Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay ku dhowaad saddex boqol milyan oo dollar ay ku bixiyeen sanadkan u gargaarida dadka dhibaateysan ee Soomaaliyeed. Deeqdan oo ay fulisay hay’adda USAID ee Mareykanku leeyahay waxaa ay gaareysay 275 milyan, taas oo lagu iibiyey raashiin iyo agabka wax lagu cuno. Dadka la siiyey gargaarkaas ayaa ah kuwo aad ugu baahnaa raashiinka waqtigan oo Soomaaliya ay xaalad adag oo dhanka bani’aadannimada ka jirto. Fatahaadaha, Ayaxa iyo cudurka safmareenka ah ee COVID -19 ayaa sii murjiyey xaaladda dadka tabaaleysan. In ka badan shan milyan ayaa lagu qiyaasaa dadka Soomaaliyeed ee haatan u baahan gargaarka deg deg ah. View the full article
  2. Illaa 13 ruux oo Soomaali ah ayaa la sheegay in ciidamada Booliiska dalka Koonfur Afrika ay gacanta ku dhigeen, kadib howlgal ay ka sameeyeen warshad dib loogu farsameeyo waxyaabaha dhacay. Booliiska Koonfur Afrika ayaa ku eedeeyay 13-ka qof ee Soomaalida oo ay gacanta ku dhigeen in ay farsameynayeen waxyaabo dhacay, si mar kale ay ugu iib-geeyaan, taasi oo oo Booliisku tilmaamay in ay qatar ku tahay faya qabka bulshada. Ragga Booliisku ay qabteen ayaa la sheegay inay ku wareejiyeen hay’adaha dambi baarista, si dabagal loogu sameeyo. Sidoo kale ciidamada Booliiska Koonfur Afrika ayaa sheegay inay burburiyeen agab dhacay oo dib loo farsameeyeyey, si looga hortaggo in bulshada laga iibiyo Soomaali aad u fara badan ayaa ku sugan gudaha dalka Koofur Afrika, kuwaasi oo ganacsiyo kala duwan ku leh magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi. View the full article
  3. The bodies of 10 migrants washed up on the coast of Djibouti on the Horn of Africa, the U.N. migration agency said on Thursday. Source: Hiiraan Online
  4. Dagaalka ayaa waxaa uu deegaanka Taabta ee duleedka degmada Dhoobleey Gobolka Jubbada Hoose uu ku dhex-maray Ciidamada Kenya oo kamid ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab. Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhiga Ciidamada Kenya ee degaanka Taabta, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal geystay khasaaro kala duwan. Dadka deegaanka Taabta ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku ridayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaroa ka dhashay dagaalka, hayeeshee aysan weli si rasmi ah u cadeyn Karin. Weerarka, kaddib ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamada Kenya ay howlgal ka sameeyeen hareeraha degaanka taabta ee degmada Dhoobleey, iyaga oo baadi goobayay Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday. Dagaalkaan ka dhacay degaanka Taabta ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli habeen ka hor Al-Shabaab ay weerareen degaanka hoosingoow oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland & Ciidamada Kenya oo ka tirsan AMISOM. View the full article
  5. One of the stark distinctions between Djibouti and other African nations is its characteristic barrenness. Its natural resources are limited, and a tiny proportion of its land is arable. Source: Hiiraan Online
  6. Beled-Xaawo (Caasimadda Online) – Taliska Ciidanka Miltariga Soomaaliya ee gobolka Gedo oo kaashanaya maamulka dagmada Beled-Xaawo ayaa soo bandhigay saddex ruux oo ay sheegeen iney kasoo baxeen dagaalyahanada Al-Shabaab. Raggaan la sheegay iney isi soo dhiibeen waxaa magacyadooda lagu sheegay Maxamed Qani Shide Ibraahin oo watay Qori AK47 ah, Cabdiqadir Ibraahim Cabdullaahi oo watay Qori AK47 & Cabdicasiis Maxamed Koosaar. Masuuliyiin ka tirsan gobolka Gedo, taliyaha Ciidamada Sirdoonka Degmada Beled-Xaawo Cabdiqadir Xuseen Ibraahin iyo taliyaha Ciidamada xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke ayaa kusoo dhaweeyay degmada Beled-Xaawo. Saddexdaan shaqsi waxey Al-Shabaab u qaabilsanaayeen iney uga shaqeeyaan deegaanno ka tirsan goobollada Jubbooyinka iyo Gedo, balse haatan waxey ku jiraan gacanta ciidanka dowladda. Dhawr jeer ayey horay u dhacday in dagaalyahanno kasoo baxay Al-Shabaab ay kusoo biiraan ciidanka Dowladda, sidoo kalana waxaa mar dhacday in kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ay qudhooda soo bandhigeen rag ay sheegeen iney kasoo baxeen ciidanka Dowladda. Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo dheeraad ah geystay gobolka Gedo, waxaana jiray maalmahii ugu dambeeyay xiisado u dhaxeeya ciidamada Kenya ee aan ka mid aheyn kuwa nabad ilaalinta AMISOM iyo dadka deegaanada xadka labada dal. The post Gedo oo lagu soo bandhigay saddex dagaalyahan oo isaga baxay kooxda Al-Shabaab first appeared on Caasimada Online.
