Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The family of freed Westgate terror suspect Liban Omar has vested their hopes in God following near-fruitless efforts to track him with the help of police. Source: Hiiraan Online
  2. WASHINGTON — President Trump’s surprise tweet last week that he would pull all U.S. troops from Afghanistan by Christmas is not the only important military mission he may abruptly shrink or end as Election Day nears. Source: Hiiraan Online
  3. My aunt, Regina Elmi, came to the United States from Somalia by way of Kenya in 1996. At that time, multilingualism was not encouraged for immigrant children like her. So she lost the ability to speak her native languages of Swahili and Somali. Source: Hiiraan Online
  4. Kismayo – Amina Abdi Ali started an adult literacy programme for women in the southern Somali city of Kismayo in 2016 with high hopes of making a difference in the lives of her fellow Jubalanders. Source: Hiiraan Online
  5. NAIROBI, Oct 15 (Thomson Reuters Foundation) - More than 70% of displaced and refugee women in Africa have seen a rise in domestic violence in their communities during the coronavirus pandemic, a survey published on Thursday found. Source: Hiiraan Online
  6. Jowhar (Caasimada Online)-Wafdi ay qeyb ka ahaayeen laba ka mid ah guddoomiyeyaashii soo maray gobolka Hiiraan oo madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle uu hoggaaminayey ayaa maanta ka degay magaalada Jowhar, halkaas oo maalmaha soo socda lagu qado inuu ka bilaawdo dhismaha Hir-Shabeelle cusub. Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) iyo Cabdifitaax Xasan Afrax oo labaduba guddoomiyeyaal kasoo noqday gobolka Hiiraan, isla markaana ka soo wada jeeda beesha Xawaadle ayaa Cali Guudlaawe maanta la tegay magaalada Jowhar. Yuusuf Dabageed iyo Cabdifitaax ayaa labaduba la hadlay warbaahinta, waxayna sheegeen in Jowhar u tageen ka qeyb qaadashada dhismaha maamulka cusub ee Hir-Shabeelle, iyagoo eedeyn u jeediyeen siyaasiyiinta saluusan sida haatan loo wajahayo dhismaha maamulkaas. “Anagu odayaasha hadda waxa dhisi raba ayaan ka mid nahay, shalay markii maamulkaan la dhisaayey wuu toosnaa, maanta sida howshu ku socoto wey toosantahay, marka dadkii shalay qeylinaayey, maantana qeylinaaya, waa qof dan-leh oo siyaasi ah oo isagu kursiga raba” ayuu yiri Yuusuf Dabageed. Guddoomiye Dabageed ayaa siyaasiyiintaas ugu baaqay inay kuraasta Hir-Shabeelle u soo doontaan Jowhar, “Anaga hadda waan soo doonanay nasiibkeenna ayaana ka qaadaneynaa” ayuu yiri. Dhankiisa guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xasan Afrax oo qeyb ka ahaa wafdiga Cali Guudlaawe ayaa yiri, “Siyaasiga walwalku haayo ee aan isku kalsooneyn, waan leenahay isku kalsoonaaw, oo imaaw Jowhar, kana qeyb qaado dhismaha maamulka.” Waxa uu sheegay in bisha soo socota ay dhalan doono iyadoo la dhisay Hir-Shabeelle cusub, isla markaana aysan dadka reer Hir-Shabeelle ku niyad-jebi doonin hadallada ka soo yeeraya siyaasiyiinta qaar, sida uu hadalka u dhigay. Cali Guudlaawe ayaa la sheegay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Hir-Shabeelle, afarta sano ee soo socota, arrintaasna waxaa si adag uga soo hor jeestay beesha Xawaadle. Beesha Xawaadle ayaa ku doodeysa in markii la aas-aasaayey Hir-Shabeelle afar sano ka hor lagu heshiiyay in madaxweynaha maamulkaas uu mar kasta ka yimaado beeshooda, isla markaana ay caasimadda qaadato beesha Abgaal oo ay Jowhar ahaato. Madaxda dowladda federaalka ayaa la aaminsanyahay inuu taageero ka helaayo Cali Guudlaawe, waxaana qaar ka mid ah siyaasiyiinta beesha Xawaadle oo ay ku jiraan Yuusuf Dabageed iyo Cabdifitaax lagu qanciyay inay Jowhar tagaan oo wax ka bilaabaan dhismaha maamulka cusub ee Hir-Shabeelle. Hoos ka Daawo The post Siyaasiyiin miisaan culus ku leh Hiiraan oo la saftay Cali Guudlaawe first appeared on Caasimada Online.
