Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,713
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU (HOL) - The anticipated meeting between President Mohamed Farmaajo and Jubbaland and Puntland presidents flopped Wednesday evening amid reports that Ahmed Madobe set conditionalities for the talks. Source: Hiiraan Online
  2. Dowladda Kenya ayaa sheegtay inuu isu soo dhiibay Khaliif Cabdi Nuur Maxamed oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab illaa iyo sanadkii 2013-kii ee la soo dhaafay. Booliiska ayaa sheegay in ninkaasi uu xiriir la soo sameeyay saldhigga deegaanka Burhale oo ka tirsan gobalka Waqooyi Bari iyadoo markii dambe la soo gaarsiiyey Mandera. Sarkaal ka tirsan Booliiska la dagaalama argagixisada ee dalka Kenya ayaa xusay in Khaliif Cabdi Nuur uu Al-Shabaab ka soo goostay bishii hore kadibna uu xiriir dhinaca isgaarsiinta ah la soo sameeyay Booliiska Kenya. Ninkaasi ayaa la sheegay in markii uu isu soo dhiibayey ciidamada Booliiska ee Kenya uu watay qoray nuuciisu uu ahaa AK47 iyo rasaas. Booliiska ayaa intaasi ku daray in ninkaasi uu tababar ku soo qaatay dugsi ku yaalla magaalada Sakow ee gobolka Jubbadda dhexe ee Soomaaliya. Khaliif ayaa lagu eedeeyey inuu ka qayb qaatay weerarkii khasaaraha badan geystay ee Al-Shabaab ay 2016 ku qaadeen saldhig milateriga Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo, halkaas oo lagu dilay boqolaal ka tirsan ciidanka dalka kenya. View the full article
  3. Wararka ka imaanaya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab ay ku dagalaameen qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Uganda ay ku leeyihiin deegaanka Xaaji Cali oo hoostaga degmada Cadale, waxaana xigay iska hor imaad toos ah oo dhex-maray labada dhinac. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in dadagaalka uu ka dhashay khasaare kala duwan, balse lama oga inta uu gaarsiisan yahay. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe. View the full article
  4. Jilib (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo goboolada Jubbooyinka ayaa sheegaya in duqeymo cirka ah oo laga sameeyay magaalada Jilib lagu dilay xubno ka tirsan xoogagga Al-Shabaab. Saraakiisha fulisay hawlgalka waxey sheegeen in hawlgalkaan uu si gaar ah ugu qotomay madaxa amniga Al-Shabaab ee magaalada Jilib, sidey wararka sheegayaan duqeynta ayaa lagu dilay. Inkastoo aan faah-faahin rasmi ah laga bixin duqeynta dhacday hadana wararka la helayo waxey sheegayaan in kulan u dhaxeeyay xubno ka tirsan Al-Shabaab lagu soo beegay duqeynta. Ma ahan markii ugu horreysay oo duqeymo cirka ah laga sameeyo jubbooyinka, dhawr jeer oo hore ayaa jilib looga sameeyay hawlgal nuucaan ah. Ciiidamada mareykanka ee hoos taga taliska Afrika oo taageero ka helaya kuwa dowladda Soomaaliya ayaana mar walba iska kaashada. The post Duqeymo cirka ah oo lala beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. first appeared on Caasimada Online.
