-
Content Count
211,703 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa kulan degdeg Garoonka Muqidsho kula yeeshay Madaxweynayaasha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, isla markii ay ka degeen Garoonka Muqdisho. Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto oo dadaal ku bixiyey in shirka Muqdisho ee saddex geesoodka ah uu dhaco, kuna qanciyey Madaxweyne Farmaajo inuu la kulmo madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa la sheegay inuu damaanad qaade ka yahay heshiis kasta oo dhex mara labada dhinac ee ku saabsan Doorashada 2020/2021. Maamulka Jubbaland oo war kasoo saaray kulankaan ayaa sheegay in kulankan uu Madaxweyne Axmed Madoobe kula wehlinayey Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumad Maxamuud isla markaasna looga hadlay Arimaha Doorashooyinka 2020/2021 iyadoo la isku raacay in laga wada shaqeeyo sidii Doorasho heshiis lagu yahay ay uga dhici lahayd dalka. Sidoo kale Jubbaland ayaa sheegtay in Donald Yamamoto la wadaagtay Xaaladdaha dowladda dhexe ka abuurtay gobolka Gedo sida ay illo xog ogaal ah u xaqiijiyeen Caasimadda Online. Waxaa lagu wadaa in Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ay safiirka la wadaagaan qoraal ku saabsan qodobadda ay diidan yihiin ee Heshiiskii Doorashada Dhuusmaareeb 3 ay ku saxiixeen Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Galmudug, Hirshabeelle, K/Galbeed oo uu wehliyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kadibna uu shir u furmo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Donald Yamamoto ayaa isla garoonka Muqdisho kulan kula yeeshay madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo K/Galbeed isla markii ay kasoo laabteen shirkii Dhuusmareeb 3, kaasoo ay ka dhalatay in shir kale la qabto si loo dhammeystiro Heshiiska Doorashada Dhuusamareeb 3. Puntland iyo Jubaland ayaa midkoodna ka qayb-gelin Shirkii Dhuusamareeb 3, waxaana ay sheegeen in aysan qayb ka hayn heshiiskii lagu gaaray Shirkaas. Wadooyinka Magaaladda Muqdisho ayaa inta badan la xiray waxaana warar kale duwan ka soo baxayaan sababta loo xiray oo ay ka mid tahay isbadal lagu samaynayo taliska Booliska Soomaaliyeed. The post Maxaa looga hadlay kulankii Axmed Madoobe, Deni iyo Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto? first appeared on Caasimada Online.
-
Kulankii maanta dhexmaray Beesha Caalamka iyo Madaxweynayaasha Soomaaliyeed ee Puntland iyo Jubbaland ayaa la isku afgartay in Lagawada shaqeeyo in Doorashada Soomaaliya ay wakhtigeeda ku [...] The post Breaking News— Beesha Caalamka oo si buuxda u damaana qaadey hirgalinta Doorashada Soomaaliya appeared first on . Source
-
The leaders of Jubaland and Puntland, Ahmed Madobe, and Said Deni have arrived in Mogadishu on Tuesday morning under tight security. The arrival comes ahead of electoral talks with President Mohamed Abdullahi Farmaajo, with the attendance of international partners in the capital. Deni’s trip to Mogadishu becomes the first since he was elected president of Puntland in January 2019. The main streets in Mogadishu have been locked down before the arrival of the leaders with additional forces being deployed. View the full article
-
The United States has carried out a total of 46 air strikes to degrade al Shabaab in Somalia this year, Africa Command has revealed. In a statement attributed to Colonel Chris Karns, Director of Public Affairs, US Africa Command, the US military said it continues to train Somali forces and support operations with precision airstrikes. “Al Shabaab is a dangerous enemy that presents a threat to Somalia, its neighbours, and the United States. This Al Qaeda aligned terrorist organization increasingly employs lies, engages in criminal acts, and blends into communities to create fear and intimidate local populations. They have engaged in a series of violent acts with no regard for the Laws of Armed Conflict, to include previously attacking a hospital and deliberately seeking to place civilians in harm’s way using protected structures, such as mosques, for military and offensive fighting purposes,” Africom said. “Al Shabaab routinely attacks Somali citizens, military forces, and partners. Somali forces, the US, and international partners work