  7. Inkastoo uu Madaxweynihii hore ee Hirshabeele Cali Cosoblr uu ka walwalsan yahay Xaalada Siyaasadeed ee Hirshabeele oo maalmahaan kasoo daraysay hadana waxaa hadalada uu soo [...] The post Madaxweynihii hore ee Hirshabelle oo ku taliyay talo kala qaybinaysa Hirshabeele appeared first on . Source
  8. Mid ka mid shaqsiyaadkii gacan-yarayaasha u ahaa Agaasimaha Hayada Nabad sugid ee Fahad Yasiin, isla markaana ku magacownaaAgaasimaha wasaaradda warfaafinta oo ah halka laga hawl [...] The post Saraakishii ciidamada iyo shaqaalihii dawlada oo kooxda Nabad iyo Nolol, iyo lacagtii Qatar musharixiin ka soo wada dhigtay appeared first on . Source
  9. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Duhur-16102020-ok.mp3 View the full article
  10. Qofkii ugu da’da weynaa ee Hindiya ay ku eedeyso falal aragagixiso Stan Swamy wuxuu muddo 30 sano ah ka shaqeynayay ilaalinta xuquuqda shacabka gobolka uu kasoo jeedo Galab Khamiis ah, askar ka socotay ciidamada dambi baarista Hindiya ayaa gaaray guri ku yaalla duleedka magaalada Ranchi oo ka tirsan gobolka bariga ku yaalla ee Jharkhand, waxay halkaas ka soo qabteen Stan Swamy oo ah nin waayeel ah oo 83 sano jir ah, Waa baaderi u ololeeyo xuquuqul insaanka. Waxay ka qaateen teleefoonkiisa gacanta, wey la tageen, waxay saareen diyaaradda u socotay Mumbai halkaas oo markii dambe lagu xiray ninka odeyga ah. Inta laga maxkamadeynayo wuxuu kusii jirayaa xabsiga tan iyo 23-da bisha Oktoobar. Hadda wuxuu noqonayaa qofkii ugu da’da weyna ee dalka Hindiya gudihiisa lagu soo eedeeyay falal argagixiso ah. Waaxda qaran ee dambi baarista ee Hindiya ee NIA ayaa wax ka qabata dambiyada la xiriira falalka argagixisada ah, waxaana ninkan lala xiriiriyay qalalaase ka dhacay dalkaas sannadkii 2018-kii. Waxaa rabshadadaas lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen koox la yiraahdo Maoists, waana jabhad ka howlgasha deegaanno dhowr ah oo ku yaalla bariga iyo bartamaha Hindiya, waxay kooxdaas ku anddacooneysaa in ay u dirirayaan xuquuqda qabaa’ilka deggan halkaas iyo kuwa saboolka ah. Muuqaal la duubay ka hor inta aanan la xirin, Stan Swamy, wuxuu sheegay in ciidamada dambi baarista ay baarayeen 15 saacadood maalin kasta, baaritaankaas oo socday muddo shan maalmood ah bishii July. Waxay kombiyuutarkiisa ka soo bixiyeen muuqaallo muujinayo in uu xiriir la leeyahay jabhadda Maoists, wuxuuna waxbo kama jiraan ku tilmaamay eedeymahaas. Tan iyo bishii Juun ee sannadkii 2018-kii, dowladda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, waxay xabsiga dhigtay 16 qof oo lala xiriiriyay qalalaasihii sannadkaas ka dhacay tuulada Bhima Koregaon ee ku taalla gobolka Maharashtra, waxaana dadkaas la xiray ka mid ahaa aqoonyahano si weyn looga qaddariyo Hindiya, qareenno iyo waxgarad. Dibadbaxyo ayaa ka dhashay markii la xiray Stan Swamy Waxaana dadkaas dhammaantood loo diiday in damaanad lagu sii daayo. Dowladda waxay adeegsaneysay sharciga la dagaallanka argagixisada kaas oo ay dad badan rumeysan yihiin in lagu bartilmaameedsanayo mucaaradka. “Gebi ahaanba, waa arrin argagax leh. Xaadgudubka loo geysanayo dadka difaaca xuquuqul insaanka waa arrin kasii dareysa, gudaha Hindiya,” waxaa sidaas tiri Sangeeta Kamat oo ah barfesoor wax ka dhigta jaamacadda Massachusetts ee ku taalla Amherst ee dalka Mareykanka. Kamat waxay sheegtay in tallaabadan lala barbardhigayo sannadkii 1975-tii, xilli Ra’iisul wasaarihii Hindiya Indira Gandhi, uu xaalad degdeg ah geliyay dalka si uu u xakameeyo