-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Mohamad Hussein Rooble ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha {Xarunta Howlgallada Degdegga ah ee Qaranka} ama National Emergency Operations center(NEOC) oo ah xarun uu sanad kahor dhagax dhigay ra’isul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre. Xaruntan oo loogu talogalay iney xarunta dhaxe unoqoto isku xirta dhammaan adeegga degdeg ah ee hey’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn ayaa waxaa horay October 13, 2019-kii u dhagax dhigay ra’isul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre Sanad kadib, maanta waxaa dhacday xaflad kale oo lagu furay isla xaruntii, laakin waxaa markan xariga ka jaray ra’isul waasaraha cusub Maxamed Rooble. Lama oga sababta ay u dhacday in hal xarun labo jeer loo furo, labo ra’isul wasaare xariga ka jaraa, cidda ay tahay in lagula xisaabtamo, laakin waxaa xaqiiq ah in waqti iyo hanti la geliyey, lagana yaabo in jidad loo xiray. Sawirrada Maanta: Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta wada saxiixday heshiis iskaashi oo cusub, kaas oo hagi doona sida dalka iyo Qaramada Midoobay ay u wada shaqayn doonaan shanta sano ee soo socota si dhammaan dadka Soomaaliyeed ay u gaaraan nabad, xasillooni iyo barwaaqo. Xaflad lagu saxiixayay heshiiska – Heshiiska Iskaashiga Horumarinta Waarta ee Qaramada Midoobay (UNCF) – ayaa lagu qabtay caasimadda, Muqdisho, waxaana dhanka dowladda ka qaybgalay Raisul Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiirka Qorshaynta, Maalgelinta iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan. Dhanka Qaramada Midoobay, mas’uuliyiintii ka qaybgalay waxaa ka mid ah, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan iyo Isku Duwaha Arrimaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay, Adam Abdelmoula, oo sidoo kale haya xilka Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay. Heshiiska cusub ee UNCF ayaa baddali doona heshiiskii hore ee isaga oo kale ahaa, kaas oo waqtigiisu ku eg yahay dabayaaqada sanadkan. “Tan iyo markii la saxiixay Heshiiskii Iskaashiga Istiraatiijiyadda ee Qaramada Midoobay bishii December 2017, Soomaaliya waxay horumar wax-ku-ool ah ka samaysay hayaanka ay ugu jirto xoojinta nabadda iyo gaarista horumar waara oo loo dhan yahay, iyadoo kaashanaysa taageerada adag ee Qaramada Midoobay,” ayuu Mudane Swan ka yiri xafladdii saxiixa heshiiska. “Heshiiska UNCF wuxuu ka turjumayaa sida Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay uga wada go’an tahay inay wada shaqeeyaan si loo taageero Hiigsiga 2030 ee Horumarka Waara iyo Himilooyinka Horumarka Waara (SDGs). Hiigsiga waa baaq caalami ah oo la rabo in lagu ciribtiro saboolnimada, lagu dhawro adduunka, laguna horumariyo nolosha iyo horumarka qof kasta meesha uu doono ha ku noolaado e, waxaana Hiigsigan meelmariyay Dhammaan Xubnaha Qaramada Midoobay sanadkii 2015 isagoo qayb ka ah Hiigsiga 2030, oo dhabbaha u xaaraya qorshe 15-sano ah si loo gaaro himilooyinka SDGs,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska UNSOM. Si gaar ah, Heshiiska cusubi ee UNCF wuxuu sharraxayaa hababka Qaramada Midoobay u damacsan tahay inay u taageerto mudnaanaha dowladdu leedahay ee ay ayada majaraha u hayso. Dhidibadda ugu muhiimsani ee waxqabad ee Heshiisku waxay la jaanqaadayaan kuwa ku xusan Qorshaha Qaran ee Sagaalaad ee Soomaaliya (NDP-9), haddii la xusana kala ah, siyaasad loo dhan yahay, dib-u-heshiisiin, amniga iyo ku dhaqanka sharciga, horumarinta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada. “Heshiiska cusub waa lib wada-shaqaynayd oo wax-ku-ool ah oo ay yeeshaan Qaramada Midoobay, Dowladda iyo Saamilayda kale,” ayuu yiri Mudane Abdelmoula. Qaramada Midoobay iyo Bahwadaagta kale, iyagoo sii maraya Heshiiskan, waxay ku sii dadaali doonaan inay la tacaalaan sababaha qaabdhismeed ee horseedka u ah burburnaanta daba dheeraatay iyo xasillooni darrada ee xaddiday horumarka waara ee loo dhan yahay ee Soomaaliya muddo toboneeyo sano ah.” Isagoo ka hadlayay munaasabadda, Raisul Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ammaanay dadaallada Qaramada Midoobay wuxuuna sheegay inuu quuddarraynayo xoojinta iskaashiga dowladda ay la leedahay QM si wax looga qabto caqabadaha qallafsan ee ku hor gudban dhinacyada nabad-dhisidda, hourmarinta iyo banii’aadannimada. “Waxaan soo dhowaynayaa sida cad ee Qaramada Midoobay uga go’an tahay taageeridda mudnaanaha horumarinta Qaranka ee Soomaaliya iyadoo loo marayo iswaaafjainta tooska ah ee Heshiiskan cusub iyo Qorshaha Qaran ee NDP-9, iyo sidoo kale nidaamka isku duwista gargaarka,” ayuu yiri Raisul Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed. Tiro mas’uuliyiin ka socotay Qaramada Midoobay iyo Dowladda iyo sidoo kale wakiillo ka socday bulshada dibloomaasiyiinta ayaa joogay munaasabadda halka kuwa kale ay qaab onlayn ah uga qaybgaleen. The post QM iyo DF oo maanta Muqdisho ku saxiixday heshiis soconaya 5 sano first appeared on Caasimada Online.