  7. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas, kadib muddo uu ku sugnaa magaalada Muqdisho. Cali Guudlaawe oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar ayaa sheegay in go’aanka uu yahay in doorashada maamulka Hir-Shabeelle ay waqtigeeda ku dhici doonto, isagoo ugu baaqay cid kasta oo tabasho qabta inay timaado Jowhar. “Sidaad ogtihiinba waqtigii afata sano ahaa ee Hir-Shabeelle waa gaba-gabo, qaabkii Hir-Shabeelle cusub loo aas-aasi lahaa ayaan ugu maqnaa Muqdisho,” ayuu yiri Cali Guudlaawe. Waxa uu sheegay in intii uu joogay Muqdisho inuu la-tashiyo kala duwan la sameeyay dhinacyada kala ah, dowladda federaalka, siyaasiyiinta reer Hir-shabeelle iyo duubabka dhaqanka, isla markaana ay isla qaateen inay ‘lagama maarmaan tahay in Hir-Shabeelle cusub sida ugu dhaqsaha badan loo dhiso. “Dhammaan dhinacyadaas waxaan isla qaadanay in Hir-Shabeelle la dhiso, waqtigeeda lagu dhiso, dastuurkeedana lagu dhiso,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Guudlaawe madaxweyne ku xigeenka maamulka Hir-Shabeelle. Cali Guudlaawe ayaa la sheegay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Hir-Shabeelle, afarta sano ee soo socota, arrintaasna waxaa si adag uga soo hor jeestay beesha Xawaadle. Beesha Xawaadle ayaa ku doodeysa in markii la aas-aasaayey Hir-Shabeelle afar sano ka hor lagu heshiiyay in madaxweynaha maamulkaas uu mar kasta ka yimaado beeshooda, isla markaana ay caasimadda qaadato beesha Abgaal oo ay Jowhar ahaato. Madaxda dowladda federaalka ayaa la aaminsanyahay inuu taageero ka helaayo Cali Guudlaawe, waxaana qaar ka mid ah siyaasiyiinta beesha Xawaadle lagu qanciyay inay Jowhar tagaan oo wax ka bilaabaan dhismaha maamulka cusub ee Hir-Shabeelle. Hoos ka Daawo Cali Guudlaawe The post Daawo: Cali Guudlaawe oo go'aan kasoo saaray doorashada HirShabeelle, farriin culusna diray first appeared on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen daacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Habeen-15102020-ok.mp3 View the full article
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Militariga Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay weerar xalay ka dhacay duleedka degmada Afgooye oo lagu dilay 13 askari. “Waxaan ka tagnay Afgooye, kadibna waxaan Al-Shabaab ku weerarnay beero ku yaalla duleedka Afgooye,” waxaa sidaas yiri Major Maxamed Cali oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters. “Waxaan dilnay afar mintidiin ah, waxaana ceyrsanay Al-Shabaab. Kadib inta badan ciidankii waa ay soo laabteen waxaana halkaas uga soo tagnay dhowr iyo labaatan askari. Kadibna fiidkii ayey Al-Shabaab soo weerareen ciidankii aan kasoo tagnay waxayna dileen 13 askari,” ayuu xaqiijiyey Major Maxamed Cali. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, iyo dhimashada ciidan ka badan kan ay dowladda qirtay. “Waxaan dilnay 24 askari, intii kasoo hartayna waa ay baxsadeen,” waxaa sidaas yiri Cabdicasiis Abu Muscab oo ah afhayeenka howl-gallada ee Al-Shabaab, oo sidoo kale la hadlay Reuters. Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegay in ciidanku ay ku jireen rondo ay ka sameynayeen nawaaxiga tuulada Bullalow markii weerarka lagu soo qaaday. Askarta dhimatay waxaa ka mid ahaa Gaashaanle Dhexe Cabdalle Cali Mire oo ciidanka haystay. The post Militariga Soomaaliya oo ka hadlay weerarkii askarta lagu laayey iyo sida uu ku dhacay first appeared on Caasimada Online.
