Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen daacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Habeen-19102020-okk.mp3 View the full article
  2. Madaxweynaha dowlad goboledka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen ayaa maanta furay Kal-Fadhiga labaad ee golaha wakiillada Koonfur Galbeed isagoo khudbadiisa furitaanka kaga hadlay dhinacyo kala duwan iyo waxyaabaha uqabsoomay mudada Sanadka iyo Bilooyinka ah uu xilka haayey. Ugu horayn Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada uga warbixiyay Xaalada Koonfur Galbeed iyo Dadaalada lagu bixinayo sidii looga miradhali lahaa fulinta himilooyinka shacabka waxaana uu xusay madaxweynaha guulaha Laga gaaray amniga,xureynta degmooyinka,Tayeynta iyo tawabarida ciidanka,fulinta howlgalada socda. Laftagareen ayaa sidoo kale Xildhibaanada Warbixin ka siiyey Dib-udhiska Magaalooyinka hirgelinta Mashariic kala duwan sida Biyooley,Bahnaano,GPLG iyo kuwo kale kuwaasi oo Laga fulinayo guud ahaan Gobolada Baay,Bakool iyo Shabeelaha Hoose. Sidoo kale Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa sheegay in Safaradii uu ku tagay Degmooyinka Koonfur Galbeed ay ahaayeen kuwo uu ugu kuuragalayey Xaaladaha Degmooyinka Waxaana uu xusay in lagu guulaystay in Degmooyinka laga fuliyo Mashariic kala Duwan oo Bulshada Muhiim uah Sida Waxbarashada,Cafimaadka,Dib udhiska Xarumaha Dowlada IWM sidoo kale Madaxweynaha ayaa Xusay in lagu guulaystay in la hormariyo Dhaqaalaha Koonfur Galbeed lagana Dareemayo Isbedel Hormarineed Dhanka kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Arimaha Doorashooyinka heer Federaal laga gaaray heshiis dhab ah kaas oo dhabaha u xaaraya sidii dalka uu ugu jihaysan lahaa Doorashooyinka 2020/2021 taas oo ah wado aan la dhaafi karin oo sal iyo tariikh lagu yaqaano ah dowladnimadeena in afartii sanaba hal mar ay dhacdo Doorasho dalka. “Arrimaha doorashooyinka heer federaal waxaa laga gaaray heshiis dhab ah, kaas oo dhabaha u xaaraya sidii dalka uu ugu jihaysan lahaa doorashooyinka 2020/2021-ka taas oo ah wado aan la dhaafi karin oo sal iyo tariikh lagu yaqaano ah dowladnimadeena in afartii sanaba hal mar ay dhacdo doorasho dalka u jihaysa wadada hormarka” ayuu yiri madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen. Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed shaqooyinka waxtarka leh ee ay hayaan isagoo si rasmi ah u furay Kal-fadhiga Labaad ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Jimcihii soo saaray warqad ku socoto afar Madaxweyne Maamul Gobaleed, kuwaas oo kala ah Galmudug, HirShabeelle, Jubbaland iyo Puntland, waxa uuna xasuusinayay in la dhaafay waqtigii laga sugayay in ay soo magacaawdaan min labada xubnood ee ku matali doono guddiga doorashooyinka ee Heer Federaal iyo Heer Qaran. Warqada ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa muddo cayiman loogu qabtay madaxweynayaasha in ay ku soo gudbiyaan xubnaha matali doono waxaana mudadaas ka dhiman maanta kaliya, waana 20-ka bishaan. Prof. Cali Saciid Maxamuud Kulane, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uusan fahamsaneen halka ay ka jirto dhibaatada siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan dhibaatada hortaagan fulinta heshiiskii doorashadii Soomaaliya. “Warqada soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uma qorna si cilmiyeeysan, waxaa ka muuqato in deg deg lagu qoray mana ahan warqad u qalanto in ay ka soo baxdo xafiis Ra’iisul Wasaare,” ayuu yiri Prof. Cali Saciid Maxamuud Kulane. “Dhibaatada fulinta heshiiska waxay ka jirtaa dhinaca Madaxtooyada maamul gobaleedyadu waxay qabaan cabasho, waxaana haboon in marka hore Ra’iisul Wasaaraha fahmo halka ay wax a jiraan waxaase dhici karto in loo soo dhiibay qoraalkaan oo WhatsApp loogu soo diray,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Prof. Cali Saciid Maxamuud Kulane. Maamul Gobaleedyada Puntland, Jubbaland, iyo kuwa kale ayaa la sheegay in ay qabaan tabashooyin ku saabsan sida ay Villa Somalia ku wado fulinta heshiiskii doorashada Soomaaliya. Sidoo kale Jubbaland ayaa qabta dood ku saabsan arrimaha gobalka Gedo, oo ay dooneyso in laga saaro ciidamada dowladda, waxaana laga cabsi qabaa in heshiiska doorashooyinka dhaqan geli waayo. The post Maxaa lagu macneeyey warqaddii uu Rooble u diray maamul goboleedyada? first appeared on Caasimada Online.