xuuquuqda shacabka iyo in uu soo rogay tallaabooyin lagu adeegsanayay awoodda dowladda oo xad dhaaf ahayd. Labadii sano ee la soo dhaafay waxaa labo jeer la weeraray guriga ninkan odeyga ah, dadka waxay u yaqaanaan in uu yahay nin deggan oo u ololeynayay xuquuqda qabaa’ilka ku nool gobolka, tan iyo markii uu degay gobolka Jharkhand, sannadkii 1991-dii. Gobolka Jharkhand waa deegaan markasta uu ka dhoco qalalaasaha ay jabhadda Maoist ka geysto halkaas, sidoo kale waa deegaan ay ka taagan yihiin abaaro – boqolkiiba 5% ka mid ah bulshada gobolka ayaa sannadka kasta, shaqo ama waxbarasho u doontaan gobollada kale. Jharkhand waa gobol qani ku ah macdanta Hindiya, boqolkiiba 40%, sida uranium, Dahabka, dhuxusha iyo maarta. Shacabka gobolkaas waxay la daalaa dhacayaan dhibaatooyin, waxaana ku nool dadka laga tirada badan yahay oo isu arka in la gacan-bidxeeyay. Inta badan dadka ku nool gobolka Jharkhand waa dad macddan qodota ah Stan Swamy wuxuu dagaal u galay sidii uu ugu doodi lahaa xuquuqda qabaa’ilka ku nool gobolkaas Jharkhand. Wuxuu dacwad u gudbiyay maxkamadda sare si uu u soo daayo 3,000 oo da’yar ah isugu jirta dumar iyo rag oo ku jiray xabsiyada dalkaas, waxaana lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen jabhadda Maoists. Wuxuu sameeyay olole uu ku wacyigelinayay shacabka degan dhulka miyiga ah in xuquuqdooda ay u dagaallamaan. Wuxuu ka hadli jiray dhibaatooyinka heysta dadkaas, wuxuuna kula talin jiray in aanay ogolaan in howlaha macaddan qodashada sharci darrada ah laga fulliyo deegaankooda. Tan iyo markii Hindiya ay xornimada qaadatay, in ka badan 1.7 malyan oo qof ayaa laga qixiyay dhulkooda kaddib markii halkaas laga sameeyay warshado soo saara korontada, iyo mashaariic dhanka beeraha ah. Shacabka ku nool Jharkhand waxay kamid yihiin dadka ugu saboolsan Stan Swamy, inkasta oo xaaladdiisa caafimaad ay kasii dareyso, weligii wuxuu ahaa qof u doodi jiray xuquuqda shacabka ku nool gobolka ku yaalla bariga Hindiya, wuxuu ka badbaaday cudurka kansarka kaddib markii saddex qalliin lagu sameeyay. Wuxuu sanado ka hor ka qeyb qaatay dibadbaxyo looga soo horjeeday dilalka sharciga ka baxsan ee ka dhaca Hindiya. Jean Dreze, oo ah nin heysta dhalashada Belgium iyo Hindiya ,kuna takhasusay dhaqaalaha, oo si weyn u yaqaanay Swamy, wuxuu ku tilmaamay qof “deggan oo daacad ah, oo wakhtiga ilaaliya isla markaana ka adag howshiisa”. Qabaa’ilka ku nool gobolka Jharkhand waxay in muddo ah ka cabanayeen in la boobayo dhulkooda iyo kheyraadkooda Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ayaa aragti ka dhiibtay qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay madaxweynahii hore Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble. Mahad Salaad oo ka mid ah xubnaha ugu firfircoon ee mucaaradka dowladda dhexe ayaa si weyn ula yaabay qoraalka uu soo dhigay masuulkii hore Hirshabelle, wuxuuna u sheegay inuu ka gabay doorkiisii odaytinimo, sidoo kalana qoraalka uu soo qoray uu wax u dhibayo mansabkiisa iyo miisaankiisa. Cosoble wuxuu bulshada reer Hiiraan ugu baaqay iney sameystaan maamul u gaar ah taasoo ay ka dhalaneyso in lasoo faragaliyo, taasna ay tahay kaliya halka arrin oo ay cadkooda ku dhacsan karaan. Sidoo kale wuxuu ku baaqay iney ka hortagaan waxa uu ugu yeeray fowdo, isagoo si gaar ah ula hadlay beesha Xawaadle. HOOS KA AKHRISO QORAALKA MAHAD SALAAD: The post Mahad Salaad oo si kulul uga hadlay qoraalkii Cali Cosoble ee ku saabsanaa Hirshabelle first appeared on Caasimada Online.