  10. Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Yemen mudada dheer ayaa maanta Is-dhaafsaday maxaabiistii ugu badnay kadib markii heshiis ku dhexmaray Switzerland bishii u dambaysay, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan maleeshiyada Xuutiyiintu. Dawladda Yemen, oo ay taageeraan xulafada Sucuudigu hoggaamiyo, iyo Maleeshiyada Xuutiyiinta ayaa gaadhay heshiis lagu sii daynayo 15,000 Maxbuus, taas oo qayb ka ah heshiis ay isku soo dhaweynaysay Qaramada Midoobay. Maxaabiistan ay is-dhaafsanayaan labada dhinac ayaa noqonaysa tii ugu balaadhnayd ee la qorsheeyey in la sii daayo tan iyo 2014-kii oo dagaalku bilaabmmay. Ergayga Qaramada Midoobay ee gobolkaasi Martin Griffiths ayaa soo dhaweeyey talaabadan waxaanu ku tilmaamay “Horumar aad u muhiim ah” markii wadahadalku ka dhacay Switzerland bishii u dambaysay. Sidoo kale Afhayeen u hadashay hay’adda Laanqayrta Cas ee (ICRC), oo iyadu waday hawlaha farsamo ayaa sheegtay in tiro madaaro ah oo ay ku sugan yihiin kooxda ICRC ay ka dhici doonto isku gudbinta maxaabiistan la sii daayey. “Koox ka tirsan ICRC ayaa ku sugan dhawr madaar oo kala duwan. Diyaargarowguna wuu socdaa,” ayay tidhi Yara Khaweja oo la hadlaysay wakaalada Wararka ee Reuters. Telefishanka Al Masirah oo ay gacanta ku hayaan Maleeshiyada Xuutiyiintu ayaa sheegay in kooxda ugu horaysa ee Maxaabiistan inay filayaan in maanta oo khamiis ah la keeno Madaarka caalamiga ah ee Sanca oo ay maleeshiyadu gacanta ku hayso. Qorshaha Maxaabiistan la is-dhaafsanayo ayaa ku soo beegmaya xili maalintii shalay la sii daayey laba qof oo u dhashay dalka Maraykanka oo lagu haystay Yemen. Source
  11. MOGADISHU (Reuters) – At least 13 Somali troops have died after the army attacked militant group al Shabaab in jungle and farms near the district of Afgoye northwest of the capital, Mogadishu, a military official said. Al Shabaab has battled since 2008 to overthrow Somalia’s internationally-recognised central government and establish its rule, based on its own interpretation of Islamic law. “We left Afgoye district and attacked al Shabaab in the farms outside Afgoye,” Major Mohamed Ali told Reuters, describing Wednesday’s incident in the district about 30 km (19 miles) from Mogadishu. “We killed four militants and chased al Shabaab,” Ali said late on Wednesday. “Most of the military came back and we left two dozen soldiers there. Then, this evening, al Shabaab attacked our few soldiers and killed 13.” Al Shabaab, which launches regular attacks in a bid to undermine Somalia’s central government, which is backed by the United Nations and African Union peacekeeping troops, claimed responsibility. “We killed 24 soldiers and the rest escaped and ran away,” said Abdiasis Abu Musab, the group’s military operations spokesman. The post At least 13 Somali soldiers killed after military, al Shabaab clash first appeared on Caasimada Online.
  12. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhagax-dhigay xarunta gurmadka qaranka oo loogu talagalay in ay daboosho Xaaladaha deg degg ah ee ay keenaan noocyada kala duwan ee masiibooyinka. Xarunta gurmadka Degdegga ah ayaa noqon doonta mid isku xirta dhamaan hay’adaha gurmadka dalka oo dhan, waxayna aruurin doontaa macluumaaadka halista soo socota, lana wadaagi doontaa dhinacyada ay khuseyso. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in markii uu booqday qaar ka mid ah isbitaalada Muqdisho , arkayna casharradii laga bartay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe iyo dhacdooyin kale oo dalka soo maray ay lagama maarmaan noqotay dardargelinta dhismaha xarunta, oo laamo ku yeelanaysa caasimadaha dowlad gobolleedyada. Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa u mahadceliyay dowladda Sweden iyo Bangiga Adduunka oo maalingalinaya dhismaha Xarunta, oo lagu soo gabagabeyn doono muddo gaaban. View the full article
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada AMISOM ee qeybta ka ah howl-galka midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan looga furay dalka Mareykanka, taasi oo la xiriirta diyaarad ay sanadkan gudaheeda kusoo rideen magaalada Bardaale ee gobolka Baay. Qareeno madax-banaan oo Mareykan ah oo ay qabsatay diyaarada Fly Africa ayaa AMISOM dacwad uga furay dalka Mareykanka, maadama ay ku doodayaan in si kas ah ay ciidamadaasi usoo rideen diyaarad ay laheyd shirkadu 4-tii bisha May ee sanadkan 2020, taasi oo siday gargaar bini-aadanimo. Arrinta dacwadan oo lagu soo shaaciyey barnaanijka Bandhiga ee idaacada VOA-da, ayaa waxa lagu sheegay in dacwadaasi loo gudbiyay sidii loola xisaabtami lahaa howl-galka midowga Afrika oo AMISOM ay qeyb ka tahay. Diyaaradaasi ay soo rideen ciidamada AMISOM ee kusugan Bardaale ayaa waxa ku naf waayey lix ruux, oo qareenada u doodaya shirkadu ay sheegen in magdhowga shaqsiyaadkaasi laga rabo AMISOM. Ciidamada AMISOM ayaa iyaguna dhinacooga ku doodaya inaysan diyaaradaasi usoo ridin si kam ah, balse ay ka cabsi qabeen in lagu bartilmaameedsado, maadama ay ka timid dhinac aan looga baran diyaaradaha, wallow ay arrintaasi ganafka ku dhufteen mas’uuliyiinta