-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku riday Dable Xoogga Dalka Maxamed Xuseen Cilmi oo lagu helay dambi ah inuu kufsi u geystay gabar afar jir ah. Qoraal ka soo baxay maxkamadda ayaa waxaa lagu sheegay in Dable Xoogga Maxamed Xuseen Cilmi loo soo xiray kufsi uu u gaystay dhibane Farxiyo Cabdi Shakuur Bootaan oo afar sanojir ah, kaas oo 14-kii May ee sanadkan 2020-ka ka dhacay degmada Wadajir. Maxamed Xuseen Cilmi ayaa kadib lagu soo wareejiyay maxkamadda ciidamada qalabka sida, waxaana xabsiga dhexe loo taxaabay muddo kadib si loo hubiyo jiritaanka dambiga lala xiriiriyay ee uu ugu xirnaa hey’adda dambi barista Boliiska CID. Xafiiska xeer ilaainta ciidamada qalabka Sida ayaa baaritaan kadib hor geeyay maxkamadda ciidamada qalabka sida, waxaana xilligaasi loo dii waan geliyay qiraalkii ka dhashay horgeyntiisa Maxkamadeed. Sidoo kale Maxamed Xuseen Cilmi ayaa ay maxkamadda ciidamada mudeysay in la dhageysto dacwadda ka dhanka ah bilowgii september, waxaana dhageysiga kama dambeysta ah ee maxkamadda la soo gaba gabeeyay 24-kii bishan. Intii ay socotay maxkamadeynta Maxamed Xuseen Cilmi ayaa la dhageystay baarihii kiiskan, sidoo kale maxkamadda ayaa lala wadaagay warqadda cadeynta saameynta dhibanaha gaaray. Eedeysanaha oo isna ka mid ah dadka fursadda loo siiyay fadhigan maxkamadeed ayaa markale ku jawaabay in uu isaga qaadanayo masuulliyadda dhibkii dhacay laakiin uusan ka jawaabi Karin sababta ku kaliftay inuu kufsado gabar ciyaal ah oo ay daris yihiin, waxa uu intaasi ku daray in xilli dambe oo wax walba ay dhaceen ay dib kala xumaatay. Muumin Xuseen Cadullaahi ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ayaa maxkamadda weydiistay in ay fariin uga dhigto xukunkeeda in fal dambe oo kufsi ah uusan ku fikirin qof kamid ah ciidamada qalabka sida. Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa ku dacwooday in aan loo qaban qiraalka eedeysanaha xukun ahaan bedlkeedsa ay codsanayaan in maxkamadda ay siiso fursad ay kula macaamilaan ehelka dhibanaha. Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee CQS ayaa la tashi iyo fadhiya maxkamadeed kadib ku riday xukun dil ah maanta sida uu la wadaagay dhinacyada dacwadda. Xukunsane Maxamed Xuseen Cilmi ayaa haysto fursad uu ku dalban karo Rafcaan. The post Askari kufsaday gabar afar jir ah oo dil lagu xukumay first appeared on Caasimada Online.