  5. Siihayaha Wasiirka wasaarada maaliyada XFS mudane Abdirahman Ducale Beileh ayaa kulan dhanka aalada fogaan arag ah la qaatay madaxda Bangiga Horumarint Islaamka aya kawada hadalay dar dargalinta arimaha dhanka taageerida uu Bangiga siiyo soomaaliya Masuliyinta ayaa isla soo qaaday sidii loo hormarin lahaa dhaqaalaha dalka iyo kaalinta madaxda Bangiga Islaamka uu ku leyahay taageerida soomaaliya sidii loo xoojin lahaa. “Waxa aan maanta shir muhiim ah la yeeshay Madaxda Bangiga Horumarinta Islaamka oo aan ka wada hadalnay sii xoojinta taageerada Bangiga uu siiyo Soomaaliya.sida waxa bartiisa fecboka ku soo qoray beileh View the full article
  6. Golaha wasiirrada Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagaga hadlay arrimo kala duwan oo muhiim ah. Ugu horrayn wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa warbixin guud ka siiyey xaaladda amniga iyo nabadgelyada dalka, sidoo kale, wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda ayaa golaha faahfaahin dheer ka siiyey siyaasadda hantida raagta oo wasaaraddu soo diyaarisay, taas oo lagu dabbaqi doono hantida dawladda si loo ogaado, loo qiimeeyo oo loo diwaangeliyo hantida dawladda si midaysan iyadoo hore loogu qaybiyey golaha siyaasaddan. Dhinaca wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka, ayaa golaha hor keenay wax ka beddelka iyo kaabista xeerka waddo-marista, isagoo wasiirku sharraxaad ka bixiyey wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu sameeyey xeerkaas. Ugu danbayn waxa goluhu ansixiyey xeerka maal-gashiga Jamhuuriyadda Somaliland oo ay soo diyaariyeen wasaaradda maal-gashiga iyo xafiiska garyaqaanka guud, xeerkaas oo hore goluhu uga dooday. Daawo Wixii Ka Soo Baxay Kulankii Golaha Wasuurada Somaliland https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/09/TP.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Duhur-0392020-Ok.mp3 View the full article
  8. Madaxweyne Deni oo suluxeyn Siyaasadeed kawada Muqdisho ayaaQorshahamaanta wuxuu ahaa inuu la kulmo Madaxda labada Aqal. Kulankii u horaysay wuxuu la qaatay Gudoomiyaha Aqalka Sare [...] The post Daawo Sawirada kulankii Madaxweyne Deni iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare appeared first on . Source
  9. Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Puntland Said Abdullahi Dani oo booqasho shaqo ku joogo caasimada Muqdisho. Madaxweyne Saciid Cabdullahi Dani ayaa kulan la qaatay Guddiga Joogtada Golaha Aqalka Sar,isagoo ka dhagaystay waxyaabihii u qabsoomay golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya. Shalay ayay aheyd markii Madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Madaxwaynaha maamulka Puntland Saciid Deni iyo asxaabta mucaaradka ay shirar kala duwan ku qaateen magaalada Muqdisho waxaana kulamadaas looga hadlay arimo doorashooyinka iyo xaalada kala guurka ee dalka . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo labaatan sanno ah ayaa laga joogaa heshiiskii lagu dhisay hay’addaha dawaladda Soomaaliya ka dib burburkii dawladdii hore ee Maxamad Siyaad Barre uu hogaaminayay ee dhacday 1991 kii. Heshiis ka dhacay maagalada Carte ee dalka Jabuuti ayaa lagu dhisay barlamaankii ugu horeeyay kaasoo afartii sannaba mar la badalo. Inkastoo dhawr jeer ay is badbadashay tirada kuraasta barlamaanka haddana waxa jira xildhibaano tan iyo Carte aan marnaba ka bixin barlamaanka oo lagu dhiso nidaamka 4.5 ee loo qaybiyay beelaha Soomaalida. Ma sahlana inaad ugu yaraan afar xilli aad ku soo laabato kursigaaga barlamaanka Soomaaliya oo lagu soo xulo ama lagu doorto nidaamka beelaha ee 4.5 Labaatankii sanno ee la soo dhaafay. Ku dhaawaad lixdan xildhibaan haddaanay ka badnayn ayaa xilli kasta barlamaanka ku soo laabta iyagoo dib loo soo xulay ama loo soo doortay. Barlamaannadii hore waxa xuli jiray suldaanka ama ugaaska reerka laakiin kan hadda jira waxa doortay ergo 51 ah oo ka socota beesha kursiga leh. Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim waxa uu labaatan sanno ka hor ka mid ahaa eragadii ka qaybgashay shirkii dib u heshiisiinta ee Carte balse nasiibku wuxuu siiyay inuu xildhibaan ka noqdo barlamaankii kumeel gaarka ahaa ee waqtigaasi Carte lagu dhisay, tan iyo watigaasna kama bixin golaha. Xildhibaan Cismaan wuxuu ku micneeyay joogitaankiisa baarlamaanka in dadkiisu ku qanacsanaayeen mataaladdiisa. “Markaan dib u noqdo aniga ma ahayn dadka bannaanka aaday markii burburku dhacay dadkaan ku dhex jiray waxaanna aaday deegaankaygii rasmiga ahaa ee Luuq iyo Doolow. Markaas dagaalladii sokeeye dhibaatadii ay abuureen odey baan ahaa, dadkii iyo nabadayntii Gedo iyo dib u heshiisiintii dadkii isu keenay ayaan ku jiray meelba ugama dhex bixin, marka dadkayga ayaan ku dhex jiray iyaga ayaa markasta ii garanayay inaan anigu barlamaanka u matalo”, ayuu yiri xildhibaan Libaax Dumarka ama gabdhaha oo markasta oo la dhisayo barlamaan la yiraahdo ha loo xiro qoondo u gaar ah iyaga maadaama la ogyahay in odayaasha beeluhu doonaayaan inay rag xulaan ayaa haddana waxa jira gabdho xildhibaanno ah oo tan iyo Carte aan kuraastooda waayin oo la soo xulayay. Waxana ka mid ah Khadiijo Maxamad Diiriye oo xildhibaanimada ka sakoow ayba yartahay inay ka maqnaato xukuumaddihii is badbadalayay ee labaatanka sanno ee la soo dhaafay jiray. Xildhibaan Khadiijo Diiriye Waxay u aragta in sababta ay u soo laalaabato ay tahay in beesheedu ku qanceen isla markaana ay jirto doonista rabbi. “Horta waxaan leeyahay haddaan Soomaali nahay umad muslim ah ayaan nahay, bixinta ALLE ayaa iska leh, ciddii uu doono ayuu mansab siiyaa ciddii uu doonana ma siiyo aas kow”, ayey tiri. Waxay intaa ku dartay: “Labo, bahasha iyadaa i barganaysay oo hidde iiga timid, haween ahaan keliya ma ahayne reer ahaan. Reerkayga waa isoo hormariyay mudaddii burburku jiray oo kursigayga saxan dahaba ayaa la soo saaray. 30 kiisanno ee ka horeysayna kacaankii, eedaday Faadumo Cumar Xaashi, ayaa ku jirtay marka bahal i bar-garanaysana waa timid een nasiibku waa i saaciday bixinta Allana waa meesheeda.” Dadka siyaasadda soomaaliya falanqeeya una soo joogay sida ay isu badbadalayeen barlaamanadda Soomaaliya, labaatankii sanno ee la soo dhaafay, ayaa rumeysan in xildhibaanaddan soo noqnoqda ay fahamkooda habka wax loo xulo iyo galaangalkooda hadba madaxda joogta ka heleen fursadaha ay ku soo laablaabtaan. Cabdillahi Maxamad Shirawac oo muddo dheer ka tirsanaa ururrada bulshada rayidka tan iyo Cartena goobjoog u ahaa dawlad dhisidda Soomaaliya, ayaa sheegaya in xildhibaannadan sababta ay ku yeeshan mudnaanta dib u xulista ama dib u doorashada ay tahay hadba fahamkooda sida lagu soo xulo xildhibaannada. “Aniga waxay ila tahay, sababta ay ugu suurtagashay waxa waaye, dheesha barlamaanka lagu noqdo ayay si fiican u fahmeen waa mid, arinta kale ee Meesha ku jirtana waxa waaye in dadkii ay gacanta uga baahnaayeen ayay gacan ka heleen oo si fiican u shukaansadeen ama ha noqdaan madaxweynayaasha raba in ay soo noqdaan mar walba ama ha noqdaano dadkii ay matalayeen ama ha noqdaano dawlad ay muwaadin u yihiin. “Marka waxa weeyaan dheesha barlamaanka dadkaasi ayaa si fiican u fahmay baan is leeyahay, taasaana u suurtagalisay in ay Meesha joogaan muddo dheer,” ayuu yiri Shirwac Dhammaadka sannadkan ayuu ku egyahay barlamaanka hadda jira, waxaana la filayaa in barlamaan cusub in la soo dhiso. Haddaba maxay tahay fursadaha ay haystaan oo ay ku soo laaban karaan xildhibaannada tan iyo Carte aan dhicin? Cabdillahi Maxamad Shirwac ayaa rumaysan in muddooyiinkan dambe ay beelaha doorbidaan hadba qofka codka dheer ee galaagalka leh. “Beelnimada waa arrin meesha ku jirta oo beesha waxay marwalbaba u hiilidaa ninka qaylada dheer, lama xisaabtanto qofkii ay xilka u dhiibatay”. “Dadaalka uu qofku galo iyo galaangalka uu u leeyahay nidaamka dawliga ah ee markaas jirana way tahay (Sabab caawisa), gacan shisheeyana mararka qaarkood qayb bay ka noqotaa,” ayuu yiri Cabdillahi Maxamad Shirwac. Isha:BBC The post Waa kuwee xildhibaanada aan dhicin ee ku jira BF Soomaaliya? first appeared on Caasimada Online.
