-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Booliska dalka Faransiiska ayaa afar qof u soo xiray dilka macallin taariikhda dhiga oo xalay lagu gowracay meel u dhow magaalada Paris ee caasimadda dalkaasi. Booliska ayaa sheegaya in weerarkaasi ay rumeysan yihiin in uu ahaa aargoosi kaddib markii macallinkaasi uu ardaydiisa u soo bandhigay sawir gacmeed la sheegay in laga sameeyay Nabi Muxammad naxariis iyo nabad-gelyo korkiisa ha ahaatee. Ninka weerarka geystay ayaa markii dambe waxaa toogasho ku dilay booliska. Booliska ayaa xalay baaritaan ku sameeyay hooyga ninka looga shakiyay weerarka waxaana xabsiga loo taxaabay 4 qof oo la sheegay iney xiriir dhow la leeyihiin 18-jirka la aamnisan yahay inuu ku dhashay dalkaasi Ruushka. Weerarkan oo aad looga hadal hayo faransiiska ayaa la sheegay inuu ka dhashay cashar ku saabsan sawir gacmeedyo muran badan dhaliyay oo laga sameeyay Nabi Muxamed NNK. Macallinka ayaa la sheegay in ardayda Muslimiinta ah uu ka codsaday iney fasalka ka baxaan markii uu ardayda kale tusayay sawir gacmeedyada. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa dilka macallinka oo ka dhacay waqooyi-bari ee magaalada Paris ku tilmaamay weerar argagixiso. Mr Macron ayaa sheegay in macallinka oo aan weli la sheegin magiciisa loo dilay sababo la xiriira xoriyatul qowlka. Madaxweyne Macron oo booqday goobta ayaa macallimiinta u ballan qaaday in naftooda uu dalka difaacayo. Dhanka kale Macron ayaa midnimo ku baaqay, waxa uuna sheegay in marnaba aysan argagixisada ka guleysanayn oo aysan kala qoqobi Karin dadka faransiiska. Ninka looga shakisan yahay inuu weerarka geeystay ayaa waxaa toogtay booliska. Waxaana la soo weriyay inuu yahay 18 jir ku dhashay dalkaasi Ruushka. Waxaana haatan baaritaanka kiiskan la wareegay dacwad oogeyaal qaabilsan la dagaallanka argagixisada. Xigasho: BBC Somali PUNTLAND POST The post Macallin ardeydiisa tusay sawir laga sameeyay Nabi Muxammad (NNKH) oo la gawracay appeared first on Puntland Post.
-
Wakaaladda wararka Reuters ayaa ku warrantay in Turkigu uu Jimcihii Shalay gantaal ku tijaabiyay meel u dhow xeebta Badda Madow ee Turkiga. Muuqaalkan oo laga soo duubay magaalada xeebta ku taal ee Sinop, ayaa muujinayay qiiq hawada isku shareerayay. Maalmihii la soo dhaafay, Turkiga ayaa soo saaray ogeysiisyo xaddidaya hawada iyo biyaha aagga xeebta ah si loogu oggolaado howlgalka tijaabada gantaallahan. Sarkaal Mareykan ah oo aan magaciisa sheegin ayaa tilmaamay in Turkiga uu Jimcihii tijaabiyay nidaamka difaaca ee S-400 laakiin ma uusan bixin faahfaahin. Tijaabooyinka S-400s, haddii la xaqiijiyo, waxa ay sababi karaan in ay sii kororto xiisadaha u dhexeeya Turkiga iyo Mareykanka, oo si weyn uga soo horjeeday in Ankara ay hubkan ka iibsato Moscow sababo la xiriira in hubkani uu wax u dhimayo nidaamyada difaaca ee isbahaysiga NATO. Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Morgan Ortagus ayaa sheegtay in Mareykanku uu u muujiyey saraakiisha ugu sarreeya ee dowladda Turkiga in soo iibsashada nidaamyada milatari ee Ruushka sida S-400 ay tahay wax aan la aqbali Karin. Wasaaradda gaashaandhigga ee Turkiga ayaan beenin ama xaqiijin in gantaalahan ay tijaabisay. PUNTLAND POST The post Turkiga oo tijaabiyay gantaalaha S-400 iyo Maraykanka oo si adag uga hadlay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa xalay gurigiisa magaalada Muqdisho kasoo xiray ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan, oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu taajirsan Soomaaliya. Sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Xaaji Abuukar Cumar Cadaan ayaa waxaa lagu eedeeyey taageero Al-Shabaab iyo dhiiri-gelinta rabshadaha iyo qaraxyada. Xaaji Abuukar Cumar Cadaan ayaa wareysi uu Jimcihii siiyey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho, waxa uu si cad ugu sheegay inuu taageersan yahay mabda’a ay ku taagan yihiin Al-Shabaab iyo in la baabi’iyo “gaalada” Xalane ku jirta. “Weligey nin siyaasi ah wax gaar ah lama qabsan, dan gaar ahna kama lihi, Shabaab mabda’a ay ku taagan yihiin, oo ay jidka ugu jiraan waan teegeersanahay, been sheege nacallaaa ku yaalla, in gaaladan gaafuurada weyn leh ee Xalane ku jirta la baaba’sho waan rabaa, iyo waxa la socda, aniga been kuu sheegi maa, cidna ka baqi maa,” ayuu yiri. Mar la weydiiyey su’aal ay ahayd qaraxyada ma ku taageersan tahay, waxa uu yiri “qaraxyada waxay ula jeedaan ayagaa og he, waa la weydiihaa qof kasta camalka ay sameyso.” Abuukar Cumar Cadaan ayaa sidoo kale sheegay in dalka ay haystaan “nimanka Xalane fadhiya,” balse waxa uu yiri “sii haysan maayaan Insha Allah.” Wareysiga Idaacadda Kulmiye oo ahaa goos-goos ah ayaa la filayaa in si rasmi ah loo sii daayo maanta oo Sabti ah. Xarigan ayaa imanaya ayada oo sidoo kale ciidamada NISA ay ku dhowaan saddex toddobaad ka hor xireen tobaneeyo ganacsato oo uu ku jiro Xaaji Maxamuud Cumar Cadaan oo la dashay ganacsade Abuukar Cumar Cadaan. Sababta loo xiray ganacsatadan ayaa lagu sheegay inay la xariirto macaamil dhex maray iyaga iyo Al-Shabaab, waxaana weli ay ku jiraan xabsiga, ayaga oo cadaalad u doonta maxkamad Al-Shabaab. Hoos ka daawo wareysiga horseedi xariga Abuukar Cumar Cadaan. The post XOG: NISA oo xirtay Xaaji Abuukar Cumar Cadaan first appeared on Caasimada Online.
