-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo hadal ka jeediyay maanta munaasabad lagu xusayay dadkii ku dhibaatoobay qaraxii 14-ka October 2017 ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay iney xukuumadiisa la imaaneyso qorshe ka dhan ah Al-Shabaab. Tiyaatarka Qaranka ayaa xus iyo duco loogu sameeyay dadkii qaraxa ay dhibaatada kasoo gaartay, balse qudbadda Ra’isul wasaaraha cusub wuxuu xoogga ku saaray ka hadalka Al-Shabaab. Ra’isul wasaaraha wuxuu sheegay in dowladda looga baahan yahay iney la timaado qorshe farsamo leh oo Al-Shabaab lagu xakameyn karo ama looga takhalusi karo. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in gawaarida ay weerarada iyo qaraxyada ku fuliyaan ay ka helaan dad ay qaraabo yahiin, taasna loo baahan yahay in il gaar ah loo lahaado oo la ogaado wax walba oo ku saabsan si loo soo afjaro qorhahooda. Dhanka kale RW Rooble wuxuu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday iney la shaqeeyaan ciidanka Ammaanka, kuwaas oo u diyaar ah iney ka hortagaan weerarada Al-Shabaab si dadka Soomaalida ah ay nabad ugu noolaadaan. Hadalka Ra’isul wasaaraha ayaa kusoo aadaya xilli dowladda dhexe uu wakhtiga kasii dhamaanayo, walina loo heysto ineysan fulin ballanqaadkii ahaa iney Shabaab muddo kooban dalka uga saarayaan. The post ROOBLE oo ku dhawaaqay go'aan ka dhan ah Shabaab first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Duhur-14102020.mp3 View the full article
-
Qaran News
-
On the third anniversary of the 14 October, 2017 suicide bombing in the Somali capital of Mogadishu, the United Nations today paid tribute to the victims and survivors of the horrific attack and reaffirmed the world body’s solidarity with all Somalis. “Together with Somalis, the United Nations family is focused on the future and on continuing to build on progress towards peace, good governance, and prosperity”. Advances since 2017 are a reflection of Somalis’ resilience and desire for a better tomorrow despite the scourge of violent extremism. The callous brutality of the attack on 14 October 2017 is not forgotten, however, and our thoughts remain with the families of those who lost their lives, as well as with the survivors,” said the UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, James Swan. The attack killed at least 587 people and ranks as the deadliest ever terrorist bombing in Africa involving the use of improvised explosive devices (IEDs). Hundreds more were injured in the blast. View the full article
-
Garowe (PP News Desk) — Puntland State University students successfully manufactured 15, 000 bottles of hand sanitisers and 11, 000 facemasks. PSU Health Science Laboratory pioneered the manufacturig process with a grant from Oxfam through its local implementing partner, Kaalo. Hand sanitisers manufactured by Puntland State University students. The Puntland Health Ministry Director General Abdirisaq Hersi Hassan commended the PSU students for putting their knowledge to use for the benefit of society. “ You manufactured what people need due to Covid-19 pandemic. When the pandemic hit Puntland there were no hand sanitisers and facemasks “ Hassan said . Puntland Minister for Commerce Abdullahi Abdi Hersi urged other universities in Somalia to follow in the footsteps of PSU to conduct research into challenges such as poverty and corruption. The Deputy Director of PSU Fuaad Mohamuf said “what we see today is the result of a dream many people viewed as unrealistic.” PSU students proudly showing facemasks and hand sanitisers they have manufactured in Puntland. Puntland Minister for Commerce Abdullahi Abdi Hersi, who attended the ceremony to launch PSU products for Covid-19 prevention, urged “other universities in Somalia to follow in the footsteps of PSU to conduct research into other challenges such as poverty and corruption.” © Puntland Post, 2020 The post Puntland State University Students Manufacture Hand Sanitisers and Facemasks appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (PP News Desk) — Puntland State University students successfully manufactured 15, 000 bottles of hand sanitisers and 11, 000 facemasks. PSU Health Science Laboratory pioneered the manufacturig process with a grant from Oxfam through its local implementing partner, Kaalo. Hand sanitisers manufactured by Puntland State University students. The Puntland Health Ministry Director General Abdirisaq Hersi Hassan commended the PSU students for putting their knowledge to use for the benefit of society. “ You manufactured what people need due to Covid-19 pandemic. When the pandemic hit Puntland there were no hand sanitisers and facemasks “ Hassan said . Puntland Minister for Commerce Abdullahi Abdi Hersi urged other universities in Somalia to follow in the footsteps of PSU to conduct research into challenges such as poverty and corruption. The Deputy Director of PSU Fuaad Mohamuf said “what we see today is the result of a dream many people viewed as unrealistic.” PSU students proudly showing facemasks and hand sanitisers they have manufactured in Puntland. Puntland Minister for Commerce Abdullahi Abdi Hersi, who attended the ceremony to launch PSU products for Covid-19 prevention, urged “other universities in Somalia to follow in the footsteps of PSU to conduct research into other challenges such as poverty and corruption.” © Puntland Post, 2020 The post Puntland State University Students Manufacture Hand Sanitisers and Facemasks appeared first on Puntland Post.