toward preserving life while increasing security, stability, and ultimately, the long-term possibility of increased prosperity,” Africom said. It accused al Shabaab of putting out false information to include last week’s erroneous claim about the death of US forces in an attack. The US last month said one civilian was killed and three were injured in a US air strike in Somalia in February, the second such admission since it launched quarterly reports on civilian casualties in its Africa operations. The first admission was an air strike in April 2018 in El Buur in the Galgadud region of central Somalia in which Africom reported it had unintentionally killed two civilians. In a report last month, Africa Command said a verification of the facts and circumstances about a 2 February 2020 air strike triggered by allegations of civilian deaths established one civilian had been killed while three were injured. “Unfortunately, we believe our operations caused the inadvertent death of one person and injury to three others who we did not intend to target,” AFRICOM’s commander, Gen. Stephen Townsend was quoted as saying. “We work hard to prevent civilians from getting hurt or killed during these operations designed to bring increased security and stability to Somalia.” AFRICOM’s civilian casualty assessment reports cover its operations in Somalia, Libya and other African countries. The initial report published in April said two civilians were killed and three injured in an air strike in Somalia in early 2019. The United States has been conducting air strikes in Somalia for years to help defeat al Shabaab. Rights activists have long accused the United States of shrouding its Somalia operations in secrecy, potentially undermining accountability for incidents involving civilian deaths. Al Shabaab seeks to topple Somalia’s Western-backed central government and set up its own rule based on its strict interpretation of Islamic sharia. For nearly two decades al Shabaab has been waging a campaign of bombings and shooting attacks on military and civilian targets including hotels and traffic junctions both in Somalia and neighbouring countries like Kenya. A regional peacekeeping force, AMISOM, mandated by the African Union, also helps defend the Somali government. View the full article
-
Mogadishu (HOL) - Somalia's Minister of Finance, Abdirahman Duale Bayle, held a press conference in Mogadishu on Tuesday, saying that they have discussed debt relief with Arab countries. Source: Hiiraan Online
-
ANKARA - The World Health Organization (WHO) has started a vaccination campaign in southeastern Somalia’s Banadir administrative region to vaccinate some 400,000 children against polio and measles. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi — Digital freight forwarder Saloodo!, a subsidiary of Deutsche Post DHL Global Forwarding, an international provider of air, sea and road freight services has launched a new digital road freight platform for shippers and transport providers along the Northern Corridor. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho maanta waxaa soo gaaray madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland (Axmed Madoobe iyo Saciid Deni) kadib cadaadis uga yimid beesha caalamka waxey shir la yeelan doonaan dowladda dhexe. Labadaan madaxweyne waxey qaadaceen ka qeybgalka shirkii dhuusamareeb wajigiisa saddexaad, mana aysan ku qancin qodobadii kasoo baxay, sidaas darteed waxaa la leeyahay waxaa jirta saddex qodob oo la fahamsan yahay iney doonayaan in laga badalo heshiiska. Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Garowe, waxeyna xaqiijiyeen kaliya imaatinkooda magaalada Muqdisho. Caasimadda Online waxey heshay in labada madaxweyne ay ku dhawaad 10 qodob diidan yahiin, balse ay saddex ugu muhiimsan tahay, waxeyna doonayaan iney si gaar ah ugala heshiiyaan Farmaajo. Axmed Madoobe iyo Saciid Deni waxey dood ka qabaan qodob taabanaya xildhibaanada, wuxuu ku saabsan yahay kuraasta golaha shacabka oo la sheegay iney dooraneyso 301 ergo, waxaana ku jiri karta kuraasta la isku daraayo iyo kuwa la dhigayo deegaano aan laga taageersaneyn Jubbaland iyo Puntland. Waxa kale oo ay doonayaan labada madaxweyne in madaxweyne Farmaajo uu