-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maxay Qaramada Midoobey Ka Tiri 3 Sano Kadib Qaraxii Zoobe?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Munaasabadda sanad-guurada saddexaad ee ka soo wareegtay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee 14kii Oktoobar 2017 ka dhacay magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, Qaramada Midoobay ayaa arbacadii waxaa ay xustay dhibbanayaashii iyo dadkii ka badbaaday weerarkaas foosha xumaa waxayna carrabka ku adkeysay sida ay hay’adda adduunku u garab taagantahay dhammaan dadka Soomaaliyeed. “Bahda Qaramada Midoobay, oo la jirta dadka Soomaaliyeed, waxay diiradda saaraysaa mustaqbalka iyo in la sii wado amba-qaadista horumarka ku aaddan nabadda, dowlad wanaagga, iyo barwaaqo ku-soo-dabbaalidda [dalka]”. Horumarkii lagu tallaabsaday laga soo billaabo 2017kii wuxuu ka turjumayaa adkeysiga dadka Soomaaliyeed iyo rabitaankooda ku aaddan mustaqbal wanaagsan inkastoo ay jirto dhibaatada xagjirnimada gacan-ka-hadalka leh. Si kastaba ha ahaatee, arxan-darradii waxashinimada ahayd ee weerarkii 14kii Oktoobar 2017 lama iloobin, waxaana murugada la qaybsanaynaa qoysaska dadkii naftooda ku waayay, iyo sidoo kale dadkii ka badbaaday,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigtay lacag gaareysa 9.26 milyan oo dollar oo wax looga qabanayo fatahaadaha ku soo laa-laabtay gudaha dalka. Sanduuqa gargaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in lacagtaasi lagu bad-baadin doono nolosha illaa 3oo,ooo oo ruux oo Soomaali ah oo ay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay fatahaado ku dhuftay qeybo ka mid ah Soomaaliya. Lacagtaasi $8.18 milyan oo ka mid ah waxaa loo isticmaali doonaa raashiin gargaar ah, meelo ay barakacayaashu ka dhigtaan hoy, faya dhowrka nadaafadda, daryeelka caruurta iyo xad-gudubyada dhinaca jinsiga. Sidoo kale hal milyan oo qeyb ka ah lacagtaasi ayaa loo weecin doonaa dhinacyada caafimaadka, quudinta waxbarashada iyo dhowrista caruurta Soomaaliyeed. Sida lagu sheegay warbixinta lacagahan ayaa waxaa la marsiin doonaa hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya samafalka, si ay gargaar u gaarsiiyaan dhammaan dadka ay saameeyeen fatahaadaha ay geysteen webiyada Jubba iyo Shabelle ee dalka. “Lacagtaasi oo uu soo uruuriyey sanduuqa gargaarka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa ururada samafalka ay deeqo ku gaarsiin doonaan dadka aadka u nugul ee ku waxyeeloobay fatahaadaha ku dhuftay Soomaaliya,” ayuu yiri xiriiriyaha arrimaha gargaarka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Mudane Adam Abdelmoula. Meelaha deeqahaasi gargaar la gaasiin doono waxaa ka mid ah goballada Banaadir, Hiiraan, Jubbadda Hoose, Shabeelaha dhexe iyo Shabeelaha Hoose oo ka mid ah meelaha ugu daran ee ay saameynta xoogan ku yeesheen fatahaadaha ka jira dalka. Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyey la daala dhaceysay dhibaato xoogan oo ka dhalatay fatahaado soo laa-laabtay oo ku dhuftay dalka, waxaana QM ay horey u sheegtay in saddex milyan oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar bani’aadanimo oo deg-deg ah. The post Qaramada Midoobay oo bad-baadineyso nolosha 300,000 oo Soomaali ah (Warbixin) first appeared on Caasimada Online.
-
Sanduuqa gargaarka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo bandhigay 9.26 milyan oo dollar oo loo adeegsan doono in lagu badbaadiyo nolosha ku dhowaad 3oo,ooo oo ruux oo Soomaali ah oo waxyeelo ay horey uga soo gaartay fatahaado ku dhuftay dalka Lacagtaasi oo qeyb ka ah qorshaha gargaarka deg-deg ah ee QM ee Soomaaliya ayaa la sii marsiin hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn, si ay gargaar u siiyaan dadka ku nool gobalada Banadir, Hiiraan, Jubbadda Hoose, Shabeelaha dhexe iyo Shabeelaha Hoose oo ka mid ah gobollada ugu daran ee ay saameynta xoogan ku yeesheen fatahaadaha ay sameeyeen webiyada Jubba iyo Shabelle. Dhammaan lacagtaasi oo uu soo uruuriyey sanduuqa gargaarka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa ururada samafalka ay deeqo ku gaarsiin doonaan dadka aadka u nugul ee ku waxyeeloobay fatahaadaha ku dhuftay Soomaaliya, sidaasi waxaa yiri xiriiriyaha arrimaha gargaarka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Adam Abdelmoula. Sidoo kale waxaa uu sheegay iyada oo uu billowday xilli roobaadka Deyrta loo baahnaan doono lacag kale oo deeq ah oo loogu fulinayo howl-gallada gargaarka bani,aadanimo, si loo sameeyo dib u kabasho ka dhacda dalka oo dhan. 8.18 milyan oo dollar oo ka mid ah lacagtaasi ayaa loo adeegsan doono raashiin gargaar ah, meelo ay dadka ay ka dhigtaan hoy, faya dhowrka, nadaafadda, daryeelka caruurta iyo xad-gudubyada dhinaca jinsiga. Hal milyan oo dollar oo qayb ka lacagtaasi ayaa sidoo kale loo weecin doonaa dhinacyada caafimaadka, quudinta waxbarashada iyo dhowrista caruurta Qaramada Midoobay ayaa hore u sheegtay in saddex milyan oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar bani’aadanimo oo deg deg ah. View the full article