-
Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka qarax geystay khasaare kala duwan uu ka dhacay duleedka degmada Mahadaay ee gobolkaasi. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay deegaanka Miirtakhwo oo hoos-yimaada degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in miinadu ay la kacday mooto ay la socdeen dad shacab ah oo ku socdaaleysay halkaasi. Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen saddex kale oo dhammaan shacab ahaa, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya iyo rayid oo gurmad u fidiyey dadka ay waxyeeladu soo gaartay. Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo uu maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ka bixiyey qaraxaasi uu khasaaraha badan ka soo gaaray dadka shacabka ah. Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro qaraxyo ah iyo kuwa dhaba-gal ah ka fuliya gobollada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe, inkastoo aysan weli ka hadlin qaraxaasi. Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana socda baaritaano ay wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka howlgala degmada Mahadaay ee gobolka Sh/ Dhexe. View the full article
-
Wakiillo ka socda qaar ka mid ah dalaka daneeya arimaha Dalka Soomaaliya, ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay in Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ay si wadajir ah uga shaqeeyaan wanaajinta dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan horumarka Dalka. Hadaladaan ka soo yeeray wakiilada saaxiibada muhiimka la ah Soomaaliya ayaa yimid xilli ay Booqasho ku tageen Magaalada Beydhabo oo xarun ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. “Waxaa na dhiirri-gelinayaa dib u soo nooleynta wadahadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dhammaan Dowlad-goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka. Tani waxaa ka mid ahaa shirarkii isdaba joogga ahaa ee ka dhacay magaalada Dhuusomareeb bilihii la soo dhaafay iyo shirkii wadatashiga ee ka dhacay magaalada Muqdisho bishii Sebtember oo intii lagu guda jiray lagu gaaray heshiiskii nooca doorashooyinka” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. Waxaan Madaxweyne Cabdicasiis uga mahadcelineynaa hoggaamintiisa ku aadaneyd marxalado badan ee geedi socodkan,” ayuu raaciyay, isagoo ka hadlay shir jaraa’id oo kooban oo uu ku qabtay caasimadda ku meel gaarka ah ee Baydhabo kadib kulan kooxeed uu la qaatay Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Laftagareen.’ Ergayga Qaramada Midoobay ayaa socdaal ku tagay magaalada Baydhabo, isaga oo ay weheliyaan Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika (AU), Danjire Francisco Madeira; Safiirka Midowga Yurub (EU) ee Soomaaliya, Danjire Urur-goboleedka IGAD, Jamal Ahmed Ibrahim. Mudane Swan wuxuu hadalkiisa ku sheegay in natiijooyinka shirarkii Dhuusomareeb iyo Muqdisho ay muujiyeen waxa la gaari karo marka madaxda Soomaaliya ay isugu yimaadaan si is afgarad iyo wada shaqeyn leh. Waxaan ku boorineynaa madaxda inay sii wadaan diyaar garowga loogu jiro doorashooyinka qaranka si ay u noqdaan kuwo ku saleysan daahfurnaan, cadaalad iyo u wada dhammaansho," ayaa yiri Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay. Tani waxay khuseysaa dhammaan dhinacyada geeddi-socodka doorashooyinka, sida sameynta guddiyada doorashooyinka madax-bannaan ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed, Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddiga Amniga Doorashooyinka. Mudane Swan ayaa sidoo kale xusay ahmiyadda ay leedahay in la yeesho wada shaqayn dhow si loo xaqiijiyo amniga doorashooyinka, wuxuuna garwaaqsaday dadaalada maamulka Dowladda Koonfur Galbeed ee ku aadan arrintan, inkastoo ay jirto khatarta joogtada ah ee Al Shabaab. Saaxiibada ayaa sidoo kale ku dhiirrigeliyey madaxda Soomaaliya inay iskaashigooda sii ballaadhiyaan dhinacyada kale, sida dib-u-eegista dastuurka iyo geeddi-socodka kale ee gacan ka geysan kara horumarinta arrimaha hortabinta u leh qaranka, dib-u-habeynta dimuqraadiyadda iyo xorriyadaha asaasiga ah, sida xorriyadda hadalka iyo xorriyadda saxaafadda. Kuwani dhammaantood waa qaybo muhiim ah oo ka mid ah nidaam dimoqraadiga ah ee nool oo u oggolaanaya in la maqlo codadka Soomaalida ayuu yiri Md. Swan, isaga oo intaa ku daray in Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo QM ay sii wadi doonaan garab istaagga shacabka Koonfur Galbeed iyagoo dhisanaya mustaqbal wanaagsan. Dhanka dhaqaalaha, saaxiibada beesha caalamka ayaa qiray saameynta ba’an ee cudurka safmarka ah ee COVID-19 iyo sida uu u curyaamiyay kobaca dhaqaalaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen muhimadda ay ururinta dakhliga iyo maamul wanaagga u leeyihiin mustaqbalka horumarka View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Duhur-15102020.mp3 View the full article
