-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha wadanka Mareykanka ayaa la taliyeyaashiisa sare u sheegay inuu doonayo qorshe uu ciidamadiisa ugu saarayo guud ahaan Soomaaliya. Dadka sida gaarka ah ula socda xaaladdaasi ayaa sheegay in arintan ay qeyb weyn ka qaadan doonto ololaha doorashada isaga oo ballan qaaday in ciidamadiisa uu ku soo celin doono dalkooda. Qorshaha ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ayaa imaanaya, iyadoo Soomaaliya ay weli ku xoogan yihiin dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab. Aqalka Pentagon ee gaashaandhiga Mareykanka ayaa bilaabay qorista qorshaha madaxweynaha oo arrimahaasi kala hadlaya la taliyeyaashiisa dhinaca amniga. Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 650 illaa iyo 800 oo askari marka la eego howl-galka AFRICOM,waxaana ciidamadaasi oo ah kuwo gaar ah ay kuwa Soomaaliya ka caawiyaan dhinaca tababarada. View the full article
-
Sida ay qortay Bloomberg, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka dalbaday la taliyeyaashiisa sare iney qoraan qosrhe uu ciidamada Mareykanka uga soo saarayo dalka Soomaaliya. Qorshahan oo la sheegayo iney qeyb ka tahay ololohiisa ah inuu ciidamada dib u soo celiyo ayaa waxaa kala shaqeynayaan la taliyaha xagga amniga qaranka Robert O’Brien, wasiirka difaaca Mark Esper iyo Mark Milley. Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa gaaraya ilaa 650 ilaa 800, ciidamadan ayey U.S. Africa Command sheegaan iney kuwa Soomaalida ka caawiyaan la dagaalanka Al-shabaab. Dhankiisa, waxaa la sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu wareysi ku sheegay inuu jecel yahay iney ciidamada Mareykanka sii joogaan isaga oo intaa raaciyey in uu rumeysan yahay in Mareykanka ay dalkiisa ka caawinayaan la dagaalanka Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa durbo ka fal-celiyey hadalkii ka soo yeeray madaxweynaha Mareykanka ee ahaa in ciidamadiisa uu ka saarayo gudaha Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay barta Bloomberg oo faaloota ganacsiga ayaa sheegay in uusan dooneyn bixitaanka ciidanka Mareykanka ee haatan jooga Soomaaliya. Farmaajo ayaa sababta diidmadiisa la xiriiriyey dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaaab ee weli ka socda gudaha dalka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu jeclaan laan lahaa in ciidamada Mareykanka ay sii joogaan Soomaaliya, si ay u wiiqaan awooda Al-Shabaab. Dad badan ayaa sidoo kale ka digay qorshaha uu Trump uga saarayo ciidamada Mareykanka Soomaaliya, iyagoo xusay in Al-Shabaab ay weli halis ku yihiin dalka. Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ku dhowaad kun askari, kuwaas oo saldhig ballaaran ku leh gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfur Galbeed Soomaaliya, waxayna caawiyaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa sidoo kale dhankooda duqeymo diyaaradeed ka fuliya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Muxuu madaxweyne Farmaajo ka yiri hadalkii Donald Trump? first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi farmaajo, guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay waxa ay yeesheen kulamo gooni-gooni ah kuwaasi oo uu u jeedkoodu ahaa wada-tashiyo guud. Wararka laga helay shirarkaasi ayaa waxaa ay sheegayaan in looga hadlay magacaabista xubnaha golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya ee dhowaan lagu dhawaaqi doono, maadaama xukuumadda cusub ee la soo dhisi doono ay heysato waqti yar oo laga doonayo inay wax badan ku qabato, kuwaasi oo ay ka mid