  11. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu qorshaynayo in shirweynaha Xisbiga KULMIYE ee la filayo inuu qabsoomo bisha soo socota inuu Kursiga Guddoomiye Kuxigeenka Afraad loo doorto Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Maxamuud Saajin, isla markaana la beddelo Guddoomiye Kuxigeenka Afraad ee imika oo ah Abdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Madaxweyne kuxigeenka Somaliland. Qorshahan Madaxweynuhu dhabarka ku soo taabtay Wasiir Saajin, ayaa dhaliyey hirdan culus oo ka dhex aloosma Saylici iyo Saajin, kaas oo xataa saameyn ku yeeshay Gobolka Awdal Beelaha dega iyo Doodda ka taagan saami qaybsiga Kuraasta Wakiillada. Qorshahan Madaxweyne Biixi, ayaa la sheegay inuu ka biyo diidsan yahay Saylici, oo ku dooddaya in uu xaq u leeyahay in kursigiisa aan lagula tartamin sida Kuraasta kale ee Hoggaanka Kulmiyr, madaama oo aanu jirin sharci u diidaya inuu mar kale isa soo sharaxo, taas oo markii hore la filayey in ay caqabad ku noqon doono Saylici, balse loo waayey qodobo cad cad oo ka hor istaagaya inuu u tartamo kuxigeenka Afraad. Madaxweyne kuxigeenka Abdiraxmaan Saylici, ayaa la sheegay inuu Farriin garnaqsi ah u diray Madaxweyne Muuse Biixi, taas oo ah sababta uu u badhitaarayo Wasiirkiisa Ganacsiga, madaama oo uu isagu sharaxan yahay, kuraasta kale ee Hoggaankana aanay muuqan in ragga imika jooga aan lagula tartamayn. Waxaana Farriintan Saylici u diray Madaxweyne Muuse Biixi kaga codsaday inuu ku caddeeyo inuu wato Wasiir Saajin iyo in kale, taas oo aanu weli Muuse Biixi ka soo jawaabin, sida xoguhu tibaaxeen. Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici iyo Wasiir Saajin ayaa labaduna waxa ay shubeen lacagtii lagu xidhay qofka doonaya guddoomiye kuxiheenka Afraad. Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Fadhigii 63-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagaga hadlay arrimo kala duwan oo muhiim ah. Ugu horrayn wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa warbixin guud ka siiyey xaaladda amniga iyo nabadgelyada dalka, sidoo kale, wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda ayaa golaha faahfaahin dheer ka siiyey siyaasadda hantida raagta oo wasaaraddu soo diyaarisay, taas oo lagu dabbaqi doono hantida dawladda si loo ogaado, loo qiimeeyo oo loo diwaangeliyo hantida dawladda si midaysan iyadoo hore loogu qaybiyey golaha siyaasaddan. Dhinaca wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka, ayaa golaha hor keenay wax ka beddelka iyo kaabista xeerka waddo-marista, isagoo wasiirku sharraxaad ka bixiyey wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu sameeyey xeerkaas. Ugu danbayn waxa goluhu ansixiyey xeerka maal-gashiga Jamhuuriyadda Somaliland oo ay soo diyaariyeen wasaaradda maal-gashiga iyo xafiiska garyaqaanka guud, xeerkaas oo hore goluhu uga dooday. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  13. Naadiga Dolwadda Hoose ee Muqdisho City Club oo olahan ku guulaystay horyaalka Somalia Premier League 2019-2020 ayaa safar dhul barasho iyo ciyaaro saaxiibtinimo u aadaysa deegaaanada maamulka Puntland. Muqdishu City Club oo hanatay horyaalka kolkii kowaad,tan iyo markii ay qaadatay maagaca Gobolka Banaadir bishii November 2018 ayaa samaysay guulo waaweyn oo dhinaca ka qeyb galka tartamada kubbadda cata ee dibadda iyo gudaha labadii sano la soo dhaafay. Waxayna xidigaha Muqdisho City Club casuumaad ay ka helyn naadiga Horseed oo ka mid ah kooxaha ugu adag ee ka dhisan deegaanada Puntland. “Waan soo dhawaynaynaa Muqdisho City waa koox weyn,waxayna saaxiibo badan ku lee dahay caasimada Garoowe iyo guud ahaan Puntland” waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Maxamed Cali Ciise (Ciiro) oo ah guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland. Kaliya safarka kooxda MCC ma ahan ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho,waxay ay ciyaartooyda iyo maamulkooda soo baran-doonaan dhulka quruxda ee u duga Puntland. “Sharaf ayay inoo tahay in aan u safarno Puntland waxaan ku lee nahay saaxiibo badan iyo taageerayaal badan,waxayna tani bilaw u tahay is dhaxgalka iyo wada shaqeynta labada dhinac waana howl muhiim ah” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay guddoomiyaha kooxda Muqdishu City Abuukar Yabarow. Si kastaba safarka MCC ayaa noqonaya kii labaad oo ay koox ka dhisan Muqdisho ku tagto meel ka baxsan caasimada, waxaana horay sidan oo kale u samaysay naadiga Elman,waxaana talaabadan is-dhaxgalka soo dhaweeyay taageerayaasha kubbadda cagta ee gudaha iyo dibadda. Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  14. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaaday guddooomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Madaxweyne Deni ayaa ayaa booqday xarunta aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna la kulmay guddoomiye Cabdi Xaashi iyo guddiga joogtadaah ee golaha, warar maxdax bannaan sheegaya in ay kulnka looga wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashada 2020/201, inkasta oo labada dhinac aysan sheegin wixii looga hadlay kulan. Madaxweynaha Puntland waxaa booqashada aqalka sare ku wehelinayay xubno ka tirsan wafdigii la socday. Madaxweyne Deni ayaa shalay kulan la qaatay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, Shariif Xassan Sheekh Aaden, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo xubno ka tirsan xisbiyada mucaaradka. Dhanka kale waxaa xalay baaqday kulan ay yeelan lahaa madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbanad, kaas oo horey u shaacisay Villa Somalia. Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya baaqashada kulankaas, wararka qaar ayaa sheegaya in kulanku uu u baaqday shuruudo ka yimid iyo Puntland iyo Jubbaland, halka warar kalana tilmaamayaan inuu u qabsoomi waayay maqnaashaha madaxweynayaasha kale ee dowlad goboleedyada. Ma jiro wax war ah oo weli ka soo baxay labada dhican ee dowladda federaalka iyo Puntland iyo jubbaland. PUNTLAND POST The post Deni iyo Cabdi Xaashi oo kulmay appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa xarunta golahaasi ku qaabilay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Deni. Cabdi Xaashi iyo Deni ayaa ka wada-hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa xarunta aqalka sare kulan gaar ah kula qaadan doono guddiyada joogtada ah ee golahaasi, maadaama uu qalkan wakiil ka yihiin maamul goboleedyada ka jira dalka ee Puntland, HirShabellem Jubbaland & K/Galbeed. Wararka ayaa sheegaya in kulankaasi diirada lagu saarayo marxalada kala guurka ah ee uu dalka maraayo iyo is xog wareysi guud oo ku saabsan xaaladda dalka. Siciid Deni ayaa maalmahan ku sugnaa gudaha caasimada, wuxuuna u soo gaaray ka qeyb-galka shir u dhexeeya dowladda dhexe, Puntland iyo Jubbaland. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana la’isku mari la’yahay heshiiskii lagu saxiixay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. The post Sawirro: Maxay Siciid Deni iyo guddoomiye Cabdi Xaashi ka wada-hadleen? first appeared on Caasimada Online.