ogolaado in go’aanka ugu dambeeya heshiiskooda aysan shaqo ku yeelan doonin golaha Shacabka, taas badalkeeda ay doonayaan heshiis walba oo ay la gaaraan Farmaajo ineysan door ku yeelan golaha shacabka maadaama madaxweynaha horay u sheegay in heshiis walba uu ayaga ku celinaayo. Ugu dambeyntii waxaa jira qodob xasaasi ah oo ku saabsan cidda maamuleysa doorashada soo socota, heshiiska Dhuusamareeb wajigiisa saddexaad waxaa ku qoran iney guddiga doorashooyinka qaran maamulayaan. Waxey aaminsan yahiin in guddigaan doorashada ay garab taagan yahiin Villa Soomaaliya, sidaas darteed waa qodob ka mid ah kuwa ugu adag ee la rabo in laga heshiiyo, Deni iyo Axmed waxey doonayaan in qodobaas wax laga badalo. The post Qodobada Deni iyo Axmed Madoobe ay doonayaan in laga badalo heshiiskii Dhuusamareeb 3 first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyda Puntland Saciid Deni iyo Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta markii ay Muqdisho yimaadeen waxaa ay kulan gaar ah la qaateen Safiirka Dowlada Maraykanka u fadhiya Soomaaliya danjire Donald Yamamoto. Labada madaxweyne ayaa sidoo kale waxaa ay kulamo la qaateen mas’uuliyiin ka tirsan beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan midowga Yurub iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya. Kulamadan oo ka dhacay gudaha Airportiga Xamar ayaa waxaa diiradda lagu saaray arimaha doorashooyinka 2020/2021 iyadoo la isku raacay in laga wada shaqeeyo sidii Doorasho heshiis lagu yahay ay uga dhici lahayd dalka. In beesha caalamka ay la kulmaan Deni iyo Madoobe kahor is aragooda Farmaajo ayaa keeni kara tuhunno badan iyada oo aan faahfaahin laga heyn in laga aqbalay damaanaddii ay labada nin horay u dalbadeen iyo in kale. Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu wadaa in ay Farmaajo kala hadlaan doorashada 2020/2021 iyo natiijada shirkii Dhuusamareeb 3 taas oo labada nin ka biyo diideen isla markaana ay dalbadeen wax ka badal dhinacyo badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Tentative Insights into the Somali Language Usage from Google Searches Abstract Collapse of the state in 1991 affected the use of the Somali language for print media due to the destruction of the state printing agency in Mogadishu at which newspapers and books were printed. Digital media has filled the vacuum and proved a fertile ground for research into the Somali language usage. Based on Google searches of Somali words, phrases and sentences with an emphasis on Somali spelling rules and commonly confused Somali words and phrases, this paper takes advantage of the unstructured but continually updated corpus of the World Wide Web to make tentative conclusions from examples discussed in it. The paper raises questions for computational linguists about the reliability of Google Somali spelling suggestions particularly when the search engine suggests an incorrect Somali spelling with fewer hits than a correctly spelt word. Click here to read the paper The post Tentative Insights into the Somali Language Usage from Google Searches appeared first on Puntland Post.
-
Sida ay qorsheeyeen Howlwadeenada Villa Soomaaliya Waxaa Villa Soomaaliya qado ku lahaa Maanta Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland Laakiin Qadadaas midna ma calfan. [...] The post Casumaad Qado oo Villa Soomaaliya u diyaarin lahayd Deni iyo Axmed Madoobe oo baaqatay Maanta appeared first on . Source
-
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, oo kulan gaar ah garoonka diyaaradaha Muqdisho kula qaatay safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto, ayaa safiirka u caddeeyay in aysan aqbali dooni heshiiskii Dhuusamareeb 3, haddii aan laga saarin qodoba ay diiddan yihiin. Labada madaxweyne, waxay kulanka ka sheegeen in heshiiskii arrimaha doorashada ee Dhuusamareeb 3, aysan wax talo ah ku lahayn, islamarkaana ay ku jiraan qodoba muujinaya in madaxweyne Farmaajo uusan doonayn in ay qabsoonto doorasho heshiis lagu wada yahay oo wakhtigeeda ku dhacda. Deni iyo Axmed Madoobe, waxay soo bandhigeen saddex qodob oo ku jira heshiiskii Dhuusamareeb 3, kuwaas oo ay ku tilmaameen qodoba Madaxweyne Farmaajo soo qortay, si uu marin-habaabin ugu sameeyo arrimaha doorashada. Saddexda qodob waxay