Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Saudi Arabia's King Salman issued a series of orders on Sunday restructuring the kingdom's advisory Shura Council, the supreme court and the highest religious body. Source: Hiiraan Online
  2. Minnesota Rep. Ilhan Omar wrote a message on Twitter following President Donald Trump's recent accusations about her politics and personal life. Source: Hiiraan Online
  3. (SLT-Baxreyn)-Heshiiska oo Mareykanka uu gadhwadeen ka yahay ayaa lagu saxeexay caasimadda Baxreyn, ee Manama, maalintii Axadda. Muddo tobanaan sanno ah, dowladaha carabta badankood waxay qaadaceen Israa’iil, iyagoo ku adkeysanaya inay dhisi doonaan oo kaliya xidhiidhkooda kadib markii la xaliyay khilaafka Falastiin Baxrayn hadda waa waddankii afaraad ee carbeed ee bariga dhexe kadib markii dalalka sida Imaraadka carabta, Masar iyo Urdun ay aqoonsadeen Israa’iil tan iyo aasaaskeedii 1948. Xidhiidhadaan diblomaasiyadeed ayaa waxaa cambaareeyay Falastiiniyiinta , waxayna ku tilmaamen mid dhabar jebin ah. Munaasabad ka dhacday Manama fiidnimadii Axada, Baxrayn iyo saraakiisha Israa’iil waxay kala saxeexdeen xidhiidh diblomaasiyadeed oo buuxa. Labada dalna waxaa hadda la filayaa inay dib u furaan safaaraddo. Warbaahinta Israel ayaa tabisay in dukumiintiga aysan ku jirin wax tix-raac ah oo ku saabsan khilaafka Israa’iil iyo Falastiin. Wasiirka Arimaha Dibada Baxrayn Abdullatif bin Rashid Al-Zayani ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay inuu rajaynayo “iskaashi miro dhal ah oo dhinac walba ah in uu dhexmaro labada dal.” Wuxuu sidoo kale ku baaqay nabadda gobolka oo ay ka mid tahay in laba dowladood ahaan loo xaliyo khilaafka Falastiin. Kooxda Israa’iil waxay raceen dulimaad nooca El Al 973 – iyadoo loo tix-raacayo lambarka wicitaanka caalamiga ah ee Baxrayn – waxayna sii mareen hawada Sacuudi Carabiya iyagoo ruqsad gaar ah ka haysta boqortooyada. Hogaamiyaasha Sacuudiga ayaa ilaa iyo hadda diidan baaqyada in dib u soo celiyaan xidhiidhka Israa’iil. Loolanka iyo cadaawadda gobolka ee u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Iiraan ayaa door ka ciyaaray in xidhiidhadan diblomaasiyaddadeed dib loo soo celiyo iyo colaad tobanaan sanno jirsatay oo ay uga sii dartay khilaafaadka diimeed, iyada oo Iran loo arka saldhiga awoodeed ee Shiicada Muslimka isla markaana Sacuudi Carabiya waxay isu aragtaa in ay tahay hoggaanka awoodda Muslimiinta Sunniga ah . Heshiiska ay labada dal gaadheen madaxda Falastiin layaab ayey ku noqotay. Afhayeenka madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas wuxuu heshiiskaasi ku tilmaamay “Khiyaano”. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Falastiin ayaa dib ugu yeertay safiirkeedii u joogay Baxreyn kadib markii heshiiska lagu dhawaaqay bishii hore, bayaan ka soo baxay hoggaanka Falastiin ay waxaa lagu sheegay “dhibaatada weyn ee ay u geysaneyso xuquuqda qaran ee lama taabtaanka ah ee shacabka Falastiin “. Israa’iil iyo waddamada carabta ee ku yalla Bariga Dhexe iyo Waqoyiga Afrika waxaa ka dhaxeeyey colaad taariikhi ah wixi ka dambeeyey marki ay Israa’iil aasaasantay 1948-kii, waxaana muddo kaddib Israa’iil heshiis la galay Masar 1979-kii iyo Urdun oo 1994-kii, iyada oo labada dhinacba ay dalka Iiraan u arkaan mid khatar ku ah gobolka. Source
  4. Marar badan ayaa baraha bulshadu ku xidhiidho ee internet-ka ee wadanka Sucuudiga waxa ka bilaaabma olole lagu doonayo in lagu qaadaco badeecadaha Turkiga ee dalkaas loo dhoofiyo. Arintaas ayaa aad u sii xoogaysatay labadii sannadood ee u dambeeyey markii xiisaddii ka dhalatay dilkii weriyihii Sucuudiga ahaa ee Jamaal Khaashoqji lagu khaarajiyey qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul ku taal dhexdeeda bishii Oktoobar ee 2018. Iyadoo hadaba ay haatan ku beegan tahay sannad guuradii labaad ee dilkii Khaashoqji, ayaa waxa dardar hor leh yeeshay ololaha ka socda shabakadda Twitter ee dalkaas. Waxaana muwaadintiintu ku ladhayaan fariimahooda hal ku dhegyo ay ku doonayaan in la qaadaco wax kasta oo Turkiga lagu sameeyey. Ololahan ayaa hadaba waxa uu sidoo kale dhaliyey dood dhex maraysa dadka Carabta ah ee adeegsada Twitter-ka qudhooda oo iyagu arinta ku eegaya aragtidooda gaarka ah iyo hadba dhanka ay la jiraan marka la eego xiisadda ka taagan gobolka Gacanka iyo siyaasadaha Erdogan ee gobolkaa ku aaddan. Hase yeeshee dadka arintan aadka ula socda ayaa su’aalo ka qaba in ololahani yahay mid ay xukuumaddu dabada ka wado oo aanay is muujinyeyn oo uu yahay wax shakhsiyaad si iskood ah u bilaabeen. Ma shakhsiyaad baa bilaabay