  4. A Muslim doctor has been denied German citizenship after refusing to shake a woman's hand when she gave him his certificate. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Duhur-19102020-Sax.mp3 View the full article
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho lagu diyaariyay xildhibaanada Baarlamanka HirShabeelle ee ka soo gali doono Beesha Xawaadle kadib markii ay beeshaasi diiday soo xulista xubnaha dhankooda ka iman doona. Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo Cabdifitaax Xasan Afrax, oo labadooda ka soo jeeda beeshaas, sidoo kalane soo noqday guddoomiyaasha gobalka Hiiraan ay qaateen doorka ugu weyn ee soo xulista Xildhibaanada beesha Xawaadle ee HirShabeelle. “Waa diyaarsan yihiin xubnaha ka soo geli doono Xawaadle oo diidan dhismaha HirShabeelle, waxaa soo diyaariyay Dabageed iyo Cabdifitaax Xasan Afrax, odayaal kale ayaa qeyb ka ah soo xulista waxaana loo qaaday Jowhar qaarkoodna halkaas ayey joogaan halka kuwa kalane ay Beladweyne joogaan,” ayuu yiri mid kamid ah Xildhibaanada waqtigooda dhamaaday ee ka soo jeeda Hiiraan. Yuusuf Dabageed iyo Cabdifitaax Xasan Afrax, ayaa la sheegay in midkood qaban doono xilka Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle, waxayna kaalin weyn oo muuqata hadda ku leeyihiin abaabulka loogu jiro soo xulista baarlamaanka labaad ee HirShabeelle. Madaxweynaha HirShabaeelle ayaa loo wadaa Cali Guudlaawe oo kasoo jeeda beesha Abgaal, taasi oo beesha Xawaadle ay aad uga soo horjeedo ayaga oo ku doodaya in kursigaas ay tahay in loo daayo ayaga kaliya. Siyaasiin badan, odayaal dhaqameed reer Hiiraan iyo qaar kale oo bulshada kamid ah islamarkaana dhamaantood ka soo jeedo Beesha Xawaadle ayaa diidan qaabka loo marayo dhismaha maamulkaas oo waqtigiisa dhamaaday, ayaga oo ku gacan seeray inay ka qeyb qaataan. The post Xog: Muqdisho iyo Jowhar oo lagu diyaariyey xubnaha Xawaadle ee baarlamanka HirShabelle - Yaa sameeyey? first appeared on Caasimada Online.