-
Ocala (Caaismada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Wasaaradda Cadaaladda ka dalbaday inay baaritaan ku sameyso xildhibaan Ilhaan Cumar, isaga oo mar kale weerar culus ku qaaday. Trump ayaa ku eedeeyey Ilhaan Cumar inay guursatay walaalkeed, ayna si sharci darro ah kusoo gelisay Mareykanka. Trump oo habeenkii Jimcaha ka hadlayey isu soobax ka dhacay magaalada Ocala ee gobolka Florida ayaa sheegay inuu rumeysan yahay inuu ku guuleysan doono gobolka Minnesota doorashada November, sababtuna ay tahay Ilhaan Cumar. “Wey neceb tahay waddankeena. Waxay ka timid meel aysan xitaa ka jirin dowlad, haddana halkan ayey imaneysaa oo waxay noo sheegeysaa sidii aan u maamuli laheyn dalkeena,” ayuu Trump u sheegay taageerayaashiisa. “Aad ayaad u mahadsan tahay, waa qof dhab ah — waa qof cajiib ah – waa qof cajiib ah,” ayuu Trump si kajan ah u yiiri. “Markaad eegto Aqalka [Wakiilada], ee Pelosi waxay neceb yihiin Israel waxayna aaminsan yihiin Omar, oo halkan timid kadibna guursatay walaalkeed, si uu halkan sharci darro ugu yimaado,” ayuu yiri Trump. Ilhaan Cumar ayaa marar badan beenisay eedeynta la xiriirta inay guur been ah u sameysay walaalkeed, si ay usoo geliso Mareykanka. Sidoo kale ma jiraan wax caddeymo ah oo la heli karo oo arrintan taageeraya. The post TRUMP oo amray tallaabo xasaasi ah oo ka dhan ah xildhibaan Ilhaan Cumar first appeared on Caasimada Online.
-
iPhone 12: Waxa yar ee telefoonnadii casriga ahaa kasii dhigay casri iPhone-ka cusub ee Apple ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee isticmaala qalabka tiknoolojiyadda awiiddeedu tahay 5nm Telefoonka noocisu yahay Apple iPhone 12 ayaa noqday kii ugu horreeyay ee loo adeegsado chip (qalab yar) oo awoodda tiknoolojiyaddiisu ay aad u sarreyso, horayna aan caalamka looga isticmaalin wali. Qalabkan ayaa dadka telefoonkaas heysta u sahlaya inay sameeyaan waxyaabo ay ka mid tahay inay wax ka baddalaan muuqaallada tayadoodu tahay 4K. Sidoo kale waxa uu tayo aad u sarreysa u yeelayaa sawirrada lagu qaado iPhone-ka cusub ee dhawaan shaaca laga qaaday iyo sidoo kale in lagu ciyaari karo games si nadiif ah loo arkayo muuqaalladooda. Marka uu dabka batariga dhaco xitaa sawirrada, muuqaallada iyo ciyaaraha telefoonkan waxay noqon doonaan kuwo aysan tayadooda isbaddalin. Qalabkan oo magaciisa loo soo gaabiyo 5nm ayaa ah mid aad khafiif u ah oo la eg 25 atom oo kaliya – balaayiin kale oo isaga lamid ah ayaana telefoonka sii gali kara. Qalabka ASML’s NX3400 Haddii si toos ah loo sharraxo waxqabadkiisa, wuxuu ka dhigan yahay in telefoonka loo helay maskax awood dheeraad ah leh. Haddii aan dib u jalleecno afar sano oo lasoo dhaafay ka hor, xilli ay shirkado aad u badan soo saarayeen telefoonnada casriga ah, waxaa shaki weyn laga qabay in qalabkan chip-ka ah guushiisa la gaadhi karo waqti dhow. Waxaa dhaqaale badan ku bixisay shirkadda Netherlands laga leeyahay ee ASML, oo xoogga saareysay sidii ay ku farsameyn lahayd. Mahsiinnada lagu sameeyay qalabkaas aadka u yar mid walba kharashiisu wuxuu dhan yahay $123m (£92m). Qiimahaas aad buu uga sarreeyaa kharashka ay ku fadhiyaan qalabyada ay shirkadaha kale u isticmaalaan sameynta telefoonnada casriga ah. Laakiin hadda waxaa u suurtagashay shirkaddan inay noqoto tan kaliya ee awooddaas yeelatay, islamarkaana uu qalabkaas layaabka leh kaligeed ku kooban yahay. “Wax sidaasoo kale u yar ayaa haddana fure u ah tiknoolojiyad aad u ballaadhan,” ayuu yidhi Dr Ian Cutress, oo ka mid ah khubarada ka shaqeysa shirkadda. Kaliya labo shirkadood oo ka mid ah kuwa iibiya qalabka laga sameeyo chip-ka ayaa hadda soo suuq geeyay aaladdaas. TSMC – oo ah shirkad laga leeyahay waddanka Taiwan, ahna shirkadda bixisa qalabka loogu talagalay telefoonnada iPhone-ka, iPad-yada iyo kumbuyuutarrada Mac-ga Samsung – oo hadda sameyneysa qalab sii casriyeeya telefoonnadeeda Android-ka ah, lana filayo inay tiknoolojiyad noocan ah shaaca ka qaaddo bisha December. Labadan shirkadoodba waxay leeyihiin qalabka ASML oo lagu wado in tiknoolojiyadda 5nm lagu rakibo sanadka 2021-ka. Qaran News
-