  16. Wasiirka wasaaradda Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed ayaa oo ka mida siyaasiyiinta damacu ka hayo kursiga guddoomiye ku xigeenka Afraad ee xisbiga Kulmiye xoggo loo soo dusiyey Warbaahinta Qaarkeed tibaxayaan inuu shubay lacagtii ay guddida qaban-qaabadu waajib & shuruudda kaga dhigeen ciddii tartanka Hogaanka Xisbiga u tartamaysa. Wasiirka beeraha ayaa u tartamaya Jagada Gudoomiye-xigeenka 4aad oo uu hadda ku fadhiyo M/weyne ku xigeenka S/land Saylaci,Ku darsoo waxaa kaloo isna jagadaas u quudaraynaya wasiirka Wasaarada Ganacsiga Somaliland saajin oo Beryahanba Kaadiriinta Kulmiye aad u hadal hayeen. Wasiir Axmed Muumin Seed ayaa xogguhu tibaxaayan inuu shubay Dhamaanba Lacagtii shuruudda looga dhigay u tartamida hogaanka xisbiga. Qaran News
  17. Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa is hor istaag ku sameeyey shir lagu waday inuu xalay u furmo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland. Is hor istaagga Jubbaland ayaa lagu saleeyey kadib markii Villa Somalia iyo maamulka Farmaajo ay ka baxeen ballamo ay horay ula galeen Kismaayo. Ilo ko dhow Axmed Madoobe, madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in Jubbaland ay furitaanka shirka ku xiray shuruudo afar ah: Dowlad goboleedyada oo dhan in shirku Yimaadaan: Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa diiday in shirka loo dhigo mid u dhaxeeya Puntland, Jubbaland oo dhinac ah iyo Farmaajo balse loo baahan yahay in loo waco maamul goboleedyada kale, loona dhamaado. Dib u eegis lagu sameeyo Dhuusamareeb 3: Jubbaland waxaa kale oo ay soojeedisay in dib u eegista lagu sameynayo shirka Dhuusamareeb 3 ay u dhamaadaan dhammaan maamul goboleedyada, goobjoogna ka ahaadaan, si natiijada u noqoto wadar ogol. Ciidamada Farmaajo in laga soo saaro Gedo: Jubbaland waxaa ay shuruudda ku dartay in Farmaajo uu ka baxay heshiiskii Dhuusamareeb 2 oo ahaa in Farmaajo uu ciidamadiisa kala soo baxo Gedo, amniga gobolkana gacanta loo gelo Jubbaland, taasi oo la joogo in la fuliyo kahor shirkan. In Gedo Lagu Celiyo Maamulkii Jubbaland: Axmed Madoobe waxaa shuruudihiisa ka mid ah in Gedo dib loogu celiyo maamulkii uu Farmaajo ceyriyey ee matalayey dowlad goboleedka Jubbaland. Shuruudahan ayaa imaanaya iyada oo mid ka mid ah shaqaalaha Villa Somalia uu shalay daabacay in xalay uu Farmaajo furayo shirka kala dhaxeeya madaxda Puntland iyo Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Amiir & Amiirad ka tirsan Qoyska Boqortooyada UK oo ku biiray bahda jilayaasha Filimada Amiir Harry iyo xaaskiisa Meghan ayaa heshiis la galay barta muuqaallada baahisa ee Netflix, si ay ugu sameeyaan barnaamijyo kala gedisan, kuwaas oo qaarkood ay iyaguba ka soo muuqan doonaan. “Waxaan diirrada saari doonnaa inaan soo bandhigno xog dadka wax u kordhisa, sidoo kalena rajo gelisa,” ayay yiraahdeen Amiir Harry