-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Khudbad ka jeediyey Jaamacadda Burco oo ay Maanta ka qalin-jebiyeen Arday gaadhaysa 500, kuwaasi oo bartay Kuliyado kala duwan. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu khudbaddiisa soo hadal-qaaday dil fool xun oo dhawaan Magaalada Burco loogu geystay Hooyo Magaceeda ahaa Ugbaad Cali, taasi oo haysatay saddex Carruur ah isla-markaana ka mid ahayd Ardayda Jaamacadda Burco. “Waxaan shacabka Somaliland ka tacsiyadeynayaa, gaar ahaan ardeyda maanta ka qalinjabinaysa jaamacadda Burco , gaar ahaan haweenka, dilkii foosha xumaa ee lagula kacay Ugbaad Cali oo maanta kamid ahaan lahayd ardeyda qalinjabinaysa jaamacadda, waxaanan farayaa hay’addaha garsoorka in hawsha sida ugu dhaqsaha badan loo dadajiyo , balana waxaan ku qaadaya inaan hore ka fuliyo marka uu isoo gaadho.” ayuu yidhi, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Ciddii dilka geysatay Sharciga la marinayo, sidaasi darteedna wuxuu u digay Dad uu sheegay inay Faro-gelin ku sameeyaan Kiisaska Maxkamadaha ku jira, waxaanu xusay in arrintaasi marka ay isaga soo gaadho uu si deg-deg ah loo fulin doono. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliiska ee dowladda federaalka, Genaral Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa soo saaray wareegto uu xilka uga qaaday taliyeyaal, sidoo kalena ku magacaabay kuwa cusub oo bedalaya. Warqadda ka soo baxday xafiiska taliye Xijaar oo ay aragtay Caasimada Online ayaa waxaa xilkii looga qaaday taliyaha saldhigga ciidamada Booliiska degmada Shibis ee gobolka Banaadir, waxaana xilkaas loo magacaabay, Cabdicasiis Axmed Baashane oo horey u soo noqday taliyaha saldhigga degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir. Hase’yeeshee Baashane ayaa xilkaas laga qaaday, kadib weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday hotela Elite ee ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa wareegtadan xilkii looga qaaday taliyaha ciidamada Booliiska ee qeybta Bari, waxaana loo magacaabay Gaashaanle Mahad Korow. Korow ayaa sidoo kale bedalaya taliyihii hore ee degmooyinka la’isku qeybta Waliyow Cadde ee magaalada Muqdisho. Taliyeyaasha la magacaabay ayaa waxaa sidoo kale la faray inay gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, islamarkaana ay si deg-deg ah ula wareegaan xilalka. Xilka qaadista & magacaabistan ayaa ku soo aadeysa, saacado uun kadib markii uu xalay taliyaha ciidamada Booliiska uu kormeer ku tegay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir. Si kastaba dowladda Soomaaliya oo isku diyaarineyso doorashooyin ayaa maalmihii u dambeeyey qaaday tallaabooyin lagu sugayo ammaanka magaalada Muqdisho. The post Taliye XIJAAR oo xilalka ka qaaday dhowr taliye kuwa cusubna magacaabay (Aqri) first appeared on Caasimada Online.
-
Kooxda Daacish ayaa cambaareysay xiriirka ay Imaaraadka Carabta iyo Bahrain la sameysteen Israel, waxaana ay ku baaqday weeraro aargudasho ah oo laga fuliyo Sacuudi Carabiya. Afhayeenka Daacish Abu Hamza al-Quraishi ayaa cod muuqaal ah oo lasoo dhigay barta Telegram waxa uu ku sheegay in heshiisyada lala galay dalka Yahuudda uu la macno yahay “qiyaameyn lagu sameeyey” Islaamka. Bahrain iyo Imaaraadka Carabta ayaa labadaba xulufo la ah Saudi Arabia, oo weli aan xiriir diblomaasiyeed oo rasmi ah la yeelan Israel. Sacuudiga waxay sheegeen in xiriir ay la yeeshaan Israel uu ku xiran yahay in la helo dal ay leeyihiin Falastiiniyiinta, inkasta oo la rumeysan yahay inuu xiriir hoose kala dhaxeeyo. Afhayeenka Daacish ayaa dagaal-yahanada kooxdiisa iyo Musliimnta kale ugu baaqay inay weeraro ka dhan ah reer galbeedka ka fuliyaan boqortooyada Sacuudiga oo ay ku yaalaan labada goobood ee ugu barakeysan Islaamka. PUNTLAND POST The post Daacish oo ka jawaabtay xiriirka Imaaraadka, Bahrain iyo Israel appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Shil baabuur ayaa Saaka ka dhacay jidka u dhexeeya Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa, waxaana ka dhashay khasaare baaxaad leh. Gaadhi weyn oo nooca Xamuulka qaada ah ayaa ku qalibmay meel ku dhow Dooxa Dacar oo ku yaalla jidka Berbera iyo Hargeysa, waxaana halkaa ku baaba’ay dhammaan Xoolihii uu siday oo Adhi ahaa iyo gaadhigii oo aad u burburay. Gaadhiga ayaa siday boqollaal neef oo ah, dhammaantoodna Shilka ayaa ku bakhtiyeen. illaa hadda War lagama hayo khasaare soo gaadhay Dadkii Gaadhiga la socday, Laanta Nabadgalyada Waddooyinka iyo hay’adaha Amniguna illaa hadda kama hadal Source
-
Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congress-ka dalka Mareykanka ayaa jawaab kulul ka bixisay eedeyntii uu dambeysay oo uu u jeediyey madaxweyne Donald Trump oo ay isku hayaan arrimaha siyaasadda ee waddankaasi. Qoraal ay Ilhaan soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayey ku sheegtay in weerarada ay kala kulanto iyada & siyaasiyiinta kale ay yihiin kuwa shirqool ah, sida ay hadalka u dhigtay. Ilhaan oo sidoo kale tixraaceysay eedeyntii uu Trumo uga jeediyey ololihii la qabtay Jimcihii la soo dhaafay ayaa sidoo kale sheegtay inuu weerar ku hayo nolosheeda gaarka ah. “Weerarada is-daba jooga ah ee aan kala kulano Trump waa kuwo shirqool ah ee aniga iyo siyaasiyiinta kale ee haweenka ah ee caanka ah maaha kaliya ragga,” ayey tidhi. Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in hanjabaadyada uu u dirayo madaxweynaha ay is-daba joog noqdeen muddooyinkii u dambeeyey, taan oo ka dhan ah nolosheeda. “Tan waxay u horseedayaan hanjabaado is-daba joog ah oo ka dhan ah nolosheena,” ayey sii raacisay Ilhaan Cumar. Si kastaba waxaa muddooyinkii la soo dhaafay sii kordhayey eedeymaha kulul ee ay dhanka warbaahinta isku marinayeen madaxweyne Trump iyo Ilhaan Cumar oo dagaalkooda siyaasadeed soo billowday. kadib markii Trump loo doortay madaxweynaha Mareykanka Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa barqanimadii maanta gacanta ku dhigay haweeney la sheegay inay caruur soo xaday, taas oo lagu qabtay qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in haweeneydaasi goor dhow lagu qabtay xaafadda lagu magacaabo, Xasan Jiis oo ka tirsan degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in marka la qabanayeyay aY la socotay mooto ay ku wadatay labo cunug, waxaana ceyrsanayey dadka deegaanka. Ciidamo ka tirsan kuwa ammanka oo ka ag-dhowaa goobta ayaa markii dambe ku soo baxay buuqa, waxayna gacanta ku dhigeen haweeneydaas iyo ilmaha ay wadatay. Wararka aan helnay ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in rasaas ay fureen ciidamada ammaanka ay ku dhaawacantay haweeney ka mid ah dadka deegaanka, taas oo la soo wariyey in markii dambe ku geeriyootay isbitaalka. Ma jiro weli wax faah faahin ah oo saraakiisha laamaha ammaanka ay ka bixiyeen falkaasi, balse waxaa lagu soo warramayaa in haweeneyda la geeyey saldhigga. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka taagnaa cabsi xoogan oo ku aadan caruurta la xado oo aad ugu soo badanayey caasimada, iyadoona shalay ay ugu dambeysay gabar 18 jir aheyd laga afduubtay gudaha degmada Howl-wadaag, sida ay warbaahinta u sheegeen waalidiinteeda, sidoo kale dhowaan ayey aheyd markii labo nin oo ku sugnaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose lagu qabtay falkan oo kale. The post Haweeney soo 'afduubatay' caruur oo lagu qabtay Xamar first appeared on Caasimada Online.
-
Muxuu Turkiga Cududisa & awooddiisa milatari ugu fidinayaa caalamka? Wax yar kadib markii muranka muddada dheer ka taagnaa gobolka Koonfurta Caucasus uu bishii lasoo dhaafay isu baddalay dagaal gacan ka hadal ah, Turkiga wuxuu garan istaagay xulafadiisa ku sugan waddanka Azerbaijan. Wuxuu siiyay hub iyo sida la sheegay ciidan laga soo weeciyay dhinaca waddanka Suuriya, inkastoo xukuumadda Ankara ay beenisay arrimahaasoo dhan. Si ka duwan dalalka kale ee dibadda, oo dalbaday in si deg deg ah xabadda loo joojiyo, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhiggiisa dalka Azerbaijan, Ilham Aliyev, ku boorriyay inuu dagaalka sii wado. Gobolka Caucasus waa mid ka mid ah meelihii ugu dambeeyay ee uu Turkiga ku fidiyay murqisiisa, xilli milatariga Ankara ay isku ballaadhiyeen laga billaabo Turkiga ilaa meelo badan oo ka tirsan badda Mediterranean-ka. Waa kuwee meelaha uu Turkiga ku lug leeyahay Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, Turkiga wuxuu: qaaday saddex howlgal milatari oo uu ka fuliyay waddanka Suuriya ciidamadiisa milatariga ah u diray inay kasoo dagaallamaan Liibiya ciidamadiisa badda geeyay dhinaca bari ee badda Mediterranean-ka si ay u difaacaan qeybta uu ka sheegto gobolkaas ballaadhiyay howlgalladiisa milatari ee ka dhanka ah fallaagada Kurdiyiinta ah ee PKK ee waqooyiga dalka Ciraaq milatari xoojin ah u diray gobolka Idlib ee suuriga, oo ah meesha ugu dambeysa ee ku jirta gacanta xoogagga fallaagada dhawaan ku hanjabay inuu howlgal milatari oo cusub ka fulin doono waqooyiga Suuriya si uu ula dagaallamo “kooxaha argagixisada ah ee hubeysan”. Turkiga waxay sidoo kale ciidamo milatari ah ka joogaan waddamada Qadar, Soomaaliya iyo Afghanistan, wuxuuna ciidamo nabad ilaalin ah ku hayaa gobolka Balkans, oo ku yaalla Yurub. Saameynta ay milatariga ku leeyihiin caalamka waa tii ugu ballaarneyd ee uu sameeyo wixii ka dambeeyay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Maxay salka ku heysaa diblomaasiyadda cusub ee uu Turkiga