-
Faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa qarax goor dhow ka dhacay gudaha degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir. Dad goobjoogayaal ah ayaa Shabelle u sheegay in qaraxa uu si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa isgoyska Black Sea iyo Daallo ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu ahaa mid is-miidaamin ah, waxaana uu ka dhacay goob ay dagan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha dowladda, balse waxaa goobta gaaray ciidamo dheeraad ah oo xiray meesha ay wax ka dhaceen. Xaaladda ayaa hadda aad u kacsan, waxaana sidoo kale socda gurmad deg deg ah oo loo fidinayo dadka ay soo gaartay waxyeelada ee ku sugnaa halkaasi. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafado dhowr ah oo ka tirsan caasimada ayaa wararku waxa ay sheegayaan inuu ka dhacay isgoyska Balack Sea ee degmada Howlwadaag. Wararka ayaa sheegaya in qaraxu uu ahaa is-miidaamin, waxaana meesha uu ka dhacay ka agdhow fariisin ay dagan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo xiray aaga ay wax ka dhaceen. Sidoo kale waxaa haatan socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxaasi. Faah faahinta goor dhow la soco. The post Deg deg: Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Qaar ka mid ah Ganacsatada, madax-dhaqameedka iyo wax-garadka beelaha Bariga Burco oo muddooyinkii ugu dambeeyey kulamo gaar gaar ah dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba uga socdeen iyaga oo olole weyn ka dhex waday Beesha ay ka soo jeedaan ayaa u muuqda mid ay ugu heleen taageero ka dhan ah Masuuliyiinta kala duwan ee Beesha ugu jirta xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE oo ay muddooyinkii ugu dambeeyey saluug weyn ka qabeen hannaanka xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddu u wajahayaan siyaasadda iyo danaha gaar ahaan beesha Bariga Burco oo ka mid ah beelaha sida weyn u taageeri jiray xisbul Xaakimka KULMIYE. Hadal haynta shirarkan oo maalmihii ugu dambeeyey laga dareemayay Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ayaa ilo-wareedyo u dhuun daloolaa waxa ay wargeyska FOORE u xaqiijiyeen in kulamo kala jiidasho iyo taageero ka raadin ahi ay maalmihii ugu dambeeyey Beesha ku dhex marayeen Ganacsatada, madax-dhaqameedka iyo wax-garadka kale ee Beesha iyo dhinaca kale oo ah Wasiirrada, Saraakiisha kale ee dawladda iyo xisbiga ee Beesha ka soo jeeda kuwaasi oo qolo waliba taageero kaga doonaysay beesha kadib markii ay muddooyinkii ugu dambeeyey soo baxayeen saluug weyn oo beeshani ka qabtay qaabka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u maareeyey qaddiyadda xisbiga KULMIYE iyo Arrimo kale oo la xidhiidha dhinacyada Ganacsiga oo ay aad u saluugsanaayeen. Ilahan xog-ogaalka ahi waxa ay wargeyska Foore u xaqiijiyeen in kulamadii ugu dambeeyey oo dhinac waliba doonayay in uu kan kale kaga soo jiito taageerada dadweynaha iyo wax-garadka kaleba ay ku dambeeyeen in wasiirrada xukuumadda iyo xisbiga ugu jira Beesha lagaga adkaaday dagaalkaasi hoose, sidaana ay ku baaqdeen xaflado waaweyn oo la doonayay in taageero xukuumaddu beesha kaga raadiso oo lagu qabto Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Xodxodashada wasiirrada xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ee beeshan ka soo jeedaa doonayeen in ay kulamo ugu qabtaan dhallinyaro iyo dad kale oo la soo abaabulay ayaa baaqday kadib markii ay la kulmeen diidmo iyo mucaaradad culus oo loo aanaynayo in ay keentay saamaynta weyn ee ay ku yeesheen beesha Ganacstaada iyo siyaasiyiin kale oo beesha ka soo jeedaa kuwaasi oo muddoba ku