Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo ra’iisul-wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa warar soo baxay waxa ay sheegayaan in tashigii ugu dambeeyey ay ka yeesheen magacaabista golaha wasiirada Soomaaliya. Wararkii ugu dambeeyey ee ay Shabelle ka heshay madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadaha soo socda la filan karo in lagu dhawaaqo liiska ag olaha wasiirada cusub, kuwaasi oo ay ka soo muuqan doonaan qaar ka mid ah wasiiradii Khayare. Todobaadkii la soo dhaafauy ayaa waxaa shirar isugu yimid Madaxweynaha. Ra’iisul-wasaaraha iyo Guddomiyaha Baarlamaanka, iyadoo la isla meel dhigay tashi aahaan iyo magacaabista xukuumada Cusub. Ra’iisul-wasaare Rooble ayaa haatan magacaaban ama xilka haya 29-cisho, waxaana 30-ka berri ee loogu talagalay magacaabista golaha wasiirada haatan ugu harsan hal maalin. View the full article
  2. Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaa maanta xukun dil ah lagu fuliyey nin lagu helay kiis la xiriirxa inuu deegaanka Jalam ee gobolka Nugaal ku diley hooyadiis. Maxkamada sare ee Puntland ayaa saaka go’aan kama dambays ah ka gaartey xukumada maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanka waxaana ay dil toogasho ah ku xukuntay xukumane Faarax Cabdi Caagane, iyadoona isla maanta lagu fuliyey xukunkaasi. Maxkamadda sare ee Puntland ayaa waxaa la horkeenay eeda Faarax Cabdi Caagane oo loo haysto inuu saddex bilood ka hor dil u geystey hooyadiis Xaawo Jaamac Cabdulle oo dilkeedu ka dhacay deegaanka Jalam ee gobolka Nugaal. Garsoorayaasha maxkamadda sare ee kiiskaan gacanta ku hayey ayaa sheegay in la horkeenay caddaymaha iyo marag muujinta in Faarax uu diley hooyadiis isagoo caafimaad qaba. View the full article
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa manta qoraal loogu yeeray mid xusuusin ah u kala diray madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada dalka. Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa madax goboleedyada Goboleedyada lagu xusuusiyay in la dhaafay waqtigii loogu tala-galay soo magacaabista xubnaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, heer dowlad Goboleed iyo Guddiga xalinta Khilaafaadka. Maxamed Rooble ayaa Madaxda maamulada ka dalbaday inay xubnaha labada Guddi ku soo magacaaban si waafaqsan shuruucda haraaca lagu heshiiyay, iyadoo la tixgelinayo heshiiskii laga gaaray Doorashada dalka Soomaaliya ka dhaceysa ee 2020/2021. Heshiiska ayaa waxaa ku dhigan in xubnaha laga soo magacaabo 10-ka illaa 20-ka October, taasi oo macnaheedu yahay in madax goboleedyada ay weli haystaan saddex beri oo kale. Si kastaba, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa madax goboleedyada ka Codsaday inay ugu dambeyn Magacyada xubnaha labada Guddi soo gudbiyaan 20-ka Bishan Octoober 2020, iyadoona la tix-gelinaayo ka qeyb galka Haweenka. Inkasta oo Rooble u muuqdo inuu ilaalinaya heshiiska doorashooyinka iyo sidii uu waqtigiisa ugu fuli lahaa, ayaa haddana waxaa xusid mudan inuusan weli dhisi xukuumaddii dalka gelin lahayd doorasho. Hoos ka aqriso qoraalka Rooble The post R/W Rooble oo soo saaray QORAAL culus oo ku socda madaxda M/Goboleedyada first appeared on Caasimada Online.
