka maanta ay yeelanayaan Golaha Shacabka Soomaaliya oo lagu wado inuu ka qeyb-galo Madaxweynaha, si uu u horgeeyo Ra’iisul wasaaraha cusub. Ciyaar Jecel ayaa sheegay in Madaxweynaha ay Durbaano iyo wax ka darabn ku yeerin doonaan, haddii uu kala hadlo arrimaha doorashooyinka dalka. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay ka soo horjeedaan heshiiska laga gaaray doorashada ee u dhexeeyey dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo G/Banaadir. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo lagu wado in Sabtida soo socota heshiiskaas la horgeeyo labada Goled ee baarlamaanka Soomaaliya, si ay u meel mariyaan. View the full article
  2. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Subax-23092020.mp3 View the full article
  3. A solid blue state is closer to being in play this year—galvanizing Somali Americans in an election they call “do or die.” Source: Hiiraan Online
  4. Xaruunta Golaha shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa maanta ka qabsoomaya kulan ujeedkiisu uu yahay sidii codka kalsoonida loogu qaadi lahaa Ra’’iisulwasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble. Mudanayaasha Barlamaanka ayaa loo diray fariin la xirirta soo xaadirista xarunta Golaha iyo in codka kalsoonida loo qaado Mr Rooble oo todobaan uu soo magacabay Maxamaed Cabdullaahi Farmaajo. Kulanka maanta waxaa khudbad ka hor jeedin doona sidoo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, sida lagu sheegay wargalin loo diray xildhibaannada Golaha shacabka. Ajendaha koowaad ee kulanka ayaa ah hadal jeedinta Madaxweynaha, waxaana la filayaa in xildhibaanada uu ka codsado inay codkooda kalsoonida siiyaan wasiirka koowaad ee xukuumadiisa. Tan iyo markii la soo magacaabay Raísulwasaaraha bedelaya Raíisulwasaarihii la eryay Mr Khayre waxa magaalada ka socday olole xoogan oo lagu doonayo in codka kalsoonida la siiyo Rooble. Hoggaamiyaasha Maamul Goboleedyada oo Muqdisho ku sugan ayaa wada shirar kala duwan oo ubucda ugu wayn ay yahay in Golaha Shacabka uu meelmariyo Heshiiska Villa Somalia iyo Dowlad-goboleedyada Todobaadkii hore Madaxweyne Farmaajo ayaa magacabay Ra’iisulwasaare cusub wax yar uun ka dib markii Heshiiska doorashada ay kala saxiixdeen Villa Somalia iyo Dowlad Goboleedyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Al-Shabaab ended 2019 with a truck-borne improvised explosive device (IED) attack that killed at least 82 people and wounded dozens more in Mogadishu, Somalia. It capped a decade of increasingly deadly complex suicide attacks by the Somali terrorist group that routinely involves homemade IED devices constructed from commercially imported chemical precursors. These materials transit through the same supply chains exploited by criminal entrepreneurs — and well-connected militant groups — shuffling narcotics, illicit wildlife products, and weapons through some of the world’s busiest ports and waterways. And it is in the ability to penetrate licit supply chains and access weapon production materials in which al-Shabaab appears first among rivals. Source: Hiiraan Online