shirkadu. Sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegen VOA-da, dhamaan xogta diyaaradaasi lasoo riday ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya, oo iyadu ilaa hadda ka aamusan soo saarista warbixin ku qotomta sida uu shilkaasi u dhacay. Sidoo kale waxaa barnaamijka Bandhigu uu su’aal geliyay sababta shan bil ka badan aan loo soo bandhigin warbixinta diyaaradaasi burburtay oo dad xogogaal ahi ay xaqiijiyen in baaristeeda ay soo afmeermatay. Wasiirka gaadiidka iyo duulista Soomaaliya oo isaguna lagu wareystay barnaamijkaasi ayaa xaqiijiyey in dowladdu ay soo afmeertay xogta burburka diyaaradaasi, isagoona xusay in tallo bixin ay galiyeen. Inkasta oo aysan si dhab ah u cadeyn nooca tallo bixin ee wasiir Oomaar uu sheegay inay galiyeen baarista burburka diyaaradaasi, haddana waxay sii xoojinaysa dooda qareenada dacwada ka gudbiyay AMISOM. Wuxuu xusay wasiirku in baaritaankooda loo ogol yahay inay haysan karaan muddo 10-sanno ah, xili dacwad ka dhan ah dhinaca lagu eedeynayo burburka diyaaradaasi laga furay dalka Mareykanka. Ciidamada AMISOM ayaa badanaa gudaha Soomaaliya ka sameeya tacadiyo aan lagala xisaabtamin, tana waxay noqon kartaa cawaaqib culus oo ka dhalatay falalka aan la mahdin ee ay dalka ka fuliyaan, iyaga oo aan sabab cad u haysan. AMISOM ayaa haddii dacwadan lagaga guuleysto ku qasbanaan doonta inay bixiso lacag badan oo magdhow unoqoneysa shaqsiyaadkii ku naf waayey diyaaradaasi iyo weliba shirkadii ay kaga burburtay diyaaradeedu, iyada oo suurtagal tahay in loo maxkamadeeyo askartii ka dambeysna. Hoos ka dhageyso warbixinta The post Shirkad Soomaaliyeed oo Mareykanka ka furtay dacwad xasaasi oo ka dhan ah Amisom first appeared on Caasimada Online.
  14. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo muddooyinkii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho ayaa maanta dibu ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabelle Dhexe. Cali Guudlaawe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar si weyn ugu soo dhoweeyey guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed, xildhibaano, wasiiro iyo dadaweyne fara badan. Intaasi kadib madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa loo galbiyey dhanka xarunta madaxtooyada, halkaas oo uu ka bilaabi doono kulamo wada-tashi ah. Mr Guudlaawe ayaa ah musharrax u taagan xilka madaxweynaha HirShabelle ee afarta sano ee soo socota, isagoo maalmihii u dambeeyey taageero ka raadinayey dowladda dhexe. Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in la qabanayo Doorashada Hirshabeelle, iyadoo aan xal loo helin tabashada beesha ugu weyn Gobolka Hiiraan, waxaana lagu wadaa in maamaha soo socda la guda-galo soo xulista xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle. Socdaalkiisa magaalada Jowhar ayaa sidoo kale ku soo aadaya, xilli uu is-mari waa ka taagan yahay doorashada HirShabelle, kadib markii uu dhowaan madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ka horyimid jadwalka doorashada oo ay soo saareen guddiga farsamada ee maamulkaasi. Sidoo kale madaxda HirShabelle ayaa ku kala aragti duwan arrimaha doorashada, waxaana dhowaan guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Cismaan Barre Maxamed uu shaaciyey in doorashada ay waqtigeeda ku dhaceyso, walow haatan la joogo xilligii loo asteeyey, islamarkaana uu dhammaaday muddo xileedka maamulka hadda jira. HirShabelle ayaa wajaheyso daruufooyin is-biirsaday, sida amni xumo, dhaqaalaha oo aad u liita, fatahaado, khilaafaad dhanka maamulka ah iyo dhabaatooyin kale oo lugaha qatay horumarka maamulkaasi oo ah kan ugu yar dowlad goboleedyada ka jira dalka. The post Sawirro: Guudlaawe oo ku laabtay Jowhar iyo DF oo ku adkeysaneysa qorshaheeda first appeared on Caasimada Online.
  15. Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo maanta Shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirada ayaa guddi heer wasiiro ah u magacaabay soo dhowaynta Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo soo geba-gabeeyay Safarkiisi dibadda. Madaxweyne Deni, oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa la filaya in uu Puntland ku soo laabto horraanta todobaadka soo socda, kadib safaro kala duwan oo uu ku tegay dalalka kenya iyo Imaaraadka Carabta. Guddiga uu magacaabay Axmed Karaash oo ka kooban 7 xubnood, ayaa qaban-qaabin doona soo dhowaynta loo samaynayo Mr Deni, maadaama uu door muhiim ah ka qaatay in dalku ka baxo marxaladda kala guurka ah, islamarkaana laga heshiiyo Hannaanka Doorashada dalka, sida lagu xusay Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada. Guddiga waxa Guddoomiye u ah wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, waxaana weheliya wasiirka Warfaafinta Cabdullaahi Cali Xirsi Tima-cadde, wasiirka Haweenka, Aamina Cismaan Xaaji, wasiirka Duulista Hawada Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Cumar Xassan Fiqi, wasiirk ku xigeenka Amniga Cabdullaahi Cabdisalaan Xassan iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Cabdirashiid Cali. PUNTLAND POST The post Axmed Karaash oo magacaabay guddi soo dhoweeya Deni appeared first on Puntland Post.
