-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
On a visit to Somalia’s South West State today, representatives of some of the country’s key international partners highlighted the importance of the Federal Government and the Federal Member States working together for the good of all Somalis. “We are encouraged by the revitalization of the dialogue between the Federal Government and all of the Federal Member States. This has included the series of meetings in Dhusamareb in recent months and consultative meetings in Mogadishu in September during which the agreement on the elections model was reached,” said the United Nations Secretary-General’s Special Representative for Somalia, James Swan. “We appreciate President Abdiaziz’s leadership at many stages of this process,” he added, at a brief press conference in the interim capital of Baidoa following a group meeting with the President of South West State, Abdiaziz Hassan Mohamed ‘Laftagareen.’ The UN envoy traveled to Baidoa with the Special Representative of the Chairperson of the African Union (AU) Commission, Ambassador Francisco Madeira; the European Union’s (EU) Ambassador to Somalia, Nicolas Berlanga Martinez; and, from the Intergovernmental Authority on Development (IGAD), the Head of Mission, Jamal Ahmed Ibrahim. In his remarks, Mr. Swan said the results of the Dhusamareb and Mogadishu meetings demonstrated what can be achieved when Somalia’s leaders come together in a spirit of consensus and collaboration. “We urge the leaders to continue with the preparations for the national elections so that they are underpinned by transparency, fairness and inclusivity,” the UN Special Representative said. “This applies to all aspects of the electoral process, such as the formation of federal- and state-level independent electoral committees, the Dispute Resolution Committee and Elections Security Committee.” Mr. Swan also noted the importance of close collaboration to ensure security around the elections, and recognized the efforts of the South West State administration in this regard, despite persistent threats from Al Shabaab. The partners also encouraged Somalia’s leaders to extend their cooperation further in areas such as the constitutional review and other processes that can help advance national priorities, democratic reforms and essential freedoms, such as freedom of speech and freedom of the press. “These are all key components of a lively democratic system that will allow Somali voices to be heard,” Mr. Swan, adding that the AU, EU, IGAD and UN will continue to stand with the people of South West State as they build a better future. On the economic front, the international partners recognized the damaging impact of the COVID-19 pandemic and its disruption of economic growth in South West State, and also underscored the importance revenue collection and good governance for the future development of the state. View the full article
-
Madaxweynaha dowlad goboleed Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xarunta madaxtooyada Magaalada Baydhabo kuso dhoweeyey wafdi uu hogaaminayey wakiilka Qaramada Midoowey uqaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan ay qeyb ka ahaayeen wafdiga wakiilada EU Nicolas Berlanga,Midowga Africa Francisco Madeira iyo IGAD Jamaal Xaaji Axmed. Soo dhoweyn ka dib Madaxweynaha iyo xubno katirsan Golaha wasiirada Taliya Qeybta 60aad CXDS iyo Agaasimaha Guud madaxtooyada ayaa xafiiska kulan kula qaatay Wafdiga maanta baydhabo soo gaaray Waxaana ay kawada Hadleen Arimaha Doorashooyinka,Xiriirka