Wararka ka imaanaya degaanka Buurweyn ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal ku dhexmaray ciidamo ka tirsan dowladda iyo Al-Shabaab. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay miino la eegteen kolonyo ka tirsan ciidamada dowladda oo ka yimid Buulo-burde, isla markaana waxa la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa ka duwan. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa ka dhashay dagaal Buurweyn oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ku dhex-maray Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab. Inta la xaqiijiyay Afar Askari oo ka tirsan Ciidamada la weeraray, ayaa geeriyootay halka tiro kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo loo qaaday degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan. PUNTLAND POST The post Dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Federaalka ayaa toddobaadkii dhawaa shirkadda Albayrak heshiis kula gashay 14 sanadood dib u maamulista dekedda Xamar (Muqdisho). Sanadkii 2014kii ayaa maamulkii Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud kula heshiiyay shirkaddaas inay dib u hawlgeliso dekedda, si loo sahlo ganacsiga loona kordhiyo dakhli soo saarista dalka. Albayrak Group waa mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn dalka Turkiga waxayna ka hawlgashaa dhammaan qeybaha dhaqaalaha, dhismaha, waxsoosaarka iyo adeegga. Waxay kaloo ku jirtaa maareynta dekedaha dalka Turkiga iyo dibaddiisaba. Madaxa Albayrak Axmed Saalim oo ka hadlayay munaasabadii ay kula wareegayeen maamulka dekedda Xamar ayaa ballanqaaday inay sare u qaadi doonaan adeegga dekedda si loo hormariyo aruurinta khidmadaha adeega oo xilligaas ahayd malyan iyo laba boqol kun doolar bishii. Waxaa xusid mudan in ka hor inta aan Albayrak la wareegin dekedda, maamulka konteynerada ay haysay shirkadda “Simatech” oo ay wada leeyihiin Imaaraadka iyo Singapore. Muddada lagula heshiiyay Albayrak waxay ahayd 20 sanadood oo dakhliga kasoo xerooda dekedda loo kala qaadanayo 55% iyo 45% iyadoo dowladda Soomaaliya loo xaglinayo. Dekedda Muqdisho oo ku fadhida masaafo dhan 303,000 sq. meters ayaa himilada ku wareejinta Albayrak ahayd in waxqabadkeeda la gaarsiiyo 250,000 konteyner sanadkii, halkii uu ka ahaa 17,000 dhammaadkii 2013ka. Hadafku waxuu ahaa in la soo jiito shabakadaha “The Maersk Lines, Cosco Shipping, ASEA, JEDDX” iwm, si loola jaanqaado heerka koritaanka suuqa loona yareeyo kharashka xamuulka. Gorgortan dhexmaray labada dhinac oo muddo ka badan 2 sanadood jiitamayay ayaa walaac ka dhashay kaddib markii ay soo yeertay in shirkad shisheeye ay xodxodasho hoose kula jirto dowladda. Warku waxuu ka dhashay “mu’aammaraad” lagu waxyeellayn lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga. Xeeldheereyaasha dhaqaalaha ayaa sheegaya in maamulka Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay ku qaaday dib eegista heshiiskii Albayrak dhowr arrimood: (1) Xallinta ciladaha qandaraaskii hore; (2) Ilaalinta dakhliga dowladda; iyo (3) Hubinta heerka adeegga dekedda. Balse war waxuu ka taagan yahay waxa ilaa hadda loo soo bandhigi la’yahay wax qaybsiga heshiiska ay saxiixday Wasiir Maryan Aweis Jaamac! Si kastaba ha ahaatee, dooda dib u eegista macaash wadaaga labada dhinac ayaa bishay qiimaha dekeddaha Soomaaliya lana sintay nacfiga dekedda Muqdisho heerka tan Dooraleh. Qandaraaska cusub ayaa horseedi doono in dib loogu celiyo dekedda 50 malyan doolar oo maalgelin horumarin iyo dayactirba leh, iyadoo shantii sanadoodba mar dib loo qiimeyn doono hantida (Cowry News – 9/10/2020). Inta yar ee laga ogyahay heshiiska waxuu u muuqdaa mid libineed dhowr arrimood awgood: (b) Waxtarka horumarka dhaqaalaha iyo bulshada; (t) Sare u qaadista qiimaha dekedaha dalka; (j) Carbinta kaaderiin ku takhasusaya maaraynta deked casri ah; (x) Abuurista khabiiro gorgortan heshiis ganacsi; (kh) Kordhinta soo jiidashada dareenka maalgashiga shisheeye ee tooska ah; iyo (d) Kor u qaadista sumcadda dalka ee ilaalinta waajibaadka iyo xuquuqda qandaraasyada. Awoodda dhaqaale ee dekedaha Soomaaliya ayaan shaki lahayn. Balse ka hor inta aan Albayrak lala gelin heshiiska, dekedaha dalka waxaa ku horgudbanaa caqabado ka dhigayay kuwa ugu waxtarka liita adduunka. Dabcan inta aan la gaarin heerka ka faa’idaysiga Badweynta iyo dalalka deriska ah – amniga ka sokow, waxaa loo baahan yahay in wax weyn laga qabto isku xirka kaabayaasha dhaqaale ee dekedaha iyo aagga la xiriira. Kuwaas waxaa ugu horreeya waddooyinka (dhulka, biyaha, birta reylka “tareenka”, buundooyinka, isgaarsiinta iyo cirka) oo haddaysan jirin dalku u adeegi karin dalka kale, si kastoo ay u wanaagsan yihiin dekedahiisa. Shirkadda Albayrak waxay dalka u soo bandhigtay maalgashi ay Soomaaliya awood u lahayn inay amaahsato amase uruursato. Waddan kasta oo aan lahayn awood dhaqaale amase aan heli karin waayo aragnimo qoto dheer waxuu u qoolan yahay in la boobo (dhaco), waana taas midda DP World ku dhigtay dekedaha Berbera iyo Boosaaso. Dib ugu cusbooneysiinta Albayrak heshiiska dekedda Xamar waxuu xaqiijin doonaa waxyaabaha ay filanayaan dadka Soomaaliyeed. Goobta istraatiijiga ah iyo tas-hiilaadka casriga ah oo ay bixiso dekedda Xamar ayaa ka dhigi doonta Soomaaliya mid ka mid ah marinka ugu xamuul wareejinta badan (transshipment) Afrika. The post Xogta gorgortankii heshiiska dedekedda MUQDISHO ee shirkadda ALBAYRAK first appeared on Caasimada Online.