  7. Allah u naxariistee waxaa goor dhow magaalada Muqdisho ku geeritootay Seynab Xaaji Cali Baxsan oo kamid aheyn fanaaniintii hore ee Soomaaliyeed. Sanab ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay ku xanuunsaneyd gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo ugu dambeybn maanta u geeriyootay xanuunka ay la dhul jiif dhowaanahaan. Allah u naxariistee fanaanadda ayaa waxaa ay kamid aheyd kuwii aan ka bixin dalka tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaana ay ka tirsaneyd hoboladii qaranka Waabari. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Gabagabadii caanka ahayd Baxsan ayaa maanta Muqdisho ku geeriyootay. Saynab Cali Baxsan Waxay kamid ahayd Hobolada Waanari ee Qaranka waxayna caan ka ahayd gayiga afsoomaaliga [...] The post Geeri Qaran, Saynab Cali Baxsan oo Geeriyootay appeared first on . Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Seynab Xaaji Cali Siigaale Baxsan oo kamid aheyd fanaaniinta hobollada qaranka ee Waaberi ayaa goordhoweyd ku geeriyootay magaalada Muqdisho, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Afhayeenka wasaaradda warfaafinta, Ismaaciil Mukhtaar ayaa geerida Seynab Baxsan, oo aad da’ u aheyd, ku xaqiijiyey qoraal uu soo dhigay bartiisa uu ku leeyahay twitter-ka. Seynab ayaa u geeriyootay xanuun ay la dhul dhacday, sida uu sheegay Afhayeenku, inkasta oo ilaa hadda aan faah-faahin rasmiya laga haynin. “Waxaa hadda isoo gaartay in ay geeriyootay Allaha u naxariisto Seynab Cali Baxsan oo kamid aheyd fanaaniinta hoballada Qaranka ee Waaberi,” ayuu ku yiri qoraalka. Baxsan ayaa waxa si weyn loogu xasuustaa heeso kala duwan oo ay qaaday, kuwaasi oo isugu jira Wadani iyo Jaceyl. Allaha u naxariiste Seynab ayaa kamid aheyd hobolada qiimaha badan ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed, iyada oo muddo badana kamid aheyd fanaaniinta hoballada qaranka. The post Seynab Xaaji Cali Siigaale (BAXSAN) oo geeriyootay first appeared on Caasimada Online.
  10. Erdogan iyo xilli hore Waxaa tobankii sano ee la soo dhaafay aad loo dareemay saameynta sii kordheysa ee dalka Turkiga uu ku yeelanayo caalamka. Dalkan oo ku yaalla galbeedka qaaradaha Aasiya iyo qeyb ahaaan Yurub ayaa saameyntiisa milateri, midda dhaqaale iyo tan siyaasadeed aad loo dareemay sanadihii dambe. Waxaa sidoo kale kobcay dhaqaalaha dalka Turkiga tobankii sano ee lasoo dhaafay sida ay sheegtay hey’adda lacagta adduunka ee IMF. Dhanka saameynta milateri, Turkiga waxaa uu noqday dalka ugu awoodda badan dhanka milateriga ee dalalka bariga dhexe, waxaana muddooyinkii dambe uu hawlgallo milateri ka sameeyay dalalka Suuriya, Libya, dagaalka u dhaxeya Armenia iyo Azerbaijan, Qatar oo uu ka sameystay saldhig milateri iyo Soomaaliya oo uu ku leeyahay saldhigga milateri ee ugu weyn qaaradda Afrika. Haddaba waa kuma ninka hogaaminaya awoodda sii fideysa ee Turkiga? Madaxweyne Rajab Teyib Erdogan oo asal ahaan kasoo jeeda Magaalada Rize, waxaa uu ku dhashay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, 26-kii bishii Febraayo sanadkii 1954, walow dadka qaar ee wax ka qora taariikhdiisa ay ku andacoonayaan in isagoo yar ay qoyskiisa usoo guureen Istanbul. Waxaa uu wax ku bartay iskoolka hoose dhexe ee Kasimpasa sanadki, halka dugsiga sarena uu kaga baxay iskoolla sare Imam Hatib, halkaas oo uu ku bartay barashada diinta Islaamka. Markii uu dhameeyay waxbarashada hoose, waxaa uu ku biiray mac-hadka Eyub, wuxuuna sidoo kale shahaadada koowaad ee jaamcadda ka qaatay jaamacadda Marmara, halkaas oo uu ka bartay maamulka iyo dhaqaalaha sanadkii 1981. Aabihii waxaa uu ahaa dadka kaxeeya doomaha, waxaana wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeysa dad wax ka qoray madaxweyne Erdogan taariikhdiisa ay sheegeen in yaraantiisa uu rooti iyo liin uu ku iibin jiray waddooyinka xaafadda Kasimpasa ee magaalada Istanbul, lacagta uu ka helana uu isaga bixin jiray waxbarashada. Dadka wali ku ganacsada wadadad Kasimpasa, madaxweyne Erdogan waxay u arkaan in uu yahay mid kamid ah iyaga. Dhammaan biibitooyinka ku yaalaa xaafadaas waxaa ku dhegan sawiradi hore ee Erdogan oo xiran dharka kubadda cagta lagu ciyaaro. “Aad ayaan ugu faanaa,” ayay tiri Adnan Savas oo 45 sano jir, lana hadleysay wakaaladda wararka ee Reuters. “Waxaad kasoo jeedi kartaa Kasimpasa, walina waxaad noqon kartaa ra’iisul wasaare ama madaxweyne, marka horumarka uu nolasha ka gaaray waxay dhiiragellin u tahay caruurta iyo in ay dedaali karaan”. Erdogan oo mashruuc xarigga ka jaraya Dadka ku nool xaafadda Kasimpasa ee degmada Kulaksiz waxay sheegaan in Erdogan ay u arkaan nin kamid ah dadka xaafadda oo waddooyinka rooti ku iibin jiray, kubadana ku ciyaari jiray xaafadda. Madaxweyne Erdogan ayaa yaraantiisa la sheegaa in uu aad u ciyaari jiray kubada cagta, waxaana hadda lagu tilmaama in uu yahay hogaamiyaha dalalka fara ku tiriska ee Islaamka, dimuqraadiyadana ay ka jirto. Timothy Ash, oo ah khabiir arrimaha dhaqalaaha ayaa shegay in Turkiga uu yahay dal dhaqaale ahaan isku kalsoon. “Turkiga dhaqaale ahaan waa uu isku kalsoon yahay oo kobac dhaqaale ayuu sameynayaa, gaar ahaan wax soo saraka gudaha oo aad u xoogan balse waxaa uu walaac ka taagan yahay dhanka awoodda iyo isku adkeynta,” ayuu yiri Timothy Ash. Yasar Ayhan, oo madaxweyne Erdogan timaha u jari jiray, aabahiisna ay saaxiibo ahaayeen Erdogan ayaa sheegay in 16 sano uu yaqiinay Rajab Erdogan, waxbadanna uu ka badelay dhaqaalaha Turkiga. “Markii aan dalka Sacuudiga u aaday Xaj, sanadkii 1998, ma jirin cid qaadaneysay lacagta halka milyan ee Lira ee Turkiga oo waxaan isku dayay in aan sarifto oo aan ku badesho lacagta Sacuudiga balse markii aan dalka sacuudiga dib ugu laabtay 2010-kii, boqolkii Lira waxaan ku badeshay 250 lacagta Sacuudiga, markaa ayaan ogaaday in hadda ay nolal ka jirto dalka Turkiga,” ayuu yiri Ayhan. Erdogan oo da’ yar Inkastoo dadka dhaliila ay ku tilmaamaan “kelligii taliyaha dunida dimuqraadiga ah”, haddana waxaa Erdogan lagu tilmaamaa in uu waxbadan ka badelay muuqaalka dunida ka heysatay dalkiisa. Horraantii sanadkii 2001, muddo dhan afar bilood ayuu madaxweyne Erdogan xabsiga ku jiray, markii lasii daayayna waxaa uu bilaabay hirgelinta mabaad’ida xisbiga uu hogaamiyo ee AK party, maadama xillgaas dalka Turkiga ay ka jirtay guux dadweyne oo ah in uu dalka isbadel ka dhaco. Waxaa uu marar badan soo noqday ra’iisul wasaare, haddana waxaa uu markii labaad yahay madaxweynaha Turkiga, isagoona baddelay dastuurka dalkaas. Sidoo kale Erdogan waxaa uu horay usoo noqday duqa magaalada Istanbul. Ka siyaasi ahan, waxaa lagu tilmamaa in uu yahay ra’iisul wasaarihii ugu guusha badnaa iyo shakhsi markii uu xabsiga kasoo baxay ku guuleystay doorasho, sarena u qaada halka dalka Turkiga uu ka taagnaa dunida. Qaran News
  11. Madaxweynihii hore ee Hirshabeele Cali Cosoble oo u khudbaynayay Xaflad ay qabsadeen Beesha Xawaadle ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey inuu faraha kula jiro kala heynta [...] The post Cosoble oo Digniin u diray Madaxweyne Farmaajo appeared first on . Source