Dowlada Federaalka iyo Dowlada koonfur Galbeed,xoojinta Amniga Xiliga kala guurka, Arimaha Gargaarka iyo ka hortaga Cudurka Covid19. Wakiilada ka kala Socday Besha Caalamka ayaa Bogaadiyey Doorka Madaxweyne Cabdicasiis lafta gareen ku lahaa qabsoomida Shirkii looga hadlayey Arimha Doorashooyinka ee udhaxeyey Madaxda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee sideedii Septemar 2020 heshiis loo dhanyahay laga gaaray sido kale Madaxda ayaa Amaanay Dadaalada uu ku bixinayo Madaxweynaha wanaajinta Xiriirka Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada si looga miradhalo Hiigsiga Shacabka Soomaaliyeed oo ah Hormar iyo Amni Sidoo kale Wafdiga ayaa Madaxweynaha kala hadlay sidii loo xaqiijin lahaa Amniga Goobaha la qorsheeyey inay Doorashada ay ka dhacdo. James Swan wakiilka Qaramada midoobay uqaabilsan Arimaha Soomaaliya oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yiri “Waxaan bogaadinayaa Madaxweynaha DKGS Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen hannaanka wanaagsan ee uu ku lahaa markii ay kulmeen Madaxda Dowlad Goboledyada Iyo DFS iyo kulamadooda wixii Kasoo baxay hanaanka Doorasho ee Waqtigeeda ku saleeyan. Waxaana ku amaanayaa kaalintii uu ku lahaa kulamada Muqdisho iyo kuwii ka horeyey ee Dhuusamareeb looga hadlayey Habsame usocoda Arimaha Siyasadeed ee Soomaaliya oo Doorashooyinka ugu Horeyso. Waxaana Qiyaaseynaa Hanaanka uu kulahaa Dhamaan Heerarka kala dubanaa ee loo soo maray in Shir loo dhanyahay oona looga heshiinayo Arimaha Doorashooyinka Soomaaliya” Madaxweynaha dowla goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa sheegay kulanka uu laqaatay Wakiilada Beesha Caalamka inuu ahaa mid looga hadlayey Dardargelinta Heshiisyadii Muqdisho lagu so gebigebeyey ee ahaa Arimaha Doorashooyinka sidii Waqtigeeda uqabsoomi lahayd. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta mar uu ka hadlayey sanad guuradii ka soo wareegtay qaraxii argagax lahaa ee ka dhacay isgoyska Zoobe, ku baaqay midnimo iyo wadajir. Xasan Sheekh ayaa ugu horeyntii markale ka tacsiyadeeyay eheladooda dadkii ku naf waayey qaraxaasi oo dhacay xili ay saxmad badan ka jirtay isgoyskaasi, kuna tilmaamay mujaahidiin. Wuxuuna hoosta ka xariiqay in marnaba aan si fudud lagu hilmaami doonin dhiiga dadkii aan waxba galabsan ee ku baxay gacmaha nabad diidka, kuwaasi oo caadeystay dhiiga dadkeena, sida uu hadalka u dhigay. Xasan ayaa sheegay in loo baahan yahay in lasoo xiro mashaqada ka dhacday isgoyskaasi, isagoona carabaabay in wadad keliya ee lagu soo afjari karo ay tahay in cadaalada la hor-geeyo dadkii ka dambeeyay falkaasi. “Ehelkii iyo qaraabadii ay dadkaas ka baxeen waxaan leeyahay, Samir iyo iimaan Alle ha naga siiyo, jannadii Fardowso Alle ha geeyo, kuwa lagu tilmaami karo inay mujaahidiin ahaayeen waa kuwaas” ayuu yiri. Wuxuuna intaas kusii daray “Lama illoobi karo lagamana sii socon karo, waa arrin u baahan in la soo xiro, mana xirmeyso ilaa dadkii waxaan ka dambeeyay la soo helo oo caddaaladda la hor keeno”. Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyntiina waxa uu bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay si wada-jir ah ugu soo horjeestaan kooxaha argagixisada ah ee dhiigooga xalaashaday, isla markaana gebi ahaanba looga takhaluso. The post Xasan Sheekh oo shaaciyey in musiibadii Zoobe aysan xirmeyn illaa hal arrin laga sameeyo first appeared on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan xog wareysi iyo wadatashi ah la yeeshay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La Socodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Dib