-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ottawa (HOL) - Somalia's new Ambassador to Canada Hassan Dahir Dimbil today arrived in the country to begin his service. Source: Hiiraan Online
-
Somali Security Forces have attained a reasonable degree of capacity to take over from Amisom Source: Hiiraan Online
-
Dayuurad Jaad Hareeriya siday oo ka duushay Itoobiya kana degtay Madaarka Muqdisho Dayuurad la sheegay iney Qaad ka keentay Itoobiya ayaa maanta soo caga dhigatay garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho. Waa markii ugu horeysay oo tan iyo markii u bilowday cudurka COVID-19 ay Soomaaliya ay kasoo dagto diyaarad Qaad sida, iyadoo horey garoomada Soomaaliya looga mamnuucay in diyaarado Qaad sida aysan ka soo dagi Karin. Madaxweyne Farmaajo oo xiriir dhow la leh Itoobiya ayaa la sheegay inuu ogolaaday in qaadka baxa dalkaas ee Hareeriga loo yaqaano la keeno dalka, iyadoo qoraal ka soo baxay Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya lagu fasaxay Qaadka Itoobiya inuu si sharci ah ku soo galo dalka. Shirkadda dayuuradaha National Airways ee dalka Itoobiya oo laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa keligeed loo xiray iney Muqdisho keeni karto Qaadka Itoobiya, iyadoo madaxda shirkadan ay xiriir dhow la leeyihiin Villa Somalia. Inkastoo maanta Qaadka Itoobiya ee hareeriga loo yaqaano ay Muqdisho keentay hal dayuurad oo kaliya ayay wararku sheegayaan in maalmaha soo socda ay shirkada oo adeegsaneysa dayuurado badan ay kordhin doonto shixnadaha Qaadka ee ay dalka soo geliso. Dowlada Somalia ayaa Qaadkii ka iman jiray Kenya joojisay todoba bilood ka hor cudurka COVID-19 awgiis, balse dhowaan markii duulimaadyada Somalia dib loo bilaabay DF ayaa ka gaabsatay iney fasaxdo qaadka Kenya xurquf siyaasadeed ee labada dal ka dhexeysa awgeed sababo la xiriira muranka dhinaca xadka badda ah ee u dhexeeya oo dacwadiisu ay taallo maxkamada caalamiga ah ee ICG. Golaha wasiirada Somalia ayaa labo bilood ka hor si aan shaac aheyn u fasaxay Qaadka Kenya hase ahaatee Madaxweyne Farmaajo ayaa joojiyey talaabadaas, iyadoo Kenya ay weli dedaal xoog leh ku bixineysa sidii mar kale ay qaadka u keeni laheyd Suuqa ugu weyn ee qaadkeeda loo iibgeeyo oo ah Somalia. Qaran News
-
Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudiga Amiir Faisal Bin Farhan Al-Saud ayaa ku dhowaaqay in dalkiisa rumeysan yahay in ugu dambeyn “uu caadiyeyn doono” xiriirka Israel, waxaa sidaas weriyey Machadka Washington ee Daraasaadka Siyaasdda Bariga Dhow. Kulan uu Machadka qaab Online ah kula yeeshay ayuu Amiir Faisal ku yiri “waxaan rumeysanahay in hadda loo baahan yahay in diiradda la saaro in Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta lagu soo celiyo miiska wada-hadalka. Ugu dambeyntii, waxa kaliya ee horseedi kara nabad iyo xasilooni waarta waa heshiiiska dhex mara Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta.” Waxa uu sheegay in haddii aan taas lagu guuleysan in mar walba uu jiri doono dhaawac ku yaalla gobolka, ayna ka go’an tahay hanaanka nabadda. “Nabadda, ayaan u aragnaa inay muhiim u tahay gobolka, waxayna qeyb ka tahay waxa ugu dambeyn caadi ka dhigi doono xiriirka Sacuudiga iyo Israel, sida ku xusan qorshaha nabadda Bariga Dhexe,” ayuu yiri. Amiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Sidaas darteed, waxaan marwalba odorosaynay inay dhici doonto xiriirka Israel oo aan caadi ka dhigno, sidoo kale waxaan u baahannahay inaan helno dowlad Falastiin ah, waxaana u baahanahay inaan qorshe nabadeed u helno Falastiin iyo Israel.” Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Bahrain ayaa dhowaan noqday labadii dal ee ugu horreeyey ee ku yaalla Khaliijka ee xiriir la yeesha Israel, iyo dalalkii saddexaad iyo afaraad ee Carbeed, kadib Masar iyo Israel. The post Saudi Arabia oo shaacisey war ku saabsan qorshaha caadiyeynta xiriirka Israel first appeared on Caasimada Online.
