-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay qaabkii ay xildhibaanada baarlamaanku u ansixiyeen ra’iisal wasaaraha cusub ee uu dhawaan soo magacaabay. Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey xildhibaannada golaha shacabka kalsooni-siinta iyo ansixita ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu xilka u magacaabay 17-kii bishan. Farmaajo oo ugu horeyntii la wadaagay Xildhibaannada golaha shacabka tilmaamaha uu ku soo xulay ra’iisul wasaare Rooble ayaa kula dar-daarmay inuu soo dhiso xukuumad tayo leh oo ka shaqeysa xaqiijinta yidi’diillada ay ku qabaan Shacabka Soomaaliyeed. “Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waa muwaadin Soomaaliyeed oo aqoonyahan ah, waayo-arag ah oo waddaniyaddiisu ay sarreyso. Waxaa laga rabaa in uu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo sii ambaqaadi karta howlaha muhiimka ah ee dalka hortabinta u leh.” Kadib Codsiga Farmaajo, xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxay yewahwn kulan kale oo gaar ah oo ay kalsoonida ku-siiyeen ra’iisul wasaare Rooble. Codeynta xildhibaanada ayaa gebi ahaanba waxa dibad joog ka ahaa Madaxweynaha, waxa ayna xildhibaannadu cod aqlabiyada ku ansixiyeen ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo oo kulankii labaad ee golaha shacabka ku soo biiray ayaa waxa uu goob-joog ka ahaa xasaanad-siinta Ra’iisul Wasaaraha cusub oo xilka uu u dhaariyey guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed. The post Sawirro: Muxuu madaxweyne Farmaajo ku sifeeyey ra'iisul wasaare Rooble? first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Deni iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati-Gaduud ku soo dhoweeyey dhiggiisa Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen). Socdaalka Deni ayaa yimid, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Sidoo kale waxaa la filayaa in labada hoggaamiye ay yeeshaan wada-hadallo gaar ah oo looga hadlayo xaaladda guud ee dalka iyo iskaashiga Puntland iyo Koonfur Galbeed. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu socod ku kala bixinayaa Dalka oo dhan marka laga reebo Hargeysa, waxaana Galabta lagusoo dhaweeyey Baydhabo. Madaxweynuhu intuu joogo Baydhabo [...] The post Madaxweyne Deni oo Baydhabo gaaray, Sawiro appeared first on . Source
-
Tukaraq (Caasimada Online) – Wararka laga helayo jiidda hore ee dagaalka ee degaanka Tukaraq ayaa sheegay in halkaas ay soo gaareen ciidamo hor leh oo ka tirsan maamulka Somaliland. Ciidamada soo gaaray aagga dagaalka Tukaraq oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gawaarida dagaalka ayaa ku biiray ciidamada Somaliland ee halkaas ku sugnaa, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale uu dagaal dhex maro ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland. Ciidamada soo gaaray deegaanka Tukuraq ayaa kusoo aadayo xilli shalay uu halkaas gaaray Abaan-duulaha Ciidamada Somaliland S/Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulllaale, waxaana safarkiisa ku wehlinayay saraakiil kale . S/Guuto Cabdirisaaq ayaa ciidamada ku sugan aagga dagaalka kula dardaarmay inay dalkooda u dhintaan isla markaasna ay xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada Puntland. Dhanka kale ciidamada Puntland ayaa iyagana bilaabay dhaqdhaaq ciidan oo xooggan, waxaana laga yaabaa in mar kale ay isku gacan qaadaan Somaliand iyo Puntalnd. Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa deegaankani dhaca gobolka Sool, waxaa siyaabo kala duwan uga dhacay dagaallo sababay khasaare hantiyadeed iyo mid nafeed isugu jira. The post Ciidamo soo gaaray iyo dagaal mar kale laga cabsi qabo inuu Tukuraq ku dhex maro Somaliland iyo Puntland first appeared on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha cusub oo hadal ka horjeediyay Golaha Shacabka Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ballan-qaadyo ka horsameeyay Baarlamaanka Soomaaliya oo weydiisanayay codka kalsoonida. Ra’iisul Wasaare Rooble oo hadal kooban jeediyay intaan la ansixin ka hor ayaa sheegay in howlaha ugu horreeya oo mudnaanta siin doono ay yihiin siddeed arrimood oo kala ah. 1. Arrimaha amniga 2. Arrimaha doorashooyinka 3. Horumarinta dhaqaalaha iyo adeega bulshada 4. Caddaaladda iyo garsoorka 5. Dowlad wadaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa 6. Dib u eegista dartuurka 7. Dhab u heshiisiinta 8. Iskaashiga caalamiga ah. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa tilmaamay inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo dalka ka fulisa hannaan doorasho oo heshiis lagu wada yahay. Ra’iisul Wasaare Rooble oo codka kalsoonida helay ayaa haysta wakhti aad u yar oo billo ah, waxaana kor yaalla shaqo ballaaran oo ay kamid tahay fulinta heshiiskii Muqdisho. PUNTLAND POST The post Muxuu ballan-qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble? appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Xildhibaannada Golaha Shacabka kalsooni-siinta iyo ansixita Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu xilka u magacaabay 17-kii bishan. Madaxweynaha oo la wadaagay Xildhibaannada Golaha Shacabka tilmaamaha uu ku soo xulay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kula dardaarmay in uu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo ka shaqeysa xaqiijinta yididiillada ay ku qabaan Shacabka Soomaaliyeed. “Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waa muwaadin Soomaaliyeed oo aqoonyahan ah, waayo-arag ah oo waddaniyaddiisu ay sarreyso. Waxaa laga rabaa in uu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo sii ambaqaadi karta howlaha muhiimka ah ee dalka hortabinta u leh.” Codsiga Madaxweyne ee kalsooni-siinta Ra’iisul Wasaaraha kaddib, Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa ay yeesheen kulan kale oo gaar ah oo ay codka kalsoonida ku-siiyeen Ra’iisul Wasaaraha, iyada oo codeynta uu dibad joog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxa ayna Xildhibaannadu cod buuxa ku ansixiyeen Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xuukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Kulankii Labaad ee Golaha Shacabka oo uu ku soo biiray waxa uu goob-joog ka ahaa Xasaanad-siinta Ra’iisul Wasaaraha cusub Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xilka uu u dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay ra’isul wasaaraha cusub ee lasoo doorta, sidaas darteed Maxamed Xuseen Rooble waa ra’isul wasaaraha rasmiga ah ee Soomaaliya. Maxamed Xuseen Rooble waxaa laga sugi doonaa inuu soo magacaabo gole wasiirro oo wadanka gudbin kara marxaladda kala guurka, kadib dhaarintiisa wuxuu sheegay inuu wax ka qaban doono sideed qodob isagoo heysta wakhti aad u kooban. Ra’isul wasaaraha cusub wuxuu sheegay inuu wax ka qaban doono marka ugu horreysay arrimaha amniga oo ah tan ugu muhiimsan wakhtigaan in laga shaqeeyo mudan, sidoo kale qodobada uu wax ka qabanayo waxaa ka mid ah Doorashada, Iskaashiga Caalamiga ah iyo Dhab u heshiisiinta. Sideeda qodob ee Maxamed Xuseen Rooble uu sheegay inuu wax ka qaban doono waxaa ka mid ah: 1 – Arrimaha Amniga 2 – Doorashooyinka 3 – Cadaaladda 4 – Horumarinta dhaqaalaha 5 – Dhab u heshiisiinta 6 – Dib u eegista dastuurka 7 – Iskaashiga caalamiga ah 8 – Dowlad wanaagga iyo la-dagaalanka musuq-maasuqa Sidoo kale wuxuu ballan-qaaday inuu soo dhisi doono ‘xukuumad tayo leh’ oo dalka ka bixisa marxaladda kala guurka ah ee lagu jiro, taasi oo la fahamsan yahay inay keentay in si aqlabiyad leh lagu meel-mariyo. Villa Somalia ayaa maalmihii u dambeeyay waday dadaalo ay ku wiiqeyso guux looga soo horjeeday ra’iisal wasaaraha cusub, halka Rooble uu isaga laftigiisu uu kulamo kala gedisan oo gogol xaadh u ahaa ansixintan uu la yeeshay guddoonka iyo xildhibaanada baarlamaanka. Rooble ayaa kusoo aadaya xili uu dalku marayo marxalad xasaasi ah oo mar horseedi gaartay jahwareer siyaasadeed, hasa-yeeshe ugu dambeyntii laga gaaray heshiis kama dambeys ah oo laga rabo fulintiisa xukuumada uu soo dhisi doono. The post Aqriso: 8 qodob oo uu ra'iisul wasaaraha cusub sheegay inuu wax ka qaban doono first appeared on Caasimada Online.
