-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mudanayaasha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa Maanta oo Isniin ah waxay ka doodayaan laba sharci oo muhiim ah, kuwaas oo horyaalla Golaha. Golaha ayaa Akhrinta kowaad marinaya, hindise sharciyeedka dhismaha haya’adda diiwaangelinta dadweynaha iyo bixinta aqoonsiga oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya. Sidoo kale, Goluhu wuxuu akhrinta kowaad marinayaa ee hindise sharciyeedka Qaxootiga. Guddoonka Golaha, ayaa soo jeediyay in la dar dargaliyo howlaha horyaala Golaha maadaama ay dowladda ay u hartay mudda kooban isla markaan loo baahanyahay in dhameystiro sharciyada qaar. PUNTLAND POST The post Golaha Shacabka oo Maanta ka doodaya sharciyo muhiim ah appeared first on Puntland Post.
-
Haddii ay run tahay warqadda baraha bulshada wareegaysa ee uu ra’iisul wasaarihii hore ku codsaday inuu xilka ku wareejiyo ra’iisul wasaaraha cusub “si waafaqsan dastuurka JFS, shuruucda dalka iyo dhaqanka dawladnimo;” Haddii ay dhab tahay in ra’iisul wasaarihii hore loo diiday inuu xilka ku wareejiyo ra’iisul wasaare Rooble; Muwaadin Xasan Khayre xilka ha ku wareejiyo ciddii uu markii horeba u hayay: shacabka Soomaaliyeed. Laba dariiq ayuu u mari karaa xil wareejinta: 1) – Nuqul qoraal ah ha u gudbiyo Guddoonka Golaha Shacanka, Guddonka Aqalka Sare, iyo Madaxwaynayaasha Dawlad Goboleedyada. Dabeedna warbaahinta haka caddeeyo inuu sidaa sameeyay. 2) – Haddii (1) laga hor istaago, waa inuu xil wareejinta ku daabacaa Internetka warbaahintana la wadaagaa, isagoo madoobaynaya ama ka saarayaa macluumaadka xasaasiga ah. Muwaadin Khaire siduu sheegay wuxuu u sharraxan yahay xilka MADAXWAYNAH JFS. Muwaadiniinta uu doonayo inay doortaan ama ay kalsooni siiyaan waxay uga fadhiyaan inuu la wadaago si buuxda oo hagar la’aan ah dhacdooyin waawayn, xadgudubyo dastuuri ah, go’aamo masiiri ah iyo gabbodfallo dhacay intii uu RW ka ahaa dalka: Tusaale: 1) – Garbaduubkii muwaadin Qalbidhagax. 2) – Afgambigii Golaha Shacabka ee Guddoomiya Jawari loo maleegay. 3) – Is-fahamkii Itoobiya lala gaadhay ee ku saabsanaa 4 dakadood oo Itoobiya lagu wareejinayo ama ay maalgalin ku samaynayso, iyo arrimaha la xiriira is-dhexgalka Geeska Afrika. 4) – Faragalintii ciidama Itoobiya ay faragaliyeen doorashooyinka dalka. 5) – Sababihii keenay xil-ka-qaadistii lagugu sameeyay iyo qaabkii ay u dhacday. Waxaa kale oo aad shacabka Soomaaliyeed la wadaagi kartaa Waxaad ka ogayd ama aad kala socotay go’aammadii iyo hindise sharciyeedyadii ay gudbisay xukuumaaddi dhacday intii u dhaxaysay maalinkii xilka lagaa qaaday 25 July iyo maalinkii la magaacaabay RW Rooble 16 Sebtember 2020. Haddaad intaa samayso waxaad gudatay waajib ku saaran waxaadna soo celisay ammaanadii aad u haysay qaranka Soomaaliyeed. Hssan Keynan – Waxaad kala xiriira kartaa keynanhassan@yahoo.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post 'Haddii ay run tahay in R/W Kheyre loo diiday inuu xilka wareejiyo, shan arrin ha u caddeeyo shacabka' first appeared on Caasimada Online.