  12. XOG MADAXBANAAN OO KA HADLEYSA HABDHAQANKA DOWLADDA FARMAAJO 2017-2020 Halkan ka fiirso xogta The post Daawo Hanoolaato TV : Warbixin ka hadalysaa hab-dhaqankii foosha xumaa ee kooxda Nabad iyo Nolol appeared first on . Source
  13. Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda qarax xoogan lagula eegtay deegaanka Buurweyn ee gobolka Hiiraan. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in qaraxa kadib uu iska hor imaad toos ah ka dhacay halkaasi, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada qaraxa lala eegtay ay ka yimaadeen dhanka degmada Buulo-Barte ee isla gobollkaasi. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas iyo dagaalka xigay, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid deggan. View the full article
  14. Jumca wanaagsan Waxaan horumar ku gaari karnaa #wadatashi iyo #Isu-tanaasul, Waxaan u baahanahay dadkeenna inaan mideyno si aan hadafkeenna u gaaro, qof ama maamul keligood [...] The post Musharax M/weyne Daahir Mohamud Gelle : – ” Dad mid ah ayaa dalkooda horumariya “ appeared first on . Source
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore Hirshabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa bulshada reer Hiiraan ugu baaqay iney dhistaan maamul u gaar ah oo ay ku gor-gortamaan kadib qoraal uu kusoo qoray bartiisa Facebook. Masuulkaan siyaasadeed wuxuu ku baaqay in Beledweyn laga bilaabo howlaha ka socda magaalada Jowhar, wuxuuna si gaar ah ula hadlay beesha Xawaadle uu ku dhiirigaliyay iney ka hor tagaan waxa uu ugu yeeray fowdada. Wuxuu aaminsan yahay in Dowladda Federaalka, urur goboleedka IGAD iyo midowga afrikaba ay soo faragalin doonaan xaaladda marka ay qaataan go’aan ku aadan iney iskood wax u qabsadaan. HOOS KA AKHRISO QORAALKA CALI COSOBLE: “Waxaan ku talinayaa howsha Jowhar ka socota mid la mid ah in Baladweyne laga bilaabo. Baarlamaanka Hirshabeelle ha la xulo, madaxweyne iyo ku xigeenna ha la doorto Baladweyne ha ku shaqeeyaan. Xaq baad u leedihiin, cid idinka hor istaagi karta ma jirto. Intaa markaad sameysaan ayey DFS, IGAD, AU iyo bulshda caalamka idin dhageysan doonaan. Abgaal reer Baladweyne ah waa idinla joogaan ee ka dhigta madaxweyne ku xigeen, beelaha kale dhamaantoodna waa reer Hiiraan. Xawaadlow ogaada waa la idin riix riixayaa si la idiin tijaabiyo. Ha ku dhicina imtixaanka. Qaniinyo qaniinyaa kaa fujisa. Fowdana waa laga hortagaa ee lama sugo. Ma jecleyn inaan sidaan ku taliyo balse waxaa ii muuqata talo kale oo idiin furan ineysan jirin. Dhista Hirshabeelle la mid ah midda ay reer Jowhar dhisanayaan. The post Cali Cosoble oo baraha bulshada kusoo qoray qoraal xiisad ka abuuraya Hirshabelle first appeared on Caasimada Online.