yihiin arrimaha doorashooyinka dalka, sugida amaanka ee dalkaoo dhan iyo fududeynta arrimaha dib u eegista Dastuurka dalka Shirarkaan wada-tashiga ah ee la xiriira soo magacaabista golaha wasiirada Soomaaliya ayaa waxa ay ahaayeen todobaadkan kuwa si is-daba joog ah uga dhacayey xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in ra’iisul wasaare Rooble uu saacadaha soo socda ku dhawaaqo liiska golihiisa wasiirada cusu . Rooble ayaa xilligii ay codka kalsoonida siinayeen xildhibaannada golaha shacabka waxaa uu ballan qaaday in illaa sideed qodob inuu diirada saari doono, kuwaas oo bulshada Soomaaliyeed u baahan yihiin in wax laga qabto. Sidoo kale wararka la helayo ayaa intaasi ku daraya in golaha wasiirada cusub ay ka mid nooqn doonaan qaar ka mid ah kuwa hadda jooga, gaar ahaan kuwa ku dhow xiriirka dhow la leh xafiiska madaxweynaha , iyadoona guddoomiye Mursal uu wato xubno uu doonayo in lagu soo daro xukuumadda cusub ee la soo dhisi doono, taas oo iyana laga wada-hadlay. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan ah mid degan, balse xukuumadda cusub ayaa looga fadhiyaa inay dardar-geliso qaban-qaabada doorashada soo socota ee 2020/21-ka. View the full article
-
Muqdisho ( Caasimada Online) – Dowladda federaalka ayaa markale ciidamo hor leh u dirtay gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo saacadihii la soo dhaafay ka dagay garoonka diyaaradaha degmada Duulow ee gobolkaasi. Ciidamadan oo ka tirsan kuwa kumaandooska Gorgor ee sida gaarka ah u tababaran ayaa waxaa garoonka Doolow ku soo dhoweeyey saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa nabad-sugida ee ka howl-gala gobolka Gedo. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay ku wajahan yihiin xuduud beenaadka Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan degmooyinka Beledxaawo iyo Ceelwaaq. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadaas ay ku biiri doonaan kuwa dowladda ee horey u joogay labaasi magaallo. Dhowaan ayey aheyd markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda la geeyey xadka Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan degmada Beledxaawo. Si kastaba ha’ahaatee arrimahan ayaa ku soo aadayo, iyadoo bishii la soo dhaafay is-rasaaseyn kooban ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ku dhexmartay xuduuda labada dal, taas oo digniin iyo hanjabaad ay kasoo saartay Kenya. The post Sawirro: DF Soomaaliya oo ciidamo hor leh geysay xadka ay la wadaagto Kenya first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Subax-14102020.mp3 View the full article
-
Kani waa Sawir hore Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA, ayaa saaka oo Arbaco ah shaacisay, in ay gacanta ku dhigtay 79 tan oo maadada Sulfuric Acid (H₂SO₄) oo loo adeegsado samaynta Qaraxyada. Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Twitter-ka ee hay’adda NISA, ayaa lagu sheegay in sidoo kale la qabtay shakhsiyaadkii dalka soo geliyay maadada, kuwaas oo doonayay in ay u gudbiyaan Al-shabaab. Baaritaanka maadadan waxa ka wada-shaqaynaya NISA iyo hay’adaha ay iska kaashadaan La-dagaallanka Argagixisada sida lagu caddeeyay Qoraalkaas. Sidoo kale, NISA waxay sheegtay in Sharciga la marin doono shakhsiyaadka lagu qabtay maadada ‘H₂SO₄’ oo doonayay in ay u gudbiyaan Al-shabaab, si ay qaraxyo uga samaystaan. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise The post Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay 79 tan oo maado Qaraxyada laga sameeyo ah iyo Shakhiyaadkii watay appeared first on Puntland Post.