-
Wiil Somalia oo Diyaarad sameeyay oo la kulmay Aabbaha Diyaaradaha Darooniska Turkiga+balanqaadkii loo sameeyay Wiilka yar ee Guuleed Adem Cabdi oo gaadhey dalka Turkiga kaddib markii ay Turkiga oo haatan leh mid ka mid ah haidasooyinka ugu wanaagsan daroonnada caalamku uu warkiisa maqlay isla markaana casuumey. Guuleed ayaa maanta ka qayb galay Carwo Cireedka 2-aad ee caalamka ugu wayn ee TEKNOFEST oo sidoo kale ah midda 1-aad ee Turkiga, isagoo uu dhinac taagan yahay aabbaha daroonnaha Turkiga ee Selçuk Bayraktar oo ah ninka sameeyey daroonkii ugu horreeyey ee uu Turkigu abid yeesho oo weliba loogu magac daray, isagoo uu sidoo kale wehlinayo wiil kale oo Turkish ah. ”Waxay quluubteenna ku kasbadeen xiisaha ay u hayaan dayuuradaha iyo cirka iyagoo moodallo sameeyey,” ayuu Bayraktar kusoo qoray boggiisa Twitter. ”Waxaan la kulannay walaaleheen Guuleed Cabdi oo Somalia ka socda iyo Savaş Tatlı oo ka socda gobolka Hakkari waxaana isku aragnay carwada TEKNOFEST.” ayuu daba dhigay. Guuleed Yare ayaa lagu wadaa inuu deeq waxbarasho oo dhanka injineeriyadda ah ka helo Turkiga. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka booliska Soomaaliya ayaa soo qabtay ilaa 4 qof oo ka shaqeynayay iyo qaar ka ag dhowaa Foorno rootiga lagu sameeyo oo ku taalo degmada Howl-wadaag ee gobalka Banaadir, halkaas oo shalay lagu dilay Allaha u naxariistee Xidigle Buule Xuseen, oo ahaa taliyihii ciidanka ilaalada xarunta Golaha shacabka. Qaar kamid ah saraakiisha ciidanka booliska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in dadkaan dhamaantood la soo xiray, waxaana sababta xarigooda lagu sheegay tuhun la xariira dilka. Xidigle Buule Xuseen ayaa ahaa taliyaha ciidanka ilaalada xarunta Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kale waxa uu ahaa qof ka Ganacsada rootiga lagu iibiyo maqaayado halkaas ku yaalla iyo mid ay cunaan ciidanka aagaas ku sugan oo isugu jira Boolis iyo Milateri Xubno kamid ah hey’adaha amaanka ayaa sheegay in duhurnimadii shalay ay ciidanku tageen Foornadaan kadibna ay ka soo kaxeysteen ilaa afar qof oo isugu jira dad shaqaale ka ahaa halkaasi iyo kuwa ka ag dhowaa markuu dilka dhacayey. Maxruum Buule Xuseen waxaa toogasho ku dilay dhalinyaro bastoolada wata oo sidoo kale la sheegay in ay wateen mooto waxana la sheegay in dilka kadib ay goobta ka baxsadeen. Wali ma jirto faah faahin dheeraad oo ay bixiyeen ciidanka booliska Soomaaliya, taas oo ku saabsan dilkii shalay ka dhacay Muqdisho. The post Xog: Dad loo qabtay dilka taliyihii ciidamada ilaalada xarunta golaha shacabka first appeared on Caasimada Online.
-
Nin bilyaneer ah ee lacagtiisa oo dhan bixiyay Chuck Feeney (dhexda) wuxuu bilyaneer noqday 40 sano ka hor Inteenna badan, in bilyaneer la noqdo waxay noo tahay ujeeddada ugu weyn ee uu qof gaadhi karo – waana riyo badanaa aan suuragal ahayn oo uu ruux walba leeyahay. Chuck Feeney wuu lahaa riyadaas, laakiin ujeeddadiisu kuma aysan ekeyn inuu bilyaneer noqdo kaliya – maya, yool kale ayuu sameystay. Hammigaasina waa in lacagta uu heystay oo dhan uu wada bixiyo inta uu wali nool yahay. Ganacsadahan 89 jirka ah ee u dhashay dalka Mareykanka waxaa hadda u suuragalay yoolkaas, wuxuuna caalamka u kala qeybiyay inta badan lacagtiisii oo ahayd $9 bilyan oo doolar. Chuck Feeney wuxuu hantidiisa ka sameeyay ganacsi uu u sameyn jiray ciidamadii Mareykanka ee joogay Yurub Hay’addiisa samafalka ah ee “Atlantic Philanthropies” ayuu Mr Feeney, oo ay walaidiintiisa kala ahaayeen Mareykan iyo Irish, ku bixiyay lacag dhan $570 milyan (£447m) oo loogu talagalay in wax looga qabto cudurka dhimirka ee muddada 40-ka sano ah kasoo jiray dalka Waqooyiga Ireland. Waa kuma Chuck Feeney? Charles F Feeney wuxuu ku dhashay magaalada Elizabeth, ee gobolka New Jersey, Mareykanka, sanadkii 1931-kii. Xilligii uu dhalanayay waxaa socday saameyn badan oo dadka kasoo gaadheysay xanuunnada walwalba ka imaada. Hooyadiis waxay kalkaaliso ka ahayd isbitaal, aabbihiisna wuxuu ka shaqeynayay shirkad ceymis ah. Chuck Feeney wuxuu sidoo kale lacago deeq ah ku bixiyay dalalka Australia, Cuba iyo Jamhuuriyadda Ireland Ninkan fikradda ganacsi la yimid wuxuu hantida canshuurta laga bixiyay ka iibin jiray dadka dhaqaalaha badan heysta ee u kala safra caalamka. Conor O’Clery, oo