ka leeyahay dibadda? Sanadkii 2015-kii ayuu soo billowday dadaalka uu Turkiga ugu jiro inuu xoojiyo danihiisa dhinaca arrimaha dibadda, markaasoo la abuuray gole howlahaas qaabilsan. Golahan oo Reer Galbeed diid ah ayaa aaminsan in hadda awoodda waddamada reer galbeedka ay hoos u sii dhaceyso, loona baahan yahay in Turkiga uu kaalintaas buuxiyo, xidhiidh dhowna la yeesho dalalka ay ka midka yihiin Ruushka iyo Shiinaha. Hannaanka siyaasdada Arrimaha Dibadda ee Turkiga wuxuu aaminsan yahay in waddankan ay ku hareereysan yihiin dalal cadowgiisa ah garabkiisa ay ka baxeen xulafadiisii Reer Galbeedka. Sidaas darteed waxay golaha dowladda Turkiga ku boorriyeen inay xoogga saarto siyaasadaheeda dhinaca dhibadda, awood milatarina u adeegsato meelaha ka baxsan xuduudaheeda. Qorshahan wuxuu aad uga duwan yahay siyaasadihii hore ee Turkiga oo u janjeeray dhanka hagaajinta diblomaasiyadda, ganacsiga dibadda iyo dhaqamada uu ku xoojinayay xiriirka dalalka kale. Isbaddalkan waxaa horseeday arrimo ka dhacay gudaha Turkiga iyo caalamkaba. Maxaa isbaddalay? Turkiga ayaa howlaha uu hadda wado billaabay markii doorashadii baarlamaanka ee 2015-kii aqlabiyadda aqalka markii ugu horreysay muddo toban sano ah looga adkaaday xisbiga talada haya ee AKP, Guul darradaas waxay timid markii ay horumar sameeyeen xisbiga Kurdiyiinta taageersan ee magaciisa loo soo gaabiyo HDP. Si uu dib ugu hanto aqlabiyaddii xisbiga talada haya, Mr Erdogan wuxuu xulafo ka dhigtay xisbiyada qarannimo doonka ah ee garabyada midig iyo bidix labadaba. Way taageereen markii uu dib u billaabay dagaalkiisa ka dhanka ah fallaagada Kurdiyiinta gooni u goosadka damacsan. Taageeradooda waxay Erdogan u sahashay inuu awooddii baarlamaaniga ahayd ee waddanka u baddalo mid madaxweyne, taasoo isaga ka dhigtay qofka awoodda ugu sarreeya gacanta ku heysta. Gacansaarkii uu la sameystay xisbiyada qaran jacaylka u go’ay iyo awooddii uu kordhistay waxay fure u noqdeen mowqofyada awood raadinta iyo ficillada milatariga ee uu Turkiga ku wajahayo Arrimaha Dibadda. Afgambigii fashilmay ee sanadkii 2016-kii ayaa isna door muhiim ah ka ciyaaray in nidaamkan uu cago adag ku istaago. Sidauu afgambiga u baddalay arrinta Sida uu qabo madaxweyne Erdogan, afgambiga dhicisoobay waxaa soo abaabulay nin ay horay xulafo u ahaayeen oo lagu magacaabo Fethullah Gulen, oo ah wadaad islaami ah oo iskiis dibad joog ugu ah gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka. Arrimaha uu sababay afgambigaas ee uu ka faa’iideystay madaxweynaha Turkiga waxaa ka mid ah in lasii xoojiyay xiriirkii saaxiibtinnimo ee uu la sameystay xisbiyada qaran doonka ah. Howlgal ka dhan ahaa shaqaalaha dowladda ayaa shaqada looga eryaya dad ka badan 60,000 oo lagu tuhmay inay xidhiidh la leeyihiin Gulen, kuwaasoo qaarkood xabsiga loo taxaabay. Goobihii shaqada ee bannaanaaday waxaa laga buuxiyay dadka daacadda u ah Erdogan iyo taageerayaasha qaran doonka. Afgambiga fashilmay wuxuu sidoo kale xoojiyay fikirkii ay horay u qabeen isbahaysiga qaran doonka, oo aaminsanaa in dalalka reer Galbeedka ay raalli ka yihiin cadowga Turkiga ee dibadda jooga. Ujeeddada ugu weyn ee uu Turkiga ka leeyahay Liibiya waa sidii uu u xaqiijin lahaa dowladda Serraj, taasoo iyana laga doonayo inay hirgaliso ujeeddo ay leeyihiin Erdogan iyo xulafadiisa qaran doonka ah, waana arrinta ku saabsan Bariga Badda Mediterranean. Qeyb ka mid ah baddaas oo uu kheyraad gaas ah ka buuxo ayey Turkiga sheeganayaan, waxayna ku muransan yihiin Giriigga iyo Qubrus. Muranka ka aloosan biyahaas wuxuu salka ku hayaa sida loo kala qeybsanayo kheyraadka. Maxaa xiga? Siyaasiyiinta qaran doonka ah waxay Erdogan kula taliyeen inuu dagaalka sii wado. Sarkaal howlgab ah oo ka mid ah dadka qarannimada u ololeeya, oo lagu magacaabo Cihat Yayci, ayaa ku dooday in Giriigga uu doonayo faragalin uu ku sameeyo galbeedka Turkiga, wuxuuna Erdogan ugu baaqay inuusan waligiis wadaxaajood la galin xukuumadda Athens. Madaxweynahana uma furna waddo aan ka ahayn inuu taladaas qaato. Kaddib markii uu dhawaan ku guul darreystay ra’yi aruurin laga sameeyay gudaha dalkiisa, qaran doonka ayaa u qaabilsan dhinaca gudaha, isaguna wuxuu diiradda saarayaa amuuraha dibadda. Qaran News
-