-
Since the first COVID-19 positive case was reported in Somalia, health facilities in the country have responded to the pandemic by providing medical care to those seriously ill, Source: Hiiraan Online
-
A recent spate of cheetahs being seized in Somaliland has shown that the illicit demand for these animals remains strong. Cheetahs are highly prized as exotic pets in the Gulf states, and in supplying this market, traffickers have heavily impacted local cheetah populations in Africa, a situation compounded by the fact that many animals die en route. Source: Hiiraan Online
-
British long distance runner Mo Farah has been appointed Ambassador of Djibouti Ports and Free Zones Authority. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha waddanka Mareykanka Donald Trump, ayaa doonaya in uu Ciidanka Maraykanka ka saaro gudaha Soomaaliya, sida laga soo xigtay La-taliyaashiisa qaarkood. In ka badan 700 oo askarta Maraykanka ah ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo tababar iyo taakulayn kala duwan siiya Ciidamada Soomaaliya, islamarkaana xarumo ku leh gudaha dalka. Sidoo kale, Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika oo loo soo gaabiyo AFRICOM, ayaa duqaymo dhanka cirka ah ka fuliyaha gudaha Soomaaliya, kuwaas oo lagu beegsado kooxaha Al-shabaab iyo Daacish. Madaxweyne Donald Trump, oo fulinaya ballan-qaadkiisi ololaha doorashada ee ahaa, in uu Ciidamada Maraykanka ku soo celinayo dalkooda, ayaa haatan qorshaynaya in uu Ciidankiisa kala baxo Soomaaliya, sida uu sheegay Wargeyska Bloomberg. Wargaysku wuxu tilmaamay in arrintan loo xil saaray La-taliyaha dhinaca Ammaanka Madaxweynaha Mr Robert O’Brien, oo ay weheliyaan Xoghaya Difaaca Mark Esper iyo Taliyaha Ciidamada Maraykanka Gen. Mark Milley PUNTLAND POST The post Trump oo doonaya in uu Ciidamada Maraykanka ka saaro Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha waddanka Mareykanka Donald Trump, ayaa doonaya in uu Ciidanka Maraykanka ka saaro gudaha Soomaaliya, sida laga soo xigtay La-taliyaashiisa qaarkood. In ka badan 700 oo askarta Maraykanka ah ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo tababar iyo taakulayn kala duwan siiya Ciidamada Soomaaliya, islamarkaana xarumo ku leh gudaha dalka. Sidoo kale, Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika oo loo soo gaabiyo AFRICOM, ayaa duqaymo dhanka cirka ah ka fuliyaha gudaha Soomaaliya, kuwaas oo lagu beegsado kooxaha Al-shabaab iyo Daacish. Madaxweyne Donald Trump, oo fulinaya ballan-qaadkiisi ololaha doorashada ee ahaa, in uu Ciidamada Maraykanka ku soo celinayo dalkooda, ayaa haatan qorshaynaya in uu Ciidankiisa kala baxo Soomaaliya, sida uu sheegay Wargeyska Bloomberg. Wargaysku wuxu tilmaamay in arrintan loo xil saaray La-taliyaha dhinaca Ammaanka Madaxweynaha Mr Robert O’Brien, oo ay weheliyaan Xoghaya Difaaca Mark Esper iyo Taliyaha Ciidamada Maraykanka Gen. Mark Milley PUNTLAND POST The post Trump oo doonaya in uu Ciidamada Maraykanka ka saaro Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaas Cali Xaashi Ugaas, Abwaan Bedel Jaamac iyo Nabadoon Axmed Maxamed Culusow oo u hadlay beelaha Mogadishu Clan ayaa aad ugu dhaleeceeyay hadal dhawaan uu jeediyay Ugaaska beesha Mareexaan Ugaas Maxamed-Weli Sheekh Axmed Nuur. Ugaas Maxamed-Weli ayaa maalin ka hor Muqdisho ka sheegay in dowladdii Maxamed Siyaad Barre kadib aysan dalka soo marin dowlad lamid ah tan uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo. Odayaasha Mogadishu Clan ayaa Ugaas Maxamed Weli ku tilmaamay qabyaaladiiste, iyagoo sheegay in hadalkiisii ay ka raali gelinayaan dhamaan dadka Soomaaliyeed iyo madaxda dowladihii tan ka horeeyay. Ugaas Cali Xaashi Ugaas ayaa yiri, “Waxaan aad uga xumahay magaca ugaasnimada ee ninkaasi uu sheeganayo, waxaan hadda ka hor arkeynay dood uu ka qeyb galay, isagoo qalad weyn ka galay dadka gobolka Banaadir, oo hadana leh waxaan ka bixinayaa raali gelin qaladkii iga dhacay, tan hadda waxa uu ka galay dhamaan umadda Soomaaliyeed.” “Qof walba waxa uu qabtay xusuusta ayaa qori doonta Ugaas Maxamed Weli waxa uu yiri maxaabiis ayaa la soo daayey waa run, balse ninkii soo daayey waxa uu ahaa Xasan Cali Kheyre, deyn cafinbuu sheegay, waxaana ka shaqeysay xukuumadii Kheyre, marka waxaan ku leenahay hadhaamin magaca ugaasnimada, kan masuuliyiinta iyo kan umadda Soomaaliyeed intaba,” ayuu yiri Ugaas Cali oo fariintan u diray Ugaas Maxamed Weli. Abwaan Bedel Jaamac ayaa isna sheegay in Ugaas Maxamed Weli dartiis aysan u caayeyn madaxweynayaasha uu amaanay ee Maxamed Siyaad iyo Maxamed Farmaajo. “Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre dowlad dimuquraadi ah oo cod ku timid oo shacabku soo doorteen ayuu dhexda