  6. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland kana soo jeeda Gobolka Awdal ayaa ka hadlay Xeerka Doorashooyinka ee horyaalla Golaha uu ka tirsan yahay, waxaanu soo jeediyey in wax laga qabto tabashada saami-qaybsiga, xilli uu Madaxweynuhu kulan arintan ka saabsan la yeeshay Xildhibaanada reer Awdal. Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo u warramay Wargeyska Geeska Afrka oo ay Somalilandtoday ka soo xigatay warkan ayaa sidoo kale Xukuumadda u soo jeediyey dhaliil ku waajahan murannada dhulka oo dalka ku soo badanaya “Muddo aad u dheer ayay taalay tabashada saami-qaybsiga, illaa haddana wax laga qabtay ma jiraan, garan maayana goorta wax laga qaaban doono, sidaas awgeed waa dhab oo waanu ka soo baxay fadhigii lagaga doodayey Xeerka Doorashada ee Golaha loo soo gudbiyey, sababta aanu uga soo baxayna waa wax cad oo waanu sheegnay, anagu ma diidanin qabsoomidda Doorashooyinka, laakiin waxaanu diiddan nahay Xeerka Doorashooyinka oo aanu ku jirin waxaanu xaqa u leenahay, tabashada saami-qaybsiga in xal laga gaadho oo aanu helno kuraasta Wakiilada ee aanu xaqa u lahayn ayey cadaaladdu ku jirtaa, markaas ayay inoo dhacayaan Doorashooyin loo dhan yahay, laakiin inta aanan helin saamiga aanu xaqa u lahayn Doorashooyin xor iyo xalaal ahi inoo dhici maayaan, ayaan daro ayanaan u aragnaa in ilaa hadda aan waxba laga qaban saami-qaybsiga, haddii aan Maanta wax laga qabana garan mayno wakhtiga wax laga qaban doono, si Dimuqraadiyadda loo ilaaliyo waa in galaa”. Mar uu ka hadlayey muranka dhulka ayaa yidhi “Muranada dhulku wuu soo noq-noqdaa, dad baa isku dila oo dhiig la iskaga daadiyaa, waxaad arkaysaa dhulal iyo buuro loogu tagalay in xooluhu daaqan in dad iska ootaan, markaas waxaa dayacaaddaas oo dhan iska leh Xukuumadda iyo Dawladdaha hoose ee dalka, haddii aan hadda wax laga qabana dhibaatooyin ka daran ayaa ka dhalan kara”. Source
  7. Ramla Ali has signed a multi-fight promotional deal with Eddie Hearn's Matchroom Boxing and will make her highly-anticipated professional debut in October subject to licensing. Source: Hiiraan Online
  8. (SLT-Macedonia)-Booliska Waqooyiga Macedonia ayaa gacanta ku dhigay 61 qof oo tahriibayaal ah iyo 5 ruux oo la rumeysan yahay iney yahiin mukhalasiin dadka ku haga tahriibka. Hawlgalka ayaa dhacay kadib markii taliska ciidamada loo gaadhsiiyay xog la hubo oo ku saabsan dadka, waxaana la amray ciidamada sida gaarka ah ugu tababaran hawshaan iney ku dhaqaaqaan. Sida lagu sheegay xog hordhac ah wadamada ay dadka kasoo kala jeedaan waxaa lagu sheegay saddex wadan oo ay wakhtigaan colaado ka jiraan waxaana ku jira Soomaaliya, labada wadan kale waxaa lagu sheegay Afghanistan iyo Suuriya. Sidoo kale xogo kale oo ay dusiyeen warbaahinta caalamka ayaa lagu sheegay in dadka la qabtay ay ku jiraan xubno u dhashay wadamada Pakistan iyo Bangladesh oo ah laba wadan oo ay xasilooni badan ka jirto marka loo barbardhigo saddexda wadan ee kale. Ciidamada Waqooyiga Macedonia waxey hore gacanta ugu dhigeen 28-ruux oo lagu haayay guri ku yaalla halkaas si loosii gudbiyo, waxaana wadamadooda lagu sheegay Afghanistan, Bangladesh iyo Pakistan. Dadkaan tahriibayaasha ah ayaa doonayay iney ka gudbaan xadka Serbia, si ay halkaas uga sii wataan safarkooda ay ku doonayaan iney ku tagaan wadamada kale ee yurub. Sida la fahamsan yahay tahriibayaashaan ayaa kasoo gudbay xadka Greece, waxeyna xukuumadda Macedonia ogtahay in tahriibayaal badan ay ku xayiran yahiin wadanka dariska la ah. Source