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Askari ka tirsan ilaalada taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa askari kale ku dilay magaalada Muqdisho. Askariga dilka geystay waxaa magaciisa lagu sheegay Aadan Ibraahim Shamiindo, wuxuuna dilka ka dhacay sida la sheegay guriga taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ku yaalla degmada Cabdi Casiis ee gobalka Banaadir. Wararka la helayo waxey sheegayaan inuu goobta ka baxsaday askariga dilka geystay, walina kama aysan hadlin maamulka dagmada Cabdicasiis iyo taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Askariga wax dilay iyo kan la dilayba waxey ka wada tirsanaayeen ilaalada taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, mana cadda waxa ka dhaxeeyey ee horseeday in mid ka mid ah la dilo. The post Dil maanta ka dhacay guriga taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya ee Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
  13. Garoowe (Wararka PP) — Dowladda Puntland waxay la kufaakacaysaa sicir-barar aafeeyay dhaqaalaha Puntland. Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire wuxuu dhowaan sheegay in dowladda Puntland saari doonto guddi ogaada kana talobixiya isha sicir-bararka. Su’aasha madaxa dad badan ku wareegaysa ayaa ah: Muxuu shilinka Soomaaliga koonfurta Soomaaliya uga qiime-badan yahay kan Puntland? Sida wasiirku sheegay 100 doollar koonfurta Soomaaliya waxay ku sarrifantaa 2,500, 000 oo shilin halka Puntland kaga sarrifanto 4,000 000 shilin. Waa markii labaad oo uu shilinka Soomaaligu keenay kala duwaanaan heer sarrif aad u sameeyay dhaqaalaha qeyb ka mid ah Soomaaliya. Siyaasaddii lacageed ee maamulkii Cabdiweli Gaas ayaa curyaamisay dhaqaalaha Puntland. Tijaabadii lacag daabicista ee maamulkii madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf (1998kii) may horseedin sicir barar. Shilin Soomaali aad loogu baahnaa ayuu maamulkaasi suuqa ku sii daayay. Maamulkii Cadde Muuse lacagtii u soo daabacay waxay keentay sicir-barar bannaanbaxyo dhaliyay 2007dii. Lacagta maamulkii Gaas soo daabacay may ka shaqayso koonfurta Soomaaliya. Waxay u dhiganta lacagtii N loo yiqiin oo uu Cali Mahdi u daabacday Waqooyiga Muqdisho. Lacagtaas waxay ahayd mid aan ka shaqaynin koonfurta Muqdisho gaar ahaan qeybaha Jeneraal Ceydiid ka talinayay. Dowladda Federaalku way ka cagajiidaysaa soo daabicista shilin Soomaali waayo taageero kama haysato maamullada kale, mana hubto saameynta lacag la soo daabaco ku yeelan karto dhaqaalaha dal doollarka aad lagaga isticmaalo. Shilinka koonfurta Soomaaliya (bidix) wuu ka qiime-badan yahay shilinka Puntland. Sicir-bararka Puntland wuxuu ka yimid, qeyb ahaan ganacsatada Puntland oo aan kalsooni ku qabin shilinka Puntland dabaacday. Marka ganacsatadu ka warhesho in dad dowladda ku dhowdhow ay doollar badan iibsanayaan, sicirka doollarku kor ayuu kacaa suuqana wuu ku yaraadaa. Taasi waxay keentaa in ganacsatadu kordhiyaan sicirrada badeecooyinka iyagoo ku doodaya in shilin Soomaaligooda aysan siisan karin doollar ku sargo’an si ay badeecooyin u soo dejiyaan ama ugala wareegaan soo dejiyayaasha. Qalalaasaha lacageed wuxuu saameeyaa danyarta iyo reer miyiga, oo shilinkoodu uusan u goyn karin wuxuu u goyn jiray sicir-bararka ka hor. Dowlad xilkas ahi may daabacdo lacag iyadoo aan diyaarin habab dadkeedu kaga gaashaaman karaan saameyn dhaqaale oo ba’an oo ka dhalan karta lacagta ay daabacdo. Inkastoo maamulka hadda ka jira Puntland uusan lacag daabicin, wuxuu dhibbane u noqday go’aammadii lacageed oo uu maamulkii ka horreeyay qaatay waayo Puntland waa maamul madax-ka-nool ah oo uu madaxweynuhu maamusho. Xeerdejinta Puntland may dheellitirto fulinta. Waa sababta loo la’ yahay madax Puntland ah oo lagala xisaabtamo sicir-bararka xargo-goyska noqday. © Puntland Post, 2020 The post Lacagtii maamulkii Gaas daabacay oo naafeysay dhaqaalaha Puntland appeared first on Puntland Post.