-
Nin FBI Hore uga tirsanaa oo shaqada looga eryay inuu Trump necebyahay Strzok waxa shaqada FBI laga eryey markii ay caddaatay inuu si shakhsi ah u necebyahay Trump Bishii Jeeniweri 2007, Peter Strzok wuxuu dhex fadhiyey qol ku yaal xarunta FBI oo wuxuu ka qayb galayey dood lagu gaadhay go’aan laga qaatay arin ku cusbayd. Waxay arintu ahayd baadhintaan ma lagu bilaabi karaa ninka haatan uun loo caleemo saaray madaxtinimada Maraykanka? Waxa taagnaa su’aalo adag oo ahaa sharciga talaabadani ma waafaqsantahay, yaa ansixiya in baadhitaan noocaas ah la bilaabi karo? laakiin waxa sidoo kale muuqday arimo cad oo aan la dhaafi karin, ayuu yidhi Strzok oo BBC-da la hadlay. “Waxaan u jeedaa sidee ayaad baadhitaan ugu bilaabi kartaa qof dalka madaxweyne ka ah? Sababta oo ah xataa baabuurta ilaaladiisa ma raaci kartid iska daa diyaaradda madaxweynahee. Si qarsoodi ah kuma gali karti xafiiska madaxweynaha ee Oval Office oo iskama dhigi kartid qof xashiishka ka soo qaadaya.” Baadhitaanku waabu socday dhawr bilood oo Trump olole ku jiray Strzok na waxaa la siiyey magac af-garasho oo ah eray laga soo qaatay heesta ay qaadaan kooxda Rolling Stones ee la yidhaa Jumpin’ Jack Flash oo ah Crossfire Hurricane. Ololaha Trump waxa baadhitaanka lagu bilaabay 2016 markii warbixin ka timid London oo ahayd in danjiraha Australia uu kula kulmay qof la taliye u ah Trump goob khamriga lagu cabo oo magaaladaas ku taal kuna yidhi sida la sheegay in Ruushku danaynayo inuu la shaqeeyo oo uu siiyo xog dhaawici karta sumcadda Hillary Clinton. Strzok waxa xadidayey sharciga FBI ee ku saabsan hubsiinaha ama faaqidaada doorka UK ama socdaalka uu ku tago karo dalkaas. Arin kale ayaa jirtay oo UK aad uga welwelsanayd taas oo ah in ay dhici karto in lagu shaabadeeeyo in ay faraha la gasho arin Maraykanka u gaar ah. Badhatamihii bishii Sebtember ayaa FBI waxay heshay warar taxane ahaa oo uu diyaariyey sarkaal ka tirsan sirdoonka Ingiriiska ee MI6 oo l ayidhaa Chris Steele, kuwaas oo mar kale tibaaxay in uu jiro xidhiidh qarsoodi ah oo ka dhexeeya ololaha Trump iyo Moscow. “Run ahaantii wararkaasi wax badan bay sii cadeeyeen oo ah arimo badan oo ah kuwii aanu tuhunsanayn” ayuu yidhi Strzok. “Waxa dhici karta in dulucda arintaasi sax ahayd ama aanay sax ahayn ama aanaan anagu garan karayn. Laakiin guud ahaan sida xogtu wax u tibaaxaysay waxay ahayd wax is haysta oo waafaqsan sidii aan anaguba u haysanay”. ,Xafladdii caleemo saarka Trump ee 2016 Warka Steele ma ahayn xogta keliya ee lagu salaynayey doodaa taagnayd Jeeniweri ee ahayd in baadhitaan lagu bilaabo madaxweynaha qudhiisa (arintaas oo Strzok laftiisu ka soo horjeeday) laakiin arinta warkaasi abuuray ee ah suurtogalnimad ah in Moscow hayso xog lagu eedayn karo Donald Trump ayaa aad u soo shaac baxday doorashadii ka dib. “Intaad fadhiisato ayaad isku dayeysaa in aad qiimayso xaddiga halistu inta uu leegyahay” ayuu Strzok ku yidhi BBC. “Ta ugu xumi na waxay noqonaysaa in arinta madaxda sare wadeen oo Donald Trump ahaa mushrax daba dhilif ah uu qudhiisu aha basaas uu qortay Kremlin-ku oo u shaqaynayey. Markaa u malayn maayo in midkaayona ay ku soo dhacday in arintaasi suurto gal tahay laakiin se aanaan meesha ka saari karin arintaas u qaadan waaga