  9. Dagaalyanada Al- Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday fariisin ciidanka dowladda federaalka ay ku leeyihiin degaanka Ceel-Jaalle ee gobolka Hiiraan, kaas oo dhaca duleedka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka. Dad ku sugan halka dagaalka uu ka dhacay ayaa sheegay in uu jiri karo khaasaare laba dhinac ah , in kastoo saraakiisha dowladda oo aan la xiriirnay ay ka gaabsadeen ka hadlida weerarka la xiriira dagaalka dhacay. Waxa la sheegay in dagaalkan sidoo kale qayb ay ka ahayeen Ciidanka Nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya ee ku sugan dhanka Bari ee magaalada Beledwayne halkaas oo dhawr jeer uu dagaal ka dhacay, lsoo laablaabtay. Wararka laga helayo saaka halka dagaalku uu ka dhacay ayaa sheegaya in ay xaaladdu degan tahay , mana jirto faahfaahin dheeraad ah oo laga helayo goobta dagaalka uu ku dhaxmaray Al Shabaab iyo Dowlada Federaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. In early 2012, heavy fighting broke out in the historic coastal city of Marka, in the Lower Shabelle region, located about 90 kilometres south of Somalia’s capital city of Mogadishu. This was the start of one of the fiercest and longest feuds in the country, involving the Habargidir and Biyomaal sub-clans, the two main communities living there. Source: Hiiraan Online
  11. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale xalay weerar ku qaaday Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, isaga oo adeegsanaya dhibaatada iyo dagaallada Soomaaliya. “Waxay noo sheegeysaa sida loo maamulo dalkeena. Maxaad ka sameysay dalkii aad ka timid. Waa side dalkaaga iminka. Waxay noo sheegeysa sida loo maamulo dalkeena,” ayey tidhi. Trump ayaa sheegay in doorashada soo socota uu ku guulleysan doono gobolka Minnesota ee laga soo doorto Ilhaan, sababtuna ay tahay Ilhaan, oo sida uu sheegay gobolka laga nacay. Waa weerarkii labaad ee toddobaad gudihiis uu Trump ku qaado Ilhaan. Dhowr maalmood ka hor ayuu Trump ugu yeedhay Ilhaan inay tahay xagjir dooneysa inay dalka Mareykanka keento qaxooti Soomaali iyo Yemeni ah. Trump ayaa dhanka kale ku faanay inuu Soomaaliya u celiyey boqol dambniileyaaal ah, waxaanu yidhi “waxay ku laabteen dalkooda, oo wixii ay doonaan oo cabasho ah ay ka sameyn karaan.” Ilhaan Cumar ayaa ka jawaabtay weerarka cusub ee xalay kaga yimid Trump. “Marka koowaad, kani waa dalkeyga, waxaana ka mid ah Aqalka Wakiilada ee adiga kugu qaaday dacwaddii xil ka xayuubinta,” ayey tidhi Ilhaan Cumar oo qoraal soo dhigtay barta twitter-ka oo ay Somalilandtoday ka soo xigatay. “Marka labaad, waxaan kasoo qaxay dagaal sokeeye, aniga oo 8 jir ah. 8 sano jir ma maamulo waddan inkasta oo adiga aad dalkeena u maamusho sidaas oo kale.” Source
