Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Shirkadda Fly Dubai ayaa sheegtay inay Wada-hadallo u socdaan Maamulka Hawada ee Somaliland, Wada-hadalladaasi oo ujeeddadoodu tahay sidii diyaaraddaasi duulimaayadeedii dib uga bilaabi lahayd Madaarrada Somaliland. Afhayeenka Shirkadda diyaaradaha ee Fly Dubai oo Waraysi kooban siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegay in shirkaddoodu ay illaa bishii June ee sannadkan ay si tartiib-tartiib ah dib ugu bilaabaysey duulimaadyadeedii u qorshaysnaa, shirkad ahaana ay mar walba u hoggaansan yihiin shuruucda. Afhayeenka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Fly Dubai waxay si tartiib-tartiib ah illaa bishii June, 2020 dib ugu bilowday duulimaayadeed u qorshaysnaa, khad kasta oo cusubna marka la ansixiyo waxa lagu dhigaa Mareegta Flydubai.com.” Afhayeenku wuxuu xaqiijiyey inay Wada-hadallo ujeeddadoodu yihiin inay duulimaadyadoodii dib uga bilaabmaan Somaliland u socdaan Maamulka Hawada ee Somaliland “Waxaan kuu xaqiijinaynaa in Fly dubai xilligan ay wada-hadallo u socdaan Hay’adaha ay khusayso ee Hargeysa, wax kasta oo soo kordhana waalla shaacin doonaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waa in la ogaadaa in duulimaadyada Hawada ay hagaan Maamullada Madaniga ah ee duulimaadyada ee labada Waddan, Fly Dubai-na waxay si buuxda ugu hoggaansan tahay dhammaan Shuruucda..” Shirkadda diyaaradaha ee Fly Dubai ayaa ka mid ahayd Shirkad sababo la xidhiidha Xanuunka Covid_19 ugu dhaqmay Amar Xayiraadeed oo ka soo baxay Dawladda Soomaaliya. Fly Dubai waxay ka gaabsatay inay ka jawaabtay su’aalo uu Wargeyska Geeska Afrika waydiiyey oo uu yihiin sababta ay duulimaadyadeedii Hargeysa ugu joojisay Amarkii Dawladda Soomaaliya iyo kuwo kale oo ku saabsan Cidda ay Liisanka ka qaateen Dalalka Dunida badankooda ayaa Xayiraado ku soo rogay diyaaradihii uga imanayey dunida inteeda kale, si looga gaashaanto Xanuunka Covid_19. Source
  2. Wararka ayaa sheegaya in hey’adda nabad sugidda ay xalay gurigiisa kala baxeen ganacsade Abuukar Xaaji Caddaan kadib markii uu sheegay taageeradiisa Al-shabaab. Ganacsadahan oo wareysi siiyey idaacad maxali ah ayaa sheegay in uu taageerayo Al-shabaab isaga oo sidoo kale si xun uga hadlay beesha caalamka ee ku jira xarunta Xalane iyo xataa AMISOM, kuna baaqay in la baa’biyo. Xariga ninkan horay dekadda u lahaa ayaa imaanaya bil kadib markii ciidamadu ay xireen wiilkiisa Maxamuud Abuukar iyada oo la sheegayo in su’aalo la weydiinayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Warbixin ay soo saareen khubaro ka tirsan qaramada midoobey ayaa lagu sheegay in xarakada Al-shabaab ay $3 milyan oo canshuur ah sanadkii ka hesho dekadda magaalada Muqdisho. Warbixin oo la hordhigay golaha ammaanka ee qaramada midoobey waxaa ku xusan in akoon Al-shabaab uga furan mid ka mid ah bangiyada Muqdisho ay ugu dhacaan canshuurta iyo zakawaadka. 4-tii bil ee lasoo dhaafay waxaa la dhigay $1,198,933, lacagtaas oo loo dhigay qaab Mobil ah, si cash ah ama xawaalad. Sida ku qoran warbixinta, Al-shabaab oo ka faa’ideysaneysa awood darida hey’adaha maaliyadeed ee dalka ka jira ayaa June keliya waxaa ay Mobil-ka lacagta la isugu diro ku heshay $50,000 halka akoonada kale lacag ka timid lagu qiyaasay ilaa $1 million, lacagtaas waxaa bixiyey ganacsatada dekadda, kuwa maraakiibta soo rarta iyo gawaarida xamuulka ah. Dhanka kale, sida UNKa ay sheegayaan Al-shabaab waxaa ay Zakawaat