-
President Donald Trump has informed his top advisers that he wants to withdraw US troops from Somalia, Bloomberg News reported Tuesday. Citing people familiar with the matter, the report said the Pentagon has begun drafting plans for Trump. The talks have involved National Security Adviser Robert O’Brien, Defense Secretary Mark Esper and Joint Chiefs of Staff Chairman Mark Milley, according to the people, who asked not to be identified discussing private deliberations. The US has 650-800 troops in Somalia to help the African country fight the al-Shabaab terrorist group. The move will allow Trump “to make good on campaign pledges to bring soldiers home even though the country remains beset by insurgents linked to al-Qaeda,” said the report. All or almost all of the troops were sent to the country by Trump, according to Bloomberg. Trump authorized the US military to carry out strikes targeting al-Shabaab in March 2017. View the full article
-
President Donald Trump has informed his top advisers that he wants to withdraw US troops from Somalia, Bloomberg News reported Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (HOL) - Security forces in Mogadishu have seized thousands of kilograms of sulphuric acid suspected to have been imported by the militant group Al-Shabaab to make bombs. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil wiil dhalinyaro ahaa maanta loogu geystay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Dilkan oo uu fuliyey askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Ex-Control Afgooye, sida ay Caasimada Online u sheegeen goobjoogayaal. Askariga iyo marxuumka la dilay oo ahaa wade mootada nooca labo lugooleyda ah ayaa yimid, kadib markii uu soo kala dhex-galay muran sababay in rasaas loo adeegsday darawalka geeriyooday. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Liiban Abeesow, wuxuuna ka mid ah darawallada mootooyinka ka shaqeeya wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye. Wararka ayaa sheegaya in goor dambe ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo sameeyey baaritaano kooban. Illaa iyo haddana jiro wax hadal ah oo ay saraakiisha laamaha amniga dowladda Soomaaliya ka soo saareen toogashadaasi iyo sidoo kale baaritaanada ka dambeeyey. Ciidamada dowladda ee ku sugan Muqdisho ayaa inta badan dilal ka geysta caasimada, iyada oo inta badan ay dhibaatada soo gaarto dhalinyarada ka shaqeeya mootooyinka. The post Faah-faahinta dil maanta ka dhacay magaalada Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
-
Kaaliyihii Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Dawladda Maraykanka u qaabilsanaa Qaaradda Afrika Sanadihii 1989-1993 Danjire Herman J. Cohen, ayaa Bulshada Caalamka ugu baaqay inay noqdaan Waaqiciyiin oo ay aqoonsadaan kala Tagga Somaliland iyo Soomaaliya. Danjire Cohen ayaa qoraal kooban oo uu 10-kii October, 2020 ku qoray Bartiisa Twitter-ka wuxuu ku sheegay inaan la is garab dhigi karin. “Jamhuuriyaddii Soomaali waxa gumaystay Talyaaniga, Somaliland-na Ingiriiska, labaduna xorriyad ayay heleen si dhakhso ahna waxay u midoobeen 1960..” ayuu yidhi Danjire Cohen, waxaanu intaa ku daray “Somaliland waxay u go’day si ay u samaysato Dawlad Madax-banaan, waa laba aan gebi ahaanba la is barbar-dhigi karin..” Dublamaasigan Maraykanka ahi isagoo la hadlaya Beesha Caalamka wuxuu yidhi “Beesha Caalamku waa inay noqoto Waaqici oo ay aqoonsadaan Kala Taggaas (Somaliland iyo Soomaaliya)…” Source
-