-
Wararka laga helayao gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo marayey duleedka degmada Afgooye ee gobolkaasi. Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Dagaalka ayaa xoogiisu wuxuu ka dhacay deegaanka Buulow oo hoos yimada magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, sid aay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaas ay ku dileen illaa 25 askari, ayna ku gubeen gaadiid dagaal, sida ay hadalka u dhigeen. Weli ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba. Xaaladd ayaa saaka degan, balse ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo warramayaa inay howl-gallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan halkaasi. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa naqdiyay heshiiska ay xukuumadda la gashay shirkadda Trafigura. Siyaasi Cali Guray ayaa qoraal uu arrinta kaga hadlay oo ay Somalilandtoday ka soo xigatay barta uu ku leeyahay Facebook-ga waxa ku yidhi sida tan: “Ma laga yaabaa fadeexaddii ugu waynayd ee abid soo marta Somaliland in ay noqoto heshiiska lala galay shirkaddan??? Marka laga eego dhinacyada sharciyadda heshiiska mugdiga iyo madmadowga ah ee lala galay, saamaynta shirkadaha waddaniga ah, Iyo ta ugu daran oo ah dacwadaha kaga socda Shirkaddan dalal badan oo dunida ah iyo taariikhdeeda madow ee shaqada qashinka nukeliyarka ee dalalka horumaray sharkado ka mid ah ay qandaraasyada ku siiyeen in ay meelo kale oo ka baxsan dalalkooda ay ku aasto? Sida fudud ee Wasiirka Ganacsigu uu isaga saxeexay ama la yidhi isaga saxiix iyo khilaafkii gudaha kulmiye gaar ahaan soo dedejinta bedelaadda Gudoomiye xigeenka 4aad wax xidhiidh ahi ma ka dhexeeyaa? Shirkaddu waxa la xaqiijiyay in sanad keliya lacagta ay laaluushka u bixisay ay gaadhayso 3, 000,000,000 ( sadex kun oo milyan ama 3bilyan) Somaliland lafteeda in kastoo aan la xaqiijin hadana wax aan badnayn ayaa la sheeg sheegayaa? Waxa loo baahan yahay oo waajib ku ah in xukuumaddu ay wax badan ka iftiimiso madmadowga ku jira heshiiska lala galay shirkaddan iyo danta ugu jirta Somaliland oo aan ahayn iska dheh ee run ah oo la taaban karo. Baarlamanka Somaliland ma laaluushka la sheegayo ayay wax ka soo gaadheen maxay wax uga sheegi waayeen heshiiska shirkaddan? Maye xisbiyadii mucaaridka sheeganayay? Maye ganacsatadii shidaalka ee waddaniga ahaa? Waa maxay bustahan qoyan ee lagu deday? Wax baa si ah oo wax wayn baa si ah.? Tan dadkeediina gaajo ha ugu dhex macaluulaan qoysasna milyan dheero malaydheero waxoodii ha ku noqdaan wax la qaadan karo maaha. Dalka miyaan la wada lahayn? Miyaan loo soo wada halgamin (Kii hore iyo kan dambeba)? Waa kee ka isagu keligii u soo halgamay ama nooga halgan badnaa ee xaq u leh wax aanan xaq u lahayn? Bal waa aniga i ha yidhaahdo. Waxa la doonayaa Somaliland la wada leeyahay, loo wada siman yahay oo la wada ilaashado Source
-
(SLT-Hargeysa)-Maamulka Gobolka Maroodi Jeex ayaa Hakiyay Xaysiisyadda Caleemo Saarka Cuqaasha iyo Murashaxiinta aan si rasmi ah loogu diiwaan gelinin ka qayb galka doorashooyinka soo socda. qoraal kooban oo ay ku baahiyeen maamulka Gobolku bogga ay ku leeyihiin Degelka Facebook, waxaana uu qoraalkaasi u dhignaa sidan “Waxa gabi ahaanba laga joojiyey Degmooyinka iyo Jidadka Gobolka Maroodijrex Boodhadhka Xayeysiiska ah ee ku saabsan: Boodhadhka lagu xayeysiiyo Caleemo saarka Salaadiinta iyo Cuqaasha reeraha. 2. Boodhadhka Dad isku sheegaya Musharixiin iyagoon wali buuxinin shuruudihii musharaxnimo ee u yaalay Xisbiyadii Qaranka & Commissionka Doorashooyinka Qaranka. Source
-
Kani waa sawir hore Wararka ka imaanaya duleedka degmada Boocame ee Gobolka Sool, ayaa sheegaya in halkaasi ay isku urursanayan malayshiyaad hubaysan oo u dhashay degaanka, kuwaas oo ay abaabushay Somaliland. Malayshiyaadka hubaysan oo sheegtay in ay yihiin Somaliland, islamarkaana wata Calanka maamulkaas, ayaa doonaya in ay Puntland ka qabsadaan degmada Boocame, kadibna ay halkaas ku soo dhoweeyaan Ciidamada Somaliland. Saraakiisha hoggaaminaysa malayshiyaadka Boocame, ayaa Somaliland ka haysta ballan-qaadyo muhiim ah, haddii ay hirgeliyaan damaca Hargeysa ku doonayso qabsashada degmada Boocame ee Gobolkaas Sool. Dhinaca kale, Puntland ayaan weli wax tallaabo ah qaadin, xilli uu socdo abaabulka xooggan ee Somaliland ugu jirto in ay gacanta ku dhigto degmada Boocame oo ku taalla dhul istiraatiiji u ah Gobollka. PUNTLAND POST The post Somaliland oo malayshiyaad hubaysan ka abaabushay Boocame appeared first on Puntland Post.