ka qaadaan ganacsatada iyo goobaha iyaga oo May ilaa bartihii July ee sanadkan helay lacag dhan $1.7 million hal qof ayaa bixiyey $300,000. Waxaa isla warbixinta la horgeeyey golaha ammaanka ku jirta in Al-shabaab ay lacag canshuur ah ka qaadaan ganacsatada Kismaayo, tusaale ahaan kuwa jumlada waxa ay bixiyaa $600 halka tafaariiqda bixiyaan $300, lacagta bixintuna waa qaabka dirista Mobilka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Bosaso (PP News Desk) — Fishermen at Gardafui coast of Puntland have voiced concerns about the prevalence of illegal fishing at Gardafui coast. Gumbax and Bareda fishermen woke up to trawlers engaged in illegal fishing at Gardafui coast. Most trawlers allegedly have fishing licenses issued by Puntland State. A Gardafui fishing community activist said that “some Puntland politicians benefit from fishing licenses issued in the name of Puntland State of Somalia.” Illegal fishing affects lives of Puntland fishermen and result in piracy. Successive Puntland State governments have objected to calls for transparency about fishing license revenues and the number of foreign fishing companies with Puntland-awarded fishing licenses. A fishing community activist in Gardafui says Puntland-mediated Illegal fishing poses a threat to the livelihoods of local fishermen “Politicians from coastal constituencies persuade Puntland State Government to issue fishing licenses for companies that wire money to politicians” says a person familiar with underhand fishing licenses awarded to foreign companies by Puntland State. “Politicians misappropriate revenues from fishing licenses. There has never been a motion at Puntland Parliament against non-disclosure of Puntland-issued fishing licenses ” says a retired civil servant in Garowe. Puntland fishing communities fear the impoverishing menace illegal fishing poses to their means of livelihood will increase without cracking down on illegal fishing. © Puntland Post, 2020 The post Puntland Licenses ‘Fuel’ Illegal Fishing at Gardafui Coast appeared first on Puntland Post.
  5. Internet-ka guud laga adeegsado koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa la sheegayaa iney cild heysato, iyada oo la filayo in la hagaajiyo saacadaha soo socda. Shirkadda Hormuud ayaa qoraal ay macaamiisheeda u dirtay ku sheegay in ay jirto cilad xagga Internet-ka ah “Macaamiisha sharafta leh waxaan ka raaligelineynaa in cilad bixin saacado qaadaneysa awgeed culeys ama hakad ku iman doono adeegga Internet-ka”. Adeegga Internet-ka ee shirkaddan aya ala adeegsadaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Nairobi)-Dowladda Kenya ayaa ka hor timid tallaabada Mareykanka uu ciidamadiisa kagala baxayo Soomaaliya. Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa waxay sheegtay in tallaabada noocan oo kale ah ay u badan tahay inay khatar gelinayso qorshaha amni ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo horumarinta ujeeddada guud ee bulshada caalamka. Xoghayaha guud ee arrimaha dibadda, Kamau Macharia ayaa sheegay in Kenya ay mudooyinkii la soo dhaafay la kulmaysay dib u dhac dhaqaale kadib weeraradii kooxda Al-shabaab ka geysatay dalkeeda, oo ay ku jiraan weeraradii Westgate Mall, Dusit 2 Hotel iyo kuwo kale. Hadalka Macharia ayaa imaanaya kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in madaxweyne Donald Trump uu ku wargaliyay la taliyayaashiisa sare inuu doonayo inuu ciidamada Mareykanka kala baxo Soomaaliya. Qoraal uu daabacay Bloomberg ayaa lagu sheegay in tani ay u oggolaan doonto Trump inuu ka dhabeeyo ballanqaadyadii ololaha ee ahaa inuu askarta dalkooda keenayo in kasta oo Soomaaliya ay weli ku sugan tahay khatar weyn oo kaga imaaneysa Alshabab iyo Daacish. Mareykanka waxaa Soomaaliya ka jooga 650 ilaa 800 oo askari, sida laga soo xigtay Taliska Mareykanka ee Afrika, waxaa ku jira saraakiil gacan ka geysanaya tababarka ciidamada Soomaaliya. Source
