Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Beledweyne (Caasimada Online) – Warar ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inuu xirmay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee Ugaas Khaliif, kadib markii roobab mahiigaan ah ay saacadihii la soo dhaafay ka da’een magaaladaasi. Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxaa hakad galay dhammaan shaqooyinka garoonkaasi iyo howlihii duulimaadyada. Sidoo kale roobabka ka da’ay Beledweyne oo daadad watay ayaa biyo dhigay gudaha garoonka Ugaas Khaliif oo aa in muddo ah helin wax dayac tir ah. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maanta garoonka uusan shaqeyneynin, islamarkaana ay saameyn ku yeesheen roobabkii da’ay. “Runtii roobkii ka da’ay magaalada iyo carro ayaa xiray garoonka diyaaradaha Beledweyne maanta ma’ahan mid shaqeynaya, qofkii Xamar u socda gaari ayuu Guriceel ku tegayaa si uu diyaarad uga soo raaco,” ayuu yiri qof ka mid ah dadka Beledweyne. Dhinaca kale mid ka mid ah mas’uuliyiinta garoonka ayaa dhankiisa shaaciyey inay wadaan howlo dib loogu furayo garoonka, isaga oo rajeeyey in 48-saac gudahood uu ku furmi doono garoonka, kadibna ay si rasmi ah u billaaban doonaan duulimaayada. Beledweyne oo xarun gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa waxaa maalin weliba tegi jiray diyaarado dhowr oo ka bixi jiray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. The post Garoonka diyaaradaha Beledweyne oo xirmay & wararkii u dambeeyey first appeared on Caasimada Online.
  2. (SLT-Hargeysa)-Golaha wasiirrada Somaliland ayaa shalay dood adag isku wajahay shir uu guddoominayay madaxweyne Biixi oo lagu darsayay qaddiyadda shirkadaha diyaaradaha Fly Dubai iyo Al-arabia oo xukumaddu hore ugala laabatay ruqsadda. Xogo uu helay wargeyska Geeska Afrika ayaa daboolka ka qaaday in halkaas ay dood adag ku dhex martay wasiirro ku kala aragti duwan qaddiyaddan taas oo qaarkood doonayeen in shirkadaha la sii daayo qaar kalena in ay sii xayirnaadan ku doodeen. Wasiirrada sida weyn u doonayay in shuruud la’aan lagu fasaxo shirkadaha Fly Dubai iyo Al-arabia waxa hoggaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Md Maxamed Kaahin oo garab ka helaya wasiirrada ay isku degaanka yihiin ee xukumadda ku jira. hase ahaatee waxa doodaas si adag uga horyimid masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka ganacsiga Maxamuud Sacad Saajin, wasiirka xannaanada xoolaha Siciid Sulub, maareeyaha hay’adda duulista iyo xeer ilaaliya Qaranka. Dood la isku maandhaafay kadib waxa arrintan loo qaaday cod waxaana awood batay masuuliyiinta doonayay in ay sii xayirnaadaan shirkadahan diyaaradaha waxaanu Golaha badankiisu u codeeyay in ay labada shirkadood xayirnaadaan. Source
  3. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar lagu dilay dad shacab ah oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Mudug. Weerarka oo ay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan ayaa ka dhacay deegaanka Saaxo ee gobolkaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Ugu yaraan labo qof oo xoolo dhaqato ahaa ayaa lagu dilay weerarkaasi, sida ay sheegeen dadka deegaanka ee aan la hadalnay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in toogashada loo geystay dadkaasi rayidka ah ay salka ku heyso dilal la xiiriira aanooyin Qabiil oo ka taagan halkaasi. Ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta gobolka Mudug ayaa sidoo kale dhowaan kala dhex-galay maleeshiyaadka labada dhinac, si loo qaboojinta xiisada ka taagan Saaxo. Inta badan waxaa gobollada Mudug iyo Galgaduud ku soo laa-laabta dagaallo u dhexeeya maleeshiyaad beeleed hubeysan oo ku sugan gobolladaasi. The post Weerar dad shacab ah lagu dilay oo ka dhacay MUDUG first appeared on Caasimada Online.