kala yihiin; in doorashada looga dambeeyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Xaliimo Yareey hoggaamiso, in doorashada xisbiyo siyaasadeed lagu galo iyo in maamul kasta saddex magaalo laga qabto doorashada. Labada madaxweyne, ayaa safiirka u xaqiijiyay in heshiiskii Dhuusamareeb 3 ay qayb ka noqon karaan, haddii laga saaro saddexdaasi qodob, balse aysan wax wada-xaajood ah ka geli doonin inta saddexdaasi qodob ku jiraan heshiiska. Safiirka Maraykanka oo gar-wadeen ka ah wada-hadalka Muqdisho, ayaa Deni iyo Axmed Madoobe u ballan-qaaday in uu madaxweyne Farmaajo cadaadis ku saari doono sidii turxaan-bixin loogu samayn lahaa heshiiskii Dhuusamareeb 3. PUNTLAND POST The post Den iyo Axmed Madoobe oo Qodoba adag hor-dhigay Safiirka Maraykanka appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo Muqdisho gaaray maanta ayaa waxay kulan kula Jordan Xubno ka socda Beesha Caalamka oo uu hogaaminayo Safiirka Maraykanku. Kulanka oo [...] The post Kulankii Beesha Caalamka iyo Madaxweynayasha Deni iyo Axmed Madoobe oo socda, Xili wdooyink Mudisha u xiran yihiin appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland (Saciid Deni iyo Axmed Madoobe) iyo wafdi ay hogaaminayaan ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho. Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda dhexe ayaa labada masuul kusoo dhaweeyay garoonka Aden Adde International Airport, waana markii ugu horreysay uu Saciid Deni soo gaaro magaalada Muqdisho tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Puntland. Wararka laga helayo waxey sidoo kale sheegayaan in labada madaxweyne ay shir albaabada loo xiray VIP-da garoonka diyaaradaha kula leeyahiin Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto. Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa horay u dalbaday in beesha caalamka ay ku lug yeelato heshiiska ay la galayaan dowladda dhexe, wuxuuna kulankaan muujinayaa in safiirka uu damaanad qaade ka yahay wadahadallada dhexmaraya labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland oo isku mowqif ah iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kulankaan marka uu dhamaado ayaa la filayaa in Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay kulan gaar ah la qaataan madaxweyne Farmaajo, halkaas oo la filayo iney kasoo baxaan qodobo ku saabsan heshiis loo dhan yahay oo ku saabsan Doorashada. The post Kulan gaar ah oo garoonka Aadan Cadde uga socda Deni, Axmed Madoobe iyo Yamamoto first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, oo goor dhoweyd gaaray Magaalada Muqdisho, ayaa haatan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kula shirsan Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto. Warar hoose oo ay heshay Puntland Post, waxay xaqiijinayaan Labada Madaxweyne iyo Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya ay ka wada-hadlayan Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaanna Arrimaha Doorashada soo socota. Sidoo kale, Deni iyo Axmed Madoobe, waxay kulamo kale la yeelan doonaan qaar kamid ah Safiirada Dalalka Shisheeye ee ku sugan Magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ku jiraan Safiirada Turkiga iyo Talyaaniga. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, ayaa sidoo kale kulan gaar ah oo ku saabsan Arrimaha Doorashada la qaadan doona Madaxweyne Farmaajo, kaas oo lagu turxaan-bixinayo Heshiiskii Dhuusamareeb3. Puntland iyo Jubaland ayaa midkoodna ka qayb-gelin Shirkii Dhuusamareeb 3, waxaana ay sheegeen in aysan qayb ka hayn Heshiiskii lagu gaaray Shirkaas. PUNTLAND POST The post Deni iyo Axmed Madoobe oo Muqdisho kula shirsan Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Maanta waxaa Muqdisho u xiran tahay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaa la waayay meel lakala maro, soo dhaweyntii Madaxweyne Deni. The post Daawo Deni Oo Muqdisho gilgilay appeared first on . Source
-
Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho, iyaga oo ka soo kala kicitimay magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe. Guddoomiyaha gobolka Banaadir, wasiiro, xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee bulashada ayaa ku soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Axmed Madoobe iyo Deni ayaa magaalada Muqdisho wada-hadallo kula yeelan doono Madaxweynaha Soomaaliya, iyaga oo ka arrinsa doono doorashooyinka 2020/21. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona inta badan la xiray jidadka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho. View the full article