  7. MOGADISHU (HOL) - South and central regions of Somalia are currently experiencing internet shut-downs in what local telcos said was a result of routine maintenance. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxaa ka socda wada-tashiyadii ugu dambeeyey ee magacaabista golaha wasiirada cusub ee xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Wararka ayaa sheegaya in xalay markale ay kulan saddex geesood ah yeesheen madaxeweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha golaha shacabka, waxaana kulankaas looga hadlay dhismaha xukuumadda cusub ee federaalka Soomaaliya. Ilo ku dhow kulankaasi oo saacado badan qaatay ayaa Caasimada Online u sheegay in uu ku soo dhammaaday is-afgarad, wuxuuna ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in saacadaha soo socda si rasmi ah loogu dhawaaqi doono liiska golaha wasiirada oo la horgeyn doono golaha shacabka. Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in wasiirada la soo magacaabi doono ay isugu jiraan qaar ka mid ah xukuumaddii ra’iisul wasaare Khayre iyo kuwa cusub. Dad badan ayaa isha ku haya dhismaha golaha xukuumadda oo ay maalmo ku qaadatay Rooble oo codka kalsoonida horey uga helay baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Xukuumadda federaalka ah ee uu hoggaaminayo, Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horreyso doorashada soo socota ee 2020/21. The post Wararkii u dambeeyey ee magacaabista golaha wasiirada Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.
  9. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo mudo bil ku dhow ka maqnaa Puntland ayaa laguwadaa inuu maanta dib ugu soo laabto Garowe., qabanqaabi aan [...] The post Madaxweyne Deni oo soo dhaweyntiisa laga dareemayo Garowe appeared first on . Source
  10. Sii hayaha Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Aaladda fogaan aragga uga qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka oo looga hadlayay isbadalka dhaqaalaha iyo saameynta COVID-19. Wasiir Beyle ayaa xusay in madaxda shirka uu la wadaagay isbadalka maaliyadeed ee dalka iyo saameynta uu cudurka COVID-19 ku yeeshay dhaqaalaha caalamka gaar ahaan Soomaaliya. “Waxa aan ka qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo Soomaaliya oo aan uga hadalnay isbadalka Maaliyadda, Dhameystirka qorshayaasha lagu horumarinayo dhaqaalaha iyo saameynta Coronavirus ee Soomaaliya”. Ayuu yiri Wasiir Beyle. Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa hadalkii ku daray “Waxa aan u mahadcelinayaa Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka ee Afrika Hafez Ghanem oo shirka nagala soo qeybgalay iyo taageerada Bangiga ee Soomaaliya”. View the full article