-
At least 13 Somali troops have died after the army attacked militant group al Shabaab in jungle and farms near the district of Afgoye northwest of the capital, Mogadishu, a military official said. Al Shabaab has battled since 2008 to overthrow Somalia’s internationally-recognized central government and establish its rule, based on its own interpretation of Islamic law. “We left Afgoye district and attacked al Shabaab in the farms outside Afgoye,” Major Mohamed Ali told Reuters, describing Wednesday’s incident in the district about 30 km (19 miles) from Mogadishu. “We killed four militants and chased al Shabaab,” Ali said late on Wednesday. “Most of the military came back and we left two dozen soldiers there. Then, this evening, al Shabaab attacked our few soldiers and killed 13.” Al Shabaab, which launches regular attacks in a bid to undermine Somalia’s central government, which is backed by the United Nations and African Union peacekeeping troops, claimed responsibility. “We killed 24 soldiers and the rest escaped and ran away,” said Abdiasis Abu Musab, the group’s military operations spokesman. Somalia’s government and al Shabaab often give differing figures of casualties after attacks. Deadly violence has engulfed Somalia since 1991, when clan warlords deposed leader Siad Barre and then turned on each other. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka aanu ka helayno gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Boocame ayaa sheegaya in deegaankaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamo kala taabacsan labada maamul ee Somaliland iyo Puntland. Xiisadan dagaal ayaa sii xoogeysatay saaka markii ay maleeshiyaad hubeysan oo taageersan xukuumadda Somaliland ay sameeyen abaabul ka dhan ah ciidamada Puntland ee ku sugan deegaankaasi. Maleeshiyaadka taabacsan Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in duleedka magaalada Boocame ee gobolka Sool ay ku ururiyeen dhalinyaro iyo hub badan, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya dagaal ka dhan ciidamada Puntland, oo dhawaan qorsheynayaan. Waxaa magaalada Boocame si weyn maanta looga dareemaya xiisada dagaal ee u dhaxeysa ciidamada Puntland iyo kuwa taabacsan Somaliland, sida ay dadka deegaanka u sheegen Caasimada Online. Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntalnd oo ku aadan xiisadan kasoo cusboonaaneysa deegaanka Boocame, oo gacan ku haynteeda ay si weyn ugu loolamayaan Somaliland iyo Puntalnd. Waxayna arrintan kusoo aadeysa xili ay ciidamada Puntland iyo Somaliland ay isku horfadhiyaan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasi oo dhowr jeer oo horena uu dagaal ku dhex-maray labada maamul. The post Xiisad dagaal oo ka taagan gobolka Sool iyo wararkii ugu dambeeyay first appeared on Caasimada Online.
-
MOGADISHU (HOL) - Somalia and the UN have signed cooperation agreement that outlines a partnership framework between the two parties for the next five years. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu Magaalada Boorama intii uu ku sugnaa uu kullamo la yeeshay Madax-dhaqameedka iyo Aqoonyahanka reer Awdal,waxaanu kale hadlay qadiyada doorashooyinka iyo arrinta tabashada saami-qaybsiga iyo arrimo kale. Kullankan ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee uu Magaalada Boorama kula qaato Madaxweyne Biixi madax-dhaqameedka iyo aqoon-yahanka reer Awdal tan iyo wixii ka dambeeyey intii ay Maxkamadda Sarre ee Somaliland ay qaraarka ka soo saartay qaabka lagu gelayo doorashada Golaha Wakiilada Somaliland. Madaxweyna Biixi iyo Odayaasha iyo aqoon-yahanka Awdal ayaa la sheegay inay kullamadoodu ay saacado qateen,waxaanu Madaxweynuhu ahaa inta badan mid dhegaysanaya tabashadooda iyo arrimaha ay u baahan yihiin inay Xukuumaddiisu ay wax kale qabato,isagoo wax baddan ka garaabay oo sheegay inuu sixi doona, isla markaana hawraarsan ku qaabilay arrimaha qaar. Dhanka kalene kullankan ayaa waxa kale oo la sheegay in Madaxweyenaha iyo Odayaasha iyo Aqoonyahanka Awdal ay kaga wada hadleen arrimaha doorashooyinka