hawlanaa sidii ay isugu muujin lahaayeen beeshe dhexdeeda taageerada ay ku haystaan iyo ku fidinta diidmadooda mucaaridnimo ee ku aaddan xaaladaha ay sida weyn u diidan yihiin ee ka taagan xisbiga iyo hannaanka xukuumaddu u maaraysay qaddiyado dhawr ah oo ganacsi sida shirkadihii diyaaradaha ee dalka laga mamnuucay iyo shidaalka iyo dano ganacsi oo gaar ah oo qaar ka mid ah ganacsatada beeshu ku qabtay xukuumaddii tan ka horraysay. Isku soo wada duuboo maalmaha soo socda ayaa la ogaan doonaa halka ay ku dambayso xaaladdan kacsanaanta ah ee ka dhex taagan Beesha Bariga Burco, waxaana la eegi doonaa natiijada ka soo baxda shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE iyo halka uu ku dambeeyo mansabka Guddoomiyaha xisbiga ee ay muddoba beeshu dhawraysay in lagu soo wareejiyo taasi oo u muuqata mid gabi ahaanba meesha ka baxday lana filayo in Madaxweynaha loo cumaamado guddoomiyaha xisbiga ee sannadaha soo socda. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Maareeyaha hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha qaranka ahna Guddoomiyaha Guddida qabanqaabada shirweynaha Afraad ee Xisbiga KULMIYE Md. Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) ayaa shalay hadallo uu warbaahinta ugu talo galay waxa uu ku sheegay in xisbiga KULMIYE go’aansaday in uu ka hor tago tallaabana ka qaado wax uu ugu yeedhay dadka isticmaalka astaamaha iyo Calanka Xisbiga ee haddana dhaliillaha u soo jeedinaya isaga oo si toos ah u sheegay in dadkaasi ay xisbiga u daayaan cidda iska leh sida uu hadalka u dhigay. Hadalka Guddoomiye Xinif ku sheegay in xisbiga qof gaar ahi leeyahay ayaa waxa ay doodo iyo hadal hayn badan ka dhalisay baraha Bulshada kuwaasi oo aad loogu dhaliilay qaabka uu hadalka u dhigay iyo in uu taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee dhaliilaha iyo eedaha u soo jeediya xisbiga ku sheego kuwo aflagaado iyo cay ku haya Madaxweynaha ahna guddoomiyaha xisbiga. Maareeyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka ahna Guddoomiyaha guddida qabanqaabada shirweynaha KULMIYE oo toddobaadkan la filayo in uu ka qabsoomo Magaalada Hargeysa ayaa waxa hadalladiisa ka mid ahaa: “Maalmahanba waxa jiray xaflado la qabanayay oo ay dad qabanayeen. Ama dad xisbiga Mucaarid ku ah ha noqdaan ama dad wax kale is tuseen ha noqdaan. Waxa ay isticmaalayeen astaanka iyo Calanka xisbiga. Iyaga oo isticmaalaya oo gidaarrada ku dhejinaya ayay haddana ku dul caayayaan xisbiga laftiisii. Waad arkayseen qaar ay maalin hore ku qornayd Muusoow laba cad isuma heshid. Waad arkayseen mid ay xalay ku qornayd Illayn Good abaal ma leh. Waa ceeb. Qof aad caayayso oo aad la dagaalamayso oo aad dagaal kula jirto in aad astaantiisii iyo calankiisii isticmaashaa aday ceeb kugu tahay. Waana dambi. Waa dambi xisbiga laga galayo waa institution qaran weeyi. Xisbiyadu waa xarumo qaran. Haddii aad isaga tagtay u daa xaqiisa. Haddii aanad daynayn oo aad cayda door bidday adiga oo xor ah cay. Laakiin ha isticmaalin astaanta iyo calanka xisbiga. Waa dambi xisbiga laga galayo. Arrintaana hadda wixii ka dambeeya xisbigu ma aqbalayo una dul qaadan mayo. Cidna xisbiga lagu khasbi maayo. Ciddii maanta af xumo dooratay oo ah dhallinyaradeenii oo aad ogtihiin maanta waxa lagu barbaarinayo oo dhammi in ay tahay cayda iyo af xumada. Waa jiil dhan oo innaga sii baaba’aya. Waa jiil dhan oo dhaqan xun ku soo kordhaya. Waa go’aan xisbiga ka soo baxay oo aan ka soo bixin guddida qabanqaabada ee ka soo baxay” ayuu yidhi Guddoomiye Xinif. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog) oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Wakiillada ee laga soo doorto Gobolka Maroodi-jeex ayaa si ba’an eedo culus ugu soo jeediyey Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo lagu eedeeyey in uu dhaawac weyn u gaystay isaga iyo qaar ka mid ah eheladiisu wiil dhallinyaro ah oo la sheegay in uu meherad Barjarle ah ku haystay Agagaarka Meherad weyn oo Ganacsi oo Xildhibaanku ku leeyahay Magaalada Hargeysa. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog) oo shalay warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa markii uu soo baxay warka la xidhiidha dhaawaca wiilkan dhallinyarada ah ayaa waxa uu sheegay in xildhibaan Kijaandhe si ula kac ah u dilayay wiilka maadaama sida uu hadalka u dhigay uu marka hore gacantiisa ula tagay markii dambena u soo kaxaystay shan qof oo eheladiisa ka mid ah kuwaasi oo uu sheegay in uu maqlay in markii dambe xataa uu damaanad ku sii daayay isaga oo isticmaalaya awoodda xildhibaannimo. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog) oo arrintan layaabka dhalisay ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Arrinkaa uu ku kacay Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka tirsan Golaha wakiillada Somaliland waa arrin aad u fool xun. Waa arrin ugub ah. Waa arrin aan nin masuul ah looga fadhiyin. Isaga oo xildhibaan ah oo masuul qaran ah oo waliba hantiile ah in uu nin yar oo danyar ah oo miskiin ah ku dil supermarket kiisa hortiisa. Waxa igu maqaalo ah in uu inanka yari xildhibaanka waydistay saddex kun oo shilin oo Banjar ah. Isaga oo waliba ku yidhi dhawr jeer baad igala tagtay sida igu maqaalo ah anigu maan joogin goobtee. Kadib uu u soo degay oo dhirbaaxay kadibna yarkii ka falceliyay. Intaa kadibna uu xildhibaanku gurigiisii tagay oo uu shan qof oo qoyskiisa kasoo kaxaystay oo gaadhiga ku soo kaxaystay kadibna inankii yaraa oo meel fadhiga oo baasto yar ku cunaya meheradda ka soo hor jeedda wasaaradda gaadiidka, eek u naban banjarlihiisa ay ku boobeen wixii ay siteen oo la yidhi illaa girgirihii illaa daawihii laxooxda lagu dubayay ee birta ka samaysnaa ay madaxa kala dhaceen inankiina imika lagu daawaynayo cisbitaalka Royal ee Magaalada Hargeysa isaga oo miyir la’ yahay ”. “Waa Arrin laga soo shaqeeyey oo abaabulan waana nasiib darro in nin dhan oo xildhibaan ah oo umaddiisa loo dhaariyay uu inan yar oo Banjarle ah ku dilo gacantiisa oo shan qof oo kalena qoyskiisa ka soo kaxaysto sidaana ku dilo waa ayaan darro weyn iyo wax ugub ku ah qarankeena. Dhawaaqa ugu dheer baan ku cambaaraynayaa. Waa in ay Golaha wakiillada, hay’adaha amniga iyo guud ahaan xukuumaddu waa in ay tallaabada ugu habboon ka qaaddaa. Xaaladda wiilkan ayaa hadal hayn badan dhalisay. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay Allaha u naxariistee geeridii ku timid Wariye Cabduqaadir Maxamed Mursal oo xalay ku geeriyooday dalka Mareykanka oo uu ku xanuunsanaa. Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa tacsi loogu diray ehellada marxuumka, asaxaabta iyo Qaranka. Sidoo kale wuxuu wasiir Maareeye marxuumka eebbe uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso. Allaha u naxariistee Cabduqaadir Maxamed Mursal ayaa ahaa Saxafi Rug Caddaag ah, wuxuuna ka mid ahaa wariyeyaasha caanka ah ee Soomaaliyeed. Marxuumka ayaa sidoo kale ahaa Macalin Saxaafadeed oo soo saaray wariyeyaal dhowr ah oo ka shaqeeya warbaahinta Soomaalida. Sanadihii u dambeeyey wuxuu C/qaadir ku noolaa wadanka Mareykanka oo uu xalay ku geeriyooday, kadib in muddo ah uu ku xanuunsanaa dalkaasi. The post DF Soomaaliya oo war kasoo saartay GEERIDA Wariye C/qaadir Maxamed Mursal first appeared on Caasimada Online.