30 sannadood ee ugu dambeeyey waxa shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ku nool yahay nabad, xornimo, sharaf iyo karaamo. Shacbiga Somaliyana waxay ku noolaayeen dagaal,cabsi, argagax iyo harag daamo joogto ah Alle shacbigaa ha ka dulqaadee. Muddadan 30 ka sanno ah waxa Sommaaliya loo qabtay 20 shir wayne oo aanay mid qudha dawlada Somaliland ka qayb galin maadaama ay tahay dal madax banaan oo gooni isku taagay. Xidhiidhka labada shacbi wuxuu ahaa mid isku socod,ganacsi, iyo walaaltinimo. Hase ahaatee xukuumadihii iskaga dambeeyey magaalada Muqdisho wali way qaadan laa yihiin, waaanay liqi kari laa yihiin in JSL la soo noqotay xornimadooda 1991kii, maantana tahay qaran madax banaan, oo masiirkiisa shacbigu ka tashaday. Madaxwayne Farmaajo riyada madaxdii hore ee Muqdisho ku jirtay waxa uu ku korodhsaday colaad iyo la dagaalan midabyo kala duwan leh oo jiritaanka shacbiga Somaliland uu ku doonayey inuu ku liciifiyo hase ahaatee ay u hirgali laadahay. Hadafka Farmaajo lee yahay waxa uu yahay inuu dib u soo nooleeyo taliskii kaligii taliyaha ahaa ee burburay 1991kii. Hadday taasi u suurto gali waydana in gobolada Somaliya ee federalka ah inuu burburiyo. Hadafkaa waxa markhaati cad ka ah kuraasta golaha shacbiga sida uu u qaybiyey isaga iyo kooxdiisu iyagoo Filla Somaliya ku tashanaya, kalana tashan Golaha Shacbiga. Waxa kale oo caddayn u ah in gobolka Banaadir oo dad iyo dhaqaalaba ugu badan u qoondeeyey shan kursi. Taariikhda waxa hore u soo maray shacbi halgan ku jira ama cadow la dagaalamaya inay xukuumad dal shisheeye ku samaystaan. Sida xukuumaddii Jeneral Digool ee Faransiiska ee dagaalkii labaad ee dunida dalka Faransiiska xukuumadda ku lahaa. Waxaanse dunida hore u soo marin shaqsiyaad ku nool dal shisheeye, degaan dalkaa ku lahayn, shacbiguna soo dooran loo magacaabo inay xubno ka noqdaan Gole baarlamaan.Waana ta maanta Farmaajo ku kacay. Tallaabooyinka Farmaajo ee sannadkan waxa ay sababi karaan burburka Soomaaliya iyo nidaamkeeda farogalineed haddii aanay inta wakhtigu u saamaxayo inay wax ka qabtaan. Arrintani waa mid u taalla gobolada Somaliya oo ma aha kuwa JSL saamayn ku lahaan kara. Waxase is waydiin mudan:- – Shaqsiyaadka JSL u dhashay ee uu doonayo inuu magacaabo goboladee ama beelehee Somaliya ka tirsan ayay ku matali doonaan golaha shacbiga ee Muqdisho. – Kuraasta loo qoondeeyey gobolkee looga qaadayaa? – Gobolka ama Beesha kuraastaa xaq u lihi ma iska indho tiri doonaan mise way soo dhacsan doonaan . Arrimahaasina waa kuwo u baahan in shacbiga Somaliya fiiro gaar ah u yeesho. Waxaanse lee yahay shaqsiyaad yohow u dhashay JSL yaan la idin adeegsan sidii calooshood u shaqaystayaasha, midiidinta laga dhigtay oo dalkay u dasheen la doonayo in lagu waxyeeleeyo. Danaha laga lee yahayna marka laga fushado la iska tuuro. Waxaan lee yahay shaqsiyaadkaa gob ayaad tihiin ka tirsan JSL xor ah iyo shacbi u dagaalamay inay xoroobaan dulinimada aad maanta ku arkaysiin meelaha aad ku nooshihiin.Sidaa darteed waxa ogaataan in Kuraasta la idin siinayo ay yihiin kuwo Farmaajo ugu talo galay inuu ka dhaco Beel ka tirsan Soomaaliya. Sidaa darteed godob ha ka galina beesha ama beelahaa,halista ka dhalan kartana ka feejignaada oo nafihiina ha biimaynina. Waxaan lee yahay daraasad sameeya oo ogaada dunidu siday ula dhaqanto iyo magacyada kala duwan ee loo bixiyo- oo aan ka xishoonayo inaan idhaahdo- shaqsiyaadka u adeega dal kale, kana qayb gala shirqoolada la doonayo in lagu waxyeeleeyo dalkooda hooyo. Waxaan shaqsiyaadkan lee yahay maankiina la tashada, hubiyana Sodonkii sannadood ee midnimadii Soomaaliya iyo Soddonka JSL xornimada la soo noqotay xaaladaha kala duwan ee degeenada aad u dhalateen ku sugnaayeen ama ku sugan yihiin. Waxaan lee yahay yaan durbaanka beenta ah la idin tumin horey qaar badani ku hodmeen oo naftoodana halis ku galiyeen. DHAMMAAD. Source