ah.” Arinta kale ee suurto galka ahi waxay ahayd in dadka isku xidhayey Moscow iyo ololaha Trump aanay feejignayn, ama sida uu u yidhi Strzok ahaayeen “shakhsiyaad danaystayaal ah oo aan khibrad lahayn oo doonayey in ay meesha lacag ka helaan” oo la xidhiidhayey koox Moscow fadhida oo aan qudhoodu aragti qeexan lahayn oo iyaguna doonaya inay lacag helaan. Haatan wuxuu rumaysan yahay in uu runtii ku soo dhawaaday. Magaca buugga xusuus qorka Strzok waxaa la yidhaa Compromised waxaanu weli rumaysan yahay in Moscow si uun sir uga hayso Donald Trump. “Markaad eegto Trump waxaa kaaga muuqanaya inuu leeyahay dhamaan sifooyinka qof dal kale ugu adeegi karo” ayuu yidhi Strzok, waaanu farta ku fiiqay xidhiidhka ganacsi, siduu u jecelyahay hogaamiyeyaasha awoodda badan iyo qabka qudhiisa ku jira ee uu aaminsanyahay in Moscow ay siin karto wax uu u baahan yahay. “Waxaan rumaysnahay inuu jiro qaab lagu khiyaameeyey. Waanad ogtahay oo waxaan rumaysanahay in arintaasi tahay wax la rumaysan karo”. Strzok wuxuu ku takhasusay ka hortagga sirdoonka Ruushka, waxaanu tabobar ku qaatay qaab baadhitaanno ay dejisay FBI oo lagu saleeyey dabogalka basaasiinta aadka isku qariya ee Ruushka. Wuxuu tabaradaa ku bartay in Ruushku adeegsado hab qoto dheer oo samir badan oo sidoo kalena ay wadaan siyaasiyiin, ganacsato iyo arday ay u sahlan tahay in ay sirdoonka dalalka kale dhexgalaan oo ay xataa mararka qaar adeegsadaan maafiyada. “Waa hab aad u kakan oo ay isku maranyihiin awoodda taas oo ka dhigta wax aan la fahmi karin iyo sidoo kale in aan la beegsan karin.” Strozk oo xirfadiisu ahayd in aanu is muujin ayaa haatan duruuftu ku kaliftay inuu noqdo shakhsiyad la wada garanayo oo lagu kala aragti duwayn yahay. Madaxweyne Trump ayaa dhawaan ku sheegay inuu “cambaar” ku yahay dalka, eraygaas oo uu dhawr goor oo horena ku sifeeyey. Fariimo qoraal ah oo ay is weydaarsadeen isaga iyo qareen ka tirsan FBI oo xidhiidh caashaq ka dhexeeyey ayaa se muujiyey in uu nacayb shakhsi ah u qabo Donald Trump, waxaana ka mid ahaa fariimahaas mid uu ku sheegay in uu 2016-kii isku dayey in Trump la baadho. Markii fariimahaa qoraalka ahi soo baxeen ayaana shaqadii FBI laga eryey. Donald Trump Strozk wuxuu ku nuuxnuuxsaday in aragtidiisa shakhsiga ah ee uu ka qabo Trump aanay haba yaraateen saamaynin shaqadiisa oo sharciga ka indho saabin. “Qof kasta oo ka tirsan FBI wuxuu leeyahay aragti siyaasadeed oo uu aaminsanyahay, waayo aragnimadaydu waa 20 sano iyo dheraad qof kastaa aragtida isaga u gaarka ah wuxuu kaga tagaa albaabka xafiiska laga galo” ayuu ku dooday. Laakiin Strzok waxa ku hal qabsada dadka taageersan doodda Trump ee ah in “sir doonka dalku” khiyaameeyey oo uu doonayey inuu fashiliyo ololihiisii uu ku guulaystay. Strzok wuxuu rumaysan yahay in farogelintii Ruushku saamayn weyn ku lahayd natiijadii ka soo baxday doorashadii 2016 waxaanu qirayaa in sirdoonka dalku ku fashilmay in ay fahmaan sida Ruushku u adeegsado baraha bulshadu ku xidhiidho ee internet-ka ee uu ku gaadho ujeedooyinkiisa siyaasadeed ee farogelinta dalalka kale. Haatanna wuxuu ka cabsi qabaa in arintu kaba sii darraan doonto tii hore. Strzok wuxuu sheegay in Ruushku 2016 dejiyey qaabab badan oo aanu adeegsan. Waxa dhici karta in ay doonayeen in Hillary Clinton ku guulaysato doorashadaa oo ay qorshaynayeen in ay markaa dhaawacaan sharciyadda hanaanka doorashada laakiin markii dambe qorshahaa way ka noqdeen markii Trump guulaystay. Haatanna waxa uu rumaysan yahay in Ruushku aanu gacmaha laaban doonin sidaa awgeedna uu u baqayo dimuqraadiyaddii Maraykanka “walaaca aan haatan qabaa waa mid aan noloshayda i soo marin”. Qaran News