qabsaday, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxa uu isna dhexda qabsaday dowlad loosoo doortay oo si cad loogu wareejiyay, waan ognahay in madaxweynayaal kale ay dalka soo maamuleen, kuwaas oo Maxamed Siyaad maahee inta kale la soo doortay, Farmaajana maanta codkii uu ku yimid ayuu ku baxayaa, marka ninkaas waa qabyaaladeyste, dartiisana dadka uu amaanay u caayi meyno,” ayuu yiri Abwaan Bedel Jaamac. Nabadoon Axmed Maxamed Culusow ayaa dhankiisa sheegay in warka Ugaas Maxamed Weli uu u mooqdo mid saaxada siyaasadda looga saarayo madaxweyne Farmaajo. “Waxa Maxamed Weli kasoo yeeray waa wax lagu ijaafeynaayo Soomaalida, waxaan leenahay warkaas waa mid nin aan xil kas aheyn ka soo yeeray, Madaxweyne Farmaajo waxaan leenahay waxaa jira nin aad moodeyso inuu kuu roonaanayo, balse ku raacdeynaya, warka Ugaas Maxamed Weli waa war u muuqda mid saaxada siyaasadda lagaaga saarayo,” ayuu yiri Nabadoon Axmed Maxamed Culusow. Hoos ka Daawo The post Daawo: Odayaasha Mogadishu Clan oo jawaab kulu ka bixiyey hadalkii ugaaska Mareexaan first appeared on Caasimada Online.
-
When the Saudi-led military coalition involving the US intervened in the Yemen war in 2015, the Horn of Africa became a strategic region. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa aad usoo dhowaaneysa ku dhawaaqista Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya kadib ee laga filayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo qaadatay waqti ka badan intii la filayey. Magacaabistan ayaa waxaa dhowr mar dib u dhigay awood qeybsiga madaxda ugu sarreysa dowladda oo mid walba uu wato xubno gaar ah. Doodda magacaabista wasiirada cusub ayaa u dhaxeysa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey. Madaxweynaha, Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa shirar is daba joog ah xalay ku yeeshay Madaxtooyada Villa Somalia, waxaana looga hadlayay magacaabida Golaha Wasiiradda oo lagu wado in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in markii dambe la isku raacay in soo xulista Golaha Wasiirada loo qeybiyo afar qof, kuwaas oo kala ah. 1) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo soo xuli doono wasiirada ka imaanaya beeshiisa. 2) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo soo xuli doono wasiirada ka imanaya beesha uu matalo. 3) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo soo xuli doono wasiirada ka soo galaya beeshiisa iyo 4) – Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey oo kaashanaya taliyaha NISA oo iyagana soo xuli doono wasiirada ka soo gala beesha ay ka soo jeedaan ama shanaad. Dhamaan dadkan ayaa laga rabaa in ay soo xulaan wasiirada, wasiiro ku xigeenka iyo wasiiru-dowliyaasha waxaana la sheegay in howshaan lagu qaban doono 48 saac ugu dambeyn. Wararka qaar ayaa sheegaya in caawa ay suurtagal tahay in lagu dhawaaqo wasiirada cusub. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa la sheegay inuu wajahayo cadaadis badan iyo madaxbanaani la’aan oo uga imaaneysa masuuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda Soomaaliya oo qaarkood miisaan culus ku dhax-leh siyaasadda Soomaaliya. The post Xog: HESHIIS laga gaaray dood ka taagneyed dhismaha golaha wasiirada cusub first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan fahamka dowladnimada ee dadka Soomaaliyeed. Wasiir Cawad ayaa sheegay in xil loo kala cararo aysan ku hormari karin dowladnimada Soomaaliya, waxuuna hadalkan ka jeediyay xaflad lagu daahfurayey xarun cilmi baaris oo ka dhacday magaalada Muqdisho. “Waxay Soomaalida danu ugu jirtaa inay dowladnimada ilaashadaan, dowladda casriga ah qof kaliya ma maamuli karo, madaxweyne saf loo galo iyo wasiir saf loo galo dowlad kuma hormarto,” ayuu yiri Axmed Ciise Cawad. Waxa uu sheegay in hanaanka kaliya ee dowladi ay ku hormari karto uu yahay nidaam dhisma, balse dadka Soomaaliyeed aysan ehel u heyn kala dambeyn iyo nidaam dowladnimo oo dhisma. Hoos ka Daawo The post Wasiir Axmed Ciise Cawad: "Madaxweyne saf loo galo dowlad kuma hormarto" first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia. Kulankaas waxaa looga hadlay, soo magacaabista Golaha Wasiirada cusu oo weli aan la magacaabin tan iyo markii Xildhibaanada Golaha Shacabku ay Codka kalsoonida ah siiyeen Mr. Rooble. Sidoo kale, kulanka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble waxa goob-joog ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan, kaas oo qayb ka ahaa wada-tashiga. Kulanka ayaa ku soo beegmay, xilli Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble laga sugayo in uu soo magacaabo Golaha xukuumadda cusub. PUNTLAND POST The post Farmaajo Mursal iyo Rooble oo kulan gaar ah yeeshay appeared first on Puntland Post.