-
Madaxweyne ku-xigeenka dalka Taiwan ayaa hadallo u muuqda kaftan iyo muujinta xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya dalkiisa iyo Somaliland waxa uu bartiisa twitter ugu qoray Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) William Lai Ching-te oo ah Madaxweyne ku-xigeenka Taiwan ayaa isaga oo ka jawaabaya hambalyo uu Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland bartiisa twitter ka ugu qoray dalka Taiwan oo toddobaadkii hore u dabbaaldegey sannad guuradii 109-aad ee jiritaankiisa, waxa uu ugu horreyn u mahadnaqay mudane Saylici, isaga oo intaas ku sii daray, “Mudane Madaxweyen ku-xigeen Saylici, waa aan kaaga mahadnaqayaa, farriintaada diirran. Waxa aan rejaynayaa in aynu maalin uun dhaqso ah ku kulanno Hargeysa” Madaxweyne ku xigeenka Taiwan ayaa isticmaalay erayo diblumaasiyadeed uu ku muujinayo in xidhiidhka labada dal uu marayo heer saaxiibtinimo oo aad u sarreeya, isaga oo ku soo hal-qabsanaya dhaqanka reer Somaliland ee ah cabbitaanka shaaha caanaha lehna waxa uu yidhi, “Waxa aan rejaynayaa in aynu ku dul sheekaysanno koob shaah caddaysa ah” Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland mudane Saylici ayaa isaguna mar kale ku soo noqday farrimaha twitter ka oo u jawaabayo dhiggiisa Taiwan, isaga oo sheegay in ay Sharaf weyn u noqon doonto in ay dhaqso Hargeysa ugu kulmaan, oo uu weliba ku casuumo koob shaah caddaysa ah oo ay guriga ku wada samaystaan. Taas oo ah farriin dadban oo uu mudane Saylici ku cabbirayo illaa heerka uu gaadhsiisan yahay xidhiidhka labada dal iyo labadooda masuulba, taas oo ah in ay ka bixi karaan nidaamka rasmiga ah ee diblumaasiyadda oo si saaxiibtinimo xitaa gurigiisa ugu casuumi doono. Madaxweyne ku xigeenka Taiwn Lai Ching-te farriinta uu ka jawaabayey, hambalyada sannad guurada curashada Taiwan ka sokow waxa uu mudane Saylici ku sheegay in Somaliland iyo Taiwan uu ka dhexeeyo xidhiidh adagi. Tan iyo intii ka dambaysay xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland waxaa soo baxaya sida uu marba marka ka dambaysa xidhiidhkaasi u sii adkaanayo, taas oo ka muuqata kaalinta labada dal mid kastaa uu siiyey wakiilka dalka kale iyo xidhiidhada booqasho ee labada dhinac. Source
-
Iyadoo maanta ay ku beengan tahay 14-ka October sanadka 2020-ka oo ah maalintii uu dhacay qaraxii xooganaa ee Zoobe sanadkii 2017-kii ayaa waxaa warbixintan ku eegi doonaa arrimaha ammaanka iyo waxyaabaha iska bedalay saddex sano kadib. Qaraxaas oo is-miidaamin ahaa ayaa noqday kii ugu xooganaa ee ka dhaca Soomaaliya, waxaana ku dhintay 587 qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan. Halkan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/waa.mp3 View the full article
-