iyo diiwaangelinta iyo arrinta muranku ka taagan yahay ee saami-qaybsiga kuraasta Golaha Wakiilada,waxaanay u sheegeen inay dib iskugu noqonayaa talo,balse hadda aanay wax go’aan ka gaadhi karrin inay ka tanaasulayaan arrinka saami-qaybsiga Golaha Wakiilada oo ay doorashada ka dib u dhiganayaan qadiyaas iyo in kale. Siyaasi Maxamed Abiibi oo kamid ah Siyaasiyiinta Gobolka Awdal oo war-baahinta la hadlayey ayaa sheegay in kullamada uu Madaxweyne Biixi la qaatay Odayaasha iyo aqoon-yahanka Awdal in aan wax natiijo ahi kasoo bixin waxaanu sheegay in xalka looga baahan yahay Madaxweynaha “ilaa inta aan ka war-qabo odayaasha wuu la kulmay aqoon-yahanka Gobolkana wuu la kulmay oo wuxuu kale hadlay doorashada waxay ku yidhaah-deen aqoonyahanku waxaanu annagu ballan qaadi karraynaa ma jirto iyadoo ay reer Awdal isku tashadaan oo tallo dambe la soo saaro mooyee annagu wax-ba ma ballan qaadi karno.”Ayuu yidhi Waxaanu intaas ku sii daray isagoo haddalkiisa sii wata “Odayaashuna waxay ku yidhaah-deen mawqif kayagu wuxuu ku dhan yahay baaqii aan soo saarnay maalintii annagoo isku dhan,Xildhibaanada ,Aqoonyahanka iyo Dhalinyarada Mawqif kayagu halkii ayuu taagan yahay adaa xal lagaa sugayaa Madaxweyne ayey ku yidhaah-deen.”Ayuu yidhi Maxamed Abiibi Si kastaba ha-ahaatee kullankan Madaxweyne Biixi uu Boorama Kula yeeshay Odayaasha iyo aqoonyahanka reer Awdal ayaanay waxa natiijo ahi ka soo bixi ama aan wax is afgarad ah laga gaadhi arrimaha la isku maan dhaafsanaa ee Saami-qaybsiga kuraasta golaha Wakiilada,taas oo keenta in lagu kale kaco kulankaas. Source
-
Wiil uu dhalay Trump oo uu haleelay Xanuunka Covid19 Wiil uu dhalay madaxweyne Trump oo 14 jir ah ayaa laga helay fayraska Korona balse sida ay sheegtay marwada koowaad ee Mareykanka, Melania Trump, wiilkaasi oo lagu magacaabo Barron ayaa cudurka haatan ka bogsaday. Melina ayaa sheegtay in ay aad uga cabsatay xaaladda Barron kaddib markii laga helay cudurka Covid-19. Balse waxay intaa ku dartay in nasiib wanaag uu yahay wiil da’yar, sidaa awgeedna aysan ka muuqan astaamihii cudurkaasi. Madaxweyne Trump iyo xaaskiisa Melina ayuu horey cudurkan u haleelay balse haatan ka bogsaday. Trump ayaa markii dambe sheegay in wiilkiisa Barron uu xanuunkani hayay muddo aad u yar isla markaana uu ka bogsaday maadaama buu yiri difaaciisa jirka uu aad u wanaagsan yahay. Waxa uu intaasi ku daray in Barron uu tusaale fiican u yahay carruurta dalkaasi Mareykanka iyo sida ay gagsi ugu yeelan karaan cudurkaasi, sidaa awgeedna ay tahay in iskoollada dalka dib loo furo sida ugu dhakhsaha badan. Arrintaasi ayaa waxaa aad uga soo horjeesaday ururka midowga macallimiinta dalkaasi, kuwaa oo ku doodaya in ay suurtagal tahay in macallimiin badan ay qaadaan cudurkaasi. Xog uruurin la sameeyay saddex usbuuc uun ka hor doorashada dalkaasi ayaa lagu ogaaday in Trump uu taageero ahaan ka hooseeyo ninka la tartamaya ee Joe Biden. Melina Trump ayaa dhankeeda sheegtay in Barron laga helay cudurkaasi muddo haatan laga joogo laba usbuuc balse markii dambe uu ka bogsaday oo baaritaan la sameeyay lagu ogaaday in uusan haatan qabin cudurkaasi. Sida ay sheegtay jaamacadda Johns Hopkins, cudurka Covid-19 ayaa guud ahaan dalkaasi Mareykanka waxa uu soo ritay 7.8 milyan oo qof halka ay u dhinteen qiyaastii 216,000 oo qof. Qaran News
-
The Federal Government of Somalia and the United Nations today signed a new cooperation agreement that sets out how the country and the world body will work together over the next five years to achieve peace, stability, and prosperity for all Somalis. The signing ceremony for the agreement – the UN Sustainable Development Cooperation Framework (UNCF) – was held in the capital, Mogadishu, and attended from the government’s side by Deputy Prime Minister Mahdi Mohamed Guled, and the Federal Minister of Planning, Investment and Economic Development, Gamal M. Hassan. From the world body’s side, those attending included the UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, James Swan, and the UN Resident and Humanitarian Coordinator for Somalia, Adam Abdelmoula, who also serves as the UN Secretary-General’s Deputy Special Representative for Somalia. The UNCF will replace a similar, previous agreement – the UN Strategic Framework (UNSF) – which expires at the end of this year. “Since signing of the UN Strategic Framework in December 2017, Somalia has made remarkable progress in its journey towards consolidating peace