  11. General Odowaa Yuusuf Raage taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadihii la soo dhaafay safar dhinac dhulka ah ku tegay degmada Luuq oo ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Taliyaha ciidamada Xoogga dalka ayaa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhoweeyey saraakiisha ciidamada dowladda, mas’uuliyiinta Luuq iyo shacabka degmadaasi. Socdaalka Odowaa ayaa la xiriira mid ugu kuur galayo xaaladda guud ee gobolka Gedo iyo dhaq-dhaqaaqyada ay gobolkaasi ka wadaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Taliyaha ayaa sidoo kale horey u booqday magaalooyinka Doolow iyo Beled-Xaawo, halkaas oo uu kula kulmay maamullada degmooyinka iyo saraakiisha ciidanka dowladda. Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii u dambeeyey dhaq-dhaqaaqyo milatari ka waday gobolka Gedo oo dhaca K/ Soomaaliya, islamarkaana hoostaga dowlad goboleedka Jubbaland. Todobaadkii la soo dhaafay ayey sidoo kale aheyd markii ay dowladda Soomaaliya askar dheeraad ah ku kordhisay ciidamada Xoogga dalka ee haatan ka howl-gala gobolkaasi, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya. View the full article
  12. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Subax-17102020.mp3 View the full article
  13. Donald Trump falsely accused Ilhan Omar of entering the US illegally and marrying her own brother in a wild campaign speech. Source: Hiiraan Online
  14. Wararka ka imaanaya xeebaha Gobolka Guardafui ee Puntland, ayaa sheegaya in saacadihii u dambeeyay halkaasi lagu arkayay doonyo iyo maraakiib jariif ah oo fara badan, kuwaas oo jillaabanaya kalluunka noocyadiisa kala duwan. Xeebaha Degmooyinka Gumbax iyo Bareeda ee Gobolka Guardafui, ayaa kamid ah meelaha jariifka ugu ba’an laga soo sheegayo, waxaana arrintaas cabasho xooggan ka muujiyay Kalluumeystada Degaanka. Inkastoo Jariifku horay uga jiray xeebaha Puntland, gaar ahaanna Guardafui, haddana waxa ku soo biiray doonyo iyo maraakiib horleh oo jariif ah, kuwaas oo xaalufinaya khayraadka Badda, sida ay sheegeen Kalluumeysatada qaarkood. Sidoo kale, Kalluumeysatada ayaa xukuumadda Puntland ku eedeeyay in ay rukhsad siisay doonyaha jariifka qaarkood, islamarkaana ay lacag ka sameeyaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Jariif ba’an oo ka socda xeebaha Gobolka Guardafui appeared first on Puntland Post.
  15. French prosecutors placed former president Nicolas Sarkozy under formal investigation for "criminal association" on Friday related to allegations that he accepted campaign funding from former Libyan strongman Muammar Gaddafi. Source: Hiiraan Online
  16. Dowlada Emaaraatka Carabta oo horayba u caawin jirtay Soomaaliya ayaa shaacisay inay laba jibaarayso kaalmada ay Soomaaliya Siisi iyadoo intaas raacisay inay daahfuri doonto qaab [...] The post Dowlada Emaraatka Carabta oo balan qaadey inay Soomaaliya siweyn u caawinayso appeared first on . Source
  17. There is no doubt that Somalia has become a significantly more attractive prospect since the signing of the country’s Petroleum Law and Revenue Sharing Agreement earlier this year. With seven blocks on offer, the round, set to conclude in March 2021, presents Operators with the opportunity to enter one of the last truly frontier passive margins in the world. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay soo sharxeen musharraxiin badan oo u loolamaya kuraasta baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee dhowaan la soo dhisayo. Dhaqtar oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle TV ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan ergooyinkii soo doortay xildihaabada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ee hadda shaqeynaya iyo Ugaasyadooda loo yeeray, islamarkaana ay tageen deegaanada ay ka arrimiyaan Al-Shabaab, iyaga oo la soo tashkiiliyey, sida uu hadalka u dhigay. Xildhibaankan ayaa tilmaamay inay suura-gal noqon karto in kooxda Al-Shabaab xildhibaano 80% ay ku yeelato baarlamaanka soo socda ee Soomaaliya. ‘Anaga markaan doorashadii hore soo galnay ee 51-ka aheyd ergooyinkeenii kuli waxaa u yeertay Al-Shabaab, macalin Ugaasyadii ayaa loo yeeray macalin sama-doonadii ayaa loo yeeray waa lasoo tashkiiliyey (Tashkiil waxaa la dhahaa waxaa waaye waa la soo borogaraamiyey) hadda waxaa laga yaabaa xildhibaanadaan imaanaayo inay 80% noqdaan Shabaab,” ayuu yiri Xildhibaan Idiris Dhaqtar oo ka tirsan golaha shacabka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in qaar ka mid ah dadka haatan isa soo sharraxay ee isa soo dhigay Facebook-ga ay wadato kooxda Al-Shabaab, xittaa lacagaha ay doorashada ku galayaan ay ka bixineyso, isaga oo sababta ku sheegay inay tahay doorashada dadban ee la aadayo. “Waxaa isa soo sharraxay oo hadda aan dareemi karno ee isa soo dhigay Facebook-yada musharraxan ahay meelahay sal ku leeyihiin waan ognahay waxay sal ku leeyihiin Al-Shabaabaa soo wadata lacag ayey xittaa ka bixineysaa saas ayaan aaminsanahay, sababtaasna waxa keenay waxa waaye doorashadan dadban,” ayuu markale yiri Dhatar. Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in isagu uu ahaa mid ka mid ah labadii xildhibaan ee diiday doorashada dadban ee ay dhowaan ku heshiyeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir. Dhaqtar ayaa xusay in doorashada soo socota aysan ka duwaneyn tii hore oo uu tilmaamay inay shaqsiyaad badan lacago xad dhaaf ku bixiyeen sidii ay uga mid noqon lahaayeen baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, islamarkaana tan soo socota uu soo bixi doono ninba ninka uu ka lacag badan yahay. “Waxaan u diidnayna waxaa waaye tii horaa aragnay waxaan xasuusanahay nimanaa milyan Dollar ku soo galay, midaa 700 oo kun ku soo galay waa doorasho lacag ah waaye tan ninba ninka uu ka lacag badan yahay aa soo baxaaya,” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Xaqiiqda jirtaan kuu sheegaa waxaan uga hor imaaneyn waxaa waaye dad ayaa xasaanad ku raadinaayo kaalay xildhibaan noqo oo Ummaddaada u shaqey maahin, waxaa waaye lacag ayuu baxsanaa wuxuu iska rabaa xasaanadaas inuu iska shaqeysto. Ugu dambeyn wuxuu mas’uuliyadda dusha ka saaray madaxda sare ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, isaga oo shaaciyey in arrintan haddii aan laga feejignaan ay dhalin karto sida hadda dhacday oo kale in kooramka baarlaamka uu markasta buuxsami waayo, maadaama ay shaqsiyaadka ugu badan yihiin ganacsato hantiile ah. “Waxaa jiro inta hadda aan xildhibaanada anaga aheyn in kooramka weligiis meeshii rabay uuna gaarin, sababta keentay waxaa waaye dadkii doorashada dadban ku soo galay saas waaye Business-Man ayey u badan yihiin badanaa,” ayuu ku soo gaba-gabeeyey. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan lagu sii dhowaanayo waqtiga la soo xulayo xildhibaanada soo socda ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya oo ay mid kasto soo dooran doonaan illaa 101 ergo, waxaana sidoo kale dul dhigay xildhibaanad cusub shuruudo adag, sida inay isku diiwaan-geliyaan lacago aad u fara badan. The post Xubno ay wadato Shabaab oo la shaaciyey inay isku soo sharxeen BF Somalia first appeared on Caasimada Online.