Maanta oo kale, muddo 3 sano laga joogo, October 14, 2017-kii, waxaa isgoyska Zoobe, degmada Hodan ee Muqdisho ka dhacay qaraxii ugu khasaaraha badnaa Afrika kaas oo ay ku dhinteen inta xogtooda qorallada rasmiga ah lagu sheegay ilaa 587 halka in 300 ka badan ay ku dhaawacmeen. Haddaba, 3 sano kadib, Goobjoog News ayaa heshay document muujinaya sida ay wax ku dhaceen, waxyeellada, gurmadka sida uu ahaa iyo waxii la qabtay iyo wixii laga gaabiyey. Warbixinta aan heyno waxaa ku cad in Farmaajo aanu fulin ballantii aheyd inuu wax u qabanayo dadka ay qaraxyada helaan, waxaana xogta aan helnay ee rasmiga ah ku qoran sidan “ Dadka leh hantida ma guurtada ah iyo heyadaha aan dowliga ahayn ee hantidoodii ku waayey qaraxa Soobe waxba looma celinin”. Halka xukuumadda Xasan Kheyre ay qalalaaso gashay markii ay magacawday “Guddiga Taakuleynta iyo Tabarucaadka ee Gurmad qaran” Oktoobar 19, 2017, guddiga oo ka kooban 11 xubnood (8 rag ah iyo 3 dumar ah) ayaa waxaa ay durba isku dhaceen, kana horyimid wasaaradda gargaarka oo shaqadeedii lala wareegay tiiyoo keentay iney iscasisho November 15, 2017 wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed. Maryan Qaasim Axmed oo la hadashay Goobjoog News ayaa tiri “Waxaan xilkeyga uga tagay, waxaa igu adkaatay duruufta shaqo, aniga Institution si looga shaqeeyo Ayaan aqaanna, department dhisan ama wasaarad ha ahaato waan ka shaqeyn karaa, laakin shaqada marka ay isbarbar yaac tahay, wax walba isku qasan yihiin, waxba kala baxsaneyn, micnaha confusion badan ayaa laga qaadayaa,.. dowladeyda mucaarad kuma ahi, laakin duruuftan isbarbar yaaca ah waxaa igu adkaatay in aan ku shaqeeeyo”. Guddigan la magacaabay, inkasta oo umadda loo sheegay qaraxii October 14, hadana waxaa mas’uul looga dhigay iney lacag u aruuriyaan dad ku geeriyoodey seddex qarax oo gaarayey 656 qofood:- 587 waa KM5, halka tirada NH2 ka ahayd 46 iyo tirda Dugsiga Sare ee J. Kaahiye ay ahayd 23 qofood. Qaraxa Zoobe, dadka waxyeellada soo gaartay ayaa kala ahaa (B) Warato iyo muruqmaal, (T) Albaabley (dadka kireysta goob ay ku ganacsadaan), (J) Gaadiidlay oo u kal baxda: (bajaaj, taxsi, Bl, gaari xamuul ah) iyo qaar kale. Muddo 5 bil ah oo guddiga shaqeynayey waxaa soo gaarey deeqo isugu jirey lacag, agab caafimaad, raashin, iwm. Guddigu wixii aan ahayn lacag wuxuu ku wareejiyey heyadaha dowladda ee u xilsaaran adeegaas. Dhaqaalaha soo gaarey guddiga gurmadka wuxuu ahaa 4,402,684.63 Million oo Doolar, lacagtaas waxaa bixiyey shacabka Soomaaliyeed ee dal iyo dibad joogay halka Jabuuti ay ku tabarucday hal milyan oo doolar iyo dowladda federaalka ah oo ku dartay milyan oo doolar. Lacagaha ayaa kusoo dhacay: Dahabshiil Bank: 333,064.82, Salaam Bank: 2,211,318.87, premier Bank: 72,309.50, Amal Bank: 742,082.44, IBS Bank: 37,692.00, Central Bank: 1,000,000.00, Sahal A/C : 5,312.00 iyo Go Fund : 905.00. Sida ku qoran qoraalka rasmiga ah, tirada guud ee dadka loo gurmadey waxay gaareen 3,356 kuwaasoo isugu jira eheladii dadka geeryoodey, dhaawaca iyo agoonta oo heleen adeegyo kala gedisan sida Samir siin waalidka/dabshid iyo daweyn dhaawaca iyo daryeel carruurta agoontowdey. Dadkaas laga geeriyoodey waxay isugu jireen waalid waayey ubadkoodii biili jirey oo gablan ah, kuwo cudurro daashadeen laguna dayacey, islaamo asaay sida oo carruur fara badan haysta. Waalidka ubadkii ka geeriyoodey aysan u reebin ubad waxay guddiga siiyeen min kun dolar qoyskiiba (300 markii hore la siiyey iyo 700 dolar gadaal laga siiyey), halka waalidka ubadkoodii geeriyoodey ay ifka ku dhaafeen tiro carruur ah laga siiyey min $300 oo kaliya. Sida qoran warbixinta, Carruurta agoonta ah ee la diiwaangeliyey waxay gaareysey 1,398 da’dooduna waxay u dhexeysaa hal bil jir iyo 14 jiro, qaar hal waalid ka geeriyoodey iyo qaar labadii waalid ka geeriyoodeen, qaar waxbaranaya iyo kuwa aan helin fursad waxbarasho. 