-
Taliye ciidamada Xoogga oo safar deg-deg ah ku tegay Doolow
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Odawaa Yuusuf Raage iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooloow ee Gobolka Gedo, halkaasi ay ku soo dhaweeyeen Sariisha Ciidanka Qalabka Sida ee gobolkaasi ku sugan iyo Maamulka Gobolka Gedo, kuwaasi oo ay kamid yihiin Taliyaha Howlgalinta Guutada Gorgor Cumar Deeq, Guddoomiyaha Gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji Macalimuu, Madaxa Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Diini, Taliyaha Ciidamadda Xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke Taliyaha Qeybta Booliska Cabdiqaadir Biixi, Maamulka Degmada Doolow Soomaaliya iyo qaar ka mid ah sarakiisha Ciidankaa NISA ee Degmooyinka Doolow. Luuq iyo Masuuliyiin Kale. Wafdiga Taliyaha waxaa ka mid ah Taliyaha Qeybta 43-aad ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Bogmadoow iyo Taliyaha Guutada 12-aad ciidanka xoogga dalka Jeneraal Sanka. Ujeedka safarka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ku tegay ayaa ahaa sidii uu u kormeerilahaa xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolkaasi, isla markaasna ugu kuurgeli lahaa shaqada adag ee Qaranka ay u hayaan ciidanka. Taliyaha Ciidanka ayaa inta uu ku suganyahay Gobolka Gedo wuxuu gaari doonaa magaalooyinka Beled-Xaawo Garbahaareey iyo Luuq ee Gobolka Gedo ka tirsan. View the full article -
(SLT-Washington)-Wiil uu dhalay madaxweyne Trump oo 14 jir ah ayaa laga helay fayraska Korona balse sida ay sheegtay marwada koowaad ee Mareykanka, Melania Trump, wiilkaasi oo lagu magacaabo Barron ayaa cudurka haatan ka bogsaday. Melina ayaa sheegtay inay aad uga cabsatay xaaladda Barron kaddib markii laga helay cudurka Covid-19. Balse waxay intaa ku dartay in nasiib wanaag uu yahay wiil da’yar, sidaa awgeedna ayna ka muuqan astaamihii cudurkaasi. Madaxweyne Trump iyo xaaskiisa Melina ayuu hore cudurkan u haleelay balse haatan ka bogsaday. Trump ayaa markii dambe sheegay in wiilkiisa Barron uu xanuunkani hayay muddo aad u yar isla markaana uu ka bogsaday maadaama buu yidhi difaaciisa jidhka uu aad u wanaagsan yahay. Waxa uu intaasi ku daray in Barron uu tusaale fiican u yahay carruurta dalkaasi Mareykanka iyo sida ay adkaysiga ugu yeelan karaan cudurkaasi, sidaa awgeedna ay tahay in dugsiyadda dalka dib loo furo sida ugu dhakhsaha badan. Arrintaasi ayaa waxaa aad uga soo horjeesaday ururka midowga macallimiinta dalkaasi, kuwaa oo ku doodaya in ay suurtagal tahay in macallimiin badan ay qaadaan cudurkaasi. Sida ay sheegtay jaamacadda Johns Hopkins, cudurka Covid-19 ayaa guud ahaan dalkaasi Mareykanka waxa uu soo ritay 7.8 milyan oo qof halka ay u dhinteen qiyaastii 216,000 oo qof. Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Subax-15102020.mp3 View the full article
-
Wasaaradda Caafimaadka Puntland, ayaa saaka oo Khamiis ah shaacisay in ay hoos u dhigtay khidmadda lagu sameeyo Shahaadada bed-qabka xanuunka COVID-19. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Caafimaadka Puntland, ayaa lagu sheegay in $35 Dollar laga dhigay khidmadda laga qaado dadka dibadda u safraya ee doonaya Shahaadada bed-qabka COVID-19, kuwaas oo horay looga qaadi jiray lacag dhan $50 Dollar. Waxa xusind mudan, in wasaaraddu Khidmaddaas ku bilowday $68 Dollar, balse ay $50 Dollar ka dhigtay kadib markii cabashooyin badan uga yimaadeen dadka danyarta ah ee aan awoodin in ay bixiyaan lacagta intaas le’eg. Ha yeeshee, mar kale ayaa cabashooyin ka yimaadeen qiimaha laga qaado shahaadada bed-qabka COVID-19, taas oo keentay in wasaaraddu khafiifiso, islamarkaana ka dhigto $35 Dollar, inkastoo weli ay saa’id tahay marka loo eego degaannada kale ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Puntland oo khafiifisay qiimaha lagu sameeyo Shahaadada bed-qabka COVID-19 appeared first on Puntland Post.