-
WAREEGTO MADAXWEYNE: 17 /10/2020 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-564/102020 iyo JSL/XM/XKQ/222/1-562/102020 uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey laba masuul. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne UJEEDDO: XIL KA-QAADIS Ku: Cumar Abokor Jaamac; Maareeye Ku-xigeenkii hore ee Hay’adda Dekedaha Somaliland Og: Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland Mudane, Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore ugu haysay Qaranka. UJEEDDO: MAGACAABID Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Tix-geliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Dekedaha Somaliland u leedahay Dhismaha Qaranka; Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa; Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aansaday; In Mudane, Cali Siciid Saleebaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Qaran News
-
Mashruuca ayaa isugu jira dhisme biyo xireen, dayactirka Jiinka iyo kanaalada wabiga, si loo yareeyo khatarta fatahaad ee wabiga Shabelle ku sameeyo magaalada Beledweyne iyo beeraleyda ku xeeran. Saxiixa heshiiskan oo uu goobjoog ka ahaa siihayaha Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya u xiixay siihayaha Wasiirka Beeraha Siciid Xuseen Ciid, halka Dowladda Talyaanigana u saxiixay Safiirkooda Alberto Vecchi iyo Madaxa Hay’adda horumarinta Talyaaniga Guglielmo Giordano. Mashruucan ayaa waxaa ku baxaya lix Milyan oo Yuuro, waxuna isugu jiraa saddex qeybood oo kala ah, dhismaha biyo-xireeno, dayactirka kanaalada iyo tayeynta hay’adaha qaabilsan fatahaadaha. Siihayaha Wasiirka Beeraha ayaa sheegay mashruucani in uu yahay mid ahmiyad weyn u leh deegaannada uu maro wabiga Shabelle oo geysta fatahaado sababa dhimasho iyo burbur hantiyeed, isagoo uga mahadceliyey dowladda Talyaaniga taageerada ay la garab taagan tahay. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo Talyaaniga la saxiixatay mashruuc lagu dhisayo Biyo xireenka Beledweyne appeared first on Puntland Post.
-
Dalalka Azerbaijan iy Armenia ayaa gaaray heshiis cusub oo xabbad joojin ah xilli dambe Sabtidii Xalay, taas oo ah isku daygii labaad ee tobaad gudihiisa ah oo la doonayay in lagu qaboojiyo, dagaalka sadaxda usbuuc ka socda gobolka Nagorno-Karabakh. Xabbad joojinta binu’aadanimo ee labada dal ay ku heshiiyeen ayaa bilaabanaysa Maanta oo ah 18 October, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Armenia. Ku dhawaaqista heshiiska ayaa imaanaya, kadib markii wasiirka arrimaha dibadda ee Russia Sergey Lavrov uu khadka telefonka kula hadlay dhiggiisa waddamada Azerbaijan iyo Armenia Lavrov iyo madaxweynaha dalka Farce Emmanuel Macron ayaa dhinacyada dagaallamay ugu baaqay inay ilaaliyaan heshiiska xabbad joojinta ee ay gaareen. Aroortii Sabtidii ayaa Azerbaijan iy Armenia uu midba kan kale ku eedeeyey