wax ka qoray taariikh nololeedka Mr Feeney, ayaa yidhi: “Wuxuu aqristay, aadna uu u jecleystay qormadii caanka ahayd ee uu sameeyay Carnegie, taasoo ku saabsaneyd in qofka hantida leh haddii uu geeriyoodo hantidiisa oo wali u taalla uu dullinimo ku dhimanayo.” Sanadkii 1982-kii ayuu aasaasay hay’addiisa samafalka ah ee “Atlantic Philanthropies”, taasoo ah hay’ad caalami ah oo lacago ugu deeqda ololeyaal kala duwan oo ka socda caalamka. Lacagta ugu badan Mr Feeny wuxuu ku bixiyay cilmi baadhista ku saabsan caafimaadka iyo tijaabooyinka dawooyinka Waxyaabaha ugu badan ee ay hay’addan dhaqaalaheeda ku taageerto waxaa ka mid ah caafimaadka, waxbarashada, dib u heshiisiinta iyo xuquuqda aadanaha. 15-kii sano ee ugu horreysay howlihiisa samafalka, Mr Feeney wuxuu dooqda u bixin jiray si qarsoodi ah, taasoo uu ku kasbaday magaca James Bond-ka deeqda bixiya. Wuxuu howshiisa qarsoodinimada ka saaray sanadkii 1997-kii. Sida uu sheegay Mr O’Clery, shantiisa carruurta ah (oo kala ah 4 gabdhood iyo 1 wiil) waxaa hanti badan uga tagtay hooyadood, oo ahayd xaaskiisii ugu horreysay. Iskuulka Rowandale IPS oo lagu dhisay hantida Mr Feeney, wuxuu furnaa 13 sano Hadda wuxuu isagu ku nool yahay guri 2 qol iyo fadhi ah oo ku yaalla magaalada San Francisco, halkaasoo ay la daggan tahay xaaskiisa Helga. Wuxuu safarro aad u badan u galay inuu lacagtiisa deeq ahaan u bixiyo. Hantidiisa inteeda badan wuxuu Mr Feeney ku bixiyay howlaha la xidhiidha cilmi baadhista caafimaadka iyo tijaabooyinka dawooyinka. Howlaha kale ee ugu waawey ee uu Waqooyiga Ireland ka qabtay waxaa ka mid ah waxbarashada aasaasiga ah ee carruurta, dib u heshiisiinta bulshooyinka iyo dhisidda nabadda. Christopher Oechsli Christopher Oechsli, oo ah madaxa hay’adda “Atlantic Philanthropies”, ayaa sheegay inay “sharaf weyn” u tahay dhaqaalaha ay ku taageereen mashaariic badan oo laga fuliyay Waqooyiga Ireland, tan iyo markii ay howlahooda billaabeen sanadkii 1991-kii. “Qalbiga ayaa ku dhaqaaqaya marka aad aragto horumarka ay sameynayaan mashaariicda lagu dhisay dhaqaalaha hay’adda Atlantic, waxayna wali sii shaqeynayaan xilliyadan adag,” ayuu yidhi. “Taasi waa dhaxalka uu ka tagay.” Sida uu sheegay Conor O’Clery, oo qora taariikhaha dadka wax ku oolka ah, Chuck Feeney hadda aad ayuu u faraxsan yahay, maadaama uu soo afjaray howlgalkiisii socday ku dhawaad 40-ka sano, wuxuuna la dabaal dagayaa xaaskiisa Helaga. Qaran News
-
Su’aalaha muhiimka ah ee uu Farmaajo diiday inuu ka jawaabo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Su’aalaha muhiimka ah ee uu Farmaajo diiday inuu ka jawaabo Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka qeyb galay Dood-cilmiyeed uu soo qabanqaabiyay machadka Cilmibaadhista ee RAAS, ayaa ka gaabsaday inuu wax jawaab ah ka bixiyo su’aalo ku saabsanaa dhowr arrimood oo muhiim ah. Waxyaabaha uu sharraxaadda ugu badan ka bixiyay waxaa ka mid ahaa hannaanka doorashada iyo sida ay isugu waafaqeen madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee ku shiray magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxa uu ka jawaabay su’aalo badan oo salka ku hayay amniga, horumarinta dhalinyarada, midnimada qaranka iyo la dagaallanka Al-Shabaab. Hase yeeshee, waxaa jira saddex arrimood oo uu madaxweynuhu si toos ah ugu gacan seydhay inuu ka jawaabo. 1- Arinta gobolka Banaadir Tan iyo markii ay soo baxeen doodaha ku saabsan habka ay u dhaceyso doorashada Soomaaliya, waxaa isasoo tarayay su’aalaha la xidhiidha maqaamka gobolka Banaadir iyo kuraasta siyaasadeed ee uu ka helayo Aqalka sare ee baarlamaanka. Dad ka qeyb galay dood-cilmiyeedka ayaa su’aalo weydiinayay madaxweynaha Qodobkan oo ah mid xasaasi ahaa ayaa in muddo ahba waxaa ku hareereysnaa mowqifyo kala duwan oo muran dhaliyay. Dhawaan waxaa lasoo jeediyay in gobolka Banaadir 13 kursi laga siiyo Aqalka Sare. Laakiin waxay dood ka dhalatay in taasi aysan waafaqsaneyn Dastuurka Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo oo su’aal laga weydiiyay sida la isu waafajin karo Dastuurka iyo kuraasta gobolka Banaadir ayaa jawaabtiisa kusoo gabagabeeyay “in su’aashaas uusan mudneyn in la weydiiyo isaga”. “Waad ogtihiin, aniga ayaa billaabay inaan baarlamaanka ka codsado in matalaad loo sameeyo gobolka Banaadir, iyaguna