99 carruur ah ayaa xilligaas wax baranayey ay guddiga u sheegeen, halka 1,054 carruur aysan waxbaran, waxaana la hubin waayey 294 caruur ah. Qaar ka tirsan xubnihii guddiga oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay iney jireen balanqaad waxbarasho oo caruurta agoonta ah uga yimid Qater Charity(500), safaaradda Imaaraadka(300) iyo iyo Guddiga gargaarka Afriga(150) halka kuwa haray loo bandhigay dowladda federaalka ah, taasi oo aan dabagal iyo war laga heyn sida wax looga qabtay mar haddii guddigii iska kala tagay. Waxyaabaha la diiwaangeliyey waxaa ka mid ahaa dhaawacyo culculus oo xagga dhimirka iyo dareenkaba leh oo soo gaarey dhibanayaasha, baahiyaha ay qabeen wey ka fara badnaayeen, maaheyn wax dhaqaale kaliya lagu dabooli karo ama guddi ku meel gaar ah uu ka soo bixi karo, sugnaan la’aan tirakobka dhibanayaasha iyo arrimo kale. Guddiga waxaa ay Goobjoog News u sheegeen in 5 bil ay xogta ku wareejiyeen xafiiska ra’isul wasaare Xasan Kheyre oo ahaa mas’uulkii magacaabay iyo gobolka Banaadir isla markaana wixii gaabis ah ay tahay in iyaga la weydiiyo. Waxaa xusid mudan in ra’isul wasaarihii xilligaas iyo guddoomiyihii gobolka Banaadir labada shaqada laga ceyriyey. Ugu dambeyntii, waxaa isweydiin mudan halka ay ku dambeeyeen talooyinkii guddiga oo ay ku jireen: In la xoojiyo Wasaaradda Gargaarka iyo Mareynta Masiibooyinka loona dhammeystiro agabka, shaqaale tababaran si ka hortag, ka jawaabcelin iyo soo kabashaba ay u siin karto dadka masiibooyinka wax ku noqda Alle naguma keenee. In degdeg loo abuuro sanduuq dhaqaale oo lagu daryeelo carruurta ku agoontowda colaadaha, abaaraha, qaraxyada iyo masiibooyinka kale. In la maalgeliyo canshuur dhaaf lix bilood ah loo sameeyo ganacsatada aagga Soobe si ay dhaqso uga sookabtaan burburkiihantiyeed ee soo gaarey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Ambasador James Swan ayaa looga hadlay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee maanta oo kale saddex sano ka hor ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay iyo hay’adaha caalamiga ah ee la shaqeeya ay xasuusan yihiin dhibaatadii xooganeyd ee shacabka ka soo gaartay qaraxaasi oo noqday inta la’ogyahay kii ugu xooganaa ee ka dhaca gudaha Soomaaliya. “Si kastaba ha ahaatee, arxan-darradii waxashinimada ahayd ee weerarkii 14kii Oktoobar 2017 lama iloobin, waxaana murugada la qaybsanaynaa qoysaska dadkii naftooda ku waayay, iyo sidoo kale dadkii ka badbaaday,” ayuu yiri Ergeyga QM. Warka ka soo baxay xafiiska James Swan ayaa sidoo kale waxaa lagu yiri “Bahda Qaramada Midoobay, oo la jirta dadka Soomaaliyeed, waxay diiradda saaraysaa mustaqbalka iyo in la sii wado amba-qaadista horumarka ku aaddan nabadda, dowlad wanaagga, iyo barwaaqo ku-soo-dabbaalidda [dalka]”. Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay in kadib qaraxii Zoobe ay dadka Soomaaliyeed ay muujiyeen adkeysi, islamarkaana ay ku tallaabsadeen horumar dhinac kasta leh. “Horumarkii lagu tallaabsaday laga soo billaabo 2017kii wuxuu ka turjumayaa adkeysiga dadka Soomaaliyeed iyo rabitaankooda ku aaddan mustaqbal wanaagsan inkastoo ay jirto dhibaatada xagjirnimada gacan-ka-hadalka leh.” ayaa markale lagu yiri warbixinta. Saddex sano kadib, gaar ahaan 14-kii October sanadkii 2017-kii dadka Soomaaliyeed ayaa weli xasuusan wixii ka dhacay igosyka Zoobe ee magaalada Muqdisho, kadib markii uu ku qarxay gaari weyn oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo ay ku dhinteen illaa 600 oo qof, kuna dhaawacmeen tiro kor u dhaafeyso illaa kun ruux oo u badan dad rayid ah. The post Qaramada Midoobay oo soo saartay war la xiriira qaraxii Zoobe first appeared on Caasimada Online.