Sawirka fashiliyey in anigoo yar la i xaday Sawir kale oo la qaaday sannado kaddib kii hore ayaa laga arki karaa isu ekaansho qeyrul-caadi ah Bishii April ee sanadkii 1997-kii, haweeney soo xiratay dharka kalkaalisooyinka ayaa isbitaal ku yaalla magaalada Cape Town ka qaadatay ilmo yar oo saddex maalmood dhallanaa. Waxay ilmaha kala baxday qeybta dhalmada, xilli hooyada ay jiiftay. Si lama filaan ah ayey gabadhii waagaas la xaday oo 17 jir ah ku ogaatay sirta ku saabsan in iyadoo yar laga soo xaday qoyskeeda. Waxay ogaatay qofka saxda ah ee ay tahay iyo khiyaanada qoyska ay kusoo kortay iyadoo u heysata waalidiinteeda. Miché Solomon waxay markaas billaabeysay sanadkeedii ugu dambeeyay ee waxbarashada dugsiga sare, oo ay ka dhiganeysay magaalada Cape Town, dalka Koonfur Afrika. Maalin ka mid ahayd bishii January ee sanadkii 2015-kii, Miché, oo 17 jir ahayd, waxaa kusoo soo xoomay ardayda kale ee iskuulkeeda, kuwaasoo si xiiso leh ugu sheegayay gabar cusub oo kusoo biirtay Iskuulka, oo lagu magacaabo Cassidy Nurse, taasoo ka yareyd saddex sano laakiin ay aad isugu egyihiin. Miché markii ugu horreysay ee arrintan loo sheegay waxba kama aysan soo qaadin, aadna ugama aysan fakarin. Laakiin markii goor dambe ay labada gabdhood ku kulmeen barxadda iskuulka, Miché waxay sheegtay inay dareentay wax aysan sharrixi karin. “Waxay ila noqotay sida inaan horay u aqaannay oo kale,” ayey tiri. “Waan naxsanaa- ma fahmi karin sababta uu dareenkaas ii galay.” Inkastoo ay da’ dhowr sano ah u dhaxeysay, Miché iyo Cassidy waxay billaabeen inay waqti badan isla qaataan. “Waxaan dhihi jiray, ‘Haye gabadha yar!’ Iyaduna waxay i dhihi jirtay, ‘Haye walaashey iga weyn!'” ayey tiri Miché oo dib u xasuusaneysa marxaladdaas. “Mararka qaar waxaan u raaci jiray suuliga anigoo ku dhahaya aan timaha kuu shanleeyo, aan kuu hagaajiyo labiska.” Markii uu qof weydiiyo Miché iyo Cassidy inay walaalo yihiin, waxay si kaftan ah u dhihi jireen, “ma garaneyno – waxaa laga yaabaa inaan nolol kale walaalo ku nahay!” Kaddib maalin maalmaha ka mid ah, labada gabdhood sawir ayey isla galeen, waxayna tuseen saaxiibbadooda kale. Qaarkood waxay Miché weydiiyeen inay hubto in waalidkeeda ay soo korsadeen kaliya, oo qoys kale ay kasoo jeeddo. Laakiin waxay ku adkeysatay inay dhahdo: Maya! Waallida iska dhaafa!”. Miché Solomon today Markaas kaddib Miché iyo Cassidy waxay aadeen guryahooda, waalidiintooda ayeyna kala tuseen sawirkii. Lavona, oo ah Miché hooyadeed, oo mar kasta suuqa geyn jirtay, filimaantana soo lasoo daawan jirtay ayaa ka hadashay sida ay labada gabdhood isugu egyihiin. Michael, oo isagana ah Miché aabaheed, ayaa sheegay inuu yaqaanno saaxiibadda cusub ee gabdhiisa – Cassidy aabeheed wuxuu lahaa dukaan qalabka korontada lagu iibiyo, halkaasoo uu mararka qaar wax kasoo qadan jiray. Laakiin Cassidy waalidiinteeda, Celeste iyo Morne Nurse, markii ay sawirka arkeen waxay galeen xasuus. Waxay Cassidy ka dalbadeen inay su’aal soo weydiiso Miché, marka xiga oo ay kulmaanna ay weydiiso: “Ma waxaad dhalatay 30 April 1997?” Way u tagtay, su’aashii ayeyna u bandhigtay. “Waxaan ku irir, ‘Maxay tahay sababta? Ma waxaad dabagal ku sameyn rabtaa Facebook-geyga?'” ayey tiri Miché. Cassidy waxay u xaqiijisay Miché inaysan facebook-geeda wax dan ah ka lahayn balse ay dooneyso oo kaliya inay ogaato waqtiga ay dhalatay. Markaas ayey Miché ka jawaabtay su’aashii, waxayna sheegtay inay dhalatay 30 April 1997. Dhowr isbuuc kaddib, Miché waxaa si lama filaan ah xafiiska maamulaha looga yeeray iyadoo ku jirta fasalkeeda xisaabta. Labo qof oo ka socda waaxda arrimaha bulshada ayaa xafiiska ku sugayay. Waxaay Miché looga sheekeeyay qiso ku saabsan gabar saddex cisho dhallaneyd, oo magaceedu ahaa Zephany Nurse, taasoo 17 sano ka hor laga afduubtay isbitaalka Groote Schuur ee magaalada Cape Town, waligeedna aan dib loo helin. Miché way iska dhageysatay qisadii, iyadoo aan fahansaneyn sababta loogu sheegayo. Kaddib shaqaalihii waaxda arrimaha bulshada waxay sharraxaad ka bixiyeen inay caddeymo u hayaan in Miché ay noqon karto ilmahaas la xaday intaasoo sano ka hor. Si ay wax u saxdo, Miché waxay sheegtay inaysan ku dhalanin isbitaalka Groote Schuur – oo ay ku dhalatay isbitaalka Retreat, oo 20 daqiiqo gaari loogu socdo. Sidaas ayey sheegtay inay ku qoran tahay warqaddeeda dhalashada. Laakiin shaqaalihii waaxda arrimaha bulshada waxay u sheegeen inaysan isbitaalkaas ka diiwaan gashaneyn. ,Lavona Solomon oo la sawiran Miché, markii ay gurigeeda geysatay Iyadoo wali aaminsan in khalad weyn la sameynayo, waxa la sheegayana aysan waxba ka jirin, ayey Miché aqbashay in laga qaado tijaabada dhacaanka hiddasidaha ee DNA-da. “Waxaan si dhab ah u aaminsanaa in hooyada isoo korsatay aysan waligeed been ii sheegin, gaar ahaan marka ay timaado qofka aan ahay iyo meesha aan kasoo jeedo,” ayey tiri Miché. “Sidaas darteed waxaan hubay in natiijada DNA-da ay guul darreysan doonto.” Laakiin xaaladdu ma noqonin sidii ay rajeyneysay. Natiijadii waxay soo baxday maalintii xigtay, waxaana lagu xaqiijiyay in Miché Solomon iyo Zephany Nurse, oo ah ilmihii isbitaalka Groote Schuur laga xaday 1997-kii, ay