mise dawladda? Ololuhu wuxuu sannadkan ku bilaabmay fariin uu Twitter-ka ku qoray gudoomiyaha rugta ganacsiga Sucuudiga, Cajlaan Al-Cajlaan, oo uu shacabka ugu baaqay in ay qaadacaan badeecadaha Turkigu sameeyo oo aan dalka loo soo dhoofin iyo sidoo kale in aanay shacabka Sucuudigu u dalxiis tagin oo aanay maal gashan Turkiga. أقولها بكل تأكيد و وضوح: لا استثمار لا استيراد لا سياحة نحن كمواطنين ورجال أعمال لن يكون لنا أي تعامل مع كل ماهو تركي. حتى الشركات التركية العاملة بالمملكة أدعو الى عدم التعامل معها، وهذا أقل رد لنا ضد استمرار العداء والأساءة التركية الى قيادتنا وبلدنا. — عجلان العجلان (@ajlnalajlan) October 14, 2020 Maalmo yar uun ka dib ayaa waxa soo baxay hal-qabsiyo (Hashtags) lagu taageerayo soo jeedinta Cajlaan, waana markiigu ugu hadal hayn batay labada hal-qabsi oo kala haa ololaha_qaadacaadda_ badeecadaha_ Turkiga iyo ololaha shacabka _ee_ qaadacaadda_ Turkiga oo labaduba aad ugu faafay dalka Sucuudiga iyo Imaaraadka. Shakhsiyaadka arintaa taageeraya waxa ka mid ah Amiir-ka reer Sucuudi ee Cabdiraxmaan Bin Misaacid oo aan xil rasmi ah ka haynin dawladda. أكثر من صحيفة وقناة تلفزيونية في تركيا تهاجمني وتتحدث عني وكأني أنا السبب في الحملة الشعبية لمقاطعة البضائع التركية ورغم تأييدي الكبير لها إلّا أنها حملة شعبية بدأت من سعوديين محبين لوطنهم وأيدتهم فيها .. الحملة نتيجة فبدلًا من الهجوم علي انظروا للسبب وهو سياسات رئيسكم واساءاته pic.twitter.com/noBoRf56dg — عبدالرحمن بن مساعد بن عبدالعزيز (@abdulrahman) October 14, 2020 Dadka Sucuudiga ah ee ololahaa wada ayaa waxay leeyihiin ololahani wuxuu falcelin u yahay “falalka cadowtinada ah ee Turkigu kala hor yimid shacabka iyo dawladda dalkooda” haatanna waxay hal-qabsiga ololaha ay Twitter-ka ka wadaan u bixiyeen kacdoonka_ shacabka oo ay ku sheegeen in ay “dad ka tiro badan kuwii ololeyaashii hore ka qayb galay ay haatan ka qayb qaadanayaan”. Waxa se jira qaar kale oo dalbanayaba in ololahan ka socda Twitter-ka laga dhigo xaqiiqo oo dalku dhaqan geliyo waxay dalbanayaan. Hase yeeshee kuwo kale ayaa qaba in ololahani waxba soo kordhinayn oo u arka uun in uu yahay “olole iska kooban oo ka dhex socda internet-ka ujeedadiisuna tahay in shacabka Sucuudiga laga indho saabo arimaha tooska u taabanaya ee u muhiimka ah”. Waxa iyaguna ololahaa ka falceliyey shacabka dalalka Carbeed ee kale qaarkood oo iyaguna Twitter-ka ka bilaabay hal-qabsiyo ay ku taageereyaan Turkiga oo uu ka mid yahay ololaha_shacab_ee taageerada _Turkiga. Waxaanay dadkaasi canbaareeyeen aragtidaa Turkiga lagaga soo horjeedo oo ay ku sheegeen “dagaal dhaqaale oo ay dawlado Carbeed ku qaadeen dal Muslin ah oo difaaca qaddiyadaha ummadda Muslimka.” #السعودية لم تقاطع الهند التي تقود حملات إبادة ضد المسلمين، ولم تقاطع الصين التي تُبيد الإيغور، ولم تقاطع ميانمار التي تُبيد الروهينغا، تقاطع تركيا وتقيم علاقات من تحت الطاولة مع الصهـ.ـاينة لأن ذلك يخدم إسرائيل !!#الحملة_الشعبية_لدعم_تركيا — فهد الغفيلي (@fahadlghofaili) October 16, 2020 Waxaanay sheegeen in ay filayaan in waxa lagu doorsanayo badeecadaha Turkigu noqon doonto badeecadaha Israel oo loo furo suuqa Khaliijka. Waxaanay arintaa marag uga dhigeen sida ay isugu soo dhawaanayaan Israel iyo dalalka Carbeed ee ay xulafada yihiin Sucuudigu. Ololahani saamayn ma yeeshay? Waxa jira qayb saddexaad oo su’aalo iska weydiinaysa “sababta dawladda Sucuudigu uga gaabsanayso in ay go’aan rasmi ah qaadato oo ay xidhiidhka ugu jarto Ankara oo ay si badheedha u joojiso badeecadaha uga yimaad?” Su’aashaas waxay dadka lafa gura siyaasaddu kaga jawaabeen in sababtu tahay “Suudiga oo ka baqaya in cunaqabatayn uu saaro ururka ganacsiga aduunku, hadii uu si rasmi ah go’aan qaadacaad ganacsi ah ugu soo rogo Turkiga. Sidaa awgeed ayuu cadaadis ugu saarayaa muwaadiniintiisa in ay si toos ah iyo si dadban ba uga hor yimaadaan Turkiga”. Waraysi ay la yeelatay wakaaladda wararka Anadool ee Turkigu horaantii bishan, ayaa wasiirka arimaha dibadda dalkaas, Mevlut Cavusoglu, ku tilmaamay “wax aan jirin” wararka tibaaxaya in ganacsiga Turkiga ee Sucuudiga halisi soo food saartay. Waxaanu intaa ku daray “masuuliyiinta Sucuudigu arintaa ganafka ayay ku dhufteen, anaguna aad baanu isha ugu haynaa hadii ba ay dhacdo in badeecadaha Turkiga la qaadaco bishan aynu ku jirno”. Sidoo kale waxa arimahaa beeniyey xafiiska warfaafinta ee xukuumadda Sucuudiga oo sheegay in aan wax xayiraad ah lagu soo rogin badeecadaha Turkiga uga taga. Dhanka kale se waxa jira warar la sheegay in ay hadal hayeen khubarada dhaqaalaha iyo muwaadiin Sucuudiyiin ah iyo sidoo kale siyaasiyiin iyo ganacsato Turki ah oo ka hadlaya saamaynta taban ee ololahaa qaadacaaddu ku yeeshay ganacsigooda. Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in todobaad ka hor ay warbxin si wada jir u soo saareen madaxda sideed shirkadood oo ugu wayn kuwa ganacsiga Turkigu ay ku sheegeen in ay soo gaadhay cabasho uga timi shirkado Sucuudi ah oo tilmaamaysa in dawladda dalkaasi ku soo rogtay amarro hor leh oo ay ka mid yihiin in ay saxeexaan dokumentiyo gaar ah marka ay soo waaridaan badeecadaha Turkiga ay ka keenaan. Qaadacaaddu ma sii socon doontaa? Dadka odorosa siyaasadda ayaa qaba in dagaalka warbaahinta ee u dhexeeya Sucuudiga iyo Turkigu uu sii kululaan doono dhawrka bilood ee soo socda. Waxaanay khubaradu intaa ku darayaan in qaadacaadani ay Turkiga ku qasbi doonto in uu xulufo cusub oo dhaqaale ka samaysto gobolka, isaga oo wax ka bartay sidii Qatar loo go’doomiyey. Waxa kale oo ay ka digayaan cawaaqibka xun ee ololahan qaadacaadda ahi ku yeelan doono dhaqaalaha Turkiga iyo Sucuudiga labadaba. Sucuudigu wuxuu kaga jiraa suuqyada uu Turkigu wax u dhoofsho kaalinta 15, waxaana lagu qiyaasay qiimaha badeecadaha dharka, roogagga iyo agabka kiimikaad ee Turkigu u dhoofshaa in uu gaadhay 1.91 bilyan oo doolar sideedii bilood ee ugu dambeeyey sannadkan 2020. Waxay se xogta laga helayo Sucuudigu muujinaysaa in qiimaha badeecadaha Turkigu u dhoofiyo dalkaasi uu hoos u sii dhacayey tan iyo sannadkii 2015. Hase yeeshee waxa qiimaha ganacsi ee labada dal is weydaarsadaan lagu tilmaamayaa inuu yahay qiyaastii 5 bilyan oo doolar sannadkii. The post Maxaa kiciyey ololaha yaabka leh ee ka dhanka Turkiga ee ka socda Saudi Arabia? first appeared on Caasimada Online.
  5. No matter what verdict the judge delivers Tuesday in the manslaughter and assault trial of Const. Daniel Montsion, the fight for justice in Abdirahman Abdi’s name will continue long after the legal decision is read. Source: Hiiraan Online
  6. Israel and Bahrain have formally established diplomatic relations. Source: Hiiraan Online
  7. Schools in Puntland and in other parts of Somalia reopened August and September following a relaxation of lockdown measures imposed to curb the spread of Coronavirus. The return to education was widely welcomed. But with COVID19 cases creeping up again, many are sharing their concerns now over the lack of precautions in public places, including in schools Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) - Somali media rights groups have called on the government to release a prominent journalist after Somali intelligence officers apprehended him from his home on Saturday. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Turkiga ayaa tababar cusub u furay boqolaal ka tirsan ciidamada militariga Soomaaliya, tababarkaas oo ka dhacaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Tababarkan, oo ka furmay xerada Turksom ee Muqdisho, ayaa waxaa la siinayaa guutada 6-aad ee ciidamada dhulka Soomaaliya, waxaana uu la xiriiraa ka hor-tagga argagixisada, sida lagu sheegay qoraay ay twitter-ka soo dhigtay safaaradda Turkiga ee Soomaaliya. Waxaa tababarka ka qeyb-galaya 450 askari, waxaana uu soconayaa illaa bisha March ee 2021, ayada oo xafladda dhaarinta askartan ay dhacday 15-kii October. Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsa dowladda federaalka Soomaaliya, safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, iyo saraakiil sare oo ciidan oo ka kala socday labada dal. Xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa guuleystay sanadihii lasoo dhaafay, iskaashigoodana waxaa ka mid ah in Turkigu uu tababaro sedax-meelood-meel ka mid ah ciidanka military-ga Soomaaliya, sida uu sheegay safiirka Turkiga u jooga magaaladda Muqdisho Mehmet Yılmaz. Yilmax ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Anadolu “markii aan eegno wadarta guud, Turkigu waxaa uu tababarayaa sedax-meelood-meel ka mid ah ciidanka Soomaaliya, oo lagu qiyaasay 15,000 ilaa 16,000 oo askeri.” “Iskaashiga military ee Turkigu kula jiro Soomaaliya aad ayey muhiim ugu tahay wadankaan. Waxay qayb ka tahay amniga Soomaaliya iyo la dagaalanka argagixisadda,” ayuu yiri. Isagoo sheegaya in rajadda ugu weyn ee beesha caalamku ay Soomaaliya ka qabto ay tahay tababaridda unugyo xaqiijiya nabad-geliyadda wadanka, ayuu xusay suurta-galnimada ah in ciidanka AMISOM ay dalka ka baxaan. Waxaa intaas dheer in uu Mehmet Yılmaz sheegtay in meelaha kale ee ay iska kaashanayaan ay ka mid tahay caafimaadka iyo waxbarashadda. The post Sawirro: Turkiga oo tababar u furay boqolaal askar oo Somali ah oo dagaal galaya first appeared on Caasimada Online.