-
Cali Soomaali oo loo magacaabay guddoomiyaha degmada Shibis
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa guddoomiyaha degmada Shibis u magacaabay, Cali Axmed Cabdulle (Cali Soomaali). Wareegto ka soo baxday xafiiska duqa Muqdisho, Cumar Filish ayaa waxaa lagu faray guddoomiyaha cusub inuu si deg-deg ah xil-ka ula wareego. Sidoo kale waxaa laga dalbaday hay’adaha amniga inay si u dhow ula shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee maamulka degmada Shibis ee gobolka Banaadir. Cali Soomaali ayaa ahaa Wariye caan ah, wuxuuna horey uga soo shaqeeyey Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho. View the full article -
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah xildhibaanada aqalka hoose ee dowladda Federaalka ayaa qoraal uu bartiisa Facebook kusoo qoray bulshada dhex dhigay dhawr su’aalood oo ku saabsan imaatinka labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland isagoo ku dareen kicinaya madaxweynayaasha Hirshabelle, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hogaanka Gobolka Banaadir oo si dadban ugu lammaanan. Wadooyinka magaalada Muqdisho saakay aroortii waa la xiray sabab lagu sheegay imaatinka Axmed Maxamed Islaam (Madaxweynaha Jubbaland) iyo Saciid Cabdullaahi Deni (Madaxweynaha Puntland), wuxuuna xildhibaan Mahad Salaad is weydiiyay haddii madaxda maqan markooda loo sameyn doono maamuus aysan horay u heli jirin. Sidoo kale xildhibaanka wuxuu shaki galiyay in madaxweynayaasha maamul goboleedyada kale loogu yeeri doono shirka si ay wax uga ogaadaan heshiiska la filayo iney gaaraan madaxweyne Farmaajo iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland. Labada Madaxweyne ee shirka gaarka ah la yeelan doona dowladda dhexe waxey si cad uga hor yimaadeen shirka Dhuusamareeb wajigiisa saddexaad, mana aysan kasoo qeybgalin gogoshii la dhigay Galmudug, taas badalkeeda cadaadis dhinacyada uga yimid beesha caalamka waxaa la isla gartay in lagu kulmo Muqdisho. Ugu dambeyntii Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ah kuwooda ugu fir-fircoon ayaa falaar kulul ku tuuray madaxweynayaasha saddexda ah ee maqan, maadaama uu su’aal iska weydiiyay hadii ay talo ku lahaan doonaan heshiiska la filayo iyo hadii ay noqon doonaan uur jiif hooyadiis ku gowracan oo uu ula jeeday inuu wakiil ka noqonaayo Madaxweyne Farmaajo. HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA MAHAD SALAAD: DULMIBA HA IGU AHAATEE HORTA DOOR MA LEEYIHIIN?! Shirka Xamar ay ku leeyihiin Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Puntland iyo Jubaland inta aan la soo gunaanadin ka hor ma loo yeeri doonaa Madaxweynaha saaxiibadiis si heshiiska looga talo geliyo? Hadii la isla ogolaado in loo yeero: Ma imaan doonaan? Jidadka markooda ma loo xiri doonaa? Wixii Farmaajo, Deni iyo Madoobe ku heshiiyeen in aysan marqaati ka noqon ee talo ku yeeshaan ama wax ka badalaan markooda ma loo ogolaan doonaa? Mise imaanshiyahooda iyo maqnaanshahooda waxaba kuma xirna oo arintu waa “uur jiif hooyadiis ku gowracan” Madaxweynaha ayaana wakiil buuxa ka ah saaxiibadiis️ Hon. Mahad Salad The post Muxuu Mahad Salaad ku qeexay doorka siyaasadeed ee Qoor Qoor, Waare, Lafta-gareen iyo Filish? first appeared on Caasimada Online.
-
Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe. Ciidamadan oo diyaarad qaas ah ay ka soo qaaday magaalada Kismaayo ayaa ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Sidoo kale ciidamadan oo ah kuwo aad u qalabeysan ayaa waxa ay sugi doonaan ammaanka Axmed Madoobe inta uu joojo gudaha Caasimadda. Siciid Deni ayaa dhankiisa iska soo hormariyey ciidamo badan, kuwaas shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana arrintan ay dad badan ka muujiyeen walaac xoogan. Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa wada-hadallo waxa ay la yeelan doono Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo diirada lagu saari doono doorashada 2020/2021. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article