-
Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee UNSOM, ayaa maanta oo Arbaco ah xusay Sannad-guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay 14-kii October 2017, markaas oo uu Soomaaliya ka dhacay Qaraxii ugu khasaaraha badnaa Taariikhda Afrika. Qoraal ka soo baxay xafiiska wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay maanta xustay Dhibbanayaashii weerarkii foosha xumaa ee Muqdisho ka dhacay 14-kii October 2017. “Arxan-darradii waxashinimada ahayd ee weerarkii 14kii Oktoobar 2017 lama iloobin, waxaana murugada la qaybsanaynaa qoysaska dadkii naftooda ku waayay, iyo sidoo kale dadkii ka badbaaday,” ayuu yiri Mr Swan. Dadka Soomaaliyeed ayaa weli xasuusan, Musiibadii banii’aadanimo ee ka dhalatay Qaraxii Soobe, kaas oo maalin Sabti ah 14-kii October 2017 ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, islamarkaana ay ku dhinteen ku dhowaad lix boqol oo ruux, halka boqollaal kalena ku dhaawacmeen. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo xustay Sannad-guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay Musiibadii Soobe appeared first on Puntland Post.
-
Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee UNSOM, ayaa maanta oo Arbaco ah xusay Sannad-guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay 14-kii October 2017, markaas oo uu Soomaaliya ka dhacay Qaraxii ugu khasaaraha badnaa Taariikhda Afrika. Qoraal ka soo baxay xafiiska wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay maanta xustay Dhibbanayaashii weerarkii foosha xumaa ee Muqdisho ka dhacay 14-kii October 2017. “Arxan-darradii waxashinimada ahayd ee weerarkii 14kii Oktoobar 2017 lama iloobin, waxaana murugada la qaybsanaynaa qoysaska dadkii naftooda ku waayay, iyo sidoo kale dadkii ka badbaaday,” ayuu yiri Mr Swan. Dadka Soomaaliyeed ayaa weli xasuusan, Musiibadii banii’aadanimo ee ka dhalatay Qaraxii Soobe, kaas oo maalin Sabti ah 14-kii October 2017 ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, islamarkaana ay ku dhinteen ku dhowaad lix boqol oo ruux, halka boqollaal kalena ku dhaawacmeen. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo xustay Sannad-guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay Musiibadii Soobe appeared first on Puntland Post.
-
Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxaa Goor dhowayd ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo lagu magacaabi jiray Cabdikariim Aw Cali Shabeel. Warar la helayo ayaa sheegaya in Xildhibaan Cabdikariim uu maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay gudaha Hargeysa, hayeeshee xanuunkii uu haayay u geeriyooday, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah Eheladiisa. Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland iyo Mas’uuliyiin kale ayaa tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel oo kamid ahaa Golaha Wakiilada Maamulkaas. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoonka Golaha Wakiilada ayaa weli ka hadlin geerida Allaha u naxariistee Marxuum Cabdikariim oo la sheegay inuu maalmihii lasoo dhaafay xanuunsanayay. Source
-
Madaxweynaha dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa waxaa uu sheegay inuu doonayo in Ciidanka Mareykanka ee ku sugan gudaha Soomaaliya laga soo saaro, sida ay shaaciyeen qaar kamid ah La-taliyaashiisa. Warar kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in bishii September 2020 kulan gaar ah oo ka dhacay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ay Madaxda dowladda dowladda Soomaaliya iyo Taliska AFRICOM ay uga wada hadleen arrimo ku aadan Ciidanka Mareykanka. Mareykanka ayaa taakuleyn sare siiya ciidamo ay maamulaan oo ku sugan gudaha Soomaaliya, gaar ahaana Koonfurta oo ay taageero iyo howlgaladaba la fuliyaan Ciidanka Xoogga dalka ee DANAB iyo Puntland oo ay mudo dheer caawinayeen ciidanka PSF. Ilaa 700 oo askari oo Mareykan ah ayaa ku sugan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo tababara ciidmaada Soomaaliya, isla markaana waxaa ay xarumo ku leeyihiin qeybo kamid ah dalka. Sidoo kale Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa duqeymo diyaaradeed ka fuliya gudaha dalka, kuwaasi oo inta badan la beegsada Saldhigyo iyo fariisiyo ay leeyihiin Al-shabaab, waxaana duqeymaha qaarkood lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab. Bixitaanka ciidamada Mareykanka ayaa la sheegey in ay qayb ka tahay Ololaha doorashada ee Madaxweyne Trump oo ah in ciidamada Ameerikaanka ee daafaha dunida jooga dib loo celiyo. Source