  16. Saudi Arabia ayaa Talaadadi ku guul-darreystay inuu xubin ka noqdo, Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, hase yeeshee waxaa Golahan oo ka kooban 47 waddan ka mid noqday dalalka si aad ah ugu tuntay xuquuqda aadanaha oo ay ka mid yihiin Shiinaha iyo Ruushka. Doorashada lagu soo xulay xubnaha cusub ee Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee QM oo aheyd mid qarsoodi ah, ayaa waxaa shalay ka mid noqday dalalka Bolivia, Britain, China, Cuba, France, Gabon, Ivory Coast, Malawi, Mexico, Nepal, Pakistan, Russia, Senegal, Ukraine iyo Uzbekistan. Saddex sano ayay ka mid ahaan doonaan Golaha, waxaana muddo xileedkooda uu u billaaban doonaa koowad bisha Jannaayo ee sannadka 2021. Sacuudiga oo dhaqaale xoogan ku bixiyo QM, ayay khubarradu sheegeen, inuu ku waayay kursiga uu u tartamay, dagaalka uu ka wado Yemen oo sababay masiibo bani,aadannimo tii ugu xumeyd ee aduunka lagu arko sannadihi dhawaa, iyo dilkii wariye Jamal Kashikji oo lagu eedeeyay inuu amarkiisa lahaa dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salman. Ka mid noqoshada dalalka Shiinaha iyo Ruushka ay ka mid noqdeen Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Shiinaha, ayaa cambaareyn xoogan kala kulmay hey’adaha caalamiga ah ee xuquuqda aadanha. Qaran News
  17. New York (Caasimada Online) – Warbixin la filayo inay kasoo baxdo Golaha Ammaanka ee QM, oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa lagu sheegay in kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay ku sugan tahay xalaad dhaqaale oo aad u wanaagsan. “Al-Shabaab waxay ku sugan tahay xaalad dhaqaale oo aad u xooggan, waxayna soo xareyneysa dakhli badan oo xitaa miisaanaaiyadeeda ay wax kasoo haraan, kuwaasi oo ay ku maal-gashtaan hantida ma guurtada ah iyo gacansiyada ku yaalla Muqdisho,” ayaa lagu yiri warbixintan ay u gudbiyeen khubarada QM ee Soomaaliya. Sida warbixinta lagu sheegay kharaashaadkii Al-Shabaab ee sanadkii tegay waxa uu gaarayey 21 milyan oo dollar, oo 25% lagu bixiyey qeybta sirdoonka kooxdaas ee loo yaqaan Amniyaat. Lacagtan badankeed ayaa kasoo xaroota canshuur baad ah oo laga qaado ganacsatada. Mid ka mid ah ganacsatada ayaa baarayaasha QM u sheegay inay maxkamad Al-Shabaab u yeertay kuna amartay inuu bixiyo 100,000 oo dollar oo Zako ah, kadib qiimeyn la sheegay in lagu sameeyey ganacsigiisa ka hor inta uusan iman. Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in mid ka mid ah jidgooyinka badan ee Al-Shabaab ay sanadkii kaligeed soo xareyso lacag u dhaxeysay 1.8 illaa 2.4 oo dollar. Warbixinta ayaa intaas ku dartay in dekedda Kismaayo oo kaliya, ganacsatada lagu qasbo in midkiiba uu bil kasta bixiyo cel-celis ahaa 300 illaa 600 oo dollar, taasi oo sanadkii Al-Shabaab u xareysa 6 milyan oo dollar. Ganacsatada waxay ka baqayaan inay diidaan dalabka Al-Shabaab ayaga oo ka cabsanaya in la dilo, sida uu sheegay Xuseen Sheekh Cali oo ah la-taliyihii hore ee amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, haatanna madax ka ah machadka daraasaadka amniga ee Hiraal. “Ciidamada Soomaaliya ayaa mararka qaar weerara jidgooyooyinka Al-Shabaab, si ay u joojiyaan dakhliga kasoo gala,” ayuu yiri. “Al-Shabaab aad ayey ugu wanaagsan tahay marka ay noqoto lacagaha ay ka ururiyaan ganacsiyada iyo dalka oo dhan.” “Waxaan ognahay in haystaan lacag dheeri ah oo kasoo kala harta, waxaana rumeysannahay inay qaar ka mid ah u diraan Al-Qacida,” ayuu yiri. The post Warbixin shaacisay xaaladda dhaqaale ee ay ku sugan yihiin Al-Shabaab first appeared on Caasimada Online.