  10. Buuloburte (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dilay 74 dagaal-yahan oo Al-Shabaab ah iyo madax goboleed, toddobaad gudihiis, sida ay sheegeen saraakiisha militariga. Ciidamada milatariga Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa dagaal xooggan waxa uu ku dhex-maray degaano hoos yimaada degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan, sida ay sheegeen saraakiisha militariga. Taliyaha qeybta 27aad ee ciidamada xoogga dalka, general Axmed Maxamed Maxamuud (Tareedishe), ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadu howgaldaas ku dileen 24 askari oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Waa jabkii labaad oo culus oo ciidamada dowladda ay muddo toddobaad ah gaarsiiyaan Al-Shabaab, kadib markii sidoo kale 18 askari ciidamada looga dilay duleedka Afgooye, habeenkii Arbacada. Warbaahinta dowladda ayaa Jimcihii baahisay in saraakiisha milateriga Soomaaliya ay sheegteen in dagaalkii gabaldhicii Arbacadii ka dhacay duleedka degmada Afgooye ay dhankoodana ku dileen in ka badan 50 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan ciidanka kumaandooska Danab ee xoogga dalka ayaa werisay in dagaal Arbacadii ka dhacay tuulada Bulullow oo hoos tagta Afgooye lagu dilay in ka badan 50 dagaalame oo Al-Shabaab ahaa. Sidoo kale waxaa lagu sheegay warkan in xubnaha lagu dilay dagaalkaas uu ku jiray madaxii howlgallada Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Dhexe, kaas oo ay magaciisa ku sheegeen Cismaan Ciil Fiidow. Tiradaas ayaa tirada guud ee Al-Shabaab laga dilay toddobaad gudihiisa waxay ka dhigeysaa 74 dagaalyahan, haddii uu sax yahay warka saraakiisha dowladda. The post Shabaab oo 74 dagaalyahan iyo madax gobol 'laga dilay' first appeared on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa war kasoo saaray xariga Wariye Cabdullaahi Kulmiye Caddow, oo Ciidamada NISA ay habeen hore ku xireen Muqdisho. Cabdullaahi Kulmiye Caddow, oo ka tirsan idaacadda Kulmiye, ayaa qaaday wareysigii lala yeeshay Abuukar Cumar Cadaan ee uu ku teegeeray Al-Shabaab, waxaana loo haystaa inuu faafiyey wareysi khatar gelin kara amniga ciidamada Amisom ee jooga Soomaaliya, iyo inuu faafiyey hadallada qof taageersan Al-Shabaab. Daahir Geelle oo hadda ah Hoggaamiyaha xisbiga Danqaran ayaa soo jeediyay in aan awooda Dowladda lagu Takri falin loona baahan yahay in xariga wariyaha lasoo maro sifo Sharci ah. Waxaa uu tilmaamay in ay tahay mid Sharciga lidi ku ah in habeen Madow gurigiisa laga baxo wariyaha iyadoo la heli karo si Sharci ah oo lagu soo xiro. Warka kasoo baxay Daahir Maxamuud Geelle ayaa siddaan u qornaa: Xurriyad ka xayuubinta muwaadinka Xeer ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga yaalay Xirfadle in xirfaddiisa lugu xiro sidoo kale waxay eheed xaaraan aan xeer bannaynayaa jirin mid xarrimaya mooyee. Dhaqanka dawladinimada waxaa ka mid ah in xeerarka la raaco lana dabaqo. Guri iskugu daadashada, albaab isku jebinta iyo isku guurayntuna waa dhaqamada lugu yaqaano jabhadaha waxayna suurad xumaynaysaa dawladnimada. Xukuumadda Madaxwayne Farmaajo xeerarka dalka ma xeeriso, waxaa jira dhacdooyin tixane ah oo ka dhan ah sharafka dawladnimida iyo xeerarka dalka. Falka Weriye Cabdullahi Kulmiye oo gurigiisa ay ugu dheceen ciidamo xilli habeen ah waa fal lid ku ah sharciga dalka oo u baahan in la saxo lagana dhiidhiyo. Xeerka Ciqaabta Soomaliyeed qodobkiisa 44aad, faqradiisa 3aad wuxuu xarrimaysaa 6da maqribnimo illaa 7-da subaxnimo in waaran xarig ah loo geeyo muwaadin, iskabadaa in gurigiisa loo dhaco saq-dhexe ayadoon la wadan wax waaran ah. Dawladdu waa dawladdeenii maahan jabhad na haysta, dawladdu waxay haysataa sharciyad ay dadka ku xirto kuna xeer-mariso, maxay tahay waxa dawladda ku qasbayaa in ay tuugaysato oo ay saq-dhexe dadka albaabada ku jebiso. Waxaan ku baaqayaa in Wariye Cabdullahi Kulmiye si deg deg ah xurriyaddiisa loo siiyaa haddii dembi lagu tuhmaa loo maro hab sharci ah, ciddii falkaas gaysatayna sharciga la marsiiyo. The post Daahir Geelle oo falkii ay ku dhaqaaqday dowladda ku qeexay dhaqan jabhadeed first appeared on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyey kordhiyey baraha koontarool ee ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu baaro gaadiidka isaga kala gooshaya caasimadda. Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Xijaar iyo saraakiil kale ayaa xalay booqday fariisimahaasi oo ay ciidamadu ka sameysteen isgoysyadii dhowaan laga qaaday dhagxaanta. Booliiska ayaa bilaabay kadib wixii ka dambeeyey qaadida dhagxaanta inay la socdaan dhaq-dhaqaaqa baabuurta, iyada oo kuwa dadweynaha celinaya jidadka muhiimka ah. Xijaar oo ka warbixiyey booqashadiisa ayaa tilmaamay inay xalay kormeereen ilaa 15 baro koontoroolool oo ku yaalla inta u dhaxeysa bariga Muqdisho ee degmada Kaaraan, illaa galbeedka caasimada oo ah degmada Kaxda ee gobolka Banaadir. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedka uu ahaa sidii loola socon lahaa howl-gallada iyo baaritaanada ay wadaan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed. “Waxa aan kormeernay waddooyinkii dhagaxaanta aan ka qaadnay 5-cishe kahor, sidoo kale waxa aan qiimeyneynay kontoroolada cusub ee duleedka caasimadda dhaca iyo kuwa gudaha Degmooyinka Muqdisho si aan usoo ogaano isbadalka jira, Askarta waa in ay hubiyaan dadka balse waa in aan la dhibin, waana in loo turaa loo naxariistaa, ” ayuu yiri taliyaha guud ee ciidamada Booliiska Soomaaliyeed. Taliye Xijaar oo hadalkiisa sii wata ayaa saraakiisha ciidamada kula dar-daarmay inay xoojiyaan waajibaadka ka saaran sugida amniga, islamarkaana ay u turaan shacabka. Dowladda Soomaaliya oo isku diyaarineyso doorashada soo socota ee 20/21 ayaa wada howlo lagu xaqiijinayo amniga caasimada, si looga hortago falalka liddiga ku ah amniga. The post Sawirro: Ciidanka ammaanka oo koontaroolo oo hor leh ka sameystay Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Jadwalka doorashada Soomaaliya ee ay isku raaceen madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa qarka u saaran inuu ku yimaado dib u dhacii ugu horreeyey, haddii aanay wax isbedelin labada maalmood ee soo socda. Jadwalka lagu heshiiyey ayaa waxaa ugu horreeyey in lasoo magacaabo guddiyada doorashada heer federal iyo heer gobol iyo guddiga xalinta khilaafaadyada, ka hor 20-ka October, oo ay ka hartay kaliya maanta iyo berri. Illaa iyo hadda ma cadda waxa diidan in guddiyada lasoo magacaabo, hase yeeshee waxay u muuqataa in dowladda federaalka ay ku eedeyneyso dowlad goboleedyada inay dhankooda wax ka socon la’yihiin. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa laba maalin ka qoraal loogu yeeray mid xusuusin ah u kala diray madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada dalka. Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa madax goboleedyada Goboleedyada lagu xusuusiyay in la dhaafay waqtigii loogu tala-galay soo magacaabista xubnaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, heer dowlad Goboleed iyo Guddiga xalinta Khilaafaadka. Dhinaca kale, waxaa weli jirta is-aaminaad la’aan labada dhinac ah, gaar ahaan dhanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Jubaland, kadib markii Axmed Madoobe uu dalbaday in ciidamada dowladda laga saaro Gedo, balse aan warkiisa la dhageysan. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa waxaa xusid mudan inuusan weli dhisi xukuumaddii dalka gelin lahayd doorasho, mana cadda sababta dalka uu xukuumad xil-gaarsiin ah u lugo xiran yihiin 85 maalmood. Hadddii aanay wax isbedellin maanta ama berri, waxaa iman doonaa dib u dhicii ugu horreeyey, taasi oo shaki weyn gelineysaa in doorashada ay waqtigeeda ku dhici karto. The post Jadwalka doorashada oo qarka u saaran dib u dhicii ugu horreeyey iyo is-eedeyn billaabatay first appeared on Caasimada Online.
  14. The Somalia National Defence Forces will soon have to take over security of their country. The reality of KDF exiting Somalia by 2021 has started taking shape. The Star has established that the troops under Amisom have started gearing up for an exit. This will likely bring to an end a decade of KDF’s presence in Somalia under Amisom’s Concept of Operations (Conops). Since Amisom took over military operations, its mandate has primarily been geared towards empowering the Somali Security Forces (SSF) through mentorship.Multiple sources at the Department of Defence told the Star that currently, Somali forces are increasingly conducting independent operations, following mentorship by respective troops under Amisom. According to the sources, Amisom has been conducting Operational Readiness Assessments (ORA) annually across Somalia. The purpose of the assessment has been to establish the manning levels, standards of training and capability in each region. “From the assessment reports, it is apparent that the SSF have attained a reasonable degree of capacity but still require more support and time to achieve optimal readiness,” the source said. VISIT BY KIBOCHI This comes after the new Chief of Defence Forces Gen Robert Kibochi visited the troops in Somalia. Kibochi said the troops will continue to be sharpened by ensuring they are sufficiently equipped to deal with the enemies they are facing. ”You are the arrowhead and we must sharpen the arrowhead. We shall do so by providing you with the right tools to perform your duties,” he told the soldiers. The source said much has been done towards achieving Amisom’s mandate towards the Somali Transition Plan (STP), but there is still more work to be done. The Transition Plan has continued to guide the conduct of operations towards a stable and safe Somalia. “Ultimately, it is the desire of all parties to see to fruition the handover of security responsibilities to the Federal Government of Somalia,” the source said. According to the senior military personnel, Amisom troops drawdown has necessitated increased involvement of SSF in operations and management of security in a number of areas. However, the troops continue to maintain a presence in key areas as part of the transition plan, and the exit will not be one-off but progressive. The AU Special Representative for Somalia and Head of Amisom, Amb Francisco Madeira recently held a meeting with the AU Peace and Security Council alongside Force Commander Lt Gen Diomede Ndegeya, where they briefed the officials on the preparations. GRADUAL TRANSITION Ndegeya is said to have directed Sector Commanders to start gradually handing over the responsibility of key installations to SSF. The council was told that though there has been good cooperation between the President of Somalia and the presidents of the five federal states, there is still great need to strengthen joint operations with Somali Security along the Main Supply Route and secure population centres in line with the Conops and the STP. The Somalia Transition Plan is a comprehensive guide developed by the Federal Government of Somalia and its partners for the transfer of security responsibilities to the SSF ahead of Amisom’s anticipated exit from the country. Enhancing security on the main supply routes, Gen Ndegeya said, will enable the SSF to take up, on their own, the security responsibilities of key installations in the area ahead of envisaged exit. “Like we did in Mogadishu, the Sector Commanders should work with the Somali Security Forces with a view to gradually handing the responsibility of installations to SSF,” he said. In 2018, Amisom developed the Conops to guide troop mandate implementation from 2018-21. “The instrument emphasises the role of our troops in maintaining security in the sector. The document prioritises the protection of civilians in the main population centres, while also creating conditions for socioeconomic development,” one of the sources said. According to the source, Amisom troops have also been instrumental in mentoring the SSF to prepare them to take over security responsibilities in the post-Amisom period. He said keeping the main supply routes open is yet another contribution made by the Kenyan troops. “More importantly, the guidelines spell out modalities in the conduct of joint operations to degrade the threat posed by al Shabaab and its affiliates,” the source said. The Conops contain clear breakdown on how the Amisom troops should operate towards a gradual handover to the Somali forces. Though the guidelines seen by the Star do not indicate an actual date when the troops exit in 2021, the sources said KDF troops have been on a rigorous exercise, mentoring Somali forces through joint operations that will see them take over. “Our troops have been conducting joint offensive operations to degrade al Shabaab. In the operations, the aim has been to ensure Somalia forces are on the front line as we support them to remain tactical and professional,” another source said. This, he said, is key to helping the Somali forces understand the scope of operations and the type of enemy they are dealing with. According to Conops, the exit will be conducted gradually to allow a smooth transition. Though the guidelines seen by the Star do not indicate an actual date when the troops exit in 2021, the sources said KDF troops have been on a rigorous exercise, mentoring Somali forces through