inay kusoo qaaday weerarro cusub, taas oo dib kusii shidaysa rabshadaha ka aloosan gobolka ay ku muransanyihiin Nagorno-Karabakh oo dagaalka uu ka billowday todobaadyo. PUNTLAND POST The post Azerbaijan iyo Armenia oo xabbad joojin ku heshiiyay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada NISA ayaa caawa Muqdisho ku xiray weriye Cabdullaahi Kulmiye Cadoow oo ka tirsan idaacadda Kulmiye, kaasi oo qaaday wareysigii lala yeeshay Abuukar Cumar Cadaan ee uu ku teegeeray Al-Shabaab. Sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Cabdullaahi Kulmiye ayaa waxaa loo haystaa inuu faafiyey wareysi khatar gelin kara amniga ciidamada Amisom ee jooga Soomaaliya, iyo inuu faafiyey hadallada qof taageersan Al-Shabaab. Wareysiga muranka dhaliyey ayaa Abuukar Cumar Cadaan wuxuu si cad ugu sheegay inuu taageersan yahay mabda’a ay ku taagan yihiin Al-Shabaab iyo in la baabi’iyo “gaalada” Xalane ku jirta. “Weligey nin siyaasi ah wax gaar ah lama qabsan, dan gaar ahna kama lihi, Shabaab mabda’a ay ku taagan yihiin, oo ay jidka ugu jiraan waan teegeersanahay, been sheege nacallaaa ku yaalla, in gaaladan gaafuurada weyn leh ee Xalane ku jirta la baaba’sho waan rabaa, iyo waxa la socda, aniga been kuu sheegi maa, cidna ka baqi maa,” ayuu yiri. Ciidamada NISA ayaa sidoo kale xalay gurigiisa magaalada Muqdisho kasoo xiray ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan, oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu taajirsan Soomaaliya, waxaana lagu hayaa guri ay ciidanka ilaalo ka yihiin, inkasta oo loo ogol yahay in ehelladiisa ay u tagaan. The post Ciidamada NISA oo caawa xiray weriye Cabdullaahi Kulmiye kadib wareysigii 'halista ahaa' first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Jimcihii shalay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacday xaflad lagu caleemo saaray Imaam cusub oo ay yeelato beesha Abgaal, iyadoo mudooyinkii dambe uu khilaaf ka taagnaa xilkan dhaqan oo sagaalkii sano ee lasoo dhaafay uu si KMG ah u hayey Imaam Maxamed Yuusuf. Imaamka cusub ee shalay Muqdisho lagu caleemo saaray ayaa lagu magacaabaa Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar, waxaana banaanka u soo baxay khilaafkii ku saabsanaa cidda qabaneysa saldanadaas oo ka dhax jiray qoyska reer Imaam ee beel-weynta Abgaal Cusmaan. Qoyska reer Imaam oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey in aysan dooran Imaam Daahir oo shalay Muqdisho lagu caleemo saaray, iyagoo iska soo doortay Imaam cusub, una gudbiyey beesha inteeda kale, si kalsoonidooda uu u helo. Qoyska leh Imaamnimada beesha Abgaal ayaa waayihii dambe ku kala qeybsanaa duubista Imaamka cusub ee beesha, waxaana maalmihii u dambeeyay Muqdisho ka socday shirar kala duwan oo looga hadlayey duubista Imaamka cusub oo si weyn loogu kala qeybsamay. Daahir oo shalay loo caleemo saaray Imaamka beesha ayaa waayahan olole ugu jiray sidii uu xilkaas ula wareegi lahaa, waxaana dhalay Imaamkii hore ee beesha Imaam Maxamuud Imaam Cumar. Sidoo kale waxaa adeer u ah Imaamka uu sheegay inuu xilka kala wareegay, Imaam Maxamed Yuusuf. Sidaan oo kale ayuu Imaamka shalay la caleemo saaray waxa uu ku dhawaaqay sanadkii 2016-kii inuu yahay Imaam, isagoo ku dooday in adeerkiis Imaam