iyo xaaskiisa Meghan. “Maadaama aanu nahay waalid horleh, waxaa sidoo kale muhiim noo ah in aan sameyno barnaamijyo dhiiragelin leh oo ka hadlaya qoyska,” ayay hadalkooda raaciyeen. Madaxa Netflix, Ted Sarandos, ayaa sheegay in ay “aad ugu faraxsan yihiin” in lamaahanan boqortooyada ka tirsan ay shirkaddaasi ka dhigeen “hoygooda hal-abuurka”. Heshiiska oo sanado socon doona ayaa waxaa qeyb ka ah soo saaridda filimaan koobaan, kuwo taxane ah, barnaamijyo la sii qoray iyo kuwo gaar u ah carruurta. Arintan ayaa ku soo beegmaysa lix bilood kadib markii amiirka iyo xaaskiisa ay iska wareejiyeen xilkii ay u hayen boqortooyada, kadibna u guureen gobolka California. Lamaanaha ayaa sheegay in ay “ku faraxsan yihiin la shaqeynta Netflix” maadaama ay ka caawin doonto inay macluumaadka la wadaagaan daawadayaasheeda tirada badan. Sida ay qortay barta Deadline ee ka hadasha filimaanta, hawlaha ay hadda gacanta ku hayaan lamaanaha ayaa waxaa kamid ah “barnaamij hal-abuur ah iyo taxane sawir-muuqaal ah oo looga hadlayo haweenka hal-doorka ah”. Lamaanaha ayaa barnaamijyada ay u sameeyaan Netflix waxaa gacan ka siin doona shirkad filimaanta soo saarta oo aan weli la magacaabin. Amiir Harry ayaa hadda ka soo muuqda filimka Rising Phoenix ee ka hadla ciyaaraha Paralympic-ga. Meghan ayaa horay ugala shaqeysay shirkadda Disney codeynta filimka Elephant, ee looga hadlay noocyada kala duwan ee xayawaanka. Heshiiskan ay lamaanaha la galeen Netflix ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan la daabacay buugga Finding Freedom ee ku saabsan noolashooda qoyska Boqortooyada. Afhayeen u hadlay lamaanaha ayaa sheegay in aanay weli wax waraysi ah ka bixin buuggaasi, oo tilmaamay xiisadda ka dhex aloosneyd iyaga iyo xubnaha kale ee qoyska Boqortooyada. Qaran News
  19. (SLT-Hargeysa)- Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland, mudane Axmed Muumin Seed ayaa oo ka mida siyaasiyiinta damacu ka hayo kursiga guddoomiye ku xigeenka Afraad ee xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa la sheegay in uu shubay lacagtii ay guddida qaban-qaabadu shuruudda kaga dhigeen ciddii tartanka ka qayb galeysa. Wasiirka beeraha ee tartanka saaxadda KULMIYE ku soo biiray oo ah shaqsi ku cusub tartarnka xisbiga ayaa xiisa gaara u yeelaysa baratanka loogu jiro, guddoomiye ku xigeenka afraad ee xisbul xaakimka. Wasiir Axmed Muumin Seed ayaa saaka oo khamiis ah wararku sheegayaan in uu shubay kharashaadkii shuruudda looga dhigay u tartamida hogaanka xisbiga. Source