  4. Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xasan Rooble ayaa Qoraal uu u diray Dowlad Goboleedyada wuxuu ku wargaliyey inay si dhakhso ah usoo gudbiyaan Xubnihii Gudiga Doorashada [...] The post Raysal wasaare Rooble oo Codsadey soo gudbinta Gudiyada Doorashada appeared first on . Source
  5. Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya, islamarkaana wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa ka hadlay arrimo ku aadan soo xulista xildhibaanada cusub ee baarlamaanka. Ugu horreyn xildhibaanka ayaa sheegay in doorasho dadban aysan xilligan faa’iido ugu jirin dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isaga oo shaaca ka qaaday inuu ka mid ahaa xildhibaanadii diiday, markii codka loo qaadayey heshiiska ay doorashada ka gaareen dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Dhaqtar ayaa sidoo kale tilmaamay inay suuragal tahay in xubno ay wataan Al-Shabaab ay ku biiraan baarlamaanka soo socda, wuxuuna sabab uga dhigay in dhammaan ergadii soo dooratay baarlamaanka hadda jira & odayaasha dhaqanka loo yeeray, islamarkaana la soo tashkiiliyey, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xildhibaano 80% ay Xarakada Al-Shabaab ku yaalan karto baarlamaanka cusub, haddii aan lala imaan qorshe sax ah oo lagu wajahayo doorashooyinka soo socda ee 2020-ka illaa 2021-ka. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay isku diyaarineyso qabashada doorashada soo socota oo isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha, taas oo heshiis rasmi ah looga gaaray magaalada Muqdisho. View the full article
  6. Ankara (Caasimada Online) – Turkiga ayaa Jimcihii hawada u ganay gantaal meel u dhow xeebta Badda Madow ee Turkiga halkaas oo la filayay in militariga ay ku tijaabiyaan nidaamkooda difaaca S-400 ee Ruushka uu sameeyay, sida ku cad muuqaal maxalli ah oo ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters. Muuqaalkan oo laga soo duubay magaalada xeebta ku taal ee Sinop, ayaa muujinayay qiiq hawada isku shareerayay. Maalmihii la soo dhaafay, Turkiga ayaa soo saaray ogeysiisyo xaddidaya hawada iyo biyaha aagga xeebta ah si loogu oggolaado howlgalka tijaabada gantaallahan. Mareykanka ayaa ku cambaareeyay Turkiga tijaabinta nidaamka aadka u hormarsan ee difaaca cirka ee Ruushka, iyadoo Turkey uu iska indhatiray digniinta Mareykanka. Telefishinka Haber oo aad ugu dhow dowladda Turkiga ayaa soo wariyay in ciidanka Turkiga ay sameeyeen tijaabada nidaamka S-400 taasi oo lagu qabtay waqooyiga gobolka Sinop ee badda madow. Tijaabooyinka S-400s, haddii la xaqiijiyo, waxa ay sababi karaan in ay sii kororto xiisadaha u dhexeeya Turkiga iyo Mareykanka, oo si weyn uga soo horjeeday in Ankara ay hubkan ka iibsato Moscow sababo la xiriira in hubkani uu wax u dhimayo nidaamyada difaaca ee isbahaysiga NATO. Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Morgan Ortagus ayaa sheegtay in Mareykanku uu u muujiyey saraakiisha ugu sarreeya ee dowladda Turkiga in soo iibsashada nidaamyada milatari ee Ruushka sida S-400 ay tahay wax aan la aqbali karin, waxayna intaas ku dartay in Washington ay caddeysay rajjada ay ka qabto in nidaamkan gantaaluhu uusan hawlgalin. “Haddii la xaqiijiyo, waxaan erayada ugu adag ku cambaareynaynaa tijaabada gantaalka S-400 oo ah mid aan la jaan qaadi karin masuuliyadaha Turkiga ee ka mid ahaanshaha xulafada NATO iyo saaxiibka istiraatiijiga ah ee Mareykanka,” ayay hadalkeeda sii raacisay Ortagus. Wasaaradda gaashaandhigga ee Turkiga ayaan beenin ama xaqiijin in gantaalahan ay tijaabisay. REUTERS + VOA The post TURKIGA oo tijaabiyey gantaalaha S-400 ee Reer Galbeedka ay ka qeyliyeen first appeared on Caasimada Online.