Maxamed Yusuf uusan hoggaamin karin beesha. Xilligan oo dalku galay marxalad doorasho oo tii waagaas lamid ah ayuu mar kale Daahir sheegtay Imaamka beesha, iyadoo xubno ka tirsan beesha ay shalay u caleemo saareen. Syaasiyiin ay ka mid yihiin, Cali Mahdi Maxamed, Muuse Suudi Yalaxow iyo odayaal dhaqan oo uu ka mid yahay Cabdullahi Geedi Shadoor, ayaa qeyb ka ahaa qorshihii shalay lagu caleemo saaray Imaamka cusub. Sidoo kale siyaasiyiin uu ka mid yahay Cali Maxamed Geedi, ayaa taageersan inuu xilka sii hayo Imaamkii sida ku meel gaarka ah u soo haayey sagaalkii sano ee la soo dhaafay Imaam Maxamed Yuusuf. Cali Maxamed Geedi ayaa maalin ka hor Muqdisho ka sheegay inay jiraan siyaasiyiin doonaya inay bedelaan Imaamka guud ee beesha, isagoo arrintaas ku tilmaamay imaan la’aan ay ku dhaqaaqayaan siyaasiyiinta qaar “Imaanka Allaha geyo ayaan leenahay” ayuy yiri Cali Geedi. Imaamka cusub ee qoyska reer imaam ay maanta isku raaceen inuu xilkaas qabto ayaa lagu magacaabaa Maxamed Maxamuud Imaam Cumar, waxayna sheegeen odayaashii ka hadlay goobta inuu yahay qofkii xaqa u lahaa dhaxalka imaamnimo ee beesha. Hoos ka daawo qoyska reer Imaam The post Xog: Muxuu salka ku hayaa muranka ka taagan xilka Imaamka beesha Mudulood? first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Bar___Qubanaha-17102020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xarigii Xaaji Abuukar Cumar Cadaan kadib la joojiyay baahinta wareysigii laga qaaday ee sababay inay xiraan ciidamada ammaanka. Ciidamada hey’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa xalay gurigiisa magaalada Muqdisho kasoo xiray ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan, oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu taajirsan Soomaaliya. Xarigga ganacsadaha ayaa yimid saacado kadib markii Radio Kulmiye uu ka baxay goos-gooska wareysi uu siiyey Xaaji Abuukar, gelinkii dambe ee Jimcihii. Xaaji Abuukar ayaa wareysigaas, goos-gooska ahaa si cad ugu sheegay inuu taageersan yahay mabda’a ay ku taagan yihiin Al-Shabaab iyo in la baabi’iyo “gaalada” Xalane ku jirta. “Weligey nin siyaasi ah wax gaar ah lama qabsan, dan gaar ahna kama lihi, Shabaab mabda’a ay ku taagan yihiin, oo ay jidka ugu jiraan waan teegeersanahay, been sheege nacallaaa ku yaalla, in gaaladan gaafuurada weyn leh ee Xalane ku jirta la baaba’sho waan rabaa,iyo waxa la socda, aniga been kuu sheegi maa, cidna ka baqi maa,” ayuu yiri Ganacsade Xaaji Abuukar. Xogta aan helnay waxay sheegeysaa in odayaasha iyo waxgaradka beesha Abgaal oo uu ka dhashay Xaaji Abuukar ay la xariireen maamulka sare ee Radio Kulmiye, kadibna ay ka dalbadeen in gabi ahaanba la joojiyo baahinta wareysigaas oo dhameystiran, maadaama markii hore qeyb yar ay Idaacaddu u baahisay si hor dhac ah. Wareysigaas ayaa la filaayey in Sabtidii maanta 10:00am ay baahiso Idaacadda Kulmiye, balse gabi ahaanba waa la joojiyey, kadib markii ay dalbadeen odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Xaaji Abuukar. Sidoo kale, qeybtii yareyd ee wareysiga ama goos-gooska aheyd ayay Idaacadda Kulmiye ka saartay YouTube-ka. The post Beesha ABGAAL oo ka hor-tagtay baahinta wareysigii horseeday in la xiro Xaaji Abuukar Cumar Cadaan first appeared on Caasimada Online.