  16. MOGADISHU (HOL) - Somali President Mohamed Farmaajo has called for continued partnership with the US in the war against terror in apparent response to media reports that Donald Trump was mulling troops pull-out from Somalia. Source: Hiiraan Online
  17. Madaxweynaha Kenya oo isku shaandheyn iyo magacaabid cusub ku sameeyey Saxaafadaha Kenya ee Aduunka ayaa magacaabey Safiir cusub oo Muqdisho aadaya. Thomas Chepkato Ayaa loo magacaabay [...] The post Kenya oo Safiir cusub usoo magacawday Soomaaliya appeared first on . Source
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday iney diyaar u yahiin doorashada lagu heshiiyay, balse uu ka digayo in la fashiliyo heshiisyadii lagu gaaray Muqdisho. Xasan Sheekh oo wareysi siinayay SAAB TV ayaa ka jawaabay warar sheegaya in kooxaha mucaaradka aysan wakhtigaan u diyaarsaneyn iney ka qeyb galaan doorasho, wuxuuna si cad u xaqiijiyay iney diyaar yahiin. Madaxweynahii hore wuxuu sheegay ineysan jirin wax baqdin ah oo ay ka qabaan iney ka qeybgalaan doorashada, balse taas badalkeeda uu ka digayo in la fashiliyo heshiis walba oo ay gaareen dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada. Sidoo kale Xasan Sheekh wuxuu qabaa in magacaabis la’aanta golaha wasiirada xukuumadda cusub aysan saameyn ku yeelan doonin arrimaha doorashooyinka. Sida lagu heshiiyay bishaan ayey doorashooyinka dalka bilaabmayaan, waxeyna socon doonaan ilaa February 2021, taasoo ah in muddo 5 bilood ah uu dalka ku jirayo marxalad doorashooyin ah. Wali waxaa jira waxyaabo badan oo qabyo ka ah heshiiskii la gaaray, sidaas darteed waxaa walaac laga qabaa sida ay dowladda u maareyso caqabadaha jira ee ku hor-gudban in la amba-qaado hanaanka doorashooyinka. The post Xasan Sheekh oo DF uga digay iney fashiliso heshiiska doorashada ee la gaaray first appeared on Caasimada Online.
  19. Tan iyo Doorashadii Jubbaland ee waxaa xumaa Xiriirka Jubbaland iyo Adis Ababa laakiin hada Wafdi ka socda Jubbaland oo Adis Ababa ku sugan iyo Masuuliyiin [...] The post Xiriirka Jubbaland iyo Itoobiya oo soo fiicnaanaya appeared first on . Source
  20. Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa weerar ku dilay ku dhawaad 50 ka tirsanaa dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab iyo madaxii howl-galinta u qaabilsanaa gobolka Shabellaha Dhexe. Dagaalkaan ayaa dhacay galinkii dambe ee shalay waxaana uu ka dhacay Tuuladda Buulow oo hoostagta gobolkaasi. Saraakiil ka tirsan ciidanka kumaandooska Dnab ayaa sheegay in dagaal ka dhacay tuulada bululow lagu dilay In ka badan 50 dagaalyahan ah iyo madaxii howl-galinta Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Sabellada Dhexe. Saraakiisha Danab ayaa sarkaalka la dilay waxa ay magaciisa ay ku sheegeen Cismaan Ciil Fiidow oo Al-Shabaab u qaabilsanaa howl-galinta Ugu dambeynti saraakiisha kumaandooska waxa ay sheegeen in meydadka xubnaha ay dileen ay ku aaseen tuulada buulo yareey shiiqaal oo ka tirsan Shabellada Dhexe View the full article
  21. The total number of confirmed COVID-19 positive cases across the African continent has reached 1,603,982 as of Thursday, the Africa Centers for Disease Control and Prevention (Africa CDC) said. Source: Hiiraan Online