u eegista Dastuurka ee Madaxa Bannaan, kuwaas oo uga warbixiyey halka ay marayaan hawlaha dhammeystirka Dastuurka iyo arrimaha horyaala. Hay’adaha qaabilsan dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka ayaa R/Wasaaraha warbixin ka siiyey hawlaha u qabsoomay muddadii la soo dhaafay, waxayna sheegeen in la dhamaystiray dastuurka boqolkii sideetan iyo shan, haatanna loo baahan yahay in la guda galo ilaa 10 qodob oo masiiri ah kuwaas oo u baahan wadaxaajood siyaasadeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilaamay in Xukuumaddiisu ay ahmiyad gaar ah siinayso sidii loo dhammaystiri lahaa dastuurka KMG , iyada oo xoogga la saarayo qodobada u baahan wadatashiga guud, maadaama la soo dhamaystiray inta badan qodobadii kale ee farsamo, waxa uuna bogaadiyey shaqada ay qabteen Wasaaradda iyo Guddiyada u xilsaaran dhammaystirka dastuurka, kuwaasi oo ku shaqeeyay duruufo adag. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Itoobiya, Seyoum Mesfin ayaa weerar afka ah ku qaaday ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, xili dib loo soo nooleeyay xiriirka diblumaasiyadeed ee Itoobiya iyo Eritrea. Seyoum Mesfin oo wareysi siiyey warbaahinta ku hadasha afka Tigray-ga ee magaceeda loo yaqaano TMMA ayaa Abiy ku dhaleeceyay inuu xiriirka Eritrea uu dib uga jafay boorka muddo badan oo colaad kala dhaxeysay. Wuxuu sheegay inuu rumeysan yahay in Abiy uu u ogolaadey madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki inuu ‘kufsado’ Itoobiya, maadama uu dhawaan booqasho ku yimid dalka. Afwerki ayaa dalka Itoobiya ku qaadanaya booqasho qaadaneysa muddo saddex maalmood ah, xili uu todobaadkan ku yimid dowladda deriska la ah ee mudada badan uu dagaalku kala dhaxeeyay. Seyoum Mesfin wuxuu sidoo kale Abiy Axmed ugu yeeray ra’iisul wasaare hore, maadama uu ku doodayo inuu muddo xileedkiisa uu ka dhamaaday, isagoona ku baaqay in deg-deg loo soo dhiso dowlad ku meel-gaar ah. “Ka hor sanadkii 2018-kii waxaa jirtay dowlad la doortey oo waqti leh. Hadda ma jirto xukuumad lasoo doortey,” ayuu yiri, isagoo u muuqda farta ku fiiqaya kororsiga baarlamaanka u sameeyay maamulka wasiirka koowaad. Dhawaaqa Seyoum ayaa u muuqda mid sii xoojinaya soo jeedin dhawaan ka timid xisbiga uu ka tirsan yahay ee gobolka Tigray-ga ka taliya. Doorashooyinka Itoobiya oo ku mudeeysneyd bishii August ayaa dib u dhac ugu yimid sababo la xiriira cudurka Coronavirus, midaasi oo khilaaf xoogan ka dhex abuurtay hogaamiyeyaasha siyaasada Itoobiya, taasi oo laga cabsi qabo inay burbur hor leh u horseedo dalka Itoobiya. The post Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Itoobiya oo weerar culus ku qaaday Abiy Ahmed first appeared on Caasimada Online.
-
Kenya, Somalia relations have been at their lowest point in years as the two countries clashed over Indian Ocean Maritime claims, Kenya’s plan to build 700km border fence and more recently Somalia miraa ban which is a two-edged sword – an epoch-making measure for Somalia but angers Kenya. Source: Hiiraan Online
-