  14. The first ever passenger flight from the United Arab Emirates to Israel landed near Tel Aviv on Monday, a month after the countries signed an agreement normalising ties. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imanaaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi lagu qabtay gabar maalintii shalay laga soo afduubtay magaalada Muqdisho. Gabadhaasi oo lagu magacaabo Hibo Maxamed Xasan ayaa shalay subaxdii laga soo afduubtay xaafadda Shanta Geed oo ka tirsan degmada Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho, taasi oo si qasab ah uga wateen rag hubeysan oo watay gaari. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Hibo ayaa waxa qoyskeeda ugu maqal dambeysay waxyar un kadib markii ay shalay raggaasi wateen, iyada oo wicitaan ugu sheegtay hooyadeed inay wateen dad aysan aqoonsaneen, wixii intaasi kadambeeyayna la waayey. Hibo ayaa maanta lagu qabtay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, xili ay iska dajiyeen raggii hore u afduubtay oo lagu soo waramayo inay ka cabsadeen dhaafinta kantorool ciidan oo ku yaala afaafka hore ee Guriceel. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in gabadha ay gacanta ku dhigeen ciidamadaasi, kuwaasi oo ku wareejiyay maamulka Guriceel oo goordhoweyd lasoo xiriiray qoyskeeda. Hibo oo muddo ku dhow 30-saac ka maqneyd qoyskeeda, isla markaana la weysanaa maqalkeeda ayaa maamulka Guriceel uu qoyskeeda dib ula hadashiiyey. Falalka afduubka ayaa maalmihii u dambeeyay kusoo badanayey magaalada Muqdisho, iyada oo marar kala gedisan loo soo qabtay shaqsiyaad lagu tuhusan yahay inay xiriir la leeyihiin, wallow aysan wax badan ka badelin. The post Xog: Gabadhii shalay laga afduubtay Muqdisho oo maanta lagu qabtay Guriceel iyo sida ay ku bad-baaday first appeared on Caasimada Online.
  16. Genaral Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) taliyaha ciidamada Booliiska ee dowladda federaalka, ayaa soo saaray wareegto uu xilka uga qaaday taliyeyaal, sidoo kalena ku magacaabay kuwa cusub oo bedalaya. Warqadda ka soo baxday xafiiska taliye Xijaar ayaa waxaa xilkii looga qaaday taliyaha saldhigga Booliiska degmada Shibis, waxaana xilkaas loo magacaabay, Cabdicasiis Axmed Baashane oo horey u soo noqday taliyaha saldhigga Booliiska ee degmada Cabdicasiis. Sidoo kale waxaa wareegtadan xilkii looga qaaday taliyaha ciidamada Booliiska ee qeybta Bari, waxaana loo magacaabay Gaashaanle Mahad Korow. Taliyeyaasha la magacaabay ayaa waxaa sidoo kale la faray inay gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, islamarkaana ay si deg-deg ah ula wareegaan xilalka. Dowladda Soomaaliya oo isku diyaarineyso doorashooyin ayaa maalmihii u dambeeyey qaaday tallaabooyin lagu sugayo ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. View the full article
  17. Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howl-gallo ka dhan Al-Shabaab ka bilaabay waddada u dhaxeysa degmooyinka Buulabarde iyo Jalalaqsi oo ka tirsan gobolka Hiiraan, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen dagaalyano ka tirsan Al-Shabaab. Taliyaha qeybta 27-aad CXDS Jeneraal Axmed Maxamed Tareedishe iyo saraakil kale oo ka tirsan qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay Khasaare xooggan gaarsiiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab. G/le Sare Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay inay howl-galkaasi illaa 11 ka tirsanaa Al-Shabaab. Degeaanka uu howlgalka laga fuliyey ayaa waxaa sidoo kale lagu magacaabaa bBurweyn oo udhexeeya degmooyinka Buul-burde iyo Jalalaqsi. Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii la soo dhaafay sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  18. A man draws water from a borehole ( Photo: Crisis Aid). Every five or so years, it rips me apart to watch the same tragedy: a La Niña weather cycle brings devastating drought and hunger to East Africa, threatening the lives and livelihoods of millions of people in Ethiopia, Somalia and Kenya. Using climate models and Earth observations, we can now predict these droughts. And once again, dry conditions are predicted from this month until December, with a very good chance of another poor rainy season in March to May 2021. Advances in predictive science