-
Waxaa maanta oo Arbaca ah markii ugu horreysay kulan fool ka fool ah yeelanaya Israa’iil iyo Lubnaan oo ka wadahadli doona xaduuda badda oo ay isku heystaan. Murrankan xaduuda badda ee u dhaxeeya Lubnaan iyo Israa’iil ayaa soo socday tan iyo sannadkii 2011 kadib markii labadaasi dal ay Qaramada Midoobay wada geysteen khariirado iskhilaafsan. Wadahadalkan waxaa soo diyaariyey dowlada Maraykanka oo dhex dhexaadineysa labada dhinac, wuxuuna kulankan ka dhacayaa tuulada Naqawra oo ku taal koonfurta Lubnaan, waxaana goobtaasi gacanta ku haya ciidamada Qaramada Midoobay. Maraykanka ayaa sanadadii lasoo dhaafay waday dadaalkan xili Israa’iil iyo Lubnaan labaduba daneenayaan gaaska laga helay bariga badda Mediterranean-ka. Lubnaan oo aan aqoonsaneyn Israel ayaa horey wadahadalka ugu xidhay sharuuda ah in wadahadalkaasi aanu ku koobnaan oo kaliya xaduuda badda balse sidoo kale ay qeyb ka noqotay dhulka ay isku heystaan labada dhinac. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka ee Soomaaliya, islamarkaana loo yaqaano NISA ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay maadada laga sameeyo qaraxyada ee Sulfuric Acid iyo shaqsiyaadkii dalka soo geliyey. War qoraal ah oo ka soo baxay NISA, laguna shaaciyey barta Twitter-ka ee hay’addaasi ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen kiimiko 79 tan oo ah maadada Sulfuric Acid iyo dadkii waday. Sidoo kale NISA ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in loo waday dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo weli weeraro qaraxyo ah iyo dagaallo ka wada gudaha dalka. NISA ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in dadka la soo qabay ay mari doonaan sharciga, islamarkaana baaritaanka lagu hayo ay iska kaashan doonaan NISA & hay’adaha ay iska kaashadaan ladagaalanka waxa loogu yeero Aragagixisada. “Waxaa gacanta lagu dhigay 79, Tan oo maadada “Sulfuric Acid”ah & Shakhsiyaadkii dalka soo galiyey, una gudbinayey Maafiyada Alshabaab, waxayna wajihi doonaan Sharciga. Baaritaanka Maadadan waxaa ka wada shaqaynaya NISA & Hey’adaha ay iska kaashadaan ladagaalanka Aragagixisada,: ayaa lagu yiri warkan qoraalka ah. Ma shaacin NISA halka lagu qabtay kiimikadaasi laga sameeyo qaraxyada ee ay sheegtay in loo waday kooxda Al-Shabaab iyo tirada dadka gacanta lagu dhigay. Si kastaba ha’ahaatee marar badan ayaa horey loo shaaciyey in Al-Shabaab hubka ay adeegsato uu ka yimaado dibadda, islamarkaana si qarsoodi ah lagu soo geliyo dalka. The post NISA oo gacanta ku dhigtay kiimikada qaraxyada oo loo waday kooxda Al-Shabaab first appeared on Caasimada Online.
-
(SLT-Addis Ababa)-Hoggaanka Sirdoonka dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea ayaa ku shir uga socdaa magaalada Adis-ababa ee magaalo madaxda dalka Itoobiya, sida loo xaqiijiyey warbaahinta. Lama oga waxa uu khuseeyo kulanka illaa iyo haddana wax war ah kama soo bixin shirkan ay isugu yimaadeen hogaanada sirdoonka ee seddexdan dal. Wuxuu kusoo aadayaa kadib markii madaxweyne Farmaajo toddobaadkii hore uu booqasho kadis ah ku tagay magaalada Asmara, isagoo halkaas kula kulmay madaxweyne Isaias Afwerki, waxaana safarkaasi shaki ka muujiyey siyaasiyiinta mucaaradka Soomaalida. Dhanka kale madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa booqasho laba maalmood ah ku tagey magaalada Adis-ababa isagoo halkaas kula kulmay raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Source
-
Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan Maaddada loo yaqaanno (Sulfuric Acid) taasi oo kamid ah wax yaabaha loo isticmaalo sameynta qaraxyada. Hay’adda Nabad sugudda iyo Sirdoonka Waranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa qoraal ay soo dhigtay boggeeda Twitterka ayay ku sheegtay in gacanta ay ku dhigeen 79 ee madadaasi Sulfuricga ah iyo shaqsiyaadkii keenay dalka,kuwaasi oo ay sheegtay in ay u gudbinayeen maleeshiyada Alshabaab. Hay’adda NISA ayaa sheegtay baaritaan sharci ah ay wajihi doònaan,iyadoo ay iska kaashanayaan hay’adaha kala shaqeeya la dagaalanka Argagixisada. View the full article