  12. The comment, at a campaign rally, was one of the president’s many jabs suggesting that the Minnesota congresswoman is not an American. Source: Hiiraan Online
  13. Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo hadal ka jeediyay xaflad Muqdisho loogu sameeyay Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka, ayaa si furan uga hadlay doodda ka taagan Maqaamka Magaalada Muqdisho. Madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa ku baaqay in mudnaanta kowaad la siiyo Maqaamka iyo Matalaadda Magaalada Muqdisho, islamarkaana Hannaanka Sharciga ah loo maro hirgelinta Maqaamka iyo Matalaadda Muqdisho. Madaxweynaha Jubaland, wuxuu tilmaamay in Muqdisho ay tahay Caasimadda Soomaaliya oo aysan jirin cid gaar uga xigta Muwaadiniinta kale ee Soomaaliyeed, sidaas darteedna aysan cidna gaar u sheegan Muqdisho. Sidoo kale, wuxuu xusay in Muqdisho aysan u baahnayn guddoomiye loo soo magacaabo oo marba la beddelo, balse ay u baahantahay gole maamul oo dhisan iyo dhaqaale dib loogu celiyo, si wax looga qabto baahiyaha ka jira Magaalada. Hoos ka daawo Khudbaddiisa PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo taageero weyn u muujiyay Maqaamka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shalay khudbad ka jeediyay munaasabad soo dhaweyn ah oo beelaha Mogadishu Clan ay Muqdisho ugu qabteen hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Axmed Madoobe oo ka hadlay dhawr arrimood ayaa kaftan ku tuuray beesha la siiyay xilka ra’iisul wasaaraha ee Habargidir, oo uu sheegay inuu ka cabsi qabo in muddo kororsi ay u ololeyso si ra’iisul wasaaraha waqti dheeri ah u helo. Sidoo kale waxuu ka hadlay fikirkii uu ka qabay magaalada Dhuusamareeb, ka hor inta uusan uga qeyb gelin shirarkii Dhuusamareeb 1-2. “Samareeb “Ex- Dhuusamareeb” baan tagnay, waxaan iri magaaladaas ma dhisna, dadna ma qaadi karto sideen inteena ku tageynaa, waxaa la i yiri, Habargidir intaad shar ku ogeyd kheyr-bey ku badashay adaana arki doona,” ayuu yiri. Madaxweyne Axmed Madoobe oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri, “Markii shirkaan la igu casuumay waxaan iri – war ra’iisul wasaare ayaa la magacaabay, qolo aan xilkaas qaadan jirinna waa la siiyee amey yiraahdaan xoogaa jag hala siiyo, balse waa la isla fahmay sida saaxiibadey sheegeen.” Ugu dambeyntii Axmed Madoobe wuxuu bogaadiyay maamuuskii loogu sameeyay caasimadda maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb, wuxuuna sheegay in wax weyn uu u arko in beelaha Mogadishu Clan ay hadda yihiin kuwa ugu miisaanka culus ee raadinaya dowladnimada Soomaaliya iyo in dib loo midoobo. Hadalka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaanahaan xildhibaano uu ku jiro Cabdi Qeybdiid oo ay aad isugu dhawyihiin ra’iisul wasaaraha cusub ay Muqdisho ka wadeen olole ay mudo kordhin ugu raadinayaan xukuumadda cusub. The post Axmed Madobe oo sheegay arrin uu ka cabsi qabo inay beesha Habargidir la timaado first appeared on Caasimada Online.