-
A global maritime body on Wednesday urged foreign vessels to remain vigilant as they transit the Arabian Sea and the Gulf of Aden despite lull in piracy incidents off the coast of Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo la qaaday guud ahaan dhagxaantii la dhigay wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho, islamarkaana munaasabad lagu furayay wadooyinkii xirnaa Talaadadii lagu qabtay Muqdisho, ayaa haddana waxaa wali adag marista waddooyinkaas. Wadayaasha gaadiidka BL-ka, kuwa wada gaadiidka waa weyn iyo darawalada gaadiidka raaxada ah ayaa sheegay in askar ka tirsan Booliska Soomaaliya oo ku sugan waddooyinkii la furay ay gaadiidka ku amrayaan in ay laabtaan haddii aysan bixin lacag ay ku sheegeen qorrax joog. “Shalay iyo maantaba waxaan dhowr isgoys ku soo maray lacag cel celis ahaan dhan $9, hadii aadan bixin ma gudbi kartid sababtoo waxaa muuqata in wali uusan dhaqan gelin amarkii dowladda,” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyarada magaalada Muqdisho kana tirsan darawalada gaadiidka raaxada kuwata Muqdisho. “Marka hore waxaa lagu weydiinayaa aqoonsi, kadib waxaa lagaa rabaa qorrax joog haddii aad diido waxaa lagu leeyahay jardiinka aad, ama Sanca aad ama Isgoys hebel aad mana lagu sheegayo sababta, arrintaan waxaa fulinaya askarta oo kaliya ma arkin taliye,” ayuu yiri qof kale oo kamid ah darawalada gaadiidka Muqdisho. Sanadihii la soo dhaafay bixinta lacagta laaluushka ee wadooyinka lagu maro waxay aheyd mid caadi ah, balse hadda waxay arrintaan uga badalan-tahay kuwii hore in dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday in la furay qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho. The post Dhagxaantii laga qaaday jidadka MUQDISHO oo ay beddeshay caqabad cusub first appeared on Caasimada Online.
-
NEW YORK/NAIROBI (Reuters) - Somalia’s Islamist insurgents are moving millions of dollars through the formal bank system and appear to be investing in businesses and real estate, according to a United Nations report offering a rare glimpse into their finances. Source: Hiiraan Online
-
Nuqul ka mid ah buuggii ugu horreeyey uu qoray qoraagi weynaa ee reer Britain Shakespeare oo lagu soo bandhigay magaalada New York ayaa lagu iibiyey 9.98 malyan oo doolar. Buuggan ayaa la daabacay 1623-kii toddoba sano kaddib dhimashada Bard, waxaana lagu soo uruuriyey ruwaayadahiisa. 235 nuqul oo ka mid ah buuggaasi ayaa la sheegay in mela kala duwan laga helo balse nuqulka dhammeystiran uu gacanta ugu jiraa cid gaar ah. Buuggan oo Arbacadi la iibiyey ayaa noqonaya nuqul dhammeystiran oo qiima intaa le’eg lagu iibiyo tani iyo 2001-dii, iyada buuggi kan ka horreeyey lagu iibiyey 6.1 malyan oo doollar. Waxaana buugga iibisay kulliyadda Mills ee ku taallo Oakland, California oo ah kulliyad gaar loo leeyahay oo buuggaasi tani iyo 1960-kii gacanta ku haysay. Balse cidda buugaasi iibsatay markiba lama ogaan. Suuqa xaraajka ee Christie qiimaha buuggaasi lagu iibin karo marki hore wuxuu ku qayaasay 4 malyan ilaa iyo 6 malyan oo doolar. Buuggan ugu horreeyey uu qoray Shakespeare ee 10-ka malyan oo doolar lagu iibiyey waxaa lagu soo uruuriyey 36 ka mid ah ruwaayadahiisi ugu caansanaa. Source
-
(SLT-Riyadh)-Sucuudiga ayaa ku guul-darreystay inuu xubin ka noqdo, Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, hase yeeshee waxaa Golahan oo ka kooban 47 waddan ka mid noqday dalalka si aad ah ugu tuntay xuquuqda aadanaha oo ay ka mid yihiin Shiinaha iyo Ruushka. Doorashada lagu soo xulay xubnaha cusub ee Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee QM oo aheyd mid qarsoodi ah, ayaa waxaa shalay ka mid noqday dalalka Bolivia, Britain, China, Cuba, France, Gabon, Ivory Coast, Malawi, Mexico, Nepal, Pakistan, Russia, Senegal, Ukraine iyo Uzbekistan. Saddex sanno ayay ka mid ahaan doonaan Golaha, waxaana muddo xileedkooda uu u billaabmi doonaa koowad bisha Jeeniwari ee sannadka 2021. Sacuudiga oo dhaqaale xooggan ku bixiyo QM, ayay khubarradu sheegeen, inuu ku waayay kursiga uu u tartamay, dagaalka uu ka wado Yemen oo sababay masiibo bani,aadannimo tii ugu xumeyd ee aduunka lagu arko sannadihi dhawaa, iyo dilkii wariye Jamal Kashikji oo lagu eedeeyay inuu amarkiisa lahaa dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salman. Ka mid noqoshada dalalka Shiinaha iyo Ruushka ay ka mid noqdeen Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Shiinaha, ayaa cambaareyn xooggan kala kulmay hey’adaha caalamiga ah ee xuquuqda aadanha. Source
-
Geneva (Caasimada Online) – Saudi Arabia ayaa Talaadadi ku guul-darreystay inuu xubin ka noqdo, Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, hase yeeshee waxaa Golahan oo ka kooban 47 waddan ka mid noqday dalalka si aad ah ugu tuntay xuquuqda aadanaha oo ay ka mid yihiin Shiinaha iyo Ruushka. Doorashada lagu soo xulay xubnaha cusub ee Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee QM oo aheyd mid qarsoodi ah, ayaa waxaa shalay ka mid noqday dalalka Bolivia, Britain, China, Cuba, France, Gabon, Ivory Coast, Malawi, Mexico, Nepal, Pakistan, Russia, Senegal, Ukraine iyo Uzbekistan. Dalkaas ayaa saddex sano mid ahaan doona Golaha, waxaana muddo xileedkooda uu u billaaban doonaa koowad bisha Jannaayo ee sannadka 2021. Sacuudiga oo dhaqaale xoogan ku bixiyo QM, ayay khubarradu sheegeen, inuu ku waayay kursiga uu u tartamay, dagaalka uu ka wado Yemen oo sababay masiibo bani,aadannimo tii ugu xumeyd ee aduunka lagu arko sannadihi dhawaa, iyo dilkii wariye Jamal Kashikji oo lagu eedeeyay inuu amarkiisa lahaa dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salman. Ka mid noqoshada dalalka Shiinaha iyo Ruushka ay ka mid noqdeen Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Shiinaha, ayaa cambaareyn xoogan kala kulmay hey’adaha caalamiga ah ee xuquuqda aadanha. The post Sacuudiga oo ku ceeboobay cod-bixin ka dhacday QM first appeared on Caasimada Online.