  4. Labadii Bilood ee lasoo dhaafay Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu ahaa Shaqsiga ugu saameynta weyn Siyaasada Soomaaliya, Tasoo keentay inuu guulo waaweyn ja [...] The post Garowe saaka Sawirkaan baa Wadooyinka suran, maxay tahay ujeedadu appeared first on . Source
  5. Waxaa Magaalada Baledweyne ka socda abaabul ku aadan in Doorashada Hirshabele ay ka dhacdo Caasimada Gobolka Hiiraan ee Baledweyne, Siyaasiyiin Kasoo jeeda Jowhar iyo Baledweyne [...] The post Olole Doorashada Hirshabeele loogu wareejinayo Baledweyne oo socda appeared first on . Source
  6. Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Nugaal ayaa sheegaya in saaka ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland lagu daadiyey waddooyinka magaalada Garoowe ee xarunta gobolkaasi. Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inay hakiyeen qaar ka mid ah isku socodka wadooyinka muhiimka ah, iyagoo ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo cusub. Sidoo kale ciidamada ayaa si gaar ah dadka iyo gaadiidka uga celinayo wadooyinka soo gala Barxada weyn ee magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in sababta loo adkeeyey amniga ay tahay soo dhoweynta madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo maanta ku laabanaya Garoowe. Deni ayaa maalmihii u dambeeyey safaro ku kala bixinayey dalalka Kanya iyo Imaaraadka, isaga ka amba-baxay Muqdisho, kadib shirarkii wada-tashiga ee uu ka qeyb-galay. Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweyntiisa ayaa haatan ka socota magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Safarka Deni oo qaatay maalmo badan, islamarkaana waday kulamo kala duwan ayaa la filayaa inuu ka warbixiyo, marka uu dib ugu laabto xafiiskiisa Garoowe. Dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee Siciid Deni oo ay dad badan hadal hayaan ayaa ku soo aadaya, xilli haatan Soomaaliya ay isku diyaarineyso doorashooyinka 2020/2021. The post Amaanka Garoowe oo si weyn loo adkeeyey + sababta first appeared on Caasimada Online.
  7. Waxaa weli cilad ay ka jirtaa qadka Internet-ka ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ay shalay dadka ku soo waabariisteen cilad heysata adeegga Internet-ka. Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha sida aadka ah looga dareemay cilada ku timid adeegga Internet-ka, hayeeshee maanta ayaa waxa uu Internet-ku yahay mid ka yara soo hagaagayo sidii uu ahaa Sabtidii shalay. Sii hayaha wasiirka boostada iyo is-gaarsiinta ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa ka hadlay cilada ku timid qadka Internet-ka ee koonfurta Soomaaliya iyo bartamaha Soomaaliya, taas oo taagan in ka badan 12-saacadood. Canshuur ayaa sheegay in ciladan aysan cusbeyn, balse hadda ay suurta gashay in la cillad bixiyo xarigii go’ay 26-kii bishii July oo markaas si ku meel gaar ah loo xalliyey. Ugu dambeyn wasiirka ayaa beeniyay in arrimo siyaasadeed loo xiray qadkja Internet-ka wuxuuna xusay in wararka qaar ee la baahiyey ay yihiin kuwo been abuur ah. View the full article