  15. Soomaali lagu xidhay dalka Macedonia iyo waxa lagu haysto Booliska Waqooyiga Macedonia ayaa gacanta ku dhigay 61 qof oo tahriibayaal ah iyo 5 ruux oo la rumeysan yahay iney yahiin mukhalasiin dadka ku haga tahriibka. Hawlgalka ayaa dhacay kadib markii taliska ciidamada loo gaadhsiiyay xog la hubo oo ku saabsan dadka, waxaana la amray ciidamada sida gaarka ah ugu tababaran hawshaan iney ku dhaqaaqaan. Sida lagu sheegay xog hordhac ah wadamada ay dadka kasoo kala jeedaan waxaa lagu sheegay saddex wadan oo ay wakhtigaan colaado ka jiraan waxaana ku jira Soomaaliya, labada wadan kale waxaa lagu sheegay Afghanistan iyo Suuriya. Sidoo kale xogo kale oo ay dusiyeen warbaahinta caalamka ayaa lagu sheegay in dadka la qabtay ay ku jiraan xubno u dhashay wadamada Pakistan iyo Bangladesh oo ah laba wadan oo ay xasilooni badan ka jirto marka loo barbardhigo saddexda wadan ee kale. Ciidamada Waqooyiga Macedonia waxey hore gacanta ugu dhigeen 28-ruux oo lagu haayay guri ku yaalla halkaas si loosii gudbiyo, waxaana wadamadooda lagu sheegay Afghanistan, Bangladesh iyo Pakistan. Dadkaan tahriibayaasha ah ayaa doonayay iney ka gudbaan xadka Serbia, si ay halkaas uga sii wataan safarkooda ay ku doonayaan iney ku tagaan wadamada kale ee yurub. Sida la fahamsan yahay tahriibayaashaan ayaa kasoo gudbay xadka Greece, waxeyna xukuumadda Macedonia ogtahay in tahriibayaal badan ay ku xayiran yahiin wadanka dariska la ah. Qaran News
  16. Philadelphia (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale xalay weerar ku qaaday Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, isaga oo adeegsanaya dhibaatada iyo dagaallada Soomaaliya. “Waxay noo sheegeysaa sida loo maamulo dalkeena. Maxaad ka sameysay dalkii aad ka timid. Waa side dalkaaga iminka. Waxay noo sheegeysa sida loo maamulo dalkeena,” ayey tiri. Trump ayaa sheegay in doorashada soo socota uu ku guuleysan doono gobolka Minnesota ee laga soo doorto Ilhaan, sababtuna ay tahay Ilhaan, oo sida uu sheegay gobolka laga nacay. Trump on Ilhan Omar: She’s telling us how to run our country. How did you do where you came from? pic.twitter.com/XLSRZd6yFf — Acyn Torabi (@Acyn) September 22, 2020 Waa weerarkii labaad ee toddobaad gudihiis uu Trump ku qaado Ilhaan. Dhowr maalmood ka hor ayuu Trump ugu yeeray Ilhaan “inay tahay xagjir” dooneysa inay dalka Mareykanka keento qaxooti Soomaali iyo Yemeni ah. Trump ayaa dhanka kale ku faanay inuu Soomaaliya u celiyey “boqol dambniileyaaal ah”, isaga oo yiri “waxay ku laabteen dalkooda, oo wixii ay doonaan oo cabasho ah ay ka sameyn karaan.” Ilhaan Cumar ayaa ka jawaabtay weerarka cusub ee xalay uga yimid Trump. “Marka koowaad, kani waa dalkeyga, waxaana ka mid ah Aqalka Wakiilada ee adiga kugu qaaday dacwaddii xil ka xayuubinta,” ayey tiri Ilhaan Cumar oo qoraal soo dhigtay barta twitter-ka. “Marka labaad, waxaan kasoo qaxay dagaal sokeeye, aniga oo 8 sano jir ah. 8 sano jir ma maamulo waddan inkasta oo adiga aad dalkeena u maamusho sidaas oo kale.” The post Trump oo Ilhaan Cumar ku yiri waa sidee dalkii aad ka timid?' iyo jawaabtii Ilhaan first appeared on Caasimada Online.