-
Xildhibaanada Barlamaanka Somalia oo Codka Kalsoonida siiyey Ra’isul Wasaaraha cusub ee Farmaajo xushay Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo goordhaw la horgeeyay Ra’isul Wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble ayaa si aqlabiyad leh u siiyay codka kalsoonida. Kulanka Golaha Shacabka oo ay maanta ka soo xaadireen 215-Xildhibaan ayaa waxaa ogolaaday kalsooni siinta Ra’isul Wasaaraha cusub dhamaan Xildhibaanada golaha Shacabka oo ahaa 215-Xildhibaan. Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Ra’isul Wasaaraha cusub uu helay codka kalsoonida Xildhibaanada kadib markii dhamaan ogolaadeen Xildhibaanada. Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in uu dhawaan soo dhiso Golle Wasiiro, waxaana wasiirada uu soo magacaabayo la sheegay in ay u badnaan doonaan kuwa hada shaqeeya. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxa muddooyinkii dambe isasoo taraya walaaca baahsan ee laga qabo in kooxda Al-Shabaab ay faragelin toos ah ku yeelan karto doorashada soo socota ee dalka. Badhtamihii sanadkan ayey Villa Somalia banaanka keentay saadaalin ay ku sameysay suurta-galnimada in Al-Shabaab ay xubno ku dhex yeelan karaan baarlamaanka lasoo dooran doono, iyaga oo gabaad ka dhiganaya nidaamka qabiiliga ah (4.5). Dhawaaqaasi kadib, waxa soo xoogeysanaya walaaca laga qabo suurta-galnimada arrintaasi, oo siyaasiyiinta qaar ay u arkaan mid aan si dhab ah looga diyaar garoobin. Cabdi Cali, oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka federaalka ayaa isaguna qaba in arrintaasi ay tahay mid xaqiiqo ah oo aan indhaha laga laaban karin, maadama uu ku doodayo in Al-Shabaab ay si weyn ugu dhex milantay dhalinyarada iyo ururada bulshada. Wuxuuna hoosta ka xariiqay in xiligan ay Al-Shabaab gacanta ku hayso ergooyinka soo xulaya xildhibaanada golaha, midaasi oo u fududeynaysa kamid noqoshadooda, mar haddii ay odeyadu qaadanaya awaamiirtooda, waa sida uu hadalka u dhigaye. “Shabaab dhalinyaraday kamid yihiin, odayaasha dhaqankay kamid yihiin, iyagaana isku daray oo baarlamaanka soo socda, inta ugu badan odayaashu waxay qaadanayaan wixii ay u yeeriyaan” ayuu yiri. Wuxuuna intaas kusii daray “Aniga odaygeyga Shabaab ayuu ka diiwaan gashan yahay waxay iyaga amraan buu sameynayaa. Markaa baarlamaanka soo socda kala badh (50%) wuxuu noqon karaa Al-Shabaab”. Dhinaca kale, Heshiiskii dhawaan lagu gaaray Villa Somalia, ayaa noqon kara mid dhabaha u xaadha rabitaanka Al-Shabaab, sida ay aaminsan-yihiin falan-qeeyayaasha qaarkood. Heshiiskaasi ayaa dhigaya in codeynta soo socota ay noqoto mid ku saleysan nidaamaka qabiilka, taasi oo la fahamsan yahay inay noqon karto jaran-jar ay Shabaab uga mid noqoto golaha, iyada oo habkaasi raaceysa. The post Al-Shabaab 'oo gacanta ku haya' ergooyin soo xulaya xildhibaanada 2021 first appeared on Caasimada Online.