  7. Mogadishu (PP News Desk) — The Prime Minister of Somalia Mohammed Hussein Roble wrote to Federal Member States about missed deadlines to appoint electoral commission members. Roble urged Federal Member States to submit names of members for joint electoral commissions not later than October 20, 2020. “The deadline for submitting members for state and national electoral commissions and the arbitration committee has been passed” Mr Roble wrote. The Prime Minister urged Federal Member States to submit appointed members of electoral commissions and eight members for the national committee tasked with electoral management “not later than 20th of October in line with agreed guidelines”. The Somali Prime Minister’s correspondence with Federal Member States comes in the wake of renewed rift between the Federal Government of Somalia and Jubaland State over the deployment of troops in Gedo region. The Somali Prime Minister’s correspondence hints at possible term extension for the bicameral legislature and the executive branch. Jubaland President Ahmed Mohamed Islam rejected the deployment of contingents of the Somali Army following the indiscriminate bombing of some Gedo districts by the Kenyan troops part of AMISOM peacekeeping forces. Disagreements over Hirshabelle electoral schedule include other complications that might lead to delayed national elections in Somalia. The agreement on the electoral model for Somalia seemed to have removed obstacles to timely elections. The letter to the Federal Member States hints at possible term extension for the Somali federal executive and legislative branches if Federal Member States fail to honour their commitment to appointing joint electoral commissions. © Puntland Post, 2020 The post Prime Minister Roble Writes to Federal Member States About Missed Deadlines appeared first on Puntland Post.
  8. Waxaa maanta goob fagaare ah lagu qisaasay Faarax Cabdi Maxamed oo hooyadiis bilo kahor ku dilay tuulada Jalam ee gobolka Nugaal. Xeer ilaaliye ku xigeenka dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa faahfaahin ka bixiyay sida uu dhacay xukunka lagu dilay Faarax Cabdi Maxamed. “Taariikhdu markii ay ahayd 14/07/2020, maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal waxay xukun dil ah ku riday Faarax Cabdi Maxamed ina Xaawo Jaamac 42 sanno jir ah, kadib xukunkaas markii uu dhaqangal noqday ayaa taariikhdu markii ay ahayd 01/09/2020 xafiiska xeer ilaalintu wuxuu qoray qoraal ah ku wargelin xukun suge dil, sida waafaqsan qodobka 248 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, kaas oo dilay hooyadiis oo la oran jiray Xaawo Jaamac kuna dilay tuulada Jalam, taariikh markay ahayd 17/06/2020, dilkaas wuxuu u adeegsaday sabarado” ayuu yiri Maxamed Xareeb. Maxamed Xareed, Xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in dil camdi ah lagu helay Faarax Cabdi Maxamed oo ah ninka hooyadiis dilay, ayna dhaxlayaashu codsadeen qisaasta. “Markii maxkamadu ku heshay Faarax Cabdi Maxamed dil camdi ah, caafimaadkiisana la ogaaday inuu taam yahay ayaa dhaxlayaashii oo ahaa walaalihiis waxay codsadeen sida Alle u jideeyay inay qisaastaan” ayuu yiri Maxamed Xareeb. Caawin Cabdi Maxamed oo qisaasta fuliyay wakiilna u ahaa dhaxlayaasha ayaa sheegay inay walaalkood u qisaaseen, si dadka kale ay cashar ugu noqoto. PUNTLAND POST The post Garowe: Dil lagu fuliyay nin hooyadiis dilay appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya auyaa maanta dowladda Talyaaniga la saxiixatay mashruuc lagu dhisayo Biyo xireenka magaalada Beledweyne, oo ku kacaya malaayiin dollar. Mashruucan ayaa isugu jira dhisme biyo xireen, dayactirka Jiinka iyo kanaalada wabiga, si loo yareeyo khatarta fatahaad ee wabiga Shabelle ku sameeyo magaalada Beledweyne iyo beeraleyda ku xeeran. Saxiixa heshiiskan oo uu goobjoog ka ahaa siihayaha R/Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya u xiixay siihayaha Wasiirka Beeraha Siciid Xuseen Ciid, halka Dowladda Talyaanigana u saxiixay Safiirkooda Alberto Vecchi iyo Madaxa Hay’adda horumarinta Talyaaniga Guglielmo Giordano. Mashruucan ayaa waxaa ku baxaya lix Milyan oo Euro, waxuna isugu jiraa saddex qeybood oo kala ah, dhismaha biyo-xireeno, dayactirka kanaalada iyo tayeynta hay’adaha qaabilsan fatahaadaha. Sii-hayaha Wasiirka Beeraha ayaa sheegay mashruucani in uu yahay mid ahmiyad weyn u leh deegaannada uu maro wabiga Shabelle oo geysta fatahaado sababa dhimasho iyo burbur hantiyeed, isagoo uga mahadceliyey dowladda Talyaaniga taageerada ay la garab taagan tahay. Mashruucan oo ahaa in la fuliyo horaantii sanadkii tegay ayaa baaqday kadib markii dowladda Soomaaliya ay soo dalban weyday. Wargeyska La República ee Talyaaniga ayaa bishii November 2019 qoray warbixin, ay soo xigatay Caasimada Online, oo uu ku sheegay in lacag 6 milyan oo dollar ah oo loogu talo-galay in lagu dhiso biyo xireeno ka hortagi karay fatahaadda webiga Shabelle uu ka sameeyey qeybo ka mid ah maamulka HirShabelle dib loo celiyey markii dowladda Soomaaliya ay soo gubin weysay soo-jeedinta mashruuca. The post Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis lagu fulinayo mashruuc muhiim ah first appeared on Caasimada Online.