-
The claim: Project Veritas discovered a voter fraud scheme connected to Rep. Ilhan Omar in Minneapolis. Project Veritas, a right-wing organization led by James O’Keefe, published a video on Sept. 27 that purports to contain proof that Democratic Rep. Ilhan Omar is linked to a “cash for ballots voter fraud scheme.” Source: Hiiraan Online
-
It’s simple: When it comes to health and health care, many in Minnesota’s immigrant communities are left behind. Study after study points to language and cultural barriers, social determinants of health, and access to convenient and affordable health care as reasons health disparities in Minnesota are among the worst in the nation. Unfortunately, there is no silver bullet. But when it comes to addressing these issues in the Cedar-Riverside community, there are promising steps forward. Source: Hiiraan Online
-
KDF Somalia war refunds up Sh324m as economic decline bites
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Cash reimbursed to Kenya for its troops fighting Al-Shabaab militants in Somalia by the European Union (EU) and its partners for the year ended June 2020 grew 7.5 percent or Sh324 million ($2,982,870) even as Nairobi considered pulling out its forces next year. Source: Hiiraan Online -
Thousands of Kenyans who registered themselves as refugees will be removed from the United Nations High Commission for Refugees (UNHCR) database. Source: Hiiraan Online
-
GENEVA - A group of 153 vulnerable African refugees and asylum seekers were flown out of Libya to Niger this week on a plane chartered by the U.N. refugee agency. This was the first life-saving evacuation from Libya in seven months, after the operation was suspended because of COVID-19. Source: Hiiraan Online
-
Aqoontu waa ruuxiyaadka hogaamiya binu-adamka taas oo shaqsiga horumarkiisa ku hagta kuna hanuunisa. Waxabarashadu waa xuquuq aas aasiya waxaanay kobcisaa oo balaadhisaa caqliga iyo karaamada shaqsiga, waxay qaabeysaa nolosha qofka, waxaana ay u horseedaa in qofku uu gaadho horumar iyo badhaadhe uu noloshiisa horumar ku maareeyo. Maanta Somaalilaan waxaa baaba’ay noloshii macalinka maadaama uu musharkii macalinku uu ka yaraaday mushaharka shaqaalaha nadaafada ka shaqeeya taas oo macalinkii iyo maamulihiisiiba ku kaliftay in ay lacag aan loo meel deyeyn ardeyda ka qaataan si ay noloshooda ugu deberaan. Sida Caalamka oo kale waxbarashada iyo Sabool nimada xidhiidh weyn ayaa ka dhaxeeya.JSL hadii waxbarashada dhalinyarada dan yartu kor u kacdo waxay noqon kartaa dariiq sahlan oo faqiirnimada lagaga bixi karo.. Waxbarashadu waxay fure u tahay dhisme dhaqaale casri ah oo ku saleysan aqoon cokan waana udub-dhexaadka horumarineed ee ummadded. Haddii aan gacanta la wada gelin waxbarashada dawliga ah oo aan si cadaalad ah loo wadaagin dalku wuxuu noqonayaa dabaqado kala sareeya oo isku dulnool oo is dulmiya. Somaalilaan Waxaa si hufan uga hawl gala 28 Jaamacadood , aqbaliyada Jaamacadaha Somaalilaan waa kuwo gaar loo leeyahay oo macaash-doon ah, Waxaana hada daaladhacaaya 3 Jaamacadood oo aan iyagu ku jirin 28-ka jaamacadood laakiin liisankoodii haysta, Waxaana saqiiray oo Albaabada loo laabay aftartii sanadood ee la soo dhaafay 4 Jaamacadood. Jaamacadaha dawliga ah oo gaadhaaya ila 7 Jaamacadood ayaan ilaa hada fiigooda iyo hab-dhaqankoodu ka duwanayn Jaamacadaha macaash-doonka ah ee gaarka loo leeyahay . Hadaba Wasaaradda Waxbarashada Soomalilaan waxaa looga fadhiyaa in ay kala saarto Jaamacadaha dawladu maal geliso iyo Jaamacadaha gaarka loo leeyahay sida ay u kala duwan yihiin dugsiyada Dawliga ah iyo Dugsiyada gaarka loo leeyahay. 1- Jaamacadaha Dawliga ah ee Dawladu miisaaniyada buuran siiso waxaa ka mid ah Jaamacada Hargeisa, Jaamacada Camuud, Jaamacada Burco , Jaamacada Nugaal, Jaamacada Ceerigaabo iyo Jaamacada Maakhir. Waxaa loo baahan yahay in Jaamacadaha Dawladu miisaaniyada siisaa in ay fuliyaan qodobadan hoose : – Waa in ardeyda danyarta ah ee waxbarashada Dugsiyada sare heerka sare ka galay ay siiyaan waxbarasho bilaash ah – Gaar ahaan waa in Jaamacadaha Dawladu ay mudnaan gaar ah siiyaan Ardeyda danyarta ah ee ay dhaleen Ciidamada qaranka iyo shaqaalaha dawladu – Fiiga Jaamacadaha dawladu waa in uu ka yaraadaa kana jabnaadaa Fiiga Jaamacadaha gaarka loo leeyahay sida ay u kala duwan yihiin fiiga dugsiyada dalku. – Jaamacadaha dawladu waxay ku jiraan dhismeyaal bilaash ah oo dawladu leedahay, kirona ma bixiyaan sidaa daraadeed waa in ay fiiga ardeyda ka jebiyaan – Jaamacadaha Dawlada Xukuumada ayaa siisa sanad walba miisaaniyada lagu kabo markaa waa in ay fiiga ardeyda Ciidamadu dhaleen bilaash uga dhigaan – Jaamacadaha dawaladu waxay maydheen meeqaamkii qaranka Somaalilaan, maadaama aanay cashuur buuran dawlada iyo bulshada toona ku soo celin. Gunaanad: Maanta Soomaalilaan waxaa loo baahan yahay: 1- In la sameeyo Nidaam iyo hab cusub (system dawladeed ) oo sife cadaalad ah bulshada ugu shaqeeya, waxna xakameeya . 2- Waana in la ansixiyaa xeerarka qabyada wada ah ee Siyaasadda Waxbarashada Qaranka Somaalilaan. Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madaxbanaan Intensive Advisor ED BD PA United Kingdom London Qaran News