yihiin hal ruux. “Halkii ayaan iska fariistay anigoo argagaxsan,” ayey tiri Miché. “Nolosheyda oo dhan faraha ayey baxday.” Sheekada ku saabsan in Miché ay tahay ilmihii yaraa ee la xaday ayaa durba qabsatay warbaahinta Koonfur Afrika iyo guud ahaan caalamka, halkaas ayeyna si deg deg ah isugu baddashay nolosheedii oo dhan. Waxaa loo sheegay inaysan ku noqon karin guriga qoyskii soo korsaday – oo ay ku khasban tahay in meel amaan ah la geeyo muddo 3 bilood ah oo ka dhiman inay noqoto 18 jir, markaasoo ay go’aan iskeeda ah ku gaari karto qoyska ay raaceyso. Waxyar kaddib Miché waxaa soo gaaray war naxdin leh. Lavona Solomon, oo ah haweeneydii ay waligeed u heysatay inay tahay hooyadeed, ayaa xabsiga loo taxaabay. “Arrintaas aad bay ii niyad jabisay, waxaan u baahnaa inaan weydiiyo, ‘Sabab? Maxay yihiin waxa dhacaya?’ Aad baan ugu wareeray sheekada ku saabsan inay qosy kale i dhaleen,” ayey tiri. Miché oo 8 bilood jirta iyo Michael Miché goob joog ayey ahayd markii ay booliska su’aalaha weydiinayeen Michael – oo ah ninka ay waligeed u heysatay inuu aabaheed yahay. Waxaa la baarayay inuu wax ka qorsheeyay afduubka ilamaha yar ee ay xaaskiisa xadday. “Waan arkayay sida uu u walwalsanaa, waxaan u jeeday indhihiisa oo xinjir dhiig ah u ekaaday, aad baana uga naxay,” ayey tiri. Booliska markii dambe wax caddeyn ah way u waayeen in Michael Solomon uu wax ka ogaa afduubka gabadha yar, iyo in aan fasax laga soo qaadanin waalidiinteeda. Waana la iska sii daayay. Lavona Solomon (oo iyadoo wajiga daboolaneysa) tagtay maxkamadda sare ee Cape Town Michael wuxuu sheegay in Lavona ay uur lahayd, uuna u maleynayay in ay gabadha iyada dhashay. Waxaa loo maleynayaa inuu uurkeedii kasoo dilmay kaddibna ay iska dhigi jirtay sidii qof uur leh. Inkastoo Celeste iyo Morne Nurse ay gabadha laga xaday kaddib saddex caruur ah oo akle dhaleen, haddana waligood ma aysan joojinin raadinta curaddooda – xitaa kaddib markii ay isfureen. Sanad kasta waxay dhigi jireen xafladdeeda dhalashada. Laakiin kama aysan war qabin in gabadhooda ay ku koreysay guri aan sidaas uga fogeyn, oo mararka qaar xitaa ay iyadoo ordheysa barxaddooda mari jirtay. Ugu dambeyntii Miché waxay dib ula midowdo waalidiinteeda saxda ah. Intii ay dacwadda socotay oo dhan Lavona Solomon waxay inkirtay inay wax khalad ah sameysay. Hase yeeshee garsooraha wuxuu sheegay in caddeymo badan loo helay dambigeeda. Sanadkii 2016-kii ayaana lagu xukumay 10 sano oo xarig ah. Michael waxay go’aan ku gaartay inaysan ka tagin qoyskii ay kusoo kortay, waligeedna ay u heysatay inay waalidkeeda yihiin. Si joogto ah ayey xabsiga ugu booqataa Lavona, xitaa isagoo masaafe dhan 120km u jira halka ay ku nooshahay. Lix sano ayaa hadda uga dhiman waqtiga xabsiga lagu xukumay. Miché waxay sheegtay inay dharareyso inta uu waqtigaas ka dhammaanayo, iyadoo wali gurigii ay kusoo kortay ku sugeysa inay dib usoo laabato hooyadeed. Hadda iyada lafteeda waa la guursaday, waxayna heysataa labo carruur ah. Arrinta kale ee la yaabka leh waxay tahay in Miché Solomon aysan iska baddalin magacii ay kusoo kortay. Qaran News
-
Muxuu galabsaday oo loo xidhay ninkan baraha bulshada caanka ka ah? qaraabadiisa ayaa sawirkaan soo dhigay baraha bulshada Nin u dhashay dalka Masar oo wax ku qora baraha internet-ka isla markaana ah madadaaliye ayaa la sii daayay ka dib muddo ka badan laba sano oo uu xirnaa.Shadi Abu Zeid, oo 27 jir ah ayaa la xiray bishii May ee sanadkii 2018 isagoo lagu eedeeyay inuu faafiyay warar been abuur ah uuna ka tirsan yahay koox argagixiso ah. Waxyaabaha uu diiradda saari jiray waxaa ka mid ah arrimaha bulshada kuwaas oo qaybo kala duwan isugu jira. Sanadihii u dambeeyay boqolaal dhaqdhaqaaqayaal ah iyo dadka wax ku qora baraha bulshada ayaa la xukumay iyagoo faafinaya warar been abuur ah iyo caawinta kooxda Ikhwaanul Muslimiin ee hadda la mamnuucay. Ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay madaxweyne Cabdul Fattax Al-Sisi inuu saarayo cadaadis aan horay loo arag oo ka dhan ah mucaaradka ka dib markii uu hogaaminayay afgembigii militariga ee hogaamiyihii ugu horeeyay ee si dimoqraadi ah loo soo doorto Masar sanadkii 2013-kii xukunka lagaga tuuray. Abuu Zeid wuxuu bilaabay inuu ku daabaco barnaamijiyo kala duwan oo la xiriira faallooyin qosol leh iyo wareysiyo kuwaas oo muujinayay arrimo badan oo bulshada dhexdeeda ka jira ah, sida eex diimeed iyo faraxumeyn galmo. Qoyskiisa ayaa soo dhigay sawirro muujinaya inuu la midoobay kuwii uu jeclaa ka dib markii la sii daayay Sabtidii. Inkasta oo la sii daayay haddana toddobaad walba waxaa uu tagi doonaa saldhiga booliska si ay ula socdaan xaaladiisa Qaran News
-
Yuusuf Garaad oo farriin cajiib ah u diray xukuumadda cusub