-
Duulimaadkii ugu horreeyey oo isku xiraya Muqdisho iyo Kampala oo toos ah ayaa maanta ka biloway Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle, ka dib muddo bilo ah oo safarka xagga cirka ah ay labada wadan u kala xirnaayeen safmarka cudurka Corona Virus. Shirkadda diyaaradaha ee ku duusha calanka dalkaas ee Uganda Air waxay sameyn doontaa todobaadkii saddex maalmood oo ah duulimaadyadii caadiga ahaa ee Soomaaliya iyo Uganda oo istaagay bishii March ee sanadkii 2020-ka, xilligaas oo inta badan duulimaadyada caalamiga ah ee dunida loo joojiyey saamaynta cudurkan. Michael Kalisa oo ah maamulaha Taya-dhawrka Uganda Air iyo Gudoomiyaha nidawga duulimaadyada gudaha Cali Axmed Faarax ayaa guul muhiim ah ku tilmaamay dib u soo laabashada duulimaadyadii toos ka ahaa ee isku xirayey Muqdisho iyo Kampala. Uganda Air ayaa sameeyn doonta duulimaadyadeeda Muqdisho iyo Kampala maalmaha Axadda Talaadada iyo Khamiista. View the full article
-
Waxaa goordhow la shaaciyey geerida macalinta iyo rugcadaaga saxaafadda Soomaaliyeed Cabdulaqaadir Maxamed Mursal. Cabdiqaadir Mursal oo muddo dheer ka mid ahaa warbaahintii dowladda burburka ka hor, waxaa uu ahaa tifaftiraha radio Mogadisho, sidoo kale Carte kadib waxaa uu aasaasay wargeyska Dalka isaga oo qeyb ka qaaday iney dib usoo noqoto warbaahinta qaranka jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya. Dagaaladii sokeeyey kadib waxaa uu u wareegay dalka Kenya isaga halkaasi kasii waday shaqada saxafinimada, waxaa uu tifaftire ka noqday Radio IRRIN balse haatan loo yaqaan Radio Ergo. Muddooyinka dambe waxaa uu ku noolaa dalka Mareykanka, halkaasi oo la sheegay inuu ku xanuunsaday, maantana ku geeriyoodey. Ilaahey ha u naxariistee Cabdulaqaadir Maxamed Mursal waxaa lagu xusuustaa qorista buugaagta, faalooyinka, sheekooyinka, sameynta barnaamijyada iyo aasaaska iyo maamulka warbaahinta. Intii uu saxaafadda ku jiray waxaa uu soo saaray ardey badan oo maanta saxaafadda caan ka ah, laguna qadiriyo. Bahda Goobjoog News, waxaa ay tacsi u direysaa bahda saxaafadda, umadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay macalinta saxaafadda Cabdulaqaadir Maxamed Mursal. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ayaa markale weerar hor leh ku qaaday Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congresska dalkaasi, taas oo ay isku hayaan arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka ku soo food leh Mareykanka. Trump ayaa sheegay inuu aqriyey wrbixinada Ilhaan Cumar ee labadii sano ugu dambeysay, islamarkaana ay ku jiraan qaladaad badan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay tahay Ilhaan qof musuq-maasuq badan, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale intaasi ku daray inuu rajeynayo in arrintaasi uu soo faro-geliyo xeer ilaaliyaha guud ee dalkaasi. “Maxaa ka khaldan Ilhaan Cumar? waxaan rajeynayaa in hawshan uu soo faragelin doono Xeer ilaaliyaha guud, Waxaan aqrinayay warbixinnadeeda muddo labo sano ah oo ku saabsan sida ay u musuqmaasuq badan tahay , Miyad rumaysanaysaan? Sidaas weliba ayay inoogu sheegeysaa sida dal loo maamulo? Waa maxay waxa ay samaysay qofkii ay reer Minnesota doorteen, maxaa baas ee idin ka khaldan dadyahow.” ayuu Trump. Dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxweyne Trump & Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali ah oo ka tirsan aqalka wakiilada Mareykanka ayaa sii xoogeystay muddooyinkii u dambeeyey xilli Mareykanka uu isku diyaarinayo doorashooyin, waxaana Ilhaan jawaabtii ugu dambeysay ee ay ka bixisay hadallada Trump ugu u yeertay inuu yahay ‘cunsuri’. The post TRUMP oo markale weerar hor leh ku qaaday Ilhaan Cumar first appeared on Caasimada Online.