  10. Fadhi aan caadi ahayn oo golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland uu yeeshay maanta oo Sabti ah oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu goluhu dood iyo falan-qayn ka yeeshay heshiis ay wada gaadheen Soomaaliya iyo wakiilka UN-ka James Swan 15-kii October 2020, oo ku saabsanaa nidaamka wada shaqaynta (Un sustainable development cooperation framework UNCF), kaas oo ay ka muuqato inuu meel ka dhac ku yahay qarannimada Somaliland, faro-gelinna ku yahay arrimaha gudaha Somaliland. Sidaa daraadeed, Somaliland kama mid aha maamullada Federaal-ka Soomaaliya, kamana mid noqon doonto, horena Jamhuuriyadda Somaliland way u caddaysay mawqifkeeda dalnimo, sidaa awgeed golaha wasiirradu waxay beesha caalamka u cadaynayaan inay kala madax-bannaan yihiin Dalalka Somaliland iyo Soomaaliya. Somaliland muddo soddon sanno ah wax sharci ah, shaqo ah, iyo wax wada lahaansho, lama wadaagin Soomaaliya. Somaliland marnaba dheg jalaq u siin mayso xeelad siyaasadeed, culays dhaqaale iyo mid warbaahineed oo lagu xagal-daacinayo jiritaanka Qarannimada Somaliland. Golaha wasiirradu waxa uu faray wasaaradaha ay khusayso arrimahaasi inay warbixin qoto-dheer ka keenaan. Golaha wasiirada Somaliland iyagoo garowsan baahida dalku u qabo shirkado caalamiya iyo iskaashi dhaqaale, waxa uu dood ka yeeshay arrinta diyaaradaha Fly-Dubai iyo Air Arabia oo hore uga hawl geli-jiray Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, balse hay’adda duulista hawada Somaliland shaqada ka hakisay. Golaha wasiirradu waxay maareeyaha duulista hawada, garyaqaanka guud iyo xeer ilaaliyaha guud ka dhegeysteen warbixinta xogta rasmiga ah ee ku saabsan diyaaradahaasi, waxana uu goluhu xaqiiqsaday in shaqo-ka-hakinta diyaaradahaasi ay tahay arrin sharci madaama aannu jirin heshiis rasmi ah oo hay’adda duulista Somaliland la gashay hay’adda duulista ee dalka laga leeyahay diyaaradahaasi. Sidaa awgeed, golaha wasiiradu waxa uu isku raacay:- In hakinta diyaaradahaasi socon doonto inta laga gaadhayo heshiis u dhexeeya labada hay’adood, iyadoo la waafajinayo shuruucda iyo xeerarka dalka. In la xoojiyo heshiis dhexmara labada hay’adood ee duulimaadyada. In laga hawl-galo dhamaystirka heshiiska labada dhinac, iyadoo kor loo qaadayo lana kobcinayo dhaqaalaha dalka. Ugu danbayn golaha wasiirrada Somliland waxa uu hambalyo u dirayaa xuska maalinta shuhaadada Somaliland oo ku beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 17-October-2020. goluhu waxa uu ku sifeeyey maalintan, maalinta geesiyaashii naftooda, maalkooda, iyo maskaxdoodaba u soo huray xornimada iyo madax-bannaanida dalkeena, xiliyo kala duwan laga soo bilaabo halgalkii gobonnimo doonka Daraawiishta, kacdoonkii culimada, aqoonyahanka, suugaanlayda, halgankii axsaabta siyaasadda, halgalnkii hubaysnaa ee SNM iyo halganka naftood-hurayaasha ilaa maanta naftooda halista u geliya difaaca jiidaha hore ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay Alle uga baryeen intii dhimatay in rabi naxariistii janno ka waraabiyo inta noolna rabi caafimaad, cisi iyo sharaf ku waariyo. Dhammaanteen, shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xukuumadduba waa inay ka qayb-qaataan sugidda iyo qoraalka taariikhda guunka ah iyo marxaladihii isdaba-joogga ahaa ee dalkeenu soo maray, si jiilalka soo socdaa u bartaan sooyaalkeennii nololeed iyo raad-raaca taariikhdeena. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  11. Inta badan bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya waxaa maanta ka go’an adeega internet-ka oo dhow jeer oo hore sidaan oo kale u go’ay. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadsahay go’naanta adeega inernet-ka ee Koonfurta Soomaaliya ayaa ku sheegtay ballaarin lagu adeegaas oo qaadanaysa muddo kooban. “Iyada oo laga jawaabayo baaqii dowladda ee ahaa in dalku yeesho xargo badan oo Internetka soo geliya dalka, ayaa waxa aan ugu bishaaraynaynaa dadweynaha Soomaaliyeed in uu shaqo bilaabay Khadka Xarrigga Internetka ee DARE1 (Djibouti Africa Regional Express 1) oo noqonaya xarriggii labaad ee Internet ee magaaladda Muqdisho ka howlgala; Xarriggan cusub ayaa waxa aan rajaynaynaa in uu xoojin fiican u noqon doono xariggii hore ee Internet ee ka shaqeynayey magaalada” ayuu war qoraal ah ku yiri Siiyaha Wasiirka Boostada, Isgaarsiin iyo Teknolojiyada Soomaaliya Eng. Cabdishakuur Xasan. Wasiirka oo ka hadlkiisa siiwata ayaa yiri “Waxaa dalka soo gaarey oo howl bilaabay Markabkii xalin lahaa cilladdii hore ee ku dhacday xariggii 1-aad ee Internet-ka ee Eastern Africa Submarine Cable System (EASSy) ee Shirkadda DALKOM, taariikhdu markii ay ahayd 26 July 2020, Kooxda farsamada ee la socota markabkan ayaa waxa ay howshooda ku soo gebogabeyn doonaan muddo kooban, taas oo aan ka warhayno in ay cirriiri gelin doonto isticmaalka Internet-ka ee xarriggaas mudadaas kooban”. PUNTLAND POST The post Maxay tahay internet la’aanta ka jirta Koonfurta Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.
  12. Paris (Caasimada Online) – Macallin Iskuul oo dhiga maadada Taariikhda ayaa lagu gowracay magaalo ku taalla dalka Faransiiska Jimcihii, maalmo kadib markii uu aflgaadeeyey Nebi Muxamed SCW, sida uu xaqiijiyey madaxweyne Emmanule Macron. Weerarkan ayaa waxaa fuliyey 18 jir muslim ah oo asal ahaan kasoo jeeda gobolka Jamhuuriyadda Chechnya ee Ruushka. Macallinka la gowracay, oo lagu magacaabay Samuel Paty, ayaa la sheegay inuu ardaydiisa dhowaan usoo bandhigay sawir gacmeed lagu muujinayey Rasuulka SCW, isaga oo ku cayaaraya oo aflagaadeenaya. Wiilka weerarka fuliyey oo aan weli magaciisa la shaacin ayaa waxaa kadib toogasho ku dilay booliska, kadib markii uu qoorta ka gooyey Samuel. Madaxweynaha Faransiiska Emmanule Macron oo booqday waddada uu weerarka ka dhacay ee qoorta looga gooyey Samuel Paty ayaa weerarka ku qeexay “mid fuleynimo ah,” wuxuuna yiri “Samuel waxa uu dhibane u ahaa weerar argagixiso Islaami ah.” “Mid ka mid ah muwaadiniinteena ayaa la dilay maanta sababtoo ah waxa uu dadka bari jiray xoriyadda hadalka, iyo xoriyadda iyo wax la rumeeyo ama aan la rumeyn,” ayuu yiri Macron. Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Conflans-Sainte-Honorine. Macallinka la dilay ee Samuel Paty ayaa hanjabaado isdaba joog ah la kulmayey tan iyo markii uu furay dood la xiriirta sawir gacmeedka 10 maalmood ka hor. The post Nin aflagaadeeyey Nebi Muxamed NNKH oo lagu gowracay dalka Faransiiska first appeared on Caasimada Online.