  8. Dalka Kenya ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidamadooda ee Soomaaliya aaney shaqo ku laheyn rabitaanka Nairobi ama Muqdisho balse ay xadideyso heshiisyada caalamiga ah ee ay Kenya saxiixday. Guud ahaan ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu xadiday heshiis ay saxiixeen guddiga hawlgallada ee loo soo gaabiyo MOCC kaas oo qalinka lagu duugay 2018-kii. Guddiga ayaa ka koobnaa mas’uuliyiinka ka socotay militariga iyo booliiska dalalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, dowladda federaalka ah, UN, beesha caalamka iyo guddiga nabadda iyo amniga midowga Afrika, ujeedka ayaa in heshiiiska lagu dhaqan geliyo 3 weji. Arrimaha heshiiska ku jiray ee la xiriiray ladagaalanka Al-shabaab iyo isu furidda waddooyinka waaweyn ee dalka oo ahmiyad la siiyey waxaa la sheegayaa iney ka hartay qabashada magaalad Jilib. Inkasta oo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo shacabkiisa u sheegay in dalkiisa ay sii joogayaan Soomaaliya inta nabad buuxda laga helayo hadana wararka ayaa sheegaya in Kenya aaney ka tilaabi Karin heshiiska qaramada midoobey ee ay xubinta ka tahay. Waxaan la ogeyn in golaha ammaanka, midka midowga Afrika iyo hey’adaha ku shaqada leh ay wax ka badali doonaan heshiiska ay AMISOM ku baxeyso 2021-ka iyo in kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Jowhar (Caasimada Online) – HirShabelle oo ku jirto marxalad adag oo kala guur ah iyo doorasho ayaa haatan wajaheysa xiisado siyaasadeed oo hor leh, iyada oo uu dhammaaday muddo xileedkii afarta sano ahaa ee madaxda maamulkaasi. Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo ku xigeenkiisa, Cali Cadullahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa wuxuu waqtigu ka idlaaday shalay oo ay ku beegneyd 17-kii October ee sanadkan 2020-ka. Sidoo kale wuxuu qorshuhuu ahaa in ka hor inta uusan dhammaan muddo xileedka hay’adaha kala duwan ee HirShabelle in la qabto doorashada guud ee maamulkaasi, balse ma dhicin, waxaana jira is-qabqabsi iyo dood ka taagan dhismaha HirShabelle. Arrinta la’isku hayo ee haatan taagan ayaa ah xilka madaxweynaha oo ay ku muransan yihiin beelaha dega gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Waxaa sidoo kale isa soo taraya cabashooyinka ka imaanaya dadka deegaanka, iyada maamulka hadda jirana lagu eedeynayo inuu ka gaabiyey horumarinta HirShabelle. Xaaladda ayaa ah mid cakiran, iyadoo Waare uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, halka Cali Guudlaawe oo u sharraxan xilka madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka ay haatan olole xoogan ka wadaan magaalada Jowhar. Siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa dhankooda ka digaya in burbur iyo kala qeyb sanaan uu ku yimaada HirShablle. Dhanka kale dowladda Soomaaliya oo ku adkeysaneysa in la qabto doorashada maamulkaasi ayaa ciidamo dheeraad ah ah geysay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo loogu talagalay inay xoojiyaan amniga guud. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada la geeyey halkaasi ay yihiin kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kuwaas oo ka shaqeyn doono nad-gelyada Jowhar oo martigelineysa labo doorasho oo is-dulsaaran waqti ahaan, sida tan HirShabelle & soo doorashada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya. Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in maalmaha soo socda dowladda dhexe ay qorsheyneyso in ciidamo kale oo dheeraad ah la geeyo magaallo madaxda Jowhar. HirShabelle ayaa muddo fog la daala dhaceysay daruufo is-biirsaday oo ay ugu horreeyo amniga, waxaana falal liddi ku ah nabad-gelyada ay ka dhacaan deegaanada maamulkaasi. The post Muddo xileedkii madaxda sare ee HirShabelle oo dhamaaday iyo ciidamo la geeyey Jowhar first appeared on Caasimada Online.