Muxuu Farmaajo ka yidhi hadalkii Donald Trump? Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa durbo ka fal-celiyey hadalkii ka soo yeeray madaxweynaha Mareykanka ee ahaa in ciidamadiisa uu ka saarayo gudaha Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay warbaahinta Bloomberg oo faaloota ganacsiga ayaa sheegay in uusan dooneyn bixitaanka ciidanka Mareykanka ee haatan jooga Soomaaliya. Farmaajo ayaa sababta diidmadiisa la xiriiriyey dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaaab ee weli ka socda gudaha dalka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu jeclaan laan lahaa in ciidamada Mareykanka ay sii joogaan Soomaaliya, si ay u wiiqaan awooda Al-Shabaab. “Runtii waan ku qanacsanahay taageerada Mareykanka, waana ku faraxsanahay waxa Mareykanka uu qabtay, waxaana jeclaan lahaa inaan aragno ciidamada oo sii joogaya illaa iyo inta ay howsha ka dhaceyso 100%,” ayuu yiri madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Dad badan ayaa sidoo kale ka digay qorshaha uu Trump uga saarayo ciidamada Mareykanka Soomaaliya, iyagoo xusay in Al-Shabaab ay weli halis ku yihiin dalka. Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ku dhowaad kun askari, kuwaas oo saldhig ballaaran ku leh gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfur Galbeed Soomaaliya, waxayna caawiyaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa sidoo kale dhankooda duqeymo diyaaradeed ka fuliya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Qaran News
-
Kampala (Caasimada Online) – Musharrixiinta u tartameysa doorashada baarlamaanka Uganda ee soo socota ayaa waxa lagu soo rogay inay bixiyaan lacag ku dhow siddeed boqol oo dollar ($800), taasi oo u dhiganta saddex milyan oo shilling-ka Uganda ah. Mucaaridka Uganda ayaa si weyn uga cawday lacagtaasi lagu waajibiyey musharaxiinta baarlamaanka, midaasi oo ay ku sheegen qorshe ka dhan ah mucaaridka oo lagu rabo in meesha looga saaro. Waxay ku eedeeyen Madaxweyne Yoweri Museveni iyo xulafadiisa inay qaali ka dhigeen u tartamida baarlamaanka, si loo wiiqo awoodii mucaaridka ama si fudud looga takhaluso siyaasiyiinta mucaaridka ku ah. Joel Ssenyonyi, oo ah af-hayeenka Madasha Midnimada Qaranka, ahna musharax baarlamaan laftiisu, ayaa ku sheegay wareysi uu bixiyey in lacagta laga rabo ay ka reebi karto siyaasiyiinta mucaaridka ka qeyb-galka tartankaasi. “Xiriir toos ah kama dhexeeyo qof taajir noqda iyo inuu noqdo hogaamiye wanaagsan. Qaar badan oo ka mid ah dadka musuq-maasuqa sameeya, ee dhaca lacagta canshuur bixiyeyaasha, ayaa horaanba taajirnimo uraya,” ayuu yiri. Dooddan ayaa kusoo aadeysa xili musharixiinta baarlamaanka Uganda laga rabo inay bixiyaan lacagtaasi dhamaadka toddobaadkan, taasi oo ku taariikheysan Khamiista. Dhinaca kale, Musharixiinta xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa iyaguna dhawaan lagu soo rogay inay bixiyaan lacag dhan 20-kun oo dollar oo diiwaan gelin ah, halka kuwa Aqalka golaha shacabka laga rabo 10-kun. Lacagaha musharixiinta baarlamaanka Uganda iyo Soomaaliya ayaa kala badan xadi ku dhow 10-jibaar. Waxaa xusid mudan in ilaa hadda aysan jirin dood buuran oo ka taagan lacagta laga rabo musharixiinta Soomaaliya, halka kuwa Uganda ay muujiyeen cabasho xoogan oo ku aadan lacagta lagu soo rogay musharixiinta baarlamaankooda. Afyare Cabdi, oo ah aqoonyahan ka faalooda colaadaha iyo nabadda geeska ayaa isagu ku kaliyeystay dood uu ka qabo lacagta xad dhaafka ah ee lagu waajibiyey inuu bixiyo musharax kasta oo u tartamaya labada aqal. Wuxuuna lacagahaasi ku tilmaamay kuwo sharci darro ah oo cadaalada ka fog, maadama ay liiska tartamayaasha ka reebayso muwaadiniin badan oo xaq u lahaa inay doorasho galaan. Lacagta xad dhaafka ah ee lagu waajibiyay musharixiinta labada aqal ayaa meesha ka saareysa hanka siyaasiyiin badan oo mucaarid ah oo isku soo sharixi lahaa xilkaasi. Mana cadda sababta keentay in lacag intaas le’eg lagu soo rogo musharaxiinta labada aqal. The post Farqiga u dhaxeeya lacagta laga rabo musharaxiinta xildhibaanada Soomaaliya iyo kuwa Uganada first appeared on Caasimada Online.