-
Dawlada Jabuuti oo xil u magacowday orodyahanka Mo Farah Maxamed Faarah oo loo yaqaano (Mo Farah) ayey dowladda Jabuuti u magacowday Safiirkooda Maamulka Dekeddaha iyo aagga xorta ah (DPFZA). Dowladda Jabuuti ayaa dib u qaabeyn ballaaran ku sameyneysa hanaankeeda ayaa marso taariikhi ah u rogtay degmo ganacsi, xafladii arintaas lagu maamuusayay ayey uga dhawaaqeen magacaabista Mo Farah. Waxaan ku faraxsanahay inuu nagala soo qeyb galo Mo Farah xaflada lagu daah furayo dib u cusbooneysiinta Dekeda Jabuuti. DPFZA waxay ku faraxsan tahay in Sir Mo uu noqdo safiirkeenna, waxaana rajeyneynaa inaan iska kaashanno mashaariicda mustaqbalka” ayaa lagu soo qoray twitter-ka. “Cilaaqaadka Jabuuti iyo Mudane Mo Faarax waa mid qoto dheer, waxaan ku faaneynaa in aan si wadajir ah uga shaqeyno si aan u soo bandhigno awoodaha aan la shaacin ee qaaradda Afrika” ayaa la raaciyay. Ciyaariyahankaan dunida rikoorada ka dhigay ayaa ku dhashay Gabiley oo ka tirsan dhulka Somaliland, waxaana la ogyahay iney Jabuuti kula tartanto dhanka dekeddaha, taasna waa sheeko xiiso leh. Ismaaciil Cumar Geelle oo qudbad laga siiyay furitaanka munaasabadda ayaa sheegay iney dowladiisa bilowday hiigsigooda 2035, wuxuuna doonayaa in dalkiisa noqdo xarun udub dhexaad u ah ganacsiga dunida. Qaran News
-
Libya waa wadan dhaca waqooyiga Africa, waana wadan uu Alle ku manaystay keydka shidaalka 4aad ee ugu badan Africa iyo kan 10aad guud ahaan aduunka. Dalkan ayaa sidookale xuduud xaga badda Mediterranean-ka kala leh qaaradda Yurub taasoo sahashay xiriir dhaqaale dhow oo dhexmara Libya iyo Yurub. Waxii ka horeeyey kacdoonkii gu’ga Carbeed 2011-kii, Libya waxay aheyd wadan ka amni iyo nolol wanaagsan waqtigan. Kacdoonkii meesha looga saaray hogaamiyihii waqtiga dheer xukumayey dalkaas ee Qaddafi ayaa siyaasad ahaan kayara duwanaa kuwii kadhacay wadamada kale. Arrintaan ayaa waxaa loo sababeyn karaa galaangalkii siyaasadeed ee Qaddafi kulahaa gobolka iyo guud ahaan aduunka, erayadiisii qayaxnaa ee kuwajahnaa wadamada khaliijka iyo reer galbeedka, taageeradiisii jabhadihii hubeysnaa ee kajiray gobolo farabadan oo caalamka ah, balaarintii shirkadda shidaalka Oil-Libya oo meesha kasaartay shirkaddo reer galbeed ah oo waaweyn iyo hankiisii ahaa inuu dhiso hal dowlad oo ay Afrika kumideysan tahay. Kadib dagaal qaraar oo ugu danbeyn lagu qaarijiyey Qaddafi, waxay inta badan dadku ku wareersan yihiin waxa ku dhowaad 10 sanno kadib Libya ka hortaagan hankii ahaa inay helaan hanaan dowladnimo oo ku asteysan dimuquraadiyad oo asal u aheyd kacdoonkii meesha looga saaray Qaddafi. Hadaba, si aan u helno jawaabta arrintaas, aan markahore cadeyno taariikhda soojireenka ah iyo gacmaha ku-kulmay Libya. Saameyta xukunkii milatariga: Bulshada reer Libya oo waqtidheer kuhoos jiray hanaan kaligii talis ah, taasoo sida caadiga ah keenta inay dadku kala saari waayaan wadaniyadda, dal jaceylka, waajibaadka muwaadinnimo, taageerrida iyo mucaaradida dowladda ama hogaamiyaha dalka ay tahay in loo muujiyo oo ugu danbeyn horseeda inay dadku u fahmaan in dalkaba ay dowladda oo kaliya leedahay ayaddana laga doonayo difaaca iyo hormarintiisa. Arrintaan ayaa sidookale keenta in muwaadiniinta dalka markii ay waayaan fursad kale oo ay uga qeyb-qaataan talooyinka iyo isbadalka siyaasadeed ee dalkooda ay ka doonayaan inay marka danbe sahasho inay raadiyaan fursad kasta oo ay meesha uga saari karaan xukuumada ayagoo ay ku adkaato inay kala gartaan shisheeyaha iskugu dhiibaya dabka ama caanaha iyo inay si maskax kujirto u falanqeeyaan u jeedka ay ajaanibta garbaha uga jirta ka leeyihiin dalkooda. xiriirkii soojireenka ah ee Libya & Faransiiska: France waa wadan taariikh gumeysi oo mugdi ah kuleh qaaradda Africa, waana wadan had iyo goor ku xisaabtama dhoofsiga halka dhinac ah ee kheyraadka Africa ayagoo taageero u fidiya madaxda dalalkii uu gumeystay ee fulisa awaamiirtooda islamarkaana hadii loo baahdo xilka katuura kuwa kasoo horjeesta damacooda. Inkastoo aysan Libya kamid aheyn wadamada uu Faransiiska guumeystay, hadana xiligii Qaddafi waxaa jiray xiriir aanan fadhin oo kuqotamay dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga. Xiriirkan oo soomaray marxaladdo kaladuwan ayaa mugdi galay xiliyo ay kamid aheyeen dagaalkii sokeeye ee dalka Chad 1980-kii oo ay Faransiiska iyo Libya lakala safnaayeen dhinacyadii iskuhayey awooda dalka Chad. Sidookale burburkii diyaaradii UTA-772 Flight ee 1989-kii ay kunaf-waayeen 170 qof oo 54 kamid ah ahaayeen muwaadiniin Faransiis ah taasoo sababteeda dusha looga tuuray dalka Libya oo markii danbe aqbashay masuuliyadeeda ogolaatayna inay magdhow siiso dhamaan ehaladii dadkaas. Laakiin khilaafka ugu darnaa labada dhinac waxuu soo bilowday talaabadii 2008-kii Qaddafi ku balaariyey shirkadda shidaalka OIL-Libya taasoo si dhaqso ah ugu fiday kudhawaad 20 dal oo Africa ah, arrintan oo qalqal-galisay ama meeshaba kasaartay shirkadihii waaweynaa ee wadama reer galbeedka sida Shell, Exxon-mobil iyo Total oo laga leeyahay Faransiiska.Taalabadaan ayaa Faransiiska kunoqotay dharbaaxo lama filaan ah oo dhanka dhaqaalaha ah. Faransiiska waxaa walwal xoogan ku hayey oo arrimahan barbar socday damicii iyo ololihii waqtiga dheeraa ee Qaddafi kudoonayey inuu kudhiso ‘Africa yeelata hal dowlad’ taasoo ka xoog iyo saameen badan Afrikada maanta jirta. Midow Africa oo u sameysan qaabka Midowga Yurub kaasoo dadka iyo dhaqaalaha Africa iskaga kala-gooshaan xuduudaha qaaradda ayadoon laweydiinayn dalkugal iyo canshuur intaba. Waxaan sidookale meesha kamarneyn yadidiilo ah dhisida Bangi-dhexe oo maalgalin kusameeya mashaariicda Afrika taasoo horseedi karta kobac dhaqaale. Qaddafi ayaa sidookale lagu sheegaa inuu kudhex-milmay siyaasadda dalka Faransiiska kadib lacago uu amaahiyey ololihii doorashada madaxweynihii hore Nicolas Zarkozy oo tan iyo waqtigan ay dacwadeedu socoto, arrintaan oo ka careysiisay xisbiyadda iyo musharixiinta kale ee dalkaas. Wadarta arrimahaan is biirsaday ayaa Faransiiska aad u taabtay maadaaama uu xiriir toos ah la leeyahay 14 dal oo kamid ah wadamadii uu horey u gumeystay ee Africa iyo wadarta 29 dal oo kamid ah wadamada kuhadla luuqada Faransiiska ee lagu magacaabo Franco-phones taasoo keentay inuu maleego qaabkii looga taqalusi lahaa Qaddafi. Qaddafi oo markiisii horeba ay dowladaha reer Galbeedku qatyaan kutaag-naayeen kadib damaciisii ahaa inuu sameysto hubka Nuclear-ka, taageeradii uu siinayey jabhadaha sida Tuareg oo diidan tamarta dhulkooda ka daabulo Faransiisku, Farc Rebels oo xiligaas laf-dhuungashay kunoqday dowlada Mareykanku taageero ee Colombia, IRA oo dhaq-dhaqaaq hubeysan kawaday waqooyiga Ireland ee cariga Britain, kooxihii xornimo doonka Falastiin iyo South Africa iyo kuwa kale. Waxaan meesha kamarneyn eedihii diyaaradii ku burburtay Scotland 1988-kii ee Pan-Am Flight oo sababteeda cunaqabateyn mudo dheer socotay kadib uu aqbalay masuuliyadeeda wallow siday dad badan rumeysan yihiin ujeedku ahaa sidii uu uga tanaasuli lahaa damaciisa hubka Nuclear-ka, taasoo ugu uu ku badashay in laga qaado cunaqabateynta. Shirqoolkii mudada dheer la doonayey in meesha looga saaro Qaddafi waxaa hirgaliyey kacdoonkii hubeysnaa ee ciidamadiisa iyo dad shacab u badan ay iskaga hor imaadeen 2011-kii, taasoo durbadiiba Faransiisku kuqaaday duqeyn xaga cirka ah oo markii danbe loogaliyey shaati ururka NATO ah laguna burburiyey ciidamadii, hubkii iyo saadkii ciidamada Qaddafi ugu danbeyna lagu qaarijiyey. Libya-da maanta Libya maanta waa wadan uu amnigiisa iyo dhaqaalihiisu aad u liito aysana kamuuqan ifafaalo uu waqti dhow kusoo kaban karo. Libya oo sidaan soo sheegnay leh keydka shidaalka 4-aad ee Africa iyo midka 10-aad guud ahaan Aduunka awoodna u laheyd dhoofinta in kabadan 1.6 million fuusto oo saliid ah maalin kasta waxii ka horeeyey kacdoonkii lagu riday Qaddafi, maanta waxay xarumihii ganacsiga, waxbarashada iyo caafimaadka u xiranyihiin koronto la,aan ay sabab u tahay gabaabsiga shidaalka. Hadaba, arrintaan ayaa loo sababeynayaa fashilka kuyimid kacdoonkii lagu tuuray Qaddafi iyo danaha is diidan ee wadamadii hogaanka u qabtay siyaasadda dalkaas. Siyaasadda Libya waxaa waqtigan horboodaya oo isku hardinaya jeneral Khalifa Haftar oo waqtigan