-
Waxaa taliye cusub loo magacaabay ciidamada kumaandoosta Danab ee Soomaaliya, ka dib markii xilka laga qaaday talihii hore, Ismaaciil Cabdimaalik. Taliyaha cusub ee Danab, Gaashaanle Axmed Cabdullaahi Nuur (Beer yare), wuxuu horay u ahaa taliye ku xigeenka Danab, marna waxa uu horay usoo noqday taliyaha saadka ee ciidamada Danab. Maxay yihiin ciidamada Danab? Danab waa kumaandooskii ugu horraysay ee Soomaaliya ay yeelato tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe ee dalka, sannadkii 1991. Dowladda Mareykanka ayaa bishii Oktoobar ee sannadkii 2013-kii bilowday tababarka ciidamada Danab, waxaana xilligaas lagu bilaabay hurin 105 askari ahayd. Sida saraakiil dowladda ah laga soo xigtay ay sheegeen, ujeeddada loo sameeyay ciidanka ee xilligaas waxay ahayd in la hirgeliyo ciidan isku dhafan oo kumaandoos ah, waxaana lagu asaasay saldhigga ciidamada cirka ee Belidogle ee degmada Wanlwaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamadii ugu horreeyay ee Danab waxay tababarka dhameysteen sannadkii 2014-kii. “Waa ciidanka loogu baahi badan yahay in dalka uu yeesho, sababtoo ah dagaalka aan ku jirno oo ah ku dhufoo ka dhaqaaq ama waxa Soomaalida u taqaano dagaal jabhadeed; Danab kaalinta ay ka qaadan karto waxaa weeye in ay yihiin ciidan tababar heer sare leh, awoodna u leh in ay baacsadaan Al-Shabaab, wiiqaanna awooddooda,” ayuu yiri Jeneraal Bariise oo horay usoo noqday taliye ku xigeenka ciidanka milateriga ee dowladda Federaalka. Sida ay BBC Somali u sheegeen saraakiil Danab ka mid ahayd, askeriga ku biiraya ciidanka Danab, waxaa la marsiiyaa baaritaan qoto-dheer oo lagu ogaanayo shakhsiyaddiisa, gaar ahaan in uu horay usoo noqday ciidan, in uu dembi soo galay iyo inkale, in uu mar uun ka mid noqday kooxaha Islaamiyiinta ah, in uu ku lug lahaa xadgudub dhanka xuquuqda aadanaha ah iyo waxyaabo kale oo lagu hubinayo askariga tayadiisa. Kumaandooska Danab waxaa saldhigga Balidogle ku tababara ciidamada Mareykanka ee ku sugan goobtaas, kana tirsan taliska ciidamada Mareykanka ee Africa. Sidoo kale saraakiisha kumandoosta Danab, gaar ahaan kuwa hogaamiya dagaalka ayaa lagu soo tababaraa dalal dibadda ah oo Mareykanka uu ka mid yahay, halkaas oo ay ku soo qaataan tababarro dheeraad ah oo la xiriira hoggaaminta ciidanka xilliyada dagaalka. Sida ay BBC u sheegeen saraakiil hore uga tirsanayd Danab; saraakiisha hoggaamisa ciidankan ayaa marka hore lagu tababaraa mac-hadka barashada luuqadda ee Defence Language Institute (DLI) ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka, halkaas oo ay ku soo qaataan aqoon durugsan oo dhanka luuqadda ingiriiska ah. Saraakiil hore uga tirsanaa ciidanka Danab, aqoon durugsanna u leh arrimaha ciidamadaas ayaa BBC-da u sheegay in Danab ay ka kooban yihiin guuto afar urur ah. Taliska ciidamada Danab ee uu tababaray Mareykanka ayaa ku sugan saldhigga Balidogle ee gobolka Shabeelaha Hoose oo xarun u ah taliska ciidamadaas. Askarta halkaas ku sugan waxaa tiradoodu lagu qiyaasay 600. Sidoo kale magaalooyinka Galkacyo iyo Kismaayo waxaa ku sugan min hal urur, waxaana hadda Jowhar laga hirgelinayaa urur kale oo ka hawgeli doona deegaannada Hirshabeele. Urur walba oo Danab ah waxaa uu ka kooban yahay boqol askari, sida saraakiishaas ay sheegeen. Maxay tahay shaqadooda? Si ka duwan ciidamada kale ee militariga Dowladda Federaalka, gaar ahaan kumaandooska Gorogor, Danab waxay howshoodu tahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana mar walba la arkaa iyagoo hawlgalo ka fulinaya goobaha ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha ururka xiriirka la leh Al-Qaacida ee Soomaaliya ku sugan. Ujeedada ciidanka ayaa ah burburinta xarumaha ururka Al Shabaab ee tababarka ay ku qaataan. Waxaa u dheer tababar gaar ah oo ay ka mid tahay in diyaaradaha laga boodo; in jid gooyooyin ay dhigan karaan; iyo in ay fullin karaan hawlgal qorsheysan. Inta badan ma ahan ciidan hal meel loogu yimaado marka laga soo tago halka ay saldhigyada ku leeyihiin, waana ciidan guur-guura, weerarna qaada. Tirada guud ee ciidamada Danab ee Mareykanka uu u tababaray Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa in ay gaarayso 800 oo askari. Ciidamada kale ee aan Danab ahayn ayuu sheegay inay wanaagsan tahay in siyaasadooda tababarka lagu daro tababar gaar ah oo lamid ah kan ay qaataan ciidanka Danab. Ciidamadan waa kuwo si dhaw ula shaqeeya ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, waxayna sidoo kale ka qeyb qaataan weerarrda qorsheysan ee loo adeegsado diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo duqeymaha Mareykanka uu ka fulliyo gudaha Soomaaliya. Dowladda Mareykanka ayaa horay u sheegtay in tababarka ciidanka Danab ay sii wadi doonto ilaa iyo shan sano oo dambe. Ciidamadan ayey khubarada qaar aaminsan yihiin in markii hore ujeeddo kale loo sameeyay. Cabdisalaam Guuleeed, oo horay usoo noqday taliye ku xigeenkii hey’adda nabadsugidda Soomaaliya ee NISA ayaa yiri: “Danab inkastoo ay ka mid yihiin ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, haddana waxaa aas aasay Mareykanka, gaar ahaan AFRICOM, ujeedka ugu weyn ee ay ka lahaayeen wuxuu ahaa difaacidda danahooda Iyo isku ilaalinta xarumaha ay Soomaaliya ka deggan yihiin. Wuxuu intaa ku daray: “Kadib waxay fahmeen in looga faa’iideysan karo waxyaabo badan, sidaasna waxaa lagu ballaariyey tirada ciidankaas iyo waajibaadkooda.” “Waxay fuliyeen Boqollaal howlgal oo isugu jiray kuwo ay ku wehliyeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa ay keligood ku ahaayeen”. Xukuumadda Ankara ayaa sidoo kale Soomaaliya u tababarta ciidamo kumaandoos ah, kuwaas oo dad badan ay ku khaldaan ciidamada Danab. Saraakiil militari hore ah waxay BBC-da u sheegeen in ciidanka dowladda Turkiga ay tababarto ay yihiin kumaandoos lagu magacaabo Gorgor, balse aanay ahayn Danab. Kuwa Mareykanka uu tababaro oo keliya ayaa loogu yeeraa Danab. Yaa gacanta ku haya ciidanka Danab? Ciidanka Danab waxay si toos ah u hoos tagaan Wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda Soomaaliya, waxayna si gaar ah ula shaqeeyaan ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya. Hubka ay hesytaan waxaa siiya dowladda Mareykanka, waxaana sidoo kale mushaarkooda bixiya Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka, inkastoo khubaro arrimaha militariga ku xeel dheer oo aan la hadalnay ay aaminsan yihiin in dowladda Federaalka ay wax ku biiriso daryeelkooda. Wasaaradda difaaca ee Mareykanka ayaa ciidankan siisay tababar militeri oo ka sarreeya kan ay qaataan askarta caadiga ah, haddii ay ahaan lahayd xagga jir-dhiska, u fikirka xeeladda dagaalka, isticmaalka hubka kala duwan, farsamada dagaalka, fulinta hawgallada xilliyada habeenkii, sancada, furfuridda miinada, fulinta hawlo gaar ah – sida in guriyo loo dhaco ama diyaarad ay ka daataan- hawgal gaar ahna soo fuliyaan. Ciiidamo la mid ah Danab ayuu Mareykanka u dhisay dalalka Afrika ee ay ka jiraan kooxaha Islaamiyiinta sida Nigeria, Mali, Cameroon iyo kuwa kal,e balse Jeneraal Bariise oo horay usoo noqday taliye ku xigeenkii hore ee ciidamada militeriga ee Soomaaliya wuxuu sheegayaa in Mareykanka uu aaminsan yahay waxtarka ciidanka Danab. “Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika, AFRIKOM, Jeneraal Townsend, waxaa uu hadda kahor inoo sheegay in ‘ciidamo lamid ah Danab ay u tababareen dalal badan oo Afrikaan ah balse kuwa Soomaalida ay yihiin kuwa ugu wanaagsan ee dhanka tababarka, kartida, geesinimada iyo xirfadda dagaalka’,” ayuu yiri Jeneraal Bariise. Walow aanay jirin caqabado rasmi ah oo heysta ciidankan, mushaarkooduna ay bixiso dowladda Mareykanka, Dowladda Federaalkana ay wax ku biiriso, haddana saraakiishii horay uga soo shaqeysay waxay aaminsan yihiin inay jirto xasilooni darri dhanka hoggaanka ciidankan ah. “Markii aan ka tagayay ciidanka, tirada guud ee askarta waxay aheyd 1,070 balse maanta waxay marayaan 800 oo askari oo tiradoodu way yaraatay, taasina waxaa ugu wacan xasilooni darrida ciidanka ee dhanka hogaanka. Ciidanka hogaankiisa in la siyaasadeeyo ma ahan, sababtoo waxay wiiqeysaa awooddooda iyo korriinka tiradooda,” sidaas waxaa BBC-da u sheegay korneyl Axmed Danab oo soo noqday taliyaha ciidamada Danab. Axmed oo ahaa taliyihii ugu mudada dheeraa ee soo mara Danab ayaa intaas raaciyay in wax wanaagsan ay tahay in taliska cususb ee hadda ee ciidanka Danab aanan meel kale laga keenin balse laga soo dhex saaray isla ciidanka dhexdiisa. Magaca Danab muxuu yahay, maxaase loogu bixiyay? Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidanka sita magacan laga asaaso Soomaaliya, waxay ahaayeen ciidii kumaandooska ee jiray xilligii dowladii militariga ee Maxamed Siyaad Barre, balse waxay burbureen kaddib markii ay dhacday dowladdii dhexe. Ciidanka ayaa xilligaas lagu magacaabi jiray Danab. Taliye Axmed Danab ayaa BBC-da u sheegay in sababta ciidankan markiisi horeba loogu bixiyay Danab ay tahay in ay yihiin ciidan il-biriqsi walba, meel walba si fudud oo sahlan ku geli karaan, hawlgalkii loo dirayana si dhakhsa ah ku soo fullin kara. The post Maxay yihiin ciidamada Danab ee Mareykanka u tababaray Soomaaliya? first appeared on Caasimada Online.