joint operations that will see them take over. EXIT PLAN Top military commanders under Amisom met last year and agreed on key operations and activities to be executed under the Mission’s new Conops, approved in 2018 by the Military Operations Coordination Committee (MOCC). The MOCC comprises of Chiefs of Defence Staff and designated representatives of Troop and Police Contributing Countries, the Federal Government of Somalia, the UN, development partners, and the AU Peace and Security Council. The Somalia Transition Plan is being implemented in three phases. Activities undertaken under the plan include the phased and conditions-based troops’ withdrawal and handing over of priority locations to the SSF, in the short term. Degrading of al Shabaab and securing main supply routes and support to the SSF as they take full charge of the country’s national security responsibilities will be priorities under the mid-term and long-term objectives. Sources told the Star the move would likely see the troops launch a Kismayo-like capture against Jilib, which is the only remaining town under al Shabaab. “Many towns and population centres are today not only accessible but interconnected. Today goods can move from the ports to the hinterland as KDF/Amisom open up and rehabilitates roads. Today we have a fully functional airport and maritime port in Kismayo,” the source said. “The Transition Plan fully recognises the importance of a conditional based drawdown and handover. The question of whether or not the mandate will be extended is dependent on the prevailing security situation and capacity of the SSF and critical institutions,” he said. The source added, “More importantly, Somalia, the United Nations Peace and Security Council and the African Union Peace and Security Council will make appropriate determinations when the time comes.” President Uhuru Kenyatta has always indicated that KDF will be committed in Somalia until a lasting solution is found. But the source said Kenyan troops in Somalia currently operate under Amisom as mandated by the UN to which Kenya is a member state. “Beyond the Somali stabilisation effort and the transition plan, KDF will continue to provide defence to Kenya as constitutionally mandated,” the source said. “KDF has conducted many Peace Support Operations around the world over the years. From this wide experience, KDF/Amisom envisions a smooth transition process. This process is well guided by the Somali Transition Plan. The exit, sources said, will see now the elite men and women focus on their constitutional mandate. This is protection against internal and external threats to Kenya’s territorial integrity and sovereignty, its people and their rights, freedoms, property, peace, stability and prosperity and other national interests. The troops are happy that their experience in Somalia, which started with the successful Operation Linda Nchi, saw them rehatted to Amisom. It has been a decade of tough mission in which the troops won majorly against the terror groups and also suffered casualties, memories that will live with them forever. The post Reality dawns as KDF gears up for smooth exit from Somalia first appeared on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Bar____Qubanaha-18102020.mp3 View the full article
  16. Hoos ka daawo The post Daawo Xasan Sheikh oo shaaciyey Musharaxnimadiisa Doorashada appeared first on . Source
  17. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta dib ugusoo laabtay Garowe ayaa Sadexdii todobaad ee lasoo dhaafay wuxuu ku mashquul sanaa Siyaasada Soomaaliya si xal [...] The post Madaxweyne Deni “ Uma socdo Villa Soomaaliya” appeared first on . Source
  18. Turkey has raised the estimated reserves in a gas field off its Black Sea coast to 405 billion cubic metres after finding an additional 85 billion cubic metres, President Recep Tayyip Erdogan said. Source: Hiiraan Online
  19. Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Odowaa Yuussuf Raage oo mudooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa degmooyin ka tirsan gobolka Gedo ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolkaas. Taliyaha ayaa ka soo baxay degmada Doolow, isagoo soo maray degmooyinka Beled-Xaawo iyo Luuq oo ka wada tirsan gobolka Gedo, waxuuna haatan ku suganyahay Garbahaarey. Socdaalka uu Taliyuhu ku tegay magaaladaas waxaa ku wehliyey mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo ee hoos taga dowladda federaalka, sida guddoomiyaha gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Mucalimow, iyo saraakiil ka tirsan milateriga Soomaaliya. Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo ayaa socdaalkaas ku macneeyay mid lagu xoojinayo dhismaha ciidamada milateriga Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya iyo sidoo kale dhiira gelinta ciidamada ay dowladu geysay gobolkaas. Waxay sheegeen in socdaalkan uusan xiriir la lahayn arrimo siyaasadeed iyo xiisadda gobolka. Maamulka Jubbaland oo horay uga hadlay socdaalka Taliyaha milateriga uu ku tegay gobolka Gedo iyo ciidamada ay dowladda federaaku ku daabushay ayaa tallaabooyinkaas ku tilmaamay duullaan ay gobolkaas ku soo qaaday dowladda Soomaaliya. Muddooyinkii dambe waxaa sii kordhayey walaaca ay qabaan shacabka ku nool degmooyinka gobalka Gedo, gaar ahaan degmada Ceel-waaq kadib markii ay cirka isku sii shareertay xiisadda u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland. Maalmihii lasoo dhaafay dowladda federaalka ayaa ciidamo hor leh geysay degmada Doolow iyo duleedka degmada Ceel-waaq oo ah halka degmo ee gobolka Gedo uga jirta gacanta Jubbaland. Ciidamadaas ayaa la sheegay inay dowladdu ku qabsa rabto degmada Ceel-waaq oo ay Jubbaland maamusho, waaxana dadka ku nool la soo deristay cabsi xoog leh. Xildhibaan Bashiir Faaqid oo ka tirsan baarlamaanka Jubbaland, isla markaana laga soo doortay gobolka Gedo oo maalin ka hor ka hadlay arrintan ayaa yiri, “DF waxay soo daad gureysay ciidamo kale halkii ay aheyd in kuwa jooga ay qaado wixii ay ka faa’ido annaga yeysan waxba naga siinin.” Xildhibaan Bashiir oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Annaga waan diyaarsanahay cidna uma aaba yeeleyno waxaan diyaar u nahay inaa difaacno gobalka Gedo wixii dagaal ama dhibaato ahna mas’uuliyaddeeda Farmaajo ayaa qaadaya.” Dhinaca kale, xiisadda ka taagan gobalka Gedo waxaa laga cabsi qabaa in ay sabab u noqoto bur bur ku yimaada heshiiskii doorashada Soomaaliya ee dhamaadka bishii la soo dhaafay lagu gaaray Villa Somalia. The post Ujeedka socdaalka Jeneral Odowaa ee Gedo xilli ay Jubaland qabto cabsi badan first appeared on Caasimada Online.