gacanta kuhaya bariga iyo qeybo badan oo kamid koonfurta, halkaasoo ah goobaha ugu badan keydka shidaalka Libya asagoo taageero kahelaya wadamada iskutaga Emirate-ka, Masar, Russia iyo Faransiiska. Dhanka galbeedka Libya oo ay kutaalo caasimada dalka ee Tripoli waxaa gacanta kuhaya dowladda Qaramada Midoobay aqoonsan tahay oo uu hogaamiyo Raysul-wasaare Fayez al-Sarraj oo garab kahelaya dowladaha Turkey-ga, Qatar iyo Talyaaniga. Hadaba waa maxay danaha wadamadaan ka leeyihiin Libya? UAE waa dal horumar muuqda kasameeyey waxsoosaarka saliida iyo dhanka ganacsiga, gaar ahaan dhanka dekadaha taasoo ka badbaadisay saameyntii sicirka saliida kuyeeshay wadamada saliida hodanka ku ah sida dhigooda S. Arabia. Wadanka Emirate-ka oo aan waxii ka horeeyey kacdoonkii ka curtay wadamada Carabka aanan looga baran faragalinta qaawan ee arrimaha siyaasadda, milatariga iyo dhaqaalaha ayaa dardar culus lasoo baxay ayagoo garabsanaya dalka S.Arabia. Arrintaan ayaa loo sababeynayaa damaca fashilin lagu sameeyo dareenkii isbadal doonka siyaasadeed ee ay ku haminayeen da,yarta dalalka Tunisia, Masar, Libya, Syria iyo Yemen. Xulufadda ay horkacayaan Emirate-ka iyo S.Arabia oo cabsi ka qaba inay kusoo fidaan isbadal-doonka siyaasadeed ayaa durba ku guuleystay inay fashiliyaan kacdoonkii dalal Masar, Yemen, Libya iyo kan ugu danbeeyey ee Sudan. Cabsida ugu weyn ee Emirate-ka iyo S.Arabia ayaa ahaa awooda iyo abaabulka uu xisbiga Aqwaanul-Muslimiin ka lahaa kacdoonka Carabta oo uu kala dhexeeyo khilaaf soojireen ah. Xulufadaan ayaa sidookale shaki weyn ka qaba dowlada uu hogaamiyo Fayez al-Sarraj oo lagu xanto inuu gacansaar la leedahay xisbiga Aqwaanul-Muslimiin. Russia: UAE ayaa faragalinta Libya la kaashanaysa dalka Russia oo kamid ah wadamada codka qayaxan ee Veto-ga kuleh Qaramada Midoobay kasoo hadii loo baahdo hor-isaagi kara warbixinada xad-gudubka xaquuqul insaanka iyo mida cunaqabateynta hubka ee kuwajahan xulufadan islammarkaana qudhiisa suuq dhanka hubka ah kadhex arka dagaalka Libya. Howl-galkaan waxaa si gaar ah Russia ugu qaabilsan kooxda Wagner Group oo ah koox sigaar ah u abaabulan oo fulisa danaha militariga arrimaha dibada Russia horeyna ugasoo howl-galay dalalka Ukrain iyo Syria. Masar oo xuduud dheer lawadaaga Libya farahana kula jirta arrimaha Libya ayaa waxaa ka arrimiya Cabdul-Fatah Al-sisi oo garab istaag siyaasadeed iyo mid dhaqaale ka helayey UAE iyo S.Arabia tan iyo xiligii uu afganbiga ka dhacay Masar oo qudhiisa cabsi ka qaba xanta xiriirka la tuhunsan yahay inuu kadhexjiro Aqwaanul-Muslimin iyo dowlada Fayez al-Sarraj. Al-sisi ayaa bishii June ee sanadkan ku goodiyey inuu diyaar u yahay weerar dhanka militariga oo uu kaga hortago dowlada Libya iyo Turkey-ga hadii uu weerarkeedu soogaaro magaalada Sirta oo uu ku tilmaamay qad-cas, taasoo aheyd kaarkii ugu danbeeyey ee laga filan karay xulufada ay horkacayso UAE, islamarkaana hakisay is balaarintii dowlada iyo dhigooda Turkey-ga. Faransiiska oo ujeed dhaqaale oo dhanka shidaalka ah ka leh Libya ayaa jeneral Xaftar ka caawinayey dhanka tababarka iyo saadka tan iyo 2015-kii. Dalalka ku bahoobay NATO ayaa aaminsan in doorka Faransiiska ee Libya uu baalmarsan yahay siyaadda NATO maadaama uu si shaqsi ah u kaashanayo Russia halkii ay aheyd inuu lasocdaa xulufadda NATO. Dalka Talyaaniga oo ah dalkii gumeystay Libya ayna tahay in looga danbeeyo shaxda siyaasadda Libya sida looga bartay gumeystihii reer Yurub marka faragalin lagu sameynayo dalalkii la gumeystay ayaa aad uga carooday hab dhaqanka Faransiiska maadama uu baalmarayo hab dhaqan hoosaadka Yurub. Faransiiska oo fashil kala kulmay guuldarada Xaftar ayaa caro kala dul dhacay Turkey-ga asagoo waqtigan dagaalka u weeciyey dhanka badda Mediterranean iyo xulufeysi ka kooban France, Israel Cyprus iyo Greece. Turkey-ga oo lasafan dowlada tabarta yar ee Libya oo kuyaboohaya ciidan, tababar iyo qalab milatari oo casri ah ayaa kuguuleystay inuu kadulqaado go’doomin 14 bilood ah oo lagu hayey qeybo kamid caasimadda Tripoli islamarkaana noqday waxa afka qalaad lagu yiraahdo ‘Game Changer’. Garab istaaga Turkey-ga oo