way aqbaleen codsigeyga, waxay soo saareen qaraar ay ku aqbalayeen in gobolka Banaadir loo oggolaado 13 xubin oo Aqalka Sare ah. Arrintaasi waa labo qeybood, mid dhinaca sharciga ah iyo mid dhinaca siyaasadda ah, qyebtii siyaasadeed way dhammaatay, waxaa ugu dambeysay labo isbuuc ka hor oo aan xafiiskeyga isugu yeedhay guddoomiyaha gobolka Banaadir, guddoonka Aqalka sare iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka, oo aan u sheegay in howshan ay soo dhaaftay siyaasad, wixii markaan ka dambeeyana ay galaan farsamo iyo sidii ay u waafajin lahaayeen dastuurka, marka su’aashaas iyaga weydii.” Ayuu yidhi madaxweyne Farmaajo. 2- Arrinta matalaadda gobollada Sool iyo Sanaag Horay waxaa u soo baxay warar sheegaya in kuraasta lagu matalayo gobollada Sool iyo Sanaag ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya lagu soo dooran doono magaalada Muqdisho. Arrintaas waxaa xitaa cadho ka muujiyay mas’uuliyiinta Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Gabdh ka mid ahayd dadkii dood cilmiyeedka kala qeyb galay madaxweynaha ayaa soo bandhigtay su’aal ku saabsan sida loo maareynayo mataaladda labadaasi gobol. Balse su’aashaas ayuu madaxweynaha diiday inuu ka jawaabo. “Su’aasha Rooda ee ka hadashay doorashada Sool iyo Sanaag, Roodo su’aashaadu way adag tahay kama jawaabi karo, raalli iga ahow,” ayuu kusoo koobay Farmaajo. 3- Arintii Qalbi Dhagax Madaxweyne Farmaajo ayaa in muddo ahba wajahayay eedeymo ku aaddan in dowladdiisu ay Itoobiya ku wareejisay Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ahaa sargaal sare oo ka tirsan jabhadda ONLF. Markii ay eedeymahaas soo baxeen ilaa hadda madaxweynuhu kama uusan hadlin mowduucaas, dad badanna waxay ku dhaliilayeen inuu ka aamusay arrintaas. Nin dhalinyaro ah oo fursad u helay inuu madaxweynaha su’aalo ku weydiiyo kulankii dood-cilmiyeedka, oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia, ayaa yidhi: “Madaxweyne ma laga yaabaa inaad ururka ONLF ka saarto liiska argagixisada, inta aadan aadin doorashada, sidoo kale umadda Soomaaliyeed iyo Qalbi Dhagax ma weydiisan doontaa Cafis, madaama aad qof Soomaaliyeed u dhiibtay dowlad kale?” Madaxweynaha ayaa markii uu su’aalaha ka jawaabayay aan soo hadal qaadin midda ku saabsaneyd Qalbi Dhagax iyo guud ahaan ururka ONLF. Labada arrimood ee kale jawaabtooda wuu ka cudur daartay Farmaajo, laakiin su’aashan wuu ka gaabsaday. Qalbi Dhagax waxaa xadhigiisa kaddib sanadkii 2018-kii laga sii daayay xabsi ku yaalla Dalka Itoobiya. Qaran News -
President Donald Trump paid just $750 in federal income taxes the year he ran for president and in his first year in the White House, according to a report Sunday in The New York Times. Source: Hiiraan Online
-
The number of deaths from coronavirus globally has crossed the million threshold, with more than 1,000,502 deaths recorded as of Sunday evening, according to worldometer.info. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya maalmaha soo aadan ku dhawaaqi doono golihiisa Wasiirada ee Xukuumadda cusub, kadib markii la ansxiyey Sabtidii. Xog aan helnay ayaa sheegaysa in Rooble la siiyay liiska Gole Wasiiro oo xulan iyo qaar ka mid ah wasaarado banaan oo aan wali dad loo xulin, oo isaga loo madax-baneeyay si dadka ku dhaw dhaw ugu qanciyo. Liiska wasiirada ah ee magacaaban islamarkaana lagu wareejiyay ayaa la sheegay in ay u badan yihiin saaxiibada Madaxweynaha Soomaaliya oo ah kuwa hadda ku jira xukuumadda iyo qaar yar oo cusub. Dadka la sheegay in ay ku jiraan magacyadaas waxaa kamid ah, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre iyo qaar kale oo hadda ka tirsan sii-hayeyaasha Golaha Wasiirada Soomaaiya. Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in dhowr xubnood oo wasiiro ah laga reebay liiskaan islamarkaana Ra’iisul wasaaraha cusub lagu war geliyay in uusan ku soo darin xukuumadiisa, waxaana kamid ah shaqsiyaadkaas, Wasiirka amniga Soomaaliya Xil. Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xildhibaan Xasan Cali Amardambe, wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Sabriye wasiir ku xigeenka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xidhibaan Cusmaan Daalo iyo qaar kale. Wasiiradaan ayaa ahaa saaxiibo aad ugu dhaw Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya waxeyna qaarkood kuu sheegayaan in aysan ku soo laaban doonin Xukuumadda cusub sababo badan aawgood. Sababta loo soo celinayo wasiirada hore ayaa sidoo kale lagu sheegay in shaqada halkeedii ka sii socoto si uusan u imaanin gaabis kale. The post Xogta golaha wasiirada cusub ee R/W Rooble -Xubnaha soo laabanaya iyo kuwa baxaya first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Qubanaha-shabelle-27092020.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa salaadii maqrib kadib ee caawa magaalada Dhuusamareeb kulan ku yeeshay odayaasha dhaqanka beesha Ceyr iyo Taliyaha guutada 15-aad qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Mascuud Maxamed Warsame. Kulankaas ayaa ahaa mid xal loogu raadinayey khilaaf culus oo ka dhex qarxay saraakiil ka soo jeeda beesha Ceyr oo Jeneraal Mascuud uu u horeeyo iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor. Khilaafkaas ayaa salka ku haya gadiidkii iyo hubkii lagala wareegay hoggaanka ururkii Ahlu-Sunna oo mar kale gacanta u galay Jeneraal Mascuud oo horay u ahaa taliyihii guud ee ciidamadii Ahlu-Sunna, balse hadda waxa uu ka tirsan-yahay saraakiisha militeriga ee dowladda federaalka. Odayaasha dhaqanka beesha Ceyr oo ku soo baxay khilaafkaas ayaa kulankan ay caawa Jeneraal Mascuud kula yeesheen magaalada Dhuusamareeb waxay uga xog wareysteen waxa ay isku hayaan madaxweyne Qoor Qoor. Jeneraal Mascuud ayaa u sheegay odayaasha dhaqanka in khilaafku uu ku koobanyahay gaadiidka iyo hubkii Ahlu-Sunna oo isaga ay ku wareejiyeen Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir, Madaxweyne Qoor Qoor-na uu doonayo in lagu wareejiyo wasaaradda amniga Galmudug. Taliye Mascuud ayaa odayaasha u sheegay in tiknikadaas ay tahay mid beeleed, balse aysan aheyn mid dowladeed, isla markaana isaga loogu dhiibay si magan-geliyo ah. Intaas kadib odayaasha ayaa iska xulay guddi ka kooban 15-qof oo si deg-deg ah u soo baara jiridda khilaafkan inta cawanimo, iyagoo iclaamiyey in kulan kale la isugu yimaado berrito oo Isniin ah. Gaadiidka iyo Hubka la isku heysto ayaa mudooyinkii dambe ku xareysnaa jiray madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb, halkaas oo lagu waardiyeyn jiray, balse todobaadkii hore intii Qoor Qoor uu ku sugnaa Muqdisho ayaa laga saaray, waxaana toos ula wareegay Jeneraal Mascuud taliyaha guutada 15-aad ee qeybta 21-aad. Sidoo kale waxaa jira saraakiil kale oo Mascuud xulufo kula ah go’aankan uu dib ugula wareegay gadiidkii xareysnaa ee Ahlu-Sunna, kuwaas oo dhamaantood ka soo jeeda beesha Ceyr. Sababta tiknikadaas looga saaray madaxtooyada waxaa la sheegay inay timid kadib markii saraakiishan ay ka war heleen in madaxweyne Qoor Qoor uu doonayo inuu ku wareejiyo wasaaradda amniga Galmudug, si loo saaro ciidan tiro yar oo aas-aas u ah daraawiishta Galmudug, kaas oo dhawaan tababar loo soo xiray Taliyihii ilaalada madaxtooyada Galmudug Najiib Xirsi Dhoore ayaa isaga tegay shaqada, kadib markii Madaxweyne Qoor Qoor uu amray in lasoo xiro, maadaama gaadiidkii dagaalka ee madaxtooyada ku xareysnaa uu ku wareejiyey Jeneraal Mascuud. Waxaa jira wafdi iyo ciidamo Haramcad ka tirsan oo shalay ka degay magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo ay dirtay dowladda dhexe. Ciidamada ayaa waxaa dalbaday Qoor Qoor, waxaana loo diray 200 oo uu hoggaaminayey taliyaha guud ee Haramcad Farxaan Qaroole, halka wafdiga kalena uu hoggaaminayey taliyaha hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Maxamed Aadan Koofi oo ay jufo hoose isla yihiin Jeneraal Mascuud, waxuuna qeyb ka yahay dadaalada lagu xalinayo khilaafkaas. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa shalay ka tegay Dhuusamareeb, waxuuna hadda ku suganyahay magalaada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaas ay uga daba tegeen mas’uuliyiin iyo waxgarad ka socda beesha Ceyr, kuwaas oo ku dadaalaya inay soo afjaraan khilaafka madaxweynaha iyo saraakiisha beesha ee ka tirsan dowladda federaalka. The post Sawirro: Maxaa ka cusub xiisadda QOOR QOOR iyo saraakiisha beesha CEYR? first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kooban oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey is afgarad la xiriira qabashada doorashada oo maanta dhex maray ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo safiirka Mareykanka Donald Yamamoto. Ugu horeyn qoraalka ayaa lagu sheegay in safaaradda Mareykanku ay mar kale Ra’iisul wasaaraha ugu hambalyeyneyso xaqiijintiisa maanta soo idlaatay ee xilka ra’iisul wasaaraha dalka. “Waxaan ku faraxsanahay inaan u hambalyeeyo Maxamed Xuseen Rooble markii loo xaqiijiyey inuu yahay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.” Sidoo kale qoraalkan ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa intaasi ku sii daray, “Waxaan maanta isku afgaranay [ra’iisul wasaaraha] ahmiyada ay leedahay in waqtigeeda lagu fuliyo heshiiskii doorashada, maamul wanaagga, iyo sii wadida dib u habeynta dhaqaalaha iyo amniga.” Delighted to congratulate @MohamedHRoble on his confirmation as #Somalia’s @SomaliPM. We agreed today on the importance of timely implementation of the election agreement, good governance, and continued economic and security reform. pic.twitter.com/GI262czugq — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) September 27, 2020 Bayaankan kooban ee ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa ku soo aadaya iyadoo maanta uu ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble si rasmi ah xilkiisa ula wareegay. Rooble ayaa xilkaan loo dhaariyey Arbacadii lasoo dhaafay, kadib markii uu codka kalsoonida ka helay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Ra’iisul wasaare Rooble ayaa xafladii xil-wareejinta ka shacaaiyey lix arrimood uu mudnaanta koowaad siin doono, isla markaana ay xukuumadiisa cusub ay ka dhabeyn doonto. Waxa uu khudbadiisa ku xusay in arrimaha Amniga, Doorashooyinka, Horumarinta Dhaqaalaha, Caddaaladda iyo Adeegga Bulshada, ay yihiin arrimaha ugu muhiimsan ee xiligan ay xooga saari doonto xukuumadda uu hogaaminayo.t The post Mareykanka oo shaaciyey is-afgarad la xiriira doorashada oo ay la gaareen Rooble first appeared on Caasimada Online.
-
Xildhibaanada golaha shacabka ee barlamaanka jamhuuriyada federaalka Soomaaliya ayaa maalinta berri ah waxaa ay ka doodi doonaan sharciyo dhowr ah. Kulanka berry ayaa ah kulan weynaha golaha waxaana ajandayaasha ay kala yihiin . Akhrinta kowaad ee hindise sharciyeedka dhismaha haya’adda diiwaangalinta dadweynaha iyo bixinta aqoonsig oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-hishiisiinta dowladda Soomaaliya . Sidoo kale waxaa ajandaha ka mid ah akhrinta kowaad ee hindise sharciyeedka Qaxootiga. Guddoonka golaha shacbka ayaa soo jeediyaya in la dar dargaliyo howlaha horyaala golaha maadaama ay dowladda uu yahay waqti kooban isla markaan loo baahanyahay in dhameystiro. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Habeen-27092020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday heshiis taariikhi ah oo Soomaaliya looga cafinayo deymaha uu ku leeyahay Mareykanka. Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Donald Yamamoto iyo sii-hayaha wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Duceyle Beyleh ayaa kala saxiixday heshiiska lagu yareynayo islamarkaana dib loogu qaabeynayo deyenta ay hay’adaha dowladda Mareykanka ku leeyihiin dowladda federaalka Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiiska uu ku suurta-galay ayada oo Soomaaliya ay sanadihii dhowaa sameysay isbeddelo dhaqaale oo muhiim ah, islamarkaana bishii March ee 2020 ay gaartay marxaladda go’aan ka gaarista deyn caafinta ee loo yaqaan Decision Point ee Banka Adduunka. “Marka Soomaaliya ay gaarto marxaladda dhammaadka ee deyn cafinta (Completion Point,) Mareykanka waxa uu cafin doonaa deynta uu ku leeyahay oo dhan hal bilyan oo dollar,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay safaaradda Mareykanka. Safaaradda Mareuykanka ayaa ku amaantay dowladda Soomaaliya horumarka ay ka sameysay isbedellada maaliyadeed, waxayna sheegtay in deyn cafinta ay u ogolaan doonto inay taageero maaliyadeed ka hesho hay’adaha caalamiga ah. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay ka go’an tahay inay saaxiib lasii ahaato Soomaaliya, kuna faraxsan tahay inay kaalin weyn ka cayaarto xaqiijinta guulaha dhaqaale ee shacabka Soomaaliyeed. The post Sawirro: Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya oo maanta kala saxiixday heshiis taariikhi ah first appeared on Caasimada Online.