-
Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Mudne Maxamed Xuseen Rooble ayaa golaha shacabka uga mahadceliyay codka kalsoonida ah oo ay mudanayaashu siiyeen si uu u soo dhiso xukumad tayo leh oo soo dalka ka saarta marxalada kala guurka ah. Sidoo kale waxa uu u mahadceliyay madaxweynaha soo xulashadii uu usoo xushay in uu noqdo wasiirka koowaad ee xukumadda federaalka Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa golaha shacabka ka codsaday in ay meelmariyaan xukumadda uu soo dhisi doono maadama wakhtigu uu yar yahay. View the full article
-
Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa goor dhow si aqlabiyad leh ku meel mariyey Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble. Ugu horreyn Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo khudbad kooban ka jeediyey kulanka ayaa ka dalbaday xildhibaanada Soomaaliyeed in codka kalsoonida ah ay siiyaan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Kadib waxaa la guda galay kalsooni siinta Ra’iisul wasaaraha oo isna hadal hadal kooban ka jeediyey munaasabadda, wuxuuna sheegay inuu wax badan ka qaban doono amniga doorashada iyo dhaqaalaha, isagoona kadib ka codsaday inay codka siiyaan. Intaasi kadib waxaa bilaabatay codeynta oo aheyd mid gacan taag ah, waxaana Ra’iisul wasaaraha codka siiyey dhammaan xildhibaanada fadhiga soo xaadiray oo gaarayey illaa 215 mudane, sida uu ku dhawaaqay natiijada guddoomiyaha BF Soomaaliya. Ugu dambeyn Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa xil-kiisa loo dhaariyey, iyadoona uu madasha ku sugnaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka. View the full article
-
Maxamed Xasan Rooble wuxuu hada isugu yeeri karaa Raysal wasaaraha Soomaaliya kadib markii ay maanta Ansixiyeen Labada Aqal.. Madaxweyne Farmaajo ayaa Baarlamaanka horgeeyay Raysal wasaaraha [...] The post Soomaaliya waxay yeelatay Raysal wasaare cusub appeared first on . Source
-
Mohamed Hussein Roble, the new PM who has a double Somali and Swedish citizens gained momentum after winning the vote of confidence in parliament on Wednesday. House speaker Mohamed Mursal said all lawmakers present at today’s session voted in favor of the prime minister, which means he has got the legality to appoint a cabinet. President Farmajo named him as country’s premier, succeeding Hassan Ali Khaire who has been booted out from office by parliament last July after motion against him was tabled. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Duhur-2392020.mp3 View the full article
-
Warbixin:Qarax burburiyay ‘bakhaarkii hubka ee Xisbullaahi’
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qarax burburiyay ‘bakhaarkii hubka ee Xisbullaahi’ Gawaarida gurmadka deg deg ah oo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay Qarax xooggan oo ka dhacay koonfurta Lubnaan ayaa burburiyay bakhaarkii hubka ee ururka Xisbullaahi, sida ay sheegeen ilo wareedyo ka tirsan laamaha amniga. Qiiq uuro madow ayaa qabsaday deegaanka Ain Qana oo ah goobta uu qaraxa ka dhacay, halkaas oo ay ku xooggan yihiin maleeshiyaadka Shiicada ah. Waxaana goobta