-
Bangiga dalka Ethiopia ayaa sheegay inuu qaybiyey tiro ka badan 96 bilyan oo Birr oo u dhiganta ($2.6 billion oo dollar) oo ah Noodhka lacagta cusub tan iyo markii dalkaasi bilaabay inuu badalo Noodhka Lacagtii hore oo uu ku badalayo mid cusub. Gudoomiyaha Baanka Ethiopia, Yinager Desse ayaa sheegay in laga bilaabay wadanka in laga helo Noodhka Lacagtaasi cusub. “Wakhtigii aanu ugu talo galnay laba cisho ka hor, waxaanu maamulnay in aanu qaybino ku dhawaad 96 bilyan oo Bir oo lacagta cusub ah, dhamaan qaybaha wadanka,” ayuu yidhi Maamulaha Bangigu, Mr Yinager. Waxaanu Hoosta ka xariiqay kulan wadatashi ah oo Jimcihii ay la yeesheen Wasaarada Maaliyada Ethiopia iyo Wasaarada Gaashaandhiga Ethiopia oo ku saabsanaa horumarka ilaa hada la sameeyey eek u saabsan badalida lacagta. Ilaa iyo hadda tirade Accounada Banka ee cusub ee furan ayaa ah 920 oo ay taalo 31 billion Bir tan iyo markii dalku uu bilaabay badalida lacagtii hore oo lagu dabalayo ta cusub. Dhibaatada ugu weyn ee ay soo hadal qaadeen masuuliyiinta saddexdaasi hay’addood ee dawladu ayaa ah Foojariyeynta lacagta cusub oo ay tilmmaameen in mishiinada wax daabaha lagu soo saarayo lacagtaasi cusub, lana xidhay dad ku lug yeeshay foojari-garayntaasi, sida uu sheegay Wasiirka Difaaca ee dalka Ethiopia, Kenea’Yadeta. Wasiirku waxa uu xusay in meelaha lacagtaasi lagu been abuuray ee ay ku qabteen ay ka mid tahay Amhara, Addis Ababa, Benishangul Gumz iyo gobolka Koonfureed ee Ethiopia, waxaana dambigaasi lacagta cusub lagu foojargareeyey ku lug yeeshay 38 qof, halka ay Booliska gobolka Amxaaradu ay soo qabteen 800,000 Birr oo been abuur ah. Source
-
(SLT-Laascaanood)-Maamulka Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa soo saaray digniin cusub oo ku socota Mulkiilayaasha Huteelada ku yaalla halkaas, kadib Qoraal kasoo baxay Maamulka gobolka. Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo Qoraal soo saaray ayuu ku amray Milkiilayaasha Hoteelada Laascaanood in aan hoteelada lagu qaban karin shirar iyo munaasabado lagu taageerayo Musharixiinta Madaxtinimada Soomaaliya iyo wixii lidi ku ah Madaxtinimada iyo qaranimada Somaliland. Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Sool. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka boostada iyo isgaarsiinta ee xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa ka hadlay cillada ku timid qadka Internet-ka ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, taas oo taagan in ka badan 12-saacadood. Wasiir Canshuur ayaa sheegay in cillidan aysan cusbeyn, balse hadda ay suurta gashay in la cillad bixiyo xarigii go’ay 26-kii bishii July oo markaas si ku meel gaar ah loo xalliyey. “Waa taan ka balan qaadnay bulshada Soomaaliyeed inaan si waafi ah u cilad bixi doono Xarigga internetka markii uu nasoo gaaro qalabkii aan dalbanay, Markabkii xiri lahaa iyo qalabkii xalay saqdii dhexe ayey nasoo gaareen waana laga howlgalay, maalmaha soo socdana waxaan rajeynayaa in bulshadu internet kii hore ka tayo fiican ay hesho,” ayuu yiri wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu sheegay wasiir Canshuur in isla xalay ay daahfureen xarig kale oo internet ah, kaas oo laga soo xariiriyey dalka Jabuuti, isla markaana isu mara magaalooyinka Jabuuti, Muqdisho iyo Mombasa. Xarigaas ayaa suurta geliyay in Internet aan tayo badan laheyn ay maanta helaan dadka ku nool koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo Sabtidii saakay ku soo toosay qad la’aan. Wasiirka boostada, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada Soomaaliya Cabdi Canahuur Xasan ayaa wareysigan siiyey TV-ga Universal. Hoos ka Daawo. The post DF oo war kasoo saartay xaaladda Internet-ka go'an ee Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday Soomaaliya, isaga oo sheegay in dalka aysan ka jirin wax dowlad ah. Trump ayaa u gefay Soomaaliya xilli uu weerar afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali Mareykan ah oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, kana mid ah xisbiga Dimoqraadiga. “Ilhaan Cumar waxay ka timid meel aysan xitaa ka jirin dowlad, haddana halkan ayey imaneysaa oo waxay noo sheegeysaa sidii aan u maamuli laheyn dalkeena,” ayuu yiri Trump oo la hadlayey taageerayaashiisa. Hadalka Trump ayaa imanaya isaga oo dhowaan la-taliyayaashiisa sare u sheegay inuu doonayo in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen warbaahinta Bloomberg. Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 700 oo askari, kuwaas oo badankood ah ciidamo gaar ah oo gacan ka geysta tababarka ciidamada Soomaaliya. Dhammaan ciidamadan ama badankood ayaa waxaa la diray intii uu Trump xukunka hayey. Inkasta oo Trump uu sheegay inaysan dowlad ka jirin Soomaaliya, haddana waxaa is-weydiin mudan sababta uu safiir ugu soo magacaabay dalka, islamarkaana dowladdiisa ay lacag badan ugu bixiso taageerada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Isaga oo ka jawaabaya hadalka Trump, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu dalbaday in lasii wado taageerada militari ee Mareykanka uu siiyo Soomaaliya. Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiia twitter-ka ayuu madaxweyne Farmaajo ku yiri “Taageerada militari ee Mareykanka uu siiyo Soomaaliya waxay noo ogolaatay inaan si wax ku ool ah ula dagaalanno Al-Shabaab, oo aan sugno Geeska Afrika.” “Guul laga gaaro safarkan, saaxiibtinimada Mareykanka iyo Soomaaliya, waxaa loogu guuleysan karaa sii wadista iskaashiga amni, iyo taageerada awood dhisidda,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya. The post Trump: "Soomaaliya dowlad kama jiirto" first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen daacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Habeen-17102020.mp3 View the full article
-
Mogadishu ( PP Editorial) — The return to the 4.5 power-sharing system as a basis for 2021 elections seems to have dashed hopes of many influential members of the Fifth Clans in Somalia. Once known as Others or 0.5, Fifth Clans of Somalia are Somali social groups that participants from some Somali clans in the Djibouti-sponsored 2000 reconciliation conference relegated to a lower citizenship status for not owning armed clan militias and marauders. The agreement on the poll model reached several weeks ago reflects a major political setback: the infamous 4.5. received a new lease of life twenty years after it had seen the light of day in Djibouti. The plight of the Fifth Clans has deteriorated since 2000. There is no Federal Member State associated with Fifth Clans. In this situation it is reasonable to think other militaristic Somali clans have a vested interest in keeping Fifth Clans in lower citizenship status. Dalha (left), Khadija and Ma’ow (right) are influential members of Fifth Clans. Combining the 4.5 power-sharing system with one person, one vote elections would constitute a deadly mix that can deepen the subordination of Fifth Clans. MPs and Senators of Fifth Clans make up one block of the Parliament and the Upper House. What unites them is the unfair status of political inequality imposed on them. Why are MPs and Senators from Fifth Clans silent on the source of their marginalisation? Advocacy for representation in districts historically associated with clans now subsumed fiefdoms of self-styled powerful clans is what can make the voices of the politically marginalised heard. Khalid Ma’ow (MP), Mohammed Omar Dalha (MP) and Khadiijo Mohammed Dirie (Cabinet Minister) belong to the Fifth Clans but find it hard to unite their political resources to fight the injustices their clans suffer. Through advocacy Fifth Clans can form alliances with other progressive members from Somali clans. Many people in other Somali clans suffer similar political and economic marginalisation. Somali think thanks protect the interests of powerful clans. There is no think tank that writes about the plight of Fifth Clans. How has the gravity of Fifth Clans’ political insubordination been under successive Somali Federal Governments? Do we have to judge a government on the basis of expectations or what it is required by law to treat law-abiding citizens equally ? The International Community urges Somali political leaders to practise inclusive politis. What inclusive politics means in practice is hardly understandable without members of Fifth Clans speaking out against different forms of political marginalisation they suffer. Only then can their fellow citizens join the fight against political inequality based on the 4.5 system. No political leader from other clans has shown commitment to ending political subordination of Fifth Clans. Promises about what a politician will do is not enough. The right of Fifth Clans to political equality is enshrined in the Draft Constitution. It is crying out for implementation. © Puntland Post, 2020 The post The Fifth Clans of Somalia Must Form Alliances appeared first on Puntland Post.
-
Maxkamada magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa maanta la soo taagay rag lagu eedeeyay in ay geysteen fal kufsi ah. Todobaddii nin ee ku eedaysnaa in ay kufsadeen Cawo Xariir oo ka mid aheyd caruurta xarunta agoomaha ayaa saaka dacwadoodii maxkamadda Hargeysa xukun ka soo saartay. Maxkamada ayaa ku dhawaaqday xukunka, waxaana labo ka mid d ah 7-da eedaysane ku xukuntay min 3 sano oo xadhig ahm halka 5 tii kale ay midkiiba maxkamaddu ku xukuntay 6 bilood oo xadhig dibad joog ah. Xafiiska Xeer Ilaalinta Somaliland ayaa sheegay in aysan ku qancin xukunka lagu riday raggaan islamarkaana ay qaadan doonaan racfaan. View the full article