  10. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay SL/XM/WM/222-564/102020 iyo SL/XM/XKQ/222/1-562/102020 uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey laba masuul. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne UJEEDDO: XIL KA-QAADIS Ku: Cumar Abokor Jaamac; Maareeye Ku-xigeenkii hore ee Hay’adda Dekedaha Somaliland Og: Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland Mudane, Sida aad la socoto, xilka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda 17-ka Octoober aan kaa qaado xilkii aad hore ugu haysay Somaliland. UJEEDDO: MAGACAABID Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Tix-geliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Dekedaha Somaliland u leedahay Dhismaha; Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa; Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aansaday; In Mudane, Cali Siciid Saleebaan, laga bilaabo taariikhda 17-ka Octoober uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Dekedaha Somaliland. View the full article
  11. Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland oo careysan ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay la wareegeen gacan ku heynta xarun wasaaradeed oo ku taalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Ciidamadan oo gadood ka sameeyey Boosaaso ayaa la wareegay xarunta wasaaradda kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Puntland, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaas oo wata gaadiidka dagaalka ay ka cabanayaan arrimo la xiriira mushaaraad ka maqan muddo dhowr bilood ahg, taas oo keentay inay la wareegaan dhismaha wasaaradda, sida ay warbaahin u sheegeen saraakiil ka tirsan Puntland. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu xarunta ay ku xayireen mas’uuliyiin ay ka mid yihiin wasiir ku xigeenka wasaaradda Kalluumeysiga iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaas, iyaga oo ku amray in aysan ka bixi karin halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda Puntland oo ku aadan xiisadaasi ka taagan bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada ay xireen dhammaan wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa xarunta wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Si kastaba ma’ahan markii ugu horreysay oo ay ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa Puntland ay la wareegaan xarun wasaaradeed oo uu leeyahay maamulkaasi. The post Ciidamo aad u careysan oo mas'uuliyiin ka tirsan Puntland ku go'doomiyey BOOSAASO first appeared on Caasimada Online.
  12. (SLT-Riyadh)-Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudiga Amiir Faisal Bin Farhan Al-Saud ayaa ku dhowaaqay in dalkiisa rumeysan yahay in ugu dambeyn uu wanaajin doono xidhiidhka Israa’iil, waxaa sidaas weriyey Machadka Washington ee Daraasaadka Siyaasdda Bariga Dhow. Kulan uu Machadka qaab Online ah kula yeeshay ayuu Amiir Faisal ku yidhi “waxaan rumeysanahay in hadda loo baahan yahay in diiradda la saaro in Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta lagu soo celiyo miiska wada-hadalka. Ugu dambeyntii, waxa kaliya ee horseedi kara nabad iyo xasilooni waarta waa heshiiiska dhex mara Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta.” Waxa uu sheegay in haddii aan taas lagu guuleysan in mar walba uu jiri doono dhaawac ku yaalla gobolka, ayna ka go’an tahay hanaanka nabadda. “Nabadda, ayaan u aragnaa inay muhiim u tahay gobolka, waxayna qeyb ka tahay waxa ugu dambeyn caadi ka dhigi doono xidhiidhka Sacuudiga iyo Israa’iil, sida ku xusan qorshaha nabadda Bariga Dhexe,” ayuu yidhi. Amiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Sidaas darteed, waxaan marwalba odorosaynay inay dhici doonto xidhiidhka Israa’iil oo aan caadi ka dhigno, sidoo kale waxaan u baahannahay inaan helno dowlad Falastiin ah, waxaana u baahanahay inaan qorshe nabadeed u helno Falastiin iyo Israa’iil.” Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Bahrain ayaa dhowaan noqday labadii dal ee ugu horreeyey ee ku yaalla Khaliijka ee xidhiidh la yeesha Israa’iil , iyo dalalkii saddexaad iyo afraad ee Carbeed, kadib Masar iyo Israa’iil. Source
  13. Fatahaada wabiga Shabeelle ayaa saameysay tuulooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose waxaana go’ay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo iyadoo biyaha ay wadadu ka gooyeen buundada Warmaxan waxaana kala go,an isu socodka bulshada. Fatahaadan ayaa waxaa ka dhashay dhibaatooyin dhinaca nolosha iyo caafimaad daro dadka ku nool deegaanada shabeelaha hoose waxaana ay wajahayaan gaajo macluul iyo cuduro kala duwan oo ay sabanbeen fatahaadaha webiga. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa codsaday in gurmad lala soo gaaro isla markaana wax laga qeybto dhibaatada ay sababtay Fatahaada. View the full article
  14. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-564/102020 iyo JSL/XM/XKQ/222/1-562/102020 uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey laba masuul. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne UJEEDDO: XIL KA-QAADIS Ku: Cumar Abokor Jaamac; Maareeye Ku-xigeenkii hore ee Hay’adda Dekedaha Somaliland Og: Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland Mudane, Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore ugu haysay Qaranka. UJEEDDO: MAGACAABID Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Tix-geliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Dekedaha Somaliland u leedahay Dhismaha Qaranka; Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa; Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aansaday; In Mudane, Cali Siciid Saleebaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Source
  15. Wafti ka socda Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee magaceeda loo soo gaabiyo ICC ayaa gaadhay dalka Suudaan si mas’uuliyiinta dalkaasi ay ugala hadlaan sidii loo maxkamadeyn lahaa madaxweynihii hore ee dalkaasi Cumar Al-Bashiir. Al-Bashiir waxaa in muddo ah raadineysay Maxkamadda Caalamiga ah Dambiyada ee ICC, iyadoo loo heysto xasuuq, dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha. Ra’iisal wasaaraha Suudaan ayaa sheegay in wafdigani uu joogi doono dalka ilaa 21 Oktoobar, si ay uga wada arrinsadaan “iskaashi” laga sameeyo arrinta Cumar Al-Bashiir. Dowladda Suudaan ayaa hore u ogolaatay in Al-Bashiir lagu maxkamadeyn karo magaalada Hague. Balse heshiis nabadeed oo dowladdu ay la gashay mucaaradka ku sugan gobolka galbeed ee Daarfuur ayaa dhigaya in dowladdu ay sameyso maxkamad gaar ah oo ku saabsan dambiyadii dagaal ee dalka ka dhacay oo arrinta Cumar Al-Bashiir ay ka mid tahay. Wafuudda ka socota maxkamadda ICC ee hada ku sugan magaalada Khartuum ayaa waxaa ka mid ah dacwad oogaha maxkamaddaasi Fatou Bensouda. Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in qiyaastii 300,000 oo qof lagu dilay dagaalada, kuwaa oo billowday kaddib kacdoon ka dhacay Daarfuur sanadkii 2003. Maxkamadda ICC-da ayaa sidoo kale laba sarkaal oo hore oo kala ah Axmed Haruun iyo Cabdulraxiim Maxamed Xuseen, ku eedeysay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha, kuwaa oo la sheegay in ay ka geysteen isla gobolkaasi Daarfuur. Horraantii bishaan ayaa ra’iisalwasaare Cabdalla Xamduk waxa uu wargeyska Financial Times u sheegay in arrinta ICC-da ee uu horey uga hadlay ay tahay maxkamad gaar ah oo gudaha Suudaan ku maxkamadeyn doonto Cumar Al-Bashiir. Al-Bashiir oo 76 jir ah ayaa sannadkii hore xilka laga tuuray kaddib mudaaharaadyo waawayn oo dalkaasi ka dhacay. Dowlad kumeel gaadh ah ayaa hadda ka talisa Suudaan, taa oo ku timid heshiis seddex sanno ah oo ay wada galeen hoggaamiyaasha rayidka iyo militariga ugu sareeya dalkaasi. Hoggaamiyehaasi hore ee Suudaan ayaa horay loogu xukumay eedeymo la xidhiidha musuqmaasuq. Isaga iyo 27 sarkaal oo kale ayaa haatan maxkamad ku taal magaalada Khartuum waxay waddaa dhaegsyiga dacwad la xiriirto afgembigii 1989 ee uu Al-Bashiir xukunka ku qabsaday. Haddii lagu helo dambigaasi, dhammaantood waxay la kulmi karaan ciqaab dil ah. Al-Bashiir ayaa diiday eedeymaha loo soo jeediyay. Horraantii sanadkan ayaa mid ka mid ah qareennadiisa waxa uu sheegay in Al-Bashiir iyo eedeysanayaasha kale ay wajahayaan “dacwad siyaasadeysan”. Source
  16. (SLT-Armenia)-Dalalka Azerbaijan iy Armenia ayaa gaadhay heshiis cusub oo xabbad joojin ah xilli dambe oo Xalay, taas oo ah isku daygii labaad ee toddobaad gudihiisa ah oo la doonayay in lagu qaboojiyo, dagaalka sadaxda toddobaad ka socda gobolka Nagorno-Karabakh. Xabbad joojinta binu’aadanimo ee labada dal ay ku heshiiyeen ayaa bilaabanaysa Maanta oo ah 18 October, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Armenia. Ku dhawaaqista heshiiska ayaa imaanaya, kadib markii wasiirka arrimaha dibadda ee Russia Sergey Lavrov uu khadka telefonka kula hadlay dhiggiisa waddamada Azerbaijan iyo Armenia Lavrov iyo madaxweynaha dalka Farce Emmanuel Macron ayaa dhinacyada dagaallamay ugu baaqay inay ilaaliyaan heshiiska xabbad joojinta ee ay gaadheen. Aroortii Sabtidii ayaa Azerbaijan iy Armenia uu midba kan kale ku eedeeyey inay kusoo qaaday weerarro cusub, taas oo dib kusii shidaysa rabshadaha ka aloosan gobolka ay ku muransanyihiin Nagorno-Karabakh oo dagaalka uu ka billowday todobaadyo. Source
  17. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Subax-18102020.mp3 View the full article
  18. Ciidan hubaysan oo ka tirsan Puntland, ayaa saaka oo Axad ah qabsaday Xarunta Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ay ku leedahay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Ciidanka oo ka cabanaya in aysan helin xuquuq ka maqan, ayaa isku gedaamay xarunta Wasaaradda, waxaana ay diideen in cid soo gasho ama cid ka baxdo, sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan Shaqaalaha Wasaaradda Kalluumeysiga. Askari ka tirsan Ciidanka gadoodsan, oo diiday in magaciisa la xigto, ayaa Puntland Post u sheegay in ay ka gadoodsan yihiin kadib markii ay waayeen xaquuq loo ballan-qaaday, xilli loo diray hawlgal la xiriira la-dagaallanka Maraakiibta Jariifka ah ee Xeebaha Puntland. Xarunta Wasaaradda, waxa haatan ku go’doonsan mas’uuliyiin ay kamid yihiin Wasiir ku xigeenka Kalluumeysiga iyo Agaasimaha guud ee wasaaraddaas, kuwaas oo ciidanku diideen in ay ka baxaan Xarunta. PUNTLAND POST The post Boosaaso: Ciidamo ka tirsan Puntland oo qabsaday xarun wasaaradeed appeared first on Puntland Post.