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar oo war qoraal ah soo saaray ayaa farrin cajiib ah u diray xukuumadda cusub ee uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Garaad oo qoraalkan soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-giisa ayaa marka hore tusaale u soo qaatay sawir ay ku jiraan sagaal wasiir oo ka mid ahaa xukuumaddii hore sidoo kalena uu ku jiro isaga, kuwaas oo qaarkood ay dhinteen, kuwana laga saaray golaha, halka kuwa kalena ay xukuumadda ka tirsanaayeen illaa laga rido. Yuusuf Garaad ayaa yiri ” Xusuus keliya ma aha ee mar kasta oo aan masawirkan eego wuxuu igu dhaliyaa feker hor leh. Wuxuu i taabsiiyaa sida marka aan qorshe sameysaneyno aan u moog nahay tan Rabbi.” Sidoo kale wuxuu ugu baaqay wasiirada cusub ee imaan doono in aysan noqon qorshe la’aan, islamarkaana ay muhiim tahay in la yimaadeen qorshe guud oo dan u ah dalka. “Haddii uu magacaagu ka soo dhex muuqdo Golaha Cusub ee la sugayo, qorshe la’aan ha noqon. Laakiin qorshahaagu yaanuu ku koobnaan sida aad jeclaan lahayd oo keliya,” ayuu markale yiri hadal yaqaan Yuusuf Garaad Cumar. Halkan hoose ka aqriso:- Waa 2017. Waa sagaal Wasiir oo garbaha isku haya oo ka mid ah Xukuumad uu markaa uun Baarlamaanku kalsooni siiyay laguna hor dhaarinayo. Xusuus keliya ma aha ee mar kasta oo aan masawirkan eego wuxuu igu dhaliyaa feker hor leh. Wuxuu i taabsiiyaa sida marka aan qorshe sameysaneyno aan u moog nahay tan Rabbi. Sagaalka Wasiir ee sawirka ka muuqda, saddex ka mid ahi waa ay geeriyoodeen. Allah ha u naxariisto. Saddex waa laga saaray Golaha. Saddexna waxay ka mid noqdeen Xukuumaddii uu Baarlamaanku kalsoonida kala noqday Bartamihii 2020, iyaga oo kala qeybsan oo qaarna ay ridayaan Golihii ay ka tirsanaayeen, qaar laga tiro batayna ay is leeyihiin daafaca. Sagaalka Wasiir ee garbaha isku hayay, ku socday qorshaha Xukuumaddu, dariiqyada aan qaar ka soo noqoshada lahayn ee ay mareen, midna kuma fekereyn maalintaas. Haddii uu magacaagu ka soo dhex muuqdo Golaha Cusub ee la sugayo, qorshe la’aan ha noqon. Laakiin qorshahaagu yaanuu ku koobnaan sida aad jeclaan lahayd oo keliya. Is weydii sida dhici karta oo iyadana ka feker. The post Yuusuf Garaad oo farriin cajiib ah u diray xukuumadda cusub first appeared on Caasimada Online. -
Madaxweynaha Galmududug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Agaasime cusub u magacaabay Madaxtooyada maamulkaas. Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Qoorqoor ayaa Cismaan Macallin Xasan loogu magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug. Magacaabista ayaa soo baxday, sida la sheegay markii Madaxweynuha Galmudug garowsaday baahida degdega ah ee loo qabo dardargelinta hawlaha hortabinta leh. Cismaan Macalin ayaa la sheegay inuu yahay aqoonyahan xirfad dheer u leh arrimaha maamulka iyo horumarinta dhaqaalaha, isagoona kasoo shaqeeyay dalka iyo dibadaba. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoorqoor oo xil cusub magacaabay appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta magacaabis sameeyey, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa. Qoor Qoor ayaa agaasimaha cusub ee madaxtooyada maamulkaasi ee Dhuusamareeb u magacaabay, Mudane Cusmaan Macallin Xasan oo ah aqoonyahan xirfad dheer u leh arrimaha maamulka & horumarinta dhaqaalaha. Cismaan oo ah nin dhalinyaro ah ayaa sidoo kale sanadyadii u dambeeyey ahaa guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga Soomaaliya (SIU). Sidoo kale waxaa digreetadan lagu shaaciyey in magacaabistan ay timid, kadib markii madaxweynuhu garowsaday baahida degdega ah ee loo qabo dardargelinta hawlaha hortabinta leh ee madaxtooyada Glamudug. Halkan hoose ka aqriso wareegtada: Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa Md Cusmaan Macallin Xasan loogu magacaabay Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada Galmudug. Cusmaan Macalin ayaa ah aqoonyahan xirfad dheer u leh arrimaha maamulka & horumarinta Dhaqaalaha. Isagoona kasoo shaqeeyay dalka iyo dibadaba. Wuxuu ka mid ahaa aqoonyahankii Soomaliyeed ee dadaalka mugga leh ku baxshay soo kabashada waxbarashada hoose iyo midda sare ee dalka. Isagoona sanadyadii dambe ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga Soomaaliya (SIU). Magacaabistaan ayaa soo baxday kaddib markii Madaxweynuhu garowsaday baahida degdega ah ee loo qabo dardargelinta hawlaha hortabinta leh, isla markaana tixgeliyey kartida, aqoonta iyo waayo aragnimada masuulkan u leeyahay arrimaha maamulka & maareynta. The post Qoor Qoor oo Agaasime cusub u mgacaabay madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb first appeared on Caasimada Online.