gaaray gawaarida gurmadka deg deg ah, warar aanan la xaqiijin ayaa sheegayaa in tiro dad ah ay ku dhaawacmeen. Qaraxa ayaa ka dhashay cilad farsamo oo taagneyd, sida ay sheegayaan ilo wareedyo dhanka ammaanka ah. Inkasta oo warbaahinta dowladda ay sheegtay ‘in qarax uu kusoo aaday xilli hawada ay marayeen diyaarado ay leedahay Israa’iil’ Militariga Israa’iil kama aysan hadlin dhacdadan. Xisbullaah ayaa taageero weyn ka heystaa koonfurta Lubnaan Militariga Lubnaan waxay sheegeen in qaraxa uu ka dhacay deegaanka Ain Qana. “Durbadiiba, ciidamada waxay gaareen goobta, waxayna bilaabeen baaritaan ku aadan waxa dhaliyay qaraxa” Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Xisbullaah oo ku saabsan dhacdadan balse telefishinkooda Al Manar ayaa baahiyay in qaraxa uu ka dhacay guri ku yaalla Ain Qana balse aan la ogeyn waxa dhaliyay, wuxuu intaa ku daray in uusan jirin khasaare ka dhashay qaraxa. Wargeyska Wall Street Journal ayaa sarkaal la hadlay warbaahinta Xisbullaah kasoo xigtay in qaraxa uu ka dhacay halkii lagu keydiyay haraagii hubka kaddib dagaalkii Israa’iil iyo Xisbullaah dhexmaray sanadkii 2006-dii. Sawir qaade ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warramay in dagaalyahano ka tirsan Xisbullaah ay la wareegeen goobta. Qaraxan ayaa kusoo beegmayaa xilli Lubnaan ay kasoo kabsaneyso qaraxii ka dhacay Beyrut oo ay ku dhinteen ku dhawaad 200 qof. Qaraxaas oo ilaa haatan la baaraya ayaa ka dhashay 2,750 oo maaddada ammonium nitrate oo lagu keydiyay dekedda Beyrut. Qaran News -
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay xubnaha guddida komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, waxana kulankaas diiradda lagu saaray hawlaha qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka. Ugu horrayn Guddida Komishanka doorashooyinka qaranku waxay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, warbixin ka siiyeen hawlaha diyaar garowga qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka, iyagoo xusay inay guda-galeen shaqadii doorashooyinka, sidoo kalena ay gacanta ku hayaan bilowga diwaangelinta codbixiyayaasha. Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadinyey Komishanka doorashooyinka qaranka sida hagar la’aanta ah ee ay hawsha u wadaaan, wuxuuna ku adkeeyay in doorashooyinku ku qabsoomaan muddadii ay hore ugu cayimeen inay doorashooyinku ku qabsoomi karaan. Dhinacooda, Guddida Komishanka doorashooyinku waxay madaxweynaha u caddeeyeen in qorshahoodu yahay sidii ay doorashooyinku ugu qabsoomi lahaayeen waqtigii hore loo shaaciyey. Ugu danbayn, madaxweynaha iyo Guddida Komishanka doorashooyinku waxay isla garteen in la dardar geliyo qabsoomidda doorashooyinka, waxaana madaxweynaha kulankaas ku wehelinayay madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici). ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
-