-
TACSI MADAXWEYNE: 14/10/2020 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golayaasha guurtida, gaar ahaan wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 14/10/2020, caasimada Somaliland ee Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey muwaadin ka soo qayb-qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadaynta shacbiga Somaliland, wakhtigana ka mid ahaa golaha wakiilada Somaliland. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golayaasha guurtida, gaar ahaan wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Qaran News
-
Bangiga Adduunka ayaa go’aan ku gaaray in 12 bilyan oo dollar la siiyo dowladaha soo koraya si ay u helaan tallaalka cudurka Corona Virus. Guddoonka Bangiga adduunka ayaa sheegay in qorshahaan looga dan leeyahay in waddamada dhaqaalahoodu hooseeyo ay si dhaqso ah u helaan tallaalka Covid19. 12-kaan bilyan ayaa loo isticmaali doona iibinta iyo qaybinta tallaalka cudurka corona, waxaana loogu tala galay inay ka faa’iideystaan dad gaaraya hal bilyan oo qof. Illaa iyo hadda majiro tallaal leysku raacsanyahay in loo isticmalo cudurka Covid-19 kaas oo ay aqoonsantahay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, waxaase tallaallo kala duwan soo saaray dalal badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidanka boliiska magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in amniga magaalada uu yahay mid leysku haleyn karo kaddib howlgallo ay ka sameeyeen dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar. Taliyaha saldhigga boliiska caasimadda Jowhar Dhamme Maxamed Siyaad Cali “Canjeex” ayaa tilmaamay in xaafadaha magaalada iyo bannaankeeda ay ku leeyihiin xarumo laga sugo ammaanka ayna ka sameeyaan howlgalo joogto ah, gudaha iyo bannaanka magaalada. Howlgallada sare loogu qaadayo ammaanka ayaa waxey ku soo aadayaan xilli Jowhar ay ka socdaan ololaha doorashada baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle, waxaa soo dhaweeyay shacabka ku nool caasimadda maamulkaas ee magaalada Jowhar maadama maamulku weli u guurin caasimadda rasimaga Buulo Burde. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aanu ka helayno degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in degmadaasi uu ka dhacay weerar galaaftay nolosha askar ka tirsan ciidamada dowladda. Dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday askar ku sugnaa bar-kantarool oo laga ilaalinayo degmada Balcad, kuna taalla wadada ka imaata dhinaca degmada Afgooye. Xubnaha Shabaabka ah ayaa rasaas huwiyey askartaasi, taasi oo keentay in isla goobtaasi ku geeriyoodaan labo askari oo xiligaasi ku sugnaa bartaasi kantorool, sida dad goob-joog ah u sheegen Caasimada Online. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xubnaha fuliyey weerarkaasi ay hore usii wateen qoryo iyo rasaas tiro badan oo ay lahaayeen askartii ay dileen, iyaga oo isla markiiba iskaga baxsaday goobtaasi. Barta-Kantorool ee shabaabku ku laayen askarta, ayaa waxa saacado kadib gaaray ciidamada ka tirsan maamulka degmada, kuwaasi oo meydka askarta kasoo qaaday, isla markaana goobtaasi ka bilaabay baaritaano hordhac ah. Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore waxay sidan oo kale weeraro ugu qaada bar-kantaroolada ay muhiimka u aragto, kuwaasi oo lagu khaarajiyey askar ka tirsan dowladda iyo shaqsiyaad kaleba. Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta iyo laamaha amniga degmada Balcad, oo ku aadan weerarkaasi maanta ka dhacay afaafka hore ee degmada. The post Shabaab oo dilay askar ku sugneyd bar-koontorool first appeared on Caasimada Online.
-
Faah faahino ka soo baxaya weerar ka dhacay duleedka Balcad
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wararka laga helayo degmada Balcad ee gobolka Sh/ Dhexe ayaa waxaa ay sheegayan in maanta barqadii halkaasi uu ka dhacay weerar sababay dhimashada labo askari. Weerarka ayaa yimid, ka gadaal markii xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab ay rasaas ku fureen askar ku sugneyd Bar-koontorool oo laga ilaaliyo Balcad. Koontaroolka la weeraray ayaa ku yaalla wadada ka timaada dhanka degmada Afgooye, waxaana weerarkaas ku geeriyooday laba askari, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in dagaalyahanadii weerarka qaaday ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib. Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda ay ka socdeen deegaano dhowr ah oo hoos yimaada magaalada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. View the full article -