-
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gelinkii dambe ee maanta ka dhacay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhajiska ayaa waxaa lagu soo warramayaa in gaarigiisa loogu xiray gudoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Mudug ee Puntland, Maxmuud Cismaan Aadan, kaas oo la soo wariyey inuu ka bad-baaday falkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta ay wax ka dhaceen ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland. Illaa iyo hadda lama shaacin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay qaraxaasi, marka laga reebo burbur xoogan oo gaaray baabuurka mas’uulka lagu weeraray qaraxaas. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha Gaalkacyo ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida dilal qorsheysan iyo qaraxyo oo qaarkood ay sheegatay Al-Shabaab. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen daacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Habeen-16102020.mp3 View the full article
-
By Joe Mellor October 16, 2020 Brexit: Reactions as ‘Oven ready’ deal doesn’t exist as PM tells UK to prepare for No-Deal Boris Johnson has [...] The post Australia has the same deal with the EU as Somalia ie none. Boris Johnson could call Britain’s future a Somalia style deal but for some reason he doesn’t. Wonder why. appeared first on . Source
-
Jowhar (Caasimada Online) – Soo dhoweyntii ugu weyneed abid ayaa shalay Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) loogu sameeyay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobaleedka HirShabeelle. Boqolaal ka mid ah shacabka ku nool magaalada Jowhar oo maalmahaan dhan la abaabulayay ayaa la safay garoonka diyaaradaha iyo qeybo ka mid ah bartamaha magaalada Jowhar ee xarunta Shabeellada Dhexe. Cali Guudlaawe waxaa safarka ku wehliya Cabdifitaax Xasan Afrax iyo Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo labadooduba ah guddoomiyaashii hore ee gobalka Hiiraan, sidoo kalane la aaminsan yahay in ay yihiin musharaxiin u taagan xilka madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle. Soo dhoweynta Cali Guudlaawe waxay daaha ka rogtay in uu yahay musharax abaabulan oo heesta taageerada in badan oo ka mid ah xubnaha HirShabeelle ku matala dowladda federaalka Soomaaliya iyo in ay gadaal ka riixeyso dowladda Soomaaliya. Sidoo kale waxay daaha ka rogtay in Guudlaawe diyaarsaday qaar kamid ah siyaasiinta reer Hiiraan ku matali doona tartanka kuraasta sare ee madaxda iyo Xubnaha baarlamaanka ee ka iman doono Hiiraan, gaar ahaan beesha Xawaadle. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dhallinyaro ka mid noqda xubnaha baarlamaanka HirShabeelle islamarkaana matali doono beesha Xawaadle lagu diyaariyay Muqdisho waxeyna qaarkood qeyb ka ahaayeen wafdigii maanta gaaray Jowhar. Howlaha soo xulista baarlamaanka labaad ee HirShabeelle ayaa si xowli ah uga socdo Jowhar waxaana la sheegay in ay magaalada ku qul qulayaan wufuud kala duwan. The post Soo dhoweyntii Guudlaawe oo daaha ka qaaday shaki maalmahan dhan taagnaa first appeared on Caasimada Online.
-
XILLIGII MOSEPETANIANKA IYO FARAACIINTA In kasta oo markii ugu horaysay oo magaca Soomaali oo qoran la arko ay ahayd bilowgii qarnigii 15aad, markii uu boqorkii Xabshidu Nugus Yashaq ka guulaystay dawladdii muslimiinta ee Ifaat, oo uu qabsaday magaalada Zaylac kuna dilay suldaankii dawladda Ifaat Suladaan Sacadudiin, haddana dhulka Soomaalidu dagto kumannaan sano ayaa la yaqaanay oo uu caalamkii qadiimka ahaa xiriir ganacsi iyo mid dhaqanba la lahaa. Sida uu qabo Dr Ali Abdirahman oo ah qoraagga buugga ‘The Arab Factor in the Somali History’ markii ugu horaysay ee dhulka soomaalida amase goob u ag mandiqadda geeska afrika qoraal lagu xuso ayaa ahayd saddex kun oo sano dhalashadii Nabi Ciise ka hor. Qoraalkaas amaba xuskaas ayaa laga helay taariikhdii hore ee Summerianka oo u yaqaanay dhulkaas dhulkii dadka madow ee Meluha. Xusiddaas oo kaliya ma ahayne dhulkaasi waxa uu xiriir dhaqan-dhaqaale markaas la lahaa dhulwaynihii Mosepetania ee ay Summerianku xukumayeen. Shan boqol oo sano ka bacdi xilligii aynu soo sheegnay, kuna beegan 4500 oo sano ka hor xilliga aynu imminka joogno, waxaa markii ugu horaysay dhulka Punt oo loo badinayo in uu yahay geeska Afrika, gaar ahaan mandiqadda soomaaliyeed ee maanta loo yaqaan Puntland, lagu xusay taariikhda boqortooyadii qadiimka ahayd ee Faraaciinta. Xog ka sheekaynaysa safar uu xilligaa diray boqorkii faraaciinta Sahure oo ka soo noqday dhulka Punt ayaa ku xardhan dhagaxa Palermo. Wixii xilligaas ka dambeeyey illaa laga soo gaarayey dhicistii dawladdii Faraaciinta, waxaa jirey xiriir ganacsi oo ballaaran oo ka dhaxeeyey labada dhul. Xiriirkaas waxa uu hakad galay markii Hyksoskii ka soo duulay dhanka waqooyi ay Masar qabsadeen, kana talinayeen in ka badan labo boqol oo sano. Mudadaas ayaan wax xiriira dhex marin reer Punt iyo Faraaciintii jaalka la ahaa. Laakiin xiriirkaas ayaa dib u bilowday meesha ugu saraysana gaaray inta la ogyahay xilligii boqoraddii Hatshepsut ay ka talinaysay dalka Masar. Xilligaasi waxa uu ku beegan 3500 oo sano ka hor taariikhda aynu joogno. Hatshepsut waxa ay dhulka Punt u dirtay shan markab oo laga buuxiyey wax walba oo looga baahnaa dhulka Punt, si loogaga baddasho badeecadaha ay reer Punt caanka ku ahaayeen. Reer Punt oo aad ugu farxay dib u bilaabashada xiriirkii kala dhaxayn jirey reer Masar, ayaa badmareenadii waydiiyey waxa hakiyey muddada dheer xiriirkii ganacsi ee ay reer Punt la lahaan jireen. Tani waa halka laga ogaaday in xilligii Hikysosku Masar ka talinayeen uu xiriirkaan ganacsi hakaday, iyo in aysan reer Punt xog u hayn isbaddalka Masar ka dhacay. Doomahaani waxa ay dib ugu soo noqdeen Masar iyaga oo xambaarsan agab laga keenay Punt oo ay ka mid ahaayeen Foox, Dahab, Ugaar, Dhir