  13. The National Bank of Ethiopia said it has distributed over 96 billion Birr (about $2.6 billion) valued new currencies notes since the country began replacing the old currency with the new ones. Source: Hiiraan Online
  14. Macallin ardeydiisa tusay sawir laga sameeyay Nabi Muxammad (NNKH) oo la gawracay Booliska dalka Faransiiska ayaa afar qof u soo xiray dilka macallin taariikhda dhiga oo xalay lagu gowracay meel u dhow magaalada Paris ee caasimadda dalkaasi. Booliska ayaa sheegaya in weerarkaasi ay rumeysan yihiin in uu ahaa aargoosi kaddib markii macallinkaasi uu ardaydiisa u soo bandhigay sawir gacmeed la sheegay in laga sameeyay Nabi Muxammad naxariis iyo nabad-gelyo korkiisa ha ahaatee. Ninka weerarka geystay ayaa markii dambe waxaa toogasho ku dilay booliska. Booliska ayaa xalay baaritaan ku sameeyay hooyga ninka looga shakiyay weerarka waxaana xabsiga loo taxaabay 4 qof oo la sheegay iney xiriir dhow la leeyihiin 18-jirka la aamnisan yahay inuu ku dhashay dalkaasi Ruushka. Weerarkan oo aad looga hadal hayo faransiiska ayaa la sheegay inuu ka dhashay cashar ku saabsan sawir gacmeedyo muran badan dhaliyay oo laga sameeyay Nabi Muxamed NNK. Macallinka ayaa la sheegay in ardayda Muslimiinta ah uu ka codsaday iney fasalka ka baxaan markii uu ardayda kale tusayay sawir gacmeedyada. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa dilka macallinka oo ka dhacay waqooyi-bari ee magaalada Paris ku tilmaamay weerar argagixiso. Madaxweyne Macron Mr Macron ayaa sheegay in macallinka oo aan weli la sheegin magiciisa loo dilay sababo la xiriira xoriyatul qowlka. Madaxweyne Macron oo booqday goobta ayaa macallimiinta u ballan qaaday in naftooda uu dalka difaacayo. Dhanka kale Macron ayaa midnimo ku baaqay, waxa uuna sheegay in marnaba aysan argagixisada ka guleysanayn oo aysan kala qoqobi Karin dadka faransiiska. Ninka looga shakisan yahay inuu weerarka geeystay ayaa waxaa toogtay booliska. Waxaana la soo weriyay inuu yahay 18 jir ku dhashay dalkaasi Ruushka. Waxaana haatan baaritaanka kiiskan la wareegay dacwad oogeyaal qaabilsan la dagaallanka argagixisada. Qaabkee ayaa loo gowracay macallinka? Nin watay mindi weyn ayaa macallinka ku weeraray waddo ku taal xaafad lagu magacaabo Conflans-Sainte-Honorine, isagoona madaxa ka jaray. Ilo booliis ayaa sheegay in markhaatiyaashu ay maqleen qofka weerarka gaystay oo ku dhawaaqaya “Allahu Akbar”, ama “Ilaahay ayaa weyn”, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters. Qofka weerarka gaystay ayaa markiiba cararay, laakiin bilayska maxalliga ah oo ay ku wargeliyeen dadwaynuhu ayaa durbadiiba soo gaaray goobta. Saraakiisha ayaa ninkan kaga hortagey degmada u dhow ee Éragny. Waxayna u sheegeen inuu is dhiibo balse waxaa la sheegay badalkii taas inuu u hanjabay booliska taas ayaana horseedday iney toogtaan. Qaran News
  15. shirkadda DP World oo ka hadashay Heshiiska dhexmaray Carabta iyo Israa’iil? “Heshiisyada nabadeed ee ay Israa’iill la gashay Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa, ” wax weyn u noqon doona” ganacsiga gobolka,” mid ka mid ah ganacsatada ugu saameynta badan Bariga Dhexe ayaa sidaasi u sheegay BBC-da. Sultan Ahmed bin Sulayem, oo ah gudoomiyaha iyo agaasimaha guud ee shirkada DP World ee fadhigeedu yahay Dubai, ayaa sheegay inay meesha ka saarayaan caqabadaha hortaagan isku xirka ganacsiga ee markii horaba “aan la ogoleyn”, iyagoo soo gaabin doona waddooyinka ganacsiga isla markaana fududeyn doona la macaamilka Yurub. Israa’iill ayaa sheegtay in qiyaas ahaan ganacsiga Imaaraadku uu sannadkiiba gaari doono afar bilyan oo doolar, uuna abuuri karo ilaa 15 kun oo shaqo. Mr bin Sulayem wuxuu qirsan yahay inay faa’iido u leedahay labada dhinacba: ” Israel waan u baahanahay, iyagana way noo baahan yihiin.” Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee UAE Abdullah bin Zayed Al Nahyan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Bahrain Abdullatif bin Rashid Al Zayani iyo madaxweyne Donald Trump oo ku kulmay Aqalka Cad. Waxay u badan tahay in ganacsiga Carabta iyo Israa’iil uu koro haddii lagu daro badeecado badan oo haatan ay dalalka bariga dhexe u soo dhoofiyaan Dubai. Toddobaadkan, Markabka MSC Paris waxuu noqotay mid ka mid ah maraakiibtii ugu horreysay ee xamuul ah oo sameeya safarka labada dal, waxaana baarlamaanka Israa’iil uu si rasmi ah u ansixiyay heshiiska ay la galeen Imaaraadka Carabta. Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa soo dhaweeyay agabkaasi ka kooban qalabka elektarooniga, nadaafadda, birta iyo qalabka dab-demiska waxa uuna ku tilmaamay “bilow aad u weyn”. DP World waa shirkadda maamusha dekadaha aduunka ugu waaweyn waxayna haatan lashaqeyneysaa shirka DoverTower ee ay Israa’iil leedahay si loo balaariyo dalalka ay shirkadda ka howlgasha. Israel waxay dooneysaa inay hagaajiso xarumaha dekedda ee Ashdod iyo Haifa oo muhiim u ah dhaqaalaheeda. Iraa’iil iyo waddamada carabta ee ku yalla Bariga Dhexe iyo Waqoyiga Afrika waxaa ka dhaxeeyey colaad taariikhi ah wixi ka dambeeyey marki ay Israa’iil aasaasantay 1948-kii, waxaana muddo kaddib Israa’iil heshiis la galay Masar 1979-kii iyo Urdun oo 1994-kii, iyada oo labada dhinacba ay dalka Iiraan u arkaan mid khatar ku ah gobolka. Heshiiskan Falastiiniyiinta muxuu uga dhigan yahay? Heshiiskan Israa’iil iyo Iisutagga Imaaraadka Carabta wuxuu ka dhex abuurayaa iney labada dal safaarado isdhaafsadan, wuxuu sida oo kale heshiiskan uu jabinayaa qodobbo ay ka mid yihiin waxyaabaha ugu adag ee ay sanado badan ay Falastiin iyo Israa’iil iskumari waayeen oo ah qorshaha Israa’iil ay ku dooneyso iney ku qabsato dhul hor leh oo ka mid ah daanta galbeed ee Falastiin. Israel annexation: What is the West Bank? Ra’isal wasaaraha Israa’iil Bejamin Netanyahu wuxuu sheegay dhulka Israa’iil inuu 30% uu u ballaadhinayo dhinaca daanta galbeed oo ay Falastiiniyiintu ku hamminayaan inuu ka mid noqdo dal madax bannaan oo ay Falastiiniyiintu leeyihiin sida uu dhigayo waxa looga yeedhay heshiiska Trump uu damacsan yahay. Falastiiniyiintu waxay sheegeen tallaabbada noocaasi ah iney halis ku tahay dowladnimadooda inkasta oo ilaa iyo hadda oggolaashihi ugu dambeeyey aan laga helin dhinaca Washington taasoo u muuqato inuu qorshahaasi istaagay. Falastiiniyiinta waxay si kulul u cambaareeyeen heshiiska Israa’iil iyo Iisutagga Imaaradka Carabta ay wada galeen Maxaa lagu heshiiyay? Benjamin Netanyahu iyo Mohammed Al Nahyan Heshiisyadan ayaa ah kuwa la xiriira maalgashiga, dalxiiska, duulimaadyo toos ah, ammaanka, isgaarsiinta, tiknoolajiyada, tamarta, caafimaadka, dhaqanka iyo deegaanka. Waxaa sidoo kale heshiiska mid ah in labada dhinac ay is waydaarsadaan safiirro. Wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka, Anwar Gargash, ayaa sheegay aqoonsiga ay Imaaraadka aqonsadeen Israa’iil inay ahayd “tallaabo geesinnimo leh “. Sida looga