-
Today U.S. Ambassador Yamamoto and Somali Minister of Finance Beileh met in Mogadishu and signed a bilateral agreement to reduce and restructure debt owed by the Federal Government of Somalia (FGS) to three U.S. government agencies. Signing this agreement was possible because Somalia has implemented significant economic reforms in recent years and in March 2020 reached the first stage of debt relief, known as “Decision Point,” through the Heavily Indebted Poor Countries Initiative. When Somalia reaches the final stage, “Completion Point,” the United States will have forgiven more than $1 billion in debt. We commend the FGS on its progress in pursuit of economic reform. Working through the debt relief process will allow Somalia to regain access to financial support from international financial institutions so that it can invest in poverty reduction and economic growth. The United States remains a committed partner to Somalia and is pleased to play a role in ensuring the economic success of the people of Somalia. View the full article
-
The newly-appointed prime minister of Somalia Mohamed Hussein Roble has taken the office from the acting and deputy PM Mahdi Mohamed Guled Khadar on Sunday. Cabinet members and other high-ranking government officials were in attendance at the hand-over event held the PM’s office inside the heavily guarded presidential palace. In his speech, Roble has vowed to fight hard to end the ongoing abuses against the women and children in Somalia and will give this task top priority. Somalia has been in turmoil for decades and witnessed an abundant crisis, including civil war, piracy, terrorism, and natural disasters in the past three decades. View the full article
-
(SLT-Addis Ababa)-Dablay hubaysan ayaa 15 qof ku dilay galbeedka dalka Ethiopia, sida ay sheegtay Komishanka Xuquuqda Aadana ee dalka Ethiopia. Afar ka mid ah dhibanayaasha ayaa lagu dilay weerar jimcihii ka dhacay gobolka Benishangul, gaar ahaana Metekel Zone oo lagu dilay haweenay, waxaana lagu sheegay war-saxaafadeed ay baahisay Guddidan Xuquuqda Aadamaha ee Ethiopia in ay walaac weyn ka qabaan weerarada ka dhanka ah dadka shacabka ah. Ugu yaraan laba dhacdo ayaa ka dhacay bishan isla gobolkaasi oo xuduud la leh Sudan, kaas oo sababay dhimashada dad shacab iyo in 300 qof ay ka cararaan guryahooda. Daniel Bekele, oo ah Madaxa Komishanka Xuquuqal Insaanka Ethiopia ayaa sheegay in dadka shacabka ahi ay khatar ugu jiraan weerarada weeraro bahalnimo ah oo ka dhaca gobolka Benishangul-Gumuz. Waxaanu Bekele Dawladda Federalka Iyo Maamulka Gobolkaba ugu baaqay inay qaado talaabooyin cadcad oo sharciga loogu hoggaansamayo, dambiilayaashana lagula xisaabtamayo. Weeraradan ayaa muujinaya Caqabadihii ugu dambeeyey ee dhinaca Amaanka ka haysta dawladda Raysal Wasaare Abiy Axmed, oo talada dalkaasi la wareegay 2018-kii, Abaalmarina ku helay isbadalo uu sameeyey, wallow ay sii kordhayaan xiisada qoomiyaha dalkaasi u dhexeeya. Source
-
Somali and Kenyan troops engaged in a minutes-long firefight on Saturday at the two countries’ shared border, local officials and witnesses said after the Kenyan side fired shots to deter Somali demonstrators from approaching. The incident took place at the frontier between the Somali town Bulo Hawo and Kenya’s Mandera, close to where the border meets Ethiopia to the north. Multiple sources told AFP the exchange was triggered when a group of Somali demonstrators angry at the alleged killing of three civilians approached border posts manned by Kenyan soldiers. “Kenyan troops opened fire on Somali protesters who closed (in) on their positions along the Bulo Hawo border and the Somali troops stationed close to the area responded with heavy fire, this continued for several minutes,” Bulo Hawo police officer Mohamed Abdirahman told AFP by phone. None of the sources contacted by AFP reported any casualties from the brief exchange of fire. The demonstrators believed that three civilians “kidnapped the day before” in the border town of El Wak, south of Bulo Hawo, had been killed by Kenyan anti-terror police, Abdirahman said. They “were dispersed with heavy gunfire by the Kenyan troops,” eyewitness Abdifatah Hassan said. “The Somali forces close to the area intervened in the situation by engaging (in a) gunfight with the Kenyans.” A Kenyan security official confirmed to AFP that “there was gunfire at the border where SNA (Somali National Army) and KDF (Kenya Defence Forces) exchanged gunfire after some incident of protests”. “The locals on the other side are accusing Kenyan forces of killing three civilians who were not Al-Shabaab,” he added, referring to the Al-Qaeda-affiliated Islamist militant group active in Somalia. The Somali government has so far not acknowledged the incident. View the full article
-
Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa maanta kala saxiixday heshiiska deyn cafinta, Hesiiskan oo ka dhacay safaaradda Mareynkanka ee Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble. Mareykanka ayaa Soomaaliya ka cafisay qeybtii uga soo aadday deyn cafintii dalalka Naadiga Paris. Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in deynta lagu leeyahay Soomaaliya la wada cafiyo. Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo goobjoog ahaa heshisika ayaa Dowladda Mareynkanka ugu mahadceliyey deyn cafinta, wuxuuna sidoo kale ku bogaadays safiirka Mareynkanka sida ay markasta u garab yihiin Shacabka Soomaaliyeed. View the full article