Puntland ayaa maanta kala dirtay Guddigii Maamulka Rugta Ganacsiga oo shaqeynayay tan iyo 2014. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Puntland Cabdullaahi Cabdi Hirsi ayaa ku dhawaaqay kala dirida Guddiga Maamulka ee Rugta Ganacsiga, wuxuuna ugu baaqay gacsatada inay u diyaar garoobaan doorashada guddigaas. Sidoo kale Wasiirka Ganacsiga Puntland ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xubnaha cusub ee Guddiga Maamulka Rugta Ganacsiga Puntland. Guddiga Maamulka Rugta Ganacsiga Puntland ayaa muddo xileedkoodu yahay saddex sanno, balse kuwii ugu dambeeyay waxay shaqeynayeen lix sano. PUNTLAND POST The post Puntland oo kala dirtay Guddi shaqeynayay Lix sano appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Masar)-Maxamuud Yaasiin oo ahaa jilaa caan ah oo aad loo jeclaa ayaa ku dhintay gudaha waddanka Masar, waxa uuna magac weyn ku lahaa dunida Carabta oo dhan waxa uu ku geeriyooday da’da 79 sanno. Waxa uu ahaa xiddig rug caddaa ah oo ku wanaagsan sameynta Aflaanta iyo majaajiladda. Sanadkii 1942-dii ayuu ku dhashay magaalada Port Said, ka hor inta aanu noqon Jilaa wuxuu bartay sharciga, hase-ahaatee kuma shaqeyn. Hase-ahaatee xirfadda jilaanimada ayuu ku biiray sanadkii 1960-dii , sida lagu qoray wargeysyada kasoo baxa Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar. Maxamed Yaasiin wuxuu dowr jilliin ah ku lahaa in ka badan 150 film , halka 60 musalsallo telefashinno ka baxay uu ka qeyb-qaatay. Taas ayaa dhaxal siisay inuu caan ka noqdo gudaha waddanka Masar. Geeridiisa ayaa waxaa aad uga tacsiyeynaya bulshada Carabta, waxayna ku tilmaamayaan “inuu yahay qof aad loo jeclaa oo ay ciidda qarin doonto”. Source
-
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ciidamo hor leh geysay gobolka Gedo, kuwaas oo ka dagay garoonka diyaaradaha degmada Doolow ee gobolkaasi. Ciidamadan oo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ayaa la sheegay inay ku biiraan kuwa Xoogga dalka ee horey u joogay gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay si gaar ah uga howl-gali doonaan xuduud beenaadka Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan Beledxaawo iyo Ceelwaaq. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa nabad-sugida ayaa ciidamadaasi waxa ay ku soo dhoweeyeen gudaha degmada Doolow ee gobolka Gedo. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda ayaa xoojiyey dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan deegaanada dhaca xadka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Ra’iisal wasaaraha xukuumaddda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno ka tirsan labada Gole,ayaa manta ka qeybgalay kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho oo looga hadlay kaalinta culumada ee ka hortagga Al-Shabaab, nabadenta iyo dib u heshiisiinta dalka. Hadal uu kulankaasi ka jeediyay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble,waxa uu xusay dhibaatadii ka dhacday isgoyska Soobe ee 14-kii Oktoobar iyo saeynta ay ku yeelatay bulshada,isagoo culumada ugu baaqay in ay xoogga isugu geeyaan sidii looga fogaan lahaa fikirka qaldan ee xag-jirka. Ra’iisal wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ,ayaa ka dhawaajiyay in dowladdu ay u howlgaleyso xoojinta xiriirka ka dhexeeya ciidamada iyo shacaka,isla markaana la sameyn doono kormeerro joogto ah oo qeyb ka ah habsami u socodka waxqabadka ciidamada. Ra’iisul Wasaare Rooble,waxa caddeeyay in xukuumaddu ay la imaan doobto dib u habeyn xagga istraatiijiyadda ah oo lagula dagaalami doono Al-Shabaan. Rooble, waxa uu faray culimada in ay ka shaqeeyaan raadinta nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Dalka ,isla markaana ay gacan ka geystaan la dagaalanka Al-Shabaab. Kulankaan oo ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Aw-qaafta XFS iyo maamulka xarunta Madaxtooyada,waxaa lagu qabtay xarunta Tiyaatarka,iyadoo ay sidoo kale ka qeybgaleen qeybaha culumada ee Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa maanta war ay soo saartay oo ku aadana dhacdadii xanuunka badneyd ee 14-kii Oktoobar 2017-kii, ku sheegtay arrin ka gedisan mid uu qorshaheeda wado madaxweynaha Mareykanku, Trump. Safaarada ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay la murugooneyso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo maanta u baroordiiqaya xuska qaraxii ay ku dhinteen dad aan waxba galabsan oo Shacab ahaa. Sidoo kale waxa qoraalkaasi lagu sheegay in dowladda Mareykanku ay markasta garab ku siineyso dadka iyo dowladda Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. Waxay safaaraddu xustay in Mareykanku uu la xanuunsaneyso qoysaska dadkii qaraxaasi lagu laayay, kuwaasi oo ahaa dad aan waxba galabsan, isla markaana nolosha lagu dhaafiyay wax aan illaa hadda la aqoonin. Qarixii Zoobe ee saddex sanno ka hor ayaa waxaa ku naf waayey ugu yaraan 587-qof, kaasi oo weerarkaasi ka dhigay midkii ugu dhimashada badnaa ee qaarada oo loo adeegsado walxaha qarxa ee macmalka ah, waxaana ku dhaawacmay boqolaal kale. Hadalka Safaarada ayaa imanaya saacado kadib un markii uu banaanka usoo baxay qorshaha Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu ku rabo in ciidamada Mareykanka uu uga saaro gudaha Soomaaliya. Sida lagu yiri warbixin ay baahisay warbaahinta Bloomberg, kasoo saarista ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Trump u ogolaaneysa inuu ka dhabeeyo mid ka mid ah ballan-qaadyadii uu ku galay ololaha doorashada oo ahayd, inuu ciidamada Mareykanka ee dagaallada kala duwan u jooga caalamka uu kusoo celin doona dalkooda. Trump ayaa raba in uu markale ku ololeeyo in ciidamo badan oo Mareykan ah oo dalal kala duwan u jooga dagaalada uu dib ugu soo celiyay waddanka, taasi oo ay dhawaan bilowday qorshaheeda Wasaaradda Gaashaandhigu. Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa billowday inay qorshooyin u diyaariso madaxweynaha, waxaana wada-xaajoodyada arrintan ku saabsan qeyb ka ah la-taliyaha amniga qaranka Robert O’Brien, Wasiirka Gaashaandhigga Mark Esper, iyo taliyaha guud ciidamada Mark Milley, sida ay sheegeen ilo-wareedyada. The post Safaaradda Mareykanka oo war soo saartay kadib dalabkii Trump ee uu ciidamada uga saarayo Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil uu maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya wiil dhalinyaro ahaa ugu geystay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Liiban Abeesow, sida ay Shabelle u sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale marxuumka uu ka mid ahaa darawallada ka shaqeeya mootada nooca labo lugooleyda ah ee aada magaalada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in dilka uu yimid, ka gadaal markii uu muran soo kala dhex-galay marxuumka iyo askariga dilka geystay oo goobta ka baxsaday. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaana ayaa goor dambe gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo sameeyey baaritaano kooban oo la xiriira dhacdadaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax faah faahin ah oo ay saarkiisha laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ay ka bixiyeen falkaasi dilka ah. Inta badan ciidamada dowladda ayaa dilal ka dhan ah shacabka, gaar ahaan dhalinyarada ka shaqeeya mootooyinka ka geysta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. View the full article
-
War qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen maadada laga sameeyo qaraxyada ee Sulfuric Acid iyo shaqsiyaadkii dalka soo geliyey. Qoraalka ka soo baxay NISA oo laguna shaaciyey barta Twitter-ka ee hay’addaasi ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka amnigu ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan kiimiko 79 tan oo ah maadada Sulfuric Acid iyo dadkii waday. NISA ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in loo waday dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli weeraro qaraxyo ah iyo dagaallo ka wada gudaha dalka. Sidoo kale taliska NISA ayaa intaasi ku darty in dadka la soo qabay ay mari doonaan sharciga, islamarkaana laga qaadi doono tallaabo adag. “Waxaa gacanta lagu dhigay 79, Tan oo maadada “Sulfuric Acid”ah & Shakhsiyaadkii dalka soo galiyey, una gudbinayey Alshabaab, waxayna wajihi doonaan Sharciga. Baaritaanka Maadadan waxaa ka wada shaqaynaya NISA & Hey’adaha ay iska kaashadaan ladagaalanka waxa loogu yeero Aragagixisada,: ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda NISA ma shaacin halka lagu qabtay kiimikadaasi laga sameeyo qaraxyada ee ay sheegtay in loo waday Al-Shabaab iyo tirada dadka gacanta lagu dhigay. View the full article