  18. Nuxurka Heshiis soconaya Muddo 5-sanadooda oo Qaramada Midoobay & Xukumada Farmaajo oo maanta ku kala saxeexdeen Muqdisho Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta wada saxiixday heshiis iskaashi oo cusub, kaas oo hagi doona sida dalka iyo Qaramada Midoobay ay u wada shaqayn doonaan shanta sano ee soo socota si dhammaan dadka Soomaaliyeed ay u gaaraan nabad, xasillooni iyo barwaaqo. Xaflad lagu saxiixayay heshiiska – Heshiiska Iskaashiga Horumarinta Waarta ee Qaramada Midoobay (UNCF) – ayaa lagu qabtay caasimadda, Muqdisho, waxaana dhanka dowladda ka qaybgalay Raisul Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiirka Qorshaynta, Maalgelinta iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan. Dhanka Qaramada Midoobay, mas’uuliyiintii ka qaybgalay waxaa ka mid ah, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan iyo Isku Duwaha Arrimaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay, Adam Abdelmoula, oo sidoo kale haya xilka Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay. Heshiiska cusub ee UNCF ayaa baddali doona heshiiskii hore ee isaga oo kale ahaa, kaas oo waqtigiisu ku eg yahay dabayaaqada sanadkan. “Tan iyo markii la saxiixay Heshiiskii Iskaashiga Istiraatiijiyadda ee Qaramada Midoobay bishii December 2017, Soomaaliya waxay horumar wax-ku-ool ah ka samaysay hayaanka ay ugu jirto xoojinta nabadda iyo gaarista horumar waara oo loo dhan yahay, iyadoo kaashanaysa taageerada adag ee Qaramada Midoobay,” ayuu Mudane Swan ka yiri xafladdii saxiixa heshiiska. “Heshiiska UNCF wuxuu ka turjumayaa sida Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay uga wada go’an tahay inay wada shaqeeyaan si loo taageero Hiigsiga 2030 ee Horumarka Waara iyo Himilooyinka Horumarka Waara (SDGs). Hiigsiga waa baaq caalami ah oo la rabo in lagu ciribtiro saboolnimada, lagu dhawro adduunka, laguna horumariyo nolosha iyo horumarka qof kasta meesha uu doono ha ku noolaado e, waxaana Hiigsigan meelmariyay Dhammaan Xubnaha Qaramada Midoobay sanadkii 2015 isagoo qayb ka ah Hiigsiga 2030, oo dhabbaha u xaaraya qorshe 15-sano ah si loo gaaro himilooyinka SDGs,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska UNSOM. Si gaar ah, Heshiiska cusubi ee UNCF wuxuu sharraxayaa hababka Qaramada Midoobay u damacsan tahay inay u taageerto mudnaanaha dowladdu leedahay ee ay ayada majaraha u hayso. Dhidibadda ugu muhiimsani ee waxqabad ee Heshiisku waxay la jaanqaadayaan kuwa ku xusan Qorshaha Qaran ee Sagaalaad ee Soomaaliya (NDP-9), haddii la xusana kala ah, siyaasad loo dhan yahay, dib-u-heshiisiin, amniga iyo ku dhaqanka sharciga, horumarinta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada. “Heshiiska cusub waa lib wada-shaqaynayd oo wax-ku-ool ah oo ay yeeshaan Qaramada Midoobay, Dowladda iyo Saamilayda kale,” ayuu yiri Mudane Abdelmoula. Qaramada Midoobay iyo Bahwadaagta kale, iyagoo sii maraya Heshiiskan, waxay ku sii dadaali doonaan inay la tacaalaan sababaha qaabdhismeed ee horseedka u ah burburnaanta daba dheeraatay iyo xasillooni darrada ee xaddiday horumarka waara ee loo dhan yahay ee Soomaaliya muddo toboneeyo sano ah.” Isagoo ka hadlayay munaasabadda, Raisul Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ammaanay dadaallada Qaramada Midoobay wuxuuna sheegay inuu quuddarraynayo xoojinta iskaashiga dowladda ay la leedahay QM si wax looga qabto caqabadaha qallafsan ee ku hor gudban dhinacyada nabad-dhisidda, hourmarinta iyo banii’aadannimada. “Waxaan soo dhowaynayaa sida cad ee Qaramada Midoobay uga go’an tahay taageeridda mudnaanaha horumarinta Qaranka ee Soomaaliya iyadoo loo marayo iswaaafjainta tooska ah ee Heshiiskan cusub iyo Qorshaha Qaran ee NDP-9, iyo sidoo kale nidaamka isku duwista gargaarka,” ayuu yiri Raisul Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed. Tiro mas’uuliyiin ka socotay Qaramada Midoobay iyo Dowladda iyo sidoo kale wakiillo ka socday bulshada dibloomaasiyiinta ayaa joogay munaasabadda halka kuwa kale ay qaab onlayn ah uga qaybgaleen. Qaran News