  17. Ciidamada Mozambique ayaa ku guuldarraystay in ay dib u qabsadaan magaalo deked leh oo dalkaas ku taal oo ay haystaan maleeshiyo Islaamiyiin ah, dib u qabashada magaladaas ayaa muhiimad gooni ah u leh sidii loo hormarin lahaa mid ka mid ah kaydadka ugu waaweyn gaaska dabiiciga ah ee qaaradda Afrika. Madaxweyne Filipe Nyusi ayaa ugu dambayntii ku baraarugay xaqiiqada ah in nimcadii dalkiisa fadhiday ay nusqaan ku noqtay. Fallaagada ayaa askaraynaysa maleeshiyaad hor leh ayagoo ka faa’idaysanaya saboolnimada haysata dhalinyarada ku sugan Waqooyiga Mozambique, madaxweynaha ayaana arrintaa iftiimiyey mar uu khudbad ka jeediyey magaalada Pemba, oo xarun u ah gobolka Cabo Delgado. Madaxweynaha ayaa qiray in inkastoo saddexda gobol ee kala ah – Cabo Delgado, Niassa iyo Nampula – ay leeyihiin kheyraad dabiici ah oo fara-badan iyo dhul-beereed wanaagsan, haddana saboolnimada gobolladaas ka jirta ay gaarsiisan tahay heerkii ugu sarreeyey marka la barbar dhigo qeybaha kale ee dalka. 15-kii sano ee la soo dhaafay, Koboca dhaqaale ee dalka Mozambique ayaa 6% korayey sannad walba, kobocaas oo ka dhashay wax soo saarka kala ah dhuxusha, titanium-ka, korontada biyaha laga dhaliyo iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah. Ilaa iyo hadda dadku kuma aanay badhaadhin; waxaana sii kordhay faqriga iyo caddaalad darrada. Rubbi iyo gaas fara badan ayaa sannadihii 2009 -2010 laga helay gobolka Cabo Delgado, dad badan ayaana ku rajo weynaa inay helayaan shaqooyin iyo nolol wanaagsan, balse rajooyinkaas ayaa noqday hal bacaad lagu lisay. Dad yar oo hal-door ah oo ka tirsan xisbiga Frelimo ayaa la sheegaa in ay sed-bursi sameeyeen, xisbigaas oo dalka Mozambique soo xukumayey tan iyo markii dalkaasi uu madax banaanida qaatay sannadkii 1975. Sababaha keenay in Islaamiyiintu ay soo ifbaxaan. Dagaalka ayaa bilowday 5-tii October 2017, kaddib markii kooxo fallaago ah ay muddo laba maalmood ah xoog ku haysteen magaalo deked leh oo la yiraahdo Mocimboa da Praia. Magaaladaas ayaa 60km Koonfurta ka xigta xarunta lagu hormariyo gaaska dabiiciga ah ee Palma, dekedda ayaana muhiim u ahayd mashruuca dhoofinta gaaska. Wixii intaas ka dambeeyey dagaalka ayaa si dhakhso ah u baahay, Waxaana ku dhintay ugu yaraan 1,500 oo qof ayadoo sidoo kalena dad lagu qiyaasay 250,000 oo qof ay guryahooda ka barakaceen. Xukuumadda ayaa waxaa gacanteeda ka baxay saddex degmo oo xeebta ku teedsan. Fallaagada ayaa laba goor oo kale waxay gacanta ku dhigeen magaalada Mocimboa da Praia, halkaas ayayna ku sugan yihiin wixii ka dambeeyey 12-kii August, waloow ciidamada dawladdu ay dagaal culus halkaas ku qaadeen haddana uma suurto gelin in ay fallaagada ka saaraan. Gobolka Cabo Delgado ayaa 30-kii sano ee la soo dhaafay ahaa xarun ay ku loollamaan kooxaha muslimiinta iyo masiixiyiinta xagjirka ah. Gobolka Cabo Delgado ayaa waxaa u badan Muslimiinta ayadoo kooxo wadaaddo ah oo isugu jira kuwo ka yimid Bariga Afrika iyo kuwo u dhashay dalka Mozambicans ay halkaas ka dhisteen masaajidyo ayagoo sheegay in imaamyada deegaanka ay isbahaysi la leeyihiin xisbiga talada dalkaas haya ee Frelimo ee boobka ku haya hantida qaranka. Qaar ka mid ah masaajiddaas ayaana lacag ku caawiya dadka deegaanka si ay ganacsi iyo shaqooyin u abuurtaan – islaamiyiinta ayaana sheegay in bulshadu ay caddalad helayso marka Shareecada lagu maamulo. Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo magaaladda Muqdisho kaga qeyb-galay xaflad balaaran oo lagu soo dhoweynayo ayaa waxa uu kaga hadlay wel-welka iyo walaaca ay xildhibaanada qaar ka qabaan heshiiska ay dhawaan ku saxiixeen Villa Somalia. Munaasibadaasi ayaa waxaa ka qeyb-galaya Guddoomiye ku-xigeenka golaha shacabka, Mahad Cawad, Goleyaasha DFS, Maamulka gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho. Madaxweyne Deni oo hadal ka jeediyay munaasibadaasi ayaa ugu horeyntii waxa sheegay in ‘meesha laga saaro wel-welka dadka qaar muujinayaa’, maadama uu heshiiska ay dhawaan gaareen uusan aheyn mid kaligood u gaar ah, balse ay ka qeyb-yihiin xildhibaanada labada gole. Wuxuuna carabka ku adkeeyay inay muhiim tahay in xildhibaanadu ay meel-mariyaan heshiiskaasi, xili xildhibaanadii ka qeyb-galay munaasibadaasi ay walaac iyo cabasho xoogan ka muujiyeen heshiiskaasi dhawaan lagu saxeexay Villa Somalia. Sidoo kale waxa uu dalbaday in la is-cafiyo oo si wada-jir ah looga wada-shaqeeyo arrimaha doorashooyinka, oo muddooyinkiid dambe jahwareer siyaasadeed oo hor leh ka abuurtay dalka. Deni ayaa ugu dambeyntiina waxa uu si cad u sheegay inuusan colaadsan doonin xildhibaanadii sida weyn u mucaaradi jirey sanadihii u dambeeyay, oo uusan lugta qaban doonin tartanka ay ku rabaan in dib ugu soo laabtan. Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka ayaa dhawaan heshiis kama dambeys ah ka gaaray khilaafkii ka dhashay doorashooyinka, kaasi oo la horgeyn doono golaha shacabka si ay u meel-mariyaan. The post Deni oo ka hadlay wel-welka laga qabo heshiiskii Villa Somalia, hal arrina dalbaday first appeared on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta hortagaya Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya halkaas oo uu khudbad uu ka jeedin doono. Kulanka ayaa lagu wadaa sidoo kale in codka kalsoonida loo qaado Ra’iisul wasaaraha magacaban Maxamed Axmed Rooble, oo dhawaan loo igmaday xilkan. Sidoo kale qorshaha Golaha shacabka ayaa ah sidii ay u meel marin lahayeen heshiiska arrimaha Doorashooyinka ee Muqdisho ay ku gareen Madaweyne Maxamed Cabdullahi Faarmaajo, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, taasi oo la filayo inay noqoto Sabtida. Madaxda Maamul Goboleedyada oo Muqdisho ku sugan ayaa wada olole ay ku doonayaan in Golaha Shacabka uu meelmariyo Heshiiska Villa Somalia iyo Dowlad-goboleedyada iyo in codka kalsoonida ay siiyaan Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble. Todobaadkii hore Madaxweyne Farmaajo ayaa magacabay Ra’iisulwasaare cusub ka dib markii Golaha Shacabka ay eryeen Xasan Cali Khayre. The post Madaxweyne FARMAAJO oo maanta la hadlaya BF iyo Rooble oo loo codeyn doono first appeared on Caasimada Online.
  20. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho Kulan gaar ah kula yeeshay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish). War kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Guddoomiye Cumar Finish uu Madaxweyne Deni ku bogaadiyay doorkii muhimka ahaa ee uu ka qaatay in la go’aamiyo doorashada dalka. “Guddoomiye Cumar Finish ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ku bogaadiyey doorkii muhimka ahaa ee uu ka qaatay in la go’aamiyo doorashada dalka.” Madaxweynaha Puntland ayaa isna uga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Dadweynaha Muqdisho soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo wefdigiisa. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiye Cumar Finish appeared first on Puntland Post.