-
Magaalo Qadiimi ah oo la helay+Dalkay ku taallo & Masaajid…
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dadka baara haraaga qadiimiga ayaa helay magaalada Xarla ee la illaaway Waa sawir muujinayo haraaga masaajid dhisnaa qarniga 12-aad Koox baarayaal ah oo ka shaqeeyo baaritaanka Athaarta hore ayaa bariga dalka Itoobiya ka helay magaalo aasantay oo jirtay qarniga 10-aad. Magaalada Xarla ee haraagi dhismayaasheedi la soo faagay waxaa sida oo kale laga helay farshaxanno laga isticmaali jiray Masar, Hindiya iyo Shiinaha. Sida oo kale kooxda baarayashu waxay heleen masaajid dhisnaa qarniga 12-aad oo la mid ah masaajidda laga helay Tanzania iyo Somaliland. Kooxda baaritaanka sameysayna waxay sheegeen waxyaabaha ay Xarla ka heleen iney muujineyso xiriirka ka dhaxeeya bulshooyinka muslimka ee ku nool qaaradda Afrika. “Waxyaabaha baaritaanka aan sameynay aan ku helnay waxay kor u qaadeysaa fahamkeenna ku aaddan ganacsiga qayba qadiimi ah ee dalka Itoobiya oo la illaaway. Waxyaabaha aan helnay oo dhanna waxay muujinayaan magaalada Xarla iney ahayd xaruun ganacsi oo gobolka ugu weyn”, ayuu yiri Barafasor Timothy Insoll oo hoggaaminaya kooxda baaritanka sameysay oo ka socda Jaamacadda Exeter. Kooxda baaritaanka sameysay waxay sida oo kale heleen waxyaabaha la isku qurxiyo iyo farshaxanno kale oo laga istcmaalo Madagascar, Maldives, Yemen iyo Shiinaha. “Xarla waxay ahayd xaruun qani ku ah sameynta waxyaabaha la isku qurxiyo”, ayuu yiri Barafasoor Insoll. “Dadka ku noolaa magaalada Xarla waxay isugu jireen bulshooyin kala duwan oo ka kooban ajaanib iyo dadka deegaanka oo xiriir ganacsiga la lahaa badda cas, badda Hindiya iyo waddamada khaliijka ee fog” ayuu yiri. ‘Magaalada dadki waaweynaa’ Wariyaha BBC uga soo warrama Itoobiya Emmanuel Igunza wuxuu sheegay iney jirto sheeko la yiri ah oo ay dadka deegaanka sheegaan taasoo ah iney dad jir ahaan aad u waaweyn ay magaaladaasi ku noolaan jireen taasi oo ay u sababeeyaan dhismayaasha magaaladaasi ka muuqdo oo lagu dhisay dhagaxaan aad u waaweyn oo ay adag tahay iney qaadaan dadka caadiga ah ee hadda deegaankaasi ku nool. Balse kooxda baaritaanka sameysay waxay sheegeen ineysan arrintaasi wax caddeyn ah u helin. “Si cad ayaan arintaasi u beeninnay, balse ma hubo iney si buuxdo weli noo rumeysanayaan” ayuu yiri Barafasor Insoll. Qodis dheeraad ah ayaa la filayaa sanadka soo socda in la sameyo Bayaan ka soo baxay kooxda baaritaanka wadda ayaa lagu sheegay in haraadiga qabuuro ay ku aasan yihiin dad ka badan 300 lagu sameynayo baaritaan dheerad ah si loo ogaado waxa ay dadkaasi cuni jireen. Sanadka soo socdana waxaa la filayaa in qoditaan kale in lagu sameeyo goobta magaaladaasi qadiimka ah laga helay. ‘Diimaha kala jaadka ah’ Dalka Itoobiya wuxuu ka mid yahay meelihi ugu horreyey ee la ogaaday iney dadki