  20. Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa xasbiga ka deysay lix ka mid ah 7 nin oo loo heystay fal isugu jira dil iyo kufsi, kuwaas oo sanad ka badan ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe. Raggan ayaa maxkamaddu ay dib ugu celisay xorriyadooda, kadib markii ay shaacisay in lagu waayey dambigii lagu soo eedeeyey. Garsoorayaasha maxkamadda ayaa xusay in baaritaano kala duwan lagu sameeyay todobada eedaysane, islamarkaana loo adeegsaday shaybaarka dambiyada DNA-da ee loo yaqaan Forensic Lab, ayna soo saareen natiijooyin isku mid ah oo caddaynaya in aysan dambigaasi gelin. Sidoo kale wuxuu amray in xabsiga lagu hayo eedeysanaha 7-aad oo wareysiyo hore uu bixiyey ku qirtay inuu ku lug lahaa falkaasi, si baaritaano kale loogu sameeyo. Maxkamadda gobolka Nugaal ayaa fadhiyo kala duwan ka yeelatay falkan oo sanadkii hore lagula kacay haweeney lagu magacaabi jiray Hodan Axmed Maxamed Shanlayste. Dhinaca kale qoyska dhibanaha ayaa ka hor yimid go’aanka maxkamada, waxaana xubno ka tirsan qoyska ay sheegeen in la dayacay kiiskaas, islamarkaana si fudud lagu sii daayey eedeysanayaasha, sida ay hadalka u dhigeen. Waxa kale oo au intaasi ku dareen inay racfaan ka qaateen go’aanka maxkamada, ayna ku dadaali doonaan, sidii ay cadaalad ku heli lahayd marxuumada. Si kastaba ha’ahaatee Puntland ayaa horey ugu guulaysatay inay xukun ku riddo, laguna fuliyo raggii ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii loo geystay Caaisho Ilyaas Aadan. The post Puntland oo siideysay rag sanad ka badan u xirnaa dilkii & kufsigii Hodan Shanlayste first appeared on Caasimada Online.
  21. Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex Oo Laashay Qodob ka mid ah dacwadii lagu Soo Eedeeyey Mulkiilaha Telefishanka Astaan Abdimanaan Yuusuf Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa laashay mid ka mid ah dhawr qodob oo Xeer ilaalintu ku soo oogtay Mulkiilaha Telefishanka Astaan Abdimanaan Yusuf oo muddo bil ka badan ku xidhan Magaalada Hargeysa. Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac, ayaa sheegay in saaka oo khamiis ah Maxkamadda gobolku laashay qodobkii koowaad ee kiiskii ay ku soo eedeeyeen Abdi Manaan Yusuf ee inuu Arrimo basaasnimo ka dhan ah Somaliland, taasoo maalintii koowaad ee dacwada la dhegeysto ay Qareennada u doodayey Guddoomiyaha Astaan ay sheegeen in qodobkaas uu yahay mid u baahan in cadaymo lagu soo lifaaqo, taaso oo Xeer Ilaalintuna ku dooday in aanay cadaymo u ahaayn. Dooddan Xeer ilaalinta iyo Qareennada ayuu Garsoorkii Kiiska gacanta ku hayey sheegay inuu isagu qaraar ka soo saaray, taas oo uu maanta soo saaray isla markaana uu meesha kaga saaray qodobka koowaad ee dacwada loo haysto ee ahayd Basaasnimada. Xeer Ilaalinta, ayaa la sheegay in ay Racfaan ka qaadatay Qaraarkan Maxkamaddu ku laashay Qodobka koowaad ee eeddooda. Xeer Ilaalinta ayaa Abdimanaan Yusuf ku soo eedeysay laba qodob oo kala ahaa Basaasnimo iyo arrin la xidhiidha Ruqsada iyo Mulkiyada Astaan TV Hargeysa. Intaas ayaan ka ogahay Source
  22. Last Sunday, while the world was marking the International Day of the Victims of Enforced Disappearances, three families in Wajir were still distraught. Source: Hiiraan Online