  22. Xiriirka Kubbadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa garoonka kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium ee dhawaan la dayac tiray u aqoonsatay garoon caalami ah kaddib markii sida uu xiriirkaasi sheegay lagu qancay tayada cawska macmalka ah ee yaalla garoonkaasi. FIFA ayaa sheegtay in tayada cawska yaalla garoonka muqdisho Stadium uu gaarsiisan yahay heerka caalamiga ah ee garoomada kubadda cagta ee adduunka, taas oo ka dhigan in garoonkaasi lagu qaban karo ciyaaro caalami ah muddo sanad ah. Guddoomiyaha xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Siciid Carab ayaa BBC u sheegay in FIFA ay guddoonsiisay garoonka Muqdisho shahaado muujineyso in uu waafaqsan yahay nidaamka kubadda cagta ee caalamiga ah. “Wuxuu garoonkeena ku guuleystay in lagu qaban karo ciyaaraha caalamiga ah ee kubadda cagta haddey noqon laheyd kuwa FIFA ay qabanqaabiso ama haddii ay noqon laheyd kuwa qaaradda Afrikaba” Xulka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa ku dheeli doonaa garoonka Muqdisho maadama markii hore ay ku dheeli jireen garoomada ku yaalla Jabuuti xilliyada ay socdaan ciyaaraha caalamiga ah. “Soomaaliya waxay usoo gudubtay in aan abaabulan karno ciyaaraheeni aan ku cayaari jirnay waddanka Jabuuti in aan dalkeeni ku ciyaari karno, waana wax caadi ah oo waddamada markii ay garoomada dhigtaan cawska macmalka ah ay FIFA u ansixiso in uu leeyahay tayadii loogu talagalay” ayuu yiri Cabdiqani Siciid Carab. Wuxuu sheegay in garoonka haatan uu leeyahay qalab gaar ah oo loogu talagalay dayactirka iyo ilaalinta bilicdiisa. “Garoonka hadda wuxuu leeyahay qalab lagu dayactiro laguna ilaaliyo nadaafaddiisa loogana hortagga in garoonka wax dhibaata ah aysan gaarin, garoonka wuxuu kaloo leeyahay qalab qabboojiye ah oo ay biyo ku jiraan oo xilliyada kuleelaha logu talagalay in lagu waraabiyo garoonka..markaa qalabkiisa wuu dhameystiran yahay waxaana loo tababaray shaqaale oo xirfaddaas la baray “ Garoonkan ayaa sanadkii hore waxaa ka baxay ciidamada AMISOM oo halkaa in kabadan toban sano saldhig ku lahaa, waxaana lagu dayac tiray qaab iskaa wax u qabso ah. Taariikhda Garoonka Garoonka oo dad badan ku tilmaamaan in uu yahay ‘jowharta astaanta u ah nabadda” ayaa waxaa la dhisay sanadkii 1978-dii, waxaana dhisay injineero shiinees ah, iyada oo maalgalinta ay lahayd dowladda Shiinaha oo markaas bah wadaag la ahayd dowladdii hanti wadaagga ee Jeneraal Maxamed Siyaad Barre. Garoonka waxa uu ka tirsanyahay waxa loo yaqaano xaafadda ciyaaraha oo ka kooban garoomo dhawr ah oo is dhinac yaala, kuwaas oo loogu talogalay in lagu qabto ciyaaraha kala duwan. Waxaa ka dhisan garoonka dabaasha, kan kubbadda kolayga, kan miiska, iyo xitaa qeybo loogu talogalay ujeedooyin kale. Garoonka kubbadda cagta waxa uu markiiba qaadi kara wax ka badan 40 kun oo qof markiiba. Waxa uu lahaa dhammaan tasiilaadkii garoon loogu talogalay sida leerarka waaweyn ee suurtogalin kara in habeenkii lagu ciyaaro, qeybta gaar ah ee ay madaxda fariistaan, qolalkii labista ee ciyaartooyda, albaabadii waaweynaa ee ay dadka kasoo galayeen, xafiisyadii shatiyada ciyaaraha laga jaranayay. Xigasho: BBC View the full article
  23. Taliska Ciidanka Kumaandooska Danab, ayaa laga soo xigtay in ay weerar qorshaysan ku dileen 50 dagaallame oo ka tirsan Al-shabaab. Weerarka ayaa ka dhacay tuulada Buulalow oo hoostimaada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose, sida ay sheegeen saraakiisha Danab. Xubnaha weerarka lagu dilay, waxa kamid ah horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Hawl-gelinta Gobolka Shabeellada dhexe oo magaciisa lagu sheegay Cismaan Ciil Fiidow. Al-shabaab weli kama hadlin sheegashada Danab, sidoo kalena ma jirto cid madax-bannaan oo xaqiijisay warkaasi. PUNTLAND POST The post Danab oo sheegtay in ay dileen 50 Shabaab ah oo uu ku jiro horjooge sare appeared first on Puntland Post.