  19. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdinaasir Maxamed Buuni oo hore uga tirsanaa Xisbiga UCID ayaa ka jawaabay khudbad saacad ah oo uu wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somalilan, Maxamuud Xaashi Cabdi u jeediyey qaar ka mid ah warbaahinta taasi oo uu ku dhaliilay Xukuumadda maanta talada haysa. Siyaasi Buuni ayaa sheegay in Maxamuud Xaashi aanay u banaanayn in maanta uu umadda Somaliland lasoo hor istaago arrimo ku saabsan musuq iyo wax isdabamarin . “Maxamuud Xaashow da’deed ahayd markaad xoolaha umadda ku tasa rufaysay , Aayadaha quraanka ee aad maanta soo daliishanaysa ma maantay soo dageen ? Soo may jirin markaad xilka haysayba , waxaad umadda u sheegayso waxaad tahay qofka koobaad ee ku sifoobay , aakhiradaada u tudho oo umadda cafis weydiiso ” ayuu yidhi Halkan ka Daawo Muqaalka Source
  20. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Wasaaradda Cadaaladda ka dalbaday inay baadhitaan ku sameyso xildhibaan Ilhaan Cumar, isaga oo mar kale weerar culus ku qaaday. Trump ayaa ku eedeeyey Ilhaan Cumar inay guursatay walaalkeed, ayna si sharci-darro ah kusoo gelisay Mareykanka. Trump oo habeenkii Jimcaha ka hadlayey isu soobax ka dhacay magaalada Ocala ee gobolka Florida ayaa sheegay inuu rumeysan yahay inuu ku guulleysan doono gobolka Minnesota doorashada November, sababtuna ay tahay Ilhaan Cumar. “Wey neceb tahay waddankeena. Waxay ka timid meel aysan xitaa ka jirin dowlad, haddana halkan ayey imaneysaa oo waxay noo sheegeysaa sidii aan u maamuli laheyn dalkeena,” ayuu Trump u sheegay taageerayaashiisa. “Aad ayaad u mahadsan tahay, waa qof dhab ah — waa qof cajiib ah – waa qof cajiib ah,” ayuu Trump yidhi. “Markaad eegto Aqalka [Wakiilada], ee Pelosi waxay neceb yihiin Israa’iil waxayna aaminsan yihiin Omar, oo halkan timid kadibna guursatay walaalkeed, si uu halkan sharci darro ugu yimaado,” ayuu yidhi Trump. Ilhaan Cumar ayaa marar badan beenisay eedeynta la xidhiidha inay guur been ah u sameysay walaalkeed, si ay usoo geliso Mareykanka. Sidoo kale ma jiraan wax caddeymo ah oo la heli karo oo arrintan taageeraya. Source
  21. (SLT-Moscow)-Midowga Yurub waxa uu cunaqabateyn saaray lix muwaadin oo Ruush ah, oo dhammaantood xidhiidh la leh Aqalka Kremlin ee Ruushka looga taliyo, iyo Machadka Cilmi-baadhista Gobolka ee mas’uulka ka ah burburinta hubka kiimikada. Cunaqabateynta ayaa timid kadib markii la sumeeyay hogaamiyaha mucaaradka Ruushka Alexei Navalny. Machadka cilmi baadhista waxaa looga shakisan yahay inuu soo saaray neerotoxin uu Navalny ku sumoobay. Liiska waxaa ku jira madaxa waaxda amniga Ruushka ee FSB, Aleksandr Bortnikov, iyo laba wasiir ku xigeen gaashaandhigga – Alexei Krivoruchko iyo Pavel Popov. FSB waxaa hore loo odhan jiray KGB xiligii Midogw Sofiyeytiga. Laba ka mid ah ragga aadka ugu dhow Putin, Ku-xigeenka Madaxa Shaqaalaha Sergei Kiriyenko iyo madaxa agaasimaha siyaasadda gudaha Putin Andrei Jarin, ayaa sidoo kale ku jira liiska cunaqabateynta la saarey. Maaddaama Navalny la ilaalinaayey markii la sumeeyey, waxaa macquul ah in lagu soo qorshaha dilkiisa lagu gabagabeeyey in sunta la fulin karo oo keliya iyadoo lagaashanayo Laamaha Amniga Federaalka, Midowga Yurub oo qiil u samaynaya cunaqabateynta ayaa sidaas yidhi. Kremlin-ka ayaa weli sii wada