allow us to anticipate these potential crises. Scientists issued alerts in August. East African climate experts used a new modelling system for their pessimistic forecast. In the United States, I was part of a group of climate scientists and humanitarian agencies that raised the alarm, through the Famine Early Warning Systems Network. But past experience makes us worry that some governments might not react quickly enough to prevent impacts such as food shortages and even famine. The timing could not be worse. The region is more precarious than ever — destabilized by COVID-19 and the worst devastation from locusts in half a century. This year’s response must be different. Governments and agencies have weeks to plan how to alleviate the worst consequences of the drought, and months to prepare for 2021. How firm is the drought prediction? Very. Almost all forecast models and climate agencies anticipate lower-than-normal rainfall between October and December. My group puts the chance at about 80%. Poor rains in March to May 2021 also seem likely. Of course, there’s uncertainty. But that shouldn’t prevent action. Forewarned is forearmed. Responders can be proactive in setting aside resources, developing contingency plans and pre-positioning assistance where weather models and satellite observations suggest it will be needed most. Recent harvests have been good, so it might be possible to lay up stores of grain that will be crucial to avoiding food-price spikes of the kind seen in 2010–11, which led to famine in Somalia and social unrest that triggered the Arab Spring. Combating poverty is going to be especially important this year, given that COVID-19 has slashed people’s incomes. According to the World Development Indicators, the poorest 20% of Ethiopians subsist on around US$250 a year, which is less than one-hundredth of the median income per person in the United States. Many are itinerant pastoralists who roam as they raise herds in dry eastern portions of Ethiopia, Kenya and Somalia. In good years, these animals eat sparse vegetation in dry areas. These herds represent a way out of poverty. But they can be wiped out by a series of droughts. Cattle die and life-sustaining milk supplies dry up just as food prices spike. I’ve seen this unfold twice in the past ten years, despite early warning and drought forecasts (see C. Funk Nature 476, 7; 2011). In 2010–11, around 260,000 Somalians were killed through starvation when two consecutive rainy seasons failed. One in ten children under five died in the south of the country. In 2016–17, back-to-back droughts, predicted by climatologists, struck again. Poor harvests led to lost revenues and a sixfold spike in the number of food-insecure people. Across Somalia, Ethiopia and Kenya, more than 12 million people were in desperate need of humanitarian assistance. Concern led me to start blogging forecasts to get the word out. I still recall one report shared by sustainability consultant James Firebrace about livestock deaths in Somalia on 3 December 2016. He e-mailed from the field: “I’d estimate a rough average of 70% losses across all the interviews I’ve made, while many have already lost everything. Surviving animals now too weak to move long distances without water, and few now have the funds to pay for them to be trucked (and for the moment nowhere to go anyway).” Conditions on the ground can deteriorate quickly. Today’s climate-model forecasts look a lot like they did in mid-2016 — La Niña conditions are associated with cool sea surface temperatures in the eastern Pacific. But around Indonesia, the seas are very warm. That combination is drying East Africa. If governments don’t take note, however, all the data collection and modelling is for nothing. Few nations in eastern and southern Africa use drought predictions adequately. For example, when El Niño-related drought was forecast in September 2015, it was ten months before an emergency was declared. In my career, I’ve learnt three things. First, monitoring and announcing the arrival of dry spells is not enough, and hindsight allows us to respond, but not prepare. Observations and forecasts need to go hand in hand. Second, how researchers communicate