  21. Mudanayaasha Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah Codka kalsoonida u qaadaya Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. Madaxweyne Farmaajo oo Golaha horgayn doona Ra’iisul wasaaraha Cusub ayaa halkaas ka jeedin doona Khudbad uu Xildhibaannada kaga codsanayo Ansixinta Ra’iisul wasaaraha magacaaban Mr Rooble. Ra’iisul wasaaraha magacaaban ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo xiriir ah ka waday gudaha Magaalada Muqdisho kuwaas oo uu xildhibaannada Baarlamanka ku weydiisanayay in ay Codka Kalsoonida siiyaan. Mudane Rooble oo uu Madaxweyne Farmaajo magacaabay 17-kii bishan September 2020 ayaa lagu wadaa in uu soo dhiso Xukuumad cusub haddii ay Codka Kalsoonida siiyaan Golaha Baarlamanka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Soomaaliya oo Maanta Codka Kalsoonida u qaadaya Ra’iisul wasaaraha magacaaban appeared first on Puntland Post.
  22. Somaliland ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan oo horleh ka bilowday jiidda degaanka Tukaraq ee gobolka Sool halkaas oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Puntland iyo Somaliland. Degaanka Tukaraq waxa Shalay gaaray Abaan-duulaha Ciidamada Somaliland S/Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulllaale oo ay weheliyaan saraakiil Ciidan kuwaas oo kormeer ku sameeyay Taliska Somaliland ee Tukaraq. Wefdiga ayaa la kulmay Saraakiisha kala duwan ee ku sugan Taliska Ciidamada Somaliland ee jiidda Tukaraq halkaas oo todobaad ka hor dagaal ku dhexmaray jabhadda SSC iyo Ciidamada Somaliland. Sidoo kale Somaliland ayaa jiidda Tukaraq ku kordhisay tiro kamid ah gaadiidka uu saaranyahay hubka Taangiyada loo yaqaano. PUNTLAND POST The post Somaliland oo dhaqdhaqaaq ciidan ka bilowday Tukaraq appeared first on Puntland Post.
  23. Saraakiisha Ciidanka Booliiska Gobolka Karkaar ayaa sheegay in ay hawlgal qorshaysan ku soo qabteen laba gaari oo Khamri ah kuwaas oo la doonayay in la soo geliyo Magaalada Qardho. Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Karkaar G/sare Cabdi Casayr Yuusuf oo soo bandhigay gaadiidka Khamriga lagu qabtay ayaa sheegay in sharciga la hor-geyn doono gaadiidkaas iyo Khamriga saaran. Taliye Casayr ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay Raggii watay labada gaari midkood balse gaariga kale ay ka carareen kooxdii Khamriga ku waday islamarkaana dhowaan gacanta lagu soo dhigi doono. Taliyaha ayaa digniin adag u jeediyay dadka caadaystay ka ganacsiga iyo isticmaalka Khamriga isagoo ku hanjabay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo lagu qabto falkaas. PUNTLAND POST The post Booliiska Magaalada Qardho oo qabtay laba gaari oo Khamri ah appeared first on Puntland Post.
  24. Hargeisa (PP News Desk) — The Director General of Somaliland Ministry for Education and Science Mr Ahmed Abokor Ahmed has publicised the results of the secondary school leaving examinations in Somaliland. Mr Ahmed told a local TV network that state school students had scored high in the examinations. “We have done an analysis of results and found out that students from government-run schools scored high in examinations. Further analysis revealed students from rural, government-run schools gained highest marks” said Ahmed. Ahmed: Somaliland Ministry of Education and Science plans to introduce mobile schools for nomadic communities. Statistics Department of Somaliland Ministry of Education and Science compared subject results of state schools in towns, rural areas and private schools. The improvement in the performance of state school pupils raises the profile of state schools in Somaliland whose students scored lower in past secondary school leaving examinations compared to independent school students in Somaliland. Ahmed said that there were plans to further improve the delivery of education for rural schools. “We aim to introduce mobile schools for nomadic communities and the distribution of tablets for rural pupils to ensure they receive education wherever they are.” © Puntland Post, 2020 The post State School Pupils Score High in Secondary School Exams in Somaliland appeared first on Puntland Post.