(SLT-Washington)-Xafiiska ololaha doorashada ee musharraxa xisbiga dimuqraadiga, Joe Biden, ayaa Maxamed Salaad Maxamuud u magacaabay isku duwaha xafiiska ee ololaha doorashada u qaabilsan Dadka ka soo jeeda Bariga Afrika. Waxay shaqadiisu tahay sidii dadka ka soo jeedo dalalka Bariga Afrika ee ku nool Mareykanka uu uga dhaadhicin lahaa inay u codeeyaan xisbiga Dimuqraadiga iyo musharrixiintooda. Maxamed wuxuu BBC-da u sheegay in jagadan uu u magaacabay musharraxa xisbiga Dimuqraadiga, Joe Biden, si uu xisbiga ugu soo xidho bulshada ka soo jeeda Bariga Afrika ee degan Mareykanka. “(Waxaa la ii magacaabay) in aan isku duwe u noqdo dadka Bariga Afrika ee ku nool Mareykanka, maadama ay doorasho socoto, si codkooda hal meel uu u wado aado; haddey yihiin Soomaali, haddey yihiin Itoobiyaan, haddey Jibuutiyaan, Kenyan, Ugandans, qof kasta oo Bariga Afrika ka yimid”. Maxaa lagu xushay? Maxamed wuxuu muddo ku soo dhex jiray siyaasadda xisbiga Dimuqraadiga wuxuuna ka mid noqday ergada xisbiga illaa heer gobol. “Runtii muddo toban sanno ah ayaan xisbiga ku jiray, waxaan ka soo bilaabay doorashooyinka hoose, waxaan ka mid noqday ergooyinka degmada, illaa heer gobol ayaan ka noqday”. Wuxuu rumeysan yahay in khibraddiisa ku aadan siyaasadda ay u horseeday in jagadan loo magaacabo iyadoo ay joogaan dad badan oo kale oo ka soo jeedo Bariga Afrika. “Waxaan ka qeyb galay ergooyinkii qaranka oo lagu soo dooranayay madaxweynaha dimuqraadiga matali doono khibraddii aan lahaa darteed aniga oo lasoo shaqeeyay dad badan oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib” ayuu yidhi Maxamed. Galaangalka bulshada Bariga Afrika Hore dhicin in musharrax madaxweyne oo Mareykan ah uu qof ka soo jeedo Bariga Afrika u magacaabo si uu matalo ololahiisa doorashada, sida uu sheegayo Maxamed. “Tani waxay tusaysaa dadka ka soo jeedo Bariga Afrika oo Soomaalida ugu horreyso in iyagoo isku duuban ay xubin muhiim ah ka yihiin doorashooyinka”, ayuu u sheegay BBC Soomaali oo shabakadda Somalilandtoday ka soo xigatay warkan. “Tan waxay muujineysaa in aan nahay dad awood leh isla markaana wax qabsan kara codkoodana meel lagu gaadhi karo, waana sababta aan ilaa madaxweynaha ugu socono oo ay yidhaahdaan dadka kuwo lagama maarmi karo ma ahan, waa dad isku duuban”. Maxamed wuxuu ka dhawaajiyay in dad badan oo Soomaali ah oo hore aan u codeyn jirin in ay hadda ku rajo weyn yihiin in ay codkooda dhiibtaan si ay u soo bandhigaan awooddooda siyaasadeed. Source
-
Qaran News
-
(SLT-Muqdisho)-Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Goor-dhawayd Cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub Maxamed Xuseen Roobe ee dhawaan Madaxweyne Farmaajo magacaabay. Kulanka Golaha Shacabka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 215 Xildhibaan, waxaana Ra’iisul Wasaare Cod gacan taag ah kalsoonida ku siiyay 215 Xildhibaan oo ka tirsan Xildhibaanada, mana jirin wax ka aamusay ama diiday. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulan shir guddoominayay ayaa ku dhawaaqay natiijada u coddeynta Ra’iisul Wasaaraha, isagoona shaaciyay in la ansixiyay Maxamed Xuseen Roobe. Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Soomaaliya ayaa isla goobta ku dhaariyay Ra’iisul wasaaraha Cusub ee Soomaaliya. Source
-