is incredibly important. Earth scientists have to repeat, escalate and refine messages from, for example, ‘we think it might be bad’ to ‘it’s really bad at this location’. Third, droughts are complex, so providing effective early warning involves expertise across many disciplines: climate modelling, forecasting, remote sensing and crop modelling. But tremendous progress is being made, for instance, by East African groups such as ICPAC (a climate centre accredited by the World Meteorological Organization), the Regional Centre for Mapping of Resources for Development, and the Kenyan and Ethiopian meteorological agencies. In a region pummelled by extreme weather, they and others are providing actionable information that can save lives and livelihoods. But only if people pay attention. Source: Nature The post Ethiopia, Somalia and Kenya face devastating drought appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Habeen hore xili dambe ayey ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ay gurigiisa kasoo xireen wariye Cabdullaahi Kulmiye Caddow oo dhawaan wareysi xasaasiya la yeeshay Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo hadda ku jira xabsi guri. Cabdullaahi Kulmiye Caddow, oo ka tirsan idaacadda Kulmiye, ayaa qaaday wareysigii lala yeeshay Abuukar Cumar Cadaan ee uu ku teegeeray Al-Shabaab, waxaana loo haystaa inuu faafiyey wareysi khatar gelin kara amniga ciidamada Amisom ee jooga Soomaaliya, iyo inuu faafiyey hadallada qof taageersan Al-Shabaab. Fartuun Kulmiye Caddow oo ah gabadh la dhalatay wariyaha ayaa qaabka ay ciidamadu uga soo xireen gurigiisa ku tilmaamtay mid argagax leh, maadama ay ciidamadu ay albaabka kusoo jebiyeen, isla markaana ay cabsi xoogan ku abuureen hooyadii iyo caruurtii yar-yareyd ee kula sugneyd guriga. Waxay sheegtay in ciidamada la baxay wariyaha ay xiligaasi ku dhawaaqayeen ereyo cabsi galin ah, iyadoona xustay in dhowr jeer ay ku cel-celiyeen inay dilayaan, midaasi oo argagax kale ku noqotay qoyskiisa. Xariga wariyaha ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay, iyada oo maamulka idaacada uu ka tirsanaa ay ku tilmaamtay mid sharci darro ah oo ka hor-imaanaya sharciga saxaafada. Abwaan Cismaan Guure oo kamid ah madaxda sarre ee idaacada Kulmiye ayaa isaguna markii u horeysay sheegay in wariye Kulmiye uu ku xiran yahay godka jilacow ee ku yaala xabsiga nabad-sugidda. Xariga wariyaha ayaa yimid habeen ka hor un markii gurigiisa laga kaxeystay Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddan oo wareysi uu ka qaaday wariyuhu ku sheegay inuu taageersan yahay fikirka ay Al-Shabaab dagaalka kula jirto dowladda. The post Fartuun Kulmiye Caddow oo ka sheekeysay qaabkiii ay ciidamada NISA u wateen walaalkeed first appeared on Caasimada Online.
  20. (SLT-Burco)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo hawlo shaqo ku joogay qaar kamid ah gobollada dalka, ayaa maanta gaadhay xarunta gobolka Togdheer ee Burco, waxana halkaas si aan kala hadh lahayn oo waddaniyad iyo jacayl ka muuqdo ugu soo dhaweeyey guud ahaanba qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Burco oo isku duuban. Shacabka ku dhaqan magaalada Burco oo ay hormuud u yihiin, maamulka gobolka iyo degmada Burco, madax-dhaqameedka, haweenka, dhallinyarada, aqoonyahanka, xildhibaannada iyo siyaasiyiinta oo ay weheliyaan wegen fardo ahi, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay deegaannada Karasharka iyo Qoyta oo dhinaca waqooyi galbeed ka xigta magaalada burco, waxana ay dhinaca magaalada ugu soo galbiyeen gammaan fardo ah oo si weyn u carbisan, kuwaas oo hareeraha ka socday gaadiidka madaxweynaha. Soo dhaweynta ay shacabka ku dhaqan magaalada Burco ku qaabileen madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa taxnayd ilaa shaaricyada waaweyn ee magaalada Burco, waxana uu madaxweynuhu mid mid u gacan qaaday madax-dhaqameed iyo waxgarad kala duwan oo waddooyinka u taagnaa soo dhaweyntiisa. Bulshada ku dhaqan Burco oo aan u kala hadhin soo dhaweynta madaxweynaha, ayaa lulayey caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland, waxana wejiyadooda ka muuqday farxad iyo rayn-rayn ay ku qabaan aragtida weftiga madaxweynaha ee soo booqday gobolka Togdheer. Wa-bilaahi Tawfiiq Source