  19. Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey. Jawaari ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaatigadiid ugu hortegay, soona dhoweeyey, guddoonka baarlamaanka Koonfur Galbeed, xildhibaano, wasiiro ka tirsan maamulkasi iyo boqolaal shacab ah. Ujeedka socdaalka Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa waxaa lagu sheegay inuu la xiriiro ka qeyb-galka munaasabadda furitaanka kalfadhiga labaad ee baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo dhowaan ka dhaceysa halkaasi. Sidoo kale waxaa la filayaa in afhayeenkii hore ee baarlamaanka dalka oo deegaan doorashadiisu ay tahay Koonfur Galbeed inuu kulamo la qaato madaxda maamulkaasi. Inta uu ku sugan yahay Baydhabo sidoo kale wuxuu qaabili doono qeybaha kala duwan ee bushada, isaga oo u kuur-geli doono xaaladda guud ee magaalada Baydhabo. Rugcadaa siyaasadeed Jawaari ayaa muddooyinkii dambe wuxuu fadhigiisu ahaa Muqdisho oo uu ka waday kulamo siyaasadeed oo ku aadan doorashada 20/21. The post Sawirro: Jawaari oo ka dagay Baydhabo iyo ujeedka first appeared on Caasimada Online.
  20. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo maanta ku soo wajahan Garoowe, ayaa markii u horraysay si dhammaystiran loogu xiray laamiga ku yaalla bartamaha Caasimadda, kaas oo halbowle u ah isu-socodka dadka iyo gaadiidka magaalada. Cutubyo ka tirsan Ciidanka Koofiya-casta Madaxtooyada, ayaa subaxnimadii hore ee saaka lagu daadiyay waddooyinka kala duwan ee Garoowe, gaar ahaanna laamiga dheer ee bartamaha, taas oo xannibaad ku keentay isu-socodka magaalada. Sidoo kale, gaadiidka kala duwan ee dadweynaha ayaan shaqaynayn saaka, kadib markii Madaxweynaha loo xiray laamiga bartamaha oo ay adeegsan jireen gaadiidka qaada shacabka, iyadoo aysan jirin waddo kale oo loo furay si ay shaqadooda u sii wataan. Keliya waxa shaqaynaya gaadiid basas ah, oo lagu daabulayo dad loo soo xushay soo dhowaynta Madaxweynaha, kuwaas oo haatan loo daad-guraynayo dhinaca Garoonka Diyaaradaha Maxamed Abshir oo ku yaal duleedka bari ee Caasimadda. Madaxweyne Deni, ayaa markii u horraysay tan iyo intii la doortay, waxa soo dhowayntiisa loo magacaabay guddi heer wasiiro ah, waxaana si dhammaystiran loogu xiray laamiga dheer ee bartamaha Garoowe. PUNTLAND POST The post Soo dhowaynta Madaxweyne Deni oo markii u horraysay loo xiray waddoyinka Garoowe appeared first on Puntland Post.
  21. Kenyans who were wrongly registered at the Dadaab refugee camp in order to benefit from basic amenities like food will be deregistered after the government completed its vetting exercise. Source: Hiiraan Online
  22. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Maanta oo Axad ah ku soo wajahan Caasimadda Garoowe, kadib 47 cisho oo uu ka maqnaa Puntland. Madaxweyne Deni, oo Garoowe ka dhoofay 1-dii September 2020, wuxuu xilligaas markii u horraysay isaga oo madaxweyne ah tegay Magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kaga qayb-galay Shirkii lagu go’aamiyay Hannaanka Doorashada dalka. Kadib Heshiiskii Arrimaha Doorashada ee Muqdisho, wuxuu safar ku tegay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaas oo uu maalmo ku sugnaa, islamarkaana uga sii gudbay waddanka Imaaraadka carabta. Waxaase uu mar kale dib ugu laabtay Nairobi oo uu saaka ka soo dhoofayo, waxaana loo samayn doonaa soo dhowayn abaabulan, kadib markii Madaxweyne ku xigeenku magacaabay guddi qaabilsan soo dhowayntiisa. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Maanta ku wajahan Garoowe appeared first on Puntland Post.
  23. Mogadishu (HOL) - Somalia's Intelligence Agency announced that it has seized a large amount of sulphuric acid that they believe was destined for Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
  24. People from Nigeria will not be able to participate in the United States‘ 2022 Diversity Immigrant Visa Progam, popularly known as the visa lottery, according to newly released policy guidelines by the US Department of State. Source: Hiiraan Online