falceliyay? Rai’sul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa soo dhaweeyay waxaa uuna sheegay in ay tahay tallaabo loo qaaday dhanka nabadda bariga dhexe. Madaxwaynaha Masar cabdul Fattah al-Sisi ayaa dhankiisa soo dhaweeyay heshiiska, halka wasiirka arrimaha dibadda Urdun uu sheegay in heshiiskan uu gacan ka geysan doono in wadahadaladii istaagay al sii wado. Waddamada Baxrain iyo Cummaan ayaa heshiiskaasi soo dhaweeyey, balse dalka sacuudi Carabiya oo saaxib dhow la ah Mareykanka ayaan ka hadal heshiiskaasi. Maamul Falastiin oo heshiiskaasi ku tilmaamay mid khiyaana ah wuxuu dib ugu yeertay safiirka u fadhiyey Iisutagga Imaaraadka Carabta. Wasaaradda arrimaha dibadda iiraanna heshiiskaasi waxay ku tilmaantay “mid falastiiniyiinta dhabaraka ka toogatay”, iyada oo Iisutagga Imaaraadka Carabta ku tilmaantay “mid ceebeysan”. Calanka UAE oo lagu harday dhisamaha dowladda hoose ee magaalada Tel Aviv, Israel Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Teyib Erdogan ayaa ka hadlay heshiiska taariikhiga ahaa ee ay gaareen dalalka Imaaraatka Carabta iyo Isra’iil. Madaxweyne Erdogan oo khudbad ka jeediyay telefishenka ayaa sheegay in dalkiisa ay dhici karto in uu xiriirka u jaro Imaaraatka, waxaana sababta uu ku sheegay xiriirka ay la yeelaneyso Isra’iil. “Tallabaad la xiriirta arrinta Falastiin, ma ahan mid inaga dageyso, waxaa laga yaabaa in aan qaadno tallaabo aan meesha uga saareyno xiriirka diblomaasiyadeed ee naga la dhaxeeya Abu Dhabi, waxaana dhici karta in aan u yeerano safiirka halkaa inoo fadhiya,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan. Erdogan ayaa intaa sii raaciyay “waxaan garab taaganahay shacabka Falastiin, waligeenna ma oggolaanin in Falastiin la burburiyo. Qaran News
  16. (SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee Magaalada Hargeysa ayaa maanta oo sabti xukun ku riday rag lagu eedeeyay inay fal kufsi u geysteen Inan yar oo kamid aheyd dadka degan magaalada Hargeysa. Raggaas oo gaadhayay illaa iyo 7 eedeysane ayaa la horgeeyay Maxkamadda Maroodi-jeex, iyagoona kufsi u geystay Inan yar oo lagu magacaabo Cawo Xariir oo kamid aheyd Carruurta ku jirta xarunta Agoomaha Hargeysa. Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa laba kamid ah raggaas ku xukuntay min 3 sanno oo xabsi ah, halka 5-ta kalena lagu riday xukun ah midkiiba 6 bilood oo xadhig dibad-joog ah. Source
  17. (SLT-Garoowe)-Maxkamadda Ciidamada Maamul Gobolleedka Puntland ayaa maanta oo sabti ah xukun dil toogasho ah ku fulisay Nin hore Hooyadii dil ugu geystay deegaan ka tirsan Gobolka Nugaal. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska maamulka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay Faarax Cabdi Caagane oo saddex bilood ka hor hooyadii ku dilay deegaanka Jalam ee Gobolka Nugaal, isagoona intaas kadib xabsiga la dhigay. Maanta ayay aheyd Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Puntland xukun dil toogasho ku fulisay Faarax Cabdi Caagane oo si badheedh ah u dilay Hooyadii dhashay oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Xaawo Jaamac Cabdulle. Goobta uu ka dhacayay xukunka dilka toogashada ahaa ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee maamul Goboleedka Puntland iyo Mas’uuliyiin kale. Si kastaba Maamulka Puntland ayaa hore xukuno dil toogasho ah ugu fuliyay dad dilal u geystay dad shacab iyo xubno kale oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab iyo Daacish. Source