-
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa Md Cusmaan Macallin Xasan loogu magacaabay Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada Galmudug. Cusmaan Macalin ayaa ah aqoonyahan xirfad dheer u leh arrimaha maamulka & horumarinta Dhaqaalaha. Isagoona kasoo shaqeeyay dalka iyo dibadaba. Wuxuu ka mid ahaa aqoonyahankii Soomaliyeed ee dadaalka mugga leh ku baxshay soo kabashada waxbarashada hoose iyo midda sare ee dalka. Isagoona sanadyadii dambe ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga Soomaaliya (SIU). Magacaabistaan ayaa soo baxday kaddib markii Madaxweynuhu garowsaday baahida degdega ah ee loo qabo dardargelinta hawlaha hortabinta leh, isla markaana tixgeliyey kartida, aqoonta iyo waayo aragnimada masuulkan u leeyahay arrimaha maamulka & maareynta. View the full article
-
Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congress-ka dalka Mareykanka ayaa jawaab kulul ka bixisay eedeyntii uu dambeysay oo uu u jeediyey madaxweyne Donald Trump oo ay isku hayaan arrimaha siyaasadda ee wadankaasi. Qoraal ay Ilhaan soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayey ku sheegtay in weerarada ay kala kulanto iyada & siyaasiyiinta kale ay yihiin kuwa shirqool ah, sida ay hadalka u dhigtay. Ilhaan oo sidoo kale tixraaceysay eedeyntii uy Trumo uga jeediyey ololihii la qabtay Jimcihii la soo dhaafay ayaa sidoo kale sheegtay inuu weerar ku hayo nolosheeda gaarka ah. “Weerarada is-daba jooga ah ee aan kala kulano Trump waa kuwo shirqool ah ee aniga iyo siyaasiyiinta kale ee haweenka ah ee caanka ah maaha kaliya ragga,” ayey tiri. Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in hanjabaadyada uu u dirayo madaxweynaha ay is-daba joog noqdeen muddooyinkii u dambeeyey, taan oo ka dhan ah nolosheeda. “Tan waxay u horseedayaan hanjabaado is-daba joog ah oo ka dhan ah nolosheena,” ayey sii raacisay Ilhaan Cumar. Si kastaba waxaa muddooyinkii la soo dhaafay sii kordhayey eedeymaha kulul ee ay dhanka warbaahinta isku marinayeen madaxweyne Trump iyo Ilhaan Cumar oo dagaalkooda siyaasadeed soo billowday. kadib markii Trump loo doortay madaxweynaha Mareykanka. The post Ilhan Omar oo shaacisay arin uu damacsan yahay Trump oo 'halis ku ah' nolosheeda first appeared on Caasimada Online.
-
Dowlada Turkiga ayaa tababar cusub u furtey boqolaal ka tirsan ciidamada militariga Soomaaliya, tababarkaas oo ka dhacaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Tababarkan, oo ka furmay xerada Turksom ee Muqdisho, ayaa waxaa la siinayaa guutada 6-aad ee ciidamada dhulka Soomaaliya, waxaana uu la xiriiraa ka hor-tagga argagixisada, sida lagu sheegay qoraay ay twitter-ka soo dhigtay safaaradda Turkiga ee Soomaaliya. Waxaa tababarka ka qeyb-galaya 450 askari, waxaana uu soconayaa illaa bisha March ee 2021, ayada oo xafladda dhaarinta askartan ay dhacday 15-kii October. Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsa dowladda federaalka Soomaaliya, safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, iyo saraakiil sare oo ciidan oo ka kala socday labada dal. Xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa guuleystay sanadihii lasoo dhaafay, iskaashigoodana waxaa ka mid ah in Turkigu uu tababaro sedax-meelood-meel ka mid ah ciidanka military-ga Soomaaliya, sida uu sheegay safiirka Turkiga u jooga magaaladda Muqdisho Mehmet Yılmaz. Yilmax ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Anadolu “markii aan eegno wadarta guud, Turkigu waxaa uu tababarayaa sedax-meelood-meel ka mid ah ciidanka Soomaaliya, oo lagu qiyaasay 15,000 ilaa 16,000 oo askeri.” Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo saraakiil uu hoggaaminayey ayaa xalay kormeer shaqo ku tegay qaar ka mid ah bara koontarool ee ku yaalla M/ Muqdisho. General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo uu wehlinayey taliyaha Booliiska gobolka Banaadir, Saadaq Joon ayaa booqday wadooyinka dhowaan dhagxaanta laga qaaday, iyaga oo u guur kalayey xaaladda guud iyo sida u shaqeynayaan ciidamada ammaanka. Degmooyinka ay koormeerka ku tageen waxaa ka mid ah Howlwadaag, Yaaqshiid, Hiliwaa, Warta nabadda, Hodan, Kaaraan & Kaxda oo dhamaan baro kontorool ay ku leeyihiin ciidamada Booliiska Soomaalyeed. Xijaar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedkoodauu ahaa sidii ula socon lahaayeen howl-gallada iyo baaritaanada ay wadaan ciidanka Booliiska Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday saraakiisha iyo ciidamada amniga inay u naxariistaan dadka shacabka ah, islamarkaana aysan dhibin, inta ay wadaan howl-gallada. Muddooyinkii la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay amniga caasimadda, waxaana ka socday howl-gallo ay wadeen ciidamada Booliiska Soomaaliyeed. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa xarunta Madaxtooyada maamulkaas kulan kula qaatay wefdi ka socday dowladda Federaalka oo gaaray magaalada Dhuusamareeb. Wafdigaas ayaa waxaa hoggaaminayay Maareeyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya, waxaana Qoorqoor uu ka dhegaystay Qorshaha safarkooda Dhuusamareeb iyo hawlaha uga degsan soo saarida Batroolka iyo kheyraadka dalka. Guddoomiyaha Mareeyaha hay’adda Batroolka Eng Ibraahim Cali Xuseen, ayaa warbixin ku saabsan safarkooda ka siiyey Madaxweyne Qoorqoor, isagoo sheegay in ay doonayaan in la xoojiyo wada shaqaynta Wasaaradda Batroolka Galmudug iyo Hay’adda si siwadajir ah looga qeyb qaato soo saaridda Batroolka dalka. Madaxweyne Qoorqoor, ayaa uga mahadceliyey mas’uuliyiinta Hay’adda Batroolka ee Socdaalkooda ay ku tageen Magaalada Dhuusamareeb, si ay xog wareysi ula yeeshaan madaxda dowlad goboleedka Galmudug. Kulanka Madaxweyne Qoor Qoor, uu la qaatay Mareeyaha hay’adda ayaa waxaa ku wehlinayay Wasiirka iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Galmudug. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoor Qoor oo kulan gaar ah la qaatay Maareeyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Dalalka Israa’iil iyo Baxrayn, ayaa shalay si rasmiya u soo celiyay xiriirkoodi diblomaasiyeed, kadib Heshiis uu Mareykanku garwadeen ka yahay oo lagu saxiixay caasimadda Baxrayn. Baxrayn ayaa noqotay waddankii afraad oo ka tirsan dalalka Carabta, kaas oo soo celiya xiriirkii diblomaasiyeed ee kala dhexeeyay Israa’iil, waxaana ka horreeyay dalalka Masar, Imaraadka Carabta iyo Urdun. Baxrayn iyo Israa’iil waxay kala saxiixdeen heshiis diblomaasiyeed oo dhammaystiran, kaas oo ay ku jiraan furidda safaaradaha labada dal iyo dib u soo celinta wada-shaqayntii labada dowladood. Balse, waxa tallaabadaas si adag u cambaareeyay dhinacyada Falastiiniyiinta oo sheegay in xiriirkaasi dhabar-jab ku yahay Qaddiyadda dhulka Falastiin ee ay haysato Israa’iil. PUNTLAND POST The post Baxrayn iyo Israa’iil oo si rasmiya u soo celiyay xiriirkoodi diblomaasiyadeed appeared first on Puntland Post.