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa looga hadlay qorshaha madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu ku rabo inuu ciidamadooda uga saaro Soomaaliya. AFRICOM ayaa waxay sheegtay in qorshaha Trump uu halis amni u horseedi karo dalka Soomaaliya, oo xiligan dagaal adag kula jira kooxaha argagixisada ah, gaara ahaan Al-Shabaab. Waxaa looga digay halistaasi ka dhalan karta hadii laga saaro Ciidamada Mareykanka ka jooga Soomaaliya, oo muddooyinkii dambe sameynayay horumar dhanka amniga ah, sida uu sheegay Afhayeenka ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, Korneyl Chris Karns. Chris Karns ayaa ka dhawaajiyey in ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa Mareykanka ay gaadheen horumar balaadhan oo dhanka amniga, isla markaana ay muhiim tahay in taageerada caalamku uu sii joogteeyo, midaasi oo meesha ka saareysa halista Al-Shabaab. Afhayeenka oo wareysi siiyey wargeyska Washington Examiner ayaa shaaciyey in halista Al-Shabaab ee xiligan ku kooban gobolka ay noqon karto qatar mustaqbalka ku wajahan Mareykanka, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa wada qorshe uu ciidamada Mareykanka ee jooga dalal ay kamid tahay Soomaaliya, uu dib ugu soo celiyo waddanka, taasi oo kamid aheyd balamo uu hore u qaaday xiligii uu ku jiray ololaha madaxtinimada. Sida lagu yiri warbixin ay baahisay warbaahinta Bloomberg, Trump ayaa raba in uu markale ku ololeeyo in ciidamo badan oo Mareykan ah oo dalal kala duwan u jooga dagaalada uu dib ugu soo celiyay waddanka, taasi oo ay dhawaan bilowday qorshaheeda Wasaaradda Gaashaandhigu. Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa billowday inay qorshooyin u diyaariso madaxweynaha, waxaana wada-xaajoodyada arrintan ku saabsan qeyb ka ah la-taliyaha amniga qaranka Robert O’Brien, Wasiirka Gaashaandhigga Mark Esper, iyo taliyaha guud ciidamada Mark Milley, sida ay sheegeen ilo-wareedyada. Dowladda Mareykanka ayaa waxay kamid tahay dowlaha taageera Soomaaliya, gaar ahaan dhanka howl-galada ka dhanka argagixisada, waxaana gudaha dalkeena ka jooga ku dhawaad 650 ilaa 800 oo askari. The post Africom oo shaacisay halis ka dhalan karta qorshaha Trump ee la bixida ciidamada first appeared on Caasimada Online.
  20. The UK’s first hijab-wearing mayor is threatening legal action against Labour after she quit the party citing racism, HuffPost UK can reveal. Source: Hiiraan Online
  21. The former Foreign Minister of Ethiopia Mr Seyoum Mesfin lashed out at the policies of the Prime Minister Abiy Ahmed whom he describes as ” the former Prime Minister of Ethiopia”. In an interview with a journalist in the Tigray region, Seyoum accused Abiy Ahmed of damaging Ethiopia’s sovereignty by hobnobbing with the Eritrean dictator President Isaias Afwerki. Mesfin alleges that soldiers from the Amhara region are ” being trained in Asmara” and that, under Abiy Ahmed, “Ethiopia has no a foreign policy.” The post Seyoum Mesfin: Abiy is a Threat to Ethiopia’s Sovereignty appeared first on Puntland Post.
  22. Taliska AFRICOM ee Mareykanka ayaa ka digay in ciidamada dalkaasi laga saaro gudaha Soomaaliya oo ay ka wadaan howl-gallo ka dhan ah Xarakada Al-Shabab. Col. Chris Karns oo ah afhayeenka Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in weli Al-Shabaab ay halis ku tahay Soomaaliya, loona baahan yahay taageero caalami ah. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in halista Al-Shabaab ay noqon karto qatar mustaqbalka ku wajahan Mareykanka, sida uu hadalka u dhigay. Mareykanka oo duqeymo diyaaradeed ka fuliyo Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale dalka ka jooga ciidamo gaaraya ku dhowaad kun askari oo caawiya ciidamada Soomaaliya. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo dhowaan madaxweyne Trump shaaciyey inuu doonayo in ciidamada Mareykanka laga soo saaro gudaha Soomaaliya. View the full article
  23. Baidoa – On a visit to Somalia’s South West State today, representatives of some of the country’s key international partners highlighted the importance of the Federal Government and Federal Member States working together for the good of all Somalis. Source: Hiiraan Online
  24. Wararka imaanaya Galmudug ayaa sheegaya in ciidamo loo tababarayey kuwa Daraawiishta maamulkaasi ay maanta sameeyeen gadood, islamarkaana ay isaga baxeen xeradii ay ku jireen oo ku taalla gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Cidamadaasi oo wata gaadiidka dagaalka iyo hubkooda ayaa lagu soo warramayaa in ay saaka gaareen deegaanka Galinsoor ee isla gobolkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inay ku sii jeedaan dhanka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo markii horeba laga keenay. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale sheegay in gadoodka ay sameeyeen ciidamadaasi uu salka ku hayo khilaaf u dhaxeeya wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo qaar ka mid aha xildhibaanada mamaulkaasi, gaar ahaan kuwa laga soo doorto Gaalkacyo. Ciidamada carada uga baxay Dhuusamareeb ayaa ka mid ahaa maleeshiyaadkii la qarameeyey ee lagu wareejiyey dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, waxaana muddooyinkii la soo dhaafay ay tababar ku qaadanayeen magaalada Dhuusamareeb. View the full article