and sustainable and inclusive development, with steadfast UN support,” Mr. Swan said at the signing ceremony. The UNCF represents the collective commitment of the Federal Government of Somalia and the United Nations to work together in support of the 2030 Agenda for Sustainable Development and the Sustainable Development Goals (SDGs). The Goals are a universal call to action to end poverty, protect the planet and improve the lives and prospects of everyone everywhere, and were adopted by all UN Member States in 2015 as part of the 2030 Agenda, which sets out a 15-year plan to achieve the SDGs. In particular, the UNCF outlines ways in which the United Nations intends to support government-owned and government-led priorities. The Framework’s main pillars of activity directly mirror those of Somalia’s ninth National Development Plan (NDP-9), namely, inclusive politics and reconciliation; security and the rule of law; economic development; and social development. “The UNCF is an impressive achievement of collaboration across levels of the UN, Government and other stakeholders,” said Mr. Abdelmoula. “It is through this Framework that the UN, with our partners, will further strive to address the structural causes of chronic fragility and instability that have constrained inclusive and sustainable development in Somalia for decades.” In his remarks at the event, Deputy Prime Minister Mahdi Mohamed Guled commended the efforts of the United Nations and said he looked forward to strengthening the government’s partnership with it in order to address Somalia’s complex challenges across the humanitarian-development-peacebuilding nexus. “I welcome the UN’s clear commitment to supporting Somalia’s national development priorities through the direct alignment of the Cooperation Framework with the NDP-9, as well as the aid coordination architecture,” he said. The event was attended in-person and virtually by a number of government and UN officials, as well as representatives of the diplomatic community. View the full article
-
Xanuunka Dunida aadka ugu faafay ee Covid_19 ayaa u muuqda inuu dib ugu soo laba-kacleeyay Somaliland. Waxa soo badanaya Dadka uu soo ridanayo xanuunka oo markii hore la aaminsanaa inuu ka dabar go’ay Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland. Ma jiro wax war ah oo la xidhiidha in Xanuunku soo laba-kacleeyay oo ka soo baxay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ama Hay’adaha kale ee qaabilsan ka hor-tagga Xanuunkan, balse ilo-wareedyo Xog-ogaal ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Goobaha lagu sameeyo Shaybaadhka Xanuunka Covid_19 ay ku soo badanayaan Dadka laga helayaa. Xogta uu Wargeyska Geeska Afrika helay ayaa sheegaysa in bishii hore marka 100 Qof laga baadho Xanuunka Covid_19 laga helayey 1 Qof ama dhammaantood aan laga helayn, balse bishan October ayaa Xaaladdu isbeddeshay waxaana la sheegay in 100 Qof ee la baadho 10 ka mid ah laga helayo ama in ku dhow, taasi oo muujinaysa khatarta jirtaa inta ay leeg tahay. Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland iyo Guddiga Qaran ee ka hor-tagga Xanuunkaasi ayaa markii ay qaadeen Xayiraadihii lagu soo rogay Dadweynaha, waxay ku taliyeen in Dadku feejignaado isla-markaana aanay deynin isticmaalka Gacmo-gashiga iyo Af-saabka, laakiin Talooyinkaasi Dadka qaatay way yar yihiin. Source
-
Hadalkii Xubnaha KULMIYE Shacabku Waxay Ka Sugayaan Jawaab.
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Hadalkii Xubnaha KULMIYE Shacabku Waxay Ka Sugayaan Jawaab. Shirkii Jaraa’id Ee Shalay Ay Qabteen 3dii Siyaasi Ee KULMIYE Ka Tirsanaa Wuxuu Ahaa Kii Ugu Adkaa Ee Indhawayd Lagu Dhaliilo Xukuumadda, Gaar Ahaan Madaxweynaha. Eedihii Cuslaa Ee Ka Soo Burqanaayay Raggaasi, Gaar Ahaan Wasiirkii Madaxtooyada Ee Xukuumaaddii Xilka Ku Wareejisay Waxay Ahaayeen Kuwo Sii Naaxinaaya Xanta Dadka Aan Ladhacsanayn Hogaaminta Madaxweynaha Ay Fidiyaan. Dhanka Kale Hadalkani Wuxuu Noqonayaa Mid Ku Riixa In Dad Badan Oo Ay Ka Dagi La’ayd Ay Ku Liqaan. Wasiir Hore Maxamuud Xaashi Waxa Uu Soo Ururiyay Mashaariic Badan Oo U Muuday Marka Hadalkiisa La Eego Inuu Xog-Ogaal Ka Yahay Dhamaantoodna Uu Ka Dhigay Kuwo Lagu Fashilmay. Sidoo Kale Waxa Hadal Maxamuud Ku Jiray Qaybo Uu Aad Ugu Talax Tagay Habdhaqanka Madaxweynaha Dalka Oo Isugu Jiray Kuwo Ku Salaysan Dabeecada Mudane Muuse Biixi Iyo Himiladaasi U Gaarka Ah Sida Maal Urursiga Oo Kale. Sida La Ogyahay Waxa Bini’aadamku Ku Nool Yahay Waa Sumcada Uu Qofku Lee Yahay, Waxana Kaba Sii Xag Jira Tan Hogaamiyayaasha, Sidaa Daraadeed Waxaan Shaqsiyan Qabaa In Ay Maanta Madaxweyne Muuse Biixi U Taalo Inuu Si Toosa Shacabkiisa Uga Jaahil Saaro Dhaliilahaa Dhumucda Leh Ee Ka Yimid Siyaasiyiinta Weli Ka Tirsan Xisbigiisa Ee Daarada Ka Soo Shiidaaya Ama Ugu Yaraan Uu Ka Fogeeyo Qof Ka Tirsan Xafiiskiisa Oo Ku Hadli Kara Afkiisa. Si Kastaba Xaalku Ha Noqdee Waxa Aamusnaanta Madaxtooyadu U Ekaan Doontaa Aragtidayda Gaaban In Aanay Hayn Wax Ay Kaga Jawaabaan Arrinkaasi. Source -