-
Magaalada Baydhabo waxaa lagu wadaa in uu maanta oo Isniin ah ka furmo kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb-geli doona madax uu kamid yahay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari iyo wufuud kala duwan oo ka kala socda dowlad goboleedyada dalka. Mas’uuliyiinta ka qeyb-galeysa munaasabadda fritaanka kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay halkaasi ka jeedin doonaan khudbado kala duwan. Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa la filayaa in munaasabadda uu khudbad ka jeediyo, taas oo uu uga hadli doono arrimaha Koonfur Galbeed iyo guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee dalka. Ammaanka Magaalada Baydhabo, ayaa maanta aad loo adkeeyay, iyada oo agagaarka Xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed lagu arkayaa Ciidamada dowladda iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed oo Amniga sugaya. PUNTLAND POST The post Kalfadhiga labaad ee Baarlamanka Koonfur Galbeed oo maanta furmaya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Subax-19102020.mp3 View the full article
-
Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, oo uu wehliyo Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Banaadir Gen. Saadaq Cumar Maxamed ayaa xalay Muqdisho ka sameeyay Socdaal u kuurgelid amni ah. Saraakiishaan ayaa kormeer ku sameeyay Degmooyin dhawr ah oo kala ah Howlwadaag, Yaaqshiid, Hiliwaa, Wardhiigleey, Hodan, kaaraan iyo Kaxda oo dhamaan baro kontorool ay ku leeyihiin ciidamada Booliiska Soomaaliya. Gen. Cabdi Xasan Xijaar Taliyaha Ciidamada Booliiska ayaa askarta ku sugan baraha Kontrool ee lagala socda dhaq-dhaqaaqa Caasimadda, waxa uu kula dardaarmay in ay dhowraan anshaxa Ciidanka, oo si wanaagsan ula dhaqmaan dadka ay baarayaan. Saraakiisha Booliiska, ayaa soo indha-indheeyay isgoysyada dhawaan dhagaxaanta laga qaaday waddooyinka Maka Al-Mukarama. PUNTLAND POST The post Taliye Xijaar oo kormeer ku sameeyay Isgoysyada Muqdisho ee dhagxaanta laga qaaday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Soomaaliya ayaa sameeyey horumar weyn oo ay isugu filan yihiin, taasi oo u ogolaaneysa inay amniga dalka kala wareegaan Amisom, sida lagu sheegay qiimeyn ay sameysay Amisom. Xogtan ayaa waxaa shaaca ka qaaday saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga dalka Kenya, oo la hadlay wargeyska The Star. Sida ay sheegeen ilo-wareedyada, waxaa bilihii tegay ciidamada Soomaaliya ay fulinayeen howl-gallo ka madax-banaan Amisom oo ka dhan ah Al-Shabaab, kadib tababaro xooggan oo ay heleen. Amisom ayaa qiimeyn sanadle ah, oo loogu magac daray Qiimeynta Diyaargarowga Hawlgalka ku sameysa ciidamada Soomaaliya. Ujeedka qiimeyntan ayaa ah in lagula socdo awoodda ciidamada Soomaaliya. “Warbixinada qiimeynta ayaa sheegaya inay caddahay in ciidamada Soomaaliya ay heleen heer awood oo macquul ah oo ay iskood isugu filan yihiin, inkasta oo weli taageero kooban oo dheeri ah ay u baahan yihiin,” ayuu yiri il-wareedka la hadlay wargeyska The Star. Il-wareedyada ayaa sheegay in lagu guuleystay waxyaabo badan oo qeyb ka ah Qorshaha Kala Guurka Soomaaliya ama Somali Transition Plan (STP), kaasi oo ah midka ciidamada Amisom looga saarayo Soomaaliya. Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira, iyo taliyaha Amisom Diomede Ndegeya, ayaa dhowaan kulan la qaatay Golaha Amniga iyo Nabad-galyada Midowga Afrika ayaga oo ka warbixiyey diyaar-garowga ay ciidamada Amisom uga baxayaan Soomaaliya, wax wanaagsanna ka sheegay ciidamada Soomaaliya. Ndegeya ayaa sheegay inuu taliyayaasha qeybaha kala duwan ee Amisom uu amray inay si tartiib ah mas’uuliyadda ugu wareejiyaan ciidama amniga Soomaaliya. Kadib sanado badan oo lagu sheegay “kuwa taga darran,” waxaa ugu dambeyn muuqata in ciidamada Soomaaliya ay awooddooda dib usoo laabatay. The post Qiimeyn lagu sammeeyey ciidamada Somalia oo ay ka soo baxday natiijo cajiib ah first appeared on Caasimada Online.