-
Faah faahino ka soo baxaya weerar ka dhacay degmada Afgooye
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay xalay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu ekeeyey saldhig ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin xaafadda Buundada-Yar ee degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka kadib uu iska hor imaad toos ah ka dhacay halkaasi, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Qaar ka mid ah saraakiisha laamaha ammaanka ayaa sheegaya inay ka hortageen weerarkaas, islamarkaana aanay jirin wax khasaare ah oo ka dhashay. Xaaladda ayaa saaka degan, hayeeshee ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howl-gallo baaritaano ah ka wada gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article -
The United Arab Emirates (UAE) has outlined a vision to become just the fourth nation to land on the lunar surface, announcing plans to develop and launch an Emirati-built rover by 2024 Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Berbera)-Wefti ka socday waddanka Itoobiya oo uu hogaaminayay wasiirka waraabka iyo dooxooyinka DDS, mudane Cabraxman Ciid Daahir, ayaa booqasho indha indheynta ku tagay dekadda magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Waxaa weftiga goobaha kala duwan ee ay ka kooban tahay dekadda Maareeyaha dekadda Berbera Siciid Xasan Cabdillaahi iyo guddoomiyaha gobolka Saaxil Dr. Axmed Maxamed Xaashi. Guddoomiyaha gobolka Saaxil Dr. Axmed Maxamed Xaashi ayaa ugu horeyn ka hadlay soo dhaweynta ay u sameeyeen weftiga heer fadderaal iyo heer deegaan ee ka socday dalka Itoobiya ee booqashada ku tagay dekadda Berera. “Weftiga qiimaha leh ee madaxda kala duwan ee dhinackastaba leh heer wasiir, hogaamiyayaasha kale ee Janananada ciidamada iyo dhammaan waxaan leeyahay gobolka Saaxil, imaantinkiinu waa noo mihiim iyo wada shaqeynta labada wadaan, waa in aynu sii xoojino halkaana ka sii wadno waan idinku hanbalyeynayaa imaantinkiina” Maareeyaha dekadda Berbera Siciid Xasan Cabdillaahi ayaa ka waramay goobaha ay weftiga soo mariyeen intii ay ku sugnaayeen xarunta dekadda. “Waxaa aanu soo tusnay adeeg bixinta laga sameeyo dekadda Berbera, waananu soo dhaweynaynaa weftiga, waxaa aanu rajeynayna hadii ILLAAHEY yidhaaho in aanu wada shaqeyn dhaw yeellano, waxaa aanu leenahay soo dhawaado” Hoganka nabadgalyada DDS Dr Xuseen Xaashi Qaasim, ayaa sheegay in ganacsiga dalka Itoobiya intiisa badani in ay soo marto dekadda Berbera. “Safarkani waxaa uu salka ku hayay in la sii adkeeyo xidhiidhka labada waddan ee Itoobiya iyo Somaliland, dhanka abniga Berbera waa meel mihiim u ah dhaqaalaha mandaqada, ganacsiga labada waddan ka dhaxeeya xoogisu waxa uu soo mara magaalada Berbera nolosha shacabka dawladda deegaanka inteeda badan halkani ayuu ka yimaada” Source
-