Ra’isul wasaaraha uu dhowaan magacaabay madaxweyne Farmaajo ee Maxamed Rooble ayaa maanta helay codka kalsoonida iyada oo golaha shacabka ay siiyeen 215 cod oo inta hoolka joogtay, ma jirin cid diiday ama ka aamustay. Dhankiisa, khudbad uu jeediyey Rooble waxaa uu sheegay inuu soo dhisayo xukuumad wax ka qabata arrimaha amniga, dhaqaalaha, ladagaalanka musuqa, dowlad wanaagga iyo xiriirka caalamiga ah. Ra’isul wasaaraha cusub waxaa uu ka codsaday in xukuumadiisa ay sida maanta oo kale kalsooni siiyaan marka uu soo dhiso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxamed Salaad Maxamuud: Maxay tahay shaqada ninkan Soomaaliga ah ee Joe Biden uu xilka sare u magacaabay? Maxamed Salaad Maxamuud Xafiiska ololaha doorashada ee musharraxa xisbiga dimuqraadiga, Joe Biden, ayaa Maxamed Salaad Maxamuud (Maxamed Boosaaso) u magacaabay isku duwaha xafiiska ee ololaha doorashada u qaabilsan Dadka ka soo jeeda Bariga Afrika. Waxay shaqadiisu tahay sidii dadka ka soo jeedo dalalka Bariga Afrika ee ku nool Mareykanka uu uga dhaadhicin lahaa in ay u codeeyaan xisbiga Dimuqraadiga iyo musharrixiintooda. Maxamed wuxuu BBC-da u sheegay in jagadan uu u magaacabay musharraxa xisbiga Dimuqraadiga, Joe Biden, si uu xisbiga ugu soo xiro bulshada ka soo jeeda Bariga Afrika ee degan Mareykanka. “(Waxaa la ii magacaabay) in aan isku duwe u noqdo dadka Bariga Afrika ee ku nool Mareykanka, maadama ay doorasho socoto, si codkooda hal meel uu u wado aado; haddey yihiin Soomaali, haddey yihiin Itoobiyaan, haddey Jibuutiyaan, Kenyan, Ugandans, qof kasta oo Bariga Afrika ka yimid”. Maxaa lagu xushay? Maxamed wuxuu muddo ku soo dhex jiray siyaasadda xisbiga Dimuqraadiga wuxuuna ka mid noqday ergada xisbiga illaa heer gobol. “Runtii muddo toban sano ah ayaan xisbiga ku jiray, waxaan ka soo bilaabay doorashooyinka hoose, waxaan ka mid noqday ergooyinka degmada, illaa heer gobol ayaan ka noqday”. Wuxuu rumeysan yahay in khibraddiisa ku aadan siyaasadda ay u horseeday in jagadan loo magaacabo iyadoo ay joogaan dad badan oo kale oo ka soo jeedo Bariga Afrika. Maxamed wuxuu sanado badan kusoo dhex jiray siyaasadda “Waxaan ka qeyb galay ergooyinkii qaranka oo lagu soo dooranayay madaxweynaha dimuqraadiga matali doono khibraddii aan lahaa darteed aniga oo lasoo shaqeeyay dad badan oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib” ayuu yiri Maxamed. Galaangalka bulshada Bariga Afrika Horeyuma dhicin in musharrax madaxweyne oo Mareykan ah uu qof ka soo jeedo Bariga Afrika u magacaabo si uu matalo ololahiisa doorashada, sida uu sheegayo Maxamed. “Tani waxay tusineysaa dadka ka soo jeedo Bariga Afrika oo Soomaalida ugu horreyso in iyagoo isku duuban ay xubin muhiim ah ka yihiin doorashooyinka”, ayuu u sheegay BBC News Somali. “Tan waxay muujineysaa in aan nahay dad awood leh isla markaana wax qabsan kara codkoodana meel lagu gaari karo, waana sababta aan ilaa madaxweynaha ugu socono oo ay dhahaan dadka kuwo lagama maarmi karo ma ahan, waa dad isku duuban”. Maxamed wuxuu ka dhawaajiyay in dad badan oo Soomaali ah oo horey aan u codeyn jirin in ay hadda ku rajo weyn yihiin in ay codkooda dhiibtaan si ay u soo bandhigaan awooddooda siyaasadeed. Qaran News