hore ku noolaayeen. Cilmibaadhis 2015 la sameeyey ayaa waqooyiga-galbeed ee dalkaasi laga helay lafo iyo ilko da’dooda lagu qayaasay 3.3 malyan ilaa iyo 3.5 malyan oo sano. Diinta Kirshtanka ee qibdiyiinta oo dalka Masar ka soo jeedda ayaa boqortooyada Aksum ee jirtay sanaddi 333 u ahayd diinta ay aaminsanaayeen. Kaniisadaha Itoobiyana waxay sheegaan boqoradda Saba iney Aksum oo ku yaalla waqooyiga dalka ay ka soo kicitintay si ay u soo booqato Boqor Suleymaan oo xukumayey Quddus. Diinta islaamkana waxaa la rumeysan yahay dalka Itoobiya iney soo gaartay qarniga 7-aad marki ay muslimiinta dhibaatooyinki looga geysanayey Maka ay ka soo carareen oo ay u soo hijroodeen dalka Itoobiya. Xaruunta cilmiga ee diinta islaamka oo dalka Itoobiya taariikhda ku leh oo ah magaalada Harar waxay ku dhawdahay magaalada Xarla. Sida ay sheegtay hay’adda UNESCO magaalada Harar oo ah magaalada sumcad weyn ku leh taariikhda islaamka waxaa ku yaalla in ka badan 84 masjid oo seddex ka mid ah la dhisay qarnigi 10-aad, iyo 102 xadra. Sida uu tilmaamayo tirakoobki la sameeyey 2007-dii dalka Itoobiya waxaa ku nool 30 milyan oo Kirishtan ah iyo 25 malyan oo Muslim ah. Qaran News -
Taliyayaasha Sirdoonka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea oo kulan ku leh Addis Ababa Madaxda Sirdoonada Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa shir uga socda magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saddexda dal oo faahfaahinaya kulanka ay saddexda mas’uul ee ugu sareeya sirdoonka wadamadooda ay ku leeyihiin magaalada Addis Ababa. Shirkan ayaa waxa uu ku soo beegmay kadib booqashadii todobaadkii hore Madaxweyne Farmaajo ku tagay magaalada Asmara iyo booqasho kedis ah oo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ku tagay dalka Itoobiya. Siyaasiyiin badan ayaa shaki ka muujiyay in shirka u socda Madaxda Sirdoonka saddexda dal in looga hadlayo arrimaha doorashada Soomaaliya, maadaama madaxweynayaasha Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya uu ka dhaxeeyo is xulufsi siyaasadeed. Wararka ayaa waxa kale oo ay sheegayaan in taliyaha sirdoonka dalka Soomaaliya Fahad Yaasiin uu u gudbay dalka Turkiga kadib markii uu soo idlaaday kulanka ay wada yeesheen taliyaasha sirdoonka dalalka Itoobiya Iyo Eritrea. Qaran News
-
Xiriirka kubadda cagta ee dalka Portugal ayaa shaaca ka qaaday in ciyaaryahan Cristiano Ronaldo uu ku dhacay cudurka COVID-19, islamarkaana iminka lagu hayo meel gooni ah. Xaaladdiisa caafimaad ayay sheegeen in ay wanaagsan tahay islamarkaana uusan qabin wax calaamado ah oo cudurkaas reebay. Ciyaar uu dalkiisa u bixi lahaa dalka Swedan ayaa laga reebay, sababo la xiriira cudurkaas laga helay. Ronaldo ayaa ah ciyaaryahanka ugu goolasha badan dalka Portugal, waxaana uu dhaliyay 101 gool oo uu ciyaaray 167 kulan. Qaran News