Dowlada Britain ayaa sheegtay inay tababar u soo gaba gabeysay Taliska iyo shaqaalaha xarun loogu talo galay in ciidanka Soomaaliya ee mustaqbalka lagu tababaro magaalada Muqdisho. Casharada ay qaateen saraakiisha Soomaalida ayaa waxaa ka mid ahaa qorsheynta, xasilinta iyo fulinta howlgallada qorsheysan ee ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab sida uu sheegay Colonel Alex Hutton oo ah taliyaha ciidanka Britain ee tababarka bixinayay. Xarunta waxaa dhawaan booqday safiirka Britain ee Soomaaliya Danjire Ben Fender iyo Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya mudane Xasan Cali Maxamed. UK waxay ka taageertaa ciidanka Qaranka Soomaaliyeed qalab ay ka midyihiin dharka, Raadiyeyaasha, iyo gawaari fara badan oo ay ku jiraan kuwa xamuulka qaada. View the full article
-
Waxaa xarunta madaxtooyada weli ka socda shir xasaasi ah oo u dhexeeyo dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo G/Banaadir, kaas oo looga hadlayo xaaladda dalka. Shirkan oo galay maalintiisii saddexaad ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saarayaa qodobada dhamaystirka doorashooyinka ee 2020-21-ka. Wararka ayaa sheegaya in madaxdu ay is-faham ka gaareeb dhismaha saddex guddi oo ka shaqeyn doona arrimaha doorashada, kuwaas oo kala ah, guddiga doorashada heer federal, guddiga doorashada heer gobol, iyo guddiga xalinta khilaafaadka. Lama shaacin xilliga la soo gaba-gabeyn doono shirkan oo weli ka sii socda xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa horey heshiis uga gaaray doorashada, kaas oo ay meel mariyeen xildhibaanada labada Aqal ee dalka. View the full article
-
(SLT-Kuwait)-Allaha u naxariistee daacigii weynaa ee Masriga ahaa Cabdulraxmaan Cabdul-Khaaliq ayaa geeriyoodey. Marxuum Cabdulraxmaan Cabdul-Khaaliq, wuxuu ahaa qof wacdiya dadka oo ugu yeedha Diinta Islaamka, wuxuuna qorey 60 buug oo diini ah. Cabdulraxmaan wuxuu ku dhashey Manuufiya oo waqooyi kaga beegan magaalada Qaahira, waxaana sannadkii 1965-tii uu macallin ka noqdey Kuwait oo uu ku nolaa 55-kii sanno ee u dambeeysay, isagoo ku geeriyooday caasimadda dalkaas magaalada Kuwait. Daaciga ayaa la sheegay in da’diisu ay ahayd 81 sanno. Source
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congreska Mareykanka. Wuxuu sheegay in Ilhaan ay tahay qof musuq maasuq badan isla markaana warbixinadeeda uu la socday muddo laba sanno ah. “Maxaa ka khaldan Ilhaan Cumar? waxaan rajeynayaa in hawshan uu soo faragelin doono Xeer ilaaliyaha guud, Waxaan akhrinayay warbixinnadeeda muddo laba sanno ah oo ku saabsan sida ay u musuqmaasuq badan tahay , Miyad rumaysanaysaan? Sidaas weliba ayay inooga sheegeysaa sida dal loo maamulo? Waa maxay waxa ay samaysay qofkii ay reer Minnesota doorteen, maxaa baas ee idin ka khaldan dadyahow” Dhanka kale, Trump wuxuu musharraxa madaxtinimada ee xisbiga dimuqraadiga Joe Biden ku eedeeyay in gobolka Minnesota uu doonayo in uu ka dhigo xero qaxooti. Wuxuu sidoo kale sheegay ‘in Biden uu doonayo in uu meesha ka saaro xayiraadda dhanka safarka ah ee lagu soo rogay muwaadiniinta dalalka ay taagan yihiin dagaallada’ “Boqolkiiba toddbaadtan korodh ah dad qaxooti ah oo ka kala yimid dalalka ugu khatar badan adduunka oo ay ka mid yihiin Yemen, Suuriya , Soomaaliya. Biden waxa uu u beddeli doonaa Minnesota xero qaxooti oo dugsiyada iyo cisbitaallada cidhiidhi yihiin” ayuu yidhi Trump. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa in muddo ah kaddib booqasho ku tagay gobolka Minnesota ee waddanka Mareykanka taas oo qeyb ka ah ololahiisa doorasho kaddib dooddii kululeyd ee shalay dhex martay isaga iyo musharaxa xisbiga dimuqraadiga ee doorashada madaxtinimada Mareykanka ee Joe Biden. Is-qabqabsiga u dhaxeeya madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo Ilhaan Cumar oo Minesota ku matasha aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka ayaa ahaa mid soo socday, waxayn isku qaadayeem weerar afka ah. Ms Ilhan waxay ku guulleysatay kursiga gobolka Minnesota ee aqalka Cad bishii November, iyadoo noqotay mid ka mid ah labada hablood ee muslimka ah ee ugu horreeyay abid oo loo doortay aqalka koongareeska Mareykanka. Qoyskeeda ayaa markii hore yimid Mareykanka iyagoo qaxooti ah, waxayna noqotay haweeneydii ugu horreysay oo xildhibaan ka noqoto koongareeska iyadoo xidhan xijaab. Source
-
TORONTO -- New research suggests Black, South Asian and Indigenous Canadians are far more likely than white Canadians to have multiple medical conditions putting them at higher risk of severe outcomes from COVID-19, and the author behind the study is urging the federal government to track how the virus is affecting minority groups. Source: Hiiraan Online
-
Alle ha u naxariistee, waxaa saaka Waddanka Maraykanka ku geeriyooday suxufigii caanka ahaa ee Soomaaliyeed Cabdulqaadir Maxamed Mursal, oo maalmahan ku xanuunsanaa halkaasi. Geerida marxuum Cabdulqaadir Mursal, waxa xaqiijiyay xubno ka tirsan Qoyskiisa iyo suxufiyiin Soomaaliyeed oo ku sugan Waddanka Maraykanka, waxaana durba ka tacsiyeeyay siyaasiyiin iyo weriyaal kala duwan. Marxuumku wuxu kamid ahaa suxufiyiintii waaweynaa ee Soomaaliya burburkii ka hor, wuxuuna agaasime ka soo noqday idaacadda Radio Muqdisho ee ku hadasha Af-ka dowladda Soomaaliya. Sidoo kale, burburkii kadib wuxuu agaasime ka noqday idaacadda Codka Arrimaha Banii’adanimada ee Qaramada Midoobay maal-geliso, taas oo la oron jiray Radio IRRIN balse haatan loo yaqaan Radio Ergo. PUNTLAND POST The post Suxufigii weynaa ee Cabdulqaadir Mursal oo ku geeriyooday Maraykanka appeared first on Puntland Post.
-
Qaar ka mid ah Senatarada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay kulan gaar ah oo uu Baarlamaanku la yeeshay Ergeyga Gaarka ah ee Ha’yadda Qaxootiga Aduunka (UNCHR) ee Geeska Afrika, Hal ku dhigna looga dhigay Jawaabaha Baarlamaanku ee xalka Barakaca Khasabka ah ee Gobolka IGAD. Munaasabadda oo lagu qabatay Aaladda fogaan arraga ah ee Zoom, ayaa waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyey Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Adduunka (UNHCR), Xarunta Daraasaadka Siyaasadda Yurub (CEPS) iyo Ururka Baarlamaanka Adaduunka(IPU). Senatarada Golaha Aqalka Sare ee shirka ka qeyb galay ayaa dhankooda ka warbixiyay xaaladda dalka. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
SAN DIEGO — President Donald Trump appears to be ignoring a deadline to establish how many refugees will be allowed into the United States next year, raising uncertainty about the future of the 40-year-old resettlement program that has been dwindling under his administration. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Subax-01102020.mp3 View the full article