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamo loo tababarayey kuwa Daraawiishta maamulka Galmudug ayaa maanta sameeyey gadood, waxayna isaga baxeen xeradii ay ku jireen oo ku taalla gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in ciidamadaasi oo wata gaadiidka dagaalka iyo hubkooda ay gaareen deegaanka Galinsoor ee isla gobolkaasi, waxayna ku sii jeedaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo markii horeba laga keenay. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in gadoodka ay sameeyeen ciidamadaasi uu salka ku hayo khilaaf u dhaxeeya wasiirka amniga Galmudug Mudane Axmed Macalin Fiqi & qaar ka mid aha xildhibaanada mamaulkaasi, gaar ahaan kuwa laga soo doorto Gaalkacyo. Ciidamada carada uga baxay Dhuusamareeb ayaa ka mid ahaa maleeshiyaadkii la qarameeyey ee lagu wareejiyey dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, waxaana muddooyinkii la soo dhaafay ay tababar ku qaadanayeen Dhuusamareeb. Dhanka kale waxaa haatan socda dadaallo ay wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug iyo odayaasha dhaqanka oo xal looga gaarayo xiisadaasi. Galmudug ayaa in muddo ah la daala dhaceysay, sidii looga hortegi lahaa dagaal beeleeyada iyo maleeshiyaadka hubeysan ee ku sugan deegaanadeeda, kuwaas oo haatan intooda badan la qarameeyey, islamarkaana lagu daray ciidamada daraawiishta ee maamulkaasi. The post Ciidanka daraawiishta Galmudug oo gadood uga baxay degmada Dhuusamareeb first appeared on Caasimada Online.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax saaka dad shacab ah lagula beegsaday duleedka degmada Mahadaay oo ka tirsan gobolka Shabeelaha, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay deegaanka Miirtakhwo, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in miinadu ay la kacday Mooto ay la socdeen dadkaasi, xilli ay marayeen gudaha deegaankaasi. Inta la xaqiijiyey ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay qaraxan, iyadoona ay ku dhaawacmeen saddex kale oo dhammaan ahaa dad shacab ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka ay waxyeeladu soo gaartay ay gurmad u sameeyeen dadka deegaanka. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe iyo kan degmada Mahadaay oo ku aadan qaraxaasi. Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weerarada ceynkan oo kale ah iyo kuwo dhabgal ku qaada ciidamada huwanta, walow aysan ka hadlin qaraxaasi. The post Dad shacab ah oo qarax lagula beegsaday gobolka Sh/Dhexe iyo KHASAARE ka dhashay first appeared on Caasimada Online.
-
CAIRO (Reuters) - Dubai has launched a new programme that enables overseas remote-working professionals and their families to live in Dubai while continuing to serve their employers abroad, state news agency WAM said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho ayaa maanta dibad-bax ballaaran ka dhigay degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Dibad-baxayaasha oo u badnaa darawallada ka shaqeeya gaadiidka dadweynaha ayaa cabasho waxa ay ka muujinayeen jidadka weli xiran ee caasimada. Dadweynaha dhigayaey dibad-baxaas ayaa isugu soo baxay isgoysyada Ex-control Balcad, Soos iyo xaafadda Suuqa Xoolaha. Sidoo kale waxa ay sheegaan inay ka soo horjeedaan dhagxaanta dhowaan lagu xiray qeybo badan oo ka mid ah wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho. Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya in gaadiidka BL-ka loo ogolaado jidadka weli xiran ee muhiimka u ah. Maalin ka hor ayey aheyd markii dowladda Soomaaliya ay ku dhowaaqay inay la furay qaar ka mid ah jidadka, gaar ahaan Makka Al-Mukaramma iyo tan Wadnaha. Si kastaba ha’ahaatee shacabka Muqdisho ayaa saddexii sano ee la soo dhaafay ka cabanayey xirnaashaha jidadka oo ay dhagaxaan ku goysay dowladda Soomaaliya. The post Dibad-bax ballaran oo ka dhacay magaalada Muqdisho + ujeedka first appeared on Caasimada Online.