inuu diido ku lug lahaanshaha wuxuuna ugu yeedhay cunaqabateynta tilmaam aan saaxiibtinimo lahayn oo dhaawici doonta xidhiidhka ka dhexeeya Ruushka iyo EU. Mar sii horreysay, Wasiirka Arimaha Dibada Ruushka Sergei Lavrov wuxuu ku hanjabay cunaqabateyn ka dhan ah Midowga Yurub in ay iyaguna soo rogayaan. Kremlinku wali ma soo bandhigin wax cunaqabateyn la taaban karo ah, laakiin wuxuu sheegay in Moscow ay qiimeyneyso xaalada sida ugu wanaagsan uguna macquulsan uga jawaabi doonto. Cunno qabateynta ayaa ka kooban, xanibaada hantida iyo safarada shakhsiyaadka lag tuhunsan yahay in ay lug ku leeyihiin sumeynta ninka mucaaradka ah. Dowladda Ingiriiska ayaa ku jirta kuwa soo rogey cuna qabateynta iyada oo aan kamid ahayn 27-ka dal ee xubnaha ka ah EU-da. Alexei Navalny weli wuxuu ku sugan yahay dalka Jarmalka, halkaas oo lagu daryeelay ka dib markii uu ku sumoobay sunta ah ee Novichok 20kii Agoosto, taas oo loogu daray biyo u yaaley qolka Hotel uu deganaa. Source
  22. WASHINGTON - The African diaspora in the United States is mobilizing voter drives, as organizers believe 2020 is a time for these voters to flex their political muscle as never before. Source: Hiiraan Online
  23. A European regulator said the Boeing 737 Max is safe to fly again before the end of the year, the first clear timeline from a global regulator. Boeing (BA) stock soared Friday. Source: Hiiraan Online
  24. MOGADISHU (Reuters) - Dozens of soldiers and insurgents were killed in two days of fighting between Somali government forces and al Shabaab militants northwest of the capital Mogadishu, a witness told Reuters on Friday. Source: Hiiraan Online
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyksa Africa Intelligence ayaa qoray in dowladda Turkiga ay doorashada Soomaaliya ka dhaceysa taageereyso madaxweynaha iminka talada haya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wargeyks ayaa qoray in madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo saameyn xooggan ku leh Soomaaliya uu si joogto ah taageero u siiyo madaxweyne Farmaajo. Sida warbixinta lagu sheegay, Turkiga ayaa waxaa taageerada Farmaajo ku wehliya dowladda Qatar oo markii horeba mas’uul ka ahayd doorashada Farmaajo, islamarkaana taageereysay wixii ka dambeeyey guushiisii 2016. Turkiga iyo Qatar ayaa xulufo weyn ku ah siyaasadaha dalal badan, sida Libya, Yemen, Falastiin, iyo Soomaaliya. Wargeyska ayaa intaas ku daray in dhowr taageero oo dhowaanahan ay Turkiga siinayeen dowladda Soomaaliya ay ahayd muujin awoodeed oo sare loogu qaadayo magaca dowladda, taasi oo si dadban u ah olole doorasho. Waxaa ka mid ah baabuurta dagaalka oo bishii Augusta ay siiyeen ciidamada Soomaaliya, ciidamo badan oo dhowaan ku qalin jebiyey xerada Turksom ee Muqdisho, iyo dib u cusbooneysiinta heshiiska shirkadda Turkiga ee Albayrak ay ku maamusho dekedda Muqdisho. Si kastaba, inkasta oo warbixinta wargeyska ay sidaas tiri, haddana Caasimada Online ayaa rumeysan in Turkiga aysan faraha la gelin siyaasadda gudaha Soomaaliya, ayna la shaqeeyaan dowlad kasta oo dalka timaadaa, ayada oo la ogyahay inay si wanaagsan ula shaqeeyeen madaxweyne Xasan Sheekh, muddadii uu xukunka hayey. The post Wargeys shaaca ka qaaday musharaxa ay Turkiga 'ka taageerayaan' Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.