  25. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta wada saxiixday heshiis iskaashi oo cusub, kaas oo hagi doona sida dalka iyo Qaramada Midoobay ay u wada shaqayn doonaan shanta sano ee soo socota si dhammaan dadka Soomaaliyeed ay u gaaraan nabad, xasillooni iyo barwaaqo. Xaflad lagu saxiixayay heshiiska – Heshiiska Iskaashiga Horumarinta Waarta ee Qaramada Midoobay (UNCF) – ayaa lagu qabtay caasimadda, Muqdisho, waxaana dhanka dowladda ka qaybgalay Raisul Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiirka Qorshaynta, Maalgelinta iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan. Dhanka Qaramada Midoobay, mas’uuliyiintii ka qaybgalay waxaa ka mid ah, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan iyo Isku Duwaha Arrimaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay, Adam Abdelmoula, oo sidoo kale haya xilka Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay. Heshiiska cusub ee UNCF ayaa baddali doona heshiiskii hore ee isaga oo kale ahaa, kaas oo waqtigiisu ku eg yahay dabayaaqada sanadkan. “Tan iyo markii la saxiixay Heshiiskii Iskaashiga Istiraatiijiyadda ee Qaramada Midoobay bishii December 2017, Soomaaliya waxay horumar wax-ku-ool ah ka samaysay hayaanka ay ugu jirto xoojinta nabadda iyo gaarista horumar waara oo loo dhan yahay, iyadoo kaashanaysa taageerada adag ee Qaramada Midoobay,” ayuu Mudane Swan ka yiri xafladdii saxiixa heshiiska. Heshiiska UNCF wuxuu ka turjumayaa sida Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay uga wada go’an tahay inay wada shaqeeyaan si loo taageero Hiigsiga 2030 ee Horumarka Waara iyo Himilooyinka Horumarka Waara (SDGs). Hiigsiga waa baaq caalami ah oo la rabo in lagu ciribtiro saboolnimada, lagu dhawro adduunka, laguna horumariyo nolosha iyo horumarka qof kasta meesha uu doono ha ku noolaado e, waxaana Hiigsigan meelmariyay Dhammaan Xubnaha Qaramada Midoobay sanadkii 2015 isagoo qayb ka ah Hiigsiga 2030, oo dhabbaha u xaaraya qorshe 15-sano ah si loo gaaro himilooyinka SDGs. Si gaar ah, Heshiiska cusubi ee UNCF wuxuu sharraxayaa hababka Qaramada Midoobay u damacsan tahay inay u taageerto mudnaanaha dowladdu leedahay ee ay ayada majaraha u hayso. Dhidibadda ugu muhiimsani ee waxqabad ee Heshiisku waxay la jaanqaadayaan kuwa ku xusan Qorshaha Qaran ee Sagaalaad ee Soomaaliya (NDP-9), haddii la xusana kala ah, siyaasad loo dhan yahay, dib-u-heshiisiin, amniga iyo ku dhaqanka sharciga, horumarinta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada. “Heshiiska cusub waa lib wada-shaqaynayd oo wax-ku-ool ah oo ay yeeshaan Qaramada Midoobay, Dowladda iyo Saamilayda kale,” ayuu yiri Mudane Abdelmoula. Qaramada Midoobay iyo Bahwadaagta kale, iyagoo sii maraya Heshiiskan, waxay ku sii dadaali doonaan inay la tacaalaan sababaha qaabdhismeed ee horseedka u ah burburnaanta daba dheeraatay iyo xasillooni darrada ee xaddiday horumarka waara ee loo dhan yahay ee Soomaaliya muddo toboneeyo sano ah.” Isagoo ka hadlayay munaasabadda, Raisul Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ammaanay dadaallada Qaramada Midoobay wuxuuna sheegay inuu quuddarraynayo xoojinta iskaashiga dowladda ay la leedahay QM si wax looga qabto caqabadaha qallafsan ee ku hor gudban dhinacyada nabad-dhisidda, hourmarinta iyo banii’aadannimada. “Waxaan soo dhowaynayaa sida cad ee Qaramada Midoobay uga go’an tahay taageeridda mudnaanaha horumarinta Qaranka ee Soomaaliya iyadoo loo marayo iswaaafjainta tooska ah ee Heshiiskan cusub iyo Qorshaha Qaran ee NDP-9, iyo sidoo kale nidaamka isku duwista gargaarka,” ayuu yiri Raisul Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed. Tiro mas’uuliyiin ka socotay Qaramada Midoobay iyo Dowladda iyo sidoo kale wakiillo ka socday bulshada dibloomaasiyiinta ayaa joogay munaasabadda halka kuwa kale ay qaab onlayn ah uga qaybgaleen. View the full article