  20. Warbaahinta Puntland Post ayaa xog dheeraad ah ka heshay ciidamo gadoodsan oo maanta qabsaday xarunta weyn ee Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ee Boosaaso. Ciidamada gadoodka sameeyay ayaa ahaa ciidamo 16 September 2020 loo diray badda, kuwaas oo siyaabo kala duwan loo hawl galiyay, ayna soo diyaariyeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga Pumrland Cabdirisaaq Jaamac Aadam iyo Wasiir xigeenka wasaaradaas Cabdikhaalaq Maxamed Xeef. Sida ay ogaatay Puntland Post ciidanka ayaa dhammaa 20 askari waxayna ambabaxeen 16 september 2020, Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa bixisay lacag dhan $20,000 oo loogu talagalay sahayda safarta iyo gunnada ciidanka, waxaana lacagtaas soo qaaday Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga Cabdirisaaq Jaamac Aadan. Ciidanka ayaa ka soo laabtay shaqadii badda 15 october 2020, taas oo ka dhigan inay shaqeynayeen muddo hal bil ah, waxaana hoggaaminayay sarkaal lagu magacaabo Cabdi Abshir Geelle. Sidee ku dhacday qabsashada Wasaaradda? Maalinimadii shalay ahayd, waxaa yimid magaalada Boosaaso Wasiir xigeenka Wasaaradda iyo Agaasimaha guud, waxaana la sheegay inay galabnimadii la kulmeen sarakiisha ciidanka, xalay fiidkii ayay ciidanku bilaabeen inay xirtaan waddada xafiiska Wasaaradda, waxayna xabado ku sigeen Madaxa Xisaabaadka Wasaaradda, oo faro ciidiya leh kaga baxsaday in la dilo, waxaana xalay ciidamadaas u xirnaa dhammaan waddooyinka soo gala Wasaaradda. Agaasimaha guud iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradaas oo deegaan ahaan dhex dagan xafiisyada Wasaaradda, ayaa xalay ciidamadu u ogolaadeen in dhex seexdeen Wasaaradda, ayaga oo waliba wata istaaf, halka ay dadka kale u diideen inay agmaraan dhismaha Wasaaradda. Sidoo kale saaka waxaa loo diiday shaqaalaha Wasaaradda oo dhan inay galaan xafiisyada shaqada, halka Agaasimaha guud iyo Wasiir ku xigeenka ay ku jireen gudaha Wasaaradda, sida loo xaqiijiyay Puntland Post. Haddaba su’aalaha dhacdadan ka dhashay ayaa ah, ciidanka waxaan la siin mushaarkii ay xaqa u lahaayeen, haddaan la siin xagee la geeyay lacagtii laga soo qaaday Wasaaradda Maaliyadda? ciidanka gadoodey maxay shaqaalaha oo keliya ugu diideen inay galaan xafiisyada? maxayse madaxda qaar ugu ogolaadeen? yay ku gadoodeen, yayse u gadoodeen? miyaan la oran karin waa xoolo ninkii dhacayay uu dheelmayo. Shakiga waxaa sii ballaariyay, markii saaka Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland lacag degdeg ah ka dalbatay Wasaaradda Maaliyadda, si loogu xaliyo gadoodka ciidamada, iyadoo horey Maaliyaddu u bixisay lacag loogu talagalay ciidamadaas. Qabsashada ciidamada ee xarun wasaaradeed oo magac xumo ku ah Puntland ayaa ku soo aaday, xili madaxweynaha Puntland loogu sameynayay Garowe soo dhaweyn gaar ah. Agaasimaha guud iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland, waa kuwo sida la sheego awood dheeriya ka haysta madaxweynaha iyo saaxiibadiis. Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa ah wasaaradda labaad oo dakhliga ugu badan soo xareysa, sidoo kale waxay kamid tahay wasaaradaha musuqmaasuqu hareeyay. PUNTLAND POST The post Xog: Sidee ku dhacday qabsashadii ciidamada ee Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland? appeared first on Puntland Post.