aysan ka marneyn dano siyaasadeed iyo mid dhaqaale ayaa waxaa ugu weyn heshiiskii bariga badda Mediterranean-ka oo lagu tilmaamo inuu kujiro keyd shidaal oo gaaraya $700-billion arrintaan oo durba ka qeylisiiyey wadamada Israel, Cyprus iyo Greece oo bishii January ee sanadkan heshiis marin dhuun shidaal ah kala saxiixday taasoo marinkeedu kubeegan yahay goobta Turkey-ga iyo Libya ku heshiiyeen. Turkey-ga ayaa sidookale marka laga tago dhanka ganacsiga, fursad shaqo uga abuuray shirkaddaha dhismaha Turkey-ga. Ugu danbeyna talaabada Turkey-gu kutaageeray dowladda Libya ayaa dharbaaxo dhanka istaraatijiyadda ah ku ah xulufadda UAE, Masar, Russia iyo France. Qatar oo doorweyn ku laheyd kicinta iyo taageeradii kacdoonkii lagu riday Qaddafi islamarkaana aheyd dowladii Carbeed ee ugu horeysay oo aqoonsata sharciyadda mucaaradkii kasoo horjeeday Qaddafi ayaa waqtigan lasafan garabka dowladda Libya ayadoo kaashanaysa Turkey-ga. Doorka taageerada Qatar ay lagu sheegaa dhaqaalaha, tababarka iyo qalabeynta ciidanka dowlada ayadoo kaduuleysa heshiiskii sadex-geesoodka ahaa ee Libya, Qatar iyo Turkey. Ujeedka Qatar ayaa ah inuusan najixin gulufka kooxda UAE. Talyaaniga oo aanan galaangal siyaasadeed, mid milatari iyo mid dhaqaale ku dhameyn Faransiiska marka laga hadlayo gudaha ururadda Midowga Yurub iyo NATO ayaa doorkiisa taageero ku xadiday dhanka diblomaasiyadda iyo abaabulka shirar dib u heshiisiin ah asagoo ilaalinaya xiriirka soo jireenka ah ee dhaqaale iyo kan xakameynta muhaajiriinta kasoo gudba xeebaha Libya. Gunaanad Marka la isku wadageeyo danaha siyaasadaha isdiidan ee ku kulmay Libya, waxaa lagala dhexbixi karaa inay adagtahay in goordhow Libya ka hanaqaado dowlad adag oo gacanta kuwada dhigta Libya ayadda oo sida muuqata dhinacwalba ka hormarinayo dantiisa mida shacab weynaha Libya. Waxaa kale oo xusid mudan in fashilka ku yimaada wadamada leh qeyraadka dabiiciga ah xalkiisu ka adag yahay wadamada saboolka ah ayagoo eersada qeyraadkooda oo usoo jiida gacmo shisheeye oo kala socda. Hadaba, xiligaan ma muuqato rajo dhaxalgal dib u heshiisiineed oo ay wadaan QM, Jamaacadda Carabta, Midowga Africa iyo Midowga Yurub Intaba. Sidaa darteed, waxaa la saadaalin karaa in dhinacyadu adkeysan doonaan difaaca goobaha ay ku kala sugan yihiin, si ay dhaqaale u helaana kuheshiin doonaan dhoofinta shidaalka dalka oo uusan dhinacna gaar u dhoofsan Karin waqtigan maadama dhulka keydka shidaalka uu gacanta ku hayo Xaftar halka shirkadda shidaalka qaranka Libya oo haysata sharciyada dhoofinta ay hoos-tagto dowlada. Xamdi Wardhere Maxamed – Waxaad kala xiriiri kartaa Email: zudeys9@gmail.com iyo Facebook: Xamdi Wardheere. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Sababihii burburka Libya iyo danaha quwadaha isku haya first appeared on Caasimada Online.
-
A Charcoal Trader cuts 120 year old Tree in Puntland A 120 -year old Canjeel tree (botanically Mimusops Anjel) had succumbed to the tree cutting machine of a charcoal trader in Puntland State of Somalia. Known as Daalbi’iye (fatigue slayer), the tree was in the countryside of Addin-girmaale, six km northeast of Iskushuban district in Bari region. Its shade benefited people sheltering from the baking sun or holding meetings under the tree. Fallen: The tree succumbed to a tree cutting machine of charcoal trader whom authorities have taken into custody. Canjeel is one of trees that grow in the coastal and non-coastal areas of Bari. During autum sprouts on the tree help bees with pollination. Demonstrations erupted in Iskushuban when the news about the cutting of the tree reached the district. Authorities managed to arrest the suspect accused of cutting the tree to turn it into charcoal. The trunk of the Canjeel tree shows how the charcoal trader went about cutting the tree to turn it into charcoal. In a statement the Puntland Ministry for Environment said “the suspect will be brought to justice”. A torrent of anger about cutting trees dominated the social media. Puntland State Government has been lenient towards charcoal traders responsible for deforestation. Qaran News