-
The agreement on the electoral model paves the way for 2021 elections in Somalia. Agreeing on election modalities and schedules is a progress in the eyes of many Somalis but a setback for others. On the thirtieth anniversary of the state collapse Somalia may have elections modelled on 1991 reconciliation conference principles that gave primacy to armed, clan-based organisations. The exclusion of Somali clans known as Others from the agreement speaks volumes about the elevation of clan identity for self-proclaimed powerful clans above the Somali citizenship. The 4.5 power-sharing (disempowering, to be exact) system is the foundation stone for the electoral agreement. The Electoral Law (now abrogated) passed by the Somali Federal Parliament was all along incompatible with one person, one vote elections. An attempt to conduct a more enhanced elections has yielded an ignominious return to less enhanced elections. There are some lessons one can learn from how the incumbent Federal Government of Somalia cashed on its early progress on good governance, of which limited security reforms is the most cited example, to consolidate and centralise its power without foreseeing the backlash from Federal Member States particularly Puntland and Jubaland. National sovereignty does not make much sense if a government does not control the whole country. The Federal system has been a response to lessons from the state collapse — dispossession, displacement, famine as well as pre-state collapse pathologies such as underdevelopment and political oppression — to build institutions gradually. The first violation of this approach emerged when Puntland lobbied for the end of the transition in 2012 without sound agreements in place. The permanent Somali government formed in 2012 had failed to honour its pledges to conduct one person, one vote elections, not because it was incapable of running the country but it was using a centralist mind-set in a country that has become irreversibly federal in the sense that power at the centre drives legitimacy from political structures that formed in one-time peripheries such as what is now known as Puntland, and to a large extent Somaliland. A federal system takes off in a country when all parts of the whole possess political institutions that have a lot in common. Disparities in state-building made the federal system in Somalia dysfunctional and deepened the plight of underrepresented and marginalised Somali social groups. No system makes a country politically and economically vibrant. The debate on the system of governance appropriate to Somalia misses the point. “Institutions are built for people, not people for institutions. The kind of political class … [a society has]…, their values, their orientation, their behaviour, their attitude to the society” determine political outcomes, argued Abdul Raufu Mustapha, the late Associate Professor of African Politics at Oxford University. Somali Militias under the command of worldsroaming the streets of Mogadishu during 1990s. Since 2004 there have been two influential schools of thought about rebuilding the Somali state. One is based on the federal system proposed by Puntland in 1998; the other belongs to the governance structures introduced in Mogadishu by the clan-based Islamic Courts, a forerunner of the Union of Islamic Courts. Neither form of government has successfully taken root in Somalia. What Somalis have had since 2009 is a fusion of the two, a return to a form of low-key politics that resemble the 1990s warlordism. Why do the World Bank and IMF promote debt relief for a country whose political leaders thrive on a two-tier political system, one that rewards some social groups, and another that marginalises a segment of the society? Declarations about progress towards debt relief belies the work of political scammers ( qalin shubato siyaasadeed) at all levels in Somalia. Complications of the flawed political system of Somali delay a possible progress in Somalia-Somaliland talks. How can Hargeisa be persuaded to abandon its secession dreams when many social groups in south Somalia remain politically marginalised and victims of dispossessions and displacement? Somali political leaders have a conception of national sovereignty as brokerage to a point that national infrastructures have become possessions of clans. They view the sovereign status of Somalia as a means to minting a fortune from agreements signed with companies at the expense of efforts to create durable institutions and promote political accountability at federal government and federal members state levels. Somalia’s International Partners should not be funding institutions that leave a segment of the Somali society in a state of political marginalisation. Liban Ahmad Email: libahm@icloud.com The post SOMALIA RETURNS TO POLITICS OF WARLORDISM appeared first on Puntland Post.
-