  21. OPINION Addis Ababa — One year ago Prime Minister Abiy Ahmed of Ethiopia received the Nobel Peace Prize. The Nobel Committee cited his peacemaking endeavour and solution to the territorial conflict with Eritrea. It is ironic that, on the first anniversary of the award, the Deputy Ethiopia Prime Minister, Demeke Makonnen, called for armament of Amharas in Benishangul and Gumus region in Ethiopia. He justified his call to arm Amhara militias on grounds of what he calls “self-defence”. “ No leader can be indifferent to the massacre of his people” he told Ethiopian Defence Forces there. “The army cannot respond to any incident therefore Amharas must be armed” he added. Prime Minister Abiy Ahmed displaying his Nobel Peace Prize The Ethiopian Government has yet to comment on the statement of the Deputy Prime Minister, who was once known as a moderate Amhara politician. His remarks follow the abortive coup in the Amhara region one year ago. It is not a secret that segments of the Amharas have the ambition to breathe life into the unitary and feudal system that paved the way for the end of Haile Sellasie regime and the break-up of Ethiopia. “Failed coup in #Ethiopia’s state was an attempt by ethnic nationalists to restore Amhara hegemony over all of Ethiopia that existed for several centuries prior to 1991. That dream is now permanently dead.”tweeted Herman J. Cohen, a former US Ambassador to Ethiopia. The abortive coup spotlighted the fragility of Abiy Ahmed’s quixotic goals to rule Ethiopia through a totalitarian system while speaking the language of democratisation. His early speeches even took seasoned academics such Mohamud Mamdani for a ride. Keen to see his theories in Citizen and Subject implemented in Ethiopia, Professor Mohamood Mamdani rushed to the conclusion that the Ethiopian federal system has a lot in common with the indirect rule of the British Empire. The former Liberian President Ellen Johnson Sirlief praised the political programme of Abiy in a Financial Times op-ed. Armchair punditry or political gullibility is never a match for historically informed intervention shared without falling prey to personality cult. It is comforting to know that many non-Ethiopians who have fallen for the rhetoric of the Ethiopian Prime Minister now realise his political project (imposing one party on Ethiopia, putting opposition leaders behind bars and concocting a sophistic rhetoric he calls Medemer (synergy) are leading Ethiopia to the path of state collapse. His government has severed ties with the Tigray region, a decision that Seyoum Mesfin, the former Foreign Minister of Ethiopia, aptly describes as the “joke of the century in modern Ethiopian history”. The elder statesman said “sentimentality is not what can keep the Ethiopian unity.” Why does the decision to award Abiy Ahmed Nobel Peace Prize prematurely now look odd? “A Nobel Prize is worth less each year. What’s more, these awards no longer generate much interest or suspense “ argued Professor Tyler Cowen in Bloomberg. “Unfortunately, not all of the prizes are so well thought through. The Nobel Peace Prize this year went to the World Food Programme, part of the United Nations. Yet the Center for Global Development, a leading and highly respected think tank, anked he winner dead last out of 40 groups as measured for effectiveness. Another study by economists William Easterly and Tobias Pfutze in 2008, was also less than enthusiastic about the World Food Programme” Professor Cowen wrote. The 2019 Nobel Peace Prize awarded to Abiy Ahmed points to desire on the part of the Nobel Committee to redefine peace. For many Ethiopians the Nobel Peace Prize is stained with the blood of innocent people Ethiopian forces killed and maimed to keep a Nobel Laureate Dictator in power. Alfred Nobel had no dream to make his name synonymous with enablers of dictatorship. O tempora, o mores! Tareke Likke is a retired journalist based in Addis Ababa Ideas expressed in this essay are personal to the writer. The post Abiy Ahmed: From a Peacemaker to a Dictator appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddi xaqiiqo raadin ah oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ka dalbaday wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre inuu hor yimaado golaha si wax looga weydiiyo imtixaankii shahaadiga ahaa ee sanadkan ay qaaday wasaaraddu. Qoraal ka soo baxay guddigaas ayaa looga dalbaday wasiir Goodax inuu fadhiga golaha hor yimaado Arbacada soo socota. “Anigoo fulinaaya amarka guddoomiyaha golaha shacabka, waxaana si xushmad iyo qadarin leh kaaga codsanaynaa inaad noogu timaadiin xarunta Villa Hargeysa ee golaha shacabka, si aan wax kaaga weydiino natiijadii imtixaanka dugsiyada sare ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo uu ku saxiixanyahay Xildhibaan Khaalid Macow Cabdulqaadir. Qoraalka ayaa intaas ku daray, “Waxaan idinka rajeynaa inaad timaadaan xarunta Villa Hargeysa ee golaha shacabka maalinta Arbacada ee taariikhdu tahay 21-10-2020-ka.” Dalabka golaha shacabka ee u yeerista wasiirka waxbarashada ayaa yimid kadib markii ay imtixaanka dowladda sanadkan ku dhaxeen in ka badan 8,000 oo arday, kuwaas oo 90% ah ardayda wax ku baratay gobolka Banaadir. The post Goodax iyo ku-xigeenadiisa oo looga yeeray BF iyo kiiska ardayda dhacday oo meel sare gaaray first appeared on Caasimada Online.
  23. Kooxda Mahiraan waxay Madaxweyne Deni kusoo dhaweeyeen heestaan ee Daawasho wacan The post Daawo Heesta lagusoo dhaweeyey Madaxweyne Deni oo maanta Dalka kusoo laabtay appeared first on . Source
  24. Jowhar (Caasimada Online) – Xubno ka mid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle, oo la filayo in laga billaabo dhismaha baarlamanka cusub ee maamulka. Duubab dhaqameedyada maanta gaaray magaalada Jowhar waxaa garoonka diyaaradaha kuso dhaweyay masuuliyiin ka tirsan guddiga farsamadda iyo soo xulista Baarlamaanka labaad ee Hirshabelle. Duubabka dhaqanka ee maanta Jowhar lagu soo dhaweyay waxaa ka mid ahaa Imaam Maxamed Yuusuf, Ugaas C/raxmaan Ugaas Cabdullaahi, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Ugaas Maxamed Wali Xuseen Islow waxaana ujeedka Jowhar ay u tageen lagu sheegay sidii ay wax uga soo xuli lahayeen Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hirshabelle. Ujeedka oday dhaqamedyada ay maanta u yimaadeen magaalada Jowhar ayaa ah sidii loo soo xuli lahaa xildhibaanada labaad ee baarlamaanka Hirshabelle. Mudada xil haynta Dowlad goboledka Hirshabelle ayaa soo gabagabowday iyadoo lagu wado in illaa horaanta bisha soo socota ee November la qabto doorashada madaxweynaha HirShabelle. Si kastaba waxaa weli jira muran ka taagan arrintan ayada oo mid ka mid ah beelaha Hiiraan ay diiday doorashada xildhibaanada kadib markii ay soo baxday in xilka madaxweynaha oo horey ay u haysteen markan lagula tartamayo. The post Oday beeleedyo gaaray Jowhar iyo wararkii ugu dambeeyey doorashada HirShabelle first appeared on Caasimada Online.
  25. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen daacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Habeen-18102020.mp3 View the full article