Tallaala iyo Addoonba. Safarkii Boqoradda, laga bilaabo ambabixiisii illaa soo noqoshadiisii waxa uu ku xardhanyahay darbiga ama taalada Faraaciinta ee Dayr Al-baxri oo u dhow magaaladii qadiimka ahayd ee Thebes. Badmareenadii hoggaaminayay safarkaas ma aysan ahayn oo keliya kuwo ganacsi uun ku maahquulsan ee waxa ay sawir la xardhay ku soo gudbiyeen nooca dad ee ay la kulmeen, magaca Boqorkii reer Punt iyo Fadiisii iyo qaabkii ay u noolaayeen, gaar ahaan guryihii ay dhisan jireen oo u muuq eg Qaymadda ama aqal Soomaaliga ay Soomaalidu wali dhisato. Saddex boqol oo sano Hatshepsut ka bacdi, xilligii boqor Ramsis III, ayaa isna dhulkii Punt u diray safar lixaaad leh. Qoraal safarkaas ka sheekaynaya waxaa lagu yiri “waxaa la dhisay doomo aad u waawayn oo laga buuxshay badeecad aan xad lahayn oo laga qaaday Masar. Badeecadaasi waxa ay gaartay dhulkii Punt iyada oo bad qabta, waxa ayna soo noqdeen iyaga oo bad qaba xushmadna loo hayay”. Xiriikaani waa uu sii socday intii ay jirtay dawladdii faraaciintu. Safaradii loogu baxayay dhulkii ay Faraaciintu u taqaanay dhulkii Ilaahyada ama awoowayaashu marna isma dhimin maxaayeelay waxaa laga keeni jiray dhulkaas badeecaddii ugu qaalisanayd ee ay faraaciintu isticmaali jirtay oo ahayd udugga loo shido Macaabidda iyo aqalada boqorada iyo amiirada. La soco qaybta labaad Mohamed A. Elmi The post Taariikhda Qadiimka ah ee Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed – Qaybtii koobaad appeared first on Puntland Post.
-
Akin to all Somalis, I am overcome with threnody feeling over the sudden death of Dr. Ali Khalif Galaydh. In the past week, then, I have been trying to come to terms with: (a) what the death meant to me at the personal level, and (b) the implications of such a monumental loss for the Somali people as whole and, in particular, the denizens of the Republic of Somaliland. These brief notes that follow, then, are preliminary meditations. A more detailed review will have to wait for another and more appropriate occasion. 1. Background Sketch: As one of the earliest and a handful cohort of formally educated Somalis who obtained a doctoral degree (Syracuse University, USA), I heard of Dr. Galaydh’s name on numerous occasions, while my own brief career as junior broadcaster was underway with the BBC Somali Service in London at the very end of the 1960s and the beginnings of the 1970s. Already a highly placed civil servant, he came through London in the summer of 1971. At that time, a senior member of the Somali Section invited me to come along for a visit with Dr. Galaydh at his hotel at the heart of West End in the city. We met Dr. Galaydh at the lobby, and he looked youthful, dignified and cosmopolitan. He welcomed us to sit with him in a comfortable corner of a large and elegant room. After the introductions were done and the high-tea afternoon service arrived, I listened to him attentively as he described his official mission to the USA and his upcoming return to Mogadishu. Read more here The post DR. ALI KHALIF GALAYDH: A BRIEF TRIBUTE appeared first on Puntland Post.
-
The Jews from Ethiopia who confound Israel’s law of return Should the descendants of Christian converts be granted Israeli citizenship? JERUSALEM The airlifts that brought Ethiopian Jews to Israel during the 1980s and 1990s are the stuff of legend. A secret operation over 36 hours in 1991 involved 40 flights carrying some 14,000 members of the Beta Israel, the largest community of Ethiopian Jews. At the time Israelis celebrated the missions. But today their government’s plans for a different group of Ethiopian Jews are making few people happy. On October 12th Israel decided to admit 2,000 members of the Falash Mura, descendants of Ethiopian Jews who converted to Christianity over a century ago. For nearly 30 years the Falash Mura have been clamouring to be accepted by Israel. Every now and then Israel lets a few thousand in. But roughly 8,000 languish in camps in Addis Ababa and Gondar. Some Jews think Israel should open its doors to all of them. Others question whether the Falash Mura qualify under Israel’s law of return, which grants citizenship to all Jews. Ethiopian Jews claim their ancestors belonged to the lost tribe of Dan, which dispersed when the ancient kingdom of Israel fell, over 2,700 years ago. But, largely isolated, their practices differ from those of mainstream Jews. The Falash Mura have another problem: Israel’s high court long ago ruled that Jews who converted to another religion, and their descendants, are not eligible under the law of return. The government does not consider the group fully Jewish. Even some Beta Israel members accuse them of pretending to be Jewish in order to escape hardship at home. The government occasionally buckles under pressure from liberals, who favour more African immigration, and nationalists, who see the newcomers as helping Jews outnumber Palestinians. There are around 150,000 Ethiopian-Israelis (almost 2% of the population). Half are Falash Mura, who are required to convert to Orthodox Judaism. Ethiopian-Israelis have faced discrimination and struggled economically. But they have also gained a bit of political influence. Earlier this year Pnina Tamano-Shata became Israel’s first Ethiopian-born minister. Binyamin Netanyahu, the prime minister, often talks of bringing over more Ethiopians when he is in political trouble—as he is now, due to his mishandling of covid-19. But Israel’s policy on the Falash Mura is a muddle, says Fentahun Seyoum, an Ethiopian-Israeli activist: “Either they are not eligible and no one should be allowed in, or allow them all. Just 2,000 out of 8,000 doesn’t make sense.” Source: The Economist The post From Gondar to Jerusalem appeared first on Puntland Post.