-
Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa maanta kala saxiixday heshiiska deyn cafinta, saxiixan ayaa ka dhacay safaaradda Mareykanka ee gudaha Muqdisho. Dowlad Mareykanka ayaa sheegtay iney Soomaaliya ka cafineyso in ka badan hal bilyan oo Doolar taas oo qeyb ka ah deymaha ay Soomaaliya ku leeyihiin dalalka Paris club. Saxiixa maanta dhacay waxaa Goobjoog ka ahaa wasiirka koowaad ee dalka Maxamed Rooble iyo safiirka Mareykanka Donald Yamamoto. Ku-simaha wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay la hadleen dalal badan oo Paris club ah isla markaana ay ku rajo weyn yihiin in deynta la wada cafiyo. Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble oo goobta ka hadlay ayaa Mareykanka iyo safiirka ugu mahadceliyey sida ay deynta u cafinayaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Traditional leaders, peace-seekers ( nabad-doons) and business leaders of Bari region held a consultative conference between 22 and 26 September, 2020. The aim of the meeting was to discuss the selection process or MPs and Senators ahead of the upcoming indirect elections in Somalia. Representatives from the nine Majeerteen subclans. who attended the conference, have issued the following seven-point resolutions: 1. The nine Majeerteen subclans (mentioned below) deplore the return to indirect elections but wholeheartedly welcome the election agreement signed by the Federal Government of Somalia and Federal Member States, and endorsed by the Upper House and Lower House. Representatives from nine Puntland subclans deplore the return to indirect elections in Somalia. 2. The distribution of the parliamentary and the Upper House seats for Majeerteen subclans must be fair and transparent, with opportunities for subclans that have been underrepresented in both Houses being given utmost priority. 3. We call on the participation all Majeerteen subclans in the selection process to ensure transparency and impartiality for prospective MPs and Senators 4. We believe that fairness and transparency can be maintained if all subclans have a role in the selection processes. In the past only subclans that sent MPs or Senators to the Upper House and Lower House had participated in selection processes. That meant exclusion of many subclans from the selection process.. 5. We call on the ad hoc electoral commission to be tasked with the overseeing the selection of MPs and Senators to ensure that slots for new Puntland Senators be reserved for Majeerteen subclans that have not had representation privileges since 2004, when Somalia adopted a federal system. 6. We believe equality, fairness and justice are cornerstones of peaceful co-existence. 7. We urge the International Community and the Federal Government of Somalia to keep an eye on the selection processes for MPs and Senators from Puntland. Following are the nine Majeerteen subclans that issued the seven-point resolutions. 1. Wabeeneeye 2. Cabdirahiin Ibraahim 3. Amaanle 4. Idigfacle 5. Wadalmoge 6. Cabdiraxiim Saleebaan 7. Saalah Ibraahim 8. Reer Waarag 9. Ismaaciil Saleebaan The post UNDERREPRESENTED PUNTLAND CONSTITUENCIES CALL FOR A FAIR SELECTION PROCESS appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay ayaa shaaca ka qaaday lix arrimood uu mudnaanta koowaad siin doono, isla markaana ay xukuumadiisa cusub ay ka dhabeyn doonto. Rooble ayaa xusay in arrimaha Amniga, Doorashooyinka, Horumarinta Dhaqaalaha, Caddaaladda iyo Adeegga Bulshada, ay yihiin arrimaha ugu muhiimsan ee xiligan ay xooga saari doonto xukuumadda uu hogaaminayo. Sidoo kale, Ra’iisal wasaaraha ayaa ku dhawaaqay inuu soo magacaabi doono khabiir sharci oo baaris iyo dabagal ku sameyn doona tacadiyada jinsiga ah ee ka dhanka Haweenka. Khabiirkaasi ayaa waxa uu dabagal iyo baaris qoto dheer ku sameyn doona kufsiga lagula kaco haweenka iyo caruurta, kaasi oo muddooyinkii dambe kusoo badanayay caasimada iyo gobolada kale ee dalka. Rooble ayaa magacaabistaasi sameyn doona, isaga oo gacan ka helaya hay’addaha cadaalada dalka, midaasi oo qeyb ka ah tallaabooyinka ay xukuumadiisu kula dagaalameyso fal-dambiyeedyada noocaas ah. “Waxaan soo magacaabi doonaa khabiir sharci oo gaar ah oo xil weyn iska saara baarista iyo la dagaalanka tacadiyada Jinsiga (Kufsiga) ee lagula kaco haweenka iyo caruurta, si uu ugala shaqeeyo hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka, waxaanu qaadi doonnaa tallaabo kasta oo ku habboon oo lagula dagaallamo fal- dambiyeedyada noocaas ah” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha. Ra’iisal wasaare Rooble ayaa kusoo aadaya xili uu dalku marayo marxalad xasaasiya, isla markaana ay taagan-yihiin arrimo badan oo wax ka qabasho u baahan, iyada oo ay weliba hortaalo qabsoomida doorashooyinka iyo fulinta heshiiskii Villa Somalia. The post R/W Rooble oo ballan-qaad ka sameeyey xil cusub oo uu soo magacaabayo first appeared on Caasimada Online.