Roobka dayrta ayaa saaka oo Khamiis ah maasheeyay dhul ballaaran oo ka tirsan Gobolka Nugaal, kaas oo dhinaca koonfurta ka xiga caasimadda Puntland ee Garoowe. Roobka oo lagu tilmaamay mid mahiiggaan ah, ayaa hiraabtii hore ee saaka ka da’ay degmada Buurtinle iyo degaannada ku teedsan oo u badan dhul miyi ah, waxaana la sheegay in uu daadad iyo qiiqalyo xooggan ku harqiyay ballida iyo dooxooyinka dhul daaqsinta leh. Meelaha roobsaday waxa kamid ah Koryaal, Jalam, Calleeli, Gosol iyo dhulka miyiga ah ee ku hareersan, halkaas oo ay buuxsameen balliyada, xurfooyinka, baraagaha, dhaalasha iyo dhammaan jadooyinka godan. Sidoo kale, xoogaa biya-dhig ah ayaa saaka ka da’ay tuulooyinka Kalabayr, Bir dheer, Ooman, Buundo, Ceel-wacayseed, iyo dhulka miyiga ah oo u badan dhinaca Hawdka ee xiga Reebanti. Roobkii saaka oo ahaa mayay curtay wax yar ka hor salaadda subax, wuxu inta badan balleeyay degaanno abaar ahaa, oo aysan hore uga di’in Roobabka dayrta, waxaana weli cirka ka muuqda cimilo roobaad. Daruuro biyaysan iyo fadad goos-goos ah ayaa meelaha qaarkood cirka ku marriiman, halka meelaha qaarna laga arko caad wata dallaalimo qabow iyo neecow diirran. PUNTLAND POST The post Roob mahiiggaan ah oo ka da’ay Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Batroolka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay yeelatay guddi sare oo kala metali doona dowladda dhexe ee federalka, dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, kaas oo ah 7 xubnood. Guddigan oo ay ku dhowaaqday hay’adda Batroolka Soomaaliya (SPA) ayaa waxaa loo xil-saaray inay ka shaqeeyaan kor u qaadida warshadaha saliida iyo gaaska. Sidoo kale waxa ay hubin doonaan sharciyadda horumarinta maaliyaddeed ee la soo saaray, mabaadi’da sinnaanta, furfurnaanta, la xisaabtanka, daah furnaanta iyo takoor la’aanta danaha dadka Soomaaliyeed oo dhan. ”Guddigan wuxuu hubin doonaa in dhamaan maamulada xubnaha ka ah ay awoodaan inay gacan ka geystaan qaabeynta horumarka warshadaha ayna soo jiitaan maalgashi caalami ah si loo kordhiyo soo kabashada dhaqaalaha keydka saliida iyo gaaska Soomaalia.” ayuu yiri maareeyaha hay’adda Batrolka Soomaaliya Ibraahim Cali Xuseen. Somaliland ayaa sidoo kale guddigan xubin ku yeelatay, waxaana ku metalaya, Cabdixaafid Cali Dirir, halka dowladda dhexana uu metalayo Mahad Maxamed Xasan. Waxaa sidoo kale guddiga qeyb ka ah Caasho Cismaan Axmed oo metaleysa gobolka Banaadir, Ibraahim Axmed Layte oo ka socda HirShabelle, Cabdulqaadir Aadan Maxamuud oo isna metalaya Galmudug, Ibraahim Cabdulqaadir Maxamed oo metalaya Koonfur Galbeed, iyo Axmed Xaaji Cabdi oo metalaya dowlad goboleedka Jubbaland. Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo ra’iisul wasaarihiisa Maxamed Xuseen Rooble ayaa ansixiyey guddigaasi oo haatan wixii ka dambeeyo la wareegi doono shaqada iyo maamulka hay’adda Batrolka Soomaaliyeed. Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa inay ka faa’iideysato kheyraadka uu Ale ku maneystay oo ugu horreeyo shidaalka dabiiciga ah, waxaana hore u billowday qorshaha sahminta shidaalka, iyadoo ay ku tartarmi doonaan shirkado waa weyn oo caalami ah. The post Dowladda Soomaaliya oo ku dhowaaqday guddi ay xubin ka tahay SOMALILAND first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee waaxda warfaafinta xafiiska ra’iisul wasaaraha, Cali Nuur Salaad ayaa shaaciyey inuu gaabi ahaan isaga haray ololaha uu wado musharrax Xasan Cali Khayre oo isku soo taagay xilka madaxweynaha ee afarta sano ee soo socota. Cali Nuur oo ka mid ahaa shaqsiyaadkii aadka ugu dhowaa Khayre, ayaa shaqada ka tegay maalmo kadib, markii la riday ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya. Kadib is-casilaada uu ku dhowaaqay Cali Nuur Salaad ayaa waxaa lala xiriiriyey inuu qeyb ka yahay ololaha uu doorashada soo socota ugu jiro, Mudane Xasan Cali Khayre. Agaasimihii hore ee waaxda warfaafinta xafiiska ra’iisul wasaaraha oo wax laga weydiiyey arrintan ayaa sheegay in uusan hadda qeyb ka aheyn ololaha uu wado Khayre, wuxuuna carabka ku dhuftay in markii horeba uusan u shaqeynin shaqsi, balse uu ka tirsanaa xafiis dowladeed, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan ka shaqeynayey xafiis dowladeed ee shaqsi uma shaqeyneynin,” ayuu hadalka ku soo koobay, Cali Nuur Salaad. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan ololaha uu doorashada ugu jiro Khayre ka bilaabay wadamada dariska sida Jabuuti iyo Kenya oo uu booqasho ku tegay. Si kastaba ha’ahaatee dad badan ayaa rumeysan in Khayre uu waayey xubno fir-fircoon oo laf-dhabar u ahaa ololihiisa doorashada ee uu ku doonayo xilka madaxweynaha. The post Cali Nuur Salaad oo ka baxay ololaha doorashada ee Khayre first appeared on Caasimada Online.
-
Dawladda Ethiopia ayaa ku dhawaaqday shalay inay joojisay in shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian laga madaxbanaaneeyo dawladda, taas oo ah shirkada ugu balaadhan qaarada. Dawlada Ethiopia ayaa laba sano ka hor ku dhawaaqday in ay si buuxda ama qayb ahaan ay madaxbanaanaynayso laba shirkadood oo qaranka Ethiopia leedahay oo ay ku jiraan shirkadaha Ethiopia Telecom iyo Ethiopian Airlines. Wasiirka Maaliyada Ethiopia Axmed Shide ayaa shir jaraa’id oo uu wariyeyaasha u qabtay maanta waxa uu ku sheegay in si fiican ay u socoto in shirkadda Isgaadhsiinta ee Ethiopian Telecom in dawlada laga madaxbanaaneeyo, isla markaana saddexda bilood ee soo socda ay noqon doonto shirkadd dawlada ka madaxbanaan (privatized). Hase yeeshee Wasiirka Maaliyada Ethiopia waxa uu intaasi ku daray in dawladdu ay joojisay qorshe shirkadda Ethiopian Airlines dawladda lagaga madaxbanaanaynayey si ay ula tartanto suuqyada caalamka, inkasta oo cudurka COVID-19 uu si khatar ah u saameeyey dhaqaalihii aduunka. Inkastoo cudurkaasi faafay ayaa waxa uu wasiirku sheegay in Ethiopian Airlines ay soo saartay dakhli sanadkii miisaaniyada Ethiopia ku kordhiyey 122.14 billion Birr oo u dhiganta (3.3 billion USD at current exchange rate) intii lagu gudo jiray miisaaniyadii Ethiopia ee July 7, 2020. Source
